25 C
Mogadishu
Tuesday, June 23, 2026

Xildhibaan Saabir Shuuriye oo war culus soo saaray kadib soo qabashada Sayid-Cali

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdisaabir Nuur Shuuriye oo ahaa xildhibaankii shaqada geeyey oo damaanadiisa uu magaalada Muqdisho ku joogay ninkii xaaskiisa gubay ayaa soo saaray qoraal uu kaga hadlaayo soo qabashada ninkaas.

Xildhibaanka ayaa ugu horeyn muujiyey inuu aad u rabay in lasoo qabto eedeysanaha, si cadaaladda loo hor-geeyo, wuxuuna u mahadceliyey ciidamada ammaanka.

Si gaar ah ciidamada hey’adda NISA ayuu sheegay xildhibaanku inuu kalsooni badan ku qabay inay ninkaas soo qaba doonaan, iyagoo kaashanaya dadka deegaanka oo taageersanaa in la qabto gacan ku dhiiglahaan loo heysto dilkii xaaskiisa.

“Waxaan bogaadinayaa Hay’addaha Amniga oo ugu horeyso Hay’adda Nabadsugidda Qaranka oo gacanta ku soo dhigay eedeysane Sayid-Cali Macallin Daa’uud iyo bulshada deegaanka oo ku kaalmeeyay Hay’adaha Amniga soo qabashadia eedeysanahaas,” ayuu yiri Xildhibaan Saabir.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in kalsooni badan uu ku qabay in beeshiisa aysan qarsa doonin ninkaan baxsadka ah, isagoo sheegay in marxuum Luul ay cadaalad heli doonto.

“Waxaan mar waliba kalsooni buuxda ku qabay waxgaradka beesha reer Xaaji Saleebaan ineysan eedeysanaha ka dhashay aysan gadaal marsan doonin waana uga mahadcelinayaa, sidoo kale  Hay’adaha Amniga oo har iyo habeenba ku hawlanaa inay cadaalad hesho walaashey Luul Cabdicasiis, Rabbi ha u naxariistee,” ayuu yiri Saabir Shuuriye.

Sidoo kale xildhibaan Saabir ayaa qoraalkiisa ku sheegay in soo qabashada ninkaan ay xigi doonto, baaris ay ku sameynayaan hey’adaha amniga, iyadoo kadibna loo gudbi doono hey’adaha garsoorka, si cadaaladda loo marsiiyo.

“Waxaan kaloo ku kalsoonahay in Hay’adaha Amnigu fulinayaan tallaabooyinka xiga khuseeya baarista fal-dambiyeedka uu eedeysanuhu ku eedeysan yahay lana horgeyn doono Hay’addaha Garsoorka si loo marsiiyo cadaaladda loogana xaqsooro arxanlaawenimadii uu nolosha Luul uu u geystay,” ayuu qoraalkiisa ku soo gabagabeeyey xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye oo ninka xaaskiisa gubay ku metelay baarlamaanka.

Galabta ayaa ninkaas lagu qabtay koonfurta gobolka Mudug, gaar ahaan deegaanka Goryaale oo dowladdu aysan maamulin, Shabaab-na aysan joogin, hadafkiisuna wuxuu ahaa inuu cadaaladda ka baxsado, raggii soo qabtay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey inuu gacmaha ka gubtay oo dhaawac daran uu qabo.

Ciidanka NISA oo gacanta kusoo dhigay ninkii gubay xaaskiisa Luul Cabdicasiis

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ayaa goordhoweyd gacanta kusoo dhigay Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan dilka Marxuumad Luul Cabdicasiis oo u geeriyootay dhaawac kasoo gaaray dab la qabad siiyay jirkeeda.

Ciidanka Nabad-sugidda oo maalmihii lasoo dhaafay ku raad-joogay eedeysanaha ayaa ugu dambeyn kasoo qabtay deegaanka Gaadaale oo hoostaga degmada Hobyo, xilli uu halkaas ku dhuumaaleysanayay.

Waxaa la filayaa in eedeysanaha lasoo qabtay loo soo gudbiyo dhanka magaalada Muqdisho, si loogu maxkamadeeyo.

Allaha u naxariistee, Luul Cabdicasiis ayaa Jimcihii ku geeriyootay magaalada Muqdisho kadib dhaawacyo daran oo kasoo gaaray dabka la sheegay inuu qabad siiyay ninkii qabay ee maanta lasoo qabtay.

Luul ayaa ka mid ahayd shaqaalaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Marxuumadda ayaa waxay lahayd uur lix bilood ah markii falkaan loo geysanayay, iyaada oo sidoo kale aheyd hooyo kaligeed ku ahayd korinta lix carruur ah oo agoon ah oo nin kale u dhashay.

Ninka dabka qabad siiyay marxuumadda ayaa waxay is guursadeen muddo hadda laga joogo 6 bil, ayaga oo qoyska uu sheegay in uusan jirin wax khilaaf ah oo ehelku ogaa oo ka dhaxeeyay.

Si dhab ah looma oga illaa hadda sababta ka dambeysa falkaan argagaxa leh ee uu kula kacay xaaskiisa, inkasta oo ay soo baxayaan warar sheegaya inay salka ku hayso arrimo masayr.

Xog: DENI oo u dhaqaale aruursanaya doorashada DF

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo horraantii sanadkaan dib loogu doortay madaxtinimada Puntland, ayaa durba bilaabaya u diyaar-garowga doorashada Soomaaliya ee sanadka 2026-ka.

Saciid Deni iyo xukuumadiisa ayaa gelaysa laba sano oo dhaqaale urursi ah, si loolan adag ugu galaan doorashada madaxtinimada Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo ka agdhaw Madaxtooyada.

Xogta ayaa sidoo kale tilmaamaysa in Madaxweyne Deni mar kale u sharraxan yahay xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo uu laba jeer oo hore ku guul-daraystay, ayada oo la rumaysan yahay in uu dhaqaale xooggan ku bixiyay.

Doorashadii hore ee Soomaaliya iyo doorashadii maamulka ee Janaayo ee mar kale dib loogu doortay Saciid Deni ayaa la rumeysan yahay inay hore saamayn ba’an ugu geysteen dhaqaalaha maamulka Puntland.

Qorshaha Deni ee damaca xilka u sarreeya dowladda federaalka Soomaaliya ayaa laga cabsi qabaa in uu sagxada geeyo dhaqaalaha maamulka oo markii horeba laga deyrinayay.

