25.2 C
Mogadishu
Tuesday, June 23, 2026

Muxuu ahaa ujeedka shirka uu guddoomiyay A/Madoobe?

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maana guddoomiyay shir ay yeesheen saraakiisha amniga ee maamulkaas iyo kuwa ciidamada dowladda ee haatan howlgallada ka wada gobollada Jubbooyinka.

Waxaa kulanka ka qayb-galay taliyeyaasha ciiidamada Xoogga dalka, kuwa daraawiishta, wasiirka amniga Jubbaland iyo mas’uuliyiin kale.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlayay arrimaha amniga iyo dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab, sida ay shaacisay Jubbaland.

“Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa guddoomiyey Shir looga hadlayay xoojinta amniga iyo la dagaalnka Argagixisada oo maanta lagu qabtay Magaalada Kismaayo” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday sidii loo dardar-gelin lahaa dagaalka lagu jiro Al-Shabaab, si looga xoreeyo deegaanada maamulkaasi.

Axmed Madoobe oo madasha ka hadlay ayaa saraakiisha uu la kulmay faray inay laba jibaaraan dadaalkooda, si loo ciribtiro maleeshiyada Al-Shabaab.

Jubbaland ayaa haatan u diyaar garoobeyso duulaan lagu qaado Al-Shabaabka ku sugan Jubbooyinka oo ah saldhiggooda ugu weyn, maadaama ay ka haystaan gobol dhan

Dhowaan ayaa la filayaa inuu billowdo wajiga labaad ee dagaalka oo ay horkaceyso dowladda dhexe, wajiga koowaad ee lagu xoreeyay inta badan HirShabelle iyo Galmudug.

Daawo: Xaaf oo DF u diray digniin la xiriirta arrin xasaasi ah oo ka taagan Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka hadlay dhulka Dabdemiskii hore ee booliska oo dowladdu ay ka kicineyso qoysas u badan beesha Sacad ee Habargidir.

Odayaal ka socda beesha ayaa maanta Xaaf ugu tegay gurigiisa, waxayna ka codsadeen inuu ka hadlo kiiskaan, isagoo warbaahinta la hadlay ayuu codsi iyo hanjabaad isugu daray dowladda.

Xaaf ayaa sheegay in dhul 30 sano la deganaa aysan macquul aheyn in si qorshe la’aan ah dadkii deganaa looga kiciyo, isagoo ku guudiyey in dadkaan ay dagaalami doonaan hadii la isku dayo in xoog looga kiciyo dhulkooda.

“Horta dowlad maxaa la dhahaa? Waa dhul iyo dad, marka dhulka dadka ayaa iska leh sidee looga kicinayaa, intey aadayaan? Dhulka dowladdu malaha ee dadka ayaa leh, kaliya dowladda waxaa laga rabaa in dadkaan ay dhulkooda ku maamusho,” ayuu yiri Xaaf.

Sidoo kale Madaxweyne Xaaf ayaa dowladda ku dhaliilay aqoon la’aan iyo tayo xumo dhanka maamulka ah, isagoo kula taliyey in dhulka la cabiro, kadibna dadka degan loo lacageeyo, hadii aan loo dhaafeyn.

“Dadkaan dhalinyarada ah ee hadda xafiisyada ka shaqeeya waxaba kama yaqaaniin dowladnimada, markii dad dhul laga kicinayo waa in sharci loo maro, xukun maxkamadeed ayaa dadka looga saari karaa dhulkooda, dowladda waxaan kula talinayaa inay hagaajiyaan xirfadaha dadka maamulka ka shaqeynaya,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Galmudug.

Xaaf ayaa sheegay in la suurad xumeynayo madaxweynaha iyo masuuliyiinta kale ee dowladda, isagoo sheegay inuu faafay ah war sheegaya inay iibsanayaan dhulka, isagoo yiri, “War waxaasi macquul maaha, caay iyo meel ka dhac ayey ku tahay madaxda qaranka iyo dowladnimada.”

Madaxweyne Xaaf ayaa dowladda ka codsaday inay tixgeliso codsigiisa, “Maadaama aan ahay odayga ugu weyn beesha Sacad, waxaan codsanayaa in dowladdu keento xal ka duwan kan ay hadda ku raadineyso dhulka ‘dabdamiska’ sababtoo ah wiilasha loo soo adeegsaday inay dhulkaas dadka ka kiciyaan waxay dhasheen iyadoo sidaan loo degan yahay dhulkaas,” ayuu yiri Xaaf.

Hoos ka daawo

‘Lix qof oo walaalaheey ah oo isku meel ku sugnaa ayuu ku dhacay qaraxii Bakaaraha’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli tiiraanyoonaya qoysaska dadkii ku dhintay qaraxyadii ka dhacay suuqa Bakaaraha Talaadadii, kuwa kalana waxa ay ku jiraan xarumaha caafimaadka, iyaga oo baxnaaniye qarabadooda ay jecelyihiin ee ay soo gaareen dhaawacyada halista ah.

Cabdiraxmaan, (ma ahan magaciisa dhabta ah), waxa uu laba walaalihiis ah ku waayay weerarkaas, oo ay ku dhinteen in ka badan 10 ruux, balse intaas oo kaliya walwalku uguma eka. Wuxuu isbitaalka kula jiraa afar kale oo walaalihiis oo ku dhaawacmay qaraxyada.

“Qoyskeena waxaa nagu dhacday qaddar Alle,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Cabdiraxmaan wuxuu sheegay in qaar kamid ah walaalihiis ay ku sugan yihiin xaalad aad u liidata, qolka lagula tacaalo bukaanada ku jira xaaladaha daran ayuu sheegay in haatan lagu baxnaaninayo qaarkood.

“Weli xaaladdooda culus tahay,” ayuu yiri, balse wuxuu sheegay in uu ku niyadsan yahay in laba walaalihiis uu xaalkoodu soo roonaanayo.

Marka uu qaraxu haleelayay ayay ku sugnaayeen xaruntooda gacnacsi oo ku taalla halka ay qaraxyada ugu badani ka dhaceen, sida ay sheegeen ehellada dhibanayaasha.

