25 C
Mogadishu
Tuesday, June 23, 2026

Sawirro: FIQI iyo MADAALE oo hortegay baarlamanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta hortegay guddiga arrimaha gudaha maamulada goboladda iyo amniga ee Golaha Shacabka.

Kulankaan ayaa waxaa shir-guddoomiyey ku-simaha guddoomiyaha ahana guddoomiye ku-xigeenka guddiga Xildhibaan Nuur Axmed Diiriye (Nuur Afey) iyo xoghayaha guddiga Xilldhibaan Maxamed Ibrahim Xasan (Diyeeshe).

Ajendaha kulanka ayaa ahaa laba qodob oo muhiim ah, kuwaasi oo kala ahaa;

  1. Wada-shaqeynta hey’addaha amniga
  2. Qorshaha amniga gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa guddiga warbixin guud ka siiyey amniga caasimada iyo wax ka qabashada ciyaal weerada.

Sidoo kale wuxuu uga warbixiyay halka uu marayo dagaalka mukhaadaraadka, ayada oo xubnaha guddiga ay mid mid u bogaadiyey guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo shaqada adag uu u hayo bulshada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn guddoomiyaha guddiga ayaa ugu mahad-celiyey guddoomiyaha gobolka iyo wasiirkaba in ay muhiim tahay wada-shaqeynta, isla-xisaabtanka iyo kor- joogteynta ka guddi ahaan.

Reer AWDAL oo magaalada Muqdisho ku qabtay kulan weyn oo lagu shaaciyey inay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho maanta lagu qabtay kulan ballaaran oo looga soo horjeedo damaca gurracan ee Itoobiya ee ku dooneyso qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

Kulankaan oo ay soo qaban-qaabiyeen siyaasiyiinta iyo bulshada gobolka Awdal ayaa waxa ay ka dhiidhiyeen damaca Itoobiya iyo xad-gudubka ay ku sameysay qaranimada iyo madax-bannaanida ummadda Soomaaliyeed.

Waxaa ka qeyb-gal kulanka xildhibaano ka tirsan  labada gole ee BJF, wasiirro iyo bulshada kasoo jeeda gobolka Awdal, kuwaasi oo sheegay in dowladda federaalka ay ku garab taagan yihiin go’aanka ay ka qaadatay damaca liita ee xukuumadda Abiy Axmed.

Suldaan Diiriye oo waxgaradkii goobta ka hadlay kamid ahaa ayaa sheegay in Soomaalida meel walba oo ay joogta looga baahan yahay in ay u istaagaan difaaca dalka.

“In aan dirirno mooyee dawo kale ma heynee dabka qaata oo kaca xeebahana difaaca,” ayuu Suldaan Diiriye oo bulshada Soomaaliyeed ku booriyay in si wada-jir ah looga hortago damaca guracan ee Itoobiya.

Senator Bilaal Ismaaciil Cabdullaahi oo kamid ah sanatarada kasoo jeeda gobolka Awdal ayaa isna waxa uu yiri “Reer Awdal maanta waxa ay muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan damaca Ethiopia”.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Haadi oo goobta ka hadlay ayaa isna meel adag iska taagay heshiiskii lagu gaaray Addis Ababa, “Ogolaan meyno innagoo Muslimiin ah inaan baddeenna ka iibino Gaalo”

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Dr Maxamed Xasan oo ku hadlayay afka guddiga qabaan-qaabada kulan difaaca Badda Soomaaiya ayaa sheegay sida shacabka Reer Awdal aysan marnaba raali uga ahayn in la qaato badda Soomaaliyeed.

“Haddii aan nahay shacabka reer Awdal marnaba raalli kama noqoneyno in baddeenna iyo dhulkeennu gacmaha ka baxaan” ayuu yir Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka Soomaaliya.

Wasiir Xagaa oo ugu dambeyntiina isna halkaasi hadlay ayaa waxa uu yiri “Waxaan cod dheer ku leenahay ma ogolin qaadashada baddeenna, waxaana u hureynaa nafteenna iyo maalkeenna difaaca dhulkayaga”

Si kastaba, Reer Awdal ayaa horey si weyn uga horyimid damaca Itoobiya ee qeybo kamid ah baddeena, tan iyo markii uu soo baxay heshiiska is-afgarad ee Addis Ababa ku gaareen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed, kaasi oo ay markii dambe burisay dowladda federaalka Soomaaliya.

War cusub oo kasoo kordhay dagaal beeleedka xadka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Dowlad-goboleedka HirShabeelle ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku guuleystay in uu qaboojiyo dagaal beeleedkii ka taagna xuduuda gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad-goboledka HirShabeelle G/Sare Xasan Dhicisow Xasan iyo wafdi culus oo labada gobol ah oo muddooyinkii dambe ku sugnaa deegaanada hoosyimaado degmada Jalalaqsi iyo degmada Ceel-baraf ayaa ku guuleystay in hadda la joojiyo colaadii u dhaxeysay deeganada labada deegaan.

Sidoo kale waxaa la kala qaaday ciidamadii isku horfadhiyay dhul beereedkaasi, ayada oo la kala dhex dhigay ciidamo suga amniga deegaanada lagu diriray ee Jalalaqsi iyo Ceel-baraf.

Taliska Booliska iyo masuuliyiinta ka socotay labada gobol oo isugu jiray guddoomiyeyaasha, wasiiro iyo saraakiil sar-sare ayaa sidoo kale ku guuleystay in dib la iskugu furo isku socodkii labada dhinac.

Waxaa loo balansan yahay gogol nabadeed oo dib u heshiisiin, si colaadda deegaanadaasi mudada ka taagneyd si rasmi ah loogu soo afjaro.

Maamulka HirShabeelle ayaa maalmo ka hor ku eedeeyay kooxda Al-Shabaab hurinta dagaal beeleedka kasoo cusboonaaday xadka kala qaybiya gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Maamulka ayaa sheegay in kooxda isku direyso labada beelood, islamarkaana ay hurineyso dagaalkooda, si ay uga dhex faa’iideysato.

“Ujeedka ay ka leeyihiin hurinta colaadahaasi waa inay isaga yareeyaan culayska hadda saaraan, maadaama lagu jabiyay oo looga adkaaday deegaanada maamulka HirShabeelle.”

Xasan oo war kasoo saaray geerida madaxweynaha dalka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka iyo dowladda Namibia uga tacsiyeeyay geerida madaxweynihii dalkaasi Dr. Hage G. Geingob.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa shacabka iyo dowladda Namibia ee uu ka geeriyooday H.E. Dr. Hage G. Geingob, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Namibia,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan ayaa waxa uu Geingob ku tilmaamay inuu ahaa hoggaamiye caan ah oo naftiisa u huray u adeegida dadkiisa, islamarkaana ahaa cod laga ixtiraamo qaaradda Afrika.

“Inta lagu jiro wakhtigan adag, waxaan garab istaagnaa qoyskiisa iyo dadka Namibia sida ay u murugaysan yihiin geeridii hoggaamiye weyn,” ayuu markale yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha dalka Namibia ayaa ku dhintay da’da 82-sanno, sida uu sheegay xafiiskiisa, kadib wax ka yar saddex toddobaad markii la shaaciyay in laga daaweyn doono Kansarka.

