27.3 C
Mogadishu
Wednesday, June 24, 2026

DF oo shaacisay in Shabaab-kii ugu badnaa lagu dilay howlgal culus oo ka socda…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in dagaal-yahaano aad u badan kooxda Al-Shabaab looga dilay howl-gal qorsheysan oo afartii maalmood ee u dambeeyay ka socday gobolka Jubbada Hoose.

Wasiirka ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa shaaciyay in howl-galkaan oo ay iska kaashanayaan xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland lagu khaarajiyay in ka badan 50 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa gacanta lagu soo dhigay 20 kale oo dhagar-qabeyaal ah, kuwaasi oo dhibaato ku hayay dadka deegaannadaas ku dhaqan, sida uu sheegay Wasiir Al-Cadaala.

“Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha Jubbaland waxa ay maalintii afaraad oo xiriir ah hawdka ku baacsanayaan Al-Shabaab, 50 ka badan waa la dilay, 20 kale nolosha ayaa lagu qabtay, dhul badanna waa laga sifeeyay, Alle ayaa mahadsan,” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala.

Howl-galladan ayaa waxay si gaar ah uga socdaan tuulooyinka Muuse-xaaji, Malaaylay, Turdho, Baxar-saafka iyo deegaanno kale, iyadaa oo intii uu socday lagu dilay horjoogeyaal iyo dagaal-yahaano kale, halka qaar kalenanolosha lagu qabtay tan iyo sabtidii la soo dhaafay, waana howl-gal ballaaran oo qeyb ka ah baacsiga Al-Shabaab.

Si kastaba, waxaa toddobaadyadii u dambeeyay dhiig cusub lagu shubay gulufka ka dhanka Al-Shabaab, ayada oo dardar xooggan ay ku socdaan howl-gallada lagu baacsanayo kooxda oo bilihii lasoo dhaafay uu gaabis ku yimid.

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanayaa kuwa deegaanka ayaa hadda waxay howl-gallo ballaaran ka wadaan dowlad-gobolleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, kuwaasi oo Shabaab lagu gaarsiiyay khasaare kala duwan.

Tallaabada siyaasadeed ee uu qaaday DENI oo kulmisay saddex arrin oo xasaasi ah

Garoowe (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha dib loo doortay ee maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan soo dhisay xukuumad ka kooban 21 Wasiir.

Saciid Deni ayaa dib iskaga dhigay magacaabista ku-xigeennada iyo wasiiru-dowlayaasha, kuwaasi oo la sheegay in weli muran badan ka taagan yahay.

Saddex dhinac ayaa ka eegayna xukuumadda uu dhisay Saciid Deni, kuwasi oo kala ah;

1. Abaal-marin

Deni markii uu ku jiray dagaal siyaasadeed waxaa jiray xubno si weyn isku garab taagay, mid kamid ah waa Cabdi Faarax Saciid Juxa. Deni wuxuu markale Juxa kusoo celiyay kursiga Wasiirka Arrimaha Gudaha ee maamulka Puntland.

Si lamid ah Wasiirka Warfaafinta ayuu markale kusoo celiyay Maxamuud Caydiid Dirir, oo Saciid Deni dartiis dagaal ba’an u galay intii lagu jiray doorashada.

Sheekada kale ee xiisaha leh ee qeybtan ku jirta ah waa Maxamed Cabdiraxmaan Faroole oo kamid ahaa musharaxiintii u taagneyd hoggaanka maamulka Puntland, kaasi oo kasoo muuqday Golaha Wasiirrada ee cusub ee maamulka Puntland.

Intii ololaha doorashada lagu jiray ayaa waxaa soo baxday in qoyska reer Faroole la heshiiyeen Saciid Deni, taas oo hadda laga dhex akhristay dhismaha xukuumadda.

Maxamed Faroole waxaa laga dhigay Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada.

2. Inkiraadda Khaatumo

Dhinaca labaad ee laga eegay xukuumadda Saciid Deni waa reerka dhistay maamulka la yiraahdo Khaatumo.

Horey iyada oo dhaqanka Khaatumo ay u sheegeen inay toos uga baxeen maamulka Puntland, oo aanay Xildhibaannadii ay maamulkaasi ku lahaayeen soo xuli doonin ayuu Saciid Deni isagu qortay 17-kii Xildhibaan ee beeshaasi ku laheyd baarlamaanka Puntland.

Markalena Saciid Deni wuu sii inkiray maamulka Khaatumo, isaga oo soo magacaabay dhamaan wasiiradii reerkaasi ku lahaan jireen maamulka Puntland.

Waxay ka dhigan tahay in uusan Saciid Deni weli laqin wax la yiraahdo Khaatumo.

3. Indho-federaal

Dhinaca saddexaad ee xukuumadda Saciid Deni leedahay waa xubnaha heer federaal soo noqday ee haddana xukuumaddiisa qeybta ka noqday.

Juxa horey ayuuba u haystay, haddana wuxuu soo qaatay Saciid Qorsheel oo uu ka dhigay wasiirka caafimaadka, Cabdullaahi Bille oo uu ka dhigay wasiirka duulista hawada iyo Daa’uud Bisinle oo uu ka dhigay wasiirka qorsheynta.

Saddexdaan xubnood ayaa dhamaan horey wasiiro uga soo noqday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Galmudug iyo HirShabelle ayaa sidan oo kale waxay kal hore xubno ka yimid federaalka ka dhigeen wasiiro maamul goboleed.

Xubnaha soo noqday heerka federaalka ee hadda uu Saciid Deni kusoo daray Golahiisa Wasiiradda ayaa ka sakow inay macno u yeelayaan golihiisa, waxay dhinaca kale leeyihiin diiwaan shaqo oo wanaagsan oo wax u tari karta Puntland, keenistoodana waa mid mudan in lagu bogaadiyo Saciid Deni.

Xogta madaxweyne Xasan iyo mas’uuliyiin kale oo loo gacan geliyay shirkad gaar ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo halis ah oo xogta madaxweynaha iyo masuuliyiinta kaleba gacanta u galineysa shirkad gaar loo leeyahay.

