25.4 C
Mogadishu
Tuesday, June 23, 2026

Maxaa ka jira inay Hargeysa joogaan xubno Itoobiyaan ah oo dhaqan galinaya heshiiska?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo suxufiyiin kula hadlayey Addis Ababa Sabtidii, ayaa sheegay in Itoobiya ay qiil u samaynayso heshiiskii ay la saxiixatay Somaliland isagoo ku eedeeyey Itoobiya inay doonayso inay qaadato dhul Soomaaliyeed.

Wuxuu intaa ku daray madaxweynaha Soomaaliya “in wakhtigan ay saraakiil sare ku sugan yihiin Somaliland kuwaas oo diyaar garów halkaas ka wada,” si heshiiska loo dhaqan galiyo, wuxuuna sheegay in Itoobiya ay sii murjinayso xiisadda.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Somaliland Cali Maxamed Xasan “Cali Mareexaan” ayaa BBC-da u sheegay in Somaliland soddonkii sano ee la soo dhaafayba ay Itoobiya kala hadlaysay arimo badan oo khuseeya labada dhinac.

“Somaliland iyo Itoobiya waxay leeyihiin iskaashi ganacsi, mid amni iyo mid xiriir oo muddo soo jiray, wayna ka wada hadlaan sidii loo xoojin lahaa arintaas,” ayu yiri wasiir Cali.

Wasiirka ayaa beeniyey in saraakiil sar sare oo Itoobiyan ah ay ku sugan yihiin Somaliland, balse wuxuu xusay inay jiraan saraakiil sare oo Somaliland oo ku sugan Addisa Ababa.

Wuxuu sheegay in wafti uu hogaaminayo wasiirka arrimaha dibada ee Somaliland ay ku sugan yihiin magaalada Addis Ababa, balse mar aan weydiinay inuu sharraxo ujeeddada ay halkaa u joogaan inay la xiriirto heshiiskii is afgaradka ee ay bilowgii bishii janaayo ay la galeen Itoobiya, ma uusan caddeyn.

“Horta wafdiyo Somaliland ah way ku kala maqan yihiin dunida, wax cusubna ma aha in wafdiyo Somaliland tagaan Kenya, Jabuuti, Maraykanka iyo Itoobiya, laakin waftiga wasiirka Arrimaha dibadda way joogaan Addis Ababa, waxay kala hadlayaan wax badan, waxay kala hadlayaan xiriirka labada dhinac, balse maaha kaliya heshiiska sida dowlada Soomaaliya uun ay uga dhagan tahay ee wax badan ayaan dunida kala hadalnaa,” ayuu yiri Wasiir Cali.

Wasiirka warfaafinta ee Somaliland ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu arrimaha heshiiskaas is afgaradka ahaa ee ay la galeen Itoobiya u saaray guddi ka kooban siddeed xubnood, oo isugu jira waxgarad iyo aqoonyahanno, kuwaas oo hadda gacanta ku haya qorshaha dhamaystirka arintaasi.

Mar la weydiiyey in xubnahaas kuwo ka mid ah ay hadda joogaan Itoobiya iyo in kale ayuu yiri “Maya ma joogaan, waxay hadda joogaan Hargeysa,” ayuu yiri.

Isagoo ka hadlayey xiliga ay Somaliland rajaynayso in heshiiskii is afgaradka ahaa laga dhigo mid rasmi ah ayuu sheegay “Si fiican ayuu u socdaa, si dhaqso leh ayaa loo gaba gabayn doonaa dhawaan waxaana la hor gayn doonaa barlamaanka labada gole ee Somalland, sidaas ayuuna dhaqan gal ku noqon doonaa,” ayuu intaas raaciyey wasiir Cali.

Wuxuu sheegay inay Soomaaliya galaan heshiisyo sanad walba laakin ay hadda ku foogan yihiin kaliya heshiis kiro ah oo Somaliland la gashay Itoobiya, “waana dagaal qaawan oo ay dowlada Xasan Sheekh la galeen Somaliland,” ayuu yiri Wasiirka Cali Maxamed.

Ciidanka DF oo soo afjaray Al-Shabaab doonayay inay weeraraan degmada…

0

Ceeldheere (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka, kaas oo lagu beegsaday Shabaab.

Ciidamada huwanta ayaa ka hortegay weerar ay doonayeen inay Al-Shabaab kusoo qaadaan degmada Ceeldheer ee gobolkaasi, waxayna soo afjareen kooxdii loo diyaariyay weerarkaasi, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay taliska Xoogga dalka.

“Guutada 24aad Khaalid Bin Walid CXD & kuwa Deegaanka ayaa Dagaal kooban ka dib so afjaray Khawaariijta dooneysay iney dhibaateyan Shacabka ku dhaqan degmada Ceeldheer” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada ay hayayeen xogta weerarka, kadibna ay sameeyeen ka horteg, isla markaana howlgalka uu ha dhacay duleedkaa degmada.

“Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Xaq dirirka deegaanka oo helay Xogta dhagarta Argagixiso dooneysay iney weeraro Arbushaada ku qaadan Dagmada Ceeldheer ayaa looga hortagay Nawaaxiga Haanta Cagadheere,” ayaa mar kale lagu yiri warka qoraalka ah.

Dhinaca kale taliyaha guutada 24-aad Khaalid Bin Walid Gaashaanle Maxamed Dhagaweyne oo la hadlay warbaahinta ayaa faah-faahin ka bixiyay howlgalka ay sameeyeen ee ka dhacay gobokka Galgaduud.

Maxamed Dhagaweyne ayaa sheegay in howlgalka ay iska kaashadeen iyaga iyo ciidamada deegaanka ay jab culus ku gaarsiiyeen kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda Soomaaliya.

Maalmihii u dambeeyay ayaa ciidamada dowladda  iyo kuwa deegaanka waxay guluf ka dhan ah AShabaab ka wadeen gobollada dhexe, kuwaas oo lagu xoreeyay deegaano badan.

Joe BIDEN oo casuumay madaxweynaha Kenya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa qorsheynaya inuu Aqalka Cad ku soo dhaweeyo Madaxweynaha Kenya William Ruto bisha May ee soo socota.

Booqashadan ayaa ku soo aadeysa ka dib markii Biden uu ka noqday sanadkii la soo dhaafay, ballan qaad uu ku tagi lahaa Africa.

Xoghayaha warfaanita ee Aqalka Cad, Karine Jean-Pierre ayaa ku dhawaaqday booqashada uu Ruto ku imaanayo Mareykanka 23-ka bisha May ee soo socta.

