24.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 24, 2026

Xasan iyo Abiy oo dhowaan kasoo wada muuqan doona…

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kamid ah madaxda caalamka ee ka qeyb-gali doonta shirka Qaramada Midoobay ee arrimaha deeganka oo shalay ka billowday Nairobi.

Waxaa shirkaan sidoo kale qeyb ka ah madaxda ku casuuman ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, oo labadii billood ee u dambeysay ay xiisad xooggan kala dhaxeysay Soomaaliya, kadib markii uu heshiis is-afgarad la saxiixday Muuse Biixi 1-dii Janaayo ee sanadkaan.

Sidoo kale, madaxweynayaal iyo in ka badan shan kun oo wakiilo ah oo ka kala socda dowladdo, bulshada rayidka ah iyo shirkaddo gaar ah ayaa ka qeyb-gali doona shirkan oo socon doona illaa 1-da bisha Maarso.

Waa shirkii lixaad ee arrimaha deegaanka ee Qaramada Midoobay, xilli isbadalka cimilada iyo wasakhowga hawadu ay sii dhaawacayan noolaha.

Shirkan ayaa maalintii shalay aheyd si rasmi ah u furmay laakiin madaxweyne Xasan Sheekh, Abiy iyo dhammaan madaxda sare ee caalamka ayaa la filaya inay yimaadan marka la gaaro heerka madaxweynayaasha.

Shirkan caalamiga ah ayaa ka dhacaya xarunta UNEP ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Xasan iyo Abiy ayaa tan iyo markii ay xiisadda ka dhex qaraxday kasoo wada muuqday dhowr shir oo caalami ah, ayada oo ugu dambeeyay midkii ka dhacay Addis Ababa ee Midowga Afrika, hase yeeshe taasi waxba kama beddelin xiisadda labada dhinac oo xilligaan mareysa meeshii ugu sarreysay.

Soomaaliya ayaa sida muuqata dagaalka diblumaasiyadeed ee xiisadda taagan uga adkaatay Itoobiya, oo ayadu ku kacday xad-gudub bareer ah oo dhanka ah, wallow ay weli ku adkeysanayso heshiis beenaadkii Addis Ababa ee Itoobiya ku dooneyso qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

Dacwada Sayid Cali oo lasoo gaba-gabeeyey iyo xukunka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa shalay soo gaba-gabeysay dhageysiga dacwada loo heysto eedeysane Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ku eedeysanaa in uu gubay Xaaskiisa Alle ha u naxariiste Luul oo u dhimatay dhaawacii kasoo gaaray.

Marqaatiyaal uu keenay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa la horkeenay maxkamadda, kuwaasi oo ka jawaabay wixii ay goobjoog u ahaayeen ama maqleen ee la xiriira kiiskaan xasaasiga ah.

Maxkamadda ayaa dhageysatay oo su’aalo waydiisay Sayid Cali Macallin Daa’uud, waxa uuna sheegay in xaaskiisa sababta uu u gubay inay tahay maseer darteed, islamarkaana murankii ka dhashay uu keenay dabka in uu qabad siiyo guriga balse waxaa uu ku dooday ujeedkiisu in uusan aheyn in uu dilo xaaskiisa.

Sayid ayaa isaga oo ka jawaabaya mid ka mid ah su’aalaha ay maxkamadda weydiisay ayaa waxa uu sheegay inuu jeclaa xaaskiisa Allaha u naxariiste, uuna soo dhex-galay muran galaaftay nolosheeda, isagoo ku cel-celiyay in uusan kas u dilan, sida uu maxkamadda kahor sheegay.

”Xaaskeyga waan jeclahay, waxaan na dhexmaray muran, waxaa ay igu tiri nin kale ayaan guursanaya ee iska keey fur anna waan xanaaqay nafto ayaan soo gatay, waana ku gubay qol alaabta taalay ayada ayaana gashay dabka lakiin jn aan badbaadiyo ayaan isku dayay.”

Xeer ilaaliye ku-xigeen Yaxye Maxamuud Saciid oo soo gaba-gabeeyay doorka xafiiska ee dacwad oogista ayaa ka codsaday maxkamadda in lagu xukumo dil toogasho ah oo ah qisaasta Luul Cabdicasiis.

“Waxaan Maxkamadda ka codsanayaa in dil toogasho ah ku xukunto, kaasi oo ah qisaasta Luul Cabdicasiis,” ayuu yiri Yaxye Maxamuud Saciid oo ah Xeer ilaaliye ku-xigeenka.

Abuukaate Xalane oo ah qareenka difaacayay eedeysanaha, ayaa dhankiisa qaba in uusan dambiile aheyn Sayid Cali, islamarkaana uusan galin dambiga loo maxkamadeynayo, sida uu maxkamadda kahor sheegay.

”Madaama aysan jirin cid si dhab ah u cadeyn karta, Luul ayada ayaa is-gubtay, waxaana codsanayaa in eedda xafiiska ceer ilaaliyaha la bur-buriyo,” ayuu yiri qareenka u doodaya Sayid Cali.

Ugu dambeyntiina guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud Sabaan ayaa sheegay in dacwadda uu soo gaba-gabeeyay xukunkana ay dhawaan soo saari doonto maxkamadda.

“Maanta waxaan soo xirnay gal dacwadeedka sumadiisa tahay, 147/2024, waxaana dhawaan soo saari doona xukunka go’aanka maxkamadda,” ayuu yiri guddoomiye Saalax Sabaan.

Maxkamadda ayaa waxaa shalay soo xaadiray boqolaal qof oo daneynayay sida kiiskan xasaasiga ah ay dacwaddiisa u socoto iyo weliba eheladda Luul, ayada oo warbaahinta toos looga daawanayay.

Shirkadda DAAUUS oo ka digtay xafaayad laga copy gareeyey xaafayadda NUNA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda Daauus ee dalka keenta xafaayadda NUNA ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay shacabka uga digtay xafaayad been abuur iyo minguurin ah oo loo ekeysiisay NUNA oo dalka la keenay. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka

Waxaan war-saxafadeedkan rabnaa inaan Macamiisha Sharafta Leh ee Shirkadda DAUUS iyo dhammaan dadweynaha Somaliyeed kula wadaagno dhacdo wacyi- gelin iyo digniin isugu jirta.

Waxaa maanta amar kasoo baxay Wasaaradda Ganacsiga Somaliland lagu joojiyay konteenar Lambar MEDU8987320 oo siday ugu yaraan 2,000 Kaartoon oo xafayadood oo musayif ah, loona soo ekeysiiyay nooca xafaayadda caanka ku ah tayo wanaaga ee NUNA.

Xafaayada musayif-ka ah waxaa keentey Shirkadda OMAAR kana soo dejisey Dekedda Berbera, xafaayadan musayif-ka waxaa loo soo ekeysiiyey NUNA.

Shixnaddan oo ah konteenar hormaris ah ayaa lagu joojiyay Dekedda BERBERA, markii lagu fuliyay amar warqad si rasmi ah ugu soo baxday Wasaarada Ganacsiga Somaliland iyadoo sidaana looga hor-istaagay in dalka intiisa kale badeecaddas musayifka ah gudaha usii gasho.

Dhacdadan waa middii labaad oo muddo labo bilood gudahood ah lasoo daristay Shirkadda DAUUS, iyadoo sidaan oo kale bishii December, 2023 loogu joojiyay gudaha Dekedda BOSAASO – Puntland , badeecad loo soo ekeysiiyay xafaayadda caanka ah ee NUNA.

