26.4 C
Mogadishu
Tuesday, June 23, 2026

Xog: Shaqadii xarunta maamulka Gobolka Banaadir oo istaagtay kadib markii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa gebi ahaanba istaagay shaqooyinkii ka socday xarunta gobolka Banaadir, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Shaqooyinkii ka socday xarunta gobolka ayaa istaagay kadib markii la waayay adeeg koronto oo lagu shaqeeyo, kadib markii uu ka halaabay Matoorkii korontada u qeybin jiray xarunta.

Dowladda Hoose ee Xamar hore ayaa looga jartay korontada kadib markii ay bixin weysay lacagtii lagu lahaa, waxaana hadda ka halaabay halkii Matoor oo ay soo iibsadeen.

Arrintaan ayaa sababtay in maanta ay istaagan gebi ahaanba shaqooyinkii gobolka, oo aysan wax shaqo ka socon xafiisyadii gobolka, ee bulshada u adeeg doonan jirtay.

Sidoo kale waxaa adeegga korontada laga jartay xarumaha degmooyinka qaarkood, oo ay kamid tahay degmada Xamar Weyne, taasi oo iyadna saameyn ku yeelatay adeegii ay bulshada u haysay.

Xarunta degmada ayaa tan iyo markaas oo ku siman shan maalin aysan wax shaqo ah ka socon.

Waxaa is qaban la’ lacagta xad dhaafka ah ee dadka Muqdisho laga qaado iyo xafiisyadii gobolka oo qiimaha adeegga korontada iska bixin weysan.

Si kastaba, arrimahaan ayaa banaanka keenaysa in maamulka gobolka uu ka jiro musuq-maasuq baahaan, kaasi oo gaaray heer xataa in degmooyinka qaar iska bixin waayan adeeggii korontada.

Xog: Sidee ninkii Shabaabka ahaa ee toogashada fuliyey ku galay xerada Goordan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) Shaki xoogan iyo su’aallo ayaa ka dhashay weerarkii toogashada ahaa ee habeen hore ka dhacay gudaha xerada Jeneraal Goordan, kaas oo ay mas’uuliyaddiisu sheegatay kooxda Al-Shabaab oo haatan dagaal adag kula jirto dowladda.

Toogashada ayaa waxaa fuliyay askari ka tirsanaa ciidanka lagu tababaray xeradan oo ay gacanta ku heyso dowladda Imaaraadka, kaas oo magaciisa lagu sheegay Xasan Maxamed, isla markaana Al-Shabaab kasoo goostay 2021-kii, kadibna mar dambe qortay ciidamada.

Askariga ayaa toogasho ku dilay saraakiil sar sare oo isugu jiro Soomaali iyo Imaaraati, waxaana kamid ahaa Maxamed Al-Mansouri oo ahaa sarkaalkii haystay xerada oo dhan.

Korneel Cabdullahi Cali Macow oo ka tirsan saraakiishii hore ee NISA ayaa bixiyay xog ku aadan sida ay Al-Shabaab ugu suuragashay inay dhex gasho xerada Jeneraal Goordan.

“Sideedaba meel ay argagixiso ka dagaalameyso way dhuumaaleysataa dadka ayayna ku dhex jirtaa, waxaa waayey dariska ayay la joogtaa” ayuu wareysiga ku yiri Korneelka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kooxdan ay muddo dheer ka shaqeyneysay arrintan, isla markaana ay sameysay diyaargarow dhanka sirdoonka ah, kaas oo u suuragalay.

“Shabaab muddo dheer ayay arrintan u kuurgaleen oo waxa ay sameeyeen u diyaar garow dhanka sirdoonka ah ayay ka dhex wadeen qaabkii ay u dhex-gali lahaayeen Imaaraadka, laakiin taxadarka ma’aha in qofka damaanad la waydiiyo waxaa jira qalab yar oo qofka dhaq-dhaqaaqa wada lagu ogaado waxa uu wado, waana sahlan tahay ” ayuu yiri Macow.

Waxaa kale oo uu yiri “Nimankan waa lasoo dhex-galay, waana lagu dhex jiraa ciidanka iyo hay’adaha kale dowladdaba”.

Korneelka ayaa ku taliyay in baaris lagu sameeyo kiiska ninka weerarka fuliyay, maadaama sida uu kusoo galay ciidanka laga ogaan karo damaanacadda iyo dadkii soo qoray.

“Qaabka uu ninkaan u dhex-galay meesha iyo ogaal la’aanta dadka soo qoray ninkan wuxuu ahaa ayaa loo baahan yahay inay hay’adaha amniga baaraan, waayo waxaa jira damaanad wax la yiraahdo Imaaraadka ayaa lacag badan bixinaayo ayuu kusoo dhex-galay, sidaas ayuuna dadka ku baabi’iyay” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Macow.

Wararkii ugu dambeeyay ee kulanka baarlamanka ee wax ka bedelka dastuurka + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada labada Gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo haatan kulan xasaasi ah ku leh xarunta Villa Hargeysa ayaa maanta toos u guda galay arrimaha wax ka beddelka dastuurka kumeel gaarka ah ee dalka.

Kulankan ayaa waxaa guddoominaya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo faahfaahin ka bixiyay ajendaha kulankooda maanta ee ku aadan arrimaha dastuurka.

Sidoo kale waxaa kulanka goobjoog ah guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Mudane Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo ah qabiir sare oo sharci yaqaan ah.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo furitaankii kulanka ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in maanta ay tahay maalin weyn oo taariikhi ah, isla markaana ay sugeysay guud ahaan Ummada Soomaaliyeed, maadaama la dhameystirayo dastuurka dalka.

“Maanta waa maalin taariikhi ah waa maalin waqti badan ay sugeysay Ummadda Soomaaliyeed dastuurka Baarlamaanadii lasoo dhaafay oo dhan laga sugaayay nasiib noqon waysay inay suurtogasho ayaa maanta galeynaa furitaankiisa” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray dhammaan xildhibaanada Soomaaliyeed, isaga oo ka codsaday inay waqtiga ilaaliyaan, maadaama ay u taallo shaqo adag, isla-markaana la guda galay doodda ku aadan wax ka beddelka dastuurka KMG ka ah ee Soomaaliya.

“Waxaan rabaa inaan wada ogaano oo aan ku talagalno maanta laga bilaabo inaan galeyno arrin ka duwan tii hore waqtiga waa in aad loo ilaaliyo oo subixii 9:00 subaxnimo sida noogu qoran xeerka inaan nimaano” ayuu mar kale yiri guddoomiye Aadan Madoobe.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in maanta aysan jirin dood toos ah, basle la dhageysanayo warbixinta guddiga la socodka dastuurka ee baarlamaanka oo soo bandhigaya warbixin ku aadan qodobada miiska saaran ee wax laga beddelayo.

“Guddiga ayaa warbixin na siinaayo, iyaga ayaan ka dhageysaneynaa faahfaahin ayay bixin doonaan, kadib waxaa wax laga weydiin doonaa mabaadii’da guud” ayuu sii raaciyay.

Dooddan ayaa kusoo aadeyso xilli xasaasi ah, isla markaana mucaaradka iyo Puntland ay weli kasoo horjeedaan wax ka beddelka dastuurka oo ay gadaal ka riixeyso Villa Somalia.

