26.8 C
Mogadishu
Wednesday, June 24, 2026

Dagaal culus oo maanta ka dhacay duleedka Baydhaba

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Dagaalka oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Maaya Fuulka ee gobolka Baay, kadib markii ay soo weerareen Al-Shabaab.

Weerarka ayaa waxaa lagu ekeeyay xero ay daganaayeen ciidamada, waxaana kadib xigay dagaal aanba waxba la’isku reebay kaas oo dhaliyay khasaare xoogan.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ay maqlayeen dhawaqa hubka ay is waydaarsanayeen labada dhinac balse aysan cadeyn karin inta uu la’egyahay khasaaraha.

Saraakiisha milatariga Soomaaliya oo ka hadlay dagaalkan waxa ay sheegeen inay iska caabiyeen Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday, dibna ay u celiyeen.

Al-Shabaab ayaa dhankeeda guul ka sheegatay dagaalka, waxaana ay shaacisay in khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ay gaarsiisay ciidamadii ku sugnaa halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay howlgal ka sameeyeen duleedka Baydhaba, iyaga oo gacanta kusoo dhigay shaqsiyaad lagu tuhmayo inay gacan saar la leeyihiin kooxda Al-Shabaab.

Baydhaba iyo naxaawigeeda ayaa waxaa badanaa ka dhaca weeraro kala duwan oo gaysta khasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Qoyska marxuum Abubakar Kaabax oo ka warramay sida wiilkooda loo afduubtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Habeen Arbaco ah, 22-kii bisha Febarury ayaa koox hubaysani waxay wadada ku joojiyeen Abubakar Axmed oo ah nin dallinyaro ah oo maalmo ka hor maydkiisa laga helay duleedka Muqdisho.

Qiyaastii 11-kii fiidnimo ee xiliga Soomaaliya, ayaa waxaa wada ku taalla degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir waxaa istaajiyay ciidamo ku la bisan dharka booliska Soomaaliya, sida uu qoyska la wadaagay nin dhallinyaro ah oo la socday Abubakar.

“Rag hubaysan oo dharka booliska wata oo jidka taagan ayaa waxa ay u istaajiyaan sida qolo amniga sugaysa oo kale,..labada dhinac ayaa laga kala istaagay, labadaba waa la dajiyay waxaan dareemeynaa bartilmaameedku inuu ahaa yarkaan walaalkeey ah oo dhiman doona,” ayuu yiri Maxamed Axmed oo ah walaalka ka wayn Abubakar oo la hadlay BBC.

Abubakar ayaa ahaa sida uu noo sheegay walaalkiisa ganacsade ka shaqaysta lacagaha danabaysan iyo sarifka.

Wuxuu intaa ku daray intaas isaga oo soo xiganaya ninkii dhallinyarada ahaa ee joogay goobta, in gaari uu watay Abubakar oo ahaa Toyota Surf iyo isagabii ay ka xaysteen ragii ciidanka ahaa.

“Gaarigii sidaas ayay ku wateen, [iyo] wiilka dhiman doona ee walaalkeey ah oo jeebeysan oo indhaha ka xiran,” ayuu yiri.

Booliska Soomaaliya waxay sheegeen in ay baaritaan wali ku wadaan dhacdadaan.

Subaxii xigay habeenkii la afduubtay ayaa qoysku sheegeen in maydka Abubakar laga helay dulledka magaalada Muqdisho isaga iyo gaarigii uu watay intaba.

“Meel walba ayaan ka raadinay”

Maxamed ayaa sheegay habeenka la afduubtay walaalkiis uu isagu ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, balse maadaama ay shirko ku ahaayeen ganacsiga lacagaha isaga iyo walaalkii Abubakr, oo ay si aad u dhaw isaga war hayeen uu markiiba ka war helay dhacdada qabsatay walaalkii.

“Waxaan isla markiiba ku dadaalay inana la xariiro dad asxaab ah oo aan ku lahaa laamaha amniga qaybahooda kala duwan…waa la baxay meeshii wax ka dhaceenaa la tagay, gacamada kala duwan ee ciidamada qalabkaa sidaa la galiyay…laakiin qadartoo qorneed awgeed iyo cidda wax fulisay oo ahyd cid abaabulan ayaa ilaahey wuxuu qadaray [inaan la qaban kooxdii afduubka gaysatay].

Gaariga in laga furay taarikada ayuu raaciyay hadalkiisa Maxamed.

Dhanka kale waxa uu sheegay in lacago ku jiray akoonada uu maamulayay Maxamed qaarkood lala baxay. Ma uusan cadda sida loola baxay lacagahaas, balse qoysku waxay tuhmayaan in afduubayaashu ay ku qasbeen Abubakar in uu lacagta soo saaro.

Waxa kale oo uu sheegay in akoonada qaar ee ay uu hayay lambarkooda sirta uu markiiba ka bixiyay lacagihii ku jiray.

Sidee ku badbaaday wiilka la socday Abubakar?

Sida ay sheegeen Qoyska oo soo xiganayay wiilka, waxaa isaga iyo Abubakarba laga amray in ay ka soo dagaan gaarigii ay wateen, ka dibna waxaa lagu amray in ay jilbaha dhulka dhigtaan indhaha ayaana laga xiray.

Muddo kadib ayaa labadoodiiba la soo waday loona soo ka xeeyay gaarigii la saari lahaa, balse inta aan wiilkan yar la sari gaariga ayuu u sheegay ninkii hubaysnaa ee gacanta ku hayay ‘inuu baxo dib dambana gadaal u soo fiirin’.

Sidaas ayuu ku helay fursad uu qoyska kula wadaago shilka ku dhacay Abubakar.

Wiilkaan ayaa sidoo kale qaraabo la ahaa Abubakar.

Boolisku maxay yiraahdeen?

Sid aay sheegeen booliska Soomaaliya ilaa iyo todoba qof ayaa loo soo qabtay kiiska afduubka iyo dila ee Abubakar Axmed. Waxaa ka mid ah dadkaas taliyihii saldhiga Booliska ee degmada Huriwaa oo ah halka uu falku dhacay.

Sidoo kale waxa ay boolisku sheegeen in la qabtay ciidan la socday taliyaha saldhigaas oo ka mid ahaa booliska oo tiradoodu ahayd shan askari iyo laba ruux oo kale oo shacab ah, dhamaantoodna la horgeyn doono cadaalada.

