26 C
Mogadishu
Wednesday, June 24, 2026

Mas’uul xil sare kasoo qabtay Gobolka Banaadir oo loo soo xiray Al-Shabaabnimo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa maanta soo xiray guddoomiyihii hore ee degmada Dharkenley Abuukar Axmed Caddow Tifoow oo loo haysto Al-Shabaabnimo, kaas oo ay in muddo ah ay ku raadjoogeen ciidamada ammaanka.

NISA oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in ninkan oo xilal kala duwan kasoo qabtay gobolka Banaadir uu ka tirsanaa Al-Shabaab, muddana uu ku dhex dhuumanayay dowladda.

“Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa gacanta ku dhigtay Guddoomiyihii hore ee degmada Dharkenlay Abuukar Axmed Caddow Tifoow oo ka tirsanaa Khawaarijta kaas oo in muddo ah ku dhex dhuumanayay Hay’addaha Dowladda” ayaa lagu yiri qoraalka.

NISA ayaa sheegtay in Abuukar uu Al-Shabaab ku biiray intii u dhaxeysay 2013 ilaa 2014, isla markaana uu tababar Sirdoon kusoo qaatay magaalada Baraawe.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay inuu kooxda u gudbin jiray xogta saraakiisha iyo wax ka socda xafiisyada hay’adaha dowladda Soomaaluya.

“Xogta Hay’adda NISA ay heshay waxa ay caddayneysaa in Abuukar Axmed Caddow uu Khawaarijta ku biiray intii u dhaxeysay 2013 ilaa 2014, waxa ay tababar Sirdoon ku siiyeen magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose isaga oo Khawaarijta ka caawin jiray gudbinta xogta Saraakiisha iyo Xafiisyada dowladda iyo fududaynta dhagaraha Kooxda” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Xilliga la qabanayay mas’uulkan hore ayaa kasoo dagay garoonka Aadan Cadde, isaga oo ka yimid magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, sida lagu sheegay qoraalka.

“NISA oo heshay xogta dhagar qabahan ayaa dabagal ku haysay mudddooyinkii u dambeeyay waxaana ugu dambeyn lagu guuleystay in 04-tii March 2024, laga qabto garoonka diyaaradaha Aadan Cadde isaga oo ka yimid dalka Kenya” ayaa lasii raaciyay.

Waxa kale oo lagu yiri qoraalka kasoo baxay hay’adda NISA “Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka waxa ay u digeysaa cidkasta oo la shaqeysa Khawaarijta waxaana ka go’an adkaynta nabadgalyada muwaadinka Soomaaliyeed”.

Abuukar Axmed Caddow Tifoow wuxuu 2019-kii ilaa 2020 uu Guddoomiye kasoo noqday degmada Dharkeynley, sidoo kale intii u dhaxeysay 2015 ilaa 2019 wuxuu soo noqday Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka degmada Wadajir

Itoobiya oo ka laabaneysa qorshihii aqoonsiga Somaliland – Maxaa isbeddelay?

Addis Ababa (Caasimada Online) – Itoobiya ayaa ka fakareysa inay ka laabato qorshaha ay ku aqoonsan laheyd Somaliland kadib markii ay la kulantay cadaadis caalami ah oo lagu saarayo inay qaboojiso xiisadda ka dhalatay hindisahan, ilo-wareedyo ayaa sidaas u sheegay warbaahinta Bloomberg ee Mareykanka. 

Bishii Janaayo, Itoobiya ayaa heshiis is-afgarad la saxiixatay Somaliland, si ay u noqoto dalkii ugu horreeyey ee aqoonsada gobolka ku yaalla waqooyiga Soomaaliya, ayada oo ku beddelaneysa in la siiyo bad ay ka sameysato dekad iyo saldhig ciidan badeed.

Heshiiska is-afgarad ayaa caro xooggan ka dhaliyey dalalka deriska ah, ayada oo Soomaaliya ay wacad ku martay “inay difaaci doonto madax-banaanideeda dhuleed” halka Masar iyo dalal kale ay ku baaqeen feejignaan. 

Wada-hadallo dhowaan ka dhacay Nairobi oo uu la yeeshay madaxweynaha Kenya William Ruto, ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa muujiyey inuu diyaar u yahay “inuu dib uga laabto” qeybaha muranka dhaliyey ee heshiiska, si uu soo celiyo xiriirka Soomaaliya, sida ay sheegeen dad xog-ogaal ah oo codsaday inaan la magacaabin. 

Saraakiisha Itoobiya ayaa si qarsoodi ah ugu sheegay saraakiil ajnabi ah in dalka uu diyaar u yahay “inuu meesha ka saaro aqoonsiga Somaliland, sida ay sheegeen shan diblomaasi shisheeye oo lagu wargeliyey mowqifka Addis-Ababa.  

Madaxweyne Ruto ayaa sidoo kale arritan kusoo qaaday kulan uu la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo isna booqanayey Kenya xilligii uu ku sugnaa Abiy Ahmed. 

Inkasta oo Itoobiya aysan weli si rasmi ah uga bixin heshiiska Somaliland, ayada oo Abiy weli uu aad u doonayo bad, deeq bixiyayaasha caalamiga ah ayaa ka digay inuu colaad ka hurin karo gobolkan aan xasilooneyn. 

Mareykanka iyo Qaramada Midoobe ayaa sidoo kale ka digay in tani ay u ogolaan karto Al-Shabaab inay uga faa’iideysato inay qorato dagaal-yahano cusub.

Ma cadda tallaabada ay qaadi doonto Somaliland haddii Abiy uusan diyaar u aheyn aqoonsi, ayada oo Somaliland ay taas shuruud uga dhigtay fulinta heshiiska. 

Heshiiska is-afgaradka oo la saxiixay 1-dii Janaayo 2024, ayaa qorshuhu ahaa in lagu fuliyo bil gudaheed, waxaana hadda socota bishii saddexaad, taasi oo muujineysa inuu jiro cago jiid.

