27.2 C
Mogadishu
Tuesday, June 23, 2026

Wararkii ugu dambeeyay toogasho ka dhacday dalka Mareykanka + Khasaaraha

0

Kansas (Caasimada Online) – Hal qof ayaa la xaqiijiyay inuu dhintay ugu yaraanna ay 22 kale ku dhaawacmeen kaddib marki rasaas oodda loogaga qaaday taageerayaal isugu soo baxay bartamaha magaalada Kansas ee gobolka Missouri ee dalka Mareykanka.

Dadka la rasaaseeyay ayaa u badnaa taageerayaasha kooxda ciyaarta kubbad-tuurka Mareykanka eee Arbacada maanta ah, taageerayaal u dabaal-dagayay guushi ay kooxda Kansas City Chiefs ay todobaadkaan kasoo hoysay Koobka NFL ee Kubad-tuurka Mareykanka.

Taliyaha Booliska magaalada Kansas, Stacey Graves ayaa gelinki danbe ee Arbacadi wariyaasha u sheegtay, in weerarkaasi loo xiray ilaa iyo saddex qof kuwaas oo hadda la baarayo.

Graves waxay sheegtay in aanan wali la ogeyn sababta ka danbeysa weerarka rasaasta loo adeegsaday ee shalay gelinki danbe ka dhacay magaalada Kansas ee dalka Mareykanka.

22 ka qof ee dhaawaca ah ayaa la sheegay in ay ku jiraan ugu yaraan 15 qof oo ay xaaladdooda aad u liidato. Sidoo kale 8 carruur ah la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen toogashada ka dhacday Kansas City.

Daawo: Madaale oo Muqdisho ka mamnuucay xirashada Koofida iyo Maaska

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta magaalada Muqdisho ka mamnuucay isticmaalka Koofida raggu qaataan, Af-xirashada (Mask) iyo hubka lala raaco mootooyinka.

Afhayeenka maamulka gobolka Saalax Xasan Cumar oo akhriyey bayaanka ka soo baxay maamulka gobolka ayaa ugu horeyn sheegay in go’aanadaan lagu gaaray shir amniga Muqdisho looga hadlayey oo madaxweyne Xasan Sheekh uu shir guddoomiyey.

Maamulka ayaa mamnuucay in la qaato Koofi iyo Af-xirasho, sidoo kale waxaa mootooyinka FEKON-ta iyo Bajaaj-ta laga mamnuucay inuu raaco qof hub wata, sida uu shaaciyey afhayeenka maamulka Gobolka.

“Wixii hadda ka dambeeya qofkii afka xirta ama koofi qaata waxaa loo arki doonaa mid ka dhuumanaya hey’daha amniga, sidaas daraadeed waa mamnuuc,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Maamulka gobolka Banaadir ma maamulo ciidamada uu amarkaani dhaqan-gelinta ka rabo ee booliska iyo nabad sugidda ee ka howlgala Muqdisho.

Hasayeeshee maamulka gobolka ayaa ka dalbaday hey’adaha amniga inay dhaqan-geliyaan amarkaan ka soo baxay xafiiska duqa Muqdisho Yuusuf Madaale.

Hadal-heyn badan ayuu amarkaani caawa ka abuuray baraha bulshada, taas oo inteeda badan ku saabsan dhalinyarada bidaarta leh ee koofida u qaata inay madaxa ku qarsadaan.

“Koofiyadaha la mamnuucay in lahu dhex qaato Muqdisho kuma jirto mida sunada ee ‘Barawaaaniga’ loo taqaano,” ayuu yiri afhayeenka maamulka gobolka oo war-saxaafadeedka akhriyey.

Hoos ka daawo

Kadib weerarkii xero Goordan, DF oo Imaaraadka gaarsiisay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa tacsi uu ka sidey Madaxweynaha JFS, Ra’iisul Wasaaraha XFS iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed waxa uu gaarsiiyey dowladda Imaaraadka Carabta.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu dhambaalka tacsida ah uu si gaar u gaarsiiyay ehelada saraakiishii dhawaan ku shahiidey xerada Goordan ee magaalada muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay “in shuhaddada walaalaheen ah ay astaan u ahaan doonaan xiriirka dhiig wadaagga ah ee Imraadaka Carabta iyo Soomaaliya.”

Saraakiisha geeriyootay ayuu sidoo kale sheegay wasiirka in ay yihiin halyeeyo sumad u ahaan doona kaalinta dowladda Imaaraadku kaga jirto la-dagaallanka argagixisada caalamiga ah iyo dib u dhiska dowladnimada Soomaaliyeed.

Weerarkii xerada Jeneraal Goordan ayaa waxaa ku dhintay saraakiil sar-sare, oo kamid ahaa Maxamed Mubaarak oo ahaa sarkaalkii ugu sarreeyay Imaaraadka ee haystay amniga iyo tababarada ciiidanka Soomaaliya.

Imaaraadka ayaa si buuxda u maal-galiya ku dhawaad toban kun oo kamid ah ciidanka dhawaan la qoray ee dowladda Soomaaliya.

Weerarkaasi oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa la rumeysan yahay in askariga uu ka tirsanaa kooxda ka hor inta aanu kusoo biirin tababarka oo muddo fog ka hor loo soo diray weerarka.

Fadeexad weyn oo dul hoganeysa DF Soomaaliya kadib markii ay Muqdisho…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka waxaa markale dib u furmay buuqa dhulalka danta guud.

Inkasta oo tan iyo 2004-tii ay soo jireen kiisaska dhulalka dowladda ee shacabka ay dageen burburkii kadib, haddana dhinaca kale waxaan la inkiri karin inay marwalba ku lamaanayeen dad ganacsato ah oo hantida ay caasimadda ka sameeyeen ku burburinaya isla danyartii deganeyd magaalada Muqdisho.

Masuuliyadda ka muuqata madaxda xilalka haysa ee la xiriirta badbaadada iyo deegameynta danyarta ayaa sidoo kale aad u liidata.

Muddo xileedkii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh mowduuca dhulalka aad ayuu u xoogganaa marka lala barbar dhigo maamulladii ka horeeyay ama ka dambeeyay, haatan oo uu markale madaxweyne Xasan Sheekh fadhiyo xafiiska arrimaha isqab-qabsiga dib ayay u heleen suuq weyn.

