25.4 C
Mogadishu
Wednesday, June 24, 2026

Puntland oo dil toogasho ah ku xukuntay lix nin oo dalka Morocco u dhashay + Sababta

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Puntland ayaa xukuno kala duwan ku riday rag ka tirsanaa kooxda Daacish, kuwaas oo isugu jira Ajaanib iyo Soomaali, sidoo kale maxkamadda ayaa siideysay oo xoriyadiisa dib ugu celisay wiil Soomaali ah oo ragaas la socday, kaas oo wax dembi ah lagu waayey.

Guddoomiye ku-xigeenka maxkamada Korneyl Cali Ibraahim Cusaman oo u waramay Idaacadda VOA, ayaa faahfaahin ka bixiyey xukunada lagu riday raggaas oo isugu jira Marookaan, Itoobiyaan iyo Soomaali.

Guddoomiye Cali Ibraahim ayaa sheegay in maxkamaddu ay maanta xukun dil ah ku riday 6 nin oo u dhashay dalka Morocco, kuwaas oo maxkamaddu ku heshay in ay ka mid ahaayeen kooxda Daacish ee fadhigeedu yahay buuraha Caal-Miskaat ee gobolka Bari.

“Maanta waxaan go’aan ka gaarnay eedeymo loo heystay 9-nin oo 6 ka mid ah ay u dhasheen dalka Morocco, kuwaas oo dalal badan uga soo gudbay inay haligaan nolosha dadka Soomaaliyeed, waxaa u suurta-gashay inay soo galaan buuraha gobolka Bari oo Daacish ku biiraan, waxaana lagu xukumay dil toogasho ah,” ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka maxkamada Korneyl Cali Ibraahim.

Sidoo kale maxkamadda ayaa xukuno xabsi oo dhowr sano ah ku riday nin Soomaali ah iyo nin u dhashey dalka Ethiopia, kuwaas oo ayaguna ku eedeysan inay ka tirsanaayeen kooxda Daacish.

“Waxaa jira nin u dhashay dalka Itoobiya, kaas oo Daacish ka tirsanaa, xabsi ayaa lagu xukumay isaga iyo nin Soomaali ah oo darawal ka ahaa gaari xamuul ah oo la qabtay isagoo Daacish rar u sida,” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Raggaas 9-ka ah, labo nin kaliya ayaa Soomaali ka ah, 10 sano oo xabsi ah ayaa lagu xukumay Cabdulqaadir Jaamac Maxamed oo ahaa darawalka gaari la qabtay isagoo agab u sida Daacish, halka dembi lagu waayey Ayuub Jimcaale oo ahaa kirishboygii gaarigaas, maadaama la qiyaamay oo laga qariyey alaabta gaariga saaran ee Daacish loo siday.

“Ragaan dagaal kuma jirin, laakiin ciidamada Puntland ayaa soo qabtay iyagoo ka tirsan argagixisada, buuraha ayaa laga soo qabtay, muddo labo sano ah ayey joogeen buuraha Calmiskat, waana qiraal,” ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka maxkamada Korneyl Cali Ibraahim Cusaman.

Daawo: Xildhibaan si adag ugu hadlay qiimaha guurka, gudniinka gabdhaha iyo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdow oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlayay doodda wax ka beddelka dastuurka ayaa dul istaagay qodob muhiim u ah dhalinyarada Soomaaliyeed, kaas oo qeexayay gudniinka fircooniga, soo riditaanka ilmaha iyo guurka.

Xildhibaanka ayaa sheegay inay muhiim tahay in qodobka gudniinka dumarka ay haboon tahay in meesha laga saaro, gaar ahaan kan fircooniga ah, isaga oo dalbaday in dastuurka cusub uu qeexo qodobkaasi.

Cabdow ayaa sheegay in dastuurka cusub ee laga doodayo lagu qeexo qodobka ka hadlaayo soo riditaanka ilmaha, taasi beddelkeedana lagu soo daro dastuurka in la fududeeyo guurka oo qiimo jaban oo cayiman laga dhigo.

Sidoo kale wwaxa  tilmaamay in soo riditaanka ilmaha sababaha keena inay tahay labada qof marka la isku diido inay bannaanka iska doontaan, kadibna imaanayo ilmo, ilmihiina waxay noqonayaan in lasoo rido, taasina si aysan u dhicin wuxuu ku taliyay in guurka la fududeeyo oo qiimahana la dhimo, dadkana la isku ogolaado.

Dhinaca kale Xildhibaan Cabdow wuxuu ka hadlay gudniinka fircoonigaa ee dumarka la gudo, isagoo ku tilmaamay caado xun oo lagu lug goynayo ragga iyo dumarka loo gudo.

Waxaa kale oo uu ku baaqay in baarlamaanka Soomaaliya uu qeexo, isla markaana sharci diidayo kasoo saaro.

“Xildhibaan baa yiri dad bey caado u tahay gudniinka fircooniga, caado fiican ma ahan xildhibaan Bidhaanoow,  dadka in la lug gooyo ma ahan in gabdhaha sunni ahaadaan ayaa muhiim ah, adduunyada inteey joogaan inay raaxeystaan oo la lug goyn ayaa rabnaa, arrintaasi in xal laga gaaro ayaan rabnaa” ayuu hadal jeedintiisa ku yiri Xildhibaanku.

Hadalka Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdoow ayaa waxaa si weyn ugu fal celiyay dhalinyarada Soomaaliyeed, iyagoo ku tilmaamay mudane u hadlay dhalinyarada Soomaaliyeed isla markaana uu mudan yahay in lagu taageero shaqadiisa.

Baarlamaanka ayaa kal hore la hor keenay sharciga jinsiga iyo arrimaha qoyska, hase ahaatee waxaa ka dhashay dood adag iyadoo xildhibaanada ay ku kala aragti duwan yihiin.

Muxuu Xasan ka sheegay shirka Nairobi? + Sawirro

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad ka jeediyay Meertada 6-aad ee Shirka Qaramada Midoobey ee Isbeddelka Cimilada Adduunka oo ka furmay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.