Shariif, Kheyre iyo CC oo ku eedeeyey Xasan kali-talisnimo iyo xaraashka hanti-guud

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisal Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa ku eedeeyey madaxweyne Xasan Sheekh inuu keligii isku koobay taladii dalka, islamarkaana uu dhegaha ka xirtay talooyinkoodii.

Waxay kale oo ay ku eedeeyeen Madaxweyne Xasan Sheekh inuu qaab qarda-jeex ah ku wado dhammeystirka dastuurka iyo in hoggaankiisa uu xaraashayo hantidii guud ee dalka, iyadoo ugu danbeyn ugu baaqay inuu talada dhulka dhigo.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Dalka wuxuu wajahayaa khataro waawayn oo u baahan in lagu xalliyo xikmad, talowadaag, tanaasul, dulqaad, midnimo iyo wadajir. Waxaan walaac xoog leh ka qabnaa habdhaqanka hoggaamin ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xukuumaddiisu ay ku wajahayaan halista dalka dul hagoogan oo ay ugu horreeyaan argagixisada Al-shabaab iyo Daacish, damaca gurracan ee ay dawladda Itoobiya ku doonayso in ay qayb baddeenna ka mid ah ku qaadato, khilaafka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya dawladda Federaalka ah iyo Puntland iyo muranka maalmahan ka soo cusboonaaday dhulalka danta guud.

Tallooyin fool ka fool ah iyo kuwo qoraal ah oo aan Madaxweynaha ka siinnay arrimahan waxay u muuqdaan kuwo ku dhacay dhego furaysan. Waxaan u aragnaa in dalka uu maanta ugu baahi badan yahay midnimo iyo wadajir lagu wajaho halista iyo khataraha nagu xeeran, laakiin taa beddelkeeda uu Madaxwaynuhu dalka ku hoggaaminayaa siyaasad gole ka fuul ah oo kaligii- duulnimo ah, taasoo aan lahayn istiraatiijiyad iyo qorshayaal cad, oo aysan kala saarnayn howlaha mudnaanta hortebinta leh iyo kuwa muhiimka ah ee la dib dhigan karo.

Maanta Soomaali waxay u baahan tahay ficil kasta oo dadkeeda midaynaya iyo ka fogaanshaha kii kala geynaya. Haddaba waxaan walaac xoog leh ka qabnaa arrimaha soo socda:

1- In hoggaanka dalka uu ka mashquulay la dagallaankii kooxaha argagixisada, iyagoo dib u qabsaday qaar ka mid ah goobihii dhiigga iyo nafhurka looga xoreeyay. Madaxweynahu wuxuu isku xiray hawlgalka dagaalka iyo shakhsigiisa, taasoo markii uu mashquulay, hoggaanka hay’adaha nabadgelyada iyo difaacuna aysan u gacan bannaanayn ayaa waxay sababtay dayaca ku yimid dagaalka.

2- Waxaan walaac ka qabnaa in uu gaabis yahay abaabulkii iyo istiraatiijiyaddii siyaasadeed, diblomaasiyadeed, bulsho iyo amni ee lagu wajahayay ka hortaga damaca Itoobiya. Waxaana caddayn u ah in dalku uusan muddo laba bil ah lahayn wasiir amni iyo arrimo dibadeed. Wuxuu Madaxweynuhu baalmarayaa hay’adihii dawladda, kaligii ayaana isku koobay hawshii dalka ee dhinaca siyaasadda, dhaqaalaha, diblomaasiyadda iyo bulshada intaba.

3- Waxaan walaaac ka qabnaa dhammaystirka Dastuurka oo aan loo dhammayn. Dhamaystirka dastuurka wuxuu ka mid yahay hawlaha muhiimka ah, laakiin aan degdegga ahayn, sababtoo ah waa heshiis bulsho oo la doonayo in uu dalka iyo dadka isku hayo, una horseedo xasillooni siyaasadeed, midnimo iyo wadajir. Ma aha in qaab qardo jeex iyo gacan maroojis ah lagu dhammaystiro. Dastuur ay isku khilaafsan yihiin xoogagga siyaasadda dalka wuxuu ku danbayn doonaa in dhaqan galkiisu socon waayo. Sida haatan lagu wado dhamaystirka dastuurka waxay ka soo horjeeddaa ruuxda dastuurka iyo qodobadiisa qeexaya dhammaystirkiisa, waxay kaloo madaxweynihii oo taladii kale dalka kaligii isku soo koobay ka mashquulisay ajandayaashii hortebinta degdegga ah lahaa ee la dagallaanka argagixisada iyo ka hortagga damaca dawladda Itoobiya, dhismaha ciidan qaran oo ATMIS dalka kala wareega.

4- Waxaan walaac xooggan ka qabnaa xaraashka dhulka hantida guud ee maalmahan sida xawliga ah uga socda Muqdisho. Waxaan kasoo horjeednaa ku takrifalka hantida qaranka ee sida sharci darrida ah qiimaha jabanna looga iibinayo shakhsiyaad gaar ah.
Waxaa xaaran ku ah diinta Islaamka, dastuurka iyo shuruucda dalka in madaxda qaranka ay ku takrifalaan hantidii shacabka Soomaaliyeed ka dhexaysay, iyadoo la iibinayo dhulkii danta guud, si degdeg ahna looga tirayo diiwaanka hantida qaranka.

Waxaan hadaba uga digaynaa madaxda qaranka in ay ka waantoobaan arrinkaas, waxaanna xusuusinaynaa in arrinkaas la iskula xisaabtami doono mustaqbal dhow iyo kan fog intaba. Waxaan sidaa si la mid ah uga digaynaa ganacsatada iyo shakhsiyaadka ku hawlan iibsiga hantida qaranka in aysan yeelan doonin xuquuqda lahaanshaha dhulka maadaama sida lagu siiyay ay tahay sifo sharci darro ah.

Waxaan gebagebadii ugu baaqaynaa Madaxweynaha in uu talada dalka dhulka dhigo, dalka iyo dadkana u turo, aqbalana talowadaag iyo tanaasul, si midnimo iyo isku duubni loogu wajaho halista dalka hortaalla. Waxaan uga digaynaa cawaaqib xumida ka dhalan karta in uu ku sii socdo qaabkan gole ka fuulka iyo kali-duulka ee uu haatan dalka ku hoggaaminayo. Waxaan ugu baaqaynaa inuu mudnaanta siiyo la dagaalka kooxaha argagixisada ah, ka hortagga damaca Itoobiya, joojiyana qaabka qardajeexa ah ee uu doonayo in uu dastuurka ku ansixiyo, iyo ku tagrifalka dhulka hantida danta guuud ee sida sharci darrida ah looga iibanayo shakhsiyaadka, siyaasiyiinta iyo ganacsatada ay danwadaagta yihiin.

1. Shiikh Shariif Sheekh Ahmed
2. Xasan Cali Khayre
3. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Askari ka tirsan ciidamada dowladda oo si arxan darro ah loogu dilay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil maanta askari ka tirsan ciidamada dowladda loogu gaystay gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafadda Haanta Dheer oo ka tirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Dilka ayaa waxaa gaystay askar kale oo ka tirsan isla ciidamada dowladda, sida uu sheegay qof goojooge ah oo ka dhacday dhacdadaasi.

