25.3 C
Mogadishu
Wednesday, June 24, 2026

Xildhibaan ku geeriyooday Muqdisho oo la sheegay in maydkiisa lagu xad-gudbay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa todobaadkii hore magaalada Muqdisho ku geeriyooday xildhibaan hore Marxuum Axmed Aadan oo ka tirsanaa baarlamaankii hore ee dalka, kaas oo isaga oo xaalad adag ku sugan loogu tegay qolkiisa, kadibna markii loola cararay isbitaalka ku geeriyooday halkaasi.

Warar kala duwan ayaa laga qoray sababaha keenay geerida marxuumka oo kasoo jeeday gobollada waqooyi, kuwaas oo baraha bulshada lagu baahiyay, isla markaana ahaa kuwa la sheegay inay xadgudub ku ahaayeen maydka xildhibaanka.

Senator Laylo Axmed oo ka tirsan Aqalka Sare ayaa cambaareysay hadalladaas laga faafiyay geerida xildhibaanka oo ay sheegtay inuu si kadis ah ugu geeriyooday Muqdisho.

Wuxuu u dhintay si kadis ah meeshii uu deganaa ayaa loogu tegay isaga oo nafta ku jirto, markii dhaqtarka la geeyayna waa geeriyooday” ayay tiri Senator Laylo Axmed.

Sidoo kale waxa ay farriin u diray dadka faafinayaa warar ay sheegtay in loogu xadgubayo maydka marxuumka oo muddan ixtiraan, sida ay ina fareyso Diinteenna Islaamka.

“Ilaahey halooga cabsado qofka marka uu dhinto wuu dhintay, waana in aan la siyaasadeyn maydka qof dhintay iyo in aan laga been abuuran, Xildhibaankaas wa dhintay allaha u naxariisto dadka waxa xun ka qoraayo ee leh waxyaabaha ka qoraayo ilaahey ha uga cabsadaano” ayay mar kale tiri xildhibaanaddu.

Senator Layla ayaa sii raacusay “Waxaan rabaa bulshada Soomaaliyeed inaan u sheego qofka marka uu dhinto oo uu marxuum yahay wuxuu naga mudan yahay ixtiraam iyo xaqii marxuumnimo.”

Ayada oo ka hadleysay aqoonta ay u leedahay xildhibaanka geeriyooday ayaa waxa ay sheegtay inuu ahaa nin wanaagsan, waxayna tacsi u dirtay ehelladiisa.

“Ninkaas odeyga ah nin zaciim ah ayuu ahaa maalintii aynu halkan joognay wuu nala joogay qof weliba wuu dhimanayaaa Ilaahey ha u naxariisto” ayay kusii dartay.

Ugu dambeyn waxa ay hoosta ka xariiqday inuu socdo baaritaan guud oo ku aadan geerida marxuumka, ayna ka war sugayaan laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Sawirro: DF oo Muqdisho ka dirtay ciidamo dhoolatus uga qeyb-galaya dibadda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho, gaar ahaan garoonka Aadan Cadde waxaa maanta ka ambabaxay ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka oo markii ugu horreysay dhoolatus weyn uga qayb-galaya dalka dibaddiisa, kadib burburkii dalkeenna.

Dhoolatuskan oo ay ka qayb-galayaan dowlado kala duwan ayaa waxaa Soomaaliya ku metalaya saraakiil iyo askar ka tirsan ciidanka Danab oo maanta laga sagootiyay Muqdisho.

Mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Xoogga dalka ayaa ciidamadan kula hadlay garoonka, iyaga oo kula dardaarmay inay si wanaagsan u metalaan Soomaaliya iyo dowladeeda.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Sarreeya Gaas Ibraahim Sheekh Muxyidiin oo horay u la kulmay ciidamada ayaa sheegay inay Soomaaliya ku metali doonaan dhoolatus ka dhacaya dalka dibaddiisa, wallow uusan shaacin magaca waddanka uu ka dhacayo.

“Waa markii ugu horreysay ee aan ka qayb-galeyno carbis milatari oo ka dhacaya dalka dibbaddiisa, waxaad ogtihiin mar haddii aysan horay u jirin waqtiyadan ay dhisneyd dowladdu ama ciidamadanka ay ku jireen dib u dhiska waxa nalagala filan karo inaan isku sheegno ayana rabnaa” ayuu horay u yiri taliyaha Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu xusay in ciidanka laga soo xulay dhalinyaro gaar ah oo metali doono Soomaaliya, isaga oo u rajeeyay inay guul usoo hooyaan dhammaan ciidamada kale.

“Rag dhalinyaro ah ayaa socda aad ayaan ugu faraxsanahay, Soomaalidu waxay dhaqan u leedahay yar yaraan iyo adkeysi” ayuu mar kale yiri taliyuhu.

Waxaa kale uu intaasi kusii daray “Nasiib wanaag sidoo kale waxaa tihiin rag dhalinyaro ah oo maanta carbiska ugu haboon”.

Dhanka kale taliyaha ayaa dardaaran u jeediyay ciidamada ka qayb-galaya dhoolatuskaasi, wuxuuna sheegay in laga rabo akhlaaq iyo adkeysi, muddada ay ku jiraan tababarkaasi.

“Waxaa la idinka rabaa bacda maa meesha la tegaayo ay tahay waddan dibadeed ciidamada ka qayb-galaayana ay yihiin ciidamo badan oo kala duwan oo ka kala socda dowlado badan waxaan rabaa inaad kor u qaadaan sumaddeena oo aad xambaarsan tihiin” ayuu ku yiri dardaraankiisa.

Soomaaliya ayaa haatan sameyneyso dib usoo kabasho weyn oo dhanka ciidamada ah, waxaana sanadihii u dambeeyay xoogga la saaray dib u dhiska Ciidamada Xoogga dalka.

Sawirro: Maydka Marxuum Cabdinaasir DAHABLE oo maanta loo qaaday Hargeysa

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho diyaarad looga qaaday maydka gaasimihii waaxda diyaaradaha ee hey’adda duulimaadka rayidka Soomaaliya Cabdinaasir Muuse Dahable oo 18-ka bishan meydkiisa laga helay gurigii oo ku yaala Waaxda Janaraal Daa’uud, gaar ahaan Xaafadda Ceel Qalow.

Marxuumka ayaa loo duuliyay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, halkaas oo ay dagan yihiin ehelladiisa, si loogu aaso.

Xildhibaano ka tirsan labada gole oo deegaan doorashadooda ay tahay gobollada waqooyi iyo mas’uuliyiin kale ayaa maydka marxuumka kusii sagootiyay garoonka Muqdisho.

Kiiska Cabdinasaair Dahable ayaa dhaliyay shaki xoogan, waxaana soconaya baaritaan ku aadan dilkiisa oo loo soo xiray illaa 6 qof, sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya.

