26.5 C
Mogadishu
Tuesday, June 23, 2026

AL-SHABAAB oo shaacisay inay dhinteen dhaqaatiirtii dalka CUBA ee u afduubnaa

0

Jilib (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa goordhow shaacisay inay geeriyoodeen laba dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba oo muddo sanado ah u afduubnaa kooxda. 

Al-Shabaab ayaa bayaan ay soo saartay oo lagu baahiyey barta telegram ku sheegtay in dhaqaatiirtaas ay ku geeriyoodeen duqeyn ka dhacday magaalada Jilib. Ma jirto cid si madax-banaan u xaqiijin karta warka kasoo baxay Al-Shabaab.

Al-Shabaab waxay intaas ku dartay in duqeynta oo dhacday 15-kii Febraayo, abaare 12:10 am ay fuliyeen ciidamada Mareykanka, kuna dhinteen Assel Herrera iyo Landy Rodriguez. Al-Shabaab ma shaacin haddii dad kale ay ku dhinteen duqeynta.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee (AFRICOM) ayaa 14-kii bishan sheegay in duqeyn ka dhan ah Al-Shabaab ay ka fuliyeen deegaanka Yaaq Dabeyl ee gobolka Jubada Hoose 9-kii Febraayo, halkaasi oo ay ku dileen laba xubnood.

Ilo-wareedyo ku dhow dowladda Soomaaliya ayaa dhanka kale ku eedeeyey kooxda Al-Shabaab ay ayaga dileen labada dhaqtar, kadib markii ay sanado badan ka faa’iideyteen oo ay dhaqaatiir u tababareen.

Dhaqaatiirtan ayaa sanadkii 2019 waxay Al-Shabaab kasoo afduubteen magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, halkaasi oo ay ka wadeen howlo caafimaad.

Muddadii Al-Shabaab ay gacanta ku haysay dhaqaatiirta, waxaa fashilmay isku dayo iyo wada-hadallo la doonayey in lagu soo daayo.

Madaxweyne XASAN Sheekh iyo Abiy oo sawir kasoo wada muuqday muddo kadib

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya ayaa maanta muddo kadib isku arkay si foolka fool ah, iyaga oo iskala qayb-galay furitaanka Shir madaxeedka 37-aad ee Midowga Afrika oo maanta si rasmi ah uga billowday magaalada caasimada ah ee Addis Ababa.

Labada nin oo si weyn isugu haya heshiiska badda ayaa kaoo wada muuqday sawir guud oo ay isla galeen madaxda ka qayb-galeysan shirka u furmay dalalka Midowga Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbad ka jeediyay kulanka, isaga oo ku baaqay in la qaado tallaabooyin wadajir ah oo looga hortagayo falalka caqabadda ku ah nabadda iyo amniga ee ka soo ifbaxaya guud ahaan qaaradda.

Sidoo kale wuxuu mar kale ku celiyay in aan la aqbali karin talaabooyinka ay Itoobiya dhawaan ku dhaqaaqday, gaar ahaan heshiiskii Is-afgaradka (MoU) ee ay la saxeexdeen Somaliland oo ah gobol ka mid ah Soomaaliya,  Madaxweynaha ayaa   tallaabadaasi ku sifeeyay mid baalmarsan sharciyada caalamiga ah iyo Kuwa Afrika islamarkaana aan la aqbali karin.

Arrintan ayaa dhalaisay hadal heyn xoogan, waxaana sawirka madaxweynaha iyo Abiy isla soo muuqdeen ka falceiyay qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada.

Cabdixaafi Gubane  ayaa yiri “Rasal wasaare kuxigeenka maad u daysid shirka meel walba kamuuqo waa lagu mundane beelaa”.

Maxamed Axmed ayaa isna ku jawaabay “Haduu garasho leeyahay wuu kaguban lahaa inuu aado wadan dafiray madax banaanida dalkiisa”.

Cabdixakiin Yuusuf ayaa isna su’aal ka keenay, wuxuuna yiri “Ethiopia maxa ku geeyey madaxweyne?”.

Daawo: Xildhibaan ugu baaqay beesha Macallinka laga dilay inay u dilaan wiil kale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, isla markaana ay isku beel yihiin Macallinkii dhowaan lagu dhex dilay Iskuulka Siidii ee degmada Wadajir ayaa si adag uga hadlay falkaasi argagaxa leh.

Xildhibaanka ayaa beesha uu kasoo jeedo ee Baadicadde ugu baaqay inay jawaab ka bixiso falka lagu dilay Macallinka, isaga oo ka dalbaday inay u dilaan wiil kale, sida uu hadalka u dhigay.

“Beesha aan ka dhashay ee laga dilay Macallinka lagama laandheereysno Macallinka la dilay wiil ha u dilaan, xittaa walaalkii haloo dilo” ayuu iri Xildhibana Khaliif.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in eedeysanaha dilka gaystay uu u baxsaday dhanka gobolka Shabeelaha Dhexe, ayna ka war hayaan dhaq-dhaqaaqiisa.

“Waxaan maqalnay inuu ka baxsaday iskuulka, una baxsaday gobolka Shabeelaha Dhexe, waana rajeynayaa in lasoo qabto” ayuu kusii daray.

Dhankiisa Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ka hadlay dilka Macallin Cabdiraxmaan Macaloow Abiikar ayaa farriin u diray beesha uu kasoo jeedo eedeysanaha, wuxuuna ugu baaqay inay iska soo dhibaan, si cadaaladda loo horgeeyo.

“Reerka dilay Macalin Macloow ee Abgaal hadii iyaga aan wax ka dili laheyn waa na gabogabeyn lahaayeen” ayuu isna yiri Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maanta ehellada Macallinka ay dibad-bax cabasho ka dhigeen afaafka hore ee isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu weli yaallo Maydka Marxuumka oo la geliyay Firinjeer, wuxuuna sugayaa weli cadaaladda.

SHARIIF oo xaadiray kulanka BF Soomaaliya + Qorshiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladda KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta iska xaadiriyay kulanka wadajirka ah ee xildhibaanada labada Gole Baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo looga doodayo wax ka beedalka dastuurka.

Shariif oo ah mudane ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sidoo kale kamid ah siyaasiyiinta sida wayn uga soo horjeedo arrimaha socda ee wax ka beddelidda dastuurka dalka.

Ujeedka madaxweynihii hore ee dalka ee ka qayb-galka kulankan ayaa ah inuu qayb ka noqdo doodda socoto ee Baarlamaanka, si uu sii wado qorshihiisa diidamada ee ku aadan arrimaha dastuurka oo xilligan ay si weyn isugu hayaan Villa Soomaaliya iyo Mucaaradka.

