25.2 C
Mogadishu
Tuesday, June 23, 2026

Daawo: Askar dishay wiilal kufsi ka difaacay walaashood iyo Xaadoole oo ku hanjabay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Labo askari oo ka tirsan ciidankii lagu soo tababaray dalka Eritrea ayaa xalay saqdii dhexe ka baxay xerada Hiilweyne ee duleedka Muqdisho, kuwaas oo fal argagax leh u geystay qoys deganaa inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad.

Raggaas ayaa doonayey inay kufsadaan gabar u joogtay reerka, balse waxaa ka difaacay seddax wiil oo gabadha la dhalatay, kuwaas oo mid kamid ah labadii askari ii toogtay.

Labo wiil oo walaalo ah ayaa halkaas ku geeriyootay, halka mid kale uu dhaawac halis ah soo gaaray, intaas kadibna waxaa goobta isaga baxsaday askartii falkaan geystay.

Wiilasha la laayey waxay ahaayeen shacab oo hub ma aysan wadan, balse askartaan hubeysan ayey isku dayeen inay ka difaacdaan walaashood, si aysan u kufsan, sidaas ayey ku badbaaday gabadhii wiilashiina ku dhinteen.

Dad badan oo isugu jiray ehelkii wiilasha iyo xildhibaan Xaadoole oo qoyskaas ku metela golaha shacabka ayaa isugu tegay maanta goobtii uu xalay falkaasi ka dhacay.

Xaadoole ayaa sheegay in falkaan aysan raali ka aheyn dowladda Soomaaliya, isla markaana uusan ka hari doonin oo sharciga uu horjeeni doonin raggii dilay wiilashiisa ee galay xerada ciidamada xooga dalka ee Hiilweyne.

Deegaanka uu falkaasi ka dhacay waxaa lagu magacaabaa Carafaag, wuxuu u dhowyahay xerada ciidamada ee Hiilweyne oo ku taalla inta u dhaceysa Muqdisho iyo Balcad, welina lama aasin meydadka wiilashii uu dilay askarigaas.

Xildhibaan Xaadoole ayaa dadka kula hadlay deegaankii uu falkaasi ka dhacay wuxuu dadkiisa ka dalbaday inay is dejiyaan, isagoo cadeeyey in falkaas aysan dowladda iyo taliska ciidanka xoogga dalka aysan raali ka aheyn, isla markaana lagu wada xisaabtami doono wixii dhacay.

Hoos ka daawo

Puntland oo qabatay saraakiil sare oo ka tirsan Daacish

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Booliska dowlad goboleedka Puntland ayaa shaaciyey in ay gacanta ku dhigeen laba nin oo ajaanib ah oo ka tirsan hoggaamiyeyaasha kooxda ISIS ee ka dagaalanta Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada Puntland.

Xasan Ibnu Maxamed Ibnu Xussein oo u dhashay dalka Morocco iyo Maxamed Ibnu Maxamed Axmed oo u dhashay dalka Suuriya ayay sheegeen ciidamada Booliska Puntland in ay gacanta ku dhigeen, sida lagu daabacay bogga ay ku leeyihiin barta Facebook.

Sidoo kale booliska ayaa shaaciyey xilka rasmiga ah ee labadaan nin ay ururka Daacish ka hayeen.

Hawlgalka raggaan lagu soo qabtay ayay Boolisku sheegeen in uu ka dhacay degmada Uffayn ee gobolka Bari, halkaas oo kamid ah dhulka buuraleyda ah ee Soomaaliya ay ka joogto Daacish.

Lixdii bilood ee la soo dhaafay ayay sheegeen ciidamadu in ay soo qabteen xubno badan oo ajaanib ah oo ka kala tirsanaa ururada Daacish iyo Al-Shabaab.

Booliska Puntland ayaa warbixintiisa ku shaaciyey in ragga la hayo ay ka soo kala jeedaan wadamada Morocco, Suudaan, Suuriya iyo Itoobiya, kuwaas oo markii la wareystay sheegay inay Soomaaliya u yimaadeen jihaad.

Kooxda Daacish oo markii awood ahaan la eego ku badan deegaanada Puntland, gaar ahaan dhulka buuraleyda ah ayaa wajaheysa weerarro kaga imaanaya Al-Shabaab oo u dheer beegsiga Puntland ama DF ay kala kulmeyso.

Labada argagixiso ee Daacish iyo Shabaab heshiis kuma ahan arrimaha ay ka wadaan Soomaaliya, waxaana ka dhaxeeya beegsi toos ah, taas oo Daacish u saamixi weysay inay awoodeeda ku fidiso gudaha Soomaaliya.

Waa kuma taliyaha cusub ee sirdoonka Ethiopia ee sida aadka uga hadla Soomaaliya?

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ambassador Ridwan Xuseen oo hore u ahaa la taliyihii hore ee Amniga Qaranka ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiye Axmed ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka dalkaasi.

Danjire Ridwaan ayaa noqday madaxa hay’adda sirdoonka dalka, isagoo bedelaya Temeseng Tiruneh oo loo magacaabay ra’iisul wasaare ku-xigeenka Itoobiya.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa lagu sheegay in Danjire Ridwan uu noqonayo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka dalkaasi.

Waa kuma Ridwan?

Ridwaan Xuseen waxaa uu dashay 22 Sebtembar 1971, waxa uuna ka soo jeeda Koonfurta Itoobiya halkaas oo ay dagaan qowmiyadda Silte ee isagu ka dhashay.

Ridwan waxa uu shahaadada heerka koobada ka qaatay Jaamacadda Addis Ababa sanadkii 1995 tii, isaga oo bartay cilmiga Biology- ka.

Shahaadada heerka labaad ayuu ka qaatay Jaamacadda Pacific University 2006, isaga oo bartay hogaaminta ururada.

Waxaa uu noqday macalin wax ka dhiga dugsiyo sare ee dalka itobiya. isaga oo macalin ka noqday dugsiyo ay ka mid yihiin Dugsiga Sare ee Jinka ee Koonfurta Omo Zone iyo Dugsiga Sare ee Awolia ee Addis Ababa.

Intii u dhaxaysay sanadihii 2004 ilaa 2008 waxa uu ahaa madaxa xafiiska waxbarashada gobolka Shucuubta Koonfureed, balse wuxuu wixii intaas ka dambeeyay bilaabay in uu ka shaqeeyo siyaasadda dalka Itoobiya.

Danjire Ridwaan Xuseen ayaa sanadihii lasoo dhaafay ka soo shaqeeyay xilal kala duwan oo uu kasoo qabtay dowladdda Itoobiya iyo xisbiga talada haya ee Itoobiya.

