25.2 C
Mogadishu
Tuesday, June 23, 2026

Shir xasaasi ah oo ay qeyb ka yihiin wakiiladda caalamka oo ka furmay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho maanta ka furmay shir xasaasi ah oo la xiriira la-dagaalanka fekirka xagjirka ah, kaasi oo ay qeyb ka yihiin danjirayaasha caalamka u jooga dalka.

Kulan howleedka soo bandhigidda iyo wadatashiga dib-u-eegista istaraatiijiyadda qaran ee ka hortagga la-dagaalanka fekirka xagjirka ah ayaa waxaa soo qaban-qaabisay hay’adda Tubsan.

Waxaa ka soo qeyb-galay shirkaan agaasimaha hay’adda Tubsan, safiirada beesha caalamka, qaar kamid ah hay’addaha Qaramada Midoobay, ATMIS (ex-AMISOM) iyo masuuliyiin kale.

Agaasimaha Tubsan Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa ugu warbixiyay mas’uuliyiinta ka soo qeyb-gashay soo bandhigidda wada-tashiga istaraatijiyadda qaran ee ka hortagga fikirka xagjirka ee rabshadaha wata.

Danjirayaasha caalamka, qaar kamid ah ururada caalamiga ah oo sidoo kale ka hadlay kulankaan ayaa taageeray habsami u socodka la-dagaalanka argagixisada, dadaalka lagu bixinayo mabadda iyo horumarinta lagu samaynayo deegaanadii laga xoreeyey Al-Shabaab.

Tubsan National Center oo sanadkii tegay kamid noqotay hay’addaha dowladda federaalka, ayaa ah hay’ad muhiim ah oo dowladda u igmatay ka hortagga fikradaha xagjirnimada iyo gacan ka hadalka ku salaysan, xilli uu dalka ku jiro dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa markii xilka dib loogu doortay ku dhowaaqay inuu qaabab hor leh ula dagaalamayo Al-Shabaab, taasi oo aan ku koobnayn dagaalka milatariga ah, balse ay ku jiraan dagaalka dhinaca dhaqaalaha iyo fikirka.

Mareykanka oo gadaal ka riixaya heshiis laga gaarayo dagaalka Gaza

Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa Salaasadii sheegay in hoggaamiyayaasha Xamaas ay ka soo jawaabeen hindisaha sii daynta la haystayaasha, kaasoo hakin doona dagaalka ka socda marinka Gaza.

Wuxuu sheegay in Maraykanku uu dersayo jawaabta ay ka bixinayaan arrintan, isla markaana ay kala hadli doonaan Israa’iil maalinta Arbacada ah.

Intii uu socday shir saxaafadeed ka dhacay magaalada Dooxa ee dalka Qatar, Xoghaye Blinken ayaa u sheegay warbaahinta in jawaabta Xamaas ee hindisaha sii daynta la haystayaasha lala wadaagay Israa’iil.

Madaxweyne Biden oo ku sugan Washington ayaa isaguna warbaahinta u sheegay in jawaabta Xamaas ay tahay “mid xoogaa saayid ahi uu la socdo”, hase ahaatee la sii wadi doono wada-xaajoodyada.

Xoghayaha ayaa wadahadalo la yeeshay hoggaamiyayaasha Qatar iyo Masar, xilli ay socdaan dedaalo la doonayo in lagu joojiyo dagaalka Gaza, isla markaana ay tahay in kordhiyo gargaarka bini’aadanimo ee la geynayo marinka Gaza.

Maraykanka, Masar iyo Qatar ayaa ka shaqeeyey heshiis xabbad-joojin ah, kaas oo haatan laga wada xaajoonayo, waxaana ku jira in muddo toddobaadyo ah la xakiyo dagaalka ka socda marinka Gaza iyo in la sii daayo maxaabiista la haysto.

Donald Trump oo laga qaaday xasaanada madaxweyne hore – Maxaa xiga?

Washington (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ayaa Madaxweynihii hore ee dalkaas Donald Trump ka qaaday xasaanadii madaxweyne hore, waxaana lagu dacweyn karaa eedeymo la xiriira inuu qorsheynayay inuu meesha ka saaro doorashadii Mareykanka ee 2020.

Trump ayaa ku andacoodey in kiis sharciyeed taariikhi ah uu ka badbaadi karo eedeymaha dambiyada ah ee lagu soo oogay, isagoo soo bandhigay falal uu sheegay in ay ku dhaceen shaqadiisa madaxweynenimo.

Hasayeeshee xukunka maanta ka soo baxay maxkamadda Washington DC ayaa meesha ka saaray sheegashada iyo doodaha Donald Trump.

Go’aanka maxkamadeed ee maanta soo baxay wuxuu dib u dhac ku yahay Trump oo sanado badan soo xiganayay xasaanadda madaxweyne hore, isagoo la dagaallamaya kiisas badan.

Donald Trump ayaa la filayaa in uu racfaan ka qaato xukunka, taas oo la micno ah in kiiska uu ugu dambeyntii u gudbi karo maxkamadda sare, halkaas oo muxaafidku ay ku heystaan aqlabiyad 6-3 ah.

La-taliye sare Jack Smith ayaa Trump oo 77 jir ah ku soo oogay dacwad ah in uu maleegayay in uu meesha ka saaro guushii Joe Biden ee doorashadii 2020 iyo in uu sameeyay wax isdaba marin, si uu xafiiska u sii joogo.