Arrimahaan ayaa sidoo kale imaanaya xilli inta badan mashaariicdii laga fulin jiray deegaannada Puntland ay ku xaniban yihiin dowladda dhexe kadib markii uu saameeyay khilaafka Saciid Deni iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Si kastaba, Saciid Cabdullaahi Deni oo lagu tilmaamo inuu yahay sameeye siyaasadeed oo cabqari ah ayaa 8-dii bishii tegtay noqday qofkii ugu horreeyay ee laba jeer loo doorto xilka hoggaamiyaha maamulka Puntland.

Xogta kulan maanta ka dhacay xafiiska Xamza + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta la kulmay ku-xigeenka madaxweynaha Bangiga Adduunka ee u qaabilsan Horumarinta Karaanka Aadanaha, Marwo Mamta Murithi.

Marwo Mamta oo maanta dalka soo gaartay ayaa waxay ra’iisul wasaare ku-xigeenka ka wada-hadleen qorsheyaasha istaraatiijiyadeed iyo kuwa hortabinta u leh Soomaaliya ee horumarinta karaanka bulshada.

Sidoo kale waxay diirada saaren sidii Bangiga Adduunku u sii wadi lahaa, loona ballaarin lahaa taageerada uu Soomaaliya ka siiyo xagga horumarinta awoodda waxqabad ee bulshada.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa la wadaagay wafdiga Bangiga Adduunka muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado horumarinta xirfadda iyo aqoonta dhallinyarada Soomaaliyeed.

Dhankeeda ku-xigeenka madaxweynaha Bangiga Adduunka ayaa ugu hambalyeysay Xukuumadda Dan-Qaran guulaha waawayn ee ay gaartay muddadii ay jirtay, gaar ahaan dhammaystirka hannaanka dayn cafinta dalka oo guul ku soo idlaaday dhammaadkii sanadkii tagay.

Iyada oo sheegtay in ay xoojin doonaan taageerada dhinacyada kala duwan iyo wada shaqaynta ay la leeyihiin wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda.

13-kii December ayaa Soomaaliya si rasmi ah looga cafiyay guud ahaan deyntii uu caalamka ku lahaa. Soomaaliya ayaa waxaa laga cafiyay ku dhowaad deyn 5-bilyan oo dollar, taasi oo ay badankeed ku lahaayeen Mareykanka, Faransiiska, Ruushka, IMF, World Bank iyo Paris Club.

La-taliyihii hore ee ra’iisul wasaare Abiy oo u baxsaday…

0

Brussels (Caasimada Online) – La-taliyihii Amniga Qaranka ee Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed Gedu Andargachew ayaa waxaa soo baxeysa inuu si qarsoodi ah ugu goostay dalka Belgium.

Wararka ayaa sheegaya in ninkaan oo sidoo kale hore usoo noqday wasiirkii arrimaha dibadda Ethiopia in uu ku qasbanaaday in uu isticmaalo baasaboor diblomaasi ah.

Bishii hore, waxaa la sheegay in Gedu uu ku jiro xabsi guri tan iyo markii uu ka soo horjeestay xaalad deg-deg ah oo lagu soo rogay gobolka Amxaarada ee Ethiopia bishii August ee sanadkii dhamaaday ee 2023.

Gedu ayaa isla August sanadkii tegay hadal kulul ka jeediyay baarlamaanka Ethiopia, isaga oo markaas u sharraxayay sababta tallaabo militari oo ka dhacda gobolka Axmaaradda aysan u xallin dhibaatada ka jirtay gobolkiisa.

Xukuumadda Abiy ayaa markaasi ku dhawaaqday “xaalad deg-deg ah” ayada oo markaasi ay sii xoogeysteen iska hor-imaadyada rabshadaha wata ee u dhaxeeya ciidamada qaranka iyo maleeshiyada gobolka Amxaarada.

Dowladda ayaa sheegtay in rabshadaha “ay halis geliyeen nidaamka dastuuriga ah” islamarkaana go’aanka loogu dhowaaqay xaalad deg deg ah uu ahaa “mid loo dhan yahay.”

Gedu Andargachew oo muddo dheer madaxweyne ka soo ahaa gobolka Amxaaradda ee dalka Itoobiya ayaa xilligaasi u arkayay in lagu deg-degay go’aanka uu qaatay Abiy Axmed.

Ninkaan ayaa la sheega inuu ahaa xubin saamayn ku leh kooxda u suurta-gelisay Abiy Axmed in uu awoodda dowladda ku qabsado majaro siyaasadeed daahsoon oo ka dhex jiray xisbigii bur-buray ee EPRDF.

Maxamed Jawaari, basaaskii Al-Shabaab ee Muqdisho oo xukun adag lagu riday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Cabdullahi Xaaji Cali (Jawaari) oo kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaaa qeybta dhuumaalaysata iyo kooxda basaasiinta, ayaa waxaa maanta soo idlaatay maxkamadeyntiisa oo muddooyinkii dambe ka socotay magaalada Muqdisho.

Garsoorka Maxakamda Ciidamada oo waqti ku filan siiyay dhinacyada dacwada ayaa ugu dambayn maanta ku xukuntay Maxamed Jawaari 10 sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Maxakamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada.

Maxamed ayaa kooxda Al-Shabaab kaga biiray Jilib sanadii 2013-kii, Maxamed iyo labo kale oo ka baxsaday waalidkood dugsi diidnimo tuulada Gorgoreey ee hoostagta degmada Saakow ee Jubbada Hoose.

Waxa uu tababar ku soo qaatay Mucaskar ay kooxda ku magacowdo Abu-zubayr oo ku yaal inta u dhaxayso Jilib iyo Bu’aale tababar socday saddex bilood.

Jawaari ayaa tababarkaas waxaa lagu baray isticmaalka hubka noocyadiisa kala duwan, ayada oo tabarkiisii kadib isaga iyo kooxdii tababarka la qaatay loo daabulay gobolka Galgaduud gaar ahaan Wabxo iyo Ceelbuur.

Waxa u qeyb ka ahaa laba jid gal oo lagu sameeyay ciidanka Ethiopia inta u dhaxeysa Wabxo iyo Ceelbuur, Waxbo iyo Maxaas.

Sanadii 2018-kii ayaa loo soo wareejiyay qeybta Basaasida Muqdisho isgoo gabaad ka dhigtay guri uu abtigiis leeyahay kuna yaal Xaafada Saybiyaano degmada Hodan, waxa uuna ka shaqa bilaabay Baqaar lagu iibiyo Mooska oo kuyaaal suuqa Bakaaraha si uu gabaad uga dhigto.