Madaxweybaha ayaa ka hadlay sida isbeddelka cimiladu uu u saameeyey  Adduunka, khatarta uu ku leeyahay nolasha shucuubta iyo caqabadaha gaarka ah ee ka soo gaaray shacabka Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay dareentay saameynta isbeddelka cimilada, ayna ku dhufteen dalka abaaro ba’an oo sameeyay qoysas badan.

“Soomaaliya waxay safka hore kaga jirtaa dalalka saameynta ugu badan ay ka soo gaartay isbeddelku cimiladu. Dhawaan waxaan ka soo baxnay abaar na haysatay muddo 4 sano ah oo xiriir ah, hadda waxaa dalka dhan laga dareemayaa heer kulayl aan horey loo arki jirin, dhammaan arrimahan waxaa sababay isbeddelka cimilada”.

Sidoo lale waxa uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dalalka ka qeyb-galaya shirkan ay la yimaadaan qorsheyaal ku dhisan iskaashi horseed u noqda wax ka qabashada saamaynta isbeddelka Cimilada, isaga oo adkeeyay in dalalku ay u sinnaadaan fursadaha maalgashiga ee wax lagaga qabanayo dhibaatooyinka isbeddelka cimilada.

“In si wanaagsan loo maareeyo, loona ilaaliyo badqabka deegaanka Soomaaliya, iyadoo dowladdeena ay ka go’an tahay arrinkaas, waxay xaqiijin doontaa in kheyraadkeenna baaxadda leh oo ay ka mid yihiin baddeenna, dhulka hodonka ah iyo xoolaha aan ku tilmaamannahay ay fursad u noqdaan shaqo abuurka, tamarta cagaaran iyo kobac dhaqaale ee dalkeenn iyo guud ahaan Geeska Afrika”.

Waxaa kale oo uu xusay in uu dalkeenu u nugul yahay isbeddelka Cimilada, loona baahan yahay in la qaado tallaabooyin deg-deg ah oo wax looga qabanayo arrimahan

Ugu dambeyn waxa uu hoosta ka xariiqay in si wax looga qabto saameynta xooggan ee la xiriirta arrintaas ay Dowladda Soomaaliya diyaarisay shuruucda lagu ilaalinayo deegaanka iyo qorsheyaasha lagu fulin lahaa, iyadoo bartamaha sannadkan dalka laga mamnuucayo bacaha iyo balaastiigga waxyeeleeya deegaanka,  taas oo ay barbar socoto barnaamijka lagu dhireynayo Soomaaliya oo bilowday sannadkii 2022.

Daawo: Ehellada eedeysane SAYID CALI oo cabanaya – Maxaa lagu sameeyay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ehellada eedeysane Sayid Cali Macallin Daa’uud oo loo haysto inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis oo uur lahayd ayaa maanta iyaga oo cabasho ah shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho iyagoo ka cabanayo sida ay wax u socdaan.

Ehellada ayaa sheegay inay si gaar ah uga cabanayaan qaabka ay Maxkamadda gobolka Banaadir u wajahday kiiskan, waxayna sheegeen in loo diiday ka qayb-galka dacwadda, sidoo kalena aysan ku qanacsaneyn marqaatiyeyaasha la horgeeyay Maxkamadda.

Waxaan hadda dareenay in naloo keenay dad aan cadli u ahayn marqaatiga oo ah ilmo sibyaan ah oo Luul dhaxal ku leh oo ay dhashay iyo dad aan is leenahay uma qalmaan marqaatigaas” ayuu yiri Nabadoon Cabdi Maxamuud oo kamid ah ehellada eedeysanaha.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay horay heshiis ula galeen ehellada marxuumadda, ayna kala qaateen xaal iyo xumeyn, kadibna ay ku ballameen in la aaso maydka gabadha, balse looga baxay ballantaas, sida uu mar kale ku dooday Nabadoon Cabdi Maxamuud

“Gabadheena naga dhimatay ee Luul Cabdicasiis waxaan sheegeynaa in ehellada ay ka dhalatay aan isku nimid, aan wada-hadalnay, inaan xaal iyo xumeyn kala qaadanay, inaan haddane mar kale iskuugu nimid duugteydii inaan niri gabadhaas annaga ayay naga dhimatay, waana nagu dhimatay in xoogaa nalagu xumeeyay” ayuu yiri Nabadoon Cabdi.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Ka bacdi waxaan ku ballan qaadnay inaan wiilkaas cadaaladda usoo gacan galeyno, sidaas aawgeed wiilkii waa keenay”.

Dhankiisa Macalin Nuur Axmed Salaad oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in gabadha ay ka wada dhimatay, balse kiiska la fogeeyay, isla markaana la siyaasadeeyay.

“Luul mana dilin mana gubin Anagay naga dhimatay” ayuu isna yiri Macalin Nuur Axmed Salaad oo ka hadlay shirka jaraa’id.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Maxkamadda Gobolka Banaadir laga sugayo go’aanka kama dambeysta ah ee ku dhowaaqtisa eedda culus ee loo haysto Sayid Cali.

Sawirro: QM oo soo faro-gelisay doodda ka taagan wax ka beddelka dastuurka

0

Muqdisho (Caasimada Onlimne) – Qaramada Midoobay ayaa si toos ah usoo faro-gelisay doodda xoogan ee haatan ka taagan wax ka bedddelka dastuurka KMG ka ah ee dalka oo ay haatan isku hayaan dowladda federaalka, xubnaha mucaaradka iyo sidoo kale Puntland.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Catriona Laing oo maanta la kulantay Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macallin Maxamuud Sheekh Cali ayaa kala hadashay sida ay wax u socdaan, gaar ahaan arrimaha dastuurka iyo doodda ka taagan.

Labada dhinac ayaa sidoo kale iska xog wareystay horumarka illaa iyo hadda laga gaaray dib u eegista dastuurka KMG ka ah ee Soomaaliya.

Catriona Laing ayaa si gaar ah wasiirka ugala hadashay in laga fakiro qoondada haweenka ee dhanka siyaasadda, maadaama ay qayb weyn ku leeyihiin gabdhuhu horumarka dalka.