Maxkamadeynta Donald Trump ayaa markii hore loo qorsheeyay 4-ta Maarso, laakiin dib ayaa loo dhigay inta laga gaarayo go’aanka dacwadda xasaanadda oo maanta uu dhacay xukunkii ugu horeeyey oo racfaan uu ka qaadan karo.

Waxay dib u dhici kartaa in go’aankaas la gaaro dhowr toddobaad haddii aysan bilo noqon, wuxuuna kiiskaan ku soo dhamaanayaa Maxkamadda Sare ee dalka Mareykanka.

Daawo: Ehellada Luul oo war cusub soo saaray kadib markii ninkii gubay la keenay Xamar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ehellada marxuum Luul Cabdicasiis oo dhawaan u geeriyootay dhaawacyo daran oo ka soo gaaray dab uu ninkeedii ku gubay, asxaabtii ay shaqo wadaagta ahaayeen marxuum Luul iyo dad weyne kale ayaa galabta iska xaadiyey garoonka Aadan Cadde oo laga soo dejiyey eedeysane Sayid Cali Macalin Daa’uud.

Ehellada ayaa garoonka warbaahinta kula hadlay markii ay xaqiijiyeen in eedeysanihii laga soo dejiyey Muqdisho, waxayna ciidamada ammaanka iyo guud ahaan dowladda uga mahad celiyeen, sida ay uga jawaabeen codsigoodii ee loogu guuleystay soo qabashada ninkaas.

Cabdoow Xaaji Xasan oo ah Nabadoonka qoyskii ay ka dhalatay marxuum Luul Cabdicasiis ayaa warbaahinta kula hadlay garoonka, isagoo cadeeyey in meydkii gabadha aan weli la aasin, isla markaana ay doonayaan in ninkaan lala aaso gabadha oo ka dhigan in la toogto.

“Laamaha ammaanka waajibkooda waa ay guteen Maxkamadaha dalka iyaguna waa in sida ugu dhaqsiyaha badan ay cadaaladda u horkeenaan edeysanaha. Gabadheenii weli Meydkeeda waa noo yaalaa,” ayuu yiri Nabadoon Cabdoow Xaaji.

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay mar kasta ka filanayeen cadaalad, hadana ay doonayaan in la dhameystiro inta ka dhiman cadaaladda Luul, “tani waxay sharaf u tahay madaxweynaha, r/wasaaraha, hey’adaha amniga, baarlamaanka iyo guud ahaan dowladda,” ayuu yiri Nabadoon Cabdoow Xaaji oo aad ugu farxay soo qabashada ninka dilay gabadhooda.

Wuxuu sheegay in wixii ka horeeyey shalay galab markii lasoo qabtay ninkaas ay aad u walwalsanaayeen ehellada gabadhii la gubay, balse hadda ay kalsooni badan ku qabaan inay cadaalad ka heli doonaan dowladooda.

“Waxaan ilaahey ka baryeynaa in dowladeena ay noqoto mid aan ku dhaqmeyn looma ooyaan iyo 4.5 oo ay noo noqoto dowlad dadkeeda u xaq soorta, ninkii dil geysta waa in dowladdu waajibkiisa marisaa, meesha haka saarto dowladdu kan waa laandheere iyo kan waa looma ooyaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Nabadoon Cabdoow Xaaji.

Ninkaan oo shalay  laga soo qabtay deegaan hoos taga magaalada Hobyo isagoo baxsad ah ayaa maanta diyaarad laga soo saaray magaalada Gaalkacyo, waxaana galabta laga soo dejiyey Muqdisho, si cadaaladda loo horgeeyo, waxaana dowladda aad loogu amaanay juhdiga ay ku bixisay soo qabashada ninkaas.

Dhaawacyo culus oo dabkii ka soo gaaray ayaa ku yaalla ninka, gacan, wajiga iyo qeybo kale oo jirkiisa ka mid ah ayaa guban, waxaana la maxkamadey karaa markii uu bogsado sida uu sharcigu qabo, halka uu weli banaanka yaallo meydkii Marxuum Luul oo aad u gubtay, reerka ay gabadhu ka dhalatay ayaa horay u cadeeyey in aan la aasi doonin hadaan lala duugeyn ninkii dilay.

Hoos ka daawo

Abiy Ahmed oo ka hadlay cabsida laga qabo dagaal ay galaan Itoobiya iyo Somalia

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa hoos u dhigay cabsida laga qabo dagaal ay la galaan Soomaaliya sababo la xiriira baadi-goobka ay Itoobiya ugu jirto bad, isaga oo maanta sheegay in Itoobiya ay dooneyso kaliya inay nabad la wadaagto deriskeeda.

Itoobiya ayaa 1-dii Janaayo heshiis is-afgarad la saxiixatay Somaliland. Dokumentigaas ayaan weli la shaacin balse Somaliland waxay sheegtay in Itoobiya ay ogolaatay inay aqoonsato madax-banaanideeda ayada oo ku beddelanaysa dekad iyo saldhig ciidan badeed.

Heshiiska ayaa ka caraysiiyey Soomaaliya oo ku adkeysata in Somaliland ay qeyb ka tahay Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo jeediyey inuu diyaar u yahay dagaal ay la galaan Itoobiya, si looga hortago inay halkaas deked ka dhisto.

Isaga oo maanta la hadlayey sharci-dejiyayaasha dalkiisa, ayaa Abiy wuxuu yiri “inuusan damac uga jirin” inuu dagaal la galo Soomaaliya.