Madaxweyne hore Sheekh Shariif ayaa marka uu tegay xarunta Baarlamaanka ka bilaabay dhaq-dhaqaaq xoogan isaga oo gooni gooni ula shiray xildhibaanada Baarlamaanka.

Horay Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa u shaaciyay mowqifkiisa ku aadan wax ka beddalka dastuurka iyo sida uu u diidan yahay in xilligan loo dhaqaaqo.

“Dustuurku, waa sharciga ugu sarreeya dalka, waxa uu quseeyaa cid kasta, hab raaciisuna waxa uu leeyahay muhiimad aad u wayn, ku dhaqan iyo ixtiraamna waxa uu ku mutaystaa habka loo sameeyo” ayuu horay ugu yiri qoraal uu soo saaray Sheekh Shariif.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Marxaldda lugu jiro darteed madaxda qaranka waxaa waajib ku ah in ay raacaan sharciga kana fogaadaan wax kasta oo baal marsan sharciga”.

Doodda Baarlamaanka iyo wax ka beddelkiisa waxaa sidoo kale si weyn uga soo horjeedda Puntland oo weli khilaaf xoogan uu kala dhexeeyo dowladda federaalka Soomaaliya.

XOG: XASAN Sheekh oo hal arrin ka diiday mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa muddo xileedkiisa sharciga ah ka dhiman laba sano iyo dhowr billood.

Inkasta oo madaxda heer federaal ee Soomaaliya aanay badi ka kicin maalinta uu dhamaado muddo xileedkooda oo madaxweynihii ugu dambeeyay ee Farmaajo uu hal sano iyo saddex billood ku darsaday, haddana midda muhiimka ah waa in qofka aanu isku awood aheyn marka uu haysto sanadaha rasmiga ah ee la doortay iyo waqtiga sharci darrada ah ee uu ku darsaday.

Waxaa kale oo marwalba jira kooxo mucaarad ah oo dheelitirtooda dowladda uu isku beddelo la-maamulo. Inta badan mucaaradka waxay abaabul, tallo iyo toosintooda bilaabi jireen sanadka u dambeeya muddo xileedka qofka la doortaay.

Laakiin Xasan Sheekh wuxuu la kulmay sanadkiisa koowaad-ba kooxo mucaarad ah oo raba inay xukunka la daadihiyaan. Mid kamid ah sababaha waxaa loo arkaa in mucaaradka dibad jooga ah u badan yihiin xubnihii Xasan Sheekh ay ka wada tirsanaan jireen Midowga Musharaxiinta.

In mucaarad la isla soo ahaa iyo in xukunka la wada yeesho farqi ayaa u dhaxeeya, ayey leeyihiin dadka ka faalloonaya xaaladdan.

Intii lagu jiray ololihii doorashadii ugu dambeysay ee dalka mar ay Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ay shir ka yeesheen isbeddelka la filan karo iyo waxa la gudboon haddii ay Farmaajo ka adkaadan.

Ragga qaarkii ayaa markaas soo jeediyay inay banaanka uga heshiiyaan sida ay dowladda iyo xukunka u qeybsan karaan haddii ay Farmaajo bixiyaan, laakiin Xasan Sheekh wuxuu ahaa qofka qura ee maalintaas diiday in tallada lagu shirkoobo.

Sidoo kale intii lagu jiray ololihii doorashadii 2012 waxaa la xasuusta inuu Xasan Sheekh ahaa qofka keliya ee diiday in la mideeyo xisbiyadii xilligaasi jiray, si ay Shariif Sheekh Axmed uga adkaadan, awooddana u qeybsadaan.

Waxay go’aamadaasi ku barayaan inuu Xasan Sheekh marwalba yahay siyaasi yaqaana waxa uu rabo.

Marka aan kusoo laabano xukunkiisa maanta, Xasan Sheekh iyo mucaaradkiisu waxay dhowr jeer ku kulmeen magaalada Muqdisho. Isaga iyo Farmaajo ugu yaraan saddex jeer ayey kulmeen intii lagu jiray muddo xileedka cusub ee Xasan Sheekh, qaar badan oo mucaaradka kamid ahna telefoonka ayey ku wada-hadleen madaxweynaha.

Dhamaan is-aragyadaasi iyo is-maqalkaasi waxay xubnaha mucaaradka madaxweyne Xasan Sheekh ugu sheegayeen in uusan qaadin tallaabooyinka qaar. Waxaa ugu dambeeyay Farmaajo iyo Sheekh Shariif oo dhawaan iyagu si is-xilqaan ah u bilaabay inay wada-hadal iyo dib-u-heshiisiin siyaasadeed ka dhex sameeyaan Xasan Sheekh Maxamuud iyo Saciid Deni.

Waxay’se shuruud ka dhigeen inuu Xasan Sheekh joojiyo howsha dastuurka, laakiin madaxweyne Xasan waa diiday inuu shaqada dastuurka u joojiyo Saciid Deni dartiis.

Kooxda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxay sheegayaan inay iyagu ku socdaan fulinta wixii loo doortay oo uu ku jiro dhameystirka dastuurka.

Diidmada Xasan Sheekh waxay ka dhigan tahay inuu madaxweynaha diiday in lala maamulo muddo xileedkiisa afarta sano ah ayey leeyihiin fallanqeeyayaashu.

Shariif Sheekh Axmed iyo Farmaajo waxay dorraad faafiyeen farriin ay ku sheegayaan inuu madaxweyne Xasan Sheekh diiday inuu joojiyo shaqada dastuurka, si uu Saciid Deni ula heshiiyo.

Laakiin xogo soo baxaya waxay sheegayaan in Xasan uu ogol yahay in khilaafyada danaha shaqsiga ah ka dhasha in la xaliyo laakiin aanay taasi ka dhigneyn in muddo xileedkii loo doortay lala maamulo ama jilbaha la qabto fulinta wixii uu ballan-qaaday intii uu ku jiray ololaha doorashada.

Afarta cutub ee ugu horreysa ee dastuurka Soomaaliya ayaa la filayaa in la meel-mariyo inta aan la gaarin tobanka bisha soo aadan ee Maarso.

SOMALILAND oo gacanta kusoo dhigtay haweeney ‘aflagaadeysay’ ALLAAH

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee maamulka Somaliland, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa maanta gacanta ku dhigay haweeney muqaal ku faafisay baraha bulshada, ayada oo aflagaadeyneysa Ilaahey, falkaas oo dhaliyay caro xoogan.

