26.8 C
Mogadishu
Wednesday, June 24, 2026

Xog: Sheekh SHARIIF iyo Farmaajo oo dhisaya isbaheysi culus oo ka dhan ah Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xogo dheeraad ah ay kasoo baxaya kulan xasaasi ah oo xalay magaalada Muqdisho ku yeesheen madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulankii xalay ayaa lagu karkariyay qorshaha isbaheys siyaasadeed cusub oo looga hortagayo madaxweyne Xasan Sheekh, kaasi oo qorshihiisu muddo soo socday.

Wada-hadallada labada madaxweyne oo sidoo kale muddo soo socday ayaa qorshihiisu ahaa in la ballaariyo isbahaysiga, islamarkaana lagu soo qanciyo siyaasiyiinta kale ee ka aragtida duwan dowladda, si uu saameyn weyn u yeesho isbaheysiga ka dhanka ah Xasan.

Xogaha aan ka helayno qorshahaan ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu u bandhigay Xasan Cali Kheyre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame sidii ay isbaheysiga qayb uga noqon lahaayeen.

Labada nin ayaa lasoo warinayaa in ay ka gaabsadeen isbaheysigaan, iyada oo sababta u weyn lagu sheegay inay tahay khilaafka kala dhaxeeya madaxweyne hore ee Farmaajo iyo in ay diidan yihiin wax ku darsigiisa.

Si kastaba, Dhaq-dhaqaaqyada siyaasadda ee durba soo ifbaxaya ayaa u muuqda in dhacdooyinkii 6-dii sano ee la soo dhaafay ay qaabeyn doonaan hannaanka ay mucaardka dowladda iskula fal gali doonaan.

Siyaasada Soomaaliya oo kala barkii muddo xileedka joogta ayaa u muuqata in uu bilowday loolankii doorashooyinka 2026-ka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta saxiixay SHARCI muddo laga soo shaqeynayay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta saxiixay sharci cusub.

Sharcigan uu maanta qalinka ku duugay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ah sharciga qaxootiga iyo magangalyo-doonka, sida ay goordhoweyd shaacisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Sharcigan ayey wasaaradda ku tilmaamtay mid muhiim ah, oo ka hadlaya xuquuqda qaxootiga iyo magangalyo-doonka iyo waajibaadka hey’adaha kala duwan ka saaran ilaalintooda.

Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangalyo-doonka ee maanta uu saxiixay madaxweynaha ayaa waxay Golaha Shacabka ansixiyeen 13-kii, September ee sanadkii dhamaaday 2023-kii, halka Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka ay meel-mariyeen sharcigan 16-kii, January ee 2024-ka.

Waa sharcigii labaad ee madaxweynaha uu laba asbuuc gudahood saxiixo, isaga oo dhawaan saxiixay heshiiska iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee dhawaan wada gaareen Soomaaliya iyo Soomaaliya.

Heshiiskaas ayaa sidoo kale waxaa si deg deg ah u meel-mariyay Golaha Wasiirrada Soomaaliya iyo labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna awood buuxda u siinaya Ankara inay la wareegto ammaanka baddeena, xilli ay taagan xiisadda dowladda federaalka kala dhaxeysa Itoobiya.

Si kastaba, sharcigan uu maanta saxiixay madaxweynaha ee qaxootiga iyo magangalyo-doonka ayaa ugu dambeyn si rasmi ah u noqonaya dhaqan-gal kadib muddo ay howshiisa soo socotay.

Kadib dhacdadii shalay, XASAN oo la xasuusiyay xanuunka ay leedahay in…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib loo xasuusiyay xanuunka ay leedahay dibad-baxayaal la rasaaseeyo, xilli ay shalay ciidanka dowladda Muqdisho ku rasaaseeyen dibad-baxayaal.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo si weyn u cambaareeyay khasaaraha ka dhashay rasaastii shalay lagu riday dadkii mudaharaadayey ayaa falkaasi ku tilmaamay xad-gudub weyn.

“Waxaan cambaaraynayaa dilka loo geystay wiilka dhalinyarada ah ee ku dhintay rasaastii lagu riday dadkii ku mudaaharaadayey Isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho. Falkaasi wuxuu xadgudub ku yahay xaqa dastuuriga ah iyo xurmada nafta muwaadinka,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxa uu intaas kusii daray “Allaha u naxariisto wiilka dhallinyarada ah ee ku dhintay rasaasta, kuwa dhaawaca ahna Allaha u booga dhayo.”

Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in shacabka Muqdisho marar badan ay dalbadeen in magaalada maqaam loo sameeyo, si ay u soo doortaan hoggaan ay la xisaabtami karaan, “taasi oo aan marar badan ku cel-celinay, welina u taagannahay,” ayuu yiri.

“Ka sokow in ay masuuliyad saaran tahay, haddana waxaan xusuusinayaa Madaxweyne Xasan Sheekh, xanuunkii ay lahayd dibadbaxayaal la rasaaseeyo,” ayuu ugu dambeyntiina yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Si kastaba, dibadbixii shalay oo ay dhigayeen dadweyne careysan ayaa waxaa looga cabanayay maamulka degmada Warta Nabadda, ayada oo shaqaaqadu timid kadib markii ciidamada ay rasaaseeyen dibad-baxayaashii, kaasi oo uu ka dhashay khasaare dhaawac iyo dhimasho leh.

Sidee looga falceliyey kulankii Sheekh Shariif iyo Farmaajo?

Muqdisho (Caasimada Online)Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, xilli ay dhisayaan isbaheysi ka dhan ah madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladdiisa. 

Kulanka ayaa yimid maalin kadib markii uu Farmaajo kusoo laabtay dalka Jimcihii, isaga oo tan iyo markii looga adkaaday doorashada ku maqnaa dalka Qatar oo uu deganaa.

Labada madaxweyne ayaa ka wada-hadlay arrimo ku aadan xaaladda guud ee dalka iyo doodda ka taagan wax ka beddelka dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

Farmaajo iyo Sheekh Shariif ayaa isku dhowaa tan iyo bilihii ugu dambeeyey ee xukunka Farmaajo, waxaana la rumeysan yahay inuu xiriir joogto ah oo dhow uu ka dhaxeeyey tan iyo dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in labada madaxweyne ay Muqdisho ka billaabi doonaan olole siyaasadeed ballaaran oo lagu mucaaradayo dowladda madaxweyne Xasan Sheekh, oo ay ugu horreyso in la is-hortaago dhameystirka dastuurka dalka.

