24.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 24, 2026

Aqriso: Qodobo cusub oo laga helay heshiiska difaaca badda ee Soomaaliya iyo Turkey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa heshiiska difaac ee dhawaan ay wada gaareen dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga, kaasi oo Ankara ay kula wareegayo ammaanka baddeena.

Heshiiskan oo si deg deg ah ay u meel-mariyeen Golaha Wasiirrada Soomaaliya iyo labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu Turkiga, gaar ahaan ciidamadooda badda uu siinaya awood ay ku ilaalinayaan xeebaha dalka oo dhan.

Heshiiska oo maalmo kahor uu saxiixay Madaweynaha Soomaaliya, ayaa sidoo kalr waxaa la filayaa in maalmaha soo socda uu heshiiskaasi ansixiyo baarlamaanka dalka Turkiga, islamrkaana uu qalinka ku duugo madaxweynaha dalkaasi Mr Erdogan.

Heshiiskaan ayaa socon doono muddo 10 sano ah, iyada oo ciidamada Turkiga lagu wareejinayaa xeebaha dalka todobaadyada soo socda, iyaga oo sidoo kale dib u dhis ku sameynaya iyo qalabeyn ciidamada badda Soomaaliya.

Ilaa hadda ma cadda in heshiiska ay ku jirto, in haddii lagu soo xad-gudbo xeebaha dalka ay u dhiman doonaan iyo in kale dhinaca Turkiga, taasi oo haddii aan jirin aan waxba ka duwanaan doonin joogidooda waqtigan ee qeyb ka noqoshada howl-galka amni sugida ee ay dalal badan ku joogaan biyaha dalka.

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helay nuxurka qodobada heshiiska difaaca iyo dhaqaalaha ee ay kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, waxaana harra la helayaa qodobo cusub oo heshiiska ah oo ay saxaafadda Turkiga qortay, oo warbaahinta loo soo dusiyay.

Hoos ka aqriso qodobbada ugu muhiimsan ee nuxurka heshiiska kasoo baxaya;

1. In uu heshiisku socon doono muddo 10 sano ah.

2. Ilo dhaqaale oo dheeri ah oo caawin kara kobaca dhaqaalaha Soomaaliya.

3. Waxay fasaxday how-gallada cirka, dhulka iyo badda inay si wadajir ah u wada howlgalaan ciidamada Turkiga iyo Soomaaliya iyo mideynta shuruucda badda ee labada dal.

4. Qeyb kamid ah heshiiska Turkiga waxaa loo oggolaaday inuu difaaco madax-bannaanida dhuleed, cirka iyo xeebaha ee Soomaaliya ee aagagga gaarka ah ee dhaqaalaha iyo meelaha isku-xiran iyo in lala dagaallamo dalalka iyo kuwo hun-gureeya, iyo sidoo kale in laga hortago dhammaan noocyada falalka sharci-darrada ah, sida burcad-badeedda, argagixisada, kaluumeysiga sharci-darrada ah iyo daadinta walxaha qashinka nukliyeerka iyo shucaaca.

5. Waxa lagu heshiiyay in horumarinta warshadaha dhismaha maraakiibta iyo dhismaha dekedaha guud ahaan xeebaha Soomaaliya iyo dhismaha xarumaha hal dal kaliya iyo qaar wadajir ah iyo sameynta aagagga amniga Soomaaliya.

6. Taageeridda tababarrada, farsamada iyo qalabaynta ciidanka Soomaaliya.

7. Wuxuu caawinaya heshiiska habeynta iyo iswaafajinta sharciyada badda, maareynta kalluumaysiga iyo habeynta hagitaanka.

8. Waxaa lagu heshiiyay bixinta kaalmo farsamo oo ay ku jirto tababarida iyo qalabeynta ciidamada badda ee Soomaaliya sida maraakiibta dagaalka iyo doonyaha hubeysan ee dheeraya.

Si kastaba, heshiiskan ayaa hadal heyn badan dhaliyay, ayada oo siyaabo kala duwan loo faaqiday, wuxuna kusoo aadaya xilli ay xiisad xooggan Soomaaliya ay kala dhaxeyso Itoobiya, taasi oo salka ku haya damaca guracan ee badda.

Sawirro: Ujeedka kulan Villa Somalia ku dhex-maray Xasan iyo Safiirka Turkiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan sagootin ah Madaxtooyadda Qaranka kula qaatay safiirka dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga Ibrahim Mete Yagli.

Kulankaan ayaa ahaa mid uu madaxweynaha ku sagootinayo safiirka Turkiga oo soo gaba-gabeeyay shaqadii diblomaasiyadeed ee uu u joogay Soomaaliya, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu Amb. Yagli ku bogaadiyey daddaalladii diblomaasiyadeed ee uu ku bixiyey horumarinta iskaashiga labada dalka, intii uu joogay xafiiska.

Danjiraha ayaa dhawaan ka dhoofi doona magaalada Muqdisho, ayada oo sidan oo kale maalin kahor uu kulan sagootin ah la qaatay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre.

Xamza ayaa isna uga mahad-celiyey Danjiraha muddadii uu ka howl-galayay Soomaaliya kaalintii uu ka qaatay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Safiirka sii baxaya ee Turkiga Amb. Ibrahim M. Yagli oo dhankiisa ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sidii wanaagsaneyd ee ay dowladda Soomaaliyeed iyo shacabka ugu garab istaageen gudashada waajibaadkiisa.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa dhawaan gaaray heshiis difaac, kaasi oo dhaqan-gal noqday kadib markii ay meel-mariyeen Golaha Wasiirrada Soomaaliya iyo labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Heshiiska difaac ee Soomaaliya ay la saxiixatay Turkiga ayuu madaxweynaha Soomaaliya ku tilmaamay mid Soomaaliya gaarsiin doona inay dhisato ciidan badeed ku filnaada difaaca baddeenna, xilli ay taagan tahay xiisadda badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo heshiiskani inaga dhexeeyo waa dal iyo dad aan naqaanno, marar badan hiil inoo muujiyay. Waa waddan saaxiib iyo walaal ah oo aan ku aamini karno iskaashigan muhiimka u ah difaaca qarannimadeeenna iyo midnimadeenna dhuleed,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ciidanka DF oo howl-gal ay qeyb ka tahay NISA ku galay howdka JILIB Marko, burburiyeyna…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helaya howl-gal culus oo maanta ay ciidamada qaranka oo isugu jira Booliska gaarka ah ee Haramcad, kuwa xooga dalka iyo ciidanka nabad-sugida iyo sirdoonka qaranka ay ka fuliyeen aagga Jilib Marko ee Shabeellaha Hoose.