“Waxaan aragnay nin askari ah iyo niman kale oo 4 askari ah oo murmaayo, kadib is afgara-waa ka bacdi madaxa ayay xabad uga dhufteen, mooto ayayba raaceen” ayuu yiri.

Askariga la toogtay ayuu sheegay in markii hore uu dhaawac soo gaaray, balse uu waayay wax qaado, kadibna ku dhintay waddada dhexdeeda.

“Ninka askariga ahaa wax qaado ayaa la waayay annagana shacab ayaa iska ahayn, waana ku dhiiran weynay inaan qaadno” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sidoo kal wuxuu intaasi ku daray in maydka marxuumka uu goobta yaalay, isla markaana kuwii dilay ay mooto ka qaateen goobta, ayaga oo sidaas ku baxsaday.

“Sodon daqiiqo ninka nafta waa ku jirtay ka bacdi ayuu dhintay muddo dheer maydkiisa wuxuu iska yaalay laamiga qarkiisa” ayuu mar kale yiri goobjoogaha.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ee ku aadan askarigaasi si arxan darrada ah loo dilay.

Muqdisho ayaa waxaa badanaa ka dhaca isku dhacyo ciidamo dhexdooda ah, waxaana ka dhasha khasaare soo kala gaaray ciidamada iyo shacab ah aan waxba galabsan.

Faah-faahinta QARAX ka dhacay duleedka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo xalay ka dhacay duleedka magaalada caasimada ah ee Muqdisho, gaar ahaan agagaarka deegaanka Ceelasha Biyaha, kaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ku socdaalayay waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in qaraxa uu haleelay gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo marayay halkaas, waxaana jira khasaare gaaray.

Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa shaacisay in qaraxaas ay ku dishay laba askari, ayna ku dhaawacday laba kale, sida ay hadalka u dhigtay.

Ma jiro ilo madax banaan oo xaqiijin kara sheegada Al-Shabaab, kamana hadlin weli laamaha ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Xaaladda ayaa hadda ah mid deggan, waxaana si caadi ah u shaqeynaya dhaq-dhaqaaqa gaadiidka iyo ganacsiga deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Marar badan ayaa waxaa waddadan qaraxyo miino lagula eegtay ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ee isaga kala goosha Muqdisho iyo gobolka Shabeelaha Hoose.

Si kastaba, weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmihii u dambeeyay ay daganeyd xaaladda ammaan ee Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran oo ay howlgallo joogto ah ka wadeen ciidamada booliska, kuwa xasilinta iyo hay’adda Nabad-Sugidda Soomaaliya.

Xog: Tallaabo siyaasadeed oo cajiib ah: Deni oo xil wasiir siinaya reer Koonfur Galbeed

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa markii u horraysay golihiisa xukuumaddiisa ku soo daraya mas’uul ka soo jeeda degaannada Koonfur Galbeed, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Xog lagu kalsoon yahay oo aan helnay ayaa sheegeysa in madaxweyne Deni uu hal wasiiru-dowle u magacaabayo dadka ka soo jeeda degaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ku sugan Puntland.

Weli ma cadda shakhsiga loo magacaabayo xilkan, balse keliya waxa la xaqiijiyay in madaxweynaha uu wasiiru-dowle siinayo dadka reer Koonfur Galbeed ee ku dhaqan Puntland.

Xogtan ayaa si cad u muujinaysa xaqiiqada warka ku saabsan in Siciid Deni uu yahay musharrax mar kale u tartamaya xilka madaxweynaha Soomaaliya oo uu laba jeer oo hore ku dhacay.

Waxa la rumaysan yahay in uu magacaabistan u samaynayo si uu codad uga helo xildhibaannada Koonfur Galbeed laga soo dooran doono doorashada 2026.

Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa saameyn xooggan ku leh doorashooyinka madaxweynaha Soomaaliya ee inta badan ay ku loolamaan siyaasiyiinta kasoo jeeda Hawiye iyo Daarood, waxaana inta badan xilka hela dhinaca ay raacaan.

Tallaabada uu qaadayo Deni ayaa ah isbeddel weyn, maadaama ay sanado un kahor aheyd markii maamulka Puntland uu cunsuriyeyn iyo raaf kula kacay dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee ku sugan Puntland.

Si kastaba ma cadda haddii isku dayga siyaasadeed ee Deni uu ka gadmi doono Reer Koonfur Galbeed.

Saraakiil ajaaniib ah oo lagu laayey duqeyn ka dhacday gobolka Jubbada Hoose

0

Jamaame (Caasimada Online) –  Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta duqeyn xoogan oo lala beegsaday Al-Shabaab ay ka dhacday agagaarka degmada Jamaame ee gobolkaasi.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaasi lagu dilay 20 ka tirsanaa Al-Shabaab oo ay ku jiraan horjoogayaal ajaaniibah.

Sidoo kale qoraalka lagu sheegay in xubnaha la laayay, ayaga oo ku dhuumaaleysanayaa deegaano jinka wabiga, isla markaana hoosta degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

“Duqeymo dhanka cirka ah oo ay iska kaashaadeen Ciidanka Xoogga dalka iyo Saaxiibadood Caalamiga ah, ayaa lala beegsaday dhagarqabeyaal ka tirsan Khawaarijta, kuwaasi oo ku dhuumaaleysanayey deegaano hoos-yimaada degmadda Jammaame ee gobolka jubbada hoose, gaar ahaan dhanka jiinka wabiga” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Duqeyntaan, ayaa cadowga waxaa lagu gaarsiiyey khasaaro culus, waxaana looga dilay in kabadan 20 dhagarqabe oo ay ku jireen horjoogeyaal ajaanib ah”.

Ma shaacin dowladda Soomaaliya magacyada xubnaha Al-Shabaab looga dilay duqeynta maanta ka dhacday qaybo kamid ah gobolka Jubbada Hoose ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Dhanka kale ma jiro wax hada ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaas ee ay guula ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka iyo saaxibada caalamig ah.

Jubbooyinka oo ay ku xoogan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa waxaa badanaa ka dhaca duqeymo diyaaradeed oo lala beegsado kooxda, kuwaas oo dhaliyay khasaarooyin xoogan.

PUNTLAND oo billowday howlgal lagu beegsanayo dadka Oromada ah

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa xalay howlgal culus ka sameeyay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kaas oo lagu beegsaday dadka kasoo jeeda dalka Itoobiya ee u badan qowmiyadda Oromada.

Puntland ayaa billowday inay dadkaan ka aruuriso magaalada, waxaana lagu xiray sadhigga dhexe, sida ay sheegeen saraakiisha laamaha ammaanka ee magaalada Boosaaso.

Inta badan dadkan oo lagu eedeeyay inay ku lug leeyihiin falalka ammaan darri ee ka dhaca halkaas ayaa laga soo qab-qabtay waddooyinka magaalada.

Mas’uuliyiinta maamulka ayaa sheegay in ay qorsheynayaan in dadkaan Itoobiyaanka ah dib loogu celiyo dalkooda, maadaama ay tahriib ahaan kusoo galeen Puntland.

