26 C
Mogadishu
Wednesday, June 24, 2026

Daawo: Xasan Sheekh oo si cajiib ah ula dardaarmay ciidan cusub oo DF loo tababaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dugsiga tababarrada ciidamada Gorgor ee TurkiSom uga qeyb galay munaasabad lagu dhaariyey urur cusub oo ka mid noqonaya ciidanka Gorgor oo tababar loo soo gabagabeeyey.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn aad ula dardaarmay ciidanka tababarka loo soo xiray, isagoo ku booriyey inay ka dhabeeyaan dhaartii ay mareen oo daacad ay u noqdaan shaqada qaranka.

Xoreynta dalka ayuu Madaxweynuhu aad uga hadlay, isagoo sheegay in cadowga ugu daran ee umadda Soomaaliyeed ay leedahay uu yahay Khawaarijta.

Xasan Sheekh ayaa ciidanka kula dardaarmay inay isku diyaariyaan dagaalka cadowga, isagoo ku war

-geliyey in dagaalka dowladda uga furan gudaha dalka deg deg u soo gabagabeeyaan, si cadowga dibadda ay ugu diyaar garoobaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo hadal-qaaday damaca waalan ee Itoobiya ay ku raadineyso badda Soomaaliya, isagoo ku hanjabay in mar dambe aysan suurta-geli doonin Itoobiya qaadato dhulkeena, iyadoo mid hore uu ku maqnaa.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa balan-qaaday in dowladiisu ay qaadi doonto talaabo kasta oo lagu difaaci karo sharfta iyo karaamada umadda Soomaaliyeed, isagoo ku faanay sida isirka Soomaalida uu ugu suntan yahay halganka.

Dhanka dagaalka Al-Shabaab wuxuu sheegay Madaxweynuhu in istiraatiijiyadda dowladda ay tahay in muddo kooban lagu soo afjaro, isagoo sheegay in guulo badan laga gaaray dagaalka.

Ugu dambeyntii madaxweynuhu wuxuu tilmaamo qota-dheer ka bixiyey arxan darida Al-Shabaab, isagoo mar kale ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in hantidooda aysan iska siin argagixisada, si dadkooda aan loogu halaagin.

Hoos ka daawo

DF Soomaaliya oo loo soo jeediyay inay bedesho jihada dagaalka Abiy + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa qoraal cusub kasoo saaray xiisadda weli u dhexeyso Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska badda.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa warbixintiisa diirradda ku saaray arrimaha gudaha ee Itoobiya iyo xaaladda adag ee uu hadda wajahayo ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday inay muhiim tahay in isha lagu hayo wadahallada u socda qowmiyadaha Amxaarada iyo Tigreega iyo kuwa la sheegay in ay u socdaan Tigreega iyo Eretrea.

Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayuu ku eedeeyay inuu wado qar iska tuurnimo wayn, isla markaana uu abuurtay dhibaato gudaha ah iyo mid kale oo dibadda ah.

Isaga oo ka hadlayay xiisadda haatan u dhexeyso Soomaaliya iyo Itoobiya wuxuu sheegay in dowladda federaalka ay ku guuleystay dagaalka diblumaasiyadeed ee Itoobiya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa usoo jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladdiisa in haatan ay bedaesha qorshaha lagu wajahayo Abiy iyo xukuumaddiisa.

Hoose ka akhriso warbixinta oo dhammeystiran:-

Waxaa mudan in isha lagu hayo loolanka iyo isbahaysiyada siyaasadeed ee Itoobiya ka socda, gaar ahaan wadahallada u socda qowmiyadaha Amxaarada iyo Tigreega iyo kuwa la sheegay in ay u socdaan Tigreega iyo Eretrea.

Saraakiil sare oo Tigree ah ayaa laga soo xigtay in Abiy Axmad uu ka codsaday in ay ku garab siiyaan weerar uu qorsheynayo in uu Afwerki ku qaado, laakiin ay xilligan qorshahaas ka gaabsadeen.

Abiy ayaa u muuqda in uu siyaasadda gudaha ee dalkiisa ku wado qaybi oo xukun, halka uu dhanka kalana Itoobiya u abuuraya cadow dibadeed iyo damac qaranimo, si uu marna dhexdooda iskugu jeediyo, mar kalana debada ugu jiheeyo. Su’aashuse waxay tahay imisa ayey xeeladani u sii shaqayn karaysaa?

Dawladda Federaalka ah, Abiy waa kaga soo adkaatay diblomaasiyada adduunka iyo tan gobolka, markaan waxaa looga baahanyahay in ay istiraatiijiyad cusub la timaaddo.

Firdhiye oo ka digay qorshe ay Itoobiya ka damacsan tahay deegaanada KHAATUMO

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha KMG ka ah ee maamulka SSC-Khaatuma, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye ayaa ka hadlay arrimo ku aadan wararka sheegay in ciidamo Itoobiyaan ah la geynayo gudaha deegaanada maamulkaasi.

Firdhiye ayaa arrintaas uga digay dowladda Itoobiya, wuxuuna sheegay in aysan aqbali doonin farogelinta arrimaha gudaha ee degaanada SSC-Khaatuma.

Hoggaamiyaha oo boqolaal dadweyne ah kula hadlayay magaalada Laascaanood ayaa sheegay in ay dagaalami doonaan, haddii deegaankooda la keeno ciidan Itoobiyaan ah.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in shacabka ay iyaga mas’uul ka yihiin, isla markaana ay ka hortagi doonaan cid kasta oo kusoo xadgudubta deegaanada SSC-Khaatuma.