Geingob waxa uu ku dhintay isbitaalka Lady Pohamba ee caasimadda Windhoek, isaga oo xaaskiisa iyo carruurtiisa ay garab taagan yihiin, sida uu ku-simaha madaxweynaha Nangolo Mbumba uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay barta Facebook-ga ee Geingob.

“Qaranka Namibia waxa uu lumiyay adeege caan, halgamaa xorriyada, madaxii qaabeeyay dastuurkeena iyo tiirkii Namibia,” ayuu yiri Mbumba.

Xamas oo dadaal ugu jirta sii deynta Nelsan Mandela-ha Falastiin oo u xiran Israel

0

Gaza (Caasimada Online) – Waxa ay Falastiiniyiinta qaarkood u arkaan Nelson Mandela-hooda, waana musharraxa ugu cad cad ee mustaqbalka noqon doona madaxweynahooda. Waa maxbuuska ugu magaca weyn ee ku jira xabsiyada Israa’iil.

Hadda ayaa xorriyadda Marwan Barghouti waxa ay ka mid tahay qodobada wadaxaajoodka xabbad joojin dhexmarta Xamaas iyo Israa’iil.

Hogaamiyayaasha Xamaas ayaa Jimcihii dalbaday in Israa’iil ay sii deyso Barghouti, oo ah hogaamiye ka tirsan kooxda Fatax ee ay Xamaas siyaasadda ku loollamaan, waxayna sheegeen in sii deyntiisu ay qeyb ka tahay heshiis kasta oo lagu soo afjarayo dagaalka.

Dalabkan ayaa indhaha mar kale ku soo jeedinaya Barghouti, oo dowr muhiim ah ku leh siyaasada Falastiiniyiinta xitaa isaga oo muddo ka badan labaatan sano xabsiga ku jira. Siideyntiisa ayaa aasaas u noqon karta in ugu danbeyn loo doorto xafiiska qaran.

Xamaas ayaa sii deyntiisa dooneysa in ay dadweynaha taageero kaga kasbato, iyadoo sidoo kale u aragta Marwan in uu yahay shaqsi mideyn kara Falastiiniyiinta.

Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas Osama Hamdan ayaa dalbaday in la sii daayo Barghouti iyadoo dhexdhexaadiyeyaasha caalamiga ah ay isku dayayaan in ay heshiis dhex dhigaan Israa’iil iyo Xamaas ka dib ku dhawaad afar bilood oo dagaal ah.

Israa’iil ayaa dooneysa in la sii daayo in ka badan 100 qof oo la haystayaal ah oo wali ku jira gacanta Xamaas. Xamaas ayaa dalbanaysa in la soo afjaro weerarada militeri ee Israel ee khasaaraha badan dhaliyay, lana sii daayo kumanaan maxaabiis Falastiiniyiin ah.

In ka badan 100 la hayste oo Israa’iiliyiin ah ayaa la sii daayay ka dib xabbad joojin asbuuc socotay bishii Novembner. Israa’iil ayaa qiyaasaysa in 136 qof ay wali ku jiraan gacanta Xamaas in kastoo 20 ka mid ah lagu dhawaaqay in ay dhinteen.

Iyadoo ay Israa’iil ka socdaan bannaanbaxyo lagu dalbanayo in la haystayaashaasi sida ugu dhaqsaha badan lagu sii daayo ayaa cadaadisku uu ku sii kordhayaa Ra’iisulwasaare Minister Benjamin Netanyahu oo laga dalbanayo in uu heshiis galo.

Falastiiniyiinta ayaa dhibaatada ehelladooda xiran ay u tahay mid xanuun leh. Halka Israa’iil ay “maxaabiista ammaanka” u aragto in ay yihiin argagixiso, Falastiiniyiintu waxa ay u arkaan geesiyaal la dagaallamayay gumaysiga Israa’iil. Dhab ahaantii qof kasta oo Falastiini ah waxaa jira saaxiib, qaraabo ama qof uu yaqaan oo la xiray.

Hay’adda xuquuqda aadanaha Israa’il ee HaMoked ayaa sheegtay in Israa’iil ay hadda u xiran yihiin ilaa 9,oo (sagaal kun oo qof). Xamaas ayaa dooneysa in dhammaantood la sii daayo. Laakin Xamdaan ayaa hadalkiisii Jimcaha xusay oo kale magacyada Barghouti iyo Axmad Saadat.

Saadat ayaa hogaaminayay koox yar oo 2001-dii dishay wasiir Israa’iili ah, waxaana loogu xukumay 30 sano oo xabsi ah dowrkii uu ku lahaa ka qeybgalka weerarkaasi.

Falastiiniyiinta ayaa u arka Barghouti oo 64 jir ah, kana tirsan xisbiga Fatax ee Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas, in uu yahay kii beddeli lahaa Cabbaas oo 88 jir ah, madaxna u ah maamulka Falastiiniyiinta ee caalamku aqqoonsan yahay, ahna dowladda iskeed isku xukunta oo maamusha qaybo ka mid ah dhulka ay Israa’iil haysato ee Daanta Galbeed.

Qadoura Fares, oo madax ka ah Wasaaradda Arrimaha Maxaabiista ee Falastiin, taageerana Barghouti ayaa sheegay in haddii la sii daayo uu noqon karo musharrax la isku raacsan yahay kaasi oo mideyn kara Xamaas, Fatax iyo kooxaha kale ee Falastiiniyiinta.

Ra’yi aruurin la sameeyey bishii December ayaa sheegeysa in Barghouti uu yahay siyaasiga ugu saameynta badan Falastiiniyiinta isaga oo ka horreeya Cabbaas iyo Hoggaamiyaha Xamaas Ismaaciil Haniyeh. Israa’iiliyiinta ayaa Barghouti u arka nin argagixiso ah, iyadoo in lagu qanciyo in ay sii daayaan ay tahay mid adag.

Barghouti, ayaa ahaa hogaamiyihii Daanta Galbeed intii uu socday Kacdoonkii labaad ee Falastiiniyiinta horraantii 2000, waxaana shan mar lagu riday xukun xabsi daa’in ah dowrkii uu ku lahaa dhowr weerar oo ay dad ku dhinteen.

Intii uu socday kacdoonkaasi ayay dabley Falastiiniyiin ah fuliyeen weeraro ismiidaamin ah oo dhimasho iyo dhaawac sababay oo lala beegsaday basaska, maqaayadaha, hoteellada iyo dad Israa’iiliyiin ah oo ku sugnaa gudaha Daanta Galbeed, taasi oo keentay aargoosi ba’an oo ay sameeyeen militariga Israa’iil.

Sannadkii 2002-dii, Barghouti ayaa loo xiray eedo dhowr ah oo la xiriira dil. Ma uusan iska difaacin isagoo diiday in uu aqqoonsado sharciyadda maxkamadda.
Barghouti ayaa ku dhashay tuulada Kobar ee Daanta Galbeed sannadkii 1962-kii.