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa dadka Oromada ah ay kusoo qul-qulayeen gudaha Soomaaliya, waxayna tageen dhowr magaallo oo ku yaalla dalka.

Howlgalkan ay hadda billowday Puntland ayaa si weyn loo dareemay, ayada oo baraha bulshada lagu baahiyay sawirrada Itoobiyaan badan oo gacanta lagu soo dhigay.

Boosaaso ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay weeraro lasoo abaabulay iyo qaraxyo qaarkood lalala beegsaday xarumaha ganacsi ee ku yaalla gudaha magaaladaasi.

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo dalab culus u gudbiyay xildhibaanada haweenka ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay la kulmay haweenka ku jira labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isaga oo u gudbiyay dalab culus oo ku aadan arrimaha dastuurka.

Ugu horreynXasan Sheekh ayaa xildhibaannada haweenka ah ee uu la kulmay la wadaagay qorshihiisa dhammeystirka hannaanka dowladnimada, Dastuurka iyo dib u xoreynta dalka.

Sidoo kale wuxuu ku dalbaday in doodaha socda ee ku adan dhammeystirka dastuurka ay ku kabaan arrimaha mudnaanta u leh Guud ahaan haweenka Soomaaliyeed si waafaqsan shareecadda Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in Xildhibaanada haweenka ah ay udub dhexaad u yahiin difaaca dhaxalka jiilasha Soomaaliyeed, madaxbannaanida iyo midnimada dalka.

“Haweenka Soomaaliyeed iyagaa hormuud u ah oo nagu dhiirri geliya difaaca iyo xoreynta, waa kuwa dhexda u xirtay samata-bixinta xilliyadii adkaa. Dalka in uu dastuur dhameystiran yeesho haybad, sharaf iyo karaamo ayaa ugu kordheysa qofkasta oo door ku leh, waxan rabaa in aad uga shaqeysaan si cadaalad ah oo aad ku salaysaan  mabaadii’da aasaasiga ah ee mideynaya Ummadda” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhana ka kale waxa uu soo hadal qaaday caqabadaha hortaagan dowladnimada Soomaaliya iyo dhabar adaygga ay ku wajahayaan dadka Soomaaliyeed, waxa uuna kula dardaarmay haweenka Labada Gole ee Baarlamaanka in ay matalaaddooda mideeyaan oo ay abaabulnaadaan si ay u xaqiijiyaan yoolasha ay hiigsanayaan.

Villa Soomaaliya oo gadaal ka riixeysa qorshaha wax ka beddelka dastuurka ayaa maalmihii u dambeeyay waday kulamo wadatashi ah oo ay la yeelaneyso xildhibaanada labada Gole.

Kulankan uu xalay Xasan Sheekh isugu jiray gabdhaha xildhibaanada ah ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Baarlamaanka uu horyaallo ajendi ku aadan dastuurka dalka.

Maxamed Al-Mansouri: Ninkii ka shaqeeyey amniga Muqdisho ee cadowgu ku dhex cunay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Korneyl Maxamed Al-Mansouri wuxuu ahaa sarkaalkii ugu sareeyey howlgalka amni ee dowladda Imaaraadka ay ka wado koonfurta Soomaaliya, wuxuu ka mid ahaa saraakiishii uu xalay laayey askari ka tirsanaa ciidan Soomaaliyeed oo dhawaan tababar ku qaatay xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho.

Howlgalka uu hoggaaminayey Maxamed Al-Mansouri oo xalay lagu khaarajiyey gudaha Muqdisho, wuxuu soo bilowday dhowr bilood kadib, markii xilka uu qabtay madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna laf-dhabar u ahaa qorshaha nabad ku soo dabaalidda caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Xasan Sheekh ayaa xukunka yimid iyadoo madaxdii ka horeysay ay jooji waayeen weerarrada Al-Shabaab ay ka geystaan Muqdisho, maalin kastana waxaa caasimadda ka dhacayey dilal toos ah iyo qaraxyo dadka Soomaaliyeed loogu laayey si arxan darro ah.

Qorshihii amni ee dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh ay dejisay waxaa maalgelin, tababarro ciidan iyo qibrad, intaba looga helay dowladda Imaaraadka, waxaana galkaas gacanta ku hayey Korneyl Maxamed Al-Mansouri oo xalay uu dilay askari Soomaaliyeed.

Dhowrkii bilood ee sarkaalkaas uu ku sugnaa Muqdisho, waxaa lagu guuleystay xakameynta qaraxyadii iyo dilalkii argagixisada, waxaana caasimadda loo tababaray ciidan u howlgala hanaan Boolis-militeri ah, kuwaas oo Imaaraadka ka hela mushaar gaar ah iyo saanadda ay ku howlgalaan.

Al-Shabaab waxay ka quusteen inay Muqdisho ku dilaan dadkii ku dhiiraday inay xoolahooda u diidaan kooxda, maadaama lagu kala adkaaday magaalada, waxaana sidaas ku joogsaday dhiigii dadka reer Muqdisho oo maalin kasta si daran ay u qubi jirtay kooxdu.

Qorshaha dowladda Soomaaliya ee taageerada looga helay Imaaraadka waxaa lagu dhisay guutooyin culus oo ciidan Soomaaliyeed ah, kuwaas oo aan ka xusi karno Boolis-militeri oo ku guuleystay sugidda amniga Muqdisho, Kaalid binu Waliid, Cumar Binu Khadaab iyo Abuu-dujaana, oo ah militeri ku maqan furimaha dagaalka ee Ceeldheer, Maxaas ilaa Camaara.

Dilka Korneyl Maxamed Al-Mansouri ayaa dhabar-jab culus ku ah howlgalkii Imaaraadku ka waday Soomaaliya, waxaana sarkaalkaas toogtay oo si bareer ah nolosha u dhaafiyey mid ka mid ah askar cusub oo Soomaaliya uu u tababaray, kuwaas oo dhawaan hubkooda loo qeybiyey mushaarkoodana loo bilaabay.

Dilka Korneyl Maxamed Al-Mansouri kadib, waxaa soo baxay warar sheegaya in sarkaalkaas oo isku qaabilsanaa howlgallada Imaaraadka ee Muqdisho iyo dalka Yemen, taas oo muujineysa muhiimdda uu dalkiisa u lahaa Korneyl Al-Mansouri.

Kooxda Al-Shabaab oo aad u neceb dowladaha taageera Soomaaliya ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkii uu fuliyey askarigaas ku tababartay xerada Jeneraal Goordan, balse ma jirto cid xaqiiji karta in aakarigaas uu gacan saar la lahaa argagixisada, maadaama aysan suurta-geli in la wareysto, waxaana lagu toogtay is-rasaaseyn dhex martay isaga iyo ciidankii kale ee ku sugnaa xerada.

Dilka saraakiishii Imaaraadka, wuxuu Soomaaliya ku yahay mid kamid ah xujooyinkii ugu cuslaa ee dalkaan uu wajaho, waxay toogashadaasi u soo jiidi kartaa Soomaaliya sumac-darro weyn iyo aaminaad la’aan dhanka amniga ah.