“Halkan waxaa ka dhacay waxay ahaayeen beegsi ganacsiga,” ayuu u sheegay warbaahinta gudoomiye ku-xigeenka amniga ee gobolka Banaadir Maxamed Yabooh oo goobta ay wax ka dhaceen booqasho ku tagay.

“Shan ilaa lix goobood ayaa khasaaruhu gaareen oo u badan kuwa electarooniga. Dabcan waxay u muuqataa amase aan ognahay inay yihiin kooxdaha argagxisada ah ee ganacstada handadaya si ay baad uga qadaan. Waxay maalmihii danbe u soo dirayeen fariimo, balse dadkani waxay ahaayeen kuwii iska diiday inay baad bixiyaan. Walina baaritaan ayaa socda,” ayuu hadalkiisa raaciyay Yabooh.

Suuqa Bakaaraha ayaan ahayn mid caan ku ah weerar sidii kii Talaadadii lala beegsaday ah oo ka dhaca. Dadka ka faallooda amniga yaaa ku tilmaamay mid ugub ah oo ay saameyn ku leedahay dagaalka ay dawladda Soomaaliya kula jirto ururka Al-Shabaab.

Goobjooge kale oo ku sugnaa goobta ay wax ka dhaceen ayaa sheegay in Jahwareer uu ku jiray in muddo ah itii ay qaraxyadu dhacayeen.

“Markaan arkay dad waddada dhinaceeda yaala oo qaraxii ku dhacay, naxdin xoog leh ayay igu abuurtay. Dhawr mar ayay qaraxyadu naga dul dhaceen,” ayuu yiri goobjoogaha.

“Wax qalalaase ah oo Meesha ka jiray majirin cabsi aan wajahaynayna majirin balse wax waliba si dhaqsa ah ayey isku bedeleen waliba.”

Labada walaal ee uu wayay Cabdiraxmaan ayaa ahaa dhallinyaro curdun ah oo mustaqbalka hami wayn ka lahaa.

“Walaalehey labadaba malahayn xaasas, mana jiraan carruur ay ka tageen, waxa ay ahaayeen dhallinyaro ganacsato ah oo ay noloshuba u cusubtahay,” ayuu yiri.

Xilliga ay musiibadu dhacaysay ayuu sheegay in ganacsiga suuqa uu si caadi ah u socday, dhallinyaraduna ay hal meel kuwada sugnaayeen.

Tacsida ayaan ku koobnayn Cabdiraxmaan iyo qoyskiisa oo kaliya.

Qoysas iyo saaxiibo ayaa baraha bulshada ku daabacay sawirrada dhowr dhallinyaro ah oo la sheegay in ay kamid yihiin dhakhtiir iyo arday, kuwaas oo la sheegay in ay kamid ahaayeen dadkii ku wax yeelloobay qaraxyadii ka dhacay suuqa Bakaaraha.

Isbitaallada kala duwan ee ka howlgala gudaha caasimadda ayaa iyana la geeyay dhaawacyo, mid kamida xarumaha caafimaadka ayaa u sheegay warbaahinta in qaabileen ilaa 20 ruux oo dhaawac ah.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxyadaan, balse dawladda Soomaaliya waxay ku eedeysay ururka Al-Shabaab.

Isha: BBC

Madaxweyne Lafta-gareen oo shaaciyay cidda ka dambeysa dagaalka Buurhakaba

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo hadal ka jeediyay magaalada Baydhaba ayaa si adag uga hadlay dagaal beeleedka kasoo cusboonaaday degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Lafta-gareen ayaa sheegay in dagaalka uu u dhexeeyo laba mooryaan oo huwan magac qabiil, ayna doonayaan inay dhibaato ka gaystaan degmadaasi.

“Qabiil isma dagaalsanee laba mooryaan oo laba bah ah waayay waxa is haysta” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay in labada dhinac ee dagaalamaya inay adeegsanayaan Al-Shabaab iyo dad kale oo leh dano gaar ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Nasiib darro aad u wayn waayay waxaan waligay maqlayna ma aha, waana dareemi karaa daruufta keentay dad dhalinyaro ah oo qori haysta oo nin walbaba uu isticmaalaayo oo Shabaabka uu isticmaalaayo oo kan xumaanta rabo uu isticmaalaayo inay maanta intay dad shacab ah dhexdiisa isu galaan is xabadeeyaan nasiib darro ayay tahay” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay kooxda Al-Shabaab, oo uu ku eedeeyay inay ka dambeyso dagaalka ka socda halkaasi.

“Dad mabda’a ay ku dagaalaayaan iyo waxa ay isku haayaan aan la garaneynin oo runtii ay soo adeegsadeen Shabaab waayay” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu yiri ‘Eelaay oo aan islahayn Mirifle dhan ayuu ugu ilbaxsan yahay in maanta oo la joogo 2024-ta uu is dagaalo waa wax ceeb ah”.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in maamulkiisa uu ka hortagi doono xiisaddaas, isla markaana uu tallaabo ka qaadi doono dadka ka dambeeyay dagaalkaasi.

PUNTLAND oo weerar ku qaaday koox Cabtooy ah

0

Garoowe (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidamada Booliska Puntland ay ka sameeyeen gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, kaas oo lagu beegsaday koox Cabtooy ah.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada ay weerareen kooxdan oo ku howlaneyd ka ganacsiga daroogada noocyadeeda kala duwan.

Sidoo kale Booliska ayaa shaaca ka qaaday in kooxdan ay ku howlaneyd falal burcadnim ah iyo amni darro, balse ay soo afjareen.

“Ciidanka Booliska qaybta Gobolka Nugaal ayaa xalay hawlgal qorsheysan ku qaaday kooxo cabtooy ah oo faraha kula jira dambiyo culus oo la xidhiidha ka ganacsiga daroogada oo qeyb wayn ka ahaa falal burcadnimo iyo Amni daro” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Taliska ayaa ballan qaaday inay ka hortegi doonaan cid kasta oo halis ah ku bulshada deegaanka, ayna sii wadi doonaan howlgallada ay ka wadaan gobolka Nugaal.

