25.1 C
Mogadishu
Tuesday, June 23, 2026

DF oo iclaamisay DAGAAL weyn oo lagu difaacayo….

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa maanta iclaamisay dagaal kale oo weyn, kaasi oo baddeenna looga difaacayo kooxaha argagixisada iyo kuwa sharci darrada ku xad-gudbaya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Madaxtooyada, kaddib markii uu baarlamaanka ansixiyay heshiiska difaaca badda ee Soomaaliya iyo Turkiga kala saxiixdeen ayaa ku dhawaaqay dagaalkan, oo barbar soconaya kii hore u socday ee ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab.

“Haddaan dagaal ugu jirnay inaan dhulkeena argagixisada ka difaacno ka xoreyno, maanta waxaan dagaal kale u galeynaa baddeena inaan ka xoreyno kuwa argagixisada ah ama sharci darada dowladda Soomaaliyeed shuruucdeeda ku xadgudbaya iyo shuruucda Caalamka ku xadgudbaya mas’uuliyadda na saaran ee caalamiga aan ku gudaneyno,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan ayaa sidoo kale sheegay in Turkiga uu yahay dal ay Soomaaliya aamini karto, welibana ku aamini karto howlaha qaarkood, isagoo xusay in aysan jirin cid kale oo maanta heelan noo ah ama daacad ka tahay inuu shaqadaasi inoo qabto.

“Waa raadineynay muddooyinkan dhan dal si gaar ah nooga saacida difaaca badda oo aan heshiis ula galno, Turkiga waxay noqotay dalkii u horreeyay oo diyaar noola ah, cid kasta oo danta Soomaaliya ay ku jirto waa la heshiineynaa.”

Heshiiskan difaac ee ay gaareen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa xudun u ah dagaalkan, ayada oo dhawaan ay badda Soomaaliya si buuxda ammaankeeda ula wareegi doono Turkiga.

Turkiga ayaa maraakiibtooda dagaalka waxay gaaf-wareegi doonaan biyaha Soomaaliya, waxaana bilaaban doona dagaalka ka dhanka ah kooxaha burcad-badeedka iyo kala gudbinta waxyaabaha sharci darrada iyo wax walba oo aan sharci aheyn oo horey uga dhici jiray biyaha Soomaaliya.

“Baddeena muddo sodon sano ah ma ilaashaneen kalluunkeena iyo kheyraadkeena waa la dhacayay, baddeena wixii sharci darro oo dhan ayaa la marsiinayay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo iclaamiyay dagaalkan.

Turkiga ayaa horey Soomaaliya uga gacan siiyay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo wejigiisa koowaad uu marayo heer geba-gebo ah, waxaana hadda uu Turkiga difaac ka geli doona badda Soomaaliya, xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda Soomaaliya iyo Ethiopia, oo salka ku haysa heshiiskii is-afgarad ee Ethiopia.

CC Shakuur: Xasan waa nagu aamini waayey heshiiska difaaca, balse isaga aaminay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ahaa mudaneyaashii maanta soo xaadiray kulankii lagu ansixiyay heshiiska difaaca ee Soomaaliya iyo Turkiga ayaa shaaciyay in madaxweynaha uusan heshiiskii la kala saxiixday hor keenin baarlamaanka.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in madaxweyne Xasan ay ku aamineen wixii uu uga sheegay heshiiska, ayna qaadatay qiirada difaaca baddeena, ayna sidaas ku ansixiyeen heshiiska difaaca ee Turkiga kula wareegayo ammaanka badda Soomaaliya.

“Inkastoo Madaxweynuhu sheegay in Baarlamaanku masuul ka yahay gobonnimada qaranka Soomaaliya, nagunna aamini waayey in aan heshiiska aragno, ka doodno, ka dibna go’aan ka qaadanno, isaga ayaan aaminay in uu noo ogaado,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale waxa uu sheegay in la diiday inay Xildhibaannada hadlaan intii uu socday kulanka uu kasoo qeyb-galay madaxweynaha, isagoo su’aallo dhowr ah ka keenay heshiiskan, oo maanta si duuduub ah loo meel-mariyay.

Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan oo dhameystiran;

Ka sokow dhibaatooyinka gudaha dalka ee takrifalka awoodda, eexda, musuqa, aqoon iyo garasho nacaybka, waxyaabaha ugu waawayn ee siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya ku guuldaraysatay waxay ahayd dagaalladii iyo loollankii inoo dhexeeyey innaga iyo Itoobiya iyo in aan maarayn waynay loollankii juqraafi siyaasadeedka (geopolitics competition) ee dunida xilligaa ka jiray, gaar ahaan Maraykanka iyo Midowgii Soofiyeet.

Inkastoo Madaxweynuhu sheegay in Baarlamaanku masuul ka yahay gobonnimada qaranka Soomaaliya, nagunna aamini waayey in aan heshiiska aragno, ka doodno, ka dibna go’aan ka qaadanno, isaga ayaan aaminay in uu noo ogaado.

Haddal waa la diiday, hirarka xamaaska iyo mowjadaha laablakaca ee sacabka iyo sawaxanka lagu laray ee difaaca badda ayaa na jiiray, dhankeyga ayaana ka ansixiyey, laakiin su’alaaha heshiiska aan ka keeni lahaa haddii fursad gaar ah ama gudaha Baarlamaanka la i siin lahaa ayaa ah.

1- Ma caddahay in dawladda Turkiga ay difaacayso gobonnimada xudduudaha badda, berriga iyo cirka Soomaaliya.

Tusaale; haddii ay dawladda Itoobiya ciidan geyso dhulka Soomaaliya ee ay saldhigga Milateri ka samaysanayso, dawladda Turkiga ma naga difaacaysaa? Haddiise ay Turkigu arkaan in dantooda aysan ku jirin in ay Itoobiya isku dhacaan heshiiska muxuu ka yeelayaa?

2- Heshiisyadda difaaca ee dawladaha kale ee ay Itoobiya ka mid tahay lala soo galay xageey ku danbaynayaan?

3- Innagu Itoobiya ayaan is haynaa, laakiin sideen u maaraynaynaa saamaynta taban ee ka imaan karta dawladaha ay Turkiga is hayaan? Haddii si kale loo dhigo, sideen oo maaraynaynaa loolanka juqraafi siyaasadeed (geopolitical competition) ee ka dhasha heshiiska?

4- Dawladdu maxay u qaadi la’dahay tillaabooyin kale oo looga hortegayo damaca Itoobiya? Maxaa xiriirka Itoobiya hoos loogu dhigi la’yahay? Maxaan duulimaadka diyaaradaheeda u joojin la’nahay ama u dhimi la’nahay? Maxaa ciidanka Itoobiya ee aan ATMIS ka tirsanayn ee dalka jooga loo saari la’ yahya, kuwa ATMIS ka tirsanna loo beddeli la’yahay?

5- Sidee loo maamulayaa Kalluunka baddeena ee la sheegay in ay Turkidu ka ceshanayaan lacagta kaga baxda difaaca badda?

6- Hore ayey inoo soo martay in Soomaaliya heshiis difaac ay gashay ka baxdo ama looga baxo, haddii Turkigu go’aansado inuu heshiiska ka baxo ama aan innagu u aragno in aan ka baxno maxaa dhacaya?

Maxaa ka baranay dhagaysiga dacwadda eedaysane Sayid Cali Macallin Daa’uud?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Arbaco, 21-ka Febaraayo 2024, maxkamadda gobolka Banaadir ayaa u fariisatay dhagaysiga dacwada kiista dilka ah ee lagu soo eedeeyay Sayid Cali, kiiskaan oo ahaa mid aad loo wada sugaayay maadaama uu u dhacay si ka duwan kiisaska kale ee dilalka ah ee inta badan maxkamadda la keeno uuna baraha bulshada ka dhaliyay hadal-heyn aad u balaaran.