Waxa uu sheegay in dhamaan saraakiishana ciidamada ay yihiin eedeysanayaal, ayna gacanta ku hayaan kiiskooda guddi ka socota xeer-ilaalinta.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayay falal la xiriira dilal, kuwaas oo intooda badan hafalhayn ka abuuray baraha bulshada.

Isha: BBC

Howlgal lagu laayay saraakiil Al-Shabaab ah oo maanta ka dhacay gobolka Galgaduud

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanayaa saaxibada caalamiga ah ee ka sameeyeen duleedka degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa lagu beegsaday goob ay isku uruursanayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku taalla deegaanka Cali Yabaal ee gobolkaasi.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda federaalka ayaa looga hadlay howlgalkan, waxaana lagu sheegay inuu u dhacay sidii loo qorsheeyay, laguna dilay Shabaab badan.

Dowladda ayaa shaaca ka qaaday in xubnaha lagu laayay weerarkan ay isugu jiraan saraakiil iyo maleeshiyaad ku sugnaa deegaanka uu howlgalka ka dhacay.

“Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Saxiibada Caalamka Ayaa howlgal Ka sameeyey Deegaanka Cali Yabaal oo hoostaga Degmada Ceeldheer iyo deegaano kale oo ka tirsan à Gobolka Galgaduud. Ciidanka Kumaandooska Ayaa Heley Xogta in Khawaariijta ay isku aruursanayaan Deegaanadaas Howlgalka ayaana lagu laayey horjoogayaal iyo maleeshiyaad” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in ciidamada ay gacanta ku dhigeen goobaha howlgalka laga sameeyay, isla markaana la burburiyey xarumihii Al-Shabaab.

“Degaanada howlgalku ka dhacay ayaa ciidanku la wareegay waxaana la burburiyey saldhigyadii Khawaarijta” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkan ee ay guusha ka sheegtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Gobollada dhexe ee dalka ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay ka socday howlgalo culus oo iska kaashanayaan ciidanka Xoogga, kuwa deegaanka iyo saaxibada caalamiga ah.

ASKARI xalay aabihiis ku dilay magaalada Ceerigaabo

0

Ceerigaabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay askari ka tirsan ciidamada Somaliland uu aabihiis ku dilay gudaha magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolkaasi.

Dilka ayaa yimid kadib markii uu muran soo kala dhex-galay askariga iyo aabihiisa, kadibna uu sidaas toogasho ugu dilay.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in aabaha ay rasaasta kaga dhacday qaybaha sare ee jirkiisa, isla markaana uu goobta ku geeriyooday.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in askariga falkan gaystay uu goobta isaga baxsaday, bals waxaa deegaan kale kasoo qabtay ciidanka ammaanka ee Somaliland.

Mas’uuliyiinta gobolka oo ka hadlay dhacdadan argagaxa leh ayaa sheegay in haatan ay socdaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan falkaasi dilka ahl

Sidoo kale waxa ay tilmameen in eedeysanaha uu haatan ku jiro gacanta Somaliland, isla markaana dhowaan la horgeyn doono maxkamadda ciidamada si looga qaado tallabo adag.

Dhacdadan ayaa argagax ku reebtay dadka deegaanka, waxaana sidoo kale si aad ah looga hadal hayaa baraha bulshada ee Internet-ka.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa gudaha dalka ka dhacayay dhacdooyin argagax leh oo kasoo cusboonaaday magaalooyinka ee waa weyn ee Soomaaliya, kuwaas oo saameyn ku yeeshay bulshada qaybaheeda kala duwan.

Dhacdooyinkan ayaa dhammaantood salka ku haya arrimo qoys, waxaana dhacay kiisas waa weyn oo illaa iyo hadda aan laga sal gaarin iyo kuwa kale oo yaalla maxkamadaha.

Falcelin yaab leh oo ka dhalatay dib ugu soo laabashada dalka ee Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Shacabka Soomaaliyeed ee isticmaalaha baraha bulshada, gaar ahaan Facebook ayaa si weyn uga falceliyey dib u soo laabashada madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo maanta shaaciyey inuu sii joogi doono Muqdisho.

Dadka qaar ayaa aad u taageersan Farmaajo inuu ku soo laabto Muqdisho, halka kuwo kale ay aad u dhibsanayaan, iyagoo inta badan ku hal-qabsanaya amniga soo hagaagay Farmaajo kadib iyo xiriirka Itoobiya oo heer sare joogay xiligii Farmaajo, balse hadda ay xiisadda labada dal cirka isku shareertay.

Waxaan dib u eegnay dhigaalada fal-celinta ah ee dadku ku soo direen qeybta faalada ama comment-ga muuqaalkii uu Farmaajo galabta sii daayey, kadib markii uu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Dadka ka soo aragti dhiibtay muuqaalka Farmaajo waxaa ka mid ah Maxamed Beerdoon oo yiri, “Abti waagii aad dadka dareenka wadaninimo uga faaiideysan jirtay, waa lasoo dhaafay Cabdiraxmaan Cabdishakuur weli kuma  ilaawin.”

Cumar Hoone oo yiri “Mahad Salaad iyo teamkiisa iska ilaali mudane madaxwayne.”

Xasan Koronto ayaa yiri “Dastuur meel ii dhig ee Xasan Sheekh u sheeg inuu baryada joojiyo oo xiriirka u jaro Itoobiya iyo Kenya.”

Cabdifitaax Cawil Axmed ayaa yiri, “dalkeena si uu hormar u gaaro, waxaan ku talin lahaa in dhamaan mucaarad iyo muxaafid hal gogol iskugu yimaadaan, lagana wada tashado tilaabo walba oo masiiri ah, wax walba oo la gorfeeyo oo loo wada dhanyahay waxaa laga gaaraa natiijo iyo hormar balaaran.”

Dhubad Yare ayaa yiri “Isku milankii dowladaadii iyo Shabaab ayaa wali lakala sifaynayaa oo waliba banaanka looga daba-tagay, walaalkaa Abiy Axmedna naqaska ayaa lagu dhajiyay.”

