25.1 C
Mogadishu
Tuesday, June 23, 2026

Al-Shabaab oo baahiyey muuqaalka ninkii toogtay saraakiisha Imaaraadka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa xalay markii ugu horreysay baahisay muuqaal ay horay uga duubeen ninkii weerarka toogashada ah ka fuliyey xerada tababarrada ciidamada xoogga dalka ee Jeneraal Goordan oo ku taalla degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Caasimada Online, waxay habeen hore baahisay xog lagu ogaaday baaritaanka la sameeyey oo xaqiijineysa in Shabaab ay ninkaas ku soo dhex-darsadeen ciidamo ay Imaaraadku u tababarayeen dowladda Soomaaliya.

Muuqaalkan oo xalay Shabaab-ku baahiyeen ayaa ninkaan laga duubay intii uu joogay dhulka ay kooxdu maamusho, wuxuuna ku shaacinayaa inuu si daran ula dagaalami doono dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamka.

Ninkaas oo kooxdu magaciisa ay ku sheegtay Mustafa, wuxuu ka mid ahaa ciidan dhawaan tababar loogu soo xiray xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho, wuxuuna nasiib u yeeshay inuu ka mid noqdo dhowr iyo toban askari oo hubkooda loogu qeybiyey si hor-dhac ah, loona xil-saaray inay waardiyeeyaan xerada.

Nasiib darro wuxuu fursadii la siiyey uga faa’iideystay inuu dhagar u qorsheeyo dowladii tababartay, hubka siisay, mushaarkana u qortay, wuxuuna muddo raadinayey fursad uu ku toogto madaxda sare ee dowladda, balse uma suurtagelin.

Saraakiishii ugu sareysay howlgalka Imaaraadka ee koonfurta Soomaaliya ayuu  galabtii dambe fursad ku helay, iyagoo dalka jooga wax ka yar 48 saacadood, kana yimid magaalada ayey soo galeen xerada, waxayna toos u aadeen masjidka, maadaama lagu jiray salaadii maqribka, wuxuuna ku dhex toogtay masaajidka, iyagoo salaadii ku jira.

Muuqaalka laga duubay intii uu la joogay Al-Shabaab ee caawa la sii daayey kuma uusan shaacin halka uu weerari doono, balse wuxuu ugu goodinayaa dowladda Soomaaliya iyo intii la shaqeysa, waxaana hadalladiisa laga dareemayaa xagjirnimo weyn.

Ninkaan waxaa la ogaaday inuu ka dhashay beesha Hadamo oo degta gobolka Bakool, waxaa laga soo qoray degmada Xudur, waxaana dowladda ka damiintay si tababarka loogu daro xildhibaankiisa, weli waxay dowladdu wadaa baaritaanka kiiskaas culus ee dhakafaarka ku noqday Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Horay waxaa loo soo bandhigay oo bulshada la tusay sawirka laga qaaday intii uu tababarka ku jiray askariga toogashada fuliyey, waxaana is lahaaday muuqaalka ay Shabaab ka duubeen ninkaas intii uu la joogay iyo sawirkii horay loo baahiyey ee laga qaaday intii uu tababarku uga socday Xero Goordan.

Sacuudiga iyo Imaaraadka oo isku haya SOOMAALIYA

0

Riyadh (Caasimada Online) – Sida ay faafisay wakaaladda wararka AFP, waxaa soo sare maray loolan u dhaxeeya Boqortooyada Sucuudiga iyo Imaaraatka Carabta, kaas oo ku saabsan sidii ay saamayn ugu yeelan lahaayeen Soomaaliya.

Iyada oo la xiganayo dad wargaleen ah, ayaa la sheegayaa in Sucuudiga uu aad sare ugu qaaday heerka xiriirka ee Soomaaliya iyo deeqaha uu ku bixinayo, si baa la yiri, uu galaangal ugu yeesho qaddiyadda Badda Cas ee sii murgeysa.  

Imaaraatka ayaa la sheegay in uu sii kordhayo tuhunka laga qabo in uu hoosta ka riixayo dowlado daris ah in ay saldhigyo ku yeeshaan badda Soomaaliya, sida wakaaladda ku doodayso.  

Sucuudiga Isaga waxaa la sheegay in uu dowladda federaalka kala hadlayo sidii uu garab ugu siin lahaa in ay soo iibsato hubkii ugu horeeyay bisha Diseembar ee sanadkan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar aan fogeyn Sucuudiga u magacaabay safiir nin gacantiisa midig ah, taas oo la sheegay in ay ka turjumayso muhiimadda uu yeelanayo xiriirka labada dal.

Dowladahan Carbeed ayaa hadda kusoo baraarugay mudnaanta Soomaaliya ee dhanka Badda Cas oo hadda uu ka jiro qalalaasihii ugu weynaa. Waxay rabaan in ay dhinac kasoo fariistaan miiska looga hadlayo qaddiyadan, oo saamayn toos ah oo taban ku yeelatay dhaqaalahooda iyo amnigooda. 

Amniga Badd Cas ayaa waxaa qalqal ku haya kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen oo weeraro la beegsanaya qaar ka mid ah maraakiibta Reer Galbeedka ee halkaas mara, ayaga oo sheegay inay ugu hiilinayaan kooxda Xamas ee dagaalka kula jirta Israel.

Sawirro: Maxay masuuliyiinta DF iyo HirShaebelle kusoo arkeen biya-xireenka Sabuun?

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha hay’adda maareynta musiiboyinka qaranka Maxamuud Cabdulle, ayna qeyb ka ahaayeen wasiirka arrimaha hudaha HirShabeelle Cabdiraxmaan Guure ayaa maanta waxay booqasho ku tageen biyo-xireenka Sabuun ee duleedka magalaada Jowhar.

Masuuliyiintan ayaa sidoo kale waxaa kormeerka ku wehliyay guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Mayre Makraan, wasiir ku-xigeenka wasaaradda gargaarka iyo masuuliyiin kale, waxayna indhahooda soo saareen xaaladda biyo-xireenka.

Biyo-xireenka Sabuun oo bur-bur xoogle ka muuqdo ayaa sanadihii la soo dhaafay helin wax dib u dayactir ballaaran ah, iyaga oo masuuliyiintaan kormeerka qeybta ka ahaa ay indhaha soo saareen sameyntii ka soo gaartay fatahaadii El-Niño ee sanadkii hore.

Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiiboyinka qaranka ee SODMA Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa sheegay in ay ka shaqeyn doonaan dib u dayactirka kanaalkaan muhiimka ah.

Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in ay tallaabadaasi qaadi doonaan iyaga oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed iyo saaxibada caalamka, si looga hor taggo daadad iyo fatahaado laga cabsi qabo in roobka gu’ga uu sameeyo.

Waxa uuna guddoomiyaha intaas kusii daray in si ka hortag loo sameeyo loo baahan yahay in la habeeyo biya-xireenada iyo goobaha biya mareenada ah.

default

default

default

Shaki hareeyey in heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga uu qeyb ka yahay difaaca badda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Arbacadii cod aqlabiyad ah ku ansixiyey heshiis ay dowladda Soomaaliya la gashay dhiggeeda dalka Turkiga, kaas oo ku saabsan iskaashiga dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha ah.

Waxaa ka horreeyay heshiis is afgarad oo ay jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland la gashay Itoobiya kaas oo lagu kala saxiixday magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, 1-dii Janaayo.

Waxaa uu ku saleysnaa in Itoobiya ay dhul badeed hesho iyo in saldhig ciidan ay ka dhisan doonto dhulka Somaliland, waxaase ka biyo diidday dowladda Soomaaliya oo sheegtay in dhulka ay Itoobiya dooneyso uu ka mid yahay dhulkeeda.

Heshiiskaas oo muran badan dhaliyay ayaa Somaliland waxa ay ku adkeysatay in wax waliba oo dhulkeeda ah ay u madax bannaan tahay ayna mas,uul ka tahay, isla markaana aysan cidna kala tashan doonin.

Heshiiska haatan lagu anxsiyay Muqdisho oo ahaa mid aysan akhrin ama arkin xubnaha baarlamanka balse ay sheegeen in loo dulmaray ayaa loo arki kara mid wax u dhimi kara ama khuseyn kara heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya sida ay dadka qaar qabaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in heshiiskan iskaashiga dhanka difaaca ee ay la saxiixdeen Turkiga, uusan ahayn mid lagula diririyo Itoobiya oo haatan ay muuqato in xiisad kulul ay ka dhaxayso.

Waxaase xusid mudan in dowladda Turkiga ay lafteedu heshiisyo dhowr ah kula jirto dowladda Itoobiya, waxaana kamid ah heshiis ganacsi oo weyn, waxaana Turkigu uu maalgashaday qaybo badan oo ka mid ah Itoobiya.

Turkiga ayaa sida Soomaaliya wuxuu Itoobiya kula jiraa heshiis difaac, waxa uuna ka caawiyay diyaaradaha qumaatiga u kaca.

Maxamed Mukhtaar Ibraahim oo ah wasiirkii hore ee batroolka ee Soomaaliya, kana faallooda arrimaha siyaasadda, oo BBC-da la hadlay ayaa yiri “Sida uu madaxweynuhu sheegay heshiiskan muddo dheer ayaa laga shaqeynayay, ma aha mid abuurmay intii ay taagneyd xiisaddan, hase yeeshee heshiiskan waa mid qeexaya in Turkigu uu gacan weyn ka geysanayo wax kasta oo ah ku xad gudubka dhulka Soomaaliya,” taas waxaa ku jira badda, cirka iyo berriga.

Cabdinaasir Axmed Adan oo ah dhaqaaleyahan ka faallooda arrimaha siyaasadda ee Geeska ayaa dhanka kale sheegay in haba yaaraatee wax saameyn ah uusan heshiiskan ku yeelan karin kii horay ay u kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland.

“Heshiiskan lagu ansixiyay Muqdisho ee u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya, haba yaraatee waxba uma dhimi doono, sababtoo ah Turkigu waxa uu heshiis weyn oo ah mid dhaqaale iyo mid difaac kula jiraa Itoobiya mana doonayo in uu heshiiskaas wax u dhimo maadaama ay dan badan ugu jirto,” ayuu yiri Cabdinaasir.

Madaxweynaha Turkga Recep Tayyib Erdogan qudhiisu waxa uu si adag uga hadlay in aan la fara gelin karin midnimada dhuleed ee Soomaaliya, xilli uu ku sugnaa magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa waxa uu ballan qaaday “in ay difaacayaan madaxbannaanida Soomaaliya.”

Wasiir Maxamed Mukhtaar ayaa mar kale yiri, “Turkigu waxa uu heshiis kan la mid ah kula jiraa Itoobiya, waa macquul in uusan dhinac la safan ama si gaar ah u taageerin, waxaana laga yaabaa in xiriirka kala dhexeeya labada waddanba uu uga faa’iideysto isku soo dhaweyntooda.”

Sidoo kale waxa uu sheegay Maxamed Mukhtaar in Itoobiya xitaa haddii ay sii howlgeliso fulinta heshiiskan ay hor taagan yihiin caqabado dhowr ah oo u baahan in ay ka soo gudbo, sida ansixita baarlamaannada Somaliland iyo Itoobiya iyo ka gudubka heshiisyada xeerarka caalamiga ah.

Dhaqaaleyahan Cabdinaasir Axmed dhankiisa waxa uu sheegay in Soomaaliya horeba ay dalal kale kula jirtay heshiisyo, kuwaasina aysan soo fara gelin jirin arrimaha Somaliland, tanina ay la mid tahay.

“Heshiiskan waxa uu burinayaa hadalkii hore ee Soomaaliya ee ah in dhulkeeda duullaan lagu yahay, Soomaaliya waxa ay bixisay boqokiiba soddon in Turkigu faa’iido ahaan u qaato khayraadka badda ee Soomaaliya, waana isla meeshii oo Turkiga ayaa labada dhinacba faa,iido ku qaba,” ayuu sii raaciyey Cabdinaasir Axmed.

“Sida heshiiska loo qariyay waxa ay u muuqataa in Soomaaliya ay Turkiga siisay wixii ay ku diiddaneyn Itoobiya, Somaliland waxa ay leedahay ciidan badeed, dhulkeeda kama jiro burcad badeed iyo qashin lagu qubo baddeeda, dalalka Soomaaliya ay heshiiska kula jirto Somaliland ma yimaadaan, tanina waa la mid oo ma iman doonaan,” ayuu yiri Cabdinaasir Axmed Adan.