Xeer-ilaaliya guud ee qaranka ayaa kusoo eedeeyay Sayid Cali inuu dil gudib  ah u gaystay Marxuumad Luul Cabdicasiis Maxamed sidoo kalena uu dhaawac dab ah u gaystay wiil ay dhashay oo lagu magacaabo Cimaad Cabdirisaaq Maxamed. Xeer-ilaaliyaha ayaa maxkamadda ku wareejiyay warqaddo caddaymo ah oo laga kala qoray, qaybta dambi baarista ee boliiska, isbitaal Madiino, marqaatiyaal iyo mid laga qoray isla eedaysanaha.

Maxmakadda ayaa sidoo kale dhagaysatay baaraha kiiskaan, Cabdifitaax Booroow Sanweyne oo maxkamadda ka hor sheegay dhammaan wixii xog ah ee uu soo aruuriyay. Wuxuu sheegay inuu tagay halkii uu dilku ka dhacay, sawiro kasoo qaaday uuna soo waraystay dadkii ka ag dhawaa guriga.

Markii ciidamadu ay eedeysanaha kasoo qabteen maamulka Galmudug oo xamar laga soo dajiyay shacabku aad ayay usoo dhaweeyeen waxayna rajaynayeen in markii maxkamadda la geeyo si sahlan loo xukumi doono laakiin dhagaysigii koowaad ee dacwada waxaa ka muuqatay in xukunka kiiskaan uu ka adkadkaan doono sidii la filaayay

Maxaa adkeeyn kara go’aanka kiiska.

1- Baaraha kiiska: markii Cabdifitaax oo ah baaraka kiiska uu maxkamadda ka hor hadlaayay wuxuu soo bandhigay intii caddayn ahayd ee ay ula muuqatay inay ku filnaan doonto go’aan ka qaadashada kiiskaan laakiin maadaama eedeysanuhu uu leeyahay qareenno u dooda waxay xaq u leeyihiin inay baaraha waydiiyaan wixii su’aalo ah oo markaas kiiska ka qafiifin kara eedeysana. Waxaa sidoo kale su’aalo weydiiyay maxkamadda gobolka oo ayaduna meelaha qaar rabta in si fiican loogu bayaaniyo.

Su’aalo dhawr ah oo la waydiiyay baaraha kiiska ugama uusan jawaabin si ay ku dheehan tahay inuu baaritaan qoto-dheer soo sameeyay, sidoo kale faahfaahin miisaan leh ma uusan ka bixin su’aalaha oo jawaabta waa uusoo koobaayay taas oo ka dhigaysa nin xirfad ahaan aan dhisnayn ama baaritaan fiican aan soo samayn.

Difaacayaasha eedeysanaha oo su’aalo weydiiyay baaraha waxay u muuqdeen kuwo raadinaayay halka baaruhu ka jilcan yahay ama xogihiisu aysan ka cusleyn. Haddaba jileec badan oo ka muuqday baaraha kiiska waxay dheereyn karaan kulamada dhagaysiga dacwadda.

2- Marqaatiyaasha: Maadaama kiisku uu dhacay xilli habeen waqti dambe ah oo badi dadku ay jiifteen ama ay xataa gurigooda ku jiraan uuna ka dhacay qol ay ku jiraan eedeysana iyo marxuumadda oo ay adagtahay in la helo marqaati wax arkaayay ama xataa maqlaayay sida wax u socdeen waa mid kale oo dheereyn karta maxkamadaynta Sayid Cali. Farxiyo oo ah gabadha ay dhashay marxuumad Luul oo ah qofka ugu dhaw inuu marqaati ku furo eedeysana kaliya waxay aragtay Luul oo gubanaysa laakiin si cad uma arag sida falka uu u dhacaayay.

Marqaati kale oo asna ahaa milkiilaha garaash u dhawaa guriga falku ka dhacay wuxuu sheegay in uu xilli dambe yimid goobta loona sheegay Sayid Cali uu gaarigiisa oo garaashka u yaalay uu qaatay Luulna uu soo gubay. Dhammaan marqaatiyaashaas lasoo bandhigay ma muujin wax go’aan toos ah lagu qaadan karo.

3- Xirfadda eedeysanaha: Markii la fiiriyo xilliga, goobta iyo qaabka uu u dhacay falkaan waxaa ka muuqata xirfad saraysa si loo marin habaabiyo indhaha sharciga, wuxuu iska ilaaliyay xilli dad badan ay socdaan taas oo sababi lahayd in haddii uu eedeysanaha guriga kasoo baxo qayladana la maqlo ay suuro gal ahaan lahayd in dadku ay qabtaan. Wuxuu sidoo kale iska ilaaliyay in falka uu geysto xilli caruurtu ay soo jeedaan taas oo sababi kartay inay si toos ah u arki lahaayeen sida wax u dhaceen.

Haddaba qodobadaas aan soo sheegay waxay adkayn karaan in kiiska si degdeg ah lagu soo afjaro oo go’aan looga qaato.

Haddaba maxaa kiiska fududeyn kara?

1- Dhagaysiga codad hore: haddii laysku hawlo in dabagal lagu sameeyo taleefanadii uu eedaysana isticmaalaayay kadib markii uu falku dhacay waxaa laga yaabaa in la helo codad iyo xariiro uu la sameeyay qaar asxaabtiisa ama qoyskiisa ka mid ah lagana yaabo inuu u sheegay siduu wax yeelay. Tani waxay noqon kartaa caddayn aan loo baahan doonin marqaatiyaal kale ee la raadiyo kiiskana dhinac ayay u ridi doontaa.

Ugu dambeyn waxaan ilaahey ka baryayaa in marxuumad Luul ay caddaalad hesho go’aan caddaalad ah oo qoyskeedu ku qancaanna lagu dhawaaqo.

Waxaan sidoo kale falanqayn doonaa hadduu Alle idmo kulama kale ee kiiskaan la xariira.

Caddaaladdu ha sarayso

Waxaa qoray: Mohamed Deik Taako

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

Siddeed faa’iido weyn oo ku jira heshiiska difaac ee Soomaaliya iyo Turkiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) — Dowladda Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo deg deg ah oo biyaheeda kaga difaacaneyso duullaanka Ethiopia.

Maadaama aanay Soomaaliya hadda haysan ciidan baddeed xoog leh, waxay Muqdisho gacmaha u dhiibatay Ankara, waxayna Turkiga la gashay heshiis ay kula wareegayaan amniga baddaha Soomaaliya.

Heshiisku waa 10 sano, waxaana soo koobeyna siddeed faa’iido oo ku jirta heshiiska oo maanta la mariyay Golaha Wasiiradda, kadibna uu madaxweyne Xasan Sheekh u saxiixay baarlamaankan labadiisa Aqal.

Hadal jeedinta madaxweynaha ayaa loo diiday warbaahinta, waxaana khudbadda madaxweynaha kadib heshiiska sharaxay wasiirka gaashaandhiga Jaamac, iyada oo sidoo kalena saxaafadda loo ogaalanin sharaxaadda wasiirka.

Labada Aqal ayaa madaxweynaha ka codsaday in isla maantaba la ansixiyo heshiiska, waxayna durba u coddeeyeen xildhibaannada in heshiiskaasi ansax yahay si gacan taag ah.

