25.4 C
Mogadishu
Tuesday, June 23, 2026

Dabilhii NISA ee Muqdisho ka gaystay dilka bareerka ah oo xukun adag lagu riday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun adag ku riday Dable NISA Badri Cabdiraxmaan Kaahin.

Badri ayaa loo soo xiray dil bareer ah uu u gaystay Marxuum Cabdullahi Yuusuf Axmed dilkaas oo ka dhacay laamiga Xoosh ee degmada Dharkenlay 21-kii November ee sanadkii tegay ee 2023.

Baaris dheer dabadeed Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday qaadista kiiskan, waxaana laga ogolaaday tobankii bishii Febraayo ee sanadkaan.

Garsoorka maxkamadda ciidamada oo waqti ku filan siiyay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku xukuntay ex-Dable NISA Badri Cabdiraxmaan Kaahin Ismaaciil dil toogasho.

Xukunka dilka toogasho ee maanta lagu riday ex-Dable NISA Badri Cabdiraxmaan ayaa ah qisaasta Marxuum Cabdullahi Yuusuf Axmed, oo uu si bareer ah ugu dilay magaalada Muqdisho.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.

Maalmihii u dambeeyay maxkamadda ciidamada ayaa kordhisay xukunnada ay ku rideyso xubnaha loo haysto dilalka, oo u badan kooxda Al-Shabaab, ayna qeyb ka yihiin askar ka tirsan ciidamada dowladda, oo mararka qaar dilal ka geysta caasimada.

Telefishanka Qaranka oo qiil yaab leh u sameeyay arrintii uu kula kacay Sheekh Shariif

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Telefishanka Qaranka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadlay arrin uu shalay kula kacay madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed.

Telefishanka Qaranka ayaa shalay aan tebin khubad uu Shariif ka jeediyay baarlamaanka, taasi oo uu madaxweynihii hore uga hadlay dhowr arrimood oo taabanaya wax ka beddelka dastuurka iyo xaaladda guud ee amniga dalka.

Maamulka Telefishanka Qaranka Soomaaliya (SNTV) ayaa bayaan uu maanta soo saaray ku sheegay in cilad farsamo oo dhinaca internet-ka ah ay sababtay inuu hakad ku yimaado tabintii tooska aheyd ee telefishanka, xilligaasi oo uu Shariif khudbad ka hor jeedinayay mudaneyaasha Golaha Shacabka.

(Maamulka SNTV waxaa uu caddeynayaa inuu mar walba u taagan yahay u adeegidda Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed, iyadoo aan loo eegin kala duwanaansho siyaadasadeed iyo fikir toona. Adeegyada muhiimka ah ee Telefishanka u hayo Qaranka waxaa ka mid ah tebinta dhacdooyinka iyo barnaamiyada muhiimka u ah dowlad dhiska iyo wadajirka ummadda,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay maamulka Telefishanka Qaranka.

Sidoo kale waxaa lagu yiri qoraalka “Shalay oo taariikhdu ahayd 19 bisha February waxaa Telefishanka Qaranka uu si toos ah u soo tebinayey kulanka Baarlamanka ka socda. Waxaa intii tebintaasi tooska ah ay socotey Telefishanka la soo gudboonaadey cilad farsamo oo dhinaca internetka ah , taas oo hakad ku keentay tebintii tooska ahayd.”

Maamulka Telefishanka Qaranka ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in marwalba uu diyaar u yahay in uu si hufan ugu adeego qarank aiyo shacabka Soomaaliyeed intaba.

Arrintaan ay warbaahinta dowladda, gaar ahaan Telefishanka Qaranka uu kula kacay madaxweynihii hore ee dalka oo kamid ah siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeda qorshaha dowladda ee wax ka beddelka iyo dhameystirka dastuurka ayaa la rumeysan yahay in si ula kac ah u sameeyeen, wallow uu maanta maamulka qiil ka dhigtay inay soo wajahday cilad farsamo.

Tallaabadan ayaa waxaa shalay si weyn uga fal-celiyay Sheekh Shariif, taasi oo uu tilmaamay madaxweynihii hore ee dalka inay billow u tahay “waxa soo socda iyo duullaanka lagu yahay aragtida xildhibaanka iyo tan siyaasiga.”

Sidoo kale Farmaajo ayaa qoraal uu isna arrinkaan kasoo saaray ku sheegay inay hordhac u tahay “qorshaha qarsoon iyo natiijada gurracan ee wiiqaysay midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya” isagoo madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay inuu ka soo laabto qorshahaan uu kaligiis ku mayal-adeygayo ee dastuurka wax looga bedelayo.

QATAR oo ballan-qaad weyn u sameysay DF Soomaaliya

0

Dooxa (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa ballan-qaaday in ay sare u qaadeyso taageerada ciidamada xoogga dalka, oo dib u habeyn ballaaran iyo tayeyn lagu sameynayay sanadihii dambe, xilli uu dalka ku jiro guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Ballan-qaadka Dooxa ayaa yimid kadib kulan xasaasi oo dalkaasi ku yeesheen taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye-gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin iyo dhiggiisa dalka Qatar Sarreeye guud, Salem Bin Hamad Al Aqeel Al Nabit,

Labada Taliye ayaa ka wada-hadlay arrimaha saldhigga u ah xariirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dowladood ee Soomaliya iyo Qatar.

Sidoo kale waxay si weyn uga hadleen sidii loo xoojin lahaa taageerada ciidamada xoogga dakka oo dhinac kasta leh, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo in sare loo qaado deeqaha waxbarasho ee la siiyo saraakiisha ciidamada millateriga Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddoow ayaa si gaar ah uga mahad-caliyay dowladda Qatar kaalinteeda kaga aadan dhismaha iyo qalabeynta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu taliyaha ciidanka xoogga dalka uu ballan-qaaday in xariirka labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar uu ahaan doono mid sii xoogaysta.

Ugu dambeyntiina, taliyaha ciidamada milateriga dalka Qatar, Salem bin Hamad bin Mohammed bin Aqeel Al Nabit ayaa dhiggiisa Soomaaliya ku soo wareejiyay kulliyadaha ciidamada ee dalka Qatar.

Qatar ayaa kamid ah dalalka Carbeed ee taageera Soomaaliya, waxayna ka fulisa dalka mashaariicyo kala duwan, iyada oo sidoo kale ka qayb qaadata taageerada ciidamada iyo dhanka arrimaha bani’aadanimada ee Soomaaliya.

