26.5 C
Mogadishu
Tuesday, June 23, 2026

Xog: Abiy oo diiday qorshe Mareykanka iyo UK ka yimid oo la xiriira heshiiska badda

0

Addis-Ababa (Caasimada Online) –  Waxaa Arbacadii magaalada Addis Ababa ka furmay shirkii 44-aad ee golaha fulinta Midowga Afrika, kaasi oo ay kasoo qeyb galeen wasiirada arrimaha dibada, diblomaasiyiinta caalamka iyo xubno kale oo lagu casuumay.

Shirkaan ayaa waxaa sidoo kale uu gogol xaar u yahay shirweynaha madaxda Afrika oo dhawaan ka furmi doono Addis-Ababa, iyadoo shirkan uu barbar socday xal nabadeed oo lagu doonayay in la isugu soo dhoweeyo dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, oo uu kala fogeeyay muranka ka dhashay xadgudubka Itoobiya ay ku dooneyso inay dhul ka hesho xeebaha gobollada Waqooyi.

Wakiilo ka socday dalalka Mareykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub ayaa sameeyay dadaallo lagu doonayay in la isugu soo dhoweeyo Soomaaliai iyo Itoobiya, waxaana wafdiga Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), oo ah wasiiru dowlaha arrimaha dibedda uu la kulmay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika Molly Phee, wakiilada Ingiriiska iyo Midowga Yurub iyagoo ka wada hadlay sidii wada hadal looga furi lahaa khilaafka kasoo cusboonaaday gobolka, gaar ahaan damaca Itoobiya.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika Molly Phee iyo wakiilada dalalka kale ee Ingiriiska iyo Midowga Yurrub ayaa markii ay la kulmeen kadib u gudbay xafiiska Abiy Ahmed, halkaasi oo wada-hadal ay kula yeesheen.

Abiy Ahmed ayaa war uu soo saaray ku sheegay in ay ka wada hadleen arrimaha gobolka iyo ammaanka, hase ahaatee warar soo baxaya ayaa sheegaya in Abiy Ahmed uu diiday dalab ay dowladdaha Mareykanka iyo Ingiriiska hordhigeen oo dhigay inuu ka laabto heshiiska sharci darada ah ee Somaliland uu la saxiixday, iyadoo Mareykanka iyo Ingiriiska ay u caddeeyeen in heshiiskaasi uusan sharci aheyn, isla markaana abuurayo xasillooni darro gobolka ka dhalata.

Sida aan xog ku helnay, Abiy wuxuu u sheegay wakiilada Mareykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub in Itoobiya aysan gorgortan xilligaan u taagneyn inay ka gasho helitaanka qeyb ka mid ah Badda Cas.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in uu ka qeyb galo shir weynaha golaha Midowga Afrika oo madaxdooda ay ku kulmayaan Addis Ababa.

Itoobiya waxay horay qoraallo ay u dirtay Golaha Amaanka, Mareykanka Ingiriiska iyo Midowga Yurub, waxayna ku cadeysay inaysan gorgortan ka galeyn sidii ay u heli laheyd marin biyood oo badda cas ah, taasoo sii kala fogeyneysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Soomaaliya ayaa horey shuruud uga dhigtay wada-hadal ay la gasho Itoobiya in marka hore Addis-Ababa ay ka laabato heshiis beenaadka, taasi oo hadda ay muuqato in Abiy aanu diyaar u aheyn.

SOOMAALIYA oo la daala dhaceysa 4 dhaqan oo horey u dumiyay dowladnimada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Soomaaliya gudaheed weli laga cabanayo dhaqannadii horey u dumiyay dowladnimada.

Waxa uu sheegay in colaaddii sokeeye ee ka dhalatay burburkii dowladda ay ina dhaxal-siiyey bulshadii oo kala aamin baxday, sidoo kalena dowladnimadiina ka aamin baxday.

Cabdiraxmaan ayaa si gaar ah u xusay afar dhaqan oo gees kasta oo Soomaaliya deggan tahay laga cabanayo, kuwaasi oo kala ah;

  1. Takrifal awoodeed
  2. Eex iyo qaraabakiil
  3. Musuq-maasuq
  4. Kartidii oo laga hormariyey guul-wadayn

Sidoo kale waxa uu sheegay in caqabadaha ugu waaweyn ee dowlad dhiska ku hor-gudban xilligaan ay tahay “in aan doonayno in aan ku dhisno dhaqankii horey u dumiyey.”

“Shacabkuna wuxuu ku dhex haftay caadhifad iyo xamaas qabyaaladeed oo caqli-gal ahayn, caaqibo ka fiirso lahayn, dantoodana ka fog,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Waxa uu intaasi kusii daray “Ilaa aan ka dayno wixii dumiyey, dadkuna qabyaaladda ka miirsadaan way adkaanaysaa in dawladi dhisanto, gobbonimadii iyo madax-bannaanidii qaran soo noqoto, aragagexisada iska dhicino, faragelinta shisheeyahana iska joojino.”

Si kastaba, Soomaaliya ayaa la rumeysan yahay inay afartaasi dhaqan iyo kuwa kale oo ka hoos farcama ay caqabada ku yihiin dowlad-dhiska iyo in uu dalkeenna la tartamo dalalka kale ee dunida.