Aragtida bulshada oo aad u badan intaan ayaan ka xuseynaa, dadkuna waxay isugu jiraan kuwo u muuqda inay weli taageersan yihiin oo xukunka dalka la rabaan Farmaajo iyo kuwo u muujinaya in dalku hagaagay kadibkiis oo amniga iyo diblomaasiyadda hormarro badan laga gaaray intii uu xukunka joogay Xasan Sheekh.

Farmaajo ayaa muuqaal iska soo duubay markii uu yimid Muqdisho, wuxuuna sheegay inuu sii joogi doono oo ka shaqey doono arrimo siyaasi ah, sida wax ka bedelka ku socda dastuurka, maadaama uu yahay xubin ka mid ah baarlamaanka oo hadda gacanta ku haya howsha dhameystirka dastuurka.

Xasan oo shir Turkiga ka dhacay ku soo bandhigay qorshahiisa xiisadda badda

0

Antalya (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Madasha Diblumaasiyadda Antalya ee dalka Turkiga ayaa ka hadlay mustaqbalka wanaagsan ee Soomaaliya.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa khudbadiisa uga hadlay muhiimadda ay leedahay xasilloonida marinnada muhiimka ah ee ay ka mid tahay Badda Cas.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee daris-wanaagga iyo iskaashiga ku saleysan is-ixtiraamka iyo dheef-wadaagga.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in xasilloonida dalalka dhaca Badda Cas ay aas-aas u tahay nabadda iyo ganacsiga caalamiga ah, sidaas awgeed dowladda Soomaaliya ay mudnaan siinayso iskaashiga iyo xasillooni gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in xadgudubka Xukuumadda Itoobiya ay ku sameynayso midnimada iyo madaxbannanida Soomaaliya ay wiiqayso dadaallada caalamiga ah ee xasilinta marinnada muhiimka ah ee ay ka mid tahay Badda Cas.

Xasan Sheekh ayaa beeniyey dhammaan qodobbada mala-awaalka ah ee ay ku marmarsiyoonaysay Xukuumadda Itoobiya, kuwaas oo ay ku doonayaan in ay ku xalaashadaan Baddeena.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay caqabadaha hortaagnaa dowladnimada Soomaaliya iyo dhabar adaygga ay ku wajahayaan dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Maxaxweynaha ayaa sheegay in xoreynta deegaannada dalka Soomaaliya ee ku jira gacanta argagixisada ay barbar socdaan qorsheyaal lagu adkeynayo dowladnimada, laguna xoojinayo iskaashiga iyo doorka Soomaaliya ee Gobolka.

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey sida ay Soomaaliya ugu guuleysatay hirgelinta qorshayaal ay ka mid yihiin, ku biirista Dallada Bulshada Bariga Afrika, qaadista cunaqabateynta hubka iyo dhammeystirka deyn cafinta.

Diyaaradaha Ethiopian Airlines oo laga joojiyey isticmaalka hawada Soomaaliya

Addis Ababa (Caasimada Online) – Shirkadda Diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa ku dhawaaqday inay joojisay duullimaadyadii ay ku mari jirtay hawada Soomaaliya, kuwaasi oo tagi jiray dalalka Aasiya, kadib markii dhawaan ay khatar ku gashay hawada gobollada waqooyi ee Somaliland.

Duullimaadyadii ay diyaaradaha shirkadaasi ku tagi jireen dalalka qaaradda Aasiya waxay ku mari jireen hawada Soomaaliya, balse hadda waa iska joojiyeen duulimaadkaas, kadib toddobaadkii hore ay isku dhici gaareen Ethiopian Airlines iyo Qatar Airways.

“Shirkadda ayaa go’aankaan gaartay, sababtoo ah maamulayaasha hawada Soomaaliya kama aysan helin adeegga duulista hawada oo ammaan ah,” ayuu yiri Mesef Tase oo ah maamulaha guud ee shirkadda oo BBC la hadlay.

Maamulaha ayaa cadeeyey in go’aankaasi uu la xiriiro khatartii ay ku galeen hawada Soomaaliya maalmo ka hor, “Iyadoo la raacayo hab-dhaqanka caalamiga ah, waxaanu ku wargalinay hay’adaha duulista rayidka ee ay qusayso marka shil noocaan uu dhaco, waxaa lagu wargeliyay hay’adaha duulista rayidka Soomaaliya iyo Itoobiya, balse ma aanaan helin wax jawaab ah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Maamulaha ayaa si cad ugu dhawaaqay in go’aanka shirkadda Ethiopian Airlines uu yahay in hadda kadib aysan adeegsan hawada Soomaaliya, sabab la xiriirta ‘badqabka diyaaradahooda’ sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay inay isticmaali doonaan waddooyin kale, iyada oo la eegayo bad-qabka, “Waxaa noo furan inaan isticmaalno hawada wadanka Jabuuti, iyada oo qarash dheeri ah uusan naga bixin” ayuu hadalkiisa ku sii daray maamule Mesef Tase.

Dhinaca kale, Maamulaha Shirkadda Diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa caddeeyay in duullimaadyadii ay ku tagi jireen Muqdisho iyo Hargeysa aysan waxaba iska baddali doonin oo ay sidoodii yihiin, isla markaana aysan wax dhibaato ah ka jirin taas, sida uu sheegay.

Labo diyaaradood oo shirkadaha Ethiopian Airlines iyo Qatar Airways ay kala leeyihiin ayaa isku dhici gaaray toddobaadkii hore, kadib markii maamulka Somaliland uu qalqal ku furay isticmaalka hawada gobollada waqooyi, balse nasiib wanaag, qadar aad u yar ayey ku kala badbaadeen diyaaradahaas oo siday rakaab badan.

Go’aanka Ethiopian Airlines ayaa imaanaya xilli Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku dagaaleen damaca badda Soomaaliya uga jira Itoobiya, xiisadaas ayaa gaartay mele sare, waxayna cilaaqaadka labada dalka ku sii yeelaneysaa saameyn badan.

Daawo: Odayaasha Lughaya oo isku raacay difaaca badda, digniin culusna u diray Biixi

0

Lughaya (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka Lughaya ayaa maanta soo bandhigay sida ay uga soo horjeedaan damaca gurracan ee Itoobiya ku dooneyso qeybo kamid ah badda Soomaaliya.