Haddaba, waxaa nasiib darro ah, in maanta cidda falkan gurracan ee diinta iyo dhaqanka ganacsigaba khilaafsan ku kacday kuna lug-leh ay tahay – Shirkadda OMAAR oo ah Shirkadweyn aadna looga yaqaano deegaanada Somaaliyeed oo dhan.

Dhammaan macaamiisha NUNA, waxaanu ogeysiineynaa in Dauus marnaba oggolaneyn alaab musayif ah oo shirkad kale keento oo loo soo ekeysiiyo alaabteena tayada wanaagsanlagu bartay.

Shirkadda OMAAR waxaynu hawada u marineynaa farriintan:

1. Waxaad tahay Shirkad weyn, lehna magac dheer , looma baahna inaad inaad la soo suuqtagto badeecad loo soo ekeysiiyay midda Shirkadda DAUUS, idinkoo sidaa ku jabinaya sharciyada ganacsiga adduunka & kii dalka u yaalay.

2. HABAQIN: waxaan idinku dhiirri galineynaa inaad keensataan xafaayad magaciinu ku daabacan yahay, naqshad idiin gaar ahna leh. Suuqa ganacsigu waa furan yahay ee tartanka suuqa si nadiif ah ugu soo dhawaada.

Mucaaradka Dowladda oo sabab yaab leh uga dhuuntay heshiiska difaaca badda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mucaaradka dowladda Xasan Sheekh ayaa si weyn u qeyla-dhaamiyay soddankii cisho ee lasoo dhaafay. Waxay ka hadlayeen howsha dastuurka ee uu guda-galay baarlamaanka Soomaaliya.

Waxay sheegayeen inay jirto mudnaan kale oo taas ka horreysa, waxyaabaha ay farta ku fiiqayeen waxaa kamid ahaa difaaca badda.

Qaarkood si adag ayay arrinta badda uga hadleen billowgeedii hore, sida; Xasan Cali Kheyre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, kuwaasi oo adeegsaday ereyadii ugu adkaa ee xubnaha mucaaradka u adeegsadaan Itoobiya.

Warsame isagu weli wuxuu u muuqda mid mowduuca Itoobiya waqti badan gelinaya, isaga oo bixinaya tallooyin wax ku ool ah, laakiin asbuuc kale oo arrinta badda ay ka hadal mudneyd ayaa soo maray Soomaalida, waana heshiiska difaaca badda ee dhex-maray Soomaaliya iyo Turkiga.

Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh oo dhowr jeer loogu baaqay inay raadsato difaac baddeed dibadda ah ayaa ajiibtay codsigaas, waxayna sadaro cusub ku dartay heshiis ay Turkiga muddo fog rabeen.

Soomaaliya ayaa toban sanno gudahood loo dhisi doona ciidan baddeed ku filan baddaheeda, waana loo qalabeyn doona.

Turkiga wuxuu tobankaas sano ilaalin doonaa biyaha Soomaaliya, isaga oo ka ilaalinaya kalluumeysiga sharci darrada ah, argagixisada, burcad badeedka, in sunta lagu shubo iyo fara-gelinta ajnabiga kale, isaguna saami ayuu ku yeelan doonaa dhaqaalaha kasoo baxaya biyaha Soomaaliya.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa si weyn usoo dhaweeyay heshiiskan, laakiin siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa ka kala dhuuntay soo dhoweyn iyo diidmo labadaba.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa isweydiiyay sababta ay heshiiskan uga dhuunteen xubnihii waayadan looga taag-waayay walaaca dastuurka ee dowladda ugu baaqaayay inay mudnaan siiso difaaca badda.

Aamusnaanta xubnaha mucaaradka ee heshiiska Turkiga iyo Soomaaliya ayaa waxaa loo kala qaaday laba qeybood, kuwaasi oo kala ah;

1. Xog la’aanta heshiiska

Qaar kamid ah mucaaradka ayaa la sheegaya in aanay weli faham fiican ka helin heshiiskan. Iyada oo xogta heshiiska ee bulshada lala wadaagay ay aad u kooban tahay, ayaa mucaaradka qaar uga aamuseen arrintaan inay faham badan ka haysan heshiiska.

Qofka siyaasiga ah inuu iska hadlo ogaal la’aan sax ma ahan, waxaana macquul ah in qaarkood weli raadinayaan inay heshiiska fahmaan.

2. Qolo diidan dhibcaha madaxweyne Xasan

Xubnaha mucaaradka qaarkood heli kara heshiiska fahamsana waxa ku dhex jira ayaa la aaminsan yahay inay hoos iskaga dhigayaan iyaga oo u jeeda inuu yahay mid wax badan u dhalaaya nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh iyo muddo xileedkiisa.

Qoloda dambe waxaa lagu sifeyn karaa rag ay iskaga qaldan tahay danta dalka iyo colaada ay u qabaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Difaaca biyaha Soomaaliya wuxuu saaran yahay qof walba oo Soomaali ah, si gaar ah xubnaha tallada haya, kuwaasi oo haddii muddo xileedkooda la qaato qeyb dalka kamid ah ay ku noqon doonto taariikh madow oo aan weligood ka harin.

Danaha Turkiga ugu jira heshiiska difaaca badda ee Soomaaliya oo xog laga helay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa dhawaan kala saxiixday heshiis iskaashi oo ku saabsan dhinacyada difaaca iyo dhaqaala, kaas oo hadda laga helayo xog cusub oo ku saabsan danaha ugu jira Turkiga.

Dadka Soomaaliyeed waxay ogaayeen in Soomaaliya ay xiisad culus kala dhaxeyso Itoobiya oo cadeysatay damac waalan oo badda Soomaaliya ay ku dooneyso, balse waxaa la ogaaday dan kale oo Turkiga ugu jirta heshiiskaas.

Muddooyinkii dambe waxaa soo kordhay weerarro ay badda Cas ka geystaan Xuutiyiinta ka dagaalanta dalka Yemen, kuwaas oo carqaladeeyey marinka muhiimka ah ee Baabul-mandab, Turkiga oo taas ka duulaya ayaa dedejiyey heshiiskaan.

Saraakiil Turki ah ayaa warbaahinta caalamka u dusiyey xogtaan sheegaysa in Turkiga ay ka go’antahay inuu farogeliyo xiisadda marinka badda Cas, isla markaana uu joojiyo weerarrada ganacsiga caalamka dhan saameeyey ee Xuutiyiiinyu u geysato Maraakiibta isticmaasha badda Cas.

Muddo lagu qiyaasay 10 cisho ayaa lagu diyaariyey heshiiska difaaca ee Soomaaliya iyo Turkiga, waxaana dhawaan ansixiyey baarlamaanka Soomaaliya, iyagoo aan akhrin, waxaana la is weydiinayey hadii Soomaaliya laga difaacayo cadow dibadda ah danta ay Turkidu ku qabto heshiiskaas.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, heshiiskaas markii hore waxaa dalbatay dowladda Soomaaliya bishii Janaayo, muddo kooban ayuu ku soo jawaabay Turkiga oo markii horaba naawilayey inuu farogeliyo xiisadaha gobolka iyo marin biyoodka badda Cas.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa la sheegay in wasiirradiisa gaashaandhigga iyo arrimaha dibadda uu amray in heshiiskaas ay si dhakhsi ah u diyaariyaan, iyagoo kaashanaya masuuliyiinta Soomaaliya oo wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya uu ugu horeeyo.

