26.4 C
Mogadishu
Tuesday, June 23, 2026

Mareykanka oo war kasoo saaray toogashadii ka dhacday xerada Goordan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqisho ayaa war kasoo saartay toogashadii xalay ka dhacday gudaha xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho, taas oo lagu dilay saraakiil Soomaaliya iyo kuwa Imaaraad ah.

Qoraal kasoo baxay safaaradda, isla markaana lagu daabacay barteeda X ayaa lagu cambaareeyay weerarkan oo ay mas’uuliyaddiisu sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Mareykankanka ayaa sidoo kale tacsi u diray ehellada saraakiisha iyo askarta lagu laayay weerarkaasi oo uu ku tilmaamay inuu ahaa mid fuleynimo.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in ay sii xoojin doonaan taageerada ay haatan siiyaan Soomaaliya ee nabad dhiska.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarkan fulaynimada ah, waxaanan ku adkeysaneynaa in aan taageerno dadaallada Soomaaliyeed ee lagu dhisayo nabadda” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Ugu yaraan saddex sarkaal oo Imaaraad ahaa ayaa lagu dilay toogashadan iyo sarkaal afaraad oo u dhashay dalka Baxreyn, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Imaaraadka.

“Wasaaradda Gaashaandhigga waxay ku dhowaaqaysaa inay shahiideen 3 askari oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Imaaraadka Carabta iyo sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka Baxreyn, iyo dhaawaca 2 kale oo ka dhashay fal argagixiso oo ka dhacay Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarka, waxaana la rumeysan yahay in askariga uu ka tirsanaa kooxda ka hor inta aanu kusoo biirin tababarka oo muddo fog kahor loo soo diray weerarka.

Aabe iyo hooyo lagu dilay hal goob, kadib markii…

0

Camaara (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay Al-Shabaab weerar loo adeegsaday madaafiic ay ku qaadeen deegaanka Camaara ee koonfurta gobolkaas, kaas oo uu khasaare kasoo gaaray dad isku qoys ah.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in hoobiyeyaasha mid kamid ah uu ku dhacay guri ku yaalla deegaanka, ayna ku dhinteen aabihii iyo hooyada qoyska.

Sidoo kale waxaa jira dhaawacyo soo gaaray dad kale oo ku sugnaa guriga, kuwaas oo haatan lala tacaalayo xaaladdooda caafimaad.

Weerarka kadib waxaa howlgal sameeyay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan aagga Camaara, kuwaas oo baadi goob u galay xubnaha weerarka soo qaaday.

Saraakiisha milatariga waxa ay sheegeen inay ku raad-joogaan Al-Shabaabkii ka dambeeyay hoobiyeyaasha xalay lagu garaacay deegaanka Camaara.

Xaaladda ayaa iminka daggan, waxaase saameynta weerarkan laga dareemayaa deegaanka, maadaama ay ku dhinteen dad shacab ahaa oo aan waxba galabsan.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan weerarka ka dhacay halkaas ee sababay dhimashada iyo dhaawaca.

Camaara ayaa kamid ah deegaanadii ugu dambeeyay ee lagala wareegay kooxda Al-Shabaab oo haatan wajaheysa dagaal ay si wadajir ah ugu qaadeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda.

Aadan Madoobe oo maanta shir-guddoomiyey kulan aan caadi aheyn + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir-guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo ay yeesheen xubnaha Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka.

Kulankaan ayaa waxaa goobjoog ahaa guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo dhammaan xubnaha guddiga.

Waxaa lagu soo bandhigay kulankaan shintiriska (jadwalka) ee kulamada u gaarka ah ka shaqeynta dib-u-eegista dastuurka KMG ah ee JFS oo ay soo gudbiyeen guddiga la-socodka iyo hirgelinta dastuurka BJFS.

Xildhibaan Xuseen Qaasim Yuusuf oo ah guddoomiyaha guddiga la-socodka iyo hirgelinta dastuurka ayaa xubnaha guddiga joogtada uga warbixiyay shintiriska kulamada u gaarka ah dastuurka, isaga oo xubnaha guddiga la wadaagay qeybaha uu ka kooban yahay jaantuska kulamada wadajirka ah ee labada gole BF ee looga doodayo dib-u-eegista dastuurka KMG ah.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo gunaanadka soo xiray kulanka maanta ayaa ka hadlay ahmiyadda weyn uu u leeyahay shintiriskan kulamada looga doodi doono dib-u-eegista dastuurka KMG ah.

Sidoo kale waxa uu guddoomiyuhu tilmaamay muhiimada uu dhameystirka dastuurka u leeyahay geedi socodka dhismaha dowladnimada dalka.

Arrimahan ayaa imanaya xilli uu muran xooggan ka taagan yahay arrimaha wax ka beddelka dastuurka, islamarkaan ay diidan yihiin inta badan xubnaha mucaaradka oo ay ku jiraan madaxdii hore ee dalka.

Wararkii ugu dambeeyay weeraro ka dhacay Boosaaso

0

Boosaaso (Caasimada Oline) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weeraro culus oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Weerarka koowaad oo ay fuliyeen dabley hubeysan ayaa ka dhacay suuqa weyn ee magaalada, ayaga oo rasaas ku furay dad ku sugnaa halkaasi.

Goobta waxaa ku dhintay nin ka mid ahaa ganacsatada yar yar ee wax kuu iibiya suuqa uu ka dhacay weerarka, ayaga oo kadib baxsadeen raggii ka dambeeyay falkaasi.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanja ayaa goor dambe gaaray goobta uu dilku ka dhacay, kuwaas oo sameeyay baaritaano kooban, balse ma jirto natiijo ay ka gaareen.