Haddii dunida koowaad tujaarta xoolo badan laga qaado si danyarta kor loogu soo qaado, si danyarta kor loogu soo qaado oo loo abuuro umad is-dheelitiri karta. Soomaaliya waa caksigeeda oo tujaarta ayey dowladduhu ku garab siiyaan inay danyarta baabi’iyaan.

Dhulalka maalmahan murankooda taagan yahay waxaa kamid ah dhulka howlaha guud ee u dhow Saybiyaano, dhulka dab-damiska iyo kuwo kale. Dhulalkaan qaar waxaa dadka degan lacag dul dhigay dad ganacsato ah oo cilaaqad la leh dowladda.

Inkasta oo dhulka dab-damiska la sheegayo inay ciidanka Booliska rabaan inay ku shaqeeyaan, haddana marka la eego illaa shan dhul oo kiisaskooda ay furan yihiin iyo kuwo lagu kala baxay, waxaa taliska madaxweyne Xasan Sheekh lagu eedeynayaa inuu aad ugu dhago nugul yahay damaca ganacsatada dhiig-miiratada ah ee tirtiraysa danyarta xilli aanay dowladda waxba ku celin danta guud iyo danyarta Soomaaliyeed.

Dowladda dhulkeeda waa leedahay, laakiin qof walba oo loo doorto xukunka Villa Somalia looma dirin keliya inuu dhul ilaaliyo ama iibiyo, ee waxaa ka horeysa inuu dadka ilaaliyo oo nololna u sameeyo.

Shacabka Muqdisho degan wax walba oo ay dowladda xaq ugu lahaayeen ma haystaan maanta, sida; amni, caafimaad, waxbarasho, shaqo iyo cadaalad, sidaas oo ay tahay weli waxaa umadaasi laga qaada canshuur qaarkeed ay dad shaqsiyaad ah jeebka ku shubtaan.

Mida kale ee dhowr jeer dowladda loogu baaqay welina aanay aqbalin waa in iibka dhulalka dariiq sharci ah loo soo maro sida; dhiismahan guddiga iibka Qaranka ama in la sameeyo dad Soomaaliyeed oo kalsooni bulsho haysta oo xukuumadda soo magacowdo oo baarlamaanka soo ansixiyo oo howsha dhulalka ka shaqeeya, kuwaasi oo si aan mugdi aheyn u iibiya wixii dhul ah oo ay dowladda sheegto inay ka maarantay iyada oo lacagaha lagu shubayo Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

Majirto ceeb ka weyn in lacagta dhulka danta guud ay ku dhacdo jeebabka shaqsiyaad gaar ah. Tani waa musuq iyo ku tumashada sumcadii dowladda.

Dowladda shaqooyinka loo diray waxaa ugu muhiimsan ilaalinta iyo nolol u sameynta dadka Soomaaliyeed. Haddii dadka dhulalka dowladda miciin-biday ay yihiin dad danyar ah oo maanta kiro iska bixin karin, dowladda waxaa laga rabaa inay keento qorshe aan aheyn in dadka la xaaqo.

Qof aad canshuur ka qaadid oo aanad waddo u dhisin, caafimaad siin karin, waxbarasho u haynin, amni siin karin oo maalin walba dil iyo qarax la kulma oo aad shaqo u weysay, haddana inaad tiraahdid darbi ay dowladda lixdan sanno kahor calaamadeysatay iga guur micnaheedu waa in aanay dadka wax qiimo ah kugu fadhin oo darbigu kaga muhiimsan yahay, taasi oo aad uga fog wax-galnimadii laga filaayay madaxda dalka.

Si ay dowladda u abuurto bulsho dheeli-tiran waa inay ka fiirsataa mowduucyada ay tujaarta ku burburineyso bulshada saboolka ah.

Si kastaba, Haddii aan laga fursaneyn in la iibiyo dhulka dowladda ha loo maro dariiq sharci ah, lacagtuna ha ku dhacdo Bangiga Dhexe ee dowladda, oo yaan danyarta loo barakicin damaca tujaarta iyo dano shaqsi ah.

Xog: Itoobiya oo damaceeda badda u weecineysa dal kale iyo Erdogan oo u hanjabay Abiy

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog cusub ayey Caasimada Online ka heshay kulankii dhowr habeen ka hor uu Madaxweyne Xasan Sheekh la yeeshay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed. Kulankaas oo ka dhacay madaxtooyada Soomaaliya ayaa madaxweynuhu xaaladda dalka uga warbixiyey culimada.

Madaxweyne Xasan ayaa culimada si faahfaahsan uga warsiiyey halka ay mareyso xiisadda badda ee ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo soo bilaabatay, cirkana isku shareertay maalmihii uu bilowga ahaa sanadkaan 2024-ka.

Xasan Sheekh ayaa culimada u sheegay in Abiy Axmed uu hadda ka soo dabcay damaciisii waalaa ee badda Soomaaliya kaga jiray, kadib markii dowladda Turkiga ay si toos ah u soo farogelisay arrinta.

Madaxweynaha Turkiga ayaa toos ula xiriiray ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, isagoo ugu hanjabay in hadii uu yimaado badda iyo beriga, guud ahaan dhulka Soomaaliyeed uu la kulmi doono cawaaqib daran, sida uu Xasan Sheekh la wadaagay culimada.

Erdogan ayaa Abiy ku war-geliyey in hadii uu soo aadayo dhulka Soomaaliya uu ku soo talagalo dagaal uu la galo Turkiga, kaas oo Madaxweyne Erdogan uu ku hanjabay in Itoobiyaanka uu ku gaarsii doono xaalad ay ka soo kabsa waayaan.

Xogtaan ayuu culimada la wadaagay madaxweynuhu, isagoo intaas u raaciyey in Abiy Axmed uu hadda kasoo dabcay damaciisii badda Soomaaliya, islamarkaana uu qorsheynayo in dhanka Kenya uu u weecdo.

Xeebta magaalada Laamu oo kulaasha xuduuda badeed ee Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana ah biyaha Kenya ayaa la sheegay in Abiy Axmed uu hadda damaacinayo in Itoobiya ay deked ka hesho.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa jirtay xog sheegeysa in Abiy Axmed uu doonayo inuu tago magaalada Hargeysa ee Somaliland, si uu ula kulmo madaxweyne Muuse Biixi oo 1-dii bishii hore u saxiixay heshiiska qariban ee go’doonka siyaasadeed geliyey Itoobiya.