Soomaaliya ayaa gashay heshiisyo dhowr ah tan iyo markii uu soo shaac baxay in khilaaf diblomaasiyadeed uu kala dhexeeyo Itoobiya. Somaliland waxay weli ku adkaysanaysaa in heshiiska ay la gashay Itoobiya uu dhaqan gali doono.

Isha: BBC

INDIA: Isbaheysigii ballaarna ee mucaaradka oo bur-buray xilli xasaasi ah

0

New Delhi (Caasimada Online) – Isbaheysigii ugu ballaarna ee mucaaradka dalka India ayaa bur-buray, xilli ay billo dhowr ah ka harsan yihiin doorashooyinkii qaran.

Sannadkii hore, illaa dhowr iyo toban xisbi ayaa u midoobay sidii ay ula tartami lahaayeen Ra’iisal Wasaaraha India, Norendra Modie oo ah kii ugu taageerada badnaa muddo aad u fog.

Hase yeeshee, isbahaysigii balaarnaa ayaa burburay, iyada oo ay taas sabab u ahaayeen aragtiyadooda siyaasadeed iyo kuwo shakhsi ah.

Burburka ayaa ku soo beegmaya xilli muhiim ah oo doorashooyinkii qaran ay ka dhiman yihiin bilo yar.

Dadka siyaasadda India falanqeeya ayaa sheegay in tartan dhexdooda ah iyo xisbiyo iska baxay ay burburiyeen xisbigan oo la magac baxay the INDIA alliance, si uu awoodda ugala wareego xisbiga BJP ee uu hogaamiyo Modi.

Dhinaca kale, taageerada Modi ayaa meel sare gaartay ka dib markii uu bishii hore furay macbadka Hinduuga ee ku yaall woqooyiga magaalada Ayodhya, isaga oo ka soo baxay ballan xisbgiisa Hinduugu uu muddo dheer ku taamayey fulinteeda.

Dowladda MAREYKANKA oo 50 sano kadib markii ugu horreysay qaaday tallaabo…

0

Houston (Caasimada Online) – Dayax-gacmeed laga leeyahay Maraykanka ayaa markii ugu horraysay muddo 50 sannadood ah wuxuu ku degey meel u dhow cidhifka koonfureed ee dayaxa.

Dayax-gacmeedkan oo ay hawada sare u dirtay shirkad gaar ah oo lagu magacaabo Intuitive Machines ayaa dayaxa ku degay fiidnimadii Khamiista ee wakhtiga Washington DC.

Daqiiqadihii ugu horreeyey ayay cillad farsamo ku timi isgaadhsiintii lala samaynayey aaladdan, gaar ahaan in aaladdani ay fariimo u soo gudbiso xarunta laga maamulayey.

Xarunta la socodka dayax-gacmeedka la diray iyo maamulkiisa ayaa ku taalla magaalada Houston ee gobolka Texas ee dalka Mareykanka.

Daqiiqadihii ugu horreeyey ayaa ahaa kuwo culays badan ku keenay shaqaalaha iyo farsamo-yaqaannada la socday xaaladda dayax-gacmeedka.

Muddo 10 daqiiqadood ah ayay qaadatay in fariimo laga helo dayax-gacmeedka kadib markii ay shaqayn wayday mid ka mida warlalisyada ama Antenooyinka ku xidhani, hase ahaatee ugu dambayn fariimo ayaa laga helay muujinaya in uu si nabad ah u degey.

Tim Craine oo hoggaaminayey hawl-galkan cusub ayaa sheegay inay weli qiimaynayaan xaaladda dayax-gacmeedka ay direen iyo sidii ay u heli lahaayeen xogtiisa oo dhamaystiran, hase ahaatee wuxuu sheegay inay si buuxda u xaqiijinayaan in dayax-gacmeedku uu haatan ku sugan yahay oogada sare ee dayaxa.

Waa markii ugu horraysay ee Maraykanku uu dayax gacmeed diro, tan iyo wixii ka dambeeyey sannadkii 1972-kii.

Dayax-gacmeedkan ay dirtay shirkadda gaarka loo leeyahay ee Intuitive Machines ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee ay dirto shirkad gaar loo leeyahay, kuna dega dayaxa oogadiisa sare.

Shan dal oo keliya ayaa dayaxgacmeed ku dejiyey dayaxa guudkiisa, kuwaas oo kala ah; Maraykanka, Ruushka, Shiinaha, Japan iyo Hindiya.

Warbixintan qeybo kamid ah waxaa laga soo xigtay VOA

Netherlands oo Maxamed Midnimo u magacowday qunsulkeeda Soomaaliya

0

Amsterdam (Caasimada Online) – Boqortooyada Netherlands ayaa markii ugu horeysay u magacowday muwaadin asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya inuu noqdo qunsul sharafeed u matala danaha Netherlands ee Soomaaliya.

Maxamed Bashiir Cismaan oo ku magac dheer Midnimo, horayna ugu mid ahaa bahda saxaafadda Soomaalida Netherlands iyo Soomaaliya, ayaa noqday qunsul sharaeedka boqortooyada Netherlands ee Muqdisho, isagoo lagu soo xushay dadaalkiisa iyo isku xirka ganacsi iyo xiriir ee Soomaaliya iyo Netherlands.

Magacaabistaan ayaa loo arkaa horumar la taaban karo oo lagu kobcinaayo xiriirka u dhaxeeya Netherlands iyo Soomaaliya, islamarkaana lagu xoojinaayo xiriirka qurba joogta Netherlands iyo Soomaalida ku sugan dalka ee sii kordhaya.

Maxamed Bashii iyo Boqorka Holland King Willem-Alexander
Maxamed Bashii iyo Boqorka Holland King Willem-Alexander

Howsha ugu muhiimsan ee Maxamed Bashiir ayaa noqon doonta isku xirka muhiimka ah ee u dhaxeeya Netherlands iyo Soomaaliya, gaar ahaan qurba joogta dalka timaada iyo arrimaha kale ee danaha Netherlands.

Maxamed Bashiir oo ku dhashay magaalada Muqdisho, wuxuu Netherlands tegay wixii ka danbeeyay 2006-dii, isagoo halkaasina waxbarashada luuqada iyo tan asaasiga ah guul ka gaaray.

