27 C
Mogadishu
Wednesday, June 24, 2026

Soomaalida oo ka maarmi doonta in ay DAL kale ka doontaan VISA-ha Hindiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu xumaaday xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa adkaatay in dadka Soomaaliyeed ay helaan Fiisaha ama dal ku galka Hindiya, maadaama qofka Soomaaliga ah uu tegi jiray Addis Ababa, si halkaas uu uga dalbado dal ku halka Hindiya.

Kumanaan qof oo Soomaali ah ayaa bil kasta arrimo caafimaad u aada wadanka Hindiya, dowladda Hindiya safaarad kuma laha Muqdisho, taas ayaa sababtay culeyska dadka Soomaaliyeed ay ku qabaan inay helaan fiisaha Hindiya.

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay inay ku foogan tahay sidii dadka Soomaaliyeed loogu fududeyn lahaa inay si sahlan ku helaan dal ku galka Hindiya, kadib kulan Muqdisho ku dhexmaray masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo saraakiil ka socota dalka Hindiya.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Xamse Aadan Xaadow ayaa idaacadda BBC u sheegay in dowladda Hindiya ay kala hadleen sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed loogu fududayn lahaa dal ku galka Hindiya iyo inay yeeshaan iskaashi dhinacyo badan ah.

“Caafimaadka waa howl horey u socotay, qaabkii loo casriyey lahaa iyo qaabkii ay safaaradooda uga furan lahaayeen Muqdisho, dadkuna ay fisaha Soomaaliya uga qaadan lahaayeen, arrimahaas ayaa ku jirtay wadahadalka,” ayuu yiri xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Soomaalidu waxay ku jirta dadka ugu badan dunida ee arrimaha caafimaadka u taga dalka Hindiya, balse Safaarad iyo Qunsliyad toona kuma lahan Soomaaliya, taasi waxay qofka Soomaaliga ah ku kaliftay in wadan kale uu dal ku galka Hindiya ka sii qaato.

Dadka Soomaaliyeed ee caafimaadka u aadaya Hindiya sababta ay Addis Ababa uga sii dalba jireen fiisaha Hindiya waa in dalka Itoobiya ay Soomaalidu ku tegi karto fiisa la’aan, halka Kenya qofka Soomaaliga ah laga doonayo inuu fiise ku galo.

Dadka caafimaadka u socda markii ay fiisaha Kenya Nairobi ku tagaan, waxay sii dalbadaan fiisaha Hindiya, taas oo dhibaato ku ah qofka bukaanka ah, maadaama labo dal ku gal uu raadsanayo, waqti badana uu uga baxayo.

Hadda waxaa la sheegay in dhanka Itoobiya uu culeys ka yimid oo dadkii fiisaha Hindiya ka sii dalba jiray Addis Ababa ay waayahaan dambe waayeen, lamana oga in hakadkaas uu sababay khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya u dhaxeeya.

DF oo diyaarisay qorshe culus kahor bisha Ramadaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa haatan u diyaar garoobeysa xoojinta amniga Muqdisho, inta lagu jiro bisha Barakeysan ee Ramadaan oo foodda nagu soo hayso, si looga hortego suurtagalnimada weeraro ay soo qaadaan Al-Shabaab.

Taliyaha ciidanka Booliska, Generaal Sulub Axmed Firin iyo duqa Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa xalay booqasho ugu tegay ciidamada xasilinta caasimada ee Boolis Milataaro, kuwaas oo la howlgaliyay Ramadaankii hore, xilli ay Muqdisho ay ka taagnaayeen xaalado adag.

Madaale oo khudbad u jeediyay ciidamadan ayaa ku amaanay sida ay uga howlgaleen amniga caasimada, wuxuuna sheegay in sanad kadib la dareemayo isbeddal weyn.

“Waxay noqdeen wixii laga filaayay ama wal walka laga qabay ayay daaweeyeen, hadda waa sanad jirsadeen Ramadaankii hore aakhirkiisii ayay kusoo bireen sugitaanka amniga caasimada” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay in bisha soo socota Ramadaan ay sii laba jibaaraan dadaalkooda, ayna ka hortegaan wax kasta oo liddi ku ah amniga guud.

“Waxaan rabaa in hurdada laga kaco oo cadowga nagu soo maqan laga hortego, inta lagu jiro bisha Barakeysan ee Ramadaan” ayuu sii raaciyay.

Guddoomiyaha gobolka ayaa sidoo kale yiri “Waxaan rajeyneynaa Ramadaanka aakhirkiisa meel aan meelahaan ahayn inaan ku baashaalno”.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii u dambeeyay ku jirtay xaalad deganaasho ah, waxaana yaraaday qaraxyadii iyo weeraradii kale ee ka dhici jiray caasimada.

Si kastaba, bishii Ramadaan ee la soo dhaafay ayaa waxaaMuqdisho wadooyinkeeda la dhigay Ciidamo farabadan oo ka qeyb qaatay sugida amniga,iyada oo dowladda ku dhawaaqday Nabad ku afur, waxaana amniga Magalada uu ahaa mid wanaagsan oo aysan ka dhicin falal amnidarro.

DF Soomaaliya oo $7 milyan ka xayirtay AL-SHABAAB

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxafadeed kasoo baxay dowladda Fedderaalka Soomaaliya oo aanay hay’ad gaar ahna ku saxiixneyn ayaa lagu sheegay inay dowladda ku guuleysatay xayiraadda lacag gaaraysa 7 million dollar, 670 taleefan lambaro iyo 110 akoon oo ay lahaayeen Al-Shabaab.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in iyadoo la dhaqan gelinayo Sharciga ka-hortagga Lacag-dhaqidda iyo La-dagaalanka Maalgelinta Argagixisada, ay tallaabadan qaaday dowladda federaalka, iyadoo 110-ka akoon ee la xiray ay yihiin kuwa Ganacsi (Merchant Accounts) oo Al-Shabaab u adeegsan jirtay handadaadda, uruurinta iyo keydinta lacagaha baadda ah ee ay ka qaadaan ganacsatada Soomaaliyeed.

“Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in ay sii wado dagaalka curyaaminta Maaliyadeed ee ka dhanka ah Khawaarijta, waxayna uga mahadcelinaysaaa ganacsatada iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed sida joogtada ay ula shaqeeyaan dowladda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka oo lagu baahiyey warbaahinta dowladda.

Qoraalka waxaa loogu digay ganacsatada iyo bulshada inaysan ogolaanin in ay bixiyaan lacagaha baadda ah oo Khawaarijtu ay u adeegsadaan in ay ku dhibaateeyaan umadda Soomaaliyeed.