Midowga Afrika oo ayiday musharaxnimada Soomaaliya ee kursiga Golaha Ammaanka

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee Midowga Afrika ayaa si buuxda isugu raacay in Soomaaliya ay noqoto dalka kaliya ee ka socda Bariga Afrika ee u sharaxan mid kamid ah kuraasta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee QM.

Kursigaan oo kamida ah kuwa joogtada aheyn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa haddey Soomaaliya qabato hayn doonta muddo xileedka 2025-2026.

Ku-simaha wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya Cali Balcad ayaa sheegay in arintaan ay tahay guul weyn, taasi oo sare u qaadeysa magaca Soomaaliya iyo doorkeeda hoggaanka adduunka iyo go’aamada masiiriga ah.

Soomaaliya ayaa kursigan u tartami doonta bartamaha sanadka 2024, inta lagu guda jiro kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Sidoo kale ayaa sidoo kale waxay sheegtay in ay diyaar u tahay inay hoggaamiyo ajendaha Afrika ee nabadda iyo amniga ee UNSC.

“Waxay ka turjumeysa (tallaabada) kalsoonida Afrika ee Soomaaliya, iyo sida ay Soomaaliya diyaarka ugu tahay inay qaadato door muhiim ah oo caalami ah.”

Soomaaliya ayaa muddo ku siman konton sano ugu dambaysay inay qeyb ka noqoto xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee QM, ayada oo haddii Soomaaliya ay ku guuleysato dalabkeedan ay markale helayso fursad ay saameyn ugu yeelan karto go’aannada caalamiga ah.

Sababta kororka dilalka argagaxa leh ee dadka is-qaba

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Muddo ku siman laba asbuuc waxaa magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah deegaanada dalka ka dhacay falal dil ah oo isugu jiray gubis, ceego iyo jarjaris, kuwaasi oo ay isku geysteen lamanaayaal is-qaba.

Dhacdooyinkaasi oo midba midda kale ka xanuun badneyd, ayada oo bulshadu aad uga argagaxeen in naceybka inaas le’eg uu ka dhex dhaco lamanayaal is-qaba oo dadka iskugu dhow.

Haddaba, Maxaa keenay arrintaan oo isku soo tarayaan xilligaan?

Dr. Shaafici Shariif Maxamed, Guddoomiyaha Ururka Cilmi-baarayaasha Soomaaliyeed ayaa sheegay in arrintaan ay sababaan dhowr arrimood oo ay qeyb ka tahay daroogada iyo maseyrka.

“Waxaa sababi kari waxyaabaha la xiriira daroogada, 1xbet ama qamaarka, stress ku dhaca dadka qaar, haddii ay ahaan laheyd hinaasaha iyo arrimaha dhaqaalaha,” ayuu Dr. Shaafici ku sheegay sababaha ka dambeeya dilalka argagaxa leh ee lamanayaasha is-qaba.

Dr-ka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in arrintaan ay sii kordhisay baraha bulshada, “Qofka marka stress ku dhaco oo saacado badan ku jiro baraha bulshada waxyaabaha marka uu maqlo qofkaasi wuu sameeyay ee adigaba samee.”

Sidoo kale, Booliska Soomaaliya oo dhankooda ka hadlay kiisaska noocaan ah ee asbuucyadii dambe soo kordhayey ayaa sheegay in laamaha amniga ay baaris ku hayaan sababaha ka dambeeya.

“Baarista kiisaskan waxa kusoo aadiyay bal inay tahay mukhaadaraad, waxyaabaha maanka dooriya iyo inay yihiin xanuunada dhimirka ah waa wax baaristooda socota oo aanu dib kala wadaagi doono umadda,” ayuu yiri afhayeenka Booliska Mr. Doodishe.

Si kastaba, dilalka argagax leh ee lamanayaasha is-qaba ayaa asbuucyadii u dambeeyay kusoo badanayay dalka, gaar ahaan caasimada, ayada oo si weyn isu soo tareen tan iyo markii uu dhawaan soo baxay kiiska ninka xaaskiisa ku gubay magaalada Muqdisho.

Dalalka Yurub ee xubnaha ka ah NATO oo lacagtii ugu badnayd ku bixinaya…

0

Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha gaashaanbuurta NATO Jens Stoltenberg ayaa sheegay in sannadkani uu yahay sannadkii ay dalalka Yurub ee xubnaha ka ah isbahaysigu ay dhinaca difaaca la wadaago ku bixinayaan lacagtii ugu badnayd, tan iyo markii ururkaas la aas-aasay.

Xoghayaha NATO ayaa sheegay in dalalka Yurub ay guud ahaan lacag gaadhaysa $380 Billion oo dollar ay ku bixinayaan dhinaca difaaca.

18 dal oo ka mida 31 dal ee xubnaha ka ah isbahaysiga NATO ayaa bixinaya guud ahaan qaadhaanka laga rabo inay siiyaan Isbahaysiga NATO.