Faa’iidooyinka ku jira heshiiskan waxaa kamid ah;

1. Laga bilaabo maanta biyaha Soomaaliya waxaa difaacaya Turkiga, si lamid ah biyihiisa.

2. Heshiiskan waa toban sanno, waana waqti yar oo Soomaaliya ku dhisan karto ciidan baddeed xoog leh.

3. Turkiga maraakiibtooda dagaalka waxay gaaf-wareegi doonaan biyaha Soomaaliya, sidaas darteed dayacaadii hore waa dhamaatay.

4. Turkigu waxay kale oo badda Soomaaliya ka ilaalilanayaan kalluumeysiga sharci darrada ah oo waqti dheer soo taagna, kaasi oo si joogta ah loogu dhaco kalluunka iyo qeyraadka kale ee ku jira baddaha Soomaaliya.

5. Faa’iidada dhaqaalaha buluuga ah iyo qeyraadka ceegaaga biyaha Soomaaliya waxay Turkiga ku yeelan doonaan saami, kaasi oo ku dhisan in la kordhiyo dhaqaalaha ka imanaya baddaha Soomaaliya.

6. Muddadaas tobanka sano ah waxaa heshiiska ku jirta in Turkiga uu dhisaan ciidanka badda ee Soomaaliya ayna qalabeeyaan, taasi oo faa’iido weyn u ah Soomaaliya.

7. Soomaaliya ayaa hadda baddeeda uga cabsaneyn argagixisada, budhcad-badeed, in sunta lagu shubo, kalluumeysi sharci-darro ah iyo cadow dibadda ah.

8. Wax soo saarka baddaha Soomaaliya ayaa liitay muddo fog. Heshiiska maanta la mariyay baarlamaanka Soomaaliya ee Turkiga iyo Soomaaliya ayaa waxaa ku jirta in wax soo saarka la kordhiyo, iyada oo sidoo kalena ay heshiiska ku jiraan dhismaha dekeddo.

Heshiiskan tobanka sano ah ee ay kala saxiixdeen labada wadan ee Turkiga iyo Soomaaliya ee la xiriira difaaca baddaha Soomaaliya iyo sare u qaadidda dakhliga ka yimaada biyaha Soomaaliya ayaa waxaa saaka aroortii ansixiyay Golaha Wasiirrada, waxaana maanta duhurkii ansixiyay Xildhibaannada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Turkiga ayey madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya ku sifeeyeen walaal gaar ah oo waqtiyada adag garab istaagga Soomaaliya, ayaga oo sheegay in Soomaalida aysan hilmaami doonin abaalka Turkiga.

Madaxweyne XASAN oo ku dhawaaqay in TURKIGA uu difaacayo baddeena

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo goordhoweyd shir jaraa’id ku qabtay Madaxtooyadda ayaa ku dhawaaqay in baddeena uu difaacayo Turkiga, taasi oo ka dhigan in ammaanka baddeena lagu wareejiyay Turkiga, oo leh awood ciidan xooggan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shaaciyay in heshiiska difaaca ee Turkiga uu soconayo illaa 10 sano, mudadaasna ay barbar soconeyso dhismaha ciidanka badda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in heshiiska difaaca ee Turkiga aan marnaba lagu colaadinayn dowlad kale, balse uu Turkiga ku saacidayo Soomaaliya inay ilaashato baddeeda iyo kheyraadka ku jira.

“Waxkasta oo sharci darro ah, dhamaan inay nala ilaaliyaan waaye waxaan heshiiska kula galnay Turkiga ee ma ahan in aan dal kale oo saddexaad ku duulno ama la dirirno,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu intaas kusii daray “Waa heshiis difaac iyo horumarin dhaqaale oo isla socda waaye heshiiska uu maanta baarlamaanka Soomaaliya ansixiyay waakas, waa xeyndaab heshiis oo waxaa kasii ratibmi doona heshiisyo badan.”.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uusan jirin dal ka mudan Turkiga oo Soomaaliya la difaaci lahaa baddeeda, isagoo meesha ka saaray in ay duulaan ku yihiin dal kale, xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda badda ee Soomaaliya iyo Ethiopia.

“Wuxuuna aakhirkiisa dhalaa oo toban sano ka bacdi na gaarsiina in aan yeelano ciidan bad oo biyaheenna difaaci kara in aan yeelano, inta ka horeysana ay walaalaheen nala difaacan badda oo waxyaabaha sharci darrada ah inay nagala ilaaliyaan waaye.”

Ugu dambeyntiina waxa uu xusay in uu rajeynayo in xukuumadda Abiy Axmed ay ka laaban doonto heshiis beenaadkii Addis Ababa ee Somaliland ugu saxiixday qeybo kamid ah Badda Soomaaliya.

“Maanta waxaa dagaal kale u galeyna in baddeena ka xoreyno kuwa argagixisada ah, ama sharci darrada ah ee ku xad-gudbaya kuwa Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah oo aan ku gudaneyno masuuliyadda caalamiga ah ee na saaran.”

BF oo deg-deg ku ansixiyay heshiis difaac oo xasaasi ah oo DF ay la gashay Turkey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goordhoweyd ansixiyey heshiiska ay maanta Golaha Wasiirrada soo ansixiyeen, kaasi oo wada-galeen dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Heshiiskan oo ah mid xasaasi ah ayaa ku saabsan iskaashi dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha, xilli ay Soomaaliya xiisad xooggan kala dhaxeyso Ethiopia oo ayadu ku kacday xad-gudub ka dhan ah, heshiis is-afgarad oo ay ku dooneyso badna la saxiixatay Somaliland.

Kulanka Baarlamaanka oo maanta ay fadhiyeen 216 mudane ayaa waxaa ogolaaday 213 mudane oo kamid ah labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyada Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa diiday 3 mudane sida, uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Heshiiskan sida buuxda u meel-maray ayaa waxaa Soomaaliya usoo saxiixay sideedii bishan Wasiirka Difaaca Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Heshiiskan ayaa waxay muhiimaddiisu tahay ilaalinta xeebaha iyo difaaca dalka, wuxuuna kusoo aadaya, xilli ay taagan tahay xiisadda xooggan ee ka dhalatay heshiiska badda ee Somaliland iyo Ethiopia.

Si kastaba, Turkiga ayaa ah saaxiibka koowaad ee Soomaaliya, wuxuuna taageero buuxda siiyaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo uu ka qayb qaato dib u dhiskooda.

Arrimo ARGAGAX leh oo kasoo kordhay kiiska LUUL

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka bilaabatay dhageysiga dacwadda culus ee loo haysto Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ku eedeysan inuu si arxan darro ah u gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis.

Dhageysiga maxkamadda ayaa waxaa si toos ah loogala socday warbaahinta, maadaama uu kiiskan yahay mid xasaasi ah oo xanuun badan ku reebay dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa maxkamadda goobjoog ahaa ehellada labada dhinac, dadweyne, qareeno iyo xeer ilaalinta guud ee qaranka.

Arrimo argagax leh ayaa kasoo kordhay kiiskan, kuwaas oo soo baxay inta ay socotay maxkamadda, oo la horgeeyay marqaatiyaal ay kamid ahaayeen carruurtii ay dhashay marxuumadda oo qaarkood waxyeelo ay kasoo gaartay dabka lagu gubay hooyadood.

Farxiyo Cabdirisaaq oo kamid ah carruurta, isla-markaana jirto 10 sano ayaa si dareen leh uga hadashay dilka hooyadeed, waxayna sheegtay inay aragtay, ayada oo holceyso.

“Waxaan arkay hooyo oo banaanka ku holceyso waa naxay, waxaa noo yimid ninkii gubay isaga oo dhac-dhacayo, hooyo inta aysan dhiman waxa ay nagu tiri i cafiya hadii aan dhinto,” ayey tiri Farxiyo oo kamid ah carruurta marxuumad Luul Cabdicasiis Maxamed.