Sanadkii 2016-kii wixii ka danbeeyay ayuu magaalada Muqdisho ka hirgeliyay shirkad ganacsi oo la yiraahdo Daa’uus, taasoo guul gaartay, kadibna wuxuu ku guuleystay inuu hirgeliyo xiriirka Soomaalida Netherlands ee dalka yimaada iyo isku xirka safaaraddooda isagoo hal abuuray “Guriga Oranje ama Guriga Holland,” ee magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Maxamed Midnimo wuxuu ka mid ahaa suxufiyiintii da’da yar ka shaqeeeyay Muqdisho ee tegay Netherland, mihnadoodadana halkaasi kasii watay markii uu dalkaasi magangelyada ka helay.

Ali Muhiyaddiin
Caasimada Online

Shabaab oo war lama filaan ah kasoo saaray heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Argagixisada Al-Shabaab Cali Dheere ayaa soo saaray farriin uu kaga hadlayo heshiiska difaaca badda ee Soomaaliya ay la gashay Turkiga, isagoo cadeeyey inay si adag uga soo horjeedaan heshiiskaas.

Cali Dheere ayaa sheegay in Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi aysan waxaba ku kala duwaneyn, maadaama labaduba ay badda ku kala wareejiyeen dowladaha Turkiga iyo Itoobiya.

Wuxuu ku dheeraaday muujinta naceybka ay Shabaab u qabaan Turkiga, isagoo heshiiskaan oo ah ‘mid difaac’ ku macneeyey ‘mid badda lagu siiyey Turkiga.’

Afhayeenka Al-Shabaab wuxuu ku andacooday in Turkigu ay horey u qabsadeen qeybo badan oo dalka ka mid ah, sida garoonka Aadan Cadde iyo Dekedda Muqdisho, “Turkigu wuxuu dalka ka sameystay saldhigii ugu weynaa ee dunida ay ku yeeshaan meel dalkooda ka baxsan,” ayuu yiri Cali Dheere.

Isagoo sii hadlaayey wuxuu sheegay in Turkigu uu la wareegay ganacsiyadii Muqdisho, isla markaana uu yeeshay ciidamo iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed oo taageera danihiisa Soomaaliya.

“Dadka qaar waxay ku doodayaan in Xabashida iyo Turkiga ay kala duwan yihiin oo Turkigu yahay dal islaam ah oo ilaalinaya xeebaha Soomaaliya, balse Turkiga loogama baran taas horay ayuu gaalada uga difaaci diiday dalal ay ku jiraan Falastiin iyo Suuriya,” ayuu yiri Cali Dheere.

Ugu dambeyntii Afhayeenka Khawaarijta Al-Shabaab wuxuu sheegay in aysan ogolaa doonin Turkiga lagu wareejiyo badda Soomaaliya, isagoo ku faanay inay ku filan yihiin inay ka hor-tagaan dhaqan galka heshiiskaas iyo damaca Itoobiya ay ku dooneyso qeyb ka mid ah badda Soomaaliya.

Kooxda Al-Shabaab aad ayey uga nacday heshiiska difaaca ah ee Soomaaliya ay la gashay Turkiga, qulqulatooyinka uu heshiiskaas soo afjarayo waxaa ka mid ah jiritaanka kooxdaan arxanka daran ee gumaada shacabka Soomaaliyeed oo aan waxaba ka galabsan, laheyna awood ay isaga difaacaan.

Booliska oo gartay raggii afduubtay ee dilay Abuukar, kana warbixiyey kiisas kale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Booliska Soomaaliya ayaa warbixin ka soo saaray dhacdooyin dilal iyo dhaawacyo isugu jira oo saacadihii iyo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana shir jaraa’id qabtay afhayeenka booliska Sadiiq Aadan Cali (Doodishe).

Afhayeenka ayaa warbixintiisa ku bilaabay waxa laga ogyahay dilka ganacsade Abuukar Axmed oo rag hubeysan ay xalay ku soo afduubteen gaarigiisa xili uu ku sugnaa degmada Heliwaa, waxayna ku dileen deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho.

“Waxaa la garanayaa raggii dilay Abuukar, baaritaano ay sameeyeen laamaha amniga ayaa lagu ogaaday, laguna soo helay meydkiisa, waxaana ragii dilay ku raadjooga hey’adaha amniga, markii soo qabashadooda lagu guuleystana waxaa la hor keeni doonaa cadaaladda,” ayuu yiri Sadiiq Doodishe.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa ka warbixiyey kiiska Xildhibaan hore Axmed Aadan oo ka soo jeeday gobollada waqooyi, kaas oo xalay ku geeriyooday hotel ku yaalla degmada Xamarweyne, isagoo sheegay in la soo qabtay qof lala xiriirinayo geeridiisa.

“Waxaa na soo gaartay xogta in xildhibaan hore uu ku dhex suuxay hotel uu ka deganaa Xamarweyne, waxaa ku baxay ciidamada amniga oo u tegay isagoo suuxay, waxaa la geeyey isbitaalka Martiini,  halkas ayuuna ku geeriyooday, waxaa la hayaa eedeysane ay baaritaano ku socdaan si loo ogaado waxa sababay geerida marxuumkaas,” ayuu yiri Doodishe.

20 kiis oo shilal ah ayuu sheegay afhayeen in Muqdisho iyo gobollada dalka ay ka dhaceen toddobaadkaan, dhimashada labo qof kaliya ayuu sheegay inay sababeen shilalkaas, halka ay sababeen 9 kiis oo dhaawacyo culus ah iyo 12 kiis oo dhaawacyo fudud ah.

Ilaa afar dambiile oo maxkamaduhu xukumeen ayuu sheegay in toddobaadkaan loo gudbiyey xabsiga dhexe ee Xamar, halka la sii daayey 24 qof oo dembiyo lagu waayey.

“18-kii Febraayo deegaanka Jaaw oo ka tirsan gobolka Galgaduud wuxuu eedeysane lagu magacaabo Gacal Makraan wuxuu rasaas ku dilay Cadar Isaaq Odawaa oo ku dhalatay Guriceel, wuxuuna ninkaas oo ka soo jeeday degmada Maxaas isku dhuftay xabad markii uu dilay gabadha, eedeysanaha isagoo dhaawac ah ayaa lagu dabiibayaa Muqdisho, waxaana kiiskiisa gacanta ku haya booliska Galmudug,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska.