“Si loo xaqiijiyo nabadda Soomaaliya, kumanaan Itoobiyaan ah ayaa ku dhintay Soomaaliya,” ayuu yiri isaga oo ula jeeda ciidamada Itoobiya ay ku tabarucdo howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab.

“Waxaan ku dhimaneynaa Soomaaliya sababtoo ah nabadda Soomaaliya waa nabadda Itoobiya. Horumarka Soomaaliya waa horumarka dalkeena. Waxaan aaminsannahay inaan nahay walaalo,” ayuu yiri Abiy.

“Ma dooneyno inaan dagaalanno. Waxaan dooneynaa Soomaaliya oo xooggan oo barwaaqo ah oo suuq u ah badeecadaha Itoobiya.”

Abiy ayaa sidoo kale isku dayey inuu qaboojiyo cabsida ku aadan Masar ee la xiriirta biyo-xireenka ay Itoobiya ka dhistay webiga Nile-ka Bulugga ah.

“Waan wadaagi doonnaa kheyraadkeena, xitaa mustaqbalka, laakiin rajadeenu waxay tahay inaan ka filayo inay sidoo kale aqbalaan codsiyadeena,” ayuu yiri Abiy.

Itoobiya ayaa sheegtay in biyo xireenka weyn uu muhiim u yahay horumarkeeda, waxaana ay ku dooddaa inuusan saameyn taban ku yeelan doonin qulqulka biyaha ee Sudan iyo Masar, kuwaas oo ka cabsi qaba inuu saameyn ku yeesho biyahooda. Shacabka Masar ee 109 ka milyan ah ayaa intooda badan ku tiirsan biyaha Nile.

Waxaa jiray dhowr wareeg oo wada-hadallo ah oo la xiriira biyo-xireenka, hase yeeshee dhinacyada ayaa ku guuldarreystay inay garaaan heshiis lagu maamulayo isticmaalkiisa. Wada-hadalladii ugu dambeeyey ayaa dhacay December.

REUTERS + VOA

Qarax ka dhacay guri ay ku sugnaayeen saraakiisha Al-Shabaab oo ay ku dhinteen…

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay guri ku yaalla deegaanka Beera Yabaal oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ahaa mid xoogan, wuxuuna ku qarxay xubno ka tirsan kooxda oo la sheegay inay iyagu guriga ku dyaarinayeen qaraxaas.

Warbaahinta dowladda oo qoraal soo saartay ayaa sheegtay in qaraxan ay ku halaagsameen xubno ka tirsan Al-Shabaab, ayna ku dhinteen illaa 6 dhagarqabe.

“Maleyshiyaad ka tirsan Khawaarijta ayaa ku geeriyooday Qarax ay sameynayeen Xili ay ku sugnayeen Guri ku yaala Degaanka Beera yabaal oo ka tirsan Gobolka Hiiraan” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Ilaa iyo Lix Khawaarijta ka tirsan ayaa ku geeriyooday Qaraxa ay sameynayeen Halka Dhaawaca uu gaarayo 4 dhagarqabe”.

Xaaladda deegaanka ayaa weli kacsan, waxaana laga dareemayaa saameynta ka dhalatay qaraxa maanta ka dhacay halkaasi.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab qaraxaasi ay ku dhinteen xubno ka tirsan dagaalyahanadooda.

Dhacdadan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo haatan gobolka Hiiraan ay ka socdaan howlgallo culus oo lagu jabiyay kooxda oo badanaa soo qaado weerar qaraxyo ah.

Eedeysane SAYID CALI oo laga soo dajiyay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxaa galabta laga soo dajiyay eedeysane Sayd Cali Macallin Daa’uud oo loo haysto inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis Maxamed, kaas oo lagu wado in la horgeeyo maxkamad.

Eedeysanaha ayaa isaga oo baxsad ah shalay laga soo qabtay deegaanka Gaadaale oo hoostaga degmada Hobyo, xilli uu halkaas ku dhuumaaleysanayay.

Garoonka waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda saraakiisha amniga iyo ehellada Luul Cabdicasiis oo weli dalbanaya in si deg deg ah loo dilo eedeysanaha.

Waxaa la filayaa in ninkan loo horgeeyo cadaaladda, maadaama dhibaato wayn uu gaystay, isla markaana uu gubay xaaskiisa oo xaamilo ahayd.

Allaha u naxariistee, Luul Cabdicasiis ayaa Jimcihii ku geeriyootay magaalada Muqdisho kadib dhaawacyo daran oo kasoo gaaray dabka la sheegay inuu qabad siiyay ninkii qabay ee maanta lasoo qabtay.

Luul ayaa ka mid ahayd shaqaalaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Marxuumadda ayaa waxay lahayd uur lix bilood ah markii falkaan loo geysanayay, iyaada oo sidoo kale aheyd hooyo kaligeed ku ahayd korinta lix carruur ah oo agoon ah oo nin kale u dhashay.

Ninka dabka qabad siiyay marxuumadda ayaa waxay is guursadeen muddo hadda laga joogo 6 bil, ayaga oo qoyska uu sheegay in uusan jirin wax khilaaf ah oo ehelku ogaa oo ka dhaxeeyay.

Si dhab ah looma oga illaa hadda sababta ka dambeysa falkaan argagaxa leh ee uu kula kacay xaaskiisa, inkasta oo ay soo baxayaan warar sheegaya inay salka ku hayso arrimo masayr.