“Horumarka laga gaaray dib u eegista dastuurka Soomaaliya, la jaanqaadkiisa heerarka caalamiga ah ee xuquuqul insaanka iyo ka mid noqoshada qoondada haweenka ee siyaasadda ayaa lagu soo qaatay kulan todobaadkan ay Muqdisho ku yeesheen Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Catriona Laing iyo Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macallin Maxamuud Sheekh Cali” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Kulankan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla markaana baarlamaanka Soomaaliya uu haatan ku howlan yahay wax ka beddelka dastuurka oo muddo dheer soo socday.

Qorshahan ayaa waxaa gadaal ka riixeysa Villa Soomaaliya oo taageero ka heleyo hoggaamiyeyaasha maamullada dalka, marka laga reebo dowlad goboleedka Puntland.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga war dhowrayaa go’aanka labada Aqal ee baarlamaanka oo haatan ku howlan wax ka beddelka dastuurka dalka.

Sawirro: Sidee loo qabtay shabakaddii Al-Shabaab ee dishay Xasan Cabdulqaadir?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay gelinkii dambe ee shalay ciidamada Booliska Soomaaliya ka sameeyeen duleedka magaalada Muqdisho.

Howlgalkan oo si gaar ah uga dhacay deegaanka Garasbaaley ayaa waxaa lagu beegsaday shabakad ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo nolosha lagu soo qabtay.

Shabakaddan oo ka koobnayd 4 dhalinyaro ah ayaa gacanta lagu soo dhigay, kadib markii ay dileen askari ka tirsanaa Ciidamada Xoogga dalka oo lagu magacaabi jiray marxuum Xasan Cabdulqaadir Ibraahim.

Qoraal kasoo baxay taliska Booliska ee gobolka Banaadir ayaa lagu faahfaahiyay howlgalkan, waxaana lagu xaqiijiyay in 4 eedeysane, hubkooda iyo mooto ay wateen gacanta lagu haayo.

Waxaa qoraalka lagu sheegay in afarta nin lagu soo qabtay howlgal ka daba tag ah oo ay sameeyeen ciidanka ammaanka Soomaaliya.

“Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Saldhigga Boliiska Deegaanka Garasbaaley waxeey gacanta kusoo dhigeen shabakad ka kooban 4 dhalinyaro ah kuwaas oo dilay Marxuum: Xasan C/Qaadir Ibraahim kana tirsanaay CXDS” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale “Dilka kadib Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo sameeyay kadatag ayaa Gacanta kusoo dhigay shabakad oo watay Mooto iyo Laba Bastooladood oo ay dilka ku geesteen”.

Booliska ayaa sidoo kale tilmaamay in shabakaddan la horgeyn doo maxkamadda, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

“Waxaana la horgeyn doonaa Maxkamadda awooda u leh Insh-Allah. Wabillahi Towfiiq” ayaa mar kale lagu yiri warka qoraalka ah.

Maalmihii dambe ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo amni xaqiijin ah ka waday kuwaas oo lagu dareemay deganaasho iyo xasilooni amni oo weyn.

Abiy oo wajahaya cadaadiskii ugu cuslaa iyo fashil kasoo food saaray damacii badda

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Afrika gaajadu waa mid kamid ah mushkiladaha dhalinaya colaadaha ka socda dhinac walba oo qaaradda Afrika.

Itoobiya, dalka labaad ee ugu dadka badan qaaradda Afrika ayaa hadda iyaduna abuureysa mid kamid ah xiisaddaha uga sii dari kara xaaladda qaaradda, waana daan-daansiga ay kula kacayaan dalka ay deriska yihiin ee Soomaaliya.

Labada dal oo ay colaadoodda soo taxneyd tan iyo qarnigii 15-aad ayaa dhinaca kale dagaalo lagu hoobtay waxay dhex-mareen tan iyo billowgii dowladaha xorta ahaa ee Afrika, oo badi kasoo bilaabata 1960-kii.

In labadaan qaran ay markale isku gacan qaadan ayaa qaaraddan saboolka ah sii holcin karta. Muqdisho waxay muujinaysa inay wax walba u huri doonto biyaheeda, haddey Addis Ababa culeys milateri la timaado.

Heshiiska dhawaan dhex-maray labada dal ee Turkiga iyo Soomaaliya, ka sakow waxa ay Muqdisho ka faa’iidi doonto haddana waxa uu dhinaca kale kordhinaya loolanka ay quwadaha ku dhex jilayaan qaaradda Afrika.

Iyada oo weli reer Galbeedka ay xawilaadda mushkilahooda cunto uga beddelanayaan qaaradda Afrika, haddana Afrika iyada weli isku wada gacan bidixayn.

Qalaalaha amni ee barriga Koongo, xiisadda sii kordheysa ee Soomaaliya iyo Itoobiya, colaadda sanad jirsatay ee Suudaan iyo afgembiyada ee galbeedka qaaradda Afrika ayaa dhamaan xalkoodu caddeyn.

Marka loo soo laabto Itoobiya, colaadda gudaha, gaar ahaan midda kooxda Fanno ee ka dagaalanta Waqooyiga Galbeed ee gobolka Amxaaradda ayaa sii korortay. 48 saac ee lasoo dhaafay dagaalladii dhex-maray kooxdaan iyo ciidanka dowladda Itoobiya waxay labada dhinac ka sheegteen guullo, iyada oo dhimashada badan tahay.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, Amxaaro waa is-hayaan, Oromo waa lumiyay, Tigray-na laba sano ayuu kaga dilay kumanaan qof, welina waxaa la aaminsan yahay inay sugayaan Tigray-gu marxalad munaasabad ah oo ay dib ugu soo kaban karaan, si ay taliska Abiy Axmed foodda u daraan.

Mushkiladahan waxaa Itoobiya usii dheer gaajadda, 16 Milyan qof oo Itoobiyaan ah ayay Qaramada Midoobay sheegtay in aanay heli karin cunto ku filan maalintii.