Qoraal kasoo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in baadi-goob dheer, kadib lasoo qabtay haweeneydaasi oo lagu magacaabo Huda Cawaale Xirsi.

“Ciidamada Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay Eedaysane Huda Cawaale Xirsi oo dhawaan muuqaal ay faafisay caayaysay illaahay.!” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale Booliska ayaa tilmaamay in eedeysanaha si deg-deg ah loo horgeyn cadaaladda, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“Hawlgal iyo baadhid dheeriya Ciidanka Boolisku sameeyay ayuu inantaasi kusoo qabtay , isagoo gudanaaya waajibaadkiisa shaqo  ee ciidanku  u xilsaaran yahay , Waxaanan degdeg u horgeyn doonnaa Sharciga haddii eebbo idmo” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dhanka kale taliska ciidanka Booliska Somaliland ayaa farriin u diray shacabka, wuxuuna ugu baaqay inay ka fogaadaan wax kasta oo kasoo horjeeda Diinteenna suuba.

“Taliska Ciidanka Boolisku wax uu bulshada Jamhuuriyadda Somaliland ugu baaqayaa inay ka fogaadaan arrimaha noocaasa ee kasoo horjeeda Islaamnimada iyo  Diinteenna suubban” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka kasoo baxay ciidanka Booliska Somaliland.

Howlgalkan ayaa si wyen loogu bogaadiyay Booliska Somaliland, maadaama uu ugu dambeyn gacanta kusoo dhigay eedeysanaha oo la filayo in la horgeeyo maxkamad.

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo xasaasi ah ka wada Addis Ababa

0

Addis Ababa (Caasimada online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ku hoyday magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya ayaa kulamo xasaasi ah ka wada gudaha magaaladaas, xilli ay halkeedii tahay xiisadda badda.

Xasan Sheekh oo Addis Ababa shirka Midowga Afrika ayaa xalay si gooni ah u qaabilay safiirada dalalka Jaamacadda Carabta u jooga Ethiopia, wuxuuna kala hadlay arrimaha gobolka Geeska Afrika iyo caalamka intiisa kale.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay, ugana mahadceliyay safiirada dalalka Jaamacadda Carabta ee Ethiopia garab istaagga dhabta ah iyo taageerada ay u muujiyeen Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ku guulaysatay inay noqoto dalka kaliya ee ka socda Bariga Afrika ee u sharaxan mid ka mid ah kuraasta aan joogtada ahayn ee  Golaha Ammaanka  ee Qaramada Midoobay ee muddo xileedka 2025-2026.

Danjiraha Soomaaliya ee dalk Ethiopia Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa markii kulanka uu soo idlaaday waxa uu Warbaahinta uga waramay waxyaalihii looga arrinsaday kulankan, isagoona sheegay in kulankani uu muhiimad gaar ah u lahaa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa kulankan waxaa madaxweyne Xasan Sheekh kala qayb galay qaar kamid ah xubnaha wafdigiisa oo uu ugu horeeyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo Danjiraha JFS ee dalka Ethiopia Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa.

Kulamada ayaa sii socon doono, ayada madaxweynuhuna uu sii joogi doono Addis Ababa, maadaama ay u dhiman yihiin shirar kale oo uu uga qayb-galayo magaaladaasi.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli halkeedii ay tahay xiisadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska badda ee xadgudubka ku ah dalkeenna.

Duqeyn maanta ka dhacday Kuntuwaarey oo lagu laayay xubno badan oo Shabaab ah

0

Afgooye (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeyn culus oo maanta ka dhacday degmada Kuntuwaarey ee gobolka Shabeelaha Hoose, taas oo ay iska kaashadeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo saaxibada caalamiga ah.

Duqeynta ayaa lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo isku uruursanayeen halkaasi, sida ay shaaca ka qaaday dowladda Soomaaliya.

Warsaxafaadeed ay sii deysay warbaahinta dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkan uu guuleystay, isla markaana uu u dhacay sidii loo qorsheeyay.

Waxaa kale oo ay dowladduu xaqiijisay in duqeyntan lagu dilay illaa 7 xubnood, luguna dhaawacay 4 kale oo ay ku jiraan horjoogayaal sar sare, sida lagu sheegay qoraalka.

“Howlgalka oo ahaa duqayn dhinaca cirka ah ayaa xalay abaaro 11:30 habeenimo ka dhacay goob ay ku aruursanayeen maleeshiyaadka Khawaarijta. Howlgalkaas ayaa cadowga lagu gaarsiiyey khasaaro, iyada oo 7 dhagar qabe nolosha lagu dhaafiyey halka dhawaca uu yahay 4, horjoogeyaal ayaana qeyb ka ah” ayaa lagu yiri qoraalka,

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in duqeyntaan aysan wax waxyeelo kasoo gaarin dadka shacabka ah ee ku dhaqan degmada Kuntuwaarey ee Shabeelaha Hoose.

“Howlgalkaas dad shacab ah waxbo kuma noqon waxaana uu kusoo dhammaaday guul iyo sidii loo qorsheeyey” ayaa lasii raaciyay warsaxaafadeedka.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan weerarka dhanka cirka ah ee guusha ka sheegatay dowladda Soomaaliya.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa ciidamada Xoogga dalka iyo saaxibada caalamiga ah ay kordhiyeen howlgallada culus ee ay ku beegsanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Daawo: Ehelada Macalinkii la dilay oo maanta dibad-bax ka dhigay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah ehellada Marxuum Macallin Cabdiraxmaan Macaloow oo dhowaan si arxan darro ah loogu dhex dilay iskuulka Siidii ee magaalada Muqdisho ayaa maanta isugu soo baxay magaalada Muqdisho.

Ehellada oo isugu tegay afaafka hore ee isbitaalka Madiino oo uu weli yaallo Maydka Marxuumka oo la geliyay Firinjeer ayaa farriin culus u diray dowladda Soomaaliya, si loo soo qabto eedeysanaha oo weli baxsad ka ah laamaha ammaanka iyo cadaaladda.

Dibadbaxan waxaa sidoo kale ka qayb-galay qaar kamid ah bahda waxbarashada, waxayna ku qaylinayeen ka qayb-galayaasha erayo ay cadaalad ugu dalbayaan Marxuumka.