Wasaaradda oo u muuqata mid aan ku baraarugsaneyn halista tallaabadan ayaa 22-kii Febraayo ee sanadkaan 2024 waxay soo saartay warqad amar ah oo ku socota shirkadaha diyaaradaha ee ka shaqeeya Soomaaliya.

Amarkaasi ayaa si toos ah ugu socday diyaaradaha ka shaqeeya gudaha dalka iyo kuwa ka baxa magaalada Muqdisho ee u baxa waddamada dibadda, ayada oo warqadaasi lagu amrayay inay soo gudbiyaan xogta dadka ay qaadayaan oo gudaha dalka safraya ama dibadda u baxaya.

Xogtaasi ayaa waxaa lagu shubayaa system ay leedahay shirkad lagu magacaabo Horn Link oo ah shirkad gaar loo leeyahay oo ay leeyihiin dad Soomaaliyeed oo aan asalkooda la ogeyn waxa ay yihiin.

Dadka xogtooda la gudbinayo marka ay dalka ka baxayaan lana sheegayo magaalada ay ku wajahan yihiin, tirada dadka la socda iyo waxa ay yihiin waxaa ku jira madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, xubnaha golaha wasiirrada, guddoonka baarlamaanka iyo madaxda kale ee qaranka.

Sababta oo ah waxa uu amarkan quseeya dhamaan shirkadaha duulimaadka ee ka shaqeeya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo kaliya ee ma ahan mid khuseysa magaalooyinka ama gobollada kale ee dalka.

Waxa uu dhigayaa amarkaan in dhamaan shirkadaha duulimaadyada ay soo gudbiyaan xogta qofka ay qaadayaan ka hor inta aysan garoonka ka bixin, waxaana lagu wareejinayaa shirkadaan gaarka ah ee aan la ogeyn waxa ay tahay laakiin u muuqata shirkad qandaraas la gashay wasaaradda gaadiifka iyo duulista hawada Soomaaliya, gaar ahaan wasiirka wasaaradaasi.

Arrintaan oo ah mid amni oo aad u weyn ayaa waxay kusoo aadeysa iyada oo xurguf siyaasadeed culus u dhaxeyso Soomaaliya iyo Itoobiya, sababta oo ah wax sahlan ma ahan in dad gaar ah ama shirkad gaar loo leeyahay loo gacan galiyo xogta muwaadiniinta Soomaaliyeed oo dhan ama xogta madaxweynihii qaranka, ra’iisul wasaaraha iyo madaxda kale ee Soomaalida marka ay safrayaan, diyaarada ay raacayaan, saacada ay baxayaan iyo tirada dadka la socda.

Wasaaradda ayaa sidoo kale waxay sheegtay in qof kasta oo dalka ka baxaya ama gudaha dalka u safraya oo tigidh loo jarayo in looga baahan yahay inuu bixiyo lacag sagaal dollar ah, taasi oo sidoo kale ah culeys dhaqaale oo xoog leh, maadaama ay horey u jirtay dhaqaale badan oo la saaray tigidhada oo dadka Soomaaliyeed dhibaato ku aheyd.

Si kastaba, waa laba arrin oo aad u culus, mar waa arrin dhaqaale oo dadka Soomaaliyeed oo dhan saameyn doonta, marka labaadna waa arrin amni in xogta muwaadinka Soomaaliyeed lagu wareejiyo shirkad gaar ah ama loo gacan galiyo iyo sidoo kale xogta madaxda qaranka iyo safaradood ay shirkad gaar ah ogaato.

Daawo: Fiqi oo la yaaban heshiiskii ay la galeen Biixi iyo wixii uu sameeyey maalin kadib

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in ilaa hadda ay la yaaban yihiin ‘waxa qaaday Muuse Biixi’ oo badda Soomaaliya u saxiixay Itoobiya, saacado kadib markii ay kula soo heshiiyeen Jabuuti.

Wasiir Fiqi ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii dowladda Soomaaliya ee madaxweyne Xasan Sheekh ku wehliyey wafdigii 28-kii December 2023 heshiiska la soo galay Somaliland ayaa wixii dhacay ku macneeyey oraahdii “Dibiga naasa adag iyo weedha maxaa kulmiyey.”

Wuxuu sheegay in wax dareen ah aysan qabin garabkii ka socday dowladda federaalka Soomaaliya, isla markaana ay aad ugu faraxsanaayeen heshiiskii bilowga ahaa ee Somaliland ay Jabuuti kula soo saxiixdeen.

Hase-yeeshee wuxuu sheegay in saacado kadib uu Muuse Biixi jaho wareer ilaa hadda socda geliyey gobolka Geeska Afrika, kadib markii uu badda Soomaaliya u saxiixay Itoobiya.

Wasiir Fiqi ayaa wax aan caadi aheyn ku macneeyey sida umadda Soomaaliyeed ay uga gilgisheen damaca Itoobiya, isagoo sheegay in aan loo kala harin difaaca badda Soomaaliya.

Axmed Macalin Fiqi oo maanta ka qeyb galay shirka Heritage oo Muqdisho ka furmay ayaa aad ugu mahad celiyey Soomaalidii ka dhiidhisay damaca Itoobiya oo ay ugu horeeyaan reer Jigjiga oo maalin uu Addis Ababa ka dhacay heshiiskaas, maalinkii xigay Muuse Biixi ku soo dhaweeyey heesihii Soomaalida ee dagaalkii 1977-kii.

Sidoo kale Fiqi ayaa aad u amaanay doorkii difaac ee Soomaalida Kenya ay qaateen, isagoo si gaar ah ugu mahad celiyey Xildhibaan Yuusuf Xasan, wasiir Aadan Barre, Taliyaha nabad sugidda Kenya, iyo masuuliyiin kale oo dhamaantood Soomaali ah.

Gabagabadii hadalkiisa wasiir ayaa Jabuuti ku amaanay doorka ay ka cayaareyso dowlad-dhiska Soomaaliya, isagoo sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha ee wasiirka uu ka yahay ay dejisay qorshe dib u heshiisiin oo ad u baaxad weyn, si loo gaaro xal nabadeed oo Soomaalidu u dhan tahay.