Dagaalkii uu dhiigga badani ku daatay ee Tigrayga ka dib, markii xariirka Itoobiya iyo Ereteriya dib loo soo celiyay muddo labaatan sannadood ah kadib , waxaa danjire Ridwaan in muddo ah ku sugnaa Asmara isaga oo ahaa ergayga gaarka ah ee Itoobiya iyo safiirka u fadhiya dalkaas.

Sidoo kale waxaa uu soo noqday safiirka Itoobiya ee Ireland ka hor inta uusan noqon safiirka Eritrea ee dalkiisa.

Waxaa uu qabtay xilal kale oo ay ka mid yihiin wasiirkii isgaarsiinta, wasiirkii dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo xilal kale oo dowladeed.

Waxaa uu ku matalay ddowladda Itoobiya wada hadalo kala duwan oo Itoobiya ay la gashay kooxaha kasoo horjeeda .

Wareeg labaad ee wada-xaajoodka Ciidanka Xoraynta Oromada iyo dowladda ay ku yeesheen dalka Tanzania waxaa uu ahaa masulkii matlayay dowladda Itoobiya.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay, Ridwan Xuseen, oo ahaa La-taliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisul Wasaaraha, ayaa ahaa madaxa wada-xaajoodka ugu weyn ee dawladda federaalka Itoobiya ee heshiiskii lagu soo afjarayo dagaalka gobolka Tigray.

Heshiiska oo ay wada gareen kooxda Tigray iyo Xukuumada Adis Abab ayaa ka dhacay Koonfur Afrika iyo Kenya.

Muxuu ka yiri heshiiska Soomaliland iyo Itoobiya?

Markii Dowladda Itoobiya iyo Jamuuriyada iskeeda ugu dhawaaqaday madax banaanida ee Somaliland ay heshiiska is-afgaradka ah ku gaareen magaalada Adis Abab, Danjire Ridwaan waxaa uu ahaa shaqsigii inta badan arrinta kaga hadlayay warbaahinta.

Bartiisa X (Twitter) ayuu dhawaabn ku soo qoray qoraal u muuqda in Itoobiya ay ka hadlayso halka ay ka taagan tahay arrinta madax banaanida Soomaaliya iyo duurxul ku socda Masar oo Soomaaliya ugu yaboohday garab istaag milateri.

Masar iyo Itoobiya ayaa waxaa ka dhaxeeya xurguf ka dhalatay biya xireenka weyn ee Itoobiya ay dhawaan dhisatay wabiga Niil.

Ridwan Xuseen wuxuu bartiisa X ku qoray: “ka go’naanshaha Itoobiya ee nabadda iyo amaanka Soomaaliya waxaa lagu muujiyey dhiigga iyo dhididka wiilasheena iyo gabdhaheenna qiimaha leh. Itoobiya iyo Soomaaliya deris soohdin wadaaga kaliya ma aha, laakin waa dalal isku bah ah oo wadaaga luuqad, dhaqan iyo dad. Xiriirka isku keen haya waa mid xoog leh.

“Himiladeennu waa mid isku xiran oo aan la kala saari karin. Heshiiska is afgarad ee Somaliland aan la yeelanay waa mid iskaashi iyo bahwadaag, kaasoo Itoobiya marin u siinaya badda marka xagga ganacsiga laga hadlayo. Ma aha in aan dhul ku darsanayno ama in loo qaato madaxbanaanida dhuleed ee waddan”.

Qoraalka iyo hadalo kale oo uu la wadaagay warbaahinta dalkiisa ayaa ahaa kuwa uu ku matalayay dawladda Itoobiya.

Isha: BBC

Faah-faahin: Dhacdo argagax leh oo ka dhacday Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhacdo kale oo argagax leh oo xalay ka dhacday degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Dhacdadaan naxdinta leh ayaa la sheegay inay timid kadib markii hooyo iyo wiilkeeda oo dhalinyaro ah ay tooreey ku dileen aabihii qoyska.

Wararka ayaa sheegaya in dilkaan tooreyda loo adeegsaday ee ay geysteen wiilka adeerka loo ahaa iyo hooyadiis uu ka dhashay khilaaf gacan ka hadal ahaa oo dhex-maray marxuumka la dilay iyo xaaskiisa.

Marxuumka ayaa ugu dambeyntiina dhiig bax ugu geeriyooday afaafka hore ee guriga, sida uu sheegay wiil yar oo ay wada dhaleen hooyada dilka geysatay iyo aabaha la dilay.

“Hooyo iyo Aabe ayaa markii hore isku buuqay oo aabe ayaa feer isha uga dhuftay hooyo, kadibna hooyo qolka ayay gashay waxay wacatay wiilkeeda weyn oo banaanka ku maqna markii yimid hooyo iyo isaga aabe ayay toorey ku bilaabeen,” ayuu yiri.

Waxa uu intaasi kusii daray “Aabana banaanka ayuu u cararay oo inuu dhintay uma maleyn lakiin dhiig bax ayuu bananka ugu dhintay.”

Ninka la dilay ayaa la sheegay inuu kamid ahaa ganacsatada yar yar ee wax ku iibisa hareeraha Isgoyska Sanca ee degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Laamaha ammaanka ayaa illaa hadda wax war ah kasoo saarin dhacdadaan argagaxa leh ee xalay ka dhacday Kaaraan.

Si kastaba, dilka ninkaan ayaa waxa uu qeyb ka noqonayaa dilalka argagaxa leh ee asbuucyo gudaheeda ka dhacay dalka, gaar ahaan caasimada, ayada oo dhawaan uun nin uu xaaskiisa ku gubay magaalada Muqdisho.

Natiijo xasasi ah oo kasoo baxday baarista kiiska BIDEN

0

Washington (Caasimada Online) – Waaxda caddaaladda ee Maraykanka ayaa sheegtay in madaxweyne Joe Biden uu gurigiisa si “ula kac ah” ugu haystay dukumiintiyo sir ah oo ay dawladdu leedahay, xilligii uu xilka ka degey.

Waraaqaha uu haystay ayay ku jiraan dukumiintiyo ku saabsan arrimaha ciidamada iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee Afghanistan iyo arrimo kale oo xasaasi ah oo ku saabsan amniga qaranka, sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Waaxda Caddaaladda taas oo dhinaca kalena lagu sheegay inaan wax dacwad ah lagu soo oogayn madaxweynaha.