“Waxaanu aqbali karayno ma ahan, ma aqbalayno. Dadkayaga iyo dalkayaga annagaa ka masuul ah. In ciidamo kale la dulkeeno ama lasoo fara galiyo, ma aqbalayno, waana ka dagaalamaynaa,” ayuu yiri Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee SSC- Khaatumo, Firdhiye.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray dowladda federaalka oo uu ugu baaqay inay ku garab istaagto mowqifka Soomaalinimo ee ay qaateen shacabka SSC.

Firdhiye ayaa sidoo kale sheegay in dowladda dhexe looga baahan yahay in ay ka qeyb qaadato, sidii dalka looga difaaci lahaa cid walba oo khatar ku ah midnimada dalka.

Ugu dambeyn wuxuu ciidamada deegaanak ku amray inay heegan buuxda galaan, una diyaar daroobaan duulaan kaste oo kaga yimaada dhinaca Somaliland ama cid kale.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ay taagan tahay xiisad ka dhalatay heshsiiska badda, taas oo u dhexeyso dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Maxaad ka ogtahay askariga maanta la xukumay ee isla markiiba la toogtay?

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida, qaybteeda 60-aad ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku ridday askari horay dil ugu gaystay askari kale.

Xukunka ayaa markii dhacay, kadib horay tiirka laga geeyay Cabdiraxiin Cismaan oo ahaa askariga horay dilka u gaystay, kaas oo lagu qisaasay fagaare ku yaalla Baydhaba.

Maxkamadda ayaa sheegtay in askariga maanta la toogtay uu horay u dilay Marxuum Ibraahim Aadan Salaad Wiirow oo isna ka tirsanaa Ciidanka daraawiishta Koofur Galbeed, dilkaas oo ka dhacay degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Fagaaraha lagu toogtay ninkan ayaa waxaa ku sugnaa saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidamada iyo ehellada labada dhinac, kuwaas oo goob joog u ahaa fulinta xukunka.

Reer Baydhaba ayaa aad usoo dhaweeyay tallaabada ay maanta qaaday maxkamadda ciidamada, maadaama si deg-deg ah loo toogtay gacan ku dhiiglihii dilka gaystay.

Koonfur Galbeed ayaa horay sidaan oo kale u dadajisay toogashada shaqsiyaad dilal kala duwan ka gaystay deegaanada maamulkaasi, taas oo aad loogu boggaadiyay.

Si kastaba, Maalmihii dmabe Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa kordhisay fulinta xukunada  toogashada ah, kuwaas oo lagu riday shaqsiyaad kala duwan oo dilal gaystay.

Sawirro: Golaha wasiirada oo ansixiyay magacaabista Hodan Cismaan iyo Aadan Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta shirkoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo uu guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, waxaana looga hadlay arrimo dhowr ah.

Ugu horeyn shirka  Golaha Wasiirrada ayaa waxaa lagu ansixiyay magacaabista Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya iyo Agaasimaha Guud ee Bangiga Horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya oo la horgeeyay golaha.

Inta uu shirka socday  Golaha ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda ee Marwo Hodan Cismaan in ay noqoto Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya, halkan Mudane Aadan Rooble uu noqonayo Agaasimaha Guud ee Bangiga Horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa shirka maanta lagu meel mariyay hindise Sharciyeedka Xeerka Hey’adaha aan dowliga aheyn, Habraaca Diiwaan-gelinta Gaadiidka iyo Siyaasadda Qaran ee Kormeerka iyo Qiimeynta.

Intaas kadib ayaa warbixinno kala duwan oo la xiriira amniga iyo difaaca dalka laga dhageystay Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Amniga Gudaha, kuwaas oo ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka.

Labada wasaaradood ayaa si gaar ah golaha faah-faahin uga siiyey howlgallada socda ee sugidda amniga, xasillinta iyo howlgallada lagu ciribtirayo kooxda Al-Shabaab.

Gobollada dalka ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda.

Xiisad ka taagan Gedo kadib tallaabadii Axmed Madoobe

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in mar kale xiisad dhinaca maamulka ay kasoo cusboonaatay gobolkaais, taas oo ka dhalatay isbeddal maamul oo uu sameeyay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Madaxweynaha oo wareegto soo saaray ayaa soo magacaayay guddoomiye ku xigeennada cusub ee gobolka iyo guddoomiyeyaaha degmooyinka Buurdhuubo iyo Belexaawo.

Xiisad ka dhalatay isbeddelkan ayaa maanta ka taagan degmada Buurdhuubo, waxaana isku horfadhiyo ciidamo taabacsan maamulkii hore iyo kuwa Jubbaland.

Nuur Shig Shigoow oo kamidah xubnaha diiday maamulka lasoo magacaabay ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in labada ciidan ay haatan is horfadhiyaan.

Xaaladda waa cakiran tahay annaga magaalada joogno, iyagana bannaanka ayay joogaan waxay qarka u saaran tahay inuu dagaal qabiil qarxo” ayuu yiri Nuur Shig Shogoow.

Sidoo kale wuxuu ku daray “Waxa ay xiisadda salka ku haysaa isbeddalka lagu sameeyay guddoomiyaha degmada Buurdhuubo, waxaan diidanahay warqaddii shalay soo baxday.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in mas’uuliyadda dhibaatada ka dhalata xaaladda ka taagan halkaas ay qaadi doonaan madaxda sare ee maamul goboleedka Jubbaland.

“Xiisadda taagan, haddii ay dad ku dhintaan waxaa qaadaya mas’uuliyadda Maxamuud Sayid Aadan, Axmed Madoobe iyo wasiirka arrimaha gudaha Jubbaland” ayuu raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in wax weliba lagu dhameeyo wada-hadal iyo deganaan, si loo qaboojiyo xiisadda haatan soo cusboonaatay.