Waxa uu jaajuusay Askar iyo dad shacab ahaa oo qaraabo ahaayeen isaga oo xogtooda u gudbiyay horjoogihisii oo joogay Jubada dhexe.

Ciidanka Qarsoon ee NISA ayaa ka soo qabtay Maxamed Beerta Nabadda ee degmada Xamar Jajab saddex iyo labaatankii bishii November ee sanadkii 2023.

Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskan saddex iyo tobankii bishii January, ayada oo ugu dambeyn maanta ay 10 sano oo xabsi ciidan ah ku xukuntay maxkamadda ciidamada.

Laamaha amniga DF oo weji gabax kala kulmay kiiska LUUL iyo arrin la gudboon

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee Luul Cabdicasiis oo aheyd Hooyo dhalinyaro ah oo korineysay caruur agoon ah kana tirsaneyd shaqaalaha garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa u dhimatay dhaawac daran oo kasoo gaaray dab la sheegay inuu qabad siiyay nin dhalinyaro ah oo ay mar dhexe is guursadeen, kaasi oo ay hadda uur u laheyd.

Ninka dhibka geystay ayaa isna la sheegay inuu ka shaqeynayay qeyb kamid ah garoonka Aadan Cadde, wallow ay wararka qaar sheegayaan in mar dhexe shaqada laga eryay.

Ninkaan ku eedeysan inuu xaaskiisi gubay ayaa wax war ah oo rasmi ah laga helin tan iyo markii uu falkani dhacay asbuuc ka hor. Waa fal aad u argagax badan.

Qoyska gabadha oo iyagu ah cidda sheegtay inuu gabadha gubay ninkii qabay ayaa waxay sheegeen in aanay maydka aasi doonin illaa laga helayo eedeysanaha. Ninka kiiskan ku eedeysan ee gabadha la siiyay ayaa magaciisa lagu sheegay Sayid Cali Macalin Daa’uud.

Jawaabta dhacdadani waa imtixaan weyn oo horyaalla dadka degan magaalada caasimada ah ee Muqdisho, si gaar ah laamaha amniga ee dowladda ayaa wajahaya tijaabo ku saabsan awoodooda ciidan, midooda xuuraanka iyo heerkooda dhex-dhexaadnimada bulshada.

Labo arrimood oo hadda muuqata ayaa labaduba dharbaaxo ku ah ciidanka dowladda, balse weli waxay leeyihiin fursado ay isku dhaqi karaan.

1. Soo qabasho

In qof loo haysto dambi heerkaas ah oo xilliga uu dhacayna asbuuc laga joogo, in aan weli lasoo qaban eedeysanaha waxay si fudud ku siinaysa heerka iyo tabarta laamaha amniga ee magaalada Muqdisho.

Ciidanka caasimada ku qoran ee booliska iyo nabad-sugidda waa kuwo aad u fara badan. Wax ka badan toban kun ayaa caasimada ku qoran marka magacyada ciidankaasi la isku geeyo welina hal eedeysane oo falka loo haysto uu saameeyay gees ka gees dalka oo dhan ayaa meelna lagu sheegin waa arrin aanay dadweynuhu aad ugu qanci karin.

Waxay dhinaca kale farriin taban ka bixineysa isku haleynta dadweynaha ku qabi karaan ciidanka dowladda ee ka howlgala magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

2. Xog bixin

Afhayeennada laamaha amniga ee dowladda waxaa looga bartay inay xaaladaha sidaan u culus deg deg uga warbixiyaan, dadweynaha garab weydiistaan, xog joogta ah bixiyaan, baaris kooban oo hordhac ah keenaan oo ay dhibanayaasha u laab qaboojiyaan.

Iyada oo asbuuc laga joog markii dhacdadan dhacday inay laamaha amniga dorraad sii daayan baafin ah inuu baxsaday eedeysanihii waxay dhalisay diidmo bulsho oo xoog leh iyo ogaanshaha xirfad xumada dhanka xiriirka dadweynaha ka haysata booliska.

Baafinta waxay aheyd inay ka horeyso warbixin kooban oo la xiriirta dhacdada iyo tallaabada illaa iyo hadda qaadeen laamaha amnigu. Sida ay laamaha amniga kiiskaan u wajaheen iyo illaa hadda ogaal la’aanta shacabka ka haysta dhacdadan argagaxa leh ayaa hay’addaha amniga ee magaalada Muqdisho, si gaar ah Booliska waxay ku lumiyeen kalsoonida shacab badan.

Laakiin weli dad badan ayaa rumeysan inuu ciidanka is-bar qaban karo haddii uu hagaajiyo habka xog siinta shacabka iyo haddii uu dadajiyo soo qabashada eedeysanaha, iyaga oo ku bixinaya awoodooda ugu sareysa.

Weli shacabka ma aaminsana in aan eedeysanaha lasoo qaban karin, xilli aan weli la aasin maydkii Allaha u naxariistee Luul Cabdicasiis.

Dad Oromo ah oo lagu laayay weerar ka dhacay GEDO

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ee koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay weerar lagu laayay dad Oromo ah uu ka dhacay gudaha degmada Beledxaawo, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Dabley hubeysan oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa inay dadkaan ku dishay xaafad ka tirsan degmadaas oo u dhow xadka Kenya.

Mid kamid ah waxgaradka deegaanka oo la hadlay Shabelle Tv ayaa ka warbixiyay dhacdadaasi, wuxuuna xaqiijiyay in goobta lagu dilay 7 Oromo ah 6 kalena la dhaawacay.

“Waxaa la galay xaafad halkan ah oo ay Oromo daganayd dadbaa lagu laayay ilaa 7 qof waa dhimatay 6 waa dhaawacantay oo 2 ciyaal ah ay ku jiraan” ayuu wareysiga yiri.

Sidoo kale wuxuu falkan ku eedeeyay kooxda Al-Shabaab, ayada oo goobta isaga baxsadeen maleeshiyaadkii ka dambeeyay dhacdadaasi.

“Nimanka duurka ayaa loo maleynaa, loo maleynaayo ma ahee iyagaa dilay oo u yimid” ayuu mar kale yiri Nabadoonku.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaase soconaya baaritaano dheeraad ah oo ay wadaan laamaha ammaanka ee degmada Beledxaawo.