Sida la ogyahay Turkiga ayaa xiriir dhow la leh Itoobiya, si lamid ah Soomaaliya, balse waxaa la rumeysan yahay in Soomaaliya uu ka dhex arkay dano ka badan kuwa uu ku heysto Itoobiya, wax walbana waxay u dhaceen sidii loo qorsheeyey oo Soomaaliya markii horaba waxay aad u rabtay garab ka difaaci kara damaca Itoobiya.

“Ciidamada Turkiga waxay isku dayi doonaan in ay gacanta ku dhigaan guud ahaan Gacanka, iyagoo gobolka farogelin rasmi ah ku samaynaya, taas oo ay ka dhallan karto xuduudo qariiradeed oo isbeddela, maan-galnimada arrintana meesha kama maqna,” ayay saraakiil amni oo Turki ah u sheegeen Telefushinka AlJazeera.

Heshiiska Difaaca iyo Iskaashiga Dhaqaalaha inta laga ogyahay waxuu dhigayaa in 10 sano baddaha Soomaaliya ay ilaalin doonaan ciidamada Turkiga, wuxuu kale oo heshiiskaas uu dhigayaa in labada dal ay ka faa’iidaystaan kheyraadka badda, qorsheynta iyo hirgelinta hawlgalada cirka, dhulka, iyo badda.

Sidoo kale waxaa heshiiskaas ku jira ‘dhismaha maraakiibkta, hawgelinta dekadaha, samaynta habraacyada sharci ee lagama maarmaanka u ah arrimahaan, midaynta sharciyada socdaalka badda ee labada dal, qaadida tallaabooyin hal dhinac ah iyo kuwo wadajir ah, si loola dagaalamo dhammaan noocyada khatarta ka jira badda Soomaaliya.

Waa ayo maleeshiyada Fano ee khatarta ku haysa xukunka ra’iisul wasaare Abiy Ahmed?

0

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa shalay weerar culus ku qaadday kooxda maleeshiyada Fano ee ku sugan waqooyi-galbeed gobolka Amhara. Wararka gudaha laga helayo ayaa sheegaya in tiro rayid ah ay dagaalka ku dhinteen. Dowladda ayaan weli ka jawaabin sheegashadaas.

Dhanka kale, hay’adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Amnesty International ayaa maanta ciidamada ku eedeysay inay rayid ku dileen magaalada Bahir Dar, oo ah caasimadda gobolka Amhara, xilli ay la dagaallamayeen Fano.

“Saameynta xuquuqda bani’aadamka ee dagaalka gobolka Amhara ayaan si shaac ah usoo bixin sababo la xiriira internet-ka oo gaabis ahaa, isgaarsiinta oo qeyb ahaan go’neyd iyo bandow jiray taasoo saameyneysa xorriyadda hadalka iyo warbaahinta iyo cabsi laga qabo aargoosi,” ayay hay’addu ku tiri warsaxaafadeedkeeda.. Dowladda ayaan ka jawaabin eedeymahan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in tan iyo toddobaadkii hore, uu socday dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo maleeshiyada Fano kuna dhex marayay qeybo kala duwan oo gobolka ah. Waxay sheegeen in dagaal culus uu ka socday meelo badan sida Gojam, North Showa, South Wolo, Gondar, Marawi, South Mecha, Quarit, Sekala, Dega Damot, Antiochia Gemza, Showa Robit iyo Lalibela, isla markaana waddooyinka la xiray.

Taariikhda dagaal ee kooxdan ee gudaha Itoobiya

Kacdoonka kooxda Fano ee gobolka Amhara haatan waa mid ka mid ah khataraha amni ee ugu waaweyn ee saameynta ku leh Itoobiya.

Bishii November ee sanadkii tegay ayay ahayd markii uu dagaal ka qarxay magaalada taariikhiga ah ee Lalibela, iyadoo ciidamada dowladda iyo kooxdan Fano ay isku dhaceen, sida ay dadka deegaanka xilligaas sheegeen.

Lalibela ayaa hoy u ah kaniisadaha Qarnigii 13aad eel aga diwaan geliyay hay’adda QM ee Unesco.

Fano, oo ah maleeshiyo ku sugan deegaannada ku hareereysan gobolka Amhara, ayaa la dagaallameysay ciidamada Itoobiya tan iyo markii lagu amray inay hubka dhigaan.

Gobolka Amhara ayaa ubuc dagaal u ahaa maleeshiyada Fano iyo militariga muddo bilooyin ah.

Dowladda raysal wasaare Abiy Ahmed ayaa bandow lix bilood ah kusoo rogtay gobolka horraantii August iyadoo isku dayeysay in dagaalka la joojiyo.

Tan ayaa u oggolaatay dowladda inay dib u hanato magaalooyinka waaweyn oo ay ku jirto Lalibela oo ay la wareegtay Fano.

Ciidamada federaalka iyo kooxdan maleeshiyada ah ayaa markii hore ku bahoobay la dagaallanka ciidamada Tigray ee waqooyiga Itoobiya, kuwaasoo dowladda kacdoon ku bilaabay sanadkii 2020.

Dagaalka ayaa kusoo idlaaday in heshiis nabadeed la kala saxiixdo sanadkii hore kaasoo u dhaxeeyay dowladda Itoobiya iyo ciidamada Tigray.

Xiisad ayaa ka dhex bilaabatay Fano iyo dowladda Itoobiya kadib markii dowladdu ay ku amartay kooxda inay ku biiraan militariga.

Xoogaggan ku sugan Amhara ayaa sheegay in go’aanka dowladda uu gobolka ka hor istaagi doono inuu iska caabbiyo khatar walba oo mustaqbalka soo wajahda.

Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Itoobiya ayaa sheegay in ilaa 3000 oo qof ay guryahooda ka barakaceen tan iyo waagaas markuu dagaalku billowday.

Maxay yihiin maleeshiyada Fano?

Fano waxay ka dhigan tahay koox dhalinyaro hubeysan, oo kasoo jeeda gobolka Amhara, kuwaasoo ku lug leh difaaca bulshada.

Waa maleeshiyo ciidankeeda ka dhex qorata bulshada, iyadoo ka codsata inay si iskaa ah ugu soo biiraan. Waxay xulafo la ahayd ciidamada federaalka intii uu socday dagaalkii gobolka Tigray balse xiriirka labada dhinac ayaa xumaaday kaddib markii maleeshiyadu ay dowladda ku eedeysay inay isku dayeyso wiiqidda gobolka iyo iska cababintiisa gobollada deriska ah, eedyentaasoo ay dowladdu beenisay.

Si kastaba, asalka magaca kooxda ayaa dib loo raaci karaa qarniyo, luqadda Amharic marka la eegana waxay ka dhigan tahay ‘qof iskiis isu abaabulay’ ama ‘koox ciidan hoggaan la’aan ah oo aan cidna ka amar qaadan.’

Qarniyadii hore, Fano waxay il muhiim ah oo ciidan u ahayd hoggaamiyeyaasha gobolka, waxaana loo wacan jiray marka loo baahan yahay si ay u dagaallamaan.

Qarnigii 20aad, Fano ayaa waxaa sidoo kale adeegsaday maamulkii Haile Selassie si uu isaga caabbiyo duullaankii Talyaaniga intii u dhaxeysay 1936-41.