Agaasime Cabdinaasir ayaa kaligiis deganaa guri ku yaalla garoonka Aadan Cadde, waxaa la garan waayey cidda ku dhex dishay gurigiisa.

Sidoo kale wuxuu dilkiisu sii xoojiyay xiisadda haatan u dhexeysa dowladda federaalka iyo Somaliland oo isku hayay arrinta maamulka hawada ee dalka.

Madaxweyne Muuse Muuse oo dhowaan khudbad jeediyay ayaa ka hadlay dilka Cabdinaasir Dahable loogu gaystay magaalada Muqdisho, kaas oo deegaan ahaan kasoo jeeda Somaliland, sidoo kalena u shaqeynayay hay’adda duulista hawada Soomaaliya.

“Madaxweyne Xasan Waxaan ku leeyahay ninkii Soomaliland ee Xamar aad ku disheen godobteeda adeey ku agfadhidaa, uma qabno in ilmo yar yar iyo qaar kale ay ka timid, arrintan waxaa weeye anaa ku dilay anaa kuu gar qaadaya ana kuu go’aaminayo” ayuu yiri.

Lama oga in geerida agaasimihii waaxda diyaaradaha dalka ka howlgala ee dowladda federaalka ay ku lug leedahay xiisadda ka taagneed hada Soomaaliya, waxaana laga war sugayaa baaritaanada socda ee lagu ogaanayo cidda dishay marxuumka.

Daawo: Dibad-bax weyn oo maanta ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka dhacay dibad-bax weyn oo uu soo qaban qaabiyay maamulka gobolka Banaadir.

Dibad-baxa ayaa ka qabsoomay garoonka ciyaaraha Koonis, waxaana ka qayb-galay mas’uuliyiin iyo shacab fara badan oo isaga kala yimid degmooyinka gobolka.

Ujeedka dibad-baxa ayaa ahaa mid lagu taageerayo heshiiska difaaca ee ay wada galeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, uuna meel mariyay baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo goobta ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay dibad-baxa, isaga oo uu tilmaamay inay ku taageerayaan go’aanka dowladda dhexe ee difaaca badda Soomaaliya.

“Dowladda Soomaaliya oo madaxweynaha Jamhuuriyadda uu hoggaaminaayo, dadka gobolka Banaadir oo uu guddoomiyaha gobolka iyo maamulkiisa ay hoggaaminayaan waxay taageerayaan sida ay mar kasta ugu taagan yihiin difaaca, dalka iyo diinta” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay u mahadcelinayaan dowladda Turkiga oo Soomaaliya u muujisay garab istaag buuxa, taas oo ka tarjumeysa saaxibtinimada labada waddan.

“Dowladda Turkiga ayay maanta halkan shacabka Soomaaliyeed uga mahadcelinayaan, gaar ahaan dadka ku dhaqan gobolka Banaadir, waxaana ugu mahadcelineynaa saaxibtinimadooda joogtada ah” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Maxamed Yabooh.

Dadka Soomaaliyeed ayaa aad u taageersan heshiiskaan, maadaama Soomaaliya ay deg deg ugu baahan tahay garab difaac, sida aad horay u ogeydeenba Itoobiya ayaa cadeysatay damac waali ah oo badda Soomaaliya ay ku gunguriyeyneyso, waxaana khasab noqotay in awood looga difaaco badda Soomaaliya.

8-dii bishaan ayey wasiirrada gaashaandhigga ee Soomaaliya iyo Turkiga heshiiskaan ku kala saxiixdeen magaalada Ankara ee dalka Turkiga, waxaana labo maalmood ka hor faafinta rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya ku soo baxay heshiiskaas, kadib markii golayaasha dastuuriga ah ee ay ansixiyeen, Madaxweyne Xasan Sheekh-na uu saxiixay.

Heshiiskaan ayaa sii jiraya muddo 10 sano ah, wuxuu ogolaanayaa in ciidamada Turkiga ay soo degaan badda Soomaaliya, isla markaana ay ka difaacaan wax kasta oo sharci darro ah, mudadaasna waxaa lagu dhisi doonaa awooda ciidamada badda Soomaaliya, si waajibaadkooda qaran ay u gutaan.

Turkigu waa saaxiibka dhow ee Soomaaliya, wuxuuna Itoobiya ugu hanjabay in dhulka Soomaaliya aysan imaa karin oo awood ciidan looga difaaci doono, kadib markii madaxweynaha Turkiga uu toos ula xiriiray ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Loolanka dalalka ugu jiraan Soomaaliya xilli la shaaciyey goorta lasoo saarayo shidaalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciyaaro jaan iyo jiibleh ayaa lagu qaabilayaa markay sidaas ciida faraha u dhigeenba caasimadda Soomaaliya – wafdi ka socda Boqortooyada Sucuudiga kuwaas oo daahfuraya mashaariic cusub oo gargaar ah kuwaas oo dowladda sacuudigu ku xoojinayso xiriirkedda Soomaaliya.

Waloow heshiishkan yahay mid loogu deeqaayo buugaag carruuro iskuuleey ah iyo ceelal biyoodyo xoolahu ka cabaan, haddana qaar saraakiisha Soomaalida kamid ahi waxay qabaan in waxtarka Sacuudigu intaas ka bato, oo uu dhanka amaankana Soomaaliya ka caawiyo.

Soomaaliya waxaa ragaadiyay dagaalo ay kula jirto sannado badan koox islaam sheegad ah. “Soomaaliya waxay ku jirtaa geedi dowlad dhis ah,” ayuu u sheegay AFP Cabdifataax Maxamed oo ah agaasimaha qorsheynta iyo siyaasadda ee wasaaradda caafimaadka Soomaaliya intii lagu guda jiray booqashadii halka maalin ahayd.

“Waxaan ka dhiseynaa ciidamadeenna qalabka, si aan amnigeenna u sugno, waxaan dib u dhiseynaa dhaqaalaheena. Markaa arrintaa, (Sacuudigu) wax badan ayuu qaban karaa.”

Sannadkii la soo dhaafay, iyada oo loo marayo shirar si heersare ah loo agaasimay iyo mashaariic bini’aadantinimo, mas’uuliyiinta Sucuudigu waxay si joogto ah u muujiyeen rabitaan ah in ay “wax badan ka qabtaan” gobolka Geeska Afrika ee Badda Cas.

Arrintaan ku’aadan dalalka dhaca badda cas ayaa si weyn u muuqatay, kadib jawaabtii ay Riyaad ka bixisay dagaalkii sokeeye ee ka qarxay Suudaan, kaas oo ay ciidamadeeda badda u direen maraakiib dagaal si ay u badbaadiyaan dadka rayidka ah ee qaxaya, xilli diblumaasiin ay u fadhiyeen Jedah kulan wadahadal nabadeed.