Xeelad cusub oo Shabaab u adeegsatay weerarkii Bakaaro oo shaaca laga qaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo gaaray suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay weerarkii maanta ka dhacay halkaasi.

Yabooh ayaa marka hore beeniyay in weerarka uu ahaa hoobiye, wuxuuna sheegay inay ahaayeen qaraxyo ay ka dambeysay kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxba kama jiraan hoobiyeyaal wax la yiraahdo suuqan laguma garaacin qaraxyo caadi loo waday waayay” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ujeedka uu ahaa beegsiga ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan suuqa weyn Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

“Waxa halkan ka dhacay waxa ay ahaayeen beegsi la beegsanaayay ganacsatada, gaar ahaan ganacsatadii maanta halkan dhibka uu ku gaaray” ayuu mar kale yiri.

Maxamed Yabooh ayaa sidoo kale intaasi ku daray in haatan ay wadaan baaritaan ku aadan weerarkan oo dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

“Baaritaanka ayaa weli socda oo hay’adaha ammaanka ay ku mashquulsan yihiin haddii uu Ilaah yiraahod gadaal ayaan faahfaahin rasmi ah laga bixin doonaan” ayuu sii raaciyay.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkan loo adeegsaday hoobiyeyaasha ku dhintay ku dhowaad 10 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Weerarkan ayaa kusoo aaday, xilli muddooyinkii u dambeeyay dowladda Soomaaliya ay xaqiijisay amniga suuqan oo ay gaysat ciidamo dheeraad ah.

Horay sidan oo kale waxaa weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal lagu qaaday agagaarka madaxtooyada, xarunta baarlamaanka iyo garoonka diyaaradhaa ee Aadan Cadde.

Xiisad u dhexeyso shacabka iyo ciidamada Itoobiya oo ka taagan gobolka GEDO

0

Doolow (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya inay maanta ka taagan tahay xiisad u dhexeyso shacabka iyo ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolkaasi, kadib markii ay bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo horleh.

Ciidamada Itoobiya ayaa lagu soo warramayaa inay badnow kusoo rogeen degmada Doolow, sidoo kalena ay isku fidiyeen dhinaca degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Sidoo kale ciidamada ayaa dalbaday in jawaab laga bixiyo weerarkii habeen hore ka dhacay degmada Beledxaawo ee lagu laayay dad kasoo jeeda Qowmiyadda Oromada oo ku noolaa halkaasi.

Ciidamada Itoobiya ayaa sidoo kale maamulka gobolka ka dalbaday in lagu soo wareejiyo maydadka iyo dhaawacyada, taas oo ay mas’uuliyiintu ka biyo diideen.

Shacabka ayaa dhankooda la sheegay inay kasoo horjeedaan ciidanka Itoobiya, ayna lasoo baxeen hubkooda, si ay uga hortegaan haddii ay tallaabo qaadaan ciidamadaasi.

Xaaladda ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana laga cabsi qabaa inay labada dhinac ku dagaalamayaan gobolka.

Dadka Oromada ee la laayay ayaa gaaray illaa 10 qof, waxaana weerar gaadmo ku dilay dabley hubeysan oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Weerarkan ayaa kusoo aaday, xilli ay taagan tahay xiisad ka dhalatay heshiiska badda ee ay Itoobiya la gashay Somaliland, kaas oo ay hanjabaad kasoo saartay Al-Shabaab

Haweeney saygeeda maanta ku gubtay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo kale oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Dayniile, kadib markii haweeney kamid ah dadka deegaanka ay dab-qabadsiisay saygeeda.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in ninka la gubay uu soo gaaray dhaawac halis ah, isla markaana la geeyay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ninka uu ahaa askari, isla markaana ay falkaasi kula kacday xaakiisa oo ay isku dhaceen, kadib khilaaf soo kala dhex-galay.

Sawirro laga soo qaaday dhibanaha aayaa muujinaya waxyeelo dabka kasoo gaartay, gaar ahaan caloosha iyo qaybaha dambe ee jirkiisa.

Falkan ayaa argagax ku noqday dadka deegaanka, gaar ahaan ehellada ninka maanta lagu gubay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir oo hadda lala tacaalayo xaaladdiisa.

Dhacdadaan ayaa noqoneyso tii labaad, ayada oo 26-kii bishii hore degmada Dharkenley lagu gubay Allaha u naxariistee Marxuumad Luul Cabdicasiis Maxamed oo seygeeda uu dab-qabadsiiyay, kaas oo ugu dambeyn, isagoo baxsad ah laga soo qabtay gobolada dhexe.

Sidoo kale dhacdo tan lamid ah ayaa laga hortegay, kadib markii Afgooye lagu qabtay nin doonayay inuu gubo xaaskiisa iyo carruurtiisa, sida ay xaqiijiyeen laamaha amniga.

Waxaa kasii horrreeyay dhacdo kale oo argagax lahayd, taas oo ka dhacday degmada Qoryooley oo isna nin watay mindi uu ku gowracay xaaskiisa, kaas oo lasoo qabtay.

Si kastaba, dhacdooyinkan ayaa iska soo daba dhacaya, ayadoo aan la ogeyn ujeedka iyo cidda ka dambeysa, waxayse noqdeen kuwa xanuun iyo argagax ku reebay shacabka.

Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxyo maanta ka dhacay Bakaaraha + Khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya jug xoogan oo goordhow laga maqlay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxyo saddex ah ay ku dhaceen gudaha suuqa gaar ahaan nawaaxiga Masjidka Abuu Hureyra, kuwaas oo dhaliyay khasaare u badan dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkan qaraxyada loo adeegsaday ku dhintay ku dhowaad 10 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Dhaawacyada ayaa si deg-deg ah loola cararay qaar kamid ah isbitaallada magaalada Muqdisho, halkaas oo haatan lagu dabiibayo.

Sidoo kale waxaa muddo kooban hakad uu ku yimid dhaq-dhaqaaqii suuqa, waxaana saameyn ku yeeshay weerarka lagu qaaday.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana suuqa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo isku geedaamay goobaha ay ka dhaceen qaraxyada.

Weerarkan ayaa kusoo aaday, xilli muddooyinkii u dambeeyay dowladda Soomaaliya ay xaqiijisay amniga suuqan oo ay gaysat ciidamo dheeraad ah.

Horay sidan oo kale waxaa weeraro loo adeegsaday hoobiyeyaal lagu qaaday agagaarka madaxtooyada, xarunta baarlamaanka iyo garoonka diyaaradhaa ee Aadan Cadde.

Maxkamadda Hargeysa oo xukun deg-deg ah ku riday Abwaan Cabdiraxmaan ABEES

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Abwaan Cabdiraxmaan Aadan Ibraahim (Abees) oo shalay magaalada Hargeysa lagu xiray ayaa maanta waxay Maxkamadda Degmada Hargeysa ku riday xukun lama filaan ah.

Abwaan Abees ayey maxkamadda ku xukuntay sannad iyo lix bilood oo xarig ah, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen qaar kamid ah qoyskiisa.

Xukunkan ayaa ah mid deg-deg ah oo aan la filayn xilligaan, maadaama oo inta badan eedaysanayaasha ay dacwadoodu qaadato muddo, islamarkaana baaristu ay dheeraato.

Xariga Abwaan Abees ayaa saacadihii lasoo dhaafay hadal-hayn xooggan ka abuuray baraha bulshada, kadib markii uu warbaahinta kasoo muuqday aabihii oo ku eedeeyay in uu ku noqday waalid caaq.

Aabaha dhalay Abees ayaa markaas meesha ka saaray in xukuumaddu ay xarigiisa ka dambeyso, isagoo sheegay inuu isagu dalbaday in wiilkiisa la soo xiro si loo dhaqan-celiyo, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ay xiratay xukuumadda Muuse Biixi.

Dhinaca kale, Hooyada dhashay abwaanka oo iyadna warbaahinta kasoo muuqatay ayaa beenisay eedaha uu aabihii abwaanka u jeediyay.

Waxay sheegtay in xukuumadda ay ka dambayso xariga wiilkeeda, laakiin aabihii ay usoo dhex-martay oo la rabo in la bahdilo abwaanka, oo mucaarad ku ah xukuumadda Muuse Biixi, si weyna u dhaliila.

Abees oo muddo dheer mucaarad ku ahaa xukuumadda Biixi, ayaa 2-dii bishaan soo bandhigay buug uu qoray oo la yiraahdo Mayal, kaasi oo uu ku dhaliilayo xukuumadda Somaliland iyo madaxweynaha uu waqtigiisu gabaabsiga yahay ee Muuse Biixi Cabdi.

Aabaha dhalay LUUL oo dalab culus soo saaray kadib soo qabashada ninkii gubay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Aabaha dhalay gabadhii dhawaan uu ninkeeda ku gubay magaalada Muqdisho, Sheekh Cabdicasiis Maxamed ayaa laamaha amniga uga mahad-celiyay soo qabashada ninkii gubay gabadhiisa, isagoo dalab culusna u diray dowladda.

Waxa uu ka dalbaday madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya in loo qisaaso ninka gubay gabadhiisii oo xaamilo aheyd, oo haatan ku jira gacanta hay’addaha ammaanka.

Sayid Cali Macalin Daa’uud oo maalmihii lasoo dhaafay ku raad-joogeen ciidanka NISA ayaa ugu dambeyn shalay galab waxay kasoo qabteen deegaanka Gaadaale oo hoostaga degmada Hobyo, xilli uu halkaas ku dhuumaaleysanayay.

Aabe Cabdicasiis ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in uusan weli duugin gabadhiisa, ayna tahay sababta inay rabaan in hal mar la wada aaso gabadhiisa iyo ninkii gubay, oo shalay lasoo qabtay.

“Meydka waxaa loo duugi waayay waa in lala duugo ninka dambiilaha ee dilay, waxaan codsanayaa aniga oo ah Luul Aabaheed in ninkaas caddaaladda la horgeeyo,” ayuu yiri Sheekh Cabdicasiis Maxamed.

“Waxaan hay’adaha amniga ka codsanaynaa in gacanta naloo keeno oo dowladda inoo dhamaystiro maadaama ay dalka iyo dadka masuul ka tahay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Aabaha dhalay Haweenaydii ninkeeda ku gubay Muqdisho.

Allaha u naxariistee, Luul Cabdicasiis ayaa Jimcihii ku geeriyootay magaalada Muqdisho kadib dhaawacyo daran oo kasoo gaaray dabka la sheegay inuu qabad siiyay ninkii qabay ee maanta lasoo qabtay.

Luul ayaa ka mid ahayd shaqaalaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Marxuumadda ayaa waxay lahayd uur lix bilood ah markii falkaan loo geysanayay, iyada oo sidoo kale aheyd hooyo kaligeed ku ahayd korinta lix carruur ah oo agoon ah oo nin kale u dhashay.

