Facebook Pinterest Twitter Youtube
  • About us
  • Privacy Policy
  • Contact Us
  • SO
  • EN
Logo
  • Home
  • English
  • Wararka
  • Caalamka
  • Ra’yiga
  • Xulka
  • Somaliland
  • Contact us
  • About us
  • Privacy Policy
Logo
0
  • Home
  • Wararka
  • Caalamka
  • Ra’yiga
  • Xulka
  • Contact us
Facebook
Instagram
Pinterest
Twitter
Youtube
25.3 C
Mogadishu
Wednesday, June 24, 2026
  • Privacy Policy
  • Contact Us
  • SO
  • EN

Logo

  • Home
  • Wararka
  • Caalamka
  • Ra’yiga
  • Xulka
  • Contact us
  • Home
  • Wararka
  • Caalamka
  • Ra’yiga
  • Xulka
  • Contact us

Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda dalka SUDAN

  • Caalamka
  • Wararka
Jamaal Maxamed
-
February 26, 2024
0
Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda dalka SUDAN

Khartoum (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta daacadda u ah milatariga Sudan ayaa is-hortaagay gargaar ku socday gobolka Darfur, tallaabadaas oo ay aad uga qayliyeen hay’adaha gargaarka iyo dawladda Mareykankuba.

Gobolka Darfur oo deris la ah dalka Chad, ayaa ka mid ah meelaha ay dhibaatada bini’aadanimo sida weyn ugu dhufatay tan iyo markii uu Sudan dagaalku ka qarxay, muddo toban bilood ka hor ah. Dagaalkan ayaa u dhexeeya ciidamada miltariga Sudan iyo maleeshiyada sida milatariga u tababaran ee RSF.

RSF ayaa ka soo jeeda maleeshiyadii Janjaweed, ee dhibaatooyinka ka geystay gobolka Darfur muddo haatan laga joogo labaatan sannadood.

Dagaalka ay kooxda RSF hadda kula jirto ciidamada Sudan ee SAF ee soo bilowday bishii April ee sanadkii hore ayaa waxay kula wareegeen afar ka mid ah shanta magaalo ee ugu waaweyn Darfur.

In ka badan 694 kun oo qof ayaa ka gudbay xuduudda iyagoo galay dalka Chad, sida ay sheegtay hay’adda caalamiga ah ee Muhaajiriinta ee Qaramada Midoobay ee loo soo gaabiyo IOM.

Hey’addu waxay sheegtay in dad badan ay weli ku go’doonsanyihiin gudaha Darfur, gargaar deg deg ahna ay u baahanyihiin. Qaramada Midoobay ayaa gargaarkeeda gobolka ku xaddiday sahay ay ka gelin jirtay xuduudda Chad, laakiin sida ay sheegtay WFP todobaadkii tagay ayey masuuliyiintu is-hor taageen in gargaarka laga gudbiyo xadka.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Mareykanka oo la yiraahdo Matthew Miller ayaa Jimcihii sheegay in Mareykanku uu aad uga werwersanyahay go’aanka ay ciidamada Sudan uga hor istaagayaan gargaarka bulshooyinka ku nool meelaha ay RSF gacanta ku heyso.

Daawo: Jubbaland oo abaal-marisay askari ay Shabaab ka dalbadeen inuu dilo taliyihiisa

  • Wararka
Caasimada Online
-
February 25, 2024
0
Daawo: Jubbaland oo abaal-marisay askari ay Shabaab ka dalbadeen inuu dilo taliyihiisa

Afmadow (Caasimada Online) – Magaalada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta lagu abaal-mariyey askari ka tirsan Daraawiishta Jubbaland oo kooxda Al-Shabaab ay ka dalbadeen inuu soo dilo taliyihiisa.

Askarigaas waxaa lagu magacaabo Weli Nuur Dhuubow, waxaa la soo xiriirtay kooxda Al-Shabaab, waxayna ka dalbadeen inuu soo qarxiyo taliyaha daraawiishta Jubbaland ee degmada Afmadow.

Askariga ayaa kooxda Al-Shabaab la jilay dhagartii ay u maleegayeen taliyaha, dhanka kalena wuxuu toos ula wadaagayey arrintaan taliyaha loo qorsheynayey dilka.

Labo miino ayey kooxdu u soo dhiibtay askariga, waxayna ka dalbadeen inuu u dhigo taliyaha daraawiishta Jubbaland ee Afmadow, balse askarigii ayaa heshiiska uga baxay kooxda.

Meel fagaare ah ayaa maanta lagu qarxiyey labadii miino ee kooxdu qorsheysay in Taliyaha lagu dilo, isla goobtiina waxaa lagu abaal-mariyey askarigii fashiliyey dhagartaas.

5,000 oo dollar ayaa fagaare ku yaalla Afmadow lagu guddoonsiiyey dable daraawiishta Jubbaland Weli Dhuubow, oo ku guuleystay inuu qiyaamo Al-Shabaab.

Taliyihii loo qorsheeyey dilkaas oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in askarigaas uu yahay geesi mudan in lagu daydo, isagoo cadeeyey in xogta uu si toos ah uga helayey askariga, iyadoo ugu dambeyntii uu keenay qaraxyadii ay Shabaab u soo dhiibeen.

Kooxda Al-Shabaab ayaa ku khasaartay dhagartaas ay doonayeen inay ku qaarajiyaan taliyaha ciidanka daraawiishta Jubbaland, waxaana abaal-marino kale loo balan-qaaday askari kasta oo sidaan oo kale u fashiliya dhagarta Al-Shabaab.

Hoos ka daawo

 

Masar iyo Eritrea oo go’aan culus ka qaatay xiisadda badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya

  • Wararka
Caasimada Online
-
February 25, 2024
0
Masar iyo Eritrea oo go’aan culus ka qaatay xiisadda badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya

Qaahira (Caasimada Online) –Madaxweynayaasha Eritrea Isaias Afwerki iyo Masar Cabdul-Fattaax al-Sisi ayaa ku kulmay magaalada Qaahira ee dalka Masar, kadib markii Afwerki uu Sabtigii u safray dalka Masar, arrimaha ay ka hadleen waxaa ka mid ahaa xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wasiirka warfaafinta Eritrea ayaa shaaciyey in safarka Madaxweynaha dalkaas uu ku joogo Masar uu qaada doono muddo seddax maalmood ah, waxaana casuumay Madaxweynaha Masar Cabdul Fattaax al-Sisi.

Wasiirro ay ka mid yihiin Warfaafinta iyo Arrimaha Dibadda Cusmaan Saalax ayaa ka mid ah wafdiga Madaxweyne Afwerki ee booqashada ku jooga dalka Masar, waxayna madaxda dalkaas kala hadli doonaan arrimaha labada dal, kuwa caalamka iyo gobolka intaba.

Madaxweynaha Masar ayaa bishii hore wasiirkiisa arrimaha dibadda Asseed Sameh Shukri u diray dalka Eritrea, xiligaas ayaa casuumaada Masar la gaarsiiyey  Madaxweyna Eritrea Afwerki, waxayna maalmahaan ka hadli doonaan dagaalka sokeeye ee Suudaan, xaaladda Badda Cas iyo Geeska Afrika.