Dal kasta oo xubin ka ah NATO ayaa laga rabaa inuu difaaca la wadaago ku bixiyo 2% oo ka mida wax-soosaarka gudaha ee dalkaas ama GDP.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa, ka dib markii uu bilaabmay duullaanka uu Ruushku ku qaaday Ukraine, taasoo dardargelisay hawlaha isbahaysiga NATO.

Poland iyo Maraykanka ayaa la filayaa inay noqdaan dalalka xaddiga ugu badan ka bixiya, marka la eego boqolladayda qaadhaanka laga doonayo, halka dalka Luxembourg uu yahay kan bixiya lacagta ugu yar.

Israel oo weerartay isbitaalka ugu weyn koonfurta GAZA

0

Gaza (Caasimada Online) – Ciidamada Israel ayaa weeraro ka fuliyey gudaha cusbitaalka ugu weyn Koonfurta Qaza.

Saraakiisha caafimaadka ee Qaza ay sheegaya in ciidamada Israa’iil ay dileen hal qof, halka ay cusbitaalka gudihiisa ku dhaawaceen tiro kale.

Ciidamada Israa’iil ayaa war ay soo saareen ku sheegay inay heleen warbixin sirdoon oo sheegaysa in Xamaas ay qaar ka mida la-haystayaasha Israa’iil ku hayaan cusbitaalka Nasser ee Khan Yunis, iyaga oo sheegay inay dhici karto inay halkaas yaallaan qaar ka mida meydadka la haystayaasha Israa’iil.

Israa’iil ayaa markale ku cel-celisay eedaymaha ay u jeediyaan Xamaas oo sheegaya inay shacabka Falastiin u isticmaalayaan gaashaan ahaan, iyaga oo sheegay inay shacabka uga digeen inay goobahan iskaga baxaan.

Wasaaradda Caafimaadka ee Qaza ayaa toddobaadkii hore sheegtay in askari ka tirsan ciidamada Israa’iil ee meelaha durugsan wax ka toogta, inuu u diiday shacabku inay goobahaas ka baxaan.

Dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ayaa iyaguna cambaareeyey amarada la xidhiidha, in shacabka laga daadgureeyo goobahaas.

Daawo: Xasan oo Soomaalida ku dhaliilay arrin la xiriirta…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa jeediyey khudbad dheer oo waxbarashada dadka Soomaaliyeed uu uga hadlay, isagoo farriin u diray bahda waxbarashada.

Madaxweynaha ayaa sheegya in dadka Soomaaliyeed aysan baran cilmiga badda, balse ay leeyihiin badda ugu dheer Afrika, taas oo wax lala yaabo ah.

“Anagoo leh Badda ugu weyn Afrika, suurta gal ma’ahan in aanan laheyn aqoon Culuumta Badaha, amnigeeda iyo dhaqaalaheedaba. Waa in aan sare u qaadnaa aqoonteenna Baddaha,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Xasan Sheekh oo sii hadlayey ayaa yiri “Waxaa la idinka sugayaa in aad fursaddaan uga faa’iideysataan sida ugu haboon si aad dadkiinna uga haqabtirtaan soo saaridda kheyraadka Badahooda.”

Madaxweynaha ayaa ku dheeraaday muhiida ay waxbarashadu uleedahay jiilka soo koraya oo leh mustaqbal aad u wanaagsan, kuwaas oo fursad u heli kara dalkooda oo dhismay una diyaarsan in laga faa’iideysto kheyraadkiisa.

“Shirkadaha Soomaaliyeed waan ka dalbanay inay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka iyo hormarinta tacliinta, in maanta Soomaaliya ay awoodo in gudaha wadanka ay 100 arday qaataan shahaadada PhD wax sahlan maaha,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Maxaxweynaha ayaa faray wasiirkiisa waxbarashada inuu Jaamacadda Peace siiyo dhul ku filan, si ay aqoonyahanka Soomaaliyeed uga sii wataan waxbarashooda heerka sare oo jaamacadaas ay ka heli karaan.

“Si jaamacadaani noola joogto, waa in dowladda Soomaaliya ay bixiso dhul ay degto oo ku filan, bahda waxbarashada guud ahaan waxaan leeyahay dadaala,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Hoos ka daawo

Xasan Sheekh oo u safray Itoobiya iyo Villa Somalia oo xog ka bixisay socdaalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u safray magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya.

Ujeedka socdaalka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ah si uu uga qeyb galo Meertada 37-aad ee shir-madaxeedka Golaha Midowga Afrika, sida ay shaacisay Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale gudbin doona mawqifka cad ee Soomaaliya ay ka taagan tahay faro-gelinta ka dhanka ah madax-banaanida iyo midnimadeeda dhuleed, xilli Itoobiya ay xad-gudub ka dhan ah kula kacday.

Waxa uu madaxda la wadaagi doona sida aysan shacabka iyo dowladda Soomaaliya aysan u aqbalayn xad-gudub kasta oo wiiqaya qarannimadooda, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay Villa Soomaaliya.

“Inta uu socdo shirka, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceedyo la yeelan doona madaxda kala duwan ee dowladaha, ururada iyo wufuuda muhiimka ah ee ka qeyb-galaya shirka.”