Warbixintan oo uu soo saaray baadhaha gaarka ah ee loo xilsaaray kiiska madaxweyne Biden, waa Robert Hur, oo la sii daayey Khamiistii ayaa ka tarjumaysa qiimayn iyo dhaleecayn xooggan oo loo jeediyey habka uu madaxweyne Biden u maareeyey waraaqaha sirta ah ee dawladda.

Hase ahaatee waxaa sidoo kale warbixintan lagu faah-faahiyey sababaha keenay inaan dacwad lagu soo oogin madaxweynaha.

Natiijada ka soo baxday baadhitaankani waxay hoos u dhigi doontaa in madaxweyne Biden uu ku dhaliilo Donald Trump habka uu u maareeyey waraaqaha sirta ah ee uu u qaatay gurigiisa raaxada eek u yaalla Florida.

Trump ayay u badan tahay inuu noqdo musharaxa la tartami doona Biden bisha November ee foodda innagu soo haysa.

Baadhaha gaarka ah ee kiiska madaxweyne Biden ayaa sheegay inay heleen caddaymo muujinaya in Biden uu si ulakac ah u haystay isla markaana u soo bandhigay waraaqaha sirta ah, kadib markii uu ka degey xilka madaxweyne ku xigeenka, ee uu noqday muwaadinka caadiga ah.

Warbixinta baadhaha gaarka ah ayaa lagu sheegay in qaybo badan oo ka mida waraaqaha sirta ah ee la soo ururiyey in laga helay gurigiisa ku yaalla gobolka Delaware iyo sidoo kale waraaqihiisii Senateka ee jaamacadda Delaware, kuwaasi oo halkaas loo dhigay si khalad ah.

Biden ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in baadhaha gaarka ahi uu ka gungaadho baadhista uu sameeyey, oo ah inaan wax dacwad ahi ka dhalan kiiskan, islamarkaana haatan ay tahay in kiiskani uu xidhmo.

Wuxuu sheegay inuu si gaar ah ula fadhiistay baadhaha gaarka, illaa shan saacadood oo su’aalo kala duwan la weydiinayey muddo laba maalmood ah gudahood ah oo ku beegnayd bishii October 8-deedii iyo 9-keedii ee sannadkii hore, oo ahayd maalin ka dib markii weerarka lagu qaaday Israa’iil.

Biden ayaa sheegay inuu waraysiyada siinayey baadhaha, isaga oo la tacaalayey dhibaatooyinka caalamiga ah ee markaas taagnaa oo ay ku jirtay arrinta Israa’iil.

Warbixintan ayaa soo baxday kadib baadhis la sameeyey muddo sannad ah, taas oo la baadhayey eedo la xidhiidhay in madaxweyne Biden uu si aan hagaagsanayn u maareeyey waraaqaba sirta ah ee dawladda ee yaallay gurigiisa, xafiiskiisii Senateka iyo kiisii madaxweyne ku xigeenka.

Falcelin culus oo ka dhalatay HESHIISKA difaaca ee ay galeen Soomaaliya iyo Turkey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa shalay heshiis cusub oo taariikhi ah ku gaaray magaalada Istanbul ee dalkaasi, kaasi oo ay ka dhalatay fal-celin kala duwan.

Heeshiiskan ayaa si gaar ah u taabanaya dhinacyada difaaca iyo dhaqaalaha, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda federaalka. Soomaaliya ayaa waxaa heshiiskan u saxiixay wasiirka difaaca, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jamaac) oo booqasho ku tegay Istanbul, kaasi oo la kulmay dhiggiisa Turkiga.

“Wasiirada Difaaca Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday Heshiis muhiim ah oo ku saabsan Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ka dib booqasho rasmi ah oo uu dalka Turkiga ku tagay Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxaxed Nuur” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ujeedka heshiiskan ayaa ah mid sare loogu sii qaadayo iskaashiga labada dal oo haatan ah mid xoogan, ayada oo Turkiga uu yahay dalka koowaad ee taageerada ugu badan siiyo dowladda federaalka, islamarkaana ka qayb qaataa dib u dhiska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay?

Cabdiweli Cali: “Turkiga daacad buu ka yahay la shaqeynta iyo caawinta Soomaaliya balse Madaxweyne Xasan ha laga karo Imaaraadka oo cadowga Soomaaliyeed ah.”

Dalmar Xaaji ayaa isna waxa uu yiri “Dowladda Soomaaliya gaar ahaan madaxweynaha dalka waxaan ka codsan lahaa inay ka dhabeyso heshiiska iskaashiga difaaca ee lala gelaayo dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga, loona ogolaado dhamaan dhinacyada difaaca muhiimka u ah sida; tababarka ciidanka, duqeynta cadowga dalka oo dhan gees ka gees, saadka ciidanka dhanka hubka iyo rasaasta. Waxaan soo jeedinaa total heshiisyada difaac in aan la galno dowladda Turkiga. Buur ahow ama Buur ku tiirsanow.”

“Wasiirkan dalkuu tagaba heshiiska lagalaya horta awoodaa yaa siiyay Dalka waa in laga qabtaa wsiir Tiktook,” ayuu yiri Cabdirashiid Aadan Qarandoon.

Salmaan Axmed: “Wad shaqeysa mudane wasiir mahadsanid. Mahadsanid dowlada Turkiga oo nacaawisay xilliyo adag.”

Ciise Bakar Jeylaani ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Masha Allah waa tallaabo horey loo qaaday. Ethiopia cida keliya aan u ku tashan karno si aan iskaga difaacno waa Turkiga, waayo Ethiopia iyadaba waxa ay ku tirsan tahay reer galbeedka oo ugu horeeyo Faransiiska oo beryahan Ethiopia dabada kasoo riixayo.”

“Turkiga waa la dayacay. Xasan Sheekh oo Imaaraadka ha ka fogaado. Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga hala xoojiyo, gaar ahaan difaaca Badda,” ayuu yiri Xasan Cali oo kamid ah dadka ka fal-celiyay arrintaan.

Naasir Maxamed: “Soomaalidu waxaan u sheegayaa biyo sacabkaada looga dhargaa aan isku tashano oo ciidan awood leh dhisano cadowgaada shantaada farood baa ka celisa, waxa uu cadowga noo daadaansanayo waa wax anaga nagala arkey.”

DF oo ka hadashay diyaarad caafimaad oo la sheegay inay ka celisay hawada Hargeysa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii lasoo dhaafay si weyn la iskula dhex marayay baraha bulshada in dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ay celisay diyaarada nooca gargaarka caafimaadka ah (Air Ambulance).

