27.2 C
Mogadishu
Tuesday, June 23, 2026

Farmaajo iyo Shariif oo qoraal wadajir ah ku shaaciyey in Xasan Sheekh uu ka diiday…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo si wadajir ah usoo saaray warsaxaafadeed ayaa sheegay inay fashil kusoo dhammaadeen dadaallo ay wadeen, isla markaana ay ku doonayeen inay ku dhex dhexaadiyaan Xasan Sheekh iyo Saciid Deni.

Warsaxaafadeedkooda ayay Farmaajo iyo Shariif ku sheegeen in labada nin ay isugu keeneen khadka taleefoonka, kadibna lagu ballamay in gogol la’isugu yimaado, balse ay ka fashilantay dhanka Villa Soomaaliya, maadaama lasii waday dooda dastuurka KMG ka ah.

Labada madaxweyne ayaa ku eedeeyey Xasan Sheekh inay dhankiisa wax ka socon waayeen, iyaga oo si gaar ah u sheegay inuu ka dhaga adeegay inuu dib u dhigo arrinta wax ka beddelka dastuurka oo haatan ah waxa ugu weyn ee ay isku hayaan dowladda federaalka iyo Puntland.

“Si arrintan bilowga ah fursad loo siiyo waxaan isla meel dhignay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu hakad galiyo galka la xiriira wax-ka baddalka dastuurka muddo laba asbuuc ah. Hase yeeshee, waxaa muuqata kaalintii odaynimo aanu isu xilqaannay in ay mira dhali wayday kaddib markii aanu dhanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wax jawaab celin ah ka waynay, uuna mar kale ku dhaqaaqay jabinta qodobkii shardiga u ahaa in wada hadalladu ay bilowdaan” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Hoose ka akhriso:-

Warsaxaafadeed,

Kaddib wada hadallo dhinaca telefoonka ah oo aanu si gooni gooni ah ula yeelannay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, ayaanu ku guuleysannay in labada dhinac naga aqbalaan in wada hadal lagu dhammeeyo khilaafka siyaasiga ah ee jira, la isuguna yimaado gogol.

Si arrintan bilowga ah fursad loo siiyo waxaan isla meel dhignay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu hakad galiyo galka la xiriira wax-ka baddalka dastuurka muddo laba asbuuc ah. Hase yeeshee, waxaa muuqata kaalintii odaynimo aanu isu xilqaannay in ay mira dhali wayday kaddib markii aanu dhanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wax jawaab celin ah ka waynay, uuna mar kale ku dhaqaaqay jabinta qodobkii shardiga u ahaa in wada hadalladu ay bilowdaan.

Dalkeennu wuxuu haatan taagan yahay isgooys adag oo ay khatar ku jirto midnimadeenna dhuleed iyo madaxbannaanideena, waddada kaliya ee looga gudbi karana uu yahay in lagu wajaho wadatashi, isqancin iyo isu tanaasul. Waxaa noo muuqanaya in Madaxweynaha uu oo ka leexday wixii lagu ballamay, taasno keeni karto inuu dalka galo xalad kala qeybsanaan iyo khilaaf horleh.

Waxaan si wadajir ah ugu mahadcelinaynaa Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni soo dhaweynta iyo ajiibista gogosha dhexdhexaadinta, waxaana cid walba oo daneysa arrimaha siyaasadda Soomaaliya u caddeynaynaa in wixii kala fogaansho iyo kala tag ah uu masuuliyaddeeda qaadayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa ku saxiixan warsaxaafadeedkan;

  1. Mudane Shariif Sheekh Axmed
  2. Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

13-ka Febraayo, 2024

Laba askari oo ku geeriyooday Muqdisho, kadib markii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa laba askari oo maanta si kadis ah ugu geeriyooday magaalada Muqdisho, kadib markii uu la rogmaday gaari nooca dagaalka ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.

Gaariga ayaa shilka ku galay xaafadda Soos ee degmada Heliwaa, waxaana la socday ciidamo ka tirsan kuwa Xasilinta caasimada ee loo yaqaano Boolis Milataaro.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in shilkan ay ku dhinteen ugu yaraan laba askari oo baabuurka saarnaa, halka ay ku dhaawacantay haweeney waddada socotay.

Haweeneyda oo uu soo gaaray dhaawac halis ah ayaa la socotay Mooto Bajaaj, waxaana si deg-deg ah loola cararay mid kamid ah goobaha caafimaad ee ku yaalla Muqdisho.

Sidoo kale waxaa burbur xoogan uu soo gaaray gaarigii ay la socdeen ciidamada ee ku rogmaday xaafadda Soos ee magaalada Muqdisho.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan shilkaasi oo uu khasaaraha kasoo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Gawaarida ciidamada ayaa marka ay marayaan magaalada dhexdeeda waxa ay usocdaan si xowli ah taasi oo mararka qaar sababta dhibaato soo gaarta askarta & dadka shacabka ah.

Aabe Cabdicasiis: Maydka gabadheyda Firinjeer ayuu ku jiraa, ninkii gubeyna Mukeyf

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ehellada marxuumada Luul Cabdicasiis Maxamed ayaa maanta war cusub kasoo saaray kiiska gabadhooda oo weli maraya meel xasaasi ah, kaas oo ka dhashay kadib markii uu si arxan darro ah u gubay seygeeda oo kadib lasoo qabtay.

Qaar kamid ah ehellada marxuumadda oo ay ku jiraan waalidiinteeda oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in weli ay yihiin dhibanayaan, isla markaana aysan helin cadaalad.

Aabe Cabdicasiis oo dhalay marxuumadda ayaa si weyn u dhaliilay dowladda federaalka, wuxuuna sheegay in eedeysane Sayd Cali Macallin Daa’uud oo lasoo qabtay isaga oo baxsad ah la geeyay qol Mukeyf leh, maydka gabadhiisana uu weli ku jiro Firinjeer.

“Iyada oo la ogyahay inuu baxsaday ninkaas oo lasoo qabtay hadda dambiilihii aan sugeynay in isla markii maxkamad lasoo saaro ma dhicin gabadheyda 11 maalmood ayay ku jirtaa Firinjeer, isagana waxaa la geeyay meel Mukeyf ah” ayuu yiri Aabe Cabdicasiis.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Cadaaladda aan fileynay sidaas ma ahayn, saas darteed soo qabashadiisa waxay kaliftay in Mukeyf la geliyo”.

Dhanka kale waxa uu carab-baabay Hay’adda Nabad-Sugidda oo uu sheegay inay hayso eedeysanaha, isaga oo su’aal ka keenay sababta oo gayn la’yahay maxkamad.

“Gacanta Nabad-Sugidda ayuu ku jiraa ayaa la yiri maxaa loogu dhagan yahay? maxay u hayneysaaa ninkaan gabadheyda gubay?” ayuu mar kale yiri Aabe Cabdicasiis Maxamed.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in kiiskan aysan ka geli doonin wadahadal, ayna sidoo kale qaadan doonin Diyo, kaliyana ay ku qancayaan cadaaladda.

“Waxaa Media-ha ku jiro ciddii wadahadal ayaan la leenahay wax-baan bixineynaa lacag, ma’ahan waxaas wax loo baahan yahay, ma jirto wax la dhahaayo Diyo” ayuu raaciyay.

Sawirro: Ciidamada DF oo ka hortegay weeraro qaraxyo ah

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgallo qorsheysan oo maanta ka dhacay gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo ay si wadajir ah u sameeyeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.

Howlgalladan ayaa si gaar ah waxaa looga fuliyay deegaano ka dhaca bariga gobolkaas, kuwaas oo kala ah Cali Candhoole, Sheekh Cabdullahi, Baraag Xaaji Dhagax iyo kuwa kale.

Inta ay socdeen howlgallada, ciidamada ayaa ka hortegay weeraro qaraxyo ah oo ay soo abaabuleen Al-Shabaab, waxayna ka guuleysteen inay fashiliyaan weeraradaasi.