Waxay sheegtay in ujeeda booqashada ay tahay sii xoojinta iskaashiga labada waddan ee dhinaca amaanka iyo nabadda, balaarinta xiirka dhaqaale ee labada wadan iyo difaaca mabaa’diida dimuquraadiyadda.

Warka ku saabsan booqashada Ruto ayaa soo shaac baxday, ka dib markii dalka Hiati uu ku dhawaaqay todobaadkan inay ka shaqeyneyso heshiis rasmi ah oo ay la gasho Kenya si loo xaqiijiyo in dalkaasi ay tagaan ciidamada Booliska Kenya ee mudada dheer laga sugayay.

Aqalka Cad ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Madaxweyne Ruto sidoo kale lagu maamuusi doono casha Sharaf loogu sameyn doono Aqalka Cad.

Xog: Agaasimihii diyaaradaha Soomaaliya oo meydkiisa laga helay garoonka Aadan Cadde

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii waaxda diyaaradaha ee hey’adda duulimaadka rayidka Soomaaliya Cabdinaasir Muuse Dahable ayaa caawa meydkiisa laga helay guri ku yaalla garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Salaadii Maqrib ee caawa kadib ayaa meydka ninkaan loogu tegay guri uu ka deganaa meelo ka mid ah xeendaabka Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho, kadib markii shaqaalihii iyo masuuliyiintii ay shaqo wadaagta ahaayeen ay heli waayeen xiriirkiisa.

Markii uu ka jawaabi waayey taleefanadiisa ayaa la raadiyey, waxaana qolkiisa loogu tegay isaga oo meydka ah oo jirkiisa ay dhaawacyo culus ku yaallaan.

Ilo xog ogaal u ah kiiskaan ayaa Caasimada Online u sheegay in Agaasimaha lagu dilay xarig lagu ceejiyey, sida ka muuqata jirkiisa, wuxuu ahaa nin masuul ah oo ka tirsan hey’adda duulista Soomaaliya.

Cabdinaasir Muuse Dahable wuxuu ka soo jeedaa gobollada waqooyi ee Soomaaliya, wuxuuna ayaa wiil aqoonyahan ah oo dhawaan waxbarasho sare ku soo dhameystay dalalka Jarmalka iyo Ingiriiska.

Agaasime Cabdinaasir ayaa kaligiis deganaa guri ku yaalla garoonka Aadan Cadde, waxaa la garan waayey cidda ku dhex dishay gurigiisa, waxaana caawa baaritaan ku bilaabay kiiska oo gurigii tegay laanta dembi baarista ee booliska Soomaaliya, si loo tixraaco waxa sababay geerida marxuumka.

Booliska iyo hay’adda duulimaadyada rayidka oo agaasime Cabdinaasir uu ka tirsanaa weli war kama soo saarin kiiskaan, waxaana weli socda baaritaano adag oo CID ay bilowday markii la ogaaday geerida marxuumka.

Maalmihii u dambeeyey waxaa jiray khilaaf salka ku haya maamulka hawada Soomaaliya oo u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, kadib markii Somaliland ay ku dooday in maamulka hawada ay isku koobtay Muqdisho, balse dowladda federaalka ayaa si cad u sheegtay inay si buuxda u maamusho hawada dalka.

Lama oga in geerida agaasimihii waaxda diyaaradaha dalka ka howlgala ee dowladda federaalka ay ku lug leedahay xiisadda ka taagneed hada Soomaaliya, waxaana laga war sugayaa baaritaanada socda ee lagu ogaanayo cidda dishay marxuumka.

Daawo: Yuusuf Xasan oo si cajiib uga hadlay go’aankii uu Xasan ku tegay Addis Ababa

0

Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaan Yuusuf Xasan oo ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu yahay geesi u bareeray khatarta safarkii Itoobiya oo guul u ahaa Soomaaliya, sida uu qabo xildhibaanku.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay guul-darro ku ahaan laheyd hadii uu ka baaqdo shirka madaxda Midowga Afrika, sidoo kale wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in Addis Ababa ay sii ahaato xarunta Midowga Afrika.

“Xarunta Midowga Afrika waa naga wada dhaxeysaa, Itoobiya oo kaliya iskama lahan, waa nasiib darro in xarunta Afrika ay tahay Addis Ababa,” ayuu yiri.

Xildhibaanka oo sii hadlayey ayaa yiri, “In Xasan Sheekh uu ka maqnaado shirkaas dhabarjab weyn ayey Soomaaliya ku ahaan laheyd, inuu joogo oo qadiyadda Soomaalida uu ku soo bandhigo fagaarahaas saxbey aheyd, codka Soomaaliya ayuu ku guuleystay inuu gaarsiiyo dhamaan madaxda Afrika, waana guul weyn oo diblomaasiyadeed.”

Xildhibaan Yuusuf Xasan oo wareysi siiyey TV-ga Universal ayaa sheegay in Soomaaliya ay hadda ka jirto isku duubni weyn, isla markaana ay dadka Soomaaliyeed awoodaan inay dhulkooda ka difaacdaan cid kasta oo ku soo xadgudubta.

“Qof kasta oo Soomaali ah, xitaa Geel jiraha waa hubeysan yahay, dhulkiisana hal taako lagama qaadan karo, aad ayey isugu kalsoontahay Soomaalidu, una maleyn maayo in Itoobiya ay hadda diyaar u tahay inay dagaal la gasho Soomaaliya,” ayuu yiri.

Xildhibaan Yuusuf Xasan ayaa sidoo kale sheegay in baaqii Xasan Sheekh ee ahaa in la midoobo oo dalka la difaacdo uu meel dheer gaaray, isagoo madaxda maamullada dalka ugu baaqay inay la shaqeeyaan madaxweynaha.

“Xasan Sheekh talaabooyinka uu qaaday iyo sida wanaagsan ee wadanka uu u maamulayo aad ayaan ugu faraxsanahay, karti iyo firfircooni uu ku daafici karo qaranimadabiyo xuduudaha Soomaaliya ayuu Xasan soo bandhigay, wuxuu hortagay wadamo iyo ururo badan, isagoo qaaday olole diblomaasiyadeed,” ayuu yiri Xildhibaan Yuusuf.

Hoos ka daawo

Ururka Midowga Afrika oo war cusub ka soo saaray xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Shir madaxeedkii khudbadda ka jeediyey, kana soo tegay Madaxweyne Xasan Sheekh ee Midowga Afrika ayaa galabta lagu soo gabagabeyey magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

War-saxaafadeedkii laga soo saaray gabagabada shirka waxaa nuqul ka mid ah looga hadlay khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya oo gaaray meel xasaasi ah.