Haddaba sidee looga falceliyay kulanka Shariif iyo Farmaajo?

Maxamed Cabdiraxmaan Xuseen “Shariifow dhiiqa lugaha laguu galinayaa ee ka joog”.

Yuusuf Socdaal “Siyaasaddu saaxbitinmo joogta ah ma laha dano joogta ah ayey leedahay ee 2026 iska suga, haddiii kale Muqdisho waa leydiinka tarxiilayàa la socda”.

Maxamed Isaaq “Wlhi Thuma Wlhi mar kale inaa hotel Maa;ido ku weerarto muu rabaa?, mise ballan qaadaa u sameysay inaa weerari doonin?”.

Farxaan Cali “Madaxweyne Mohamed Abdulllahi farmaajo iyo Madaxweyne Sheik Shariif guuleysta”.

Yaasir Maxamed “Waan soo dhaweyneynaa Soomaaliya waa inay heshaa dastuur la wada ogolyahay”.

Xasan Cabdulqaadir Muudey “Maka wada hadasheen habeenkii Hotel Maa’ida uu weerarka idinku soo qaaday, isagoo xukunka dalka haaya Farmaajo?”

Cabdikaafi Xaaji Mukhtaar “Maasha Allaah labada madaxweyne ee dalkeenna Mudane Shariif Sheik  Ahmed iyo Mohamed Abdullahi Farmajo Allah ha idin sharfo, waxaana idinku waajib ah in aad dhiiragelisaan dalkeenna iyo shacabkeenna guuleysta”.

Baarlamanka oo laga dalbaday inuu xasaanadda ka qaado FARMAAJO + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka HirShabelle, Sheekh Cismaan Barre oo wareysi siiyay Telefishinka Somali Cable ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Sheekh Cismaan Barre ayaa eedeymo culus u jeediyay Farmaajo oo haatan dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay inuu gaystay dambiyo waa weyn.

“Shantii sano ee uu joogay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo madaxweynihii hore runtii waxaa dalka maanta haysto dhibaatooyinkii uu xilligaas gaystay oo jariimooyinka ahaa oo waa weynaa” ayuu wareysiga ku yiri guddoomiyihii hore ee golaha wakiilada HirShabelle.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in soo laabashadiisa ay caqabad weyn ku tahay dalka iyo horumarkiisa, sida uu hadalka u dhigay.

“Soo labashada uu soo laabtay waxay imtixaan ama ay caqabad ku tahay dalka Soomaaliya” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Isaga oo sii hadlaya Sheekh Cismaan Barre ayaa waxa uu farriin u diray baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna ka dalbaday inay xasaanadda ka qaadaan, si loo maxkamadeeyo.

“Waxaan rabaa inaan ka codsado baarlamaanka Soomaaliyeed in ay ka qaadaan xasaanadda, si loogu maxkamadeeyo dilalkii Ikraan Tahaliil, Eng Yariisoow, Xildhibaan Aamino iyo weerarkii madaxweynayaal hore” ayuu mar kale yiri Cismaan Barre.

Sababta uu u doonayo in xasaanadda looga xayuubiyi ayaa waxaa ku sheegay “Waa nin dambiile ah ama eedeysane ah marka xasaanad ma leh”.

Ugu dambeyntii wuxuu ka codsaday hay’adaha ammaanka dowladda inay sidoo kale la socdaan dhaq-dhaqaaqiisa, ayna xadiidaan muddada uu joogo magaalada Muqdisho.

“Hay’adaha dowliga ah ee amniga waxaan rabaa maadaama uu Farmaajo ku caan baxay iska horkeenidda shaqsiga in dhaq-dhaqaaqiisa ay xadiidaan” ayuu kusoo gabagabeeyay.

Xog: Saraakiil sahan ka billaabay xeebaha Soomaaliya iyo qorshe culus oo socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil ka socota ciidamada badda Soomaaliya iyo Turkiga ayaa Jimcihii billaabay sahminta saldhigyo ciidan oo laga sameynayo gudaha badda, gaar ahaan xeebaha gobollada waqooyi ee Somaliland, si Itoobiya looga difaaco badda Soomaaliya.

Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, saldhigyada ugu muhiimsan waxaa lagu abaarayaa magaalooyinka Baki iyo Seylac oo ku yaalla goobo istaraatiiji ah, ilaa xeebaha ku dhow Jabuuti ayaa lagu sameynayaa sahankaan.

Saraakiisha sameyneysa sahanka waxay isugu jiraan Soomaali iyo Turki, waxayna wataan diyaarado militeri, waxaana lagu wadaa in sahankaan ay ku jirayaan maalmahaan, maadaama la dejinayo qorshihii ciidamada Turkigu ay ku soo degi lahaayeen badda Soomaaliya.

Xeebaha gobolka Awdal ilaa xuduudda Soomaaliya iyo Jabuuti waa biyaha muhiimka ah ee laga difaacayo Itoobiya, waxaana dhankaas u bada doona saldhigyada ciidamada badda Turkiga, sida ay Caasimada Online u sheegeen saraakiil xog ogaal ah.

Toddobaadyada soo socda waxaa lagu wadaa in xeebaha Soomaaliya ay soo gaaraan maraakiib dagaal iyo ciidamo ka socda Turkiga, si loo guda-galo dhaqan gelinta heshiiskii difaaca ee Soomaaliya ay la saxiixatay Turkiga.

Sahanka ka socda badda Soomaaliya ayaa ku soo aadaya iyadoo dalka Turkiga uu joogo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, halkaas oo madaxweynaha Turkiga uu kula kulmay, arrimihii ay ka wadahadleena waxaa ku jirtay in la dedejiyo qorshaha ciidamada Turkiga lagu dejinayo badda Soomaaliya.

Qorshahani wax weyn ayuu uga dhigan yahay Soomaaliya, waxaa difaac adag heli doonta badda Soomaaliya, waxaana awood militeri lagu burinayaa heshiiskii Somaliland ay badda ku siisay Itoobiya.

Heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga ee badda lagu difaacayo, wuxuu dhigayaa in 10 sano gudahood lagu dhiso ciidamada badda Soomaaliya, laguna qalabeeyo, qorshaha socda ayaa dhabarjab weyn ku ah Itoobiya oo qorshaheedu ahaa inay xoog ku qaadato qeyb ka mid ah badda Soomaaliya.