Sawirro: Mareykanka iyo Soomaaliya oo yeeshay kulan looga hadlay arrimo xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka difaaca xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay   sii-hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, Mudane Shane L. Dixon, kulankaas oo ka dhacay xarunta safaaradda Mareykanka oo ku dhex taalla garoonka Aadan Cadde.

Labada ma’sul ayaa si gaar ah uga wada-hadlay  dadaallada DFS ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab , hirgelinta Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya iyo Qorshaha ATMIS.

Wasiir Jaamac oo madasha ka hadlay ayaa ayaa Danjiraha kaga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee horumarinta nabadda iyo amniga Soomaaliya ee ay dowladda Mareykanku la garab taagan tahay dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa sii-hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegay inay sii xoojin doonaan taageerada kala duwan ee ay siiyaan dowladda federaalka, gaar ahaan dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab, kaas oo haatan maraya meel xasaasi ah.

Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waa weyn ee sida tooska ah uga qayb-qaata dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab, wuxuuna dalka ka fuliyaa duqeymo culus.

Sidoo kale wuxuu taageero milatari iyo tababar siiyaan ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa kusoo aaday, xilli ay weli dalka kasii socdaan howlgallo culus oo lagu beegsanayo kooxda Al-Shabaab, ayna iska kaashanayaan ciidamada Soomaaliya iyo saaxibada caalamiga ah.

Garsoore ogolaaday inuu Maraykanka 4 dal ka keeno 30,000 oo muhaajiriin bishii

Houston (Caasimada Online) – Xaakin federaali ah oo fadhigiisu yahay gobolka Texas ee dalkan Maraykanka taageeray qayb ka mida siyaasadda madaxweyne Biden ee uu doonayey inuu qaxooti cusub kaga keeno illaa afar dal, hase ahaatee ay si aada uga horyimaadeen gobollada ay maamulaan xisbiga Jamhuurigu.

Xaakinka lagu magcaabo Drew B. Tipton ayaa ogolaaday in sababo bini’aadanimo in loo keeni karo illaa 3,000 oo magangelyo doon ah bishii, kuwaas oo laga kala keenayo dalalka Cuba, Haiti, Nicaragua iyo Venezuela.

Xukuumadda Biden ayaa doonaysa inay muhaajiriinta doonaya inay Maraykanka yimaaddan, inay soo maraan nidaamka magangelyo doonka ee saxda ah, haddiise ay ka baydhaan inay la kulmi karaan tallaabooyin adag.

Gobolka Texas iyo labaatan gobol oo kale ayaa xereeyey dacwad ka dhan barnaamijka lagu keenayo muhaajiriinta, iyaga oo ku doodaya inuu keeni doono inay malaayiin doollar ku bixiyaan adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo ammaanka guud ee muhaajiriintaas.

Hase ahaatee waxaa gaashaanka u daruuray xubnaha u ololaynaya in la meelmariyo barnaamijkan iyaga oo doodaha ay qabaan ay ku jiraan, in siyaasaddani ay taageeri doonto beerlayda Maraykanka ee ay shaqaale yaraantu haysato.

Waxaa suuro gala in racfaan laga qaato go’aankan.

Al-Shabaab oo jab culus lagu gaarsiiyay howlgal ka dhacay Koonfur Galbeed + Sawirro

0

Buurhakaba (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgallo qorsheysan oo maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Baay, kuwaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Howlgallada ayaa si gaar ah looga sameeyay deegaanada kala ah Beeley iyo Buur-haybe oo ka tirsan degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Ururka 161-aad, gaar ahaan Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab ayaa fuliyay howlgalka, iyaga oo beegdaday xarumo ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaasi lagu burburiyay fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanada ay gaareen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa cagta la mariyay goobo kale oo ay kooxda lacago uga qaadi jireen dadka shacabka ah, sida lagu sheegay qoraalka.

“Geesiyaasha kumaandooska Danab XDS ayaa waxa ay burburiyeen fariisamo ay halkaas ku lahayeen khawaariijta Sidokale waxaa la burburiyeey goobohi khawaariijta dadka shacabka ah kaga qaadi jireen baada ay ugu yeeraan sakaawaadka” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaa kale oo la raaciyay warsaxaafadeedka “Ciidanka kumaandooska Danab XDS ayaa ah awooda sida tooska ah ugu hortagta baacsiga firxadka haraadiga khawaariijta”.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaxa kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaasi.

Maalmihii dambe ayaa waxaa gobollada Baay iyo Bakool ka socday guluf culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Daraawiishta ee maamulka Koonfur Galbeed.

Golaha Amaanka QM oo qaaday tallaabo ka dhan ah dagaalka ka socda SUDAN

New York (Caasimada Online) – Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii ansixiyay qaraar ku baaqaya xabad-joojin ka dhaqan-gasha Sudan inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadan.

Ansixinta qaraarkan ayaa yimid, kaddib markii uu Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ka digay in masiibada bani’aadannimo ee ka jirta Sudan ay gaartay heer aad u baaxad weyn.

Ku xigeenka danjiraha Biritain ee Qaramada Midoobay James Kariuki oo uu xafiiskiisu soo diyaariyay qaraarkaan ayaa sheegay, in Golaha Ammaanku uu qaraarkani farriin cad oo adag ugu diray millatariga Sudan iyo xoogagga RSF, kuwaas oo laga dalbay in ay si deg deg ah xabbada u joojiyaan inta lagu jiro bisha Ramadan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in kala bar shacabka Sudan oo ah 25 milyan ay u baahanyihiin gargaar bani aadannimo. 10 milyan oo ka mid ah ayaanan heysan cunto.

Sudan ayaa hadda ah dalka ugu barakaca badan dunida. 6.3 milyan oo ruux ayaa lagu qasbay in ay barakacaan. 1.7 milyan ayaa u qaraxay dalalka deriska halka 70 boqolkiiba goobaha caafimaadka ee ku yaalla aagaga dagaalka ay shaqadii joogsatay.