Odayaashan oo shir jaraa’id ku qabtay xeebta Lughaya ayaa waxay si cad u sheegeen in ay dagaal ka xigaan heshiiskii Addis Ababa, oo Itoobiya loogu saxiixay dhul badeed kamid ah Lughaya.

“Badda Lughaya xeelageedii ayaa fadhinaa waxaan halkan ka caddeynaynaa baddan Lughaya ee laga bixiyay saldhiga milateri in aan anagu raali ka aheyn, raalina aan ka noqon kareyn,” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha dhaqanka Lughaya.

Odayaasha dhaqanka Lughaya ayaa sidoo kale waxay luuqadii ugu adkeyd kula hadleen hoggaamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, “Cidii isku deyda inay sameyso waxaas ama keento dalal kale anaga oo nagala tashan, nina u daba fadhiisan mayno dhulkan anaga ayuu Ilaahay na dhigay oo naloo daba fadhiisan.”

Sidoo kale waxay sheegeen in Somaliland ay mareyso meeshii ugu darneyd oo halis ah, islamarkaana ay u baahan bad-baado deg deg ah, ayaga oo si weyn u dhaliilay maamulka Somaliland ee uu hoggaamiyo Mr. Biixi.

Arrintan ayaa imaaneysa xilli kal hore Lughaya looga dhawaaqay kacdoon hubeysan oo ka dhan ah damaca Itoobiya, kadib markii ay Itoobiya shaacisay in dhul badeedka loo saxiixay uu yahay Lughaya.

Dhallinyarada magaalada Lughaya oo dhawaan ka soo muuqday warbaahinta iyaga oo ku hubeysan hubka fudud iyo kuwa culus ayaa si adag uga horyimid damaca Abiy, iyaga oo markaas sheegay in badda leeyihiin dadka Soomaaliyeed.

“Somaliland wax la yiraahdo ma garaneyno. Somaliland dhulka iibineysa ma dooneyno, waxaa aqoonsaneyna oo horena u aqoonsaneyn dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.”

Horraantii sanadkaan ayay aheyd markii Muuse Biixi iyo Abiy ay heshiis is-afgarad ku saxiixdeen magaalada Addis Ababa, kaasi oo Biixi uu sheegay in Itoobiya loogu saxiixayo dhul badeed dhan 20 KM, si ay saldhig uga dhigtaan Ciidanka Badda Itoobiya.

Somaliland ayaa markaas sheegtay in weli la isla qaadan goobta laga siinayo dhul badeedka, balse Itoobiya ayaa dhankeeda shaaca ka qaaday in ay doorteen dhanka Lughaya, islamarkaana 20KM ay ka badan karto dhulka ay rabaan, sida uu telefishanka dowladda u sheegay La-taliyaha amniga Qaranka ee Itoobiya, Redwan Hussein.

Si kastaba, Xiisadda ka dhalatay heshiis beenaadka Addis Ababa ee Muuse Biixi iyo Abiy ayaa xilligaan mareysa meel xasaasi ah, kadib markii si wada-jir ah ay Soomaalida uga horyimaadeen, maadaama uu yahay mid masiiri ah oo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

IMAARAADKA iyo Soomaaliya oo laba arrin iskula qaatay kulan ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka (SODMA) Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta Amb. Axmed Al-Rumaithi.

Kulankaan ayaa waxaa diiradda lagu saaray qodobbo kala duwan oo la xariira arrimaha gargaarka iyo taageerada mashaariicda adkeysiga, sida lagu shaaciyay bayaan kooban oo kasoo baxay kulanka.

Labada masuul ayaa isla meel dhigay in ka hor curashada bisha Ramadaan gargaar deg-deg ah la gaarsiiyo dadka nugul ee fatahaadihii El-nino saameeyeen iyo in la hagaajiyo biya xireennada muhiimka ah si loo yareeyo qatarta fatahaado ka dhalan kara roobka gu’ga.

Safiirka ayaa wuxuu sidoo kale la wadaagay guddoomiyaha xogta la xariirta ceelal laga hirgalinayo deegaanno baahi biyood qaba, isagoo xusay in la soo gaba-gabeeyay wejiga 1-aad, lana guda-galayo wejiga labaad.

Guddoomiyaha SODMA ayaa ugu dambeyntiina uga mahad-celiyay dowladda Imaaraadka taageerada hagar la’aaneed ee ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Imaaraadka ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, wuxuuna ka fuliyaa mashaariic kala duwan, isaga oo sidoo kale taageeta ciidamada.

Sidoo kale Imaaraadka ayaa Soomaaliya ka taageera dhismaha ciidanka iyo tayeyntiisa, ayada oo labada dhinac ay hore u gaareen heshiis iskaashi oo si gaar ah u quseeya dhinacyada iskaashiga militeriga, amniga iyo la-dagaalanka argagaxisada.

BOOLISKA oo soo qabtay haweenay gubtay ninkeeda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa goordhoweyd shaaciyay in gacanta lagu soo dhigay haweenay maanta seygeeda ku gubtay gudaha magaalada Muqdisho.

Bayaan kasoo baxay Taliska ayaa lagu sheegay in ciidanka Booliska ay gar-gaar u fidiyeen dhibanaha oo hadda xaaladdiisa caafimaad lagula tacaalayo mid kamid ah isbitaallada magaalada Muqdisho.

Haweenayda ku eedeysan kiiskan ayaa lagu magacaaba Naley Maxamuud Saney, waxaana da’deeda lagu sheegay 26 jir.

“Maantay oo taariikhdu tahay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Yaaqshiid waxa ay soo qabteen Edeysane Naley Maxamuud Saney 26 jir ah oo gubtay Saygeeda,” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska.

Naley ayaa la horgeyn doona maxkamadda awoodda u leh qaadista kiiska loo soo xiray, sida uu sheegay Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

“Muwaadin hadii aad la kulanto falal ammaanka lidi ku ah la xariir ciidammada ammaanka ee kugu dhaw, ama la xariir xafiiska gurmad ee ciidanka Boliiska Soomaaliyeed,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri qoraalka Booliska oo farriin loogu diray dadka degan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Si kastaba, dilalka argagax leh ee lamanayaasha is-qaba ayaa asbuucyadii u dambeeyay kusoo badanayay dalka, gaar ahaan caasimada, ayada oo si weyn isu soo tareen tan iyo markii uu soo baxay kiiska ninka xaaskiisa ku gubay magaalada Muqdisho.