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo ka hadashay arrintaan ayaa meesha ka saartay dhab ahaanshaha warkaan, ayada oo sheegtay in aysan jirin diyaarad gargaarka caafimaadka oo usoo dirsatay codsi, si ay uga degto garoommada dalka.

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, waxay u caddeynaysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed inaysan jirin diyaarad nooca gargaarka caafimaadka (Air Ambulance) oo wax codsi ah usoo dirtay si ay uga degto garoommada dalka,” ayaa lagu yiri bayaan kooban oo kasoo baxay hay’adda.

“Sidoo kale ma jirto diyaarad nooca gargaarka caafimaadka (Air Ambulance) oo laga celiyay hawada Soomaaliya,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed.

Hay’adda Duulista Soomaaliya ayaa xilligaan awood u leh inay hawada ka celin karto diyaaradii ay rabto, xilli dhawaan ay dalka ka celisay diyaarad u diiwaan-gashaneyd Ethiopian Airlines, balse aan wax rusqad ah ama fasax u haysan hawadeena, taasi oo rabtay inay ka degto garoonka diyaaradaha ee Hargeysa.

Sidoo kale 18-kii bishaan ayey dowladda federaalka ay mar kale hawada dalka ka celisay diyaarad ka diiwaan-gashaneyd dalka Thailand, islamarkaana ku socotay dhinaca magaalada Hargeysa ee caasimada  Somaliland.

Diyaaradaasi oo aheyd Cargo registration P4-JAG P4-JAG ayaa xilligaas la celinayay kasoo duushay magaalada Sharjah ee dalka Imaaraadka, ayada oo ku socotay Hargeysa, kadib markii ay ku guul-daraysatay inay bixiso macluumaadka Cargo ay wado, taasna ay keentay shaki, kadibna sidaas loogu diiday inay soo gasho hawada.

Si kastaba, Hawada Soomaaliya ayaa waxaa laga maamulka magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliyeed, tan iyo markii ay Soomaaliya ku guuleysatay in ay si rasmi ah ula soo wareegto gacan ku haynta maamulka hawada dalka.

Magacyada iyo qabiillada ay ka soo jeedaan 10 safiir oo cusub oo la magacaabay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online waxay heshay magacyada qabiilada ay ka soo kala jeedaan 10-ka Safiir ee shalay ay magacaabidooda anxisiyeen golaha wwsiirrada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Shan ka mid ah 10-kaan safiir waxay ka soo jeedaan beelaha Daarood, gaar ahaan Majeerteen iyo Ogaadeen, labo ka mid ah waa Hawiye, labo kale waa Dir, halka kalena waa beelaha shanaad.

Hoos ka akhriso magacyada safiirrada cusub iyo beelaha ay ka soo jeedaan:

1. Cabdicasiis Maxamuud Maxamed (Farabadane) waa Daarood Majeerteen.

2. Cali Cabdi Awaare, waa Daarood Majeerteen.

3. Cabdullaahi Maxamed Sheekh Cabdullaahi, waa Daarood Majeerteen.

4. Bashiir Xasan Xaaji, waa Daarood Dhulbahante.

5. Xuseen Cabdi Xalane, waa Daarood Ogaadeen.

6. Khadiija Cosoble Cali, waa Hawiye Abgaal.

7. Fathudin Cali Maxamed, waa Hawiye Xawaadle.

8. Khadra A Dualle, waa Dir Isaaq.

9. Ridwan Xirsi Maxamed, waa Dir Isaaq.

10. Cali Maxamed Abuukar (Ali Wolf), waa beelaha 5-aad Banaadiri.

Safiirradaan weli si rasmi ah looma shaacin wadamada loo kala dirayo oo ay ka howlgeli doonaan, balse maanta waxaa liiskooda la keenay shirkii golaha wasiirrada, halkaas oo lagu ansixiyey magacaabistooda.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac, ayaa shir guddoomiyey kulankii shalay lagu anxisiyey safiirradaan cusub, wuxuuna sheegay inay ka howlgeli doonaan qaar kamid ah dalalka caalamka ee aan wadaagno xiriirka Diblumaasiyadeed.

Sidoo kale kulankaasi waxaa lagu meel-mariyay Habraaca Dhaqangelinta Xakameynta Hubka, Rasaasta iyo Waxyaabaha Qarxa, taasi oo lagu xakameynayo dhibaatooyinka ay sababaan hubka iyo qaraxyada sida sharci darrada ah loo adeegsado.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka, dib-u-habeynta dhakhliga, xogta heshiisyada dowladda iyo cayaarahii Dowlad goboleedyada dalka oo dhawaan si guul ah ugu soo ku soo idlaaday Muqdisho.

Hungary iyo Midowga Yurub oo ay ka dhex tafatay

0

Budapest (Caasimada Online) – Hungary ayaa iska fogaysay eedo uga yimi sharciga cusub ee ay ugu magacdareen sharciga ilaalinta madaxbanaanida.

Tallaabada Hungary ayaa imaaneysa kadib markii ay Midowga Yurub sheegeen inay qaadayaan tallaabo ka dhan ah sharcigan, oo ay u arkaan inuu yahay mid ku xad-gudbaya xuquuqda aasaasiga ah ee nidaamka dimoqraadiyadda.

Hungary ayaa bishii December ee sannadkii hore meel-marisay sharciga qaran ee ilaalinta madax-banaanida.

Sharcigaan ayaa waxa uu aas-aasaya waax gaar ah oo baadhis ku samaynaysa cid kasta oo loo tuhmo inay dhaqaale ka helaan cid ajnebi ah, islamarkaana saamayn ku yeesha doodaha dadweynaha.

Sharcigan ayaa mamnuucaya in dhaqaalaha laga helo debedda in loo isticmaalo arrimaha doorashooyinka, ciddii jebisana, lagu xukumi doono illaa saddex sannadood oo xabsi ah.

Dadka sharcigan diiddan, ayaa ku eedaynaya inuu yahay sharci furan oo saamayn ku yeelanaya dad aad u ballaadhan, isla markaana uu taabanayo nolosha dadweynaha.

Mid ka mid ah laacibiintii Galmudug oo geeriyooday iyo Qoor-Qoor oo ka hadlay

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa ka hadlay geerida ku timid mid kamid ah laacibiintii xulka Galmudug.

Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa ka tacsiyadeeyey geeridii ku timid Muxyadiin Cabdi Muriidi oo kamid ahaa laacibiintii u qaaday koobkii ciyaaraha dowlad-goboleedyada iyo gobolka Baanadir.