Howl-galkan ayay ciidamada waxay si wada-jira gudaha ugu galeen deegaano dhowr ah oo ku yaalla dhulka howdka ah ee u dhaxeeya deegaanka Jilib Marko iyo Buulo Nagey.

Ciidamada ayaa bur-buriyay fariisimihii kooxda Al-Shabaab ee deegaanada ku yaalla dhulka Howdka ah ee kala ah Macalin Yuusuf, Nafaqow iyo deegaano kale.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii dambe xoojisay dagaalka ka dhanka ah Shabaab, iyada oo maalmihii ugu danbeeyay ciidamada iyo shacabka oo is kaashanaya ay la wareegeen in ka badan 20 deegaan oo kooxda ay horay u joogtay.

Gulufka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxay kooxda ku weysay gacan ku haynta degmooyin iyo deegaano muhiim ah, kuwaasi oo qaarkood ahaayeen saldhigyo muhiim u ah kooxda.

Si kastaba, waxaa heer geba-gebo ah maraya wejiga hore ee dagaalka Shabaab, oo hadda dhameystirkiisa la dardar-gelinayo, si loo guda-galo wejiga xiga oo ka xoog badnaan doona kan hore.

Khasaaraha qarax culus oo ka dhacay duleedka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo xalay ka dhacay duleedka magaalada caasimada ah ee Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Ceelasha Biyaha, kaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ku socdaalayay waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in qaraxa uu haleelay gaari Cabdi Bile ah oo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo marayay halkaasi.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa shaacisay in qaraxaas ay ku dishay saddex askari, ayna ku dhaawacday 4 kale, sida ay hadalka u dhigtay.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inuu gebi gubtay gaarigii ay la socdeen ciidamadaas oo noociisa uu ahaa Cabdi Bile.

Ma jiro ilo madax banaan oo xaqiijin kara sheegada Al-Shabaab, kamana hadlin weli laamaha ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Xaaladda ayaa hadda ah mid deggan, waxaana si caadi ah u shaqeynaya dhaq-dhaqaaqa gaadiidka iyo ganacsiga deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Marar badan ayaa waxaa waddadan qaraxyo miino lagula eegtay ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ee isaga kala goosha Muqdisho iyo gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmihii u dambeeyay ay daganeyd xaaladda ammaan ee Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran oo ay howlgallo joogto ah ka wadeen ciidamada booliska, kuwa xasilinta iyo hay’adda Nabad-Sugidda Soomaaliya.

DF oo Shiinaha siisay dhul ku yaalla Muqdisho + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dhul siisay Shiinaha, kaas oo loogu talagalay safaaradda uu ku leeyahay magaalada Muqdisho.

Dhulkan ayaa waxaa safaaradda ku wareejisay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Fardowsa Cusman Cigaal oo la kulantay sii haya safiirka Shiinaha, Chen Wendi.

Fardowso ayaa sheegtay sheegtay in tallaabadani ay xoojineyso xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada waddan ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in ujeedka dhulka la siiyay Shiinaha uu yahay mid lagu ballaarinayo safaaradda uu haatan ku leeyahay magaalada caasimada ah Muqdisho.

Waxaa kale oo ay sii raacisay in dhulkaas iyo dhismaha safaaradda lagu horumarin doono adeegyada ay u hayso shacabka, sida habaynta fiisaha iyo fududaynta ganacsiga.

Dhankiisa sii hayaha safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya, Chen Wendi oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in dhulkan cusub uu ka caawin doono safaaradda in ay sii ballaariso howlaheeda shaqo iyo in ay si wanaagsan uga shaqeyso danaha labada dal.

Shiinaha ayaa kamid ah dowladaha waa weyn ee taageero dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna ka taageeraa dhinacyo kala duwan oo muhiim ah.

Sidoo kale wuxuu ka qayb-qaataa howlaha gurmadka bani’aadanimada Soomaaliya, isaga oo marar kala duwan deeq lacagee ku wareejiyay hay’adda SoDMA ee Soomaaliya.

Muqdisho ayaa waxaa haatan kusoo badanayaa dhismaha safaaradaha waxaa dhowaan ay  dowladdu dhul ku yaalla degmada Xamarweyne ay ugu wareejisay safaaradda Talyaaniga.

 

Shabaab oo laga cabsi qabo inay qabsato degmo muhiim ah

0

Ceelwaaq (Caasimada Online) – Wafdi ka socda dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta gaaray degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, halkaas oo laga dareemayo dhaq-dhaaqyo ciidan oo ay wadaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ee ku sugan Gedo.

Wadigan ayaa waxaa horkacayay wasiirka amniga Jubbaland Sarreeya Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) oo uu wehliyo wasiru dowlaha wasaaradda amniga Maxamed Cabdi Kaliil, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay taliyaha ciidanka Daraawiishta Gedo iyo mas’uuliyiinta maamula degmada Ceelwaaq.

Ujeedka safarka mas’uuliyiintan ayaa ah mid loogu guur galaya ammaanka iyo sidoo kale qalabeynta ciidamo cusub oo loo diyaariyay inay ka hortegaan weerarada Al-Shabaab.

Wasiir Dhuumaal oo khudbad u jeediyay ciidamadaas oo la qalabeeyay ayaa sheegay in haatan wixii ka dambeeya ay kamid yihiin Daraawiishta Jubbaland.

“Saacaddan laga bilaabo waxaa tihiin ciidan kamid ah Jubbaland oo Daraawiish ah xuquudiina mushaar ama raashin waxaad ku leedihiin dowlad goboleedka” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Annaga waxaa rabno kaliya waxaa waayay inaan aragno wiil Soomaaliyeed oo dalkiisa difaacanayo, wiil Soomaaliyeed oo deegaankiisa difaacanayo”.

Dhinaca kale wasiirka ayaa soo hadal qaaday cabsida laga qabo in Al-Shabaab ay dib u qabsato Ceelwaaq marka ay baxaan ciidanka Kenya ee qaybta ka ah ATMIS, wuxuuna sheegay in ay doonayaan in qorshahaas ay ku dhaqaaqaan, balse iyagu ay ka hortegayaan.