Daawo: Farmaajo oo shaaciyay qorshaha uu Muqdisho u yimid iyo tallaabo uu qaadayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday qorshaha uu u yimid caasimadda dalka.

Farmaajo ayaa sheegay in socdaalkiisa Muqdisho u daaran yahay arrinta sida weyn isugu hayaan xubnaha mucaaradka iyo madaxweyne Xasan Sheekh, ee wax ka beddelka iyo dhameystirka dastuurka, oo haatan doodiisa ka socoto baarlamaanka.

Waxa uu sheegay in uu ka shaqeynayo xal u helista xiisadda taagan ee dastuurka, “Waxaa laga doonayaa muwaadin kasta Soomaaliyeed oo ugu horreeyo madaxweynaha federaalka Soomaaliya, baarlamaanka labadiisa gole, dowlad-goboleedyada madaxdooda iyo shacabka Soomaaliyeed inay iyagu laftigooda noqdaan xalka.”

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ujeedka dadaallada xal u raadinta xiisadda dastuurka ay tahay “in la gaarsiiyo wada ogol iyo ilaalinta wada-jirka Soomaaliya.”

“Waxaa kuligeen dan noogu wada jirtaa in la isku soo wada dhaweeyo dadka Soomaaliyeed iyo dowladooda, waxaan doonayaa intaan in ka faah-faahsan in aan sheego mustaqbalka waana idinla wadaagi doona hadduu Ilaahay yiraahdo,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Farmaajo.

Farmaajo ayaa la filayaa in maalmaha soo aadan uu Muqdisho kulamo kula qaato siyaasiyiinta ay isku aragtida yihiin oo ugu horreeyo madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo siyaasiyiintii kale ee diidanaa wax ka beddelka dastuurka iyo dhinacyada kale ee siyaasadda.

Qodobbada ay diidan yihiin mucaaradka ee qeybta ka ah wax ka beddelka dastuurka ayaa waxaa kamid in dalka ay ku tartamaan doorashada soo socota laba xisbi oo keliya iyo in laga guuro hanaanka ra’iisul wasaaraha, loona guuro nidaamka madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, labadaasi qodob ayaa ahaa kuwii ay diidanayeen garabka mucaaradka.

Si kastaba, Xiisadda dastuurka ayaa meel sare gaartay, ayada oo weli dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ay ku adkeysaneyso wax ka beddelka ay rabto, ayada oo maalmihii u dambeeyay ay doodda wax ka beddelka dastuurka ka socoto baarlamaanka.

Hoos ka daawo

Mareykanka oo ka walaacsan qorshe ay RUUSHKA kula socdaan Shiinaha iyo Iran

0

Washington (Caasimada Online) – Saraakiisha ammaanka ee Maraykanka ayaa ku dhiiranaya inay si cad uga hadlaan farsamada casriga ah ee sida xawliga ah ku socota, gaar ahaan aaladaha ku shaqeeya garaadka macmalka ah ee la horumariyey ama Artificial Intelligence iyo halista ka iman karta marka ay adeegsadaan dalalka cadawga ku ah Maraykanka, gaar ahaan xilliyada lagu jiro doorashada madaxtinimada ee soo socota.

Agaasimaha hay’adda dembibaadhista Maraykanka ee FBI Christopher Wray ayaa soo saaray digniin ku aaddan, inay jiraan isku dayo la doonayo in lagu farogeliyo codaynta muwaadiniinta Maraykanka, gaar ahaan cidda ay tahay inay u codeeyaan doorashada dhacaysa bisha November ee soo socota.

Agaasimaha ayaa u sheegay shir ay yeesheen saraakiisha amnigu, in farsamada casriga ah sida AI ama garaadka macmalka ahi, inuu durba bedelayo sidii loo arki jirey halista ama khataraha.

Agaasimaha ayaa sheegay in doorashadan soo socota uu Maraykanku la kulmi doono haliso uga yimaadda dhinacyada ay is hayaan, kuwaas oo ku socda xawaare sare, iyaga oo adeegsanaya farsamada casriga ah ee cusub.

Digniinta uu soo saaray agaasimaha hay’adda FBI ayaa ku biiraysa, walaaca ay toddobaadkii hore arrimahan ka muujiyeen sharci-dejiyayaasha Maraykanka iyo Aqalka Caddiba.

Guddoomiyaha guddida sirdoonka ee Aqalka Sare ee Maraykanka Mark Warner ayaa sheegay, inuu ka walaacsan yahay, in Maraykanku aanu si weyn ugu diyaarsanayn, farogelin shisheeye oo lagu sameeyo doorashooyinka dhacaya dabayaaqada sannadkan.

La taliyaha amniga qaranka ee Maraykanka Jake Sullivan ayaa isaguna u sheegay barnaamijka Meet the Press ee ka baxa telefiishanka NBC inay jiraan arrimo badan oo keenaya in walaacan la muujiyo.

Wuxuu sheegay in la hayo farogelin ka timi dalka Ruushka iyo hay’adihiisa sirdoonka oo lagu sameeyey doorashooyinkii madaxtinimada ee Maraykanka.

Hay’adaha sirdoonka Maraykanka ayaa warbixino ay soo saareen ku sheegay in Ruushku uu farogelin ku sameeyey doorashooyinkii madaxtinimada ee sannadkii 2016 iyo 2020. Hase ahaatee Ruushka keliya maahayn cidda farogelintaas samaysay.

Qoraalo sir ahaa oo ay diyaariyeen hay’adaha sirdoonka Maraykanka, hase ahaatee la baahiyey mardambe ayaa lagu xusay in dalalka Shiinaha iyo Iran inay kula socdeen Ruushka, si wax looga bedelo natiijada doorashada gaar ahaan doorashooyinkii xilliga dhexe.

Qorshaha safarka XASAN SHEEKH ee Turkiga + Sawirro

Antalya (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa xalay gaaray magaalada Antalya ee dalka Turkiga.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa si ballaaran loogu soo dhaweeyay magaalada Antalya ee dalka Turkiga, halkaasi oo uga qeyb-gali doono shir muhiim ah.