Taliyaha Guutada 24 ee Khaalid Bin Walid Gaashaanle Maxamed Dhagaweyne oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay soo saareen tiro Miinooyin ah oo Shabaab ay dooneysay iney ku dhibaateyso dadka rayidka ah iyo sidoo kale ciidamada howlgallada wada.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay cagta mariyeen fariisimo ay xubnaha Al-Shabaab ku lahaayeen dhammaan deegaanada howlgallada laga fuliyay ee gobolka Galgaduud.

Waxaa kale oo uu tilmaamay inay weli howlgalladu sii socdaan, ayna isku fuliyeen dhulka howdka ah oo ay ku sugan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemaya gobollada dhexe oo maalmihii dambe ay ka socdeen howlgallo culus.

Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo gaaray Addis Ababa – Maxaa soo kordhay?

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wafdi ka socda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada caasimada ah ee Addis Ababa, ayada oo ay weli taagan tahay xiisadda u dhexeyso Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska badda.

Wafdigan ayaa waxaa horkacaya wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibedda, ahna ku simaha wasiirka, Xildhibaaan  Cali Maxamed Cumar (Balcad), kaas oo ka dagay Addis Ababa.

Ujeedka ayaa ah sidii uu uga qayb-geli lahaa shirka 44-aad ee dalalka Midowga Afrika, kaas oo looga hadli doona xaaladda guud ee gobolka iyo sidii loo wajihi lahaa caqabadaha jira.

Sidoo kale waxaa la filayaa in shirkan lagu soo qaado xiisadda diblumaasiyadeed ee haatan u dhexeyso labada dowladood ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo si weyn loo dareemay.

Dhanka kale, wasiir Cali Balcad oo u warramay warbaahinta dowladda ayaa shaaca ka qaaday in damaca Itoobiya uu la mid yahay waddan heshiis la galay gobol dal kale, ayna jirin cid ku garab istaageyso gardarrada ay waddo.

Waxaa kale oo uu intaas kusii daray in dowladda federaalka  Soomaaliya ay qaadi doonto hadba tallaabada ay Itoobiya qaaddo mid u dhiganta oo jawaab u ah.

” Tallaabo kasta oo ay Itoobiya qaaddo mid u dhiganto ayaan qaadi doonnaa” ayuu yiri wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibedda xukuumadda Soomaaliya.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in aysan oggolaan doonin wax dhex-dhexaadin ah illaa ay xukuumadda Addis Ababa ka laabato heshiis ku sheeggii ay la gashay Muuse Biixi.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo xiisadda u dhexeysa labada dowladood ay cirka isku shareertay tan iyo bishii lasoo dhaafay, markaas oo la saxiixay heshiiska badda.

PUNTLAND oo ka hortimid tallaabadii BF, eedeyn culusna u jeedisay Xasan Sheekh

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa si adag uga horyimid qorshaha dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ee wax ka beddelka iyo dhameystirka dastuurka, xilli baarlamaanka uu shalay bilaabay ka doodista arrinkaasi.

Puntland ayaa sheegtay in qorshaha dowladda federaalka uu dalka u horseedayo qalalaase siyaasadeed iyo mid amni, ayada oo sidoo kale ku eedeysay madaxweyne Xasan Sheekh inuu doonayo in uu meesha ka saaro heshiiska  dowladnimada Soomaaliya.

Wasaaradda Caddaaladda Puntland Maxamed Cabdiwahaab oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in maamulka uu doonayo in waddo sax ah oo sharci ah loo maro wax ka beddelka dastuurka.

“Puntland waxay ogoshahay in wax ka beddelka dastuurka loo maro waddo sax ah oo waafaqsan cutubka 15-aad ee dastuurka, oo ah habraac ku dhisan in heshiis iyo wadatashi loo dhan yahay laga sameeyo wax ka beddelkiisa.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in qorshaha dowladda uusan noqon karin meel mar, maadaama uu ku dooday in laga leexday hanaankii saxda ah, “madaxweynaha iyo dowladdiisa waxay waxay Xamar ka wadaan waxay ummadda u keenaysaa dib u dhac.”

“Waxay keenaysaa in dastuurkii ama qoraalkii keli ah ee 50 sano kadib dadka Soomaaliyeed ku heshiiyeen ay maanta daaqadda ka saarayaan, oo waddo sharci darro ah u marayaan. Ma shaqeynayso taasi, qaranimada Soomaaliyeed iyo dastuurkaba Xasan iyo koox yar uu wato ma beddeli karto,” ayuu yiri hadalkiisa sii raaciyay wasiirka caddaaladda maamulka Puntland.

Ugu dambeyntiina wuxuu sheegay in Puntland aysan aqoonsan doonin kuna dhaqmi doonin wax ka beddelka dastuurka, haddii ay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh si sharci darro ah wax uga beddesho dastuurka.

“Waa in laga digtoonaado tallaabo kasta oo mugdi galin kara qaranimada iyo midnimada dalka Soomaaliyeed,” ayuu markale yiri wasiirka caddaaladda Puntland Maxamed Cabdiwahaab.

Xildhibaannada labada Aqal ee baarlamaanka ayaa shalay bilaabay ka doodista wax ka bedelka dastuurka oo la qorsheynayo in laba todobaad ay socoto oo ugu dambeyna la ansixiyo, waxaana is weydiinta tahay haddii si isku duuduub ah loo meel-mariyo sida loo hirgeli doono, iyada oo ay diidan yihiin madaxdii hore ee dalka, maamulka Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Falcelin aan caadi aheyn oo ka dhalatay arrin cajiib ah oo uu sameeyay Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay si kadis ah ku tegay suuqa cusub ee Jubba Hypermarket oo ku yaalla isgoyska Jubba, taasi oo ay ka dhalatay fal-celin xooggan.

Madaxweynaha oo markaas kasoo laabtay booqasho uu ku tegay hoyga Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ku yaalla Mirinaayo ayaa wax waddo ah loo xirin, ayada oo dad badan oo goor dambe ku baraarugay ay la yaabeen.

Madaxweynaha ayaa si kalsooni badani ku jirto salaan gees uga soo bilaabay dadkii joogay suuqa iyo kuwii fadhiyay maqaayadaha ganacsi ee ku yaalla aagga suuqa illaa sigoyska Jubba.

Sida caadada ah markii la joogo Muqdisho, hadii uu madaxtooyada ka baxayo madaxweynaha ama ra’iisul wasaaraha waxaa la xiraa jidadka aagga uu u socdo iyo aagga madaxtooyada, balse xalay taasi ma dhicin oo waxaa jidka isla marayey gaadiidka shacabka iyo kan wada kolonyada madaxweynaha.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay?

Cabdullaahi Yare Cabdi: “Mahadsanid mudane madaxweyne, waxaad shacabka Soomaaliyeed tustay in Muqdisho amni la isku haleyn karo ka jiro.”

Bashiir Sheekh Cabdi: “Guul baan kuu rajeynayaa Mudane Madaxweyne laakiin Muqdisho oo la isku sawiro macno soo kordhin mayso ee ballanqaadkii umadda Soomaaliyeed ay kaa sugayeen ayaa lagaaga fadhiyaa dalka oo xor ah, weliba dalka meesha uu ka dhismo waa ciidanka ee ciidanka tayeey oo u xul qofkii hogaamin lahaa.”

“Madaxweynaha daacad wuu yahay ee kuwa la shaqeeya ayaa hagar daamo ku wado, Soomaali waligeed dowlad ka dhalaan mayso sababta oo ah waa dad aan dowladnimo daacad u aheyn,” ayuu yiri Saabir Soofe Saabir.

Cabdishakuur Cabdullaahi Cabdi: “Booqashadaan yaysan noqon tii Mahad Salaad oo kale suuqa bakaaraha ku yimid oo bil kadibna la bur-buriyay goobihii uu booqday.”