Madaxweyne Xasan oo shalay ka hadlay socdaalkiisa Addis Ababa, ayaa meesha ka saaray in Itoobiya kala hadli doonaan xiisadda taagan, isagoo sheegay in mowqifka dowladdiisa uu yahay kii ay hore u shaacisay.

Xasan ayaa horey u sheegay in goorta kaliya ee Itoobiya wada-hadal la gali karaan ay tahay marka ay ka laabato heshiiskii is-afgarad ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ku saxiixdeen Addis Ababa.

Xog: Halkee ku maqan yahay R/W Xamza Cabdi Barre oo toddobaadyo la la’yahay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dad badan oo masuuliyiin ka tirsan dowladda ay ku jiraan ayaa su’aalo ka keenay halka uu ku maqan yahay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo maalmahaan aan shaqada lagu dhex arkin

Toddobaadyo ka hor ayaa R/Wasaare Xamza ugu dambeysay in fagaare lagu arko, sida ay ogaatay Caasimada Online wuxuu ku maqan yahay safar dalka dibadiisa ah.

1-dii bishaan ayuu dalka ka baxay Xamza, wuxuuna aaday reerkiisa oo degan Turkiga, Toddobaadka soo socda ayaa lagu wadaa inuu wadanka ku soo laabto Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Siyaasiyiin uu ka mid yahay Cali Saciid Fiqi oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ayaa ku tilmaamay ‘wax aan caadi ahayn oo aan horey u dhicin’ in ra’iisul wasaare ka maqnaado xafiiska shaqada muddo toddobaadyo ah.

Soomaaliya ayaa ku jirta waqti xasaasi ah oo xiisad culus ay kala dhaxeyso Itoobiya, sidoo kale waxaa markii ugu horeysay si dhab ah looga shaqeynayaa dhameystirka dastuurka dalka, waxaana ka taagan muran badan iyo khilaaf siyaasi ah, maadaama qodobada qaar wax laga bedelayo.

Madaxweynayaashii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdulaahi Farmaajo siyaasiyiin ay ugu waaweyn yihiin ayaa si adag uga soo horjeeda shaqada socota ee wax ka bedelka dastuurka, halka ra’iisul wasaarihii ololeyn lahaa oo xildhibaanada ku qanci lahaa qorshaha xukuumadiisa uu shaqada ka maqan yahay maalmo badan.

28-kii bishii Janaayo ayey aheyd markii ugu dambeysay ee Ra’iisul Wasaare Xamze uu ka soo muuqday fagaare, isagoo maalinkaas ka qeybgalay xaflad lagu daahfuray mashaariic la xiriirta caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo gargaarka oo laga hirgeliyay Muqdisho.

Shaqadii ugu dambeysay ee ra’iisul wasaaruhu qabtay inta uusan bixin waxay aheyd magacaabidda labo wasiir oo ku cusub xukuumadiisa, kuwaas oo kala ah Wasiirka Beeraha iyo Wasiirka Howlaha Guud.

Ra’iisul wasaaruhu waa masuulka ugu mashquulka badan dowladda, maadaama uu yahay maamulaha guud ee howlaha golaha wasiirrada iyo shaqooyinkooga oo dhan, taas oo ka dhigan in hey’adaha wadanka oo dhan ay xafiiskiisa hoos tagaan.

Ajaanib ka tirsan Daacish iyo Al-Shabaab oo la qabtay

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Bari Col. Cabdiqaadir Jaamac Dirir oo wareysi gaar ah siiyay laanta afka Soomaaliga ah ee VOA ayaa ka hadlay howlgallo ay ciidamada amniga Puntland ka wadaan Boosaaso iyo deegaanada u dhow.

Taliyaha ayaa sheegay in howlgalladan oo socdo muddo laba todobaad ah lagu xaqiijinayo amniga, isla markaana lagu soo qabtay qaraxyo iyo dadkii ku lugta lagta lahaa.

“Howlgalku waxa uu socday muddo laba isbuuc ku dhow, waana sii socon doonaa, ciidamaduna waxay ku qabteen shaqooyin badan dad, qalab iyo qaraxyo” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in howlgalladan lagu soo qabtay illaa 13 qof oo ka tirsan Al-Shabaab, ayna ku jiraan ajaaniib u kala dhashay dalalka Suuriya iyo Marooko.

11 kamid ah xubnaha la qabtay ayaa ah Al-Shabaab, halka 2 kale oo ajnabi ah ay ka tirsan yihiin kooxda Daacish, sida uu shaaciyay taliyaha qaybta booliska ee gobolka Bari.

“Waxaa gacanta lagu soo dhigay 13 qof oo kamid ah argagaxisada oo ay kua jiraan 2 qof oo ajnabi ah nin la yiraahdo Maxamed Ibnu Maxamed Axmed oo u dhashay Suuriya iyo nin Marookaan ah oo a yiraahdo Xasan Maxamed Xuseen” ayuu mar kale yiri taliyuhu.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Labada nin ee ajaaniibta ah waxa ay ka tirsan yihiin Daacish, inta kale iyagu Al-Shabaab weeye”.

Dhanka kale, waxa uu hoosta ka xariiqay inay xiraam 25 qof oo kale oo tuhmanayaal ah, kuwaas oo uu tilmaamay in haatan baaris ku haayaan laamaha ammaanka ee Puntland.