Weerarkan ayaa kusoo aaday, xilli ay taagan tahay xiisad ka dhalatay heshiiska badda ee ay Itoobiya la gashay Somaliland, kaas oo ay hanjabaad kasoo saartay Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ee kulanka xasaasiga ah ee BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa haatan ka socda kulan xasaasi ah oo ay xarunta Villa Hargeysa ku leeyihiin xildhibaannada Golaha Shacabka, kaas oo looga doodayo arrimaha siyaasadda iyo sidoo kale go’aannada masiiriga ah ee dalka.

Kulankan ayaa waxaa guddoominayo Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo ay hareero fadhiyaan labadiisa ku xigeen, waxaana goobjoog ah xildhibaano badan.

Ugu horreyn waxaa kulanka ka hadlay Sheekh Aadan Madoobe oo faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay ejendaha kulanka maanta oo ka duwan kuwii hore.

“Ajendaha waa ka doodista arrimaha siyaasadda iyo go’aannada masiiriga ah walaalayaal waxaa loola jeedaa maadaama doodda dastuurka ay furan tahay in sida uu ku imaan karo wax ka beddelkiisa laga wada watasho qaabkii loo jiheyn lahaa” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ujeedka uu yahay in laga doodo qaabka wax looga beddelayo dastuurka, maadaama horay loo ansixiyay habraaca wax looga beddelayo.

“Ujeedada waxa ay tahay, maadaama waqti xasaasi ah lagu jiro in barnaamijka wixii waajibaadkeenna ah aan u gudano sida uu na faraayo dastuurka” ayuu yiri Aadan.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay xildhibaannada ay si wanaagsan uga doodaan qodobadan xasaasiga ah, maadaam lagu jiro xilli adag, loona baahan yahay dhameystirka dastuurka.

“Qodobada na horyaalla aad ayay muhiim u yihiin xildhibaannada waxaan leeyahay aan u diyaar-garowno shaqadaan adag” ayuu sii raaciyay guddoomiyuhu.

Intaas kadib waxaa bilaabatay doodda xildhibaannada oo si weyn ugu kala aragti duwan ajendaha kulanka.

“Ajendaha waan wada aragnay waa arrimaha siyaasadda iyo go’aamada masiiriga ah ee dalka maan garanin, haddii ay doodda ku saabsaneyso dastuurka ajendaha halaga dhigo arrimaha wax ka beddelka dastuurka” ayuu yiri xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed.

Arrintaan ayaa imaneysa xilli uu muran xooggan ka taagan yahay arrimaha wax ka beddelka dastuurka, islamarkaan ay diidan yihiin inta badan xubnaha mucaaradka oo ay ku jiraan madaxdii hore ee dalka.

Si kastaba, bishii May ee sanadkii hore ayay aheyd markii Golaha Wadatashiga Qaranka ku heshiiyeen in laga guuro nidaamka hadda jira, ayada oo meesha laga saarayo xilka ra’iisul wasaaraha, si ay Soomaaliya markii ugu horreysay u yeelato madaxweyne iyo ku-xigeen.

 

Itoobiya oo shaacisay in lasoo wareejiyey kulankii QM ee xiisadda badda Soomaaliya

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu soo jeediyay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay khilaafkooda xal ka gaaraan IGAD iyo Midowga Afrika. 

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya Amb. Meles Alem ayaa saxaafadda u sheegay in Itoobiya ay ka codsatay IGAD in ay ku baaqdo shir madaxeed kale oo looga hadlayo heshiiskii marin-badeedka ee bishii hore ee ay ka carooday Muqdisho. IGAD weli jawaab rasmi ah kama soo saarin codsiga Itoobiya. 

Golaha Ammaanka, waxay 29-kii bishii January qabteen shir ciwaankiisu ahaa ‘Nabadda iyo Amniga Afrika’, iyadoo Soomaaliya ay codsatay shirkaas. Si kastaba ha ahaatee Goluhu wax faah faahin ah kama uusan bixin shirkaas. 

Soomaaliya, oo cuskatay qodobka 35-aad ee Axdiga Qarammada Midoobay, ayaa ugu baaqday Golaha Ammaanka inay faragelinta Itoobiya wax ka qabtaan iyadoo sheegtay in heshiiska Itoobiya iyo Somaliland uu ku xad-gudbaynayo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibbada Itoobiya Meles, wuxuu si cad u sheegay mowqifka Itoobiya intii lagu jiray shirkii golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

“Mawqifka Itoobiya waa in dadaalkeeda ku aaddan gelitaanka badda ay horseed u yihiin arrimo dhaqaale. Waxay kaloo ku saabsan tahay is-dhexgalka gobolka iyo sidoo kale arrin nabadeed iyo amni. Tani waa ajandaha cad ee ay Itoobiya ku celisay shirkii Golaha Ammaanka,” ayuu yiri Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibbada Itoobiya Meles.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inaysan wada-hadal la geli doonin Itoobiya illaa ay ka laabato heshiiska ay la gashay Somaliland.

IGAD ayaa ah madal ay maamusho Itoobiya oo wixii ay doonto ay ka sameysan karto, mana muuqato in Soomaaliya ay aqbali doonto kulan kale oo arrintan uu ururka ka yeesho.

Waxa ugu weyn ee dowladda Soomaaliya ay diidan tahay ayaa ah; in arrintan loo rogo khilaaf ka dhaxeeya labada dhinac oo u baahan in wada-hadal laga galo, halka xaqiiqda ay tahay in Itoobiya ay xadgudub ku sameysay madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. 

Xog: Fadeexad ka dhalatay qandaraas ay DF siisay shirkad gaar loo leeyahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xukuumadda Xamza Cabdi Barre ayaa dib u soo celiyay qandaraasyadii dowladda siin jirtay shirkadaha gaarka ah ee kharashaadka dowladda qaadi jiray, taasoo la joojiyay sanadihii 2017 iyo 2018.

Waxaa dhowaan soo shaac baxday in Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Federaalka ay heshiis la gashay shirkad gaar ah oo lagu magacaabo MGS Soft INC, taasi oo loo xil saaray inay dowladda u qaado canshuuraha guryaha Muqdisho.

Si kastaba, qoraal kasoo baxay Hanti-dhowrka Guud 29-kii Janaayo 2024 ayuu heshiiskaasi ku tilmaamay sharci darro iyo inuu hareer marsan yahay sharciga maaliyadda dalka, isagoo dalbaday in heshiiskaasi meesha laga saaro.