Daawo: Xildhibaan Maxamed Buraale oo si adag ugu jawaabay Yuusuf Dabageed

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Xildhibaan Maxamed Cabdullahi Buraale oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, kana soo jeeda Hiiraan ayaa maanta si adag ugu jawaabay madaxweyne ku xigeenka HirShabelle Yuusuf Dabageed oo eedeeyay xildhibaanada metela gobolka.

Buraale oo wareysi bixiyay ayaa tilmaamay in Dabageed uu yahay nin iska hadlay, balse aysan ka yeelin doonin in isaga Cali Guudlaawe ay ku ciyaaraan reer Hirran.

“Dabageed waa nin iska hadlay oo sida uu rabo isaga hadlo dadka reer Hiiraan waxa baaba’shay waaa Yuusuf Dabageed iyo kuwa lamid ah, laakiin wax dambe oo ay ku ciyaaraan ma jiri doonto, ilaahow 5 kun qof may ku dhintaan” ayuu yiri Buraale.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Way ku hadli karaan waxa ay rabaan, laakiin dad dambe oo ay u taliyaan meeshaas uguma imaanayaan”.

Dhinaca kale xildhibaanka Maxamed Buraale oo hadalkiisa sii wata ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in marka laga dhameeyo dastuurka xal laga gaari doono arrinta Hiiraan.

Waxaan rajeyneynaa marka dastuurka laga gudbo in siyaasadda soo kala jeedo iyo dhibka ka jiro gobolkeennii in xalkeeda la gaari doono” ayuu mar kaleyiri xildhibaanku.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dhowaan madaxda HirShabelle ay weerar culus ku qaadeen xildhibaanada kasoo jeeda gobolka oo ay ku eedeeyeen inay kasoo horjeeda horumarka deegaankooda.

“Annaga waan ognahay in xildhibaanada laga soo doortay deegaanadan inay farqa dhagax ku wataan oo ay tuuryeynaan degmadii iyo deegaankii laga soo doortay ayna dhibaateeyaan, horumarkiina ay u diidaan” ayuu horay u yiri madaxweyne  Cali Guudlaawe.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay ““Waxaan leeyahay labada is haysato ka shaqeeya, sidii ay u heshiin lahaayeen, si horumar laga gaaro nabad-gelyada”.

DF oo xog cusub ka bixisay heshiiska ay la gashay Turkey, shaacisayna inuusan aheyn…

0

Ankara (Caasimada Online) – Wasiiru dawlaha arimaha dibadda ee Soomaaliya Cali Cumar Balcad ayaa wareysi uu siiyay wakalaada wararka Turkiga ee Anadolu waxa uu ku sheegay in heshiiskii dhawaan ay wada sixiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ee difaaca iyo dhaqaalaha uusan shuqul ku lahayn xiisadda kala dhaxaysan Itoobiya.

Balse waxaa uu sheegayba in Ankara ay sameyn karto dhexdhexaadin labada dhinac ah maadaamada sida uu sheegay ay xiriir wanaagsan la leedahay Addis Ababa.

“Si loo dhiso ciidanka amniga badda, waxaad u baahanaysaa kharash, dhaqaale badan ayey u baahan tahay, taasi waa waxa aan ugu yeerno iskaashiga gaashaandhigga iyo dhaqaalaha,” ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray in heshiiskan uu yahay mid faa’iido u leh labada dal oo uusan wax xiriir ah la lahayn xiisadda Itoobiya.

“Waxan u baahanahay qaab aan u ilaashino badeena…waxaan u baahanahay qaab aan dhisano ciidamadeena badda kuwaas oo noo suuraagalin doona inaan ilaalashano kheyraadka badda. Turkigu wuxuu naga caawinayaa inaan dhisano ciidamadeena badda,” ayuu yiri Cabi Balcad.

Dhanka kale Cali Balcad ayaa sheegay in Soomaaliya ay rajo wayn ka qabtay in ay xiriir wanaagsna la sameysato Itoobiya kadib sanado badan oo madmadoow dhexdooda ka jiray, balse heshiiskii is fagarad ee ay la saxiideen Somaliland uu god ku riday rajadaas.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya aysan marnaba aqbali doonin isku day ‘lagu qaadanayo qayb kamid ah dhulkeeda’, ayuu iu sheegay wakaalada Anadolu isaga oo ka qayb galayay Madasha Diblumaaisyadda Antalya oo ka dhacay dalka Turkiga.

“Waxaasi waa wax aanan waligeen aqbali doonin. Soomaali waligeed ma aqbalayso. Soomaaliya iyo Itoobiya dhib in ku filani horay ayay usoo dhexmartay. Waxaan rajeynayaa in aan dhibtaas dib ugu laaban, Soomaaliyana waligeed ma aqbali doonto in qayb kamid ah dhulkeeda la goosto. Hadii Itoobiya rabto in ay badda ganacsi ahaan u gaarto, taas inagaaba ugu doonis badan,” ayuu yiri Cali Balcad.

Itoobiya ayaa dhankeeda marar kala duwan sheegtay in aysan dhibaato la rabin Soomaaliya, ayna u baahan yihiin bad ay isticmaalaan.

Tan iyo markii Itoobiya ay heshiis la gashay Jahuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland kowdii bishii Janaayo ee sanadkaan, xiriirka labadaan dal ee dariska ah ayaa aad usii xumaanayay.

Heshiiska ayaa sida ay sheegeen labada dhinacba wuxuu dhigayay in Itoobiya laga kireeyo 20 km oo dhul ku yaalla badda ah, taas badalkeedana Itoobiya aqoonsi siiso Somaliland.

“Hadii Itoobiya dooneyso inay raacdo shuruucda caalamiga ah, waxaa jira tiro shuruuc caalami ah oo qeexaya sida waddan aan bad lahayni ku isticmaali karo bbadaha wadamada kale,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Cunaqabataynta hubka, la dagaalanka Al-Shabaab

Markii Soomaaliya laga qaaday cunaqabateynta hubka bishii Disembar, Balcad waxa uu sheegay in go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu si wanaagsan u saameeyay dagaalka uu dalku kula jiro kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Cunaqabatayntan ayaa markii ugu horaysay la saaray dalka ku yaala Geeska Afrika sanadkii 1992-kii.

“Waxaa jira tiro saaxiibo ah oo jeclaan lahaa in ay Soomaaliya ka caawiyaan dhanka ciidamada, balse markii hore waa ay ka labalabeynayeen cunaqabateynta awgeed, marka waxaan ku rajo weynahay in hadda taasi meesha ka baxday, iyo sidoo kale hub dheeri ah oo aan la heli Karin markii hore, Soomaaliya hadda way heli kartaa,” ayuu yiri.