Markii sanadkii 2018, uu talada dalkaasi qabsaday raysal wasaare Abiy Ahmed, Fano ayaa kaoso horjeesatay iyadoo tabaneysay inaan wax laga siin awood-qeybsiga siyaasadda. Tan ayaa horseedday dibadbaxyo ka dhaca gobolka oo ay dhalinyaro horkacayeen.

Ilaa iyo haatan kooxda Fano ayaa xiriir wanaagsan la leh bulshada gobolka Amhara, maaddaama aaminaadda lagu qabo dowladda federaalka ee gobolku ay sii yaraaneysay, kooxdana loo arkayay inay bulshada difaaceyso.

Isha: BBC

Sawirro: Aadan Madoobe iyo safiirka QATAR oo kulmay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa Villa Hargeysa ku qaabilay danjiraha dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Amb. Dr. Abdalla bin Salim Al Nuceymi.

Kulanka Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan iyo danjiraha ayaa looga hadlay xiriirka labada baarlamaan iyo wada-shaqeyntooda, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska Guddoonka Golaha Shacabka.

Sidoo kale waxaa looga hadlay sidii dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar ay kaalin uga qaadan laheyd aqoon kororsiga Xildhibaanada iyo howl-wadeennada Golaha Shacabka.

Sidoo kale waxaa uu guddoomiyuhu xusay in dowladda iyo shacabka Qatar ay kaalin weyn ka soo qaateen dib u dhiska dalka, xilli ay dhawaan labada dhinac heshiis is-afgarad ku kala saxiixdeen magaalada Dooxa ee caasimada dalkaasi.

Heshiiskan oo salka ku haya dhinaca sharciga ah ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, maadaama dood xoogan ay ka taagan tahay dhameystirka dastuurka oo uu ku howlan yahay baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Is-afgaradkaas ayaa sidoo kale ka turjumaysa danaha labada waddan ee is-weydaarsiga macluumaadka iyo khibradaha qaabka diyaarinta, qorista iyo daraaseynta qabyo-qoraallada heshiisyada iyo heshiisyada is-afgaradka.

Si kastaba, Qatar ayaa kamid ah dalalka carbeed ee sida u dhow u taageera Soomaaliya, waxayna sidoo kale dalka ka fulisaa mashaariicyo kala duwan oo horumarineed.

Daawo: Nin iyo haweeney walaalo ah oo si argagax leh u dilay ganacsade caan ahaa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhacdo argagax leh ayaa galabta mar kale ka dhacday suuqa degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, kadib markii gabar ganacsato ah ay Toorey ku dishay ganacsade kale oo deris la ahaa.

Maxamed Axmed Cabdiraxmaan (Biriq) ayaa lagu magacaabaa ganacsadaha la dilay, waxaana la sheegay inay isku dhaceen haweeney deris la aheyd oo ganacsato kale ah, khilaafka labada qof ayaa soo jiray maalmo badan.

Ganacsade Maxamed Biriq oo dacwo ka ah haweeneyda galabta Tooreyda ku dishay ayaa la sheegay in maalmo ka hor uu tegay saldhigga booliska degmada Wadajir isagoo dacwo ah, booliska ayaa ku soo baxay khilaafkaas, waxayna isku dayeen inay xaliyaan.

Haweeneyda ayaa galabta u yeeratay walaalkeed, kaas oo u soo gurmaday walaashiis, garmahana ka qabtay ganacsade Maxamed Biriq, iyadoo wadata Toorey ayaa la sheegay inay la dhacday ninkii ilaa uu ka geeriyooday, sida ay Caasimada Online u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Ehellada marxuumka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hadda la hayo oo gacanta booliska ay ku jiraan labadii walaal ee dilay marxuumka, kuwaas cadaalad sugayaal ah.

Sidoo kale, ehellada ayaa galabta cadeeyey in meydka aysan aasa doonin ilaa cadaalad ay ka helaan, isla markaana ay geliyeen qaboojiyaha Isbitaalka Madiina.

Dilalka noocaan ayaa maalmahaan ku batay Muqdisho, sidoo kale waxaa badan dadka is dilay ee aan la aasin ee weli ku jira qaboojiyaha, kuwaas oo lala sugayo in lala aaso qofkii dilay, Luul Cabdicasiis oo ninkeedii uu dilay ayaa ka mid ah meydadka weli ku jira qaboojiyaha.

Dhawaan waxay ehelkiisu aasteen macalin iskuul oo muddo 11 cisho ah qaboojiye ku jiray, balse waxaa baxsaday oo la waayey ninkii dilay, halka maxkamadeynta ninkii gubay Luul Cabdicasiis maanta loo fadhiyey, welina aan go’aan laga gaarin xukunkiisa.

Hoos ka daawo

Taliyaha booliska Heliwaa oo loo xiray dilkii ganacsade Abuukar Axmed Kaabax – Xog

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha booliska degmada Heliwaa iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa ayaa loo xiray eed la xiriirtay inay ku lug-yeesheen dilka ganacsade Abuukar Axmed Kaabax oo Khamiistii hore meydkiisa laga helay deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho.

Saraakiil sare oo booliska ka tirsan ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in Taliye Cabdifitaax Qoslaaye iyo askar ilaalo u aheyd ay ku xiran yihiin xarunta dembi baarista booliska Soomaaliya ee CID, isla markaana ay ku socdaan baaritaan la xiriira tuhunka loo soo xiray.

Ganacsade Abuukar Axmed oo ahaa wiil dhalinyaro ah ayaa goor habeen ah laga afduubtay degmada Heliwaa, xilli uu u sii hoyaadayey gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Waxaracadde, waxaana lagu watay gaarigiisii.

Subixii Khamiista ayaa meydkiisa laga helay deegaanka Garasbaaley, gaarigiina waxaa laga helay goob kale, waxayna boolisku sheegeen inay ku raad-joogaan raggii dilay wiilkaas.

Afhayeenkii xilka laga qaaday ee booliska Soomaaliya Sadiiq Doodishe, waxbixintii booliska ee toddobaad-laha aheyd wuxuu ku sheegay in la ogaaday ragga dilay Abuukar, balse xiligaas ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah.

Hadda waxaan ogaanay in kiiskaas loo soo xiray taliyihii saldhigga booliska degmada Heliwaa Cabdifitaax Qoslaaye oo askar kale oo ilaalo u aheyd, kuwaas oo lagu eedeeyey inay wax ka ogaayeen dilka ganacsade Abuukar Axmed, waxaana booliska laga sugayaa natiijada baaritaanka socda.

Allaha u naxariistee ganacsade Abuukar wuxuu ka shaqey jiray sarifka lacagaha, wuxuu ahaa aqoonyahan wax ku soo bartay dalka dibadiisa, wuxuuna ku qanacsanaa in dalkiisa uu ka shaqeysto, balse rag aan weli la shaacin cidda ay ahaayeen iyo waxa ay ku heysteen ayaa afduubtay oo dilay.

Tan iyo markii uu soo baxay tuhunka la xiriira in booliska degmada Heliwaa uu ku lugyeeshay dilka ganacsade Abuukar, waxaa isisoo taraya hadalheynta dadka reer Muqdisho oo aad ula yaaban in ciidamadii u xilsaaraa inay ilaaliyaan amniga muwaadinka ay afduubteen, kadibna dileen.

DF oo qaaday tallaabo culus kadib arrintii ay sameysay SOMALILAND ee hawada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo culus, kadib markii ay Somaliland khal-khal gelisay diyaarado marayay hawada dalka.