Hanti-dhowraha ayaa Wasaaradda Maaliyadda u sheegay inay sharci darro tahay in hantida dowladda, sida canshuuraha ay qaado shirkad gaar loo leeyahay, sida ku cad sharciyada maaliyadda dalka.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in shirkaddan oo ah mid cusub ay leeyihiin xubno gacansaar la leh madaxda dowladda Federaalka, taasi oo shaki badan dhalisay, islamarkaana Soomaaliya dib u celineysa sanado badan oo laga soo gudbay.

Dowladda Federaalka ayaa waxaa caadi ka dhex ahaa muddo in shaqooyinka wasaaradaha la siiyo inay qabtaan shirkado gaar loo leeyahay, oo ay sameystaan dad ku ehel la ah ama si kale ugu xiran wasiirada iyo agaasimeyayaasha.

Shirkadahaaas, oo inta badan qaata lacag ka badan tan suuqa ee shaqada u qalanto, ayaa kadib lacagta waxay gadaal qeyb ka siin jireen wasiirada iyo xubnaha kale ee dowladda ee usoo dhameeyey heshiiska, taasi oo xubno badan oo dowladda ka mid ah ay ku taajireen.

Inkasta oo la joojiyey in shaqooyinka dowladda ay qabtaan shirkado gaar loo leeyahay sanaddii 2017, haddana waxaa weli la bixiyaa qandaraasyada kooban oo xubno badan oo dowladda ay si gadaal ka siin ah ugu helaan kumanaan dollar.

Soomaaliya ayaa mar kale sanadkan waxay kaalinta koowaad ka gashay liiska dalalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka.

Nin gubi rabay xaaskiisa iyo carruurtiisa oo lagu qabtay degmada AFGOOYE

0

Afgooye (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee degmada Afgooye ayaa lagu soo warramayaa inay saaka gacanta ku dhigeen nin doonayay inuu gubo xaaskiisa iyo carruurtiisa, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose.

Maxamed Ibraahim Barre oo wareysi siiyay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ninkaasi laga qabtay isaga oo wata dab iyo basiin, isla markaana hortaagan gurigiisa.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in soo qabashadiisa iyo ka hortaga falkaasi ay ka shaqeeyeen dadka deegaanka oo soo wargeliyay ciidanka ammaanka ee degmada.

“Saaka dhacdo kale ayaa jirto nin ayaa degmada Afgooye wuxuu isku dayay inuu gubo xaaskiisa iyo carruurtiisa, gurigoodii isaga oo hortaagan oo dhibaatadaas inuu gaysta rabana ayaa hay’adihii amniga lala soo wadaagay, kadibna la qabtay” ayuu yiri Barre.

Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyay “Wuxuu watay marka la qabanaya Taraqii iyo Shidaalkii uu ku gubi lahaa gurigiisa”.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in la sameeyo wacyigelin, maadaama ay dhacdooyinka kusii badanayaan guud ahaan Soomaaliya.

“Dhacdooyinka way soo bateen marka Ummadda wacyigelin aad iyo aad u wayn ayay u baahan tahay, culimada inay u istaagaan arrintaasna wax laga qabto” ayuu kusii daray.

Ugu dambeyn wuxuu soo jeediyay in baaris madax bannaan lagu sameeyo falalkan iyo cidda ka dambeysa, si looga ogaado waxa isku soo beegay dhacdooyinkan.

“Waxaan ku talinayaa in baaritaan lagu sameeyo falalkan iyo cidda ka dambeysa, annaga haddii aan nahay maamulka Shabeelaha Hoose arrintaas waan bilaabeynaa, baaritaankeedana waa socdaa” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha Shabeelaha Hoose.

Dhowaan ayay ahayd markii degmada Qoryooley uu nin watay mindi ku gowracay xaaskiisa, kaas oo gacanta lagu soo dhigay, waxaa sidoo kale ka horreysay dhacdo kale oo ka dhacday Muqdisho, kadib markii nin la sheegay inuu maseeray uu xaaskiisa ku gubay degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, kaas oo ay baadi goobayaan laamaha amniga.

Ethiopia oo ku howlan soo celinta dhibcihii uga lumay heshiiskii Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Ethiopia ayaa dhawaan codsi u dirtay urur-goboleedka IGAD. Addis Ababa waxay dalbatay shir aan caadi aheyn oo ay yeeshaan madaxda urur-goboleedka IGAD, kaasi oo looga hadlayo xaaladda gobolka, gaar ahaan xiisadda ka dhalatay heshiiskii ay 1-dii Janaayo la galeen Muuse Biixi Cabdi.

Waxay codsigooda ku hagaajiyeen dowladda Jabuuti oo hadda ah shir-guddoonka urur-goboleedka IGAD. Codsiga dowladda Ethiopia ayaa imaanaya iyada oo laba asbuuc laga joogo diidmadoodii shir madaxeedka IGAD ee 18-kii Janaayo ka dhacay magaalada Kampala ee waddanka Uganda, kaasi oo diiradda saaray xiisadda Soomaaliya iyo Ethiopia.

IGAD weli kama jawaabin codsiga ka yimid Ethiopia, laakiin waxaa durba bilowday faaleynta ku saabsan waxa la gudboon urur-goboleedka IGAD iyo waxa laga filan karo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Ethiopia waxay u muuqata inay dib u raadineyso inay soo ceshato dhibcihii siyaasiga ahaa ee ka lumay tan iyo markii ay heshiiska la galeen Muuse Biixi Cabdi 1-dii Janaayo.

Addis Ababa ayaa la kulantay dharbaaxo caalami ah oo aanay filaynin, laakiin hadda oo ay isbeddel ku sameeyeen wasaaradooda arrimaha dibadda waxaa muuqata inay raadinayaan dariiq ay kusoo nooleyn karaan galaan-galkooda gobolka, midkoodii Afrika iyo koodii caalamka.

Haddaba maxaa laga filaya urur-goboleedka IGAD?

IGAD horey ayay u qabatay shir la xiriira mowduucan, laakiin waxaa qaadacday dowladda Ethiopia oo mar-marsiyo aan jirin u sameysay inay kasoo qeyb-gasho doodda qadiyadan xilli ay Soomaaliya aad isku diyaarisay.

Ra’iisul wasaarihiisa hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake wuxuu ugu baaqay urur-goboleedka IGAD in aanay aqbalin codsiga Ethiopia oo ayadu xurmeyn weysay shirkii 18-kii Janaayo ka dhacay magaalada Kampala ee ururku rabay inuu ku dhageysto Ethiopia iyo Soomaaliya.

Waxaa laga cabsi qabaa inay madaxda IGAD badi qaadacaan shirkan aan caadiga aheyn ee ay dalbatay Ethiopia, oo loo jeedo inay iyadu duullaan ku qaaday madax-bannaanida mid kamid ah urur-goboleedka IGAD.