Soomaaliya ayaa muddo dheer codsaneysay in laga qaado cunaqabateynta hubka si ay u xoojiso ciidamadeeda oo ay ula dagaallamaan argagixisada, kuwaas oo weerarayay ciidamada dowladda tan iyo 2006-dii.

Balcad ayaa sheegay in Soomaaliyada oo uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud oo xilka qabtay May 2022 ay saddex marxaladood kula dagaalamayso argagixisada Al-Shabaab.

“Marka, wuxuu la yimid qorshe ballaaran, kaasoo ah in aan u baahannahay sii wadista dagaalka…laakin dagaal keliya kuma filna, [waana inaan qaadno tallaabooyin dheeraad ah,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in talaabooyinka la qaaday ay yihiin sidii loo dhimi lahaa dakhli ururinta Al-Shabaab iyo in la xayiro xisaabaadka bangiyada; iyaga oo meesha ka saaraya fikirkooda kadib fadwo ay soo saareen culimada diinta islaamka ugu saraysa, iyo waliba qorista ciidamo dheeraad ah.

Isha: BBC

Farmaajo iyo Sheekh Shariif oo mowqif kasoo saaray kulan ay ku yeesheen Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, xilli ay dhisayaan isbaheysi ka dhan ah madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladdiisa. 

Kulanka ayaa yimid maalin kadib markii uu Farmaajo kusoo laabtay dalka Jimcihii, isaga oo tan iyo markii looga adkaaday doorashada ku maqnaa dalka Qatar oo uu deganaa.

Qoraal uu Farmaajo soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku yiri “Waxaan caawa hoygiisa kulan wadatashi oo miro dhal ah ku yeelannay Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Waxaan ka wada hadalnay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo dooda beryahaan ka taagan wax ka baddelka Dastuurka, waxaana hoosta iskala xarriiqnay xaaladda dalka iyo arrimaha dastuurka hadda socda in ay u baahanyihiin wadatashi ballaaran.” 

“Waxaan isla garannay inaan sii wadno kulamadeenna iyo wadatashigeenna, isla markaasna laga qeyb geliyo siyaasiyiinta dalka iyo qeybaha kale ee bulshada.”

Farmaajo iyo Sheekh Shariif ayaa isku dhowaa tan iyo bilihii ugu dambeeyey ee xukunka Farmaajo, waxaana la rumeysan yahay inuu xiriir joogto ah oo dhow uu ka dhaxeeyey tan iyo dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in labada madaxweyne ay Muqdisho ka billaabi doonaan olole siyaasadeed ballaaran oo lagu mucaaradayo dowladda madaxweyne Xasan Sheekh, oo ay ugu horreyso in la is-hortaago dhameystirka dastuurka dalka. 

Xog aan la xaqiijin ayaa dhinaca kale sheegeysay inay sidoo kale ku xiran yihiin madaxweynaha dhowaan dib loo doortay ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, oo isna si weyn uga soo horjeeda dowladda madaxweyne Xasan Sheekh.

Hooyo iyo carruurteeda oo ku dhintay DAB ka kacay guri ku yaalla Hargeysa

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeri ah ayaa kasoo baxaya dab gaystay khasaare nafeed oo xalay ka kacay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Dabka oo ahaa mid xoogan ayaa si gaar ah u qabsaday guri ku yaalla xaafada Cabaaye ee degmada Gacan-libaax, wuxuuna kacay abaare 4:00 subaxnimo.

Ciidanka dab-damiska Somaliland ayaa xaqiijiyay in dabkan ay ku geeriyootay hooyo iyo laba carruur ah oo deganaa hoyga uu xalay ka kacay dabka.

Sidoo kale qoraal kasoo baxay taliska ciidanka dab-damiska ayaa waxaa lagu sheegay in gurmad ay sameeyeen kadib lagu soo bad-baadiyay afar carruur ah oo kale.

“Alle haw Naxariistee Hooyo iyo laba Caruura ayaa ku dhintay Dab ka kacay Hoygii ay degenaayeen oo ku yaala xaafada Cabaaye ee degmada Gacan-libaax. Abaaro 4:00 subaxnimo ciidanka Dabdemiska Hargeysa ayaa ka hawlgalay una gurmaday Qoyskaa, iyadoo halkaana laga samata-bixiyay afar caruura oo kale” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa lasii raaxiyay “Ciidanka Booliska degmada Gacanlibaax ayaa la wareegay Maydkii. Baadhista Kiiskana waxaa gacanta ku haya ciidanka Dambi-baadhista”.

Dhinaca kale taliska ayaa farriin u diray shacabka Somaliland, wuxuuna ugu baaqay inay ka digtoonaadaan haliska dabkaka dhasha korontada.

“Bulshada ku nool Somaliland waxaa ciidanka Dabdemisku farayaa in Habeenkii ka digtoonaadaan halista dabka: – In Habeenkii La damiyo laydhka, lana aaso dabka girgirayaasha, lana dhigo meel ku haboon. – ⁠In laga taxadaro wax kasta oo keeni kara dab”. ayaa mar kale lagu yiri farriinta kasoo baxay ciidamada dab damiska Somaliland.

Gabagabadii ciidanka dab-damiska Somaliland ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska ay dhibaatada kasoo gaartay dabka ka kacay xaafada Cabaaye ee degmada Gacan-libaax

“Ciidanka Dabdemisku wuxuu tacsi u dirayaa Qoyskaa Masiibadu ku dhacday, Alle Cawil kheyr Qaba hakasiiyo” ayaa lagu soo gabagabeeyay warsaxaafadeedka.

Sawirro: Xubno Shabaab ah oo howl-gal ‘lagu dilay’ iyo kuwa nolosha’ lagu qabtay

0

Jamaame (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgallo qorsheysan oo ay weli ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ay ka wadaan qaybo kamid ah gobolka Jubbada Hoose oo hoostaga dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Howlgalladan oo lagu beegsaday ayaa si gaar ah looga fuliyay deegaano dhaca jiinka wabiga, isla markaana hoostaga degmada Jamaame ee gobolkaasi.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda federaalka ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkan lagu dilay in ka badan 30 ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo ku sugnaa halkaasi.

Howlgalka oo loo qorsheeyey si heerkeedu sarreeyo laguna dilay in ka badan 30 Khawaarij ah ayaa ciidamadu ka fuliyeen deegaano hoos taga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose iyo jiinka Wabiga” ayaa lagu yiri qoraal ay daabacda warbaahinta dowladda.

Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in howlgallo kale oo ka dhacay deegaanka Baarsanguuni lagu soo qabtay illaa 10 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab oo iyagana dhibaato ka waday gudaha deegaankaasi.

“Howlgalka kale ayaa lagu qabtay xubno maleyshiyaad ah oo 10 ku dhaw kuwaas oo dhibaato ku hayay shacabka deegaanka Baar sanguuni” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, mana jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaasi.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Jubbaland ayaa howlgallo culus ka waday gobollada Jubbooyinka ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Daawo: Yaasiin Farey oo hanjabaad diray kadib arrintii maanta ka dhacday Siinaay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir ayaa si adag uga hadlay banaanbixii maanta ka dhacay isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu dilay wiil Camera Man ah.

Taliyaha booliska gobolka Macalin Mahdi oo caawa shir jaraa’id ku qabtay isgoyska Siinaay ayaa sheegay in lasoo xiray dhamaan askartii maanta xabadaha ku riday dadkii banaan-baxa dhigay.

“Askari kasta oo xabad ka riday halkaas waa la xiray, waxaana kiiskaas ku socota baaris, maxkamad ayaana lagu kala bixi doonaa,” ayuu yiri taliyaha booliska Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu balan qaaday inay cadaaladda hor keeni doonaan askartaas, balse wuxuu shacabka Muqdisho ka dalbaday in aysan dhigin banaanbax dambe oo booliska aan ogolaasho ka heysan.

“Dadka caadeystay inay magaaladaan ka dhigaan banaanbax rabshado wata waxaan siinayaa digniintii u dambeysay, ma ogolaa karno wixii maanta dhacay oo kale, dhibka ay ka cabanayaan mid ka daran ayey sameeyaan dadkaasi,” ayuu yiri Taliye Macalin Mahdi.

Taliyaha ayaa sheegay in maanta laga cabanayey wax aan macna badan laheyn, balse uu dhacay dhib kii laga cabanayey ka weyn oo qof dhintay.

“Wixii maanta laga cabanaayey waxaa ka dhib badan waxa dhashay, qofaa dhintay, tukaan lama furin, guryo iyo gaadiid badan ayaa la burburiyey, maanta jidkaan lama marin, waxaas oo dhan sharci darro ayey ku dhaceen, cidna ogolaansho kama heysan dadkii banaanbaxay ee dhibkaan abuuray,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Taliyaha ayaa sheegay in hadda kadib ay baacsa doonaan dadka abaabula banaanbaxyada noocaan ah, si looga baaqsado in wixii maanta oo kale ay dhacaan.

“Hey’adaha amniga waxaa farayaa hadii ay arkaan banaanbax noocaan ah, waxaa jira ciidan loogu talogalay oo ulo wata, ciidankaas ayaa loo soo diraa dadka banaanbaxaya, maanta kadib ma dhici karto in xabad loogu jawaabo qof shacab ah,” ayuu yiri Macalin Mahdi.

Taliyaha ayaa aad u xaqiijiyey in askari kasta oo maanta xabad riday ay soo xireen, si loo ciqaabo, wuxuu ka gaabsaday inuu shaaciyo tirada askarta xiran, balse wuxuu balan qaaday inay maxkamad soo taagi doonaan baaritaan kadib, si wiilkii la dilay uu cadaalad u helo.

“Waxaan cadeynayaa masuuliyadda in cadaaladda lasoo taago ninkii dilay wiilkaas shacabka ah anaga ayaa masuuliyadeeda qaadaneyna, waxaan ka rabnaa odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Muqdisho, in wixii maanta oo kale aysan nagu soo laaban,” ayuu yiri taliyaha booliska gobolka Macalin Mahdi.

Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir oo si adag uga hadlay banaanbixii maanta ka dhacay isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu dilay wiil Camera Man ah ayaa balan-qaaday in cadaaladda la horgeyn doono dhamaan askartii maanta xabadaha ku riday shacabka.

Sidoo kale Taliye Macalin Mahdi ayaa shirkiisa jaraa’id ee caawa Siinaay uu ku qabtay wuxuu ku sheegay banaanbax dambe oo noocaas ah aysan ogolaa doonin, isagoo shacabka caasimada ka codsaday inay ka fogaadaan dhibaato lamid ah tii maanta ka dhalatay banaanbixii rabashadaha watay oo ay dhigeen.

Hoos ka daawo Yaasiin Farey

Daawo: Taliyaha Booliska Muqdisho oo go’aan adag ka soo saaray wixii maanta dhacay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir ayaa si adag uga hadlay banaanbixii maanta ka dhacay isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu dilay wiil Camera Man ah.

Taliyaha booliska gobolka Macalin Mahdi oo caawa shir jaraa’id ku qabtay isgoyska Siinaay ayaa sheegay in lasoo xiray dhamaan askartii maanta xabadaha ku riday dadkii banaan-baxa dhigay.

“Askari kasta oo xabad ka riday halkaas waa la xiray, waxaana kiiskaas ku socota baaris, maxkamad ayaana lagu kala bixi doonaa,” ayuu yiri taliyaha booliska Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu balan qaaday inay cadaaladda hor keeni doonaan askartaas, balse wuxuu shacabka Muqdisho ka dalbaday in aysan dhigin banaanbax dambe oo booliska aan ogolaasho ka heysan.

“Dadka caadeystay inay magaaladaan ka dhigaan banaanbax rabshado wata waxaan siinayaa digniintii u dambeysay, ma ogolaa karno wixii maanta dhacay oo kale, dhibka ay ka cabanayaan mid ka daran ayey sameeyaan dadkaasi,” ayuu yiri Taliye Macalin Mahdi.

Taliyaha ayaa sheegay in maanta laga cabanayey wax aan macna badan laheyn, balse uu dhacay dhib kii laga cabanayey ka weyn oo qof dhintay.

“Wixii maanta laga cabanaayey waxaa ka dhib badan waxa dhashay, qofaa dhintay, tukaan lama furin, guryo iyo gaadiid badan ayaa la burburiyey, maanta jidkaan lama marin, waxaas oo dhan sharci darro ayey ku dhaceen, cidna ogolaansho kama heysan dadkii banaanbaxay ee dhibkaan abuuray,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Taliyaha ayaa sheegay in hadda kadib ay baacsa doonaan dadka abaabula banaanbaxyada noocaan ah, si looga baaqsado in wixii maanta oo kale ay dhacaan.