DF oo Somaliland u dirtay hanjabaad ah inay qaadeyso tallaabo dhanka hawada ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hey’adda duulista rayidka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay kaga hadleyso carqaladeyn ay Somaliland ku heyso maamulka diyaaradaha ee hawada Soomaaliya, waxayna ku goodisay in dowadda federaalka Soomaaliya ay qaadi doonto taallaabooyin culus, hadii ay Somaliland jooji weyso carqaladeynta maamulka hawada.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in gacmo shisheeye oo fushanaya danahooda gaarka ah ay qeyb ka yihiin carqaladeynta ay Somaliland ku heysto diyaaradaha isticmaala hawada Soomaaliya, waxayna DF-ku cadeysay in talaabooyin adag oo ay qaadi laheyd ay ka baaqsatay iyadoo u tureysa shacabka gobollada waqooyi.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka hey’adda duulista rayiska oo dhameystiran:

Laga soo bilaabo, 11 February 2024, waxaa dhacayey xadgudubyo heerar kala duwan leh, kuwaas oo ay ku kacayeen maamulka gobolada waqooyiga Soomaaliya ee Somaliland, taas oo ay ku carqaladeynayeen khadadka ay diyaaraduhu isticmalaan ee dulmara qeybo ka mid ah hawada gobolada waqooyi ee Soomaaliya.

Ficiladaan ayaa ka soo horjeeda shuruucda dalka u yaala iyo kuwa caalamiga ah.

Falalkaani waxay khatar galin karaan diyaaradaha iyo rakaabka ah ee isticmaala khadadka dulmara qeybo ka mid ah gobolada Waqooyi ee dalka.

Iyadoo ay jiraan caqabadahan, dowladda Soomaaliya waxay qaaday talaabooyin lagu xaqiijinayo bad-qabka duulimaadyada dulmara qeybo ka mid ah gobolada waqooyi ee dalka, kuwaas oo kala ah:

1. Dowladda Soomaaliya waxay soo saartay war-saxafadeed taariikhdu markay ahayd 13 Feebarayo 2024, taas oo bulshada Soomaaliyeed iyo caalamkaba loogu xaqiijinayey bad-qabka duulimaadka hawada Soomaaliya.

2. Dowladda Soomaaliya mar walba waxay digniino u direysay maamulka gobolada waqooyiga Soomaaliya ee Somaliland si ay uga waantoobaan faldambiyeedyadaas.

3. Dowladda Soomaaliya iyadoo tixgelineysa shuruucda duulimaadka adduunka ayay soo saartay wargelinno (NOTAMs) A0017/24 iyo A0019/24, kuwaas oo lala wadaagay dhammaan caalamka iyo hay’adaha ay khusayso, laguna xaqiijinayey in duulimaadyadu si bad-qab iyo amni ah ku maraan hawada goboladaas, iyadoo aanay wax saameyn ah ku yeelanin carqaladahani addeegii duulista hawada.

Iyadoo ay jiraan digniinahan iyo taloobiyinka la qaaday ayay maamulka gobolada waqooyi ee Somaliland sii wadeen fal-dambiyeedyadan ka dhanka ah shuruucda duulimaadka caalamka.

Haddaba, iyadoo ay intaas jirto, dowladda Soomaaliyeed waxay ka baaqsatay inay qaado talaabooyin kuwaan ka adag, iyadoo u tureysa shacabka Soomaaliyeed ee deegaanadaas ku nool iyo ciddii kale ee isticmaasha addeega Duulista Rayidka.

Dowladda Soomaaliya waxay dareensan tahay in carqaladeynta ay wadaan maamulka gobolada waqooyiga ee Somaliland ay ku jiraan gacmo shisheeye, si ay u fushadaan danahooda guracan.

Dowladda Soomaaliya waxay ka digeysaa sii socoshada falalkan.

Haddaba, haddii ay sii socdaan talaabooyinkan faldambiyeedka ah ee lagu carqaladeynayo Duulimaadyada Rayidka ah ee dul mara gobolada waqooyi ee dalka, waxay dowladda Soomaaliya iyadoo ka xun ku khasbanaan doontaa inay qaado talaabooyin ad-adag oo lagu xaqiijinayo amniga iyo bad-qabka Duulimaadka Rayidka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sharciga la tiigsan doontaa cid walba oo ku lug leh falalkan guracan.

Sheekh SHARIIF ma beddeli karaa jihada uu baarlamanka u wado dastuurka mise…?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu badhtamaha uga jiraa doodaha dhameystirka dastuurka. Mashruuca dastuurka ayaa waayahan dambe noqday doodda ugu weyn ee taalla dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa weli xoogga saaraya in baarlamaanka 11-aad uu noqdo midkii soo afjari lahaa taxanaha 12 sano jirka ee dastuurka. Xubnaha mucaaradka ayaa si weyn uga horyimid, waxayna sheegeen in dariiqa loo socdo uu yahay damac shaqsi ah.

Mucaaradka waxay ku doodayaan in aanay diidaneyn in dastuurka la dhameystiro, balse ay diidan yihiin sida howsha loo wado oo ay sheegeen in aanay xilligaan munaasabad aheyn iyo sidoo kale inay Madaxtooyada ka leedahay arrintaan dano shaqsi ah. Maamulka Puntland ayaa sidoo kale diidan qaabka loo wado dhameystirka dastuurka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo dhinaca kale ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay tegay baarlamaanka, xilli ay doodaha dastuurka billow yihiin.

Iyada oo laga dharagsan yahay inuu Shariif-ku kamid yahay xubnaha sida weyn uga soo horjeeda qaabka loo wado howsha dastuurka.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa rajeynaysa in afarta cutub ee ugu horreysa dastuurka la dhameystiro kahor 10-ka bisha soo aadan ee Maarso. Imaatinka Shariif Sheekh Axmed ee Golaha Shacabka ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan inuu madaxweynihii hore isku dayayo in jihada loo socdo wax ka beddelo.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa horey iskugu dayay inuu hor istaago qorshihii ay Villa Somalia ku beddelaysay habraaca codeynta dastuurka. Wuxuuna maalin kahor codeynta isku keenay ku dhowaad lixdan xildhibaan, laakiin maalintii codeynta tobaneeyo xildhibaan ayaa kusoo hartay dhinaca diidmada.

Maalmahan dambe waxaa jirtay aragti ah in Farmaajo, Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhamaan xildhibaano ah in haddii ay baarlamaanka soo fariistaan inay ka hor tegi karaan jihada ay kooxda tallada haysa rabto in dastuurka loo dhigo.

Ma joojin karaan iyo jihada ma beddeli karaan, waa laba dood oo kala duwan. Uma badna in la joojin kara duufaanta socota ee baarlamaanka, iyada oo inta badan xildhibaannad ay sugayaan inay kusoo baxaan isku shaandheynta soo socota ee xukuumadda.

Balse madaxweynayaashii hore iyo xubnaha mucaaradka ee waaweyn waxay u badan tahay inay qodobbada qaar wax ka beddeli karaan, iyaga oo kaashanaya xildhibaanno laga yaabo inay qodobbada qaar ka qabaan aragti ka duwan midda Madaxtooyadda.