“War Khawaarijtaas meesha taag taagan oo leh hadda marka ay ciidamada Kenya baxaan Ceelwaaq ayaan qabsaneynaa ku hayo war miyaan u ogolnay inay qabsadaan?” ayuu yiri.

Deegaanada Jubbaland ayaa kamid ah meelaha ay sida weyn ugu xoogan tahay kooxda, waxayna badanaa ka fulisaa weeraro ay ku qaado fariisimaha ciidamada huwanta ah.

Dhowaan ayaa la filayaa in gobollada Jubbooyinka iyo Gedo uu ka billowdo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, kaas oo ay hoggaamineyso dowladda federaalka Soomaaliya.

Daawo: Ugaas dil uga bad-baaday Muqdisho oo ku eedeeyey MUUSE BIIXI

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugaas Axmed Saleebaan Shidde oo ka mid ah salaadiinta ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland ayaa sheegay inuu ka badbaaday isku day dil, isagoo ka sheekeyey dhibka soo gaaray iyo cidda uu tuhmayo.

Ugaaska ayaa sheegay in shalay subax markii uu ka soo baxay guri ku yaalla degmada Wartanabadda ay soo weerareen rag afku u duuban yahay oo Toorey iyo ulo ku hubeysan, kuwaas oo jir-dil u geystay.

“Waa isoo weeraray labo nin oo Tooriyo sita, oo doonayey inay i dilaan, ilaah ayaa iga badbaadiyey, nabarro badan ayey i gaarsiiyeen, halka laga soo diray nimankaas anigu waan fahansanaa,” ayuu yiri Ugaas Axmed Saleebaan.

Ugaas Axmed Saleebaan ayaa weerarkaas ku eedeeyey madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, isagoo sheegay in Hargeysa laga soo abaabulo dilalka loo geysanayo dadka ka soo jeeda gobollada waqooyi ee ku nool Muqdisho.

“Shir jaraa’id ayaan qabtay maalin ka hor, waxaan cadeeyey in dadka reer waqooyiga ah ee Muqdisho lagu leynayo ay ka dambeeyaan Muuse Biixi iyo ina Kaahin, ragga isoo weeraray taasbey ka duulayeen, xalayna waaba la ii cadeeyey oo waxaa la iga soo wacay Hargeysa,” ayuu yiri.

Sidoo kale Ugaaska ayaa sheegay in masuul ka tirsan sirdoonka Somaliland uu soo wacay isagoo ku wargeliyey maalin dambe uusan ka badbaadi doonin raggii jir-dilka u geystay, haddii uusan faraha kala bixin arrimaha Somaliland.

“Waxaa ila soo xiriiray masuul ka tirsan sirdoonka Somaliland, wuxuu iigu hanjabay inuu ka badbaaday, balse ay dili doonaan, haddii uusan ka bixin arrimaha Somaliland, waan garanayaa ninkaas waa sirdoonka Hargeysa, nagama badbaadi doontid ayuu si cad ii yiri, hadii aan dhinto waxaa dilkeyga soo abaabulay madaxweyne Muuse Biixi, Soomaaliyey ogaada,” ayuu yiri Ugaaskaan oo codkiisa ay baahisay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Ugaas Axmed ayaa sheegay inuu qabo dhaawacyo daran oo dowladda Soomaaliya ama qabiil kale uusan u geysan, balse Muuse Biixi uu soo abaabulay, “waxaa na beegsanaya Muuse Biixi oo dadka kala fogeynaya,” ayuu yiri.

Ugaaskaan ayaa Xasan Sheekh ka difaacay eedeyntii Muuse Biixi, isagoo sheegay in madaxweyne Xasan uu ku howlan yahay sidii loo badbaadin lahaa badii uu iibsaday Muuse Biixi, isagoo Alle uga baryey in Xasan Sheekh uu ku guuleeyo dadaalkiisa.

Hoos ka daawo

Xog: Maraykanka oo u kala dab-qaadaya Abiy iyo Xasan

0

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Maraykanka ayay wararka sheegayaan in ay aad isugu dhabar jabinayso in wax uun isfaham ah dhex dhigto Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Hawshan waxaa si gaar ah u gashay haweenayda Maraykanka u qaabilsan Afrika Phee Molly, oo ah kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda ee arrimaha Afrika, taas oo doonaysa in xaaladda ku dhamaato guul labada dhinac ay dareemayaan.

Waxaa laga soo xigtay iyada oo leh “Doonista Itoobiya ee deked ganacsi waa arrin daw ah, balse waa in lagu xaliyaa dariiq ah in dowladda Federaalka Soomaaliya loo maro.”

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wadahadalka ku xirey shuruud ah in marka hore Abiy ka laabto Is-fahamkii Somaliland lala galay, kadibna meel eber ah wax laga bilaabo.

Itoobiya ayaa durba Maraykanka toosh ugu ifinaysa heshiisyada ay Dowladda Federaalka la gashay Turkiga iyo hadalada kasoo baxay Masar, waxayna sheegeysaa in xaaladda ay uga soo darayaan.

Maraykanka oo laftiisa ul booc ah ugu kutubaya Itoobiya, ayaase Itoobiya la qaba dareenka ay ka muujiyeen Turkiga, waana sababta uu heshiis degdeg ah ula gaaray DF, heshiiskaas oo midabbo badan yeelan kara.

Madaxweyne Xasan oo hadlay ayaa bidhaamiyay quwado kale oo waaweyn heshiis la geli karaan wuxuu shir jaraaid ka yiri “Heshiiska Turkiga nagama hor joogsanayo in aan cid kale kula heshiino badda,” hadalkaas oo loo fasirtay in uu ula jeedo Maraykanka.

Balse Maraykanka waxa ay kalsooni aad u weyn ku qabaan Dowlad Goboleed federaalka ka mid ah, iyaga oo xitaa Madaxweynaha ka codsaday in uu ogolaansho ka keeno madaxweynaha maamulkaas ka hor inta aanan la saxiixin heshiiskii Afarta Xero ee dhowaan Muqdisho ku wada saxiixdeen.

Shirkadda Qatar Airways oo ka hadashay shilkii ka dhici gaaray hawada Soomaaliya

0

Doha (Caasimada Online) – Shirkadda diyaaradaha Qatar Airways ayaa ka hadashay shil ka dhici gaaray hawada Soomaaliya toddobaadkii tegay oo ay ku lug laheyd mid ka mid ah diyaaradaheeda.