Hoos ka daawo

Dood xooggan oo hareysay abuukaataha u doodaya ninkii gubay xaaskiisa LUUL

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa shalay ka bilaabatay maxkamadeynta Sayid Cali Macallin Daa’uud oo loo haysto in xaaskiisii oo uur lahayd uu gubay, marxuumad Luul Cabdicasiis Maxamed.

Eedeysanaha ayaa waxaa u doodaya qareen lagu magacaabo Abuukaate Cali Xalane, kaas oo dhaleeceyn xoogan kala kulmay bulshada, maadaama ay dood ka dhalatay kiiskan.

Dad badan ayaa kasoo horjeestay in Cali Xalane uu u doodo qof dambigaas oo kale gaystay, halka kuwa kalena ay taageereen, maadaama ay tahay arrin sharci ah.

Idiris Alteeso oo caan ka ah baraha bulshada ayaa kamid ah dadka ka falcilyay wuxuuna yiri “Dabcan harciga haduu qabo xitaa in eedeysanaha Qareen yeesho waxey ahayd inuu isagu iska diido qofka noocaas oo kale ah inuu difaaco.”

Nashaad Cali waxa ay yaduna tiri “Maxkamaddu maba furto kiis aysan labada dhinac qareen wadan”.

Xaad Maxamed ayaa isaguna yiri “Ninkaan shaqadiisi ayuu haystaa, waa waxa uu bartay inuu qaab sharci ah u difaaco”.

Caaisho Xayle ayaa ku jawaabtay “Sharcigaa qaba inu qareen qabsado eedeysanaha ee sharciga barta”.

Sahra Aadan ayaa tiri “Odaygaan qareen waaye kama turjumaayo inuu qofka guulaysto AlShaaabka ba qareen waa loo qabtaa”.

Dhinaca kale wasiirada cadaaladda iyo arrimaha dastuurka Xasan Macallin ayaa soo fara-geliyay arrintan, gaar ahaan doodda weynaha ee ka dhanka ah Abuukaate Cali Xalane.

“Dadka waxay ka doodayaan qareenka loo qabtay eedeysanaha, qaarkood waxay leeyihiin ninkan nin fiican ma’ahan dadka waxey leeyihiin eedeysane kasta wuxuu leeyahay difaac” ayuu yiri wasiirku.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintan ay ka dhigan tahay in dadka Soomaaliyeed ay fahmayaan sharciga iyo ku dhaqankiisa.

“Waa barasho ay dadweyneynaheyna baranayaan sharciga marka dambana way u hoggaansamayaan” ayuu mar kale yiri wasiir Xasan Macallin.

DF Soomaaliya oo heshiis milatari lasoo gashay dal kale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa mar kale heshiis cusub oo dhanka milatariga ah la gashay dowladda Qatar, ayada oo shalay golaha wasiirad aiyo baarlamaanka ay ansixiyeen heshiis difaac oo lala soo galay dowladda dalka Turkiga.

Heshiiskan waxaa Soomaaliya usoo saxiixay taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxiyidiin oo dhiggiisa Qatar, Bin Hamad Al Aqeel Al Nabit, kula kulmay magaalada Dooxa ee caasimada dalkaasi.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyey inay xoojiyaan iskaashigooda dhanka ciidamada iyo sidoo kale sare u qaadida xiriirka laba geesoodka ah ee waxtarka u leh labada dal.

Sidoo kale labada taliye ayaa heshiiska kadib kulan ay yeesheen waxay diiradda ku saareen in lasii xoojinayo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee difaaca iyo amniga ee labada dal.

Waxaa kale oo ay labada taliye os dhaafsadeen  caqabadaha ka jira amniga gobolka iyo sahminta fursadaha wadajirka ah si wax looga qabto caqabadaha ay wadaagaan labada dal.

Soomaaliya iyo Qatar ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirkooda istiraatiijiyadeed iyo kobcinta kalsoonida labada dhinac.

Qatar ayaa kamid ah dowladaha carbeed ee taageerada kala duwan siiya Soomaaliya, waxayna sidoo kale ka qayb qaataa taageerada iyo tababarada ciidanka Xoogga dalka.

Dowladda Federaalka ayaa haatan dadaal xoogan ku bixineysa dib u dhiska ciidanka iyo difaaca dalka, maadaama xiisada cusub ay kasoo korortay badda, kadib heshiiskii ay Addis Ababa ku gaareen madaxweynaha Somaliland iyo ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya.

Xog yaab leh oo laga helay ninkii xero Goordan ku laayey saraakiishii IMAARAADKA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa xog cusub ka heshay baaritaanka ku socda kiiska ninkii toogashada ka fuliyey xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho, kaas oo laayey saraakiil Imaaraad ah iyo askar Soomaaliyeed.

Sida lagu ogaaday baaritaanka, ninkaas wuxuu ahaa mid ay Shabaab ku soo dhex-darsadeen ciidamadii ugu dambeeyey ee dowladda Soomaaliya ay tababarka u xareysay, tan iyo markii uu qortay ciidanka wuxuu qorsheynayey inuu toogasho noocaan ah fuliyo.

Waxaa la xaqiijiyey in ninkaasi uusan ka tirsaneyn ciidankii Wasiir Mukhtaar Roobow uu ku heysa jiray gobolka Bakool, wasiirka ayaa cadeeyey in ninkaas uusan waligiis arkin, ciidankiisana uusan ka soo mid noqon.

Sidoo kale waxaa is bedelay qabiilkii markii hore la sheegay inuu ka dhashay, wararkii hore waxay sheegayeen inuu ahaa Jilible, balse waxaa la xaqiijiyey inuu ka dhashay qabiilka Hadamo oo dega gobolka Bakool.

Ninkaas waxay Shabaab u qorsheeyeen inuu isku dhex-qariyo ciidamo laga soo qoray gobollada dalka oo dowladda ku soo biiray, waxayna kula balameen inuu raadiyo fursad uu ku tooga karo madax sare oo dowladda ka tirsan.

Waxaa lagu ogaaday baaritaanka in muddo dheer uu raadinayey fursad uu ku toogto madaxda ugu sareysa dalka, balse taasi waa u suurta geli weysay, ugu dambeyntiina wuxuu go’aansaday in saraakiisha Imaaraadka uu laayo.