Madaxda Midowga Afrika ayaa bayaankaan ku sheegay inay aad uga walaacsan yihiin khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhashay saxiixii Muuse Biixi ee badda Soomaaliya ay ku soo damaacisay Itoobiya.

“Walaac ka muujiyey xiisadda u dhaxaysa Jamhuuriyadda dimoqaraadiga federaalka Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, kadib saxiixii heshiiskii isfaham ee dhex maray Itoobiya iyo gobolka waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) 1 Janaayo 2024,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale bayaanka Midowga Afrika waxaa lagu yiri, “Goluhu wuxu dib u xaqiijinayaa sida adag ee ay uga go’an tahay iyo taageerada uu u hayo dhowridda midnimada, sharafka dhuleed, madax-banaanida iyo gobanimada dhamaanba dalalka xubnaha ka ah, oo ay ku jiraan kuwa jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya iyo jamhuuriyadda dimoqaraadiga federaalka Itoobiya.”

Warkaan ka soo baxay Midowga Afrika ee looga hadlay khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa loogu baaqay labada dal inay qaboojiyaan xiisadda, ayna yeeshaan wadahadal macno leh oo ku wajahan sidii xal nabadeed loogu heli lahaa khilaafka.

Itoobiya ayaa wajaheysa waji-gabax iyo faquuq diblomaasiyadeed oo caalami ah oo Soomaaliya ay ku kicisay, kadib markii uu cirka isku shareeray khilaafka labada dal, waxayna Soomaaliya adeegsatay galaan-gal siyaasadeed oo aan caadi aheyn.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shalay Addis Ababa uga qeyb galay shirka madaxda Midowga Afrika ayaa jeediyey khudbad xasaasi ah oo xadgudubka Itoobiya uu ugu soo bandhigay madaxda dalalka Afrika, wuxuuna isagoo careysan isaga soo dhoofay Addis Ababa.

Arrinta sii holcineysa Xamar iyo tallaabo culus oo XASAN SHEEKH la gudboon

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maalmihii tegay kusoo batay dilalka qoysaska is-qaba, dadka xilalka kala mudan iyo kuwa ka dhaca goobihii ay markii hore dhibaatada ku yareyd sida; goobaha waxbarashada.

Waxaa muuqata in bulshadii is-cuneyso. Iyada oo ay markii hore taagneyd dhibaatada argagixisada ku hayso umadda Soomaaliyeed, ayaa haddana waxaa soo siyaaday in bulshadii dhexdeedii ay is-cunayaan.

Inkasta oo mararka qaar dhacdooyin ad-adag ka dhex dhici jireen bulshada Soomaaliyeed, haddana waayahan dambe waxaa muuqata inay xawaare ku socdaan dhacdooyinkan ugubka ah.

Dadka waxay isweydiinayaan maxaa u sabab ah?. Si fudud jawaabtu waa cadaalad la’aan. Cadaaladda oo daahda waxay ka dhigan tahay in aanay cadaalad jirin oo la beeniyay.

Muddo bil ku dhow waxay hay’addaha cadaaladda ee dowladda Soomaaliya furi la’yihiin kiiska Luul Cabdicasiis oo Muqdisho lagu gubay, waxaana u xiran kiiskaas seygeedii oo loo haysto inuu gubay xaaskiisi.

Meydad kale ayaa ku jira firiijyo, hay’addaha cadaaladda ee Soomaaliya ma nidaamsana. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxyaabaha uu horey u ballan-qaaday waxaa ku jirtay inuu hagaajin doono hay’addaha cadaaladda ka shaqeeya, laakiin hadda uma muuqdaan inay dowladda mudnaan u yihiin.

Kiisaska waaweyn ee hadda taagan ee cadaaladoodii la daahiyay ayaa isbitaallada Muqdisho ka dhigay keydka meydadka.

Dhibaatada ayaa sii korortay, dilaayaal cusub ayaa dhiiraday oo waxaa dhacay falal kale oo argagax leh, qabiilo Soomaaliyeed ayaa ereyo xanaf leh isweydaarsaday waxaana wax walba u muuqdaan inay kasii baxayaan xadkii caadiga ahaa.

Dowladda ma muujineyso baraaruga halista kusoo korortay umadda dhexdeeda, taasi oo sababteeda qeyb ku leeyihiin hay’addaha cadaaladda ee dalka, kuwaasi oo ku jira kiisas caadi ah iyada oo ay yaalan kiisas dilal fool xun ah.

Cadaalad la’aantu waa midda diidan inay Soomaaliya noqoto dal xasiloon, maxaa yeelay helitaanka cadaalad huban ayaa dhasha xasilooni amni, bulsho hagaagsan oo sharciga iyo dowladnimada u hogaansan iyo dadku inay is-xakameeyaan oo ku xisaabtamaan waxa ka dambeeya.

Dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa hortaalla inuu dib u habeyn ku sameeyo waaxda garsoorka dalka, si loo helo hay’adda abuuri kara cadaalad loo siman yahay oo aan daahin dadkana kala badbaadiya.

Sawirro: Maxaa looga hadlay kulanka Soomaaliya iyo QM ee ka dhacay Addis Ababa?

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS Saalax Jaamac ayaa kulan xasaasi ah la qaatay ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Nabadda ee Qaramada Midoobay Jean-Pierre Lacroix.

Labada masuul ayaa kulankaan uga wada-hadlay muhiimadda ay leedahay nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan geeska Africa.

Kulankaan ayaa waxaa ra’iisul wasaare ku-xigeenka kala qayb-galay Danjiraha JFS ee Ethiopia Cabdullaahi Maxamed Warfaa, La-taliyaha amniga ra’iisal wasaaraha Kamaal Daahir Guutaale iyo agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada Soomaaliya Maxamed Amiin Sheikh.

Mudane Saalax oo kamid ahaa xubnihii dowladda federaalka ee ka qeyb-galay shirka Midowga Afrika, ayaa sidoo kale hadal uu ka jeediyay kulan Madaxeedka 37-aad ee AU uu ku muujiyay mowqifka adag ee Soomaaliya ka taagan tahay xad-gudubka Ethiopia.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa u jeediyay madaxda ka qeyb-gashay shir madaxeedka Midowga Afrika in si wadajir ah ay u cambaareeyaan ujeeddooyinka gurracan ee Ethiopia, xilli ay dowladda Soomaaliya ka dalbatay Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay inay mowqif mabada’ ka qaatan xad-gudubka ay ku kacday xukuumadda Abiy.