Hoos ka daawo

Sawirro: Somalia oo maanta si buuxda xubin uga noqotay…

0

Arusha (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa ku dhowaad afar billood kadib waxay maanta si rasmi ah oo buuxda xubin uga noqotay Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).

Ku biirista rasmiga ah ee EAC, ayaa imaneysa kadib markii ay Soomaaliya soo dhameystirtay dhamaan shuruudihii looga baahnaa, waxaana maanta lagu shaaciyay dalka Tanzania.

Arrintaan ayaa waxaa lagu shaaciyey munaasabad maanta lagu qabtay magaalada Arusha ee casimadda dalka Tanzania.

Wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya, oo ay kamid yihiin Wasiirka Ganacsiga Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, Wasiirka Warfaafinta Daa’uud Aweys Jaamac iyo xubno kale oo dowladda matalaya ayaa ku sugan Arusha oo lagu shaaciyey guushaan taariikhiga ah.

Soomaaliya ayaa 24-kii November ee 2023-kii kamid noqotay Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika, kadib codeyn loo qaaday.

Soomaaliya ayaa noqotay xubintii 8-aad ee urur-goboleedkan, kadib muddo ay dowladda dadaal xooggan ku bixisay sidii ay qeyb uga noqon laheyd EAC.

Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa tan iyo markaas dadaal badan ku bixineysay sidii ay usoo dhameystiri laheyd shuruudaha ku xiran buuxinta xubinimada EAC, oo ugu dambeyntiina ay maanta soo dhameystirtay.



Sawirro: Ciidamada NISA iyo DANAB oo ‘nolosha kusoo qabtay’ xubno Shabaab ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay baahisay warbaahinta dowladda, maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu soo qabtay howl-galka ka socda gobolka Jubbada Hoose.

Howl-galka xubnaha Shabaab-ka lagu soo qabtay ayaa ka dhacay tuulada Soomarey oo hoos tagta degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose.

Ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa Nabad-sugida Jubbaland ee Gurmad Qaran ayaa Jubbada Hoose ka wada howl-galka ballaaran oo looga sifeynayo kooxda Al-Shabaab.

Dagaal-yahaanada ay nolosha kusoo qabteen ciidamada iskaashanaya ayaa sawiradooda la baahiyay, kuwaasi oo laga dheehan karayo wejigooda silica iyo rafaadka hawdka ku haysta kooxda, oo xilligaan wajaheysa guluf culus oo ka dhan ah.

Illaa afar xubnood ayaa la baahiyay sawiradooda, waxaana weli socda howl-galka lagu baacsanayo dagaal-yahaanada kooxda, ee ka socda gobolka Jubbada Hoose.

Si kastaba, Ciidamada Qaranka oo kaashanaya xoogagga deegaanka iyo ciidamada ammaanka dowlad-goboleedyada ayaa kordhiyey howl-galada lagu beegsanayo Al-Shabaab, iyada oo guulo wax ku ool ah laga gaaray wejiga koowaad ee dagaalka.

Inkasta oo kooxda Al-Shabaab ay mararka qaar weeraro ku soo qaado xeryaha ciidamada dagaalka kula jira, haddana waxay kooxdu gulufka socda wejigiisa koowaad ay ku lumisay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan ay gacanta ku haysay, halka looga laayay dagaal-yahaano iyo horjoogayaal badan.

Qorshe culus oo Al-Shabaab ay damacsaneyd oo laga hortagay, lana bur-buriyay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa sheegaya in howl-gal culus oo lagu fashilayay qorshe ay damacsaneyd kooxda Al-Shabaab laga fuliyay duleedka degmada Waajib.

Ciidamada Qaranka ayaa maanta dagaal-yahaano Al-Shabaab ah ku weeraray goob ay isku uruursanayeen duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool, halkaasi oo ay kasoo maleegayeen weeraro lagu beegsanayo ciidamada huwanta.

Wararka hordhaca ah ee aan ka heleyno howl-galkaas ayaa xaqiijinaya in kooxda jab culus lagu gaarsiiyey halkaasi, ayada oo lasoo warinayo in meydad tiro badan ay ka carareen dagaal-yahaanadii halkaasi nolol uga baxsaday.

Sidoo kale saraakiisha ciidamada fuliyey howl-galka ayaa dhankooda xaqiijiyey inay kooxda Al-Shabaab ka xoreeyeen goobihii ay isku uruursanayeen ee lagu weeraray.

Bur-burinta Shabaab-kii isku aruursaneyay Waajib ayaa imanaya xilli ay shalay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ay howl-gal culus ka fuliyeen deegaano dhaca jiinka wabiga, oo hoostaga degmada Jamaame ee gobolkaasi.

Howl-galkaasi ayaa lagu dilay in ka badan 30 ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo ku sugnaa halkaasi, sida lagu sheegay bayaan shalay kasoo baxay dowladda.

“Howlgalka oo loo qorsheeyey si heerkeedu sarreeyo laguna dilay in ka badan 30 Khawaarij ah ayaa ciidamadu ka fuliyeen deegaano hoos taga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose iyo jiinka Wabiga” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda.

Sidoo kale waxaa howl-gallo kale oo ka dhacay deegaanka Baarsanguuni lagu soo qabtay illaa 10 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab oo iyagana dhibaato ka waday gudaha deegaankaasi.

Si kastaba, Maalmihii u dambeeyay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa kordhiyay howl-galladii ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab, taasi oo meesha ka saareysa gaabiskii bilihii dambe ku yimid howl-galka kooxda, oo wejiga koowaad ee dagaalka looga xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan ku jiray gacantooda.

‘Xasan oo heli kara fursad weyn oo uu mar saddexaad ku soo laabto hal sabab darteed’

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudddoomiye ku-xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir, Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa markii u horeysay walaac ka muujiyay arrin mar saddexaad fursad weyn siin karta madaxweyne Xasan Sheekh, si uu ugu soo laabto talada dalka.

Cali Yare ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in mucaaradka dowladda uu laba garab u kala jabay, taasi oo uu sheegay in fursad weyn siin karto madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu sheegay in khaanada koowaad ay ku wada jiraan madaxweynayaashii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, halka garabka labaad uu ku sheegay siyaasiyiinta diidan Farmaajo ee horey xurgufta siyaasadeed uga dhaxeysay.