Sidoo kale weerarka loobaad oo loo adeegsaday bambaanooyin ayaa lagu qaaday guriga wasiirka amniga Puntland Ibraahin Cartan Xaaji Bakiin, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Saraakiisha amniga oo ka hadlay weerarka ayaa sheegay inaanay jirin cid wax ku noqotay bambooyinkan lagu tuuray hoyga wasiirka amniga ee maamulka Puntland.

Waxaa kale oo ay intaasi kusii dareen inay ku raad-joogaan kooxihii ka dambeeyay weerarka oo iyana baxsaday, kadib markii ay tuureen bambaaooyinka.

Bilihii ugu dambeeyay waxaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ka dhacayay qaraxyo, kuwaas oo intooda badan ay dhacaan xilliga habeenkii ah, iyadoo lala beegsanayo goobaha ganacsiga, mana jirto illaa hadda cid si toos ah u sheegatay weeraradaasi.

Betrayal at base: Soldier kills UAE trainers in Somalia

0

Mogadishu, Somalia – A dark cloud hangs over the Gordon military base in Mogadishu, Somalia, after a shocking attack on Saturday that claimed the lives of five individuals.

A newly trained Somali soldier, suspected of having ties to the militant group al-Shabab, opened fire during prayer, turning comrades and trainers into casualties.

The attack unfolded during a routine training exercise, shattering the fragile peace within the base.

According to Somali army officer Ahmed (identified only by his first name), the soldier opened fire on UAE trainers and Somali officials shortly after prayer began.

Four UAE soldiers and one Bahraini officer were killed, while four Somali soldiers sustained fatal injuries. Several others were injured and received medical attention at the Erdogan Hospital in Mogadishu.

UAE expressed outrage

The UAE, a key partner in training the Somali National Army (SNA), expressed outrage and vowed to work alongside the Somali government in investigating the incident.

“This was a cowardly act of terrorism,” declared the UAE Ministry of Defense in a statement. “We stand shoulder-to-shoulder with Somalia in bringing the perpetrators to justice and ensuring the safety of our personnel.”

Somali President Hassan Sheikh Mohamud offered his condolences to the families of the victims and condemned the attack in a statement released through state media.

He reiterated the government’s commitment to combating terrorism and vowed to strengthen security measures within the military.

Al-Shabab, a group notorious for its brutal tactics and insurgency against the Somali government, quickly claimed responsibility for the attack through its radio station, Radio al Andalus.

They inflated the death toll, claiming to have killed 17 soldiers, in a desperate attempt to sow fear and discord.

Questions linger as Investigations begin

The attack raises critical questions about security protocols within the SNA and the potential for infiltration by extremist groups.

Authorities are currently investigating the soldier’s background and motive, including potential links to al-Shabab and how he was able to access weapons within the secure base.

This incident serves as a stark reminder of the ongoing challenges Somalia faces in its fight against terrorism.

The nation has endured decades of conflict and instability, and al-Shabab remains a potent threat. Despite significant progress in recent years, the group continues to carry out deadly attacks and maintain control over vast swathes of rural Somalia.

The international community has pledged its continued support to the Somali government and its security forces.

The European Union recently reaffirmed its commitment to provide €430 million in aid to Somalia, focusing on security, development, and humanitarian assistance.

The United States also maintains a significant military presence in the region, supporting Somali troops in counter-terrorism operations.

Somalia must address the root causes of extremism and insecurity to achieve lasting peace and stability. Strengthening security measures, improving intelligence gathering, and investing in economic development are crucial.

The international community must continue to stand with Somalia in its fight against terrorism and support its efforts to build a brighter future for its citizens.

DF oo war kaso soo saartay toogashadii saraakiisha Imaaraadka ee xero Goordan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Janhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyada Saraakiisha Imaaraadka ee  caawa ku dhawaacmay toogasho uu fuliyey mid ka mid ag askartii layu tababaray Xerada Janaraal Goordan ayaa tacsi u diray dowladda iyo shacabka Isutaga Imaaraadka Carabta.

“Innaa lilaahi wa innaa ileeyhi raajicuun.

Dawladda iyo Shacabka aan walalaha nahay ee Imaaraadka Carabta waxaan uga tacsiyeynaynaa saraakiisha ku naf waayey weerarka argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Muqdisho, Saraakiishaas oo u yimid dalkeenna in ay ka qeyb-qaataan dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa si adag u cambaareeyey falkan galaaftay nolasha Saraakiishan wakhtigooda u hibeeyey dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo faray laamaha Amniga in ay baaritaan ku sameeyaan dhacdadaas.

“Dawladda iyo Shacabka walalaha ah ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta waxaan uga mahadcelinaynaa garab istaagga joogtada ah ee dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya, annagoo xasuusnaa doonnaa doorka ay ku garab taagnaayeen dalkeena xiligan adag,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Xogta ay Caasimada Online ka heshay weerarkaas waxay sheegeysaa in labo ka mid ah saraakiisha tababarada ee Imaaraadka Carabta lagu dilay weerarka, halka labo kale lagu dhaawacay.

Wararka ayaa sheegaya in askarigii falkaas geystay goor dambe lagu dilay israsaaseyn dhex martay isaga iyo ciidankii uu la tababartay ee masuulka ka ahaa amniga xerada.