“Maydkiisa weli wuxuu ku jiraa Firinjeer, ayada oo eedeysanihii dilay uu ku raaxeysanayo magaalada ama meelo kale oo ay ogyihiin ehelkiisa” ayay ku qaylinayeen dibadbaxayaasha.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay qaar kamid ah ehellada Macallinka la dilay oo sheegay inay cadaalad u dalbayaan wiilkooda oo maalintii lixaad ku jira Firinjeer.

“Maanta waxaa isugu nimid cadaalad dalbasho ay dalbanayaan ehalladii uu ka dhashay Macallin Cabdiraxmaan Macalow Abiikar oo shan maalmood Firinjeer ku jira oo qaatilkii dilay magaalada lagu sheegaayo inuu jiro” ayuu yiri mid kamid ehellada marxuumka.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay in lasii daayay qaar kamid ah ehellada eedeysanaha oo horay loo xiray, taasna ay tahay cadaalad darro weyn, sida ay hadalka u dhigeen.

“Ehellada eedeysanaha oo lasoo xiray shalaya ayaa lasii daayay, waxaan dalbaneynaa hadidi aan nahay ehellada Macallin Cabdiraxmaan cadaalad ayaan rabnaa” ayuu raaciyay.

Dilka Macallin Cabdiraxmaan ayaa dhaliyay caro xoogan, maadaama lagu dhex dilay iskuulkii uu dhigayay, waxaana sidoo kale dilkiisa uu sababay inay shaqo joojin saddex maalin ah ku dhowaaqaaan bahda waxbarashada, taas oo maanta ka bilaabaneysa.

Xog: Muxuu Maraykanka Soomaaliya iyo Itoobiya ugu sheegay kulankii Addis-Ababa?

0

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ayadoo shirka 37-aad ee madaxda Midowga Afrika uu maanta si rasmi ah uga furmi doono magaalada Addis ababa, ayaa waxaa caasimadda Itoobiya ku sii qulqulaya madaxda qaaradda.

Shalay gelinkii dambe waxaa halkaa gaaray madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo ka mid ah madaxda shirka ka qayb galaysa, wuxuuna hore u sii shegay in uu Addis Ababa tegayo, uuna ka qayb galayo shir madaxeedka iyo laba shir oo kale.

Laakin arrinta isha lagu hayo ayaa ah tan xumaysay xiriir ka dhaxeeya labada dal, taasoo ahayd heshiiskii dhex maray Somaliland iyo Itoobiya ee ka caraysiisay Soomaaliya oo ku tilmaantay xad gudub lagula kacay madax-banaanideeda dhuleed.

Haddaba waxaa soo baxaya in dal kale oo dalalka awoodda leh ka mid ah uu labada dhinac ee Soomaaliya iyo Itoobiya kula kulmayo magaalada Addis Ababa.

Ergayga gaarka ah ee dawladda Maraykanka u qaabilsan gobolka geeska Afrika Mike Hammer oo hadda ku sugan Addis Ababa ayaa sida ay sheegeen qaar ka mid ah madaxda Soomaalida wuxuu madaxda Itoobiya kala hadlay khilaafka kala dhaxeeya Soomaaliya.

“Mike Hammer wuxu noo sheegay inuu la kulmay madaxda Itoobiya, isagoo la soo qaaday heshiiskii ay wada gaareen iyaga iyo Somaliland,” ayuu yiri mid ka mid ah wafdiga Soomaaliya uga qayb galaya shirka midowga Afrika.

Wuxu intaa ku daray “wuxuu kala hadlay mas’uulka Maraykanka ah madaxda Itoobiya sidii ay Itoobiya dib uga laaban lahayd heshiiska muranka dhaliyey.” Arrintaas ma aysan xaqiijin Itoobiya iyo Maraykanka.

Laakin Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed wuxuu bartiisa X ku soo qoray “waxaan ku soo dhoweeyey Molly phee oo ka socotay waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka iyo danjire mike Hammer, ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan geeska Afrika, wadahadal aan ka yeelannay arrimaha gobolka iyo qaar dhinacyo badan leh.`

Haddaba maxaan ka fili karnaa amau u soo kordhin karaa cadaadiska Maraykanku wado ee labada dhinacba u ku saarayo in xal loo helo khilaafka soo kala dhex galay.

“Labada dhinacba waxaa looga baahan yahay in arrintaas ay si deggan uga baaraan degaan, Soomaaliyana ay ku wajahdo si taxaddar leh,” ayu yiri Xasan Xayle o ka faallooda arrimaha gobolka Afrikada Bari.

Wuxuu intaa ku daray “Soomaaliya mar haddii a yso ceshato xaqa ay leedahay waxaa la gudboon in ay damaanad bixiso, taasom la xiriirta dhinaca baahida ganacsiga ee Itoobiya.”

Arrinta kale ee aan wax ka weydiinay Xasan Xayle ee la xiriirta xalka khilaafka ayaa ahayd haddii la soo afjaro xiisadda sida uu noqon doono xiriirka u dhaxeeya Itoobiya iyo Somaliland.

“Xiriirkaas wuu sii jiri doonaa, laakinse waxaa soo afjarmi doona safarrada aysan dawladda federaalka ah ogayn ee maamulladu ay ku tagi jireen Addis Ababa, waxaana ii muuqata in siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka ay yeelan doonto hal mee oo laag maamulo iyo hal mel oo ay ka socoto,” ayuu yiri Xasan Xayle.

Inkastoo cadaadis badan uu ku socdo soomaaliya iyo Itoobiya, misna ma jirto cid kale oo toos uga hadlaysa, ayadoo dhinaca Soomaaliyana ay weli ku adkaysanayso in mowqifkooda uusan isbeddelin.

Shir madaxeedka midowga Afrika ayaa ku eg 18 bishan Febraayo, waxaana la kala ogaan doonaa wixii xilligaas ka dambeeya halka ay isla gaaraan Soomaaliya iyo Itoobiya, haddiiba ay dhacdo in ay wada kulmaan.

Wararkii ugu dambeeyay duqeyn culus oo ka dhacday duleedka magaalda Galcad

0

Galcad (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeyn culus oo xalay ka dhacday gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, taas oo lala eegtay goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Duqeyntan ayaa waxaa iska kaashaday ciidamada Xoogga dalka iyo saaxibada caalamiga ah, waxayna si gaar ah uga dhacday duleedka degmada Galcad ee gobolkaasi.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in weerarkan cirka ah lagu beegsaday laba saldhig oo ay Al-Shabaab ku leeyihiin aagga magaalada Galcad, isla markaana lagu gaasiiyay khasaare lixaad leh, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay in la burburiyay goobaha la duqeeyay, welina ay wadaan qiimeynta waxyeelada kooxda kasoo gaartay weerarkaasi.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay si wadajirka u qaadeen ciidamada dowladda iyo saaxibada caalamiga ah.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ay ka socdeen gobollada dhexe ee dalka, kuwaas oo lagu xoreeyay dhul ballaaran.

