25.4 C
Mogadishu
Tuesday, June 23, 2026

Abiy Ahmed oo hortagaya baarlamanka Itoobiya iyo heshiiska badda Somalia oo…

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu todobaadka soo socda hor imaan doono baarlamaanka dalkaas, isla markaana uu jawaabo iyo sharaxaad ka bixin doono su’aalaha ay waydiiyaan xubnaha baarlamaanku.

Waxay sheegeen in sida uu qabo hab-raaca golaha shacabku, dadweynaha laga codsaday in ay su’aallohooda u gudbiyaan Ra’iisul Wasaaraha sabtidii todobaadkii hore.

Ilo xog ogaal ah oo ka gaabsaday in magacooda la shaaciyo ayaa intaasi ku daray in galinkii dambe ee isniinta ay ku ekeyd in su’aalaha la soo gudbiyo.

Xubin ka tirsan golaha ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha looga digay “in aysan meelna tagin, sababtoo ah waxaa jira shirar isdaba joog ah”.

Sida uu qabo xeer-hoosaadka iyo hab-dhaqanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Itoobiya, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sanadkii 3 jeer hor yimaada Golaha, wuxuuna jawaabo iyo sharraxaad ka bixiyaa su’aalaha la xiriira arrimaha guud.

Sidoo kale, waxa uu xeerku dhigayaa in Ra’iisul Wasaaruhu uu Golaha u soo gudbiyo warbixin la xiriirta howlaha guud ee shaqo ee dowladda sanadkiiba labo jeer sida ku cad barnaamijka uu u qoondeeyay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa noqon doona kii ugu horeeyay ee horyimaada inta lagu guda jiro khudbad sanadeedka furitaanka Goleyaasha wakiilada iyo Federaalka.

Waxaa xusid mudan in Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu ka soo muuqday Baarlamaanka si uu u muujiyo mowqifka dowladda, iyadoo laga doodayay khudbaddii Madaxweyne Sahlework Zewde ee caleema saarka billowgii bishii November ee la soo dhaafay.

Ilo xog-ogaal ah ayaa BBC-da u sheegay in marka ra’iisul wasaaruhu uu ka soo muuqdo golaha baarlamaanka toddobaadka soo socda, laga yaabo in su’aalo laga weydiiyo arrimo siyaasadeed iyo dhaqaale oo waaweyn oo soo kordhay tan iyo markii uu sharraxaad ka bixiyay bishii November.

Waxa ka mid ah waxyaabaha la waydiin doono heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay dawladda Itoobiya la saxeexatay jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland bil ka hor.

Heshiiskan is-af-garadka ah ee muranka ka dhaliyay gobolka, ayaa u ogolaanaya Itoobiya in ay ka kirayso dhul xeebeed 20 KM ah oo ay ka dhisanayso Saldhig Milatari iyo Deked, waxaana xilligaas la sheegay in ay Somaliland aqoonsi ka heli doonto Itoobiya.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa markii ugu horreysay si cad ugu dhawaaqay arrinta ku saabsan rabitaanka Itoobiya ee ku aaddan marinka badda ee bilo ka hor, hadal uu jeediyay xubno ka tirsan aqalka sare. Waxaa la xusuustaa in khudbadii uu cinwaan uga dhigay “Dadka Biyaha ilaa Biyaha Badda”, wuxuu ku sheegay in Irid badeed oo Itoobiya loo helo ay tahay “arrin badbaado leh”.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu yiri “Ma jirto wax damac ah oo aan cidna ku duuleyno”, ka dibna wuxuu yiri, “Laakin waxaan rabnaa waddo aan leexleexad lahayn oo dhanka sharciga ganacsiga ah”.

Arinta kale ee la filayo in loo bandhigo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ah xaalada amni ee gobolada Axmaarada iyo Oromada. Sidoo kale, waxaa la filayaa in wada-hadalladii fashilmay ee u dhexeeyay dawladda iyo kooxda hubaysan ee OLA oo ku magac dheer ‘Shene’ ay dib uga bilaabmi doonaan golaha.

Dalku in uu dayn qaato waa mid ka mid ah arrimaha dhaqaalaha ee golaha wakiiladu soo bandhigaan. Sidoo kale, waxaa la filayaa in qiimaha maciishada ay mudanayaasha baarlamaanka ka keenaan qaab su’aal ah.

WAR-MURTIYEED laga soo saaray shir ay yeesheen DF iyo dowlad-goboleedyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ayaa xalay yeeshay shir gaar ah oo ku qabsoomay khadka taleefoonka, kaas oo looga hadlayay arrimaha maaliyadda ee guud ahaan dalka.

Shirkan ayaa waxaa soo qaban-qaabisay wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, waxaana ka qayb-galay wasiir Biixi Cige iyo wasiirada maaliyadda maamullada dalka.

Inta uu socday shirka ayaa  ayaa looga wada-hadlay arrimo badan oo ku saabsan horumarinta Maaliyadda Dalka maadaama Dowladda Federaalka Soomaaliya laga cafiyay deymihii lagu lahaa, kuwaa oo cuuryaamiyay dhaqaalaha Soomaaliya.

Haddaba maadaama dowladda Soomaaliya ay gashay waji cusub oo horumarin dhaqaale ah iyo sanad cusub oo la hiigsanayo meel sare, wuxuu Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Iimaan Cise uu shir muhiim la qaatay Wasiirada Maaliyadda heer Dowlad-goboleed” ayaa lagu yiri war-murtiyeed laga soo saaray shirka.

Ujeedka shirkan ayaa ahaa mid uu wasiirka maaliyadda ee dowladda dhexe kula tashanayay wasiiradda maaliyadda ee maamul goboleedyada, si fikirkooda ugu darsadaan waddada cusub ee loo qaadayo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Wasiirku wuxuu kala tashanayay fikirka ay ka qabaan waddada cusub ee horumarinta maaliyadda dalka” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Qodobada kale ee laga wada-hadlay waxaa kamid ahaa hannaanka dib u habeynta maaliyadda dalka, mashaariicda horumarineed ee saaxibada caalamiga ah ay ku taageeraan guud ahaan Soomaaliya iyo hadafka koowaad ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah

Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay dadaal ku bixineysay horumarinta dhaqaalaha, maadaama dhowaan uun laga cafiyay dhammaan daymihii lagu lahaa dalkeenna

 

BOOLISKA oo abaal-marin u ballan-qaaday ciddii soo sheegta ninkii gubay xaaskiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa markii ugu horreysay war kasoo saaray dhacdadii argagaxa lahayd ee 26-kii bishii hore ka dhacday degmada Dharkenley, taas oo uu seygeedii ku gubay marxuumad Luul Sheekh Cabdicasiis oo shalay ku geeriyootay isbitaalka Digfer ee magaalada Muqdisho.

Booliska ayaa sheegaya inay eedeysanaha oo baxsaday, laguna magacaabo Sayd Cali Macallin Daa’uud ay ka raadinayaan Muqdisho iyo gobollada dalka.