Mid ka mid ah saraakiisha la dilay ayaa ahaa Sarkaalkii ugu sareeyay saraakiisha Imaaraadka ee tababarka ka bixiya Xerada Jenaraal Goordan ee magaalada Muqdisho.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaas, iyagoo sheegay inay beegsadeen taliska saraakiisha Imaaraadka ee gudaha xerada ku yaalla, islamarkaana halkaas lagu dilay 17 sarkaal oo isugu jira Imaaraad, Soomaali iyo kuwo kale oo ka socday wadamo kale, lana shaqeynayey Imaaraadka. Si madax-banaan looma xaqiijin karo sheegashada Al-Shabaab.

Ma cadda inay dhab tahay sheegashada kooxda Al-Shabaab oo weerarkaas ay ku lugleedahay, balse arrintaan ayaa halis ku ah dhismaha iyo tababarrada ku socda ciidamada qaranka, waxayna abuuri kartaa kala shaki weyn.

Xasan oo booqday Digfeer iyo wararkii ugu dambeeyey ee toogashadii xero Goordan

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Taliyaha Booliska Soomaaliya ayaa deg deg u gaaray isbitaalka Digfeer, si ay u booqdaan dhaawacyada saraakiil iyo askar Soomaali, Imaaraad iyo kuwo ka socda dalal kale isugu jira, kuwaas oo askari Soomaali ah uu caawa toogasho wadareed ugu geystay xerada Jeneraal Goordan ee Muqdisho.

Dhamaan dhaawacyada iyo meydadka saraakiishii iyo askartii ku le’atay weerarkaas ayaa la geeyey isbitaalka Digfeer, ilaa 20 qof ayay gaarayaan dhaawacyada la geeyey Digfeer, inkastoo aan weli la shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo xog ogaal ah, askariga toogashada geystay wuxuu ka tirsanaa ciidan dhawaan tababar loogu soo gabagabeeyey xerada Jeneraal Goordan, gaar ahaan unug loo qeybiyey hubkooda oo masuul looga dhigay amniga xerada, wuxuuna dadka ku laayey qori BKM ah.

Askariga weerarka fuliyey ayaa ka mid ahaa askartii loo xil-saaray ilaalada amniga xerada, balse wuxuu kaligiis qaatay go’aansaday inuu laayo saraakiil iyo askar ku jirtay masjidka xero Goordan oo salaadii maqrib ay ku tukadeen, inkastoo aan la shaacin khasaaraha rasmiga ah, hadana faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya.

Xogta ay Caasimada Online ka heshay weerarkaas waxay sheegeysaa in labo ka mid ah saraakiisha tababarada ee Imaaraadka Carabta lagu dilay weerarka, halka labo kale lagu dhaawacay.

Wararka ayaa sheegaya in askarigii falkaas geystay goor dambe lagu dilay israsaaseyn dhex martay isaga iyo ciidankii uu la tababartay ee masuulka ka ahaa amniga xerada.

Mid ka mid ah saraakiisha la dilay ayaa ahaa Sarkaalkii ugu sareeyay saraakiisha Imaaraadka ee tababarka ka bixiya Xerada Jenaraal Goordan.

Ma cadda inay dhab tahay sheegashada kooxda Al-Shabaab oo weerarkaas ay ku lugleedahay, balse arrintaan ayaa halis ku ah dhismaha iyo tababarrada ku socda ciidamada qaranka, waxayna abuuri kartaa kala shaki weyn.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaas, iyagoo sheegay inay beegsadeen taliska saraakiisha Imaaraadka ee gudaha xerada ku yaalla, isla markaana halkaas lagu dilay 17 sarkaal oo isugu jira Imaaraad, Soomaali iyo kuwo kale oo ka socday wadamo kale, lana shaqeynayey Imaaraadka, balse ma jirto cid ka madax-banaan kooxda oo soo bandhigtay khasaaraha intaan la eg.

Xog: Khasaaraha toogashadii xerada Jeneral Goordon iyo Shabaab oo war kasoo saaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkii uu caawa fuliyey askari ka tirsanaa ciidankii tababarka ku qaadanayey xerada Jeneraal Goordon ee magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab waxay sheegeen inay beegsadeen taliska saraakiisha Imaaraadka ee gudaha xerada ku yaalla, isla markaana halkaas lagu dilay 17 sarkaal oo isugu jira Imaaraad, Soomaali iyo kuwo kale oo ka socday wadamo kale, lana shaqeynayey Imaaraadka.

Saraakiisha Imaaraadka ah ee halkaas lagu dilay waxay Shabaabku sheegeen inay kala ahaayeen Taliyihii howlgalka Imaaraadka ee koonfurta Soomaaliya, madaxii tababarrada, madaxii sirdoonka iyo madaxii saadka iyo gaadiidka, balse ma jirto xog ka madax banaan warka Al-Shabaab oo cadeyneysa in saraakiishaas ay dhinteen.

Xogaha ka madaxa banaan warka Al-Shabaab ee Caasimada Online ay weerarkaas ka heleyso waxay sheegayaan in askariga toogashada geystay uu ka tirsanaa ciidan dhawaan tababar loogu soo gabagabeeyey xerada Jeneraal Goordon, gaar ahaan unug loo qeybiyey hubkooda oo masuul looga dhigay amniga xerada.

Askariga weerarka fuliyey ayaa ka mid ahaa askartii loo xil-saaray ilaalada amniga xerada, balse wuxuu kaligiis qaatay go’aan uu ku laayey saraakiil iyo askar ku jirtay masjidka xerada oo salaadii maqrib ay ku tukadeen, inkastoo aan la shaacin khasaaraha rasmiga ah, hadana faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya.

Xogta ay Caasimada Online ka heshay weerarkaas waxay sheegeysaa in labo ka mid ah saraakiisha tababarada ee Imaaraadka Carabta lagu dilay weerarka, halka labo kale lagu dhaawacay.