“Waxaa jira ciyaar [lamidda] tan bisadda iyo jiirka oo u dhaxeysa Imaaraatka iyo Sacuudiga [oo ka socota] gobolka hadda,” ayuu yiri Cameron Hudson oo ka tirsan xarunta istaraatiijiyadda iyo daraasaadka caalamiga ah ee Washington. “Waxay ka faa’iidaysanayaan xiriirkooda wadamadaan gobolka ku yaala ayuu sii raaciyay.

Saraakiil ka tirsan Hay’adda gargaarka ee Sacuudiga (KS Relief) ayaa Soomaaliya yimid xilli walaac xoogan laga muujinaayo farogelinta shisheeyaha, gaar ahaan Imaaraadka.

1-dii Bisha Janaayo, Jamhuuriyadda Iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqay ee Somaliland ayaa heshiish dhigaya in ay Ethiopia siiyaan saldhig ciidan oo 20KM ah oo xeebta ku yaala muddo 50 sanno ah, iyagana ay noqon doonaan dalkii ugu horreeyay ee Somaliland u aqoonsada dal madaxbanaan la gashay dawladda Itoobiya. Taas oo si daran uga cadhaysiisay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xidhiidhka dhow ee Imaaraadku la leeyahay labada dhinac ee Ethiopia iyo Somaliland ayaa sii huriyay tuhunka laga qabo Imaraadku in uu kul lugleeyahya heshiishkan, balse AFP oo codsatay arrinkaan in ay waxka dhahdo kama jawaabin Imaaraadku.

Cumar Maxamuud oo ah khabiir sare oo ka tirsan Hay’adda Xasadaraha Adduunka ee Bariga Afrika, ayaa sheegay in uusan aaminsanayn in Imaaraadku wax ka wado heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, maadaama oo uu tartan dhibaatoleh u keeni karo Dekedda Berbera ee Somaliland oo ay maamusho shirkadda DP World ee Dubai. Laakiin, balse waxuu sheegay in xiisadda kacday in ay fursado u abuurtay wadamo dibadda ah sida, Sacuudiga, Turkiga iyo Masar.

Loolanka jiitamaayay muddaba ee wadamada khaliijka u dhexeeyay ee ku aadan arrimaha Soomaaliyana ayaa u muuqda in uu gaadhay figtii ugu sareysay, Sacuudiga, Imaraadka, iyo Qatar ayana u muuqataa midiba midka kale in uu doonayo in uu kaga saamayn bato Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa siyaasadeedu tahay mid dhexdhexaad ah oo cadaawad muuqata midnaba aan la lahayn.

Shidaalka lagasoo saaraayo Soomaaliya

Isla Bishan Febraayo Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa warreysi uu siiyey BBC-da ku sheegay in Soomaaliya ay dabayaaqada sanadkaan la soo saari doono shidaalkii ugu horeeyay ee laga qodi doono gudaha Soomaaliya.

Dhawaan waxaa khubaro ka socota Hay’adda Batroolka Soomaaliya ay booqdeen deegaanno ka tirsan Galmudug, gaar ahaan degmada Hobyo, halkaas oo ay maamulka iyo dadka deegaanka kala hadleen saamaynta dhinaca deegaanka ee ay yeelan karto shidaal soo saaristiisu.

Soomaaliya ayaa leh keyd shidaal oo badan walise dalka lagama soo saarin.

Arrimahaan gobolka kadhacaya iyo isku dayada ay wada dowladda Soomaaliya ayaana noqonaya kuwo Soomaaliya dhex dabaalsiinaya mowjaddo siyaasadeed oo gudaha iyo dibaddaba ah.

Wasiirka Batroolku wuxuu xaqiijiyey in xilligan la joogo ay diyaar yihiin in la qodo illaa 7 xirmo oo ku kala yaala bartamaha iyo koonfurta Soomaliya, ku waas oo ku kala yaala Galmudug (3 xirmo), Koonfur Galbeed (2 xirmo) iyo Jubaland (2), kuwaas oo sida qorshuhu yahay lagu talo jiro in laga soo saaro shidaal la doonayo in mustaqbalka la dhoofiyo.

Ku dhawaaqista soo saarista Shidaalka Soomaaliya iyo loolanka siyaasadeed wadamadu ugu jiraan ka faa’iidaysiga kheyraadka dalka ee xilligaan ayaana ah arrimo mudan in la darso.

Heshiiska difaac ee Turkiga

Kadib heshiiskii dhex maray Itoobiya iyo Somaliland guud ahaanba waxaa muuqata siyaasadii arrimaha dibadda ee Soomaaliya in ay xagal wareegtay go’aanno waaweyna dowladda Soomaaliya ay qaaday.

Soomaaliya waxay heshiis difaac la gashay dowladda Turkiga oo illaalin doonta xeebaha Soomaaliya muddo 10 sanno ah, ciidamada badda ee Turkiga ayaana gaafwareegi doona xeebaha Soomaaliya iyagoo sidoo kale tababari doono ciidamo badeed oo Soomaaliya leedahay.

Wasiirka qoraal uu bartiisa X soo dhigayna waxuu ku yidhi isagoo ka hadlaayay heshiishka “Ama buur ahoow, ama buur ku tiirsanoow.”

Qorshaha XASAN SHEEKH haddii ciidanka Itoobiya soo galaan Gobollada Waqooyi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay waxa ay sameyn doonaan haddii ay ciidamada Itoobiya soo galaan gobollada waqooyi ayaga oo fulinaya heshiiska ay la galeen Somaliland.

“Si kasta oo suurtogal ah ayaan isu difaacaynaa haddii ciidamada Itoobiya dalka soo galaan si ay u fuliyaan heshiiskii badda,” ayuu yiri madaxweynaha oo wareysi siiyay wakaaladda Wararka Reuters, balse ma uusan sheegin qaabka la isu difaacayo iyo waddada la adeegsanayo.  

Wuxuu mar kale ku celiyay in uusan la hadli doonin Abiy Ahmed illaa inta ay ka laabanayaan heshiiskii sharci darada ahaa.  

Madaxweynaha ayaa dhan kale sheegay in aysan hadda qorshaha ugu jirin in uu dalbado in dalka laga saaro 3-da kun ee ciidamada Itoobiya ee ka tirsan hawlgalka ATMIS.

Si kastaba warqad uu qorey xafiiska Ergada Joogtada ah ee Soomaaliya ee Qaramada Midoobay oo jawaab u ahayd mid kale oo Itoobiya kasoo baxday ayaa lagu yiri “Ciidamada Itoobiya ee ATMIS waxay lumiyeen sumcaddii ciidan nabad illaalin.”

Dhowaan ayay illaa 500 askari oo Itoobiyaan ah isaga baxeen magaalada Kismaayo, kuwaas oo qeyb ka ahaa qorshaha bixitaanka ATMIS, balse waxaa la fahamsanyahay in markii horeba aanan halkaasi lacaga jecleyn, aysana jirin wax wada shaqayn rasmi ah oo ay maamulka la lahaayeen tan iyo sanadkii 2019-kii. Ma jirin hawlgalo ay sameeyeen.