Daawo: Aabe Cabdicasiis oo shaaciyey hal arrin oo uu ku doortay toogashada Sayid Cali

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Markii meydka la aasay kadib maanta waxaa warbaahinta la hadlay Aabaha Luul Cabdicasiis, isagoo sheegay sababta uu ku diiday diyo ama magtii gabadhiisa, isla markaana uu u doortay in la toogto wiilkii qabay gabadhiisa.

Aabe Cabdicasiis ayaa sheegay in qoyska Sayid-Cali ay dhowr jeer kala hadleen kiiskaan, iyagoo codsanaya in diyo laga qaato, balse wuxuu sheegay inuu diiday taas isagoo eegaya mustaqbalka gabdhaha Soomaaliyeed, sida uu hadalka u shigay.

“Anaga Sheekhaal Jasiira ayaa nala dhahaa Diyo ma qaadano wexeennu waa Cafis laakiin Gabadheyda waxaan u cafin waayey Foolxumada loo dilay” ayuu yiri Aabe Cabdicasiis.

Odaga ayaa si cad u sheegay in go’aankooda qisaasta Sayid-Cali aysan marnaba gorgortan ka geli doonin, isagoo hoosta ka xariiqay in taas uu ku doortay sidii ay badbaado u heli lahaayeen gabdhaha kale ee ragooda ay ka suurta-gasho inay u dilaan sida gabadhiisii Luul.

Aabe Cabdicasiis ayaa farriin u diray ragga, wuxuu kula taliyey in haweenka aan loo gacan qaadin, maadaama ay yihiin dad jilicsan oo marnaba aan mudneyn in la ciqaabo oo loo gacan qaado ama hadal xun la dhaho.

Aabe Cabdicasiis waxaa la weydiiyey sida ay u arkaan racfaanka ay qaateen qoyska Sayid-cali Macalin Daa’uud, balse wuxuu sheegay intaas ay sharciga u deynayaan, balse mar kasta ay dowladda ka sugayaan in ninkaas loo xukumay loo qisaaso.

Sidoo kale Aabe Cabdicasiis waxa iska bedelay go’aankoodii, maadaama ay horay u sheegeen in la isla aasi doono Sayid-Cali iyo Luul.

“Waxaa la galay waqti kuleyl ah oo intaan ka badan meydku siima ooli karo banaanka, sidoo kale racfaanka uu garabka kale ka qaatay xukunka dhacay wuxuu qaadan karaa waqti kale, marka anaga waxaan awalba sugeynay cadaaladda, waana la xukumay ninkii, qisaastiisana waxaan uga fadhinaa dowladda,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Aabe Cabdicasiis.

Hoos ka daawo

Booliska Soomaaliya oo gudaha Kenya ka hirgeliyey adeeg muhiim u ah Soomaalida

0

Nairobi (Caasimada Online) – Taliska Booliska Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal uu ku shaacinayo in adeeg cusub oo bulshada muhiim u ah uu ka furay gudaha safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Kenya.

Adeegaasi waa warqadda cadeynta dembi la’aanta oo qofka muwaadinka ah uu u baahanayo mar kasta, isla markaana ay ku dhibanaayeen dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya.

“Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, wuxuu bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya, ku wargalinayaa in ay Safaarada Soomaliya ee Nairobi ka heli karaan, adeega warqada dembi la’aanta iyo mida asluub wanaaga, laga bilaabo maalinta isniinta ah 11 March 2024,” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska.

Qoraalka booliska ayaa intaas ku sii daray, “Hoggaanka Baarista Dembiyada ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed (CID), oo xafiis ku leh safaarada, ayaa qabanaya shaqadaas oo laga maarmaan u ah ummadda Soomaaliyeed in mudo ahna ay dadkeenu ku dhibanaayeen helisteeda.”

Caqabada ay Soomaalida Kenya ku qabeen inay helaan warqadaas dembi la’aanta ah ee CID ay bixiso waxaa ka mideysan dhamaan Soomaalida ku nool dunida ee dalkeeda ka maqan.

Booliska Soomaaliya ayaa qoraalkaan ku balan-qaaday in safaaradaha kale ee Soomaaliya ay ku leedahay caalamka uu ka furi doono xarumo bixiya adeegaan oo kale.

“Waxaa intaas dheer, in Hoggaanku uu qorsheynaayo in xafiisyo kale laga furo safaaradaha  Soomaali ee Dalka Dibadiisa ah, oo ay ummadu ku dhibantahay si muwadiniinta u helaan adeega sare ku xusan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyntii booliska ayaa ku soo bandhigay halka uu kala soo xiriiri karo qofkii cabasho qaba, “Wixii cabasho ah oo la xariira helista adeega wax lagu soo hagaajin karaa safaarada ama emailka Hoggaanka Baarista [email protected].”

 

Qorshe lagu beegsanayo mas’uul sare oo socda kadib fadeexaddii garoonka (Xog)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Koox masuuliyiin ah oo la rumeysan yahay inay lahaayeen curinta mashruucii $9-ka dollar ayaa wada in eedda falkii foosha xumaa ee ka dhacay garoonka Aadan Cade dusha laga saaro masuul sare oo ka tirsan dowladda.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kooxdan isku duuban ayaa qorshaheeda wada sidii fadeexaddii garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde dusha loogu saari lahaa Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah Axmed Macalin.

Kooxdan oo ay ku jiran hoggaanka wasaaradda gaadiidka, xildhibaano, xubno ka mid ah xafiiska ra’iisul wasaaraha iyo mid kamid ah taliyaasha ciidanka ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay ku mashquulsana sidii ra’iisul wasaare Xamza loogu qancin lahaa inuu xilka ka qaado maareeyaha hay’adda duulista rayidka.

Qorshaha kooxdan ayaa ay in Xamza uu xilka ka qaado maareeyaha, iyada oo laga dhigayo ciqaabta falkii ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, taasi oo lagu bad-baadinayo cidii ka dambeysay gabood-falkaasi.

Shabakaddan ayaa la sheegay in mid kamid ah sababaha ay ula dirirsan tahay maareyaha hay’adda duulista ay tahay inuu isagu bixiyay amarkii lagu fasaxay Tallaadadii rakaabkii ku cadibnaa garoonka xilli kooxdan ay rabeen in shacabka lagu sii hayo garoonka, si ay ugu dambeynta u ogolaadaan lacagta $9 dollar ah.