Wararka ayaa sheegaya in askarigii falkaas geystay goor dambe lagu dilay israsaaseyn dhex martay isaga iyo ciidankii uu la tababartay ee masuulka ka ahaa amniga xerada.

Mid ka mid ah saraakiisha la dilay ayaa ahaa Sarkaalkii ugu sareeyay saraakiisha Imaaraadka ee tababarka ka bixiya Xerada Jenaraal Goordon.

Ma cadda inay dhab tahay sheegashada kooxda Al-Shabaab oo weerarkaas ay ku lugleedahay, balse arrintaan ayaa halis ku ah dhismaha iyo tababarrada ku socda ciidamada qaranka, waxayna abuuri kartaa kala shaki weyn.

Weerar lagu laayey saraakiil Imaaraati ah iyo askar oo ka dhacay xerada Gen. Goordon

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Askari ka tirsan ciidan cusub oo tababar uga socday xerada militeriga Soomaaliya Jeneraal Goordon ee magaalada Muqdisho ayaa caawa fuliyey weerar halis badan, kadib markii uu laayey saraakiil iyo askar kale.

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in khasaaraha ka dhashay weerarkii uu fuliyey askarigaas uu gaarayo in ka badan 10 qof oo saraakiil iyo askar isugu jira.

Xogtu waxay intaas ku sii dareysaa in saraakiil Imaaraadka u dhashay oo macalimiin tababar ka ahaa xerada ay ku jiraan ragga uu laayey askarigaas, inkastoo aan weli la xaqiijin tirada rasmiga ah.

Sida ay ogaatay Caasimada Online askarigaan ayaa ku jiray ciidankan cusub oo saacadihii lasoo dhaafay loo qeybiyey hubkooda, kadib markii tababarka loo soo gabagabeeyey.

Weerarka ayaa ka dhacay gudaha xerada, askariguna wuxuu ka mid ahaa ciidankii tababarka loo soo gabagabeeyey ee dhawaan hubka loo qeybiyey, falkaan ayaa dhacay salaadii maqribkii kadib ama wax yar ka hor salaadii cishaha ee caawa.

Ilaa hadda lama oga in askariga toogashadaan fuliyey uu gacan saar la leeyahay Al-Shabaab iyo in kale, sidoo kale ma kala cada halka uu ku dambeeyo nolol iyo geeri askarigii geystay falkaan.

Gurmadka loo fidinayo askarta iyo saraakiisha ku wax yeelowday weerarka uu halka askari fuliyey ayaa hadda laga dareemayaa aagga xerada Jeneraal Goordon, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Goordhow lasoco faahfaahin dhameystiran insha allah.

XOG: Yaa ka dambeeya dhacdooyinka argagaxa leh ee soo kordhay? + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho iyo qaybo kale oo kamid ah dalka waxaa maalmihii u dambeeyay kusoo kordhay dhacdooyin argagax leh, sida nin gubay xaaskiisa, naag ceeji ku dishay seygeeda, hooyo iyo wiilasheeda oo gowracay aabihiis qoyska.

Dhammaan dhacdooyinka ayaa saameyn ku yeeshay bulshada, waxaana ka dhashay walaac xoogan, hadda yaa ka dambeeyay dhacdooyinka soo kordhay?

Xildhibaan Cali Xaaji oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dhacdooyinkan ay yihiin wax ku cusub Soomaalida, wuxuuna meesha ka saaray inuu sabab u yahay maandooriyaha, isaga oo sheegay in weligiis la isticmaali jiray.

“Soomaalida weligood-bey qaadka cuni jireen, weligood-bey sigaarkaa cabi jireen maxay u dhici u weysay hadda kahor,” ayuu yiri xildhibaan Cali Xaaji.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Arrin si dabiici ah u dhacday uma aragno, waxaan u aragnaa arrin abaabulan”,

Cali Xaaji ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay inay jiraan dad gaar ah oo doonaya inay meel marsadaan sharciga jinsiga ee horay looga diiday baarlamaanka Soomaaliya.

“Waxaan u aragnaa waxan arrin abaabulan oo lasoo maleegay oo qoysaska lagu soo qaaday oo ujeedadeedu tahay in wax la marsado waad ogtihiin sharcigii jinsiga ee liitay, arrintii xumayd ee qowmu luudka ahayd oo baarlamaanka hadda kahor laga diiday, waxaasaa riixaya oo waxaa la doonayaa in wax liita nala marsado” ayuu kusii daray.

Waxaa kale oo uu yiri “Marka ay dhibaatadu badato ayaa waxaa la rabaa in la yiraahdo waxaa u baahan tihiin sharcigii kusfiga, kaas ayaa idinka dhiman ee marsada” ayuu mar kale ku jawaabay.

Ugu dambeyn wuxuu farriin dadka Soomaaliyeed iyo dowladda, isaga oo ku baaqay in si wadajir ah looga soo horjeesto dhibaatooyinka haatan soo kordhay.

“Waxaan rajeynayaa in fadhiga laga kaco oo indhaha la furo oo la ogaado meesha ay balaayada ka socoto” ayuu kusoo gabagabeeyay.

Daawo: Maxaa kala qabsaday Shabaab iyo nin hooyadiis geeriyootay oo ay u diideen…?

0

Balcad (Caasimada Online) – Hooyo kamid ah dadka deegaanka ee ku nool duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ka sheekeysay qiso dhex-martay wiil dhalinyaro ah oo ku nool deegaankaasi iyo Al-Shabaab, kadib markii ay geeriyootay wiilka hooyadiis.