Dhanka Soomaaliya, inkasta oo mowqifka Soomaaliya uu imaan doono kadib jawaabta IGAD, haddana dadka arrimahaan isha ku haya ayaa ku kala qeybsan waxa la gudboon dowladda federaalka ah ee Soomaaliya haddii ay IGAD aqbasho codsiga Ethiopia oo shirkaas lagu dhawaaqo.

Qaar waxay leeyihiin waa in aysan Soomaaliya aqbalin shirkaasi oo muujin kara miisaanka Ethiopia ee golaha, sidoo kalena hoos u dhigaya carada Soomaaliya ee xiisadda taagan.

Halka dadka qaarkiisna ay qabaan inay Soomaaliya aqbasho, tagto, garteedana furato oo aanay bixin wax fursad ah oo ay Ethiopia adduunka ugu sheegi karto wixii ay rabto xilli ay Soomaaliya ka maqan tahay fagaaraha.

Si walbaba, waxaa hadda isha lagu wada hayaa sida ay IGAD u wajahi doonto codsiga Ethiopia xilli ay xiisadda labada waddan taagan tahay meel aad u qaraar.

Maxaa ka jira in ciidamada DF ay kasoo baxeen Ceeldheer?

0

Ceeldheer (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa beeniyay wararka sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay dib uga soo baxeen magaalada Ceeldheer kadib markii la wariyay inay gadood uga soo baxeen halkaas.

Warar ku baahay baraha bulshada ayaa sheegayay in ciidamada oo ka cabanaya mushaar la’aan ay soo faarujiyeen fariimihii ay ku lahaayeen degmadaasi.

Sarkaal u hadlay ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin waxba kama jiraan, welina gacanta ku hayaan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

“Magaalada sideeda ayaa loo joogaa wax broblem ah kama jiraan wax ka baxay iyo wax ka tegay midna ma jiro shaqadu sidii ayay u socotaa” ayuu yiri sarkaalka u hadlay milatariga.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dad leh dano gaar ah iyo siyaasiyiin ay faafiyeen wararkaasi, balse aysan jirin dhibaato kale.

“Dad ujeedo gaar ah ka leh malaha shilimaad ku raadinaya iyo kuwa siyaasiyiin ah oo wax kale ka raadinaya uunbaa qorayee wax dhibaato ah ma jiraan” ayuu yiri.

Waxaa kale oo uu meesha ka saaray in mushaar la’aan ay hayso ciidamada ku sugan difaaca hore ee degmada Ceeldheer, maadaama howlgallo ka socdaan.

“Difaacu waa sidiisii iyo si kasii fiican, shaqaduna meesheedii ayay ka socotaa. Xoogga dalka mushaarkiisa quu qaataa dadka dhana waa ogyahay” ayuu mar kale yri.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay sii socon doonaan qorshahoodana uu yahay inay gaaraan meelo kale oo kamid ah gobolka.

“Waxaan rabnaa inaan meel kale qabano oo deegaanno kale aan gaarno, insha allah shaqo kale ayaan sii qabaneynaa” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Ceeldheer ayaa kamid ah magaalooyinkii ugu dambeeyay ee laga xoreeyay Al-Shabaab, kadib markii ay dagaal ku qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka

Sawirro: Shir u dhexeeyo DF iyo beesha caalamka oo maanta ka furmay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir u dhexeeyo dowladda federaalka iyo xubnaha beesha caalamka ayaa maanta ka furmay Muqdisho, kaas oo looga hadlayo arrimo dhowr ah.

Waxaa shirkan daah-furay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, ahna kusima ra’iisul wasaaraha Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayada oo goobjoog ahaayeen safiirada caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ee caasimada dalkeenna Soomaaliya.

Ujeedka shirakn ayaa ah dardargelinta wada shaqeynta u dhexeysa dowladda federaalka iyo saaxibada caalamiga ah, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xukuumadda.

“Shirka ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo dardar-gelin lahaa, loogana miro dhalin lahaa qorshaha Xukuumadda DanQaran ee siyaasadda loo dhan yahay” ayaa lagu yiri qoraalka.

Saalax oo goobta ka hadlay ayaa sidoo kale saaxibada caalamiga ah la kulmay la wadaagay heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay geeddi-socodka dowlad dhiska dalka, caqabadaha jira iyo qorshaha dowladda ee sanadkan 2024.

Sidoo kale wuxuu soo bandhigay muhiimadda ay leedahay in kor loo qaado taageerada horumarinta ee saaxiibbada caalamiga ah ay  siiyaan Soomaaliya.

Dhankooda safiirada iyo diblumaasiyiinta kale ee ka qayb-galay shirka ayaa ballan qaaday in dhankooda ay xoojin doonaan dadaallada lagu taageerayo Soomaaliya, ayna ka qayb qaadanayaan dhanka taageerada bani’aadanimada iyo horumarada kale ee ka socda dalka.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka jira xaalado adag oo ay ugu horreyso dagaalka Al-Shabaab, arrimo bani’aadanimo iyo xiisad ka dhalatay heshiiska badda ee Itoobiya.

Daawo: Fiqi oo shaaciyey hal arrin oo uu maqaamka Muqdisho u xayiran yahay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in maqaanka magaalada Muqdisho uu u xiyiran yahay dhameystirka dastuurka dalka, isagoo sheegay in wax tallaabo ah aan la qaadi karin ilaa inta laga dhameystirayo dastuurka.

Wasiir Fiqi ayaa maanta warbaahinta kula hadlay banaanka hore ee xarunta golaha shacabka, kadib markii looga yeeray kulankii maanta ee xildhibaanada golaha shacabka, isaga iyo duqa Muqdisho Yuusuf Madaale.

Wasiirka ayaa sheegay in maqaamka Muqdisho uu qeexayo qodobka 9-aad ee dastuurka KMG ah ee dalka, balse hadda dastuurkiiba uu qabyo yahay, wuxuu intaas ku sii daray in dhowr iyo toban sano uu maqaamkii caasimada Muqdisho u xayiran yahay dastuurka qabyada ah.

“Maqaamka gobolka Banaadir markii maanta laga dooday waxaa soo baxday arrin dastuuri ah oo weyn, maqaamkii caasimada wuxuu u xayiran yahay qodobka 9-aad ee dastuurka, 11-sano ayey Muqdisho u xayiran tahay dib u eegista dastuurka,” ayuu yiri Fiqi.