“Eedeysane Sayid-cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan in uu 26 Jan 2024 gubay xaaskiisii Marxuumad Luul Shiikh Cabdi Jaziira, isla markaana baxsaday. Baadi goobka eedeysanaha ayaa ka socda Caasimada iyo Gobolada dalka oo la rumeysanyahay inuu u baxsaday” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa farriin loo diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed oo looga codsaday inay soo sheegaan ciddii aragta eedeysanaha/

“Qofkii helaa xogtiisa, waxaa ka codsaneynaa inuu la wadaago barta Ciidanka Amaanka ee ugu dhow, lambarka gaaban ee 991 ama baraha bulshada” ayaa mar kale lagu yiri.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Howgalo lagu baadi goobaya ayaa socda waxaan rajeynaynaa in dhawaan gacanta lagu soo dhigo si’uu cadaalad u maro”.

Booliska ayaa sidoo kale abaal-marin u ballan qaaday qof kastaa oo keenya xogta eedeysanaha ka dhuumanaya cadaaladda ee gubay xaaskiisa oo uur u lahayd.

“Waxaan ummadda Soomaaliyeed ka codsaneynaa in ciddii aragtaa ay la wadaagto laamaha amniga ee ugu dhow. Qofkii xog ku saabsan nala wadaagta waxaan siin doonaa abaal-marin” ayaa lagu yiri fariinta kasoo baxday taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

BF oo soo fara-geliyay kiiska gabadhii la gubay + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dhacdadiid argagaxa laheyd ee lagu gubay marxuumad Luul Cabdicasiis oo seygeeda uu si arxan darro ah ugu dilay Muqdisho.

Xildhibaannada ayaa dalbaday in si deg deg loo soo qabto eedeysanaha oo lagu magacaabop Sayd Cali Macallin Daa’uud, kaas oo baxsad ka ah laamaha amniga.

Cabdiqaadir Sheekh Cali (Baraka) oo kamid ah xubnaha ka hadlay falkan ayaa sheegay in Booliska looga fadhiyo soo qabashada eedeysanaha, si cadaalad loo horkeeno.

“Waxaa la rabaa haddii ay dhacdo dhacdo Booliska Soomaaliyeed waa in ay si deg deg ah uga hortegaan oo ay soo qabteen ninka gaysta fal dambiyeedka, waxaa nagu maqaalo ah ilaa hada inaan lasoo qaban qofka dambiga gaystay”ayuu yiri xildhibaan Cabdulqaadir Baraka.

Sidoo kale wuxuu intaasu kusii daray “In la sameeyo ka horteg ayaan rabnaa iyo wacyigelin in bulshada loo sameeyo”.

Xildhibaan Nasro Sheekh Mahdi oo kamid ah Golaha Shacabka ayaa sheegtay in gabdhaha Soomaaliyeed loo soo dhigtay, isla markaana uu sii kordhay tacaddiyada loo gaysanayo, ayada oo soo hadal qaaday dhacdii labaad ee Qoryooley oo nin kale xaaskiisa uu ku dilay.

“Waxaan rabnaa hay’adaha ku shaqada leh ee amniga inay sida ugu dhaqsiyaha badan kusoo qabtaan ninka dambiilaha ah ee gubay gabadha Soomaaliyeed, waxaan leeyahay gabdhihii waa lasoo dhigtay waa in cadaalad ay helaan gabdhaha”. ayay tiri Nasro.

Dhankiisa Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Nadiif ayaa isna dowladda ugu baaqay inay kafaalo qaado nolosha carruurta agoonta ah ee ay ka geeriyootay Luul Cabdicasiis.

“Xuquuqda iyo xanaanaynta caruurtii ay ka tagtay Gabdhii uu ninkeeda dilay, Dowladduna waa in ay la wareegtaa cadaaladana ay horkeentaa Dambiilaha dilay” ayuu yiri Nadiif.

 

 


Nin xaaskiisa ku gowracay Qoryooley, kadibna jarjaray

0

Qoryooley (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay dhacdo xanuun badan, isla markaana argagax leh ay ka dhacday degmada Qoryooley ee gobolkaasi, kadib markii nin watay mindi uu gowracay xaaskiisa.

Falkan ayaa si gaar ah xalay maqribkii uga dhacay xaafadda Wadajir ee degmadaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Ninka ayaa la sheegay inuu si arxan darro ah u dilay xaaskiisa, isaga oo gowracay kadibna jarjaray, sida ay muujiyaan sawirro laga soo qaaday marxuumadda oo lagu baahiyay baraha bulshada.

Sidoo kale waxaa dhacdadan ka warbixiyay saraakiisha ammaanka ee degmada, kuwaas oo sheegay in gacanta lagu soo dhigay eedeysanaha oo isku dayay inuu goobta ka baxsado.

“Mindi ayuu ku dhuftay saddex meelood camal way dhimatay gabadha isbitaal ayaa loola cararay, balse dhex ayay ku geeriyootay” ayuu yiri taliye ku xigeenka Qoryooley.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in haatan ay wadaan baaris dheeri ah oo ku aadan sida ay wax u dhaceen, maadaama lasoo xiray eedeysanaha.

“Eedeysanaha waa haynaa waxaan wadnaa baaritaanka, marka berri ayaan jawaabta rasmiga ah ka bixin doonaa dhacdada” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waa dhacdadii labaad oo ku aadan arrimo qoys, ayada oo shalay Muqdisho ay ku geeriyootay Luul Cabdicasiis oo uu todobaadkii hore dab qabad-siiyay seygeeda oo la sheegay inuu maseeray, waxayna dhacdadaas ka dhacday degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, taas oo illaa hadda taagan, maadaama la raadinayo eedeysanaha oo baxsad ah.

Al-Shabaabkii ugu badnaa oo lagu laayay DAGAAL ka dhacay degaanka Shabeelow

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaanka Shabeelow ee koonfurta Mudug, kaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka iyo kooxda Al-Shabaab oo dhinac ah.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay dagaalayamayaasha Al-Shabaab weerar ku qaadeen deegaankaasi, waxaana kadib iska hor imaad kala hortegay ciidamada huwanta ah.

Wararka ayaa sheegaya in dagaal lagu hoobtay uu ka dhacay halkaasi, kaas oo khasaaraha ugu badan lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab.

Saraakiisha dagaalka hoggaamineysay ayaa sheegay inay hayeen xogta weerarka, ayna iska difaaceen Al-Shabaabka soo weeraray deegaanka Shabeelow ee gobolka Mudug.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay dileen 21 ka mid ahaa raggii weerarka soo qaaday, ayna gubeen 4 gaari oo nooca dagaalka ah, sida ay hadalka u dhigeen.

Ma shaacin saraakiishu khasaare soo gaaray dhanka ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee dagaalka adag maanta la galay Al-Shabaab.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo weli kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobaha lagu dagaalamay ku sugan ciidamada huwanta oo dhaq-dhaqaaqyo culus ka wada halkaasi.

Mareykanka oo weeraro aargoosi ah ka fuliyay laba dal

0

Washington (Caasimada Online) – Millatariga Mareykanka ayaa duqeymo dhanka cirka ah ku beegsaday in ka badan 85 bartil maameed oo ku kala yaalla gudaha Suuriya iyo Ciraaq.