Saxiixa heshiiska dekedaha ee Itoobiya iyo Somaliland ee bishii January, ayaa xiisad diblomaasiyadeed ka dhex abuuray Soomaaliya iyo Itoobiya iyo guud ahaan gobolka, arrintaan si weyn ayey maanta u gorfeeyeen labada Madaxweyne ee Masar iyo Eritrea.

Warar laga baahiyey kulankii maanta ayaa xaqiijinaya in labada dal ay isku raaceen in si buuxda Soomaaliya loogu garab istaago ilaalinta madax-banaanida iyo wadajirkeeda dhuleed, waxayna ku balameen in Soomaaliya dhinac kasta uu u fidiyo garabka ay uga baahato.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wada olole diblamaasiyadeed oo xooggan oo uu ku doonayo in uu meesha uga saaro heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, madaxweynayaasha Masar iyo Eritrea ayaa ka mid ahaa madaxdii ugu horeysay ee Xasan Sheekh uu la kulmay.

Dalalka Masar iyo Eritrea waxaa Itoobiya kala dhaxeeya dagaal ahli, taasi waxay soo dedejisay inay deg deg garab istaag ugu muujiyaan Soomaaliya oo daandaansi cad kala kulmeysa Itoobiya oo raadineysa bad ay boobto.

Madaxweyne Al-Sisi ayaa 21-kii bishii Janaayo yiri “Masar uma dulqaadan doonto wax kasta oo khatar ku ah Soomaaliya iyo ammaankeeda” hadalkaas markii uu dhahayey waa garab taagnaa Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku baahday gobolka Geeska Afrika, inta badan dalalka gobolkana waxay garab istaag u muujiyeen Soomaaliya, halka Itoobiya ay dareentay aqoonimo siyaasadeed, sidoo kale Turkiga ayaa ka mid ah dalalka awooda leh ee soo farogiyey xiisadaan, kaas oo heshiis difaac la saxiixday Soomaaliya.

Dhageyso: DF oo si adag uga jawaabtay hadal maanta uu yiri madaxweyne Muuse Biixi

  • Wararka
Caasimada Online
-
February 25, 2024
0

Muqdisho (Caasimada Online) –Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa maanta mar kale dilkii Cabdinaasir Muuse Dahable ku eedeeyey dowladda Soomaaliya, gaar ahaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, masuuliyiinta eedeyntaas u soo jeedisay DF Soomaaliya waxaa ka mid ahaa Muuse Biixi.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta dawladda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa hadalka Muuse Biixi ku tilmaamay mid shacabka Somaliland looga jeedinayo badooda la iibsaday.

Wasiir Al-Cadaala wuxuu sheegay in aysan suurtagal aheyn in masuuliyadda dowladda Soomaaliya lagu dilo qof muwaadin ah oo waliba ka mid ahaa masuuliyiinta hey’adda ka tirsan dowladda.

“Waa maqalnay hadalka kheyru masuulnimada ah ee Muuse Biixi, waxaa u soo dhiibay hadaladaas naceybka ah cadowga umadda Soomaaliyeed, hadalkiisu waa boor isku qaris wuxuu ku fashilmay wixii uu ka shaqeynayey, wuxuuna abuurayaa naceyb uu dadka Soomaaliyeed uga qarinayo ficiladii xumaa ee uu ka shaqeynayey,” ayuu yiri wasiir Al-Cadaala.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in booliska Soomaaliya ay wadaan baaritaan ku saabsan sidii uu u dhintay, isagoo xusay in boolisku hayaan lix qof, isla markaana natiijada laga sugayo baaritaanka socda.

“Geerida Cabdinaasir Dahable waan ka xunahay, wuxuu ka mid noqday dadkii Soomaaliyeed ee maalmahaan sida xaqdarada ah loo dilay, waxaana socda baaritaan, in dilka wiilkaas la siyaasadeeyo aad ayaan uga xunahay,” ayuu yiri.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya ayaa dadka ku nool gobollada waqooyi ugu baaqay in hadallada naceyb ah ee xaqiiqada ka fog aysan aaminin, kuwaas oo uu sheegay in Muuse Biixi iyo xubno la shaqeeya ay dadka la wadaagayaan.

“Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay shilal kala duwan ayaa ka dhacay dadkii ku baxay ayuuna ka mid ahaa Cabdinaasir waan ka xunahay geeridiisa, baaritaanka dilkiisana booliska ayaa u xilsaaran, wixii intaas dhaafsan ee ka soo yeera Muuse iyo raggiisa waa naceyb la dhexdhigayo dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala.

Hoos ka dhageyso

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2024/02/Cadala.mp3

Cali Yare oo jawaab cajiib ah ka bixiyey hadalkii Muuse Biixi ee dilka Cabdinaasir Dahable

  • Wararka
Guuleed Muuse
-
February 25, 2024
0
Cali Yare oo jawaab cajiib ah ka bixiyey hadalkii Muuse Biixi ee dilka Cabdinaasir Dahable

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudddoomiye ku-xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir, Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa si yaab leh uga jawaabay hadalkii uu maanta madaxweyne Muuse Biixi ka sheegay aaskii marxuum Cabdinaasir Dahable oo ka dhacay magaalada Gabiley.

Madaxweynaha Somaliland ayaa waxa uu si cad u sheegay in laga xisaabtami doono dilka marxuum Cabdinaasir Dahable, isagoo ka dhawaajiyay in dilka Dahahble uu abuurayo colaad riiq-dheeraata oo u dhaxeysa Somaliland iyo Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Cali Yare Cali oo ka daba qaatay madaxweyne Biixi ayaa waxa uu yiri “Muuse Biixi oo leh reer Xamar baa dilay Abdinasir Dahable ayaan arkay, hadde ogoow Muusaha meeydka Abdinasir ku dul barooranaya waa ninkii Hargeysa ka soo ceeyrsaday marxuumka. Reer Xamarka uu dilkiisa ku eedeeynayana waa dadkii iyo dowladdii waxbarashada dibadda ah u diray.”

Cali Yare ayaa sidoo kale waxa uu ku yiri qoraalka uu soo saaray “Haddii xasuuqii Laascaanood ka hor dooddu aheyd waa nala xasuuqay keebaa badan tabashada ay qabaan iyo xasuuqa aad Koonfur ka geeysteen?.”

Hoos ka aqriso qoraalka Cali Yare Cali

Goorwaliba waxaan is waydiiyaa meeshaan waqooyi ah miyaanu joogin dad maankoodu ka sarriigan karo sheekooyinka macmalka iyo gacan-kusameeyska ah ee mudda haaf qarniga kusii dhow ay aqrinayaan shaqsiyaadka kooban?

Muuse Biixi oo leh reer Xamar baa dilay Abdinasir Dahable ayaan arkay, hadde ogoow Muusaha meeydka Abdinasir ku dul barooranaya waa ninkii Hargeysa ka soo ceeyrsaday marxuumka. Reer Xamarka uu dilkiisa ku eedeeynayana waa dadkii iyo dowladdii waxbarashada dibadda ah u diray.

Muuse Caddeeyn uma hayo naxligiisa, laakiin innagu waxaan caddeeyn buuxda u heynaa in dad Hal malyuun ah oo reer Koonfureed ah ay xasuuq aan kala sooc laheeyn ay reer Somaliland u geeysteen.