“Waxaan ku baaqayaa warqaddan in dib loo celiyo laga fariisto, kadibna laga fariisto, si loo helo isla ogol” ayuu mar kale yiri Nuur Shig Shigoow.

Gedo ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay khilaafaadka dhinaca maamulka, kuwaas oo dib u dhigay horumarkii gobolkaasi oo hoostaga dowlad goboleedka Jubbaland.

Sawirro: Ciidanka Soomaaliya oo wacdaro cajiib ah ka dhigay dhoolatus dibadda

0

Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa maanta dhoolatus cajiib ah oo ay ka qayb-galeen waddamo badan kusoo bandhigay dalka Kenya.

Intaii uu socday dhoolatuska ayaa ciidamada Soomaaliya waxa ay wacdaro ka dhigeen goobta, sida ay muujinayaan muuqaalo iyo sawirro ay heshay warbaahinta.

Diyaarinta ciidamadan ayaa waxaa si gaar ah isugu howlay taliyaha guutada 16-aad kuumaandooska Danab Gaashaanle Caydaruus Maxamed Xuseen oo kaashanaya taliye xigeenkiisa Gaashaanle Maxamed Sheekh Axmed iyo saraakiisha kale ee ciidanka Danab.

Sidoo kale waxaa dhoolatuskan ka qayb-galay ciidamo ka socday dalalka gobolka sida Kenya ,Tanzania iyo Uganda.

Bandhiga ay sameeyeen ciidamada Xoogga dalka ayaa muujinaya isbeddellada malatari ee ay haatan ku tallaabsaneyso Soomaaliya oo hadda kasoo kabaneyso burbur xoogan, waxaana hoggaanka u haya dhalinyaro sanadihii dambe loo soo tababaray Soomaaliya.

Waa markii markii ugu horreysay burburka kadib oo Soomaaliya dalka dibaddiisa uga qayb-gashay dhoolatus ciidan oo weyn, sida uu horay u shaaciyay Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Sarreeya Gaas Ibraahim Sheekh Muxyidiin oo la dardaaramaya ciidamada Danab.

“Waa markii ugu horreysay ee aan ka qayb-galeyno carbis milatari oo ka dhacaya dalka dibbaddiisa, waxaad ogtihiin mar haddii aysan horay u jirin waqtiyadan ay dhisneyd dowladdu ama ciidamadanka ay ku jireen dib u dhiska waxa nalagala filan karo inaan isku sheegno ayana rabnaa” ayuu horay y yiri taliyaha Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Soomaaliya ayaa haatan sameyneyso dib usoo kabasho weyn oo dhanka ciidamada ah, waxaana sanadihii u dambeeyay xoogga la saaray dib u dhiska Ciidamada Xoogga dalka.

Somaliland oo xukun adag ku ridday ‘rag gaalo ah’ oo Hargeysa ku sameynayay…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku ridday afar nin oo ‘gaalo ah’ isla markaana maandooriyaha Khamriga ku sameynayay gudaha magaalada Hargeysa, kuwaas oo lasoo taagay Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex.

Raggan ayay Maxkamaddu sheegtay in iyaga oo gaalo ah ay soo xirteen labiska Islaamka, sidoo kalena ay ka dawarsanaayeen magaalada dhexdeeda.

Shaki laga qaaday kadib ciidamada Booliska ayaa soo qabtay afarta nin, waxaana kadib lasoo taagay maxkamad, iyada oo lagu helay inay Khamri ku sameeyaan gudaha Hargeysa.

“Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex ayaa saaka xukun ku riday 4 -nin oo dhawaan Ciidamada Booliska JSL garahaan Saldhiga Dhexe gacanta kusoo dhigeen , raggan oo ku eedaysanaa inay Khamri ku sameeyaan Magaalada Hargaysa gudaheeda iyo inay Iyagoo gaalo ah labiska islaamka qaateen kuna dawarsanaayeen ayaa dambigaasi lagu helay” ayay tiri maxkamaddu.

Sidoo kale maxkamadda ayaa sheegtay in raggan kaba kamid ah lagu xukumay min sideed sanadood oo xabsi ah iyo laba milyayan oo shilinka Somaliland ah, halkalabada kalena lagu riday xukun 6 sanadood oo xarig ah iyo hal milyan oo shlinka Somaliland ah.

“Waxaanay Maxkamadda Gobolku ku xukuntay laba kamida raggaasi 8 sannaddood oo xadhiga iyo 2Milyan oo Shilin S/land , Halka labada kale lagu  xukumay 6-Sannadood oo xadhiga iyo 1Milyan oo Shilin S/land” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka maxkamadda.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Dhanka kale xukunkaasi markay dhamaystaan dhammaantood dalka waa laga mastaafurinayaa iyagoo markii hore dalka tahriib kasoo galay. waxaanay kasoo jeedaan dalka Ethiopia”

Ugu dambeyn waxaa fariin loo diray bulshada Somaliland oo loogu baaqay inay booliska usoo gudbiyaan wax kasta oo halis ku ah nabad-gelyada deegaanka.

“Taliska Ciidanka Booliska JSL wax uu bulshada ugu baaqayaa inay degdeg ula soo wadagaan dadka noocaasa markay arkaan” ayaa lagu soo gabagabeeyay.

Qoyska Luul oo go’aan cusub ku dhowaaqay kadib xukunkii shalay lagu riday Sayid Cali

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa shalay dil ku xukuntay Sayid-Cali Macallin Daa’uud oo lagu eedeeyay gubashada xaaskiisii oo lagu magacaabo Luul Cabdulcasiis oo u geeriyootey dhawaac ka soo gaarey dabka.