Qoraalka laguma shaacin hay’adaha maaliyadeed, oo ay akoonadan uga furnaayeen kooxda Al-Shabaab iyo haddii ay jirto wax tallaabo ah oo ay dowladda ka qaadeyso hay’adahaas.

Inkasta oo tallaabadan ay muhiim u tahay dagaalka maaliyadeed ee ka dhanka ah Al-Shabaab, haddana lacagtan ayaa ah wax aad u yar marka la eego dakhliga kooxda soo gala sanadkii oo sirdoonka Mareykanka ay ku qiyaasaan illaa 180 milyan oo dollar.  

Wada-hadalladii Qaahira ee xabbad-joojinta GAZA oo mar kale dhicisoobay

Qaahira (Caasimada Online) – Wadahadallo saddex maalin uga socday magaalada Qahira, saraakiisha sare ee Xamaas iyo wakiillo ka kala socday dalalka Qatar, Mareykanka iyo Masar ayaa Talaadadi shalay kusoo dhammaaday guuldarro.

Wadahadallada oo hadafkoodu ahaa in madaxda Xamaas lagu qanciyo heshiis xabad-joojin lix todobaad ah oo laga dhaqangeliyo Gaza, ayaa dhicisoobay xilli ay bisha barakeysan ee Ramadan ay ka hareen maalmo ka yar todobaad.

Mareykanka, Qatar iyo Masar ayaa muddo todobaadyo ah isku dayaya in ay heshiis xabad-joojin ah kala dhex dhigaan Israil iyo Xamaas. Heshiiska hadda lagu guul-dareystay ayaa dhigayay in Xamaas ay sii deyso dadka ay ka heyso Isra’il, halka Israil ay xabsiyadeeda ka fasaxeyso maxaabiista jilicsan ee Falastiiniyiinta iyo in labada dhinac ay xabbada joojiyaan muddo lix todobaad ah.

Osama Hamdan oo ka mid ah saraakiisha sare ee Xamaas ayaa Talaadadi shalay sheegay, in ay doonayaan xabad joojin joogto ah halka ay ka aqbali lahaa yeen lix todobaad iyo sidoo kale in Israil ay ciidankeeda gabi ahaanba kala baxdo Gaza.

Ku dhawaad shan bilood oo dagaal cirka badda iyo dhulka ah iyo go’doomin ay Gaza go’doomiyeen ciidamada Israil ayay Qaramada Midoobay sheegtay, in boqollaal kun oo dadka Gaza ah ay qarka u saaran yihiin in ay macluul u dhintaan

Muxuu noqon doonaa xukunka eedeysane SAYID CALI?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa mar kale maanta fadhigii saddexaad oo noqonaya kii ugu dambeeyay ka yeeleneyso dhageysiga dacwadda ka dhanka ah eedeysane Sayid Cali Macalin Daa’uud oo loo haysto inuu gubay xaaskiisii oo uur lahayd Luul Cabdicasiis Maxamed.

Maxkamadda ayaa fadhigan ku shaacin doonto xukunka eedeysanaha, maadaama ay horay uga soo yeelatay laba fadhi oo hore.

Qoraal ay horay usoo saartay maxkamadda ayaa lagu muddeeyay kiiskan xasaasiga ah oo ay aad isha ugu hayaan dadka Soomaaliyeed.

“Maxkamadda iyada oo gudaneyso waajibaadka saaran ee ku xusan qodobada 75, 89 XHCS, waxa ay muddaysay Gal-dacwadeedka ciqaabta ah ee summaddiisu tahay MGB/DCL/147/2024 maalinta arbacada ah ee taariikhud tahay 06/02/2024, saacadduna ay tahay 12:00 duhurnimo” ayaa lagu yiri qoraal horay uga kasoo baxay Maxkamada gobolka.

Sidoo kale waxaa la faray taliyaha qaybta baarista dambiya ee CID-da inuu maxkamadda horkeeno eedeysanaha, maalinta arbacada oo ah kama dambeysta maxkamaddiisa.

Maxkamadda Gobolka ayaa sidoo kale amartay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo qareennada difaacaya eedeysanaha inay soo xaadiraan maalinta la shaaciyay, si ay goobjoog uga noqdaan maxkamadda iyo ku dhawaaqista xukunka ka dhanka ah Sayid Cali.

Dhinaca kale waxaa laga war dhowrayaa go’aanka maxkamadda iyo halka ay mariso kiiska Luul Cabdicasiis Maxamed, waxaana qaar kamid ah dadweynaha ay ka yiraahdeen:

Cabdikaafi Ibraahim “Dil toogasho ah waaya saakay Siid Cali Macallin Daa;uud ee si dejiya Soomaali weyn”

Naciima Maxamed “Insha Allah qisaasti marxumad Luul insha Allah”

“Waxa uu noqon doonaa labo un midkood in ay cadaaladda shaqayso 2 in Caddaalad daro oo la iskaaga sii daayo”

Cabdiraxmaan Arkaaye “Magdhaw iyo xabsi in ka yar 10 sano”

Haboon Maxamed “Wixii allaah u qoro ayuu noqonayaa Insha allaah”

Luul Cabdicasiis ayaa weli iyada oo mayd ah ku jirto Ferinjeer, waxaana maalintii la gubay kasoo wareegtay muddo bil ah, waxaana weli qoyskeeda la sugayaan ridida xukunka.

Nairobi: Dad ku dhintay labo diyaaradood oo isku dhacay

0

Nairobi (Caasimada Online) – Shil diyaaradeed ayaa ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana ku dhintay labo qof oo kala ahaa arday duuliye ah iyo tababarihiisa.

Diyaarad yar oo ay la socdeen labada qof ee geeriyootay ayaa ku dhacday diyaarad rakaab ah oo dul mareysay magaalada Nairobi.

Diyaaradda badbaaday waxaa la socday rakaab dhan 44 qof oo 5 ka mid ah ay yihiin shaqaalihii diyaaradda, waxaana iyagoo bad-qaba dib loogu celiyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi.

Diyaaradda burburtay waxaa lahaa Iskuul lagu barto duullimaadka, waxayna ku dhex burburtay Beerta Qaranka ee Nairobi, halkaas oo laga helay meydka labada qof iyo burburkii diyaaradda.

Diyaaradda rakaabka ee Safarilink ayaa dib ugu laabatay garoonka Wilson ee magaalada Nairobi, waxaana la sheegay inay u socotay magaalada xeebta ku taalla ee Diani oo isla dalka Kenya ka tirsan.

Duuliyaha nool ee waday labada diyaaradood ee isku dhacday midii rakaabka siday ee badbaaday ayaa ka sheekeeyey sida uu shilkaasi u dhacay, wuxuuna sheegay in diyaaradda uu waday ay mar qura la kulantay “jug weyn” wax yar kadib markii ay ka kacday garoonka.