Kulanka Abiy iyo Biixi oo weli aan suurta-gelin, hadii uu dhaco waxaa loo maleynayaa inay kaga tasha doonaan culeyska aan la dhaafi karin ee damaca badda ee Itoobiya ka dhashay, kaas oo ka soo wajahay dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa inta badan dalalka caalamka.

Maxaa COSOBLE ka raacay amaan uu kala dul dhacay hoggaaminta Xasan Sheekh?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa si weyn ugu amaanay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wax qabad uu sheegay in ay ka xun yihiin kuwa mucaaradka ku ah.

Cosoble ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa u dhignaa sidan; “Madaxweyne umadda ayaa markhaati ka ah waxa aad qabatay, waddo sax ah ayaadna ku taagan tahay. Kuwa ku mucaaradaya wexey ka xun yihiin kartidaada, guulaha is daba jooga ah ee aad soo hoyeyso, sida aad daacadda ugu tahay dalkaaga iyo dadkaaga iyo sida ay dowladaha caalamka kuugu soo istaagayaan.”

Madaxweynihii hore ee HirShabelle ayaa sidoo kale waxa uu ku tilmaamay dadka kasoo horjeeda hanaanka hoggaamineed ee Xasan kuwo aan Soomaaliya wax dan ah u hayn oo rabta in aan hore loo socon, sida uu hadalka u dhigay.

“Cidaan qirsaneyn wax qabadkaaga iyo guulaha is daba jooga ah ee aad dalka u soo hoyday isla markaana aan ku laheyn madaxweyne hore u soco, waa cid aan Soomaaliya wax dan ah u heyn oo rabta inaan hore loo socon. La yaab ma laha oo siyaasaddii ayaa dhaaftay heerkey yaqaaneen.”

Amaanta uu madaxweynihii hore ee HirShabelle kala dul dhigay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si weyn loogu weeraray qeybta faallada ee qoraalkiisa, ayada oo dadka qaarkood ay shaki ka muujiyeen in uu balan siyaasadeed ka haysto madaxweyne Xasan Sheekh, halka kuwa kale ay la qabaan inta uu sheegay Cosoble.

Haddaba maxaa laga yiri qoraalka Cosoble?

Shuceyb Shidane: “Duqa sidaana waa qoraa markuu doono, tollow ma boos ayaa laga balan-qaaday.”

Cabdiraxman Cabdulahi: “Shaxaadkii iyo gacan haatintiina kaa idlaatay wakhtiguna waa isgurayaa laba sano oo wareer miiran ah ayaa u hadhay waxna kama soo socdaan Allow na astur.”

“Cali Cosoble ma waxaad horumar u taqaan dastuurka Soomaaliya hawiye madaxwaynaha ha ka noqdo daroodana madaxwayne ku-xigeen,” ayuu yiri Maxamuud Jaamac Yuusuf.

Cabdi Maxamed Faarax: “Waxaan marqaati ma doonto ah in madaxweynuhu guullo badan gaaray umadana ay marqati ka tahay, kuwa mucaaradayana hadii la waydiiyo aysan sheegi karin waxay ku diidan yihin ama ka qaldan shaqada uu hogaaminayo madaxweynuhu waxaanse hubaa in qaarkood hadhow ay dhahayaan howl fiican ayaa la qabtay.”

Sacdiya Ibraahim ayaa sidoo kale waxay tiri “Adeer leef-leefka jooji Xasan anagaba waa naqaane inta uu saxay inta uu qalday baa ka badan. Rakaab xumo baana haysato ogow.”

Cabdi Cumar: “Sidaas haddad u ammaantid iyo haddaad caydiid intaba Xasan waa la yaqaan wuxuu haleeyo mooyee wax uu hagaajiyey haddii aad sheegto adigu waan ku rumaynaynaa.”

“Masha Allah madaxweyne Dr. Hassan Sheikh Dalxureeye waxu noqday shumac Soomaali usoo ifay,” ayuu yiri Cabdinaasir Garweyne Cali.

DF Soomaaliya oo war culus ka soo saartay howlgal lagu laayey saraakiil Shabaab ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgal jab xoogan lagu gaarsiiyay Khawaarijta Al-Shabaab oo ay iska kaashadeen ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada caalamka ayaa galabta ka dhacay Tuulada Ugunji oo hoos tagta magaalada Janaale ee gobalka Shabeellada Hoose.

Howlgalkaas ayaa lagu beegsaday Maxkamad-beenaad ay Shabaab ku lahaayeen halkaas, waxaana lagu dilay in ka badan maleeshiyaad ah iyo horjoogayaal ka tirsanaa kooxda, sida lagu sheegay war ka soo baxay dowladda, gaar ahaan wasaaradda warfaafinta.

Horjoogayaasha howlgalkaan looga dilay kooxda waxaa ku jiray nin lahu magacaabi jiray Usaama oo ahaa madaxii Khawaarijta Al-Shabaab u qaabilsanaa deegaanka Ugunji oo howlgalkaan uu ka dhacay.

Sidoo kale Cadnaan oo Al-Shabaab u qaabilsanaa diiwaan galinta shaqsiyaadka shacabka ah ee la rabo lacagaha baadda ah laga qaado iyo Horjooge Yaxye oo ahaa ku xigeenkii madaxa Shabaab-ka jooga deegaanka Ugunji, ayey shaacisay dowladda Soomaaliya in lagu dilay howlgalka.

Waa howlgalkii labaad oo jab culus lagu gaarsiiyey kooxda oo maanta ka dhacay gobolka Shabeellada Hoose, kadib markii ciidanka Haramcad oo ka baxay Muqdisho ay maanta cagta mariyeen Shabaab-kii ku dhuumaaleysanayey deegaanada Gendershe iyo Arbacow.

Ciidamada fuliyey oo isugu jiray Haramcad iyo xoogga dalka ayaa gudaha u galay dhowr deegaan oo ay isaga baxeen Al-Shabaab, kuwaas oo kala ah Godka kubash, Galka Geeriyaan, Galka Saalimow iyo Mara-cade oo ka tirsan Shabeellada Hoose.