“Wuxuu howlgalka si xiriir ah habeen iyo maalin uga socon doonaa magaalada Garoowe illaa iyo inta laga gaarayo natiijo wanaagsan” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dhankiisa taliyaha qaybta Booliska Gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Maxamed Cali Marduuf oo ka hadlay howlhgalka ayaa boggaadiyay ciidamada fuliyay, wuxuuna sheegay inay guul ka gaareen.

Sidoo kale wuxuu ammaan u jeediyay shacabka la shaqeeyay ciidamada inta ay ku jireen howlgalka lagu qaaday kooxda Cabtooyda ah.

Puntland ayaa marar badan la dagaalantay kooxo ka ganacsada Khamriga oo ku sugan deegaanada maamulkaasi, kuwaas oo loo arko inay halis ku yihiin nabad-gelyada.

Navigating the challenges of political stakeholders in Somali governance

0

Somalia has long struggled with political instability and internal conflicts which has impeded its growth and development. There are various political stakeholders who play a significant role in supporting governance in Somalia including parliamentary representatives, executive officials, judicial officials and community leaders. These participate in supporting various governance systems including drafting and amendment of the constitution. This article sheds light on the roles of various political stakeholders in Somalia and highlights how some stakeholders like former presidents, former prime ministers, former ministers, and failed presidential candidates have overstepped their boundaries and made it impossible for effective governance in Somalia. These individuals, who are deemed politically unacceptable, hinder the progress of Somalia by seeking to influence amendments in the constitution and often operate in blatant violation of constitutional principles.

Stakeholders are Responsible for Amending the Somali Constitution

The Somali Constitution lays a foundation for legal and political framework and sets out the procedures and responsibilities for its amendment. The stakeholders are outlined in Article 132 of the constitution of Somalia. The Article defines who has the power to propose and enact amendments. Amendment of the Somali constitution can be done by:

  • Federal Parliament, including both the Lower House and the Upper House of Parliament, which represent the people’s will and have the authority to propose and debate constitutional amendments.
  • The Executive Branch which includes the President and the Council of Ministers may also have roles in the amendment process, either through proposing amendments or ratifying them after parliamentary approval.

Process and Structure for Constitutional Amendments in Somalia

The process for amending the Constitution of Somalia follows the following steps:

  • Initiation of Amendment (Article 133) which is initiated by at least one-third of the members of either the House of the People or the Upper House.
  • Review by the Oversight Committee (Article 133) which is done by Oversight Committee on the Review and Implementation of the Constitution.
  • Debate and Approval in Parliament (Article 134) follows after the Federal Parliament debates the proposed amendment after the Oversight Committee’s review where a two-thirds majority in each house is required for approval.
  • Presidential Assent (Article 134) which serves as a final check and balance in the amendment process.
  • Public Referendum (Article 135) is done where certain amendments necessitate a public referendum.
  • Constitutional Assemblies in Somalia are formed through clan leaders from across the country. Due to the security situation in the country and the war with Al-Shabaab, it is hard to conduct a referendum in Somalia at present and thus constitutional assemblies represent the entire population of Somali.

The Dichotomy of Progress and Influence

Though the former president, former prime ministers, former ministers and other political leaders can participate in the amendment of the Somali constitution, some of these stakeholders have overstepped their roles and negatively affected the political governance in Somalia. They have done this by:

  • Disrupting Constitutional Amendments. Former presidents, ex-prime ministers, ministers, and failed presidential candidates have often sought to influence amendments to the Somali constitution with their personal agendas and vested interests, rather than a focus on the overall welfare of the nation.
  • Unconstitutional conduct where former presidents, ex-prime ministers, ministers, and failed presidential candidates often engage in unconstitutional practices, violating the fundamental principles that underpin Somalia’s political structure.
  • Negative influence of former leaders where former presidents and ministers in Somalia often continue to wield considerable influence even after their official terms have ended.
  • Selfish intentions of constitutional amendments where attempts to amend the constitution by these stakeholders are sometimes driven by personal or group interests rather than national welfare.

Why former Presidents and other Political Leaders should not take the lead in Constitutional Amendment

Former president, former prime ministers, former ministers and other prominent political leaders should not be allowed to dictate the process of constitutional amendment in Somalia. This is because:

  • Conflict of interest where former presidents and ministers may have personal or political interests that could influence their participation in constitutional amendments.
  • Potential for abuse of power in which former leaders may still wield significant influence within political circles that can be used to exert pressure on the constitutional amendment process.
  • Need for fresh perspectives where Constitutional amendments are often seen as an opportunity to bring in fresh ideas and perspectives.
  • Deterioration of Public Trust and Perception in which inclusion of former leaders in the process may lead to skepticism among the public, especially if there is a perception that they are trying to amend the constitution for personal reasons.

Conclusion

Former president, former prime ministers, former ministers and other prominent political leaders should not be allowed to dictate the process of constitutional amendment in Somalia. Former presidents, former prime ministers and ministers may have personal or political interests that could influence their participation in constitutional amendments. Further, former leaders might seek to protect their legacies, political ideologies, or personal gains, potentially compromising the objectivity and fairness of the process. The detrimental influence of former presidents, former prime ministers, former ministers, and failed presidential candidates within the Somali political landscape is an obstacle that impedes progress and undermines the country’s political stability. Their disruptive involvement in constitutional amendments and unconstitutional conduct erodes democracy and hampers the development of a transparent and accountable political structure. It is imperative for Somalia to establish strong institutions, uphold the rule of law, and devise effective mechanisms to prevent the infiltration of unacceptable political stakeholders. Only through genuine political reform can Somalia move forward towards a brighter and more prosperous future.

Abdullahi M Hassan (Abdullahi Yabarow)
abdullahiyabarow.blogspot.com
@siigaale1
 

Mareykanka oo duqeyn ku dilay madaxa Kataib Xizbullah

0

Baghdad (Caasimada Online) – Milatariga Mareykanka ayaa sheegay, in duqeyn cirka ah oo loo adeegsaday diyaaradaha dhulka laga hago ay xalay ku dileen, hogaamiye sare oo ka tirsan kooxda Kataib Xisbullah, oo ah urur aad u hubeysan oo Ciraaqi ah balse ay taageerto Iran.