Diyaarada Cessna oo uu maamulo iskuulka duulimaadyada ee Ninety Nine ayaa ku burburtay beerta xaywaanada oo qiyaastii 10 KM u jirta garoonka ay ka kacday diyaaradda rakaabka siday.

Hay’adda duulista rayidka ee Kenya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in shilku uu dhacay abaare 10:05 xilliga maxalliga ah Talaadadii maanta, isla markaana ay socdaan baaritaano ku saabsan shilkaas.

Waaxda shilalka hawada iyo booliska ayaa qoraalka lagu sheegay inay bilaabeen baaritaan ku saabsan sababta shilkaas galaafta nolosha labo qof iyo diyaarad yar oo laga lahaa iskuulka tababarada duulimaadyada Kenya.

Muxuu noqon karaa go’aanka berri laga gaari doono kiiska ninkii gubay xaaskiisa LUUL?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Arbacada berri go’aan ka soo saari doonta mid kamid ah kiisaskii ugu adkaa ee garsoorka Soomaaliya soo mara, waana xukunka Sayid-cali Macalin Daa’uud oo gubay xaaskiisii.

Maxkamadda ayaa horay u mudeysay inay Arbacada soo saari doonto go’aanka xukunka kiiskaas, xilli meydkii gabadha uu qaboojiye ku jiro muddo bil ka badan.

Labo ayuu mid noqon doonaa xukunka berri ka soo bixi kara maxkamadda, ‘in dil toogasho ah lagu xukumo Sayid-cali’ oo ka dhigan qisaasta gabadhii uu gubay iyo in xabsi lagu xukumo, laguna amro inuu bixiyo diyadii gabadha.

Waxaa xusid mudan, in labada dhinacba uu xukunka berri soo bixi doona kadib u furan yahay racfaan, taas oo ka dhigan hadii labada qoys uu midkood racfaan qaato in kiiska loo gudbi doono maxkamadda racfaanka ee gobolka Banaadir.

Arrinta ugu daran waa qaneecada reerka ay ka dhalatay Allaha u naxariistee Luul Cabdicasiis, maadaama ay cidaas weli qaboojiyaha ugu jirto gabadhii oo meydka in ka badan bil.

Reerka gabadha ayaa ku adkeysanaya in meydka aan la duugi doonin ilaa ay cadaalad ka helaan, taas oo ka dhigan in hadii xukunka berri soo baxaya ay ku qanci waayaan uu meydku ku sii jiri doono qaboojiyaha.

Dhawaan, waxaa cabasho soo saaray odayaasha dhaqanka beesha uu ka dhashay eedeysane Sayid-cali Macalin Daa’uud, iyagoo sheegay in qoyska gabadha ay kula heshiiyeen in meydka la aaso, kadib markii ay bixiyeen xaal, xumeyn iyo duugtii gabadha, balse looga baxay balantaas oo meydkii aan weli la aasin.

Kiiskaan waa kii ugu adkaa oo inta la xusuusto soo maray garsoorka Soomaaliya, waa nin xaaskiisa gubay, geeri meesha ka dhacday iyo marqaati la’aan jirta, dadka Soomaaliyeed ayaa isha ku wadahaya kiiskaan, qof kastana wuxuu sugayaa go’aanka berri ka soo bixi doona maxkamadda gobolka Banaadir.

Meydka Ganacsade Abuukar Kaabax oo lagu aasay amar maxkamad – Maxaa socda?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Meydka Ganacsade Abuukar Axmed Kaabax ayaa galabta lagu aasay magaalada Muqdisho, kadib amar ka soo baxay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Maxkamadda ayaa la sheegay in ehellada marxuumka ay ku amartay inay meydka aastaan, iyadoo loo xaqiijiyey in maalmaha soo socda kiiska dilkiisa ay maxkamaddu u fariisa doonto.

Toddooba qof oo shan askar tahay, isla markaana uu ku jiro taliyihii booliska degmada Heliwaa Cabdifitaax Qoslaaye ayaa lagu wadaa in maxkamad lasoo taago maalmaha soo socda.

Raggaas ayaa loo heystaa inay dileen ganacsade Abuukar Axmed Kaabax, kadib markii laga afduubtay gudaha degmada Heliwaa, kadibna lagu dilay degaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho.

Baaritaan culus ayaa ku socda ragga loo soo qabtay dilkaas, kuwaas oo isugu jira taliyihii saldhigga, askar iyo labo nin oo la aaminsan yahay in arrimo ganacsi ay isku hayeen Abuukar.

Toddobaadkii 3-aad oo meydka marxuumka uu qaboojiye ku jiray ayaa socday, balse waxaa galabta lagu aasay amar ka soo baxay maxkamadda ciidamada oo xaqiijisay in kiiskaan ay u fariisa doonto maalmaha soo socda.

Dhinaca kale, ehellada ganacsade Abuukar Kaabax ayaa galabta warbaahinta kula hadlay qabuurihii lagu aasay, iyagoo beeniyey in dilkii wiilkooda laga heshiiyey oo ay diyo qaateen.

Suldaan Daahir oo ka mid ah ehellada Allaha u naxariistee Abuukar Kaabax ayaa dadka Soomaaliyeed u xaqiijiyey inay wiilkooda ku aasteen amar ka soo baxay maxkamadda, isla markaana aysan jirin wax gorgortan ah oo cadaaladda kiiskaas ay ka gelayaan.

Ehellada ayaa ku adkeysanaya in cadaaladda la marsiiyo ragga loo soo qabtay dilka wiilkoodii, arrinta naxdinta leh waa in kiiska uu ku lug-yeeshay taliyihii booliska degmadii uu ku noolaa muqaadinka la dilay.

Ra’iisul Wasaare Xamza: “Aniga miyaa musuq-maasuq sameeya, mise wasiirrada?”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta furay Shirka Madasha Isku-duwidda Horumarinta ayaa si adag uga hadlay arrimo musuq-maasuqa ee ka jira gudaha Soomaaliya.

Kulankan oo ay goobjoog ahaayeen xubnaha beesha caalamka iyo wasiirada dowladda federaalka ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha maaliyadda ee dalka.

Xamza oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa su’aallo ka keenay warbixinnada soo laa laabta ee ay oomaaliya ka gasho kaalinta u hooseysa dalalka ugu badan musuqa.

Ra’iisul wasaaraha ayaa is weydiiyay cidda sameysay musuqa, isaga oo tusaale usoo qaatay golihiisa wasiirada.