“Kala dhantaalanka isbaheeysigii awoodda lahaa (ee mucaaradka) ayaa sababsaday markii uu madaxweyne Shariif Sheekh Axmed codsaday in Xildhibaan Farmaajo kooxda lagu soo daro, taas oo ay dhammaan xubnaha isbaheysigu ay cod buuxa ku diideen marka Shariif laga reebo,” ayuu yiri Cali Yare.

Sidoo kale waxa uu sheegay in haddii doorashada la gaaro iyada oo mucaaradka uu weli laba garab u kala jaban yahay ay sare u qaadeyso rejada Xasan, uuna madaxweynaha heli doono fursad weyn oo uu markiisii seddexaad kursiga ugu soo laabto.

Hoos ka aqriso qoraalka Cali Yare oo dhameystiran;

Taariikhda siyaasadda dalkeenna markeedii koowaad ayuu mucaaradka dowladdu labo garab ukala jabay.

Garabka koowaad waa Labo xubnood oo kali ah, oo kala ah; Madaxweyne hore Xildhibaan Shariif Sh. Ahmed iyo Madaxweyne hore Xildhibaan Mohamed Farmaajo.

Madaxweyne Saciid Abdullahi Deni, Ra’isalwasaare Xasan Cali Kheyre, Raisalwasaare Omar Abdirashiid Cali Sharmaake, Madaxweyne Abdiweli Ali Gaas, Xildhibaan Abdirahman Abdishakur Warsame, Dr. Abdinasir Abdulle, Shariif Xasan Sh. Aden iyo Dr. Abdinur ayaa iyaguna garabkale noqday.

Kala dhantaalanka isbaheeysigii awoodda lahaa ayaa sababsaday markii uu madaxweyne Shariif Sheekh Ahmed codsaday in Xildhibaan Farmaajo kooxda lagu soo daro, taas oo ay dhammaan xubnaha isbaheysigu ay cod buuxa ku diideen marka Shariif laga reebo.

Dhanka labada madaxweyne ee xildhibaannada ah [Shariif iyo Farmaajo] weli uma soo gaba-gaboobun dooddoodii la xariirtay in midkood loo tanasulo lana dhiso halka uu kan kale uu kursiga Ra’isalwasaare qaadan doono.

Kooxda Shariifka ayaana aaminsan in maadaama ay Farmaajo iyo Muqdisho oo ah goobta doorashadu ka dhaceeyso ay si buuxda dhabarka isku xijiyeen uu Shariifku mudanyahay in la dhiso hadda, hadhoowna uu Farmaajo Ra’isalwasaare u soo magacaabo.

Madaxweyne hore Farmaajo ayaa intii aan madaxweyne Saciid Deni dib loo soo dooran rajadiisu sarreeysay ahaana musharaxa ugu culus beel ahaan beesha Daarood, balse hadda waxaa miiska soo fuulay Saciid Deni oo isagu gacantiisa Xildhibaanno 50 ku dhow (ku qorta).

Saciid Deni ayaa lagu xasuustaa inuu doorashadii la soo dhaafay ee 2022 wareegeedii koowaad hoggaanka u qabtay, waxayna aheyd markii ugu horreeysay taariikhda ee madaxweyne kursiga ku fadhiga looga codad bato wareegga koowaad.

Doorashada Soomaaliya waligeed horay uma dhicin in mucaaradku uu labo garab doorashada ku galo, sababta uu markasta isbaheeysiga mucaaradku ugu guuleeysto doorashada ayayna sababteedu aheeyd awooddooda oo mideeysnaan jirtay.

Haddii doorashada la gaaro mucaaradka oo labo garab u kala jaban waxaa hubaal ah inuu madaxweyne Shiikh heli doono fursad weeyn oo uu markiisii seddexaad kursiga ugu soo laabto.

Gaashaanle C/llaahi Madaxey oo lagu dilay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa inay xalay sarkaal ka tirsanaa ciidanka Booliska Soomaaliya ay ku dileen degmada Kaaraan, gaar ahaan xaafadda Arjantiin ee degmadaasi.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Gaashaanle Cabdullaahi Cali Calasow (Madaxey), wuxuuna horay usoo noqday taliye ku xigeenkii booliska degmada Waabari iyo sidoo kale taliyaha ciidanka Taraafikada ee magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in marxuumka ay toogteen dhalinyaro hubeysan, xilli uu kasoo baxay masaajid ku yaalla halkaasi, waxaana kadib baxsaday ragga dilka gaystay.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta degmada iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan toogashada loo gaystay Cabdullaahi Madaxey.

Waa dilkii labaad ee ka dhacaya caasimada, waxaana xalay Nabadoon lagu magacaabi jiray Cabdi Xasan koox ka tirsan Shabaab ay ku dishay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Weerarka ayaa waxaa toos loogu qaaday guri uu waaxda Buurdheere  ka daganaa nabadoon, ayada oo lala dilay askari waardiye u ahaa marxuumka.

Wararka ayaa intaasi ku daray in xubno badan oo ka tirsan Al-Shabaab ay fuliyeen weerarka, kuwaas oo gudaha u galay guriga marxuumka, kadibna si arxan daran u dilay.

Laba kamid ah xubnihii weerarka fuliyay ayaa nolosha lagu qabtay, halka la helay maydka mid kale, sida uu shaaciyay xoghayaha maamulka degmada Dayniile.

Dhacdooyinkan ayaa kusoo aadaya, xilli maalmihii u dambeeyay ay daganayd xaaladda Muqdisho, kadib qorshe cusub oo ay la yimaadeen hay’adaha ammaanka ee dowladda.

Faah-faahin: Qarax ka dhacay Muqdisho + Khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeri ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo maanta ka dhacay degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo jugtiisa ay si xoogan u maqleen dadka deegaanka ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay xaafadda Shaaciye ee degmadaasi, sida ay innoo sheegeen goobjoogaal

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda, gaar ahaan kuwa Xasilinta ee loo yaqaano Boolis Milataari.

Ugu yaraan illaa 4 qof oo uu mid kamid ah askari ka tirsan ciidamada dowlada ayaa ku dhaawacmay qaraxaas, halka saddex kale ay yihiin dad shacab ah oo ku sugnaa goobta.