“Waxay ciidamadu gaareen meelo ay khawaarijtu ka carareen waxayna ka heleen documentiyo farabadan oo ay ka mid yihiin kuwa dadka lagu baado. Ujeedka howlgalkaas ayaa ahaa Burburinta goobo Cadowga Khawaarijta ahi ay kaga dhuumalaysanayeen Deeganadaasi Iyo Maxkamad Beenaad ay ugu yaraan Dadka Deegaanka ee agaas ka ag dhaw,” ayaa lagu yiri qoraal ay dowladdu ka soo saartay howlgalkaas.

Sida muuqata ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah argagixisada ka bilaabay gobolka Shabeellada Hoose oo muhiim u ah wax soo saarka, lagana keeno Qudaarta ugu badan ee dalka laga isticmaalo, sidoo kale kooxda Al-Shabaab ayaa aad ugu mintideysa inay gobolkaas barwaaqada ah sii joogto.

Sawirro: Xasan Sheekh oo gaaray Kismaayo iyo Villa Somalia oo shaacisay ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka Kismaayo, madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), madaxweyne ku-xigeenada, xubnaha xukuumadda Jubbaland iyo boqolaal kamid ah bulshada deegaanka.

Ujeedka socdaalka madaxweynaha ayey Villa Somalia ku sheegtay mid ku salaysan dhammaystirka xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada, horumarinta hannaanka federaaleynta iyo u kuur-gelidda xalaadda nololeed ee reer Jubbaland.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddada uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo waxa uu kulamo la yeelandoonaa madaxda dowlad-goboleedka Jubbaland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Waxa uu dhinacyadaasi ka dhageysan doona madaxweynuhu tallooyinkooda ku aaddan dowlad dhiska, ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dalka iyo horumarka dalka.

Socdaalka madaxweyne Xasan Sheekh ee Kismaayo ayaa imaanaya xilli uu hoos u dhacay abaabulkii dagaal iyo howl-galladii ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab, uuna weli soo idlaan wejiga hore ee dagaalka.

Sidoo kale waxa uu kusoo aadaya xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda wax ka beddelka iyo dhameystirka dastuurka, oo maamulka Puntland iyo madaxdii hore ee dalka ka biyo diidan yihiin tallaabadii u dambeysay ee uu qaaday baarlamaanka.

Sawirro: Wafdi culus oo ka socda DF oo shir xasaasi ah uga qeyb-galay Addis Ababa

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wafdi ka socday JFS oo uu hoggaaminayo sii hayaha xilka wasiirka arrimaha dibadda oo Xarunta Midowga Africa uga qeyb-galay shir heerkiisu sarreeyo oo looga hadlayey hawl-galka ATMIS.

Wasiiru-dowlaha ahna ku simaha wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Cali Cumar Cali (Balcad) iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka qeyb-galka shirar heerkoodu sarreeyo u jooga dalka Ethiopia.

Wafdigan ayaa si buuxda uga qeyb-galay shir looga arrinsanayey guulaha laga gaaray hawl-galka geba-gebada ah ee ATMIS, kaasi oo uu soo qaban-qaabiyay Golaha Amniga iyo Nabad-gelyada Midowga Africa.

Wasiirka waxaa shirka ku wehlinayey Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Warfaa, La-taliyaha amniga ee ra’iisal wasaaraha Kamaal Guutaale, Xoghayaha koowaad ee Ssafaaradda JFS ee Addis Ababa u qaabilsan Midowga Africa Shaafici Nuur Calas iyo sidoo kale diblomaasiyiin ka tirsan safaaradda iyo mas’uuliyiin kala duwan oo kamid ahaa wafdiga wasiirka.

Shirka waxaa sidoo kale goob joog ahaa dhamaan dalalka taageera horumarka iyo xasilinta Soomaaliya, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub iyo sidoo kale khuburada dowladda Soomaaliya kala shaqaynaysa meel-marinta iyo dhamaystirka hawl-galka ATMIS oo sanadkan 2024 si rasmi ah loo soo geba-gebayn doono.

Shirkan oo qaatay saacado badan, ayaa si qota dheer looga dooday natiijooyinka dhaxal-galka ah ee laga gaaray qorshaha Qaran ee la xiriira in ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay si buuxda ula wareegaan amniga Soomaaliya, islamarkaana lasoo geba-gebeeyo hawl-galka ATMIS.

Wasiir Cali Balcad oo shirka khudbado kala duwan ka jeediyay, ayaa hoosta ka xariiqay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay si dhab ah ugu guulaysatay in ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed loo carbiyo xasilinta nabad-gelyada Soomaaliya iyo xaalufinta kooxaha argagixisada, islamarkaana ay dowladda kalsooni buuxda ku qabto tayada iyo tababarada ay qaateen CXDS, ayna si buuxda ugu diyaarsan yihiin la wareegidda amniga guud ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina wasiirka ayaa dalalka Africa iyo saaxiibada Soomaaliya uga mahad-celiyay dedaalka iyo garab istaagga ay ku bixiyeen marxaladda wanaagsan ee ay xilligan Soomaaliya soo gaartay.

Ciidanka Itoobiya oo dilay ku dhowaad 50 qof, kadib markii…

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka dowladda Itoobiya ayaa 45 qof oo rayid ah ku dilay “xasuuq” ka dhacay gobolka Amxaara, dabayaaqadii Janaayo, waxaa sidaas maanta sheegay Guddiga Madaxa-banaan ee Xuquuqda Aadanaha Itoobiya (EHCR) ee dowladda ku xiran.

Bayaan kasoo baxay ayaa lagu sheegay in EHCR uu xaqiijiyey “haybta ugu yaraan 45 qof oo rayid ah ah oo ay si sharci-darro ah u dileen ciidamada ammaanka dowladda, sababo la xiriira in lagu tuhmayo ‘inay taageereen Fano’,” oo ah maleeshiyada qowmiyadda Amxaarada.

“Si kastaba, waxaa loo qaadan karaa in tirada dhibanayaasha ay xitaa intaas ka badan tahay,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Dilalkan oo ka dhacay magaalada Merawi ayaa daba socda bilooyin ay isku dhacyo dhex-marayeen ciidamada militariga iyo Fano, oo ah maleeshiyo sheegtay inay ku jirto “difaac nafsi ah.”