Arrimahaan ayaa imanaya xilli uu meel xasaasi ah marayo khilaafka Soomaaliya iyo Ethiopia oo salka ku haya heshiiskii is-afgarad ee Somaliland iyo Ethiopia, uuna madaxweyne Xasan Sheekh uu soo gaabiyay safarkiisi Addis Ababa, kadib markii xukuumadda Abiy ay carqaladeyn iyo is-hortaag fashilmay ku sameysay.

Xasan Sheekh ayaa markaasi diiday in ciidankiisa laga reebo oo askar Itoobiyaan ah uu u raaco hoolka shirka madaxda Midowga Afrika, uuna iskuna aamino, ayada oo dowladda Soomaaliya ay sheegtay in go’aanka Itoobiya uu ahaa in madaxweynaha Soomaaliya laga baajiyo shirkaasi.

Madaxweyne Xasan oo markaasi go’aansaday in markii uu khudbadiisa jeediyo ka soo dhoofo Addis Ababa ayaa inta uusan soo bixin kulan gaar ah la yeeshay guddoomiyaha Midowga Afrika Muse Faki Mohamed, isaga oo ku dacweeyey Itoobiya, una sharaxay caqabadihii maanta la hor dhigay si looga baajiyo shirka.

Intaas kadib wafdiga madaxweynaha ayaa si nabad ah uga soo dhoofay garoonka Addis Ababa, wuxuuna gabal-dhicii shalay nabad yimid Muqdisho.

Aqriso: Qodobbada kasoo baxay shirkii Muqdisho uga socday DF iyo maamullada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta la soo gaba-gabeeyay shir ay isagu yimaadeen wasiirada maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada dalka.

Shirkaan oo ahaa horumarinta maaliyadda dalka, ayaa waxaa casuumaddiisa lahaa wasiirka maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige, waxaana ka soo qayb-galay wasiiru-dowlaha wasaaradda Marwo Raaxo Janaqoow, wasiirrada maaliyadda maamullada Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyadda HirShabelle oo uu soo wakiishay wasiirka maaliyadda oo la sheegay inuu shaqooyin muhiim ah fasax u qaatay.

Wasiirka Maaliyadda Maamulka Puntland ayaan ka soo qeyb galin shirka inkasta oo lagu casuumay, xilli uu weli halkiisi yahay khilkaafka dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Shirkaan oo ahaa mid labo maalin ah ayaa looga dooday horumarinta iyo dib-u-habeynta maaliyadda Dalka iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa gaaridda isku filnaan dhaqaale iyada oo la mideynayo hannaanka dekhli uruurinta dalka.

Kasoo qayb-galayaasha madasha ayaa waxa ay dhageysteen warbixinada iyo talooyinka ay soo gudbiyeen quburada iyo lataliyayasha saree ee maaliyadda dalka.

Madasha shirka waxa ay warbixin ka dhageysteen agaasimaha guud ee dakhliga, ahna guddomiyaha guddiga farsamada ee federaaleynta maaliyadda Faysal Maxamed Xaashi oo madasha u soo bandhigay hannaanka mideynta dakhliga iyo cashuuraha laga qaado dakhliga toosan.

“Waxaa xusid mudan hannaanka fadaraaleynta maaliyadda in la gaarsiiyay heerka Dowladaha Hoose ee maamul goboleedyada dalka taas oo cadeyn u ah in nidaamka geedi socodka fadaraaleynta maaliyadda uu yahay mid miro-dhal ah.”

Wasiirka Maaliyadda Galmudug Farxaan Gaban oo ku hadlayay afka wasiirada maamul-goboleedyada ayaa wuxuu u mahad-celiyay wasaaradda maaliyadda oo soo qaban-qaabisay shirka, waxa uuna tilmaamay in loo baahan yahay in la dhaqan galiyo qodobada lagu heshiiyay, kuwaasi oo wax ku ool u ah harumarinta Maaliyadda Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo isna xiritaanka shirka ka jeediyay khudbad kooban ayaa ka qeyb galayaasha shirka waxa uu faah faahin ka siiyay daalada Wasaaradda Maaliyadda ee dib-u-habeynta iyo horumarinta Maaliyadda dal iyo dibad, iyo shirarkii uu dhawaan dibadda ku soo galay natiijooyinkii uu kala soo kulmay.

“Waxa si guul noogu soo dhammaaday kulamadii aan yeelanay, waxa kale oo la isla gartay in dib u habeyn ama qiimayn lagu sameeyo waxyaabihii aan ka wadahadalnay. Waxaan sidoo kale diirada saarnay qorshayaasha deyn cafinta kaddib iyo halka loo socdo iyo sidii aan kharashaadka u mareyn lahayn, isku filnaansho dhaqaale u gaari lahayn,” ayuu yiri Wasiir Biixi oo sidoo kale iclmaamiyay in shirkaan midka xiga lagu qaban doono magaalada Baydhabo ee xarunta dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Wasiir Biixi ayaa xusay guusha maaliyadeed ee Soomaaliya in ay ku xiran tahay wadashaqeyn iyo horumarinta hannaanka dhaqaalaha iyadoo la raacayo wadiiqooyinka hufnaanta.

Gaba-gabaddii shirkaan ayaa waxa laga soo saaray war-murtiyeed ay saxiixeen wasiirrada maaliyadda dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir. Hoos ka aqriso

Villa Somalia oo digniin culus u dirtay Ethiopia xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa cirka isku sii shareertay kadib markii ay xukuumadda Abiy ay shalay isku deyday in madaxweyne Xasan Sheekh ka hor istaagto shirka Midowga Afrika.

Soomaaliya iyo Ethiopia oo xiisadda ka dhex aloosan salka ku hayso heshiiskii is-afgarad ee magaalada Addis Ababa ku gaareen Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ayaa waxay markale Madaxtooyada Soomaaliya digniin culus u dirtay xukuumadda Abiy.

Digniinta Villa Somalia ayaa waxaa lagu sheegay in heshiiska Ethiopia la gashay Somaliland ee dhinaca badda uu horseedi doono xasilooni darro dhinaca gobolka ah, ayna madaxa u ridan doonto masuuliyadda wixii ka dhasha.

“Xad-gudubka (Ethiopia ee) ka dhanka ah madax-banaanida iyo midnimada Soomaaliya waxaa ka dhalaneysa cawaaqib xumo saameysay xasilloonida iyo horumarka Geeska Afrika.”