Si kastaba, ma cada inuu ra’iisul wasaare Xamza u hoggaansami doono soo jeedinta kooxdan isku xiran oo uu xilka ka qaadi doono maareeyaha, laakiin uma badna iney shacabka Soomaaliyeed ku qanci doonan arrintaan.

Mashruuca sagaalka dollar ayaa sida muuqata weli wuxuu leeyahay dad u ooman in la fuliyo, oo xitaa dad loo dulmiyo dhaqan-galkiisa, si meelmar ugu noqoto mashruucan macaashka kumanaanka laga rabo, balse culeyska dhaqaale ku kordhinaya shacabka Soomaaliyeed.

Ruushka oo ku hanjabay tallaabo ka dhan Mareykanka

Moscow (Caasimada Online) – Dowladda Ruushka ayaa u yeertay safiirka Maraykanka u jooga magaalada Moscow, waxayna ku hanjabtay inay dalkeeda ka eryi doonto diblumaasiyiinta Maraykanka ah si ay uga mudaaharaadaan wax ay ku sheegeen faragelinta Washington ee arrimaha gudaha.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu eedeeyay Mareykanka in uu maalgeliyo kooxaha aan faa’iido doonka ahayn ee Ruushka ka soo horjeeda iyo faafinta warar been abuur ah ka hor doorashadiisa madaxtinimo ee dhammaadka bishan.

Danjire Lynne Tracy oo ah safiirka Mareykanka ee Ruushka weli kama hadlin arrintaan.

Safiirka Mareykanka u fadhisa Ruushka waxay ka mid ahayd dhowr dublamaasiyiin ajnabi ah oo ka qaybgalay aaska Moscow ee hoggaamiyihii mucaaradka Alexei Navalny oo xabsiga ku geeriyooday.

Dhinaca kale, Wakaaladaha wararka ee Ruushka ayaa sheegay in ciidamada amniga gudaha ay dileen dhowr maleeshiyaad ah oo ka tirsan kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka, kuwaas oo la sheegay in ay doonayeen in ay weeraraan kaniisada Moscow.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda IS ee saldhigeedu ahaa Kaluga oo koonfur galbeed kaga beegan magaalada Moscow ay soo dirtay dagaalyahanada lagu dilay gudaha Ruushka.

Xubnaha la dilay waxaa la sheegay inay kasoo jeedaan dalka Afgaanistaan, waxayna isku dayeen inay iska caabiyaan in la xiro, kadibna waxaa loo toogtay si toos ah.

Wakaaladda wararka Ruushka ee TASS ayaa sidoo kale sheegtay in la helay hub, rasaas iyo qalab lagu sameeyo bambooyinka oo kooxdaas u keydsanaa.

Sawirro: Ujeeddada shir lagu soo xiray XALANE maanta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa waxaa lagu soo gaba-gabeeyay shirka qorshaha isbeddelka qaran.

Kulankan oo ka dhacay Hanger-ka Xalane ayaa waxaa kasoo qeyb-galey qaar kamid wasiiradda xukuumadda, xoghayaha xafiiska ra’iisulwasaaraha, ku-xigeenka, agaasimayaal, iyo xubno kale oo ka tirsan xafiisyada dowladda.

Kulanka oo ahaa mid lagu xoojinayo iskaashiga xukuumadda iyo ganacsiyada ayaa sidoo kale waxaa kasoo qeyb-galay madaxda shirkadaha wax dhoofinta, korontada, bangiyada, shidaalka, beeraha iyo shirkadaha ganacsiga guud ee dalka.

Intii uu socday kulankan ayaa waxaa ururada ganacsatada laga dhageystay aragtiyadooda ku beegan caqabadaha ganacsiga, fursadaha jira ee aan wali laga faa’iideysan iyo sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka ragaadiyey kobaca ganacsiga dalka.

Dhanka kale, ganacsatada ayaa ka mahad-celisay sida quruxda ah ee shirka loo soo agaasimay iyo in xukuumaddu ku dhiiratay ka shaqeynta soo celinta kalsoonida ganacsatada iyo soo jiidashada maal-gashiga dalka, ayna xukuumadda u doonayso in xal laga gaaro dhibaatooyinka jira ee dhanka amniga, dhameystirka sharciyada ganacsiga, iyo xoojinta tamarta.

Arrinkan ayey sheegeen inuu rajo galinayo ganacsatada, gaar ahaan kuwa doonaya inay maal-gashi ku sameeyaan dalka, islamarkaana ay qeyb ka noqdaan kobaca dhaqan dhaqaale iyo shaqo-abuur ee dalka.

Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska ra’iisul wasaaraha oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in hogaanka sare ee xukuumadda, madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza ay si wadajir u ballan-qaadeen xoojinta iskaashiga xukuumadda iyo ganacsatada.

Sidoo kale wuxuu xoghayaha bogaadiyey doorka muhiimka ah ee ay ganacsatadu ku leedahay kobaca dhaqan dhaqaale iyo bulsho ee dalka.

Ugu dambeyntiina kulanka waxaa soo xiray wasiir ku-xigeenka caafimaadka Xildhibaan Maxamed Bulaale, kaasi oo ganacsatada ku booriyay inay wada-shaqeyn dhaw la yeeshaan dowlada si hormar ballaaran loo gaaro.

Maxaad ka ogtahay cidda xulaysa xubnaha Soomaaliya ku matali doona baarlamanka…

0

Arusha (Caasimada Online) – Tirada xubnaha baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika ee la soo doorto ayaa kordhi doonta ka dib markii ururka ay ku soo biirtay Soomaaliya.

Ka dib markii si rasmi ah loogu soo dhaweeyay Soomaaliya ururka Bariga Afrika ayaa waxaa tirada baarlamaanka Bariga Afrika ay noqon doontaa 82 xildhibaan.