Kiiska Luul Sheekh Cabdulcasiis oo ahayd hooyo uur leh ayay dad badan ka dhursugayeen xukunka maanta ee Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Luul – oo sida la sheegay xaamilo ahayd – ayaa labadii February u geeriyootay dhaawaca gubasho dabayaaqadii January kasoo gaartay gurigii ay degganaayeen ee magaalada Muqdisho. Meydkeeda ayaa ilaa iyo haatan ku jira qaboojiyaha.

Muxuu ka yiri Luul aabaheed?

Sheek Cabdicasiis Maxamed oo ah aabbaha dhalay Luul ayaa si wayn u soo dhaweeyay go’aanka maxkamadda ee maaanta, wuxuuna sheegay in uu ku faraxsan yahay in ay heleen “caddaaladdii ay muddada dheer raadinayeen.”

“Wallaahi lama soo koobi karo farxadda, maxaa yeelay caddaalad ayaa meesha la raadinayay caddaaladdiina alxamdulillahi waa la helay, inkastoo ay fulintii dhiman tahay, haddee shucuurteyda iska dhaafee dadka kale ayaad ka dareemi kartay,” ayuu yiri Sheekh Cabdicasiis.

Waxaa uu intaa ku daray in xukunkan uu ahaa mid ay filayeen, islamarkaana uu eedeysanaha qudhiisa qirtay wax walbana ay caddaayeen.

“Sadar muuqda su’aal ka dhan ayaa la yiri, marka meeshaan wixii wuu qirtay wuuna sheegay in saa loo daahiyo ayaaba khalad ahayd,” ayuu intaa ku daray .

Cabdicasiis oo dhanka kale aan wax ka waydiinnay goorta la aasayo meydka gabadhiisa ayaa sheegay in ballantii uu qaaday ay ahayd in hal mar la aaso gabadhiisa iyo Sayid-Cali.

Balse waxaa uu farta ku fiiqay in maaddaama imika xukunka racfaan laga qaadanayo islamarkana bilooyin inay qaadato laga yaabo ay qoyska ka tashanayaan sida laga yeelayo meydka Luul.

“Ballantii ugu horreysay iyo hadalkii aan ku hadlaynay wuxuu ahaa in la isla duugo marka wax lala duugayo ma laha, sababtoo ah hadda iyo racfaan iyo afar bilood waaye marka waa laga tashanayaa wax weeyn ma aha,” ayuu yiri.

Sheekh Cabdicasiis ayaa xusay in qoyska aysan qorshe ugu jirin waanwaan ama inay mag qaataa, sababtana ay tahay “qaabka xun eeay gabadhiisa u geeriyootay.”

Waxaa uu dhanka kale hoosta ka xarriiqay in uu doonayo in gabadhiisa ay tusaale u noqoto gabdhaha kale ee Soomaaliyeed oo caddaalad ay heshay gabadhiisa ay ku badbaadi karaan gabdho badan.

“Sideedaba annaga mag ma qaadanno waliba cafiskeenna ayaa badan marka tan qaab -darad gabadha loo dilay iyo gabdhaha Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah bari ka maalin aysan waddo u noqonin oo sidii loo dilay gabadheyda marka gabdhihii kale in sidaas loo gubin ayaan ku talagalnay,” ayuu yiri.

Xuutiyiinta Yemen oo weerar dhimasho badan ku qaaday markab marayay Badda Cas

Sanca (Caasimada Online) – Millatariga Mareykanka ayaa sheegay, in gantaal nuuca baalistiga ah oo laga soo tuuray dhulka ay Xuutiyiinta maamulaan ee dalka Yemen lagu batilmaameedsaday Markab ganacsi oo marayay Gacanka Cadmeed, Arbacadi shalay.

Bayaan kasoo baxay Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in gantaalkaasi uu ku dul habsaday markba, isla markaana uu sababay dhimashada saddex ka mid ah shaqaalihi la socday markabka.

Markabka la weeraray ayaa watay calanka jasiiradda Barbados, waxana laga leeyahay Liberia. Wuxuu waday biro laga keenay Shiianaha, waxana uu kusii jeeday Sacuudiga.

Sida uu sheegay millatariga Mareykanka, waa weerarki ugu horreeyay ee ay dad ku dhintaan oo ay xuutiyiinta u geystaan maraakiibta caalamiga ah ee adeegsata marinka Baabul Mandab ee Gacanka Cadmeed, tan iyo inti ay Xuutiyiinta billaabeen weerarada noocaani oo kale ah bartamihi November.

Xuutiyiinta ayaa sheegay in sii wadi doonaan weerara nuucani oo kale ah inta ay Isra’il ka joojineyso dagaalka ay ka waddo Gaza. Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa fuliyay weeraro cirka ah oo ka dhan ah Xuutiyiinta, kuwaas oo ay marar kala duwan ay ku garaaceen bartilmaameedyo ku yaalla Yemen.

VOA

Lix saldhig oo ay lahaayeen Al-Shabaab oo la duqeeyay

0

Muqdisho (Caasiumada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeymo xoogan oo xalay ka dhacay deegaano dhaca xadka u dhexeeya gobollada Shabeelaha Hoose iyo Jubbada Dhexe, kuwaas oo lala eegtay kooxda Al-Shabaab.

Duqeymahan oo ay fuliyeen diyaarado dagaal ayaa waxaa lala beegsaday 6 saldhig oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Wararka ayaa sheegaya in saldhigyad la duqeeyay ay ku sugnaayeen saraakiil sar sare iyo maleeshiyaad ka tirsana kooxda, kuwaas oo ay waxyeelo kasoo gaartay weerarkaasi.