Bartilmaameedadan ayaa u badnaa saldhigyo ay leeyihiin Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran iyo malleeshiyaadka ay taageerto dowladda Iran.

Weeraradan uu qaaday Maraykanku ayuu uga aargudanayay duqeyn loo adeegsaday diyaaradaha dhulka laga hago oo Axaddii lasoo dhaafay lagu weeraray saldhig qarsoodi ah oo uu ku leeyahay dalka Urdun, gaar ahaan meel u dhaw xadka Suuriya.

Weerarkaasi ayaa lagu dilay 3 askari oo Mareykan ah halka lagu dhaawacay in ka badan 40 kale.

Duqaymahan cusul ee Maraykanku qaaday ayay la beegsadeen, talisyo ciidan, xarumo ay ku shaqeeyaan mukhaabaraadku, keydka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, xarumaha rasaasta, qeybaha gantaallada iyo xarumo kale oo ay adeegsanayeen malleeshiyaadka hubeysan ee taageerada ka hela dowladda Iran iyo ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo duqeynta ka hadlay ayaa bayaan uu soo saaray ku caddeeyay in ay jiri doonaan duqeymo kale oo cirka ah oo ay fulin doonaan.

Saraakiisha ciidamada Mareykanka ma aysan sheegin ilaa iyo hadda in weerarkaasi ay dad ku dileen iyo in kale.

Positive prospects of Somalia’s shift from parliamentary to presidential system

0

The dynamics of governance play a pivotal role in a nation’s development and stability. In Somalia, shifting from a parliamentary to a presidential system holds the promise of bolstering executive power, reducing political fragmentation, and facilitating effective decision-making. By embracing democratic principles and strengthening the presidential office, Somalia can overcome its challenges and pave the way for a brighter future. Moving from a parliamentary to a presidential system in Somalia presents an opportunity to foster democratic practices. Somalia can navigate a path towards a more prosperous and stable future, unlocking the nation’s true potential as a democratic nation. Notably, under the exceptional leadership of President Dr. Hassan Sheikh, Somalia has already achieved significant milestones such as becoming a member of EAC, the lifting of the arms embargo, and the relief of 5.2 billion in debt to 600 million. Hence, time is ripe for Somalia to embrace a presidential system in Somalia that could usher in positive change by consolidating executive power, reducing political fragmentation, and improving decision-making efficiency. By prioritizing the interests of the entire nation and empowering a unified leader, Somalia can establish a strong foundation for stability, development, and prosperity. The transition from a parliamentary to a presidential system signifies an essential step towards embracing democratic governance and securing a brighter future for the Somali people.

Introduction

The concept of democracy is widely acknowledged as the most effective form of governance, providing citizens with freedoms, opportunities, and representation. Somalia, a country plagued by years of insurgency and political instability, desperately needs a robust governmental system that can unite its people and lead the nation towards prosperity. Somalia has long faced numerous challenges in establishing a stable and effective governance system. Amidst these hurdles, there has been ongoing discussion regarding the transition from a parliamentary to a presidential system. Unfortunately, unwarranted concerns have emerged, with fears of potential dictatorship overshadowing the positive prospects of such a shift. This paper aims to dispel these notions, highlighting the compatibility of a presidential system with democratic principles and emphasizing the importance of upholding democratic values in Somali governance. This paper will delve into the benefits of a presidential system, focusing on its potential to enhance stability, promote accountable leadership, and ensure inclusivity. Additionally, it will underline the significance of safeguarding democratic principles throughout the transition, with the ultimate goal of transforming Somalia into a shining model of democratic governance.

Enhancing Stability

Transitioning to a presidential system can significantly contribute to stability in Somali governance. By facilitating direct presidential elections, this system would minimize political gridlock and prolonged disputes often seen in parliamentary systems. The frequent formation of coalitions in a parliamentary system can breed instability, while a president with a fixed term can provide consistent leadership and expedite decision-making processes. Stability serves as a crucial foundation for resolving internal conflicts, attracting investments, and fostering economic and social progress. The stable presidential system in Botswana have led to political stability and economic growth, making it one of the more prosperous nations in Africa. Botswana has a multi-party democracy, and political power is transferred peacefully through regular elections. The country has held regular elections since independence, and power has changed hands between political parties.

Reducing Political Fragmentation and Fostering Unity

The presidential system would likely reduce political fragmentation and foster unity within Somalia. The current parliamentary system has given rise to multiple political parties and coalitions, leading to constant negotiations and compromises that often hinder progress. A president elected through a direct mandate from the people would provide a unifying figure who transcends political affiliations and focuses on the nation’s interests as a whole. For example, countries like France have a strong presidential system that enables leaders to guide with a national vision, unburdened by partisan considerations. By prioritizing national unity over political factions, Somalia can strive towards a common purpose, liberating itself from the obstacles of political fragmentation. 

Fostering Accountable Leadership

The presidential system offers a clear chain of accountability, essential for combating corruption and ensuring transparent governance. Through direct elections, the president becomes directly answerable to the people, thereby cultivating a strong sense of responsibility towards citizens’ welfare. Concentrating executive power in one individual facilitates greater accountability for their actions, promoting a culture of transparency. This, in turn, fuels a stronger drive to meet the aspirations and demands of the electorate. For example, the presidential system in the USA has fostered accountable leadership. The separation of different branches of government in the USA has ensured accountability by preventing the abuse of power by any one branch.

Enhance efficiency in decision-making

The presidential system would enhance decision-making efficiency in Somalia. The current parliamentary system often leads to prolonged negotiations, making it difficult to reach consensus on critical issues. In contrast, a presidential system allows for a streamlined decision-making process, which is vital for a nation recovering from years of conflict and striving for rapid progress. Consider the case of Mexico, where a presidential system has facilitated swift responses to crises and the timely implementation of reforms. By empowering a president with decisive decision-making authority, Somalia can overcome bureaucratic hurdles, ensuring that policies are enacted swiftly and effectively.

Enhancing Separation of Powers

In a presidential system, there is generally a distinct division of authority among the executive, legislative, and judicial branches, aiming to avert the centralization of power within any single institution. Somalia would hugely benefit from the concentration of power in one institution since the current form of governance has prompted issues between the presidents and the prime ministers. Separating the powers of different components of the government would ensure each part keeps check on the other. For example, Brazil has a presidential system with a clear separation of powers, helping to maintain checks and balances in the political system. 

Ensure Clarity in Governance

The presidential system in Somalia would provide a clear chain of command, reducing the likelihood of political gridlock and ensuring that decisions are made in a timely manner. For instance, Nigeria adopted a presidential system to provide clarity and stability in governance, especially in a diverse and complex political landscape. Further, implementing a presidential system in Somalia would consolidate executive power in one office. Currently, power is dispersed among various factions within the parliament, resulting in fragmented decision-making that hampers progress. Concentrating power in the hands of a president would enable swift and decisive action, ensuring the implementation of policies that address critical challenges in Somalia. For instance, the United States has successfully utilized its presidential system, as it offers clear lines of authority and accountability. The influential role of a president allows for the execution of long-term strategic plans. By centralizing executive power, Somalia can effectively tackle security concerns, promote economic growth, and attract foreign investment, ultimately fostering stability and development.