Dowladda Soomaaliya ayaa si cad u qeexday in aysan waxba ka jirin dhamaan marmarsiyaha ee la xiriira doonistooda badda Soomaaliya, ayada oo is-afgaradkaasi u baal-marsan yahay shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah.

Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kahor intii uusan kasoo ambabixin Addis Ababa war-saxaafadeed uu ku qabtay xarunta Midowga Afrika wuxuu si adag ugu dhalleeceeyay dowladda Ethiopia ee uu hoggaamiyo Abiy Axmed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale waxa uu ku tilmaamay Ethiopia mid aan si ganbasho laheyn u dooneysa ku xad-gudubka xoriyadda dhuleed ee dalkeena, xilli horraantii sanadkaan ay heshiis beenaad la saxiixatay Somaliland.

“Soomaaliya marnaba ma aqbali doonto wax kasta oo hoos u dhigaya islamarkaana dhantaalaya sharafkeeda umadeed iyo midnimadeeda dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wariye Jamaal Cusmaan oo lagu xiray garoonka Garoowe

0

Garoowe (Caasimada Online) — Wariye Jamaal Cismaan oo ka tirsan warbaahinta calamiga ah ee Channel 4 ayaa lagu xiray garoonka diyaaradaha ee Garoowe, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Illo wareedyo ka tirsan howl-wadeennada garoonka ayaa Caasimada Online u sheegay in Wariye Jamaal Cismaan la xiray kadib markii uu kasoo degay garoonka, ayna u bilaabatay su’aallo weydiin la xiriirta safarkiisa.

Jamaal oo ku caan baxay ka waranka argagixisada iyo inuu si dad badan barahiisa bulshada ugu taageero Shabaab ayuu Sirdoonka Puntland wax ka weydiinayaan ujeedka booqashadiisa deegaanada maamulkaasi.

Wariye Jamaal ayaa horey hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ay magaalada Muqdisho uga tarxiishay xilli uu booqasho ku yimid, iyada oo lagu haystay inuu buun-buunin u sameeyay kooxda Al-Shabaab.

Dowladda federaalka ayaa markaasi un billowday dagaalka ka dhanka ah Shabaab, islamarkaana soo saartay awaamiir warbaahineed oo ku saabsan in dhamaan wararka la xiriira kooxda oo ay ku jiraan falalkooda iyo fikirkooda inay yihiin dambiyo ciqaab mudan.

Si kastaba, Jamaal ayaa si weyn u buun-buuninaya kooxaha xagjirka ah, isaga oo kal hore barnaamij uu kasoo duubay xarunta Al-Shabaab ee Jilib uu muujinayay in dadka ay nolol wanaagsan ku haystaan joogitaanka iyo ku hoos noolaanshaha kooxda, xilli ay dhiigga bulshada Soomaaliyeed u qubaan macno darro.

Mana kala cada illaa hadda in wariye Jamaal Cismaan si lamid ah sidii Muqdisho looga tarxiili doono Garoowe iyo in loo fasixi doono inuu gudaha u galo magaalada.

‘Abiy wuxuu Soomaaliya u haystaa dal uu madaxdiisa diyaarad ku ridan karo’

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal dheer soo saaray ayaa ka hadlay falkii xadgudubka ahaa ee ay dowladda Itoobiya kula kacday madaxweyne Xasan Sheekh, kadib markii  ay isku dayday inay ka baajiso shirkii Midowga Afrika iyadoo u dhigtay caqabado badan, balse uu ka gudbay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ugu horreyn cambaareeyay xadgudubka Itoobiya ay ku sameysay wafdiga uu hoggaaminayay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale wuxuu madaxweynaha ku boggaadiyay sida uu uga jawaabay falkaasi, wuxuu sidoo kale u mahadceliyay madaxweynaha Jabuuti oo garab istaagay Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa dhanka kale xusay in Abiy Axmed uu weerar ku yahay dadka Soomaaliyeed, isla markaana uu rabo inuu ka sameysto waxa uu rabo.

“Habdhaqanka caynkaan ahi waxuu tilmaan ka bixinaya kibirka nacasnimo ee uu Abiy ku liidayo dadka Soomaaliyeed. Abiy Soomaaliya wuxuu u haystaa dal uu madaxdiisa diyaarad ku ridan karo, si sahlanna kaga saxiixan karo dhulkooda iyo baddooda” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdihakuur Warsame.

Hoose ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:

Waxaan canbaareynayaa falka gurracan ee curfiga diblomaasiga ka baxsan ee uu maamulka Abiy Axmed kula dhaqmay Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa.

Dawladda Itoobiya waxay ku xadgudubtay curfiga diblomaasiga ah iyo heshiiskii Midwoga Afrika ee martigelinta xarunta Midowga ee dhigaya in ay dhowrto habmaamuuska iyo xasaanadda madaxda dawladaha Midowga iyo wufuuddooda.

Inkastoo aysan ila qumanayn in Madaxweynuhu u safro Addis Ababa, haddana wuxuu ku ammaanan yahay sida uusan nugayl ugu muujin daandaansiga iyo takoorka diblomaasiyadeed ee ay dawladda Itoobiya kula kacday iyo sida uu ugu adkaysanayo difaaca gobbonimada dalka iyo madaxbannaanidiisa. Waxaa mahad wayn mudan Madaxweynaha Dawladda Jabuuti oo garab istaagay Dawladda Soomaaliya, muujiyeyna hiil-walaaltimo.

Habdhaqanka caynkaan ahi waxuu tilmaan ka bixinaya kibirka nacasnimo ee uu Abiy ku liidayo dadka Soomaaliyeed. Abiy Soomaaliya wuxuu u haystaa dal uu madaxdiisa diyaarad ku ridan karo, si sahlanna kaga saxiixan karo dhulkooda iyo baddooda.

Shiinaha waxay dhahaan dhibku (crisis) waa seef labo afle ah, in aad cashar ka qaadato oo ay ku noolayso, ama in aad wax ka baran waydo oo ay ku wiiqdo. Allaha nagu duwo tan hore.

Falcelin weyn oo ka dhalatay falkii ay Itoobiya kula kacday madaxweyne Xasan Sheekh

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Falcelin xoogan iyo caro ayaa ka dhalatay falkii ay dowladda Itoobiya kula kacday wafdigii uu hoggaaminayay madaxweyne Xasan Sheekh ee ka qayb-galayay shirkii Midowga Afrika ee Addis Ababa, kadib markii ciidamada ammaanka ee dlakaas ay isku daydaeen inay madaxweynaha ka baajiyaan shirkaasi, iyaga oo u dhigay caqabado badan, balse uu ka gudbay.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya oo xalay shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka hadlay hor-istaag ay ciidamada amniga Itoobiya ku sameeyeen isaga iyo madaxweynaha Jabuuti markii ay gudaha u gelayeen hoolka shirka madaxda Midowga Afrika uu ka dhacayey.