“Ilaahey ha u naxariisto Muxyadiin Cabdi Muriidi oo ka mid ahaa halyeeyadii xulka Galmudug u qaaday koobkii ciyaaraha,” ayuu madaxweyne Qoor-Qoor ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Waxa uu intaasi kusii daray “Waxaan ehelkiisa iyo asxaabtiisa la wadaageynaa xanuunka geerida. Ilaahey haka sabar siiyo.

Xulka maamulka Galmudug ayaa dhawaan markii ugu horreysay ku guuleystay koobka ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Qoor-Qoor oo si weyn u garab taagna laacibiinta xulka Galmudug ayaa xanuunka geerida la wadaagay ehelka iyo asxaabtiisa, isagoo Alle uga baryay inuu ka sabar siiyo.

Galmudug oo si weyn ugu dabaal-degtay guushii koobka tartanka ciyaaraha dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayey maanta u tahay maalin murugo, maadaama uu ka baxay mid kamid ah laacibiintii xulka Galmudug u qaaday koobkii sanadkaan.

W/Q: Bashiir Baarbe

Maxay ku dambeyn kartaa nolosha dadka tahriibka ku gala waddanka Mareykanka?

0

Washington (Caasimada Online) – Soogalootiga imanaya xadka u dhexeeya Mareykanka iyo Mexico ayaa kor u kacay iyadoo uu gaaray heerkii ugu sarreeyey inta uu arriminayo maamulka madaxweyne Joe Biden, waxana ay noqoneysaa madax-xanuun siyaasadeed oo aad u weyn ka hor doorashada.

Ra’yi ururintu waxay soo jeedinayaan in in ka badan saddex meelood laba meel dadka Maraykanka ahi ay diiddan yihiin sida uu Mr Biden u maareeyay arrinta.

Isaga oo ay u badan tahay in uu ka soo horjeedo doorashadii madaxtinimada ee November, Donald Trump, ayaa cambaareeyay sharciga oo uu ku tilmaamay mid aan dhameystirneyn, dareenkaas oo ay ka dhawaajiyeen xildhibaanno badan oo muxaafid ah oo ku sugan Capitol Hill.

Laakiin maaha Jamhuuriga oo keliya kuwa aan ku faraxsanayn arrintan. Maayarrada Dimuqraadiga ah ee magaalooyinka la halgamaya sidii ay ula tacaali lahaayeen qulqulka ayaa sidoo kale muujinaya dareenkooda.

In ka badan 6.3 milyan oo soo galooti ah ayaa la xiray iyagoo si sharci darro ah Mareykanka usoo galayay mudada Biden, tiradaas oo ka badan kuwii Trump, Obama ama George W Bush.

Sababaha kor u kaca ayaa ah kuwo adag, iyada oo ay jiraan arrimo hore oo ka baxsan xakamaynta Maraykanka. Waxa jira ayaan waydiinay khubarrada.

Tiradu waxay bilawday inay kor u kacdo ilaa dhamaadkii maamulka Trump, oo si weyn looga dareemay Mareykanka iyado dadka reer Ameerica ay xilligaas la daala dhacayeen dhibaatooyin isku dhafan oo ay ka mid yihiin rabshadaha, faqriga, cadaadiska siyaasadeed iyo masiibooyinka dabiiciga ah.

Kacsanaantaas ayaa si lama filaan ah u joogsatay horraantii 2020-kii, markii xannibaadaha xanuunkii safmarka ahaa ay keentay hoos u dhac weyn oo ah in ka badan 53% intii u dhaxaysay Maarso iyo Abriil sanadkaas.

Tan iyo markaas horraantii 2021-kii, tirada soo galootiga ayaa si joogto ah kor ugu kacday, taasoo gaartay heerkii ugu sarreeyay abid iyadoo la diiwan geliyay 302,000 soo galooti ah bishii Disembar 2023-kii.

“Taasi waa markii aan dareennay inaan aragno koror mar kale ah, oo ay ugu horreeyaan Bartamaha Ameerika kadib xannibaadaha dhaqdhaqaaqa guud ahaan gobolka ayaa bilaabay inuu fududeeyo,” ayuu yiri Ariel Ruiz Soto, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo ka tirsan Machadka Siyaasadda Socdaalka ee Washington DC.

“Taasi sidoo kale waa markii isbeddelka weyni dhacay waxaana bilownay inaan aragno qulqul badan oo kala duwan, laga bilaabo Venezuela, Sidoo kale Colombia, Ecuador iyo meelo ka fog.”

Muhaajiriinta ayaa hadda ka kala yimid meelo fog fog sida Galbeedka Afrika, Hindiya iyo Bariga Dhexe.

Muhaajiriinta ka imaanaya meelo ka baxsan qaaradda Ameerika, kororka ugu badan ayaa ka imaanaya Shiinaha. In ka badan 37,000 oo Shiinees ah ayaa lagu xiray xadka Mareykanka iyo Mexico sanadkii hore, qiyaastii 50 jeer tirada labo sano ka hor.

Isbeddellada socdaalka caalamiga ah

Kororka tirada dadka soogalootiga ah ee lagu arkay xuduudka Maraykanka iyo Mexico dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayaa sidoo kale ku soo beegmaysa xilli, caalamka oo dhan u haajiridda dalalka qaniga ah uu marayo heerkii ugu sarreeyey abid.

Tirakoobyada Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta (OECD) ee la sii daayay dabayaaqadii sannadkii hore ayaa muujinaya in 6.1m soogalootiga rasmiga ah ee cusub ay u guureen 38-da waddan ee xubnaha ka ah.

“Waxaan aragnaa barakac aduunka oo dhan ah heer aan horay loo arag taariikhda la diiwaan geliyay, dadkuna waxay ku soo qulqulayaan xudduudkeena koonfureed sababo kala duwan oo kala duwan,” ayuu yiri Jorge Loweree, maamulaha barnaamijyada Golaha Socdaalka Mareykanka, Washington.

Laga soo bilaabo Trump ilaa Biden

Isbeddelka Aqalka Cad ee 2021-kii ayaa sidoo kale gacan ka geystay, ayay yiraahdeen khubarrada qaar.

Farriinta muhiimka ah ee ka timid madaxweyne Trump, xitaa haddii aysan weligeed run noqonin, waxay ahayd dhismaha darbiga xuduudka iyo musaafurinta oo kororta. Ciwaannada ay abuurtay kala soocidda carruurta iyo waalidiintooda xiran, oo ay dad badani ku tilmaameen arxan darro, ayaa sii kordhisay dareenkaas.