Isaga oo taariikhda iyo siyaasadda ka baranaya jaamacadda Bir Zeit, ayuu gacan ka geystay mudaaharaadyadii ardayda ee lagaga soo horjeeday gumaysiga Israa’iil.

Israa’iil ayaa horey u diiday baaqyo ah in ay sii deyso. Waxa ay diiday 2011-kii in ay ku darto ilaa kun qof oo lagu bedeshay askari Israa’iili ah oo lagu hayay Gaza, sida uu Fares sheegay.

Yehya Sinwar, oo ah hoggaamiyaha Xamaas ee Gaza ahna ninkii ka danbeeyey abaabulka weerarkii Aktoobar ayaa lagu sii daayay heshiiskaasi maxaabiista la isku dhaafsaday. Wada xaajoodkii 2011-kii ayaa ku saabsanaa oo qura sii deynta hal la hayste.

Iyadoo nolosha in ka badan 100 qof oo la haystayaal ah ay hadda miiska saaran tahay ayaa waxaa jira cadaadis ka badan kii hore oo saaran Israa’iil sidii ay ku sii deyn lahayd maxaabiista Falastiiniyiinta ah. Taasi waxa ay ka dhigi kartaa mid u jilicsan in ay gasho heshiis keeni kara in Barghouti la sii daayo ayna Xamaas xoojiso sumcaddeeda Falastiiniyiinta.

AP + VOA

Daawo: War cusub oo kasoo kordhay dhacdadii Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli soconaya dadaallo xoogan oo cadaalad loogu raadinayo Marxuumad Luul Cabdicasiis oo uu dhowaan ninkeeda ku gubay magaalada Muqdisho, kadibna u geeriyootay falkaasi argagaxa leh.

Qoyska marxuumadda ayaa weli dalbanaya cadaalad iyo in lasoo qabto eedeysanaha oo haatan baxsad ka ah laamaha amniga Soomaaliya.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir iyo saraakiisha laamaha amniga ayaa booqday guriga qoyska, si ay usoo xog wareystaan, maadaama dhibaato weyn la gaarsiiyay.

Aabe Cabdicasiis oo la hadlay madaxda booqatay ayaa ka dalbaday inay cadaaladda la raadinayaan, si dambiilaha loo soo qabto, kadibna sharciga loo horgeeyo.

“Maanta waxaa ka fileynaa inaan sida ugu dhaqsiyaha badan u helno cadaaladda dowladda xittaa sumcad uma aha inay saan dhacdo” ayuu yiri Aabe Cabdicasiis.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Banaadir Macallin Mahdi oo isna goobta ka hadlay ayaa ballan qaaday inay soo qaban doonaan eedeysane Say Cali Macallin Daa’uud, wuxuuna sheegay in xittaa haddii uu u baxsadi dibadda ay uga daba tagi doonaan.

“Mas’uuliyadda koowaad oo naga saaran waxa ay tahay in lasoo qabto dambiilahaas meel kasto oo caalamka uu ka tego Insha allah waan soo qabaneynaa” ayuu isna yiri taliyuhu.

Ugu dambeyn waxaa warbaahinta hadal siiyay guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo sheegay in maamulka gobolka uu kafaalo qaaday carruurta agoonta ah ee haddana hooyadood loo dilay sida arxanka daran.

“Ilmaheenna kuwa soo barbaara allaha ka dhigo, insha allaha annaga ayaa kafaala qaadnay, waxbarashadooda iyo noloshooda” ayuu yiri duqa magaalada Muqdisho.

Muqdisho: Canug yar oo lagu sameeyay arrin yaab leh iyo booliska oo bad-baadiyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa maanta soo bad-baadiyay ilmo yar oo saddex sano jir ah, kaas oo sabab yaab leh loogu xiray guri ku yaalla degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir.

Howlgalkan oo ay sidoo kale ka qayb-qaateen ciidamada Dharcadda ee NISA ayaa waxaa lagu soo bad-baadiyay Yuusuf Kulmiye Xasan oo saddex sano jir ah, kaas oo ay hay’adaha amnigu sheegeen in muddo lix saacadood ah lugu xiray guriga ay kasoo dhex saareen.

Sababta halkaasi loogu xiray ayaa waxaaa lagu sheegay dhaqan celin, taas oo noqotay arrin aad loola yaabay.

“Ciidamada Boliiska Saldhiga Degmada Xamar Jajab oo kaashanaya Ciidanka Hay’ada Nabadsugida & Sirdoonka Qaranka ee NISA, qaybteeda Dharcadka ee Degmadaas ka hawl-gasha ayaa soo bad-baadiyay cunug yar oo 3 sano jir ah oo lagu xiray guri ku yaala Degmadaas” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska booliska gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Cunuga yar oo lagu magacaabo Yuusuf Kulmiye Xasan ayaa ku xidhnaa mudo 6 saac ah guri lagu sheegay dhaqan Celin”.

Dhinaca kale falcelin xoogan ayaa ka dhalatay falka lagula kacay wiilkan yar, waxaana qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ay soo jeediyeen in lasoo xiro dadka gaystay falkaasi.

Daahir Jimcaale “Saddex jir maxaa laga dhaqan cilinaa? kuwa gurigaas ku xiray ayaga dhaqan celin haloo diro”.

Xasan Cabdi ayaa yiri “Subxaanallah saqiirkan dhaqan celinta loo sameynaayo maxa waayay? aduunyo hadaa joogto wax lee arkeysaa yaaab”.

Cabdiraxmaan Cabdi ayaa isna falcelintiisa ku yiri “Dhaqan celin iyo saddex sano yaab badanaa”.

Xasan Indheey ayaa isna ku jawaabay “Dhaqan celin maahee ilma la xaday dhaha walba waxaas arrin maahee”.

Faah-faahin ku saabsan dil xalay ka dhacay KISMAAYO

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo ka dhacay magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Dilka oo dhacay xalay dhaq-dhexe ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo gaystay askari ka tirsanaa ciidamada ammaanka oo ku sugnaa xaafadda Shaqaalaha ee magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay toogasho ku dileen marxuumka, kadibna ay goobta isaga baxsadeen.

Sidoo kale waxaa xaafadda uu dilka ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland oo howlgallo ka sameeyay halkaasi, balse ma jirto cid ay usoo qabteen falkaasi.

Toogashadaan ayaa waxaa la xiriirinayaa inay fuliyeen Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro ka fulisa deegaanada maamul goboleedka Jubbaland.

Xaaladda ayaa haatan deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaas iyo howlgallada xigay.

Ammaanka Kismaayo ayaa muddooyinkii u dambeeyay daganaa, waxaana howlgallo iyo dhaq-dhaqaaqyo ka waday ciidamada ammaanka ee maamulka Jubbaland.

Kismaayo ayaa waxaa ay kamid tahay magaalooyinka uu haatan ka socdo diyaar-garowga  wajiga labaad ee dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Mareykanka ‘oo gacanta ku dhigay’ sarkaal Shabaab ah oo kasoo gudbay xadka Mexico

0

Washington (Caasimada Online) – Waaxda Socdaalka iyo Dhaqan-Galinta Kastamada (ICE) ee dalka Maraykanka ayaa sii daysey natiijada warbixinta howlgalo qaatay labo toddobaad oo ay kula dagaalamayeen dambiyada ka dhana caruurta iyo kuwa khatarta ku ah nabad galyada Maraykanka.