Dhacdadan ayaa ka dhacday tuulada lagu magacaabo Carafaag, waxaana la sheegay in Al-Shabaab ay yimaadeen guriga ay ku dhimatay hooyada, kadibna ay diideen in loo duceeyo marxuumadda, iyaga is hortaag ku sameeyay in xoolo iyo tacsi loo dhigo.

Wiilka oo ka xanaaqay arrintaas ayaa soo qaatay hubkiisa, wuxuuna laayay xubnii Al-Shabaab ee uu yimid, kadibna wuxuu gacanta ku dhigay sarkaalkii watay kooxda u timid isaga oo gowracay, sida ay sheegtay hooyada la hadashay warbaahinta.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in maalintaasi ay ugu dambeysay Al-Shabaab, dibna aysan ugu arag deegaankooda.

“Hal maalin ayaa Al-Shabaab innoo yimaadeen oo maamo naga dhimatay Soon-qaad ayay ahayd waxayna yiraahdeen qaxwo la karimaayo, biyana la cabi maayo, igaarkii ay dhashay marxuumadda ayaa ku yiri dadkaan Sooman ayaan biyo u qasaa u qasi maysid ayaa la yiri, kadib inta qoray ka qaatay ninkiina bireeyay oo maha dhigay halihii la socday” ayay tiri.

Waxaa kale oo ay sii raacisay “Waa noogu dambeysay, waana noogu horreysay maalintaas, Annaga waxaa nahay dad nabad ku tashan oo isku filan”.

Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo ku sugnaa goobta ayaa isna ka hadlay dhacdadan, isaga oo bogaadiyay dadka deegaanka ee u istaagay iska dhicinta Al-Shabaab.

“Maamadii halkan ka hadleysay waxay tiri nimanaa noo yimid Shabaab mayd ayaan aasi maagnay kadib sadaqo ayaan la bixi maagnay, la bixi maysid ayuu yiri inta iyada oo qof la jrin qabtay ayuu gowracay maalinkaas ayaana Shabaab noogu dambeysay, wallee dadka gobol ayay weli kor saaran yihiin ” ayuu isna yiri xildhibaan Cismaan Xaadoole.

Xaadoole oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Shabeelaha Dhex oo dhan lagu jabiyay Al-Shabaab, ayna arrintaas ka qayb-qaateen dadka deegaanka.

“Kasoo billow Raagge Ceelle iyo guud ahaan gobolka Shabeelaha Dhexe oo dhan dadka shacabka ah si fiican ayay Khawaarijta ula dagaameen” ayuu mar kale yiri.

Booliska oo abaal-marin dul dhigay hooyo iyo wiilasheeda oo gowracay aabihii qoyska

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay dhacdo argagax leh oo 9-kii bishan Febraayo ka dhacday degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, kadib markii hooyo iyo laba wiil oo ay dhashay ay gowraceen Aabihii qoyska.

Booliska ayaa sheegay inay eedeysanaha oo baxsaday la raadinayo, kuwaas oo kala ah:- Ruqiyo Axmed Cabdulle, Kamaal Aweys Maxamed iyo Cabaas Salaad Shaandi.

Hooyadan iyo wiilasheeda ayaa loo haystaa dilka Allaha u naxariistee Marxuum Ibraahim Xasan Cabdi oo ahaa ninkii qabay Ruqiyo, ilmahana u ahaa adeer soo koriyay.

“Eedeysaneyaasha kala ah 1. Ruqiyo Axmed Cabdulle 2. Kamaal Aweys Maxamed 3. Cabaas Salaad Shaandi  oo ku eedeysan in ay 09 feb 2024 mindi ku dileen  Marxuum Ibraahim Xasan Cabdi  oo ahaa ninkii qabay ruqiyo ilmahana adeer u ahaa uu soo koriyay ayna dhashay naagtiisa oo ah mida hada wax ka dishay marxuumka, isla markaana baxsadeen” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale booliska ayaa sheegay inuu haatan socdo howlgal culus oo lagu raadinayo eedeysanayaasha oo baxsaday kadib falkaasi argagaxa leh.

“Baadi goobka eedeysanayaasha ayaa ka socda Caasimada iyo Gobolada dalka oo la rumeysanyahay inu ay u baxsadeen” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Howgalo lagu baadi goobayo ayaa socda waxaan rajeynaynaa in dhawaan gacanta lagu soo dhigo si, ay  cadaalada u maraan”

Dhinaca kale Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in abaalmarin lasii doono qof kasta oo keena xogta eedeysanayaasha, si loo horgeeyo cadaaladda.

“Waxaan ummadda Soomaaliyeed ka codsaneynaa in ciddii aragtaa ay la wadaagto laamaha amniga ee ugu dhow. Qofkii xog ku saabsan nala wadaagta waxaan siin doonaa abaal-marin” ayaa lagu yiri fariinta kasoo baxday taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Horay Booliska ayaa gacanta ugu soo dhigay eedeysane Sayd Cali Macallin Daa’uud oo Muqdisho ka baxsaday, kadib markii uu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis oo xaamilo ahayd.

Xildhibaanada baarlamanka oo maanta qaaday tallaabo culus, kadibna ansixiyay….

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta kulankooda caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa qaaday tallaabo culus oo ay ku mee-mariyeen laba hindise sharciyeed iyo heshiis kale oo muhiim u ah Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa guddoomiyay Cabdullaahi Cumar Abshirow oo ah guddoomiye ku xigeenka labaad, ayada oo ay goobjoog ahaayeen inta badan xubnaha golaha.