Dadka arrinta dastuurka ka hadlaya waxay qirayaan in madaxweyne Xasan Sheekh laga celin karin jihada uu hadda u socdo ee dastuurka, mucaaradkuna hadda ma abaabulna, isku aragti iyo danno ma wada ahan, dhaqaale ma jiro oo dowladdana waa cusub tahay oo badi xildhibaannadu dano gaar ah ayay leeyihiin.

Qodobbada ku jira afarta cutub ee ugu horreysa dastuurka waxaa ugu muhiimsan inuu dalka yeesho madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, in la middeeyo doorashooyinka iyaga oo noqonaya qof iyo cod iyo inuu dalku yeesho labada xisbi.

Imaatinka Shariif Sheekh Axmed ee Golaha waxa uu dhinaca kale kobcin karaa doodda laakiin marxaladdan lagu jiro waa adag tahay ayaa la leeyahay in madaxweyne Xasan Sheekh loogaga adkaado baarlamaanka.

Mareykanka oo ka hadlay duqeyntii JILIB ee la sheegay in lagu dilay dhaqaatiirta Cuba

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska milatariga Maraykanka ee Africa ee loo yaqaan AFRICOM ayaa xaqiijiyey inay duqayn ka gaysteen meel u dhow Jilib 15-kii bishan, taas oo la sheegay in lagu dilay dhakhaatiir u dhalatay dalka Kuuba.

Kooxda Al-Shabaab ayaa maalin ka hor sheegtay in laba dhakhtar oo u dhashay Cuba oo afduub ay ku heysteen ay ku dhinteen duqayn ay magaalada Jilib ka gaysteen diyaaradaha Maraykanka.

Qoraal ka soo baxay Taliska AFRICOM ayey ku sheegteen inay jirto duqeyn ay 15-kii Febraayo ka gaysteen meel u dhow Jilib, sidoo kale ay maqleen warka sheegaya dhimashada dhakhaatiirtaas, balse aysan heyn wax cadeyn ah.

“Waan ka warqabnaa wararka sheegaya eedda ah in duqayntu dishay laba rayid ah. Ma hayno xog dheeraad ah waqtigan oo ku saabsan wararkaas, hase yeeshee wixii sheegasho ah ee la xiriirta dhib soo gaaray rayid way nagu weyn tahay,” ayaa lagu yiri warka AFRICOM.

Al-Shabaab waxay sheegeen labo dhakhtar oo lagu kala magacaabo Assel Herrera iyo Landy Rodriguez oo u dhashay dalka Cuba ay ku dhinteen duqeyntii diyaaradaha Mareykanka, balse sooma bandhigin wax cadeyn ah.

Mareykanku wuxuu qoraalkiisa ku cadeeyey in bartilmaameedka duqayntaas uu ahaa kooxda Al-Shabaab, balse ay sii baarayaan hadii ay jiraan dad rayid ah oo ku geeriyooday.

“Taliska AFRICOM wuxuu sii wadayaa qiimaynta natiijada hawlgalkan, waxaana bixin doonaa xog-dheeraad ah markii la helo,” ayaa lagu yiri qoraalka AFRICOM.

Argagixsada Al-Shabaab ayaa bishii April ee sanadkii 2019-kii labada dhakhtar ee geeridooda ay shaaciyeen waxay ka soo afduubteen magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari dalka Kenya, waxayna intaas ku hayeen meelaha ay ka joogaan koonfurta Soomaaliya.

FARMAAJO oo qoraal kasoo saaray arrintii shalay lagula kacay SHEEKH SHARIIF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa war ka soo saaray go’aankii shalay warbaahinta dowladda loogu diiday inuu ka baxo hadalkii uu kulanka baarlamaanka ka jeediyey madaxweyne hore, Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed, sidoo kale Farmaajo wuxuu fariin u diray Xasan Sheekh.

Sheekh Shariif ayaa shalay kulankii baarlamaanka ka jeediyey dood adag oo uu kaga soo hor jeeday in baarlamaanku shaqada dastuurka guda-galaan, iyadoo aan laga gaarin heshiis siyaasadeed, hadalkiisana kama bixin TV-ga iyo Raadiyaha Qaranka oo toos u tebinayey doodii xildhibaanada ee ka socotay kulanka.

Farmaajo ayaa sheegay in dhacdadaan ay hor-dhac u tahay “qorshaha qarsoon iyo natiijada gurracan ee wiiqaysay midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya” isagoo Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay inuu ka soo laabto qorshahaan uu kaligiis ku mayal-adeygayo ee dastuurka wax looga bedelayo.

Hoos ka akhriso qoraalka Farmaajo:

Codkayga waxaan ku biirinayaa siyaasiyiinta, waxgaradka iyo masuuliyiinta Soomaaliyeed ee ka dhiidhiyey is hortaagga ka dhanka ah hadaljeedintii Madaxweynihii Hore ee dalka, Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ee fadhigii maanta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Tallaabooyinka dib u eegista  Dastuurka ee haatan socda oo aan awalba ahayn mid loo dhan yahay, dood bandanna ka taagan tahay habraacii lagu ansixiyey, waqti ka khataro badan intii hore lagu jiro, haddana in xildhibaannadii ka aragti dhiiban lahaa la carqaladeeyo waxay muujinaysaa qorshaha qarsoon iyo natiijada gurracan ee wiiqaysay midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya.

Dalkeennu maanta waxa uu wajahayaa halis la xiriirta jiritaankeenna iyo qarannimadeenna, taas oo lagu wajihi karo midnimo iyo wadajir, sidaas awgeed waxaan Madaxweynaha ugu baaqayaa in uu ka soo noqda wadiiqadan khaldan,  ilaaliyana dhaxalka dowladnimada ee heshiiska lagu yahay.

Wa Billaahi Towfiiq

Qarax dad badan lagu laayey oo caawa ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku dhawaad 10 qofood oo la socotay gaari BL ah (Home) iyo Mooto Bajaaj ayaa caawa ku geeriyootay qarax ka dhacay degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.

Qarax ahaa miinada nooca soo booda ayaa qabsaday shacabkii la socday gaariga BL-ka ah iyo mooto Bajaaj-ta, waxaana halkaas ku geeriyooday oo Caasimada Online ay meydadkooda aragtay 9-qof, waxaana intaas ka badan karta tirada dhimashada.

Sidoo kale dad kale oo ku dhaawacmay qaraxaas ayaa laga qaaday goobta, waxayna dad goobjoogayaal ah noo xaqiijiyeen in qaraxaasi uu ahaa miino ka soo booday laamiga geeskiisa.

Khawaarijta Al-Shabaab ayaa qaraxa caawa dadka lagu laayey dhigtay isgoyska Soos ee degmada Heliwaa, waxaana ka dhalatay musiibo culus.

Ciidamada amniga iyo gaadiidka gurmadka deg degga ah ayaa gaaray goobta oo soo daabulay dhaawacyada iyo meydadka dadkii ay qaraxa ku laysay argagixisadu.