Qaraxyadii Soobe1 iyo Soobe2 oo la wada ogaa in sidii wabigii uu dhiiggu u qulqulay, Qarixii hargaha iyo saamaha oo ay hal subax 300 oo arday ah ku naf waayeen, qarixii Shamo oo ay boqolaal dhaqaatiir ah iyo macalimiintoodii oo ay wehliyaan 4 wasiir ku shahiideen, Qarixii Ex koontarool oo ay dhiigga iyo hilbihii hooyooyinka qudaarta Xamar keena iskumilmeen iyo 302 qarax oo la wada mid ahaa.

Intaas oo xasuuq ah ragga noo geeystay soo walaalaheen reer Waqooyi ma aheeyn? Soo Godane, Ibrahim Afgan, Caraale, Ahmed Keyse, Ahmed Diriye, Aden Sunne, Sarqaan Saalax Badbaado ma aheeyn? heer markii ay dhulka ku ciilbixi waayeen uu Booreh oo reer Waqooyi ah isku qarxiyay diyaaradii Daallo Airlines Flight 159 oo aan aniguba rakaabkii saarnaa kamidka ahaa ?

Soo walaalaheen reer Waqooyi maahan kuwii xasuuqay aqoonyahankii, Dhallinyaradii, saraakiishii, culumadii, Abwaannadii, hooyooyinkii iyo labeentii bulshada Koonfureed?

Weli yaa arkay qof reer Koonfur ah oo ku doodaya waxaa na xasuuqay Waqooyi? Cigaal, Siilaanyo, Daahir Rayaale iyo Biixi?

Haddii xasuuqii Laascaanood ka hor dooddu aheyd waa nala xasuuqay keebaa badan tabashada ay qabaan iyo xasuuqa aad Koonfur ka geeysteen?

Haddii kan doodi doona uu dhihi doona Aden Ceyrow iyo Rooboow Mansuur iyo reer Koonfur ayaa xasuuqiinna nagu wehliyay, soo Feysal Cali Waraabe, Siilaanyo, Saleebaan Gaal, Muuse Biixi, Maxamed Kaahin iyo Xasan Yoonis Habane, Qeybe iyo Daahir Rayaale intuba saraakiil Maxamed Siyaad u shaqeeysa ma aheeyn ? Soo Maxmed Kaahin iyo Xasan Yoonis Habane maanu aheeyn kuwii xasuuqii buugaagta laga qoray ka geeystay Mudug, Nugaal iyo Bari ?

Waligaa mid ha isku dayin: Inaad wixii ay dowladdii Maxamed Siyaad Barrana aad magaca koonfureed ku xisaabiso kii ay Godane, Afgaan oo iyaguba aakhirkii is dilayna aadan waqooyi ku xisaabin.

Tanna ku darso: Halka caddeeyn ee muuninaya in aanu reer Koonfur dilin walaal Abdinasir waa in aynaan innagu ceejo iyo fiilo wax ku dilin oo farsamooyinkaas ay adeegsadaan dadka aan Muqdisho hubka ku heeysan.

Waxaa la gaaray waqtigii sida runta ah loo xisaabtami lahaa oo Calculator-ka lala soo wada bixi lahaa. RUNTA QARAAR.

W/Q: Cali Yare Cali

Wasiiru-dowlaha difaaca UK oo kulan xasaasi Muqdisho kula yeeshay Xasan + Ujeedka

  • Wararka
Guuleed Muuse
-
February 25, 2024
0
Wasiiru-dowlaha difaaca UK oo kulan xasaasi Muqdisho kula yeeshay Xasan + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiiru-dowlaha Gaashaandhiga ee Dowladda Ingiriiska James Stephen Heappey oo booqasho ku yimid dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay wasiirka guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray xaqiijinta amniga, tayeynta ciidamada iyo la-dagaallanka argagixisada oo hadda maraya heer wanaagsan.

“Tallooyinkaasi oo suurta-galisay in dalkeennu uu ka gudbo marxaladdo adag oo ay ka mid tahay qaadista cunaqabateynta hubka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa uga mahad-naqay Boqortooyada Dowladda Ingiriiska doorka ay ka qaadato tababarida ciidamada Soomaaliyeed, xilli ay Soomaaliya isku diyaarineyso la wareegida mas’uuliyada amni ee dalka, kadib bixitaanka qeybaha ka harsan ciidamada ATM.

Wasiiru-dowlaha Gaashaandhiga Boqortooyada Ingiriiska Mudane James Stephen ayaa dhankiisa bogaadiyey horumarada muuqda ee ay si wadajir ah ugu tallaabsadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu xusay sida ay uga go’an tahay dowladdiisa xoojinta iskaashiga difaaca iyo la dagaallanka argagixisada ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo UK.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa weli ku jirto marxalad dagaal, kaasi oo ay haatan taageero caalami ah u raadinayso, waxaana heer geba-gebo ah maraya wejiga hore ee dagaalka, oo kooxda Al-Shabaab lagu gaarsiiyay khasaare xooggan, loogana qabsaday degmooyin iyo deegaano muhiim ah oo ay sanado badan ka talineysay.

Muuse Biixi oo ku dhawaaqay arrin weyn oo ka dhalaneysa dilka Cabdinaasir Dahable

  • Wararka
Guuleed Muuse
-
February 25, 2024
0
Muuse Biixi oo ku dhawaaqay arrin weyn oo ka dhalaneysa dilka Cabdinaasir Dahable

Gabiley (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta magaalada Gabiley uga qeyb-galay aas qaran oo loo sameeyay marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable oo dhawaan lagu dilay magaalada Muqdisho.

Aaska qaran ee loo sameeyey marxuum Cabdinaasir Dahable ayaa waxa madaxweyne Biixi kala qayb-galay guddoonka golaha wakiillada, xubno ka mida baarlamaanka, golaha wasiirrada, madax ka socotay xisbiyada mucaaridka, madax-dhaqameed, siyaasiyiin, ganacsato, haldoor iyo boqollaal ka tirsan shacabka kala duwan ee reer Somaliland.

Ugu horrayn, waxa goobta jinaasada hadallo tacsi ah ka jeediyey xubno katirsan golaha wasiirrada, kuwaasi oo tacsi u diray ehelka iyo qaraabada uu ka baxay marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable oo si arxan daran loogu dilay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo halkaas ka hadlay ayaa tacsiyeeyay ehelka iyo qaraabada uu marxuumku ka baxay iyo guud ahaanba Somaliland, wuxuuna si cad u sheegay in laga xisaabtami doono dilka marxuum Cabdinaasir Dahable.

Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in dilka Cabdinaasir Dahahble uu abuurayo colaad riiq-dheeraata oo u dhaxeysa Somaliland iyo Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Tan oo oo kale looma Ooyo ee waddo loo maro ayey leedahay, dadweynahana waxa aan leeyahay calaacal iyo Oohin midna ma laha ee weynu u ducaynaynaa. Somaliland-na colaadda ay tan ka qaaddo tii hore way ka weynaanaysaa, waayo waa wax aan hore inoo soo marin,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi.

Sidoo kale waxa uu su’aal geliyey sababta keentay dilka marxuum Cabdinaasir oo shaqaale rayid ah, kana durugsanaa arrimaha siyaasadda la xiriira, oo uu sheegay in uusan shaqo ku laheyn.

“Ninkani siyaasi muu ahayn, cid ma maagin ee diyaaradaha shacabka iyo sida loola hadlo uun buu yaqaanay, taasina wax qarsoodi ah ma ahee dowladda Xasan Sheekh waxan leeyahay ninkani muxuu mutaystay ee lagu dilay, taasi oo jawaabteeda haddii la waayona waa badheedh,” ayuu yiri madaxweyne Biixi.