Cabdinaasir Bootaan Cali ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Waa wax lagu farxo iney badato booqasha Madaxweynaha inuu kasoo dukaameysto goobaha nuucaa oo kale ah, sababtoo ah indhaha bulshada Soomaliyeed ee daafaha dunida jooga wax weyn ayey u tahay.”

Bashiir Macalin: “Soomaalidu waa dad madaxdooda jecel laakiin madaxdu u ma roona shacabka, taasi waa midda keentay kala shakiga u dhexeeya shacabka iyo kuwa hogaamiya.”

Shoobare Siyaad Siciid: “Adiga madaxweyne Muqdisho amniga ka dhigay ee iskama imanine inta dhimana Allah ha kula garab galo.”

“Aaway suuqii hoobiyaha lagu garaacayey shalay kuwa ayaa mudna,” ayuu yiri Waceys Xasan oo ka fal-celiyay tallaabada uu xalay qaaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Qorshaha lagu beddelayo magacyada xilalka maamul goboleedyada iyo aragtidooda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya ayaa guda galay wax ka beddelaka dhowr cutub oo dastuurka ka mid ah kuwaasoo isbeddel lagu sameynayo. Qodobada la soo jeediyay in wax laga badalayo dastuurka Soomaaliya waxaa ka mid ah qodobka 51-aad.

Halkii ay ka aheyd in ay leeyihiin dowlad goboleedyada Somaaliya madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ayaa soo jeedinta hadda waxaa ku jira in loo badalo hoggaamiye iyo hoggaamiye ku xigeen.

Marka laga hadlayo xilalka madaxda ugu sarreysa dowlad goboleedyada iyo kan dowladda federaalka, hadii aadan maqal magaca qofka ama sharaxaad kale, kalama garaneysid sababtoo ah hal magac ayey wadaagaan.

Tani waa soo jeedin, weli si rasmi ah waxba looma badalin. Baarlamaanka ayaa dood ka yeelanaya taas soconeysaa ilaa iyo 19-ka bishan Febraayo.

Waa sidee aragtida dowlad goboleedyada?

Mid ka mid wasiirada dowlad goboleedyada oo aan la hadalnay kana gaabsaday inuu ka hadlo ayaa si kooban u yiri “Waxaan aniga ayaaba ku wareernay, waana fiican tahay in la kala leexiyo.”

Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Galmudug, Faadumo Cabdi Cali Faandhe, oo aan weydiinay sida ay u aragto waxay tiri. “Shalay waa naloo sameeyay magacyadan, anaga ma dooran, waxna nalagama weydiin in naloogu yeero madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen balse maanta fursad ayaan haysanaa.”

Waxay kaloo Faadumo sheegtay in magac oo la badalo aysan wax weyn aheyn “Magaca laguu bixiyay markii aad dhalatay hadii aadan ku qanacsaneyn waad iska badali kartaa, waxaa aan ku qanacsaneyna waa sidaas oo kale.” Waxay sheegtay in ay is-weydiiso sida dareenka madaxda noqonaya marka ay isla joogaan oo loogu yeero hal magac oo ah madaxweyne.

“Marka madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo madaxweynaha dowladda federaalka oo isla jooga loogu yeero madaxweyne sidee bay dareemayaan kuligood.”

Faadumo waxay noo sheegtay in ay haboon tahay in aysan hal magac yeelan balse erayga hoggaamiye iyo hoggaamiye ku-xigeen in la qaato ama la diido waxay u taal ayey tiri shacabka aan matalno.

“Magaca waa heshiis bulsho iyo sida ay isku afgarato, ma jiraan wax sharci ah oo diidaya in la badalo,” ayuu yiri Abuukaate Zakariye Yuusuf oo intaa ku daray “Magacbixinta waa lagu degdegay, marka hore waxaa haboon in la soo bandhigo inta eray ee aan heli karno, laguna badali karo magaca madaxweyne si loo helo kan ugu haboon.”

Erayga hoggaamiye inta badan waxay ku tilmaameen siyaasiyiin aan la hadalnay in uu yahay eray guud oo ay qaadan kara cid kasta oo wax hoggaamisa.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hore uga kala qeybsanaa wax-kabeddelka dstuurka. Waxaa jiray wewel laga qabay saameynta uu yeelanay wax-kabeddelka lagu sameynayo guud ahaan dasuurka Soomaaliya. Siyaasiyiinta qaar ayaa ka baqaya in lagu ansixiyo qaab qarda-jeex ah oo gacan-maroojis ah

Dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya wuxuu soo maray heerar kala duwan. Wuxuu ka soo billowday shirkii dib-u-heshiisiinta ee Carta, Djibouti ka dhacay sanadkii 2000.

Ugu dambeyntii, ergeygii Qaramada Midoobay, Augustine Mahiga iyo lix siyaasi oo ay hormuud u yihiin hoggaamiyeyaashii dowladda Ku-Meelgaarka ahaa, madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Maxamed Cali-gaas oo dhinac ah iyo madaxweynihii Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole, ayaa hirgeliyey qabyo-qoraalka hadda jira.

Arrimaha kale ee dooddu ka taagan tahay, baarlamaankana laga sugayo inuu go’aan ka gaaro waxaa ka mid ah jagada ra’iisul wasaaraha oo lagu wado in ay meesha ka baxdo iyo jagada madaxweyne ku xigeenka dalka oo aan hore u jirin, laakinse la filayo in isbedelka dastuurka ay la timaado.

Arrinta la xiriirta maqaamka caasimadda dalka ayaan ku jirin arrimaha uu baarlamaanku ka doodayo.

Isha: BBC

Xasan, Deni iyo mucaaradka oo sii kala fogaanaya kadib tallaabadii shalay la qaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya ayaa shalay bilaabay ka doodista, wax ka beddelka iyo dhameystirka dastuurka, kaasi oo shaqadiisa soo socotay 12-kii sano e ee lasoo dhaafay.

Soomaaliya ayaa lagu dhaqayay dastuur kumeel-gaar ah tan iyo 2012. Dastuurkaasi KMG ah waxaa ansixiyay 825 xubnood oo ergo aheyd, waxayna ansixintiisa ka dhacday magaalada Muqdisho.

Intii lagu dhaqmayay dastuurka kumeel-gaark ah waxaa dalka laba jeer madaxweyne ka noqday Xasan Sheekh, hal marna Farmaajo, waxaa kale oo dalka uu yeeshay lix ra’iisul wasaare. Sidoo kale waxaa dhismay intii mudadaasi lagu jiray maamullada Galmudug, Jubbaland, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Tan iyo waqtigaasi waxaa jirtay ballan aheyn in la dhameystiro dastuurka, oo shaqadiisa leeyihiin xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya. Baarlamanaadii 9-aad iyo 10-aad waa awoodi waayeen inay doodaasi furaan oo dastuurka dhameystiraan. Waxaase doodaasi shalay furay baarlamaanka 11-aad oo raba inuu ansixiyo dastuurka ay howshiisa soo socotay 12-kii sano ee lasoo dhaafay.

Waxaa shalay golaha la horgeeyay hindisaha afarta cutub ee ugu horreysay dastuurka, oo ay ku jiraan qodobbada ugu muhiimsan dowladnimada Soomaaliya. 63 sano ayaa laga jooga markii ugu dambeysay oo baarlamaan Soomaaliyeed dood iyo ansixin u fariisto dastuur uu yeelanayo dalka.

Bishii Juun 1961-dii ayaa baarlamaankii Soomaaliya ansixiyay dastuur ku qornaa Af Talyaani, hadda oo 63 sano laga joogana waxaa la eegaya haddii baarlamaanka 11-aad ansixin doono dastuurka horyaalla oo Af Soomaali ku qoran ayna fududahay inay cid walba fahamto.