Kooxda Al-Shabaab uma naxdo shacabka, waxayna inta badan dhagartoodu haleeshaa dad rayid ah oo aan waxaba galabsan, sidoo kale kama damqadaan, kamana fogaadaan waxyeeleynta shacabka.

Dhacdadaan xanuunka badan ayaa caawa ku soo aaday iyadoo dadka reer Muqdisho ay dhowrkaan bilood ka reysteen gumaadkii ay ku heysay Khawaarijta Al-Shabaab, kadib markii ciidamo gaar ah loo sameeyey amniga caasimadda.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaalkii ugu adkaa gelisay sugidda amniga Muqdisho, sidoo kale waxaa la aaminsan yahay in amniga Muqdisho ay muhiim u yihiin howlgallada ay ciidamada dowladdu ka wadaan gobollada dalka, maadaama ay duurka gog ku fashilinayaan qaraxyadii dadkaan lagu dhibaatey jiray.

Golaha Ammaanka oo kulan xasaasi ah ka yeeshay xiisada Soomaaliya iyo Itoobiya

0

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta ka dooday arrimaha Soomaaliya, waxayna diblomaasiyiintii khudbadaha ka jeediyey ka hadleen xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya iyo arrimaha waxka bedelka dastuurka ee Soomaaliya ka socda.

Kulankaasi waxaa diblomaasiyiinta khudbadaha ka jeediyey ka mid ahaa Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Catriona Laing, Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u jooga Soomaaliya, iyo wakiillada dawladaha Maryakanka, Britain iyo Shiinaha.

Wakiillada dawladaha Maraykanka, Shiinaha iyo Britain ayaa mar kale ku celiyey inay dawladahoodu taageerayaan madaxbannaanida dhuleed iyo siyaasadeed ee Soomaaliya.

Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Laing ayaa khudbaddeeda ku sheegtay in is-afagaradkii ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland ay falcelin xooggan oo diidmo ah ka dhalisay Soomaaliya.

Sidoo kale waxay sheegtay inay tahay wax laga walaaco in al-Shabaab ay ka faa’iidaysanayso xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya, maadaama ay kooxdu heleyso fursad ay isku abaabusho dad cusubna ku qorato.

Waxay shegetay inay garawsan tahay dareenka xooggan ee Soomaaliya uu cadaadis ku saarayo madaxweynaha Soomaaliya inuu jawaabo, waxayna sheegtay inay ku dhiirigelinayso madaxweynaha inuu jawaabtiisu ahaato mid qiyaasan.

Waxay ku celisay hadalka Xogahayaha Guud ee Qaramada Midobay ee xaqjijinayey madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxayna ugu baaqday dhinacyada inay yeeshaan wadahadallo wax dhisaya, ayna ka fogaadaan hadallo wax hurinaya ama ficillo sii kicin kara xiisadda.

Wakiilka dawladda Britain ayaa dhinaca kale ka hadlay ka doodista wax ka beddelka dastuurka ee ka bilowday Soomaaliya, waxaana uu ku baaqay in dawladda Soomaaliya ay raadiso wadahadllo wadar ogol ah oo sal ballaaran, si loo xaqiijiyo in hannaankan uu helo taageero ballaaran.

 

Soomaaliya ‘oo dhibco siyaasadeed horleh’ ka heshay socdaalkii Xasan ee Addis Ababa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta Midowga Afrika waa magaalada Addis Ababa. Ethiopia waxay weligeed laheyd awoodda iyo galaan-galka ugu xooggan Midowga Afrika, maadaama ay xarunta ku taallo waddankeeda.

Sabtidii waxaa jiray shir gaar ah oo ay lahaayeen madaxweynayaasha dalalka qaaradda Afrika oo dhan. Wuxuu ahaa shir gaar ah oo ka horreeyay midka guud ee madaxda.

Ethiopia waxay Sabtidii isku deyday inay dhaafiso shirkaasi gaarka ah, si uusan madaxda Afrika ula wadaagin gefka ay Addis Ababa ku kacday 1-dii Janaayo iyo sida ay u dhaawaceyso midnimada Afrika, derisnimada iyo shuruucda caalamiga ah.

Itoobiyaanka waxay shalay ku adkeysteeen madaxweynaha Soomaaliya inay gaarigiisa raacan ilaali Itoobiyaan ah illaa xarunta Midowga Afrika. Inuu madaxweyne Xasan Sheekh aqbalo in darawalkiisa iyo ilaaladiisa gaarka ah ee la saaran gaariga ay noqdaan Itoobiyaan waxay sawiraysay halis amni iyo sidoo kale muujinta in uusan dhib ku qabin falkii ay dhawaan ku kacday dowladda Ethiopia.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa diiday in gaarigiisa uu nin Ethiopian ah kaxeeyo, ayna la raacan ilaalo Ethiopian ah, beddelkeedana madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay inuu haysto ilaalo Soomaali ah, balse Ethiopia ayaa diiday iyaga oo ku dooday inay sharci tahay in iyagu darawal iyo ilaalaba ka noqdaan gaariga qaadaya madaxweynaha Soomaaliya.

Arrintaasi waxay dhalisay inuu meesha buuq ka dhaco, kadibna madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku laabtay hoteelkiisa. Buuqa wuxuu gaaray dhamaan madaxdii qaaradda Afrika ee shirka u joogay waddanka Ethiopia, waxaana markaas kadib arrinta soo fara-geliyay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, kaas oo madaxweynaha ugu tegay hoteelkii uu deganaa kana codsaday inuu gaarigiisa la raaco, kaas oo ay la socdeen ilaalo Jabuutiyaan ah.

Waxaa la fahamsan yahay inay Ethiopian-ka rabeen in Xasan Sheekh ay dhaafiyaan shirka gaarka ah, oo madaxweyne walba kaga hadlayo mowduuca uu rabo ama ku taagan, si ay madaxda kale ee qaaradda Afrika ula arkaan culeyskaasi.

Ethiopia waa ogeyd inuu Xasan Sheekh kulankaasi gaarka ah uga hadli doono is-afgaradkii ay la gaareen Muuse Biixi Cabdi. Markale Ethiopia oo rabtay inay Xasan Sheekh dhaafiso shirkaasi gaarka ah ayaa diiday inay labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Jabuuti siiso mudnaantii waddooyinka oo lama siinin maamuskii waddooyinka, si ay waqti ku haboon shirka u tagaan.