Soomaaliya ayaa hadda wax ka beddeshay habka isgaarsiinta ee lagula xiriiro diyaaradaha maraya hawada, gaar ahaan Somaliland, sida ay shaacisay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Marwo Fardowso Cigaal.

Marwo Fardowso ayaa sheegtay inay tallaabadan u qaadeen sababo la xiriira hubinta bad-qabka hawada, ayada oo xustay in meel kale aan amar laga siin karin diyaaradaha, islamarkaana ay awood buuxda u leeyihiin maamulka hawada ee dalkeenna.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa hadda ka guurtay isgaarsiintii hore ee ay haysato Somaliland, taasi oo dhowr mar u suurta-galisay inay xiriir la sameyso diyaaradaha hawada ku jira.

“Waxaa jira Mitigation Step wax la yiraahdo oo illaa 4-3-5, haddaba inta aad adiga gaarsiin karto oo maalinba tallaabo gaar ah aad qaado, tallabadii ugu horeysay oo aan qaadnay waxay ahayd nootamyadii la diray iyo communication-kii,” ayey tiri wasiiradda.

Sidoo kale waxay intaasi kusii dartay “Mobiladii niiclaha oo ay haysteen kii ka horumarsanaa (advanced) aan u guurnay, adduunkana u sheegnay ku niri nidaamkaas ayaa u guurnay, diyaaradahana u sheegnay in aysan dhageysan oo ay inagu si toos ah inoola soo hadlaan.”

Maalmo kahor ayey aheyd markii khatar shil diyaaradeed ay ka dhacday hawada Soomaaliya, ka gadaal markii isku cabir lagu hagay oo amarro khaldan la siiyey diyaarado ay lahaayeen shirkadaha Qatar Airways iyo Ethiopian Airlines.

Labadaas diyaaradood oo rakaab sida ayaa ka soo kala duulay magaalooyinka Addis Ababa iyo Doha, waxayna u kala socdeen Kampala, Uganda iyo Dubai, Imaaraadka, waxayna khatartaas ku galeen hawada gobollada waqooyi.

Sida ay horey u baahisay Caasimada Online, labadaas diyaaradood oo ku kala socday labo qad ayaa la isku hagay, waxaana la isugu keenay hal qad si ay isugu dhacaan, balse waxay ku kala badbaadeen daqiiqado aad u yar.

Amarka qaldan ee khatarta geliyey diyaaradahaas waxaa naloo sheegay in laga siiyey Hargeysa, balse diyaaradaha ayaa bixiyey digniinaha khatarta muujiya, waxayna labada duuliye ku guuleysteen inay kala badbaadiyaan diyaaradaha rakaabka badan siday.

Daawo: MADAALE oo reer Muqdisho ka dalbaday inay jeebka furaan hal sabab darteed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa maanta dalab cusub u direy shacabka reer Muqdisho, xilli uu dhagax dhigayay dhismaha waddo cusub.

Guddoomiye Madaale ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha wadada laamiga ee Isgoyska Towfiiq illaa Miisaanka Dhuxusha ee Degmada Yaaqshiid.

Munaasabadda Dhagax-dhiga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka, guddoomiyaha degmada Yaaqshiid, odayaasha dhaqanka, haweenka, ardeyda iyo qeybaha kala gedisan ee bulshada degmada Yaaqshiid.

Guddoomiye Madaale oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa bulshada reer Muqdisho ka dalbaday inay jeebkooda furaan, si buu yiri wax loogu qabto oo loo sii laba-laabo horumarada ka socda caasimada dalka ee magaalada Muqdisho.

“Jeebka hala furo (reer Muqdishow) haddii qof kasta uu hal dollar bixiyo waxaan ballan-qaadeynaa in magaalada oo dhan aan wada laami ka dhigno,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale.

Waxa uu intaasi kusii daray “Waxaan rabnaa Ardeyda in aysan guriga kasoo tegin oo hooyada iyo aabaha faraqa uga dhagaan ee yiraahdan hal dollar dalkaaga ku dhiso oo horta ku tuur markaasa iskuulka aadaya.”

Guddoomiye Madaale ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay haddii ay dadka reer Muqdisho u kicin horumarka iyo billicda magaaladooda, si ay ula tartanto caasimadaha dhiggeeda, xilli ay bulshada reer Muqdisho bixiyaan canshuur ugu badan ee dowladda.

“Jeebka haddaa gadaal ka xirto oo guluuska ku dhuujiso oo tiraahdo wax ha la ii qabto cid wax ku qabaneysa ma jirto. Adigana jeebka fur, gabadhana boorsada ha furto oo aan wax isku keeno haddii Ilaahay yiraahdo.”

Hoos ka daawo muuqaalka

Sawirro: Xamza oo kulankii u dambeeyay la qaatay safiirka TURKIGA kadib markii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta kulan saagootin ah la qaatay safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya.

Danjire Ibrahim M. Yagli ayaa si rasmi ah u soo afmeeray shaqadii diblomaasiyadeed ee uu u joogay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa uga mahad-celiyey Danjiraha muddadii uu ka howl-galayay Soomaaliya kaalintii uu ka qaatay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Safiirka sii baxaya ee Turkiga Amb. Ibrahim M. Yagli oo dhankiisa ka hadlay kulanka ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sidii wanaagsaneyd ee ay dowladda Soomaaliyeed iyo shacabka ugu garab istaageen gudashada waajibaadkiisa.

Mudane Xamza ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay tahay saaxiib dhab ah oo is-garab taagay Soomaaliya xilliyo adag oo ay soo martay iyo hadda oo lagu soo xad-gudbay Qarannimada iyo Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa dhawaan gaaray heshiis difaac, kaasi oo dhaqan-gal noqday kadib markii ay meel-mariyeen Golaha Wasiirrada Soomaaliya iyo labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Heshiiska difaac ee Soomaaliya ay la saxiixatay Turkiga ayuu madaxweynaha Soomaaliya ku tilmaamay mid Soomaaliya gaarsiin doona inay dhisato ciidan badeed ku filnaada difaaca baddeenna, xilli ay taagan tahay xiisadda badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo heshiiskani inaga dhexeeyo waa dal iyo dad aan naqaanno, marar badan hiil inoo muujiyay. Waa waddan saaxiib iyo walaal ah oo aan ku aamini karno iskaashigan muhiimka u ah difaaca qarannimadeeenna iyo midnimadeenna dhuleed,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Falcelin culus oo ka dhalatay hadalkii uu Sayid Cali maanta kahor sheegay maxkamadda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay hadal uu maanta maxkamadda gobolka Banaadir ka hor sheegay eedeysane Sayid Cali Macallin Daa’uud, oo dhageysiga dacwaddiisa ay ka socoto.

Sayid ayaa markii ugu horreysay ka sheekeeyay sida uu u gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis Maxamed, oo uu sheegay in uusan kas u gubin, sida uu maxkamadda kahor sheegay, taasi oo fal-celin xooggan ay ka dhalatay.

Sidoo kale, eedeysanaha ayaa waxa uu sheegay inuu maseeray, kadib markii ay xaaskiisa ku tidhi nin kale ayaan guursanayaa oo adiga nin iima tihid, sida uu ku dooday eedeysanaha ee maxkamadda kahor sheegay maanta

Dadka qaar ee ka fal-celiyay hadalka Sayid ayaa ku tilmaamay mid looga dan leeyahay inuu uga badbaado dil toogasho ah, islamarkaana uu xukunkiisa noqdo xabsi sanado ah, maadaama uu ku dooday in uusan kas aheyn dilka xaaskiisa, sida uu sheegay.