“Hey’adaha amniga waxaa farayaa hadii ay arkaan banaanbax noocaan ah, waxaa jira ciidan loogu talogalay oo ulo wata, ciidankaas ayaa loo soo diraa dadka banaanbaxaya, maanta kadib ma dhici karto in xabad loogu jawaabo qof shacab ah,” ayuu yiri Macalin Mahdi.

Taliyaha ayaa aad u xaqiijiyey in askari kasta oo maanta xabad riday ay soo xireen, si loo ciqaabo, wuxuu ka gaabsaday inuu shaaciyo tirada askarta xiran, balse wuxuu balan qaaday inay maxkamad soo taagi doonaan baaritaan kadib, si wiilkii la dilay uu cadaalad u helo.

“Waxaan cadeynayaa masuuliyadda in cadaaladda lasoo taago ninkii dilay wiilkaas shacabka ah anaga ayaa masuuliyadeeda qaadaneyna, waxaan ka rabnaa odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Muqdisho, in wixii maanta oo kale aysan nagu soo laaban,” ayuu yiri taliyaha booliska gobolka Macalin Mahdi.

Hoos ka daawo

Xasan Sheekh: Dhib gudaha ka heysta ayuu doonayaa Abiy Ahmed inuu dibadda u xawilo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey madasha diblumaasiyadda ee Antalya ee dalka Turkiga ayaa ku tilmaamay hogaanka Itoobiya mid doonaya in uu dibadda u xawilo dhibaatooyinka ka jira gudaha dalkiisa.

“Taariikh dheer ayaan leenahay annaga iyo deriskayaga Itoobiya, 6 ilaa 7 qarni, inta bandanna ma ahayn taariikh wanaagsan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay doonayso in taariikhdaas laga gudbo oo la dhiso xiriir dhaqan dhaqaale oo u dhexeeya labada dal.

“Nasiib darro marka uu hoggaanku wajahayo dhibaato gudaha ah oo uu doonayo in uu indhaha dadkiisu ku xawilo arrimo dibadda ah, waa dhibaato halis ah,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

“Waxaa jira dalal badan oo bad la’aan ah, dhamaantoodna badda way isticmaalaan, waxaana jira qaab caalamku isla oggolyahay oo ku aaddan sida ay dalalka aan badda lahayni uga faa’iideysan karaan badda. Taasi kama dhigna inaad qayb goosato ama in aad saldhig milatari ka samaysato dalkaas,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa bilaabatay kadib heshiis is-afgarad oo Addis Ababa ku dhex maray Somaliland iyo Itoobiya 1-dii Janaayo, kaas oo dhigayey in Itoobiya laga kireeyo 20 KM xeebaha gobolka Awdal ah.

Madaxweynaha oo ku sugan dalka Turkiga ayaa maanta kulan la yeeshay madaxweynaha dalka Turkiga Recep Dayyip Erdogan, waxaana ay ka wada hadleen xiriirka walaalnimo ee labada dal, heshiiska iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Soomaaliya ayaa Turkiga u saxiixday heshiis difaac iyo iskaashi dhaqaale, waxaana lagu wadaa in xeebaha Soomaaliya ay yimaadaan ciidamada Turkiga, si badda Soomaaliya looga difaaco Itoobiya.

Maxkamadda gobolka oo shaacisay maalinta lagu dhawaaqayo xukunka Sayid Cali

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa markii sedexaad muddeysay dhageysiga dacwadda ka dhanka ah eedeysane Sayid Cali Macalin Daa’uud oo loo haysto inuu gubau xaaskiisii oo uur lahayd Luul Cabdicasiis Maxamed.

Maxkamadda ayaa sheegtay in fadhigan uu noqon doono kii ugu dambeeyay, isla- markaana lagu shaacin doono xukunka eedeysanaha, waxayna fadhigan muddeysay maalinta arbacad ah oo ay ku beegan tahay 06/02/2024.

“Maxkamadda iyada oo gudaneyso waajibaadka saaran ee ku xusan qodobada 75, 89 XHCS, waxa ay muddaysay Gal-dacwadeedka ciqaabta ah ee summaddiisu tahay MGB/DCL/147/2024 maalinta arbacada ah ee taariikhud tahay 06/02/2024, saacadduna ay tahay 12:00 duhurnimo” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Maxkamadda gobolka.

Sidoo kale waxaa la faray taliyaha qaybta baarista dambiya ee CID-da inuu maxkamadda horkeeno eedeysanaha, maalinta arbacada oo ah kama dambeysta maxkamaddiisa.

Maxkamadda Gobolka ayaa sidoo kale amartay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo qareennada difaacaya eedeysanaha inay soo xaadiraan maalinta la shaaciyay, si ay goobjoog uga noqdaan maxkamadda iyo ku dhawaaqista xukunka ka dhanka ah Sayid Cali.

“Waxay faraysaa xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, qareennada difaaca eedeysanaha in ay kasoo qayb-galaan ku dhawaaqista dacwadda isla taariikhda iyo saaxadda sare ku xusan” ayaa mar kale lagu yiri warqadda ay soo saartay maxkamadda.

Horay maxkamadda ayaa laba fadhi oo kala duwan uga yeelatay kiiskan xasaasiga ah, waxaana la horgeeyay marqaatiyeyaal ay kamid ahaayeen carruurtii marxuumadda.

Waxaa kale oo ay maxkamaddu  dhageysatay, isla markaana su’aalo waydiisay eedeysane Sayid Cali Macallin Daa’uud, waxa uuna sheegay in xaaskiisa sababta uu u gubay inay tahay maseer darteed, islamarkaana murankii ka dhashay uu keenay dabka in uu qabad siiyo guriga balse waxaa uu ku dooday ujeedkiisu in uusan aheyn in uu dilo xaaskiisa.

Sayid Cali ayaa isaga oo ka jawaabaya mid ka mid ah su’aalaha ay maxkamadda weydiisay ayaa waxa uu sheegay inuu jeclaa xaaskiisa Allaha u naxariiste, uuna soo dhex-galay muran galaaftay nolosheeda, isagoo ku cel-celiyay in uusan kas u dilin, sida uu ku dooday.

”Xaaskeyga waan jeclahay, waxaan na dhexmaray muran, waxaa ay igu tiri nin kale ayaan guursanaya ee iska keey fur anna waan xanaaqay nafto ayaan soo gatay, waana ku gubay qol alaabta taalay ayada ayaana gashay dabka lakiin jn aan badbaadiyo ayaan isku dayay.”