Sidoo kale waxaa xarumaha la duqeeyay ku sugnaa saraakiil ajaaniib ah oo ka barbar dagaalanta kooxda, sida ay sheegayaan wararka horudhaca ah eel aga helayo duqeyntaas.

Xubnaha lagu dilay weerarkan ayaa waxaa kamid ah saraakiil magacyadooda lagu soo koobay Abuu Xasan, Abuu Cali, Abuu Basma iyo maleeshiyaad kale oo joogay saldhigyada la duqeeyay.

Waxaa sidoo kale jira burbur xoogan oo ka dhashay xarumo ay kooxda ku lahayd xadka gobollada Shabeelaha Hoose iyo Jubbada Dhexe ee koonfurrta Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi khasaaraha badan lagu gaarsiiyay.

Muddooyinkii u dambe ayaa waxaa sii xoogeysanayay howlgallada ka dhanka ah Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo lagu xoreeyay dhul ballaaran.

Arrin la gudboon dowladda si aysan u soo laaban fadeexad lamid ah tii maanta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa waxaa dul hoganeysa fadeexad weyn, kadib markii ay isku deyday in lacago u muuqda “sharci darro” ay kusoo rogtay rakaabka ka dhoofaya garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wasaaradda ayaa shirkad gaar ah u xirtay mashruuc ujeedkiisu yahay lacag aruursi iyo macaash qolo gaar ah, ayada oo shirkadaha diyaaradaha lagu amray in system ay leedahay shirkadaasi ku shubaan xogta rakaabka kahor inta aysan safrin, ayada oo lagu dalacayo lacag dhan $9 calaa qofkii.

Lacagtaan ayaa loogu tala-galay in lagu shubo akoon ay leedahay shirkada loo xiray mashruucan, oo ay maamulayaan shaqsiyaad gaar ah, taasi oo gogol xaar u ah musuq-maasuq aan geed loogu soo gamban.

Arrintaan ayaa saameyn ku yeelatay shaqadii ka socotay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay diideen shirkadaha diyaaradaha in rakaabka ku dalacaan lacagtaan, ayna ku shubaan akoon gaar loo leeyahay oo aan aheyn xataa mid dowladeed.

Arrintaan ayaa waxaa maanta soo fara-geliyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo shacabkii ku xayirnaa gudaha garoonka amray in loo fasaxo duulimaadyadooda, ayada oo uu ka raali-geliyay rakaabka arrinkaan, oo ay gadaal ka taagan tahay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya.

Haddaba, maxaa la gudboon madaxda sare ee dalka si aysan usoo laaban fadeexad lamid ah middii maanta ama ka daran?

Marka hore, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud mid kamid ah sababihii loo doortay waxay aheyd inuu wax ka beddelo culeyska dhaqaale ee haystay shacabka Soomaaliyeed.

Laakiin tan iyo markii uu xafiiska yimid waxa uu dalka wajahaya dhaqaale xumo baahsan, dowladdana ciqaab dhaqaale ayay kusii haysay shacabka.

Ayada oo qof walba oo xafiis loo dhiibay uu maalin walba hindisayo sidii lacago akoonno shaqsi lagu shubaayo uga qaadan lahaa shacabka Soomaaliyeed, taasi oo aad uga soo horjeeda sababihii loo doortay madaxweyne Xasan.

Madaxweyne Xasan iyo dowladdiisa ayaa xilligaan waxaa la gudboon in ay ka hortagto ciqaabta maaliyadeed ee xafiisyada qaar u geysanayaan dadka danyarta ah.

Sidoo kale waa in dowladda u diido dhaqanka wasiirada qaar ku sameysteen shirkado ay iyagu leeyihiin oo ay dad kale ku qorteen oo ay rabaan inay ku dhacaan shacabka Soomaaliyeed, si aysan markale fadeexad weyn dhexda uga gelin dowladda madaxweyne Xasan Sheekh.

Sawirro: Muxuu Xasan kala hadlay Mareykanka iyo Norway?

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda dalka Norway, Mudane Andreas Kravik oo booqasho ku yimid caasimadda Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlay xiriirka labada dal, iskaashiga dhinacyada horumarinta, amniga, la-dagaalanka argagixisada iyo xasilinta deegaanada laga xoreeyay Khawaarijta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey dowladda Norway taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya, dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo dowlad dhiska.

Sidoo kale, Madaxweynaha wuxuu ku boorriyay Norway in ay sii kordhiso doorka ay ka qaadato horumarinta, wax ka qabashada saamaynta isbaddalka cimmilada, xasiloonida Soomaaliya iyo gobolka.

Dhankiisa, Wasiirka Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Norway ayaa bogaadiyay horumarka dowlada ay ku tallaabsatay, gaar ahaan amniga iyo dowlad dhiska, isagoo xusay in Norway ay sii wadi doonto taageerada iyo garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta qaabilay ku-simaha safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Shane Dixon, waxayna ka wadahadleen arrimo badan oo ku saabsan xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka.

Madaxweynaha iyo danjiraha ayaa diiradda saaray iskaashiga istiraatijiyadeed ee labada dal. Waxay dib u eegis ku sameeyeen siyaabaha kor loogu qaadi karo dadaalka wadajirka ah ee looga hortagayo khatarta argagixisada caalamiga ah.

Wasiirka gaadiidka oo ka hadashay xayiraadii garoonka, una hanjabtay shirkado iyo…

Muqdisho (Caasimada Online) –Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal ay ku raali gelineyso dadkii maanta ku xayirmay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxayna wasaaraddu faahfaahisay sida ay wax u jiraan.

Waxaa lagu sheegay qoraalka wasaaradda in sanadkii 2022 ay heshiis lagu saxayo qaladaadka ka jira duulimaadyada ay wasaaraddu la gashay shirkadaha diyaaradaha dalka, halkaas ayuu ka soo bilowday qorshaha cusub ee wasaaraddu la timid.