Weerarka oo ka dhacay magaalada Baghdad ee caasimadda Ciraq, ayay saraakiisha Mareykanku sheegeen in ay ku dileen, hogaamiyaha kooxda Kataib Hezbollah oo ay Washington sheegtay in ay si toos ah masuul uga aheyd, diyaarinta iyo ka qeybgalka weeraro lagu qaaday ciidamada Mareykanka ee ku sugan gobolka Bariga Dhexe.

Warka xalay kasoo baxay Mareykanka waxaa sidoo kale lagu sheegay, in duqeynti ay ka fuliyeen Baghdad aysan dad rayid ah wax ku noqon. Ilo wareedyo kasoo baxay Ciraaq iyo Iiraan ayaa lagu sheegay, in duqeyntaasi lagu dilay Wissam Muxammad Saabir Al-Sacdi, oo ku magac dheeraa Abu Baqir Al-Saadi.

War iyaguna kasoo baxay Kataeb Hezbollah, ayaa lagu xaqiijiyay in la dilay hogaamiyihi howlgallada Suuriya ee kooxda. Waxay sheegeen inuu ku dhintay duqeyn ay la beegsadeen Mareykanka.

Qarraxa lagu dilay hogaamiyahan ayaa ka dhacay xaafadda Mashtal ee bariga magalaada Baghdad. Saraakiisha Mareykanka waxay xaqiijiyeen in fulinta weerarkaasi aysan la socodsiin dowladda Ciraq. Arrintaasi ayaana laga cabsi qabaa in ay keento caro ka timaadda madaxda Ciraq.

Duqeyntan ayaa kusoo beegantay xilli ay maalmahani aad u kacsaneyd xiisadda gobolka Bariga Dhexe.

VOA

Nageeye oo caawa shaaciyey sababtii uu ugu biiray kooxda Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Nageeye Cali Khaliif oo 100 maalmood ka hor u goostay kooxda Al-Shabaab ayaa bixiyey wareysigii ugu horeeyey, isagoo soo bandhigay xogo badan oo ku saabsan sababta uu ugu biiray argagixisada.

Nageeye ayaa sheegay in rabitaankiisa uu ugu biiray kooxda Al-Shabaab, isla markaana ay ka go’antahay inuu xaqiijiyo hadafkiisa.

Waxaa la weydiiyey sababta uu ugu biiray kooxda Al-Shabaab, balse isagoo aan toos uga jawaabin su’aashaas ayuu sheegay in markii hore uu xalka Soomaaliya ka soo raadiyey Xamar, markii ay waxaba u suutageli waayeena uu ku soo biiray Al-Shabaab.

Isla su’aashaas isagoo ka jawaabaya Nageeye wuxuu sheegay in Soomaaliya la kala jarjaray, isla markaana ay u baahan tahay in la badbaadiyo, taas oo ku kaliftay inuu ku soo biiro argagixisada.

Nageeye intii uu waday wareysigaan wuxuu sheegay in diyaarad ay dul-dhawaaqeyso, isagoo sheegay in danteeda ay wadato diyaaradaas ee dan Soomaaliyeed aysan ka shaqeyneyn.

Waxaa la weydiiyey wixii uu dareemay markii dadka Soomaaliyeed ay ku baraarugeen inuu ku biiray Al-Shabaab oo masuuliyiin ka tirsan dowladda ay ka hadleen, wuxuuna ku jawaabay in mabda’ ay ku kala tageen isaga iyo dadkii uu kula noolaa jiray Muqdisho.

Nageeye ayaa ka sheekeeyey waayihiisii nolosha oo inta ugu badan uu ku soo qaatay Hargeysa, sidoo kale markii uu yimid Muqdisho wuxuu sheegay inuu ku biiray Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed oo kuliyadda saxaafadda uu ka dhigi jiray.

Ninkaan oo 100 maalmood kasii maqan Muqdisho ayaa is bedelay muuqaal ahaan, timo weyn ayuu deystay, wuxuuna wareysigaan ku muujiyey sida uu ugu qanacsan yahay noloshaan adag ee uu doortay.

Daawo: Maamulka AWDAL STATE oo looga dhawaaqay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadka ka soo jeeda gobolka Awdal ee waqooyiga Soomaaliya ayaa maanta ku shiray magaalada Muqdisho, iyagoo ku dhawaaqay maamul ay ugu magac-dareen Awdal State oo ka madax-banaan Somaliland.

Prof. Cabdisamad Ibaraahim Nageeye oo sheegtay madaxweynaha Awdal State ayaa khudbad ka jeediyey xafladii maanta lagu qabtay Muqdisho, isagoo sheegay inuu la dagaalami doono maamulka Muuse Biixi.

Wuxuu sheegay in Soomaalinimadu ay ka go’antahay dadkiisa reer Awdal, gumeysina aysan hoos tegi karin, haatana ay diyaar u yihiin inay ka dagaalamaan dulmiga Muuse Biixi.

“Waxaan balan qaadeyna in aan dagaalami doono, kaliya waxan idinka rabnaa Soomaaliyey inaad nagu garab istaagtaan, anaga ayaa diyaar u ah inaan u dhimano dhulkeena,” ayuu yiri Madaxweynaha Awdal State Prof. Cabdisamad Ibaraahim Nageeye.

Sidoo kale wuxuu dadka Soomaaliyeed ee degan koonfurta aad ugu amaanay wadaniyadda iyo dhiigga ku jira, maadaama ay aad uga hor imaadeen qorshaha Muuse Biixi uu ku iibsaday badda Soomaaliya.

Hoos ka daawo

Xog: Muxuu salka ku hayaa khilaafka sababay inuu xirmo suuqa weyn ee Bakaaraha?

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Ganacsatada waaweyn ee suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa ka hor yimid qorshe uu watay maamulka gobolka Banaadir oo ku soo rogay canshuur dheeraad ah.

Ganacsatadaan oo ah kuwa dalka dibaddiisa ka keena agabyada kala duwan ayaa ka cabanaya lacago bille ah, oo uu kusoo rogay maamulka Gobolka Benaadir, lacagahaas oo ay ku doodayaan in aan xaq loogu laheyn.