NISA oo xirtay sarkaal sare oo ka tirsan hay’addii uu ka shaqeynayay Cabdinaasir

  • Wararka
  • Xulka
Guuleed Muuse
-
February 25, 2024
0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ayaa maanta soo xirtay Mubaarik Nuur Cali oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Mubaarik oo ka soo jeeda Somaliland, gaar ahaan gobolka Awdal ayey NISA usoo xirtay si ay su’aallo u weydiiso.

Mubaarik ayaa kamid ah shaqsiyaad ay hay’adda hore ula yeelatay wareysi la xiriira kiiska xasaasiga ah ee Agaasimihii waaxda diyaaradaha ee hay’adda duulimaadka rayidka, kaasi oo dhawaan maydkiisa laga helay hoyga uu ka deganaa magaalada Muqdisho.

NISA ayaa horey xog wareysi ula yeelatay inta badan shaqaalaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliya oo uu ka tirsanaa Cabdinaasir Dahable oo maanta lagu aasay gudaha Somaliland, oo uu kasoo jeeday.

Marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable ayaa maanta magaalada Gabiley loogu sameeyay aas qaran, kaasi oo ay ka qeyb-galeen madaxda u sareys Somaliland oo ugu horreeyo madaxweyne Muuse Biixi iyo boqollaal ka tirsan shacabka kala duwan ee reer Somaliland.

Si kastaba, Arrimahaan ayaa imaanaya, xilli aan weli la ogaan cidda dishay marxuumka, maadaama kaligiis uu deganaa guri ku yaalla agagaarka garoonka Aadan Cadde, ayna socdaan baaritaanno ku aadan dhacdadaasi, sida ay sheegtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Reer AWDAL oo si weyn ugu kala qeybsamay kulan xasaasi ah oo ka dhacay Muqdisho

  • Wararka
Guuleed Muuse
-
February 25, 2024
0
Reer AWDAL oo si weyn ugu kala qeybsamay kulan xasaasi ah oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay magaalada Muqdisho ka qabsoomay kulan xasaasi ah oo lagu muujinayay taageerada Awdal State, kaasi oo hal-ku-dhigiisu ahaa “Kulanka hoggaanka dhaq-dhaqaaqa Awdal iyo dhalinyarada gobolka Awdal”.

Kulankaan oo ka dhacay Hoteel Doorbin ee magaalada Muqdisho oo sidoo kale lagu sheegay wada-tashi ayaa waxaa durba hareeyay buuq xooggan, ayada oo ay soo baxeyso in kulankaasi aysan u dhameyn reer Awdal.

Qaar kamid ah hoggaanka dhalinyarada reer Awdal iyo Gabiley oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in kulankaasi aan loo dhameyn, islamarkaana uu yahay mid ay wateen dad dano shaqsi ah leh, sida ay sheegeen.

Kulankaasi ayaa la sheegay in ay soo abaabusheen dhalinyaro la sheegay inay naas-nuujiyaan xubno ku jira dowladda federaalka Soomaaliya, xilli ay dowladda federaalka ah ay taageero u muujisay Awdal State, oo ayadu awood muuqata ku laheyn gudaha gobolka ay sheegato ee Awdal iyo guud ahaan gobollada Galbeedka Somaliland.

Awdal State ayaa dib boorka looga jafay kadib markii ay Somaliland lumisay Laascaanood, oo haatan ay ka taliso SSC-Khaatumo, oo sanadkii tegay aqoonsi KMG ah ka heshay dowladda federaalka Soomaaliya.

Prof. Cabdisamad Ibaraahim Nageeye oo isagu sheegta madaxweynaha Awdal State ayaa dhawaan xaflad lagu qabtay Muqdisho ka sheegay inuu la dagaalami doono maamulka madaxweyne Muuse Biixi.

Waxa uu markaasi sheegay in Soomaalinimadu ay ka go’an tahay dadkiisa reer Awdal, gumeysina aysan hoos tegi karin, haatana ay diyaar u yihiin inay ka dagaalamaan dulmiga Muuse Biixi.

“Waxaan ballan-qaadeyna in aan dagaalami doono, kaliya waxan idinka rabnaa Soomaaliyey inaad nagu garab istaagtaan, anaga ayaa diyaar u ah in aan u dhimano dhulkeena,” ayuu yiri Prof. Nageeye.

Maxay DF ka tiri khal-khalka hawada SOOMAALIYA?

  • Wararka
Jamaal Maxamed
-
February 25, 2024
0
Maxay DF ka tiri khal-khalka hawada SOOMAALIYA?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Hay’addda Duulista Rayidka Hawada ayaa maanta war cusub kasoo saartay isticmaalka hawada Soomaaliya, kadib markii lagu khalkhal geliyay diyaarado marayay hawada dalka.

War-saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in hay’addu ay gacanta ku hayso bad-qabka diyaaradaha isticmaala hawada Soomaaliya, ayada oo farriin u dirtay shacabka iyo shirkadaha ka shaqeeya duulimaadyada.

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) waxay dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo shirkadaha duulimaadka ee isticmaala hawada Soomaaliya u caddeynaysaa inay si buuxda gacanta ugu hayso badqabka duulimaadyada isticmaala hawada Soomaaliya” ayaa lagu qoraalka kasoo baxay Hay’ada Duulista Rayidka Hawada.

Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedlka lasoo raaciyay “Ma jirto amni xumo iyo halis badqab oo ka jira hawada Soomaaliya”.

Warkan ayaa soo baxay saacado uun kadib markii khatarta shil diyaaradeed uu shalay ka dhacay hawada Soomaaliya, ka gadaal markii isku cabir lagu hagay oo amarro khaldan la siiyey diyaarado ay lahaayeen shirkadaha Qatar Airways iyo Ethiopian Airlines.

Labadaas diyaaradood oo rakaab sida ayaa ka soo kala duulay magaalooyinka Addis Ababa iyo Doha, waxayna u kala socdeen Kampala, Uganda iyo Dubai, Imaaraadka, waxayna khatartaas ku galeen hawada gobollada waqooyi.

Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, labadaan diyaaradood oo ku kala socday labo qad ayaa la isku hagay, waxaana la isugu keenay hal qad si ay isugu dhacaan, balse waxay ku kala badbaadeen daqiiqado aad u yar.

Amarka qaldan ee khatarta geliyey diyaaradahaas waxaa naloo sheegay in laga siiyey Hargeysa, balse diyaaradaha ayaa bixiyey digniinaha khatarta muujiya, waxayna labada duuliye ku guuleysteen inay kala badbaadiyaan diyaaradaha rakaabka badan siday.

Weli waxaa la isku heystaa maamulka hawada Soomaaliya, murankaan ayaa taagan muddo ku dhow labo todobaad, kadib markii maamulka Somaliland go’aansaday carqaladeynta shaqada maamulka hawada dalka.

Shirkadaha duulimaadyada caalamiga ah qaarkood ayaa horay Soomaaliya ugu dacweeyey hey’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan duulimaadyada rayidka ah, balse Soomaaliya ayaa ka soo jawaabtay dacwadahaas.