Kiiskaas waxaa weli ku socda baaritaan culus, waxaana ninkaan damiintay masuuliyiin ka tirsan dowladda intii aan loo xareyn tababarka, waxayna baarayaashu ku guda jiraan sidii loo ogaan lahaa xogaha qarsoon ee kiiskaas.

Weerarkii uu fuliyey ninkaas laga soo qoray magaalada Xudur ayaa musiibo ku noqday howlgalkii Imaaraadka ee Soomaaliya, toogashadu waxay galaafatay nolosha saraakiishii ugu sareysay howlgalka iyo askar badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo xerada ku sugnaa.

Soomaaliya oo markii ugu horreysay dhoolatus uga qayb-galeysa dibedda (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online ) – Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay burburka kadib dalka dibaddiisa uga qayb-galeyso carbis milatari oo weyn, sida uu shaaciyay Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka.

Sarreeya Gaas Ibraahim Sheekh Muxyidiin oo xalay kulan la qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada kumaandooska Danab ayaa sheegay inay Soomaaliya ku metali doonaan dhoolatus ka dhacaya dalka dibaddiisa, wallow uusan shaacin magaca waddanka uu ka dhacayo.

“Waa markii ugu horreysay ee aan ka qayb-galeyno carbis milatari oo ka dhacaya dalka dibbaddiisa, waxaad ogtihiin mar haddii aysan horay u jirin waqtiyadan ay dhisneyd dowladdu ama ciidamadanka ay ku jireen dib u dhiska waxa nalagala filan karo inaan isku sheegno ayana rabnaa” ayuu yiri taliyaha Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu xusay in ciidanka laga soo xulay dhalinyaro gaar ah oo metali doono Soomaaliya, isaga oo u rajeeyay inay guul usoo hooyaan dhammaan ciidamada kale.

“Rag dhalinyaro ah ayaa socda aad ayaan ugu faraxsanahay, Soomaalidu waxay dhaqan u leedahay yar yaraan iyo adkeysi” ayuu mar kale yiri taliyuhu.

Waxaa kale uu intaasi kusii daray “Nasiib wanaag sidoo kale waxaa tihiin rag dhalinyaro ah oo maanta carbiska ugu haboon”.

Dhanka kale taliyaha ayaa dardaaran u jeediyay ciidamada ka qayb-galaya dhoolatuskaasi, wuxuuna sheegay in laga rabo akhlaaq iyo adkeysi, muddada ay ku jiraan tababarkaasi.

“Waxaa la idinka rabaa bacda maa meesha la tegaayo ay tahay waddan dibadeed ciidamada ka qayb-galaayana ay yihiin ciidamo badan oo kala duwan oo ka kala socda dowlado badan waxaan rabaa inaad kor u qaadaan sumaddeena oo aad xambaarsan tihiin” ayuu ku yiri dardaraankiisa.

Sidoo kale waxa uu yiri “Waxa la’iska rabo waxaa waayey akhlaaq, adkeysi, dulqaad waxaa la’iska rabaa inaan la dhihin nimanka ka yimid Soomaaliya ciladdooda sidaan ahayd ama dhaqaaqi waayay”.

Soomaaliya ayaa haatan sameyneyso dib usoo kabasho weyn oo dhanka ciidamada ah, waxaana sanadihii u dambeeyay xoogga la saaray dib u dhiska Ciidamada Xoogga dalka.

Wiil dhallinyaro ah oo lagu afduubtay magaalada Muqdisho kadibna la dilay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa wiil dhalinyaro ah oo afduub iyo dil arxan darro ah xalay loogu gaystay magaalada Muqdisho.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Abuukar Axmed Kaabax ayaa la sheegay in rag hubeysan ay ku afduubteen gaarigiisa, xilli uu ku sugnaa degmada Heliwaa, waxayna geeyeen oo ay ugu dambeyn ku dileen deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho.

Maydka marxuumka ayaa saaka laga soo helay halkaasi, ayada oo arrintan ay fajac ku noqotatay ehellada marxuumka oo cadaalad dalbanaya.

Qaar kamid ah ehellada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aan la aasi doonin marxuumka, illaa baaritaan lagu sameynayo kiiskiisa, lagana ogaanayo cidda dishay.

Allaha u naxariistee Marxuum Abuukar Kaabax ayaa ahaa nin dhallinyaro ah, aqoonyahan ah,  ganacsade ah isla markaana si wayn looga yaqaannay magaalada Muqdisho.

Geerida marxuumka ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, ayada oo dadkii yaqaanay ay si weyn uga argagaxeen dhibaatada loo gaystay marxuumka.

Dilkan waxaa ka horreeyay midkii loo gaystay Cabdinaasir Dahable oo ka tirsanaa shaqaalaha hay’adda duulista rayidka, kana soo jeeday Somaliland, isla markaana isaga oo mayd ah loona dilay si argagax leh laga dhex helay gurigiisa oo ku yaalla agagaarka garoonka Aadan Cadde.

Dilalka argagaxa leh ayaa haatan kusoo badanaya caasimada oo maalmihii u dambeeyay ay ka dhacayeen dhacdooyin la yaab ku noqday guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

Daawo Muuse Biixi oo usoo jawaabay Xasan Sheekh

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa weerar culus ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh oo ay kala dhexeyso xiisad ka dhalatay heshiiska badda.

Biixi ayaa shaaca ka qaaday in Xasan Sheekh aysan wixiisu dhaafsiisneyn hadal uun, isla markaana ay dhaqan gelin doonaan heshiiska ay la galeen dowladda Itoobiya.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay inuu doonayo in isaga loo soo maro heshiiskaas, uuna saxiixo, taasina aysan suuragal ahayn, sida uu ku dooday madaxweynaha Somaliland.

“Xasan horay ayaan ugu sheegay waxa aad la qaylineyo waxaa waaye aniga aan heshiiska saxiixo, taasina waxa ay ka dhigan tahay adiga oo lagu yiraahdo gurigaaga aniga yaa ku maamulaayo” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayay heshiiska badda.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in hadalka madaxweyne Xasan Sheekh uu arko calaacal uun, isla markaana uusan waxba ka beddeli karin heshiiska badda, sida uu hadalka u dhigay.