“Waxaa la sheegaa inuu jiro musuq-maasuq badan, Soomaaliya International Transparency waxay nagu soo qortaa meel aad u fool xun yaa wada xaggee ka timid, yaa mas’uul ka ah, ma anigaa musuq-maasuq sameeya? xagggee musuq-maasuqa ka yimid ma heerka wasiirada mise Xalane ayay fadhidaa” ayuu is weydiiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaa laga yabaa in aysan wanaagsaneyn wada shaqeynteenna, waxaa laga yaabaa inuu shaki nagu dhex jiro”.

Xamza oo hadalkiisa sii wata ayaa ku baaqay in marka hore laga hagaajiyo wada shaqeynta, kadibna la’is aamino, si looga shaqeeyo horumarka guud ee dalka.

“Waxayu u baahanahay in la’si fahmo, bal horta aan wada shaqeynta ku heshiino, Soomaalida gudaheeda iyo saaxibadeenna caalamka” ayuu mar kale yiri Xamza.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dowladda Soomaaliya ay dhowaan qaaday tallaabooyin ka dhan ah musuqa oo loo soo xiray mas’uuliyiin haatan la maxkamadeynayo.

Daawo: Boqolaal ciidamo ah oo maanta lagu soo bandhigay galbeedka Hiiraan + Ujeedka

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa deegaanka, isla markaana aad u qalabeysan ayaa maanta lagu soo bandhigay degmada Farlibaax ee gobolka Hiiraan.

Saraakiil ka tirsan Xoogga dalka iyo booliska HirShabelle ayaa ciidamadan kula hadlay barxadda degmada Farlibaax, halkaas oo ay kusoo bandhigeen dhoolatus milatari.

Ugu horreyn waxaa goobta ka hadlay taliyaha qaybta booliska gobolka Hiiraan ee HirShabelle Isaaq Cali Cabdulle, kaas oo sheegay in ciidamadan cusub ay ka qayb-qaadan doonaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo xoreynta deegaanada dhaca galbeedka.

“Waxaan diyaar u nahay annaga oo u hoggaansameyna awaamiirta madaxda qaranka ee ah in lala dagaalamo cadowga Soomaaliyeed” ayuu yiri taliyaha booliska gobolka Hiiraan.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay taliyaha guutada 5-aad ee qaybta 27-aad ee ciidamada Xoogga Korneel Maxamuud Ibraahim Baakaay oo dardaaran u jeediyay ciidamadaasi.

Bakaay ayaa sheegay in hubkan tirada iyo ciidamadan cusub loo diyaariyay inay xoreeyaan deegaanada ay haatan maamulaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan idin hor imaado, Farlibaax oo maanta waxaan qoray ah ay yaallaan iyo waxaan oo hub culus ah iyo waxaan oo wiil ah ay xaadir ku yihiin” ayuu yiri.

Hiiraan oo xudun u ah kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa waxaa weli ka socda guluf ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda.

Cali Guudlaawe oo xilka ka qaaday guddoomiyihii ugu waqtiga dheeraa HirShabelle

0

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) oo maanta soo saaray wareegto ayaa xilka qaadis ku sameeyay guddoomiyihii gobolka Shabeelaha Dhexe, Axmed Meyre Makaraan oo ahaa ninkii ugu muddada dheer xilka deegaanada HirShabelle, kaas oo waqti fog hayay xilkan.

Axmed Meyre Makaraan ayaa xilka Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe hayay tan iyo sanadkii 2016 oo xilligaas uu Cali Guudlaawe ahaa Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle.

Wareegta haatan kasoo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa lagu shaaciyay xilka qaadista guddoomiyaha, ayada oo mas’uul cusub loo magacaabay gobolka Shabeelaha Dhexe.

“Waxaa Mudane Axmed Meyre Makaraan laga qaaday xilka “guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe ahna duqa magaalada” ayaa lagu yiri wareegtada.

Sababta xilka looga qaaday ninkan ayaa waxaa lagu sheegay dardartgelinta howlaha maamulka gobolka iyo talo soo jeedin ka timid wasiirka arrimaha gudaha HirShabelle

Sidoo kale waxaa xilkan loo magacaabay aqoonyahan Maxamuud Maxamed Nuur, sida lagu caddeeyay isla wareegtada uu soo saaray madaxweynaha maamulka HirShabelle.

“Waxaa Mudane Maxamuud Maxamed Nuur loo magacaabay xilka “guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe” ayaa mar kale lagu yiri wareegtada kasoo baxay xafiiska Guudlaawe.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Xeerkan wuxuu dhaqan-gelayaa marka uu saxiixo madaxweynaha dowladda HirShabelle, Mahadsanidiin”.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah isbeddallo kala duwan oo uu haatan wado madaxweyne Cali Guudlaawe, kuwaas oo ku aadan maamul goboleedka HirShabelle.

Madaxweynaha oo xalay wareegto kale soo saaray ayaa magacaabis iyo isku shaandheyn ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa wasiirada.

Xamza oo magacaabay xilkii uu banneeyay Maxamed Zubeyr iyo dhowr xilal oo kale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta u magacaabay Kamaaludiin Daahir Xasan Guutaale inuu noqdo Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Mudane Xamza ayaa sidoo kale wuxuu u magacaabay Cabdirisaaq Cali Ibraahim inuu noqdo Ku xigeenka Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, sida lagu shaaciyay wareegto kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Mahad Maxamed Cumar ayuu sidoo kale waxa uu ra’iisul wasaaraha u magacaabay inuu noqdo Agaasimaha Waaxda Habmaamuuska ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Magacaabistan ayaa imaneysa maalmo kadib markii uu xoghayihii joogtada ahaa ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamad Abuukar Zubeyr uu banneeyay jagadaasi oo uu iska casilay, isaga oo qoraal dheer oo shaqo ka tegis ah u diray ra’iisal wasaare Xamza.

Maxamed Zubeyr ayaa xitaa is-casilaaddiisa kahor la rumeysnaa in aanu awood buuxda ku lahayn xafiiska, ayada oo ra’iisul wasaaraha ay ku hareereysan yihiin la-taliyeyaal badan oo awood leh, taasi oo jahwareer ku haysa xafiiska.

Sida aan horey u baahinayna wax iska cad ayey aheyd in xilka Xoghayaha Joogtada uu Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha u waday Kamaal Xasan Guutaale, oo ka mid ahaa la-taliyayaasha tirada badan ee ra’iisal wasaaraha.

Sawirro: Madaale oo qaaday tallaabo xasaasi ah oo la xiriirta doodda dastuurka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa maanta furay kulan ku saabsan soo jeedinta ku aadan dhameystirka Dastuurka ee 4-ta cutub ee ugu horeeyso, kaasi oo ay ka doodayaan guddi uu dhawaan magacaabay guddoomiyaha gobolka

Guddigaan ayaa waxay sidoo kale ka shaqeyn doonaan soo diyaarinta xulashada ugu wanaagsan ee ku haboon magaalo madaxda dalka ee Muqdisho, ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay maamulka gobolka.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in shaqada guddigaan qeyb ka tahay in bulshada gobolka Banaadir loo bandhigo soo jeedinta ku aadan dhameystirka Dastuurka ee 4-ta cutub ee ugu horeeyo, si talooyinkooda ugu biiriyaan.