Sababta gaajaddan waa abaarta, colaaddaha iyo dhaqaale xumada dowladda Abiy Axmed. Hay’adda Cuntadda Adduunka ayaa ka fikireysa in 3 Milyan oo Itoobiyaan ah ay siiso cunto ku filan maalintii, taasi oo ka dhigan in 13 Milyan ee kale inay wajahayaan xaalad adag oo bini’aadannino.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya isaga oo xaaladaas ku jira ayuu furay xiisadda Soomaaliya 1-dii Janaayo ee sanadkaan. Kal hore waxay Qaramada Midoobay sheegtay in deked la’aanta ay qeyb ka tahay dhaqaale xumada ka jirta Itoobiya, iyada oo la saadaaliyay in 30% uu dakhligooda kor usoo kici karo haddii ay bad helaan.

Abiy Axmed oo gaajada iyo colaadda dalkiisa xal u raadinaya ayaa isku biimeynaya Soomaaliya. Inkasta oo ay qiimo sare ugu kici doonto haddii ay Soomaalida hubka qaadato oo ay diido in biyaheeda lagu baahi tiro Itoobiyaan.

Dadka arrimaha gobolka ka faalloonaya waxay leeyihiin xiisad kasta oo gudaha ama dibadda ah oo Itoobiya gasho waxay uga sii dari kartaa dhibaatada dhaqaale, amni iyo cunto ee maanta ka jirta Itoobiya. Umana badna in colaad soo kororta oo Itoobiya ku lug leedahay inay daawo u tahay dhibaatooyinka ka taagan Itoobiya ee xalka deg-degta uga baahan maamulka Abiy.

Soomaaliya waa fahamsan tahay in taliska Abiy Axmed uu fasax ka qaadanayo marxaladda adag ee maamulkiisa uu geliyay Itoobiya, oo uu rabo in Soomaali naceyb lagu middeeyo Itoobiyaanka is-haya, gaajadana farta loogu fiiqo biyaha Soomaaliya.

Mushkiladaha xilligaan yaalla Itoobiya kuma xalismi karaan xiisaddo laga abuuro meel kale, waxaase beddelkeeda nidaamka Abiy laga rabaa hal abuur aan colaad deris iyo boob aheyn oo uu ku badbaadin karo dalkiisa.

Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda maamula Soomaaliya wuxuu dhowr jeer ku cel-celiyay in dariiqan uu qaaday Abiy Axmed in uusan aheyn midda ay Itoobiya kaga bixi laheyd mushkiladda bad la’aanta.

Xog cusub oo ku saabsan dhulka ay DF siisay Shiinaha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay dhul siisay Shiinaha, kaas oo loogu talagalay safaaradda uu ku leeyahay magaalada Muqdisho.

Dhulkan ayaa waxaa safaaradda ku wareejisay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Fardowsa Cusman Cigaal oo la kulantay sii haya safiirka Shiinaha, Chen Wendi.

Fardowsa ayaa sheegtay in dhulkan la siiyay safaaradda iyadoo la eegayo xiriirka taariikheed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyo iyadoo la bogaadinayo taageerada horumar iyo bani’aadannimo ee Shiinuhu u fidiyo Soomaaliya.

Haddaba waa dhul noocee ah?

Maareeyaha Haya’dda Duulista Rayidka ee Soomaaliya, Axmed Macallin Xasan ayaa sheegay in dhulkan cusun ee safaaradda loo qoondeeyay uu yahay dhul hore ay u degganeyd Qaramada Midoobay, isla markaana uusan ahayn mid cusub oo haatan loo qoondeynayo.

Axmed ayaa sheegay in dhammaanba dhulalka ay safaaraduhu ka deggan yihiin aagga garoonka ay yihiin kuwo ku meel gaar ah ee aysan weligood degganaaneyn.

Sababo dhanka amniga ah dartood, waxaa agagaarka garoonka Aadan Cadde deggan hay’ado badan oo caalami ah.

Waxaa jira walaac laga qabo in ciriiri uu ku imaan karo garoonka, maaddaama safaarado iyo hay’ado badan ay halkaasi deggan yihiin, haddii dhulal cusub laga bixiyana ay taasi ciriiri dheeraad ah keeni doonto.

Faahfaahin badan lagama bixin ballaca dhulka, balse maareeye Axmed ayaa yiri, “Dhulkan maaha mid cusub hore ayaa loo degganaa, waa laga guuri doonaa laakiin hadda wax ciriiri ah ma jiraan,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in wasaaradda arrimaha dibadda ay dhulkan siisay safaaradda Shiinaha, wareejintana ay sameysay wasaaradda gaadiidka iyo duulista rayidka, maaddaama ay uu hoos yimaado maamulka garoonka.

Wasiir Fardowsa oo shir jaraa’id qabatay kadib xil wareejinta dhulka, ayaa tiri “Waxaan rabnaa dhul ku dheggan safaaradda Shiinaha eek u dhex taalla garoonka Aadan Cadde oo dowladda Soomaaliya siisay inay ku durugsato xafiisyadeeda inaynu maanta si rasmi ah ugu wareejinno,” ayay tiri.

Waxay sheegtay in dhulkan oo ay in muddo ah degganeyd safaaradda uu ciriiri ku ahaa, sidaa darteedna ay dooneyso in safaaraddu ku ballaariso howlaheeda.

Laftagareen oo 4 qodob kala hadlay Imaaraadka + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo haatan ku sugan gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa ka bilaabay kulamo kala duwan oo xasaasi ah.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay safiirka Isu tegga Imaaraadka Carabta ee arrimaha Soomaaliya, Mudane Axmed Jumca Al-rumeysi, kaasoo uu kala hadlay arrimo ku aadan wada shaqeyntooda maamulka Koonfur Galbeed.

Labada mas’uul ayaa kulankooda waxa ay diiradda ku saareen 4 qodob oo kala ah xoojinta amniga, kobcinta mashariicda, taagerida tababarida iyo qalabaynta ciidanka iyo hormarinta kaabiyaasha dhaqaalaha, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada Koonfur Galbeed oo lagu faahfaahiyay kulanka labada dhinac.

“Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay dhinacyada Xoojinta amniga, kobcinta Mashariicda, Taagerida Tababarida iyo Qalabaynta Ciidanka iyo Hormarinta Kaabiyaasha dhaqaalaha” ayaa lagu yiri.

Sidoo kale waxaa la sii raaciyay “Kulanka Madaxweynaha waxaa ku wehlinayey Agaasimaha Guud Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdifatah Mahad Cabdiraxmaan.”