Farogalinta Itoobiya ayuu madaxweynaha sheegay in ay sababtay in Al-Shabaab ay qortaan Illaa 8 kun oo dagaalyahano bishii Janaayo oo kaliya.  

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan heshiis difaac oo dhanka badda ah la gashay Turkiga, balse weli faah-faahin buuxda lagama hayo qodobada heshiiska iyo haddii ay qeyb ka tahay in ciidamada Turkiga ay difaaci doonaan Soomaaliya, haddii lagu soo duulo. 

Madaxweynihii hore ee dalka Tunisia oo xukun adag lagu riday, kadib markii la…

0

Tunisia (Caasimada Online) – Dalka Tunisia ayaa maxkamad waxa ay xabsi siddeed sana ah ku ridday madaxweynihii hore ee dalkaasi ee masaafuriska ku maqan Moncef Marzouki ka dib markii lagu helay dambi ah in uu doonayay “in uu qas ka abuuro” dalkan ku yaalla Waqooyiga Afrika, sida ay sheegtay warbaahintu.

Marzouki, oo 78 jir ah, ayaa ah madaxweynihii ugu horreeyay ee si dimuqraadi ah loo soo doorto dalka Tunisia ka dib kacdoonkii Carabta ee 2011-kii, haatanna waxa uu si adag u dhaleeceeyaa madaxweyne Kais Saied. Waxa uu ku nool yahay Faransiiska, isagoo aan soo xaadirin dhageysigii dacwaddii ka dhanka ahayd.

Marzouki, oo dacwad lagu soo oogay ka dib markii uu qoraallo dhowr ah ku faafiyay baraha bulshada, ayaa 2021-kii xukun xabsi ah lagu riday.

Idaacada Mosaique FM oo soo xiganaysa ilo garsoorka ka tirsan ayaa warisay in Marzouki lagu helay danbi ah “in uu dadka ku kiciyey in ay hubka qaataan”, iyo “kicin in qas iyo boob ay sameeyaan.”

Waaxda dacwad oogista Tunis ayaan ka jawaabin codsi ay AFP ku weydiisay in ay xukunkan ka hadlaan.

Sannadkii 2021-kii ayaa Marzouki lagu xukumay afar sano oo xabsi ah iyadoo lagu eedeeyay in uu halis geliyay ammaanka dalkaasi ka dib markii bannaanbax ka dhacay Paris uu ugu baaqay Faransiiska in ay joojiyaan taageerada ay siiyaan Madaxweyne Saied.

Tan iyo bishii Nofeembar 2021-kii ayaa waxa uu sidoo kale Tunisia u ahaa bartilmaameedka amar ah in la soo qabto ka dib markii madaxweynaha hadda talada haya uu Marzouki ku tilmaamay “cadowga Tunisia” uuna kala nopqday baasaboorkiisa diblomaasiga ah.

AFP + VOA

Rag dhallinyarada u tahriibiya si yaab leh oo lagu qabtay Muqdisho iyo Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Jubbaland ayaa saacadihii lasoo dhaafay gacanta ku soo dhigay shabakad ka shaqaynaysay tahriibinta dhalinyarada  ku nool gudaha magaalada Kismaayo iyo deegaanada kale ee maamulka Jubbaland.

Booliska Jubbaland ayaa sheegay in howlgalkaas ay ku soo xireen 13 qof oo afar ka mid ah ay kuwii dhalinyarada tahriibinaayey yihiin, halka sagaalka ay yihiin dhalinyaro dalka laga tahriibinaayey.

Laba ka mida dadkii la tahriibinayey ayaa haatan ku xiran deegaanka Bilis-Qooqaani oo hoos taga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, sida uu sheegay Taliye ku xigenka qaybta danbi baarista ee booliska Jubbaland L/Xidigle Muxiyadiin Maxamed Cumar.

Jubbaland ayaa xabsiga dhigtay dhammaan muqalasiintii dadka tahriibineysay iyo dadka la qabtay iyagoo dalka ka tahriibi raba, waxaana la sheegay in muqalasiinta ay suurta-gal tahay in la maxkamadeeyo.

Maalmihii lasoo dhaafay sidaan oo kale guri ku yaalla degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho waxaa laga soo qabtay rag muqalasiin ah oo dhalinyarada tahriibi jiray iyo koox dhalinyaro ah oo qorsheynayey inay dalka isaga baxaan oo tahriib khatar ah galaan.

Booliska Soomaaliya ayaa xabsiga u dhaadhiciyey muqalasiintii, waxaana la sheegay in la maxkamadeynayo maalmaha soo socda, markii ay soo dhamaadaan baaritaanada ku socda.

Shabakadahaan lagu kala qabtay Kismaayo iyo Muqdisho ayaa la sheegay inay isku xiran yihiin, isla markaana ay qiyaameen dhalinyaro Soomaaliyeed oo dalka ay ka tahriibiyeen dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay.

Si loo marin habaabiyo qofka, marka hore waxaa la sheegay in dhalinyarada ay safarkooda qurbaha ka siinayaa tilmaamo muujinaya inay Yurub ku geli karaan si fudud, balse markii ay dalka ka bixiyaan ay geynayaan dalka Liibiya, halkaas oo xabsi iyo jirdil ay ku mari doonaan, ilaa qoysaskooda ay ka soo diraan lacago u dhaxeeya 8 ilaa 10 kun oo dollar.

Marka hore xeeladaha ay isticmaalayaan raggaan muqalasiinta ah waxaa ka mid ah in qofka ay ka wadayaan dalka aysan ka qaadeyn wax lacag ah, ilaa ay geystaan Libya, si loogu jir-dilo, waxayna shabakadahaani qiyaameen dhalinyaro badan dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay ay dalka ka tahriibiyeen.

Shir xasaasi ah oo ka dhacay xafiiska Xamza + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyay shir xasaasi ah oo ay yeeshiin golaha wasiirada, kaas oo looga hadlay arrimo ku aadan Isbeddelka Cimilada Adduunka.

Shirka ayaa inta uu socday waxaa diiradda lagu saaray qorshaha Qaran ee hortagga dhibaatooyinka ay dalkeenna ku sababeen Isbeddelka Cimillada Adduunka.

Sidoo kale waxaa  lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira saameynta kala duwan ee isbeddelka cimilladu ay ku yeelatay dalkeenna iyo heerka uu marayo qorshaha dalka ee la qabsiga isbeddelka cimillada.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sharraxay ujeedada shirkan muhiimka ah ee laga yeeshay Isbeddalka Cimilada Adduunka.