Halka kuwa kale oo ka fal-celiyay ay qabaan in kiiskaan si qoto dheer loo baaro, oo aan lagu deg-degin xukunkiisa, lana hubiyo sheegashada Sayid iyo dhinacyada kale ee kasoo muuqday maxkamadda, si cadaalad u helaan dhamaan dhinacyada.

Haddaba sidee looga fal-celiyay arrinkaan?

Yuusuf Geesey: “Alaab la xaraashayo arki jirnay xey tahay alaab la gubaayo haddana guriga lagu soo dhax gubaayo.”

Maariya Abuukar: “Koley wixii jiro Alle og laakiin nin wax geestay wajigiisa ka muuqata inuu dhiig qofeed ku maqan yahay.”

“Aniga markii hore ma rabin inuu saacan soo gaaro, laakiin markaan dhageystay waa nin maseyray, qofka marka u maseyro inu waalan yahay waxba uma jiro mana is controli karo, markaa waxaan rajeynaya in asaga iyo gabadhaba cadaalad ay helaan,” ayey tiri Aamina Cabdalla.

Cabdirisaaq Farxaan: “Qolka kale hadduu guban yahay, yacni qol an qolka jiifka aheyn kiiskan yaan lagu deg-degin baadhid dheer hala sameeyo.”

“Kas u dil ama kama qofka qof dilo tirka aya sugaya,” ayuu yiri qofka kale oo isna ka fal-celiyay hadalka Sayid Cali.

Xamda ayaa sidoo kale waxay tiri: “Ana hadda fikirkeyga ku darsado. Asaga sabab u ah inay gubato ama kas ha ka ahato ama yeey ka aahinin sababteeda asaga leh.”

Cabdullaahi Siidhi: “Ninkan qareenadu waa difaaceen balse rabiyaa ka hadliyay.”

“Meeshaan miyaan dad caqli lihi joogin ninku asagaba sheegaya inuu shidaalka soo gatay gurigana gubay,” ayey tiri Ayaan Xaaji Badal.

Bile A Turyare: “Guriga inuu gubo ayaaba danbi kala ah mar hadii uu rabay inuu guriga gubo, gurigaas gudihiisa iyo banaankiisaba wax kasta oo uu dabkaas ku sameeyaba asaa ka masuul ah!.”

Maxamed Cali: “Ninkaan dilka asaa qirtay ee waa iska macna dara intaan kadib waxa laga sii baara.”

Sawirro: Soomaaliya iyo Qatar oo gaaray heshiis xasaasi ah oo saameynaya dastuurka

0

Dooxa (Caasimada Online) – Dowladaha Federaalka Soomaaliya iyo Qatar ayaa maanta heshiis cusub oo is afgarad ah ku gaaray magaalada Dooxa ee caasimada dalkaasi.

Heshiiskan ayaa ku saabsan iskaashiga dhanka sharciga ah oo dhex-maray labada dal, kaas oo taabanaya dastuurka, waxaana Soomaaliya u saxiixay wasiirkada cadaaladda iyo arrimaha dastuurka, Xasan Macallin oo haatan booqasho rasmi ah ku jooga Qatar, halka dhinaciisa uu saxiixay Wasiirka Cadaaladda dalkaas, Ibraahiim Bin Cali Almuhannadi.

Sidoo kale wuxuu is-afgaradkan ka turjumayaa danaha labada waddan ee is-weydaarsiga macluumaadka iyo khibradaha qaabka diyaarinta, qorista iyo daraaseynta qabyo-qoraallada heshiisyada iyo heshiisyada is-afgaradka.

Labada dowladood sidoo kale waxa ay iska kaashanayaan cilmi-baarista sharciga iyo garsoorka ee labada dawladood, barnaamijyada tababarrada sharci iyo garsoor, kor-u-qaadidda xirfadda iyo aqoonta sharci-yaqaannada, qareennada iyo nootaayooyinka.

Intaas kadib labada wasiir oo kulan gaar ah yeeshay waxay uga wada hadleen xiriirka labada dal, iskaashiga cadaaladda ee labada dal, dhameystirka dastuurka Soomaaliya, dhismaha cadaaladda dalka iyo in labada wasaaradood iska kaashadaan khibrad wadaagga iyo dhanka sharciga.

Dhanka kale, wasiirka ayaa booqday Xarunta Cilmi-baarista qaanuunka iyo Garsoorka dalka Qatar, waxaana Madaxda xarunta, cilmi-baarayaasha iyo hawlwadeennada warbixin dhamaystiran ka siiyeen shaqada xarunta iyo hannaanka ay u shaqeyso.

Waxaa kale oo uu booqday xarunta diiwaan-gelinta iyo nootaayooyinka dalka Qatar, isaga oo madaxda iyo howl-wadeennada maamula ka dhegaystay warbixin ku sahabsan qaabka casriga ah ee loo maamulo arrimaha diiwaan-gelinta iyo hubinta nootaayooyinka.

Qatar ayaa kamid ah dalalka carbeed ee sida u dhow u taageera Soomaaliya, waxayna sidoo kale dalka ka fulisaa mashaariicyo kala duwan oo horumarineed.

Saxiixa heshiiskan dhinaca sharciga ah ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, maadaama dood xoogan ay ka taagan tahay dhameystirka dastuurka oo uu ku howlan yahay baarlamaanka.

Abiy Axmed oo sameystay koox sir ah oo u disha dadka ka horyimaada siyaasadiisa

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Sida ay qortay wakaaladda wararka Reuters, maamulka Abiy Axmed ayaa sameystay guddi qarsoodi ah oo ay ku jiraan saraakiil sare oo ka soo jeeda qowmiyadda ugu balaaran Ethiopia ee Oromada, kuwaas oo u qaabilsan khaarijinta mucaaradka dowladda, si meesha looga saaro dadka Abiy ku kacsan.

In ka badan 30 mas’uul oo ka tirsan dowladda federaalka, maamulada hoose ee dalkaas, xukaamta maxkamadaha, qareenada iyo dhibbanayaasha oo la hadlay wakaaladda ayaa qiray jiritaanka kooxdan qarsoodiga ah oo lagu magacaabo KOREE NAGEENYAA oo micinaheedu yahay guddiga nabad geliyada, kuwaas oo shaqo bilaabay bilo kadib, markii uu xukunka Ethiopia la wareegay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed sanadkii 2018-kii.

Shan sarkaal oo isugu jira kuwa xilka ka haya maamulka Abiy iyo kuwo hore ayaa sheegay in kooxdan ay laf-dhabar u tahay dagaalka Abiy uu kula jiro jabhadda xornimo doonka Oromiya ee OLA loo soo gaabiyo.

Si looga takhaluso dhaq-dhaqaaqa Oromada, waxaa hoggaanka kooxda qarsoodiga ah loo dhiibay shan sarkaal oo ka soo jeeda Oromada, kuwaas oo ku jira maamulka Abiy.

Qowmiyadda Oromada ayaa muddo dheer qabtay tabasho ku aadan in loo dulmiyay siyaasad iyo dhaqanka ahaan, waxayna doonayaan in ay helaan xoriyad balaaran.