Dagaalka ayaa ku qasbay dowladda inay xaalad deg deg ah soo rogto bishii August, taasi oo ay xildhibaanada ku kordhiyeen afar bil oo kale bishan.

Dowladda Mareykanka ayaa toddobaadkii tegay sheegtay inay aad uga walaacsan tahay warbixinada ku saabsan “dilal shacab oo beegsi ah” oo ka dhacay Merawi, waxayna ku baaqday baaritaan madax-banaan.

Rabshadaha Amxaarada ayaa dib u soo celiyay walaaca laga qabo xasilloonida Itoobiya bilo kadib markii heshiis nabadeed la saxiixay November 2022, si loo soo afjaro colaad laba sano ka socotay gobolka dariska la ah ee Tigray.

Ciidamada gobolka Amxaarada ayaa ka barbar dagaalamay ciidamada federaalka ee la dagaalamay Tigrayga balse xiriirku waxa uu xumaaday bishii April ee sanadkii hore markii xukuumada Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ay go’aansatay in ay burburiso ciidamada sida militariga u tababaran ee dalka oo dhan.

Qowmiyiinta Amxaarada ayaa sheegay ay wiiqi doonto gobolkooda, waxayna ka ashtakoodeen tallaabadaas.

Bishii September, EHRC waxay ku eedaysay ciidamada dawladda federaalka inay dilal sharci-darro ah ka fuliyeen gobolka Amxaarada, iyo xarig-wadareedyo badan oo ka dhacay gobolka iyo meelo kale.

VOA

Sawirro: Documentiyo ay ka carareen maleeshiyada Al-Shabab oo gacanta lagu dhigay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada booliska gaarka ah ee Haramcad oo kaashanaya kuwa Xoogga Dalka, gaar ah Guutada Cumar binu-khadaab ayaa maanta howlgallo culus ka sameeyay qaybo kamid ah gobolka Shabeelaha Hoose, iyaga oo beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ku yaalla inta u dhexeysa deegaanada Gendershe iyo Arbacow ee gobolkaasi.

Ciidamada ayaa gudaha u galay dhowr deegaan oo ay isaga baxeen Al-Shabaab, kuwaas oo kala ah Godka kubash, Galka Geeriyaan, Galka Saalimow iyo Mara-cade.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen documentiyo ay ka carareen xubnaha Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku baadi jireen dadka shacabka ah, sida lagu sheegay qoraalka.

“Waxay ciidamadu gaareen meelo ay khawaarijtu ka carareen waxayna ka heleen documentiyo farabadan oo ay ka mid yihiin kuwa dadka lagu baado” ayaa lagu yiri.

Sidoo kale waxaa ujeedka howlgalkan uu ahaa burburinta xarumo iyo maxkamado ay kooxda ku lahayd halkaasi, kuwaas oo ay cagta mariyeen ciidamada Haramcad.

“Ujeedka howlgalkaas ayaa ahaa Burburinta goobo Cadowga Khawaarijta ahi ay kaga dhuumalaysanayeen Deeganadaasi Iyo Maxkamad Beenaad ay ugu yaraan Dadka Deegaanka ee agaas ka ag dhaw” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka dowladda.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Argagixisada arxanka daran ee Al-Shabaab ayaa caado ka dhigatay isku dhex qarinta dadka shacabka, maadama aysan ka hortagi karin awood ciidanka Haramcad, balse Ciidanka oo u tababaran baacsiga argagixisada ayaa cagta mariyey haraadiga”

Shabeelaha Hoose ayaa waxaa weli ka socda howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo weli deegaano ka haysta gobolkaas, iyaga oo kasoo abaabula weeraro qorsheysan.

Sidee tahriibayaal Soomaali ah u sababeen xil ka qaadista wasiir Mareynkan ah?

0

Washington (Caasimada Online) – Qulqulka tabriibeyaasha ay ku jiraan Soomaalida ee ka gudbaya xadka Mexico ayaa sababay in shaqada laga ergo wasiirka awoodda badan ee arrimaha gudah ee Mareykanka Alejandro Mayorkas.

Xil-ka-qaadista ayaa timid toddobaad kadib markii xubnaha Congress ee xisbiga Jamhuuriga ay u guuldareysteen inay shaqada ka eryaan wasiirka.

Xubnaha Jamhuuriga ayaa ku heysta wasiirkan sida uu u maareeyay dhaqangelinta sharciyada kahor-taga qulqulka tahriibeyaasha soo galaya Mareykanka oo aad u kordhay wixii ka dambeeyay markii la doortay Joe Biden, madaxweynaha Xisbiga Dimoquraatiga.

Madaxweynehii hore Donald Trump ayaa si weyn ugu ololeynaya in dowladda bedeshay ay ku fashilantay xakamaynka qulqulka dadka soo-galootiga ah.

Kumanaan kun oo muhaajiriin magan galyo doona oo ay Soomaali ku jirto ayaa ka talaaba xadad dhulka ee Maraykanku la wadaago dalka Mexico. Tan ayaa waxay dood adag ka dhex waday sanooyin badan xisbiyada Maraykanka.

Labadii sano ee la soo dhaafay boqolaal kun oo muhaajiriin ay Soomaali ka mid tahay ayaa ka gudbay xadka darbiga iyo siliga isugu jira ee gobolada Maraykanka ee xadka la wadaaga Maraykanka kuwaas oo lagu tilmamaay mid ka mida mowjadihii ugu balaarnaa ee qulqul muhaarijiina oo dalkaas galay.

Xisbiga Jamhuuriga ee Maraykanka oo aqlabiyad caataa ku maamula aqalka wakiilada ayaa si adag u dhaliilay habka dowlada Biden u maamushay arintaas iyo dhaqan galin la’aanta sharciyada Socdaalka oo ay ku eedeeyeen dowlada.

Aqalka Congress-ka ayaa si dirqi ah ugu codeeyay in xilka laga xayuubiyo xoghayihii amniga gudaha Alejandro Mayorkas, taasoo ka dhigaysa in uu noqdo xubintii ugu horeysay ee golaha wasiirada ee wajaheysa xil ka qaadis muddo ku dhow 150 sano.