Madaxweyne Xasan ayaa ka qeyb-galaya Madasha Diblomaasiyadda Antalya, wuxuuna mudada uu joogo halkaasi uu kulamo muhiim la yeelan doonaa hoggaanka dalka Turkiga, sida ay shaacisay Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa horay uga qeyb-galay meertada 6-aad ee shirka Qaramada Midoobay oo ka dhacay magaalada Nirobi ee dalka Kenya, kaasi oo diirada lagu saaray isbaddalka cimilada adduunka ee xilligaan.

Socdaalka madaxweyne Xasan ayaa imanaya xilli ay dhawaan Soomaaliya iyo Turkiga ay kala saxiixdeen heshiis difaac oo xasaasi ah, kaasi oo ku qotoma ammaanka badda Soomaaliya.

Heshiiskaasi ayaa sidoo kale dhaqan-gal noqday kadib markii ay meel-mariyeen Golaha Wasiirrada Soomaaliya iyo labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Heshiiska difaac ee Soomaaliya ay la saxiixatay Turkiga ayuu madaxweynaha Soomaaliya ku tilmaamay mid Soomaaliya gaarsiin doona inay dhisato ciidan badeed ku filnaada difaaca baddeenna, xilli ay taagan tahay xiisadda badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo heshiiskani inaga dhexeeyo waa dal iyo dad aan naqaanno, marar badan hiil inoo muujiyay. Waa waddan saaxiib iyo walaal ah oo aan ku aamini karno iskaashigan muhiimka u ah difaaca qarannimadeeenna iyo midnimadeenna dhuleed,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

S/L: Aqoonsiga wadaniyadda ee dhimashada kadib

Hargeysa (Caasimada Online) – Muuse Biixi, hoggaamiyaha waqtiga ka dhamaaday ee Somaliland waxaa qodobka khaa’inu waddan ugu xukuman qof walba oo xil ka qabtay ama haddaba ka haya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Dadka reer Waqooyiga ah ee dowladda dhexe ee Soomaaliya u shaqeeya looma ogola inay qoysaskooda booqdaan, ama xitaa haddii ay geeri dhacdo inay ka qeyb-galaan tacsida.

Qofkii Muqdisho xil ka haya oo Hargeysa tega waa xadhig oo waxa uu nidaamka Somaliland u yaqaana qof ku kacay khiyaano qaran, tani waxay isa seejisay waalid iyo caruur badan, waxayna dad badan ku qasabtay ku noolaanshaha goobo ka fog ehelkooda ama in aanay xasillooni ku dareemin go’aankooda shaqo.

Laakiin caksigeeda qof walba oo Hargeysa xil kasoo qabtay ama haddaba ka haya xilliga uu doono ayuu Muqdisho tegi karaa, haddii uu doonana xil ka qaban karaa.

Dhowrkii cisho ee ugu dambeysay waxaa magaalada Hargeysa loo qaaday meydka Allaha u naxariistee Cabdinaasir Dahable oo la sheegay in Muqdisho lagu dilay iyo Xildhibaan hore Axmed Aadan.

Cabdinaasir waxa uu ahaa shaqaale sare oo ka tirsan hay’adda duulista rayidka ee Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya weli faah-faahin badan kama bixin geerida labada marxuum, waxayna sheegeen inay baaris u socoto, waxaase caksigeeda geerida weji siyaasadeed u yeelay maamulka Somaliland.

Eedda taliska Muuse Biixi waxaa dheeri ku aheyd inay dalbadeen in meydadka Hargeysa loo qaado, balse intii ay labadaasi marxuum noolaayeen maamulka Somaliland uma ogoleyn inay deegaanka tagaan.

Hoggaamiye Biixi ayaa ka qeyb-galay labada aas, wuxuuna u muujiyay inay ahaayeen geesiyaal u dhintay Somaliland oo waddaniyiin ahaa, laakiin hoggaamiyahan waxaa hortaalla dhowr su’aallood oo waaqica la socota.

Midda koowaad waxay tahay dadka maalintooda ayay dhimanayaan, waxaase kala duwan goobaha iyo sababaha. Balse geerida ka hor maxay maamulka Somaliland ka mudan yihiin dadka reer Waqooyiga ah ee shaqada iyo xilalka ka haya dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Midda labaad waa sidee qofku intuu nool yahay loogu aqoonsan karaa “khaa’inu waddani” maalinka uu dhintana u noqon karaa “waddani halyeey ah” sow taasi kama soo horjeedo damiirka caadiga ah.

Midda saddexaad waxay tahay intii hore waaba dhacday ee dadka maanta nool ee reer Waqooyiga ah ee xilalka iyo shaqada ka haya dowladda Soomaaliya ma la siin karaa aqoonsi waddaniyadeed ama xitaa xoriyad ay qoysaskooda ku booqan karaan mise marka ay dhintaan ayaa loo soo celin doona xuquuqdooda muwaadinimo.

Labadii geeri ee dhawaan dhacday inkasta oo ay baaristooda socoto, haddana cashir ayaa ugu sugan maamulka Somaliland, kaas oo ah in wax laga beddelo habka loola macaamilo dadka gobollada Waqooyi kasoo jeeda ee shaqada iyo xilalka ka haya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inta ay nool yihiin.

Afar wasiir oo Muqdisho uga qeyb-galay kulan lagu saxiixay heshiis malaayiin dollar ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirada Maaliyadda, Beeraha, Qorsheynta, Xanaanada Xoolaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyaan masuuliyiin kale ayaa kulan muhiim ah la qaatay Wakiilka Soomaaliya ee Sanduuqa IFAD.

Kulanka Wasiirrada Soomaaliya iyo Wakiilka Soomaaliya ee Sanduuqa Horumarinta Beeraha Caalamka (IFAD) ayaa waxaa lagu gorfeeyay heshiis lagu maal-gelinayo horumarinta beeraha Soomaaliya.

Heshiiskan oo uu maal-galinayo Sanduuqa Caalamiga ah ee Horumarinta Beeraha ee magaciisa loo soo gaabiyo IFAD, ayaa diirada lagu saaray kulanka, oo ugu dambeyntiina lagu saxiixay.

Kulanka kadib, Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa saxiixay heshiiska mashruuca maal-galinta horumarineed ee beeraha Soomaaliya.