Si walba, Xasan Sheekh waa uu ka gaaray shirkii gaarka ahaa, wuxuuna halkaasi ka jeediyay kalmad 7 daqiiqo ah, isaga oo sheegay in ficilada Ethiopia aan la aqbali karin, is-afgaradkii lala galay gobol Soomaaliya kamid ah 1-dii Janaayo uu yahay mid dhaawacaya heshiisyada caalamiga ah iyo midnimada qaaradda Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa intaasi kadib diiday inuu sugo shirka guud, waxaana uu kulan gaar ah la qaatay guddoomiyaha Midowga Afrika, isaga oo u sheegay in habka loola dhaqmay wafdigiisa ay dhaawac weyn ku tahay Midowga Afrika, ayna qasbi doonto in laga fiirsado in Addis Ababa mudan tahay in la iskugu yimaado markale, kadibna madaxweynaha Soomaaliya wuxuu usoo dhoofay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed oo ka jawaabaya caradii madaxweyne Xasan Sheekh iyo hadalladii kululaa ee uu ka jeediyay shirkii gaarka ahaa, ayaa kulanka guud ka sheegay inuu dhowr jeer codsaday in madaxweyne Xasan Sheekh gaar u kulmaan isaga oo u maray madax ay kamid yihiin madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ruto, balse uu dhamaan diiday madaxweyne Xasan Sheekh.

Abiy wuxuu sheegay inuu rabay in madaxweynaha Soomaaliya gaar u doodaan, laakiin taas uu Xasan Sheekh diiday, balse Abiy Axmed ma uusan sheegin sharuuda uu Xasan Sheekh ku xiray oo ah in marka hore Ethiopia ka laabato is-afgaradka, markaa kadibna ay labada dhinac wada-hadli karaan.

Go’aankii Sabtidii ee madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ka dhigan in adduunyada, gaar ahaan Afrika la tusay sida ay Ethiopia ugu fashilantay marti-gelinta shir-madaxeedka qaaradda Afrika, in madaxweyne Xasan Sheekh laga hor istaagi waayay inuu dhamaan madaxda qaaradda Afrika ka hor sheego gabood falka Abiy Axmed iyo inay Soomaaliya weli diyaar u tahay inay dariiq sharci ah oo aan dhuumasho aheyn ku difaacato biyaheeda ayaa sidoo kale loo arkaa tallaabo bogaadin leh.

Muqdisho ayaa qash-qashaadii lagu sameeyay wafdigeeda la wadaagtay Midowga Afrika, wallow ay gaartay hadafkeedii ahaa inay dhamaan dalalka Afrika u cadeyso diidmadeeda biyaha iyo sida ay arrintaasi u baal-marsan tahay sharciga caalamiga ah, midka qaaradda Afrika, derisnimada iyo sida ay u dhaawici karto xasilloonida gobolka.

Shariif oo jawaab caro leh kasoo saaray tallaabo ka dhan ah oo maanta ay qaaday…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo dhinaca kalena ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa si weyn u duray warbaahinta dowladda, kadib markii ay maanta baahin weyday hadal-jeedintiisi baarlamaanka.

Shariif oo kamid ah siyaasiyiinta kasoo horjeeda qorshaha dowladda madaxweyne Xasan ee wax ka beddelka iyo dhameystirka dastuurka ayaa khudbadiisa uga hadlay dhowr arrimood oo taabanaya wax ka beddelka dastuurka iyo xaaladda guud ee amniga dalka.

Sheekh Shariif ayaa qoraal uu soo saaray ku dhaliilay warbaahinta dowladda sida aysan ugu wada furneyn aragtiyada kala duwan ee xildhibaannada iyo siyaasiyiinta, taasi oo ka dhigeysa warbaahin ku shaqeysa rabitaanka shaqsi gaar ah.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay madaxweynihii hore ee dalka in tallaabadan ay billow u tahay “waxa soo socda iyo duullaanka lagu yahay aragtida xildhibaanka iyo tan siyaasiga.”

Hoos ka aqriso qoraalka Shariif

Hadal jeedintaydii maanta ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaan ugu hadlay dhowr arrimood oo taabanaya wax ka badalka Dastuurka iyo Xaaladda guud ee Amniga dalkeenna.

Aragtidayda iyo dareenka shacabka ay qabaan in aan ka sheego Baarlamaanka hortiisa waa qodob dastuuri ah, balse warbaahinta qaranka ee la rabay in ay noqoto indhaha ay bulshadu wax ku aragto, lagu saxo dowladnimada, u sinnaadaan masuuliyiinta, mucaarad iyo muxaafid ayaa maanta laga baahin waayay aragtidayda.

Ma aqaan sababta keeni karta tallaabadan is hortaagga ah . Laakin tani waxay billow u tahay waxa soo socda iyo duullaanka lagu yahay aragtida Xildhibaanka iyo tan siyaasiga.

Biyo dhul lagu arag lagana dhoor.

Kadib dilkii CABDINAASIR Dahable, R/W XAMZA oo soo rogay amar deg-deg ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa markii ugu horreysay ka hadlay geerida Cabdinaasir Muuse Cabdiraxmaan (Dahable) oo xalay meydkiisa laga helay hoyga uu ka deganaa xaafadda Ceel-qalow ee degmada Wadajir.

Xamza ayaa ugu horreyn tacsi u diray ehellada iyo qoyska uu ka baxay marxuumka, isaga oo faray hay’addaha amniga in si deg deg ah baaris dhab ah ugu sameeyaan kiiskaan.

Sidoo kale waxa uu ra’iisul wasaaraha faray inay gacanta kusoo dhigaan dhagar-qabayaasha ka dambeeyey dilkii Cabdinaasir Dahable oo ahaa masuul ka tirsanaa shaqaalaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliya oo xalay meydkiisa laga helay gurigiisa.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa isla maamta kulan la qaatay masuuliyiinta sare ee wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada iyo hay’adda duulista tayidka Soomaaliyeed.

Xamza ayaa masuuliyiintan ka dhageystay warbixinno ku saabsan horumarrada laga gaaray adeegga iyo maamulka Hawada Soomaaliya, iyaga oo soo bandhigay warbixinno ku saabsan howlaha duulimaadyada dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale waxa uu ku bogaadiyey wasaaradda gaadiidka iyo hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed horumarka ay sameeyeen muddooyinkii u dambeeyay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xukuumadda Dan-Qaran ay ahmiyad gaar ah siinayso horumarinta hay’adda duulista hawada, si buu yiri loo sii labo jibbaaro guulaha la gaaray.

Saldhig muhiim u ahaa Al-Shabaab oo la bur-buriyay iyo dagaal culus oo socda

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Saldhigii ugu waynaa kooxda Al-Shabaab ee deegaanka Cali Yabaal ayaa goordhoweyd la bur-buriyay, waxaana hadda socda dagaal culus.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreeynta deegaanka ayaa weerar dhowr jiho ah ku qaaday saldhigaasi oo kooxda ay ku laheyd dhul howd ah oo u dhaw deegaanka Cali Yabaal oo hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Dagaal xoogan ayaa ka socda deegaanka Cali Yabaal waxaana ciidamada xoogga dalka iyo kuwa shacabka hubeysan ay si rasmi ah gacanta ugu dhigeen goobihii Shabaab-ka saldhiga u ahaa, sida ay ku warameyso warbaahinta dowladda.