Sidoo kale waxa ay hadalkeeda dareenka leh oo dad badan xanuunjiyay sii raacisay “Waxaan arkay hooyo oo qaylineyso marka aan daaqadda soo istaagay.”

Waxyaabaha ka cusub kiiskan ee ay maxkamadda soo bandhigtay waxaa kamid ah in Farxiyo ay sheegtay in hooyadeed ay ku jirtay nolol adag oo xitaa ninka gubay uu ka xiran jiray qolkeeda jiifka ah, furahana uu isaga qaadan jiray, iyadna ay ku sugi jirtay qol kale.

“Qolka hooyo ee jiifka isaga ayaa xiran jiray marka hooyo meel ay dharka isaga bedasho ma haysan qolkeyga ayay sii jiifatay, marka uu imaado ayay tegeysay qolkeeda,” ayey hadalkeeda sii raacisay.

Doodda u dhexeysa qareennada iyo xeer ilaalinta ayaa sii socon doonta, maadaama uu eedeysanaha oo kasoo muuqday maxkamadda ka sheegay inuu dood ka qabo dacwaddan.

Ugu dambeyn guddoomiyaha maxkamadda gobolka Saalax Dabaan oo soo xiray dacwadda ayaa sheegay in la’isugu imaan doono fadhi kale, wuxuuna faray xeer ilaalinta inay soo dhameystiro caddeymahooda, si uusan u daahin kiiskan oo aad isha loogu wada hayo.

SOMALILAND oo maanta ku dhowaaqday go’aan uga sii daraya xiisadda BADDA

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa mar kale war cusub kasoo saartay heshiiska badda ee ay la gashay dowladda Itoobiya, kaas oo dhaliyay xiisad xoogan oo u dhexeysa labada dal ee dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Ciise Kayd Maxamuud oo haatan ku sugan Addis Ababa ayaa ku dhowaaqay go’aan uga sii daraya xiisadda Badda ee haatan taagan.

Kayd ayaa tilmaamay inay Somaliland si buuxda u hirgelineyo heshiiska ay la gashay Itoobiya, kaas oo ay weli diidan tahay dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in heshiiska Somaliland iyo Itoobiya uu yahay mid barwaaqo u horseedi doona labada dhinac, isla markaana uu waafaqsan yahay xeerarka caalamiga ah.

“Wafti ahaan waxaanu sharaxaad ka bixinay arragtidayada ku aadan is-fahamka ay Somaliland iyo Itoobiya wadagaleen, kaasi oo aan kali ah waafaqsanayn shuruucda caalamiga ah, lakiin ah mid is badal togan u horseedaya Somaliland iyo Itoobiya, marka ay noqoto dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo amaanka” ayuu yidhi Wasiir Ciise Kayd.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii dartay in guddi aqoonyahno oo ka kooban siddeed xubnood ay u xilsaareen arrintan, ayna ka go’an tahay dhaqan-gelinta heshiiska badda.

Somaliland ayaa haatan wada qorshe ay ku dooneyso in is afgaradka ay la gaartay Itoobiya ay ugu beddeleyso heshiis dhab ah, qorshahaas oo uu hoggaaminayo madaxweyne Biixi.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda weli diidan heshiiskan oo ay ku tilmaamtay inuu xadgudub ku yahay madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, kaas dhaliyay caro xoogan xiisad diblumaasiyadeed ee u dhexeysa Addis Ababa iyo Muqdisho.

Si kastaba, arrintan ayaa sababtay inuu xumaado xiriirka labada dal, kadib tallaabooyinkii uu qaaday Abiy Axmed oo sidoo kale carqaladeeyay madaxweyne Xasan oo todobaadkii hore dalka Itoobiya u tegay ka qayb-galka shir madaxeedka Ururka Midowga Afrika.

Daawo: Maxkamadeynta ninkii gubay xaaskiisa oo ka bilaabatay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah u guda gashay kiiska xasaasiga ah ee loo haysto eedeysane Sayid Cali Macallin Daa’uud oo gubay xaaskiisii oo xaamilo ahayd, Marxuumad Luul Cabdicasiis Maxamed.

Maxkamadeynta ayaa goordhow ka bilaabatay xarunta Maxkamada Gobolka Banaadir, ayada oo si weyn loogala socon doono warbaahinta, maadaama uu yahay kiis xasaasi ah.

Dhageysiga dacwaddan ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay ehellada labada dhinac, dadweyne, qareeno iyo xeer ilaalinta guud ee qaranka.

Sayid Cali oo kasoo muuqday fadhiga maxkamadda, loona akhriyay eedaha loo haysto ayaa sheegay inuu dood sharci ah ka qabo dacwadda culus ee lagu soo eedeeyay.

Intaas kadib ayaa waxaa is hortaag ku aadan kiiskan dalbaday Abuukaate Cali Xalane oo u doodayo eedeysanaha, isaga oo codsaday in kiiskan dib loogu dhigo, waxaase ka diiday maxkamadda oo qaadatay dacwadda maxkamadda oo ah in maanta la guda galo.

Dooda ayaa sidoo kale la guda galay, taas oo u dhexeysay qareenada iyo xeer ilaalinta oo goobta keentay marqaatiyaal ay kamid ahaayeen carruurtii marxuumadda oo qaarkood waxyeelo ay kasoo gaartay dabka

Ugu dambeyn guddoomiyaha maxkamadda gobolka Saalax Dabaan oo soo xiray dacwadda ayaa sheegay in la’isugu imaan doono fadhiga kale, wuxuuna faray xeer ilaalinta inay soo dhameystiro caddeymahadooda, si uusan u daahin kiiskan oo aad isha loogu wada hayo.

Eedeysanaha oo baxsaday ayaa waxaa horay usoo wareejisay hay’adda NISA oo kasoo qabatay gobollada dhexe, waxaana kadib loo gacan geliyay booliska, si loo maxkamadeeyo.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo maalmo kahor ehellada marxuumadda oo la hadlay warbaahinta ay sheegeen in weli ay tirsanayaan cadaalad darro, maadaama la daahiyay maxkamadeynta eedeysanaha, ayada oo weli maydka marxuumadda uu ku jiro Firinjeer.

Luul Cabdicasiis ayaa weli iyada oo mayd ah ku jirto Ferinjeer, waxaana qoyskeeda ay dalbanayaan in lala aaso ninka gubay oo ah eedeysane Sayid Cali Macallin Daa’uud.

Siyaasi taageera qadiyadda Somaliland oo u sharaxan gudoomiyaha Midowga Afrika

0

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenkii iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa u sharaxan guddoomiyaha Midowga Afrika, halka Kenya ay soo sharaxday Raila Odinga oo muddo dheer soo hoggaaminayey mucaaradka Kenya.

Guddoomiyaha hadda jooga hoggaanka Midowga Afrika Muusa Faki Maxamed oo u dhashay dalka Chad, labo jeerna xilkaan soo qabtay wuxuu muddo xileedkiisu ku egyahay bilowga sanadka soo socda ee 2025-ka.

Markii uu musharaxnimadiisa kursigaas shaacinayey Raila Odinga waxaa barbar taagnaa madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Olusegun Obasanjo, oo dhawaan Midowga Afrika u magacaabay dhexdhexaadinta Soomaaliya iyo Itoobiya.

Raila Odinga ayaa saaxiib dhow la ah siyaasiyiinta Somaliland, wakiilka Somaliland ee Kenya Maxamed Barawaani ayaa ku tilmaamay Raila Odinga in uu yahay halyey Afrika oo ah qofka ugu madan ee guddoomiya Golaha Fulinta ee Midowga Afrika, taas oo ka dhigan in Somaliland ay si weyn u xiiseyneyso in hoggaanka Midowga Afrika uu qabto Raila Odinga.