Ciidamada la qarxiyay ayaa howlgal kooban ka sameeyay goobta, waxayna kadib sii wateen socdaalkooda horay u qaaday askariga ka dhaawacmay.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa hadda ah mid deggan, mana jiro wax faahfaahin oo ay ka bixiyeen laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro qaraxyo ah, kuwaas oo ay soo maleegaan xubnaha kooxda Al-Shabaab oo haatan wajahaya dagaal culus oo ay iska kaashanayaan dowladda iyo dadka deegaanka.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxa xasiloonood caasimada, marka loo eego weeraradii horay uga dhici jiray, hadana mararka qaarkood waxaa dhaca falal ammaan darri oo qaarkood ay gaystaan xubnaha Al-Shabaab, sida qaraxyo miino iyo dilal qorsheysan intaba.

Shabaab badan oo weerar ka fuliyay Muqdisho kadibna si arxan darro ah u dilay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar culus oo ay xalay Al-Shabaab ka fuliyeen magaalada Muqdisho, kaas oo sababay khasaare xoogan.

Weerarka oo ka dhacay degmada Dayniile ayaa waxaa lagu qaaday guri uu waaxda Buurdheere  ka daganaa nabadoon lagu magacaanitay Cabdi Xasan, sida ay sheegeen ilo dadka deegaanka.

Wararka ayaa intaasi ku daray in xubno badan oo ka tirsan Al-Shabaab ay fuliyeen weerarka, kuwaas oo gudaha u galay guriga marxuumka, kadibna si arxan daran u dilay.

Marxuum Nabadoon Cabdi Xasan ayaa lala dhacay rasaas tiro badan, taas oo ka muuqatay jirkiisa, kadib weerarka, waxaana lala dilay askar waardiye u ahaa.

Xoghayaha maamulka degmada Dayniile oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay jirintaanka weerarkan iyo dilka nabadoonka, wuxuun sheegay inay gurmad sameeyeen, kadib weerarka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay gacanta kusoo dhigeen laba kamid ah Shabaabkii weerarka geystay oo nool iyo mid kale oo mayd ah, sida uu hadalka u dhigay.

Ma jiro wax war ah oo kas oo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi, mana sababta ay u beegsadeen nabadoonka oo ay gurigiisa ugu tageen xubno aad u hubeysan.

Weerarkan ayaa kusoo aaday, xilli maalmihii u dambeeyay ay daganayd xaaladda ammaan ee Muqdisho, kadib qorshe cusub oo ay la yimaadeen hay’adaha ammaanka ee dowladda.

Xoghayihii joogtada ahaa ee xafiiska ra’iisul wasaaraha oo is-casilay – Yaa beddelaya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayihii joogtada ahaa ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamad Abuukar Zubeyr ayaa shalay xilkii iska casilay, isagoo qoraal dheer oo shaqo ka tegis ah u diray Ra’iisal Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Qoraalka ayuu ku sheegay Maxamed Abuukar inuu si iskiis ah u go’aansaday inuu xilka iska casilo, isagoo uga mahadceliyay Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre shaqadan uu horay ugu igmaday. 

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in dhawaan lagu wado in isku shaandheyn iyo isbadalo lagu sameynayo hay’adaha dowladda, gaar ahaan xilalka Golaha Wasiirada iyo agaasimayaasha, waxaana sidoo kale laga yaaba iney is-casili doonaan saacadaha soo socda xubno kale.

Maxamed Zubeyr ayaa xitaa is-casilaaddiisa kahor la rumeysnaa inaanu awood buuxda ku lahayn xafiiska, ayada oo ra’iisul wasaaraha ay ku hareereysan yihiin la-taliyeyaal badan oo awood leh, taasi oo jahwareer ku haysa xafiiska.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in xilkan Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha loo wado Kamaal Xasan Guutaale, oo hadda ka mid ah la-taliyayaasha tirada badan ee Ra’iisal Wasaaraha.

Xog: Maxay tahay cabsida soo wajahday xildhibaanada J/L?

Laga bilaabo shantii December 2023 baarlamaanka Jubbaland waxuu yeeshay saddex kulan oo kala ahaa: 1. Mid lagu ansixinayay miisaaniyadda 2. Kulan looga hadlayay fatahaadda 3. Mid wax looga badalayey  (Qodobka 35-aad ee Dastuurka Jubbaland oo Ahmed Madoobe uusan raali ka ahayn. (Qodobkan ayaa awood u siinayo baarlamaanka in si kali kali ah ay ula xisaabtami karaan Wasiirada xilkana oga qaadi karaan.

(Qodobo kale ayaa hadda la isku heystaa oo ay ka mid yihiin:

1. Qodobka 31 : Awoodaha iyo Masuuliyaadka Baarlamaanka Dawlad Goboleedka Jubbaland

3. In ay u yeeraan madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubbaland si uu uga jawaabo su’aalaha ay qabaan barlamaanku hal mar kalfadhigiiba.

Ahmed Madoobe ayaa iskadaa in loo yeeree ayaa amar duldhigay Golaha in la xiro ilaa amar dambe cajiib.

2. Qodobka 72 :Awoodaha iyo Musuuliyaadka Madaxweynaha Jubbaland.

Qodobka 72 faraqiisa 4-aad ayaa dhigaya in Madaxweynuhu aanu ka maqnaan karin Jubbaland muddo ka badan 30 beri oo xiriir ah.

Ahmed Madoobe ayaa ka maqnaa 57 beri isla markaana Golihii la xisaabtami lahaa wuxuu ka joojiyay kulamadoodii.

Baarlamaanka Jubbaland ayaa hadda doonaya in la hor keeno heshiiska uu Ahmed Madoobe ugu wareejiyay dekadda Dowladda Imaaraadka, oo ceyrisay dhamaan shaqaalihii Dekadda ka xamaalan jiray. Ahmed Madoobe oo arintan ka biyo diiday ayaa xirtay baarlamaanka una hanjabay xildhibaano badan. Waxay hadda ilo xog ogaal ah ii sheegeen in xildhibaanno badan habeenba meel cusub seexdaan iyaga oo u cabsanayo naftooda.