Saraakiisha ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in dagaalka uu billowday saaka aroortii uuna ilaa iyo hadda socdo.

“Waxaa Khawaarijta lagu gaarsiiyay jab xooggan,” ayey warbaahinta dowladda u sheegeen saraakiisha ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka.

Dagaal-yahaanada Shabaab ayaa la sheegay inay isku dayeen difaacashada saldhigaasi oo muhiim u ahaa, balse ugu dambeyntii laga xoog badiyay, ayada oo hadda xabadu kasii dhaceyso dhulka howdka ah ee u dhaxeeya Cali Yabaal iyo Cowswayne.

Howl-galkaan ayaa qeyb ka ah howl-gallo ay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa shacabka hubeysan ay muddooyinkii dambe ka wadeen gobolka Galgaduud, kuwaasi oo lagu baadi-goobayay xubnaha kooxda ee ku dhuumaaleysanaya dhulka howdka ah.

JAMAAL CUSMAAN oo laga soo musaafuriyay Garoowe

0

Garoowe (Caasimada Online) — Wariye Jamaal Cismaan oo ka tirsan warbaahinta calamiga ah ee Channel 4 ayaa goordhoweyd laga soo musaafuriyay Garoowe oo shalay lagu xiray.

Sirdoonka Puntland ayaa shalay Wariye Jamaal ku xiray garoonka diyaaradaha ee Garoowe, kadib uun markii uu kasoo degay garoonka, sida aan hore u baahinay.

Jamaal ayaa markaasi u bilaabatay su’aallo weydiin la xiriirta safarkiisa maamulkaasi uu ku tegay, waxaana duhurnimadii maanta laga soo musaafuriyay magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland.

Jamaal oo ku caan baxay ka waranka argagixisada iyo inuu si dad badan barahiisa bulshada ugu taageero Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in la saaray diyaarada Ethiopian Airweys oo Addis Ababa ku socotay.

Wariye Jamaal ayaa horey hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ay magaalada Muqdisho uga tarxiishay xilli uu booqasho ku yimid, iyada oo markaasi lagu haystay inuu buun-buunin u sameeyay kooxda Al-Shabaab.

Ninkaan ayaa lagu yaqaana buun-buuninta kooxaha xagjirka ah, isaga oo kal hore barnaamij uu kasoo duubay xarunta Al-Shabaab ee Jilib uu muujinayay in dadka ay nolol wanaagsan ku haystaan joogitaanka iyo ku hoos noolaanshaha kooxda, xilli ay dhiigga bulshada Soomaaliyeed u qubaan macno darro.

Si kastaba, Sirdoonka Puntland ayaa isna maanta qaatay go’aan lamid ah midkii hore loogu diiday inuu Jamaal ugu sii gudbo gudaha magaalada Muqdisho, ayada oo uu xilligaan dalka ku jiro dagaal dhan walba oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Daawo: Sheekh SHARIIF oo weerar culus ku qaaday madaxweyne Xasan iyo Xamza

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ka ahayd ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo haatan ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa maanta weerar toos ah ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Shariif oo kamid ah xubnaha sida wayn uga soo horjeedo wax ka beddelka dastuurka ayaa ugu dhaliilay dowladda hadda jirta arrimaha ammaanka iyo guud ahaan difaaca dalka.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ayadoo taasi ay jirto in aan lagu deg degin karin ansixinta dastuurka dalka, sida uu ku dooday Sheekh Shariif oo khudbad ka jeediyay baarlamaanka.

“Aad waxaan u dhaliilayaa habka uu amniga u socdo iyo habka difaaca dalka, ma aaminsani sida ay hadda wax ku socdaan inaan meel ku gaari karno dastuur aan ku ansixi karo, dowladna aan ku dhisi karno” ayuu khudbaddiisa ku yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Waxaa kale oo uu si weyn uga horyimid qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan in dalka uu u guuro nidaamka madaxweynaha iyo ku xigeen, taas oo uu ku tilmaamay arrin halis ah.

“In laga guuro nidaamka Baarlamaaniga ah ee oo loo guuro madaxweyne iyo ku xigeen, hadda waan ognahay is qab qabsiga jira amana imaan kara, laakiin xalka kaliya ma waxa uu noqonayaa in la sameeyo madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen?” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Sidoo kale wuxuu ku daray “Obshano kale ayaa jiro waxaa waayay ra’iisul wasaaraha madaxweyne ayaa soo magacaabo haddii ay wada shaqeyn waayaan ha fasaxo waa obshan, wuxuuna xaqiijinayaa dan weyn oo ah laba hay’adood madaxtooyada iyo golaha wasiirada in aysan isa saarnay”.

Ugu dambeyn wuxuu eedeyn culus u jeediyay xukuumadda oo uu sheegay inay lugaha hayso baarlamaanka Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa ay ila tahay baarlamaankan oo awooddii leh ayuu hadda shaqeyn la’yahay oo ay fulinta ka dhex bi’i la’dahay” ayuu mar kale yiri madaxweynihii hore ee dalka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dood adag ay ka taagan tahay arrinta dastuurka oo ay kasoo horjeedaan xubnaha mucaaradka ah iyo hoggaanka Puntland.

Hoos ka daawo muuqaalka

Maxamed Shariif iyo Arwaax Ibraahim oo toogasho lagu xukumay, kadib markii ay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku ridday laba askari oo horay uga tirsanaa ciidamada Xoogga dalka kuwaas oo kala ah  Ex Dable Xoogga Arwaax Ibraahim Axmed oo kasoo muuqday maxkamadda iyo Ex Dable Xoogga Maxamed Shariif Rooble Maxamuud oo maqane ah

Labada nin ayaa lagu eedeeyay inay dil, dhaawac iyo dhac ay ka gaysteen degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale maxkamadda ayaa min 5 sano oo xabsi ciidan ku ridday med Ibraahim Axmed iyo Abshir Axmed Xasan Cabdi Jalaf oo lagu helay inay gacan siiyeen labada askari.

Xukunka ayaa u dhacay sidatan:-

Dable Xoogga Arwaax Ibraahim Axmed, Axmed Ibraahim Axmed, Dable Xoogga Maxamed Shariif Rooble Maxamuud ( Oo Maqane ah), iyo Abshir Axmed Xasan Cabdi Jalaf (Oo Maqane ah) ayaa lagu soo eedeeyay dembiga ah jid gooyo ay ka dhalatay Dhimasho, Dhaawac iyo burbur Hantiyadeed.