Ilaa 72 ka mid ah xubnahani ayaa ah xildhibaanno la soo doortay, halka siddeed ay wasiirro yihiin, xoghayaha guud ee ururka iyo xubin ah la taliyahay dhanka sharciga.

Waxaa sidoo kale Soomaaliya laga filayaa in ay soo magacaabaan garsoore ka mid noqon doona xubnaha garsoorayaasha ee maxkamada caddaaladda Bbariga Afrika.

Soomaaliya ayaa xaq u yeelanaysa in ay ka qeyb gasho dhammaan holwaha ururka tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay si rasmi ah ugu biirtay ururka.

Soomaaliya oo ka mid noqoshadeeda Bariga Afrika ay madaxda ururka ay si rasmi ah u ansixiyeen bishii November ee sanadiii aanu soo dhaaafnay ayaa waxaa sidoo kale laga doonayaa in ay soo magacaabaan wasiirka hormarinta Bariga Afrika.

Yaa soo xulaya xubnaha Soomaaliya ee baarlamaanka Bariga Afrika?

Sida uu dhigayo cahdiga ururka bariga Afrika cutubkiisa 50-naad xubnaha baarlamanka Bariga Afrika ayaa waxaa soo doorta baarlamaanka dalalka xubnaha ka ah.

Ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliay u qaabilsan arrimaha ururka Bulshada Bariga Africa, (EAC) Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa sheegay in dhawaan la soo xuli doono xubnaha baarlamaanka Bariga Afrika ku matli doona Soomaaliya.

Mr Hadliye ayaa sheegay in Soomaaliya ay sagaal xubnood ku yeelan doonto baarlamaanka Bariga Afrika si la mid ah dalalka kale.

“Waddan walba wuxuu leeyahay 9 xubnood oo matalaya xagga baarlamaanka bariga Afrika waddanka ama ha ahaado 100 milyan ama 3 milyan waa isku wada mid wadan walba 9 ayaa laga rabaa,” ayuu yiri Hadliye.

Mr Hadliye oo ay BBC wax ka waydiisay cidda xubnahan soo xulaysa ayaa sheegay in madaxwaynaha Soomaaliya Xassan sheekh Maxamuud uu soo xuli doono ka dibna loo gudbin doono baarlamaanka si ay u ansixiyaan.

“Waxaa soo xuli doona madaxwaynaha iyo dowladda Soomaaliya, waxaana la geyn doonaa baarlamaanka Soomaaliya, waa in baarlamanka aqalka hoose ku raacaan,” ayuu yiri Mr Hadliye.

Waxaa uu intaa ku daray in xubnaha la soo xuliyo ay shuruudaha ka mid yihiin in uusan xil sare ka hayn dowladda sida in uusan ahayn wasiir ama xildhibaan.

“Waxaa muhiim ah in aysan noqon wasiiro, qof dowladda meel sare ka haya iyo qof baarlamaanka ku jira midna lama ogolaanayo, waana in qof Soomaali ah yahay waana in da’dooda 30 ka yareyn,” ayuu yiri Mr Hadliye.

Ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliay u qaabilsan arrimaha ururka Bulshada Bariga Africa, (EAC) Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa dhanka kale sheegay in qorshaha waqtiga la soo xulayo xubnahani uu yahay bisha Ramadan ka dib.

“Insha allahu Ramadanta ka dib in la dhammeeyo waaye waqti badan uma baahna waayo wuu socdaa waqtigii la fadhiyay baarlamaanka Bariga Afrika,” ayuu yiri Mr Hadliye.

Isha: BBC

Xogta SARKAAL sare oo Mareykan ah oo loo xiray iibinta macluumaad xasaasi ah

0

Washington (Caasimada Online) – Askari ka tirsan ciidanka Maraykanka ayaa la xiray ka dib markii lagu eedeeyey in macluumaad xasaasi ah oo ku saabsan awoodda militari ee Maraykanka uu bixiyey, sida ay sheegtay wasaaradda caddaaladda ee Maraykanka.

Saajin Korbein Schultz oo sidoo kale ah nin sirdoonka la shaqeeya ayaa lagu eedeeyey lix gal dacwadood oo ay ku jiraan inuu maleegay inuu helo, islamarkaana banaanka soo dhigo macluumaad la xiriira arrimaha militariga iyo isaga oo laaluushay sarkaal dawladda u shaqeeya.

Ninkan oo 24 jir ah ayaa lagu xiray xerada Fort Camphell oo ku taalla xadka gobolada Tennessee iyo Kentucky, in yar uun ka dib markii eedihii loo jeedinayey ay soo baxeen, Khamiistii.

Sida eedaha ku qoran, Schultz oo ogolaansho sare u haysta arrimaha dawladda ayaaa lagu eedeeyey inuu wax la maleegay qof hadda lagu magacaabay “Conspirator A”, isaga oo dokomentiyo, sawirro, iyo waxyaabo kale oo gaashaandhigga waddanka la xiriira la wadaagayey ilaa bishii June ee sanadkii 2022.

Eedda ayaa lagu sheegay in Schultz loo qortay in uu haystay darteed awoodda galaangalka arrimaha dawladda.

Waxyaabaha lagu eedaynayo in Schultz uu bixiyey ayaa waxaa ku jira hanaanka gantaaladda artilariga, daraasado la xiriira horumarinta mustaqbalka ee ciidanka Maraykanka iyo daraasado la xiriira dhoolla-tusyada iyo hawl-gallada ay sameeyaan dalal waaweyn sida Shiinaha oo kale.

ICG: Soomaaliya waxay farta ku godeysaa Imaaraatka

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda La Socodka Xasaradaha Adduunka ee ICG ayaa warbixin ay ku qortay ku sheegtay in ma’uuliyiinta federaalka Soomaaliya ay si hoose uga cabanayaan Imaaraatka Carabta, iyaga oo ku eedeynaya in ay lug ku leeyihiin heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in aragti taas la mid ah ay qabaan diblomaasiyiinta adduunka ee ku foogan arrimaha Soomaaliya.