DF oo dalab culus u gudbisay dalalka Islaamka + Sawirro

  • Wararka
Jamaal Maxamed
-
February 25, 2024
0
DF oo dalab culus u gudbisay dalalka Islaamka + Sawirro

Istanbul (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya, Daa’uud Aweys ayaa ka qayb-galay shir aan caadi ahayn oo Wasiirrada Warfaafinta ee waddamada Islaamka ay ku yeesheen magaalada Istanbul, isagoo gudbiyay dalab culus oo xasaasi ah.

Daa’uud Aweys oo khudbad ka jeediyay shirka waddamada OIC ayaa ka codsaday dalalka xubnaha ka ah ururka inay ku garab istaagaan Soomaaliya mowqifka ay uga soo horjeeddo xadgudubka Ethiopia ay ku soo faragelisay qaranimada iyo madax banaanida Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay go’aan adag ka qaadatay damaca gurracan ee Itoobiya oo xadgudub ku ah madax banaanida dalka iyo shuruucda caalamiga ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay dadaal ugu jirto inay dalkeeda amni ku soo dabaasho, balse ay nasiib darro tahay in Ethiopia oo si sharciga caalamiga ka baxsan heshiis is-afgarad la gashey maamulka Somaliland ee Waqooyiga Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in go’aanka gurracan ee Ethiopia uu khatar ku yahay gobolka Geeska Afrkika oo dhan iyo caalamka intiisa kale.

Sidoo kale waxaa shirka lagu soo qaaday gabbood-falka ay Israel ku hayso dadka reer Falastiin ee ku dhaqan marinka Gaza, maadaama kumanaan shacab ah lagu laayay halkaasi.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa khudbaddiisa ku xusay in waddamada Islaamka looga baahan yahay inay u midoobaan dalabka ah in la soo dhiso dowlad Falastiiniyiinta ay leeyihiin oo ku saleysan xudduudihii 1967-kii, si xal kama dambeys ah loogu helo qadiyadda reer Falastiin, meeshana looga saaro xasuuqa iyo burburinta ay Israel ku hayso dadka reer Falastiin.

Shirka ayaa sidoo kale dul istaagay khatarta wararka sida khaldan loo tebiyo oo si weyn loogu adeegsadey mashaakilka ka aloosan Gaza, isla markaana qalabka warbaahinta ee dalalka reer Galbeedka ay u janjeeraan dhanka Israel, taas oo xadugudub ku ah xuquuqda aadanaha, xuquuqda xorriyatul qowlka iyo dhexdhexaadnimada looga fadhiyey saxaafadda.

Ugu dambeyn xubnaha ururka OIC waxa ay cambaareeyeen xadgudubka ka dhanka ah suxufiyiinta ee ka socda Gaza oo ku dhowaad 100 suxufi ay dileen ciidamada Israel, iyadoo gabagabadii shirka laga soo saarey warmurtiyeed lagu taageerayo qadiyadda reer Falastiin, loogana soo horjeedo tacadiyada isdaba joogga ah ee Israel ay ka waddo dhulka Falastiin.

Somaliland oo shaacisay xog yaab leh oo la xiriirta Dahable kahor inta uusan dhiman

  • Wararka
Jamaal Maxamed
-
February 25, 2024
0
Somaliland oo shaacisay xog yaab leh oo la xiriirta Dahable kahor inta uusan dhiman

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa maanta shaacisay natiijada baaritaan ay ku sameysay maydka marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable oo todobaadkii hore maydkiisa laga helay guri uu ka daganaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Marxuumka ayaa ahaa Agaasimihii waaxda diyaaradaha ee hey’adda duulimaadka rayidka Soomaaliya, waxaana shalay maydkiisa laga dajiyay magaalada Hargeysa.

Maamulka isbitaalka wayn ee Hargeysa ayaa shaaciyay natiijada baaris ay ku sameeyeen maydka oo qaadatay muddo 48 saacadood ah, waxayna sheegeen in Cabdinaasir lagu dilay ceeji loona adeegsaday xarig, sida uu shaaciyay agaasimaha isbitaalka guud ee Hargeysa.

“Marka koowaad Cabdinaasir waxaa loo gaystay in lagu ceejiyay xarig dhumucdiisu ay wayn tahay, kaas oo calaamadaha noo muuqda uu yahay ugu yaraan in xarigaas qoortiisa lagu hayay muddo 5 daqiiqo ah illaa 7 daqiiqo inta u dhexeyso” ayuu yiri agaasimaha isbitaalka Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ka hor inta la dilin marxuumka loo gaystay jirdil xoogan oo ka muuqday jirkiisa, ayna ku ogaadeen baaritaanka ay ku sameeyeen.

“Waxa kaleoo nooga muuqday marxuum Cabdinaasir oo baaritaanka nooga soo baxay in daanga midig uu jaban yahay jug wayna ay gaartay waxaa kale oo ay jug ka gaartay xiniinta bidix barar fara badana uu ku leeyahay qaraxna ay leedahay” ayuu sii raaciyay.

Natiijada ay shaacisay Somaliland ayaa sidoo kale lagu sheegay in marxuumka loo gaystay dhibaato kale oo weyn, isla markaana saddexdii cishe ee ugu dambeysay talaagadii uu ku jiray maydka laga jaray dabka, uuna isbeddalay jirka marxuumka.

“Waxaas oo dhan oo aan ku aragnay maydka Cabdinaasir waxaa kasii wayn jariimo kale oo runtii bani’aadanimada iyo islaanimada ka baxsan oo ah in talaagadii maydka ee Cabdinaasir dabka laga jaray saddexdii cishe ee ugu dambeysay” ayuu mar kale yiri.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Maydka wuu isbedalay dibiro badana wuu yeeshay, jirkiisuna uu aad isku beddelay, taas oo aan oran karno waa jariimo ama waa xadgudub loo gaystay maydka qof muslim ah”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo aan weli la ogaan cidda dishay marxuumka, maadaama kaligiis uu deganaa guri ku yaalla agagaarka garoonka Aadan Cadde, waxaase dowladda Soomaalya dhankeeda ay sheegtay in ay waddo baaris ku aadan dhacdadaasi.

Daawo: Wiil Bajaajle ahaa oo sabab yaab leh xalay loogu dilay magaalada Muqdisho

  • Wararka
Jamaal Maxamed
-
February 25, 2024
0
Daawo: Wiil Bajaajle ahaa oo sabab yaab leh xalay loogu dilay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil xalay magaalada Muqdisho loogu gaystay wiil dhalinyaro ahaa oo xalay sarkaal la sheegay inuu ka tirsan yahay ciidamada Booliska uu ku dilay degmada Shibis ee gobolka Banaadir.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxiin Cabdulle Sheekh ayaa wade mooto Bajaajle oo ka shaqeeya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Sababta loo dilay marxuumka ayaa lagu sheegay inay tahay nalka mootada oo uu ku shidan askariga, kadibna uu sidaas xabad ugu dhuftay.

Mid kamid ah ehellada marxuumka oo la hadlay Somali Cable Tv ayaa sidoo kale sheegay in wiilkooda inta aan la dilin kahor la caayay hooyadiis, kadibna la toogtay .

“Hooyadiis ayuu caayay nalga iga dami ayuu yiri war nalka kaa daminaa ee hooyadey ha caayin hooyadaa waa caaynaa ee maxaa tahay adiga? kadibna wuu dilay” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Nin weyn oo reer leh oo xaas leh in la yiraahdo hooyadaa maxaa dhaantaa? waa caaynaa haddana xabad madaxa looga dhuftay kolley arrintaas waa arrin ula kac ah oo kibir ah”.