“Madaxweynaha ayaa muujiyey sida ficilka guracan ee Itoobiya uu u wiiqayo xasiloonida gobolka, iyadoo Itoobiya ay falkaas kula kacday madax kale oo shirka ka soo qeyb galay,” ayuu yiri agaasime Cabdulqaadir Dige.

Dhankeeda dowladda Itoobiya ayaa ka hadashay arrintan, ayada oo si kale u dhigtay habka ay wax u dhaceen.

“Wafdiga Soomaaliya waxay diideen in la siiyo ciidanka amniga ee dawladda. Intaa waxaa dheer in ciidanka ammaanka ee Soomaaliya ay isku dayeen in ay xarunta Midowga Afrika la galaan hub, taasna waxaa is-hortaagay ciidanka ammaanka ee Midowga Afrika. Itoobiya waxaa ka go’an inay xiriir wanaagsan la yeelato deriskeeda,” ayey tiri dowladda Itoobiya.

Haddaba sidee looga faceliyay xad-gudubka Itoobiya?

Ismaaciil Sayid “Ethiopia ciidankeeda waddanka haka baxaaan waxaan aheyn kuma qanacno, safiirkeedana hala buriyo”

Mukhtaar Macallin “Arimaha dibada kuma fiicnid Hasanow been ma sheegi kareynee”.

Xasan Maxamed “War ma rabno go’aan cad la imaada in ciidanka iyo safaradaba 48 saacadood haloo qabto canaasiirta.”

Cabdisalaan Nuur “Hoolka waan gali waayay kulahaa? adeer Xasan miyaadan madaxweyne aheen waa sidee?”

Maxamed Cabdi “Mudane dowladda dadka wax ka siiyo oo koraasta golaha wasiirada dhiman soo dhamaystir madaxweyne safarada aad galayso muddane kafiirso”.

Axmed Xaaji Abshir “Madaxweyne jileeca iga daa, Allaha ku sharfee”.

Mukhtaar Cabdiraxmaan Taakow “Dowladda waa in ay go’aan wanaagsan kasoo saartaa Ethiopia”.

Itoobiya oo war yaab leh soo saartay kadib carqaladeyntii ay ku sameysay madaxweynaha

0

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa jawaab ka bixisay carqaladeyn iyo ishortaag la sheegay inay ku sameysay wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ee shalay ka qeyb galay shir madaxeedka Midowga Afrika ee magaalada Addis-Ababa.

 Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrmaha dibedda Soomaaliya ayaa shalay lagu yiri “Tallaabadani waxay jebisay dhammaan hab-maamuuska diblomaasiyadeed iyo kan caalamiga ah, uguna sii daran’e’, dhammaan dhaqamada aas-aasiga ah ee Midowga Afrika. Hab-dhaqankani waxa uu ku biirayaa liiska sii kordhaya ee falalka gurracan ee ay ku kacaysay dawladda Itoobiya muddooyinkii u dambeeyay.”

Si kastaba dowladda Itoobiya ayaa dhankeeda si kale u dhigtay habka ay wax u dhaceen.

“Xukuumadda Itoobiya waxay si diirran u soo dhoweysay madaxweynaha Soomaaliya, ayadoo la siiyey xushmad buuxda oo ah tan la siiyey dhamaanba madaxda u yimid shirka Midowga Afrika. Maadaama aan nahay dalka marti galinaya, xukuumadda Itoobiya waxay mas’uul ka tahay amniga madaxweyneyaasha iyo madaxda dawladaha inta ay dalka joogaan,” ayey tiri dowladda Itoobiya. 

“Wafdiga Soomaaliya waxay diideen in la siiyo ciidanka amniga ee dawladda. Intaa waxaa dheer in ciidanka ammaanka ee Soomaaliya ay isku dayeen in ay xarunta Midowga Afrika la galaan hub, taasna waxaa is-hortaagay ciidanka ammaanka ee Midowga Afrika. Itoobiya waxaa ka go’an inay xiriir wanaagsan la yeelato deriskeeda,” ayey tiri Itoobiya.

Sii-hayaha wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Balcad ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay madaxweynaha ku xujeysay in ciidankiisa laga reebo, iyagoo sheegay inay ku darayaan askar Itoobiyaan ah oo amnigiisa sugeysa, kuwaas oo geynaya howlka shirka lahu qabtay.

Xasan Sheekh ayaa diiday in ciidankiisa laga reebo oo askar Itoobiyaan ah uu raaco, iskuna aamino, wasiir Cali Balcad wuxuu sheegay in go’aanka Itoobiya uu ahaa in madaxweynaha Soomaaliya laga baajiyo shirka.

Madaxweyne Xasan oo go’aansaday in markii uu khudbadiisa jeediyo ka soo dhoofo Addis Ababa ayaa inta uusan soo bixin kulan gaar ah la yeedhay guddoomiyaha Midowga Afrika Muse Faki Mohamed, isagoo ku dacweeyey Itoobiya, una sharaxay caqabadihii maanta la hor dhigay si looga baajiyo shirka.

Intaas kadib wafdiga madaxweynaha ayaa si nabad ah uga soo dhoofay garoonka Addis Ababa, wuxuuna gabal-dhicii shalay nabad yimid Muqdisho.

GANACSATO lagu laayay gobolka Shabeelaha Dhexe

0

Mahadaay (Caaasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ganacsato lagu laayay deegaan hoosta degmada Mahadaay ee gobolkaasi.

Ugu yaraan saddex nin ganacsato ah, isla markaana ahaa walaalo ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay deegaanka Diin-laawe ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dilka kahor waxaa deegaanka soo weeraray xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo beegsaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada deegaanka Macawiisleyda.

Weerarka kadib ayaa waxaa xigay dagaal dhex-maray labada dhinac, waxaana markii dambe dib u laabtay xubnihii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Intaasi kadib ciidamada deegaanka ayaa la sheegay inay toogasho ku dileen saddexda nin ee ganacsatada ahaa, iyaga oo ku eedeeyay inay jawaasiis u ahaayeen Al-Shabaab.

Arrintan ayaa dhalisay xiisad xoogan oo haatan laga dareemayo gobolka, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemaya aagga degmada Mahaaday.

Ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe oo ku aadan dhacdadaasi oo saameyn ku yeelatay dadka deegaanka.

Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa badanaa ka dhaca dilal qorsheysan iyo dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab.

Sawirro: R/Wasaare Xamza oo maalmo kadib dib loo arkay – Muxuu sameeyey shalay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maalmo kadib maanta dib loo arkay, kadib kulan gaar ah oo uu la yeeshay guddoonka labada Gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Dad badan oo masuuliyiin ka tirsan dowladda ay ku jiraan ayaa su’aalo ka keenay halka uu ku maqnaa Ra’iisul Wasaaraha, isaga oo toddobaadyo ka hor ugu dambeysay in fagaare lagu arko, wuxuuna aaday safar dalka dibadiisa ah, sida aan horay u shaacinay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa 1-dii bishaan dalka ka baxay, wuxuuna aaday reerkiisa oo degan Turkiga, wuxuuna haatan dib ugu soo laabtay dalka iyo xafiiskiisa shaqada.

Xamza ayaa kulan uu la qaatay Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi kula wadaagay warbixinno kala duwan oo ku saabsan arrimaha amniga iyo dib-u-xoreynta, Arrimaha Siyaasadda loo dhanyahay, Horumarinta dhaqaalaha, maalgashiga iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee aan dunida la leenahay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale labada guddoomiye warbixin ka  siiyay dadaalka ay dowladdu galisay difaaca madax-bannaanida iyo Midnimada dhuleed ee Qarankeenna oo ay Itoobiya si gurracan u damacday in ay ugu xad-gudubto Dalkeena, waxaana arrintaas dowladdu ka soo hoysay guulo diblomaasiyadeed oo wax ku ool ah.

Sidoo kale labada dhinac ayaa isla soo hadal qaaday arrimo ku aadan wax ka beddelka dastuurka, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Xukuumadda #DanQaran oo barnaamijkeeda siyaasadeed ee ay horgeysay Baarlamaanka uu ka mid ahaa qabyo-tirka Dastuurka KMG ah, ayaa juhdi dheeri ah galisay sidii dastuurka looga saari lahaa ku-meel gaarnimada, si dalku u yeesho Dastuur dhammeystiran oo ay ku cad-yihiin arrimaha asaasiga u ah Qarannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in Baarlamaanka 11aad uu ku suntan yahay in uu yahay goleyaashii ugu shaqada iyo dadaalka badnaa, iyaga oo meel-mariyay shuruucdii iyo Xeerarkii ugu badnaa, waxuuna ku bogaadiyay gudo-gelidda doodaha la xiriira dhameystirka dastuurka.

Kulankan ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah, isla markaana ay si weyn isku hayaan Villa Soomaaliya iyo Mucaaradka, taas oo la xiriira dhameystirka dastuurka dalka.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase haatan ay arrinta gacanta ugu jirtaa labada Gole baarlamaanka oo haatan ka doodaya wax ka beddelka dastuurka.

Haweeney gubtay seygeeda oo lagu qabtay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa gacanta kusoo dhigay haweeney lagu magacaabo Muno Awsame Xuseen oo ku eedeysan inay dhowaan ninkeeda ku qabtay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Haweeneydan oo falka kadib baxsatay ayaa baadi goob kadib, waxaana gacanta kusoo dhigay ciidamada booliska ee gobolka Banaadir.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Yaaqshiid waxa ay soo qabteen haweney gubtay  Ninkeeda 16/2/2024 baadigoob dheer kadib waxaa Gacanta lagusoo dhigay” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo uu soo saaray taliska booliska gobolka.

Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lasii raaciyay in haweeneyday oo 21 jir ah la horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“Eedeysanada lagu magacaabo, MUNO AWSAME XUSSEN 21 jir ah, Waxaana la horgeydoonaa Maxakamadda Awooda u leh” ayaa mar kale lagu yiri.

Dhinaca kale booliska ayaa farriin u diray shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ka dalbaday inay la shaqeeyaan, si looga hortago wax kasta oo dhibaato ku ah bulshada.

“Muwaadin hadii aad la kulanto fal danbiyeey nuucaan oo kala ah adigoo Mahadsan la xariir Ciidamadda Amaanka ee kuugu dhaw ama wac Xafiiska Gurmad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee 991” ayaa lasii raaciyay warsaxaafadeedka.

Soo qabashada haweeneydan waxaa ka horreeyay nin isna ‘kufsaday’ laba gabdhood oo ay dhashay xaaskiisa, kaas oo ay shalay soo qabteen ciidamada Booliska Soomaaliya.

Falalka foosha xun ee ka dhax dhacaya guryaha qoysaska Soomaaliyeed ayaa muddooyinkan dambe kusoo badanayay Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka.

Nin fal argagax leh ka gaystay Muqdisho oo lasoo qabtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa soo qabtay, soona bandhigay nin ku eedeysay inuu kufsaday laba gabdhood oo ay dhashay xaakiisa, dhacdadaas oo ka dhacday degmada Dharkenley.

Eedeysanaha oo hadda ku jira gacanta Booliska ayaa la sheegay inuu faraxumeeyay labada gabdhood oo uu adeerka u yahay, taas oo la yaab ku noqotay dadka Soomaaliyeed.

“Ciidanka boliiska ayaa gacanta ku soo dhigay eedaysane la sheegay in uu kufsi ugu gaystay degmada Daharkenley labo gabdhood oo xaaskiisu dhashay 17-02-2024 abaaro 8:40 am” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidanka Booliska gobolka.

Sidoo kale qoraalka ayaa intaasi kusii daraya “Dhibanayaasha ayaa da’doodu tahay 18 jir iyo 10 jir, waxaana baris ku socotaa eedaysanaha”.

Dhinaca kale qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa arrintan argagaxa leh ka falceliyay, waxaana kamid ah:-

Xasan Sahnuuni “Subxaanallah ilmo uu adeer u yahay muu wax ka raadiyey?”

Cabdullahi Bashiir Cali ayaa isuguna yiri “Subxanallah Oo waaba Caruurtiisiye”.

Xasan Yuusuf ayaa isna yiri “Subxaanallaah waa maxay? waxani sanadkaani sanad qeyreysan maba ahan balaayo waa tan isdaba taal nin ilmihiisi kufsaday subxaanallaah”.

Axmed Dayax ayaa isguna bogaadiyay ciidamada soo qabtay eedeysanaha “Waad ku mahadsan tihin shaqada aad wadaan guuleysta ciidankeygow”.