“Waxaa si gaar ah looga hadlay qorshaha qaran ee dhimista dikhowga hawada, taasi oo hoos loogu dhigayo walxaha hawada wasakheeya iyo sidii kor loogu qaadi lahaa adkeysiga khataraha ka dhasha isbeddelka cimillada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Xamza oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in isbeddelka cimilladu uu saameyn toos ah ku yeeshay Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca deegaanka oo isbeddello ballaaran laga dareemaye.

Ra’iisul wasaaraha ayaa faray hey’adaha dowladda inay qorshooyin cadcad ka soo gudbiyaan meelaha ugu daran ee u baahan maalgelinta isbeddelka cimillada.

Kulankan ayaa kusoo aaday, xilli weli dalka laga dareemayo saameynta xaaladda Elnino oo dhibaatooyin xoogan ka gaysatay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

30 Al-Shabaab ah oo lagu dilay weerar ka dhacay…

0

Marka (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta duqeyn xoogan oo lagu laayay xubno badan oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ay ka dhacday deegaanka Jlib-Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarkan oo dhacay saaka aroortii hore ayaa waxaa iska kaashaday ciidamada Xoogga dalka iyo saaxibada caalamiga ah, sida ay sheegtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay dowladda ayaa sheegay in howlgalkan oo weli soo socda lagu dilay ugu yaraan illaa 30 ka tirsanaa maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

“Ciidammada Qaranka iyo Saaxiibada caalamka ayaa hawlgalkan qorsheyn ka wada deegaanka Jilib-Marka oo hoostaga degmada Marka ee gobolka Shabeellaha hoose, kaas oo lagu khaarajiyay 30 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in weerarkan si gaar ah loola bartilmaameedsaday goob ay isku uruursanayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Waxaa sidoo kale gacanta lugu dhigay saanad milatari oo hub ay ku jiraan, kuwaas oo ay lahayd, kooxda, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay dowladda dhexe.

“Hawlgalkan oo soo bilawday waaberigii hore ee saakay ayey ciidammada Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ku bartilmaameedsadeen goob ay isku urursanayeen Khawaarijta, kuwaas oo xogtooda la helay, iyadoo gacanta looga dhigay saanad ciidan oo dagaalka loo isticmaalo, sida ay warbaahinta qaranka u xaqiijiyeen saraakiisha howgalkan qeybta ka ah
” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka kasoo baxay dowladda.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkan ee ay guusha ka sheegatay dowladda federaalka Soomaaliya.

Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada dowladda iyo saaxibada caalamiga ah ayaa xoojiyay weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada dalka.

Muxuu ahaa ujeedka shirka deg-degga ah ee uu qabtay Cali Guudlaawe? + Sawirro

0

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa xalay guddoomiyay shir deg-deg ah oo xalay ka dhacay xarunta madaxtooyada maamulkaas ee magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Shirkan oo ah mid gaar ah ayaa waxaa isugu yimid xubnaha golaha wasiirada maamulka HirShabelle, waxaana sidoo kale ka qayb-galay Madaxweyne ku-xigeenka mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo masuuliyiin ka socotay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) oo uu hoggaaminayay guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle.

Ugu horreyn waxaa shirka warbixin guud looga dhageystay Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka HirShabelle, taas  oo ku aadan raadadka ay reebtay Elnino.

Warbixinta ayaa waxa ay kusoo gudbiyeen inay ku dhawaad 500-kun oo ruux ay ku saameysay HirShabelle, iminkana waxaa taagan %65 cabsi laga qabo Elnino ka dhallato Rroobka gu’ga ee la filayo inuu dhawaan curto.

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo madasha ka hadlay ayaa faray dhammaan cida ay khuseyso inka hor dhacdada ay talaabo qaadaan si loo yareeyo khatarta ay geeysaneyso.

Dhankiisa Guddoomiyaha SoDMA ayaa sheegay in ay ka cabsi qabaan roobabka Gu’ga inay uga sii daraan xaaladaha ka jira deegaanada HirShabelle, loona baahan yahay ka hortag.

Mas’uuliyiintan ayaa shalay horay u booqday biya xireenka Sabuun ee duleedka Magalaada Jowhar, si ay u qiimayaan xaaladaha ka jira halkaasi.

Biya xireenka Sabuun oo uu burbur xoogleh ka muuqdo ayaa Sanadihii la soo dhaafay helin wax dib u dayactir ah, kaas oo xusid mudan tahay in wali ka muuqdaan sameentii ka soo gaartay Fatahaadii El-Niño ee sanadkii hore.

Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa sanad kasta ku dhufta fatahaad xoogan oo saameyn ku yeelatay nolosha shacabka ku dhaqan labadaasi gobol.

Mareykanka oo weeraray goobo hub u yaallay Xuutiyiinta

0

Washington (Caasimada Online) – Milateriga Maraykanka ayaa sheegay inay burburiyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay isticmaalayeen kooxda Xuutiyiinta iyo weliba gantaallada lagu weeraro maraakiibta oo yaallay gudaha Yemen iyo badda cas.

Weerarkan ayaa yimid ka dib markii la sheegay inay halis degdeg ah ku yihiin gaadiidka ganacsi iyo maraakiibta dagaalka ee Maraykanka.

Taliska dhexe ee Maraykanka ayaa sheegay inay bartilmaameedsadeen afar diyaaradood oo ah nooca is wada, iyo laba ka mida gantaallada lagu weeraro maraakiibta, kuwaas oo xilligaas ay kooxda xuutiyiintu qorshaynayeen inay weeraro ku fuliyaan.

Milateriga Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay inay soo rideen qaar ka mida diyaaradaha yaryar ee droneska oo xilligaas dul heehaabayey markab ganacsi oo marayey badda cas.

Maraykanka ayaa weerarkan fuliyey Khamiistii iyo Jimcihii.

Reuters + VOA

DF oo iclaamisay banaanbax berri ka dhacaya Muqdisho oo ku saabsan arrin xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wargelin ka soo baxday dowladda Soomaaliya ayaa lagu iclaamiyey banaanbax weyn oo berri ka dhici doona magaalada Muqdisho, kaas oo lagu taageerayo heshiiska iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee Soomaaliya ay la gashay dowladda Turkiga.

Golayaasha fulinta iyo sharci-dejinta ee dowladda Soomaaliya ayaa labo maalmood ka hor ansixiyey  heshiiskaas, kadib markii uu faahfaahin ka siiyey madaxweyne Xasan Sheekh oo hor-tegay, si uu ugu qanciyo danta Soomaaliya ugu jirta heshiiskaas.

Dowladda ayaa shaacisay in banaanbaxa lagu taageerayo heshiiskaas uu berri ka dhici doono garoonka ku badda cagta ee Eng. Yariisow Stadium, kaas oo ku yaalla degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho.