Natiijada ka soo baxdo doodaha farsamo ee guddigaani iyo talooyinka laga soo aruurin doono shacabka caasimadda ayaa lala wadaagi doonaa guddiyada dastuurka iyo guddoonka labada Aqal, si ay ugu saleeyaan go’aan ka gaarista dhameystirka dastuurka.

Arrintaan ayaa imaneysa xilli xasaasi ah, islamarkaana ay dood xoogan ka taagan tahay dhameystirka dastuurka oo uu ku howlan yahay baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxay kusoo aadeysa xilli uu muran xooggan ka taagan yahay arrimaha wax ka beddelka dastuurka, islamarkaan ay diidan yihiin inta badan xubnaha mucaaradka oo ay ku jiraan madaxdii hore ee dalka.

Si kastaba, bishii May ee sanadkii hore ayay aheyd markii Golaha Wadatashiga Qaranka ku heshiiyeen in laga guuro nidaamka hadda jira, ayada oo meesha laga saarayo xilka ra’iisul wasaaraha, si ay Soomaaliya markii ugu horreysay u yeelato madaxweyne iyo ku-xigeen, waana mid kamid ah qodobbada ugu adag ee la isku hayo xilligaan meel-marintiisa.

Xiisadda Somaaliya iyo Ethiopia: Qorshaha Erdogan iyo Ruto ee Xasan iyo Abiy

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa labo bil jirsaday xiisada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee sal-ku-heysa is-afgaradka la xiriira in Addis Ababa ay marin baddeed oo toos ah iyo saldhig ciidanka badda ah ka hesho Somaliland, iyada oo madaxweynaha Somaliland uu sheegay inay Itoobiya noqoneyso dalkii ugu horreeyay ee aqoonsi caalami ah siiya.

Is-afgaradka oo la shaaciyay maalinkii ugu horreeyay ee sanadkan ayay Hargeysa ku hanweyn tahay in la dhaqangeliyo kadibna marka ay soo dhammaadaan wada-xaajoodyada u socda labada dhinac.

Laakiin Soomaaliya oo ay ku tilmaamtay is-afgaradku in uu yahay ‘duulaan qaawan’ oo lagu soo qaaday xornimada iyo wadajirkeedka dhuleyd ayaa diiday inay wada hadal-kala-gasho arrinka Itoobiya, sida uu Raysal wasaare Abiy Axmed ka sheegay fadhigii shir madaxeedka Midowga Afrika.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku adkeysaneysay in aysan wada hadal la gelin Itoobiya ilaa laga noqdo is-afgaradka, laakiin waxaa hadda muuqda suurtogalnimo wada-hadal labada dhinac ah sida ay muujinayaa xogaha laga helayo Nayroobi iyo Ankara.

Qorshaha Madaxweynaha Kenya iyo dhex-dhexaadinta Soomaaliya iyo Itoobiya

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxa horey dhowr jeer ugu celisay in aysan wada hadal iyo dhexaadin la geli doonin Itoobiya inta ay ka noqoneyso is-afgaradka ay la gaartay Hargeysa.

Hadalka dowladda waxa uu dabo-socday baaqyo caalami ah oo ka kala imaanayay beesha caalamka, Midowga Afrika iyo dalal kale oo qaarkood ku dhaliiyay Itoobiya is-afgaradka muranka dhaliyay.

Raysal wasaaraha Itoobiya waxa uu isagu sheegay in uu dhowr jeer ka codsaday wada hadal iyo kulan madaxeynaha Soomaaliya, isaga oo usii maraya madaxweyneyaasha Jabuuti, Yugaandha iyo Kenya. Waxa uu tilmaamay inay Soomaaliya diiday dhammaan wada hadaladaas.

Madaxweynaha Kenya oo ay toddobaadkii hore madaxweynaha Soomaaliya iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya ay marti ugu ahaayeen sababo kala duwan ayaa hadda wada dedaal dhexdhexaadin ah, sida lagu baahiyay wargeyska The East Afrika oo lagu daabaco Nairobi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu u yimid Nairobi ka qayb galka meertada lixaad ee Shirka Cimilada ee Qaramada Midoobay, halka Abiy Axmed booqasho rasmi ah ayuu ku yimid dalka Kenya.

Wargeyska The East Afrikan ayaa sheegay in madaxweynaha Kenya William Ruto uu horkacaya dedaalada lagu doonaayo in la dejiyo xiisadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya. Waxa uu wargeysku intaas ku daray in la filaayo in Muqdisho iyo Addis-ba ay hoos u dhigaan luuqadda sirgaxan iyo hadalada warbaahinta laysu marinaayo.

Kulankii dhexmaray madaxweynaha Kenya iyo Raysal wasaaraha Itoobiya ayaa lagasoo saaray warsaxaafadeed sheegay in ay tahay muhiim in la ixtiraamo madax-bannaanida dhuleed ee dalalka Afrika.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibeda ee Soomaaliya Danjire Axmed Cawed ayaa ku tilmaamay war saxaafadeedka mid albaabka u furaya dhex-dhexaadinta ay Kenya wado islamarkaas na Itoobiya u furaya albaab ay uga baxdo xiriiriga dublumaasiyadeed.

“Waxa uu gogol xaadh usii noqonayay waanwaanta Kenyanku ka wadeen Soomaaliya iyo Itoobiya oo dhan, waxayna tibaaxayeen in ay Itoobiya ogoshahay in la ilaaliyo xuduudaha dalka Soomaaliya, dalka keliya ee qaranimadooda iyo xudoodkooda su’aal ka taagnayd Soomaaliya ayay ahayd,” ayuu yiri Danjire Cawed.

Wargeysa The East African oo xiganaya Ilo diblumaasi ah ayaa sheegay in wada hadala oo bilowday ay sii socon doonaan uuna jiri doono kulan mustaqbalka dhow dhici doono, kaas oo laysku raaci doono meesha uu ka qabsoomaayo si’ay wadahadaladu usii socdaan.

Kaalinta madaxweyne Erdogan ee dhex-dhexaadinta Soomaaliya iyo Itoobiya

Waxaa jiray dedaalo diblumaasiyadeed oo lagu doonaayay in lagu xaliyo khilaafka u dhexeeya labada wadan, hase yeeshee midna ma midho dhallin – Soomaaliya oo xujadeedu noqotay sida keliya ee ay wada hadal ku aqbali kartaa in uu yahay in Itoobiya ka noqoto is-afgaradka ay la gashay Somaliland.