Ninka dabka qabad siiyay marxuumadda ayaa waxay is guursadeen muddo hadda laga joogo 6 bil, ayaga oo qoyska uu sheegay in uusan jirin wax khilaaf ah oo ehelku ogaa oo ka dhaxeeyay, ayada oo soo baxayaan warar sheegaya inay salka ku hayso arrimo masayr.

Si kastaba, Falkaan oo ah mid ay ka argagaxeen Soomaalida, ayaa sidoo kale ay bulshada Soomaaliyeed wada dhowrayaan tallaabada ay ka qaadi doonto dowladda federaalka Soomaaliya.

Xuska sanad guurada milatariga Somaliland oo sabab yaab leh u baaqday

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa gebi ahaanba baaqatay munaasabadda sanad-guurada Ciidamada Milateriga Somaliland, oo sanad kasta lagu qaban jiray gudaha Somaliland.

Sanad-guurada sanadkaan ayaa ku beegnayd 2-dii bishaan, taasi oo keentay in la isweydiiyo sababta ay xukuumadda Somaliland u qaban xuskaan, oo ay ku soo bandhigi jirtay cududeeda ciidan.

Xisbiga mucaaradka ee Waddani ayaa xukuumadda ku eedeeyay in baaqashada munaasabadda ay tahay fashil ku yimid xukuumadda uu hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdi.

“Faanka Ina Kaahin (wasiirka arrimaha gudaha) iyo 32 sannadoo ka bacdi in ay tahay markii ugu horaysay ee la qaban waayay xuska Ciidanka Qaranka, waa su’aal wayn oo ay tahay in uu iswaydiiyo,” ayuu yiri Afhayeen Maxamed Faarax Cabdi.

Waxa uu intaas kusii daray “Waa in uu maanka ku hayo in ay Somaliland xasuusan tahay sababta munaasibada Ciidanka Qaranka loo qaban waayay xuskooda.”

Waxaa la rumeysan yahay in baaqashada munaasabadda xuska sanad-guurada Ciidamada Milateriga ay la xiriirto jabkii ciidanka kasoo gaaray dagaalkii Laascaanood ee sanadkii tegay ee 2023-ka.

Xukuumadda Somaliland oo dhankeeda ka jawaabtay eedeynta mucaaradka ayaa ku andacootay in munaasabaddaha mararka qaar dib loo dhigi karo, islamarkaana aanay wax dhibaato ah ku jirin.

“Shalay Jimce ayay ahayd, waana maalin cibaado. Munaasabaddaha qaranka, dibna waa loo dhigi karaa oo horayna waa loo soo dhigi karaa, waana laga maarmi karaa wax mushkilad ahi kuma jirto,” ayuu yiri wasiirka xidhiidhka golayaasha Cabdinaasir Buuni.

Marka laga yimaado hadalka Buuni, xukuumadda Somaliland wax faah-faahin kama bixin sababta ay u baaqatay munaasabadda xuska ciidanka.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in madaxweyne Muuse Biixi uusan sanadkaan wax hambalyo u dirin ciidanka, oo la xiriirta xuska sannad-guuradooda.

Howl-gallo culus oo ka socda degaano ka tirsan HirShabelle

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Howl-gallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ayay ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka ka wadaan deegaano ka tirsan maamulka HirShabeelle.

Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Faarax Waasige Kooshin oo ka warbixiyay howl-gallada socda, ayaa waxa uu sheegay in howl-gallo ka dhacay gobolka Hiiraan kooxda Al-Shabaab lagu gaarsiiyay waxyeelo kala duwan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in howl-galladii ugu dambeeyay oo isgu jira cirka iyo dhulka ay ka fuliyeen deegaano badan oo hoostaga Aadan Yabaal, Ceel Cali Axmed, Buq-aqable, Buur weyn, Shaw illaa Mokayle.

Howl-galladaasi ayuu sheegay in dagaal-yahaanada kooxda lagu gaarsiiyay khasaare xooggan, kuwaasi ii naf iyo maalba leh.

Korneyl Faarax Kooshin ayaa ugu dambeyntiina waxa uu shacabka ku nool deegaanada ay howl-gallada ka socdaan ugu baaqay in ay garab istaagaan ciidanka xoogga dalka, islamarkaana ay kaalintooda ka qaataan dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah.

Dowlad-goboleedka HirShabeelle ayaa horumar wanaagsan ka sameeysay howl-gallada lagu cirib-tirayo Al-Shabaab, kaasi oo ay iska kaashanayaan ciidanka dowladda iyo shacabka hubeysan, xilli uu dhawaan bilaabanayo wejiga labaad ee dagaalka.

Si kastaba, Dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa laga gaaray guulo waaweyn, ayada oo kooxda laga qabsaday deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan ku jiray gacanta kooxda.

Daawo: Xasan Sheekh oo hal shuruud ku xiray inay wada-hadlaan Somalia iyo Ethiopia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale caawa si adag uga hadlay xadgudubka Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya, isagoo sheegay wax wadahal aysan Soomaaliya la geli doonin ilaa ay Itoobiya ka laabato heshiis beenaadkii uu Muuse Biixi u saxiixay.

“Itoobiya waxaan leenahay damaca kaaga jira inaad dhulkeena dhacdo ka imow, markaas ayaan wadahadli karnaa, laakiin madaxa ayaan qori kaaga qabanaa ee markaas kadib ila hadal, suurtagal ma noqoneyso, mana yeeleyso Soomaaliya,” ayuu yiri.