PUTIN oo lagu eedeeyay geerida hoggaamiyihii mucaaradka Ruushka

0

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa ka falceliyey geerida hoggaamiyaha mucaaradka ee dalka Ruushka, Alexey Navalny, kaas oo geeriyooday maalintii Jimcihii.

Madaxweyne Biden ayaa ku eedeeyey madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin inuu ka masuul ahaa geerida hoggaamiyaha mucaaradka Ruushka.

Saraakiisha maamusha xabsiyada Ruushka ayaa sheegay in hoggaamiyaha mucaaradku uu ku geeriyooday goobtii lagu hayey, mana jirto cid si madaxbanaan u xaqiijisay arrintan.

Navalny ayaa ahaa shakhsi si weyn uga soo horjeeda siyaasadaha madaxweyne Putin.

Warbaahinta Ruushka ayaa ka soo xigatay qaar ka mida masuuliyiinta maamusha xabsiyada Ruushka, oo u sheegay in gargaar caafimaad loo dalbaday balse ay badbaadin kari waayeen.

Qoraal ka soo baxay aqalka cad ee Maraykanka ayaa madaxweyne Biden wuxuu ammaan u jeediyey hoggaamiyaha geeriyooday oo uu ku tilmaamay inuu ahaa nin si joogto ah oga horiman jiray Putin, xataa iyada oo la sumeeyey, ka dibna lagu daaweeyey wadamada debedda, haddana ugu dambayn ku laabtay Ruushka halkaas oo xabsi la dhigay.

5 nin oo Gaalkacyo ku dilay ganacsade caan ah oo lasoo qabtay iyo sababtii dilka oo la ogaaday

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Puntland ayaa maanta soo qabtay shan nin oo shalay nin ganacsade ahaa ku dhex dishay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, ragaas wuxuu maanta lagu qabtay duleedka magaalada Bursaalax.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Feysal Sheekh Cali ayaa warbaahinta u xaqiijiyey soo qabashada ragaas, wuxuu sheegay inay ku xiran yihiin xabsiga Gaalkacyo, isla markaana la horgeyn doono maxkamad, si kiiskaas cadaaladda loo waafajiyo.

Ninka ganacsadaha ahaa ee raggaasi ay dileen waxay lagu magacaabi jiray Axmed Tahliil, wuxuuna ahaa nin caan ah oo laga yaqaanay inta badan waqooyiga Gaalkacyo oo shalay lagu dilay.

Muuqaal laga duubay raggi ninkaan dilay ayaa muujinaya, inay kala soo baxeen tukaan uu isagu lahaa, kadibna ay ku dileen bartamaha laamiga, kadib markii uu diiday inuu raaco gaari ay wateen.

Guddoomiye Feysal ayaa sheegay inay xog hordhac ah ka heleen sababta ay ragaasi u dileen Axmed Tahliil, taas oo ah is qabqabsi la xiriira wiil ay dhashay rabar uu qabo Liibaan Tahliil oo la dhashay ninka la dilay, wiilkaas waxaa sheegtay nin horay u qabay gabadha, kaas oo ku dooday inuu furay iyadoo uur leh.

Guddoomiyaha ayaa shaaciyey in reerka uu ka dhashay ninka shalay la dilay ay wiilkii lagu qabsaday u direen dalka dibadiisa, taas oo sababtay in ragaasi ay isku dayaan inay afduubtaan adeerkiisa oo tukaan gadanaya.

Waxay wateen gaari Borobox ah, waxay ahaayeen shan nin oo hubeysan oo laga dhex arkay muuqaal laga duubay, ganacsade Axmed Tahliil ayey kala soo baxeen tukaankiisa, iyagoo qorsheynaya inay afduubtaan ayuu ka diiday inuu gaariga taaco, halkaas ayeyna ku toogteen.

Muuqaalkii laga duubay ragaas ayaa fududeeyey in la aqoonsado, sidii ayaana lagu raadiyey, iyadoo maanta lagu guuleystay in lasoo qabto sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Feysal Jifojabsade.

VILLA SOMALIA oo qaaday tallaabo cajiib ah kadib markii uu Xasan ka degay Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya oo baahisay sawirada markii uu Xasan Sheekh gaaray Addis Ababa iyo soo dhoweyntii wafdigiisa, ayaa waxay gebi ahaanba ka jartay sawirada madaxdii ka socotay xukuumadda Abiy Axmed.

Tallaabadan oo lagu tilmaamay mid cajiib ah ayaa muujinaysa sida ay weli madaxweynaha iyo dowladdiisa ugu taagan yihiin mowqifkii adkaa ee ay ka qaateen xad-gudubka Itoobiya, islamarkaana lagu muujinayo in weli xurgufta labada dhinac ay halkeedii tahay.

Villa Somalia ayaa sidoo kale bayaanka lagu daabacay boggeeda rasmiga ah ayaa ku xusin xubnaha garoonka Addis Ababa ku soo dhaweeyay madaxweyne Xasan, kaasi oo uu ugu meeqaam sareeyay Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide.

Waxaa xusid mudan in warbaahinta dowladda sida Telefishanka Qaranka uu markii hore baahiyay sawirada madaxweyne Xasan Sheekh oo uu barbar fadhiyo Wasiirka Maaliyadda Itoobiya oo isagu caasimada dalkaasi kusoo dhaweeyay madaxweynaha iyo wafdigiisa, halka Villa Somalia ay gebi ahaanba ka jartay sawirada.

“Madaxweynaha ayaa gudbin doona mawqifka cad ee Soomaaliya ay ka taagan tahay faro-gelinta ka dhanka ah madax banaanida iyo midnimadeeda dhuleed, isagoo hoosta ka xariiqay sida aysan shacabka iyo dowladda Soomaaliya aysan u aqbalayn xadgudub kasta oo wiiqaya qarannimadooda,” ayaa lagu yiri bayaanka Villa Somalia.

Madaxweynaha ayaa khudbad uu ka jeedinayo Golaha waxa uu u ka shaqeyn doonaa iskaashiga dagaalka ka dhanka argagixisada, daris-wanaagga iyo in dalalka Afrika ay ka gudbaan caqabadaha nololeed iyo kuwa deegaan ee dib u dhigay nolasha shucuubta Qaaradda.