Qaar badan oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa Mayorkas ku eedeeya qulqulka muhaajiriinta aan horay loo arag ee ku soo qulqulaya xadka Mareykanka iyo Mexico.

Aqalka uu hogaamiyo Jamhuuriga ayaa u codeeyay 214 ilaa 213 cabirka, ka dib markii isku daygii ugu horeeyay uu fashilmay todobaadkii hore.

Arrintu hadda waxay u gudbaysaa aqalka Senetka ee Dimuqraadigu hoggaamiyo, halkaas oo ay u badan tahay inuu ku guuldareysto.

Madaxweyne Joe Biden ayaa talaadadii codbixinta ku tilmaamay “fal cad oo xisbinimo aan dastuuri ahayn iyo mid siyaasadaysan.

Dadka ka soo horjeeda Mayorkas ayaa ku eedeeyay in aanu ka soo bixin dhaartii uu ku dhaartay ee ahayd in uu si wanaagsan oo daacad ah u gudan doono waajibaadkii xafiiskiisa isaga oo ku guul daraystay in uu wax badan ka qabto sugidda xuduudaha.

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaal culus oo ka dhacay degmada Aadan Yabaal

0

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya uu ka dhacay degmada Aadan Yabaal ee gobolkaasi.

Dagaalka ayaa lasoo wariyay inuu u dhexeeyay ciidamo ka tirsan Xasilinta iyo kuwa milatari ah oo taabacsan Korneel Saney Cabdulle, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid, kadib markii ciidamada milatariga ay jirdil u gaysteen askari kamid ah Xasilinta, kadibna ay sidaas isugu dhaceen labada ciidan.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkan ku dhaawacamay illaa 7 qof oo 6 kamid ah ay yihiin dhinacyadii ku dagaalamay halkaasi, halka qofka kalena ay tahay haweeney shacab ah.

Xaaladda ayaa saaka deggan, balse waxaa weli si horfadhiya ciidamada ku wada dagaalamay gudaha degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa cabsi ka muujinaya in mar kale dagaal uu dhex-maro labada dhinac, maadaama aan xal rasmi ah laga gaarin xiisadda dhexdooda.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo maamulka gobolka oo ku aadan dagaalkaas ka dhex qarxay ciidamada.

Aadan Yabaal ayaa kamid ah degmooyinka waa weyn ee laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, waxaana in muddo ah ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

Bahda waxbarashada oo ku dhowaaqay go’aan culus, kadib dilkii MACALLINKA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Bahda waxbarashada gobolka Banaadir ayaa maanta soo saaray go’aan culus oo la xiriira dilkii maalin kahor magaalada Muqdisho loogu gaystay Allaha u naxariistee Macallin Cabdiraxmaan Macalow Abiikar oo lagu dhex dilay iskuulka weyn ee Maxamed Xirsi Nuur (Siidii) oo ku yaalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Bahda waxbarashada oo maanta shir saxaafadeed ku qabtay xarunta iskuulka ayaa marka hore cambaareeyay dilka arxan darrada ah ee loo gaysyay Macallinka.

Sidoo kale waxa ay farriin u direen dowladda federaalka, iyaga oo ugu baaqay inay si deg deg ah gacanta ugu soo dhigto dambiilaha oo hadda baxsad ka ah cadaaladda.

“Bahda waxbarashada dowladda Soomaaliyeed, gaar ahaan laamaha amniga iyo kuwa garsoorka ka codsanayaan in ay soo qabtaan dambiilihii gaystay dambiga” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Intaas kadib bahda waxbarashada ayaa ku dhowaaqay inay waxbarashada joojiyeen muddo saddex cisho ah, taas oo ka bilaabaneysa maalinta Sabtida ah ee soo socota.

Go’aankan ayaa saameynayaa dhammaan goobaha waxbarashada, sida iskuulada iyo jaamacadaha, ayada oo ujeedadu tahay in garab istaag loo muujiyay Macallinka la dilay.

“Ugu dambeyn bahda waxbarashada dalka oo ka dhiidhineysa dhibaatadii dhacday, garab istaagna u muujineysa Macallinka Soomaaliyeed waxaan go’aan ku gaarnay inaan joojin waxbarashada iskuullada iyo jaamacadaha muddo saddex maalmood ah oo ka bilaabaneysa maalinta Sabtida ah oo ah 17-ka bisha February, 2024” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Allaha u naxariistee Macallin Cabdiraxmaan Macalow Abiikar ayaa maalin cad lagu dhex dilay iskuulka, waxaana dilka uu yimid, kadib markii uu canaantay gabar kamid ah ardayda kadibna uu sidaas Macallinka kusoo weeraray walaalkeed oo mindi ku dilay marxuumka.

SoDMA oo qaaday tallaabo soo daahday oo dhalisay falcelin xooggan oo ka timid…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaran ee SoDMA ayaa shalay qaaday tallaabo soo daahday oo ay qoraal tacsi ugu dirtay dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo dhowaan saraakiil sar sare looga dilay weerar ka dhacay xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdishp.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Hay’adda ayaa waxaa lagu sheegay inay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dowladda iyo shacabka waddanka Imaaraadka Carabta, maadaama ay dhibaato kasoo gaartay weerarkaasi

“Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Md. Mahamuud Moallim Abdulle , waxa ay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa dawladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee isu-tagga Imaaraadka Carabta ee ay ka shahiideen saraakiisha qiimaha badan ee dalkeenna u joogay tababarka iyo tayaynta ciidamada qalabka sida” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dad badan oo ka falceliyay tallaabada Hay’adda SoDMA ayaa ku weeraray arrintan, waxayna sheegeen in ay gashay howl aan ahayn shaqadeeda.

Maxamed Xasan ayaa yiri “Howl kuu taalo ma’aha Villa Somalia iyo wasaaradda arimaha dibadda aya ku filan, shaqadda laguu igmaday ku ikaaw.”

Cabdicasiis Sandheere “Aaway damiirkii? aaway dadnimadii? aaawaay Soomaalinimadii? inta aaad dhamaantiin xarumaha kala duwan ee dowlada looga tacsiyadaynayo saraakiil shisheeye ma la arkay mas’uuul dowlada ka tirsan oo u tacsiyadeeyey saraakiishii Soomaaaliyeed ee ku dhintay weerarkaas? maxaa sababay ?dowladu ma Imaaraad bay u shaqaysaa?.