Ugu horreyn xildhibaanada ayaa cod aqlabiyad leh ku meel-mariyay Hindise-Sharciyeedka Ilaalinta Maareynta Deegaanka oo dib loogu soo celiyey Golaha Shacabka, si loo waafajiyo Qodobka 82aad Fagradisa 4aad ee Dastuurka KMG.

Sharcigan ayaa waxaa haa ku ogolaatay 150-Xildhibaan mana jirin Xildhibaano diiday ama ka aamusay, sida uu shaaciyay guddoomnka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale isla kulankan ayaa waxaa lagu meel-mariyay Hindise-Sharciyeedka Hay’adda Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed oo ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda Soomaaliya.

Hindisahan waxaa haa ku ogolaatay 149-Xildhibaan Hal Xildhibaan ayaa diiday wax ka aamusayna ma jirin, sida uu ku dhowaaqay guddoomiye Abshirow.

Intaas kadib golaha ayaa guda galay dood kale oo ku saabsaneyd heshiiska ku biirirsta Soomaaliya ee Urur Goboleedka Dhaqaalaha Bariga Afrika, kaasoo muhiim ah.

Heshiiskan ayaa waxaa ogolaaday 148-Xildhibaan hal Xildhibaan ayaa diiday Hal Xildhibaanna waa uu ka aamusay.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay dardar-geliyay howlaha shaqo ee horyaalla, waxayna sidoo kale ka doodayeen xaaladda siyaasaddeed gaar ahaan dastuurka.

Xog: DF miyaa qorsheynaysa inay weerarto xaafadda dab-damiska ee MUQDISHO?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha booliska Soomaaliyeed, Jeneraal Sulub Axmed Firin ayaa xalay kormeer ku tegay xerada ciidamada gaarka ah ee Haramac ee loogu magac-daray Jeneraal Farxaan Qaroole, halkaas oo lagu soo bandhigay tiro kamid ah ciidamada ammaanka.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay ka qayb qaateen sugidda amniga magaalada Muqdisho, ayna ka hortageen falal liddi ku ah amniga oo ay soo maleegeen Al-Shabaab.

Sulub oo khudbad u jeediyay ciidamada ayaa uga mahad-celiyay sida feejignaanta leh, iyo turida leh oo ay u guteen waajibaadkii ka saaranaa sugidda amniga muwaadiniinta sSomaaliyeed, ayna tusaale u noqdeen ciidamada kale ee ay kala dhaxeyso shaqada ilaalinta nabad-galyada  dalka.

Sidoo kale waxa uu faray ciidamada in ay ilaaliyaan anshaxa iyo xeerarka ciidanka booliska mas’uuliyaddooda koowaadna ay ka dhigtaan ilaalinta badqabka, karaamada iyo nolasha muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dhibbaneyaasha u ah dhagarta kooxda Al-Shabaab.

Dhinaca kale waxaa dhaq-dhaqaaqan iyo ciidamada lasoo bandhigay ka dhashay shaki xoogan oo ku aadan in loo diyaarinayo inay weerar ku yihiin xaafadda dab-damiska oo ay isku hayaan dowladda iyo shacabka deggan halkaas oo lagu amray inay ka guuraan.

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasaddda gobolka Banaadir Cali Yare Cali oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in ciidamadan la’isugu dabariday, si ay uga qayb qaaataan weerar uu sheegay in dowladda qorsheynayso, si shacabka looga raro halkaasi.

“Dowladdu waxay iska-dubbarideeysaa ciidan xoogleh oo ay qorsheeyneeyso weerarka ay damacsan tahay in ay ku qaado Seeybiyaano” ayuu yiri Cali Yare Cali.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Afar jiho oo ay qorsheeneeyso dowladdu in ay weerarkeeda kasoo qaado ayay ku diyaarineeysaa ciidamo kala ah, milatariga, NISA, Booliska iyo tiro yar oo ka hartay ciidankii burburay ee Haramcad.”

Dhanka kale waxaa arrintan ka dhashay falcelin xoogan oo ay ka sameeyeen qaar kamid ah dadka isticmaala baraha bulshada oo iyaguna sii xoojiyay shakiga laga qabo ciidamadan.

Cabdullaahi Xasan oo kamid ah dadka ka falceliyay ayaa yiri “Waxaa ciidamada loo diyaariyay in dadka shacabkaah lagu barakiciyo”.

Axmed Axmed Xaaji ayaa isna ku jawaabay “Kuwaan Sacad ayaa soo afjari doono”

Cabdisalaan Mustaf ayaa isna shaki ka muujiyay ciidamadan lasoo bandhigay, wuxuuna yirin “Waxbaa soo socda”.

Axmed Saciid oo sheegay inuu ka mid yahay dadka deggan dhulka dab-damiska ayaa yiri “Ciidan aruurso ama meelaha or orod adeer Sebiyaano waa u dhimaneenaa”.

 

 

 

 

Tirada ciidanka ATMIS ee laga saaray dalka oo la shaaciyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska guud ee howlgalka ATMIS oo soo saaray warbixin cusub ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay ka saareen illaa 5,000 oo askari, kuwaas oo dib ugu laabtay dalalkooda, kadib markii ay dhammeysteen muddo xileedkooda.

ATMIS ayaa sheegtay in ciidamadaas dalka laga saaray intii lagu guda jiray wajigii koowaad iyo labaad ee ciidamada Midowga Afrika ee howlgallada u jooga gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in ay wareejisay 13 xero oo ay hadda maamulaan ciidamada dowladda Soomaaliya, taas oo qayb ka ah qorshaha kala guurka.