Saddex arrin xasaasi ah oo la xiriirta toogashadii lagu laayay saraakiisha Imaaraadka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku dhowaad labaatan xubnood oo Soomaali iyo ajnabi iskugu jiray ayaa lagu laayay weerar argagixiso oo ka dhacay xarunta Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho oo kamid ah goobaha lagu diyaariyo ciidanka dowladda Soomaaliya, si gaar ah kuwa ay Imaaraadka taageeraan.

Dhaawac ka badan labaatan ayaa sidoo kale lasoo wariyay. Nin ka tirsanaa ciidanka cusub, balse laamaha amniga aaminsan yihiin inay argagixisada ku soo dhex qarisay ciidanka cusub ee dowladda ayaa fuliyay weerarka xilli xubnaha la laayay salaad ku jireen.

Gudaha Masaajid ku yaalla xarunta Jeneraal Goordan ayaa la sheegay inuu duullaanka ka dhacay, iyada oo aanay hub haysan dadka la laayay. Saraakiil Imaaraadka u dhalatay iyo xubno kale oo ajnabi ah oo la shaqeynayay ayaa sidoo kale ku dhintay weerarkaan.

Dowladda Soomaaliya weli ma aanay bixin faah-faahin dhameystiran oo la xiriira weerarkan, laakiin madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isbitaalka ugu tegay dhaawacyada, waxaana uu kadib sii daayay farriin tacsi ah, oo uu si gaar ah ugu diray dowladda Imaaraadka Carabta.

Wuxuuna madaxweynaha ku amray laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya inay deg deg u keenaan xog iyo warbixin dhameystiran oo la xiriirta weerarkan, oo la sheegay in ninkii fuliyay isla goobta lagu toogtay.

Imaaraadka ayaa si buuxda u maal-galiya ku dhawaad toban kun oo kamid ah ciidanka dhawaan la qoray ee dowladda Soomaaliya. Xarunta xalay uu weerarka ka dhacay waxaa hore u xirtay dowladda madaxweyne Farmaajo, iyada oo dalkana ka saartay macalimiintii iyo howl-wadeennadii u shaqeynayay Imaaraadka, balse dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadda dib usoo celisay.

Haddaba weerarkii xalay wuxuu leeyahay dhowr su’aalood oo dowladda Soomaaliya uga baahan faah-faahin dhab ah iyo cashiro.

1. Faah-faahinta dilaaga

Dhamaan ciidanka loo qoro dowladda Soomaaliya waxaa ku qoran oo damiin ka ah dad siyaasiyiin ah. Iyada oo la tixraacayo nidaamka damiinta waa in dowladda bixisa faah-faahin la aqbali karo oo ku saabsan ninka falkaan fuliyay, lana wareystaa qofkii damiintay, taasi oo laga faa’iidi doono adkeynta ama wax ka bedelka nidaamka dammaanadda.

2. Farsamooyinka argagixisada

Khubarada amniga qaar waxay aaminsan yihiin inuu ninkani ahaa xubin argagixisada kusoo darsatay ciidanka dowladda, si uu u fuliyo falka noocaan ah. Waxay caddeyn u tahay inay xaalad walba ku fikirayso argagixisada.

Dowladdana waxaa hadda kadib looga baahan yahay ka baaran-dagid cusub iyo adkeynta habka ku biirista ciidanka dowladda. Gaar ahaan hubinta diiwaanka qofka ee dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.

3. Dagaalka ajnabiga

Durba waxaa soo baxaya suurta-galnimada inay arrintaan gacmo shisheeye ku jiri karaan, kuwaasi oo iyaga iyo Imaaraadka ay meelo badan adduunka ah isku hayaan.

Sirdoonka Soomaaliya waxaa hortaalla baaris sirdoon oo qoto dheer oo la xiriirta tuhunka wada shaqeynta argagixisada iyo ajnabiga, taasi oo haddii aan dhab loo wajihin Soomaaliya ka lumin karta saaxiibo badan oo gobolka iyo caalamkaba ah.

Muxuu Fahad Yaasiin ka yiri toogashadii ka dhacday xerada Jeneraal Goordan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee hey’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA Fahad Yaasiin ayaa soo saaray qoraal uu kula talinayo Madaxweyne Xasan Sheekh, kadib toogashadii saraakiisha iyo askarta lagu laayey ee xalay askari ka tirsanaa ciidankii lagu tababaray xerada Jeneraal Goordan uu ka geystay Muqdisho.

Fahad ayaa madaxweynaha kula taliyey inuu hey’adaha amniga ku sameeyo isbedel deg deg ah, isagoo aad u dhaliilay ragga uu ka xushay dadka ee masuuliyadda uu u dhiibtay, kuwaas oo badankood uu ku shaabadeeyey Shabaabnimo.

Sidoo kale Fahad Yaasiin wuxuu qiray in dhaawac culus uu gaaray ‘kalsoonida iyo sumcadda’ lagu qambi karo amniga Soomaaliya, kadib weerarkii xerada Jeneraal Goordan oo lagu laayey saraakiil u badan Imaaraati iyo askar ay Soomaali ku jirto.

Hoos ka akhriso qormada Fahad Yaasiin oo ciwaan uu uga dhigay, “𝐃𝐀𝐘𝐀𝐂 𝐀𝐌𝐍𝐈 𝐌𝐈𝐒𝐄 𝐃𝐀𝐘𝐀𝐂 𝐇𝐎𝐆𝐆𝐀𝐀𝐌𝐈𝐍?”

Xerada Janaraal Gordan oo kamid ahaa xarumaha ugu amniga adkaa in saraakiil Xoogga Dalka iyo tababarayaal ajnabi ah lagu dhex shirqoolo waa fal ugub ku ah sooyaalka amni ee dalkeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxyaabaha dhacay waa inay u noqotaa cashar uu wax ka barto iyo qiil uu wax ku saxo.

Marka uu Amiir Ku Xigeenkii hore ee Al Shabaab uu xil wasiirnimo ah ku abaalmariyo. Marka wasaaradaha ay hoostagaan ciidamada uu hogaan uga dhigay shakhsiyaad taariikhdooda lagu hubo iney Shabaab soo mareen. Marka hay’adihii ugu xasaasiyadda badnaa uu u dhiibay rag shaqaale u ahaa Alshabaab maxay tahay natiijada uu filan karo?

Wajigabax xanuun badan ayaa gaaray sumcada iyo kalsoonida lagu qabi karo amniga dalka. Madaxweynuhu hadduusan isbaddal degdeg ah ku samaynin qaab dhismeedka hoggaanka amniga dalka, waxa la filan karo waa fashal amni, oo kasii fool xun inta dhacday.

Waxa dhacay waa dayac amni, oo hadii uu Madaxweynuhu qaadi waayo tallaabo u qalanta isku badali doonta dayac hogaamineed.

Waxaan Alle uga baryayaa inuu u naxariisto intii ku dhimatay weerarkaas foosha xun, intooda dhaawaca ahna uu caafimaad taam ah siiyo.

Soomaaliya oo dalab cusub oo damaca Itoobiya ka dhan ah u dirtay M/Afrika iyo QM

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wada dadaallo ay ku dooneyso in Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ay si adag uga soo horjeestan xad-gudubka Itoobiya.