Inkasta oo marwalba dastuurka u baahan doono afti dadweyne, haddana xildhibaannada labada Aqal waxya xaq u leeyihiin inay dastuurka ka saaran kumeel-gaarnimada.

Mucaaradka dowladda iyo maamulka Puntland ayaa labaduba muujiyay diidmo ku aadan habka ay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh u rabto inay u marto dhameystirka dastuurka, laakiin dadka qaar waxay ku doodayaan in marwalba wax laga beddeli karo dastuurka, balse ay muhiim tahay in dowladda lagu taageero dhameystirka.

Dhamaan musharaxiintii u taagna xilka madaxweynaha Soomaaliya, oo uu ku jiro hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni waxay doorashadii ugu dambeysay ballan-qaadkooda ku dareen inay deg deg u dhameystirayaan dastuurka haddii la doorto.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu hadda leeyahay waxaan ku socda fulinta wixii aan ballan-qaaday xilligii ololaha doorashada. Afarta cutub ee ugu horreysay dastuurka ee shalay la geeyay baarlamaanka ayaa la filayaa in la ansixiyo ka hor tobanka bisha soo aadan ee Maarso.

Waxaa ku jira qodobbo xasaasi ah oo taabanaya haykalka dowladnimada sida; inuu dalka yeesho madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, oo laga guuro nidaamka ra’iisul wasaaraha. Waxaa kale oo ku jira hanaanka doorashooyinka dalka iyo awooddaha.

Fadhigii golaha baarlamaanka Soomaaliya ee shalay waxaa dadka xaadiray kamid ahaa guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kamid ah dadka Soomaaliyeed ee loo arko inay tiir-dhexaadka u yihiin diyaarinta dastuurka dalka.

Dal aan dastuur laheyn wax badan ayaa qabyo ka ah oo sharciyadiisa ah, waxaana dadka dowladnimada u dhuun-daloola qaarkood ku talinayaan in dastuurka la ansixiyo oo uu dalka noqdo mid dastuur leh oo la jaanqaadi kara caalamka.

Cali Dheere oo shaaciyey xogta iyo magaca ninkii fuliyey toogashadii xero Goordan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere oo ka hadlay toogashadii uu xerada Jeneraal Goordan ee Muqdisho ka geystay askari ka tirsanaa ciidankii dhawaan ay Imaaraadku tababareen ayaa soo bandhigay xogta ninkii fuliyey weerarka.

Cali Dheere ayaa sheegay in ninka fuliyey toogashada uu ahaa Mustafa Mukhtaar Aadan oo 27 sano jir ahaa, kana soo jeeday degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Wuxuu sheegay inuu Shabaab u shaqeynayey, isla markaana uu beegsaday goob gaar ah oo saraakiisha Imaaraadka iyo la howlgalayaashooda ay uga sugnaayeen xerada Jeneraal Goordan.

Cali Dheere ayaa sheegay in Mustafa uu toogtay in ka badan 50 qof, kuwaas oo 17 ka mid ah uu ku sheegay inay saraakiil ahaayeen, halka inta kale ay askar Soomaaliyeed ahaayeen, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Afhayeenka Al-Shabaab, wuxuu sidoo kale sheegay bartilmaameedka ugu weyn uu ahaa afar sarkaal oo Imaaraadka ka joogtay xerada, kuwaas oo dhamaantood toogashada ku dhintay, isagoo sheegay inay kala ahaayeen ninkii ugu sareeyey howlgalka Imaaraadka ee koonfurta Soomaaliya, madaxii sirdoonka, madaxii saadka iyo madaxii gaadiidka.

Qeybihii dambe ee hadalkiisa Cali Dheere wuxuu ku dheeraaday suurad xumeynta howlgalka Imaaraadku uu ka wado Soomaaliya iyo guud ahaan dunida muslimka, sidoo kale wuxuu sheegay in Itoobiya ay ku taageerayaan inay qabsato badda Soomaaliya.

Ilaa hadda dowladda Soomaaliya ma shaacin natiijo saxan oo ku saleysan xogta toogashadii uu geystay askari ka mid ahaa ciidankii lagu tababaray xerada Jeneraal Goordan, waxayna arrintaas kala shaki weyn ka dhex abuurtay Muqdisho iyo Dubai.

Ninka fuliyey toogashada laguma helin haba yaraateed fursad lagu wareysto, maadaama uu ku dhintay jawaabta rasaastii uu bilaabay, mana cadda in gacan-saar uu la lahaa argagixisada iyo inuu fulinayey dano kale.

Haseyeeshee wararka qaar ee ku saabsan sooyaalkiisii waxay sheegayaan inuu ka mid ahaa ciidan uu Shabaab kala soo goostay wasiirka diinta Soomaaliya Mukhtaar Roobow, iyadoo dhawaan laga soo qoray magaalada Xudur oo muddo uu ku noolaa.

Somaliland oo si weyn u naqdisay qoraallo ay DF u dirtay QM iyo Midowga Afrika

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa si adag u naqdisay jawaabihii ay dowladda federalka Soomaaliya ka bixineysay dhawaanahan heshiiskii is-afgaradka ee Ethiopia iyo Somaliland.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, oo si gaar ah loogu naqdiyay qoraalladii u dambeeyay ee dowladda federaalka u dirtay Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, ayaa lagu sheegay in heshiiskaasi aysan meelna uga furneyn Soomaaliya.

“Heshiiska waxa uu ahaa go’aan madax-banaan, oo ay labo dowladood madax-banaan qaateen oo aan ansixin iyo ogolaanshiyo cid saddexaad uga baahneyn. Is-afgaradka Ethiopia iyo Somaliland waa mid ku qotoma is ixtiraam labada dhinac ka dhaxeeya iyo himilooyin ay u wada hiigsanayaan deganaanshaha gobolka,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.

Qoraalka Somaliland ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in jawaabta ay Muqdisho ka bixisay heshiiskaas, uu yahay mid si cad u jabinaya shuruucda caalamiga ah, islamarkaana lagu dafirayo rabitaanka gooni isu-taag ee shacabka Somaliland.

“Soomaaliya waa inay ixtiraamto rabitaanka malaayiin qof oo reer Somaliland ah,” ayaa lagu yiri bayaanka Somaliland, oo lagu sheegay in Somaliland ay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Somaliland waxay xaqiijineysa inay ka go’an tahay inay si nabdoon ku raadiso aqoonsi caalami ah, ayna garowsan tahay in iskaashi iyo wada-hadal ay muhiim u yihiin gaarista nabad iyo xasillooni waarta oo lagu soo dabaalo Geeska Afrika.”

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya oo ayadu meel adag iska taagtay heshiiska is-afgarad ee Ethiopia iyo Somaliland ayaa dhawaan ku boorisay ururrada Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay inay mowqif mabda’ ku salaysan ka qaataan is-afgaradkaasi oo ay bishii hore kala saxiideen Muuse Biixi iyo Abiy Axmed.

Soomaaliya ayaa sidoo kale ugu baaqday ururradan inay cambaareeyaan is-afgaradkaasi “sharci-darrada ah” iyo “ku-xad-gudubka Ethiopia ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed Soomaaliya,” taasi oo Somaliland ay si weyn u naqdisay.

DF iyo xildhibaannada reer Awdal oo wacad ku galay Muqdisho + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Axmed Macallin Fiqi ayaa xafiiskiisa kula kulmay Xildhibaanno iyo Senatorro ka tirsan barlamaanka federaalka Soomaaliya oo wehliyaan siyaasiyiin iyo hoggaaomiyeyaal reer Awdal.

Kulankaan ayaa waxaa looga hadlay sidii hal meel looga soo wada jeesan lahaa ka hortagga damaca gurracan ee Itoobiya ay ku doonayso qeyb ka mid ah dhulka iyo badda Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa diirada lagu saaray kulankaan, sidii loo adkeyn lahaa midnimada dadka reer Awdal iyo weliba in lagu waajaho difaaca gobonimada iyo midnimada dalka si middaysan oo aan tafaraaruq lahayn.