Waaiirka ayaa sii hadlayey ayaa sheegay in shacabka Muqdisho ay maanta ugu dhowdahay inay helaan xuquuqdooda, “Guddiga arrimaha gudaha ee BFS waxaan ku bogaadinayaa inay ka shaqeeyaan arrinta maqaamka Muqdisho, si loo helo shuruuc maqaamkeeda u ogolaaneysa caasimadda Muqdisho,” ayuu yiri.

Sidoo kale siyaasiyiinta mucaaradka ah ayuu Fiqi ku dhaliilay inay diidan yihiin in laga shaqeeyo dastuurka, si looga gudbo caqabadaha dhanka sharciga ka heysta dowladnimada Soomaaliya.

“Siyaasiyiinta waaweyn ee Muqdisho ka soo jeeda waxay mar walba sheegaan inay u doodayaan xuquuqda dadkaan, hadana markii la dhaho arrintii waa laga shaqeynaa oo dastuurkii waa la dhameystirayaa waxay soo saarayaa warar  carqaladeyn u eg, raggaas waxaan leeyahay is ceshada inta shacabka Muqdisho aysan idinku soo bixin oo aysan idin dhihin naga wareega,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir Fiqi.

Wuxuu sheegay in dastuurkaan uu xaq-siinayo qoys iyo qabiil kasta, “waxaan rajeynayaa in shaqada ka socota dastuurka deg deg loo soo gabagabeeyo, waxayna shaqadaasi ku xawilan tahay oo dhameystirkeeda aan ka sugeynaa baarlamaanka,” ayuu yiri wasiir Axmed Macalin Fiqi.

Hoos ka daawo

Daawo: Madaale oo weeraray musharaxiintii hore oo diidan qorshe ka socda Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale ayaa maanta warbaahinta kula hadlay banaanka hore ee xarunta golaha shacabka ayaa weerar afka ah ku qaaday musharaxiintii u tartantay xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee balan-qaadi jirtay inay ‘Dastuurka dhameystiri doonaan’ balse hadda diidan in dastuurka laga shaqeeyo oo la dhameystiro, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan la yaabanahay musharax ma guuleyste ah oo aan la ogeyn goor uu guuleysa doono inuu shaqada dabada ku dheganaado oo yiraahdo maya dastuurka lama dhameystirayo, markii uu nala hadlayana uu dhaho waxaan dhameystiri doonaa dastuurka, goorma ayuu dhameystirmayaa dastuurka dalkaan?” Ayuu yiri Madaale.

Madaale ayaa sheegay in musharaxiintu ay saneeyaan balanqaad, tani ay muujineyso in aysan daacad ka aheyn balan-qaadyada ay sameeyaan markii ay doonayaan in la doorto, isagoo tusaale u soo qaatay musharaxiintii balan-qaadeysay inay dastuurka ka shaqey doonaan, balse maanta diidan in laga shaqeeyo, si loo dhameystiro.

“Dastuurkaan kolba cid ayaa dhameystiri laheyd, wuxuuna waajib ka saaran yahay qoladii markaas talada heysa,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale.

Madaale ayaa maanta looga yeeray kulanka baarlamaanka, wuxuuna hadalkaan jeediyey markii uu banaanka u soo baxay isagoo farriin u diray baarlamaankaan 11-aad ee dalka.

“Baarlamaanka hadda tallaabo ayuu qaaday, waxaana ku dhiirigelineynaa inta hartay inay dhameytiraan oo shaqada dastuurka ay iska soo gabagabeeyaan, inaan dastuur ku meel gaar ah ku sii dhaqano suurtagal maaha,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaale.

Guddoomiye Madaale ayaa baarlamaanka xusuusiyey in masuuliyadda ugu weyn ay ayaga saaran tahay, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ay ayaga sugayaan.

“Sida uu hadda baarlamaanku ugu guuleystay meel marinta sharciyo muhiim ahaa oo fududeeyey in cunaqabateyntii hubka nagala qaado, waxaan ka codsaneynaa inay uga shaqeeyaan dastuurka oo dhameystiraan sharciyadeena ku meel gaarka ah,” ayuu yiri Guddoomiye Madaale.

Hoos ka daawo

Farmaajo iyo Sheekh Shariif oo billaabay qorshe culus ka hor gogosha Garoowe – Xog

0

Garoowe (Caasimada Online) – Sidaan hore u baahinay intii Garoowe loo joogay cameelo-saarka Saciid Deni ma dhicin kulan gaar ah oo dhex-maray madaxweynaha Xasan Sheekh iyo hoggaamiyaha Puntland Saciid Deni.

Labada nin ayaa mid walba ka gaabsanaayay in la furo waxyaabaha la xiriira khilaafkooda, si aan loo jiirin mowduucii loo tegay magaalada Garoowe.

Dhanka madaxweyne Xasan Sheekh waxaa kale oo la fahamsanaa in uusan rabin inuu galo shir gaar ah isaga oo ilaalinaya dareenka ra’iisul wasaarihiisa Xamza Cabdi Barre.

Hadda inta aan la gaarin shirka magaalada Garoowe loo madlan yahay, labadii madaxweyne ee hore Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo raadinaya dhibco siyaasi ah, sidoo kalena raba in shirka Garoowe lagu dabro xawaaraha uu ku socda Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bilaabay qorshe cusub.

Farmaajo iyo Shariif ayaa raadinaya in shirkaasi uu qabsoomo, iyada oo Xasan Sheekh iyo Saciid Deni uusan khilaaf shaqsi ah dhex oolin, kaasi oo haddii uu sii jiro keenaya marwalba in mowduucyada ay wadaan laga muhiimsanaado.

Sidoo kale waxay bilaabeen inay diirada saaran in khilaafkan hoos loo dhigo, iyaga oo la hadlay madaxweyne Xasan Sheekh iyo Saciid Deni labadaba, islamarkaana weydiistay in arrimaha gaarka ah ee labada nin ka dhaxeeyay tan iyo magacaabistii kursiga ra’iisul wasaaraha inay dhex-dhexaadin ka sameeyaan.

Madaxweyne Xasan iyo Deni ayaa sidoo kale lasoo warinaya inay labaduba soo dhaweeyeen oo ay aqbaleen wada-hadalka ay garwadeenka ka yihiin labadii madaxweyne ee hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed.