Boosaaso ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay ka socday howlgallo amni xaqiijin ah iyo kuwa kale oo lagu raafayay dadka Oromada ah ee ku sugan gudaha magaaladaasi.

Muxuu madaxweyne XASAN ka yiri HESHIISKA milatari ee Soomaaliya iyo Mareykanka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Madaxweynaha  Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey munaasabad lagu saxiixayey heshiiska tayeynta Ciidamada Soomaaliyeed oo ay kala sixiixdeen Dowladaha Soomaaliya iyo Maraykanka.

Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in heshiiskan uu horseedaya in Dowladda Maraykanku ay kordhiso taageerada iyo tababarrada Ciidamada Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa waxaa xarummo tababar iyo Ciidan laga hirgelinayaa Magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo, Jowhar iyo Dhuusamareeb.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in heshiiskan uu gacan ka gaysan doono dagaalka Al-Shabaab lagaga xoreynayo dalka.

“Heshiiskan waxa uu ka gacansiinayo dowladda Soomaaliya qorsheyaasha dib u habaynta iyo tayeynta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab iyo xaqiijinta amniga, waxa uuna faray xubnaha ka soo jeeda dhanka dowladda Soomaaliya ee guddiga isku-dhafka ah ee Labada dal in ay mudnaan weyn siiyaan fulinta heshiiska” ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda Maraykanka doorka ay ka qaadanayso tayeynta ciidanka sida-gaarka ah u tababaran ee Danab iyo guud ahaan Hay’adaha ammaanka Soomaaliya, isagoo xusay sida ay lafdhabarta ugu yihiin dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo howlgallada socda ee lagu xoreynayo deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan.

Heshiiska waxaa Labada dowladood u kala saxiixay, Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Xoghaye Kuxigeenka Arrimaha Dibadda Maraykanka ee dhanka Amniga Marwo Bonnie Denise Jenkins.

Mareykanka ayaa horay saldhig waxuu ugu lahaa garoonka ciidamada Cirka ee Balli-doogle iyo garoonka diyaaradaha Kismaayo, halkaas oo kasoo abaabulo howlgallo culus, sidoo kalena uu tababar ku siiyo ciidanka Danab.

Mareykanka ayaa kamid ah dalalka ka qayb qaatay dagaalka Al-Shabaab, wuxuuna sidoo kale duqeymo cirka ka fuliyaa koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Mareykanka oo shan saldhig oo ciidan ka dhisanaya SOOMAALIYA + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta heshiis taariikhi ah oo dhanka milatariga ah la gashay Mareykanka, kaas oo ka dhacay xarunta Xalane oo ay ku dhex taallo safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho.

Heshiiskan oo is afgarad ah ayaa waxaa goobjoog ahaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana saxiixay wasiirka difaaca Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Sidoo kale waxaa Mareykanka u saxiixay Sii Hayaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, waxaana goobjoog ka ahaa ku xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika.

Saxiixa heshiiskan ayaa ku saabsan dhisida illaa 5 saldhig oo uu Mareykanka ka hirgelin doono gudaha Soomaaliya, kuwaas oo ay isticmaali doonaan ciidamadiisa iyo kuwa uu tababaro ee kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dowladda federaalka ayaa boggaadisay heshiiskan, ayada oo ku tilmaamtay inuu yahay mid muhiim ah, isla markaana lagu tayeen doono ciidamada Soomaaliyeed.

Mareykanka ayaa horay wuxuu saldhig ugu lahaa garoonka ciidamada Cirka ee Balli-doogle iyo garoonka diyaaradaha Kismaayo, halkaas oo kasoo abaabulo howlgallo culus.

Mareykanka ayaa kamid ah dalalka ka qayb qaata dagaalka Al-Shabaab, wuxuuna sidoo kale duqeymo cirka ah ka fuliyaa koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Ninkii gubay xaaskiisa oo la horgeeyay maxkamadda Gobolka Banaadir kadibna…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa sheegay in maaanta Maxkamadda Gobolka Banaadir la horgeeyay eedeysane Sayd Cali Macallin Daa’uud oo loo haysto inuu gubay xaaskiisii oo xaamilo ahayd, Luul Cabdicasiis Maxamed.

Warqad kasoo baxday xafiiska xeer ilaaliyaha ayaa waxaa lagu sheegay in ninkan oo ay muddo ku raad-joogeen laamaha amniga, maanta ay bilaabatay dacwaddiisa.

“Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta Maxkamad horgeeyay eedaysane Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ku eedaysan in uu xaaskiisii oo xaamilo ah nolosha ku gubay, kaas oo muddi baxsad ka ahaa hay’adaha amniga oo ku daba jiray” ayaa lagu yiri.

Sidoo kale wuxuu xafiiska xeer ilaalinta ballan qaaday in la dadaji doono kiiskan, si ay cadaalad u hesho dhibane marxuumad Luul Cabdicasiis Maxamed.