Maxamed Ciise Sulub ayaa isna falcelintiisa ku yiri “Hadda maa xasuusteen? Allah haw naxaroisto dadkaas”.

Si kastaba, weerarkan oo uu fuliyay askari ka mid ahaa ciidanka xerada lagu tababaray ayaa waxaa mas’uuliyaddiisa sheegatay kooxda Al-Shabaab, kaas oo lagu laayay saraakiil isugu jirtay Soomaali iyo Imaaraad, uuna ku jiray Maxamed Mubaarak oo ahaa ninkii haystay xerada la weeraray.

Maxay W/Waxbarashada uga aamusan tahay dilkii Macallin C/raxmaan Macalow?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa weli wax war ah kasoo saarin dilkii argagaxa lahaa ee maalin ka hor Iskuulka Siidii loogu dhex gaystay Macallin Cabdiraxmaan Macalow Abiikar, kaas oo mindi lagu dilay.

Arrintan ayaa waxaa si weyn ay bahda waxbarashada ugu dhaliileen wasaaradda waxbarashada, iyaga oo su’aallo ka keenay aamusnaanteeda kiiskan xasaasiga ah.

Macallin Cumar Julleri oo kamid ah bahda waxbarashada ayaa ku eedeeyay wasaaradda inay ka gaabisay arrintan, isla markaana aysan wax jawaab ah ka bixin dhacdada.

“Waxyaabaha aan aadka uga xunahay waxaa kamid ah in wasaaraddii waxbarashada wax tacsi ah aysan arrintan ka gaysan, waa ku dadaaleen waxbarashada laakiin arrintan waa ka gaabiyeen, mana aha wax la siyaasadeeyo” ayuu yiri Macallin Cumar Julleri.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Arrintan waa dhibaato bulshada soo gaartay waxaan rabnay in laga dhiidhiyo oo wasaaradda iyo maamulka gobolka Banaadir, gaar ahaan dadkii waxbarashada ka shaqeynaayay ay arrintaan si fiican uga dhiidhiyaan”.

Dhinaca kale wuxuu saluug ka muujiyay wax qabasho la’aanta hay’adaha ammaanka, isaga oo sheegay inuu rumoobay hadalkii ra’iisul wasaare Xamza waa la dilay, waa baxsaday.

“Hadalkii ra’iisul wasaaraha ee ahaa waa dhintay waa baxsaday ee la fahmi la’aaa hadda waxaa moodaa in bulshada ay fahmeyso oo ah kiisaskii u dambeeyay oo dhacay qofkii gaystay isaga oo aan ka fogeyn saldhigga iyo xarunta degmada ayuu baxsaday” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maanta shaqo joojin ay ku dhowaaqday bahda waxbarashada, waxaana muddo saddex maalin ah la xiri doonaa iskuulada iyo jaamacadaha gobolka Banaadir, taas oo ka bilaabaneysa maalinta sabtida ah ee soo socota.

Al-Shabaab oo madaafiic ku garaacay Ceeldheer

0

Ceeldheer (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal oo ay maanta Al-Shabaab ka gaysteen degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Weerarkan oo ahaa mid xoogan ayaa si weyn looga dareemay gudaha magaaladaas oo ay haatan gacanta ku hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

Saraakiilsha milatariga Soomaaliya oo ka hadlay weerarkan waxa ay sheegeen in madaafiicda aysan gaysan wax khasaare ah, haatana ay dagan tahay xaaladda.

Weerarka kadib waxaa howlgal sameeyay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan aagga Ceeldheere, kuwaas oo baadi goob u galay xubnaha weerarka soo qaaday.

Sidoo kale saraakiisha milatariga waxa ay sheegeen inay ku raad-joogaan Al-Shabaabkii ka dambeeyay hoobiyeyaasha xalay lagu garaacay deegaanka Camaara.

Xaaladda ayaa iminka daggan, waxaase saameynta weerarkan laga dareemayaa deegaanka, maadaama ay ku dhinteen dad shacab ahaa oo aan waxba galabsan.

Ceeldheer ayaa kamid ah deegaanadii ugu dambeeyay ee lagala wareegay kooxda Al-Shabaab oo haatan wajaheysa dagaal ay si wadajir ah ugu qaadeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda.

Weerarkan ayaa waxaa ka horreeyay mid kale oo ay dhowaan kooxda Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Camaara ee gobolka Mudug, kaas oo isna loo adeegsaday madaafiic, waxaana ku dhintay nin iyo xaaskiisa oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Baarlamanka Somaliland oo ka horyimid heshiiska uu Muuse Biixi badda ku siiyey Itoobiya

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee baarlamaanka Somaliland ayaa maanta sheegay inay kasoo horjeedaan is-afgaradkii bishii hore magaalada Addis Ababa ay ku gaareen Itoobiya iyo Somaliland, kaas oo qeyb ka mid ah badda uu Muuse Biixi ugu saxiixay Itoobiya.

Xildhibaanadaan ku jira baarlamaanka Somaliland oo laga soo doortay gobollada Awdal iyo Salal ee Somaliland ayaa qabtay shir jaraa’id oo go’aankooda ay ku soo gudbiyeen, iyagoo si cad uga hor yimid qorshaha Muuse Biixi uu ku iibinayo badda.

Xildhibaan Nuur Cumar Riyaale oo ka tirsan golaha Guurtida Somaliland ayaa akhriyey bayaankii ka soo baxay xildhibaanada, isagoo hadalkiisa ku bilaabay in go’aankaan ay qaateen markii ay qiimeeyeen rabitaanka dadka reer Somaliland iyo heshiiska oo madmadow badani uu ku jiro.

War-saxaafadeedka xildhibaanada ayaa u dhignaa sidaan:

1- Waxaan ka soo horjeednaa dhaqan gelinta heshiiskii xukuumadda Somaliland ay la gashay Itoobiya 1-dii Janaayo, mana ogolaa doono heshiis kasta oo la xiriira arrinta badda.

2- Waxaan u aragnaa is-afgaradkaas mid aan sharci aheyn oo ka soo horjeeda danta, diinta iyo dastuurkii ay umadda Somaliland ku heshiisay.