Soomaaliya ayaa ka dalbatay Midowga Afrika iyo QM inay mowqif mabada’ ka qaatan xad-gudubka ay ku kacday xukuumadda Abiy, xilli dhawaan uu shir-madaxeedka Midowga Afrika uu ka furmayo magaalada Addisa Ababa ee dalka Itoobiya.

“Waxaan ugu baaqaynaa dowladaha xubnaha ka ah inay mowqif mabda’ ah ka qaataan MOU-ga sharci darrada ah” ayay tiri Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ku boorisay AU iyo QM inay meel adag iska taagan xad-gudubka ay Itoobiya ku hayso madax-banaanida iyo wada-jirka dhuleed ee Soomaaliya.

Dalabka Soomaaliya ayaa imaanaya xilli 14-ka bishaan Febraayo loo madlan yahay shir-madaxeedka Midowga Afrika, ayada oo madaxda Afrik aiyo wafuud ka socota beesha caalamka isugu tegi doonto Addis Ababa.

Waxaa sida muuqata ay dowladda Soomaaliya doonaysaa in shirka Midowga Afrika arrimaha looga hadlayo ay kamid noqdaan xad-gudubka Itoobiya ay ku sameysay madax-bannaanida midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Weli si dhab ah looma oga in shirkaasi uu ka qeyb geli doono madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, xilli uu meel xasaasi ah marayo khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya ee salka ku haya heshiiskii is-afgarad ee madaxweynaha Somaliland iyo ra’iisul wasaare Abiy ku saxiixdeen Addis Ababa.

Midowga Afrika ayaa horey ugu baaqay Soomaaliya iyo Itoobiya inay xiisaddooda ku dajiyaan wada hadal iyo is qancin, ayada oo dhawaan uu Golaha Ammaanka ee QM uu xiisada labada dal u weeciyay inay xal ka gaaraan AU-da iyo IGAD.

Aqriso: Qodobada lasoo jeediyey in dastuurka laga beddelo oo loo gudbiyey BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madaxa-banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka ayaa soo saaray soo jeedinta uu soo diyaariyay ee wax ka beddelka dastuurka, taasi oo ka kooban illaa afar cutub.

Guddiga ayaa soo bandhigay cutubyada wax ka bedelka Dastuurka ee berri labada Aqal ka doodi doonaan afarta cutub ee uu ka kooban yahay wax ka bedeka Dastuurka.

“Guddigu inta uu ku guda jiray diyaarinta soo-jeedmiahan, waxay hay’adaha u xil-saaran dib u eegista dastuurka la-tashi la sameeyeen culimadda Soomaaliyeed, si guddiga uu u dhageysto tallooyinkooda iyo fiirooyinkooda ku aaddan wax ka beddelka cutubyada,” ayaa lagu yiri waraaq uu guddiga u direy guddoonka labada Aqal ee BF.

Soo-jeedimaha guddiga ayaa waxa qeyb ka ahaa heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran, kaasi oo dhigaya in la qaato nidaamka madaxweyne iyo ku-xigeen, islamarkaana ay dadka ayagu soo doortaan.

Tallaabadan ayaa imaaneysa, iyada oo maalinta berri labada Aqal ee Baarlamaanka u madlan yihiin qeybinta iyo ka doodista Wax ka bedelka dastuurka oo la qorsheynayo in laba todobaad ay socoto oo ugu dambeyna la ansixiyo.

Waxaase is weydiinta tahay wax ka bedelka dastuurka haddii si isku duuduub loo meel-mariyo sidee loo hirgeli doonaa, iyada oo aysi adag u diidan yihiin madaxdii hore ee dalka, maamulka Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Hoos ka aqriso afarta cutub ee soo jeedimihiisa uu soo diyaariyay guddiga, lana horgeyn doono labada Aqal ee BF.

Cutubka 1-aad: Baaqa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Cutubkan wuxuu ka kooban yahay sagaal qodob si lamid ah sidii asalka dastuurka uu ahaa, waxaana toosin lagu sameeyay dhamaan qodobbada iyo 21 faqradood.

Waxaa xusid mudan in lagu soo kordhiyay sagaal faqradood axkaamta lagu soo kordhiyay waxaa kamid ah “Reebbidda diin cayga, u hoggaansanka dastuurka iyo xeerarka dalka, daryeelka iyo illainta horumarinta afka Soomaaliga iyo suugaantiisa.”

Cutubka 2-aad: Xuquuqda aas-aasiga ah iyo waajibaadka muwaaddinka

Cutubkani wuxuu nidaaminayaa xuquuqda aas-aasiga ah, xoriyaadka iyo waajibaadka muwaadinka Jamhuuriyadd Federaalka Soomaaliya. Sida ku xusan jaantuska warbixinta, waxaa lagu sameeyay toosin 61 faqradood iyo guud ahaan dhamaan qodobadda cutubkaan marka laga rebeo hal qodob, waxaana lagu soo kordhiyay labaatan iyo todoba faqradood iyo hal qodob oo aan ku jirin asalka dastuurka.

Sidoo kale waxaa la tiray labo qodob iyo labaatan iyo saddex faqradood oo ku jiray asalkii dastuurka KMG. Arrimaha lagu soo kordhiyay waxaa kamid ah;

  1. Xaqa ilaalinta xogta shakhsiga ah.
  2. Xaqa rafcaan qaadashada.
  3. Xaqa dhalinyarada.
  4. In aan loo gacan gelin karin muwaadin JFS dal shisheeye.
  5. Iskaalmaysiga sharciga ah ee caalamiga.
  6. In uusan jirin waqti u xaddidan furidda iyo oogidda gal dacwadeed laga garnaqaayo gabood-fallada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha.

“Guddiga wuxuu diyaariyay cilmi-baaris dheer oo tilmaameysa aragtida madahaahibta fiqiga Islaamiga ah iyo dastuurada dalalka muslimka ah si loo helo fahan dheeraad ah oo ku saabsan arrinta da’da.

Sidoo kale, guddiga wuxuu cutubkaan u soo raray qodobka xeerinaya guddiga madax-banaan ee xuquuqul insaanka.

Cutubka 3-aad: Dhulka, hantida iyo deegaanka

Cutubkaan saddexaad wuxuu nidaaminayaa dhulka, hantida iyo deegaanka. Cutubkan waxaa inta badan qodobbadiisa lagu sameeyay toosin, waxaana lagu kordhiyey saddex qodob iyo saddex iyo toban faqradood oo cusub oo aan ku jirin asalka dastuurka, sidoo klae waxaa la tiray hal faqrad.

Axkaamta lagu kordhiyey cutubkaan waxaa kamid ah;

  1. Dhismaha guddiga qaranka dhulka, waajibaadkiisa, xubnihiisa iyo shuruudaha.
  2. Axkaamta la xiriirta dhulka qofka aan muwaadinka aheyn uu adeegsan karo, cidda awoodda u leh bixintiisa, iyo xayndaabka sharci.
  3. Aas-aasidda wakaaladaha u xil-saaran maaraynta milkiyadda iyo in kheyraadka dabiiciga ah looga faa’iidaysto si caddaalad ah.
  4. Guddiga u xil-saaran abaabulka iyo dardar-gelinta ururinta dakhliga.