Inta uu socdo shir madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan-doceedyo la yeelan doona madaxda kala duwan ee dowladaha, ururrada iyo wufuudda muhiimka ah ee ka qeyb-galaya, isaga oo mudnaanta siinaya xoojinta xiriirka Soomaaliya la leedahay dalalka Afrika iyo danaha qaranka.

Socdaalka madaxweynaha ayaa siyaabo kala duwan bulshada uga fal-celisay, ayada oo dadka qaar u arkaan inuu yahay mid lagu fududaaday, halka kuwa kalena ay qabaan in Soomaaliya aysan lumin fursad kasta oo fagaarayaasha caalamka ugu muujin karto mowqifkeeda ka dhanka ah Itoobiya

Nin is-qarxin rabay oo nolosha lagu qabtay iyo labo qarax oo lagu fashiliyey Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Labo qarax ayaa caawa lagu fashiliyey degmooyinka Cabdicasiis iyo Hodan ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo toos looga hor tegay, iyadoo lagu guuleystay in laga badbaadiyo shacabka.

Qaraxa koowaad waxaa lagu qabtay degmada Cabdicasiis, waxaana nolosha lagu hayaa ninkii waday oo boorso ku siday, kaas oo ciidanka NISA, gaar ahaan dharcadda ay gacanta ku dhigeen.

Warbaahinta ayaa loo soo bandhigay isagoo xirxiray, waxaana sidaas lagu gashiliyey qaraxii uu doodanayey inuu dadka reer Muqdisho ku dhibaateeyo.

Markii la wareystay ninka la qabtay waxaa la sheegay inuu sheegay in qorshihiisa uu ahaa inuu is-qarxiyo, balse waa la badbaadiyey, wuxuuna ku jira gacanta hey’adaha amniga.

Qaraxa labaad waxaa lagu fashiliyey degmada Hodan, gaar ahaan Ex-control Afgooye, kadib markii askari dharcad NISA ah uu arkay nin qarax culus boorso ku sita oo lugeynaya.

Askariga ayaa ku dhiiraday inuu istaajiyo ninka qaraxa siday, balse ninkii ayaa boorsadii qaraxa tuuray, kadibna cararay, ciidamada ayaa raacdeystay ninkaan, welina lama xog lagama hayo in la soo qabtay.

Qaraxii lagu qabtay Ex-Control ayaa si ku talagal ah loo qaxiyey, wax khasaare ahna kama dhalan, halka lagu guuleystay in la kala furfuro qaraxii lagu qabtay degmada Cabdicasiis.

Qaraxyadaan ayaa la fashiliyey saacado isku dhow oo ah wixii ka dambeeyey salaadii Maqribka, waxaana hadda caadi ah xaaladda amni ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada amniga oo isugu jira NISA, Boolis iyo Boolis-miteri ayaa ku guuleystay mudooyinkaan xakameynta weeraradii sida daran ay Muqdisho uga fuli jirtay kooxda Al-Shabaab, wuxuuna amniga caasimada gaaray heer aan weli horay loo soo gaarsiin.

CC Shakuur “Sax ma aheyn in Xasan uu tago Addis Ababa”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa aad u dhaliilay safarka uu Madaxweyne Xasan Sheekh maanta ku tegay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, isagoo tilmaamay caqabado dhowr ah oo qabsan kara madaxweynaha.

Wuxuu sheegay in Xasan Sheekh uu khatar ugu jiro in la bahdilo oo Muuse Biixi uu tago Addis Ababa, isla markaana la dhaho ‘wajiga labaad ee heshiiska ayaan kala saxiixanay.’

“Itoobiya heshiis ma nihin, waxaan ogeyn inay ku soo xad-gudubtay qaranimadeena, madaxweynaha Soomaaliya ma aheyn inuu aado Addis Ababa, waxay ku habooneed inuu diro madax isaga ka hooseysa,” ayuu yiri.

Cabdiraxmaan ayaa ku doodaya in Itoobiya ay mudan tahay in xiriirkeeda hoos loo dhigo loona muujiyo, wuxuu sheegay in safiirkii Soomaaliya ee loo yeeray markii ay xiisadaan bilowga aheyd hadda dib loogu celiyey dalkii, balse aysan garaneyn sababta loogu celiyey.

“Madaxweynuhu inuu aado Itoobiya marnaba sax ma aheyn, waxay aheyd markii ay ugu yaraato in loo diro masuul ka socda wasaaradda arrimaha dibadda, hadii Abiy Axmed uu u yeero Muuse Biixi ee dhaho waxaan fulineynaa wajiga labaad ee heshiiska badda, madaxweynuhu wax uu sameyn karo malahan,” ayuu yir CC Shakuur.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Xiriirka dadka aad is heysaan waa inaad hoos u dhigto ilaa xad, si aad uga badbaado waji gabax aad la kulmi laheyd markii aad sidaan oo kale u booqaneyso wadan aad dagaashan tihiin.”

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in ra’iisul wasaarihii dalkaan uu shaqada ka maqan yahay, sidoo kalena uusan jirin wasiir arrimaha dibadda ku magacaaban, balse ku simaha ayuu sheegay in loo baahnaa in loo diro dalkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta ka degay Addis Ababa, isagoo sheegay in halkaas uu uga qeyb galayo ilaa seddax shir oo muhiim ah, balse siyaasiyiin iyo aqoonyahan badan oo Soomaaliyeed ayaa aad u dhaliilay go’aankaas, iyagoo qaba inay fiicneed in loo diro masuul hoose, si Itoobiya loogu muujiyo waji gabax ka dhashay damaceeda.

DENI oo laba tallaabo mid qaadi doona kadib go’aankii Xasan Sheekh ee dastuurka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Inkasta oo ay Puntland horey u sheegtay inay gooni u dhaqmeyso inta laga xalinayo tabashooyinkooda heer federaal, oo u badan gadood xagga Saciid Deni ka jira, haddana markale wararka ka imaanaya Garoowe ay sheegayaan inuu Deni ku hanjabaayo inuu la goosanayo maamulka Puntland.

Saciid Deni iyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa laheyn xiriir fiican tan iyo markii Xamza Cabdi Barre laga dhigay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Markalena xaaladda ayaa sii xumaatay markii wasaaraddii ugu muhiimsaneyd xubnaha ay Puntland ku leedahay federaalka la siiyay Abshir Huruuse oo Xasan Sheekh wax ka dhistay iyada oo Saciid Deni waxba laga siin xukuumadda.