Aabaha marxuumka ayaa sidoo kale ka hadlay dilkan argagaxa leh ee xalay ka dhacay Muqdisho, wuxuuna sheegay in ninka dilay uu yahay sarkaal Boolis ah.

“Igaarkeyga waxaa dilay nin ka gar daran hadane ah nin ciidan ah haddane aan ahayn nin dabley ah ee ah nin mas’uul ah oo darajo leh” ayuu yiri Aabaha marxuumka.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in maydka ay galiyeen Firinjeer, ayna sugayaan cadaalad iyo in lasoo qabto eedeysanaha.

“Firinjeer ayuu ku jiraa waxaan sugooyaa cadaalad, mana aasayo inta laga soo qabanayo ninka dilay wiilkeyga”

Muqdisho ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka dhacayay dilal iyo dhacdooyin kale oo argagax leh, kuwaas oo saameyn ku yeeshay bulshada Soomaaliyed.

Sawirro: ATMIS oo howlgal nooc cusub ah ka billowday gobolka Shabeellaha Hoose

  • Wararka
Jamaal Maxamed
-
February 25, 2024
0
Sawirro: ATMIS oo howlgal nooc cusub ah ka billowday gobolka Shabeellaha Hoose

Afgooye (Caasimada Online) – Ciidamada howlgalka ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda ayaa haatan howlgal nooc cusub ah ka bilaabay gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo lagu ballaarinayo waddooyinka muhiimka ah ee gobolkaas oo hoosta Koonfur Galbeed.

Ciidamada Uganda ayaa bilaabay jarista geedaha ku yaalla hareeraha waddooyinka, ayada oo adeegsanaya gawaari waa weyn.

Ujeedka ayaa ah si loo gududeeyo isu socodka dadka iyo gaadiidka, waxaana ciidamadu ay jarayaan dhammaan geedaha soo galay wadooyinka mara halkaasi.

ATMIS oo ka hadashay arrintan ayaa sheegtay inay kala kaashaneyso maamullada deegaanka, si xal loogu helo dhibaatooyinka waddooyinka gobolka Shabeelaha Hoose.

“ATMIS waxa ay la samaynaysaa iskaashiyo saamayn leh maamullada maxalliga ah iyo bahwadaagta horumarinta caalamiga ah iyada oo la raacayo hindisiyaasha qaab-dhismeedka Mashaariicda Saamaynta Degdega ah iyo qaab dhismeedka iskaashiga rayidka iyo ciidamada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidamada ATMIS.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Iskaashiyadan waxay horseedaa horumar la taaban karo oo horumarinta kaabayaasha dhaqaale, sida ballaarinta wadooyinka muhiimka ah”.

Ciidamada ATMIS ayaa aad u isticmaaha waddooyinka ay haatan ku ballaarista, kuwaas oo qarka u saaran inay go’aan, sababo la xiriira geedo waa weyn oo kasoo baxay.

Dhinaca kale maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ayaa boggaadiyay tallaabada ay qaadeen ciidamada ATMIS, waxayna sheegene inay dhankooda ka qayb qaadan doonaan.

Gobolka Shabeelaha Shabeelaha Hoose ayaa waxaa weli ku xoogan dagaalayahanada  kooxda Al-Shabaab, waxaana ka socda howlgallo culus oo saameyn ku yeeshay horumarkii gobolkaasi, maadaama muddo dheer ay ku dagaalamayaan labada dhinac.

 

Saraakiil ajaaniib ah oo lagu laayey duqeyn ka dhacday gobolka Jubbada Dhexe

  • Wararka
Jamaal Maxamed
-
February 25, 2024
0
Saraakiil ajaaniib ah oo lagu laayey duqeyn ka dhacday gobolka Jubbada Dhexe

Jilib (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in maanta duqeyn xoogan oo lala beegsaday xubnaha kooxda Al-Shabaab ay ka dhacday deegaanka Carabow oo hoostaga gobolkaasi, halkaas oo lagu laayay xubnaha fara badan.

Duqeynta ayaa lasoo wariyay in lala bartilmaameedsaday goob ay ku shirayeen saraakiil ka tirsan kooxda Al-Shabaab, waxaana gaaray dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in xubnaha duqeynta lau dilay ay ku jiraan saraakiil ajaaniib ahaa oo ka barbar dagaalamayay kooxda, isla markaana ku sugnaa halkaasi.

Sidoo kale waxaa ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa waxa ay sheegeen in duqeyntaas lagu laayay illaa 20 dagaalame oo ku sugnaa deegaanka la duqeeyay.

Inta uu weerarka socday waxaa sidoo kale la burburiyay gaadiid dagaal iyo saanad milatari oo Al-Shabaab u tiilay deegaanka Carabow oo ah halka ay ka dhacday duqeynta.

Dadka deegaanka waxa ay sheegeen in aan la tegi karin goobaha lala dhacay gantaallada, balse waxa ay xaqiijiyeen inay maqlayeen dhawaqa duqeynta oo ahayd mid culus.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaas lagula eegtay gobolka Jubbada Dhexe.

Dhankeeda dowladda federaalka Soomaaliya weli faahfaahin kama bixin duqeyntaasi lasoo wariyay in khasaare lixaadleh lagu gaarsiiyay maleeshiyaad iyo saraakiil Shabaab ahaa.

Jubbooyinka oo ay ku xoogan yihiin xoogaga Al-Shabaab ayaa waxaa badanaa ka dhaca duqeymo diyaaradeed oo lala beegsado kooxda, kuwaas oo dhaliyay khasaarooyin xoogan.

Xog: Diyaarado waaweyn oo ku sigtay inay shil ku galaan hawada Soomaaliya – Maxaa sababay?

  • Wararka
Caasimada Online
-
February 24, 2024
0
Xog: Diyaarado waaweyn oo ku sigtay inay shil ku galaan hawada Soomaaliya – Maxaa sababay?

Hargeysa (Caasimada Online) – Khatarta shil diyaaradeed ayaa maanta mar kale ka dhacday hawada Soomaaliya, kadib markii isku cabir lagu hagay oo amarro qaldan la siiyey diyaarado ay lahaayeen shirkadaha Qatar Airways iyo Ethiopian Airlines.

Labadaas diyaaradood oo rakaab sida ayaa ka soo kala duulay Addis Ababa iyo Doha, waxayna u kala socdeen Kampala Uganda iyo Dubai Imaaraadka, waxayna khatartaas ku galeen hawada gobollada waqooyi.

Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, labadaan diyaaradood oo ku kala socday labo qad ayaa la isku hagay, waxaana la isugu keenay hal qad si ay isugu dhacaan, balse waxay ku kala badbaadeen daqiiqado aad u yar.

Amarka qaldan ee khatarta geliyey diyaaradahaas waxaa naloo sheegay in laga siiyey Hargeysa, balse diyaaradaha ayaa bixiyey digniinaha khatarta muujiya, waxayna labada duuliye ku guuleysteen inay kala badbaadiyaan diyaaradaha rakaabka badan siday.

Weli waxaa la isku heystaa maamulka hawada Soomaaliya, murankaan ayaa taagan muddo ku dhow labo todobaad, kadib markii maamulka Somaliland go’aansaday carqaladeynta shaqada maamulka hawada dalka.