Dable Xoogga Arwaax Ibraahim Axmed iyo Dable Xoogga Maxamed Shariif Rooble Maxamuud (Oo Maqane ah) ayaa loo haystay dembiyada kala ah Dil bareer ah, Dhaawacyo, Qalqal-gelin shacab, Jidgooyo, ka tagis goob shaqo, isku day dhac iyo qasaaro soo gaaray gaari ay ku rasaaseeyeen uuna lahaa Dhibane Aadan Cabdi Cusmaan, Ayna ku dhinteen Marxuumiinta kala ah Cabdullahi Maxamed Gacal iyo Shukri Axmed Weheliye, kuna dhaawacmeen dhibanayaal Guuleed Ibraahim Hiloowle oo 16 jir ah, iyo Kaaho Cabdulle Caddow falkaas oo ka dhacay Xabaal Duub oo ka tirsan tuulada Maxaa Saciid ee hoostagta degmada Cadalle kow iyo labaatankii bishii Augost 2023.

Halka Axmed Ibraahim Axmed iyo Abshir Axmed Xasan Cabdi Jalaf (Oo Maqane ah) iyagana loo haysto gacansiin dambi iyo isku day dhac iyaga oo wadayaal ka ahaa Labo Mooto Fekon oo lagu geeyay Arwaax iyo Maxamed Shariif goobtii uu falka ka dhacay.

Arwaax ayaa usoo gacan galay Laamaha Cadaaladda Shan iyo Labaatankii bishii Augost 2023 halka Axmed Ibraahim Axmed uu isna soo gacan galay Sadax iyo Labaatankii bishii November 2023.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday qaadista kiiskan waxaana laga ogolaaday Sedax iyo Tobankii bishii January ee Sanadkan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn ku kala xukuntay:

1- Ex Dable Xoogga Arwaax Ibraahim Axmed iyo Ex Dable Xoogga Maxamed Shariif Rooble Maxamuud(Oo Maqane ah) ayay Maxkamadda kuwada xukuntay Dil toogasho, ahna Qisaasta Marxuumiinta kala ah Cabdullahi Maxamed Gacal iyo Shukri Axmed Weheliye, Sidoo kale in ay wada bixiyaan Magta iyo Qarashaatkii ku baxay dhaawacyada Dhibanayaasha kala ah Kaaho Cabdulle Caddow iyo Guuleed Ibraahim Hiloowle, sidoo kalana ay bixiyaan qarashka gaarigii ay ka burburiyeen Dhibane Aadan Cabdi Cusmaan.

2- Axmed Ibraahim Axmed iyo Abshir Axmed Xasan Cabdi Jalaf (Oo Maqane ah) ayaa iyagana lagu Xukumay min 5 Sano oo Xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Maareeye oo shaaciyay xog ku aadan dilka C/Naasir Dahable

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayire Maareeye oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka hadlay geerida Marxuum Cabdinaasir Muuse Cabdiraxmaan (Dahable) oo xalay meydkiisa laga helay hoyga oo ka degan yahay Xaafadda Ceel Qalow ee degmada Wadajir.

Maareeye ayaa shaaciyay xog ku aadan dilka marxuumka oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobollada waqooqi, isaga oo hadda ahaa  Agaasimihii Waaxda Diyaaradaha ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya.

Ugu horreyn Maareeye ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada marxuumka, wuxuuna sidoo kale sheegay in loo maleynayo inay dishay gacan ka xaq-daran.

“Innaa lilaahi wa Innaa ilayhi Raajucuun Illaahay naxariistii Janno ha geliyo walaalkeen Cabdinaasir Muuse Dahable oo sida la filayo gacan ka xaqdarani dishay, samir iyo iimaan Allah ha ka siiyo qoyska iyo ehelka” ayuu yiri wasiir Maxamed Cabdi Maareeyey.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kiiska ninkan uu kala hadlay taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Jeneraal Axmed Sulub Furin, ayna socota baaris ku aadan falkaasi.

Maareeye ayaa xusay in la xiray dhamaan dadkii deganaa guriga marxuumka, isla markaana la baari doono maydka, si loo ogaado faraha cidii ugu dambeysay.

“Dembiyada Culusi (Crime) meel walba way ka dhacaan, laakiin si aan u ogaado xaalada kiiskan oo dad badan cabsi gelisay, Xalay waxaan u yeedhay oo ka wareystay dilka Marxuun Cabdinaasir Taliye Ciidanka Booliska, Taliye Sulub wuxuuna ii sheegay in dilku dhacay, in Ciidanka Baadhista dembiyadu goobta tageen, baadhis Xoog lihina ku socoto meydka marxuunka iyo faraha cidii ugu dambeysay jidhkiisa taabatay, isla markaana la xidhay dhamaan dadkii ay guriga wada deganaayeen Marxuun Cabdinaasir” ayuu ku daray.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Talaabooyinka ilaa hada la qaaday iyo sidaa baadhistu u socoto aad baan anigu ugu qancay”.

Ilo xog ogaal u ah kiiskaan ayaa Caasimada Online u sheegay in Agaasimaha lagu dilay xarig lagu ceejiyey, sida ka muuqata jirkiisa, wuxuu ahaa nin masuul ah oo ka tirsan hay’adda duulista Soomaaliya, waxayna xubnihii noo waramay meesha ka saareen shakiga ah inuu isagu is-dilay.

Agaasime Cabdinaasir ayaa kaligiis deganaa guri ku yaalla xeendaabka garoonka Aadan Cadde, waxaa la garan waayey cidda ku dhex dishay gurigiisa.

Maalmihii u dambeeyey waxaa jiray khilaaf salka ku haya maamulka hawada Soomaaliya oo u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, kadib markii Somaliland ay ku dooday in maamulka hawada ay isku koobtay Muqdisho, balse dowladda federaalka ayaa si cad u sheegtay inay si buuxda u maamusho hawada dalka.

Lama oga in geerida agaasimihii waaxda diyaaradaha dalka ka howlgala ee dowladda federaalka ay ku lug leedahay xiisadda ka taagneed hadda Soomaaliya, waxaana laga war sugayaa baaritaanada socda ee lagu ogaanayo cidda dishay marxuumka.

Booliska oo war kasoo saaray agaasimihii meydkiisa laga helay gurigiisa Aadn Cadde

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Boliiska degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa qoraal ka soo saaray geerida Agaasimihii Waaxda Diyaaradaha ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya Marxuum Cabdinaasir Muuse Cabdiraxmaan (Dahable) oo meydkiisa laga helay hoyga oo ka degan yahay Waaxda Jeneraal Daa’uud, gaar ahaan Xaafadda Ceel Qalow.

War-muritiyeedka xalay kasoo baxay saldhiga Boliiska Degmada Wadajir ayaa lagu yiri: “Caawa fiidkii abaare 06:30 PM ayaa Saldhiga Boliiska Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, waxaa soo gaartay xogta in meydka muwaadin uu yaalo gurigii uu dagaanaa oo ku yaalla Waaxda Jeneraal Daa’uud gaar ahaan Xaafadda Ceel Qalow.”