Dadka isku dayaya in ay xadka ka gudbaan inta lagu guda jiro waqtigan ayaa BBC-da u sheegay in ay u malaynayeen in gelitaanka iyo joogitaanka Mareykanka ay fududaan doonto hadda. Waxayna mukhalasiinta ka faa’iidaysteen isbadalka madaxtooyadda si ay u abuuraan dareen degdeg ah oo soogalootiga ah.

“Qeyb ka mid ah waa inay u maleynayaan inay iman karaan. Waxaan u maleynayaa inay taasi tahay waxa loo sheegayo,” ayuu yiri Alex Cuic, qareenka socdaalka iyo prof ka tirsan Jaamacadda Case Western Reserve University ee Ohio.

“Waxay dareemayaan in ay jirto waddo lagu imaan karo halkan,” ayuu raaciyay. “Waxay u dhowdahay sida casuumaad.”

Taa bedelkeeda, qaar ka mid ah dadka u ololeeya socdaalka ayaa ku dhaleeceeyay maamulka Biden iyo sharci-dajiyayaasha Mareykanka ee labada dhinac inay ku guuldareysteen inay ka gudbaan isbeddelka socdaalka ee macnaha leh.

Dib-u-habeyntii ugu dambeysay ee nidaamka waxay ahayd in ka badan 30 sano ka hor intii uu Ronald Reagan hayay.

Isha: BBC

BF oo ku kala qaybsamay Arrinta G/Banaadir + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo maalmahan ka doodayay arrimo xasaasi ah ayaa ku kala qaybsamay arrinta xuquuqda gobolka Banaadir, gaar ahaan metalaad ay caasimada ku yeelato nidaamka federaalka.

Xildhibaan Maxamuud Cabdulqaadir Jeego oo furay dooddan ayaa ka dhex sheegay Baarlamaanka inay soo dhisi doonaan maamul goboleed uu yeesho gobolka Banaadir, isaga oo sheegay in madaxweyne looga dhigayo Madaale, beeshiisuna ay qaadaneyso ku xigeen.

“Gobolkan Banaadir ayaa waxaan ka sameyneynaa maamul goboleed madaxweyne ayaan dooraneynaa ninka hadda joogo Madaale la leeyahay ayaaba madaxweyne ka dhiganeynaa madaxweyne ku xigeenka wa beesha shanaad” ayuu yiri Xildhibaan Jeego.

Intaas kadib waxaa makarafoonka ka daba qaatay xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad oo laga soo doorto Galmudug, wuxuuna gef ku tilmaamay hadalka xildhibaan Jeego.

Dhabancad ayaa shaaca ka qaaday in caasimada la wada leeyahay, wuxuuna ugu baaqay in hadalkaas uu ka laabto xildhibaanka.

“Mudane guddoomiye waxaan u istaagay oo ninkii halkan ka hadlay ugu tegay xildhibaan Jeego ayaa wuxuu ka hadlay caasimada Soomaaliya oo Ummaddii dhan qof walba wax ku leeyahay inuu yiraahd aniga iyo Madaale ayaa qaybsaneyna, waxaan rabaa inta warkaas fidin oo meel dheer gaarin baan rabay inaan u digo oo iraahdo war ka noqo” ayuu yiri.

Mar kale xildhibaan Jeego oo soo istaagay ayaa ku adkeystay hadalkiisa, wuxuuna sheegay inuu deegaankiisu yahay gobolka Banaadir, looguna yimid, sida uu hadalka u dhigay.

“Cudur daar uma soo istaaginee xuquuqdeyda deegaan doorashada gobolkan Banaadir waayay, deegaankeygu waa halkan waa laygu yimid, ixtiraamna kuma haysto, maanta haddii uu xildhibaanka ka qayliyay oo uu ixtiraam darro ku timaamay hadalkeyga muxuu wax iigu ogolaan waayay?” ayuu markale ku jawaabay Xildhibaan Maxamuud Cabdulqaadir.

Dooddan ayaa salka ku hayso arrimaha wax ka beddelka dastuurka oo ay si weyn isugu hayaan xildhibaanada, Villa Somalia, mucaaradka iyo hoggaanka sare ee Puntland.

Soomaaliya iyo Turkiga oo maanta saxiixday HESHIIS difaac oo cusub + Sawirro

0

Istanbul (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa maanta heshiis cusub oo taariikhi ah ku gaaray magaalada Istanbul ee dalkaasi.

Heeshiiskan ayaa taabanaya dhinacyada difaaca iyo dhaqaalaha, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda federaalka.

Soomaaliya ayaa waxaa heshiiskan u saxiixay wasiirka difaaca, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jamaac) oo booqasho ku tegay Istanbul, kaas oo la kulmay dhiggiisa Turkiga.

“Wasiirada Difaaca Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday Heshiis muhiim ah oo ku saabsan Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ka dib booqasho rasmi ah oo uu dalka Turkiga ku tagay Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxaxed Nuur” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ujeedka heshiiskan ayaa ah mid sare loogu sii qaadayo iskaashiga labada dal oo haatan ah mid xoogan, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.

Turkiga ayaa ah dalka koowaad ee taageerada ugu badan siiyo dowladda federaalka, wuxuuna ka qayb qaataa dib u dhiska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale heshiiskan ayaa yimid xilli muhiim ah oo ay ciidamada Soomaaliyeed ay dagaal adag kula jiraan maleeshiyada Al-Shabaab, kaas oo dhul ballaaran lagu xoreeyay.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa taageero caalami ah u raadineyso ciidamada Xoogga dalka, si ay guul uga soo hooyaan halganka adag ee ay ugu jiraan xoreynta dalka oo dhan.

Daawo: Sheekh SHAAKIR oo shaaciyay laba hab oo lagu soo afjari karo Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo kamid ah hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa maanta ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee weli ka socda gobollada dalka.

Sheekha oo ka qayb-galay kulan looga hadlaayay dardar-gelinta dagaalka socda ayaa ugu horreytii boggaadiyay kaalinta madaxweynaha ee ku aadan hoggaaminta howlgalladaasi.

Sidoo kale waxa uu farriin u diray wasiirada iyo xildhibaanada baarlamaanka oo uu ugu baaqay inay ka qayb-qaataan dagaalka ka socda dalka.

“Aniga waa arkay madaxweynaha oo furimaha taagan oo timihii ay ku baxeen, laakiin wasiiro ay timo ku baxeen iyo xildhibaano maan arkin” ayuu yiri Sheekha.

Sheekh Shaakir ayaa sidoo kale soo jeediyay laba hab oo lagu soo afjari karo Al-Shabaab oo midda koowaad ay tahay in lasii xoojiiyo shacabka, lana hubeeyo.