Conclusion

In conclusion, transitioning from a parliamentary system to a presidential system does not signify a move toward dictatorship, particularly within the context of Somalia’s governance. The advantages presented by a presidential system, including enhanced stability, accountable leadership, and inclusive representation, are vital for advancing societal progress and ensuring a harmonious political environment. Nonetheless, it is imperative to remain vigilant in safeguarding democratic principles throughout the transition, placing high priority on the rule of law, human rights, and institutional checks and balances. By embracing these democratic values, Somalia can navigate a path toward a more prosperous and stable future, unlocking the nation’s true potential as a democratic nation. Notably, under the exceptional leadership of President Dr. Hassan Sheikh, Somalia has already achieved significant milestones such as becoming a member of EAC, the lifting of the arms embargo, and the relief of $5.2 billion in debt. Hence, the time is ripe for Somalia to embrace a presidential system that could usher in positive change by merging executive power, reducing political fragmentation, and improving decision-making efficiency. By prioritizing the interests of the entire nation and empowering a unified leader, Somalia can establish a strong foundation for stability, development, and prosperity. The transition from a parliamentary to a presidential system signifies an essential step towards embracing democratic governance and securing a brighter future for the Somali people.

Abdullahi M Hassan (Abdullahi Yabarow)
abdullahiyabarow.blogspot.com
@siigaale1

Daawo: Sh. Xuseen Jabuuti oo ka digay 3 arrin oo khatar ku ah jiritaanka Soomaalida

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Xuseen Cali Jabuuti oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee waaweyn oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Muqdisho, kana yimid dalka dibadiisa ayaa maanta khudbad muhiim ah ka jeediyey Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.

Khudbadda Shiiqa waxaa dhageysanayey oo Masjidka Salaadii Jimcaha ku soo dukaday masuuliyiin badan oo ka tirsan hey’adaha dowladda, qaar badan oo ka mid ah shaqaalaha dowladda, saraakiil ciidan iyo dad kale oo isugu jiray culimo, aqoonyahano iyo ganacsato.

Sheekh Xuseen Jabuuti ayaa khudbadiisa uga hadlay seddax qodob oo muhiim ah oo dadka Soomaaliyeed hadii ay sameeyaan ay kaga fogaa karaan waxyaabo aan fiicneyn oo hadda dhexdooda ku soo badanaya, kuwaas oo kala ah:

1- In dadka Soomaaliyeed ay ka fogaadaan qabyaaladda oo ay qalbiga ku heystaan diinta Islaamka iyo wax kasta oo wanaag ah oo xiriirka Alle wanaajinaya.

2- In xoogga la saaro cadaaladda umadda oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed lagu maamulo cadaalad, taas oo Soomaaliya u fududey karta inay ka baxdo dhibaatada ku raagtay, si gaar ah masuuliyiinta dowladda ayuu Sheekh Xuseen ka codsaday inay cadaaladda ku dhaqmaan.

3- Amaanada umadda – Sheekh Xuseen Jabuuti ayaa madaxda dowladda iyo qof kasta oo masuul ah ugu baaqay inay amaanada umadda ilaaliyaan oo ka fogaado xatooyada iyo musuq maasuqa, maadaama ay xaaraam tahay in qofku lunsado xoolo uusan xaq u laheyn.

3-daan qodob ee Sheekh Xuseen Jabuuti uu maanta ka hadlay ayaa kamid ah aafooyinka heysta dadka Soomaaliyeed, maalmo ka hor Muqdisho waxaa lagu soo gabgabeeyey ciyaaraha kubada cagta ee dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, waxaana muuqatay in taageerayaashu ay qabyaaladeeyeen ciyaarta, taas oo muujineysa dhibaatada ay qabyaaladu ku heyso Soomaalida.

Sidoo kale musuqa iyo xatooyada xoolaha dadweynaha kaalinta koowaad ayey Soomaaliya ka gashay dunida kadib qiimeyn caalami ah oo soo baxday maalin ka hor, waxayna xatooyadu ka mid aheyd qodobadii uu Sheekh Xuseen dadka Soomaaliyeed uga digay maanta.

Hoos ka daawo

Al-Shabaab oo weerar dil iyo afduub ah ka geystay inta u dhaxeysa Xamar iyo Jowhar

0

Balcad (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar jid-gal oo kooxda Al-Shabaab ay maanta ka geysatay inta u dhaxeysa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabellada Dhexe.

Dagaalamayaal ka tirsan kooxda ayaa jidka u galay gaari Qaad sidat oo ka soo baxay Jowhar una socday Balcad, waxaana weerarkaas ka dhashay khasaare culus oo fan iyo maalba leh.

Ugu yaraan toddoba qof ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerarkaas dad kale oo tiradooda rasmiga ah aan weli la xaqiijina nolosha ayey ku wadatay kooxda Al-Shabaab.

Dad la hadlay Caasimada Online ayaa noo sheegay in gaariga jirka loo galay oo noociisu uu ahaa Caasi ama Home ay Al-Shabaab ku gubeen wadada dhexdeeda, iyagoo dadkii saaraa ka dhigay mid dhintay, mid dhaawac ah iyo kuwo ay nolosha ku wateen.

Kooxda ayaa dadkii ay afduubatay la aaday dhulka howdka ah, wuxuuna weerarkaasi ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Qalimow iyo Ceelka-geelow.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in gaariga oo xawaare sare ku socda ay kooxda Al-Shabaab oo jidka ku jirtay ay ku fureen rasaas sababtay in gaariga uu iskiis u istaago, kadib markii darawalkii gaariga uu ka mid noqday dadka ku geeriyooday rasaasta.

Ilaa hadda ma jirto cid shaacisay khasaaraha rasmiga ah ee weerarkaas ka dhashay, tirada dadka la beegsaday inta dhimatay iyo inta nolosha lagu watay toona.

Sidoo kale masuuliyiinta maamulka HirShabeelle weli kama aysan hadlin weerarkii ay maanta Shabaab ka geysteen, inta u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad.

Tan iyo markii ay sanad ka hor dowladda Soomaaliya dagaal culus ku qaaday kooxda Al-Shabaab, waxaa hagaagsanaa amniga wadada muhiimka ah ee xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar, waxaana aad u yaraaday cabsidii dadka iyo weeraradii dadka badan lagu leyn jiray ee kooxdu ka geysa jirtay wadadaas.

Hadda waxaa dib u soo laabtay beegsigii kooxda Al-Shabaab ay ka geysan jirtay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Jowhar, cabsi badan ayaana soo wajahday shacabka adeegsada wadada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

Daawo: CC SHAKUUR oo si cajiib ah uga jawaabay qoraalkii Fahad Yaasiin ee Jabuuti

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka jawaabay eedeyntii taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin uu u jeediyey dalka Jabuuti ayaa si qota dheer u qeexay muhiimadda jiritaanka qaran Soomaaliyeed uu u leeyahay Jabuuti.