Ganacsatada ayaa sheegay in wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ay siiyaan canshuurtii xaqa loogu lahaa, isla markaana aysan awoodin lacagaha dheeraadka ah ee maamulka gobolka Banaadir uu raadinayo.

Xasan Cabdi oo ka mid ah ganacsatada ugu waaweyn suuqa Bakaaraha ayaa in gobolka Banaadir uu ganacsatada waaweyn ku soo rogay lacag xad-dhaaf ah.

“Canshuurta uu rabo gobolka Banaadir waxaa lagu leeyahay ganacsatada tafaariiqda iibisa iyo waratada (ganacsiyada yar yar) maamulka gobolka waan kala fariisanay arrintaan, waxaan u sheegnay in canshuurtii nagu waajibtay ay wasaaradda maaliyaddu naga qaaday, waana isku fahmi weynay arrintaas,” ayuu yiri ganacsade Xasan Cabdi.

Sidoo kale ganacsatda ayaa sheegay inay leeyihiin maamul lagala xaajoo karo arrimaha ku saabsan ganacsiga iyo canshuuraha oo ah Rigta Ganacsatada Soomaaliyeed, taas oo loo baahan yahay in lagala hadlo qorshaha uu wato maamulka gobolka Banaadir.

“Waxaa maamul noo ah rugta ganacsiga, wixii amar ah oo ka soo baxa rugta ayaan fuli karnaa inagu, marka waa in maamulka gobolka Banaadir uu la fariisto maamulka rugta ganacsatada Soomaaliyeed, kana dhaadhiciyo sida uu wax u rabo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Ganacsade Xasan Cabdi oo la hadlay Idaacadda VOA.

Dhinaca kale, dhaqaale yahannada ayaa ku doodaya in sharuucda canshuuraha ee lakabyada dowladda oo aan kala caddeyn ay sabab u yihiin arrinkaan taagan.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa taagnaa khilaaf culus oo ka dhex qarxay maamulka gobolka iyo ganacsatada suuqa Bakaaraha, kuwaas oo iyagoo shalay banaanbaxaya ay Shabaab qarxiyeen, welina xal lagama gaarin khilaafkii sababay suuqu xirmo.

Xog cusub oo ku saabsan qaraxyadii Bakaaraha iyo khasaaraha oo aad u kordhay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo isxig-xigay oo shalay ka dhacay suuqa weyn ee Bakaaraha, kaasi oo lala beegsaday dukaamo ganacsi oo halkaasi ku yaalla.

Qaraxyada oo salaaddii duhur kadib shalay laga maqlay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, ayaa sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur soo gaaray goobo ganacsi.

Tirada dhimashada ayaa la sheegay inay haatan mareyso illaa 12 qof, halka dhaawacuna yahay 41, sida ay muujinayso xogta dhaawaca iyo dhimashada ee labada isbitaal ee kala ah Madiina iyo Recep Tayyip Erdogan ama Ex-Digfeer,

Macluumaadkaasi oo VOA ay ka heshay wasaaradda caafimaadka ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muujinaya in Isbitaalka Madiina la geeyey 8 qof oo mayd ah iyo 9 qof oo dhaawac ah.

Sidoo kale isbitaalka Recep Tayyip Erdogan ayaa qabtay 32 qof kuwaasi oo 4 qof oo ka mid ah ay mayd ahaayeen, halka inta kalena ay dhaawac yihiin.

Qaraxyada shalay ka dhacay suuqa Bakaaraha ayaa badankood lala beegsaday dukaamada iibiya qalabka Electronics-ka, waxaana laamaha amniga ay sheegeen inay qaraxyadaasi ka dambeeyeen maleeshiyaadka ururka Al-Shabaab. Kooxda Al-Shabaab ayaa weli rasmi ahaan uga haldin qaraxyadan.

Laamaha amniga ayaa baarista hordhaca ah ku sheegay in qaraxyadaasi ay sababeen miinooyin la dhigay goobahan ganacsi, waxaana weli socota baaritaano la xiriira arrintaan.

Suuqa Baarakaha ayaa ah suuqa ganacsi ee ugu weyn Soomaaliya, halkaasi oo xuddun u ah nolosha malaayiin Soomaali ah oo siyaabo kala duwan noloshoodu ugu tiirsan yahay.

Sawirro: Dooddii xasaasiga aheyd ee BF oo soo idlaatay iyo guddi cusub oo loo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Adan Madobe ayaa shir-guddoomiyay Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 16-aad oo ajandihiisu ahaa dhameystirka ka-doodista arrimaha siyaasadda iyo go’aamada masiiriga ah ee dalka.

Kulanka waxaa goob joog ah ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Marwo Sacdiyo Yaasiin iyo Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar.

Xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS oo maanta ka dooday arrimaha masiiriga ah ee dalka, oo ay ugu horreeyaan arrimaha dib eegista Dastuurka KMG oo habraaciisa la ansixiyay.

Waxay xildhibaannadu fallanqeeyeen isla xisaabtanka hay’adaha dowladda iyo in la ilaaliyo matalaada shacabka, iyagoona si wadajir ah u tilmaamay in la xoojiyo arrimaha dib u heshiisiinta si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka shacabka iyo dhulka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha oo gunnaanadka kulanka soo xiray ayaa xildhibaannada uga mahad-celiyay doodooda arrimaha siyaasadda iyo go’aamada masiiriga ah ee dalka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in la soo magacaabi doono guddi soo kooba, kana soo shaqeeya nuxurka doodii socotay labadii kulan ee ugu dambeysay.

Arrintaan ayaa imaneysa xilli uu muran xooggan ka taagan yahay arrimaha wax ka beddelka dastuurka, islamarkaan ay diidan yihiin inta badan xubnaha mucaaradka oo ay ku jiraan madaxdii hore ee dalka.

Si kastaba, bishii May ee sanadkii hore ayay aheyd markii Golaha Wadatashiga Qaranka ku heshiiyeen in laga guuro nidaamka hadda jira, ayada oo meesha laga saarayo xilka ra’iisul wasaaraha, si ay Soomaaliya markii ugu horreysay u yeelato madaxweyne iyo ku-xigeen.