Talisku waxa uu hoosta ka xariiqay inay dajin doonaan istaraatiijiyada ugu dambeysa ee howlgallada ka dhanka ah kooxda Al Shabaab ee weli ka socda Soomaaliya.

Waxaa kale la diyaarin doonaan  qorshaha wejiga xiga ee dhimista 4000 oo askari oo dheeri ah illaa iyo bisha June, sida lagu sheegay warbixinta.

Danjire Souef oo ah oo ah ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa ATMIS, ayaa sheegay inay rajeyneynayaan in wejiga saddexaad ee dhimista ciidamadooda uu  si guul ah ku soo dhammaan doono, si loo dhameystiro qorshaha bixitaankooda.

Danjiraha ayaa ugu baaqay taliyeyaasha Ciidamada ATMIS inay si dhow ula shaqeeyaan Ciidamada Ammaanka Soomaaliya, si loo sugo ammaanka inta lagu jiro xilliga kala guurka.

Dowladda federaalka ayaa mar hore u diyaar garowday inay hanato amniga dalka, maadaama la dhisay ciidamada Xoogga dalka oo hadda la dagaalama Al-Shabaab.

Sawirro: Xasan oo u yeeray culimada Muqdisho + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa Madaxtooyada Qaranka kulan wadatshi ah kula qaatay culimada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa culimada uga warbixiyey mudnaanta uu siinayo in dalka laga xoreeyo argagixisada Alshabaab, xoojinta midnimada iyo xal u helidda caqabadaha dib u dhigay dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa culimada Soomaaliyeed ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay muujinta been abuurka ka dhanka ah diinteenna suubban ee Islaamka oo argagixisadu ay ku xalaashadeen dhiigga dadka muslimiinta ah ee Soomalaiyeed.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay doorka taariikhiga ah ee culimada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin toosinta dowladnimada iyo difaaca dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dagaalka socda ee dalka looga xoreynayo argagixisada Alshabaab ay laf-dhabar u yihiin culimada Soomaaliyeed oo ah dhaxal-dhowreyaasha diinteenna suubba ee islaamka.

Xasan Sheekh ayaa culimada la wadaagay sida ay muhiimka u tahay in ay cilmigooda iyo codkoodaba ku garab istaagaan halganka wadajirka ah ee ay wadaan Ciidamada Qalabka Sida iyo dadka degaannada ay ku dhuumaaleysanayaan Khawaarijtu.

Dhankooda, culimada ayaa la wadaagay Madaxweynaha talooyin ku aaddan dowlad dhiska, horumarinta dalka iyo la dagaallanka fikirka xagjirnimada ah, iyaga oo soo bandhigay sida ay u garab taagan yihiin dadaallada dowladda.

Kulanka  madaxweynaha iyo culimada waxaa ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta XFS Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali iyo mas’uuliyiinta hay’adda culimada Soomaaliyeed.

PUNTLAND oo xukuntay rag iyo dumar qaraxyo u kala gudbin jiray Al-Shabaab

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee maamul goboleedka Puntland ayaa maanta xukuno kala duwan oo xabsi ku ah ridday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo lagu helay inay qaraxyada u kala gudbin jireen kooxda.

Xubnahan oo oo isugu jiro rag iyo dumar ayaa ka kooban 6 qof, waxaana xukunkooda uu ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Afar kamid ah xukunsanayaasha ayaa lagu riday min 10 sano oo xabsi ciidan ah, kuwaas oo kala ah Cabdirisaaq Maxamed Shire, Siciid Faarax Cabdiqaadir, Farxaan Weyrax Lixad iyo Cabdiqani Cali Faarax.

Sidoo kale maxkamadda ayaa min 5 sano xabsi ah ku xukuntay Raxmo Weydow Cabdi iyo Shamso Cali Isaaq oo iyana lagu helay la shaqeynta ragga la xukumay.

Maxkamadda ayaa soo bandhigtay caddeymo muujinaya dambiga lagu helay xubnahan, oo intooda qiraal ka sameeyay dacwadda lagu soo oogay.

Horay Puntland ayaa sidan oo kale xukuno ugu ridday xubno ka tirsan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo gacan galay ciidamadeeda,kuwaas oo qaarkood toogasho lagu fuliyay.

Si kastaba, xukunka maanta ay ridday maxkamadda ciidamada Puntland ayaa kusoo aadayo oo  magaalada Boosaaso ay muddooyinkii ugu dambeeyay kusoo badanayeen qaraxyada, taas oo keentay in ciidamada lagu eedeeyo inay ku fashilmeen ammaanka.

Netanyahu oo ku adkaystay in la weeraro magaalada Rafax

0

Jerusalem (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Jimcihii sheegay inuu ku amray milateriga dalkiisu inay diyaariyaan qorshe dadka rayidka ah looga daadguraynayo magaalada Rafax ee ku taalla dhinaca koonfureed ee marinka Qaza, xilli ay ciidamada Israa’iil isu diyaarinayaan inay hawlgal dhinaca dhulka ah ka fuliyaan magaaladaas.

“Suuro-gal maaha in la gaadho ujeedada dagaalka ee ah in la tirtiro kooxda Xamaas, haddii laga tago afar qaybood oo ku sugan Rafax” ayuu ku sheegay qoraal uu soo saaray, isaga oo intaas raaciyey “Xilligan la joogo waxaa muuqata inay caddahay in loo baahan yahay in dadka rayidka ah laga daadgureeyo marinka Rafax, gaar ahaa goobaha dagaaladu ka socdaan”

Ra’iisal wasaaraha Israa’iil ayaa sheegay inuu weydiisday ciidamada Israa’iil inay golihiisa wasiirada u soo gudbiyaan qorshahan lagu daadguraynayo dadka shacabka ah, isla markaana lagu burburinayo Xamaas.