“Xafiisku wuxuu bilaabi doonaan maxkamadaynta eedaysanaha, sida ugu degdegga badan” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Shalay ayaa eedeysanaha waxaa soo wareejisay hay’adda NISA oo ninkan kasoo qabatay gobollada dhexe, waxaana kadib loo gacan geliyay booliska, si loo maxkamadeeyo.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo maalin kahor ehellada marxuumadda oo la hadlay warbaahinta ay sheegeen in weli ay tirsanayaan cadaalad darro, maadaama la daahiyay maxkamadeynta eedeysanaha, ayada oo weli maydka marxuumadda uu ku jiro Firinjeer.

“Iyada oo la ogyahay inuu baxsaday ninkaas oo lasoo qabtay hadda dambiilihii aan sugeynay in isla markii maxkamad lasoo saaro ma dhicin gabadheyda 11 maalmood ayay ku jirtaa Firinjeer, isagana waxaa la geeyay meel Mukeyf ah” ayuu yiri Aabe Cabdicasiis.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Cadaaladda aan fileynay sidaas ma ahayn, saas darteed soo qabashadiisa waxay kaliftay in Mukeyf la geliyo”.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in kiiskan aysan ka geli doonin wadahadal, ayna sidoo kale qaadan doonin Diyo, kaliyana ay ku qancayaan cadaaladda.

Hoobiye ku dhacay guri ay taallay TACSI + Khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay tiro hoobiyeyaal ah oo xalay lagu garaacay qaybo kamid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kuwaas oo sababay khasaare soo gaaray dad shacab ah.

Hoobiyeyaasha oo gaaraya illaa lix ayaa ku dhacay xaafadda Buulo Mugdi oo ka tirsan degmada Dayniile, waxayna sababeen dhimasho iyo dhaawac.

Oday kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in mid kamid ah hoobiyeyaasha uu ku dhacay guri ku yaalla halkaasi oo ay taallay tacsi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in hoobiyeyaasha qaar ay ku dhaceen waddooyinka, ayna sababeen khasaare kala duwan oo soo gaaray dadkii waddada marayay.

“Arintaa xalay ayay dhacday waxa ay ahaayeen hoobiye gacmeed laga soo tuuray dhanka galbeed illaa lix madfac ayay ahaayeen, qaar ayaa bannaanka ku dhacay, reerkaana mid ayaa ku fariistay, dad kale oo jidadka maraayay oo dhaawacmay waa jiraan” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay inuu weerarkan ku dhintay wiil 12 jir ah, ayna ku dhaawacmeen 11 kale oo ay ku jiraan dad u yimid tacsida taallay guriga.

“Qosykan waxaa dhaawac ah 11 qof, waxaa dhintay wiil 12 sano jir ah, dadka dhaawac ahna qaar marti ayay ahaayeen waxay u yimaadee Tacsi” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Marar badan kooxda Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale hoobiyeyaal ugu garaacday caasimada, waxaana lagu bartilmaameedsaday madaxtooyada, baarlamaanka, garoonka iyo xaafado ay dagan yihiin dad shacab ah, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tegaya Ethiopia + Ujeedka

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Kismaayo ayaa sheegay inuu safar u yahay magaalada Addis Ababa, xilli ay weli taagan tahay xiisadda badda.

Xasan Sheekh ayaa shaaca ka qaaday in qorshihiisa uu yahay ka qayb-galka saddex shir oo waa weyn oo ka dhacaya magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Ethiopia.

“Waxaa rabaa dadka Soomaaliyeed inaan u sheego dhowaan waxaan safar ku tegayaa aniga iyo wafdi aan hoggaaminayo magaalada Addis Ababa xarunta Midowga Afrika, meeshaas saddex shir oo aad iyo aad muhiim u ah ayaa ka jira” ayuu yiri madaxweynuhu.

Isaga oo sharraxayay shirarkan ayaa waxa uu sheegay inay kala yihiin mid ay isugu imaanayaan madaxda dalalka Midowga Afrika, mid kale oo IGAD ay qabaneysoiyo shir kale oo ay leeyihiin waddamada ku bahoobay suuqa ganacsi ee bariga qaaradda Afrika.

“Shir madaxeedkii Midowga Afrika waa ka jiraa oo isugu imaanayaan madaxdii, waxaa kale oo halkaasi ka jiro shir IGAD ah oo dhinac yaallo, sidoo kale shir kale oo suuqa dhaqaalaha bariga Afrika oo iyadana madaxdeydii gooni u shireyso” ayuu mar kale yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Shirarkaas oo dhan muhiim ayay u yihiin Soomaaliya, waxaana u tageynaa waa shirarkaas inaan ka qayb-galno iyo dabcan farriinteena aan wadno inaan gudbino oo ah dalka Soomaaliya oo ah dal gob ah oo xor ah oo dowlad leh”.

Dhinaca kale waxa uu soo hadal qaaday arrinta badda, isaga oo xusay in weli Soomaaliya mowqifkeeda aanus isbeddelin welina halkiisii uu yahay xad-gudubka ay gaysatay Ethiopia.

“Arrinta ay waayahan dambe Itoobiya ku dhaqaaqeysay weli mowqofkeedii meesha ayuu naga taagan yahay, waana mowqif ay adag tahay si aan uga tanaasulno” ayuu raaciyey.

Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa waxaa haatan u dhexeyso xiisado ka dhalatay heshiiskaa is afagradka lagu sheegay ee ay horaantii bishii hore kala saxiideen Biixi iyo Abiy Axmed.

Golaha Wasiirada oo qaaday tallaabo la xiriirta dastuurka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa maanta shirkoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay Muqdisho, kaas oo uu guddoomiyey ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka. Mudane Saalax Axmed Jaamac.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan tahay dhammeystirka Dastuurka KMG ka ah oo haatan dood adag ay ka taagan tahay.

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, ayaa golaha warbixin ka siisay halka uu marayo geeddi-socodka dib-u-eegista iyo qabyo-tirka Dasuuurka, iyada oo intaas kadib uu  goluhu si mugleh ugu bogaadiyay shaqada adag ee ay soo qabteen hey’adaha dastuurka, maadaama uu haatan horyaallo Baarlamaanka oo guda galay doodaha lagu dhammeystirayo dastuurka.

Sidoo kale waxaa shirka lagu soo qaaday dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxaana warbixino laga dhegeystay wasaaradaha amniga iyo gaashaandhigga dalka, kuwaas oo faahfaahiyay  amniga guud ee dalka iyo dagaalka lagu ciribtirayo Al-Shabaab.

Labada wasaaradood ayaa soo bandhigay guulaha laga gaaray howlgalladii ugu danbeeyey ee dalka looga xoreynaayey Al-Shabaab ee ka dhacay koonfurta iyo bartamaha dalka.

Dhanka kale golaha wasiirada ayaa warbixin la xiriirta maamulka Hawada Soomaaliya iyo horumarka la gaaray ka dhageystay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, taas oo soo bandhigtay warbixin faah-faahsan oo la xiriirta howlaha duulimaadka dalka,.

Hay’adda duulista ayaa xustay in dowladda Soomaaliya ay gacanta ku hayso guud ahaan maamulka iyo maaraynta hawada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taasna ay keentay guulaha laga gaaray maamulka hawada, maadaama la celiyay dhowr diyaaradood.

Shirka golaha wasiirada oo todobaad kasta maalinta Khamiista ah la qabto ayaa diiradda lagu saaraa xaaladda siyaasadeed ee dalka, midda amniga iyo arrimaha kale ee taagan.

‘FARMAAJO iyo SHARIIF yey warqado soo tuurin ee ha yimaadaan baarlamaanka’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirisaaq Xusul oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa u jawaabay madaxweynayaashii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo si weyn u dhaleeceeyay madaxweyne Xasan Sheekh, kadib markii ay ku eedeeyeen arrimo la xiriira dastuurka.

“Si arrintan bilowga ah fursad loo siiyo waxaan isla meel dhignay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu hakad galiyo galka la xiriira wax-ka baddalka dastuurka muddo laba asbuuc ah. Hase yeeshee, waxaa muuqata kaalintii odaynimo aanu isu xilqaannay in ay mira dhali wayday kaddib markii aanu dhanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wax jawaab celin ah ka waynay, uuna mar kale ku dhaqaaqay jabinta qodobkii shardiga u ahaa in wada hadalladu ay bilowdaan” ayay ku yiraahdee warsaxaafadeed ay si wadajir usoo saareen.

Xusul ayaa shaaca ka qaaday in aan warqado looga baahneyn Farmaajo iyo Shariif, Balse ay yihiin xildhibaano loogana baahan yahay inay dooda keenaan Baarlamaanka.

“Farmaajo iyo Shariif xildhibaano waayay waxaa la rabaa inay yimaadaan Baarlamaanka oo ay aragtidooda ka dhibtaan ee ma ahan inay bannaanka warqado kasoo tuuraan” ayuu yiri.

Waxaa kale oo uu ku daray “Xildhibaano waayay Golaha Shacabka ayay imaan karaan dood ayay leeyihiin, xasaanad ayay leeyihiin golaha ayay nagala tirsan yihiin hasoo dhowaadaan”

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in taladooda u egtahay mid qasab ah, laakiin aanay suuragal ahayn, maadaama buu dalka uu leeyahay madax hoggaamiso.

“Talo waxaa talo waa loo yiri in laga qaadan karo, lagaana qaadan karin, laakiin taladu ma la rabo inay noqoto san ka gelis oo wixii aan sheego hala qaato” ayuu mar kale yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dood xoogan ay ka taagan tahay wax ka beddelka dastuurka oo ay isku hayaan Villa Soomaaliya iyo xubnaha mucaaradka ah.

Xog: MASAR iyo TURKEY oo isku raacay inay Itoobiya ka difaacaan badda Soomaaliya

0

Qaahira (Caasimada Online) –Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa 12 sano kadib shalay booqasho ku tagay caasimadda dalka Masar ee Qaahira, waana booqashadii ugu horeysay ee dalkaas uu ku tegay tan iyo markii uu qabtay xilka Madaxweynaha.