R/W Abiy Ahmed oo weli ku adkeysanaya damaciisa BADDA xilli uu hoos u dhigay…

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed oo shalay hoos u dhigay cabsida laga qabo dagaal ay la galaan Soomaaliya sababo la xiriira baadi-goobka ay Ethiopia ugu jirto bad, ayaa geesta kale wuxuu weli ku dhagan yahay damiciisa gurracan ee helitaanka dhul badeed.

Abiy Axmed oo la hadlayey sharci-dejiyayaasha dalkiisa ayaa yiri hadal u dhignaa “Waan wadaagi doonnaa kheyraadkeena, xitaa mustaqbalka, laakiin rajadeenu waxay tahay in aan ka filayo inay sidoo kale aqbalaan codsiyadeena.”

Hadalkaan ayaa muujinaya in xukuumadda Abiy ay weli ku adkeysaneyso damacaasi, xilli ay 1-dii Janaayo ee sanadkaan heshiis is-afgarad la saxiixatay Somaliland, oo ayadu ku doodda inay tahay dal ka madax-banaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dukumentiyada heshiiskaas ayaan weli la shaacin balse Somaliland ayaa dhankeeda waxay sheegtay in Ethiopia ay ogolaatay inay aqoonsato madax-banaanideeda, ayada oo ku beddelanaysa dekad iyo saldhig ciidan badeed.

Heshiiskaas ayaa ka caraysiiyey dowladda federaalka Soomaaliya oo ku adkeysata in Somaliland ay qeyb ka tahay Soomaaliya. Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa sidoo kale jeediyey “inuu diyaar u yahay dagaal ay la galaan Itoobiya” si looga hortago inay halkaas deked ka dhisto.

“Si loo xaqiijiyo nabadda Soomaaliya, kumanaan Itoobiyaan ah ayaa ku dhintay Soomaaliya. Waxaan ku dhimaneynaa Soomaaliya sababta oo ah nabadda Soomaaliya waa nabadda Itoobiya. Horumarka Soomaaliya waa horumarka dalkeena. Waxaan aaminsannahay inaan nahay walaalo, mana dooneyno in aan dagaalanno,” ayuu yiri Abiy Axmed.

Abiy waxa keliya uu hadda meesha ka saaray waa suurta-galnimada in uu dagaal dhex-maro Soomaaliya, kaasi oo salka ku haya xiisaddan, hase yeeshe weli kama tanaasulin damaciisa badda, oo sida muuqata wuxuu rabaa in taasi lagala hadlo, waa haddiiba u shaqeyn waayo heshiiska Somaliland, oo caalamka ka horyimid.

Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya waa diiday inay wada-hadal la furto Abiy iyo xukuumaddiisa, illaa uu ka laabto heshiiskii is-afgarad ee Somaliland uu kula saxiixday magaalada Addis Ababa, taasi oo uu weli ka meer-meerayo.

Saddex arrin oo la xiriirta kiiska LUUL Cabdicasiis iyo soo qabashada ninkii gubay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ayaa Isniintii xaqiijisay inay gacanta kusoo dhigtay Sayid Cali Macalin Daa’uud, oo ah ninka ku eedeysan inuu gubay xaaskiisi Luul Cabdicasiis.

Ninkaan ayaa u baxsaday dhanka gobolka Galgaduud, waxaase ugu dambeyn laga soo qabtay isku darka Mudug iyo Galgaduud. Ciidanka NISA ayaa warbaahinta la wadaagay eedeysanaha eedeysanaha oo gacanta dhaawac ka ah.

Warbixintan ayaa waxaa ku eegayna saddex arrimood, kuwaasi oo kala ah;

1. Xujo fur

Waa xujo fur weyn oo ay sameeyeen laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya. Horey waxaa su’aal loo dul dhigay awoodooda ciidan, midooda xuuraanka iyo heerkooda u sinaanta muwaadiniinta.

Laakiin kadib qabashadii Isniintii ee eedeysane Sayid Cali Macalin Daa’uud waxaa la oran karaa laamaha amniga ee dowladda waa is-furteen oo waxay bad-baadiyeen kalsoonida ay ku dhex leeyihiin bulshada, si gaar ah Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA.

2. Xujo cusub iyo waaxda garsoorka

Maydka Luul Cabdicasiis ayaa weli la aasin, qoyskeeda waxay horey u sheegeen in aanay aasi doonin illaa laga soo qabanayo ninka ay ku eedeeyeen inuu gabadhooda dilay. Hadda eedeysanihii waa la hayaa, waxaana markaan loo jiheysan doona dhinaca hay’addaha garsoorka.

Maadaama falkaan uu ugub ahaa wuxuu si weyn u kiciyay dareenka bulshada Soomaaliyeed, waxaana hadda abuurmaya cadaadiska waaxda cadaaladda.

Garsoorka Soomaaliya waxaa marwalba lagu eedeeya cadaalad xumo iyo daahid badan, markaan waxay gacanta ku qabanayaan kiis si weyn loo eegayo. Habka loo wajaho iyo waqtiga ay siiyaan ayaa si gaar ah loo eegi doona.

Haddii shalay ciidanka ku xujeysnaayeen soo qabashada eedeysanaha, maanta xujadii waxay u wareegtay dhanka hay’addaha garsoorka.

3. Gunaanadka kiiska oo badbaado ama baylah dhalin kara

Dadka Soomaaliyeed ee sida weyn isha ugu hayay dhacdadan argagaxa leh ayaa si weyn u bogaadiyay laamaha amniga ee dowladda. Waxaana soo qabashada ninkana ku jirta farriin gaar ah oo ah in aan si fudud looga baxsan karin ciidanka dowladda.

Waxaa sidoo kale bogaadin leh reerka uu kasoo jeedo eedeysanaha, kuwaasi oo si isku duuban uga horyimid falkaan bahalnimada ah, iyaga oo la sheegay in laamaha amniga garab fiican ku siiyeen soo qabashadiisa.

Sida loo maareeyo iyo halka uu ku dhamaado kiiskaan waxay noqon kartaa sii socoshada ama gunaanadka falalka nuucaan ah.