Qoraalka uu soo saaray kuma sheegin xilliga ay tahay inay soo gudbiyaan.

Rafax ayaa ku taalla xuduuda Masar, waxaana masuuliyiin kala duwani ay ka digayaan, in hawlgal kasta oo halkaas laga sameeyo inuu keenayo barakac baahsan isla markaana uu wax u dhimayo heshiiska nabadeed ee u dhexeeyey labada dhinac, muddada afartanka sannadood ah.

Ciidamada DF oo nolosha kusoo qabtay sarkaal ka tirsan Shabaab + Sawirro

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ay ka sameeyeen qaybo kamid ah Galmudug, kaas oo lagu beegsaday Shabaab.

Howlgalkan oo si gaar ah ah uga dhacay inta u dhexeysa deegaanada Masagawaa iyo Waniinle ayaa waxaa si wadajir ah u sameeyay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, kuwaas oo nolosha kusoo qabtay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa halkaasi.

Magaca ninka lasoo qabtay ayaa waxaa lagu sheegay horjooge Mowlid Cali Dhuxuloow, kaas oo ka mid ahaa jabahadaha, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan ururka 85-aad ee guutada 77 iyo Ciidanka Deeganka ayaa Howlgal qorsheeysan oo ay ka fuliyeen inta u dhaxeeysa Deeganada Masagawaa & Waniinle kusoo qabtay horjooge Mowlid Cali dhuxuloow oo in mudo ah ka mid ahaa kooxda Khawaariijta ah gaar ahaan kuwa ay ugu yeeraan Jabhadaha” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa qoraalka uu intaasi kusii daray in sarkaalkan la qabtay isaga oo ku dhuumaaleysanayay halkaasi, isla markaan uu watay koox kale oo Shabaab ah.

:Mowlid Cali Dhuxuloow oo si dhuumaaleeysi ah ku yimid Deeganka Waniinle ayeey Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta Deeganka  heleen  xogtiisa ka dibna gacanta ayaa lagusoo dhigay Waxaa uu hogaaminaayay koox nafla-caari ah oo ku dhuumaaleeysaneeyso dhulka howdka ah” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana ciidamada huwanta ay weli howlgallo kasii wadaan halkaasi, kuwaas oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Gobollada dhexe ayaa waxaa xilligan ka socda howlgallo xoreyn ah oo dhul ballaaran looga qabsaday maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.

Sarkaalkii dilka ku xukumay Jeneral Salaad Gabeyre oo dhintay iyo Xasan Sheekh oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta ku geeriyooday Guddoomiyihii hore ee Maxkamadii Badbaadada dalka, S/Guuto Maxamuud Geelle Yuusuf, wuxuu ahaa qofkii ugu horeeyey ee loo magacaabay Maxkamadii Badbaada Dalka oo ahayd Maxkamad si gaara u qaadi jirtay dacwada dadka lagu eedeeyo “kacaan diidka” maadaama wadanka uu awood militeri ku xukumi jiray Maxamed Siyaad Barre.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoraal ka soo saaray geerida marxuumka ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Jeneraal Maxamuud Geelle Yuusuf oo xilal kala duwan kasoo qabtay dalka.

Madaxweynaha ayaa xusay muddadii dheerayd ee Marxuumku uu u soo shaqeeyay dalka, isaga oo Wasiir kasoo noqday Wasaarado kala duwan, sidoo kale waxa uu soo qabtay xilalka Taliyiha Ciidanka Badda Soomaaliyeed iyo Guddoomiyihii maxkamadda badbaadada dalka.

Waxay kaloo maxkamadaasi qaadi jirtay dacwadaha dilka la xiriira, musuqmaasuqa iyo xukunnada lagu rido dadka ka soo horjeeda dawladdii dalka ka jirtay.

Wuxuu ahaa gudoomiyihii Maxkamadda Badbaada Dalka sanadkii 1972-dii ilaa uu dalka galay xaaladii burburka sanadkii 1990-kii.

Jananka oo da’ ahaa, isla markaana xanuunsanaa sanadihii la soo dhaafay ayaa maanta ku geeriyooday Muqdisho, wixii ka dambeeyey burburkii dalka wuxuu ku noolaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland, balse markii uu xanuunsaday wuxuu dalbaday in lagu soo celiyo Soomaaliya oo ugu dambeyntii uu ku geeriyooday maanta.

Allaha u naxariistee Jeneral Maxamuud Geelle waxaa uu ku dhashay magaalada Qardho ee gobolka Bari sanadkii 1937-kii, wuxuu ahaa sarkaal ciidan oo tababarro kala duwan oo dhanka ciidanka ku soo qaatay dalalka Ruushka iyo Talyaaniga.

Wuxuu ka mid ahaa saraakiishii sida firfircoon ugu qayb qaadatay afgembigii Soomaaliya ka dhacay 21-kii October sanadkii 1969-kii ee xukunka dalka uu kula wareegay Jeneraal Maxamed Siyaad Barre.

Xukunadii ugu waaweynaa ee ay uu riday intii uu ahaa guddoomiyaha Maxkamaddii Badbaadada Dalka, waxaa ka mid ahaa xukunkii dilka ahaa ee lagu fuliyey Jeneral Salaad Gabayre, Jenenal Maxamed Caynaanshe, Cabdulqaadir Dheel iyo saraakiishii sameeyey afgembigii fashilmay Korneyl Maxamuud Cirro uu ku jiray.