Ugu horreyn, siyaasiyiinta, xildhibaannada iyo senatorrda reer Awdal ayaa ku nuux-nuuxsaday sida ay u diidan yihiin heshiis kusheegga lagu xalaalaynayo damacii soo jireenka ahaa ee Itoobiya.

Waxa ay xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay difaaca dhulkaasi udub dhexaadka u ah una taagnaa weligiis midnimada dalka, ayada oo ku wacad ku maray difaaca iyo ka hortagga damaca gurracan ee Itoobiya.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Fiqi oo kulanka ka hadlay waxaa uu uga mahad-celiyay shacabka reer Awdal dal iyo dibadba wadaniyadda iyo dhul jacaylka ay muujiyeen iyo sida ay uga dhiidhiyeen damaca gurracan ee Abiy Axmed.

Waxa uu ka dhawaajiyay in dowladda federaalka ah ay tahay mid mar weliba u dhego nugul dareenka iyo rabitaanka dadka Soomaaliyeed, waxaa uuna hordhigay dadaallada dowladda ee maareynta damaca Itoobiya ee ka socota gudaha dalka iyo kuwa heer diblomaasiyadeed.

Ugu dambeyntiina wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliya marnaba aysan gorgortan ka galeyn wadajirka dhulkeeda iyo Midnimada dadkeeda.

Madaxweyne Xasan oo tegay safaaradda IMAARAADKA Carabta kalana hadlay sidii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqday Safaraadda Imaaraatka Carabta ee Muqdisho ayaa kulan is-xogwareysi iyo tacsiyeyn ah la qaatay safiirka Imaaraadka u jooga Muqdisho Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay ahmiyadda xiriirka soojireenka ah ee labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo kobcinta dhaqaalaha.

Madaxweynaha oo xaladda dalka uga warbixiyey safiirka ayaa uga tacsiyeeyey saraakiishii askari ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka uu habeeno ka hor ku laayey xerada Jeneraal Goordan ee Muqdisho.

Sidoo kale arrimaha ay madaxweynaha iyo safiirka ka wadahadleen waxaa ka mid ahaa sidii loo sii xoojin lahaa taageerada Imaaraadku uu siiyo Soomaaliya, isagoo uga mahadceliyey sida ay u garab istaageen Soomaaliya.

Afar sarkaal iyo sarkaal u dhashay dal kale ayaa Imaaraadka uga geeriyootay toogashadii uu geystay askari dilaa ah oo ka mid ahaa ciidan cusub oo dhawaan Imaaraadku ku tababaray xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho.

Dilka Korneyl Maxamed Al-Mansour oo ahaa sarkaalkii ugu sareeyey howlgalka Imaaraadka ee Muqdisho ayaa dhabar-jab culus ku ah howlgalkii Imaaraadku ka waday Soomaaliya, waxaana sarkaalkaas toogtay oo si bareer ah nolosha u dhaafiyey mid ka mid ah askar cusub oo Soomaaliya uu u tababaray, kuwaas oo dhawaan hubkooda loo qeybiyey mushaarkoodana loo bilaabay.

Kooxda Al-Shabaab oo aad u neceb dowladaha taageera Soomaaliya ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkii uu fuliyey askarigaas ku tababartay xerada Jeneraal Goordan, balse ma jirto cid xaqiiji karta in aakarigaas uu gacan saar la lahaa argagixisada, maadaama aysan suurta-geli in la wareysto, waxaana lagu toogtay is-rasaaseyn dhex martay isaga iyo ciidankii kale ee ku sugnaa xerada.

Dilka saraakiishii Imaaraadka, wuxuu Soomaaliya ku yahay mid kamid ah xujooyinkii ugu cuslaa ee dalkaan uu wajaho, waxay toogashadaasi u soo jiidi kartaa Soomaaliya sumac-darro weyn iyo aaminaad la’aan dhanka amniga ah.

Dagaal qarsoon: ITOOBIYA oo joojisay ku dhowaad 80% biyaha webiyada Soomaaliya

0

Afeef: Ujeeddada qoraalkaan waa ogeysiin iyo xasuusin cid gaar ahana loolama jeedo

HORDHAC:

Wabiyadu waa ilaha ugu muhiimsan ee biyaha saafiga ah, kuwaas oo door weyn ka ciyaara horumarinta dhaqaalaha bulshada iyo ilaalinta nolosha deegaanka. Guud ahaan marka la eego maaraynta khayraadka biyuhu waxa ay noqonayaan waxa ugu muhiimsan oo ay tahay in mar walba la ilaashado. Dalka Soomaaliya aad bay muhiim ugu yihiin Webiyada Jubba iyo Shabeelle marka la eego sida ay ugu tiirsan yihiin beraleyda iyo xoola dhaqatada Soomaaliyeed. Qoraalkaan waxa aan ku eegi doonaa, burbukii qarankeenna ee 1991 kadib xaalka wabiyada Jubba iyo Shabeelle sida uu yahay hadda iyo dhibka Shacabka Soomaaliyeed ka heysta xagga biyaha webiyada. Waxa jira in biyo xireenno badan ay itoobiya ka sameysay dhulka Soomali galbeed taas ayaan faahfaahin doonaa haddii Alle idmo.

Maxaa ka dhashay biyaxireennada faraha badan ee Itoobiya ka dhistay ama ka dhiseyso Webiyada Jubba iyo Shabeelle

Jubba iyo Shabeelle waa webiyada ugu waaweyn Soomaaliya. Waxay abuuraan dhul-biyood bacrin ah, waxay joogteeyaan beeraha lagama maarmaanka u ah nalosha dadka iyo wax-soo-saarka dalagyada kala duwan, waxayna siiyaan  biyo inta badan dadka iyo duunyada waddanka ku dhaqan.

Webiga Jubba oo ah kan ugu biyaha badan

Wabiga Jubba ayaa mara masaafo dhan 545 mayl (877km), isaga oo ka samaysma xudduudda Itoobiya iyo Soomaaliya.  Dhererka guud ee webiga Jubba waa 1,808 Km, bedka biya-qabsigiisu waa qiyaastii 210,010 Km2. Celcelis ahaan, 187 mitir seddax jibaaran (186,000 litir) oo biyo ah ilbiriqsigiiba ayaa mara ama 673,200 Mm3 (milyan mitir seddex jibbaaran) oo ku qulqulaya webiga Jubba marka la joogo Degmada Luuq ee dalka Soomaliya. Dhulka biyaha Jubba ka yimaadaan ee gudaha Itoobiya waxa uu badda ka sarreeyaa 5,195 m. Webiga Jubba, waxa uu galaa Badweynta Hindiya meel u dhow  magaalada Kismaayo ee koonfurta Soomaaliya, dhererka webigu waxa uu dhan yahay qayaastii 1,808 km, 840 km ka mid ah waxay dhacdaa gudaha Itoobiya, 1,004 km waxa ay dhacdaa gudaha Soomaaliya.

Si dabiici ah celceliska qulqulka biyaha sanadlaha ah ee webiga Jubba gudaha dowladegaanka Itoobiya waa  6,600 Mm3 (milyan mitir seddex jibbaaran) meesha uu qulqulku yahay  6,200 Mm3 gudaha Soomaaliya (Luuq), waa haddii aysan itoobiya faragelin. Waxasa muuqata in biyahaas la weyndoono Mustaqbalka haddii aan xal loo helin. 