Howlgalada oo ka dhacay labaatan iyo shan magaalo iyo dhulka miyiga ah guud ahaan Maraykanka, ayaa lagu bartilmaameedsaday shaqsiyaad danbiyo galay oo si xor ah u watay dhadhqaaqooda. Basle markii danbe lagu helay dambiyo lidi ku ah amaanka Maraykanka.

In ka badan 171 qof ayaa lagu qabtay howlgalka, boqol iyo saddex ka mida ayaa lagu helay danbiyo dilal ah iyo kufsi caruur, dadka la qabtay waxaa ka mid ah qof Soomaali ah oo ay waaxdu Socdaalka Maraykanku ku sheegtay inuu ka tirsan yahay Ururka Alshabaab.

Ku simaha agaasimaha ahna ku-xigeenka ICE, Patrick J. Lechleitner, ayaa xaqiijiyey warar ay daabaceen warbaahinta Maraykanka qaarkood oo shaaca ka qaaday in argagaxiso ay ka soo talaabeen xadka Maraykanka bishii maarso ee sanadkii 2023-dii.

Bartamihii bishii Janaayo ee sanadkan, afhayeenka ICE, Erin Bultje ayaa u sheegay warbahinta in qof Soomaali ah oo da’diiisu tahay 27 sano jir uu Maraykanka ka soo galay meel u dhow San Ysidro ee gobolka California laakin xiligaas wax baarid ah lama marin bartamihii Maarso.

“Waxaan rabaa inaan amaano shaqaalaheena sababtoo ah isla markii aan ogaanay taas – 48 saacadood gudahood – waa la qabtay, wuxuuna hadda ku jiraa xabsiga ICE, Waxaan u maleynayaa inay taasi tahay natiijo cajiib ah – marag u ah sida xirfada leh ,daacadda ah, iyo kartida shaqaalaheena,” ayuu yiri Patrick

Patrick waxaa weheliyey agaasimaha fulinta ee ICE, Daniel A. Bible markii uu saxaafada kula hadlayey xarunta Haya’dda ee ‘ICE’

Maraykanka ayaa la kulmay mowjado dadka magangalyo doon ah, kuwaas oo tiro badan oo ka mid ah ay ka galeen soohdimaha dhanka dhulka ee ay la wadaagto dalka Mexico.

Walaaca argagaxisada ee ka gudba xaduudaha waa mid ay muujiyeen haya’dda Socdaalka ee Maykanku, balse waxay sheegeen inay si taxadar leh ugu feejigan yihiin khatar walba oo lida ku ah ammaanka iyo badqabka dadka Maraykanka.

Dhanka kale, warbaahinta dalka Cost Rica ayaa sheegay inay hay’adaha ammaanka dalkaasi ay gacanta ku dhigeen nin Soomali ah oo lala xiriirnayo uu ka tirsan yahay ururka Al-shabaab ee ka dagaalama gudaha Soomaaliya.

Wasaaradda Amniga Gudaha dalkaas aya sheegtay in la xiray ninkaas 30-kii bishii November ee sanadkii 2023-kii

Sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta, ninkaas ayaa ku sugnaa aagga laga galo Xarunta Daryeelka Ku-meel-gaarka ah ee Dadka Muhaajiriinta ah (CATEM) ee koonfurta ee Costa Rica, oo qiyaastii 10 km u jirta xudduudda Panama.

Sidaas oo kale Cost Rica ayaa sheegtay in bishii April 2023-kii ay qabtay wiil uu dhalay sarkaal sare oo ka tirsan Ururka Alshabaab.

Sanadkii 2017-kii, Haya’adaha ammaanka ee dalka Costa Rica ayaa xiray muwaadin Soomaaliyeed oo looga shakisan yahay “argagixiso caalami ah” kadib markii uu ka soo galay dalka Bartamaha Ameerika ee Panama, sida ay sheegtay wasaaradda amniga Costa Rica.

Mas’uuliyiinta Mareykanka “waxay xaqiijiyeen in qofka lagu eedeynayo inuu xiriir la leeyahay ururada argagixisada caalamiga ah, waxayna dalbadeen in si deg deg ah loo sii hayo si uu u bilaabo baaritaanka kiiska,” ayay wasaaraddu ku tiri hadal ay soo saartay.

Mas’uuliyiinta Costa Rica ayaa tuhmanaha ku sheegay 25-jir kasoo galay dalka magaalada xuduudda ku taalla ee Paso Canoas, oo 358 kiiloomitir (222 mayl) koonfur ka xigta caasimadda.

Kadib tallaabadii Mareykanka uu qaaday, RUUSHKA oo dalbaday shir deg deg ah

Moscow (Caasimada Online) – Dowladda Ruushka ayaa ku baaqay kulan deg deg ah uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka yeesho duqeymaha Mareykanka uu ku hayo kooxaha maleeshiyadka ah ee dowladda Iiraan ay taageerto.

Kooxaha uu Mareykanku beegsanayo ayuu fadhigoodu yahay dalalka Ciraaq iyo Suuriya, kuwaas oo lala xiriirinayo in toddobaadkii hore ay askar Mareykan ah ku laayeen dalka Urdun.

“Waxaan kaliya dalbanay fadhi deg deg ah oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka yeesho khatarta nabadda iyo badbaadada ee ay abuureen weerarrada Mareykanka ee Suuriya iyo Ciraaq,” ayuu yiri Diblomaasiga Moscow ee Qaramada Midoobay, Dmitry Polyansky.

Ruushka oo xubin ka ah golaha joogtada ah ee Qaramada Midoobey ayaa saaxiib dhow la ah dowladda Iiraan oo Mareykanka ay ishayaan.

Dowladda Ukraine iyo hay’adaha sirdoonka reer galbeedka ayaa sheegay in Ruushku uu isticmaalayey diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan laga leeyahay tan iyo bishii February ee sannadkii 2022-kii, xiligaas oo Ruushku uu soo bilaabay duulaanka uu ku hayo dalka Ukraine.

Mareykanka ayaa saacadihii lasoo dhaafay duqeeyay 85 bartilmaameed, isagoo ka jawaabaya  weerarkii askarta looga laayey Axadii hore, madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo weerarkaas kadib soo hanjabay ayaa yiri “Haddii aad dhaawacdo qof Mareykan ah, waan ka jawaabi doonaa.”

Tiro dad ah ayaa ku dhintay duqeyn culus oo magaalada Dimishiq ee dalka Suuriya, halka dowladda Ciraaq ay sheegtay in ugu yaraan 16 qof oo ay ku jiraan dad rayid ah ay ku dhinteen duqeymo uu Mareykanku ka geystay dalkaas, iyadoo ay ku dhaawacmeen 25 qof oo kale.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Iiraan ayaa sheegay si adag u cambaareeyay duqeymaha Mareykanka oo uu ku tilmaamay xadgudubyo ka dhan ah “madax bannaanida iyo xornimadi dhuleed” ee dalalka uu Mareykanku beegsaday.