Masuuliyada dawladaha heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ee ka saaran deegaanka sida ilaalinta iyo dhowrista deegaanka, sidii dalku u noqon lahaa mid doogeysan, wacyi-gelinta bulshada, ilaalinta isir hayeenka iyo nafleyda.

Cutubka 4-aad: Matalaadda shacabka

Cutubkan wuxuu nidaaminayaa doorashooyinka wuxuuna ku dhisan yahay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran Maajo 2023. Guddiga wuxuu ku sameeyay taxliilin dhameystiran heshiiska hanaanka doorashooyinka JFS ee uu gaaray Golaha Wadatashiga Qaran.

Ayadoo laga duulayo heshiiska Golaha iyo daraasad badan uu guddiga sameeyay axkaamta la xiriirta qodobbada heshiiska doorashooyinka.

Guddiga wuxuu diyaariyay cutubkan 4-aad oo ka kooban 15 qodob oo kulligood ay wada cusub yihiin marka laga reebo hal qodob, sidoo kale waxaa la tiray 1 qodob waxaana lagu kordhiyay afartan iyo shan faqradood oo cusub, sidoo kale waxaa lagu soo kordhiyay laba madax oo kala ah Madaxda 3-aad: Xisbiyada siyaasadda iyo Madaxa 4-aad: Maamulka doorashooyinka.

Guddiga ayaa cutubka 4-aad qodobkiisa 51-aad ku sheegay in hay’addaha sida tooska ah ay muwaadiniintu u dooranayaan ay kamid yihiin madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka.

Sidoo kale waxaa kamid ah labada Aqal ee BF, Madaxweynaha iyo ku-xigeenka maamullada oo loogu yeeray “hoggaamiyaha iyo ku-xigeenka dowlad-goboleedyada,” golaha wakiiladda dowlad goboleedyada iyo golaha deegaanka, duqa magaalada iyo ku-xigeenkiisa.

IMAARAADKA oo war cusub soo saaray iyo khasaaraha xerada Goordan oo kordhay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa goordhoweyd xaqiijisay in sarkaal afaraad uu saaka u dhintay dhaawac ka soo gaaray weerarkii shalay ka dhacday xerada Jeneral Goordan ee magaalada Muqdisho.

Afarta sarkaal ee Imaaraadka ayaa lagu kala magacaabaa;

  1. Colonel Mohamed Al Mansouri
  2. Warrant Officer 1 Mohamed Al Shamsi
  3. Warrant Officer 1 Khalifa Al Balushi
  4. Corporal Suleiman Al Shehhi.

Meydadkooda ayaa gaaray Abu Dhabi maanta oo Axad ah.

Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale sheegay in sarkaal ka tirsan ciidamada difaaca Bahrain lagu dilay weerarkaan.

Saraakiishan ayaa Soomaaliya u joogay tababarrida iyo tayeynta ciidamada Soomaalida, taasi oo qeyb ka ah heshiiska laba geesoodka ah ee Imaaraadka iyo Soomaaliya ee qaab-dhismeedka iskaashiga milateri ee labada dal.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in saraakiisha Imaaraadka Carabta ee la weeraray aysan deganeyn xerada oo ay degan yihiin xarunta Xalane ee garoonka Aadan Cadde, balse ay si joogto ah u tagaan xerada, si ay u bixiyaan tababarada.

Xogta ayaa intaas ku dareysa in saraakiisha ay ahaayeen bartilmaameedka weerarka, inkasta oo ay jiraan askari Soomaali ah oo qeyb ka ahaa tababarka oo iyagana weerarka ku dhintay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarkaan, waxaana la rumeysan yahay in askariga uu ka tirsanaa kooxda ka hor inta aanu kusoo biirin tababarka oo muddo fog ka hor loo soo diray weerarka.

Askariga weerarka fuliyey ayaa la sheegay inay damiin ka ahaayeen oo ay tababarka geeyeen xubno sare oo ka tirsan dowladda, balse weli la isku khilaafsan yahay qofka rasmiga ah ayada oo ay jiraan warar is khilaafsan oo sheegaya xubno kala duwan.

Wasaaradda gaashaandhigga ayaa dhankeeda sheegtay in Imaaraadka Carabta ay dowladda Soomaaliya kala shaqeyn doonto baaritaanka ficilkan oo ay ku tilmaamtay “mid aad u xun.”

Madaxweyne GEELLE oo war kasoo saaray weerarkii xerada Jeneral Goordan

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geele ayaa war kasoo saaray toogashadii xalay ka dhacday gudaha xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Geelle ayaa si kulul u cambaareeyay falkii argagixisanimo ee ka dhacay xerada Janaraal Goordan ee magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu dilay saraakiil Soomaali iyo Imaaraad.

Waxa uu sheegay in dowladda Jabuuti ay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo dadaal adag ugu jira sidii argagaxisada dalka looga cirib tiri lahaa.

Weerarkaasi ayaa waxaa ku dhintay saraakiil sar-sare, oo kamid ahaa Maxamed Mubaarak oo ahaa sarkaalkii ugu sarreeyay Imaaraadka ee haystay amniga iyo tababarada ciiidanka Soomaaliya.

Imaaraadka ayaa si buuxda u maal-galiya ku dhawaad toban kun oo kamid ah ciidanka dhawaan la qoray ee dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya weli ma aanay bixin faah-faahin dhameystiran oo la xiriira weerarkan, laakiin madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isbitaalka ugu tegay dhaawacyada, isaga oo dhambaal tacsi ah gaarsiiyay Imaaraadka.

Si kastaba, weerarkaan oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa la rumeysan yahay in askariga uu ka tirsanaa kooxda ka hor inta aanu kusoo biirin tababarka oo muddo fog kahor loo soo diray weerarka.

Xog: Waa kuma askariga fuliyay weerarkii xerada Jeneraal Goordan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraya macluumaadka laga helayo toogashadii xalay ka dhacday gudaha xerada Jeneraal Goordan, taas oo lagu laayay saraakiil sar sare oo isugu jiro Soomaali, Imaaraad iyo Baxrayn, sida la xaqiijiyay.

Weerarka toogashada ah ayaa waxaa fuliyaya askari ka mid ahaa ciidamadii loo xil-saaray ilaalada amniga xerada, kaas oo kaligiis qaatay go’aan uu ku laayey saraakiil iyo askar ku jirtay masjidka xerada oo salaadii maqrib ay ku tukadeen, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiisha ku dhintay waxa kamid ahaa Maxamed Mubaarak oo ahaa sarkaalkii ugu sarreeyay Imaaraadka ee haystay amniga iyo tababarada ciiidanka Soomaaliya.

Haddaba waa kuma askariga fuliyay weerarka ka dhacay xerada Jeneraal Goordan?

Magaca askariga ayaa waxaa lagu sheegay Xasan Maxamed, kaas oo deegaan ahaan kasoo jeedo Koonfur Galbeed, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Xasan ayaa lagu soo warramayaa in 2021-kii uu kasoo goostay kooxda Al-Shabaab, oo iyadu sheegatay mas’uuliyadda toogashada, kadibna uu mar dambe ku biiray ciiidamada cusub oo uu tababarayo Imaaraadka Carabta.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya cidda qortay askarigan iyo qofka geeyay xerada ee damaanadda ka noqday, warar ayaa sheegaya inuu damaanadda ku qoran yahay wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxame Nuur (Jaamac).