Webiga Shabeelle

Webiga Shabeelle waxa uu ka soo jeedaa buurta Bale ee ku taal buuraleyda Itoobiya, waxa uu joog dhan 4,230 m ka sarraysa heerka badda. Wabigu waxa uu socdaa masaafo dhan 2,526 km oo 1,290 km ay tahay gudaha dalka Itoobiya ama dowla degaan Soomaolida, iyo 1,236 km oo uu maro gudaha dalka Soomaaliya. Waxa uuna  si caadi ah ugu dhamaada meel u dhow halka Jubba ka galo Badweynta Hindiya, marka uu shabeelle aad u biya badan yahay oo roobab badan da’aan waxa uu ku darsamaa webiga Jubba hakaas oo ay badda ku wada shubaan. Marwalba webiyadu waxa ay biyo siiyaa biyo fariisimada dhulka hoos tiisa ah ee ceelashu ku tiirsan yihiin.

Xaddiga Biyaha sannadlaha ah ee webiga Shabeelle celcelis ahaan magaalada Goday ee dowladegaanka Itoobiya waa 3,387 Mm3, Meesha ay magaalada Beled-Weyne ee Soomaaliya ay soo gaarto sannadkii 2,384 Mm3 (milyan oo mitir sedex jibbaaran) celcelis ahaan oo u dhiganta 76m3/s, waa marka aan itoobiya faragelin asalka habsami u socodka biyaha webiga.

Qulqulka webiga Maxaa wax u dhimi kara?

Dhulka sare ee Itoobiya (Godey), waxa laga dhisay oo shaqa galay 1988 biyo xireen Melka Wakana oo laga dhaliyo korontada soona saara 153MW, beerahana lagu waraabiyo oo qulqulkiisu yahay 60m3/s qaadana keydin dhan 763Mm3 (milyan mitir seddex jibbaaran).

Mashruuca labaad ee waraabka ee Goday oo leh kanaal dhererkiisu yahay 17 km, wuxuu awood u leeyahay inuu waraabiyo 17,000 hektar oo dhul ah. Kanaalka, oo xambaarkiisu yahay 46 m3/s, ayaa  cuna xaddi badan oo ah biyaha dhulka saxara u ekeha ah ee Ogaadeeniya ee bariga Itoobiya kaas oo si weyn u yareeya hadda qulqulka biyaha soo gaara Soomaaliya in ka badan 60%.

Qorshaha Itoobiyae ee ku aaddan Webiga Shabelle

Sida ay soo xigtay Royal Institute of Technology, Stockholm, Sweden  Mashruuca Daraasadda Isku-dhafan ee Wabi Shabeele (Basin Integrated Development Master Plan), mashruucyo aad u badan oo waraab iyo koronto ka dhalin ah ayaa webi Shabeelle laga diyaariyey, kuwaas oo dhan 141 mashruuc (25 waaweyn, 76 dhexdhexaad ah iyo 40 yar yar oo waraab ah) oo leh bed saafi ah oo waraab oo dhan 209, 310 hektar  loona qoondeeyay horumarinta waraabka dooxadaas, oo cunaysa qadar biyo oo lagu qiyaasay 2,566 Mm3 in laga hirgeliyo Itoobiya, kuwaas oo aad uga badan inta laga helayo xuduudka Soomaaliya oo noqoneysa (821Mm3 kaliya) ama u dhiganta oo kaliya 24%. Halkaan waxa ka muuqaneysa in Itoobiya cunaqabateyn biyood oo aan laga hadleyn asalkaba  ku heyso dalka Soomaaliya. waxa  kale khatar weyn ku ah Soomaaliya biyaha faraha badan ee ay keydisay Itoobiya (76%) waxa ay awooddaa in ay ku soo deyso dalka iyada oo u isticmaalaysa biya dagaal qarsoodi ah oo ay ku baabi’ineyso dalagyada iyo magaalooyinka dalka.

Qorshaha Itoobiya u dejisay Mustaqbalka ee biyaha Webiyada Soomaaliya mara

2007 waxa la qorsheeyey in laga dhiso labada webiyada 22 biya xireen oo badankood koronto laga dhaliyo, markii dambe waxa lagu soo gaabshay 9 bixireen oo waaweyn. Waxa la qorsheeyey in la fuliyo inta u dhexeysa 2013 iyo 2035. Kuwaas oo u qaybsam seddax laga dhisaayo webi Shabeelle iyo lix laga dhisaayo Webiga Jubba, taas oo ugu damnbeynta keeni doonta in aan soomaaliya wax biyo wabi ah  soo gaarin waxa ayna kala yihiin mashaariicdaasu:

1. Webi Shabeelle:

a. 117 MW, Biyo xireenka WS18 awoodda (3, 681Mm3) koronto dhalin, Waraab iyo  daad yarayn

b. 60 MW Biyo xireenka WS9 oo qaado (715Mm3) Koronto dhalin waraab iyo howlo kale

c. 80 MW biyo kala wareejinta dooxada gudaheeda  (120 Mm3) koronto dhalin

2. Webi Juba:

a. 265 MW Biyo-xireenka GD-03 koronto dhalin iyo nidaaminta webiga, waraabka iyo howlo kale

b. 200 MW Biyo-xireenka GD-06 koronto dhalin

c. 130MW Biyo Xireenka GD-02 koronto dhilin, waraab, iyo howlo kale

d. 106 MW Biyo Xireenka GD-05 koronto dhalin iyo howlo kale

e. 185 MW Biyo-xireenka GD-07 koronto dhalin iyo si buuxa u nidaaminta webiga

f. 82 MW Biyo xireenka GD-08 koronto dhalin

(Abdullahi Elmi Mohamed 2013) Royal Institute of Technology, Stockholm, Sweden

Dooxada Jubba-Shabelle, isbeddelka cimilada iyo biyo-xireennada laga dhisayo waxay saamayn xun ku yeelan doonaan helitaanka biyaha iyo ammaanka dhinacyada badan leh ee xigga Soomaaliya. Saami qaybsiga biyaha laguma go’aamin karo maslaxadda hal dal oo ka mid ah dooxooyinka webiyadu ay maraan. Waxa lagu xallin karaa oo kaliya wada-xaajoodyada ku lug leh arrimaha kale ee ku xeeran is-dhexgalka dhaqaale sida heshiisyo khuseeya ka faa’iideysoga Itoobiya ee Dekkedaha ku teedsan xeebaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo qulqulka webiyada aan carqaladayn si aan dhib u gaarin waraabka iyo ka faa’iideysia Soomaaliya.  (SIPRI 2020)

Gunnanad

Axdiga Afrika ee ilaalinta dabeecadda iyo kheyraadka dabiiciga ah waxaa lagu ansixiyay 1968 Algiers. Kaas oo aan ogolayn in waddan uu kaligii go’aan ka gaaro horumarinta webiyada kala dhexeysa waddama kale, axdigaas Itoobiya wey jebisay.

Waxa dowladda iyo shacabka Soomaaliyedba la gudban in ay arrintaan wax ka qabtaan oo aaney fiirsan ilaa ay webuyodu ka qalalaan. Itoobiya dhul Soomali leedahay weligeed heli mayso, waxase ay heli kartaa Dekado ay wixii ay doonto kala soo degto kana dhoofsato, waa haddii ay ogoshahay in ay wada xajood wax ku raadsato oo nabad lagu wada noolaado.

Soomaliya waxa ay leedahay badweyn laga soo saari karo biyo intii la  doonno. Waxa aad wada ogsoon tihiin ay jiraan wadaman si buuxda u gu tiirsan biyaha macaan ee badda laga dhaliyo. Matal ahaan waxa jira ku dhawaad 16,000 oo warshadood oo nadiifiya biyaha badda, kuwaas oo ku yaal 177 waddan, kuwaas oo soo saara qiyaastii 95 milyan m3 oo biyo macaan ah maalintii. Itoobiya haddii ay wada xaajood diido Soomaliya waxa ay badda ka soo saran kartaa inta ay webiyada ka heli jirtay kabadan hadii Alle idmo.

W/Q: Dr. Prof. Axmed Cumar Calasow
[email protected] 

Al-Shabab boasts after deadly attack on UAE troops

0

Mogadishu (Caasimada Online) – The al-Qaida-linked militant group al-Shabab claimed responsibility for a deadly attack on Saturday at the General Gordon Military Base in Mogadishu, Somalia’s capital.