“Haddii aad wax tabanaysid, wax tabashadada waxaa lagu fuliyaa xoog ama hadal, marka hadda xoog ciidan aan abaabulayno oo aan Itoobiya qabsanayno muusan jirin, in aan dhahno wada hadli maynana diblumaasiyad fiican ma’aha – waxaase laga yaabaa in ay ahayd cadaadis ay dowladda Soomaaliya ku muujinaysay xanaaqeeda,” ayuu yidhi Wasiir hore Axmed Ciise Cawad oo ka hadlaayay muhiimadda ay leedahay in wadahadal Soomaali ka gasho tabashadeeda.

Madaxweynaha ayaa markuu ka qayb galay shirkii Nairobi waxuu u duulay dalka Turkiga halkaas oo uu kaga qayb galay Madasha Diblumaasiyadda ee Antalya.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Balcad oo isna ku sugnaa Madasha ayaa warraysi uu siiyay Anadolu waxuu ku sheegay in Turkigu door muhiim ah ka ciyaari karo dhexdhexaadinta labada wadan isagoo xusay in Turkigu xidhiidh fiican la leeyahay Addis Ababa.

“Turkigu waxuu ka ciyaari karaa kaalin fiican, [xiisadan u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya], awood iyo saaxiibtinimo ay Itoobiya ku cadaadiyaana waa leeyahiin danno badana wayka dhexeeyaan labada wadan ee Turkiga iyo Itoobiya waana dalalka awoodda badan mid ciidan iyo mid dhaqaale, Turkiduna marna danta dadka turkiga ah uma dayacayso danta dal kale,” Axmed Ciise Cawad.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u shaacisay in heshiiska amni iyo difaac ee Soomaaliya iyo Turkiga uusan xiriir la lahayn khilaafka iyo xiisada u dhexeysa Itoobiya iyo Soomaaliya, arrinkaas oo markii hore la la xiriiriyay heshiiskan oo baarlamaanka Soomaaliya ay ansixiyeen iyaga oo aan arkin oo aan akhrin.

Isha: BBC

Xog: Xasan Sheekh oo diiday dalab ka yimid William Ruto

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya William Ruto oo todobaadkaan dalkiisa uu marti-geliyay shirka Golaha Deegaanka ee Qaramada Midoobay ayaa wada dadaallo la isugu soo dhoweynayo Soomaaliya iyo Itoobiya.

Madaxdii ka qeyb gashay shirka ka dhacay Nairobi ayaa waxa ka mid ahaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed oo xiisad colaadeed ka dhaxeyso, taasi oo ka dhalatay heshiis beenaadka Somaliland ugu saxiixday Abiy marin badeed iyo saldhig ciidan.

Qoraal laga soo saaray madaxtooyada Kenya, kadib kulan dhex-maray William Ruto iyo Abiy Ahmed ayaa lagu sheegay in madaxda Kenya iyo Itoobiya ay caddeeyeen sida ay ugu go’an tahay aqoonsiga, ixtiraamka iyo ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed.

Sidoo kale waxay diidaan isbeddellada aan dastuuriga ahayn ee dawladaha iyo sidoo kale faragelinta hababka siyaasadeed ee gudaha ee dalalka Afrika ee danaha dibadda, iyada oo lagu xusin magaca Soomaaliya.

Mr. Ruto oo adeegsanaya siyaasad u muuqatay dhex-dhexaadnimo si uu u qaboojiyo xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa si weyn isugu xil saaray sidii loo qaboojin lahaa xiisadda ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoona kala hadlay labada mas’uul ee Xasan Sheekh iyo Abiy Ahmed in laga billaabo usbuucan ay labadaba Addis Ababa iyo Muqdisho hoos u dhigaan hadalladooda fagaare ka hadalka ee midba midka kale ka soo horjeeda.

Ilo diblumaasiyadeed ayaa u sheegay wargeyska East Africa in qorshaha Kenya uu ahaa inay si taxadir leh u hubiso xaqiiqda muranka ka dhashay, wuxuuna madaxweyne Ruto labada mas’uul uu ka dalbaday inay xaddidaan hadalladooda ficillada dhalin kara inta xal iyo isu soo dhowaansha ay ka imanayso.

Ilaha diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh uu Ruto ka diiday in ay kulmaan Abiy Ahmed ilaa Itoobiya ay ka laabaneyso damaceeda dhul boob, taasi badalkeedna madaxweyne Ruto wuxuu ka codsaday Xasan Sheekh in uu xadido hadallada kala fogeynta dhalin kara ee uu warbaahinta ama uu madalaha caalamiga ka jeedinayo.

Madaxweyne Xasan ayaa markii uu soo dhamaaday shirkii lixaad ee Cimilada QM ee Nairobi u duulay magaalada Antalya ee dalka Turkiga, halka Abiy Ahmed uu u duulay magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania, halkaasi oo uu heshiis is af-garad oo dhinaca tamarta iyo ganacsiga uu kula saxiixday madaxweynaha dalkaasi Samia Suluhu Hassan.

Soomaaliya oo heshay fursad ay 9 xildhibaan xilal dibadda ah ugu magacaabi karto

0

Caruusha (Caasimada Online) – Kadib markii shalay Soomaaliya ay xaqiijisay inay si buuxda ugu biirtay daladda dhaqaalaha ee bulshada bariga Afrika, waxaa soo bilowday fursadaha ay heleyso Soomaaliya.

Dalalka ku bahoobay bulshada Bariga Afrika waxay dirsadeen baarlamaan ku metela daladda, waxaana Soomaaliya hadda laga doonayaa inay xubnaheeda ku biiriso baarlamaankaas.

Sagaal (9) xildhibaan ayey daladda dhaqaalaha ee bulshada Bariga Afrika u ogoshahay Soomaaliya inay ku metelaan baarlamaanka daladda, sidoo kale hal wasiir ayaa Soomaaliya ku meteli doona shirarka daladda.

Muddo xileedka xildhibaanada Soomaaliya ku meteli doona daladaas waa shan sano, waxaana hadda Soomaaliya laga doonayaa inay gudbiso liiska xildhibaanadaas.

Soomaaliya, awood-qeybsigu waa xasaasi, wax kastana dadka Soomaaliyeed waxay ku qeybsadaan nidaamka beelaha ee 4.5, waxaana la filayaa in xubnahaan lagu soo xulo nidaamka awood-qeysiga beelaha ee Soomaalida.