Maxaa sabab u ah dilalka qoyska ee kusoo batay dalka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka waxaa maalmihii u dambeeyay kusoo badanayay dhibaatada qoyska, taas oo haatan gaartay meeshii ugu xumeyd, kadib markii ay soo kordheen dilalka ay isku gaysanayaa lamaanaha.

Dhacdooyinkii ugu dambeeyay ayaa ka kala dhacay Muqdisho iyo degmada Qoryooley, kadib markii laba nin ay si araxan darro ah u dileen xaasaskooda.

Midda Muqdisho ayaa ninka oo la sheegay inuu maseeray wuxuu guri ku yaalla degmada Dharkenley uu ku gubay xaaskiisa oo xaamilo ahayd, laguna magacaabi jiray Luul Cabdicasiis oo Jimcihii ku geeriyootay isbitaalka Digfeer ee magaaada Muqdisho, halka ninka labaad ee Qoryooley uu dilka xaaskiisa u adeegsaday mindi isaga oo jarjaray.

Haddaba Maxaa sabab u ah dilal qoysaska ee kusoo batay dalka?

Xildhibaan Cali Xaaji oo kamid mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa sheegay in dhibaatooyinka soo kordhay ay ugu wacan yihiin isticmaalka waxyaabana maankadooriya.

“Arrimahaan qoyska waxaa sabab u ah oo aan hoosta ka xariiqayaa waa maandooriyaha inaynu dowlad ahaan iyo mujtamac ahaan aynu baraarugno oo dadkeena meel ka saarno arrintan xashiishada iyo maandooriya” ayuu wareysiga ku yiri Xildhibaan Cali Xaaji.

Cali Xaaji ayaa sheegay in mar walba qofka balwadda leh uu isbeddalo, kadibna uu dhibaato u gaysti naftiisa iyo tan dadka kale.

“Mar kasta oo ninkaas xaaska leh oo carruurta leh uu maandooriye waayo ama uu ku go’o waa marka ay xaaladdiisa is-bddeleyso dil iyo dhac wax lamid ahna uu ku dhaqaaqayo” ayuu mar kale yiri xildhibaanku.

Waxaa kale oo uu yiri “Dilku waa wax dabiici ah ma’aha wax cusub ee waxaa moodaa inay wixii iska daba imaanayaan oo uu si xawli ah noogu socdo”.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray hay’adaha amniga dowladda iyo bushada, isaga oo ugu baaqay in si wadajir loola dagaalamo maandooriyaha kusii baahaya dalkeenna.

“Hay’adaha amniga waxaan ku wargelineynaa inay feejignaan dheeraad ah qaataan bulshadana ay baraarugto oo maandooriyaha lagu baraarugo” ayaa kusoo gabagabeeyay.

Goob ay isku urursanayeen Al-Shabaab oo la duqeeyay

0

Caad (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta duqeyn xoogan ay ka dhacday gobolkaasi, taas oo lagu beegsaday Al-Shabaab.

Duqeynta ayaa lagu soo warramayaa inay iska kaashadeen ciidamada Xoogga dalka iyo saaxibada caalamiga ah, ayna ka dhacday inta u dhexeysa Caad iyo Jeex-Jeexa.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in duqeynta si gaar ah loola bartimaameedsaday goob ay isku uruursanayeen Al-Shabaab oo ku taalla halkaasi, taas oo dhalisay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray kooxda Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in goobta lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda, balse ma caddeyn tiradooda.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen inay cagta mariyeen difaacyadii Al-Shabaab ee aagga Jeex-Jeexa oo maalmihii u dambeeyay ay ka socdeen howlgallo culus.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi ee ay guulaha ka sheegataya dowladda Soomaaliya.

Shalay ayay ahayd markii dagaal khasaare culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab uu ka dhacay deegaanka Shabeelow oo dhaca koonfurta gobolkaasi, kadib weerar ay soo qaaday kooxda.

Galmudug ayaa kamid ah meelaha ay haatan ka socdaan dagaallada ay iska kaashanayaan ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka, kuwaas oo lagu xoreeyay dhul ballaaran.

What Somalia can learn from the past similar histories of Bolivia, Cuba, and Ukraine?

0

What is territorial leasing? State-level territorial leasing has never been a clearly defined activity in international law or relations, but defining it is necessary to understand it. As defined by experts, a ‘territorial lease is an agreement—usually a treaty—that creates sovereign-like rights for one state on the territory of another through an arrangement that generally emulates a lease in private law.’ In this case, the rights established by a territorial lease comprise a servitude that limits how the lessor state displays its sovereignty in the area involved while extending the geographic area where the lessee state can exercise aspects of sovereignty. 

Why is discussing territorial leasing relevant in this article? Those who follow news and politics from the Horn of Africa have been distressed by recent events between Ethiopia and Somalia. Tensions in the Horn of Africa escalated after landlocked Ethiopia reached a memorandum of understanding (MOU) on January 1, 2024, with Somaliland, a secessionist region of Somalia, that would give Ethiopia a naval base and access to the Somali Sea. In return, Ethiopia will recognize Somaliland as an independent nation separate from Somalia, in apparent infringement of Somalia’s sovereignty and territorial integrity. 

This region of Somalia faces the Gulf of Aden, which Ethiopia dreams of tapping into. Somalia has characterized the move as an act of aggression and vowed to defend its country at any cost. The African Union and United States have backed the territorial integrity of Somalia and urged all parties to cool tensions.

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud, who has been engaging in endless diplomatic shuttling to garner support for Somalia, warned Ethiopia against implement the MOU. ‘This is a piece of land that belongs to Somalia, and [we] will never yield to whatever pressure comes on it,’ Mohamud said. When asked if his nation was prepared to go to war against Ethiopia, Mohamud said, ‘So far, Ethiopians haven’t made moves to implement the illegal MOU. If they will, then that will be a problem at a different level.’  

With this new tension in the region, this article discusses the history of territorial leasing to neighboring states, particularly ones with a more substantial military coupled with a troubled bilateral history. We will revisit the historical treaty between Bolivia and Chile to mirror Ethiopia’s current plans and Somalia’s potential predicament.

How Bolivia lost its sea

Bolivia will resentfully begin its 145th year as a landlocked country this year. Its Pacific coastline was lost in the war fought alongside Peru against Chile from 1879 to 1884. The primary cause of the war was territory leased for business purposes, and the two nations established a tax agreement. Chile entered a deal with Bolivia in 1874 to allow Chilean businesses to mine in the Bolivian mineral-rich Atacama Desert for 25 years without a tax increase. However, the Bolivian government later declared the 1874 treaty void because the Bolivian Congress never approved it 

The Bolivian government expected Chile to agree to more generous concessions as it did in the past border dispute with Argentina. Instead of renegotiating, as Bolivia expected, Chile sent a warship to Antofagasta, a port city on its northern border with Bolivia, where it landed 500 troops and occupied the town without resistance. Chile defeated Bolivia and redrew the map of South America by taking almost 50,000 square miles of Bolivian territory, including its 250-mile coastline on the southern Pacific Ocean. Bolivia signed a peace treaty with Chile in 1904 in return for a promise of the ‘fullest and freest’ commercial access to the ports they lost. A critical factor in the war was the fact that under this treaty, the region became predominantly populated by Chileans who came to work for Chilean businesses, enabling Chile to occupy it without much resistance—a dire warning for Somalia if it allowed a 120 million plus Ethiopian population to inundate into Somalia.