Kulankan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla markaana Koonfur Galbeed ay wajaheyso xaalado adag, sida dooda ka taagan arrinta doorashada iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Imaaraadka ayaa kamid ah dowladaha ka shaqeeya gudaha Soomaaliya, wuxuuna si gaar gaar ah ula macaamilaa dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale Imaaraadka taageero xoogan siiyaa ciidanka Soomaaliya, isaga oo ka qayb-qaata qalabeyntooda iyo tababaridooda.

Gaari looga shakiyay qarax oo yaalla Maka Al-Mukarrama

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta xaalad cabsi ah ay ka taagan tahay waddada Maka Al-Mukarrama ee magaalada Muqdisho.

Cabsida ayaa ka dhalatay gaari nooca raaxada ah oo lasoo dhigay agagaarka xarunta Immigration-ka, kaas oo looga shakiyay inuu sido qarax.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ayaa isku geedaamay goobta, kuwaas oo haatan wada baaritaano dheeraad ah oo lagu hayo gaariga.

Sidoo kale waxaa la xiray dhaq-dhaqaaqa waddada, ayada oo la xiray goobaha ganacsiga ee ka agdhow halkaasi.

Xaaladda goobta ayaa kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya.

Faahfaahinta kala soco: Caasimada.net

Madaxweyne Saciid Deni oo magacaabay 21 wasiir

0

Garowe (Caasimada Puntland) –Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa caawa magacaabay golihiisa wasiirrada, wuxuuna xafiiska Deni shaaciyey magacyada wasiirrada loo kala magacaabay 21 wasaaradood.

Dikreetada lagu magacaabay wasiirrada cusub ee Puntland waxaa warbaahinta u akhriyey Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani, liiskaan kuma jiraan wasiir ku xigeeno iyo wasiiru dowlayaal.

Wasiirka koowaad waxaa loo magacaabay wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha diinta Puntland Maxamed Cabdiwahaab Axmed.

Wasaaradda amniga Ibraahim Cartan Ismaaciil (Xaaji Bakiin), wasaaradda arrimaha gudaha Puntland waxaa mar kale loo magacaabay Cabdi Faarax Juxa.

Maxamed Faarax Maxamuud ayaa loo magacaabay wasiirka maaliyadda Puntland, halka Daa’uud Maxamed Cumar loo magacaabay wasaaradda qorsheynta.

Fu’aad Abshir Axmed (Adeer) ayaa loo magacaabay wasiirka waxbarashada Puntland, halka Saciid Jaamac Cali (Qoorsheel) loo magacaabay wasiirka caafimaadka.

Wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka Puntland waxaa loo magacaabay Faarax Cawad Jaamac, halka wasiirka dekedaha loo magacaabay Shaakir Maxamed Guuleed.

Cabdullahi Bile Nuur ayaa loo magacaabay wasiirka duulista hawada, sidoo kale Maryan Axmed Cali ayaa loo magacaabay wasiirka haweenka Puntland.

Wasiirka warfaafinta Puntland waxaa loo magacaabay Maxamuud Caydiid Dirir, wasiirka ganacsiga iyo warshadaha waxaa loo magacaabay Axmed Shire Saciid.

Maxamed Cabdiraxmaan Faroole ayaa loo magacaabay wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimillada, halka Cumar Cabdisamad Yuusuf ayaa loo magacaabay wasiirka xanaanada xoolaha Puntland.

Cabdirisaaq Cabdullahi Xagaa ayaa loo magacaabay wasiirka kalluumeysiga Puntland, Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle ayaa loo magacaabay wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada.

Liibaan Muuse Cismaan ayaa loo magacaabay wasiirka macdanta iyo biyaha, halka Ubax Cabdirashiid Maxamed loo magacaabay wasiirka gargaarka Puntland.

Maxamed Cabdulqaadir Saalax ayaa loo magacaabay wasiirka beeraha Puntland, halka Hodan Saciid Xasan loo magacaabay wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha Puntland.

Rejada Soomaaliya ee kursiga madaxa Midowga Afrika?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Fawsiya Xaaji Aadan oo u sharraxan Soomaaliya inay ku metasho tartanka loogu jiro jagada Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ayaa maanta faah-faahin dheeraad ah ka bixisay rejadeeda ku aadan kursigaasi.

Fawsiya ayaa shaaca ka qaaday inay qabto kalsooni wayn oo ku aadan inay kusoo baxdo jagada Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, ayna ku bixin doono dadaal kasta.

Sidoo kale waxa ay tilmaamtay inay haysato taageerada madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, taasina ay kor usii qaadeyso rejadeeda ku aadan helitaanka kursigaasi.

“Anigu kalsooni buuxdo ayaan qabaa, waan haayaa qoraalladii ay dowladdu igu taageertay madaxweynaha ama ra’iisul wasaaraha marka kalsooni badan baa qabaa” ayay tiri Fawsiya.

Waxaa kale oo ay farriin culus u dirtay dadka Soomaaliyeed oo ay ka dalbatay inay ku garab istaagaan ololaha ay ku dooneyso inay ku hoggaamiso Ururka Midowga Afrika.

“Wax weliba waxa ay ku xiran tahay sida ay Soomaalidu isku garab istaagto, si ay meel u gaadho” ayay hadalkeeda sii raacisay.

Xildhibaanada oo sii hadleysay ayaa shaaca ka qaaday in loolan adag ay la geli doonto Kenya oo iyadana soo sharraxday siyaasiga mudada mucaaradka ah ee Raila Odinga.

“Hadda Kenya ayaa jirto cid kale oo soo cadeysatay ma jirto 14 dal weeye bariga Afrikaana xaq u leh waa wareegto haddii aanan dal kale waxaa tartamaya Somalia iyo Kenya ” ayay mar kale tiri Xildhibaan Fawsiya Xaaji Aadan.

Soomaaliya ayaa xilligaan dadaal badan ku bixineysa sidii ay u xoojin laheyd dadaalka diblumaasiyadeed ee saaxiibaada caalamka, ayada oo daba-yaqaadii sanadkii tegay ee 2023-ka ku guuleysatay in Waare xil sare looga magacaabo urur-goboleedka IGAD.