Luul Cabdicasiis ayaa weli iyada oo mayd ah ku jirto Ferinjeer, waxaana maalintii la gubay kasoo wareegtay muddo bil ah, waxaana weli qoyskeeda la sugayaan ridida xukunka.

 

Kadib HESHIISKII difaaca, Xasan Sheekh iyo Erdogan oo yeeshay kulankii u horreeyay

0

Antalya (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan dalka Turkiga ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa dalkiisa, Recep Tayyip Erdoğan, kulankaas oo kusoo aaday kadib heshiiskii difaaca ee labada dal.

Kulankan ayaa yimid markii uu madaxweyne Xasan dalka Turkiga uga qeyb galay shirka 3-aad ee Madasha Diblomaasiyadda ee Antalya, halkaas oo uu ka jeediyay khudbad xasaasi ah.

Labada madaxweyne ayaa ka wada-hadlay arrimo muhiim ah oo ku aadan iskaashiga labada dal iyo dhaqaajinta heshiiska cusub ee ay wada gaareen Muqdisho iyo Ankara.

Madaxweynaha khudbaddii uu ka jeediyay shirka Antalya wuxuu kaga hadlay mustaqbalka wanaagsan ee Soomaaliya iyo muhiimadda ay leedahay xasilloonida marinnada muhiimka ah ee ay ka mid tahay Badda Cas.

Sidoo kale wuxuu bandhigay aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee daris-wanaagga iyo iskaashiga ku saleysan is-ixtiraamka iyo dheef-wadaagga, waxa uuna sheegay in xasilloonida dalalka dhaca Badda Cas ay aas-aas u tahay nabadda iyo ganacsiga caalamiga ah, sidaas awgeed dowladda Soomaaliya ay mudnaan siinayso iskaashiga iyo xasillooni gobolka.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa dhawaan gaaray heshiis difaac, kaasi oo dhaqan-gal noqday kadib markii ay meel-mariyeen Golaha Wasiirrada Soomaaliya iyo labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Heshiiska difaaca oo maalmo kahor uu saxiixay madaweynaha Soomaaliya, ayaa sidoo kale waxaa la filayaa in maalmaha soo socda uu isna ansixiyo baarlamaanka dalka Turkiga, isla mrkaana uu qalinka ku duugo madaxweynaha dalkaasi Mr Erdogan.

Heshiiska difaac ee Soomaaliya ay la saxiixatay Turkiga ayaa horay madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ku tilmaamay mid Soomaaliya gaarsiin doona inay dhisato ciidan badeed ku filnaada difaaca baddeenna, xilli ay taagan tahay xiisadda badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo heshiiskani inaga dhexeeyo waa dal iyo dad aan naqaanno, marar badan hiil inoo muujiyay. Waa waddan saaxiib iyo walaal ah oo aan ku aamini karno iskaashigan muhiimka u ah difaaca qarannimadeeenna iyo midnimadeenna dhuleed,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Heshiiskaan ayaa socon doono muddo 10 sano ah, iyada oo ciidamada Turkiga lagu wareejinayaa xeebaha dalka todobaadyada soo socda, iyaga oo sidoo kale dib u dhis ku sameynaya iyo qalabeyn ciidamada badda Soomaaliya.

Shirkadda Ethiopian Airlines oo war cusub kasoo saartay isticmaalka hawada Somalia

Addis Ababa (Caasimada Online) – Qoraal kasoo baxay Shirkadda Diyaaradda Ethiopian Airlines , isla markaana lasoo dhigay barteeda Facebook ayaa lagu beeniyay wararka sheegaya in ay baddasheen khadka hawada Soomaaliya ee ay isticmaalaan, sababo la xiriira dhacdooyinkii dhowaan ee hawada Somaaliya.

Shirkadda ayaa sidoo kale sheegtay in diyaaradda Ethiopian Airlines aysan joojin duullimaadyada hawada Soomaaliya, isla markaana warkaasi uu yahay “mid aan sax ahayn oo marin-habaabin ah”

Warkan oo ay daabacday BBC ayaa waxaa lagu saleeyay wareysi ay Laanta Amharic la yeelatay Mesfen Tasew oo ah madaxa shirkadaha diyaaradaha Itoobiya, sida ay sheegtay BBC-du.

Maamulaha ayaa wareysigaas ku cadeeyey in go’aankaasi uu la xiriiro khatartii ay ku galeen hawada Soomaaliya maalmo ka hor,

“Iyadoo la raacayo hab-dhaqanka caalamiga ah, waxaanu ku wargalinay hay’adaha duulista rayidka ee ay qusayso marka shil noocaan uu dhaco, waxaa lagu wargeliyay hay’adaha duulista rayidka Soomaaliya iyo Itoobiya, balse ma aanaan helin wax jawaab ah,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxaa jirtay warqad la isla dhex marayay baraha bulshada oo lagu sheegay inay kasoo baxday xafiiska shirkadda Ethiopian Airlines, taasoo lagu xusay in shirkaddu joojisay duullimaadyadii dalalka Aasiya ee sii mari jiray hawada Soomaaliya. Shirkadda ayaa beenisay warqaddaas kuna tilmaantay mid been bauur ah.

Dhowaan labo diyaaradood oo shirkadaha Ethiopian Airlines iyo Qatar Airways ay kala leeyihiin ayaa isku dhici gaaray, kadib markii maamulka Somaliland uu qalqal ku furay isticmaalka hawada gobollada waqooyi, balse nasiib wanaag, qadar aad u yar ayey ku kala badbaadeen diyaaradahaas oo siday rakaab badan.

Arrimahan ayaa kusoo aadaya, xilli Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku dagaaleen damaca badda Soomaaliya uga jira Itoobiya, xiisadaas ayaa gaartay mele sare, waxayna cilaaqaadka labada dalka ku sii yeelaneysaa saameyn badan.

Daawo: War cusub oo kasoo kordhay dilkii Sheekh Xasan Diirshe iyo Saciid Tahliil

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ehellada Marxuum Sheekh Xasan Diirshe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa afar bilood kadib ka hadlay dilka marxuumka ee isaga iyo Saciid Tahliil Maxamed loogu gaystay magaalada Dhuusamareeb.

Dilka loo gaystay labada marxuum ayaa salka ku hayay aano qabiil, waxaana si weyn uga xumaaday reer Dhuusamareeb, maadaama lagu dhex dilay caasimada Galmudug.

Xuseen Diirshe Cadde oo la dhashay marxuumka ayaa sheegay in aan weli lasoo qaban eedeysanaha, isaga oo arrintaas ku tilmaamay xadgudub wayn, maadaama laga gaabiyay.