Madaxweynaha Jubbaland sida ku xusan Dastuurka Jubaland waxuu xilka qaban karaa Labo jeer  oo kaliya oo. Hadda oo uu muddo ka badan 10 sano madaxweyne ka yahay Jubbaland ayuu Ahmed Madoobe rabaa inuu xildhibaanada ku khasbo iney sharciga bedelaan si uu mar saddaxaad isu doorto.

Si dastuurka uu u badalo ayuu hadda u ballan qaaday xildhibaan kasta inuu siinayo 15 kun dollar uuna mar labaad ka soo dhigi doono xildhibaan. Baarlamaanka Jubbaland ayaan marnaba rumeysneyn inuu soo clin doono iyagoo haddana doonaya inay qaataan 15 ka kun ee uu doonayo inuu siiyo.

Baarlamaanka Jubbaland:

1. Mushaarka ahaan waxuu xildhibaan kasta qaataa USD 1500 bishii

2. Waxaa la doortay Barlamaanka August 2019 wuxuuna ku egyahay waqtigiisu August 2024. Waa 4 sano iyo mid loogu daray

3. Wuxuusan mushaar qaadan 34 bilood oo u dhiganta 51,000 dollar mushaar ah

4. Waxaa hadda u dhiman 5 bilood oo mushaarkooda uu noqon doono 7,500 dollar.

5. Hadda 7 bilood ayuusan mushaar qaadan Barlamaanka Jubaland.

6. Hoolka Barlamaanka wuu ka xiran yahay oo madaxweynaha wuxuu rabaa maalinka uu Dastuurka furanayo kaliya inuu Barlamaanka u furo Hoolka Golaha Wakiilada.

7. Barlamaanka waxuu ka kooban yahay 75 Xildhibaan

8. Wax Gunno ah maleh Barlamaanka Jubaland inkastoo Miisaaniyad sanadeed loogu qoro sanad kasta.

9 Bisha August ee sanadkaan oo ku eg waqtiga Barlamaanka Jubaland wuxuu yeelanayaa Qaan sheegad dhan 51,000+7,500= 58,500 dollar

Ku tumashada Dastuurka iyo xuquuqul insaanka ayaa dhaqan u ah dagladda Jubbaland. Waxaana dowladda Federaalka laga rabaa in ay Ahmed Madoobe ka badbaadiso xildhibaanada Jubbaland iyo Dastuurka Jubbaland xili Xildhibaanada amnigooda khatar ku jiro.

W/Q: Mohamed Abdi Osman Faradheere 

Horjoogayaal ajaaniib ah oo howlgal lagu dilay + Sawirro

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maalintii saddexaad oo xiriir ah ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ay howlgallo culus ka wadaan deegaano ka tirsan gobolkaas oo hoostaga Jubbaland.

Howlgalladan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanada kala ah:- Muuse-xaaji, Malaaylay, Turdho, Baxar-saafka iyo kuwa kale, iyada oo lagu dilay Al-Shabaab fara badan.

Xubnaha la laayey ayaa isugu jiro horjoogaal Soomaali ahaa, kuwa ajaaniib ah iyo maleeshiyaad kale, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay xaqiijiyeen in tirada dhimashada ay gaareyso illaa 35 xubnood oo isugu jiro saraakiil sar sare iyo dagaalamayaal, kuwaas oo loogu daaday godadkii ay ku jireen.

“Ciidamada ayaa cadowga ugu galay godadkii ay ku dhuumaaleysanayeen ee deegaanadaas, waxaana la dilay 35 Horjoogayaal iyo maleeshiyaad isugu jira Soomaali iyo Ajaabib” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay warbaahinta dowladda.

Sidoo kale waxaa la sii raaciyay “Horjoogeyaasha la dilay waxaa ku jira, Jaabir oo dhalashadiisu tahay Kenya horjoogihii sirdoonka Khawaarijta Saadiq iyo horjoogihii qaraxyada uqaabilsanaa oo lagu magacaabo Cabdiqani ayaa dhammaantood lagu dilay howlgalka sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidanka”

Dhinaca kale ciidamada ayaa inta uu socday howlgalkan kusoo qabtay illaa 7 kale oo ka tirsan kooxda Al-Shababa, kuwaas oo ay bandhigeen ciidamada huwanta ah.

Xaaladda ayaa weli kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaasu khasaaraha culus lagu gaarsiiyay.

Jubbooyinka ayaa maalmihii u dmabeeyay waxaa ka socday guluf ay iska kaashanayaan dowladda iyo Jubbaland, si Al-Shabaab looga xoreeyo gobolladaas oo ay ku xoogan yihiin.

PUNTLAND oo gacanta ku dhigtay shabakad ka tirsan kooxda Al-Shabaab + Sawirro

0

Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa xalay gacanta ku dhigay shabakad isku xiran oo qalab u waday kooxaha argagixisada, gaar ahaan Al-Shabaab ee ku sugan buuraha Galgala ee maamulkaasi.

Kooxdan oo ka kooban 5 qof oo mid kamid ah ay tahay haweeney ayaa lagu qabtay  koontaroolka galbeed ee caasimada Garoowe.

Magacyada shanta qof oo sawirradooda lasoo bandhigay ayaa lagu kala sheegay 1-Faisa Cali Maxamed, 2-Cabdi Axmed Cusmaan 3-Haaddi Cumar Cilmi, 4-Cabdi Maxamuud Cali, 5-Saalax Cabdulqaadit Mahad

Sidoo kale wuxuu booliska shaaciyay waxa uu yahay qalabka lagu qabtay ee loo waday kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo kala ah:-

1-Gacamo kuwa loo isticmaalo GPS MAP, 2-Qalbkaa Caafimaad oo dhamaystiran ( A leukocyte alkaline phosphatase (LAP) – Laboratory 3-Biisooyin Kaashwito, 4-Kabo balistig ah, 5- Envactar kuwa solar loo isticmalo. ( Inverter solar energy system), 6- Hal Mobile kuwa qarxa lagu kiciyo. ( An improvised explosive device (IED) Cell Phone),

Warbixinta kasoo baxday booliska gobolka Nugaal ayaa waxaa sidoo kale lagu yiri  “Laanta Dembi-baarista ee Qeybta Booliska Gobolka Nugaal ayaa xaqiijiyey in dadka la qabtay iyo qalabka ay wadeen ay ku socdeen Buuraha Gobolka Bari, kuwaa oo laga keenay Koonfurta dalka Soomaaliya”.