“Bahda Saxaafada waxaa lagu wargelinayaa in maalinta barito (Sabti, 24 February 2024) Garoonka Kubadda Cagta Eng. Yariisow Stadium (Ex – Koonis) uu ka dhici doonno Banaanbax aad u balaaran oo lagu taageerayo Heshiiska Iskaashiga Difaaca & Dhaqaalaha ee dhex maray Soomaaliya iyo Turkiga. Waqtigu waa 8:00 subaxnimo. Mahadsanidiin,” ayaa lagu yiri qoraalka lagu iclaamiyey banaanbaxa.

Dadka Soomaaliyeed ayaa aad u taageersan heshiiskaan, maadaama Soomaaliya ay deg deg ugu baahan tahay garab difaac, sida aad horay u ogeydeenba Itoobiya ayaa cadeysatay damac waali ah oo badda Soomaaliya ay ku gunguriyeyneyso, waxaana khasab noqotay in awood looga difaaco badda Soomaaliya.

8-dii bishaan ayey wasiirrada gaashaandhigga ee Soomaaliya iyo Turkiga heshiiskaan ku kala saxiixdeen magaalada Ankara ee dalka Turkiga, waxaana labo maalmood ka hor faafinta rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya ku soo baxay heshiiskaas, kadib markii golayaasha dastuuriga ah ee ay ansixiyeen, Madaxweyne Xasan Sheekh-na uu saxiixay.

Heshiiskaan ayaa sii jiraya muddo 10 sano ah, wuxuu ogolaanayaa in ciidamada Turkiga ay soo degaan badda Soomaaliya, isla markaana ay ka difaacaan wax kasta oo sharci darro ah, mudadaasna waxaa lagu dhisi doonaa awooda ciidamada badda Soomaaliya, si waajibaadkooda qaran ay u gutaan.

Turkigu waa saaxiibka dhow ee Soomaaliya, wuxuuna Itoobiya ugu hanjabay in dhulka Soomaaliya aysan imaa karin oo awood ciidan looga difaaci doono, kadib markii madaxweynaha Turkiga uu toos ula xiriiray ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Muxuu ahaa hadalkii Itoobiya ka yaabiyey ee Soomaaliya ay ka hor-sheegtay QM?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay aad uga niyad jabtay hadal uu ergeyga dawladda Soomaaliya ee Qaramada Midoobey ka jeediyay kulankii Qaramada Midoobay ee xiisadaan looga hadlay, kaas oo uu ku sheegay in is-afgarad badda ee Somaliland iyo Itoobiya uu lamid yahay iclaamin dagaal.

Ergeyga Itoobiya ee Qaramada Midoobay ayaa isna sheegay in hadalka uu argeyga Soomaaliya goobta ka jeediyay ay ka buuxeen “Beeno fara badan”.

Abuukar Cusmaan Baalle, ergeyga Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa intii uu socday shirkii Golaha Amaanka ee QM, waxa uu ku eedeeyay Itoobiya in ay qorsheyneyso in ay goosato qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya oo ay ka dhisato saldhig milatari.

Itoobiya ayaa ku eedeysay Soomaaliya in eedo aan dhamaad lahayn oo aan gar ahayn ay mar walba soo jeedinayaan madaxda Soomaalidu.

Itoobiya ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ay mar walba ku adkaysanayso in ay dooneyso in uu wanaagsanaado xiriirka labada dal ee walaalaha ah.

Wasiirka difaaca ayaa war uu soo saaray ku sheegay inay doonayaan in kor loo qaado iskaashiga labada dal, si looga faa’iido danaha ka dhaxeeya ee isaga xiran.

Safiirka Itoobiya ee Qaramada Midoobay ayaa qiray, in heshiiskii is-afgarad ee dhexmaray dalkiisa iyo Somaliland aysan aqoonsanayn wadamada caalamku uu yahay mid ugub ku ah dhaqamada caalamiga ah ee la yaqaano.

Wuxuu sheegay in uu lamid yahay heshiisyada dhexmara dawladaha ee fursadaha la isku siiyo badaha kirada ah.

“Itoobiya ma dooneyso in ay cidna dhibaato u geysato,” ayuu yiri safiirka Itoobiya, isaga oo sheegay in heshiiska is-afgarad uu guul laba dhinac la ah u yahay labada dhanba, Itoobiyana siinayo fursad ay badda uga faa’iideysato.

Dajiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobey Abuukar Baale ayaa ka dhex sheegay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, in tallaabooyinka ay ku dhaqaaqeyso Itoobiya ay yihiin kuwa horseedaya soo nooleynta argagixisada, sida ururka al-Shabaab iyo Daacish, sidoo kalena dhiirigalinaya kala qaybsanaanta qabaa’ilka ee ka jirta Geeska Afrika.

BBC

Sababta doodda maqaamka MUQDISHO looga saaray qodobka 1-aad ee dastuurka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa weli ka doodaya dhameystirka dastuurka Soomaaliya oo qabyo ahaa 12-kii sano ee lasoo dhaafay.

Magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa wax maqaam ah loo sameyn, tan iyo dib u yagleelidii Jamhuuriyadda 3-aad ee Soomaaliya oo kasoo bilaabata shirkii Carta ee 2000.

Dastuurka qabyada ah waxaa ku qoran in magaalada caasimada ah ee Muqdisho yeelan doonto maqaam gaar ah oo lagu cadeynayo dhameystirka dastuurka, kaasi oo go’aan ay ka gaarayaan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Dadka degan magaalada Muqdisho hadda sooma doortaan qof siyaasi ah, waxaana maamula dad ay soo magacowdo Madaxtooyada Soomaaliya.

Dhawaan waxaa baarlamaanka la horgeeyay afarta cutub ee uga horreysay dastuurka, kuwaasi oo la filaayo in howshooda lagu kala baxo bartamaha bisha soo aadan ee Maarso.

Cutubka 1-aad qodobkiisa 9-aad wuxuu ka hadlayay arrinta maqaamka caasimada, laakiin guddiga ayaa u raray cutubka 5-aad ee dastuurka.

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qaarkood si weyn u diiday middaasi, iyaga oo sheegay in meesha dhiban ee loo baahan yahay in maanta wax laga qabto inay tahay Muqdisho, sidaas darteedna aanay jirin wax ka mudan in laga dooddo maqaam u sameynteeda.

Waxay soo jeediyeen in cutubka 1-aad markale lagu soo celiyo doodda maqaamka caasimada. Hadda waxaa lagu jiraa marxaladda koowaad ee doodda, laakiin marxaladda saddexaad ayey Xildhibaannada raba in doodda Muqdisho lagu soo celiyo cutubka 1-aad waxay kasoo dhigi karaan mooshin.

Sidoo kale marxaladda afaraad ayaa dhamaan tallooyinka iyo wax ka beddelka lagu soo dari doona, waxaana weli jirta fursad ay doodda caasimada ku heli karto mudnaan gaar ah.