Mashruucan ayaa taageeri doona wax soo saarka beeraha dalkeenna, oo hadii ay helaan maal-galin rasmi ah qeyb weyn ka qaadan doona sare u qaadidda dakhliga dowladda.

Heshiiskan maal-galinta horumarineed ee beeraha Soomaaliya ayaa xilligaan muhiimad gaar ah u leh kor u qaadista wax soo saarka dalagyada kasoo go’a beeraha, si looga baaqsado masiibooyinka ay abaartu ka mid tahay, oo dhowr jeer kusoo laab-laabtay dalkeenna.

Xog: Safiirka UK u fadhiya Soomaaliya oo Muuse Biixi u sheegay war niyad jabiyay

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Safiirka boqortooyada UK u fadhiya Soomaaliya ayaa shalay booqasho ku tegay magaalada Hargeysa, halkaasi oo uu kula kulmay madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Mike Nithavriankis ayaa sheegay in Muuse Biixi uu kala hadlay muhiimadda ay leedahay in doorashada madaxtinimo inay dhacdo bisha November, iyadoo laga fogaanayo dib u dhac kale.

Wuxuu sheegay safiirka in Muuse Biixi ay ka wada hadleen xoriyadda saxaafadda oo mudooyinkaan danbe Somaliland beegsaneysay suxufiyiinta ayada oo xabsiyada u dhigeysay si ka baxsan qaanuunka dowliga iyo bini’aadannimada.

Dhinaca kale Ambassador Mike ayaa tilmaamay in ay isla soo qaadeen arrimaha gobolka ka taagan, iyadoo ay meel sare mareyso khilaafka dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhashay heshiiska Muuse Biixi u saxiixay Abiy Ahmed.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaya in safiirka UK ee Soomaaliya uu Muuse Biixi kala dooday cawaaqibka ka dhalan karo heshiiskaasi sharci darrada ah.

Ambassador Mike Nithavrianakis ayaa u sheegay Muuse Biixi in heshiiskaasi uu baal marsan yahay qaanuunka caalamiga ah iyo kan gobolka, sidaasi darteedna xadgudub ku yahay Jamhuuriyadda Soomaaliya, isagoona si cad ugu ugu sheegay in dowladda UK aysan taageersaneyn ku xadgudubka qaranimada Soomaaliya.

Dowladda Ingiriiska ayaa horay mowqifkeeda ku caddeysay qoraal ay kasoo saartay heshiiskaasi sharci darrada ah, iyadoo taageertay qaranimada iyo midnimada Soomaaliya.

Heshiiska Itoobiya iyo Somaliland ee kowdii Janaayo kala sixiideen Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed iyo Muuse Biixi ayaa Itoobiya u ogolaanayo in Somaliland ka kireysato 20 km oo xeebta gobolka Seylac si ay ugu sameysato saldhig ciidan iyo dekad.

Waxaase heshiiskaasi ka dhashay caro xoogan oo dowladda Soomaaliya ay ku diiday, iyadoo xiriirkii labada dal uu xumaaday, dhalisayna in Somalia ay dadaalkeeda ku bixisay sidii duulaankaasi isaga difaaci laheyd, waxayna heshiisyo difaac iyo iskaashi la soo gashay Turkiga, Masar iyo Eritrea oo isbaheysi gaashaan buursi la sameysatay.  

 

Odinga oo caqabad kala kulmaya murashaxnimada Fowziya Yuusuf ee xilka AU

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa billowday ololaha ay ku dooneyso in wasiirkii hore arrimaha dibada Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan ku noqoto murashaxa u tartama guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee muddo xileedkiisu yahay 2025-2028.

Soomaaliya iyo murashaxeeda ayaa caqabad ku noqon kara hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga horayna usoo noqday ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya oo isna ku dhawaaqay 15-kii bishaan in xilkaan uu u tartamayo, isagoo taageera ka filaayo dalalka Bariga iyo Bartamaha ee EAC oo dhawaan Soomaaliya ay ku biirtay.

Fowziyaoo hadda ah xildhibaan ayaa sheegtay in iyadoo kaashaneysa awooda dowladeeda iyo dadaalka madaxweynaheeda Xasan Sheekh ay dooneyso inay kor u qaado cododka Afrika iyo horumarinta ajandeyaasha qaarada.

Waxay sheegtay Fowziyo Yuusuf in ay jaceyl qoto dheer ah u hayso Afrika iyo inay ka qeyb qaadato horumarka qaarada.

“Anigoo u tartamaya guddoomiyaha Midowga Afrika, waxaan hiigsanayaa inaan xoojiyo xiriirka ka dhaxeeya Afrika oo aan ka shaqeeyo sidii loo heli lahaa qaarad mideysan oo isku dhafan iskuna filan,” ayey tiri Fowziya oo Khamiistii Muqdisho ugu dhawaaqday si rasmi ah ololaheeda.

Waxay kaloo sheegtay in ay awoodeeda isugu geyn doonto toddobada qodob ee ku aadan midnimada Pan-Afrika ee kala ah, Horumar waara, nabadda iyo amniga, awood siinta dhalinyarada iyo sinnaanta jinsiga, sidoo kale isbadalka cimilada iyo maamul wanaaga.

Daud Aweys oo ah afhayeenka xukuumadda Soomaaliya ahna wasiirka warfaafinta ayaa mar sii horreysay tilmaamay in dowladdu ay taageereyso musharrax Fowsia, maadaama uu waddankiisa u soo jeestay marxaladda caalamiga ah.

“Kadib guulo diblumaasiyadeed oo muhiim ah sida qaadista cunaqabateynta hubka, cafinta deymaha, iyo ku biirista EAC, Soomaaliya hadda waxay meel fiican u mareysaa inay kaalin weyn ku yeelato caalamka,” ayuu yiri Daa’uud Aweus goor sii horeysay oo xanta ay bilaabatay.

Tartanka Fowziya ayaa caqabad ku ah hamiga hogaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga isagoo u ololeynayay inuu noqdo musharaxa dalalka Bariga iyo Bartamaha ee EAC ay taageerto. 

Fowziya Aadan waxay noqon doontaa marka ay guuleysato haweeneydii labaad oo madax ka noqoto Midowga Afrika, kadib Nkosazana Dlamini-Zuma ee Koonfur Afrika.