Booliska ayaa intaas ku daray “Marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Cabdinaasir Muuse Cabdiraxmaan, Ina Mako Nuur Dhimbil, 32 Jir ahaa ku dhashay Gebiley Waqooyi-Galbeed, Deganaa Degmada Wadajir, kana shaqeyn Jiray Hey’adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliyeed.

“Ciidanka Boliiska oo goobta gaaray, ayaa billaabay baaritaano la xariira dhacdada. waxaana gacanta Boliiska hadda ku jira ilaa 6 eedeysane iyo caddeymihii goobta loogu tagay, waxaa socda baarista kiiskan wixii ku soo kordha dib ayaan bulshada kala wadaagi doonaa.” ayaa lagu yiri qoraalka booliska.

Ilo xog ogaal u ah kiiskaan ayaa Caasimada Online u sheegay in Agaasimaha lagu dilay xarig lagu ceejiyey, sida ka muuqata jirkiisa, wuxuu ahaa nin masuul ah oo ka tirsan hay’adda duulista Soomaaliya, waxayna xubnihii noo waramay meesha ka saareen shakiga ah inuu isagu is-dilay.

Agaasime Cabdinaasir ayaa kaligiis deganaa guri ku yaalla xeendaabka garoonka Aadan Cadde, waxaa la garan waayey cidda ku dhex dishay gurigiisa.

Maalmihii u dambeeyey waxaa jiray khilaaf salka ku haya maamulka hawada Soomaaliya oo u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, kadib markii Somaliland ay ku dooday in maamulka hawada ay isku koobtay Muqdisho, balse dowladda federaalka ayaa si cad u sheegtay inay si buuxda u maamusho hawada dalka.

Lama oga in geerida agaasimihii waaxda diyaaradaha dalka ka howlgala ee dowladda federaalka ay ku lug leedahay xiisadda ka taagneed hadda Soomaaliya, waxaana laga war sugayaa baaritaanada socda ee lagu ogaanayo cidda dishay marxuumka.

Sawirro: Gudoomiye Xuseen Khadiib iyo wefdi la socda oo gaaray Dusa-Mareeb

0

Guddoomiyaha Dalladda Ururada Qurba-joogta GalMudug (GEDAN), Xuseen Khadhiib oo safar shaqo ah ku joogay Soomaaliya, ayaa Sabtidii soo gaaray magaalada Dusa-Mareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka GalMudug. 

Guddoomiyaha qurba joogta Yurub iyo wefdigiisa waxaa soo dhoweyn diirran ugu sameeyay xarunta Madaxtooyada GalMudug Madaxweyne ku-xigeenka GalMudug Cali Ciid, waxeyna ka wadahadleen sidii qurba-joogtu ay kaalin  muuqata kaga qaadan lahaayeen mashaariicda maalgashiga iyo horumarinta kaabayaasha adeega bulshada, sida waxbarashada, caafimaadka iyo dhiiragelinta ganacsiga. 

“GalMudug waxeey cagta saartay waddadii horumarka, waxaan xoogga saareynaa sidii bulshada ku dhaqan GalMudug u heli lahaayeen xuquuqdooda aasaasiga ah oo ay ugu horreeyso waxbarasho, caafimaad iyo in la hormariyo adeegyada bulshada,” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka GalMudug Cali Ciid.

“Waxaan aragnay nidaam si habsami leh u shaqeynaya, muddada koobban ee GalMudug ay jirtay iyo horumarka lixaadka leh ee ka muuqda hay’adaheeda dowliga ah waxaa la oran karaa waa dedaal nafti-hurnimo ah, waxaan kala hadalnay madaxdii hay’adaha iyo wasaaradaha ee aan la kulanay in Dalladda GEDAN tahay buundadii ku soo  xireysay GalMudug qurba joogteeda ku kala firirsan dacalada dunidda,” Ayuu yiri Xuseen Khadhiib, isaga oo  uga mahadceliyay mas’uuliyiintii iyo madaxdii ku soo dhoweeysay goobihii uu booqday.

Guddoomiyaha wefdigiisa waxaa ka mid ahaa Dr. Cabdikariin oo ka mid ah aqoonyahanada GalMudug, ahna La-taliyaha dhinaca mashaariicda ee dalladda GEDAN.

“Labadii cisho ee aan ku sugnaa Dusa-Mareeb wasaaradaha aan booqanay waxaa ka mid ah caafimaadka, ganacsiga, waxbarashada iyo xuquuqda haweenka,” Ayuu yiri Xuseen Khadhiib, isaga oo u mahadceliyay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye iyo Madaxweyne ku-xigeenka Cali Ciid oo si u soo dhoweeyay isaga iyo wefdigiisa.

Gabar 13 jir ah oo lagu hor kufsaday hooyadeed + Video

0

Garoowe (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo Axaddii ka dhacday xero barakac oo ku taalla magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, sidoo kalena ah caasimada maamul goboleedka Puntland.

Dhacdadan ayaa timid, kadib markii rag ku labisan dareeska ciidamada ay dhibaato ka gaysteen halkaasi, kadib markii u daadeen aqal ay daganaayeen qoys danyar ah.

Ragga hubeysan ayaa la sheegay inay afduub wadareed u gaysteen gabar yar oo 13 sanno jir ah, taas oo ay ku hor kaxeysteen hooyadeed oo ah qof da’ah.

Hooyada oo la hadashay warbaahinta ayaa ka warbixisay sida ay waxa u dhaceen, waxayna sheegtay in gabadheeda oo hurdeysa xoog looga kaxeysay, kadibna la faraxumeeyay.

“Gabadha yar oo jiifta ayay haraadi ku kiciyeen, laba nin ayay ahaayeen, kuwa kalena bannaanka ayay joogeen,” ayay tiri hooyada dhashay gabadha dhibanaha ah.

Sidoo kale waxay raacisay “Labada nin gabadha meeshaas ayay la tageen waagaa ku baryay ilaah waa iga badbaadiyay may dilin, laakiin dhib waa u gaysteen oo way kufsadeen”.

Dhanka kale waxa ay farriin culus u dirtay hay’adaha ammaanka ee Puntland, ayada oo ka codsatay in loo soo qabto eedeysanayaasheen ka dambeeyay falkaasi kusfsiga ah.

“Waxaan dalbanayaa oo amniga u sheegayaa in waxa saas sameynaayo ama askar ha ahaato ama balaayo kale in nagala qabto” ayay mar kale tiri hooyadu.

Ugu dambeyn waxa ay sheegtay in aysan haysan wax lacag ah oo ay ku daaweyso gabadheeda, welina aysan helin gurmad, si loogu caawiyo dhibka soo gaaray gabadha yar.

Muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa hoos u dhacay amniga guud ee Garoowe, waxaana kusoo badanayay falalka ammaan darrida ah, oo badanaa loo aaneeyo dadka ku lugta leh maandooriyaha oo aad ugusoo badanaya deegaanada maamulka Puntland.