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhameystirtay dhammaan shuruudihii laga rabay, si daladda dhaqaalaha ee bulshada bariga Afrika ay ugu biirto, waxaana arrintaan dadaal badan geliyey madaxweyne Xasan Sheekh iyo ergada uu u xil-saaray oo Cabdisalaan Hadliye uu ugu horeeyo.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid ayaa shalay gaaray magaalada Caruusha ee dalka Tanzania, halkaas wuxuu geeyey, saxiixa madaxweynaha, calanka Soomaaliya iyo shiruucdii kale ee Soomaaliya looga baahnaa, si ay ugu biirto daladda EAC.

Soomaaliya ayaa hadda toos ugu biirtay daladaas, waxayna dirsa kartaa 9 xildhibaan iyo hal wasiir, Soomaaliya waxay noqotay dalkii 8-aad ee ku biiray daladaas, waxaana u dhiman shuruuc aad u badan oo buuxin uga baahan, bulshada daladaan ay dadka Soomaaliyeed ula jaan qaadaan.

Daawo: Odayaasha Hawiye oo ku dhawaaqay go’aan culus oo Farmaajo ka dhan ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan looga soo horjeedo dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee dalka uu ka bilaabay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye oo kulankaan isugu yimid ayaa ku goodiyey in Farmaajo aysan ka ogolaa karin in mar dambe uu siyaasad ku dulmiyo dadkooda.

Odayaasha ayaa ugu horeyn farriin u diray Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed oo saaxiib la ah Farmaajo, waxayna si cad ugu sheegeen inay Farmaajo u yaqaanaan dambiile.

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka HirShabeelle Sheekh Cismaan Barre ayaa soo abaabulay kulanka ay maanta odayaasha Hawiye uga mudaharaadeen dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee Farmaajo uu dib uga bilaabay Muqdisho.

Odayaasha oo dib u xusuustay gaboodfaladii awooda dowladda lagu geystay intii Farmaajo uu joogay xukunka ayaa soo tiriyey waxyaabihii dhacay oo dilal iyo awoodo siyaasadeed ay ku jiraan.

“Waxaa nahay odayaashii shacabkaan, dhibkii Xamar ka dhacay Farmaajo waa ogtahay, dadkaan naga leysay waa xusuusataa, qaraxyadii dadkeena nagu leyn jiray, maanta Ilaahey waa nooga raayey, ma kaa aqbaleyno inaad fidno la soo dhex fariisato dadkeena,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaashii hadlay.

Oday kale ayaa dowladda ugu baaqay inay ka qariso wajiga Farmaajo, iyagoo ku goodiyey in hadii ay mar dambe arkaan isagoo masiir Soomaaliyeed ka hadlaya ay uga hor-tegi doonaa xoog iyo xeelad intaba.

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka HirShabeelle Sheekh Cismaan Barre ayaa gabagabadii kulankaas ka hadlay, isagoo sheegay in Farmaajo uu dalka u yimid inuu olole u galo doorashada dalka oo in ka badan labo sano ay ka dhiman tahay.

“Farmaajo cid dambe oo cod ku siineysa ma jirto, markii laga reebo dad qalatada uu soo uruursaday, Farmaajo uma maleynaayo in mar dambe aad Villa Somalia soo fariisa doonto si dalkaan aad u xukunto,” ayuu yiri Sheekh Cismaan Barre.

Hoos ka daawo

Sawirro: Taliyaha Xoogga oo dalab culus u gudbiyay QM

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay xubno ka tirsan Qaramada Midoobau, gaar ahaan Agaasimaha UNSOS Qurat-Ul-Ain iyo Madaxda kale ee xafiiska.

Taliyaha waxaa isna kulankan ku wehlinayay saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka, ayada oo diiradda lagu saaray taareegarada dhanka ciidamad.

Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa dalab culus u gudbiyay QM, wuxuuna kala hadlay sidii loo kordhin lahaa, loona joogteen lahaa taageerada dhanka Saadka iyo tababarada ay UNSOS siiso Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu taliyaha si gaar ah uga mahadceliyay taageerada ay mar weliba UNSOS siiso Ciidamada Milateriga Soomaaliya ee haatan howlgallada ka wada dalka.

Dalabkan loo gudbiyay Qaramada Midoobay ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi isla markaana ciidamada Soomaaliya ay dagaal adag kula jiraan kooxda Al-Shabaab.

Dagaallada socda ayaa waxaa ka qayb qaata dalal kala duwan hay’ado waa weyn oo taageero kala duwan siiya dowladda federaalka iyo ciidamadeeda.

Howlgallada xoogooda ayaa hadda waxa ay ka socdaan gobollada dhexe iyo Jubbooyinka, ayada oo Al-Shabaab looga saaray dhul aad u ballaaran.

Howlgallada wajigooda koowaad ayaa jabkii ugu xooganaa lagu gaarsiiyay kooxda, waxaana hadda loo diyaar garoobayaa wajiga labaad oo isna ah mid muhiim ah.

Halis ku soo wajahan qeyb ka mid ah badda Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya digniinaha laga bixinayo cawaaqibka uu deegaanka ku yeelan karo markabkii Ingiriiska laga lahaa ee habeenkii Jimcaha ku quusay Badda Cas, kadib weerarkii Xuuthiyiinta Yemen.

Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka ayaa xoojiyay digniinta Dowladda Yemen ee caalamka uu aqoonsan yahay, oo Sabtidii ka digtay masiibo deegaan amaba waxyeelo xagga deegaanka ah.

Markabka Rubymar ayaa la sheegay inuu siday shixnad gaareysa 41,000 oo tan oo isugu jirta bacrimin iyo saliid, taasoo la sheegayo in dhibaato weyn ku yeelan karto deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in markabka uu sahayda saliidda ee saaran ku sii deynayo koonfurta Badda Cas, isla-markaana ay waxyeelo ba’an u gaysan karto marin biyoodka muhiimka ah, kalluunka iyo dhirta ay quutaan iyo xitaa biyaha la cabo.

Warbaahinta caalamiga ah oo soo xiganeysa badmaaxiinta iyo dadka bartay cilmiga badda ayaa sheegeysa in tani ay sidoo kale saamayn doonto isu socodka maraakiibta iyo xeebaha ka durugsan goobta uu haatan markabka ku kiiday.

Khatarta kiimikada iyo walxaha sunta ah ee markabka saaran ayaa lagu sheegay mid aad u sarreyso, iyadoona Xuuthiyiinta lagu eedeeyay in ay hortaagan yihiin wax ka qabashada saliidda qubaneysa.

Khubarada ayaa ku waramaya in waxa ku daadanaya biyaha ay ku sii jiri doonaan Badda Cas, oo ku teedsan gobollo badan oo ka mid ah Soomaaliya, haddii aan la qaadin tallaabooyin lagu lagu yareynayo saamaynta, laguna nadiifinayo biyaha.