Sawirro: Dagaal Muqdisho ku dhex maray ciidamada DF iyo kuwa xildhibaan Xaadoole

0

Muqdisho (Caaasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal goordhow ka qarxay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu u dhexeeyo ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka iyo kuwa kale oo taabacsan Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka xoogiisa uu ka dhacay agagaarka Masaajidka Irshaad oo uu ku yaallo guriga xildhibaanka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online dagaalka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen ciidamada ammaanka oo waday howlgal ka dhan ah maandooriyaha iyo kuwa kale ee ku sugna guriga xildhibaanka.

Xaaladda ayaa weli kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo dhinaca xildhibaanka.

Sidoo kale ma cadda khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ah ee ka dhashay iska hor imaadka dhex maray labada dhinac.

Horay waxaa sidaan oo kale Muqdisho ugu dagaalamay ciidamada dowladda iyo kuwa Jeneraal Sheegow, kadib dhac ay ka gaysteen degmada Dharkenley, waxaana kadib lasoo xiray Jeneraalka iyo askartiisa oo la xukumay.

HirShabeelle oo shaaca ka qaaday inay u aargudeyso Nabadoon Muuse Haaruun

0

Jowhar (Caasimada Online) – Kulan loogu duceynayay Allaha u naxariistee Nabadoon Muuse Haaruun oo maalin kahor lagu dilay magaalada Muqdisho isaga iyo nin kale oo lagu magacaabo Nuur Dheere ayaa maanta lagu qabtay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Kulanka ayaa waxaa ka qayb-galay wasiiro, xildhibaano, waxgarad iyo maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe, ayada oo tacsi loogu diray ehellada marxuumiinta.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasadda ee maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe, Maxamed Cabdi Sheekh Xaandow oo madasha ka hadlay ayaa sheegay inay usoo aargudi doonaan nabadoonka, maadaama ay dileen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Xaandow ayaa ballan qaaday inay si deg-deg ah jawaab uga bixin doonaan dhacdadaan, isla markaana ay go’an tahay inay xanuun dareensiiyaan Al-Shabaab

“Waxaa nagu ballan ah xanuunka ay na dareensiiyeen mid lamid ah inaan dareensiino, haddii uu Ilaah yiraahdo, waa naga go’aan tahay waana nagu ballan” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ragga lasoo qabtay dilka Nabadoonka sida ugu dhaqsiyaha badan loo horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo sharci ah.

Dilka Nabadoonka ayaa kusoo aaday, xilli ay Al-Shabaab laga xoreeyay inta badan deegaanada HirShabelle, kadib guluf ay qaadeen ciidanka dowladda iyo dadka deegaanka.

Culimada Soomaaliyeed oo diray farriin culus kadib arrintii ka dhacday Muqdisho + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Culimada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay dhacdadii argagaxa lahayd ee dhowaan ka dhacday Muqdisho, taas oo uu saygeeda ku gubay marxuumad Luul Cabdicasiis oo ahayd hooyo xaamilo ah oo haysatay carruur agoon ah.

Sheekh Cali Wajiis oo kamid ah culimada waa weyn ee dalka ayaa marka hore tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska gabadha, isaga oo sheegay inay la xanuunsadeen dadka Soomaaliyeed, maadaama uu gaaray dhib weyn.

“Gabadhaas sida arxan darrada ah loo dilay ehelkeeda aad iyo aad ayaan uga tacsiyeyneynaa haddii aan nahay culimada Soomaaliyeed” ayuu yiri Sheekha.

Sidoo kale wuxuu boggaadiyay soo qabashada eedeysane Sayd Cali Macallin Daa’uud, isaga oo dalbaday in si deg deg ah cadaaladda loo horgeeyo si loo xukumo.

“Waxaan rabaa inaan halkan uga hambalyeeyo hay’adaha amniga ee qaranka sida sharafta badan ee ay ugu guuleysteen inay gacan ku dhiiglihii soo qabtaan” ayuu sii raaciyay.

Intaas kadib Sheekh Cali Wajiis ayaa farrriin guud u diray dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ugua baaqay in aan garab lasiin dambiila kasta, si cadaaladda loo horgeeyo.

“Maanta wixii ka dambeeya waxaa la rabaa Mujrimka in uusan tol yeelan in uusan deegaan yeelan inuu dhiiga uu xambaarsan yahay qof kasta oo muslim ah oo Soomaaliyeed ay ogaato inuu dhiigeedu yahay oo gacanta lagu soo dhigo” ayuu mar kale ku yiri farriintiisa.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli ehellada marxuumadda ay dalbanayaan in si deg deg ah  tiirka loo geeyo eedeysanaha, si loola aaso marxuumad Luul Cabdicasiis.

Dhacdadan ayaa argagax ku noqotay dadka Soomaaliyeed, taas oo ka dhalatay sida arxad darrada oo uu ninkan u gubay xaaskiisii oo haddana u lahayd uux li bilood ah.

Sababta la rumeysan yahay in shalay loo weeraray Bakaaro

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaraxyo ayaa salaaddii duhur kadib shalay laga maqlay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur soo gaaray goobo ganacsi.

“Waxaan indhahayga ku arkayey toddoba qof oo dhimasho ah iyo dhaawaca saddex kale,” ayuu yiri goobjooge diiday inaan magaciisa baahinno.

Goobjoogahaan oo sidoo kale ah ganacsade tukaan ku leh suuqa Bakaaraha ayaa sheegay in hal mar uu isbaddeley jawiga suuqa, gaar ahaan qaybta lagu iibiyo alaabta Electron-ga oo khasaaraha ugu badan uu gaaray.

Waxa uu sheegay in dadkii ku sugnaa suuqa ay kala carareen iyadoo si dhaqsi leh loo xiray dukaamadii furnaa. 

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo gaaray suuqa Bakaaraha ayaa sheegay in ujeedka uu ahaa beegsiga ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan suuqa weyn Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Maxay tahay sababta loo weeraray suuqa?

Sida uu sheegay Axmed Cabdullaahi Kaboole, oo arimah ammaanka ka faallooda, caado ma ahayn in kooxaha dagaalka kula jira dawladda Soomaaliya, sida Al-Shabaab iyo Daacish ay weeraraan suuqa Bakaaraha, sababtoo ah waxay la macaamili jireen ganacsatada oo badankood ay ka qaadi jireen lacago baad ah. Tobankii sano ee u dambeeyay ayuu xaalku sidaas ahaa.