Bolivia took Chile to the International Court of Justice (ICJ) which, in 2018, ruled against forcing Chile to negotiate ceding a slice of its territory to provide neighboring Bolivia with a route to the sea. Bolivia never accepted the loss. In fact, every year on March 23, Bolivians celebrate a national Day of the Sea. Bolivia’s navy (La Armada Boliviana) still exists without a coastline, and Bolivians sing the ‘Anthem of the Sea,’ which lists the names of coastal cities they hope will be Bolivian again: ‘Antofagasta, beautiful land, Tocopilla, Mejillones, by the sea / With Cobija and Calama, they will return to the homeland again.’  

What can Somalia learn from this?

Boundaries are normally fixed when states are created, but states, along with their populations and economies, continue evolving after that—and so do their perceived territorial needs. Territorial leasing is a mechanism by which states sometimes address these evolving interests without resorting to formal boundary changes. A lease essentially reallocates sovereign-like rights in a way that can be less dramatic or definitive than ceding territory from one state to another.

Problems arising from territorial leases usually result from the specific terms of the lease. Cuba’s lease of Guantanamo Bay, for example, gave the United States ‘complete jurisdiction and control’ over the territory, prompting Cuba’s Supreme Court to rule that Cuba must consider the area as foreign for legal purposes, despite Cuba retaining ‘ultimate sovereignty.’ That left Cuba with no active authority on this piece of its sovereign territory. 

Another danger comes when the lessee state does not leave, and if it’s a strong state, the lessor may be unable to evict it. Again, Guantanamo Bay is an example of this. Cuba has enjoined the United States to go home ever since the Cuban revolution in 1959, but the United States has argued that the lease is a valid agreement allowing it to remain there.

Similarly, Ukraine agreed to lease its bases in Sevastopol to the Russian Black Sea Fleet until 2017, right after their Partition Treaty 1997. However, in 2010, Ukraine declared its intent not to extend the lease to Russia past 2017. After lengthy negotiations, Russian and Ukrainian signed an agreement in which Russia agreed to a 30% price drop for the natural gas sold to Ukraine in exchange for extending Russia’s lease of the naval base in the Ukrainian Black Sea port of Sevastopol for an additional 25 years with an option for a further 5-year renewal extending the lease to 2047. This naval base and the presence of Russian forces created the environment in which Russia eventually annexed the entire Crimea region and the current Russia-Ukraine war. Again, a dominant factor in favor of Russia was the predominantly pro-Russian population in the region.  

Somalia must learn from these historical contexts and understand that the Ethiopian Prime Minister Abiy’s threatening posture displayed a contemptuous disregard for Somalia. The fragility of Somalia and the absence of the equal military power it once commanded over its neighbors, including Ethiopia, encouraged the belligerent attitude that Ethiopia engages in. Prime Minister Abiy evidently feels he has the advantage over Somalia and is adopting a more impractical foreign policy, projecting himself as an emerging regional power—seeking economic and territorial expansion at its neighbor’s expense without fear of serious repercussions.  

However, Prime Minister Abiy doesn’t seem to realize his limited internal and external influence and lack of military might to project himself as a regional leader. The West abandoned him during the Tigray war, and his neighbors are all antagonized and shady by his erratic and unpredictable behaviors. Sudan, Egypt, and Eretria are all eager to outmuscle him. Djibouti cannot consent to an Ethiopia–Somaliland deal as it stands to lose roughly two billion dollars annually with an imminent national security threat. 

Somalia must learn from these historical circumstances and understand the eventual reality that will follow leasing a naval base to Ethiopia. Bolivia, Guantanamo Bay, and Crimea should be a lesson for Somalia and a clear warning not to allow Prime Minister Abiy’s dream to come to fruition.

Isaac Muhammad is a writer and political analyst based in the United States. Reach him at [email protected]

Xog ku saabsan halka uu joogo ninka baxsadka ah ee xaaskiisa gubay + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa shaaciyay xog ku aadan halka uu joogo ninka baxsadka ah ee xaaskiisa ku gubay magaalada Muqdisho.

Yabooh oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa xaqiijiyay in eedeysanaha uusan haatan ku sugneyn Muqdisho, isaga oo xusay in uu joogo gobollada dhexe.

Sidoo kale wuxuu beeniyay in ninkaasi uu ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, sida horay loogu sheegay warar soo baxayay.

“Waxaan rabaa inaan ku xaqiijiyo ninkaas inuu hadda joogin magaaalada Muqdisho, uuna ka baxay dhowr maalmood kahor, waxaan arkaayay meelo ay ku qoran tahay garoonka ayuu ka baxay ninkaasi garoonka kama uusan bixin dhulkuu ku baxay, haddana gobollada dhexe meelo kamid ah ayuu joogaa” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Yabooh.

Guddoomiye ku xigeenku wuxuu sheegay in eedeysane Sayd Cali Macallin Daa’uud uu Xamar ka baxay maaln kadib markii uu dhibka gaystay, isla markaana mar dambe la ogaaday.

“Qofka haddii baaritaan lagu haayo ogaashihiisa waa kasii duwan tahay Sayd Cali Muqdisho ma joogo, dhowr maalmood kahor ayuusan joogin, sida ay xogta nagu soo gaareyso isla markiiba maalin kadib magaalada waa uu ka baxay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in laamaha amniga ay sameeyeen dadaal xoogan, welina uu socdo baaritaanka lagu hayo eedeysanaha, si loo soo qabto.

“24-kii saac ee ugu dambeysay ayaan dadaal ku bixineynay, haddana weli juhdiga waa socdaa, marka dhacdadaas waxaa waayay waa mid aan aad uga xunahay” ayuu yiri.

Booliska Soomaaliyeed ayaa dhankiisa sheegay in la rumeysan in ninkan uu u baxsaday gobollada dalka, kadib markii uu dhibaatada ka gaystay magaalada Muqdisho.

“Eedeysane Sayid-cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan in uu 26 Jan 2024 gubay xaaskiisii Marxuumad Luul Shiikh Cabdi Jaziira, isla markaana baxsaday. Baadi goobka eedeysanaha ayaa ka socda Caasimada iyo Gobolada dalka oo la rumeysanyahay inuu u baxsaday” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska booliska Soomaaliyeed.

Si kastaba, falkan argagaxa leh ayaa dhaliyay carro xoogan, waxaana weli cadaalad dalbanaya ehellada marxuumadda oo sheegay in aan la aasi doonin inta laga soo qabanayo ninka gubay, waxaa sidoo kale arrintaan si kulul uga hadlay baarlamaanka Soomaaliyeed.