Sanadkii 2019-kii ayaa waxaa gobolka Oromiya ka qarxay rabshado sababay barakaca boqolaal kun oo shacab ah, dowladda Abiy ayaa ku eedeysay in qul-qulatooyinkaas ay ka dambeeyeen dhaq-dhaqaaqa OLA, Jabhaduna waa ay beenisay eedaas.

Rabshadahaas dadka ku dhintay waxaa kamid ahaa Milkessa Gemechu oo ka tirsanaa guddiga dhexe ee xisbiga Abiy ee BARWAAQO.

Dadka sida dhow ula socday howlgalada kooxda qarsoodiga ee KOREE NAGEENYAA ayaa sheegay in daraasiin dad ah dilkooda la amray, isla markaana la xir-xirey boqolaal ruux oo kale, waxaana kamid ah xasuuqii loo geystay 14 qof oo xoolo dhaqato ahaa  2021-kii, dhacdadaas oo dowladdu ku eedeysay in ay dagaalyahnada OLA ka dambeeyeen.

Cadeymaha Reuters soo uruurisay ayay hor dhigtay guddiga qaran ee xuquuqul Insaanka Ethiopia, agaasimaha guddiga Daniel Bekele ayaa qirey jiritaanka kooxda qarsoodiga ah oo Abiy ku beegsado shacabka siyaasadiisa ka soo hor jeeda.

Xafiiska Abiy iyo is maamulka Oromada labaduba way diideen in ay ka hadlaan eedeymaha loo soo jeediyay oo ah xasuuuqa shacabka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ku ah maamulka Addis Ababa.

Kulamada kooxdan qarsoodiga ah ayaa ka dhici jirey ama lagu qaban jirey xafiiska Xisbiga Abiy ku leeyahay Oromiya,  agaasimihii hore ee xafiiska Abiy Shimelis Abdisa ayaa hogaaminaya Oromiya, ninkan ayaa xubin ka ah kooxda, waxaa kale ku jira Fekadu Tessema madax xisbiga Abiy ee Oromiya, madaxa nabad geliyada  Ararsa Merdasa iyo saraakiil kale oo ka tirsan siyaasadda iyo ammaanka gobolka Oromiya.

Xasuuqa qabaa’ilka la-taliye hore ee madaxweynaha, sida maamulka Oromiya Shimelis waxaa uu Reuters u sheegay in dilalka iyo xarigga dadka bartilmaameedka ah ay bixin jireen madaxweynaha Oromiya ama taliyaha booliiska gobolka ee Ararsa sida xasuuqii dhacay December 2021.

Dilkaas ayay dowladdu ku sheegtay in uu la xiriiro khilaaf gudaha ah, balse Reuters ayaa daboolka ka qaatay in dowladdu qarisay xaqiiqada sida ay wax u dhaceen, sida ay ku warameen dad goobjoog ahaa.

November 30, 2021 dagaalyahnada OLA ayaa dilay 11 kamid ah ciidanka booliska Itoobiya ka tirsanaa, halka 17 kale ay dhaawaceen kadib weerar dhabo-gal ah oo ka dhacay dooxada weyn ee Rift Valley ee dalka Itoobiya.

Madaxda gobolka iyo kuwa ammaanka deegaanka oo arrintaas ka jawaabaya ayaa dad shacab ah oo ay ku jiraan madax dhaqameed ku leeyahay ayagoo ku eedeeyay in ay gacan saar la leeyihiin jabhadda OLA.

Kooxda qarsoodiga ah oo Abiy Axmed u sameystay sidii uu xukunka ku joogi lahaa ayaa waxaa ay meelo qarsoodi ah ku xireen in ka badan 1006 qof, intii u dhexeysay sanadihii 2019 ilaa Maarso 2022-kii.

Warbixin guddiga qaran ee xuquuqul insaanka Ethiopia ay soo saareen 2021-kii, waxay ku sheegeen in ay wareysteen 281 maxbuus oo ku kala xirnaa xabsiyo ku kala yaala 21 saldhig boolis oo ku firirsan guud ahaan gobolka Oromiya ayaa sheegay in kooxda Abiy ay hor istaageen in ay cadaalad helaan.

Daawo: Marqaati shaaciyay xog cusub oo ku aadan sida loo gubay LUUL Cabdicasiis

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa maanta ka socota maxkamadeynta eedeysane Sayid Cali Macallin Daa’uud oo loo haysto inuu gubay xaaskiiskii Luul Cabdicasiis Maxamed oo u geeriyootay dabkaasi,

Dacwadda oo ah maalintii labaad ayaa waxaa si toos ah loogala socdaa baraha bulshada iyo warbaahinta oo tabineysa kiiskan, maadaama uu yahay mid xasaasi ah.

Dhageysiga dacwaddan ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay ehellada labada dhinac, dadweyne, qareeno iyo xeer ilaalinta guud ee qaranka.

Maxkamadda ayaa waxaa la horgeeyay marqaatiyeyaal kor u dhaafayaa illaa shan qof oo goobjoo aaa dhacdadaasi xanuunka badan, kuwaas oo caddeeyay waxa ay arkeen.

Mid kamid ah marqaatiyeyaasha oo daris ah la ahaa marxuumadda, laguna magacaabo Maxamed Iftiin ayaa ka sheekeeyay, sida ay waxy dhaceen.

“Aniga waxaan daganahay guriga ay marxuumadda ku dhimatay guri ku dhegan, waana hoteel yar” ayuu yiri mid kamid marqaatiyeyaasha la horgeeyay maxkamadda.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu maqlay Luul oo ku qaylineysa Ashahaadka, isla markaana leh Sayid Caliyow ha i gubin.

“Waxaan maqlay qaylo iyo buuq, kadib waxaa ku xigtay Luul oo Ashahaadaneysa oo dhaheysa Sayid Caliyow ha i gubin Illaaheey ka cabso meesha dad ma joogaan miyaa ayaan dhagteeyda ku maqlay ” ayuu yiri marqaatigan oo lagu magacaabo Maxamed Iftiin.

Haddii eedeysanaha dambigan lagu helo waxa uu muteysan doonaa xukun dil toogasho ah, sida uu fadhigii hore ee maxkamadda ka sheegay guddoomiye Saalax Dabaan

Marxuumada Luul Cabdicasiis ayaa weli iyada oo mayd ah ku jirto Ferinjeer, waxaana qoyskeeda ay dalbanayaan in lala aaso ninka gubay oo ah eedeysane Sayid Cali Macallin.

Howl-gal culus oo ka socda aagga Xarardheere iyo Al-Shabaab badan oo la dilay

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in howl-gal culus uu ka socdo deegaanka Baraag Cali-gaduud.

Cali-gaduud ayaa waxay 40 KM u jirtaa degmada Xarardheere, waxaana maanta howl-gal wada-jir ah ka fuliyay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa xoogagga deegaanka ee Macawiisleyda.

Ciidamada huwanta ayaa waxay howl-galkaan ku dileen Shabaab badan, illaa haddana waxaa la xaqiijinaya dhimashada toban ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Xubnaha la dilay ayaa la sheegay inay qeyb ka ahaayeen maleeshiyaad lagu aruurinayey degaankaas, ayna kooxda u diyaarineysay howl-gal ka dhanka ah ciidamada.

Ciidanka howl-galka fuliyey ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay hubkii Shabaab-ka, waxaana wali socda howl-gal ay ciidanka ku baacsanayaan xubnihii ka badbaaday howl-galkaan.