Soomaaliya waxaa u sharaxan Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland, balse inay xilkaas qabato waxay Somaliland ka jeceshahay in Raila Odinga ee Kenyan ah uu qabto, iyagoo quud-dareynaya inay garab uga helaan damaca ay badda ku siinayaan Itoobiyaanka.

“Raila waa saaxiibka Somaliland, oo waxa uu ku suntan yahay dimoquraadiyadda Afrika. Wax weyn ayuu ugu fadhiyaa Afrika, Raila waxa uu og yahay xaquuqda ka maqan Somaliland, Madax badan oo caalamka ah ayaa aragtidaas ka aaminsan, kuwaas oo taageera qaddiyadeenna,” ayuu yiri wakiilka Hargeysa u jooga Nairobi Maxamed Barawaani.

Cabdirashiid Khaliif Xaashi oo wasiir ka soo noqday dowladda federaalka Soomaaliya ayaa isna sheegay in murashaxnimada Raila ku bureyso aragtida uu ka qabo Somaliland, taas oo ka hor-imaanaysa xeerarka iyo sharciyadda u yaal Midowga Afrika.

Wakiilka Somaliland oo ka falcelinayay doodda Cabdirashiid Xaashi ayaa dulmi kale oo lagu la kacayo Somaliland ku macneeyey in Raila Odinga lagu colaadiyo aragtida uu ka qabo qadiyadda Somaliland.

Raila Odinga ayaa dhowr jeer fagaarayaasha ku taageeray qadiyadda aqoonsi raadinta Somaliland, isagoo ugu baaqay Golaha Fulinta ee Midowga Afrika inay Somaliland u aqoonsadaan dal madax-banaan.

Dowladda Soomaaliya weli kama soo falcelin murashaxnimada uu shaaciyey Raila Odinga oo cadeystay aragti xad-gudub ku ah dhowrista wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sawirro: Golaha Wasiirada oo ansixiyay heshiis difaac oo lala soo galay Turkiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta shir deg-deg ah yeeshay ayaa ansixiyay heshiis ku saabsan difaaca iyo dhaqaalaha dalka oo dowladda federaalka Soomaaliya ay lasoo gashay dowladda Turkiga.

Shirka ayaa waxaa guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, waxaana goobjoog ahaa inta badan Golaha Wasiirada oo si buuxda u meel-mariyay heshiiskan oo uu sideedii bishan Soomaaliya usoo saxiixay wasiirka difaaca Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Ra’iisul wasaaraha oo kulankan aan caadiga ahayn ka hadlay ayaa ku tilmaamay heshiiska mid masiiri ah oo dhaxagal u ah ummadda Soomaaliyeed – waxaana uu sidoo kale uu faahfaahiya ahmiyadda heshiiska u leeyahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Heshiiskan ayaa muhiimaddiisa waxa ay tahay ilaalinta xeebaha iyo difaaca dalka, wuxuuna kusoo aaday, xilli ay taagan tahay xiisadda ka dhalatay heshiiska badda ee Somaliland iyo Itoobiya.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isla maanta kulanka labada Aqal ee baarlamaanka ku faahfaahin doona heshiiskan dhinaca difaaca Badda ah oo Soomaaliya ay lasoo gashay dowladda Turkiga.

Sida aan xogta ku helnay heshiiska difaaca badda Soomaaliya ee Turkigu u saxiixay DF, wuxuu dhigayaa in ciidamo ilaalo ah, kana difaaca Itoobiya uu Turkigu u soo diri doono badda Soomaaliya.

Xogtu waxay intaas ku sii dareysaa in heshiiskan uu sii jirayo oo ciidamada Turkiga ay badda Soomaaliya sii joogi doonaan muddo 10 sano ah.

Bilowgii bishaan Febraayo ayuu Wasiirada Gaashaandhigga Soomaaliya heshiiskaan ku soo saxiixay dalka Turkiga, waxaana Turkiga u saxiixay wasiirka gaashaandhigga dalkaas.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta baarlamaanka uga warbixi doona safarkiisii Addis Ababa iyo is-hortaagii uu kala kulmay dowladda Itoobiya oo diidaneed in khudbadiisa uu shirka Midowga Afrika ka jeediyo Xasan Sheekh.

Si kastaba, Turkiga ayaa ah saaxibka koowaad ee Soomaaliya, wuxuuna taageero buuxda siiyaa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo uu ka qayb qaato dib u dhiskooda.

Dood ka taagan jinsiyadda caruurta dumarka Soomaalida ay u dhalaan ragga ajnabiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dood xoogan ayaa ka dhex taagan baarlamaanka Soomaaliya, taas oo ku aadan in dhalasho lasiin karo carruurta ay gabadha Soomaaliyeed u dhalaan nimanka ajnabiga ah taas oo ay ku kala qabsameen xildhibaannada baarlamaanka.

Qodobkan ayaa ku jiro hindise sharciyeedka carrruurta oo ay soo diyaarisay wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka, waxaana xildhibaanada qaar ay soo jeediyeen in dib loo celiyo. halka kuwa kalena ay soo jeediyeen in laga saxo wixii qaldan, kadibna la meel-mariyo.

Doodda ayaa si gaar ah uga taagan ‘Baasaboorka Soomaaliga ma qaadan karaan canug ajnabi ah oo ay dhashay gabar Soomaaliyeed’?

Xildhibaan Maxamuud Jeego oo dooddan qayb ka ah ayaa sheegay inuu isago taageerayo in dhalasho lasiiyo ilmahaasi, lana taageero haweenka Soomaaliyeed.

“Annaga baarlamaankan ayaan ka tirsanahay, qaarkeen xaasaska ayaan dirsanay carruurteenna halkaas ku dhalanaayo waxaa la rabaa inay jinsiyad soo qaataan, intana gabar Soomaaliyeed haddii ay wiil dhasho waxaa loo diidaa inuu jinsiyad qaato” ayuu yiri.

Jeedo ayaa usoo jeediyay gabadhaha Soomaaliyeed ee guursanaya ragga ajnabiga ah inay ilaaliyaan Diintooda, ayna guursadaan qof muslim ah.

“Waxaan rabaa in haweenka Soomaaliyeed lagu taageero caruurta ay dhalaan in la siiyo Jinsiyada, laakin ninka ay ilmaha u dhalayso waa in uu ahaado qof Muslim ah” ayuu sii raaciyay.

Dhankiisa  Xildhibaan Maxamed Deeq Barre Xaaji (Fiyoore) ayaa ka horyimid arrintaan, wuxuuna soo jeediyay in aan sharci lasiin carruurtaas, isaga oo ku dooday in aabihiis uu leeyahay dal kale, isla markaana uu halkaas ka qaadan karo baasaboor.

Waxaa kale oo uu tusaale usoo qaatay argagixisada oo uu tilmaamay inay carruur ku dhaleen dalka, kadibna ay dhibaato u gaysteen shacabka Soomaaliyeed.

“Walaalayaal qofka Soomaaliga ah ilaalintiisa annaga ayaa nalaga rabaa waddankan argagixiso ajaaniib ah ayaa timid ilmo ayay ku dhaleen annaga ayeyna na laayeen” ayuu yiri Xildhibaan Fiyoore.

“Gabadha Soomaaliga ah Ilaahey hadii uu qaddaray oo ay dhashay canug Ajnabi ah waxaan qabaa canugaasi circa kama soo dhicin waddan-buu u dhashay aabihii waddan ayuu kasoo jeedaa halkaas baasaboor ha uga doonto” ayuu isna doodiisa ku yiri Xildhibaan Maxamed Deeq Barre Xaaji (Fiyoore).