Waxaana xaaladda sii adkeeyay markii Taliyaha Booliska ka yimid dhanka Jubbaland xilli reer Puntland sugayeen in iyaga la siiyo Taliyaha Booliska Soomaaliya.

Doodda reer Puntland ee ah inUU madaxweyne Xasan Sheekh saami-qeybsiga qalday ma qarsoona. Saciid Deni iyo maamulkiisa waxay isku dayeen inay Xasan Sheekh ka hor istaagan dhameystirka deyn-cafinta iyo qaadista cuna-qabateynta hubka, waxa kale oo ay siyaasadeeyeen dagaalkii argagixisada, iyaga oo sheegay in Xasan Sheekh uu hubeynayo qabiilkiisa markii uu xoojiyay kacdoonkii Macawiisleyda.

Laakiin Xasan Sheekh howshiisa ayuu iska watay, isaga oo dhameystiray deyn-cafintii, sidoo kalena ku guuleystay in dalka laga qaado cuna-qabateynta hubka, tiiyo dagaalka argagixisada ka keenay guullo aan hore looga keenin.

Markale Deni wuxuu kaarkiisa saartay dastuurka, isaga oo markaan iskaashi ka helaya xubnaha mucaaradka ah ee heer federaal, wuxuuna xoog badan galinaya inuu Xasan Sheekh ka hor istaago dhameystirka dastuurka.

Xubno ku dhowdhow Saciid Deni ayaa laga soo xigtay inay ka fikirayaan ugu yaraan goosasho haddii uu Xasan Sheekh joojin waayo shaqada dastuurka ama uu diido inuu Puntland tallada wax ka siiyo.

Xubno mucaarad ah oo maalmahan waan-waan ka dhex waday Xasan Sheekh iyo Saciid Deni ayaa sidoo kale iibinaya in laga hortago tallaabada uu rabo inuu Saciid Deni qaado oo noqon karta inuu yiraahdo “Puntland waa la goostay”.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hanjabaada Saciid Deni waxba ka soo qaadin intii uu ku jiray dadaallada deyn-cafinta, qaadista cuna-qabateynta hubka iyo dagaalka argagixisada ayaa la ogeyn sida ay hadda u saameyn doonto hanjabaadan cusub, xilli ay Puntland tobankii sano ee ugu dambeysay toos ugu jartay dowladda dhex ee Soomaaliya, balse dhamaan ma gaarsiisneyn inay ku dhawaaqan inay Soomaaliya ka go’aan sida kooxda Saciid Deni ku hareeraysan hadda iibinayaan in lagu dhawaaqo.

Inkasta oo ay u muuqato tallo xumo iyo dariiq la yaqaano dhamaadkiisa oo ay joogto Somaliland, oo 33 sano weysan cid ka dhageysata inay ka go’een Soomaaliya, oo ay taasi cashir ugu filan tahay cid walba oo ka fikireysa inay dalka kala jarto, haddana dad badan ayaa aaminsan in reer Puntland heli karaan waddooyin kale oo ay dowladnimada ku saxaan, xilli ku dhowaad 50 xildhibaan, wasiiro, danjireyaal iyo agaasimeyaal badan ku leeyihiin dowladda dhexe, kuwaasi oo ku filan in haddii ay jirto dood sax ah oo Puntland ay qabto inay miiska geeyaan.

Sida muuqata madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ku adkeysanayaa inuu fuliyo mid kamid ah waxyaabihii uu ballan-qaaday xilligii ololaha doorashada oo aheyd inuu dhameystiro dastuurka.

Wuxuu kale oo uu sheegay laba arrimood oo keentay inay dadka badi aqbalaan sida uu ku wado howsha dastuurka, kuwaasi oo kala in aan muddo xileedkiisa la dabaqi doonin qoddobada isbeddelka ku dhaco ee dastuurka iyo in xilli walba wax laga beddeli karo dastuurka balse ay muhiim tahay in laga saaro kumeel-gaarnimada, oo la dhameystiro si dalka uu dastuur u yeesho.

Maadaama aad loo fahamsan yahay in Xasan Sheekh iyo Saciid Deni mowduucyo shaqsi ah isku hayaan, Saciid-na damac uga jiro xukunka Villa Somalia, uma badna inuu jiro siyaasi wax walba u dhigaya sida uu rabo ninka raadinaya kursigiisa.

Waxaana la eegayaa sida uu Saciid Deni u fikirayo haddii uu reer Puntland ku qancin karo iyo waxay u dhali karto in khilaafka isaga iyo Xasan Sheekh uu gaarsiiyo inuu ku dhawaaqo tallaabo goosasho ah.

Sawirro: Sidee madaxweyne Xasan loogu soo dhaweeyay magaalada Addis Ababa?

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhoweyd gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya.

Madaxweyne Xasan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Abiy Axmed, oo uu meeqaam ahaan ugu sareeyay Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide.

Ujeedka socdaalka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ah si uu uga qeyb galo Meertada 37-aad ee shir-madaxeedka Golaha Midowga Afrika, sida ay shaacisay Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale gudbin doona mawqifka cad ee Soomaaliya ay ka taagan tahay faro-gelinta ka dhanka ah madax-banaanida iyo midnimadeeda dhuleed, xilli Itoobiya ay xad-gudub ka dhan ah kula kacday.

Waxa uu madaxda la wadaagi doona sida aysan shacabka iyo dowladda Soomaaliya aysan u aqbalayn xad-gudub kasta oo wiiqaya qarannimadooda, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay Villa Soomaaliya.

“Inta uu socdo shirka, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceedyo la yeelan doona madaxda kala duwan ee dowladaha, ururada iyo wufuuda muhiimka ah ee ka qeyb-galaya shirka.”

Madaxweyne Xasan oo shalay ka socdaalkiisa Addis Ababa, ayaa meesha ka saaray in Itoobiya kala hadli doonaan xiisadda taagan, isaga oo sheegay in mowqifka dowladdiisa uu yahay kii ay hore u shaacisay.

Xasan ayaa horey u sheegay in goorta kaliya ee Itoobiya wada-hadal la gali karaan ay tahay marka ay ka laabato heshiiskii is-afgarad ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ku saxiixdeen Addis Ababa.

Socdaalka madaxweynaha ayaa siyaabo kala duwan looga fal-celiyay, ayada oo dadka qaar u arkaan inuu yahay mid lagu fududaaday, halka kuwa kalena ay qabaan in Soomaaliya aysan lumin fursad kasta oo fagaarayaasha caalamka ugu muujin karto mowqifkeeda ka dhanka ah Itoobiya.