3- Waxaan xukuumadda Somaliland ugu baaqeynaa inay ka noqoto is afgaradkaas, isla markaana ay talo-wadaag ka yeelato arrimaha masuiriga ah ee saameynaya mustaqbalka muwaadiniinta Somaliland.

4- Waxaan u cadeyneynaa ururrada Jaamacadda Carabta, IGAD, Iskaashiga Islaamka, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobey, in shacabka gobollada Awdal iyo Salel aysan ogoleyn in Itoobiya laga siiyo dhul, bad iyo marin toona, guud ahaan gayiga Somaliland.

Afartaas qodob ayaa ugu muhiimsanaa bayaankii qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Somaliland ay maanta uga soo horjeesteen heshiiskii qar iska tuurnimada ahaa ee Muuse Biixi uu badda ku siiyey Itoobiya.

DF oo ka jawaabtay sheego cusub oo Somaliland ay ka sameysay maamulka hawada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal kooban oo ka soo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa looga jawaabay eedeyn uu maanta dowladda federaalka iyo maamulka hawada dalka u soo jeediyey Maareeyaha hay’adda duuliska ee maamulka Somaliland.

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay shacabka Soomaaliyeed ku wargelinaysaa in aysan waxba iska beddelin mid ahaanta iyo maamulka hawada Soomaaliya, ayna masuul ka tahay Dawladda Federaalka Soomaaliya. Hawada dalkeennu waxay leedahay magac soo jireen ah kaas oo la isticmaali jiray laga soo billaabi 1960; “MOGADISHU FLIGHT INFORMATION REGION (FIR)” ayaa lagu yiri qoraalka maamulka hawada Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Qoraalka hey’adda duulista rayidka Soomaaliya ayaa intaas ku sii daray, “Diyaaradaha mara hawada dalkeenna waxay helaan mid kamid ah adeegyada ugu badqabka sarreeya adduunka, taas oo keentay in hawada Soomaaliya  si heer caalami ah loogu aqoonsado heerka ugu sarreeya ee Class-A Airspace.”

Qoraalkaan ayaa jawaab u ah hadal maanta ka soo yeeray Maareeyaha hay’adda duulista ee maamulka Somaliland, Cumar Sayid Cabdullaahi oo maanta shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha, isagoo eedeyn culus u jeediyay dowladda federaalka, taas oo la xiriirta maamulka hawada dalka.

Maareeyahaan maamulka Somaliland u qaabilsan hawada ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay 6-dii sano ee lasoo dhaafay si khaldan uga faa’iideysatay maamulka hawada dalka, maadaama ay la wareegtay oo awooda aysan waxaba ka siin Somaliland.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in markii hore heshiiska uu ahaa in labada dhinac ay isla maamulaan hawada, balse taasi aysan dhicin, isla markaana qalabkii Somaliland loogu talagalay uu iska yaallo magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ka ah ee Koonfur Galbeed.

“Mudada 6 da sanno ah ee ay hawada kaligood maamulayeen, waxa ay ku tagrifaleen lacag ku dhaw 60 milyan oo dollar, oo ah qaybtii Jamhuuriyada Somaliland xaqa u lahayd, waxa magaalada Baydhabo ilaa maanta kartoomo ku jira istayshankii loogu talo galay in Hargaysa laga sameeyo” ayuu yiri Maareeya hay’adda duuliska ee maamulka Somaliland.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday duulimaadyadii dhawaan laga celiyay hawada ee ku socday magaalada Hargeysa, taas oo uu ku tilmaamay arrin xadgudub ah.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in anay maanta kadib aqbali doonin in dowlada Soomaaliya ay farogaliso hawada Somaliland, isaga oo xusay in ay dacwad u gudbiyeen Qaramada Midoobay.

“Maanta laga bilaabo wixii carqalad ka yimaada maamulka hawada Somaliland iyo Soomaaliyaba, in anay Somaliland masuul ka ahayn, cida masuulka ka ahi waa cidaa u adeegsanaysa danaha gaarka ah ee siyaasiga ah” ayuu mar kale Cumar Sayid Cabdullaahi.

Somaliland oo shaacisay in DF ay ka dhacday malaayiin dollar

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Maareeyaha hay’adda duulista ee maamulka Somaliland, Cumar Sayid Cabdullaahi oo maanta shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa eedeyn culus u jeediyay dowladda federaalka, taas oo la xiriirta dhanka maamulka hawada dalka.

Ugu horreyn maareeyaha ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay lixdii sano ee lasoo dhaafay si khaldan uga faa’iideysatay maamulka hawada, maadaama ay la wareegtay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in markii hore heshiiska uu ahaa in labada dhinac ay isla maamulaan hawada, balse taasi aysan dhicin, isla markaana qalabkii Somaliland loogu talagalay uu iska yaallo magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ka ah ee Koonfur Galbeed.

Cumar Sayid Cabdullaahi ayaa sidoo kale ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay dhacday, isla markaana ay ku takri-fashay lacag gaareysa $60 milyan oo ay lahayd Somaliland.

“Mudada 6-da sanno ah ee ay hawada kaligood maamulayeen, waxa ay ku takrifaleen lacag ku dhaw 60 milyan oo dollar, oo ah qaybtii Jamhuuriyada Somaliland xaqa u lahayd, waxa magaalada Baydhabo ilaa maanta kartoomo ku jira istayshankii loogu talo galay in Hargaysa laga sameeyo” ayuu yiri Maareeyaga hay’adda duulista ee maamulka Somaliland..

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday duulimaadyadii dhawaan laga celiyay hawada ee ku socday magaalada Hargeysa, taas oo uu ku tilmaamay arrin xadgudub ah,

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in anay maanta kadib aqbali doonin in dowlada Soomaaliya ay farogaliso hawadooda, isaga oo xusay in ay dacwad u gudbiyeen Qaramada Midoobay.

“Maanta laga bilaabo wixii carqalad ka yimaada maamulka hawada Somaliland iyo Soomaaliyaba, in anay Somaliland masuul ka ahayn, cida masuulka ka ahi waa cidaa u adeegsanaysa danaha gaarka ah ee siyaasiga ah” ayuu mar kale Cumar Sayid Cabdullaahi.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ay taagan tahay xiisad u dhexeysa labada dhinac, taas oo ka dhalatay heshiiskii badda ee uu Muuse Biixi la galay Abiy Axmed.