Madaxweynaha oo sii hadlayey ayaa yiri, “Faraqa ayaan ku heysanaa iyo faraqa ii daa intaan ku jirno heshiis kama dhalanayo dhexdeena, dadka shacabka ah ee Itoobiya waxaba uma qabno, wax kasta waxa ku dheelaya waa nidaamka dowliga ah, dhaqan dowladnimo iyo dhaqan derisnimo kama jiro Itoobiya, u soo noqda dhaqamada wanaagsan ee adduunka.”

Xasan Sheekh ayaa sheegay in 17 dal oo Afrikaan ah aysan bad laheyn, sidoo kalena aysan deriskooda kula dagaalamin inay bad helaan, iyagoo si nabad ah badeecadahooda ugala soo dega dalalka badda leh, sida uu sheegay Madaxweynuhu.

“Xalka kaliya ee Itoobiya aan ku wadajoogi karno waa inaan deris wanaag ku wada dhaqano, hadii ay xalka nacaan, anaguna xal ma rabno, maxaa naga ba’san?” Ayuu si caro leh u yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu sheegay in Itoobiya ay ka mid noqon karto wadamada aan badda laheyn ee hadana heli kara dhaqdhaaq dhanka badda ah, balse aysan ayadu go’aan ka gaari karin sida ay bad ku heli karaan.

“War dalkaan Soomaaliya awal ayuu tabasho qabay oo dhul badan xaq darro looga goostay, maanta in Itoobiya xagga ka soo wareegto oo dhul kale naga dhacdo suurtagal ma noqa doonto,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa caawa hadalkaan ka jeediyey munaasabad Koobka tartankii ciyaaraha Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Benaadir lagu guddoonsiiyay xulka Kubadda cagta Dowlad-goboleedka Galmudug oo ku  guuleystay Tartankaas ayaa billado guddoonsiiyay Maamullada, Macallimiinta iyo Xiddigaha xulalka Galmudug oo kaalinta koowaad galay iyo Hir-shabeelle oo kaalinta labaad  ku guuleystay.

Hoos ka daawo

IRAN oo wacad ku martay jawaab culus haddii Mareykanka…

0

Tehran (Caasimada Online) – Iran ayaa sheegtay “in aysan ka laba labeyn doonin” inay jawaabto haddii Mareykanka uu weerar kusoo qaado dhulkeeda kadib markii Aqalka Cad uu diiday inuu meesha ka saaro weerar lagu qaado Iran.

La-taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa Axaddii sheegay in Mareykanka uu sii wadi doono inuu ka aarguto kooxaha Iran ay taageero ee ku sugan Iraq iyo Syria.

Mar la weydiiyey haddii Mareykanka uu meesha ka saarayo suurta-galnimada inuu toos u weeraro Iran, Sullivan ayaa u sheegay NBC “xikmad iima yeelaneyso inaan ka hadlo waxa aan xukmineyno iyo waxa aan meesha ka saareyno.”

“Haddii (Iran) ay doortaan inay si toos ah uga jawaabaan Maraykanka, waxay la kulmi doonaan jawaab degdeg ah oo xoog leh oo naga timaada,” ayuu yiri.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iran, Nasser Kanani ayaa Isniintii yiri: “Jamhuuriyadda Islaamiga ah waxay muujisay in ay mar walba si adag uga falcelineyso khatar kasta oo ku wajahan amnigeeda, madaxbannaanideeda dhuleed iyo qarannimadeeda.”

Iran “kama laba labayn doonto inay adeegsato awooddeeda” si ay uga jawaabto weerar kasta oo ka dhaca dalkeeda, ayuu yiri Kanani.
Waxa uu si kastaba ku celiyey in Iran “aysan dooneyn inay kasii darto xiisadda gobolka.”

Xiisadda gobolka ayaa aad u kacsaneyd tan iyo 7-di October markii Xamas ay weerar ku qaadeen Israel iyo dagaalkii xigay ee Gaza, ayada oo kadibna ay kooxaha Iran ku xiran ee Iraq, Syria, Yemen iyo Lebanon ay fuliyeen weeraro la xiriira dagaalkaas.

Militariga Mareykaka ayaa sheegay in Axaddii ay fuliyeen weerar duqeyn ah oo ka dhacay dalka Yemen.

Duqeymaha ayaa yimid maalin kadib markii ciidamada Mareykanka iyo UK ay weeraro ku qaadeen kooxda Xuutiyiinta ee Iran ay taageero ee Yemen — taasi oo ah weerarkii saddexaad ee ay la beegsadaan kooxda.

Weeraradan ayaa jawaab u ah weeraro ay Xuutiyiinta la beegsadeen maraakiibta mara Badda Cas, oo ay sheegeen inay uga jawaabayaan dagaalka Israel ay ka waddo Gaza.

Militariga Mareykanka ayaa sidoo kale habeenkii Jimcaha weeraray bartilmaameedyo ku yaalla Syria iyo Iraq, ayaga oo uga aargudanaya weerar 28-kii Janaayo ay diyaarado drone ah ku qaadeen saldhig ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin Jordan oo lagu dilay saddex askari.

AFP + VOA

Taliyeyaasha Milateriga Soomaaliya iyo Uganda oo kulan xasaasi ah yeeshay

0

Kampala (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin oo ku sugan waddanka Uganda ayaa kulan la qaatay Taliyaha Ciidamada Milateriga Uganda Gen, Wilson Mbadi.