Khubarada ayaa sheegay in ay jiraan habab gaar oo caalami ah oo lagaga jawaabo, marka ay masiibada ceynkani oo kale ah ay dhacdo, taasoo ay ugu horreyso ka hortagga in saliidda ay gaarto xeebta.

Markabka dhex fadhiya gunta hoose ee badda ayaa la qiyaasaya inaanu sii deynin inta badan saliidda saaran, waana caalamad muujineysa in weli ay jirto rajo lagu xakameyn karo masiibada.

Caqabadda ayaase ka taagan, iyadoo Xuuthiyiinta ay ka horyimaadeen in shirkadda markabka iska leh ay kormeerto goobta uu markabku ku degay, si ay u cilad bixiso amaba ay u jiidato, balse Xuuthiyiinta ayaa shuruud kaga dhigay in marka hore gargaarka bani’aadantinimo loo ogolaado Marinka Gaza.

Toddobaadkii hore koox ka socota Dowladda Yemen ee caalamka uu aqoonsan yahay ayaa awood u yeelatay inay kormeerto markabkaasi, maadaama ay Xuuthiyiinta kula jiraan heshiis nabadeed. Xuuthiyiinta ayaana weerarin kooxdaasi, si aanu u fashilmin heshiiska xabad joojinta ee labada dhinac.

Kooxda kormeerka sameysay ayaa xilligaasi sheegtay in qayb ahaan uu qarqoomay markabka, isla-markaana uu degi karo dhowr maalmood gudahood.

Markabka nooca xamuulka ee Ingiriiska ayaa siday nooc acid oo suntu ay ku badan tahay, waxaana loo adeegsadaa soo saarista bacriminta.

“Marka laga soo tago shixnaddeeda halista ah, tani waxay xiriir la leedahay sifooyinka gaarka ah ee Badda Cas,” ayuu yiri Ian Ralby, aasaasaha Shirkadda Amniga Badda ee I.R. Consilium.

Ralby ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay in masiibo weyn ay dhacdo, haddii aan la qaadin tallaabooyinka lagama maarmaanka ah.

Walaaca sii kordhaya ayaa qayb ka ah qaababka biyaha wareegga ee Badda Cas, oo asal ahaan u shaqeeya sida haro weyn oo xilliga jiilaalka u socdaan Kanaalka Suweys iyo xagaaga oo ay u socdaan dhinaca Gacanka Cadmeed, tani oo ka dhigan in saamaynta aynaan ku koobnaan doonin Badda Cas oo qura.

Gaadiidka badda ayaa ah laf dhabarta marinada ganacsiga ee Shiinaha iyo Midowga Yurub, oo 90% ka ah ganacsigooda, iyadoo carqaladeynta marin biyoodka Badda Cas illaa Kanaalka Suweys ay sidoo kale kala dhantaaleyso ganacsiga Yurub.

Xog: Saciid DENI qeyb ma ka noqon doona qorshaha Sheekh Shariif iyo Farmaajo?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Saciid Cabdullaahi Deni hoggaamiyaha dib loo doortay ee maamulka Puntland oo dhinaca kalena aan qarsan damaciisa mustaqbalka ee Villa Soomaaliya ayaa dhawaan qaabili doona madaxweynayaashii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed.

Labada nin ee Farmaajo iyo Shariif ayaa garba siyaasadeed u raadinaya inay ka hortagaan qorshooyinka madaxweyne Xasan Sheekh, gaar ahaan arrimaha dastuurka.

Saciid DENI waxay u arkaan mid kamid ah isbaarooyinka lagu hor jari karo Xasan Sheekh. Inkasta oo uusan madaxweyne Xasan Sheekh waxba lumin hal sano iyo lix bilood oo ay Saciid Deni is-khilaafsan yihiin, haddana qorshaha Farmaajo iyo Sheekh Shariif ee ah in la dhiso Gole Mucaarad oo looga hortago Xasan Sheekh ayaa la ogeyn sida uu Saciid Deni u aqbali karo waqtigan.

Deni doorashadii hore ee Soomaaliya wuxuu ahaa ninkii haystay sharciyadii ugu weynayd ee Farmaajo lagu joojiyay, wallow ay jireen xubno naftooda miiska saaray si Farmaajo loo joojiyo, sida Xasan Sheekh oo la xasuusto in Mirinaayo lagu weeraray, haddana Saciid Deni wuxuu quuray dhaqaale, sharciyada iyo inuu u adkeysto in Puntland aanay waxeeda ka helin federaalka si nidaamkii hore loo bixiyo.

Saciid Deni wuxuu aaminsanaa xilligaasi in uu isagu noqon doono qofka Farmaajo dhaxli doona, laakiin wuxuu iloobay inuu garabka mucaaradka kula jiro laba madaxweyne oo hore.

Marwalba oo aad isku koox tihiin madaxweynayaal hore oo kaa xasaanad weyn waa adag tahay in aad ka dhex qaado kursiga, waxaase jirta aragti taas agtaalla oo ah in qofkii gooni u baxa uu si gaar ah macno u goyn karo doorashada soo socota.

Deni markale laba madaxweyne ayaa rabta inay safkooda ku darsadaan. Maanta qof walba waa la socdaa sida uu Deni ugu qatan yahay dowladda Xasan Sheekh iyo in dagaalkii uu soo galay waxba ka faa’iidin, haddana inuu markale laba madaxweyne ku koonto noqdo waa adag tahay inay siiso madaxweynimo federaal ah.

Dadka faaqidaya siyaasadda federaalka ah ee Soomaaliya waxay qabaan in Saciid Deni iyo Xasan Cali Kheyre oo kaalmaha 3-aad iyo 4-aad kasoo galay doorashadii ugu dambeysay ee Soomaaliya inay ugu badin karto inay gooni-gooni u istaagan oo ay la yimaadan aragti mucaaradnimo oo cusub oo aanay ku milmin madaxweynayaal hore oo haddii ay ku saf noqdaan aanay waxba kasoo dhex qaadan karin.

Inkasta oo ay jiraan warar sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh iyo Saciid Cabdullaahi Deni uu wada-hadal u socdo, haddana xitaa haddii aanay heshiinin oo Deni uu mucaaradnimadiisa sii wato dhabihii doorashadii hore ee iskula daarashada wax badan uma dhali karto.

Laakiin marka la fiiriyo inuu haysto maamul goboleedka Puntland, dhaqaale fiicana lagu tuhmayo, saaxiibana sameysan karo dadka waxay leeyihiin Deni waxay ugu badin kartaa inuu gooni u daaq mucaarad ah noqdo oo aan markale xooggiisa iyo xoolihiisa lagu dhex tahriibin.