Waxaa kale oo lasii raaciyay :Booliska Qeybta Gobolka Nugaal ayaa eedaysanayaasha iyo qalabka lagu qabtay la horgayn doonaa Laamaha Garsoorka”.

Ugu dambeyn booliska Puntland ayaa farriin u diray shacabka, wuxuuna ugu baaqay inay kala shaqeeyaan nabad-gelyada, si looga hortago falalka ammaan darrida ah

“Booliska ayaa  fariin adag u diraya dhammaan dadka ku hawlan falalka amniga lidka ku ah in tilaabo sharci ah laga qaadi doono, waxaana shacabka Puntland ugu baaqeynaa inay la shaqeeyaan Laamaha amniga si kooxaha Argagixisada ah tilaabo sharci ah looga qaado” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay taliska qaybta gobolka Nugaal.

Maxaad ka ogtahay 4-ta dhinac oo ay leedahay soo laabashada Farmaajo ee Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dorraad dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Farmaajo oo dhinaca kale mudane baarlamaan ah ayaa sheegay inuu Muqdisho u yimid inuu talo ku darsado doodda iyo dhameystirka dastuurka.

Fikrado kala duwan ayaa laga bixiyay ku soo laabashada Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee magaalada Muqdisho. Waxaan kusoo koobeyna warbixinta afar qodob, kuwaasi oo kala ah;

1. Waqtiga

Xasan Sheekh wuxuu Farmaajo siiyay 18 billood kadibna mucaaradnimo ayuu ku bilaabay, isaga oo kusoo laabtay magaalada Muqdisho.

Farmaajo isna waxa uu Xasan Sheekh siiyay 16 billood, wuxuuna dorraad kusoo laabtay magaalada Muqdisho.

Farqiga waa laba billood, waxaana la eegayaa inuu Farmaajo sidii Xasan Sheekh curin karo kooxo siyaasadeed oo uu kusoo ceshan karo kursiga.

2. Ahmiyada dastuurka

Horey waxaa magaalada Muqdisho u joogay Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii hore ee Soomaaliya, kaas oo dhawaan tegay baarlamaanka. Inuu Farmaajo isna ku biiro dooddaha baarlamaanka ka socda ee dastuurka la xiriira waxay muujinaysa ahmiyada ay leedahay doodda dastuurka ee taalla baarlamaanka Soomaaliya.

Wax ma ka beddeli karaan jihadda uu baarlamaanka u socdo warbixin kale ayaa ku faaqidi doona.

3. Abaabulka kooxo siyaasadeed

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu dhawaan tijaabiyay isaga oo kaashanaya Shariif Sheekh Axmed inay wada-hadal ka dhex sameyn karaan Xasan Sheekh iyo Saciid Deni. Laakiin waxa uu markii dambe sheegay inay dhanka Xasan Sheekh wax ka socon waayeen.

Wararka waxay sheegayaan inuu tegi doono magaalada Garoowe, halkaasna ay ka bilaaban doonaan shirar is-xulafeysiyo iyo fikrado la xiriiro sida loo joojin karo tallaabooyinka aan loo dhameyn ee dastuurka ee ay damacsan tahay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

4. Dadka aaminsan Farmaajizamka

Madaxweynihii hore wuxuu leeyahay taageerayaal badan oo si dabiici ah u aaminsan, inkasta oo aan la ogeyn nuuca doorashada ee soo socota, haddana inuu Farmaajo dib saaxada ugu soo laabto waxay markale godadka kasoo saari karto kooxaha aaminsan aragtida Farmaajizamka, kuwaasi oo codkooda uu hoos jiray ku dhawaad laba sano oo ay xukunka haysato kooxda madaxweyne Xasan Sheekh.

Loolanka xukun ee Soomaaliya wuxuu tan iyo 2009 dhex yaalay dad kooban. Sooma bixin jilaayaaal badan oo siyaasadeed, dadkuna waxay u qeybsan yihiin taageerida kooxahaasi kooban oo aan wadan mabda’a ballaaran.

Waxaase jirta aragti badi loo dhan yahay, oo ah inuu dalka marwalba lahaado mucaarad shaqeeya oo marwalba dheelitiri kara kooxda xukunka joogta.

Diyaaradaha Ethiopian Airline oo wajahaya halis weyn kadib hanjabaad ay soo saartay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Jabhadda hubeysan ee Amxaaradda ah ee Fano ayaa digniin u dirtay hay’adda duulista Itoobiya oo ku saabsan diyaaradaha Ethiopian Airlines, oo ay ku eedeysay in ciidanka Itoobiya u isticmaalan duubulidda ciidamada.

FANO oo qoraal ku baahisay baraheeda warbaahinta ayaa sheegatay in ay qabsadeen gantaalo lidka diyaaradaha ah oo awood u leh in ay damiyaan ama joojiyaan hawlaha diyaaradaha ganacsi ee shirkadaas. Sidoo kale waxay shaacisay in ay haystaan gantaalo gaaraya 40,000 feet oo dhanka hawada ah.

Ethiopian Airlines ayaa dib u jihayn ku sameysay khadkeeda duulimaadyada ee hawadaha gudaha dalkaasi sababa la xiriira khatarta ka timid dhanka Jabhadda Fano, sida lagu helayo xog dhanka duulimaadka ah.

Duulimaadkeedii ka imaanayeyey Europe, Waqooyiga Mareykanka iyo Asiya ayaa mar hore khadadkooda dib u jihayn looga sameeyay.

Ethiopia ayaa hadda mareysa meel is-goys ah, kadib markii Jabhadaha mucaaradka Itoobiya ay dib isu soo abaabuleen, waxaana ay fagaareyaal dagaal oo dhawr ah uga soo adkaadeen ciidanka maamulka Abiy.