Xildhibaan Cabdiraxmaan ayaa sheegay inuu aqriyey qoraalkii uu Fahad Yaasiin ku sheegay in Jabuuti aysan jecleyn soo kabashada iyo dhismaha qaran Soomaaliyeed, iyadoo aan taas ka dhex arkeyn danaheeda mustaqbalka, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu horeyn Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa hadalkii Fahad ku qeexay ‘garaad yari’ wuxuu sheegay in markii xil sidaas u weyn (Taliyaha Sirdoonka) loo dhiibo nin dhalinyaro ah oo aan ilbax aheyn ay dhici karaan waxaan oo kale.

Sidoo kale Cabdiraxmaan wuxuu sheegay in hadalka Fahad uu dhaawac weyn ku yahay qaranimada Soomaaliya, isagoo ku sababeeyey in isagoo gaaray darajada Taliyihii Sirdoonka Qaranka uu cadiifadiisa gaarka ah uga been sheegay Jabuuti oo ah walaalka koowaad ee Soomaaliya.

“Madaxda Soomaalida kuwa xilalka haaya iyo kuwa xilalka ka tegay waxaan xusuusinaa inay fahmaan muhiimadda uu xilku leeyahay, xil dowladeed oo sida Taliyaha Sirdoonka xasaasi ah markaa qabato oo hadhow sidaa doonto u hadasho, waa khatar, cid qarankaaga aamineysana ma jirto, sababtoo ah berri ayaad iska hadleysaa,” ayuu yiri.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Jabuuti ay Soomaaliya u aragto qeyb ka mid ah gobanimadeeda, isla markaana danaha ay ka heli karto Soomaaliya oo burbursan ay ka badan yihiin danaha ama faa’iidada ay ka heli laheyd Soomaaliya oo dowlad xoog badan ah.

“Jabuuti waa dowlad dano gaar ah ayey leedahay, waana ku qasbantahay inay danaheeda ka shaqeyso, waa wadan yar oo meel muhiim ah dunida uga yaalla, waxaana ku dhow wadan weyn ee Itoobiya oo malaayiin qof oo sabool ah ay ku noolyihiin, marka Jabuuti waxay Soomaaliya u aragtaa qeyb ka mid ah gobanimadeeda oo ka maqan,” ayuu yiri CC Shakuur.

Isagoo hadalkiisa sii watay wuxuu yiri “Jabuuti danaha ka soo geli kara Soomaaliya oo burbursan waxaa ka muhiimsan danaha ay ka heli karto Soomaaliya oo qaran jira ah, Boqorkii Itoobiya ayaa hadda ka hor Faransiiska ka dalbaday in Jabuuti lagu soo daro dalkiisa, bal eeg khatarta intaas la eg.”

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in amniga dadka iyo dalka Jabuuti uu muhiim u yahay jiritaanka qaranka Soomaaliyeed, “Gablan iyo gobanimadooda oo kala dhiman ayuu maqnaashaha Soomaaliya ku yahay Jabuuti,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan.

Hoos ka daawo

Maxaa ka jira in Al-Shabaab ay 200 oo askari ku dileen dagaalkii ka dhacay Caad?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa war kasoo saaray sheegashada Al-Shabaab ee dagaalkii toddobaadkii hore ka dhacay deegaanka Caad ee gobolka Mudug.

Wasiirka Amniga Galmudug Maxamed Gaboobe ayaa beeniyay in kooxda Al-Shabaab ay 200 askari ku dileen dagaalkii Caad, isagoo sheegay in kooxda ay adeegsatay sawirro been abuur ah.

Sawiradda uu beeniyay wasiirka amniga Galmudug ayay kooxda Al-Shabaab ku lifaaqday bayaan ay guul uga sheegatay wixii ka dhacay Caad.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in ciidamada dowladda uu dagaalkaasi kasoo gaaray khasaare kooban oo u badnaa dhaawacyo, balse jabka u xooggan lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa guul weyn ka sheegatay dagaalkii toddobaadkii hore ka dhacay deegaanka Caad ee gobolka Mudug, ayada oo tirada askarta ay dishay ku sheegtay illaa 200.

Sidoo kale, Wasiirka Amniga Galmudug ayaa waxa uu sheegay in dardar xooggan uu ku socda dagaalka Al-Shabaab, uuna caalamka xoojiyey weerarada dhanka cirka ah ee lala bartilmaameedsanayo xarumaha kooxda ee ku yaalla Mudug iyo Galgaduud.

“Waxaa la bur buriyay keydadka hubka Al-Shabaab, waxaana duullaan dhulka ah ay ciidamada ku geli doonaan deegaanada ay hadda ku sugan yihiin Al-Shabaab,” ayuu yiri Wasiir Gaboobe oo sheegay inay ku daba jiraan Shabaab-ka firxadka ah, ayna ciidamada isku diyaarinayaan sidii ay usoo afjari lahaayeen.

Qoyska Luul Cabdicasiis oo wacad ku maray hal arrin, dalab culusna u diray dowladda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoyska Luul Cabdicasiis, haweeneydii saaka u geeriyootay dhaawacii kasoo gaaray baasiinkii uu ku gubay ninkeeda ayaa goordhoweyd warbaahinta la hadlay, ayaga oo dalab culus u diray dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxay ka dalbadeen madaxda sare ee dowladda federaalka in loo soo gacan geliyo eedeysanaha gabadhooda u gubay sida ula kaca ah, iyaga oo wacad ku maray in aan la aasi doonin meydka gabadhooda illaa laga keenayo gacan ku dhiig laha oo lagu magacaabo Sayid Cali Cabdi Xaaji Daa’uud.

Qoyska oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegeen inay dowladda uga fadhiyaan in ay gacanta kusoo dhigto gacan ku dhiiglaha gabadhooda nolosha ku gubay, si cadaaladda loo marsiiyo.

“Waxaan leenahay gabadhaas Allaha u naxariisto, waxaan idinka sugeynaa (dowladda) in aad gacanta kusoo dhigtaan dambiilihii galay dambigaas ee gabadha sida ula kaca ah u gubay, isaga oo lasoo xirin gabadhaan la duugi maayo.”

Aabbaha gabadha dhalay ayaa sidoo kale waxa uu madaxweyne Xasan Sheekh iyo guddoomiye Yuusuf Madaale ka dalbaday in si deg deg ah uga howl-galaan cadaalad u helista gabadhiisa, islamarkaana gacanta loogu soo dhigo gacan ku dhiig laha gabadhiisa dilay loona marsiiyo sharciga.

Allaha u naxariistee Luul Cabdicasiis ayaa maanta ku geeriyootay magaalada Muqdisho. Luul ayaa ka mid ahayd shaqaalaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaana maalmihii lasoo dhaafay xaaladeeda caafimaad lagula tacaalayay Isbitaalka Digfeer, ayada oo ugu dambeyn maanta u geeriyootay dhaawicii darnaa ee kasoo gaaray falkaasi.