Labada diyaarad oo kala ah diyaaradaha Qatar iyo Itoobiya oo kasoo kala kicitimay Dooxa iyo Addis Ababa ayaa sabtidii isu jirsaday masaafo isku dhow iyaga oo ku socdaalaya khad isku dhaw sida ay sheegtay Somaliland.

Hay’adda Duulista iyo Madaarrada ee maamulka Somaliland boggeeda Facebook ku sheegtay “in Soomaaiya ay xog khaldan siisay diyaarado isticmaalayay hawada Soomaaliya,” kuwaas oo kala ahaa duulimaadyo ay sameynayeen shirkadaha Qatar Airways iyo Ethiopian Airlines.

Si kastaba, Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa sheegtay “in aysan jirin wax khatar ah oo ay sababtay masaafada ay isku jireen laba diyaaradood, wax caadi ahna ay ka tahay caalamka”.

Waxa kale oo ay intaas ku dareen Hay’adda Dullista ee Soomaaliya, in farriinta TCAS ee ay wadaageen diyaaraduhu aysan ahayn mid tilmaameysa wax khatar ah, balse ay ahayd mid wargalin uun ah.

Maxay diyaaradda Qatar ka tiri dhacdadan?

Afhayeen u hadlay shirkadda Qatar Airways, oo la hadlay BBC-da, ayaa sheegay, in hawshan iyo sida wax u dhaceen ay la wadaageen ‘masuuliyiinta ay khusayso’.

Dhanka kale shirkadda ayaa ku faantay in hawshan ay si habboon u maareeyeen duuliyeyaasheeda caalmiga ee u shaqeeya, kuwaas oo ay sheegtay inay u tababaran yihiin dhacdooyinka kediska ah ee ku qabsada hawada sare.

“Qatar Airways waxay si weyn u maalgashataa nidaam farshaxan sare ah oo hubinaya in duuliyayaasheenna aadka u tababaran ay si badbaado leh ugu shaqeeyaan diyaaradahayaga dhex maaxaya hawada isku dhafan ee adduunka oo dhan,” ayaa sheegay afhayeenka shirkadda Qatar Airways.

“Nidaamyadani waxay siinayaan shaqaalaheenna awood dhinacyo badan leh si ay u dejiyaan isu-socodka hawada iyo ilaalinta iyaga oo adeegsanaya kala soocid badbaadin leh,” ayuu sii raaciyey afhayeenku.

“Arrinka la isla dhexmarayo waxaan ku wargelinnay mas’uuliyiinta ay khuseyso, waxaana si shaqsi ah u maareeyay shaqaalahayaga, si gebi ahaanba waafaqsan nidaamka Qatar Airways.”

Inkasta oo shirkadda Qatar aysan si toos u sheegin sida wax u dhaceen, haddana waxa ay xaqiijiyeen in wixii maalinkaa hawada ka dhacay ay shaqaalaheedu maareeyeen, oo badbaadada rakoobkooda ka shaqeeyeen.

Telefishinka Aljazeera oo soo xiganaya warbaahinta gudaha Qatar ayaa sheegtay diyaarada nooceedu yahay Boeing 787 ee Qatar Airways iyo tan Ethiopian Airlines Airbus A350 ay ku sigteen inay isku dhacaan maalinnimaddii sabtida xilli kormarayeen hawada Soomaaliya, arrinkan oo ay u tilmaameen inay abuureyso walaac amni oo hawada gobolka ah.

Labada diyaarad ayaa u kala socday garoonka diyaaradaha ee ugu weyn Uganda ee Entebbe iyo kan caalamiga ah ee diyaaradaha ee Dubai.

XASAN oo guddoomiyay shirka Golaha Amniga iyo 3 arrin weyn oo looga hadlay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay guddoomiyay shirka golaha amniga qaranka, kaas oo ay goobjoog ahaayeen ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya iyo saraakiisha amniga dalka.

Intiisa badan waxaa shirka looga hadlay saddex arrimo oo waa wayn, kuwaas oo kala ah dardargalinta hawlgallada ciribtirka khawaarijta, dhammeystirka bixitaanka ATMIS, iyo diyaar garowga qorshaha howlgalka kooban ee lagu xaqiijinayo amniga  marka dalka ay ka baxaan ciidanka ATMIS .

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa warbixin guud ka dhageystay mas’uuliyiinta iyo taliyeyaasha ka qaybgalay shirka oo faahfaahiyay xaaladda guud iyo dagaalka Shabaab.

Madaxweynaha oo goobta ka hadlay ayaa sidoo kale  ku adkeeyay hay’adaha amniga in ay ka dhabeeyaan hirgelinta Habraaca Xakameynta Hubka iyo Rasaasta ay soo iibsaneyso Soomaaliya maadaama mar dhow laga qaaday cunaqabateyntii hubka ee horay u saarnayd.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in guusha laga soo hoyey qaadista cunaqabataynta hubka ay aas-aas u ahayd hirgelinta qorshaha ilaalinta saanadda iyo hubka Ciidamada Qalabka Sida.

Shirka ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi, isla markaana ay weli socdaan howlgallo culus oo dalka laga xoreynayo kooxda Al-Shabaab oo weli ku sugan qaybo ka mid ah dalka.

Waxaa sidoo kale taagan xiisad xoogan oo ka dhalatay heshiiska badda ee ay dhowaan wada gaareen maamulka Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo ay ka carootay dowladda dhexe.

 

DAAWO: Ciidanka Xoogga DALKA oo loo jeediyay dar-daarankii ugu cajiibsanaa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Guutada 14 October, Gaashaanle Dhexe Nuur Fareey ayaa maanta dardaaran cajiib ah, aadna u wanaagsan u jeediyay ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed oo uu kula hadlay xeradooda.

Nuur Fareey ayaa ka wacdiyay ciidamada inay iska daayaan xumaanta , waxyaabaha dhaqan xumada ah iyo sidoo kale isticmaalka balwadda.

“Inaan beer falano, inaan Qaad cuno, inaan caweyno, inaan fadhi ku dirirka tegno waxaas oo dhan waa fal shaydaan” ayuu yiri Taliye Nuur Fareey.