Madaxweynihii hore ee HirShabelle ayaa markaas noqday ku-xigeenka xoghayaha guud ee IGAD oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay. Magacaabistaas ayey xilligaas dowladda ku tilmaamtay mid sare usii qaadeysa sumcadda iyo maqaamka guud ahaan ee Soomaaliya.

Garsoorka Soomaaliya oo wajahaya imtixaankii ugu adkaa iyo kiiska LUUL oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxakamadda Gobolka Banaadir ayaa maalin ka hor soo gaba-gabeysay kiis culus oo ku aadan dhacdadii argagaxa lahayd ee lagu gubay Marxuumad Luul Cabdicasiis Maxamed oo ahayd hooyo uur leh oo uu gubay Seygeeda.

Eedeysane Sayid Cali Macallin Da’auud oo ah ninka ku eedeysan falkan argagaxa leh ayaa maxkamadda la horgeeyay, kaas oo isna ka dhaawacan gacanta oo uu dabka ka gaaray.

Inta ay maxkamadda socotay ayaa waxaa la is dhaafsaday doodo xasaasi ah oo u dhexeeyay xafiiska xeer ilaalinta iyo qareenada difaacayay eedeysanaha, waxaa sidoo kale goobta la keenay marqaatiyeyaal kala duwan oo goobjoog ah, kuwaas oo caddeeyay waxa ar arkeen.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa haatan laga sugayaa go’aanka kama dambeysta iyo inay ku dhawaaqay natiijada kiiskan oo ay isha ku wada hayaan dadka Soomaaliyeed.

“Kiiskan ayaa ah mid calaamad ka bixin doona heerka uu hadda taagan yahay Garsoorka Soomaaliya,” sida ay sheegtay Marwo Basma Caamir oo ah guddoomiye ku-xigeenkii hore ee arrimaha bulshada maamulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka ay sugeyso Soomaali weyn, sidoo kalena ay indhaha ku haayaan caalamka.

“Gudoomiye Saalax, cida ku sugeysa waa Somaliweyn, waxaa kugu soo jeeda indhaha Caalamka sida aad u maareyso Kiiska Marxuumad Luul Jazeera, sida aad kiiskaan u garsoorto ayay Caalamad ka bixin doontaa heerka Garsoorka Somalia taagan yahay,” ayay tiri.

Waxaa kale oo ay intaasi ku dartay in Maxkamadda laga sugayo go’aan rasmi ah oo lagu wada qancin doono, isla markaana la xiriira cadaalad u helidda Luul Cabdicasiis Maxamed.

“Kiiska Luul wuxuu fure u noqon doonaa heerka Garsoorkeeni taagan yahay, Mudane Gudoomiye Saalax, waxaan kaa sugeynaa go’aan lagu wada qanci doono” ayay sii raacisay.

Weli Marxuumadda ayaa iyada oo mayd ah ku jirto Ferinjeer, waxaana qoyskeeda ay la sugayaan go’aanka Maxkamadda Gobolka Banaadir, iyaga oo raba in lala aaso Sayid Cali.

DF oo soo saartay warbixin ka kooban 17 QODOB

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay warbixin dheer oo ka kooban 17 qodob, taas oo looga hadlay dhacdooyinka toodobaadkii lasoo dhaafay.

Warbixinta ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray waxqabadka dowladda iyo guulaha laga gaaray howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

Maxkamad ku amartay Trump inuu bixiyo dammaanad u dhiganta $454 million

0

New york (Caasimada Online) – Xaakin ku sugan magaalada New York ayaa Arbacadii diiday inuu hakiyo, amarka maxkamadeed ee sheegaya in madaxweynihii hore ee Trump uu bixiyo lacag gaadhaysa $454 million oo dollar, isaga oo racfaan ka qaatay.

Xaakinka lagu magcaabo Anil Singh ayaa sheegtay in madaxweynaha hore ee Trump ay tahay inuu bixiyo dammaanad u dhiganta guud ahaan lacagta laga doonayo, si loo joojiyo amarka fulinta ee maxkamadda, kaas oo ah in lacagta laga qaado haatan.

Xaakinka ayaa tixgelisay qaybo ka mida codsiyada Trump, kuwaas oo ah in la hakiyo in Trump laga mamnuuco inuu muddo saddex sannadood ah wax amaah ah ka doonto bangiyada ku yaalla New York, tallaabadan ayaa u sahlaysa inuu raadsado dammaanadda lacageed ee looga baahan yahay.

Garyaqaannada u doodaya Trump ayaa goor hore oo Arbacadii ah u sheegay maxkamadda in Trump uu diyaariyey dammaanad u dhiganta illaa $100 million oo dollar, iyaga oo dooday in amarkii mamnuucidda amaanda ah ee lagu soo rogay bishan February 16-keedii uu dabar ku noqday inay helaan guud ahaan lacagta laga rabo.

Xog: Qodob xasaasi ah oo looga hadlay kulankii Nairobi ee Xasan Sheekh iyo Geelle

0

Nairobi (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan kula qaatay dhiggiisa dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa kulankaas uga wada hadlay iskaashiga arrimaha saameynta ku leh labada dal oo ay ugu horreyaan arimaha amniga iyo ilaalinta xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

Sida ay ilo xog ogaal ah Caasimada Online u sheegeen Xasan Sheekh iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kulankooda aad ugu gorfeeyey xiisadda badda ee Soomaaliya kala dhaxeysa Itoobiya.

Madaxweyne Xasan ayaa marxaladihii ugu dambeeyey iyo halka uu hadda xaal marayo uga warbixiyey Madaxweyne Ismaaciil oo xiisadaan si aan ganbasho laheyn ula saftay Soomaaliya, isagoo ah guddoomiyaha urur goboleedka IGAD oo Soomaaliya, Itoobiya, Jabuuti iyo wadamo kale ay ku wadajiraan.

Jabuuti ayaa aad u doon-dooneysa inuu guul-dareysto qorshaha Itoobiya ay badda ku raadineyso, markii laga soo tago damiirka Soomaalinimada iyo garabka walaalnimo ee Soomaaliya ay ka hesho Jabuuti, hadii Itoobiya ay hesho marin biyood waxay khasaare dhaqaale oo xoog leh ku tahay Jabuuti.