“Waxaa laga yaabaa inay dad ku dhex dili jireen oo ama ha nooqto xubnaha dowlada ama kuwa sakawaadka diida,” ayuu yiri Kaboole.

Dad badan ayaa u arka in weerarka Bakaaraha ee shalay uu yahay mid cusub.

Kaboole, ayaa qaba in weerarkan lagu qaaday suuqa Bakaaraha ay ula muuqato in uu sababi karo sharciga la-dagaalanka argagixisada ee dowladda Soomaaliya ay soo saartay, kaas oo si adag u xadidaya cid kasta oo macaamil dhex maro kooxaha dowladu u aqoonsan tahay argagixisada, kaas oo si uun u naaqusiyay macaamiilkii dhex-mari jiray Al-Shabaab iyo ganacsatada qaar.

“Tani waa jawaab ka timi al-Shabaab ayaan is leeyahay, sababtoo ah sharcigan adag ee dowladdu soo rogtay ayay doonayaan in ay u muujiyaan inay carqaladeynayaan,” ayuu yiri Axmed Kaboole. 

Suuqa Baarakaha waa suuqa ganacsi ee ugu weyn Soomaaliya, halkaas oo xuddun u ah nolosha malaayiin Soomaali ah oo siyaabo kala duwan noloshoodu ugu tiirsan yahay.

Axmed Cabdillaahi Kaboole ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay xaqiijiso ammaanka ganacstada, maadama ay hadda u muuqdaan hilib banaan yaal ay dhibaatadu gaarayso iyaga uun.

Wararkii ugu dambeeyay ee doodda xasaasiga ah ee BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maalintii labaad ka doodaya arrimo ku aadan siyaasadda iyo go’aannada masiiriga ah ee dalka.

Kulankan oo uu ajendihiisu yahay arrimaha siyaasadda iyo go’aannada masiiriga ah ee dalka ayaa waxaa guddoominayo Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dooddan ay sii wadi doonaan, taas oo sidoo kale taabaneysa wax ka beddelka dasuurka KMG ka ah ee dalka.

“Ajendaheenna waa dhammeystirka doodii noo socotay ee arrimaha siyaasadda iyo go’aannada masiiriga ah, daqiiqadahana waa kuwii aan ku heshiinay soo dhowaada liiska darraad meesha ha’inooga sii socdo” ayuu yiri guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Intaas kadib xildhibaanada ayaa guda galay doodooda, kuwaas oo ku kala aragti duwan qodobada laga wada-hadlayo.

Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux ayaa kulanka ka sheegay in markii hore la fahmi waayay ajendaha, balse haatan uu kusoo biyo shubtay dhammeystirka dalka.

“Ajendaha horta maalintii dhoweyd waxaa loo bixiyay ifahamsii qofba qof ayuu weydiiyay maxaa ka fahamtay maxaa ka tiri laakiin hadda wuxuu ku biyo shubtay oo uu aaday habkii dastuurka oo nagu soo aadan inaynu dhammeystirno” ayuu yiri xildhibaan Nuux Dheere.

Dhankiisa Xildhibaan Cabdinaasir Xaaji Shirwac ayaa sheegay in dhammeystirka dastuurka ay ku xayiran yihiin xaquuqaad fara badan, sida maqaamka magaalada Muqdisho.

“Dastuurka waxaa ku xiran xuquuq fara badan, gobolka Banaadir oo ay ku nooshahay in ka badan dowlad goboleedyada oo dhan xuquuqdiisa waxa ay ku xayiran tahay dastuurkan, ayuu isna dooddiisa ku yiri Xildhibaan Cabdinaasir Xaaji Shirwac

Arrintaan ayaa imaneysa xilli uu muran xooggan ka taagan yahay arrimaha wax ka beddelka dastuurka, islamarkaan ay diidan yihiin inta badan xubnaha mucaaradka oo ay ku jiraan madaxdii hore ee dalka.

Si kastaba, bishii May ee sanadkii hore ayay aheyd markii Golaha Wadatashiga Qaranka ku heshiiyeen in laga guuro nidaamka hadda jira, ayada oo meesha laga saarayo xilka ra’iisul wasaaraha, si ay Soomaaliya markii ugu horreysay u yeelato madaxweyne iyo ku-xigeen.

Ciidamada PUNTLAND oo gacanta ku dhigay doon siday HUB iyo raggii la socday

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanada Puntland ayaa sheegaya in howlgal ay qaadeen ciidamada ammaanka lagu soo qabtay doon siday hub sharci darro ah iyo raggii la socday, kuwaas oo lagu sheegay inay ahaayeen burcad badeed.

Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay Gobolka  Raas Caseer ee maamulkaasi, ayada oo gacanta lagu soo dhigay doonidaas iyo saddex qof oo la socday.

Taliyaha qaybta ee gobolkaasi, Gaashaanle Fu’aad Maxamuud Xuseen oo la hadlay wariyeyaasha ayaa ka warbixiyay howlgalka, isaga oo sheegay inay iska kaashaadeen ciidamada booliska iyo kuwa ilaalada xeebaha ee maamul goboleedka Puntland.

Fu’aad ayaa sheegay in hubka gacanta usoo galay uu yahay mid casri ah, uuna ka kooban yahay qoryo, rasaas iyo shidaal ay wateen burcadda lasoo qabtay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in eedeysanayaasha saddexda ah ee la qabtay la horgeyn doono cadaaladda, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Waxaa kale oo uu carabka ku dhuftay inay sii wadi doonaan howlgallada, ayna la dagaalamu doonaan burcad badeeda iyo cid kasta oo halis ku ah amniga deegaanka

“Ciidamada ammaanka ayaA ku raad-jooga burcad badeedda falalka amni darri ka wada xeebaha bari ee ee Puntland iyo cid kasta oo carqaladeyneysa amniga gobolka” ayuu yiri.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa, ayada oo bilihii lasoo dhaafay kooxaha burcad badeeDda ay dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabeen xeebaha Soomaaliya, ayaga oo weeraray dhowr markab.