Labada Taliye ayaa ka wada-hadlay iskaashiga iyo xoojinta wada-shaqeynta labada dal, sida lagu yiri bayaan laga soo saaray kulankaan.

Dowladda Uganda ayaa ballan-qaaday in Soomaaliya ay garab milateri ka sii doonto dagaalka ka dhanka ah dagaal-yahaanada kooxda Al-Shabaab, xilli uu dhawaan bilaaban doono wejiga labaad ee dagaalka.

Taliye Ibraahim Sheikh Muxudiin iyo Taliyaha ciidamada Milateriga Uganda Gen. Wilson Mbadi ayaa si wada-jir ah u dul istaagay in la kordhiyo howl-gallada wada-jirka ah ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

“Dowladda Uganda waxay diyaar u tahay garab istaaga iyo taageerada ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, oo wada guluf lagu cirib-tiraayo Khawaarijta arxanka daran.”

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka XDS ayaa booqday Kuliyadda Difaaca Qaranka Uganda, oo si weyn loogu soo dhaweeyay wuxuuna kula kulmay saraakiisha Milateriga dalkaas.

Uganda ayaa kamid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka ah howl-galka ATMIS (ex-AMISOM) oo iyagu dowladda ka taageeraya sugida amniga.

Boqor Charles oo la shaaciyey in laga helay cudurka…

0

London (Caasimada Online) – Qasriga looga arrimiyo Boqortooyada Ingiriiska ee Buckingham Palace ayaa Isniinti shalay aheyd ku dhawaaqay in Boqorka Boqrtooyada Midowday ee Ingriiska ee Boqor Charles laga helay nuuc ka mid ah cudurka Kansarka.

War kasoo baxay Qasriga Boqortooyada ayaa lagu sheegay in Boqor Charles uu hakin doono howlihi uu u hahay shacabka si loo daweeyo, balse ay niyaddiisu wanaagsan tahay.

Charles, oo 75 jir ah ayaa loo boqray boqortooyada bishii September ee sannadki 2022-ki, kaddib geeridi hooyadiis Queen Elizabeth.

Warka kasoo baxay boqortooyada Ingiriiska ayaa sidoo kale lagu sheegay in Charles uu billaabay in uu qaato dawooyin dhowr ah oo loogu tala galay in lagula tacaalo kansarka laga helay, islamarkaana uu rajeynayo inuu dib ugu soo laabto shaqadi uu u hahay dadweynaha sida ugu dhaqsaha badan.

Soo ifbixidda kansarka ee Boqor Charles ayaa timidm kaddib saddex habeen oo uu bishi hore ku jiray isbitaal, halkaas oo uu ku maray qalliin looga daweeynayay qanjirka burustaatada.

Hogaamiyaasha Australia iyo Canada, oo ka mid ah dalalka hoos yimaada taliska Boqor Charles ayaa u rajeeyay caafimaad, halka madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu sheegay inuu ka wal-walsan yahay warka kasoo yeeray boqorka, islamarkaana uu qorsheynayo inuu telefoonka kula hadlo.

Antony BLINKEN oo arrin xasaasi ah u tegay Sacuudiga

0

Riyadh (Caasimada Online) – Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa booqasho ku tegay dalka Sacuudiga, xilli ay socdaan dadaallo lagu raadinayo xabbad joojin ka dhaqan gasha marinka Gaza.

Booqashada Blinken oo noqoneyda safarkii shanaad ee uu ku tago gobolka Bariga Dhexe tan iyo markii Israel ay weerar ba’an ku qaadan Gaza kadib weerarkii Xamas ee 7-dii October ee sanadkii tegay.

Wararka laga helayo socdaalka Blinken ayaa sheegaya in uu madaxda Sacuudiga kala hadlo xaaladda Gaza, oo mareysa meel xasaasi ah xilli aan wax natiijo ah laga gaarin wada-hadallada labada dhinac ee Israel iyo Xamas.

Blinken ayaa sida qorshuhu yahay waxa uu sidoo kale booqan doona Masar, Qatar, Israel iyo Daan Galbeed oo laftigeeda qeyb ka ah socdaalka la qorsheeyay.

Antony Blinken ayaa wuxuu sii wadi doonaa wada-hadallada diblomaasiyadeed, si loo gaaro heshiis xaqiijinaya sii deynta dhamaan la haystayaasha Israel, xabad joojin iyo sidoo kale kordhinta gargaarka bini’aadano ee dadka rayidka ee Gaza.

Tan iyo 7-dii October ee 2023 waxaa weerarada dhimashada badan ee Israel ay ku qaaday Gaza lagu qiyaasa in ugu yaraan 27,478 Falastiiniyiin ah lagu dilay, halka 66,835 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen masuuliyiinta caafimaadka.

Dhanka Israel, waxaa la rumeysan yahay in weerarkii Xamas ay ku qaaday lagu dilay ku dhawaad 1,200 oo Israa’iiliyiin ah, halka in ka badan 130 Israa’iiliyiin ah ay weli ku jiraan gacanta Xamas.

Si kastaba, weerarada arxan darrada ah ee Israel ayaa ka dhigay dadka Gaza badankood kuwa barakacayaal ah, ayada oo lasoo warinayo cunto yari ba’an. Halka in ka badan kala bar la dhaawacay ama la bur-buriyay kaabayaashii deegaanka, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay QM.