ICG ayaa dhanka kale dowladda federaalka ku ammaantay in ay aad isu xakamaysay, welina ay xeerinayso wax badan, aysana qaadin wax tallaabo ah kadib go’aankii lagu celiyay diyaaraddii Itoobiya ee weftiga u wadday Hargeysa.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa dhowaan meel fagaaro ah ka sheegay in sababta ay u eryi la’yihiin safiirka, ciidanka iyo diyaaradda Itoobiya ay tahay in ay dhawrayaan xiriirka darisnimo, iyo in aanan dib loo soo faagfaagin cadaawaddii taariikhiga ahayd.

Hay’addan ayaa qireysa in Soomaaliya ay leedahay gacan sareynta diblomaasiyadeed, adduunkana ku qancisay in Itoobiya gardaran tahay.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in markii uu Abiy Ahmed xilka yimid uu si weyn ugu ololeeyay in shacabka Itoobiya ee 120-ka milyan ah uu u heli doono bad, isaga oo jeediyay khudbad arrinkaas la xiriirta bishii Oktoobar 2023, hadalkaas oo loo fasirtay in uu Eritrea duulaan ku yahay, balse uu caddeeyay in uusan saas ula jeedin hadalkiisa.  

Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xiriir dhow la laheyd Imaaraadka Carabta tan iyo markii uu xilka yimid, ayada oo dalkaas uu ahaa kii ugu horreeyey ee uu booqday, hase yeeshee tuhunka la xiriira Itoobiya ayaa taas wax weyn ka beddeli kara.

Soomaaliya iyo Turkey oo saxiixday heshiis SHIDAAL qodis oo taariikhi ah + Sawirro

Istanbul (Caasimada Online) – Turkey iyo Soomaaliya ayaa Khamiistii kala saxiixday heshiis shidaal sahmin iyo qodis, ayaga oo sii xoojiyey xiriirkooda kadib heshiiskii difaac ee ay dhowaan galeen.

Heshiiska ayaa beegsanaya keyda shidaalka ee aagga dhaqaalaha badda Soomaaliya, oo aan wax horumarin ah lagu sameyn tan iyo markii ay buburtay dowladdii kali-taliska aheyd ee Soomaaliya 1991-kii. Heshiiska ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah sahmin dhanka dhulka ah.

Heshiiska ayaa waxaa magaalada Istanbul ku saxiixay Wasiirka Tamarta Soomaaliya Alparslan Bayraktar iyo Wasiirka Batroolka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Tallaabadan ayaa imaneysa kadib heshiiskii dhowaan ay saxiixdeen Itoobiya iyo maamulka Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya, kaasi oo Addis-Ababa siinaya marin badeed iyo saldhig ciidan badeed. Heshiiskaas ayaa waxaa ku gacan sayray Muqdisho.

Ayada oo laga jawaabayo, ayaa Ankara waxay heshiis difaac badeed oo 10 sano ah la gashay Soomaaliya bishii tagtay, kaasi oo Muqdisho ay sheegtay inuu Turkiga ku waajib yeelayo inay ka difaacdo badda Soomaaliya, argagixisada, burcad badeedda iyo halista dibadeed ee ku xadgudbi karta madax-banaanida Soomaaliya.

Heshiiskan taariikhiga ah ayaa sidoo kale waxay Turkey ku hormarin doontaa kheyraadka badda Soomaaliya ee aagga dhaqaalaha gaarka ah.

Ciidamada badda Turkey ayaa horey uga howl-galayey xeebaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed, ayaga oo qeyb ka ah xoogagga la-dagaalanka burcad badeedda ee QM ay aas-aastay 2009.

Turkey ayaa khibrad fog u leh sahminta tamarta ku jirta badda, waxayna sanadkii 2020 ay heshay gaas ku jira Badd Madow.

Warbixin ay soo saartay Dowladda Mareykanka ayaa tilmaameysa in Soomaaliya ay leedahay key saliid iyo gaas oo dhan 30 bilyan oo barmiil, balse ay u baahan tahay maal-gelin qaadan karta saddex illaa shan sano.

Sanaddii 2022, dowladda Soomaaliya ayaa heshiis shidaal sahmin la gashay shirkadda Mareykanka ee Coastline Exploration, kaasi oo loogu saxiixay 7 ka mid ah xirmooyinka shidaalka ee badda. Shidaal qodista ayaa la qorsheeyey inay billaabato 2025.

Dhinaca kale, Somaliland oo aan haysan aqoonsi caalami ah, ayaa heshiis shidaal sahmin la gashay shirkadda fadhigeedu yahay London ee Genel Energy 2022-kii, heshiiskaas oo ay sharci-darro ku tilmaamtay dowladda federaalka.

Aqriso: DF oo soo saartay bayaan 30 qodob ah iyo arrimo xasaasi ah oo ku jira

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ka kooban 30 qoddob, kaasi oo lagu faah-faahiyay dagaalka Al-Shabaab iyo howl-galladii u dambeeyay.

Sidoo kale waxaa bayaankan lagu soo qaatay kulamadii u dambeeyay ee madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre iyo dagaalka diblumaasiyadda ee ka dhanka ah Ethiopia.

Waxaa kale oo lagu xusay markale mowqifka dowladda federaalka ee xad-gudubka Ethiopia iyo diidmada odayaasha dhaqanka gobolka Awdal kala horyimaadeen heshiiskii Addis Ababa ee Muuse Biixi uu Ethiopia ugu saxiixay qeybo kamid ah badda Soomaaliya.

“Odayaasha dhaqanka Gobolka Awdal ee gobollada waqooyi ayaa isku raacay in meel looga soo wada-jeesto damaca Ethiopia ee ah in ay dekad ka sameysato xeebaha Soomaaliya,” ayaa lagu xusay bayaanka kasoo baxay dowladda.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “In ka badan 50 maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta Al-Shabab ayaa lagu dilay hawl-gal milateri oo ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland, kaasi oo ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose.”