Gacanyarihii hoggaamiyaha Al-Shabaab oo nolosha lagu qabtay – Waa kuma Daqare?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay mid ka mid ah xubnihii gacanyaraha u ahaa hoggaamiyaha Khawaarijta Al-Shabaab Axmed Diiriye, kaas oo xiligaan ku jira gacanta hey’adaha amniga Soomaaliya.

Ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa Muqdisho ku qabtay Horjoogahaas oo lagu magacaabo Muxiyadiin Cabdisalaan Maxamuud (Muxiyadiin Daqare).

Ninkaan ayaa ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, waxaana la sheegay inuu ka mid ahaa gacanyarayaasha Horjooge guud ee kooxda Axmed Diiriye (Abuu Cubeyda), sida ay shaacisay NISA.

Horjoogahaan oo si wayn loogu raadjoogay ayaa lagu qabtay gudaha magaalada Muqdisho oo si dhuumaalaysi ah uu ku soo galay.

Horjooge Muxudiin Daqare ayaa ka soo howlgalay gobollada Bay, Galgaduud, Mudug, Jubbada Dhexe iyo Shabeellada Hoose, intiisa badana wuxuu joogi jiray magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Ninkaan ayaa caan ku ahaa dhiibaateynta ehelkiisa, qaar kamid ah ganacsatada beeshiisa ayuu dabino u dhigay, una qalqaaliyey xabsiyada Al-Shabaab, kuwaas oo la sheegay in sanado badan ay xabsi ugu jireen kooxda.

Daqare ayaa la sheegay in 10 sano ka hor uu Khawaarijta kaga biiray magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug, wuxuuna ka mid ahaa xubnaha ugu khatarta badan ee sirdoonka Soomaaliya ay sida aadka ah u doon-doonayeen.

Ugu dambeyntii maanta ayuu soo galay gacanta dowladda, isagoo Muqdisho ku joogay si dhuumaaleysi ah, wuxuu ahaa nin aad u dhibay kuwii dad u xigay, waxaana lagu wadaa in baaritaan kadib cadaaladda lasoo taago.

Sawirro: Saraakiil iyo askar loo maxkamadeynayo hub iyo gaadiid ay furteen Shabaab

0

Wisil (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya qeybta Galmudug ayaa maanta xabsi u dirtay in ka badan 30 saraakiil iyo askar ah oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ragga maanta xabsiga loo taxaabay waxaa loo haystaa gadiid iyo hub ay Shabaab qaateen qaarna gubeen, maalinkii uu dhacay weerarkii magaalada Caad ee gobolka Mudug.

Masuuliyiinta maxkamadda ayaa gal-dacwadeedkaan xasaasiga ah ka furay mahaalada Wisil ee gobolka Mudug oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidamada ku jira howlgalka argagixisada looga xoreynayo koonfurta gobolka Mudug.

Sida ay sheegeen saraakiisha maxkamadda waxaa maalmaha soo socda la qaadi doonaa dacwadda askarta iyo saraakiisha xabsiga loo taxaabay maanta.

Kooxda Al-Shabaab ayaa bilowgii bishaan weerar culus ku qaaday magaalada Caad ee gobolka Mudug, waxayna furatay gaadiid badan, inkastoo markii dambe la sheegay in aysan kaxeysan oo la duqeeyey.

Askarta iyo saraakiisha loo heysto gaadiidka oo u badan guutada 18-aad ee Gorgor, waa ciidankii uu ka geeriyooday Taliye Suulnuug, waxaana furimaha dagaalka looga yaqiinay guutada ugu adag ciidanka xoogga dalka.

Ururka 10-aad ee guutadaas ayaa loo heystaa gaadiidka ugu badan ee dagaalkaas lagu gubay, waxaana ururkaas ka maqan 9 gaari, ragga lasoo xiray waa askartii iyo saraakiishii dowladda ugu qoraa gacan ku heynta gaadiidkaas.

Masuuliyiinta Maxkamadda ayaa maanta su’aalo weydiisay askarta iyo saraakiisha la xiray, waxaana laga wareystay sababta keentay dayacaadda gaadiidka, su’aalo weydiin kadib waxaa loo diray xabsi, waxaana dhawaan ku bilaabaneysa maxkamadeyn toos ah.

Dhawaan isla maxkamadaan waxaa la soo taagay 27 askari oo ka tirsanaa ciidanka Gorgor, kuwaas oo ka baxsaday furimaha dagaalka, isla markaana lagu qabtay Dhuusamareeb, waxaana lagu xukumay min 5 sano oo xabsi ah.

CC Shakuur oo caddeeyay in damac uga jiro xilka wasiirka arrimaha dibadda iyo in kale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ahna xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa ka hadlay arrimo ku aadan inuu damac uga jiro kursiga wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo illaa iyo hadda la magacaabin, kaas oo uu horay isaga casilay Abshir Huruuse oo la tartamay Saciid Deni.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa mar la waydiiyey inuu damac uga jiro xilka wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, wuxuu si cad u sheegay inuusan hadda rabin xilkaasi.

“Aniga hadda wasiir arrimo dibadeed ma rabo bugaagta ayaan iska akhrisanayaa” ayuu yiri Cabdiraxmaan mar la waydiiyay su’aashan.

Sidoo kale wuxuu aad ugu dhaliilay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha in dalka aanu xilligan lahayn wasiir arrimo dibadeed, ayada oo lagu jiro dagaal diblumaasiyadeed.

“In wasiir arrimo dibadeed aanu maanta lahayn dalkan waxay tilmaam ka tahay in dowadda aysan daacad ka ahayn dagaalka diblumaasiyadda ee ay ku jirto” ayuu ku daray.

Warsame ayaa kula taliyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu nasto, isla markaana uu magacaabo wasiirkii qaban lahaa shaqada arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

“Madaxweynaha waxa uu u baahan yahay inuu nasto shaqada wasiirka arrimaha dibadda inta la magacaabo uu qabto” ayuu mar kale yiri xildhibaanku.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in kuraasta ka maqan golaha wasiirada ay leeyihiin beelo Soomaaliyeed, loona baahan yahay in si deg deg ah loogu magacaabo xilalkaas.

“War Qabiiladii Mariixaan iyo Majeerteen hala magacaabo shalay waxaa la sameeyay kuwa joogo ayaa la’isku bed-bedalay maxaa la’isugu beddalayaa kuwo ayaaba maqanee” ayuu sii raaciyay.

Sawirro: LAFTA-GAREEN oo tuutaha xirtay kadibna tegay…

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa maanta xirtay dharka tuutaha ciidamada, isaga oo kadib tegay difaaca hore ee laga ilaaliyo magaalada Baydhaba ee gobolka Baay.

Lafta-gareen oo ay wehlinayeen saraakiisha ammaanka ee maamulkiisa ayaa kormeeray baraha kantroolada ee laga ilaaliyo amniga magaalada, si uu usoo qiimeeyo xaaladda guud.

Xubnaha wehlinayay waxaa kamid ah wasiirka amniga, taliyaha qeybta 60-aad ciidanka Xoogga dalka, Taliyaha Ciidanka booliska, qeybta gobolka Baay, taliyaha saldhiga degmada Baydhaba iyo taliyaha ciidanka Daraawishta Koonfur Galbeed.