In cutubka 1-aad laga saaray maqaamka caasimada, waxay u muuqata arrin siyaasi ah. Villa Soomaaliya waxay aad u xiiseynaysaa isbeddelka haykalka dowladnimada, sida; in meesha laga saaro kursiga ra’iisul wasaaraha oo lagu beddelo madaxweyne ku-xigeen.

Waxaa la fahamsan yahay in qodobka maqaamka caasimada laga cabsaday inuu buuq badan dhaliyo oo uu shaqada dhan hakad galiyo ama dheereeyo waqtiga, taasi oo caqabad ku noqon karta qorshaha doorashooyinka iyo isbeddelka haykalka dowladnimada ee ay rabto Madaxtooyada Soomaaliya.

Muqdisho waa meesha dhaqaale ahaan iyo shacbiyad ahaanba ku nooshahay dowlad walba oo timaada Villa Somalia. Madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxaa marwalba lagu eedeeya in si uusan dhaqaalaha Muqdisho gacantooda uga bixin inay tahay sababta marwalba uga caga-jiidaan maqaam u sameynta magaalada Muqdisho.

Gaabiska ka muuqda duqa magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale kamid ah sababaha keenaya in aan maamulka gobolka iyo bulshada caasimada wax fal-celin ah ka sameyn in go’aan ka gaarista maqaamka caasimada laga saaray cutubka koowaad ee dastuurka, iyada oo la geeyay cutubka shanaad oo aan la aqoonin xilliga dooddiisa la keeni dooni baarlamaanka.

Qodobadda ay Madaxtooyada Soomaaliya xiiseynayso waxay dhamaan ku jiraan afarta cutub ee ugu horreysa dastuurka ee hadda ay doodoodu socoto. Waxayna taasi si fudud ku fahamsiineysa in kooxda madaxweyne Xasan Sheekh aanay hadda dhanka maqaamka magaalada Muqdisho u socon.

Waa kuma ninka 6 sano kahor uu ku jiray damaca badda ee hadda fulinaya qorshaha Abiy?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ethiopia ayaa horraantii sanadkaan qaaday tallaabo ay ku dooneyso inay qeybo kamid ah badda Soomaaliya qaadato, ayada oo heshiis is-afgarad ay Addis Ababa ku kala saxiixdeen Muuse Biixi iyo Abiy Axmed.

Ethiopia oo damaceeda lagu tilmaamo mid soo jireen ah ayaa waxaa lix sano kahor si cad u muujiyay Birhanu Jula, oo haatan ah Taliyaha Ciidanka Ethopia.

Ninkaan ayaa markaas ahaa taliye xigeen, wuxuuna daba-yaaqadii 2018-kii uu sheegay in aysan jirin sabab ay Ethiopia usii ahaato bad la’aan, waxaana la rumeysan yahay in mayl adeyga arrintaan loogu dalac-siiyay taliye buuxa.

“Waa waajib in (Ethiopia) ay saameyn ku yeelato Badda Cas,” ayuu yiri Birhanu oo markaas xusay in Abiy ay ka go’an tahay dhismaha ciidan bad oo xoog leh [taasi oo meel-mar noqotay].

Si kastaba, Birhanu Jula haatan waa Taliyaha Ciidanka Ethiopia, damacii uu lix sano kahor ku taamayeyna isaga oo taliye xigeen ah ayuu maanta fulinayaa.

“Soomaalidu waxay tiraa ‘Lax waliba shilalkay is dhigtaa lagu gawracaa’, halkaa innagaa is dhignay,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay arrintaan iyo sida Ethiopia uga go’an tahay damaca guracan ee badda.

Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa Soomaalida ku booriyay in loo baahan yahay in aan dalkeenna difaacano, islamarkaana aynu dhisano ciidan tayo leh, si looga maarmo gacan hoorsiga dal shisheeye si uu inooga difaaco duulaanka cadowga.

“Duniduna maanta waxay joogtaa xilli dalkii dayacan, dadkiisuna taag yaryihiin lagu durdurinayo,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Waxa uu intaas kusii daray “Haddii damiir iyo dadnimo nooshahay sow ma habboona in aan dul istaagno xallinta sababihii shilalkaa ina dhigay? mise difaaca dalka waxaan ku halaynaa dal shisheeye, innagana danta shakhsiga ah iyo damaca qabiilka ayaa sii wadnaa?.”

Cosoble oo si yaab leh uga jawaabay xildhibaannada diidan heshiiska TURKIGA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa markii ugu horreysay ka hadlay doodda ka dhalatay heshiiska difaac ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Heshiiskan oo Arbacadii uu ansixiyay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya, ayada oo isla maalintaasi uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu deg-deg ugu meel-mariyay kulan uu ka qeyb-galay madaxweyne Xasan Sheekh.

Heshiiskan ayaa waxaa dood ka keenay Xildhibaannada qaar, oo ayagu Arbacadii si aqbaliyad ah u meel-mariyay heshiiska, kuwaasi oo dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ku dhaliilay in aysan la wadaagin nuqulka heshiiskaasi.

Xildhibaannadaasi ayaa waxaa kamid ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo isagu sheegay in madaxweyne Xasan ay ku aamineen wixii uu baarlamaanka hortiisa uga sheegay heshiiska, balse uusan nuqulka heshiiska mudaneyaasha la tusin, ayna qaadatay qiirada difaaca baddeena, sidaasna ay ku ansixiyeen heshiiska difaaca ee Turkiga kula wareegayo ammaanka badda Soomaaliya.

Cosoble oo u jawaabaya Xildhibaannada doodda ka keenay heshiiska, xilli uu si rasmi ah meel-mar u noqday ayaa waxa uu sheegay in mudaneyaasha BF aysan qasab aheyn in lala wadaago sirta qaranka, si aysan dibadda ugu bixin, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaannada ayuu ku weeraray in aysan faham durugsan u laheyn laba qodob oo uu ku sheegay mucaaradnimada iyo sirta qaranka ilaalinteena.

“Waxaa loo baahan yahay xildhibaanka inuu kala fahmo mucaaradnimada iyo sirta qaranka, ayadoo qoraal ah ha naloo qeybiyo, mar hadii laguu sheegay in heshiis amni la galay waxaad u sii daba socoto waa inaad sirta qaranka la wadaagto cadawga,” ayuu yiri Cosoble.

Waxa uu intaas sii racayay madaxweynihii hore ee HirShabeelle, “Waxaad nasiib leedahay hadaan baaritaan lagugu sameyn.”

Si kastaba, heshiiska difaaca ee dhawaan wada gaareen Soomaaliya iyo Turkiga ayaa si rasmi ah u noqday dhaqan-gal, kadib markii uu xalay saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii ay soo asnixiyeen Golaha Wasiirrada iyo labada Aqal ee BF.

Heshiiska difaaca badda oo dhaqan-galay kadib tallaabo uu xalay qaaday Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay saxiixay heshiiska iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee dhawaan wada gaareen Soomaaliya iyo Turkiga.