Marxuumadda ayaa waxay lahayd uur lix bilood ah markii falkaan loo geysanayay. Ayada oo sidoo kale aheyd hooyo kaligeed ku ahayd korinta lix carruur ah oo agoon ah oo nin kale u dhashay.

Seygeeda oo lagu magacaabo Sayid Cali ayaa la sheegay inuu baasiinka ku gubay xilli ay ku sugnayd gurigeeda. Illaa haddana lama oga sababta ka dambeysa, inkasta oo wararka qaar ay sheegayaan inay salka ku hayso arrimo masayr.

Xiisadda Dastuurka: Xasan oo ogolaaday hal arrin iyo mid kale oo uu ku dhagan yahay

0

Muqdisho (Caasimada Online) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lasoo wariyay inuu ogol uga jawaabay go’aan ay gaareen koox siyaasiyiin ah oo maalmihii tegay ku wada sugna magaalada Garoowe, kuwaasi oo soo jeediyay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay aqbasho gogosha uu Garoowe dhigay Saciid Deni.

Shirkan ma ahan mid dib u heshiisiin ah oo dhinacyo is-haya loogu kala dab qaadi doono, ee waa ka doodida xaaladaha siyaasiga ah ee dalka yaalla iyo is-dhaafsiga fikrado wax ku ool ah oo kab u noqon kara marxalada ay ku jirto Soomaaliya, ayey leeyihiin dadka Villa Somalia ku dhow dhow.

Saciid Deni wuxuu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu aqbalay gogoshiisa. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u dhaqaaqay fulinta qaar kamid ah qodobadii uu ballan-qaaday intii uu ku jiray ololaha doorashada. Qaar ayuu durba dhameystiray, kuwana waxay u marayaan meel dhexe.

Howlaha bartamaha u maraya waxaa kamid ah dagaalka argagixisada iyo arrimaha dastuurka. Iyada oo siyaasiyiin badan iyo maamullada qaar ay madaxweyne Xasan ku hagradeen dagaalka uu kula jiro argagixisada oo taas ka dharagsan yihiin dad badan oo Soomaaliyeed, ayaa dhinaca kale siyaasiyiinta mucaaradka waxay qeylo dhaan midda argagixisada ka badan ka muujiyeen qorshaha uu Xasan Sheekh ku dhameystirayo dastuurka.

Dhawaan waxaa la meel-mariyay habraaca loo maraayo dhameystirka dastuurka, kaas oo ka gudbay labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya. Xubnaha mucaaradka ayaa kasoo horjeestay qaabka loo maray ansixinta habraaca.

Laakiin madaxweyne Xasan Sheekh markii uu Garoowe tegay kulan qado ah oo madaxdii hore iyo madaxda maamullada la yeeshay wuxuu ka sheegay in dastuurka xilli walba wax laga beddeli karo, laakiin ay muhiim tahay in muddo xileedka la dhameystiro.

Wuxuu kale oo madaxdaas ku yiri idinku sii wada-hadla, wixii aad go’aamisaana waa soo dhaweyn doona. Waxaana go’aamadii ay madaxdaasi gaareen kamid noqday in shirka Garoowe la wada aqbalo oo uu madaxweyne Xasan Sheekh iclaamiyo waqtiga la qabanayo shirka.

Madaxweynaha Soomaaliya inta uusan Garoowe aadin in habraacii dhameystirka dastuurka uu baarlamaanka mariyo waxay u muuqatay mid ujeedo leh. Waxaana la sheegayaa inuu fahamsana inay siyaasiyiinta dalban doonaan wada-hadalka uu hadda Deni ku dhawaaqay oo waxa ugu muhiimsan ee looga hadlayo ay tahay arrinta dastuurka.

Shirkaas ka hor waxaa la filayaa in madaxweyne Xasan Sheekh uu saxiixo go’aankii baarlamaanka, si loogu shaqo bilaabo. Kadibna waxa uu la kulmi doonaa siyaasiyiinta isaga oo kala doodaya qodobada, balse habka loo marayo dhameystirka madaxweynaha ma rabo inuu ka laabto oo waqti badan ayuu arrintaasi ku dhaganaa.

Inuu madaxweyne Xasan Sheekh aqbalay gogosha ay Puntland dhigtay sida uu Saciid Deni xaqiijiyay waxay ka dhigan tahay inuu Xasan Sheekh weli muujinayo bisayl siyaasadeed oo uu ogol yahay in wax badan lagala doodo, halka madaxdii ka horeysay la xasuusto inay diideen in qof siyaasi ah uu kala doodo tallaabooyinka ay qaadayaan inta lagu jiray muddo xileedkooda.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo habeen hore qoraal soo saaray ayaa soo dhaweeyay shirka uu iclaamiyay Saciid Deni.

Wuxuu Farmaajo ku baaqay in dhamaan siyaasiyiinta ay ka qeyb-galaan shirkaas, wallow uusan sheegin inuu isagu shaqsiyan ka qeyb-gali doono iyo in kale. Iyada oo la fahamsan yahay sida ay siyaasad ahaan weli u kala fog yihiin isaga iyo Saciid Cabdullaahi Deni.

Gabadhii xaamilada aheyd ee ninkeeda uu ku gubay Muqdisho oo geeriyootay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyootay Luul Cabdicasiis oo uu dhawaan seygeeda qabad siiyay baasiin.

Luul ayaa ka mid ahayd shaqaalaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana maalmihii lasoo dhaafay xaaladeeda caafimaad lagula tacaalayay Isbitaalka Digfeer, ayada oo ugu dambeyn maanta u geeriyootay dhaawicii darnaa ee kasoo gaaray falkaasi.

Marxuumadda ayaa waxay lahayd uur lix bilood ah markii falkaan loo geysanayay. Ayada oo sidoo kale aheyd hooyo kaligeed ku ahayd korinta lix carruur ah oo agoon ah oo nin kale u dhashay.

Seygeeda oo lagu magacaabo Sayd-Cali Macallin Daa’uud ayaa la sheegay inuu baasiinka ku gubay xilli ay ku sugnayd gurigeeda. Illaa haddana lama oga sababta ka dambeysa, inkasta oo wararka qaar ay sheegayaan inay salka ku hayso arrimo masayr.

Waxaa socota baarista kiiskaan, waxaana gacanta ku haya laamaha ammaanka ee magaalada Muqdisho.

Ninka dabka qabad siiyay marxuumadda ayaa waxay is guursadeen muddo hadda laga joogo 6 bil, sida uu sheegay Walaalka la dhashay Luul. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in uusan jirin wax khilaaf ah oo ehelku ogaa oo ka dhaxeeyay.

“Inta aan ognahay waxaa ay ahaayeen lammaane isku faraxsan haddii uu jiri lahaa dhib aan ognahay waan xallin lahayn, ma garan karo waxa u qarsoon haddii uu jiro oo uu ka dhaxeeyay” ayuu Camaadi Cabdicasiis oo geerida Luul maalmo ka hor la hadlay warbaahinta.