Sida ku cad xeerarka wareegtada ee la sameeyay sanadkii 2018, gobolka Bariga Afrika waa inuu noqdaa kan ku xiga ee soo saaraya Guddoomiyaha AUC. Laakiin xeerarka doorashada ayaa ogolaanaya in tiro badan oo musharraxiin ah ay ka yimaadaan gobolka, taasoo sii hurinaysa tartan degdeg ah oo loogu jiro doorashada sanadka soo socda ee Febraayo.

Daawo: Booliska oo garoonka Aadan Cadde ku qabtay ‘30 tahriibe iyo labo muqalas’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Booliska Soomaaliya ayaa warbixin ka soo saaray dhacdooyinkii toddobaadlaha ah ee dalka ka dhacay oo ay ku jiraan dembiyo culus oo dhacay maalmihii lasoo dhaafay.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya oo galabta shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in garoonka Aadan Cadde lagu qabtay dad badan oo loo tahriibinayey dalka Sacuudiga, kuwaas oo cabsiga loo taxaabay.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay in la qabtay labo nin oo dadkaas u tahriibinayey dalka Sacuudiga, howlgalkaan waxaa iska kaashaday booliska iyo hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda.

“30 qof oo loo tahriibinayey dalka Sacuudiga iyo 2 qof oo waday ayaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, saakay afar saac ayaa dadkaas la qabtay iyagoo raacaya diyaaradda Daalo oo u socda Sacuudiga, dhamaantood waxay ku jiraan xabsiga,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska Korneyl Qaasin Axmed Rooble.

Dhinaca kale, Afhayeenka ayaa faahfaahin ka bixiyey dilal maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay Muqdisho, kuwaas oo dad loo soo qabtay, waxaana ragga la qabtay ka mid ah koox Shabaab ah oo dil ka geystay deegaanka Garasbaaley.

“Waxaan gacanta ku haynaa Shabakad Khawaarij ah oo dilal geysatay, ragaas oo gaaraya labo nin waxaa la hayaa labo bistooladood oo dil ay ku geysteen iyo mooto ay wateen, waxaana la horgeynayaa cadaaladda,” ayuu yiri.

Afhayeenka ayaa shaaciyey ugu yaraan seddax qof oo kale loo soo qabtay dilal ay siyaabo kala duwan uga geysteen degmooyinka Kaaraan iyo Wadajir, kuwaas oo ku jira gacanta hey’adaha amniga.

Hoos ka daawo

Israel oo weerar axmaqnimo ah ku dishay in ka badan 100 qof oo Falastiiniyiin ah

Gaza (Caasimada Online) – Ugu yaraan 104 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay magaalada Gaza, kadib markii ay ciidamada Israel ay rasaas ku fureen.

Weerarkan ayaa dhacay xilli ay dadkaasi doonayeen inay cunto ka qaataan gaadiidka samafalka ee cuntada geeya marinka go’doonsan ee Gaza.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in saraakiisha Maraykanka ay hubinayaan “wararka is-khilaafsan” ee ka soo baxaya, sida weerarka uu u dhacay.

Afhayeen u hadlay aqalka cad oo lagu magcaabo Olivia Dalton ayaa dhimashadan ku tilmaantay inay tahay wax laga naxo, oo si weyn looga walaaco.

“Waa dhacdadii ugu dambaysay ee u baahan in la badho” ayay u sheegtay weriyayaasha, xilli ay ku sugnayd diyaaradda madaxweyne Biden ee Air Force One, xilli madaxweynuhu u safrayey xuduudda Maraykanka iyo Mexico.

“Dhacdadani waxay hoosta ka xarriiqaysaa sida loogu baahan yahay in la kordhiyo gargaarka bini’aadanimo ee la geynayo marinka Gaza”.

Saraakiisha caafimaadka ee Gaza ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay weerar ku qaadeen meel ay dad badani ku sugan yihiin, oo ku taalla al-Nabusi.

Goordambe ayaa wararku sheegeen, in ciidamada Israa’iil ay rasaaas ku fureen, dad doonayey inay daqiiq iyo raashinka qasacadaha ku jira, inay kala degaan gaadiidka.

Ciidamada Israel ayaa sheegay inay ciidamadoodu rasaasta fureen, iyaga oo u maleeyey in dadka ku ordaya gaadiidka gargaarku inay halis iyaga ku yihiin.

FARMAAJO oo soo gaaray Muqdisho xilli ay meel xasaasi mareyso xiisadda…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Farmaajo ayaa laba sano kadib saaka kasoo degay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayada oo tan iyo markii uu xilka ka degay aan lagu arag gudaha Soomaaliya, isaga oo ku noola magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay xildhibaanno iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyey waxaa ka taagna xaalado siyaasadeed oo ay ku kala duwanayeen mucaaradka iyo muxaafidka, ayada oo arrinta wax ka beddelka dastuurka ay ugu weyn tahay qodobadda ugu adag ee isku hayaan siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Socdaalka Farmaajo ayaa kusoo aadaya, iyada oo xaalad siyaasadeed ka taagan tahay dalka, islamarkaana ay siyaasiyiinta intooda badan diideen in wax laga beddelo dastuurka ama in la meel-mariyo qodobbada ay wadato Villa Somalia.

Waxyaabaha ay diidan yihiin mucaaradka ayaa waxaa kamid in dalka ay ku tartamaan doorashada soo socota laba xisbi oo keliya iyo in laga guuro hanaanka ra’iisul wasaaraha, loona guuro nidaamka madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, labadaasi qodob ayaa ahaa kuwii ay diidanayeen garabka mucaaradka.

Madaxweynihii hore ee Farmaajo ayaa la filayaa in maalmaha soo aadan uu Muqdisho kulamo kula qaato siyaasiyiinta ay isku aragtida yihiin oo ay kamid yihiin madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo siyaasiyiintii kale ee diidanaa wax ka beddelka dastuurka oo ay kamid yihiin Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Xasan Cali Kheyre.

Si kastaba, Xiisadda dastuurka ayaa meel xasaasi ah mareysa, ayada oo weli dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ay ku adkeysaneyso wax ka beddelka ay rabto, ayada oo maalmihii u dambeeyay ay doodda wax ka beddelka dastuurka ka socoto baarlamaanka.