Elcapitano Moha ayaa isna falcelintiisa ku yiri “Danbiyo Horor ah baa dhacaayo dowlada ilaa hada qof ay xukun ku ridey ma leh si dadka ugu quus qaataan”.

Falalka foosha xun ee ka dhax dhacaya guryaha qoysaska Soomaaliyeed ayaa muddooyinkan dambe kusoo badanayay Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka.

Daawo: Villa Somalia oo soo bandhigtay qorshihii uu Xasan la tegay Addis Ababa iyo wixii dhacay

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxtooyada Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay arrimaha ku geedaaman shirkii uu madaxweyne Xasan Sheekh maanta uga qeyb galay magaalada Addis Ababa, kaas oo Itoobiya ay isku dayday inay ka baajiso madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo u dhigtay caqabado badan, balse uu ka gudbay.

Agaasimaha warfaafinta ee xafiiska madaxweynaha Cabdulqaadir Dige ayaa goordhow qabtay shir jaraa’id oo arrimahaas uu ku faahfaahiyey, isagoo sheegay in madaxweynaha ay u suurta-gashay in si wanaagsan uu u gudbiyo khudbadiisa uu madaxda Afrika ugu sharaxay xadgudubka Itoobiya ay ku heyso Soomaaliya.

“Madaxweyneaha ayaa khudbad uu ka jeediyey fadhiga loo dhan yahay ee Midowga Afrika wuxuu ka sheegay in Itoobiya ay si aan leexleexad laheyn ugu soo xad-gudbeyso madax-banaanida Soomaaliya, isagoo cadeeyey inay arrintaas ka dhalaneyso cawaaqib xumo saameysa xasiloonida gobolka Geeska Afrika,” ayuu yiri Dige.

Xasan Sheekh ayaa intii uu jeedinayey khudbadiisa wuxuu hoggaanka Itoobiya ugu baaqay inay ka waantoobaan damaca indho-la’aanta ah ee aan u adeegeyn mustaqbalka labada shacab ee deriska ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa si cad u qeexday in waxaba aysan ka jirin marmarsiiyaha Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya, iyadoo Madaxweynuhu uu xusay sida ay ururrada heer gobol iyo heer qaaradeed ay u qireen in damaca Itoobiya uu baal-marsan yahay shuruucda caalamiga ah, sida uu shirkaan jaraa’id ku sheegay Agaasime Dige.

“Madaxweynaha oo shir jaraa’id ku qabtay Addis Ababa ayaa Itoobiya ku tilmaamay mid aan si aan ganbasho laheyn u dooneysa ku xad-gudubka xoriyada dhuleed ee dalkeena, isagoo cadeeyey in Soomaaliya aysan marnaba qaada doonin wax hoos u dhigaya sharafteeda,” ayuu yiri Agaasime Dige.

Agaasimaha oo sii hadlayey ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu ka hadlay hor-istaag ay ciidamada amniga Itoobiya ku sameeyeen isaga iyo madaxweynaha Jabuuti markii ay gudaha u gelayeen hoolka shirka madaxda Midowga Afrika uu ka dhacayey.

“Madaxweynaha ayaa muujiyey sida ficilka guracan ee Itoobiya uu u wiiqayo xasiloonida gobolka, iyadoo Itoobiya ay falkaas kula kacday madax kale oo shirka ka soo qeyb galay,” ayuu yiri.

Dowladda Soomaaliya ayaa shirkaan jaraa’id ku cadeysay in dhacdadaan ay u aragto mid ugub ku ah mabaadii’da Midowga Afrika, iyadoo su’aal dul-dhigtay in Addis Ababa ay sii marti-geli karto shir madaxeedka dalalka Midowga Afrika.

Hoos ka daawo

Wareysi: Wasiir Cali Balcad oo shaaciyey caqabado maanta loo dhigay Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Balcad ayaa faahfaahin bixiyey caqabado uu maanta wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh kala kulmay dowladda Itoobiya, intii uu ku howlanaa ka qeyb galka shirka madaxda Midowga Afrika.

Wasiir Cali Balcad ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay madaxweynaha ku xujeysay in ciidankiisa laga reebo, iyagoo sheegay inay ku darayaan askar Itoobiyaan ah oo amnigiisa sugeysa, kuwaas oo geynaya howlka shirka lahu qabtay.

Xasan Sheekh ayaa diiday in ciidankiisa laga reebo oo askar Itoobiyaan ah uu raaco, iskuna aamino, wasiir Cali Balcad wuxuu sheegay in go’aanka Itoobiya uu ahaa in madaxweynaha Soomaaliya laga baajiyo shirka.

Markii ay xaaladdu isku cakiran tahay waxaa hotelkii uu Xasan Sheekh deganaa ugu yimid Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo Xasan Sheekh ka codsaday inuu la raaco gaadiidkiisa oo ay laheyd safaaradda Jabuuti ee Addis Ababa, sidaas ayuuna ku raacay Xasan Sheekh.

Dowladda Itoobiya waxay diiday inay jidadka u xirto labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Jabuuti, shacabka iyo gaadiidka madaxda ayaa is dhex-qaaday, waxay halkaas ka dhalatay inay shirka ka daahaan Xasan Sheekh iyo Ismaaciil Cumar Geelle, sida uu sheegay wasiir Cali Balcad.

Wasiirka ayaa intaas ku siidaray in madaxweynaha Soomaaliya ay u suurta gashay inuu madaxda 54 dal oo Afrika ah la wadaago xadgudubka ay Itoobiya ku heysto Soomaaliya, markii uu khudbadda dhameystana wuxuu isaga baxay hoolka shirka.

Madaxweyne Xasan oo go’aansaday in markii uu khudbadiisa jeediyo ka soo dhoofo Addis Ababa ayaa inta uusan soo bixin kulan gaar ah la yeedhay guddoomiyaha Midowga Afrika Muse Faki Mohamed, isagoo ku dacweeyey Itoobiya, una sharaxay caqabadihii maanta la hor dhigay si looga baajiyo shirka.

Intaas kadib wafdiga madaxweynaha ayaa si nabad ah uga soo dhoofay garoonka Addis Ababa, wuxuuna gabal-dhicii nabad yimid Muqdisho.

Soomaaliya waxaa shirkaas ku sii metelaya wafdi kale oo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka uu hoggaaminayo, waxaana shir madaxeedkaan Midowga Afrika uga socda Addis Ababa lasoo gabagabeynayaa berri galab.

Hoos ka dhageyso wareysi uu Radio Muqdisho siiyey wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Balcad.