Arrin shaki galineysa in DF Soomaaliya uu dhab ka yahay dagaalka Ethiopia

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya waxay ku jirtaa dagaal diblumaasiyadeedkii ugu adkaa muddo rubuc qarni ah. Waxay wajaheysa Ethiopia, oo ayadu ku kacday xad-gudub ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya.

Nasiib darro’se Soomaaliya ayaa muddo ku siman laba bil aan laheyn wasiir arrimo dibadeed, xilli dowladda Soomaaliya ay iclaamisay dagaal diblumaasiyadeed ka dhan ah Ethiopia oo ay ka dhex tafantay tan iyo markii uu soo baxay heshiiskii is-afgarad ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed.

In dalka uusan laheyn muddo intaas le’eg wasiir arrimo dibadeed ayaa shaki galineysa in dowladda federaalka Soomaaliya uu dhab ka yahay dagaalka Ethiopia, sida uu ka dhawaajiyay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in caalamka uu si dhab ahaan ugu qaato dagaalka diblumaasiyadda ee ay ku jirto dowladda ay tahay in la magacaabo wasiirka arrimaha dibadda, si diblumaasiyad ahaan god loogu rido Ethiopia.

“In wasiir arrimo dibadeed dalkaan laheyn maanta waxay tilmaam ka tahay in dowladda seriously ka aheyn dagaalka diblumaasiyadda ay ku jirto, madaxweynaha wuxuu u baahan yahay inuu nasto, oo shaqada wasiirka arrimaha dibadda inta la magacaabo uu qabto,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Sidoo kale waxa uu intaas kusii daray “Dansanaanta aad arkeysaan meel ay wax ka dansan yihiin, kursigii ugu muhiimsana ee arrimaha dibadda lagu dul fadhiyo, oo madaxweynihii la yiraahdo asaga shaqadii qabanaya, wuu fiican tahay hadduu energy-gaas hayo laakiin waxaa ila quman in wasiir arrimo dibadeed la magacaabo.”

Xildhibaanka ayaa ugu dambeyntiina wuxuu u soo jeediyay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh inuu booska wasiirka arrimaha dibadda oo xilligaan muhiimad gaar ah leh loo magacaabo shaqsi kasoo dhalaali kara diblumaasiyadda ay maanta u baahan tahay Soomaaliya.

Inkasta oo dowladda federaalka ay dadaal badan ku bixinayso dagaalka diblumaasiyadda, taasi oo durba cariiri lagu geliyay Ethiopia, haddana waxaa muuqata baahida in wasaaradda arrimaha dibadda loo soo magacaabo wasiir, si dagaalka diblumaasiyadda uu Ethiopia ugu qasbo inay ka laabato heshiiskii is-afgarad ee Ethiopia.

Qarax ka dhacay magaalada NAIROBI + Khasaaraha

0

Nairobi (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab xoog leh oo ka dhashay qarax uu sababay gaaska cunnada lagu karsado oo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Qaraxaan ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan, ayada oo illaa hadda la xaqiijiyay dhaawaca ilaa 300 oo qof, sida Bisha Cas ee Kenya ay ku soo warrameyso.

Sidoo kale waxaa jirta dhimasho ka dhalatay qaraxaan, waxaana la xaqiijiyay illaa hadda dhimashada laba ruux.

Afhayeenka xukuumadda ayaa wuxuu sheegay in gaas la saarayey gaari kuwa xamuulka ah uu ka dhashay qaraxa, ayada oo dab xoog leh uu cirka isku shareeray.

Goobjoogayaal ayaa sidoo kale warbaahinta gudaha u sheegay in dadka ku dhaawacmay dabka xooggan ee ka dhashay qaraxa ay ku jiraan ugu yaraan 25 carruur ah.

Sidoo kale waxaa ku waxyeeloobay guryo, goobo ganacsi iyo baabuur, waxaana dadka lagu wargeliyay in ay ka fogaadaan aagga go’doonsan si loo sameeyo howl-galka samata-bixinta.

Howl-wadeenada gargaarka iyo dab-damiska ayaa illaa saaka waaberigii la tacaalayey sidii ay u bakhtiin lahaayeen dabkaas oo xalay saqdii dhexe ka billowday xaafadda Embakasi ee magaalada Nairobi.

Wixii kasoo kordha ee faah-faahin ah kala soco wararkayaga dambe Insha Allah.

Maxay weli u shaqeynayaan baraha Shabaab kadib markii NISA ay sheegtay inay tirtay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa soo bandhigtay ku dhawaad 20 Mareegood ama Website-yo ay sheegtay in ay ka xidhay kooxda Al-shabaab.

Website-yada NISA ay soo bandhigtay ayaa ahaa kuwii ugu waa weynaa oo ay kooxda Al-shabaab ku faafin jirtay wararkeeda.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Al-Cadaala, ayaa ku soo qoray bartiisa Facebook ku soo qaray, “in gabi ahaanba uusan jirin maanta bog ay leeyihiin Al-shabaab oo shaqaynaya”.

Balse saacado uun ka dib markii ay dawladdu ku dhawaaqday xirista mareegahaas, ayaa waxa ay al Shabaab isticmaalayaan webiste-yo cusub oo wata isla magacyadii ay dawladdu sheegtay in ay xirtay.

Waxay u muuqataa in ay halkaan ka socoto ciyaar ila meereyso ah oo ka dhaxaysa labada dhan.

Hadaba xagee wax iska qaban la’ yihiin?

Sida uu sheegay wasiir kuxigeenka wasaradda warfaafinta dawladda fedaraalka ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala, dawladdu waxay Al-shabaab kula jirtaa “dagaal aan kala hadh lahayn.”

Mid ka mid ah dagaalkaasna waa in la joojiyo dacaayadaha iyo been abuurka ay dadka Soomaaliyeed ku marrin habaabiyaan ama ku cabsi geliyan ama ay maskaxdooda ku qaldaan,” ayuu yiri wasiir Al-Cadaala oo la hadlayay BBC-da.

Wasiir Al-Cadaala ayaa sheegay in dawladdu ay qiyaastii sannad iyo bar ka hor bilowday “hawlgalka lagu burburinayo joogitaankooda [Al-Shabaab] baraha bulshada iyo guud ahaan aaladaha warbaahineed ee ay isticmaalaan” wuxuuna sheegay in tani ay hawlgalkaas ka mid ahayd.

Mar la waydiiye wasiirka sida ay ugu suurta gashay in ay mareegaha iyo barahan bulshada ay ka xiraan dalal kale oo ka baxsan Soomaaliya ayaa wuxuu yiri: “Dabcan aduunka waxaa ka jira sharci iyo nidaam la isla yaqaano oo dawladaha caalamku ay ku wada shaqeeyaan oo ay ku wada xiriiraan”.

Wuxuu intaa kusii daray in hay’adaha dawladda Soomaaliyta ay mareen dariiqyada dawliga ah iyo kuwa caalamiga ah “ee loogu tala galay in lagu joojiyo argagixisanimada”.