“Nimankan waxaa la dagaalami karo shacabka oo la xoogeeyo, waxa xoogeynaayana waa culimada oo horkaceysa, dowladdana waa hubeyneysaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu ku taliyay in lala yimaado fakir lagu wajahayo midka kooxdan, kaas oo ay tahay inay keenaan culimada Soomaaliyeed.

“Fikirka Al-Shabaab wuxuu u baahan yahay fikir laga horgeeyo xaqiiqda dhabtii ah markii la yiraahdo dadka xambaarsan fikirka laga horgeyn lahaa waa culimada” ayuu yiri Shaakir.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dalka ay ka socdaan howlgallo ay iska kaashanayaan ciidanka dowladda iyo kuwa degaanka oo dhul badan ka xorreeyay Shabaab.

Golaha wasiirada oo ansixiyay 10 SAFIIR + Magacyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo uu guddoomiyay ra’iisul wasaare ku xigeenka, waxaana inta goobjoog ahaa xubnaha golaha.

Kulankan ayaa waxaa lagu ansixiyay illaa 10 Safiir oo dalkeenna uga howlgeli doona qaar kamid ah dalalka caalamka ee aan wadaagno xiriirka diblumaasiyadeed.

Safiirrada la magacaabay waxa ay kala yihiin:-

  1. Cabdicasiis Maxamuud Maxamed (Farabadane)
  2. Cabdullaahi Maxamed Sheekh Cabdullaahi
  3. Cali Cabdi Awaare
  4. Cali Maxamed Abuukar (Ali Wolf)
  5. Bashiir Xasan Xaaji
  6. Fathudin Cali Maxamed
  7. Xuseen Cabdi Xalane
  8. Khadiija Cosoble Cali
  9. Khadra A Dualle
  10. Ridwan Xirsi Maxamed.

Sidoo kale golaha ayaa meelmariyay Habraaca Dhaqangelinta Xakameynta Hubka, Rasaasta iyo Waxyaabaha Qarxa, taas oo lagu xakameynayo dhibaatooyinka ay sababaan hubka iyo qaraxyada sida sharci darrada ah loo adeegsado.

Inta uu socday shirka waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka, dib-u-habeynta dhakhliga, xogta heshiisyada dowladda iyo cayaarahii dowlad goboleedyada dalka oo dhawaan si guul ah ugu soo ku soo idlaaday Muqdisho.

Tallaabadan ayaa noqoneyso tii ugu horreysay ee ay qaado dowladda Xasan Sheekh oo hal mar isbeddal ku sameysay safiiradii caalamka, tan iyo markii dib loogu doortay xilka.

QM oo soo fara-gelisay kiiska dilkii LUUL CABDICASIIS

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay oo soo fara-gelisay kiiska Luul Cabdicasiis ayaa markii ugu horreysay falka argagaxa leh ee lagula kacay marxuumadda.

Ugu horreyn qoraal kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay tallaabada ay qaaday dowladda ee lagu soo qabtay eedeysanaha oo ah Sayd Cali Macallin Daa’uud, kaas oo sidoo kale ah seyga Luul Cabdicasiis Maxamed.

QM ayaa usoo jeedisay dowladda federaalka inay baaris dhab ah ku sameyso kiiskan oo ay ku tilmaamay inuu yahay mid ka baxsan bani’aadanimada

“UN-ku waxay soo dhoweynayaan sida ay uga go’an tahay Soomaaliya inay baaraan oo ay maxkamadeeyaan xad-gudubyada ku saleysan jinsiga,” ayaa lagu yiri qoraalka QM.

Sidoo kale waxaa lagu boggaadiyay dowladda Soomaaliya inay sii wado la xisaabtanka kuwa gaysta dhammaan dambiyada ku saleysan jinsiga.

Waxaa kale oo qoraalkan tacsi tiiraanyo leh loogu diray ehellada Luul Cabdicasiis Maxamed oo weli dalbanaya in lala dadajiyo maxkamadeynta eedeysanaha gacanta lagu soo dhigay.

Allaha u naxariistee, Luul ayaa Jimcihii ku geeriyootay Muqdisho kadib dhaawacyo daran oo kasoo gaaray dabka la sheegay inuu qabad siiyay ninkii qabay ee maanta lasoo qabtay.

Luul Cabdicasiis ayaa sidoo kale ka mid ahayd shaqaalaha ka howlgala garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Marxuumadda ayaa waxay lahayd uur lix bilood ah markii falkaan loo geysanayay, iyada oo sidoo kale aheyd hooyo kaligeed ku ahayd korinta lix carruur ah oo agoon ah oo nin kale u dhashay.

Sayd Cali iyo Luul ayaa waxay is guursadeen muddo hadda laga joogo 6 bil, ayaga oo qoyska uu sheegay in uusan jirin wax khilaaf ah oo ehelku ogaa oo ka dhaxeeyay.

Daawo: Xildhibaan bistoolad la galay BF iyo dood ka dhalatay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dood xoogan iyo qaylo dhaan ayaa ka dhalatay arrin la xiriirta amniga xarunta Baarlamaanka, kadib markii xildhibaannada qaar ay ku ka kaceen falal liddi ku ah amniga iyo badqabka xarunta ay ku shiraan xildhibaannada Soomaaliya.

Xildhibaan Ilyaas Sheekh Axmed oo hadal ka jeediyay Villa Hargeysa ayaa sheegay inuu faraha kasii baxayo ammaanka xarunta, loona baahan yahay in wax laga qabto.

“War meeshaan haddii kal xawaaji lala soo galay, war haddii meeshaan haddii maqasyo lala soo galay, war maanta haddii aan caagado isla dhaceyno maxaa la sugayaa?” ayuu yiri.

Iyaas ayaa sidoo kale xusay in xildhibaan ka tirsan golaha uu bistoolad lasoo galay gudaha xarunta, taasna ay sababi karto toogasho, haddii aan deg-deg loo fara-gelin

“Maalin dhoweyd waxaa la’ii sheegay oo nin xildhibaan ah igu yiri nin kaloo xildhibaan oo bistoolad wata inuu ku arkay golaha, marka inaan istoogano miyaa la sugayaa? guddoomiye Sheekh Aadanow” ayuu mar kale yiri xildhibaan Ilyaas Sheekh Axmed.

Waxaa kale oo uu raaciyay “Arrintaas iyada ah waxaan rabaa guddoomiye inaadan oday-tinimadaada maalin waba ku saamaxeysid inta aad iska dhigtid xeer hoosaadka aad dad marsiisid”.