Howl-galkaan culus ayaa imanaya xilli muddooyinkii dambe ay hoos u dhaceen howl-galladii ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab, marka laga tago duqeynta cirka iyo deegaano kooban.

Gulufka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxay kooxda ku weysay gacan ku haynta deegaano aad u badan, kuwaasi oo qaarkood ahaayeen saldhigyo muhiim u ah kooxda.

Si kastaba, waxaa dhawaan si rasmi ah u bilaaban doona wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, kadib marka uu soo idlaado wejiga hore ee dagaalka oo hadda dhameystirkiisa la dardar-gelinayo, si loo guda-galo wejiga xiga oo ka xoog badnaan doona ka hore.

Daawo: Sayid Cali oo markii u horreysay ka hadlay inuu kas u gubay xaaskiisa iyo in kale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Eedeysane Sayid Cali Macallin Daa’uud oo maanta kasoo muuqday maxkamadda gobolka Banaadir oo dhageysaneysa dacwaddiisa ayaa markii u horreysay ka sheekeeyay, sida uu u gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis Maxamed, oo uu sheegay in uusan kas u gubin, sida uu maxkamadda kahor sheegay.

Eedeysanaha ayaa marka hore maxkamadda ka hor sheegay sida uu ku billowday khilaafka isaga iyo xaaskiisi Luul, wuxuuna sheegay inay ka dalbatay furiin, isaguna uu ka diiday.

“Waxay igu tiri hooyadey xaaraan ayay igu dhashay adiga oo i furin caawa ma jiifaneysid aniga intii karaankeyga ah waan baryay guddoomiye wayna iga diiday” ayuu yiri Sayid Cali.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaa kale oo ay igu tiri adiga nin iima noqoneysid, ilamaheygana aabe uma noqoneysid waa inaad ifurtaa”.

Sayid Cali oo sii hadlayay ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inuu maseeray, kadib markii uu sheegay in xaaskiisa ay ku tiri nin kale ayaan guursanayaa, waa sida uu ku dooday eedeysanaha.

“Ma kuugu qanacsani nin odey ah ayaan haystaa oo bishii 600 oo dollar i siinayo, ilmaheygana aabe u noqonayo” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Sayid Cali Macallin Daa’uud.

Waxaa kale oo uu ka sheekeeyay sida uu u gubay guriga, isaga oo ku andacooday in ujeedkiisa uu ahaa inuu gubo alaabta, gaar ahaan fadhiga iyo jiifka, oo markii hore uu isagu soo gaday.

“Alaab aniga keenay guriga oo fadhiga yo jiifka kamid ahaayeen nin ma iiga dambeynaayo ayaan iri, intii ayaan isku qabsanay inta qaadan lahayd gub ayay tiri, anne waxaan iri intii uu nin iga dambeyn lahaa inaan gubo ayaa i dhaanto” ayuu yiri eedeysanuhu.

Waxaa kale oo uu raaciyay inuu isku dayay inuu badbaadiyo Luul markii uu dabka qabsaday, uuna bannaanka keenay, kadibna carruurta uu kasoo bixiyay qolalka.

“Waa baxay laamiga aaday shidaal ayaan soo gatay, qol yar oo nasiino ah ayaa meesha noogu yaallay marka qolkaas ayaan kasoo bilaabay waa gubay, ayada oo qolka jiifka ku jirta ayaan ugu tegay waxaan nahay Luuley qolkaan alaabtaada ka qaado inta aan ku leeyahay ayaan gubanayaa, kadib way  iga soo tagtay, kadibna waxaan maqlay qayladeeda waan kusoo orday qolkii gubanaayo iyada oo ku dhex jirta waan badbaadiyay intii karaankeyga ah bannaanka ayaan keenay dabkii ayaan ka damiyay” ayuu mar kale yiri.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in markii ay intaas dhacday inay isku soo baxeen dadka dariska ah, kadibna uu baqay, sidaasna uu goobta uga cararay.

Xasan oo qaabilay safiirka cusub ee KENYA + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa xalay xarunta madaxtooyada ku qaabilay safiirka cusub ee Kenya, Cyprian Kubai Iringo.

Ugu horreyn madaxweynaha ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Kenya ay u soo magacawday dalkeenna.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu hambalyeeyey danjiraha xilka loo igmaday ayaa u rajeeyey in uu ka miro dhaliyo sidii uu xaqiijin lahaa gudashada waajibaadkiisa diblomaasiyadeed.

Sidoo kale waxa uu xusay ahmiyada ay u leedahay Soomaaliya iyo Kenya iskaashi wadajir ah oo ku saleysan danaha labada dowladood iyo guud ahaan Gobolka.

Dhankiisa Danjire Cyprian Kubai ayaa madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud soo gaarsiiyay salaan iyo farriin uu kaga siday Madaxweynaha dalkiisa William Ruto, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyed uga mahadceliyey soo dhaweynta diiran.

Waxaa kale oo uu ballan qaaday in uu ka shaqeyn doono adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Dhawaan ayaa Soomaaliya ayaa iyaduna safiir cusub u magacowday dalka Kenya, kaas oo ah Jibriin Cabdulle, si loo xoojiyo xiriirka labada dowladood.

Si kastaba, Soomaaliya iyo Kenya ayaa ah labada dal oo daris ah, waxayna sidoo kale ka qayb qaadataa dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

TOOS: Maxkamadeynta ninkii gubay xaaskiisa oo mar kale ka bilaabatay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta markii labaad dhageysaneysa kiiska xasaasiga ah ee loo haysto eedeysane Sayid Cali Macallin Daa’uud oo gubay xaaskiisii oo xaamilo ahayd, Marxuumad Luul Cabdicasiis Maxamed.

Maxkamadeynta ayaa saaka mar kale ka bilaabatay xarunta Maxkamada Gobolka Banaadir, ayada oo si weyn loogala socdo warbaahinta, maadaama uu yahay kiis xasaasi ah.

Dhageysiga dacwaddan ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay ehellada labada dhinac, dadweyne, qareeno iyo xeer ilaalinta guud ee qaranka.

Sayid Cali ayaa isna kasoo muuqday fadhiga maxkamadda, maadaama mar labaad  la dhageysanayo kiiskiisa, waxaana u doodayo Abuukaate Cali Xalane.

Haddii lagu helo dambigan Sayid Cali ayaa muteysan doono xukun dil toogasho ah, sida uu fadhigii hore ee maxkamadda ka sheegay guddoomiye Saalax Dabaan.

Maxkamadda ayaa horay waxaa la horkeenay marqaatiyaal ay kamid ahaayeen carruurtii marxuumadda oo qaarkood waxyeelo ay kasoo gaartay dabka, kuwaas oo la wareystay.

Sidoo kale waxaa la filayaa in maxkamadda gobolka ay maanta go’aan ka gaarto kiiska ninkan oo ay si weyn uga argagaxeen dadka Soomaaliyeed.

Ninkan oo horay u baxsaday ayaa waxaa ugu dambeyn gacanta kusoo dhigtay hay’adda NISA oo kasoo qabatay gobollada dhexe, waxaana kadib loo gacan geliyay booliska, waxaana sidaas ku billowday maxkamadeyntiisa.

Si kastaba,Luul Cabdicasiis ayaa weli iyada oo mayd ah ku jirto Ferinjeer, waxaana qoyskeeda ay dalbanayaan in lala aaso ninka gubay oo ah eedeysane Sayid Cali Macallin.