Sidoo kal wuxuu ciidamada kula dardaarmay Alle ka cabsi, isaga oo sheegay in xittaa iyaga oo joogo furinta hore ee dagaalka laga rabo inay cibaadeystaan oo Alle xasuustaan.

“Ilaahey wuxuu noo abuuray inaan Caabudno, sidoo kale waxaa nagala rabaa marka aan dagaalka ku jirno inaan Tasbiixda wadno oo wax khayr ahna aan sheegno” ayuu ku daray.

Taliyaha ayaa sidoo kale ciidamada kala hadlay inay ku dadaaladaan Salaadda oo aad muhiim ugu ah qofka Islaamka ah, waajibna ku ah.

“Adduunyada ninka aan Salaadda dukaneyn oo Ilaahey Caabudeyn oo oo maalin kasta oo Qaad lee u muuqdo adduunka cadaab ayuu ku nool yahay” ayuu mar kale yiri.

Waxaa kale oo uu dardaaranka kusoo gabagabeeyay “Waan aragnay nin dhahaayo baabuur ayaa la gadooday carruurtii dhamayd macal hooyadey ayaa dhimatay, ma ahan yaah wax run ah? hal qof kama dhiman, laakiin ujeedkiisa waxaa waayay inta baxo inuu soo Qayilo”.

Maamulka ABIY AHMED oo xiray wariye Faransiis ah iyo xaaladda Itoobiya oo qasan

0

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Maamulka Abi ayaa xabsiga dhigay weriye u dhashay dalka Faransiiska oo booqasho ku tagay dalkaas, kaddib markii lagu eedeeyay inuu qayb ka ahaa “shirqool lagu doonayay in qalalaase laga abuuro” dalka ku yaalla bariga Afrika.

Antoine Galindo, oo ah wariye u shaqeeya shabakada wararka ee Africa Intelligence (AI) ee fadhigeedu yahay magaalada Paris ee dalka France, ayaa waxaa xiray ciidamo dhar cad ah oo ka tirsan ciidamada amaanka ee Ethiopian Skylight hotel khamiistii, sida ay sheegtay gudiga difaaca saxafiyiinta ee CPJ.

Wakhtigaas, Galindo waxa uu waraysi la yeeshay Bate Urgessa, oo ah afhayeenka jabhadda Oromada ee OLF, oo ah xisbi mucaarad ah oo si sharci ah u diiwaangashan. Bate sidoo kale waa la xiray, kooxda xuquuqda ayaa tiri.

Galindo ayaa dalka Itoobiya u joogay warbixin ku saabsan shir-madaxeedka ururka Midowga Afrika iyo warar kale, sida ay sheegtay AI. Waxa ay sheegtay in uu haysto dal-ku-gal u ogolaanaya in uu dalka ka shaqeeyo, maamulkuna ay ka warhayaan hawsha loo diray.

AI waxay ku tilmaantay xarigga Galindo mid “cudur-la’aan” wuxuuna ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo. “Eedayntan beenta ah kuma salaysna wax caddayn ah oo la taaban karo oo marmarsiinyo u noqon kara xorriyadda laga qaaday sii fiditaanka,” ayay tidhi.

Sabtidii, garsoore ku sugan Addis Ababa ayaa diiday codsiga Galindo ee dammaanad, wuxuuna kordhiyey sii hayntiisa illaa 1-da Maarso, ka dib markii booliisku uu codsaday waqti dheeraad ah oo uu ku baadho taleefankiisa, sida ay sheegtay CPJ, iyadoo soo xiganaysa qareenka Galindo.

‘Albaabka dhimashada’: quus ka taagan Itoobiya iyadoo dhibaatada gaajadu sii kordhayso
Galindo ayaa lagu eedeeyay in uu la shirqoolay labo kooxood oo fallaago ah, balse bilaysku weli ma bixin wax caddayn ah oo la taaban karo oo ku saabsan sheegashadan, qareenka ayaa u sheegay CPJ.

“Xadhiga aan sal iyo raad toona lahayn ee Antoine Galindo ee lagu hayo gudashada waajibaadkiisa saxafinimo waa mid aad looga xumaado, mas’uuliyiinta Itoobiya waa in ay si degdeg ah u sii daayaan shuruud la’aan,” ayay tiri Angela Quintal, madaxa barnaamijka CPJ ee Afrika.

“Xadhigga Antonio Galindo waa tusaale kale oo muujinaya rikoorka xun ee xorriyadda saxaafadda ee Itoobiya, halkaas oo ugu yaraan siddeed wariye oo kale ay u xiran yihiin shaqadooda, kuwaas oo sidoo kale ay tahay in si degdeg ah loo sii daayo,” ayay tiri.

Itoobiya waa xabsiga labaad ee ugu weyn suxufiyiinta ka hooseeya saxaraha Afrika marka laga reebo Eritrea, sida ay sheegtay CPJ.

Markii ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu xukunka qabtay sannadkii 2018-kii wuxuu ballan-qaaday inuu joojinayo caburinta, wuxuuna xabsiga ka sii daayay kumannaan maxaabiis ah oo u xirnaa arrimo siyaasadeed. Si kastaba ha ahaatee, dowladiisa ayaa cadaadis ku saartay mucaaradka intii uu socday dagaalkii 2020-2022 ee waqooyiga gobolka Tigray waxayna eriday saxafiyiin ajnabi ah ama u diiday fiisaha.

Dhowr saxafiyiin ajnabi ah ayaa la ceyriyay intii uu socday dagaalka Tigray, laakiin waddanku dhif iyo naadir ayuu u xiraa suxufiyiinta ajnabiga ah muddo dheer. Kiiskii ugu dambeeyay wuxuu ahaa 2011 markii laba wariye oo Swedish ah la xiray ka dib markii ay si sharci darro ah ku galeen Itoobiya si ay uga warbixiyaan jabhad. Labadan qof ayaa lagu eedeeyay dambiyo argagixisanimo balse la sii daayay iyadoo qayb ka ah cafis ballaaran sanadka soo socda.

Itoobiya ayaa hadda la daalaa dhacaysa kacdoonno ka dhan ah Oromiya iyo Axmaarada oo ah labada gobol ee ugu weyn, halkaasoo lagu eedeeyay ciidamada dowladda. Xaalad deg deg ah ayaa tan iyo bishii August ka jirtay Axmaarada, taasoo hakisay xoriyadii shacabka ee halkaasi ka jirtay.