Arrintan ayaa imaneysa maalmo kadib markii dowladda Itoobiya weerar culus ku qaadday Jabhaddaan oo ku sugan Waqooyi-galbeed gobolka Amxaaradda, islamarkaana uu tan iyo toddobaadkii hore uu socday dagaal qaraar oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Fano, kaasi oo ku dhex-marayay qeybo kala duwan oo gobolka ah.

Si kastaba, khatartaan soo korortay ee duulimaadyada ganacsi ayaa waxay khatar kale gelinaysaa dhaqaalaha dhamaan gobollada dalkaasi.

Xogta dhacdooyin argagax leh oo saacado gudahood ka dhacay magaalada Garowe

0

Garowe (Caasimada Online) – Xaafadda Horseed ee magaalada Garowe waxaa laga helay meydka gabar yar oo la gowracay, jirkeedana ay nabaro badan ka muuqdaan.

Falkaan ayaa xaafadda uu ka dhacay aad looga hadal hayaa. Waxaana socda baaritaan ay wadaan laamaha amniga gobolka Nugaal, si gacanta loogu soo dhigo dambiilayaasha.

Lama oga ilaa hadda sababta loo dilay gabadhaas iyo cidda falkaan gaysatay, balse dhacdadaan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo fal kufsi ah uu ka dhacay isla magaalada Garowe.

Gabar yar oo 13 jir ah oo ku nooleed Kaam-ka Shabeelle ee  magaalada Garowe ayaa la sheegay kufsi loo geystay saacadihii lasoo dhaafay.

Ciidamada Booliiska Puntaland ayaa ku guulaystay inay soo qabtaan mid kamid  ah labo nin oo loo heysto inay kufsadeen gabadha yar.

Ragga labada ah ee loo heysto kufsiga ayaa ka tirsan ciidamada Puntland, taas oo fadeexad ku noqotay maamulka, gaar ahaan hey’adaha amniga.

Dhacdooyinkaan xanuunka badan ee gabdhaha yaryar loogu geystay dilka iyo kufsiga saacado is xiga ayaa aad looga hadal hayaa magaalada Garoowe iyo inta badan deegaanada Puntland.

Maalmahaan dalka dhan, haba ugu daraatee Muqdisho waxaa ka socday tacadi ay dadku isku geysanayaan, sida lamaane is dilay, kufsi iyo kuwo nolosha lagu gubay, arrintaan ayaa la yaab ku noqotay bulshada.

Sawirro: 3-bilood kadib deyn cafintii Soomaaliya qiimeyn culus oo ku socota DF

0

Nairobi (Caasimada Online) – Shir u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa maanta ka furmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo uu wehliyaan wasiirka Qorsheynta iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee dalka ayaa daah-furay shirka.

Shirkaas ajendihiisu waa dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya, waxaana mar kasta isugu timaada masuuliyiinta dhanka dhaqaalaha u qaabilsan dowladda iyo madaxda hey’adda lacagta adduunka ee IMF.

Shirkaan uu ka mid ah kulamadii ugu horeeyey oo lagu eegayo dib u habeynta dhaqaalaha Soomaaliya tan iyo markii deymaha laga cafiyey Soomaaliya ayaa soca doona muddo toddobaad ah.

Inta uu shirkaasi socdo waxaa dib-u-eegis lagu sameynayaa wixii horumar maaliyadeed ah ee u qabsoomay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo 3 bilood ka hor laga cafiyay deymihii cuuryaamiyay horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Qodobada ugu muhiimsan ee laga wadahadlayo ayaa ah sare uqadidda dakhliga dowladda, hannaanka maamul-wanagga maaliyadda iyo horumarinta barnaamijka Qorshaha Qaranka.

Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige oo furitaankii shirka hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in wasaaradda Maaliyadda iyo guud ahaan dowladda Soomaaliyeed ay u qabsoomeen waxyaabo muhiim ah oo la taaban karo.

Wasiirka ayaa sheegay in waxyaabaha mudadaas u qabsoomay Soomaaliya ay ugu horeeyaan ‘horumarinta ilaha dakhliga dowladda oo dadaal dheer ay galisay wasaaradda Maaliyadda oo kaashanaysa wasaaradaha dowlad-goboleedyada dalka.’

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa u mahadceliyay dhammaan hey’adaha ka soo qeybgalay kulankaan oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Cadaaladda, Bangiga dhexe, Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha iyo IMF iyo Bangiga Adduunka.

Waxaa gabagabada shirkaan la filayaa in laga soo saaro war-saxaafadeed arrimaha maaliyadeed ee dowladda Soomaaliya 3-bilood kadib markii laga cafiyey dhamaan deymihii Soomaaliya lagu lahaa.

 

Sawirro: Qatar oo hal arrin u ballan-qaaday Soomaaliya kadib kulan ka dhacay Villada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa u ballan-qaaday Soomaaliya inay sii wadi doonto taageerada muhiimka ah ee xilligaan u baahan tahay Soomaaliya, kadib kulan maanta ka dhacay Villa Soomaaliya.

Kulankaan oo ay wada qaateen ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo Danjiraha Qatar ee Soomaaliya Abdullah Salem Al Nuaimi ayaa waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.

Mudane Xamza ayaa uga mahad-celiyey dowladda Qatar taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababarka ciidamada qalabka sida, horumarinta adeegyada aas-aasiga ah iyo gargaarka.

Danjire Abdullah ayaa dhankiisa ballan-qaaday in ay sii wadi doonaan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay mar walba la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Soomaaliya iyo Qatar ayaa leh xiriir saaxiibtinimo oo wanaagsan, ayada oo dhawaan labada dhinac ay heshiis is-afgarad ku kala saxiixdeen magaalada Dooxa ee caasimada dalkaasi.

Heshiiskaas oo salka ku haya dhinaca sharciga ah ayaa sidoo kale ka turjumaysa danaha labada waddan ee is-weydaarsiga macluumaadka iyo khibradaha qaabka diyaarinta, qorista iyo daraaseynta qabyo-qoraallada heshiisyada iyo heshiisyada is-afgaradka.

Si kastaba, Qatar ayaa kamid ah dalalka carbeed ee sida u dhow u taageera Soomaaliya, waxayna sidoo kale dalka ka fulisaa mashaariicyo kala duwan oo horumarineed.