Dhankiisa Aadan Madoobe uu jawaabay xildhibaanka ayaa sheegay in arrintan laga heshiiyay, hadda kadibna xildhibaankii xadgududub sameeya lagu qaadi xeerka u yaalla.

“Darraad waa laga hadlay, wixii dhacayna waa laga heshiiyay, sidoo kale golaha waan u caddeynay in sulux iyo waan waan dambe laga galaynin xeer hoosaad lagu dhaqmi doono”, ayuu isna ku jawaabay afhayeenka guud ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Baarlamaanka Soomaaliya oo muddooyinkii u dambeeyay ka dooday arrimo xasaasi ah ayaa waxaa kulamada qaar ka dhashay buuq iyo gacan ka hadal, taas oo saameysay habsani u socodkii howlihii golaha.

Maal-qabeen miyaa mise siyaasi Soomaaliga barta TikTok ku bixiyey $800,000?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Barta TikTok ee Soomaalida aadka u isticmaasho waxaa saacadihii u dambeeyay ka taagan hadal hayn ka dhalatay nin kusoo gala cinwaan ay ku qoran tahay “Walal” oo aan wadan muuqaal iyo sawir.

Ninkaan ayaa waxa uu billo gudahood hadiyad ahaan u siiyay dad kala duwan oo Live kaga jiray TikTok qadar lacageed oo lagu qiyaasay 800,000 oo dollarka Mareykanka, waa ku dhawaad 1 Milyan oo dollar.

Ninkaan oo sida muuqata aan dooneyn in la barto magaciisa rasmiga ah iyo muuqaalkiisa ayaa waxa uu lacagta siiya xidigaha caanka ka ah barta TikTok, dadka danyarta ah iyo kuwa taageera dowladnimada Soomaaliya, kuwaasi oo la arkay isaga oo diraya hadyaddo lacag ah oo Libaaxyo ah.

Sidoo kale, kuwa kale oo badan ayaa soo fariistay barta TikTok oo sheegay in Walal uu siiyay lacago, iyaga oo aan is aqoon.

Walal waxaa lagu muransan yahay qofka uu yahay. Dadka qaar waxay aaminsan yihiin inuu yahay nin hanti badan haysta oo doonaya inuu ka farxiyo dadka Soomaaliyeed.

Halka kuwo kale ay aaminsan yihiin inuu yahay nin siyaasi ah oo weliba kamid ah madaxdii soo martay Soomaaliya ama kuwa hadda xilka haya.

Qolo saddexaadna waxay aaminsan yihiin inuu yahay nin dano gaar ah leh oo dhawaan la baran doono. Sheekada ninkaan kuma eeka barta TikTok oo keliya, waxaa lagaga doodaya baraha kale ee sida Facebook, YouTube iyo Instagram, iyada oo ninkaan loogu mahad-celiyay.

Sheekada ninkaan ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay si weyn loogu qaada dhigayay mareegaha kala duwan ee Internet-ka, iyagoo dadka siyaabo kala duwan uga hadlayay arrinkaasi.

Nageeye Khaliif ‘wuxuu ahaa nin caro iyo ciil qaba’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay arrinta Nageeye Cali Khaliif oo xalay shaaciyay inuu si rasmi ah ugu biiray Al-Shabaab, kadib wareysi uu siiyay warbaahinta kooxda.

Ninkan ayaa wareysiga ku sheegay in rabitaankiisa uu ugu biiray kooxda Al-Shabaab, isla markaana ay ka go’antahay inuu xaqiijiyo hadafkiisa.

Waxa uu intaasi ku daray in markii hore uu xalka Soomaaliya ka soo raadiyey Xamar, markii ay waxaba u suutageli waayeena uu ku soo biiray Al-Shabaab.

Haddaba Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa falcelintiisa ku sheegay in Nageeye uu ahaa nin caro iyo ciil qaba, isla markaana dadka u arka u cadow iyo saaxib.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu ninkan ka mid ahaa dad fikirkooda u uku dhismay aragtida dhagar-maleegga, sida uu hadalka u dhigay.

Hoose ka akhriso qoraalka oo dhameystiran:-

Nageeye wuxuu ka mid yahay dhallinyaro aqoonyahan Soomaaliyeed ah oo uu fikirkoodu ku dhismay aragtida dhagarmaleegga (conspiracy theory) meel ku dhegga (dogma), caro iyo ciil qab (hatred).

Dadka caynkaa ah arrin walba hal suurad ayey u leedahay, hal sina waa ugu sar go’atahay, duniduna waa u caddaan iyo madow, dadkuna waa u cadow iyo saaxiib, waxaana gabbaad u ah diin, waddaniyad ama qowmiyad.

Waxaa kaloo inta u sii dheer in ciddii aan la aragti ahayn ay gaalaysiiyaan ama ku sifeeyaan maangaab, shisheeye kalkaal iyo dabadhilif.

Caddaanka midigta fog ah ee Maraykan iyo reer Yurub, Hindooska Hindiya, Yuhuudda xagjirka ah iyo Kooxda AS ee uu Nageeye ku biiray waa ay ka simanyihiin arrinkan.

Taliyaha Xoogga dalka oo la kulmay Yoweri Museveni

0

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni ayaa maanta qaabilay wafdi saraakiil ah oo ka socday  dowladda Soomaaliya, kuwaas oo uu hoggaaminayo taliyaha ciidamada Xoogga Soomaaliyeed oo booqasho ku jooga Kampala.

Sarreeye Gaas ibraahim Sheikh Muxudiin Caddow iyo madaxweyne Yoweri Museveni ayaa si gaar ah uga wada-hadlay arrimaha milatariga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday dhismaha Ciidamada Xoogga iyo taageerada dhanka howlgallada ah ee Soomaaliya ay ku doonayso in dalka ay kaga xoreyso Shabaab.

Inta uu kulanka socday madaxweynaha Uganda ayaa ballan-qaaday inay Soomaaliya ka caawin doonaan dhan kasta, hadii ay ahaan lahayd dhismo ciidan iyo tababaro joogta ah.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in Soomaaliya garab milatari ay siin doonaan si dalka  looga saaro maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas ibraahim Sheikh Muxudiin Caddow ayaa horay ula kulmayy dhiggiisa dalka Uganda Gen, Wilson Mbadi.

Labada taliye ayaa ka wada-hadlay iskaashiga iyo xoojinta wadashaqeynta labada dal, iyadoo dowladda Uganda ay ballan qaaday in Soomaaliya ay siin doonto garab milatari.

Uganda ayaa kamid ah dalalka ka qayb-qaata dagaalka ka socda dalka, waxayna ciidamo ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.