Dowladda Itoobiya ayaan weli ka hadlin xarigga Galindo.

(Turujume: Mohamed Abdi Osman (Faradhere)

Daawo: Odayaasha Saleebaan oo war yaab leh ka soo saaray kiiska wiilkoodii gabadha gubay

0

Cadaado (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka beesha reer Xaaji Saleebaan ee Habargidir oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay inay cadaalad la xiriirta kiiska Sayid-cali Macalin Daa’uud ka dalbanayaan maxkamadda gobolka Banaadir.

Odayaasha ayaa mid mid warbaahinta ula hadlay, waxayna dhaliil ka muujiyeen hanaanka loo qaadayo dacwadda kiiska dilkii Luul Cabdicasiis oo lagu eedeynayo seygeedii Sayid-cali Macalin Daa’uud.

“Cabasho ayaan nahay, maxkamadda gobolka waxaan aragnaa in aysan dhexdhexaad aheyn, wiilkeena waxaan cadaaladda u horgeynay in cid kasta ay cadaalad hesho, maxkamadda gobolka cadaalad kama dhex-muuqato,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha Saleebaan.

Odayaasha Beesha Saleebaan ayaa sheegay inay aad ula yaabeen marqaatiyaasha la hor keenay maxkamadda, kuwaas oo sida ay sheegeen aan goobjoog aheyn goobtii uu falkaasi ka dhacay.

Sidoo kale waxay odayaashu sheegeen inay la yaabeen carruurta aan qaan-gaarin ee marqaatiga loo horkeenay maxkamadda, iyagoo muujiyey saluug ay ka qabaan cadaaladda ay ka heli karaan maxkamadda gobolka Banaadir.

Odayaasha Saleebaan ayaa maxkamadda ku eedeeyey inay ku dhaqmeyso waaqiciga bulshadu la joogto baraha bulshada, balse aysan muujineyn qibrad ay kiiskaan ku maarey karto, sida ay hadalkooda u dhigeen.

Ugu dambeyntii odayaasha beesha Saleebaan, waxay maxkamadda ka codsadeen inay cadaaladda fuliso oo dhinac aysan u hiilin, waxay ku doodeen inay cadaalad u rabaan gabadhii la gubay iyo ninka ku eedeysan inuu gubay, balse waxay cadeeyeen in sida wax uga socdaan maxkamadda aysan ku qanacsaneyn.

Suldaanka guud ee beesha Saleebaan Suldaan Mowliid ayaa yiri, “Waxaan xaqiijineynaa in ehelladii wiilka aysan maxkamadda soo gelin oo banaanka lagu celiyey, waa ka xunahay taas, marqaatiyashii maxkamadda la keenay ma aheyn kuwo munaasab ah, cadaaladda iyo dowladnimada aad ayaan u rabnaa, dadka ay ka dhalatay gabadha geeriyootay waa walaalaheen, in kiiskaan waa la siyaasadeeyey.”

Hoos ka daawo

Daawo: Xukun adag oo lagu diray rag loo heysto dilka Macallin Dugsi iyo Dhakhtar

0

Guriceel (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Galgaduud ayaa xukun ka soo saartay eedeyn loo heystay afar nin oo loo heystay dilka labo wiil oo walaalo ahaa, dilkaas ayaa ka dhacay deegaan bari ka xiga degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Seddax ka mid ah raggaas ayaa lagu helay dembiga ah in goor habeen ah iyagoo jiifa ay dileen Macalin Liibaan Xasan Cismaan iyo Dr. Axmed Xasan Cismaan oo ahaa labo wiil oo walaalo ah, kuwaas oo booqasho ugu tegay hooyadood.

Ragga maanta la xukumay ayaa markii ay dilka geysteen isaga cararay goobta, waxayna isku dayeen inay Xamar u baxsadaan, balse ciidamada NISA ayaa ku qabtay magaalada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Dacwadda loo heysto raggaas oo maalmihii lasoo dhaafay uu dhageysigeedu ka socday maxkamadda gobolka Galgaduud ayaa ugu dambeyn maanta xukun adag laga soo saaray.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Galgaduud Cismaan Cali oo ku dhawaaqay xukunka maxkamadda ayaa dil toogasho ah ku xukumay saddex ka mid ah raggii loo heystay dilka labada wiil ee walaalaha ahaa, waxayna maxkamaddu fasaxday midkii 4-aad.

Cabdi Maxamed Xaashi, Shuceyb Maxamed Faarax iyo Bile Cabdullaahi Xasan ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, waxaana la fasaxay oo xabsiga laga sii daayey markii dembi lagu waayey Farxaan Axmed Iimaan oo ahaa ninka 4-aad, sida uu maanta ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Cismaan Cali Hudey.

Wiilka dembiga lagu waayey ee maxkamaddu sii deysay ayaa maalin ka hor maxkamadda ka hor sheegay in ragga wax dilay uu uga haray meel u dhow guriga wiilasha lagu dilay, iyagana waxay qireen inuu ka haray.

“Saaxiibadey waan cesha waayey, markaan arkay inay macalinkeygii soo dilayaan waan ka haray, waa iga tageen wax yar kadibna waxaa dhacay xabadaha, waa igu soo laabteen, kadibna waan cararnay, maadaama raadkeyga uu la socday oo la arkayo, Xamar ayaan u soconay, laakiin Cadale ayaa nagula qabtay,” ayuu yiri Farxaan Axmed Iimaan.

Hoos ka daawo

Sawirro: DF oo ku qancisay ATMIS arrin ay muddo diidaneyd

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo la xiriira dadar-gelinta dagaalka adag ee haatan lagula jiro Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyidiin Cadow oo ka duulaya qorshaha dowladda ee ku aadan ciribtirka kooxda Al-Shabaab ayaa maanta la shiray saraakiisha u sarreeysay taliska ciidamada ATMIS, isaga oo kala hadlay dagaalka.

Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyidiin ayaa si gaar ah ATMIS ugala hadlay inay ka qayb-qaataan wajiga labaad ee howlgallada xoreynta, si looga adkaayo Al-Shabaab.

Sidoo kale labada ayaa ka wada-hadlay xoojinta wada shaqeynta dhexdooda, si ay isaga kaashadaan amniga iyo la dagaallanka Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska ciidanka Xoogga dalka.