Heshiiskan ayaa waxaa Arbacadii ansixiyay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya, ayada oo isla maalintaasi uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu deg deg ugu meel-mariyay kulan uu ka qeyb-galay madaxweyne Xasan Sheekh .

“Waxaan saxiixay heshiiska iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ansixiyay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Heshiiskan ayuu sheegay inuu qayb ka yahay dadaallada ay dowladda Soomaaliya ku bixinayso dhowrista amniga, khayraadka, gobonimada, madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee JFS Soomaaliya.

“Heshiiskani oo mudadiisu tahay 10 sano waa mid taageeraya hurumarinta dhaqaalaha baluugga, kobcinta wax soo saarka kalluunka, dhisida kaabayaasha dhaqaalaha, ilaalinta khayraadka badda, la dagaallanka argagaxisada iyo ka hor taga wax kasta oo sharci darro ah oo la mariyo xeebaha Soomaaliya.”

Heshiiska difaac ee Soomaaliya ay la saxiixatay Turkiga ayuu madaxweynaha sheegay in uu Soomaaliya gaarsiin doono inay dhisato ciidan badeed ku filnaada difaaca baddeenna, xilli ay taagan tahay xiisadda badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo heshiiskani inaga dhexeeyo waa dal iyo dad aan naqaanno, marar badan hiil inoo muujiyay. Waa waddan saaxiib iyo walaal ah oo aan ku aamini karno iskaashigan muhiimka u ah difaaca qarannimadeeenna iyo midnimadeenna dhuleed,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntii waxa uu ka sheegay munaasabad kooban oo ka dhacday Madaxtooyada uuna ku saxiixay heshiiskaasi, in heshiiskan uu qeyb ka qaadanayo nabadda iyo xasilloonida gobolka, uuna meesha ka saarayo dayicii ka jiray baddeenna sanadaha badan.

War kasoo kordhay dacwadda Saabey, Koofi iyo Cabdul

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa mudeysay dacwad musuq-maasuq oo ka dhan ah saraakiil dowladeed, kuwaasi oo gaaraya illaa 12 xubnood.

Xubnahaan ayaa waxaa ku jira Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) iyo Cabdulqaadir Cilmi (Cabdul) oo labaduba soo maray hoggaanka sare ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, soona noqday Agaasimihii hay’addaasi.

Sidoo kale waxaa kamid ah saraakiisha loo haysto musuqa ee maxkamadda ay muddeysay dacwadooda Agaasimihii Canshuurta Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya, Muxiyadiin Xasan Jurus (Muxiyadiin Saabey) oo isna maqane ah.

Maxkamadda ayaa shaacisay inay mudeysay gal-dacwadeedka ciqaabta ah ee loo haysto xubnahaan, taasi oo bilaabaneysa maalinta Arbacada ah ee Taariikhdu tahay 28/02/2024 saacadduna markay tahay 9:00 Subaxnimo.

Maxkamadda ayaa waxay fartay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, qareennada difaaca eedaysanayaasha inay kasoo qeyb-galaan dhageysiga dacwadda isla taariikhda iyo saacadda sare ku xusan, sidoo kalena ay la yimaadan dhammaan cadeymaha ay rabaan in ay u isticmaalaan kiiskaan.

Hoos ka aqriso magacyada iyo xilalka ay hayeen xubnahaan loo haysto musuqa ee la mudeeyay dhageysiga dacwadooda.

1. Cusmaan Xasan Cosoble – Ku-xigeenkii hore Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS.

2. Muxudiin Xasan Jurus – Agaasimihii hore ee Waaxda Canshuuraha Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda XFS.

3. Cabdiraxmaan Maxamed Cali (Caadle) – Agaasimihii hore ee Waaxda Ajaanibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS.

4. Maxamed Ibraahim Axmed – Sarkaal ka tirsan Waaxda Ajaanibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS.

5. Abuukar Xasan Aadan – Madaxii hore ee xaqiijinta dukumentiyada codsiga fiiso kordhinta ee Waaxda Ajaanibta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS.

6. Cabdullaahi Daahir Wehliye – Khasnajiga qeybta dakhliga Ajaanibta laanta Bangiga Dhexe ee Garoonka Aadan Cadde.

7. Cabdalla Maxamed Axmed – Agaasimihii waaxda IT-da ee Xafiiska Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka.

8. Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) – Agaasimihii Guud ee hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS.

9. Cabdulqaadir Cilmi (Cabdul) – Agaasimihii Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS.

10. Jacfar Maxamed Axmed – Agaasimihii Guud ee Waaxda Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda XFS.

11. Cabdikaafi Xasan Maxamed – Agaasimihii maamulka iyo Maaliyadda ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS.

12. Maxamed Xuseen Nageeye – Sarkaalkii hore ee masuulka ka ahaa qaadashada fiiso kordhinta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS.

‘Soomaaliya waa ay ka fog tahay dawlad caaqil ah, balse waxay haysataa…’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Turkiga heshiis difaac iyo Iskaashi dhaqaale ayey la wada galeen Itoobiya, Soomaaliya iyo Jabuuti.

Dawladaha danahooda istiraajiga ah ayaa haga, halka ay ugu badiso ayeyna ka dheefsadaan. Caadifad, qiiro iyo niyad wanaag wax badan kuma dhisaan.

Waxaan xusuustaa iyadoo madaxdii talada dalka iskaga danbaysay na leeyihiin Itoobiya tii hore ee aad taqaaneen maaha. Xilli aan fogayna dawlad kale ayaa na loo sheegay in ay tahay saaxibka keli ah ee ay Soomaaliya leedahay.

“Sideebay dawlad u fekertaa (How State Think). Waa buug ay qoreen John Mearsheimer iyo Sebastian Rosato oo maalmahaan ugu aqriska badan yihiin dadka daneeya arrimaha dawladnimada, gaar ahaan kaadirka ku hawlan dibloomasiyadda iyo xiriirka caalamiga.

Labada Barafasoor oo baac wayn ku leh arrimahan ayaa ku doodaya in dawladda caaqilka ah lagu garto sida ay dunida u fahamsantahay, danaheedana uga dhex jirato, iyagoo halbeegga lagu garto dawladaasna ku sheegay.

1- In ay go’aanka ku dhisto aragti cilmi ah iyo aqoon lagu fahmi karo xaaladda taagan

2- In hannaanka go’aan qaadashada loo maro waddo sax ah oo ay soo dhirrandhiriyeen hay’adihii ku shaqada lahaa.

Haddii aad doodda buuggan ku xusan ku qiimayso siyaasadda arrimaha dibadda dalkeenna, waxaa kuu soo baxaysa in aan weli ka fognahay dawlad caaqil ah, laakiin aan haysano fursadihii aan ku noqon lahayn.

W/Q: Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.