Qoraalka wasaaradda ayaa lagu sharaxay qaladaad si maalinle ah uga dhaca shirkadaha diyaaradaha qaada dadweynaha u safra gobollada dalka, halka wasaaradduna ay raadisay wadiiqo lagu sixi karo qaladaadkaas, sida lagu sheegay qoraalkaan.

“Si loo saxo qaladaadka dhaca wasaaraddu waxay sameysay system casri ah, kaas oo shirkadaha diyaaradaha farayaya:

1- In System-ka ay ku soo gudbiyaan nooca diyaaradaha ay isticmaalayaan, si loo xaqiijiyo in shirkaddu ay heysato diyaarad badqabta oo rakaabka ay ku qaadi karto, sidoo kalena loo xadido tirada tikidhada ay diyaarad kasta qaadi karto.

2- Inay System-ka ku soo gudbiyaan xogta rakaabka ay qaadayaan, si hey’adaha amnigu u hubiyaan,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Sidoo kale wasaaradda ayaa shacabka Soomaaliyeed u sheegtay in qabadii maanta ay ka dhalatay amar diidada shirkadaha diyaaradaha oo u hoggaansami waayey awaamiirta wasaaradda.

Wasaaradda gaadiidka ayaa ku eedeysay shirkadaha diyaaradaha inay diidan yihiin in la saxo qaladaadka uga dhacaya sida maalinlaha ah, maadaama ay diideen inay fuliyaan System-ka cusub ee wasaaraddu la timid.

“Wasaaraddu waxay shacabka Soomaaliyeed u xaqiijineysaa inay ka hortegi doonto wax kasta oo dib u dhac ku keeni kara safaradooda, iyadoo wasaaraddu ay la xisaabtami doonto shirkadihii iyo shakhsiyaadkii sababta u ahaa dib u dhaca,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee XFS.

Hoos ka akhriso qoraalka

Sawirro: Wasiir ka tirsan DF Soomaaliya oo Muqdisho maanta kasoo dajiyey calanka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo maalmahii la soo dhaafay safar shaqo ugu maqnaa wadanka Tanzania ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka.

Wasiirka ayaa magaalada Muqdisho ka soo dejiyey calanka ururka dhaqaalaha bulshada bariga Afrika oo maalmo ka hor ay Soomaaliya si rasmi ah ugu biirtay ururkaas, waxaana halkaasi ku qaabilay wasiiro iyo madax kale oo ka tirsan dowladda.

Wasiir Jibriil ayaa sidoo kale 4-tii bishaan March, 2024 wuxuu calanka Soomaaliyeed iyo dukumentiyadii ansixinta heshiiska ku biirista ururkaasi geeyey xarunta ururka dhaqaalaha bulshada bariga Afrika oo ku taalla magaalada Arusha ee dalka Tanzania.

Arusha ayaa dhawaan munaasibad weyn oo lagu qabtay lagaga dhawaaqay in Soomaaliya ay si rasmi ah ugu biirtay ururkaasi, ayada oo calanka Soomaaliyeed laga taagay afaafka hore ee xarunta ururka.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS ayaa calanka ururka dhaqaalaha bulshada Afrika ku wareejin doona madaxweynaha dalka Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, iyada oo marka ugu horreysa si heer qaran ah looga taagi doono Madaxtooyada Villa Somalia.

Intaas kadibna waxaa laga taagi doona guud ahaan xarumaha hay’adaha dowladda ee dalka, sida ay shaacisay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa ku dhowaad afar billood kadib waxay Isniintii si rasmi ah oo buuxda xubin uga noqotay ururka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika (EAC).

Ku biirista rasmiga ah ee EAC, ayaa imaneysa kadib markii ay Soomaaliya soo dhameystirtay dhamaan shuruudihii looga baahnaa, taasi oo lagu shaaciyay xarunta ururka ee dalka Tanzania.

Saraakiil sare oo Turki ah oo soo gaaray Muqdisho iyo kulan ka dhacay xarunta difaaca

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka waxaa maanta soo gaaray saraakiil sare oo ka socda dowladda Turkiga.

Saraakiishan kala duwan ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay xarunta wasaaradda difaaca Soomaaliya ee taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka Gaashaandhiga DFS Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka S/gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa wafdigan kulan xasaasi ah kula qaatay xarunta taliska ciidanka xoogga dalka.

Saraakiisha ka socday dalka Turkiga ayaa isugu jiray talisyada ciidamada badda, dhulka iyo mas’uuliyiin ka socota wasaarada difaaca dalkaasi Turkiga, oo dhawaan heshiis difaac ay wada gaareen Soomaaliya.

Ujeeddada safarkooda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay inuu qayb ka yahay dhismaha iyo qalabaynta ciidamada milateriga Soomaaliya iyo in la xoojiyo heshiiskii dhawaan ay wada-galeen Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ahaa heshiis difaac iyo mid dhaqaale.

Sidoo kale shirkaan waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha ciidanka badda ee XDS  Admiral, Cabdi Warsame, Taliyaha Ciidamada dhulka Gen. Dayax Cabdi Cabdulle iyo saraakiil kale oo ka tirsan milateriga Soomaaliya.

Heshiiska difaac ee Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sidoo kale dhawaan dhaqan-gal noqday kadib markii ay meel-mariyeen Golaha Wasiirrada Soomaaliya iyo labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Heshiiska oo uu saxiixay madaweynaha Soomaaliya, ayaa sidoo kale waxaa la filayaa in maalmaha soo socda uu heshiiskaasi ansixiyo baarlamaanka dalka Turkiga, islamrkaana uu qalinka ku duugo madaxweynaha dalkaasi Mr Erdogan.