Hoos ka aqriso qoddobada bayaankan;

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo tababar u soo xiray cutubyo ka mid noqonaya ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

2- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kula kulmey Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibedda ee Norway Mudane Andreas Kravik.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Muqdisho kulan kula yeeshay Sii-Hayaha Danjiraha Mareykanka u fadhiya Soomaaliya A. I. Dixon.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Antalya kula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Madasha Diblumaasiyadda Antalya ka sheegay in xadgudubka Ethiopia ee ka dhanka ah madaxbanaanida iyo qaranimada Soomaaliya ay uu wiiqaso dadaallada caalamiga ah ee xasilinta marinnada muhiimka ah ee ay ka mid tahay Badda Cas.

6- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Meertada 6aad ee Shirka Qaramada Midoobey ee Isbeddelka Cimilada Adduunka ee magaalada Nairobi.

7- Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay magacaabista Guddoomiyaha cusub ee Bankiga Horumarinta Soomaaliya Marwo Hodan Osman.

8- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guddoomiyay shirka wadatashiga guddoomiyeyaasha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedyada, kaas oo looga hadley arrimaha dastuurka.

9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo daahfuray hawlgelinta Maxkamadda iyo Xabsiga cusub ee Muqdisho.

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibedda Dowladda Britain oo uu hoggaaminayey Sir Philip Barton.

11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya, Mudane Abdullah Salem Al Nuaimi, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah.

12- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa daahfuray Ardaaga Casriyeynta Dowladnimada Soomaaliya.

13- Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa kulan casho ah la qaatay jaaliyadda Soomaaliya ee magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka.

14- Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo wakiil ka ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgaley aaska iyo kulan duco oo Jasiiradda Zanzibar loogu sameeyay Allah ha u naxariistee Al Xaaji Sheikh Ali Hassan Mwinyi oo ahaa Madaxweynihii 2aad ee Jamhuuriyadda Tanzania oo dhowaan geeriyooday.

15- Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Soomaaliya oo kulan la yeeshay Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadam oo u tartameysa xilka Guddoomiyaha Midowga Afrika.

16- Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Axmed Macakllim Fiqi ayaa Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Diinta Jamhuuriyadda Djibouti.

17- Odayaasha dhaqanka Gobolka Awdal ee gobollada waqooyi ayaa isku raacay in meel looga soo wada-jeesto damaca Ethiopia ee ah in ay dekad ka sameysato xeebaha Soomaaliya.

18- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah xubin buuxda uga noqotay Ururka goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), kadib munaasabad ka dhacday magaalada Arusha ee waqooyiga Tanzania.

19- Wasiirada Maaliyadda, Qorsheynta, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe iyo mas’uuliyiin kale ayaa magaalada Nairobi uga qeyb galay shirka dib u habeynta maaliyadda, dayn cafinta kadib oo ay la yeesheen hay’adaha lacagta adduunka.

20- Wasiirka Ku-Xigeenka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf ayaa sheegay in 50 maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta Al Shabab lagu dilay hawlgal milateri oo ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland oo ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose.

21- Wasiirada Arrimaha Gudaha, Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Soomaaliya Mudane Axmed Macalim Fiqi iyo Mudane Xasan Macallim Maxamuud ayaa Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha Hay’adda Inter Peace, Itonde Abraham Kakoma iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka booqasho shaqo ku joogay.

22- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa qaabilay Xoghayaha Guud ee Arrrimaha Galbeedka Aasiya, Waqooyiga iyo Bariga Africa ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee India Dr Sureh Kumar.

23- Maalinta Haweenka ee 8da Maarso oo laga xusay Soomaaliya.

24- Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo Hay’adda InterPeace ayaa kala saxiixday heshiis is afgarad la xiriira nabad-dhiska.

25- Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Mudane Xasan Maxamed oo kulan la yeeshay Agaasimaha FAO ee Soomaaliya Mudane Etienne Peterschmitt oo ay ka wadahadleen iskaashiga mashaariicda horumarinta xoolaha, dhirta iyo daaqa.

26- Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalieed, Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shir gudoomiyay shir looga hadlayey xoojinta amniga magaalada Muqdisho.

27- Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya (SODMA) ayaa Dowladda Imaaraadka Carabta kala wareegtay shixnad gargaar cunto ah.

28- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa hawlgal milateri oo ka dhan ah Khawaarijta Al Shabab ka fuliyay Degmada Waajid ee gobolka Bakool, iyagoo fashiliyay weerar gaadmo ah oo argagixisadu maleegayeen.

29- Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir G/Sare Mahdi Cumar Muumin ayaa sheegay in la xiray askar ka tirsan dowladda oo ku eedeysan inay rasaas ku fureen dad ku banaanbaxayey Suuqa Siinaay ee magaalada Muqdisho.

30- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa hawlgal ka dhan ah Khawaarijta Al Shabab ka fuliyay degaanka Cali Yabaal ee Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Ciidan ka baxsanaya furimaha dagaalka oo xalay sarkaal muhiim ah ku dilay Camaara

0

Camaara (Caasimada Online) – Sarkaal ka tirsanaa ciidankii lagu soo tababaray dalka Eritrea ayaa xalay lagu duleedka magalaada Camaara ee koonfurta gobolka Mudug, waxaana dilay askar ka tirsan dowladda.

Sarkaalkaas oo lagu magacaabi jiray Mustaf Dhoobshaac ayaa dhawaan loo wareejiyey guutada Abuu-dujaana oo fadhi weyn ku leh magalaada Camaara, wuxuuna ahaa taliye urur.

Qaar ka mid ah aakartii uu xukumayey ayaa xalay difaaca ka baxday, waxayna isku dayeen inay baxsadaan, Taliye Mustaf ayaa isku dayey inuu xaliyo askarta gadooday oo difaacooda uu ku celiyo, balse waxay ku fureen rasaas uu u geeriyooday.

Taliye Mustaf ayaa ahaa L/Xidigle ka mid ah saraakiisha ugu firfircooneed ciidankii lagu soo tababaray Eritrea, waxaana loo wareejiyey guutada Abuu-dujaana oo ah ciidan 3 bilood kaliya lagu soo tababaray dalka Uganda.

Meydka sarkaalkaas ayaa isla xalay lageeyey magaalada Wisil ee gobolka Mudug, waxaana lagu guul-dareystay in la qabto askartii ka soo baxsatay difaaca ee dishay Taliyahooda.