Kulan xasaasi ah oo arrimo badan ay uga wadahadleen ayaa Qaahira ku dhex-maray labada madaxweyne ee Masar iyo Turkiga, waxaana kulankaas lagu soo hadal-qaaday xiisadda badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, kulankii Qaahira ka dhacay waxay madaxda Turkiga iyo Masar ku go’aamiyeen inay awood ciidan iyo mid diblomaasiyadeedba Itoobiya uga difaacaan madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Booqashada Erdogan ee Masar waxay noqotay safarkii ugu horeeyey ee isaga oo madaxweyne ah uu ku tegay dalkaas, maadaama ay xiisad culusi ka dhaxeysay labada dalka, markii ugu dambeysay Erdogan oo Ra’iisal Wasaare ah ayaa Masar booqday bishii September ee sanadkii 2012-kii.

Xiriirka Qaahira iyo Ankara wuxuu soo maray isbedel aad u weyn 12-kii sano ee lasoo dhaafay, waxaa xiriirka labada dal aad u sameeyey isbedelkii waagii Gu’ga Carabta, isagoo gaaray heer ay safaaradaha kala rartaan labada dal.

Wixii intaas ka dambeeyey Masar iyo Turkiga waxay joojiyeen dhammaan noocyada xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dhinac, iyo xitaa khilaaf u dhexeeya madaxda labada dal tan iyo 2013-kii, ka hor inta uusan xiriirku si tartiib tartiib ah u hagaagin dhawaan.

Arrinta xusidda mudan ayaa ah in sannadahan oo dhan, iskaashiga dhaqaale ee Masar iyo Turkiga uusan wiiqmin, balse uu laban-laabmay ilaa uu sanadkii hore gaaray $10 bilyan.

Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa wacad ku maray inuu kor u qaadi doono ganacsiga kala dhaxeeya Masar oo uu gaarsiin doono 15 bilyan oo dollar muddo gaaban gudaheed.

Sidoo kale Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in labada dal ay qiimaynayaan iskaashiga tamarta iyo difaaca, si ay u balaariyaan xiriirka labada wadan ee Masar iyo Turkiga.

Ganacsade AXMED TAHLIIL oo lagu dilay GAALKACYO

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil ay maanta kooxo hubeysan ganacsade caan ahaa ugu gaysteen waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dilka ayaa si gaar ah uga dhacay halka loo yaqaano Jiiro Cabdullahi Yuusuf, ayada oo loo gaystay marxuum Axmed Tahliil Xaaji Aadan oo kamid ahaa ganacsatada magaalada, kaas oo la sheegay in muddo uu halkaas ku ganacsanayey.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in marxuumka lagu dhex dilay goobtiisa ganacsi, ayada oo ay gaari ku baxsadeen raggii ka dambeeyay falkaasi.

Lama aqoonsan weli heybta kooxda ka dambeysay toogashada saaka loo gaystay Allaha u naxariistee marxuum Axmed Tahliil oo si weyn looga garanayay deegaanka.S

Sidoo kale ma cadda sababta loo dilay marxuumka, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Puntland oo haatan baaritaano ka wada waqooyiga Gaalkacyo.

Xaaladda ayaa hadda ah mid deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dilkaasi iyo howlgallada sii xigay.

Gaalkacyo ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay ka dhacayay falal ammaan darri oo u badan dilal qorsheysan, kuwaas oo marar badan kusoo noq-noqday magaaladaasi.

Intooda badan dilalka ayaa salka ku haya aanooyin qabiil oo ka taagan magaaladaas iyo deegaanada kale ee ka tirsan gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Xasan: Jubaland waa meesha Maska madaxiisa uu yaallo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa maanta si wadajir ah shir jaraa’id ugu qabtay magaalo xeebeedka Kismaayo oo uu booqasho ku joogo Xasan Sheekh.

Madaxweynaha oo ka hadlay goobta ayaa faahfaahin ka bixiyay wada-hadallo uu la yeeshay madaxda sare ee Jubbaland, kuwaas oo soo bilowday shalay, illaa maanta.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu kala hadlay arrimo ay ugu muhiimsan yihiin kuwa hortabinta u leh dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Sida uu madaxweynuhu sheegay shalay, xalay, illaa saaka ayaan shirar muhiim ah galnay maalin walba waxbaa hortabinta leh maanta baahiyaha hortabinta leh in laga shaqeeyo ayaa uga hadalnay” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Dalka Soomaaliya meel dheer ayuu ka yimid, haddana meel ayuu marayaa, meel kalena wuu u socdaa, rajadana aad iyo aad ayay u fiican tahay”.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale isla soo hadal qaaday arrimo ku aadan dagaalka Al-Shabaab, ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh uu shaaca ka qaaday in Jubbaland ay tahay meesha uu yaallo maska madaxiisa oo kula jeedo kooxda Al-Shabaab oo ku xoogan maamulkaasi.

“Sida uu madaxweynuhuu tilmaamay Jubbaland waa meesha maska madaxiisa uu yaallo oo in shaqo badan oo aad iyo aad u adag laga qabto u baahan” ayuu yiri.

Waxaa kale oo uu kusii daray in haatan ay socdaan howlgallada deegaana badana lagu xoreeyay, balse ay hakad geliyeen roobabkii ka da’ay gobolladaasi.

Wadahadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah isla markaana ay taagan tahay dood weyn oo ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka KMG ka ah ee dalka.