Xasan Sheekh oo looga digay ‘bahdil siyaasadeed weyn’ ka hor safarkiisa Addis Ababa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya oo markii ugu horreysay shaaciyay inuu safar u yahay magaalada Addis Ababa, xilli ay weli taagan tahay xiisadda badda, ayaa looga digay bahdil siyaasadeed weyn oo Soomaaliya ka raaca socdaalkaasi.

Madaxweynaha oo socdaalkiisa Addis Ababa ku tilmaamay mid muhiim ah, maadaama ay ka dhacayaan shirar ay iskugu imanayaan madax badan, balse waxaa loo arkaa mid fursad u siin kara Itoobiya in markale fal bahdil ah kula kacdo Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal kasoo saaray arrinkaan, wuxuu madaxweynaha usoo jeediyay in uusan tegin Addis Ababa, isagoo sheegay in xilliyadan oo kale laga dhowrsado in dowladdii dalkaada ku xad-gudubtay ay markale fal bahdilid ah kugula kacdo, Abiy Axmadna waa nin ay ka suurowdo.

Inkasta oo uu madaxweyne Xasan uu xusay in weli Soomaaliya mowqifkeeda aanu isbeddelin, welina halkiisii uu yahay xad-gudubka ay gaysatay Ethiopia, haddana walaac ayaa laga muujinaya socdaalkiisa Addis Ababa oo fursad kale siin kara xukuumadda Abiy.

Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan oo dhameystiran;

Dawladu waxay qaaday tallaabooyin looga jawaabayo xadgudubkii Itoobiya ee gobonimada, madaxbanaanida iyo wadajirka dalkeenna. Xukuumaddu go’aan adag ayey soo saartay oo safiirkeenii ayey dib ugu yeeratay, baarlamaanka labadiisa aqal ayaa sidoo kale go’aan adag soo saaray, Madaxweynaha ayaa hadal adag jeediyey.

Waxaan galnay dadaal adag oo diblomaasiyadeed oo aan ku kasbanay taageerada ururrada gobolka iyo kuwa caalamiga ah. Intaasoo idil waa hawl wayn oo macno leh.

Waxaase oo intaasoo idil muhiimad u dhiganta leh in hoos loo dhigo xiriirka diblomaasiyadeed ee Itoobiya inta ay xadgudubka ka noqonayso. Waxay ahayd;-

1- In aan safiirkeena soo ceshano, billawgii waan samaynay, laakiin dib ayaa loo celiyey, sababta lama caddayn.

2 In safiirka Itoobiya dalkiisa loo diro, laakiin isagoo qaranka Soomaaliyeed aflagaadeeyey ayuu weli dalkeena safiir ka yahay.

3- In madaxda dawladda aysan Addis Ababa tegin, inta xal laga gaarayo xadgudubka Itoobiya, laakiin Madaxweynihii ayaa u socda, isagoo ku doodday in shirar muhiim ah oo ay madax badan isku imaanayso ka dhacayo.

Waa sax, laakiin sow wasiirka arrimaha dibadda ama Raysalwasaare ku xigeenka kuma filna in ay dooddeena jeediyaan, ileyn shirku waa maalin ama laba. Mise cid aan Madaxweynaha ahayn kaalintaas ma buuxin karto? Waxaa xilliyadan oo kale laga dhowrsadaa in dawladdii dalkaada ku xadgudubtay ay markale fal bahdilid ah kugula kacdo, Abiy Axmadna waa nin ay ka suurowdo.

4- In la magacaabo wasiir arrimo dibadeed oo hawl-kar ah, sax maaha in aan dagaal diblomaasiyadeed ku jirno, dalkuna labo bil iyo bar wasiir arrimo dibadeed lahayn.

5- In Shacabka gudaha dalka iyo dibada la abaabulo, gaar ahaan kuwa qurbaha oo dalalka ay muwaadiniinta ka yihiin ka loobigareeyaan. Weli ma dhicin

Nasiib-darro, Xukuumad gaabiska lagala xisaabtami lahaa lama hayo, Baarlamaankuna Madaxweynaha lama xisaabtamo, inkasta oo xaalka Golaha Shacabku yahay ninka wayn ayaan iska celinayaa ee shacabow ka yar iga dhacsha oo ay dastuur bedel ku mashquulsanyahay.

Falcelin culus oo ka dhalatay arrin uu Xasan Sheekh si weyn ugu dhaliilay Soomaalida

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay jeediyey khudbad dheer oo waxbarashada dadka Soomaaliyeed uu uga hadlay, isaga oo farriin u diray bahda waxbarashada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed aysan baran cilmiga badda, balse ay leeyihiin badda ugu dheer Afrika, taas oo wax lala yaabo ah, uuna ku dhaliilay Soomaalida.

“Anagoo leh Badda ugu weyn Afrika, suurta gal ma’ahan in aanan laheyn aqoon Culuumta Badaha, amnigeeda iyo dhaqaalaheedaba. Waa in aan sare u qaadnaa aqoonteenna Baddaha,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale yiri “Waxaa la idinka sugayaa in aad fursaddaan uga faa’iideysataan sida ugu haboon si aad dadkiinna uga haqabtirtaan soo saaridda kheyraadka Badahooda.”

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrinkaan?

Khadar Suudi Maxamed: “Maanta oo kale ma ahayn inaad dhahdo ma lihin aqoon iyo awood badeed ee inaad shacabka dirays u xidhay ahayd oo aad carbiso, soona bandhigto dhuula-tus weyn.”

Maxamed Biis ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Waa run taa hadaba wax jir dad taariikh been ah aaminsan.”

“Howl fiican waaye jidkii faqriga looga bixi lahaa jidkaas waaye Soomaaliyeey,” ayuu yiri Cabdicasiis Cabdul Maxamed.

Sakariye Cali Dayib: “Madaxweyne waan kuugu amaanaa sida aad u xoojinayso tayada waxbarasho ee dalka, gaar ahaan culuumta Badda. waan amaanaya cid walbo oo garab inaga siisay culuumtaan.”

“Aqoontu haddii ay siyaado dalku waa uu hagaagi,” ayuu yiri Bashiir Cabdi oo kamid ah dadka ka fal-celiyay hadalka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Cabdixakiin C/llaahi Shire: “Cadaalad baa laga bahan yahay, madaxweyne maanta waxaa kaaga baahan hooyoyinka la gubay iyo macalimiinta, sida sheegtay umadda markii la duminaayo hooyo ama macalinka baa laga dumiya, taasi maantay jirtaa ee wax ka qabo.”