“Xasan Maxamed oo ah ninka weerarkii xalay fuliyay waxaa laga soo qoray degmada Xudur ee gobolka Bakool, dhawaan ayuu tabbobar ka soo laabtay” ayuu yiri Cali Yare Cali.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waxaan damaannad buuxda ka ahaa kuna saxiixan wasiirka gaashaandhiga Abdulkadir Maxamed.”

Warar kale oo madax bannaan ayaa sheegaya in damaanadda askarigan uu ku qoran yahay xildhibaan Cabdulqaadir Cumar Macallin oo baarlamaanka kasoo galay dhanka NISA.

Lama oga sida ay arrintaan ku suuragashay, maadaama la laayay saraakiil muhiim ah oo isugu jiray Soomaali iyo Imaaraad, waxaase baaritaan deg-deg ah faray madaxweynaha.

War ka cusub weerarkii ay naftooda ku waayeen aabe iyo hooyo deganaa CAMAARA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa xalay weerar loo adeegsaday madaafiic ku qaaday deegaanka Camaara ee Koonfurta gobolka Mudug, kaasi oo galaaftay nolosha dad isku qoys ah.

Aabe iyo Hooyo lagu kala magacaabi jiray Axmed Cabdullahi Sheekh iyo Dheeh Yuusuf Cabdullahi ayaa xalay saqdii dhexe hoobiye kusoo dhacay gurigii ay daganaayen oo jingad ahaa, kaas oo ay naftooda ku waayeen.

Sidoo kale waxaa weerarka hoobiyaha ayaa sidoo kale waxa uu dhawaac kasoo gaaray wiil yar oo 12 sano jir ah, oo ka mid ahaa carrurta qoyska, kaasi oo haatan lala tacaalayo xaaladdiisa caafimaad.

Axmed Cabdi Maxamed (Showqi) oo ay dhashay hooyada weerarkaan ku dhimatay ayaa sheegay in uu weli ku jiro naxdintii ay ku abuurtay warka geerida hooyo Dheeh.

“Aniga oo aan filayn oo xaalad farxad ah ku jira ayay isoo gaartay geerida hooyo iyo adeer, waligay ma filayna in war noocaas ah la ii sheegi doono, balse xalay ayuu walalkey isoo wac oo ii sheegay. Alle ayaa qoray in maanta ay dhimato oo aduunkeeda ayaa intaas ku ekaa,” ayuu yiri Showqi oo la hadlay BBC.

Showqi ayaa sidoo kale waxa uu ka sheekeeyay argagaxa uu abuura weerarkaan, wuxuuna yiri “Waxaa jira wiil yar oo walaalkay ah oo guriga joogay oo markii hore la waayay loona qabay in uu geeriyooday, balse saaka la helay isaga oo madax dhaawac ka ah, labadii kalna waa carareen xalay markii ay wax dhaceen basle maanta ayaa lasoo helay.”

Geerida waalidkii ayuu sheegay inay lama filaan ku noqotay qoyska oo dhan, ayna noloshiisana si xun u saameysay, “Hooyo Allah u naxariisto, samir iyo imaan allah naga siiyo, si lama filaan ah ayay u dhimatay oo runtii waa arrin musiiba ah oo hooyaday macaan ay ku baxday.”

Allaha u naxariistee hooyo Dheeh ayaa ifka uga tagtay toban caruura ah oo ay u dashay ninkeedii hore, wax ubad ahna uma dhalin Axmed Cabdullaahi oo ay hadda is-qabeen xalayna ay isku meel ku geeriyoodeen.

Falcelin culus oo ka dhalatay toogashadii ka dhacday xerada Jeneraal Goordan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin xoogan ayaa ka dhalatay toogasho xalay ka dhacday gudaha xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho, taas oo lagu dilay saraakiil Soomaali ah iyo kuwa kale oo u dhashay dalalka Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn.

Toogashada ayaa waxaa fuliyay askari ka tirsan ciidan cusub oo uu tababar uga socday xerada, kaas oo laayay askar iyo saraakiil ku sugnayd halkaasi

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan khasaaraha badan dhaliyay, kadib bayaan ay soo saartay kooxda.

Dowladda federaalka iyo Imaaraadka Carabta ayaa siyaabo kala duwan u cambaareeyay toogashada xalay ka dhacday xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho.

Haddaba sidee looga falceliyay toogashadan?= oo lagu dilay lagu dilay 17 sarkaal oo isugu jira Imaaraad, Soomaali iyo kuwo kale oo ka socday wadamo kale, lana shaqeynayey Imaaraadka?

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo sidoo kale kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cambaareeyay dhacdadaasi, isaga oo ku baaqay in meel looga soo jeesto Shabaab.

“Waxaan canbaaraynayaa falkii argagexiso ee ka dhacay xerada tababarka Janaraal Goordan. Waxaan ehelka, asxaabta, shacabka Soomaaliyeed iyo Dawladda Imaaraadka Carabta uga tacsiyeynayaa saraakiisha iyo askarta labada dal ee lagu dilay weerarka argagexiso” ayuu falcelintiisa ku yiri xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame,

Sidoo kale wuxuu ku daray “Waxaan kuwa dhaawaca ahna Alle uga baryayaa in uu caafiyo. argagexisadu waa cadow duullaan ku ah nabadda Soomaaliya, gobolka iyo caalamka intaba, waana in ciribtirkooda meel looga soo wada jeesto”.

Dhankiisa xildhibaan Yaasiin Faray oo kamid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa dalbday in baaritaan deg-deg ah lagu sameeyay toogashada ka dhacday xeradaasi milatari.

“Baarista kiiskan waa in si adag looga gungaaraa, waxaa suura gal ah inay jiri doonaan abaabul iyo gacmo qarsoon oo falkan ku lug yeesha, waa muhiim in si feejigan madaxda hey’adaha amnigu isaga xilsaaraan si looga baaqsado kalsooni xumo iyo hubanti la’aan amni oo dalkeenu galo iyadoo lagu jiro marxaladaan adag” ayuu qoraalkiisa ku yiri Faray.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre ayaa dhankiisa cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ee xerada Jeneraal Goordan.

“Waxaan cambaareynayaa falkii bahalnimada ahaa ee xalay argagaxisadu ka fuliyeen xerada Janaraal Gordon ee magaalada Muqdisho” ayuu yiri ra’iisul wasaare hore Khayre.

Sheekh Shariif ayaa isna tacsi u diray ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dowladda Imaaraadka ee saraakiisha looga dilay toogashadan.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Saraakiisha iyo Ciidanka Xoogga iyo Saraakiisha Dalka aan walaalaha nahay ee Isutagga Imaaraatka Carabta ee lagu dilay weerar ka dhacay xerada tababarka ee Jeneraal Goordan ee Magaalada Muqdisho. Waxaan si xoogan u canbaaraynayaa falkaas foosha xun oo ay sheegatay argagaxisada Al-shabaab” ayuu yiri.

Imaaraadka oo isna saraakiil looga dilay weerarkan, wuxuuna dhankiisa ballan qaaday in  Soomaaliya uu ku garab istaagayo baaritaanka weerarka xerada Jeneraal Goordan.