Laba halba iska iskaa (Horta calaacalka iska daa qof bani’aadmigaa calaacalka waa looga badan yahay, midda labaad waxaadan yeeli kareyn mar walbaha sheegin,  waxaad leedahay Somaliland baddeeda anaa xukuma ee halay soo maro, haddii aad xukunto halkan maa timaatid” ayuu ar kale yiri madaxweynaha maamulka Somaliland.

Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyay “Go’aankan iyo MOU-gan waanu filinayaa mar kale ayaan kuugu celinayaa”

Dhinaca kale madaxweyne Muuse Biixi oo hadalkiisa sii wata ayaa soo ka hadlay dilkii Cabdinaasir Dahable loogu gaystay magaalada Muqdisho, kaas oo deegaan ahaan kasoo jeeda Somaliland, sidoo kalena u shaqeynayay hay’adda duulista hawada Soomaaliya.

Muuse Biixi ayaa dilka ninkaas ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana uu sheegay in lagula xisaabtami doono falkaasi.

“Madaxweyne Xasan Waxaan ku leeyahay ninkii Soomaliland ee Xamar aad ku disheen godobteeda adeey ku agfadhidaa, uma qabno in ilmo yar yar iyo qaar kale ay ka timid, arrintan waxaa weeye anaa ku dilay anaa kuu gar qaadaya ana kuu go’aaminayo ” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ay waji cusub yeelatay xiisadda badda, maadaama dowladda federaalka ay iyadana heshiis difaac lasoo gashay dowladda Turkiga.

Saraakiil Shabaab ah oo lagu duqeeyay guri ku yaalla Kuntuwaarey

0

Kuntuwaarey (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeyn xoogan oo mar kale xalay ka dhacday gudaha degmada Kuntuwaarey ee gobolka Shabeelaha Hoose, taas oo lala beegsaday xubno iyo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Duqeyntan cusub ayaa lasoo wariyay in lala eegtay xarun iyo guri ay ku sugnaayeen dagaalamayaal iyo saraakiil ka tirsan kooxda oo ku yaalla gudaha degmadaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in guriga la duqeeyay oo ku yaallo halka duqeyn tan ka horeysay todobaadkan ay ku garaceen diyaaradaha Mareykanka.

Khasaare kala duwan ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay weerarkan cirka ah, balse ma jiro wax hadal ah oo weli kasoo baxay dowladda iyo saaxibada caalamiga ah.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa la sheegay in dagaalamayaal badan ay geeyeen goobaha la duqeeyay, kuwaas oo shacabka u diidaya inay tegaan goobta oo xaalad adag ay ka jirto.

War kooban oo kooxda kasoo baxay waxaa lagu sheegay in weerarkaas uu khasaare kasoo gaaray dad rayid ah, balse ma jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijin kara.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana xog buuxda laga heli karin Kuntuwaarey oo ah degmo ay weli maamulaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Howlgalkii ugu dambeeyay ee magaaladan ka dhacay oo la fulayay ils todobaadkan ayaa waxaa lagu dilay 7 Shabaab ahaa, halka lagu dhaawacay 4 kale, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.

“Howlgalka oo ahaa duqayn dhinaca cirka ah ayaa xalay abaaro 11:30 habeenimo ka dhacay goob ay ku aruursanayeen maleeshiyaadka Khawaarijta. Howlgalkaas ayaa cadowga lagu gaarsiiyey khasaaro, iyada oo 7 dhagar qabe nolosha lagu dhaafiyey halka dhawaca uu yahay 4, horjoogeyaal ayaana qeyb ka ah” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa ciidamada Xoogga dalka iyo saaxibada caalamiga ah ay kordhiyeen howlgallada culus ee ay ku beegsanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Daawo: Macallinkii lagu dhex dilay iskuulka oo isagoo aan helin cadaalad la aasay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Duleedka magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu aasay Allaha u naxariistee Macallin Cabdiraxmaan Macaloow Abiikar oo uu dhowaan iskuulka Sidii ku dhex dilay arday hore oo iskuulkaas dhigan jiray.

Marxuumka oo muddooyinkan cadaalad loo raadinayay, isla markaana ku jiray Firinjeer ayaa maanta la aasay, ayadoo aan weli lasoo qaban gacan ku dhiiglihii ka dambeeyay falkaasi argagaxa leh.

Ehellada marxuumka ayaa sheegay inay isku raaceen in maydka la aaso, kadibna halkeedii ay kasii socoto cadaalad u raadinta Macallin Cabdiraxmaan.

Wiil dhalinyaro ah oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in eedeysanaha lagu qarinayo baadiyaha magaalada Jowhar, balse ay iyagu soo qaban doonaan, maadaama laamaha amniga ay ku guul dareysteen.

“Waxaa naloo sheegay in ninka la geeyay meel baadiyaha Jowhar ah oo tuulo ah waa la keeni waayay sow maahan? waa ballan inaan soo qab qabano ilmo adeer yaashiisa” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Laamaha amniga way soo qaban waayeen fursad waxaaan u siinay muddo 11 maalin ah wax cadaalad ah haddii ay keeni waayeen cadaaladda gacmaheenna ayay ku jirtaa annaga ayaana soo qabaneyno”.

Dhankeeda Hooyo kamid ah qoyska Macallinka ayaa sheegtay in weli cidda uu ka dhashay eedeysanaha aysan soo booqan, una soo tacsiyeen ka qoys ahaan, taasna ay tahay wax laga xumaado.

“Qoska dhibaatada gaystay illaa hadda cid nala soo xiriirtay ma jirto marka meeshaas waxaa ka fahmeynaa in lanagu dan la’yahay” ayay tiri hooyadu.

Dhanka kale waxaa Salaadda Janaasada oo marxuumka lagula tukaday Isbitaalka Madiino ka qayb galay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo kasoo jeeda beesha, kuwaas oo uu kamid yahay Mudane Khaliif Cabdi Cumar oo goobta ka sheegay in mowqifkooda aanu weli is beddelin, lana soo qaban doono eedeysanaha.

“Mowqifkeenii hore wax iska beddelay ma laha waa lagu daba jiraa gacan ku dhiiglihiina waan rajeyneynaa in gacanta uu soo galo” ayuu yiri xildhibaan Khaliif.