“Taliyaha Ciidanka XDS S/Gaas Ibrahim Sheikh Muhudin iyo Saraakiisha ATMIS ayaa ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta ATMIS iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si qeyb uga qaataan Howlgalka dagaalka ka dhanka ah Argagixisada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

ATMIS ayaanan ka qayb-qaadan wajigii koowaad ee howlgallada xoreynta ee ka socda dalka, kuwaas oo Al-Shabaab looga xoreeyay deegaano dhaca HirShabelle iyo Galmudug, kadib guluf ay si wadajir u qaadeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka.

Si kastaba, wajiga labaad ayaa qorshuhuu inuu dhowaan billowdo, kaas oo ka qayb-galayaan ciidamo horleh, wuxuuna kusii jeedaa Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

 

Waa kuma Shamuuri ninka ka yaabsaday maxkamadda gobolka Banaadir? + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shamuuri waxa uu ahaa mid kamid ah marqaatiyeyaashii shalay kasoo muuqday Maxkamadda Gobolka Banaadir ee goobjooga u ahaa dhacdadii argagaxa lahayd ee lagu gubay Luul Cabdicasiis Maxamed falkaas oo uu gaystay seygeeda.

Ninkan ayaa ka yaabsaday maxkamadda, dadkii ku sugnaa iyo kuwii daawaanayay intaba, waxayna dadka aad ula cajabeen sida uu uga fal-celinayay su’aalihii la weydiinayay, isaga oo isticmaalay erayo ay kamid ahaayeen, Maashaa Allah, Insha Allah iyo Allahay ka Alla.

Haddaba waa kuma Shamuuri?

Magaciisa oo saddexan waa Cabdi Xasan Cabdinuur (Shamuuri), wuxuuna sheegay inuu ku dhashay degmada Dharkenley, sidoo kale waa darawal ku shaqeysta caasi.

“Caasi ayaan wataa BL ayaan ka shaqeystaa Madiino, illaa Siinaay, Darjiinka iyo Xararyaale ayaan ka shaqeeyaa” ayuu yiri isaga oo la hadlay Telefishinka Shabelle.

Sidoo kale waxaa wax laga weydiiyay maxkamaddii shalay iyo qaabka uu uga qayb-galay, isaga oo sheegay inuu ka warbixiyay kaliya wixii uu arkay, uuna goobjoogga u ahaa.

“Aniga waxan ka warbixinaayay dhacdo habeenkii ay ahayd 26 bisha Janaayo ka dhacday degmada Dharkenley oon goobjoog ka ahayn oo dhalinyarada badankood ay inkireen wixii jiray ayaan meesha kasoo sheegay” ayuu mar kale yiri Cabdi Xasan Cabdinuur (Shamuuri).

Waxaa kale oo uu kusii daray “Waligeey Maxkamad ma hortegin, laakiin saldhig iyo meelahaas waan tegay, waxayna ahayd tii iigu horreysay”.

Si kastaba, Shamuurey ayaa kasoo muuqashadiisii maxkamadda kadib noqday nin caan ah oo saacadihii lasoo dhaafay si weyn u qabsaday baraha bulshada ee Internet-ka.

Daawo: Askari doonayay ‘in uu dilo aabiihiis’ oo la toogtay

0

Wanlaweyn (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya toogasho maanta lagu dilay askari dil iyo dhac ka gaystay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose, isla markaana halis ku ahaa qoyskiisa, gaar ahaan aabihiis.

Guddoomiyaha degmada Wanlaweyn Idiris Maxamed Cumar oo la hadlay Shabelle TV ayaa ka warbixiyay falkaasi, wuxuuna sheegay in ninkan uu dhibaato ku ahaa degmada, ugu dambeyntiina lagu soo dilay howlgal ay qaadeen ciidamada ammaanka, kadib markii uu la dagaalamay askarigaasi.

“Nin gacan ku dhiigle ah ayaan howlgal kusoo dilnay, ninkaas wuxuu ahaa nin khatar ku ahaa magaalada oo dhibaayo ku haayay” ayuu yiri guddoomiye Idiris Maxamed Cumar

Waxaa kale uu yiri “Ninka waxa uu ahaa nin aad u tababaran oo milatari ah 40 daqiiqo ayuu 50 askari la dagaalamay, wuxuu u galay meel god ah, laakiin ugu dambeyn waa la dilay”.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ninkaasi uu magaalada duleedka ku dilay wiil ay ilmo adeer ahaayeen, uuna ka qaatay qoraygiisa, sidoo kalena uu dhac ka gaystay Wanlaweyn.

“Magaalada ayuu dhac ka gaystay, kadib banaanka ayuu u baxay, isaga oo dilay wiil kale oo ay ilmo adeer yihiin, haddane wuxuu damcay inuu magaalada kusoo noqdo oo uu dil kale gaysto” ayuu mar kale yiri Idiris Maxamed Cumar.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ninkan uu halis ku ahaa qoyskiisa, gaar ahaan aabihiis oo uu sheegay inay ka badbaadiyeen, ugu dambeyna ay ku wareejiyeen maydkiisa.

“Aabihiis iyo waalidkii ayaa noogu yimid degmada oo waxaan wada joognay saldhiga waayo odeygu wuxuu yiri inta ma dhaafi karo ninkaan haddii uu i arko wuu i dilaayaa nin caasi ah waayay, aniga inta ma ka baxaayo anne halay xiro si kale kuma badbaadaayo” ayuu raaciyay.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Maydka waxaan ku wareejinay aabihiis, waxaana gacanta lagu hayaa qoraygiisii iyo qoray kale oo uu lahaa ninka uu dilay”.

DF oo qaaday tallaabo culus oo lagu soo afjarayo Shabaabka ku sugan…

0

Camaara (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgallo culus oo maanta ka socda aagga magaalada Camaara ee koonfurta gobolka Mudug, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka.

Howlgallada ayaa xoogooda waxa ay ka socdaan inta u dhexeysa deegaanada Camaara iyo Caad, halkaas oo ay weeraro kasoo abaabulaan xubnaha kooxda Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in ujeedka uu yahay ka hortegga weerarada Al-Shabaab kasoo qaadaan halkaasi, kuwaas oo u badan hoobiyeyaal.

Sidoo kale waxa ay saraakiisha intaasi kusii dareen inay ka war hayaan meelaha ku dhuumaaleysanaan maleeshiyada kooxda, balse ay soo afjari doonaan.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee laga dareemayo halkaasi.