Shirkadaha duulimaadyada caalamiga ah qaarkood ayaa horay Soomaaliya ugu dacweeyey hey’ad Qaramada Midoobey u qaabilsan duulimaadyada rayidka ah, balse Soomaaliya ayaa ka soo jawaabtay dacwadahaas.

Hey’adda duulista rayidka Soomaaliya ayaa dhawaan war-sacaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay si buuxda u maamusho hawada Soomaaliya, iyadoo digniin u dirtay Somaliland.

Sidoo kale, hey’adda duulista rayidka Soomaaliya ayaa Somaliland ugu goodisay inay qaadi doonto tallaabo culus oo hadda ay uga tureyso shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gobollada waqooyi.

 

Daawo: Afhayeen cusub oo loo magacaabay booliska

  • Wararka
Caasimada Online
-
February 24, 2024
0
Daawo: Afhayeen cusub oo loo magacaabay booliska

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Jeneraal Sulub Axmed Firin ayaa xilkii ka qaaday afhayeenkii ciidanka booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Sadiiq Aadan Cali (Doodishe).

Taliyaha booliska ayaa afhayeenka cusub u magacaabay G/Sare Qaasim Axmed Rooble oo horay muddo dheer u soo hayey xilkaas.

Gashaanle Sadiiq Doodishe iyo afhayeenka cusub Qaasim Rooble ayaa Muqdisho ku qabtay shir jaraa’id oo ay ku shaaciyeen inay ku kala wareegeen xafiiska.

“Shaqadii afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed waxaan hadda si rasmi ah ugu wareejiyey taliyaheyga G/Sare Qaasim Axmed Rooble, xafiiska afhayeenka oo muddo aan ku soo shaqeynayey waxaan galabta ku wareejiyey Korneyl Qaasim,” ayuu yiri Sadiiq Doodishe.

Dhankiisa afhayeenka cusub ee booliska ayaa hadlay, isagoo shaqadii uu soo qabtay uga mahadceliyey Doodishe, wuxuuna balanqaad u sameeyey dadka Soomaaliyeed ee adeega ka sugaya.

“Shaqo qurux badan oo meel dhexe mareysa ayuu igu wareejiyey afhayeenkii hore, waxaan leeyahay allaha kuu fududeeyo shaqada kale ee taliyaha booliska uu kuu igmaday,” ayuu yiri Qaasim Rooble oo aan shaacin shaqada kale ee loo dhiibay afhayeenka uu xilka kala wareegay.

G/Sare Qaasim ayaa balan-qaaday in umadda Soomaaliyeed uu ugu adeegi doono qalbi sami iyo hagar la’aan “gacmo wadajir ayey wax ku gooyaan aan is kaalmeysano, si daacad ahna ugu shaqeyno dadka iyo dalkeena,” ayuu yiri afhayeenka cusub ee booliska Soomaaliya.

Qaasim Axmed Rooble ayaa markii labaad noqonaya Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed, sanadihii 2017 ilaa 2019-kii ayuu soo ahaa afhayeenka booliska Soomaaliya.

Hoos ka daawo

Maxaa dhacaya haddii aysan DF wax ka qaban dilalka ka socda magaalada Muqdisho?

  • Wararka
Jamaal Maxamed
-
February 24, 2024
0
Maxaa dhacaya haddii aysan DF wax ka qaban dilalka ka socda magaalada Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa ka taagan xaalado murugo leh, kadib markii ay kusoo kordheen dhacdooyin saamey ku yeeshay bulshada.

Dilal argagax leh ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay ka dhacayay caasimada, waxaana maydadka qaarkood ay illaa iyo hadda ku jiraan Firinjeer, ayada oo lala sugayo cadaaladda iyo in lasoo qabto dadkii ka dambeeyay falalkaas oo baxsad ka ah laamaha ammaanka.

Xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) oo ka hadlay falalkan argagaxa leh ayaa soo jeediyay labada arimood, wuxuu ugu baaqay ehellada dadka dhintay inay aastaan maydadka, waxaa kale oo uu farriin u diray dowladda federaalka oo uu ka codsaday inay cadaaladda ku dadaasho.

“Dadkan bisha iyo dheeraadka Firinjeerada ku jira waxaan leenahay hala aaso oo ilaahey halaga baqo, dadka dhibaatada gaystayana cadaaladda hala horgeeyo” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu xildhibaanku intaasi sii raaciyay “Waxaan haddii aysan mashruuc ahayn waa musiino rabbaani ah”.

Caana-nuug oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay haddii ay dhibaatooyinkan sii socdaan ay dhici karto in loo cadaalad doonto kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

“Shacabka Soomaaliyeed marxalad waxaa jirtay inay cadaalad u raadsan jireen Tooratoorow, ma Tooratoorowdiibaa lagu jirayaa? laguma jiraayo” ayuu kusii daray.

Ugu dambeyn wuxuu baaq culus u diray hay’adaha amniga dowladda, isaga oo ka codsaday inay dabagal ku sameeyaan xaaladaha soo kordhay iyo cida ka dambeysa.

“Laamanaha waa inay waxaan dabagal ku sameeyaan, si aan amni iyo horumar u helno” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Dudaaye oo shaaciyay arrinta ka dambeysa dilalka sii kordhaya ee Muqdisho

  • Wararka
Jamaal Maxamed
-
February 24, 2024
0
Dudaaye oo shaaciyay arrinta ka dambeysa dilalka sii kordhaya ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aad ka war qabtaan, waxa sii badanaya dilalka ula-kaca ah ee ay geysanaayaan dadka rayidka ah, dadka rayidka ah waxan ula jeedaa qof kasto oo aan ka tirsaneyn ciidamada noocyadadooda kala duwan. Waxa aan filayaa in aad is weydiisay sababta ka danbeyso arintaas, sida aan aniguba isku weydiiyay.

Marka aan isku dayay jawaabta su’aashaas, waxaa ii soo baxday in gaabiska Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee ku aadan fulinta xukunnada ay soo saaraan Maxkamadaha rayidka ah ee lagu rido eedeysanyaasha aan askarta ahayn ee ku kaco dilalka kaska ah, ay tahay sababta ugu weyn ee ka danbeyso kororka dilalkaas. Wali miyaad maqashay amaba aad aragtay danbiile rayid ah oo geystay dil kas ah ee la geeyay tiirka qisaasta si loogu fuliyo xukunkii lagu riday? Waan aragnaa dabiilayaal ka tirsan ciidamada qalabka sida oo la geeyay tiirka qisaasta si loogu filiyo xukunno ay ku riday Maxkamadda ciidamada qalabka sida. I xasuusi, hadii aan ilowsanahay, qof Maxkamad rayid ah ay ku xakuntay dil toogasho ah oo lagu fuliyay xukunkii lagu xakumay muqdisho dhexdeeda hadii aad adigu ogtahay ama aad maqashay.