The assault targeted a training mission involving Emirati and Bahraini troops, resulting in the tragic deaths of four Emirati soldiers and a Bahraini military officer.

Details surrounding the attack remain limited, with uncertainties persisting about additional casualties. Nevertheless, Somali President Hassan Sheikh Mohamud expressed condolences to the United Arab Emirates (UAE) for the loss of its troops.

The UAE’s state-run WAM news agency confirmed the deaths of three Emirati soldiers and a Bahraini officer in what it described as a “terrorist act.” Tragically, a fourth Emirati soldier succumbed to injuries while being transported back to the Emirates.

The solemn return of the fallen soldiers was marked by a poignant scene at Al Bateen Executive Airport in Abu Dhabi, where three flag-draped caskets were received with honor.

Anwar Gargash, a senior Emirati diplomat, conveyed condolences to the bereaved families and wished a swift recovery for the wounded.

He underscored the UAE’s unwavering commitment to combating extremism and terrorism, emphasizing that no treacherous act would deter their mission of promoting security and safety.

The Bahraini military also acknowledged the loss of one of its officers, a major, in a statement carried by the state-run Bahrain News Agency.

Al-Shabab’s claim

Al-Shabab, which translates to “the youth” in Arabic, is a Sunni Islamic extremist group that emerged in Somalia amidst the chaos following the country’s 1991 civil war. Initially, the group seized control of Mogadishu.

However, it was later pushed back by an African Union-led force supported by the United States and other nations. Despite these setbacks, al-Shabab has persisted as a significant threat, aiming to overthrow the Western-backed Somali government.

Beyond Somalia’s borders, al-Shabab has conducted attacks in neighboring Kenya, targeting the African Union force stationed in Somalia, which includes Kenyan troops.

The United States has also been actively involved, launching airstrikes against militants in Somalia, with over 300 strikes recorded, primarily during Donald Trump’s presidency.

International response 

The U.S. Embassy in Somalia condemned the recent attack, describing it as cowardly and extending condolences to the victims’ families. The incident underscores the ongoing efforts to stabilize Somalia and counter-terrorism in the region.

Gulf states, including the UAE, are vested in Somalia’s stability. Somalia became a focal point during the Qatar diplomatic crisis, with the UAE and other nations boycotting Qatar over political differences.

Tensions between Mogadishu and the UAE escalated when Somali troops seized millions of dollars of Emirati cash from a jet, leading to a suspension of the UAE’s troop training program in Somalia.

In recent years, the UAE has expanded its presence in East Africa, investing in ports, including Somalia’s breakaway Somaliland region.

Securing Somalia aligns with the UAE’s broader security concerns in the Gulf of Aden and the Arabian Sea, particularly amid the resurgence of Somali piracy and ongoing regional conflicts.

In 2019, al-Shabab claimed responsibility for an attack that killed an individual working for Dubai’s P&O Ports, highlighting the group’s capability to strike beyond Somalia’s borders.

The recent attack serves as a stark reminder of the persistent threat posed by al-Shabab and the ongoing challenges faced in stabilizing Somalia and combating terrorism in the region.

Sawirro: Xasan oo hoygiisa ugu tegay Muuse Suudi oo xurguf ay kala dhaxeyso

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa si lama filaan ah hoygiisa ugu tagay Senator Muuse Suudi Yalaxow oo in muddo ah ay xurguf siyaasadeed kala dhaxeysay.

Xasan Sheekh iyo Muuse Suudi ayaa ku kala tegay magacaabidii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho oo noqon weysay sidii uu rabay Muuse.

Booqashada Madaxweynuhu uu caawa ku tegay Muuse Suudi ayaa daarneyd salaan iyo raalli-gelin uu Xasan Sheekh u siday Senatorka.

Dhowr jeer oo hore ayuu Senator Muuse diiday inuu la kulmo oo masuuliyiin badan oo Xasan Sheekh uu u soo diray, si ay uga heshiiyaan tabashada jirta.

Intii uu Madaxweynaha booqanayay hoyga Muuse Suudi oo ku yaalla Mirinaayo lama xirin wax waddo ah, taas oo dad badan oo goor dambe ku baraarugay ay la yaabeen.

Markii uu booqashada soo dhameystay Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu soo maray suuqa cusub ee Jubba Hypermarket oo ku yaalla isgoyska Jubba.

Madaxweynaha ayaa si kalsooni badani ku jirto salaan gees uga soo bilaabay dadkii joogay suuqa iyo kuwii fadhiyay maqaayadaha ganacsi ee ku yaalla aagga suuqa illaa sigoyska Jubba.

Sida caadada ah markii la joogo Muqdisho, hadii uu madaxtooyada ka baxayo madaxweynaha ama ra’iisul wasaaraha, waxaa la xiraa jidadka aagga uu u socdo iyo aagga madaxtooyada, balse caawa taasi ma dhicin oo waxaa jidka isla marayey gaadiidka shacabka iyo kan wada kolonyada madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo mucaaradka oo uu hal qodob uga muhiimsanaaday…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta Soomaaliya ayaa u jiheystay dhanka dastuurka iyo doodaha siyaasiga ah ee la xiriira 2026, xilli ay Soomaaliya ku jirto waqti aad u adag.

Soomaaliya ayaa wajaheysa dhowr arrimood oo aad u culus, oo dhamaan natiijadooda la arki doono 12-ka billood ee soo aadan. Waxaa kamid ah arrimaha damaca Itoobiya ee biyaha Soomaaliya, kaasi oo ka noqosho iyo ku dhaqaaqid middii ay tahayba aan dhaafi doonin bilaha soo socda.

La-dagaalanka argagixisada waa qodob kale oo weyn oo qabyo ka ah Soomaaliya iyo midda saddexaad oo ah bixitaanka ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS, oo la filaayo inay dhamaadka sanadkaan ka baxaan dalka, una baahan diyaar garow sax ah.

Dhamaan saddexdaan qodob oo si xooggan oo kala gaar gaar ah u saameynaya amniga, jiritaanka iyo madax-banaanida Soomaaliya ayaa hadda ahmiyadooda hoos usii dhaceysa maalinba maalinka xigga.

Waa qodobo dhamaan u baahan midnimo umadeed, mid siyaasadeed iyo in la siiyo hortebin gaar ah, balse nasiib darro hadda waxaa miiska marxaladaha Soomaaliya ugu xoog badan doodda wax ka bedelka iyo dhameystirka dastuurka.

Dhanka madaxda maamullada waxay ku mashquulsan yihiin sidii ay kuraasta ugu soo laaban lahaayeen, oo ma ahan rag ka fakiraya wax dan-guud ah.

Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh, madaxda maamullada iyo mucaaradkaba waxaa lagu eedeynayaa inay laaleen howlihii ugu muhiimsana in dalka laga saaro xilliga adag. In mowduucyadii waaweyna ee dalka la jiiray la iskuma diidana waxaase kooxaha mucaaradka ay ku doodayaan inay sababteeda leedahay Villa Somalia oo ayadu ka leexatay inay ka shaqeyso arrimaha waaweyn, beddelkeedana xoogga saartay inay furto mowduucyo siyaasadeed oo la xiriira arrimaha dastuurka iyo doorashooyinka, iyaguna ay ku qasbanaadeen inay dowladda la dhigtaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu haystay dhowr shaqo oo cidna ay ku mucaaradi karin, waxaana kamid ah; la-dagaalanka argagixisada iyo difaaca biyaha Soomaaliya oo duullaan ay ku soo qaaday dowladda Itoobiya.

Labadaan arrimood cidna banaanka uma soo istaagi karto inay dowladda ku diido, laakiin hadda dowladdu iyada ayaa shaqo u abuurtay mucaaradkeeda.