Malaayiinta Itoobiyaanka ah, maadaama dalkooda uusan laheyn dekedo ama bad, waxay sahaydu u soo martaa dekedaha dalka Jabuuti, halkaas ayaa looga daad-gureeyaa dalka Itoobiya shixnadaha ganacsi, cunnada qutul-daruuriga ah iyo wax kasta oo caalamka ay ka keensanayaan.

Taasi waxay Jabuuti kusii qasbeysaa inay sii adkeyso garab istaageeda Soomaaliya, si Itoobiya ayaan marin-biyood u helin, suuqaas weyna uusan uga xirmin, waxayna muhiim u arkaan in Itoobiya ay sii adeegsato dekedaha Jabuuti.

Madaxweynayaasha Soomaaliya, Jabuuti iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ka mid ah madax badan oo caalamka ka socota oo ka wada qeyb geli doonta shir looga hadlayo isbedelka cimillada adduunka oo ka dhacaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Dowladda Federaalka oo hal shuruud ku xirtay wadahadal ay la gasho Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in dowladdu ay diyaar u tahay inay wadahadal la gasho kooxaha argagixisada ah ee dalka ka dagaalama, hadii nabad lagu helayo, wuxuuna shuruud ka dhigay inay joojiyaan dilalka iyo qaraxyada ay u geystaan dadka Soomaaliyeed ee aan waxaba ka galabsan.

“Hadii aan nabad ku heleyno oo dadkeena dilka iyo qaraxyada laga joojinayo, waan soo dhaweyneynaa, waxaana diyaar u nahay nabadda, waxaan mar kale ugu yeereynaa wiilasha la qalday iyo odayaasha Khawaarijta ee caqiidadu ka xumaatay, inay jidka saxda ah ku soo toosaan, waxaan balan-qaadeynaa in dagaal shakhsi ah aanaan kula jirin ee taargadkeenu uu yahay caqiidada qaldan ee Khawaarijta,” ayuu yiri Xamza Barre.

Ra’iisul wasaaraha oo sii hadlayey ayaa yiri, “Dagaalka oo kaliya xal nooma aha, dagaalka waxaan ku raadineynaa nabad, laakiin xalka ugu dambeeya wuxuu noqon doonaa wadahadal iyo isku imaansho, in la is qanciyo ayuu xalkeenu kuma jiro dil iyo is qarxin, qofku marka hore dambiga gacanta ha kala baxo, markaas kadib ayey toobadu u furan tahay.”

Ra’iisul Wasaaraha oo maanta Muqdisho ka daahfuray shirka Mabaadii’ida Nabadda Soomaaliya ayaa cadeeyey in dagaalka ay dowladda Soomaaliyeed kula jirto kooxaha Khawaarijta ah uu yahay nabad raadin.

“Dagaalka aan kula jirno Khawaarijta asalkiisu waa nabad raadin, anagu waxaan nahay nabadoono, qof in la dilo hadal nooma aha, nabadda ayaan ku haminaa, ragga hadda duurka ku jira, hadii ay ka soo laabtaan fikirkaas qaldan waa walaalaheen, waana soo dhawey doonaa,” ayuu yiri R/Wasaaraha Soomaaliya.

Xamza Barre wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay sharaftay kuwii horay uga soo haray fikirrada guracan ee argagixisada, isla markaana uu hadda balan-qaadayo in wax faquuq ah aysan kala kulmi doonin dadkooda hadii ay ka soo haraan kooxaha argagixisada ah.

“Qof kasta oo ka soo hara fikirkaas waxaa u sharfi doonaa sida kuwii hore oo hadda nolol fiican iyo maqaam sare ku dhex-jooga dadkooda oo mid mid aan u tilmaami karo, dowladda waxaa ka go’an in hadii qofka Soomaaliya ah uu ka baxo afkaarta xun ay soo dhaweyso,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xamza Cabdi Barre.

Inta badan madaxda dowladda Soomaaliya kuma dhiiradaan inay cadeeyaan ‘hadii ay ogolyihiin wadahadal lala galo Al-Shabaab iyo Daacish’ si loo soo afjaro dagaallada daba-dheeraaday ee ka socda Soomaaliya.

Sawirro: Xasan Sheekh iyo William Ruto oo isla meel-dhigay qodobo muhiim ah

0

Nairobi (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Kenya dhiggiisa dalkaas Mudane William Ruto.

Kulanka labada Madaxweyne ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, adkeynta xiriirka diblomaasiyadda, shirka  Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada iyo hiigsiyada horumarineed ee heer qaaradeed.

Sidoo kale, labada Madaxweyne ayaa kulankoodii galabta diiradda ku saaray dagaalka Khawaarijta Al-Shabaab, gaar ahaan sidii labada dowladood ee Kenya iyo Soomaaliya isaga kaashan lahaayeen ka hortagga weerarrada Al-Shabaab ee ka dhaca xuduudda labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Nairobi uga qeyb-galaya Meertada 6-aad ee Qaramada Midoobey ee Isbeddelka Cimilada oo lagaga arrinsanayo dhibaatada xooggan ee caalamka ka soo food saartay dhanka cimilada, taas oo si gaar ah saameyn xooggan ugu yeelatay nolasha shucuubta dalalka soo koraya.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinaya  shirkaas caalamiga ah ayaa soo bandhigaya saameynta xooggan ee ka soo gaartay dadka iyo deegaanka Soomaaliyeed isbeddelka xooggan ee cimilada, isagoo muujin doona dadaalka ay dowladdu ku wajahayso abaaraha iyo fatahaadaha soo noqnoqday.

Dadka Soomaaliyeed oo ku howllan in ay iska u dulqaadaan argagixisada caqabadda ku ah noloshooda, ayaa haddana waxay u nugul yihiin abaaraha, fatahaada iyo roobabka duufaanta wata, taas oo xoojinaysa  in ay ka qeyb qaataan dadaal kasta oo xal loogu raadinayo dhibaatada isbeddelka cimilada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Nairobi waxa uu kulamo la qaadan doonaa qaar ka mid ah madaxda iyo masuuliyiinta ka soo qeyb-galaya shirkaas.