Sidaba mas’uuliyadda dhaqaajinta dacwadda loo haysto eedeysanaha geystay dilka ulakaca ah ay u saaran tahay XXIG ee qaranka, ayey mas’uuliyadda dhaqaajinta fulinta xukunka lagu rido eedeysanahaasi u saarantahay isla xafiiska. XXIG ayaa qaranka wakiil uga ah eedeynta eedeysanayaasha geystay dilalka bareerka ah, Isla xafiiska ayaana qaranka wakiil uga ah dhaqaajinta iyo weydiisashada fulinta xukunnada ka soo baxo dacwadahaasi uu dhaqaajiyay. Waan aragnaa XXIG ee Qaranka oo dhaqaajinaayo dacwad lidi ku ah eedeysane lagu tuhmaayo geysashada fal-danbiyeed, gaar ahaan dil kas ah, balse ma aragno Xafiiska oo weydiisanaaya fulinta xukunnada ka soo baxo dacwadi uu dhaqaajiyay, taasina waxa ay dhalisay in Maxkamadaha rayidka ah ay soo saaraan xukunno toogasho ah, laakin dadki lagu xakumay ay xabsiga dhexe ka buuxaan. Su’aasha aanan ka jawaabi karin ayaa ah: waa maxay sababta XXIG ee Qaranka uga gaabiyay mas’uuliyadaan ballaaran ee qaranku u wakiishay?

Xeer-ilaalinta Guud ee Ciidamadda Qalabka Sida oo qaranka wakiil uga ah eedeynta askarta ka tirsan ciidamada ee geysta faldanbiyeedyada, waxa ay weydiisataa fulinta xukunnada ka soo baxo Maxkamadda ciidamada, waana laga ogolaadaa, dabadeedna waa la fuliyaa. Taasina waxa ay dhalisay hoos u dhaca danbiyada dilalka kaska ah ee ay geystaan ciidamada qalabka sida. Sidaas si la mid ah, waxa ay ahayd, in XXIG ee qaranka oo wakiil nooga ah eedeynta dadka rayidka ee geysta danbiyada dilalka ah, asaganu uu weydiisto fulinta xukunnada ay soo saaraan Maxkamadaha Rayidka, dabadeedna laga ogolaada, lana fuliyo, si ay hoos ugu dhacaan dilalka ay geysanayaan dadka rayidka ah.

Waa sax in ay jiraan eedeysanayaal rayid ah oo geystay dil kas ah oo xafiisku dacwad ku oogay, laguna xakumay dil toogasho ah, hayeeshee, waa maxay xikmadda ku jirto in waqti iyo qarashba lagu bixiyo soo qabashada eedeysanaha, barista iyo ka gungaarista kiiskiisa, eedeyntiisa, maxkamadeyntiisa, iyo xukun ku rididiisa; dabadeedna, xabsiga dhexe ay buux dhaafiyaan xukumanayaal ku xakuman dil toogasho ah, taasina ay dhaliso kaliya in sanad walbo loo baahdo kordhinta miisaaniyada ciidamada asluubta, maadaama ay maxaabiistu sii kordheyso; sidaas oo kale, loo baahdo kordhinta miisaaniyada Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo la qaato Xeer-ilaaliyayaal cusub, maadaama ay sii badanaayaan eedeysanyaasha oo aynan jirin meel marinta ciqaab ay ku waaniso qaataan dadka qaloocan?

Waxa ay ila tahay in uusan shaki kaaga jirin in fulinta qisaasta ay yareyneyso dilalka kaska ah, maxaa yeelay Quraanka ayaa na baraayo in ay isku xiran yihiin qisaasta iyo nolosha dadka oo hadii qisaas jirto ay badbaadeyso nolasha dadka, hadii aynan qisaas jirinna ay nolosha dadku dayacan tahay oo dadka dilaayaasha ah cidda ay doonaan ay dilaayaan marba hadii aanan loo qisaasi doonin.

Ugu danbeyn, waxaan kula talinayaa XXIG ee Qaranka in uu ka soo dhalaalo mas’uuliyaadka muhiimka ah ee loo xilsaaray, madaxda qarankana waxaa la gudboon in ay kula xisaabtamaan mas’uuliyiinta Xafiiska Xeerilaalinta gudashada waajibaadka loo xilsaaray.

  W/Q 𝐐𝐚𝐫𝐞𝐞𝐧 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐮𝐥𝐥𝐚𝐚𝐡𝐢 𝐌𝐚𝐜𝐚𝐥𝐢𝐧 𝐌𝐮𝐱𝐮𝐝𝐢𝐢𝐧 (𝐃𝐮𝐝𝐚𝐚𝐲𝐞)

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Carruurtii ugu badnayd oo looga dhuuntay isbitaallada magaalada Muqdisho (Daawo)

  • Wararka
Jamaal Maxamed
-
February 24, 2024
0
Carruurtii ugu badnayd oo looga dhuuntay isbitaallada magaalada Muqdisho (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa maanta warbixin kasoo saaray kiisaska la xiriirta xadgudubka loo gaysto carruurta Soomaaliyeed.

Yusra Cismaan Shariif oo ah ku xigeenka xafiiska xeer ilaaliyaha oo la hadashay warbaahinta ah ayaa shaaca ka qaaday inay sii kordhayaan dhibaatooyinka loo gaysto carruurta Soomaaliyeed, ayada oo soo bandhigtay tira koob ay sameeyeen sanadkii hore.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha ayaa sheegtay inay inay diiwaangeliyeen illaa 53 carruur ah oo qaarkood looga dhuuntay isbitaallada Muqdisho, kuwa kalena lasoo dhigay waddooyinka.

Carruurtaas 25 kamid ah ayaa ah gabdho, halka 28 kalena ay yihiin wiilal, sida ay warbixinteeda ku sheegtay Yusra Cismaan oo hadal kooban siisay warbaahinta.

“Sanadka 2023-kii waxaa jirtay in lasoo helay carruur 53 ah oo qaarkood isbitaallada looga tegay, qaarkood dad in loo dhiibay looga dhuuntay kuwa kalena waddooyinka laga soo helay” ayay tiri ku xigeenka xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay “Carruurtaas 25 kamid ah gabdho ayay ahaayeen, inta kalena wiilal ayay ahaayeen”.

Haweeneydan oo sii hadleysay ayaa xustay in carruurta ay ku wareejiyeen dad xanaaneeya, isla markaana ay iyagu ka xafiis ahaan ku kormeeraan saddex bil kasta.

“Mas’uuliyaddooda waxaa loo xil-saaray dad uu xafiiska si sharci ah ugu wareejiyay, waxaana gacan ka gaystay hay’adaha Booliska” ayau mar kale tiri.

Dhibaatooyinka ayaa kamid ah kuwa aan indhaha laga qabsan karin ee ka jira gudaha Soomaaliya, waana kuwa ugu daran xadgudubyada ay la kulmaan dhalaanka yar-yar.

1...668669670...3,815Page 669 of 3,815
LogoTalk

Caasimada Online is a reputable and reliable source of news and information on Somalia. As the largest Somali news site, we are dedicated to providing our readers with accurate and up-to-date coverage of the country's politics, society, and culture. Founded in 2009 by a Somali-American journalist, Caasimada Online is owned by Caasimada Media Group and headquartered in Mogadishu. In addition to keeping our readers informed, we strive to promote democracy in Somalia. If you have any questions or comments, please don't hesitate to contact us at [email protected]

Important Links

  • Privacy Policy
  • Contact Us

Trending

Wararka

Maxay DF ka tiri go’aanka ay QM kasoo saartay Ahlu Sunna Waljamaaca?

Wararka

Daaawo: Gabadhii lagu dhibaateeyay Muqdisho ‘oo la waayay’

Wararka

Daawo: DF oo war kasoo saartay shacabkii lagu laayay Ari-Caddeeye

Social Media

© Caasimada Online 2012 | All Rights Reserved

Facebook
Instagram
TikTok
Twitch
Twitter
WhatsApp