“Afar bilood ka bacdi in xaaladdeena wax laga qaban waayo dhacdadii ka horreysay ama ka dambeysay la xalliyay waxay nagu tahay xadgudub aanan maleysan karin” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in cabashadooda ay wax ka qaban weysay Galmudug, haatana ay usoo gudbinayaan dowladda dhexe, si wax uga qabato arrintaasi.

“State-ka meesha ka jiro wax waa ka qaban waayay cabashadeena waxa ay hadda usoo gudubtay dowladda federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud inuu cabashadeena tixgeliyo dhibka nagu dhacayna uu kasoo jawaabo” ayuu mar kale yiri marxuumka walaalkiis.

Mid kamid wiilasha marxuum Sheekh Xasan Diirshe oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in eedeysanahaa uu dhex joogo magaalada, balse aan lasoo qaban, sida uu hadalka u dhigay.

“Qof dhib intaas la’eg noo gaystay, haddana magaaladii uu ku noolyahay ama uu u dhow yahay oo anan lasoo qaban xaqiiqdii waa arrin qalbiga xanuunjineyso” ayuu isna yiri.

Ugu dambeyn waxaa shirkan jaraa’id ka hadashay Muna Diirshe oo iyadana kamid ah ehelllada, taas oo farriin culus u diryay madaxweynaha dowladda Soomaaliya.

“Caasimadii Dhuusamareeb ee aan gacmaheena ku dhisanay, maamulkii aan gacmaheenna ku dhisanay inuu maanta dhiigeyna waxba ka qaban waayo waxa khaldan iyo waxa jiro inuu soo dhex-galo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud” ayay iyaduna tiri Muna Diirshe.

Dibad-baxayaal careysan oo maanta lagu rasaaseeyay Muqdisho + Khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kaso baxaysa shaqaaqo sababtay dhimasho iyo dhaawac oo maanta ka dhacday isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho.

Shaqaaqada ayaa timid, kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay rasasaaseeyn dadweyne careysay oo dibad-bax ka dhigayay halkaasi, waxaana ka dhashay khasaare.

Dibad-baxa oo ay dhigayeen dadka deegaanka ayaa waxaa looga cabanayay maamulka degmada Warta Nabadda, sida ay sheegeen qaar kamid ah dadkii ka qayb-galay.

“Waxaa naga maqan xuquuq oo aan u doodeynay, mahaas ayaan banaanbax nabadeed ku heysanay Seynab Xaabseyn waa na leysay, taliyaha saldhigga ayay noo soo dirtay” ayay tiri hooyo kamid ah dadka dhigayay dibad-baxa.

Sidoo kale hooyo kale oo la hadashay Idaacadda Risaala ayaa sheegtay in ay doonayaan kursi ay lahaayeen ka beel ahaan, kaas oo ay sheegtay in la boobayo.

Xuquuqdeena ayaan u baahanahay, kursigeenna ayaan rabnaa, waxaana iska leh Beesha Macallin Dhiblaawe” ayay iyaduna tiri hooyo kale oo kamid ah dadka deegaanka.

Rasaasta ay fureen ciidamada ayaa waxaa lagu eedeeyay ciidamo ka tirsan kuwa saldhigga Booliska ee degmada Warta Nabadda, sida ay warbaahinta u sheegeeen dibad-baxayaashu.

Ugu yaraan hal wiil oo dhalinyaro ahaa ayaa ku dhintay rasaasta, halka ay ku dhaawacantay haweeney kale, taas oo sii kordhisay xiisadda ka taagan Siinaay.

“Maanta waxaa na haysto wiil walaalkeen ah oo waxba halayn in la dilo askari dowladeedna uu xabad ku dhufto dabadeedna uu Dhashiike nagu weeraro ma aqbaleyno” ayay tiri mid kamid ehellada marxuumka.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, mana jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada Warta Nabadda iyo laamaha amniga oo ku aadan dhacdadaasi.

SOMALILAND oo shaacisay waxa laga yeelayo askarigii xalay aabihiis ku dilay…

0

Ceerigaabo (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska Somaliland ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay dhacdo argagax leh oo xalay ka dhacday magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolkaasi, halkaas oo uu askari ka tirsan ciidanka ku dilay aabihiisa.

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Cabdiqaadir Maxamed Cabdi ayaa toogasho ku dilay aabihiisa oo lagu magacaabi jiray Marxuum Maxamed Cabdi Nuur (Xamari), kadib muran soo kaladhex-galay.

Booliska ayaa shaaciyay in eedeysanaha lasoo qabtay, kadib howlgal ay sameeyeen ciidanka ammaanka, waxaana au sheegeen inuu askarigan uu rasaas la dhacay aabihiis.

“Ciidamada Booliska JSL garahaan Qaybta Gobalka Sanaag ayaa gacanta kusoo dhigay Edeysane Cabdiqaadir Maxamed Cabdi oo ku eedaysan inuu xalay Abbaarro 8:00 Habeenimo ku dilay Aabbihii  Marxuum Maxamed Cabdi Nuur (Xamari) Magaalada Ceerigaabo , waxaanu ku dilay xabbad” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale wuxuu boolisku intaasi ku daray in eedeysanaha sida ugu dhaqsiyaha badan loo horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan,

“Hawlgal iyo dedaal dheeriya oo  Ciidanku sameeyay ayuu kusoo qabtay eedaysanaha , waxaanu ku jiraa gacanta Ciidanka Booliska,  iyadoo degdeg loo  horgayn doonaa sharciga” ayaa mar kale lagu yiri.

Dhinaca kale waxaa warsaxaafadeedkan farriin loogu diray  shacabka Somaliland oo loogu baaqay in booliska kala shaqeeyaan nabad-gelyada guud ee deegaanka.

“Taliska Ciidanka Boolisku waxa uu bulshada Jamhuuriyadda Somaliland ugu baaqayaa inay ilaaliyaan nabadgalyada , waxii Amni darro wadana naga gacansiiyaan” ayaa lasii raaciyay.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa gudaha dalka ka dhacayay dhacdooyin argagax leh oo kasoo cusboonaaday magaalooyinka ee waa weyn ee Soomaaliya, kuwaas oo saameyn ku yeeshay bulshada qaybaheeda kala duwan.

Dhacdooyinkan ayaa dhammaantood salka ku haya arrimo qoys, waxaana dhacay kiisas waa weyn oo illaa iyo hadda aan laga sal gaarin iyo kuwa kale oo yaalla maxkamadaha.