Xildhibaan Qaali Cali Sharci ayaa si weyn u difaacday qodobkan, waxayna sheegtay haddii dhalasho loo diido carruurtaas in ay xadgdub ku tahay haweenka Soomaaliyeed.

“Xadgub toos ah ayay noqoneysaa haddii hooyada Soomaaliyeed la yiraahdo canuga ay dhasho muwaadin ma noqon karo, aabaha Soomaaliyeedna canuga uu dhalayna la yiraahdo muwaadin ayuu noqonaa” ayay iyaduna falcelinteeda ku tiri Qaali Cali Shire.

Waxaa kale oo ay tiri “Waxay noqoneysaa ku xadgudub toos ah oo lagu beegsanayo gabdhaha Soomaaliyeed iyo Diinteenna” .

Wax ka ogow barnaamijyada cusub ee malaayiinta dollar looga dhacay Soomaalida

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii ugu danbyey si weyn u soo xoogaysanayey Appab kala duwan ee nooca dhijitalka ah ama hababka onlineka ee lacagaha lagaga shaqeeyo oo Soomaali badan looga dhacay lacago kala duwan kuwaas oo loo sheegay horraan inay helayaan faa’iidooyin badan muddo kooban.

Aaladdahan waxaa ka mida ‘CJ ONSTYLE’, TRADEBOT’, 2139 Exchange iyo kuwa kale oo dad badan oo Soomaali ah ay ka cabanayaan in lacago looga dhacay.

Daahir Axmed Kulmiya oo aqoon durugsna u leh lacagaha dhijitaalka ah ayaa sheegay in inta badan aaladanahan ay adeegsadaan dad si farsamaysan u dhaca dadka nugul ee doonaya inay si deg dega faa’iido ku helaan iyagoo indha sarcaad uga dhigaya xajmiga lacageed ee ay helayaan.

“Waa qalin shubato ayaan dhihi karaa,waxbadan oo cilmi ah kuma dhisna marka aad eegto laakin dadka nugul ee aqoonta u lahayn arrimahan ayey dhacaan,” ayuu yiri Daahir.

Wuxuu sheegay inay dadka habka online u adeegsada in lacago ay kala sarifaan ay hadba daggal cusub oo internerka ah iyo magacyo kala duwan ay samaystaan oo ay ka guuraan kuwii hore loogu bartay ee ay dad ku dhaceen.

“Waxay adeegsadan xeelado soo jiidasho leh oo ay ka mid taha jaangoyn kala duwan tusaale ahaan waxay sameeyaan heerar kala duwan iyagoo dhahaya haddii aad lacagta intaa le,eg dhigato waxa helaysaa intaas marka ugu danbaysay ee ay arkaan inay lacago badan u dhaceena waa la waayaa wayna dhacaan,” ayuu intaas raaciyey Daahir.

Isagoo sii hadlayey Daahir ayuu yiri “si la yaableh ayey dadka u dabaan iyagoo qofka ugu horeeya siiya faa’iido la mida tuu gashtay laakiin markii qofkasa oo dad badan soo xero galiyo ayey bilaabaan in la waayo meelay ka baxaan, laakiin waxa loo baahan yahay in laga feejignaanado.”

Inta uga badan dadka alaadahan internetka ayey Soomaalidu ka raacaan xayeysiimo dhina qadka ah ay ku soo gudbiyaan iyagoo si xirfadaysan u soo bandhga adeegyadooda.

Sida uu sheegay Daahir Kulmiye, dadka ka shaqaysta hababkan waxay u badan yihiin dalal ku yaal Afrikada galbeed,wadamo Balkaniska ee u dhow Ruushka iyo dalal ku yaal Aasiya.

Dhinaca kale Cabdinasir Ismaacil (Sola) oo ah khabiir ku xeel dheer dhinaca tiknoolojiyadda ayaan wax ka weydiinnay hababka barnaamijyadan iyo sababta keentay in marar kala duwan lacago looga dhaco Soomaalida.

Sola waxa uu inta badan barihiisa bulshada kusoo bandhigaa saameynta ka dhalan karta barnaamijyadan xagga internetka ah ee lacagaha lagu shubto.

“Barnaamijyadan waxa ay kala leeyihiin kuwo arhaam ah iyo kuwo online ah, wey kala khasaare badanyihiin, waxaa daran kuwa arhaamta ah oo Soomaalidu ay ku waayeen malaayiin lacago ah,” ayuu yiri Cabdinasir Sola.

“Marka hore waxa ay ku bilaabataa lacago la’isku dardaray majirto maal gelin ka imaaneysay shirkado ee waa wax uun dadka laga uruuriyay, sida caadada ah saddexda bilood ee ugu horreysa waxaa laga helaa faa’diiyooyin badan, laakiin kadib wey xirantaa,” ayuu sii raaciyay.

Waxa uu sheegay in xarumahan badankood laga leeyahay dalalka Shiinaha iyo Ruushka, Soomaaliduna ay linkiyada ama xiriirka uu kusoo gaaro qaab isku diris ah.

Waxaa inta badan la’arkaa iyada oo qof waliba qofka uu garanayo uu ku qalqaaliyo isaga oo u sheega faa’iidooyin badan.

Waxaa muuqata in dad badan ay ku faa’iideen isla markaana ay lacagohoodii kala bexeen kadib digniino ay ka heleen Cabdinaasir iyo khubarro kale, halka kuwa kalana ay la go’day iyagoo sii rajeynaya kharashaad kale oo ay ka smeeyaan.

Waxaa jira dad Soomaali ah oo durba la dhacay shaqada app-kan oo ay lacago kasoo xareeyeen, sida ka muuqata baraha bulshada. Dadka qaar ayaa muuqaallo kasoo duubay iyagoo si toos ah lacag uga sameynaya barnaamijyadan.

Qaar kale oo ka mid ah Soomaalida ayaa iyagana kasoo hor jeestay app-kan oo ay ku qeexeen mid aysan ku kalsoonaan karin.

Wax hadda billowha ma aha in Soomaalida iyo dadka kale ee caalamka ay xiiseeyaan waxyaabo ku shaqeeya dhinaca online-ka oo lacago laga sameeyo.

Dhowrkii sano ee lasoo dhaafay waxaa aad loo daneynayay barnaamijyo u shaqeeya sida sarrifka lacagaha, balse ku saleysan online. Waxaa ka mid ah Forex Exchange, oo mar si weyn looga daba dhacay.

Hase yeeshee barnaamijkan oo hadda dadka isticmaala ay yar yihiin ayaa lagu tilmaamay mid khasaare badan geliyay dadkii maalgashaday.

Hababka loogu khasaaray waxaa ka mid ah “in shakhsiyaad iyo shirkado ay dadka lacagaha ka qaadayeen iyagoo u sheegaya inay ugu shaqeynayaan, kaddibna ay mar qura la goosanayeen.”

Isha: BBC Somali

Xog: Xasan oo BF ka hor shaacinaya dal noo saxiixay heshiis lagu difaacayo badda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta hor-tegaya baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna u jeedi doonaa khudbad uu kaga hadlayo xaaladda guud ee dalka, waxayna Caasimada Online xog ka heshay qaar ka mid ah qodobada ku jira khudbadiisa.

Madaxweynaha ayaa maanta si buuxda u faahfaahi doona qadiyadda badda iyo halka ay mareyso, isagoo shaaci doona qorshe ay dowladda Soomaaliya dooneyso in badda looga difaaco Itoobiya.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulanka maanta labada Aqal ee baarlamaanka ku faahfaahin doona heshiis dhinaca difaaca Badda ah oo Soomaaliya ay la gashay dowladda Turkiga.