Dilka Macallin Cabdiraxmaan ayaa dhaliyay caro xoogan, maadaama lagu dhex dilay iskuulkii uu dhigayay, waxaana sidoo kale dilkiisa uu sababay inay shaqo joojin saddex maalin ah sameeyaan bahda waxbarashada, taas oo maanta ka bilaabaneysa.

Maxkamadda ciidamada oo xukuntay Al-Shabaab dhaawacyo lagu soo qabtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun adag ku ridday saddex kamid ah xubnaha Al-Shabaab oo lasoo qabtay iyaga oo dhaawac ah, soona galay gacanta dowladda dhexe oo haatan dagaal kula jira kooxda.

Saddexda xubnood oo kasoo qayb qaatay dagaallo kala duwan ayaa lagu xukumay min 15 sano oo xabsi ciidan ah , sida ay sheegtay maxkamadd ciidamada.

Hoose ka akhriso:-

Cabdi Yare Maxamed Caliyoow, Cumar Cusmaan Ibraahim Aadan(Jarbeey) iyo Cali Cabdullahi Cali Ibraahim(Cawil) ayaa lagu soo eedeeyay Kamid ahaanshiyaha maleeshiyada Khawaarijta gaar ahaan Kuwa duur galka ah.

Cabdi Yare Maxamed Caliyoow ayaa Maleeshiyada kaga biiray Bakool sandii 2020 isaga oo tababar socday Sadax bilood ku soo qaatay baadiyaha deegaanka Buulla-falaay Degmada Diinsoor iyadoo labaray isticmaalka hubka noocyadiisa kala duwan.

Tababarkiisii ka dib isaga iyo Boqol iyo Konton kale  ayaa  loo soo wareejiyay gobalka Hiiran, Cabdi Yare ayaa qayb ka ahaa dagaal ciidanka Xooga dalka ay kula galeen Abooreey isaga iyo Toban kalana ay ku dhaawacmeen.

Cumar Cusmaan Ibraahim Aadan(Jarbeey)  ayaa maleeshiyada kaga biiray gobalka Bay, Tababar socday sedax bilood ayuu ku soo qaatay baadiyaha Buulla-Falaay ee degmada Diinsoor waxana la soo baray isticmaalka hubka noocyadiisa kala duwan.

Tababarkiisii kedib isaga iyo 150 Argagixiso ah waxaa loo soo wareejiyay gobalka Hiiran, Cumar Cusmaan ayaa qayb ka ahaa Dagaallo Ciidanka deegaanka ay kula galeen  Afcad iyo Qorfo oo  Hiiraan ah halkaasina uu ku dhaawacmay.

Cali Cabdullahi Cali (Cawil) ayaa maleeshiyada kaga biiray Bakool sandii 2020, waxa uu tababar socday sedax bilood ku soo qaatay Duleedka Bu’aalle halkaas oo lagu baray isticmaalka hubka noocyadiisa kala duwan.

Tababarkiisii ka dib isaga iyo Boqol Toban iyo Shan Khawaarij ah ayaa loo daabulay Hiiraan, waxa uu qayb ka ahaa Dagaallo lala galay Ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka oo ka dhacay Ceel Axmed, Budbud iyo Ceel Hareeri halkaas ayuuna ku dhaawacmay.

Cabdi Yare Maxamed Caliyoow, Cumar Cusmaan Ibraahim Aadan(Jarbeey) iyo Cali Cabdullahi Cali Ibraahim(Cawil) ayaa laga soo qabtay iyagoo saaran gaari Layla calaawi ah deeganka CadCadey ee Shabeellada Dhexe,waxa ayana mushaar ahaan u qaadan jireen 60$ bishii.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday qaadista kiiskan waxaana laga ogolaaday Tobankii bishii February ee Sanadkaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siyay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta kuwada xukumay, Cabdi Yare Maxamed Caliyoow, Cumar Cusmaan Ibraahim Aadan(Jarbeey) iyo Cali Cabdullahi Cali Ibraahim(Cawil) Min 15 sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xassan Cali Nur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Saldhiggii ugu weynaa ee Al-Shabaab oo la duqeeyay

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeyn culus oo xalay ka dhacday qaybo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, taas oo lala beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Duqeynta ayaa lasoo wariyay in lala eegtay saldhiggii ugu weynaa Al-Shabaab ee gobollaasi, kaas oo ku yaalla degmada Galhareeri.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in duqeyntaasi lala beegsaday saldhigga Al-Shabaab, xilli ay ku sugnaayeen xubno badan.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay in weerarkan dhanka cirka ah lagu dilay horjoogayaal sar sare iyo dagaalamayaal, balse ma shaacin tiradooda rasmiga ah.

Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan duqeyntaasi.

Galhareeri ayaa kamid ah magaalooyinka ay weli gacanta ku hayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana kusii jeeda cidamada huwanta ee howlgallada ka wada Galmudug.

Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo deegaano badan looga xoreeyay kooxda Al-Shabaab oo ay guluf xoogan ku qaaday dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa dadka deegaanka.

Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda magaalada GAZA

0

Gaza (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa xoojisay duqeymaha ay ka waddo degmada Rafah ee koonfurta Marinka Gaza, kaddib marki la xaqiijiyay in Arbacadi shalay 12 xubnood oo hal qoys ahaa lagu dilay duqeyn cirka ah oo ay fuluyeen ciidamada Israil.

Dadka deegaanka Rafax ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay, in dhowr madfac lagu duqeeyay qeybo ka mid ah Rafax, halka ciidanka badda Israil oo isticmaalaya doonyo ay rasaas ku fureen dadka ku nool agagaarka xeebta Rafax.

Sawir-qaade ka tirsan Reuters oo ku sugan Rafax ayaa sheegay, in 12-ka qof ee la dilay ay ka wada tirsanaayeen qoyska Al Nuur. Dadka dhintay ayaa waxaa ku jiray carruur da’yar.

Milatariga Israel ayaa Arbacadi sheegay in ay xoojiyeen dagaalka ay ka wadaan degmada Khan Younis, oo dhanka waqooyi uga beegan Rafax. Ma eysan sheegin in ay weerari doonaan Rafax iyo in kale.

Wasaaradda caafimaadka Gaza ayaa sheegtay Arbacadi in dadka rayidka ah ee Gaza lagu dilay ay gaarayaan 29,313, halka dhaawacana uu caga-cageynayo 69,333.