Farmaajo iyo Shariif ayaa lagu wadaa in asbuucyada soo aadan ay tagi doonaan magaalada Garoowe, si ay wada-hadallada u bilaaban.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo inta badan lagu yaqaano in uusan diidin wada-hadallada ayaa dhinaca kale la fahamsan yahay inuu dhawaan qaadi doono tallaabooyin la xiriira arrimaha dhameystirka dastuurka, taasi oo haddey dhacdana aan la ogeyn sida ay wada-hadalladaan iyo shirka Garoowe-ba u qabsoomi karaan.

Madaxweyne Xasan iyo kooxdiisa waxay aaminsan yihiin in iyaga iyo Saciid Deni waxa ay isku hayaan inay yihiin arrimo shaqsi ah, sidaas awgeed uma badna inay waqti galinayaan in arrimaha qaar dartiisa loo xayiro, si gaar ah howsha dhameystirka dastuurka, tii oo dhinaca kale la xasuusto waxyaabihii waaweyna ee u hirgalay intii Saciid Deni carada ku maqnaa.

Dad badan waxay is-weydiinayaan labada nin ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed ma ku guuleysan karaan dhex-dhexaadintaan.

Waxayse taasi ku xiran tahay hadba sida ay labada dhinac tanaasul u muujiyaan, sida ay iyaga naftooda waa Shariif iyo Farmaajo uga fogaadaan inay isku milaan dhibco raadintooda siyaasadeed iyo dhayida boogaha khilaafka.

Iyada oo dhinaca kale la filan karo inay wax walba istaagaan haddii uu Saciid Deni markale miiska keeno doodda kursiga ra’iisul wasaaraha, maadaama uu madaxweyne Xasan Sheekh uu weli la dhacsan yahay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Xog: Xildhibaannada oo berri yeelanaya kulan xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maalinta berri ah oo Isniin ah yeelanaya kulan xasaasi ah.

Kulankaas ayaa waxa uu qorshuhu yahay in looga hadlo arrimaha siyaasadda iyo go’aamada masiiriga ah ee dalka, sida ay ogaatay Caasimada Online

Farriin loo diray Xildhibaannada oo ay aragtay Caasimada Online ayaa lagu wargeliyay ajendaha kulanka berri oo taariikhdu tahay 5-ta Febraayo, lamana caddeyn inuu madaxweyne Xasan Sheekh ka soo qeyb-galayo iyo in kale.

Kulanka berri ayaa la aaminsan yahay inuu jawaab u yahay gogosha siyaasadeed ee uu ku dhawaaqay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, taas oo looga hadlayo xaaladda dalka iyo marxaladaha siyaasadeed ee dalka ka soo cusboonaaday, kaasi oo lagu marti-qaaday madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad-goboleedyada iyo madaxdii hore.

Labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa waxaa horyaalla wax ka bedelka dhameystirka dastuurka oo la qorsheynayo in la soo gaba-gabeeyo bisha March, kaddib markii 24-ka bishii hore qaab uu muran ku jiro loo ansixiyay habraaca wax ka bedelka dastuurka.

Kulankan ayaa sida la aaminsan yahay jawaab u ah gogosha siyaasadeed ee uu ku dhawaaqay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, oo looga hadlayo xaaladda dalka iyo marxaladaha siyaasadeed ee dalka ka soo cusboonaaday, kaasi oo lagu marti-qaaday madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad-goboleedyada iyo madaxdii hore.

Arrintaan ayaa imaneysa xilli uu muran xooggan ka taagan yahay arrimaha wax ka beddelka dastuurka, islamarkaan ay diidan yihiin inta badan xubnaha mucaaradka oo ay ku jiraan madaxdii hore ee dalka.

Si kastaba, bishii May ee sanadkii hore ayay aheyd markii Golaha Wadatashiga Qaranka ku heshiiyeen in laga guuro nidaamka hadda jira, ayada oo meesha laga saarayo xilka ra’iisul wasaaraha, si ay Soomaaliya markii ugu horreysay u yeelato madaxweyne iyo ku-xigeen.

Safiirka Itoobiya u fadhiya Imaaraadka oo sameeyey arrin uga dareysa xiisadda badda

0

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Safiirka Ethiopia u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta oo ka hadlay xiisadda ka dhalatay heshiiskii Somaliland iyo Ethiopia ayaa sii daayey war uga sii dari kara xiisadda labada dal.

Amb. Oumer Hussein ayaa taageeray heshiiskii is-afgarad ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed, kaasi oo xad-gudub ku ah madax-bannaanida Soomaaliya, isagoo sheegay in Ethiopia ay u qalanto inay hesho deked.

Danjiraha ayaa ku dooday in Ethiopia dadkeeda iyo dhaqaalaheeda ay si xawli ah u korayaan, ayna tahay inay helaan bad, xilli ay xukuumadda Abiy banaanka keentay damaceeda soo jireenka ah ee biyaha Soomaaliya, ayna heshiis beenaad la saxiixatay Somaliland.

“Heshiiska Is-afgaradka ee ay dhawaan wada saxeexdeen Itoobiya iyo Somaliland ayaan ka duwanayn xiriirka dalalka kale aan la leenahay marka laga reebo in iskaashigani yahay mid dhinaca badda ah,” ayuu yiri Safiirka Ethiopia ee Imaaraadka Carabta, Amb. Oumer Hussein.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xiisadda xilligaan ka dhex aloosan Ethiopia iyo Soomaaliya ee salka ku haysa heshiiska badda uu u baahan yahay in si dhab ah loo sharaxo cabashooyinka, si buu yiri loogu xaliyo si nabdoon.

“Ethiopia dowr weyn ayey ka qaadatay sidii nabad looga dhalin lahaa Sudan, Somalia, South Sudan, iyadoo la adeegsanayo mabda’a xallinga Afrika ee dhibaatooyinka Afrika,” ayuu yiri Oumer oo sheegay in dowladdiisa sii wadi doonto xoojinta wuxuu ugu yeeray “dadaalkeeda abuurista xiriir goboleed ku saleysan faa’iido wadaag ah oo ay la’leedahay dalalka deriska ah.”

Hadalka Danjiraha Ethiopia ayaa imanaya xilli Ethiopia ay la daala-dhaceyso weji-gabax diblumaasiyadeed oo ku riixay inay ka dhuumato fagaarayaasha gobalka iyo kuwa caalamka, islamarkaana ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Ethiopia.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horey u soo saartay qaraar ay ku burinayso heshiis beenaadka Addis Ababa, ayada oo sidoo kalena madaxweyne Xasan Sheekh uu saxiixay sharci Baarlamaani ah oo burinaya is-afgaradka Ethiopia iyo Somaliland.