Sida aan xogta ku helnay heshiiska difaaca badda Soomaaliya ee Turkigu u saxiixay DF, wuxuu dhigayaa in ciidamo ilaalo ah, kana difaaca Itoobiya uu Turkigu u soo diri doono badda Soomaaliya.

Xogtu waxay intaas ku sii dareysaa in heshiiskan uu sii jirayo oo ciidamada Turkiga ay badda Soomaaliya sii joogi doonaan muddo 10 sano ah.

Bilowgii bishaan Febraayo ayuu Wasiirada Gaashaandhigga Soomaaliya heshiiskaan ku soo saxiixay dalka Turkiga, waxaana Turkiga u saxiixay wasiirka gaashaandhigga dalkaas.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta baarlamaanka uga warbixi doona safarkiisii Addis Ababa iyo is-hortaagii uu kala kulmay dowladda Itoobiya oo diidaneed in khudbadiisa uu shirka Midowga Afrika ka jeediyo Xasan Sheekh.

Dagaalka dalka looga xoreynayo argagixisada, halka uu marayo qorshaha ay Soomaaliya ugu biirtay daladda dhaqaalaha bulshada bariga Afrika iyo qodobo kale oo xaaladda dalka ku saabsan ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh berri ka hor sharixi doonaa baarlamaanka.

Maraykanka oo diiday xabbad-joojinta QAZA

0

Washington (Caasimada Online) – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa markale ka dooday, qaraar ku baaqaya xabbad joojin bini’aadanimo, si loo joojiyo dagaalka ka socda Qaza iyo in la kordhiyo gargaarka bini’aadanimo iyo joojinta barakicinta dadka Falastiiniyiinta ah, hase ahaatee qaraarkaas waxaa hor istaagay Maraykanka, isaga oo isticmaalay codka diidmada qayaxan ee Veto.

Danjiraha Maraykanka u joogta Qaramada Midoobay, Linda Thomas-Greenfield ayaa sheegtay, in aanay nabad waarta keenayn, in la dalbado xabbad-joojin degdeg ah oo bilaa shuruud ah, iyada oo aan heshiis laga gaadhin in Xamaas ay sii dayso la haystayaasha gacanta ugu jira.

Muddo toddobaadyo ah ayaa Maraykanka, Masar, Qatar iyo Israa’iil waxay lahaayeen wadahadalo ku aaddan in la sii daayo dhammaan maxaabiista la haysto, isla markaana in la hakiyo dagaalka.

Danjiraha Maraykanka ayaa sheegtay in tallaabadani ay taas bedelkeeda sii dheeraynayso dagaalka u dhexeeya labada dhinac, isla markaana ay sii dheeraynayso wakhtiga la haysanayo maxaabiista Israa’iil iyo xaaladda bini’aadanimo ee ay ku sugan yihiin Falastiiniyiintu.

Dalka Ajeeriya ayaa soo diyaariyey qaraarkan qabyada ah isaga oo la wadaagay 15-ka dal ee xubnaha ka ah golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay muddo saddex toddobaad ah ka hor.

Sawirro: Soomaaliya iyo Uganda oo kala saxiixday heshiis difaac oo xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradaha gaashaandhigga ee dowladaha Soomaaliya iyo Uganda ayaa maanta magaalada Muqdisho ku kala saxiixday dhammaystirka heshiis is-afgarad  ah (MOU) kaas ku saabsan dhanka difaaca.

Labada wasaaradood ayaa horay u kala saxiixday qeybihii hore ee heshiiskaan difaac ee Soomaaliya iyo Uganda ay gelayaan.

Wasiirka Gaashaandhigga dalka  Uganda, Mudane Vincent B. Ssempijja iyo wafdi sare oo uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ku yimid magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhoweeyeey Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdifataax Qaasim.

Wafdiga Wasiirka Difaaca dalka Uganda ayaa soo dhoweynta kadib loo soo galbiyay xarunta wasaarada gaashaandhigga Soomaaliya, halkaas waxaa uga bilowday kulamo ay la qaateen masuuliyiinta Wasaaradda Gaashaandhigga oo wasiir Cabdulqadir Maxamed Nuur uu ugu horeeyo.

Sidoo kale shirka lagu saxiixay heshiiskaan waxaa maanta ka qeyb galay madaxda kale ee wasaaradda iyo Taliye ku-xigeenka ciidanka xoogga dalka Janaraal Maadeey Nuureey Shiikheey.

Masuuliyiinta wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya iyo kuwa ka socday Uganda ayaa qaatay kulan dheer  oo ay uga wadahadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wadashaqaynta labada dal ee dhanka difaaca.

Gabagabadii kulankii maanta ka dhacay Muqdisho, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa dalka Uganda Vincent B. Ssempijja ayaa kala saxiixday  dhammeystirka heshiis is-afgarad (MOU) dhanka difaaca ah.

Labada dowladood ee Soomaaliya iyo Uganda, gaar ahaan wasaaradaha gaashaandhigga ayaa 8-dii bisha Agoosto 2022-kii qeybihii hore ee heshiiskaan maanta la dhameystiray ku kala saxiixday magaalada Entebbe ee dalka Uganda.

Dowladda Uganda waxay ka mid tahay dowladaha Afrika ee saaxiibka dhow la ah Soomaaliya, waxayna door-weyn ka qaadatay dhismaha ciidamada xoogga Soomaaliya, difaaca dalka iyo dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

Heshiiskaan difaac ee Soomaaliya iyo Uganda ay kala saxiixdeen wuxuu ku soo aadayaa xilli xiisad culus ay ka dhex taagan tahay Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo salka ku heysta damac Itoobiya uga jira badda Soomaaliya, halka Soomaaliya ay xulufo caalami ah u raadsaneyso is difaac ka dhan ah damaca Itoobiya.

Daawo: Xildhibaan Caana-nuug: Farmaajo ma cafin doono aakhiro iyo adduun

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa u jawaabay madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ka hadlay is hortaaggii lagu sameeyay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Farmaao ayaa sheegay in dhacdadaan ay hor-dhac u tahay “qorshaha qarsoon iyo natiijada gurracan ee wiiqaysay midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya” isagoo Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay inuu ka soo laabto qorshahaan uu kaligiis ku mayal-adeygayo ee dastuurka wax looga bedelayo.

“Codkayga waxaan ku biirinayaa siyaasiyiinta, waxgaradka iyo masuuliyiinta Soomaaliyeed ee ka dhiidhiyey is hortaagga ka dhanka ah hadaljeedintii Madaxweynihii Hore ee dalka, Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ee fadhigii maanta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya” ayuu yiri madaxweyne hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Xildhibaan Caana-nuug ayaa jawaabtiisa ku sheegay in Farmaajo uu dalkan dhibaato ka gaystay, isaga oo tusaale usoo qaatay weerarkii Hoteel Maa’iida ee lagu qaaday madaxweynayaashii hore ee dalka ee ay kamid ahaayeen Xasan Sheekh iyo Shariiif.

“Duulaankii ka dhacay Hoteel Maa’ida, aniga waxaan kamid ahaa dadka ku jiray meesha ku jiray ee xabadda ku bilaabatay afar saac habeenimo, illaa waabarigii” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in xildhibaanka uu isaga kamid ah dadkii ku sugnaa hoteelka, islamarkaana ay xabadda ku socotay saacado badan, isaga oo intaasi ku daray in uusan weligiisa cafin doonin madaxweyne Farmaajo.