Sidoo kale wuxuu ciidamada ku sugan furumaha hore kula dardaarmay inay xoojiyaan sugida amniga iyo ka hortaga weerarada ay soo qaadaan xubnaha Al-Shabaab.

Inta uu ku jiray booqashada wuxuu madaxweynuhu tegay difaaca hore ee ciidamada, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Waxaa kale oo uu Kormeeray saldhigga Booliska Baydhaba, halkaas oo uu kulan kula qaatay saraakiisha ciidanka, isaga oo ka dhagaystay warbixin ku saabsan amniga.

Tallaabada uu qaaday madaxweyne Lafta-gareen ayaa kusoo aaday, ayada oo todobaadkii hore ay Al-Shabaab weerar kusoo qaadeen goobaha uu maanta kormeeray, halkaas oo uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay xubnaha kooxda iyo ciidamada ammaanka ee Baydhaba.

Magaaladan oo xarun KMG u ah Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa go’doomin ku haya maleeshiyada Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Baay iyo Bakool.

Si kastaba, Koonfur Galbee ayaa la filayaa inuu dhowaan ka billowdo wajiga labaad ee dagaalka, kaas oo haatan qorshihiisa ay waddo dowladda federaalka Soomaaliya.

Sheekh SHARIIF oo farriin culus u diray saddex dhinac kadib dhacdadii Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ka ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa war kasoo saaray dhacdadii argagaxa lahayd ee dhowaan ka dhacday degmada Dharkenleyn, kadib markii nin la sheegay inuu maseeray uu ku gubay xaakiisa, taas oo shalay ku dhimatay isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Shariif ayaa tilmaamay in falkan uu noqday mid ka nixiyay guud ahaan dadka Soomaaliyeed, kana baxsan bani’aadanimada.

Allah ha u naxariisto Luul C/casiis Maxamad, geerideeda waxay ka nixisay dhammaan shacabka Soomaaliyeed, waa wax laga naxo oo ka baxsan bani’aadannimada in ninkeedii uu gubay Luul oo u shaqayn jirtay 6 carruur ah oo agoon ah iyadoo xaamila ah” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in weliuu baxsad yahay eedeysanaha oo lagu magacaabo Sayd Cali Macallin Daa’uud, kaas oo ay raadinayaan laamaha amniga.

Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay dowladda, shacabka iyo bahda garsoorka in loo wada istaago sidii ay cadaaladda ku heli lahayd marxuumad Luul Sheekh Cabdicasiis.

“Waxaa ayaan darro ah inaan wali la soo qaban eedeysanaha, sidaas darteed Hay’adaha amniga, shacabka Iyo garsoorka waxaa xil wayn ka saaran yahay in cadaaladda loo hiilliyo, gacantana lagu soo dhigo eedeysanahaas” ayuu mar kale Shariif ku yiri qoraalkiisa.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo Booliska Soomaaliyeed uu sheegay inuu baxsaday eedeysanaha, isla markaana uu socdo howlgal culus oo lagu baadi goobayo ninkaasi.

Sidoo kale waxaa farriin loo diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed oo looga codsaday inay soo sheegaan ciddii aragta eedeysanaha,

“Qofkii helaa xogtiisa, waxaa ka codsaneynaa inuu la wadaago barta Ciidanka Amaanka ee ugu dhow, lambarka gaaban ee 991 ama baraha bulshada” ayaa mar kale lagu yiri.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Howgalo lagu baadi goobaya ayaa socda waxaan rajeynaynaa in dhawaan gacanta lagu soo dhigo si’uu cadaalad u maro”

Daawo: Xildhibaanki shaqada geeyay ninka xaaskiisa ku gubay Muqdisho oo hadlay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadlay kiiska ninka gubay xaaskiisa ee haddana baxsaday, kaas oo ay baadi goobayaan ciidamada, si loo horgeeyo cadaaladda.

Xildhibaanka ayaa soo hadlay, kadib markii eedeyn culus oo loo jeediyay, taas oo ah inuu isaga garoonka ka shaqaaleysiiyay eedeysane Sayd Cali Macallin Daa’uud.

Siyaasiga caanka ah Cali Yare Cali oo ka hadlayay arrintaan ayaa yiri “Eedesanaha mijrimka ah waa inuu dhalay macalin Daa’uud oo ahaa macalin dugsi. Beeshiisu waa Bah-Abgaal, Saleebaan/Habargidir. Wuxuu ka shaqeeynayay garoonka Aden Abdulle gaar ahaan maqaayad garoonka ku dhextaalla oo uu leeyahay xildhibaan Xildhibaan Saabir Shuuriye”

Sidoo kale wuxuu raaciyay “Haddii cadaalad la doonayo waa in laamaha amnigu ay u yeeraan xildhibaanka, laguna qasbo inuu keeno eedeeysanaha mujrimka ah ee uu damaannadiisa ku qornaa”.

Intaas kadib xildhibaan Saabir oo wareysi siiyay Shabelle Tv ayaa ka jawaabay eeddan, wuxuuna sheegay inuu eedeysanaha uu kamid ahaa dad uu damiintay, maadaama uu xildhibaan u yahay, balse waxa uu ku dooday in damaanaddu aysan ahayn shaqsiyadiisa, maadaama dhibka uu ka dhacay gurigiisa oo uusan ka gaysan shaqadii uu geeyay.

“Say Cali wuxuu kamid yahay dadka damiinta la’iisoo weydiiyay macnaheeduna ma’ahan inaad shaqsiyan damaanad uga noqoto, damaanadda waxaan u maleynayaa dadka khalad ayay ka fahmeen marka laga soo tago falka uu gaystay in uusan ka gaysan goobta shaqada oo fal gurigiisa iyo wax la xariira uu ka dhacay uu yahay, xildhibaana uu damaanad ka noqon korin” ayuu yiri Xildhibaan Saabir Shuuriye.

Xildhibaanka ayaa xusay in howshan iyo wax ka qabashadeeda ay u taallo hay’adaha amniga dowladda, isaga oo ballan qaaday inuu la shaqeyn doono.

“Shaqadaan waa shaqada amniga, aniguna waan kala shaqeeyay meel fiican ayayna mareysaa insha allah inta dhimana waa soo dhameystirmeysaa” ayuu mar kale yiri.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Ninkan wuxuu ka dhashay ehel culima ah iyagaana dadka ugu horreeyo sida loo soo qaban lahaa, si ay isaga bari yeelaan dambigaasi fowsha xun oo wiilkoodu u gaystay xaaskiisa, loona marsiiyo waxa uu mudan yahay”.

Ugu dambeyn wuxuu farriin iyo taciba u diray ehellada marxuumad Luul Cabdicasiis, isaga oo u ballan qaaday inay heli doonaan cadaalad, lana soo qaban doono eedeysanaha.

“Ninka sameeyay in magaalada ku baxsado oo la hoosaaseeyo ma aqbaleyno, iyagana intaas oo kale ayaan u ballan qaadayaa, una sheegayaa waa wax yar waxa dhiman idamka ilaahey waa lasoo qaban doonaa cadaaladdana waa la horgeyn doonaa” ayuu yiri Saabir.