Gobollada Dhexe ayaa waxaa haatan ka socda guluf ay iska kaashanayaan dowladda, Galmudug iyo dadka deegaanka, kuwaas oo dhul ballaaran looga saaray Al-Shabaab.

Reer Somaliland oo MUUSE BIIXI hordhigay xujo weyn kadib hadalkii kasoo yeeray

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo Axadii ka qeyb-galay aas qaran oo magaalada Gabiley loogu sameeyay marxuum Cabdinaasir Dahable ayaa halkaasi ka sheegay hadalo uu kusii hurinayo xiisadda Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa markaasi waxa uu sheegay in laga xisaabtami doono dilka marxuum Cabdinaasir Dahable, isagoo ka dhawaajiyay in dilka Dahable uu abuurayo colaad riiq-dheeraata oo u dhaxeysa Somaliland iyo Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Biixi ayaa waxaa ka dhashay fal-celin culus, ayada oo reer Somaliland hordhigeen xujo weyn oo la xiriirta dhulkii ay horey uga talin jirtay Somaliland ee hadda gacanteeda ka baxay.

Reer Somaliland qaarkood ayey ka daadagi weyday in xilligaan loo hub aruursado Soomaaliya, ayada oo xukuumadda Biixi uu lumiyay qeybo kamid ah Somaliland, kadib dagaalkii Laascaanood ee gacan ku haynteeda kula wareegtay SSC-Khaatumo.

Haddaba, sidee looga fal-celiyay arrinkaan?

Abwaan Careef: “Muuse ninkan maydka ah iyo Muqdisho oon waxba inagaga xidhnayn dabka ha inagaga ridine bal ka waran ciidankii qaranka iyo dhulkii lagugu wareejiyay isagoo dhan.”

Saleebaan Cusmaan Aadan: “Muuse dad waalan miyuu u warama ninkan adigu maadan soo cayrsan teeda kale waxa dad Laascaanood ku dileysan ma ilowdey malaha dad wareersan baa madax u tahay aanba waxba kala garan.”

“Marxuumka maydkiisa aad beenta ka dul sheegeyso iyo cunfiga aad abuureyso Muuse Biixi Cabdi waligaaba dad qalato baad aheyd shacabkii aad Laascaanood ku xasuuqdey baa aakhiro kugu dhawraya,” ayuu yiri Cabdi Deeq Cali Cilmi.

Aadan Barre: “Horta marka Hore alla ha unaxariisa ninka la dilay. Laakiin sanad kahor maanta oo kale waxaad si arxan darri ah kala sooc la’aan ah ulayneyseen markasta magaalada Laascaanood oo diidanaa xukunkiinna sababta ay ku diideenna ahayd madax jibis joogta ah intaas lama socotiin.”

Somaliland oo ku dhex luntay Muqdisho iyo Addis Ababa iyo Biixi oo wajahaya weji gabax

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Somaliland ayaa ku dhex luntay Muqdisho iyo Addis Ababa tan iyo 1-dii Janaayo ee sanadkaan, markaas oo hoggaamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu heshiis la galay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Heshiiskaas oo Hargeysa isku deyday inay ku bixiso qeyb kamid ah biyaha Soomaaliya. Maalintii uu heshiiska dhacay kadib mowduuca wuxuu isku beddelay Itoobiya iyo Soomaaliya ama labada dowladood ee fadhiya Muqdisho iyo Addis Ababa.

Dowladdaha caalamka ee heshiiskan ka hadlaya ama saxaafadda faaqideysa waxay dhamaan ka hadlayaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Abiy Axmed. Halkan kuma jiraan Muuse Biixi ama Somaliland.

Mareykanka marka ay ka hadlayeen heshiiskan, waxay sheegeen in gobolka Waqooyi ee Soomaaliya ee hadda loo yaqaano Somaliland inuu weli ka tirsan yahay Soomaaliya, qadiyadda badduna ay ka dhaxeyso Soomaaliya iyo Itoobiya.

Si lamid ah waxa intaasi yiri Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo dowladaha waaweyn ee ka hadlay heshiiskan.

Illaa hadda majiro dal heshiiskan waxyar oo taageero ah u muujiyay, Itoobiyana wuxuu ka lumiya garbihii siyaasadda arrimaha dibadda.

Marka laga hadlayo heshiiskan, sababta uusan caalamka usoo hadal qaadeyn Somaliland waa sharciyadda. Adduunka gobol waa kaalmeyn karaa, laakiin marka ay timaado qadiyaddaha sidan u waaweyn waxay istaagan boos u qalma dowlad ahaantooda, oo aan dhaawaceyn sharciyadda qoran ee caalamka.

Lama fileynin heerka fal-celinta ee Soomaaliya. Muqdisho ma aanay daahin diidmadeeda. Taas oo dib u durjisay dalalkii laga yaabi lahaa inay Itoobiya taageero u muujiyaan.

Muuse Biixi inkasta uu dhowr jeer ka hadlay heshiiska uu saxiixay ee muranka badan dhaliyay, haddana dhamaan dalalka daneynaya mowduucan marna ma xiggan hadalka Biixi, mana soo hadal qaadin, taasi oo dharbaaxo ku dhufatay maamulkan 33 sano raadinayay inay aduunyadda aqoonsato.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu taas caksigeeda kor usoo kacay dhowr darajo xagga siyaasadda arrimaha dibadda, wuxuuna kale uu keenay dowladdo waaweyn oo heegan u ah inay Soomaaliya waqtiga adag garab istaagan. Waxaa kamid ah Turkiga.

Inkasta oo Ankara aanay hadda u xaydneyn inay dagaal la gasho Itoobiya, haddana heshiiska ayaa ilaalin faraya, Soomaaliya-na inta la jiitamayo waxay dhisan kartaa ciidan baddeed, iyada oo hub fiicana u heli karta, maadaama laga qaaday cuna-qabateyntii hubka.

Dhawaan wareysi uu bixiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu siiyay Wakaaladda wararka ee Reuters ayuu ku sheegay inuu dalkiisa is-difaaci doono haddii ay Itoobiya isku deydo inay xoog ku dhaqan-galiso heshiiskan, taasi oo hordhac u ah inuu dagaal saddexaad dhex-mari karo labada dal, haddii Addis Ababa tijaabiso inay xoog ku qaadan karto biyaha deegaanada Saylac iyo Lughaya ee Waqooyiga Soomaaliya.