“Aniga aakhiro iyo adduun ma cafin doono, insha allah, sababtoo ah muwaadin Soomaaliyeed oo ah xildhibaan qaran oo Hoteel deggan oo habeenkii oo dhan ay xabad ku socotay ayaan ahaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Caana-nuug.

Waxaa kale oo uu yiri “Madaxweynaha uu leeyahay hadal ayaa laga celiyay ayaa kamid ahaa dad u dilan oo isaga aakhiro u diray ayaa wuxuu leeyahay hadal ayaa laga joojiyay”.

Xog: Madaxweyne Xasan oo baarlamanka ugu yeeray shir xasaasi ah berri + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale kulan aan caadi ahayn isugu yeeray xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka, kaas oo lagu wado inuu berri ka dhaco hoolka xarunta Villa Hargeysa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe oo kulankii maanta guddoomiyay ayaa xildhibaannada la wadaagay codsiga madaxweynaha ee ah inuu berri hor imaanayo

“Arinbaa hadda soo dhacday oo uu madaxweynaha JFS soo qoray wuxuu codsaday shir aan caadi ahayn oo ku saabsan xaaladda uu dalka maraayo” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Dastuurkeena wuxuu qabaa qodobkiisa 66-aad farqaddiisa 4-aad xarafkiisa A iyo qodobada 71-aad iyo 90-aad waxay qabaan in madaxweynaha uu isugu yeeri karo baarlamaanka waqti alaala waqtigii loo baahdo”.

Aadan Madoobe ayaa ugu baaqay xildhibaannada inay soo wada xaadiraan kulankaasi, si ay u dhageystaan warbxiinta uu wado madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Sidaas daraadeed maadaama ay arin dastuuri ah tahay waqtiga lagu jirana aad dareemi kartiin, ajendaha wa lasoo diri doonaa guddiga ayaan dib ugu celinayaa” ayuu raaciyay.

Guddoomiyaha ayaa xusay in madaxweynaha uu ka hadli doono xaaladaha soo kordhay, gaar ahaan safarkiisii dalka Itoobiya iyo wixii uu kala soo kulmay.

Berri aan soo diyaar garowno dhammaanteen si aan u dhagesano warbixinta madaxweynaha safarkii uu ku maqnaa iyo waxa uu la kulmay waad ogtihiin” ayuu yiri.

Waa markii labaad oo muddo 48 maalmood ah oo uu madaxweynuhu hortegayo Baarlamaanka Soomaaliyeed, isaga oo horay ula wadaagay xadgdubka Itoobiya.

Daawo: COLDOON oo lasii daayey, kuna dhowaaqay go’aan ah…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa maanta dib u helay xorriyadiisa, kaaso oo muddo ku dhow 45 cisho u xirnaa maamulka Somaliland.

Coldoon ayaa waxaa loo xiray arrimo la xiriira heshiiska badda ee Somaliland iyo Itoobiya, kadib markii uu ka hadlay heshiiskaas oo uu si weyn uga soo horjeestay, kuna tilmaamay sharci darro.

Wariyaha oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu horreyntii u mahadceliyay dadkii ka qayb qaatay soo deyntiisa, maadaama uu dib u helay xorriyadiisa.

Waxaa kale oo uu u mahadceliyay hay’adda sirdoonka Somaliland oo uu tilmaamay inay si wanaagsan ula dhaqantay mudaddii u uku xirnaa xabsiga.

“Waxaa u mahadcelinayaa hay’adda sirdoonka macaamiilka wanaagsanaa muddadii aan la joogay, inkastoo xarigu uu sidiisaba xanuun leeyahay” ayuu yiri Wariye Coldoon.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaan kaloo u mahadcelinayaa maxkamaddii maanta isoo deysay, maadaama ay garatay xorriyaddii aan xaqa u lahaa inay isiiso ee la’iiga qaaday”.

Dhanka kale, Cabdimaalik Muuse Codleen ayaa ku adkeystay go’aankiisa ah in uusan ka aamusi doonin arrimaha Somaliland, wuxuuna sheegay inuu mar kasta ka hadli doono wixii xaq ah.

“Walaalow xaqa iyo ka hadlidiisa hoos u dhig malaha waxaa weeye waxaan nahay ummada Ilaahey ku amaanay wanaaga is farto, xumaantana reebta” ayuu yiri Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in wixii faahfaahin ah oo ku saabsan xariggiisa iyo wixii uu kala kulmay xasbiga uu dib ka faahfaahin doono.

“Wixii dambe ee faah-faahin ah waxaan ka dhiganaya gadaal” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Coldoon ayaa waxaa marar badan xirtay Somaliland, waxaana ku dhacay xukuno kala duwan oo xabsi ah, marar kale in la’iska xiray ayaa haddane dib loo soo daayay.

Xildhibaan GOBSAN oo weerar culus ku qaaday CC Shakuur

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Gobsan Muxumad oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ay iskala tirsan yihiin Baarlamaanka, kadib markii uu ka hadlay kiiska xasaasiga ah ee dilka marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable oo ka tirsanaa shaqaalaha hay’adda duulista rayidka, kana soo jeeda deegaanada Somaliland.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaca ka qaaday in marxuumka silac la marsiiyay, isla markaana loo dilay si saxariir ah, isaga oo ku eedeeyay ehellada inay u gurman waayeen.

“Geeridu waa xaq, laakiin waxaa dilka C/naasir xanuunka iyo murugada ku siyaadinaya silaca la marsiiyey, saxariirta loo dilay iyo gurmad la’aanta kaga dhacday dadka ehelkiisa ee la degannaa” ayuu qoraal uu soo saaray ku yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale wuxuu ku daray “Waxaan codkayga ku biirinayaa in laamaha amniga ee dawladda federaalka Soomaaliyeed si degdeg ah oo daahfurnaan leh u baaraan unna soo caddeeyaan dilka C/naasir”.

Intaas kadib xildhibaan Gobsan oo u jawaabtay Warsame ayaa sheegtay inay ceeb ku tahay inuu u gefo qoyska marxuumka, xilli ay u taallo tacsi tiiraanyo leh.

“Waa ayaandaro weyn iyo ceeb in Xildhiban Abdirahman Abdishakur uu hadalo qadaf ah hawada usoo mariyo ehelka ay geeridu u taal ee uu ka dhashay marxuum Abdinasir Muuse Dahable oo loo dilay si fool xun” ayay ku jawaabtay xildhibaan Gobsan Muxumad.

Xildhibaannada ayaa sheegtay in hadallo naxariis darro ah uu ku hadlay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, sidoo kale uu siyaasadeeyay kiiska dilka ah ee Cabdinaasir Dahable.

Halkii uu howshaasi ka garaabi lahaa inuu Facebook la yimaado ehelkiisa ayuu gurmad ka waayey iyo ehelkiisa ayaa siyaasadeynaya geeridiisa, waxay ku tusineysaa heerka uu ka gaarsiisan yahay naxariis-darada uu inoo mujiyey iyo sida qalbigiisa u daxaleystay.

Ugu dambeyn waxa ay hoosta ka xariiqday in sharciga la aadi doonaan dhammaan shaqsiyaadka siyaasadeynaya dilka marxuumka, haddii ay yihiin xildhibaannada metala.

“Anaga oo ah xildhibaanada ehelka u ah marxuumka sharciya ayaa la aadi doonaa dhammaan shaqsiyaadka siyaasadeynaya geerida marxuumka ama hadalka gurracan hawada usoo marinaya ehelka, sida Abdirahman Abdishakuur oo kale” ayay mar kale tiri.

Allaha u naxariistee sarkaalkan dhalinyarada ah ayaa isaga oo mayd ah, loona dilay si arxan darro ah laga dhex helay gurigiisa ku yaalla agagaarka garoonka Aadan Cadde.