Iyada oo dhameystirka dastuurka uu kamid yahay howlaha muhiimka ah ee dalka iyo balanqaadyadii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee xilligii doorashada, haddana maadaama uu taabanayo awood qeybsiga siyaasadda iyo doorashooyinka soo socda dad badan ayaa rumeysnaa in xooga dib loo dhigi oo taasi bedelkeedda waqti la geliyo u diyaar-garowga bixitaanka ciidanka ATMIS, soo afjarida argagixisada iyo burinta is-afgaradkii Itoobiya la gaartay Muuse Biixi.

Inta argagixisada ay weli ka dagaalamayso Soomaaliya waa adkaan doonto inay Soomaaliya xasillooni hesho, dastuurkeeda shaqeeyo, iskana difaacdo damaca ka imaanaya dariskeeda.

Si taas lamid ah inta siyaasiyiinteeda ku mashquulsan yihiin danaha gaarka ah, ma dhisi karaan midnimo shacab oo la iskaga difaaci karo duullaanka deriska iyo gumaadka argagixisada.

Dada badan ayaa madaxweyne Xasan Sheekh iyo mucaaradkaba ugu baaqay inay dib u hagaajiyaan howlaha hortebinta leh ee qaranka oo meel la iska dhigo danaha shaqsiga ah iyo kuwa kooxaha.

Masuulkii beddelay CABDUL oo hortegay BF kadibna…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Axmed Siciid Maxamed ayaa hortegay guddiga arrimaha gudaha, amniga iyo maamulada gobolada ee Golaha Shacabka.

Kulankaan oo ahaa mid su’aalo lagu weydiinayay agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda ayaa waxaa shir guddoomiyey ku-simaha guddoomiyaha ahna guddoomiye xigeenka guddiga Xildhibaan Nuur Afey, ayada oo ku wehliyey xoghayaha guddiga Xildhibaan Maxamed Diyeeshe.

Sidoo kale, kulanka waxaa kasoo qeyb-galay ku-simaha wasiirka wasaaradda amniga gudaha XFS Maxamed Siciid Xagaa iyo agaasimaha guud ee wasaaradda amniga gudaha Yuusuf Cali Maxamed.

Agaasimaha Guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa waxa uu guddiga weydiiyay su’aalo la xiriira waajibaadkii loo igmaday, xilli dhawaan ay hay’adda xuddun u noqotay baaritaannada kiisaska musuq-maasuq ee ay billowday dowladda federaalka.

Agaasime Axmed Siciid ayaa la magacaabay kadib markii agaasimihii hore ee hay’adda Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) uu sheegay inuu xilkaas iska casilay, isaga oo dalka ka maqan kadib markii ay kusoo baxday fadeexad musuq-maasuq.

Cabdul ayaa ka mid ahaa 18 xubnood oo Xeer Ilaalinta Qaranka ay kusoo oogtay dacwad musuq-maasuq, lunsasho hanti iyo xatooyo xoolo dadweyne, inkasta oo eedahaas uu beeniyey markii uu soo saaray warqadda uu isku casilay.

Si kastaba, hay’addan ayaa hadda si gaar ah isha loogu hayaa, ayada oo hoggaanka cusub ee hay’adda uu dib u habeyn ballaaran ku sameeyay hanaanka shaqo iyo adeeg bixin ee hay’adda, oo bulshadu horey uga sheegan jireen dhib badan.

Kadib toogashadii xerada Jenerral Goordan, Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmo kadib toogashadii ka dhacday xerada Jeneraal Goordon ee Muqdisho, ayaa wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) uu khadka taleefonka kula hadlay Wasiiru-dowlaha Difaaca ee Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE).

Wasiir Jaamac ayaa ugu horeyn uga tacsiyeeyay xukuumadda, shacabka iyo ciidanka dowladda Imaaraadka geerida saraakiisha Imaaraadka ahaa ee ka dhalatay weerarkii argagixiso ee ka dhacay xerada Goordan.

Saraakiisha geeriyootay ayuu sheegay wasiirka in ay yihiin halyeeyo sumad u ahaan doona kaalinta dowladda Imaaraadku kaga jirto la dagaallanka argagixisada caalamiga ah iyo dib u dhiska dowladnimada soomaaliyeed.

Waxa uuna rabbi uga baryay in uu u naxariisto shuhadada, inta dhaawaca ahna uu u booga dhayo, ehelkoodina samir iyo iimaan ka siiyo.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay socdaan baaritaanno lagu hubinayo weerarkii dhawaan ka dhacay xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho.

Waxa uu ka dhawaajiyay in falka argagixisada ee lagu beegsaday saraakiisha Imaaraadka ay labada dal isla garteen inuusan waxba u dhimi doonin xiriirka iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee laba dal.

Weerarkaasi ayaa waxaa ku dhintay saraakiil sar-sare, oo kamid ahaa Maxamed Mubaarak oo ahaa sarkaalkii ugu sarreeyay Imaaraadka ee haystay amniga iyo tababarada ciiidanka Soomaaliya.

Imaaraadka ayaa si buuxda u maal-galiya ku dhawaad toban kun oo kamid ah ciidanka dhawaan la qoray ee dowladda Soomaaliya.

Weerarkaasi oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa la rumeysan yahay in askariga uu ka tirsanaa kooxda ka hor inta aanu kusoo biirin tababarka oo muddo fog ka hor loo soo diray weerarka.

Xuseen Sheekh Maxamuud oo afar qodob kasoo saaray tallaabada uu qaaday BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee madaxtooyada Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay tallaabada uu qaaday baarlamaanka, oo maanta si rasmi ah u bilaabay doodda wax ka bedelka iyo dhameystirka dastuurka.

Xuseen ayaa sheegay in baarlamaanka maanta jira uu nasiib u yeeshay inuu isaga oo ummadda Soomaaliyeed matalaya ka dooddo dastuurka anagoo u rajeynayna inuu waajibkiisa ka guto, uuna ansixiyo si loo helo dastuur dhameystiran oo afti dadweyne sugaya.

“1960-kii ayaa u danbeysay in Baarlamaan Soomaaliyeed uu si dimuqraadi ah uga doodo una ansixiyo dastuur rasmi ah oo ay Soomaalida leedahay. Umadda Soomaaliyeed waxaa ay ka faa’ideysaa in dastuurka la ansixiyo arrimo badan,” ayuu Xuseen Sheekh ku yiri qoraal uu soo saaray.

Agaasimihii hore ee Villa Soomaaliya ayaa ku booriyay Xildhibaanada labada Aqal inay si habsami leh uga doodaan, ayna ansixiyaan dastuur aan is khilaafsaneyn oo awoodaha heerarka dowladda kala cadeynaya.

Hoos ka aqriso afar qodob oo uu ka soo saaray arrinkaan, oo uu sheegay in laga faa’iidayo tallaabada uu qaaday baarlamaanka.

  1. Dastuurka waa hortabinta 1-aad ee dawlad-dhiska Soomaaliya, sidaa darteed in dastuurka la dhameystiro waxay aas-aas u tahay dawladnimo dhameystiran wuxuuna sharciyad dhameystiran siinayaa hay’adaha dastuuriga ah ee heerarka dawladda.
  2. Dastuurka wuxuu si wanaagsan u cadeynayaa awoodaha iyo xiriirka wadashaqeyna hay’adaha dawladda (heer federaal iyo heer dawlad goboleedba), taas oo horseedaysa in si hufan ay ummadda ugu adeegaan.
  3. Dastuur sharciyad haysta wuxuu horseedayaa gobannimo buuxda oo uu dalkeenu yeesho wuxuuna kor u qaadayaa maqaamka iyo sharafta uu dalkeenu ku leeyahay caalamka.
  4. Dastuur dhameystiran wuxuu horseedayaa in shacabka Soomaaliyeed ay xuquuqdooda dastuuriga helaan ayna gutaan waajibaadkooda, taas oo ay ugu horeyso doorasho toos ah oo ay ku doortaan hoggaankooda siyaasadda.