Heshiiska difaac ee Soomaaliya ay la saxiixatay Turkiga ayuu madaxweynaha Soomaaliya ku tilmaamay mid Soomaaliya gaarsiin doona inay dhisato ciidan badeed ku filnaada difaaca baddeenna, xilli ay taagan tahay xiisadda badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo heshiiskani inaga dhexeeyo waa dal iyo dad aan naqaanno, marar badan hiil inoo muujiyay. Waa waddan saaxiib iyo walaal ah oo aan ku aamini karno iskaashigan muhiimka u ah difaaca qarannimadeeenna iyo midnimadeenna dhuleed,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba, heshiiskaan ayaa socon doono muddo 10 sano ah, iyada oo ciidamada Turkiga lagu wareejinayaa xeebaha dalka todobaadyada soo socda, iyaga oo sidoo kale dib u dhis ku sameynaya iyo qalabeyn ciidamada badda Soomaaliya.

BF oo soo faro-geliyey arrintii maanta dhacday iyo saddex mas’uul oo loo yeeray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Gaadiidka ee golaha Shacabka ayaa war-saxaafeed kasoo saaray dhacdadii shalay iyo maanta Garoonka Aadan Cadde ee lagu hakiyey duulimaadyadii shacabka, iyagoo qoraalkooda ku faahfaahiyey sida ay wax u dhaceen.

Ugu horeyn guddiga ayaa shaaciyey inay u yeereen wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, maareeyaha hey’adda duulista rayidka iyo maareeyaha garoonka Aadan Cadde, si guddigu ula xisaabtamo oo arrintaas wax looga weydiiyo, kulanka guddiga iyo masuuliyiinta wasaaradda ayaa loo balansan yahay Khamiista berri.

Guddigaan arrimaha gaadiidka u qaabilsan xildhibaanada golaha shacabka ayaa sheegay in 3-dii Maarso ay cabasho ka soo gaartay shirkadaha diyaaradaha oo sheegay in dikidhada dadka u safraya gobollada dalka la dulsaartay lacag $9 dollar ah.

Sidoo kale shirkadaha ayaa dood ka qaba shirkad ay dad gaar ah leeyihiin oo loo xil-saaray inay lacagtaas qaadato, isla markaana keydiso xogta dadka u dhoofaya gobollada dalka.

Guddiga ayaa qoraalkiisa ku sheegay in shirkadaha diyaaradaha ee u soo dacwooday ay ku doodeen in keydinta xogta dadweynaha dhoofaya aan loo gacan-geli karin shirkad gaar ah, isla markaana shaqadaas ay tahay mid u taalla hey’adaha amniga ee dowladda.

Guddigaan xildhibaanada ah ayaa qoraalkooda ku sheegay inay tageen garoonka markii ay cabashadu ka soo gaartay shirkadaha diyaaradaha, isla markaana ay soo arkeen caqabadii shalay iyo maanta heysatay shacabka ku xayirmay garoonka.

Ugu dambeyntii guddiga ayaa sheegay inay hadda ku guuleysteen in la fasaxo dadkii lagu xayiray garoonka, isla markaana ay warbixin dhameystiran la wadaagi doonaan shacabka, markii wareystaan masuuliyiinta wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa maanta tegay garoonka, isagoo amray in la fasaxo shacabka ku xayiran garoonka, waxaana maanta duhurkii Muqdisho ka baxay boqolaal qof oo saacado badan ku xayiraa garoonka Aadan Cadde.

Hoos ka akhriso warqadda guddiga

Daawo: Ehellada Sayid Cali oo ku gacan sayray xukunka iyo tallaabo ay qaadayaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ehellada Sayid Cali Macallin Daa’uud oo maanta ay maxkamadda ku xukuntay dil toogasho ah oo ah qisaastii Luul Cabdicasiis ayaa warbaahinta la hadlay iyaga oo ku gacan sayray xukunka ay maxkamadda gobolka Banaadir ku riday wiilkooda.

Waxay sheegeen in xukunka uusan u dhicin hanaan cadaalad ah, islamarkaan ay racfaan ka qaadan doonaan maadaama dhageysiga dacwadda aan lagu dabaqin xukunka, sida ay sheegeen.

“Sababaha aan ugu qanacsaneyn wixii lasoo maray inta dacwadda socotay waxba lagama qiimeyn, wiilka qiraal laga hayo lama sheegin, marqaatina lama sheegin maadaama dadka Islaam yahay qofka marka la dilayo shareecadda Islaamka loo bandhiga dilkiisa, waa qalad in wax shareecadda Islaamka ka baxsan,” ayuu yiri mid kamid ah Ehellada Sayid Cali.

“Xukunkaas maanta Sayid Cali lagu riday wax quseeya ma ahan, oo aan soo dhaweynayno ma ahan. Intii dacwadaasi socotay waa arkeynay waxyaaluhu siday u dhaceen, sidii aan uga hadleynay iyo cadaalad darradii aan sheegaynay maanta ayay dhacday.”

Sidoo kale waxay eedeyn culus u jeediyeen Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir oo maanta ku dhawaaqay xukunka Sayid Cali ee dilka toogasho, oo ay sheegeen inuu hareermay marqaatiyaashii iyo qiraalkii Sayid.

“Wuxuu ku xukumay wax isaga jeebkiisa ah, wax asaga jeebkiisana xukun ma noqdaan oo meeshan waa garsoorka dalka ra’yi nin kama socdo, racfaan ayaa qaadaneyn illaa dalka meesha ugu sareysa maxkamadaha ayaa soconeyna.”