Taliye Mustaf Nuur Suudi, oo ku magac dheeraa Mustaf Dhoobshaac, wuxuu ka mid ahaa saraakiishii lagu soo tababaray dalka Eritrea ee deegaanada badan ka xoreysay argagixisada, waxaana laga jeclaa gudaha ciidanka, balse caawa ayuu ku baxay gacanta ciidankii uu taliyaha u ahaa.

Ciidanka Abuu-Dujaana, waa hal guuto oo dhawaan lagu soo tababaray dalka Uganda, waxay qaateen koorso yar oo 3 bilood ah, waxaana lagu tilmaamaa ciidan aad u fowdo badan.

Dhowr jeer ayey dileen saraakiishooda, kana soo baxeen furimaha dagaalka, iyagoo gadood muujinaya, sarkaal kale oo taliyaha ay xalay dileen ku heyb ahaa ayay hadda ka hor ku dileen deegaanka Masaajid Cali-gaduud ee gobolka Sh/Dhexe.

Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh oo farriin u direy…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta farriin u direy haweenka Soomaaliyeed, isagoo u diray hambalyo ku aaddan xuska maalinta haweenka adduunka.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay doorka muhiimka ee haweenka Soomaaliyeed ay kaga jiraan bulshada, dhaqaalaha dalka iyo samata-bixinta qoyska Soomaaliyeed.

“Dhamaan dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaan leeyahay hambalyo, si gaar aha waxaan ugu hambalyeynaya gabdhaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaan ku bogaadinaya dadaalka ay ugu jiraan halganka dalka looga xoreynayo Khawaarijta iyo halganka ay ugu jiraan horumarinta iyo hagaajinta qoyska Soomaaliyeed.”

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha ku dheeraaday doorka shariifka ah ee gabdhaha Soomaaliyeed ku leeyihiin gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, taasi oo uu si weyn ugu bogaadiyay gabdhaheenna.

“Gabdhaha Soomaaliyeed dagaalka keliya ma ahan ee duruufaha soo wajaha dalka waxay ka qaatan kaalin mug leh. Xurmo gaar ah ayay naga mudan yihiin, maanta waxaa rabaa aniga oo ku hadlaya magaca umadda Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan kan madaxweynaha JFS in aan markale yiraahdo hambalyo.”

Waxa uu intaas kusii daray “Dadka Soomaaliyeed micnaha aad ugu fadhisaan aad iyo aad ayey u garanayaan. Nolol, sharaf iyo karaamo ayaa ka shaqeysaan ee halka aad joogtan ka wada umadda idinka indho u ah ee guuleysta.”

Hoos ka daawo

LUUL oo maanta la aasayo iyo wararkii ugu dambeeyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaban-qaabada aaska marxuumad Luul Cabdicasiis ayaa ka socota magaalada Muqdisho, ayada oo lagu aasi doona deegaanka Jazeera ee duleedka Koonfureed ee Muqdisho.

Luul Cabdicasiis ayaa daba-yaaqadii bishii Jannaayo ee sanadkan ku geeriyootey magaalada Muqdisho, kadib markii ninkeedi uu gubay, sida ay dhawaan sheegtay maxkamadda gobolka Banaadir.

Maydka Luul Cabdicasiis ayaa goordhoweyd laga soo saaray qaboojiyaha Isbitaalka Racep Tayyib Erdogan (Digfeer) ee magaalada Muqdisho.

Luul ayaa halkaas taallay tan iyo markii ay u geeriyootay dhaawac halis ah oo ka soo gaaray dab uu qabadsiiyey ninkeedii xilli ay ku sugneyd gurigeeda oo ku yaal caasimada

Allaha u naxariistee marxuumadda ayaa saacadaha soo socda lagu aasayaa xabaalo ku yaalla deegaanka Jazeera ee duleedka Koonfureed ee magaalada Muqdisho, halkaas oo xabaasheedii laga qoday.

Dadweyne badan oo isugu jira ehellada marxuumadda iyo qaar la-dareen ah ayaa maanta ka qayb-galaya aaskan, oo soo afmeeraya maalmo dheer oo murugo iyo tiiraanyo ku reebay qoyskii ay ka baxday oo ay ku jiraan lix carruur ah oo agoon iyo rajo noqday.

Si kastaba, aaska marxuumadda ayaa ku soo beegmaya maalmo kadib markii maxkamadda gobolka Banaadir ay dil toogasho ah ku xukuntay Sayid Cali, ayada oo qoyskeeda ku adkeysteen in aan gabadhooda la duugeyn inta ay caddaalad ka heleyso.

BIDEN oo Israel ku qasbaya arrin culus oo la xiriirta GAZA

Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in Maraykanku uu xeebta Gaza ka dhisi doono marin ku meel gaar ah si sahayda gargaarka bini’aadanimo loogu oggolaato in ay si nabad ah u gaaraan dadka rayidka ah ee reer Gaza.

Biden ayaa sheegay in Israa’iil ay qasab ku tahay inay u ogolaato Gaza in la gaarsiiyo gargaar dheeraad ah ,isagoo intaa raaciyay in la hubiyo badqabka shaqaalaha hey’adaha oo aan lagu qaban ama lagu sameyn faragalin ama dagaal.

Madaxweyne Biden ayaa sidoo kale Tel Aviv u sheegay in mudnaanta la siiyo ilaalinta iyo badbaadinta nolosha dadka rayidka ah ee aan wax galabsan .

Dhinaca kale, wafdi ka socda Xamaas ayaa ka dhoofay magaalada Qaahira ee Dalka Masar ,iyadoo sarkaal ka tirsan kooxda uu sheegay in Israa’iil ay fashilisay dhammaan isku daygii dhexdhexaadiyeyaasha ee lagu doonaayay in heshiis la gaaro.

Ugu yaraan 30,800 falastiiniyiin ah ayaa la dilay, 72,198 kalena waxaa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo Oktoobar 7, halka tirada dhimashada Israa’iil ee weerarradii Xamaas ay gaareyso 1,139.