Soomaaliya ayaa diiradda saari doonta sidii ay door ugu yeela laheyd qorshaha caalamiga ah ee ka hortagga isbeddelka cimilada iyo hiigsiyada horumarineed ee heer qaaradeed.

Cali Yare iyo Daahir Calasow oo ay ka dhex tafatay iyo fal-celin xooggan oo ka dhalatay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Cali Yare Cali iyo Daahir Calasow oo aad u isticmaala baraha bulshada ayay maanta ka dhex tafatay iyaga oo isku qabtay arrimo la xiriira kiiska xasaasiga ah ee ninka gubay Luul Cabdicasiis Maxamed.

Labada nin ayaa si weyn ugu kala aragti duwanaaday kiiskan oo hadda go’aankiisa laga sugayo maxkamadda gobolka oo dhageysatay eeddda ka dhanka ah Sayid Cali Macallin Daa’uud.

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Cali Yare ayaa si weyn uga horyimid shir jaraa’id oo ay odayaasha beesha Saleebaan ku qabteen magaalada Cadaado, iyaga oo ka cabanayo sida ay maxkamadda gobolka Banaadir u wajahday maxkamadeynta Sayid Cali.

“Garanmaayo gunnimo ka weeyn in intaan oo garcadayaal ah la-gole yimaadeen gar ka dhan ah gabar ay qabeen, caloosha ubadkooda ku siday oo wiilkoodu dab iyo baasiin qabadsiiyay” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cali Yare.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Miyaan tani aheeyn geeri labaad iyo gunnimo gurigeed? Waxagaradka tolkeeyoow arrintaan yaanay in guurkeenna laga cararo oo gabayo naloo tiriyo horseedin ee warkaan kadaba taga inta goori goortahay”.

Dhankiisa Daahir Calasow oo usoo jawaabay ayaa weerar culus ku qaaday Cali Yare Cali, isaga oo tilmaamay inuu u gefay odayaasha dhaqanka ee Beesha Saleebaan.

“Cali Jeeb ku jire maxaa ka qaaday damiirka. Xifaaltanka naga dhaxeeya dhalinyaro u dhashay Reer Xaaji Saleebaan miyaad ugu geftay odayaasha Reer Xaaji Saleebaan ee wiilkooda cabtooyda loo Soo kireestay u dooday xaqiisa” ayuu isna yiri Daahir Calasow.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Anaggaa Sayid Cali ka qabanay caloosha Habargidir, hadana waxaa cad inuu yahay nin Maseeyray, Xaaskiisuna ay Bajaaj raacday oo dayac u dhimatay”.

Dhinaca kale falcelin xoogan iyo hadal hayn ayaa ka dhalatay dagaalka ka dhex-qarxay Cali Yare iyo Daahir Calasow, waxaana ka falceliyay dad badan oo Soomaaliyeed.

Cabdinaadir Cabdulqaadir “Adiga iyo Cali seem baa noo tihiin Juhalayahay. Kiiskana waan ku qanacsanahay in cadaaladda la mariyay.”

Cabdullaahi Buubshe “Kiiska arxan-laawaha raggaa go’aan ka gaara maahane adiga oo kale lagaa waraysan mayo.”

“Hadal waxba tari maayo Maxkamadda ay u taal shaqada,” ayuu yiri Maxamed Amiin Sheekh.

Ashkir Maxamed “Horta wiilka ma dhibanaa mise waa eedeysane adduun wax aan la arkeen ma lahan?.”

Cabdulqaadir Beezaani “Cadaaladdda aya ah in tiirka la geeyo waayo qof cunigiisa iyo xaaskiisa gubay cid uu nu axarasinayo ma jirto.”

Xasan oo shaaciyay inuu Abiy habeen kahor heshiiska lasoo hadlay, kuna wargeliyay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu lasoo hadlay habeen kahor heshiiskii is-afgarad ee Addis Ababa.

Xilligaasi oo uu wanaagsana xiriirka labada hoggaamiye ayaa waxa uu Xasan sheegay in Abiy uu keliya markaas ku wargeliyay in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu tegayo caasimada Itoobiya ee Addis Ababa.

Abiy markaasi uma sheegin madaxweyne Xasan qorshaha guracan ee uu ugu yeeray Muuse Biixi, oo isagu Addis Ababa si hordhac ah ugu saxiixay qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya, taasi oo si adag uga hortimid dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale arrin waali ah ku tilmaamay in Itoobiya ay weli ku adkaysato inay sii wado heshiiska sharci darrada ah ee ay ku doonayso qeybo kamid ah baddeena, isagoo sheegay in ay iska difaacayaan xad-gudubka Itoobiya.

“Soomaaliya waxay xaq u leedahay in ay iska difaacdo Itoobiya, si kasta oo ay awoodo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo dhowr jeer ku goodiyay in ay dagaal toos ah la geli doonto Itoobiya haddii ay isku deydo inay dhaqan-geliso damaceeda gurracan.

Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa gaartay meel sarre, ayada oo xilligaan ay khubarrada amniga ka digayaan inay gobolka gelin karto fowdo horleh, xilli ay xiisadda soo fara-geliyeen dalal kale oo la saftay dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ee uu hadda hoggaamiyo madaxweyne Xasan ayaa dhawaan heshiis la gashay Turkiga, kaasi oo ku qotoma difaaca badda, islamarkaana socon doona muddo toban sano.

Muddadaasi ayey sidoo kale Ankara u dhisi doonta Soomaaliya ciidan badeed awood badan, oo ku filnaada difaaca baddeenna, ayada oo ka horna ay ammaanka badda Soomaaliya la wareegi doonaan ciidamada Turkiga.

Inkasta oo madaxda Soomaaliya ay sheegeen in heshiiska Turkiga uu muddo soo socday uuna ka horreeyay xiisadda kala dhaxeysa Itoobiya, haddana waxaa la rumeysan yahay in ay soo dadajisay tallaabada ay qaaday Addis Ababa ee ku hunguriyayneyso qeybo kamid ah badda Soomaaliya, taasi oo ay ganafka ku dhufatay Muqdisho.