Ehellada Sayid Cali ayaa sidoo kale ku doodaya in wiilkooda loo hayn cadeyn sax ah oo dil loogu xukumo, islamarkaana maanta lagu xukumay mala-awaal, sida ay hadalka u dhigeen.

“Mala-awaal dhiigga bini’aadamka wuu qiimeeyo oo laguma dilo, anagu howshaas kuma jirno waana daba socon doono illaa meesha ay ku dhamaato,” ayey tiri mid kamid ah Ehellada Sayid Cali oo la hadashay warbaahinta kadib xukunka maxkamadda gobolka Banaadir.

Ehellada Sayid ayaa horey sidan oo kale warbaahinta uga soo muuqday iyaga oo ka cabanaya in cadaalad darro lagula kacay, iyaga oo markaas saluug ka muujiyay marqaatiyeyaasha la horgeeyay maxkamadda.

Si kastaba, Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku riday Sayid Cali Macallin Daa’uud oo maalmihii dambe ay dhageysiga dacwaddiisa ka socotay magaalada Muqdisho, ayada oo loo haystay inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis oo uur lahayd.

Hoos ka daawo

Sawirro: R/W Xamza oo tegay garoonka AADAN CADDE, amarna ku bixiyay in deg…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa soo fara-geliyay xiisadda saaka ka taagneyd garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo ka jawaabaaya cabashooyinka shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddanaa garoonka dayaaradaha Aadan Cadde ayaa booqasho deg-deg ah ku tagay garoonka halkaasi oo kula kulmay shacabkii dayaaradaha sugayay, oo uu ka dhageystay cabashooyinkooda.

Mudane Xamza ayaa ku amray wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada, maamulka garoonka iyo shirkadaha diyaaradaha inay si deg deg ah u qaadaan dadka rakaabka ee sugayay safaradooda.

Ra’iisul Wasaaraha oo kula hadlayay qaar ka mid ah rakaabka hoolka garoonka ayaa sheegay in dowladdu ay ka xuntahay dib u dhaca iyo culeyska ku yimid safaradooda, isaga oo ballan-qaaday in arrintan oo kale aanay dib u soo laaban doonin.

Arrintaan ayaa imaaneysa xilli saacado badan uu hakad ku yimid duulimaadyadii garoonka kadib markii buuq iyo fadeexad la xiriirta lacag sifo aan sharci aheyn looga rabo shacabka, iyada oo lacagtaas ay rabaan wasaaradda Gaadiidka iyo maamulka garoonka, sida ay Caasimada Online u xaqiiyeen xubno ka mid ah maamulka diyaaraddaha.

Lacagtaas oo 9 dollar aheyd ayaa shirkaddaha diyaaraddaha ee ay Soomaalidu leedahay ama maamulan lagu amray iney shacabka saaran, kadibna lacagtaas lagu shubo akoon ay leedahay shirkad gaar ah.

Arrintaas ayaa maalintii labaad hakad gelisay duulimaadyada gudaha (Local) ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyada oo shacab fara badan saacado ku cadibnaayeem garoonka qeybta Local-ka, kuwaasi oo markii dambe amarka ra’iisul wasaaraha lagu fasaxay.

Isku soo wada duubo, arrintan ayaa ka dambeysay markii shirkad lagu magacaabo Hornlink la soo kordhiyay, taasi oo la sheegay in nidaam cusub oo ay leedahay lagu shubayo xogta muwaadiniinta ka dhoofeysa garoonka, sidaasna ay lacagta dheeraadka ah ee rakaabka diiday ku timid.

Maxkamadda gobolka oo ku dhawaaqday xukunka Sayid Cali Macallin Daa’uud

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa goordhoweyd soo gaba-gabeysay kiiska ka dhanka ah Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ku eedeysnaa inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis oo uur lahayd, waxayna ku xukuntay dil toogasho ah.

Kiiskan oo aad loo sugayay ayaa maxkamadda horay waxay uga soo yeelatay laba fadhi oo dood adag ah, waxaana la horgeeyay marqaatiyeyaal ay kamid ahaayeen carruurtii marxuumadda.

Waxaa kale oo ay horay maxkamaddu u  dhageysatay, islamarkaana su’aallo ay waydiisay eedeysane Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ku dooday inuu maseyrsanaa xilliga uu gaysanayay falkaasi.

”Xaaskeyga waan jeclahay, waxaan na dhexmaray muran, waxaa ay igu tiri nin kale ayaan guursanaya ee iska keey fur anna waan xanaaqay nafto ayaan soo gatay, waana ku gubay qol alaabta taalay ayada ayaana gashay dabka lakiin in aan badbaadiyo ayaan isku dayay,” ayuu Sayid Cali ka hor sheegay maxkamadda.

Ninkan ayaa ugu dambeyn lagu xukumay dil toogasho ah, “Maxkamadda gobolka Banaadir waxay Sayid Cali ku xukuntay dil toogasho ah oo ah qisaastii marxuumad Luul Cabdicasiis Maxamed,” ayuu ku dhawaaqay guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir.

Luul Cabdicasiis ayaa weli iyada oo mayd ah ku jirto Ferinjeer, waxaana lala sugayay cadaaladda iyo xukanka ay ridday maanta maxkamadda gobolka Banaadir.

Si kastaba, Kiiskan ayaa ahaa mid aad indhaha loogu hayay maalmihii lasoo dhaafay, waxaana la fahamsan yahay in xukunka maxkamadda ay soo dadajisay sida ay dhacdadaan uga fal-celiyeen shacabka Soomaaliyeed, maadaama ay aheyd mid ugub ah oo fajiciso ku noqotay reer Muqdisho iyo guud ahaan Soomaalida.