Waxaan hor dhignay wasiirka sababta ay wali u sii shaqaynayaan website cusub oo ay leeyihiin Al-shabaab iyada oo saacado ka hor ay dawladdu sheegtay in ay hawada ka bixiyeen guud ahaan bogagii ay lahaayeen al Shabaab.

“Waxaa muhiim ahayd in nidaamka lagu joojinayo la dhamaystiro uuna shaqeeyo lana tijaabiyo waana shaaqeeyay waana la dhamaystiray, dad xirfadleyaal ah ayaa u xilsaaran”, ayuu wasiir Al-Cadaala u sheegay BBC-da.

Sidee bay dawladuhu u xayiraan bogagga internet-ka?

Weli waxaa shaqaynaya bogag ay internet ka ku leeyihiin Al-shabaab, waxaana laga yaabaa in ay furtaan kuwa kale marka laga xiro bogagga baraha bulshada iyo mareegaha internet-ka ee ay haatan ku adeeganayaan. Haddaba farsamo ahaan sidey dawladi u xakamayn kartaa ama u joojin kartaa mareegaha iyo baraha bulshada ee bartilmaameedka u ah?

Su’aashan waxaa weydiinay khabiir ku takhasusay arrimaha amniga internet-ka iyo teknoolajida oo codsaday in aan magaciisa la shaacin.

“Marka hore aan kala qaadno baraha bulshada iyo mareegaha kale. Baraha Bulshada sida Facebook, Twitter Tiktok iyo wixii la mid ah waxaa iska leh shirkado shisheeye oo leh sharciyo u gaar ah isla markaana waafaqa xeerarka caalamiga ah iyo kuwa dalalka laga leeyahay” ayuu yiri khabiirku.

Sidaas darteed waxa uu sheegay khabiirku marka ay dawladdu doonayso in ay xirto bog baro bulsheed ah, in ay ku qasban tahay in ay xiriir la samayso shirkadda iska leh bartaas bulsho kuna qanciso in boggaas uu mudan yahay in la joojiyo.

“Shirkadaha baraha bulshada ayaa waxaa u yaala siyaasad iyo nidaam ay wax kaga qaban karaan bogagga lala xiriiriyo argagixisada iyo kooxaha kale ee dambiilayaasha ah, taas oo haddi ay wax ka qaban waayaan lagu dacweyn karo. Dhamaantoodna waxay diyaar u yihiin in ay ka qayb qaataan maxaa yeelay horay ayey u dhacday in akoonno badan laga xiro kooxo noocaas oo kale ah” ayuu yiri khabiirku.

Si la mid ah, shirkadaha keydiya xogta mareegaha internet-ka ayaa iyaguna leh sharciyo ay kaga hor tagaan akoonada ay ku qancaan in ay yihiin kuwa argagixiso ama cid kale oo mudan in laga xiro, saas darteed dawladdu shirkadahaas ayey soo ogaataa kadibna xiriir la samaysaa.

Balse waxaas oo dhan waxaa ka muhiimsan oo wasiir Al cadaala iyo khabiirkuba isku raaceen in lacagaha khidmada ee mareegaha loo adeegsado kaarar bangi taas oo wasiirku sheegay in ay noqon karto si dhib oo looga hortago mareegahaas.

Dawladaha horumaray sida uu khabiirku sheegay waxay leeyihiin hal mee loo laga xakameeyo guud ahaan internet-ka taas oo u fududeynaysain laga war hayo tilaabana laga qaado bogagga iyo mareegaha noocaas oo kale ah, hase yeeshee wuxuu khabiirku shaki ka muujiyey in dawladda Soomaaliya ay haysato nidaamka noocaas ah ee hormarsan.

Balse sida muuqata wali waxaa shaqaynaya bogag ay leedahay kooxda Al-shabaab, guud ahaan talaabooyinkaasina waxay u muuqdaan kuwa aan ku guuleysan xakameynta internet ee Al-shabaab.

Isha: BBC

Fal-celin aan caadi aheyn oo ka dhalatay tallaabadii yaabka laheyd ee DEEYOW

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha degmada Boondheere ee gobolka Banaadir Maxamed Deeyoow ayaa shalay u qubeeyey Taallada Xaawo-Taako, taasi oo fal-celin xooggan ay ka dhalatay.

Dhawaan ayaa lasoo gaba-gabeeyey tartankii ciyaaraha gobollada oo Galmudug ayaa qaaday koobkii, waxaana sidaas looga badiyey xulkii uu taageersanaa Deeyoow ee HirShabeelle, taasi oo sababtay in uu sharadkii ka soo baxo oo u qubeeyo Taallada Xaawo-Taako.

Muuqaal uu baahiyay Telefishanka Somali Cable ayaa waxaa kasoo muuqday Guddoomiye Deeyoow oo u qubeynaya Xaawo-Taako, wuxuuna sheegay sababta ku kaliftay inuu dhaqo oo nadiifiyo Taallada oo ku taalla afaafka hore ee madaxtooyada qaranka.

“Markii hore waxaan taageerayey xulka gobolka Banaadir, markii laga badiyey waxaan hadana taageeray HirShabeelle, intii aan laga badin waxaan galay sharad ah inaan u qubey doono taallada Xaawotaako, markii xulkii aan watay laga raayey waan ku qasbanahay inay sharadda soo furo,” ayuu yiri Deeyoow.

Maxamed Deeyoow ayaa aad u isticmaala baraha bulshada, waxayna isku xifaaleeyaan dhalinyarada kale oo qaarkood taageersanaa xulka guuleystay ee Galmudug. Waxaana siyaabo kala duwan looga fal-celiyay tallaabada uu qaaday.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay?

Hilowle ayaa waxa uu yiri “Maxamed Deeyoow ballantii aad qaadey waad oofisay ee hore u soco Boondheer nadaafadeeda lagaa rabaa.”

Jacfar Tiirow: “Qof dumar ah oo u wakiishto ma waayay gudoomiyaha intuu asiga gacanta la aadi lahaa gudoomiyaha reer Galmudug kama xishoonin Deeyow.”

“Gudomiye wad ku mahadsan thy sida mamada ugu qubaysay,” ayey tiri Ayaan Aragsan oo ka fal-celisay tallabada uu qaaday Guddoomiye Deeyoow.

Cabdiraxmaan Suleymaan: “Meel lagu hoogay oo maalyacni ah ayaan dabada heynaa hadda qofkaan waa guddoomiye Degmo Xamar ka tirsan ah waxa mushkilad iyo dhibaato degmadaas dhax yaalo.”

Cabdikariim Axmed Barrow: “Waa sharaf dhac in halgamaa Xaawo Taako aad iskoobe ku dhaqdo Deeyoow.”

“Wallee Soomaaliya ma dhawa bal eeg masuul dowladeed weeye ruuxaan hadana sidii ilmihii buu dhaqmi. Sharad bal muxuu yahay Galmudug hambalyo kaliya maa uu dhaho, halkaasna looga gudbo sheekada ka bad-badis yaan laga dhigin hanbalyo hanbalyo Galmudug,” ayuu yiri Maxamed Cantoobo.

Maxamuud Nuur: “Guddoomiye Maxamed Deeyoo waa nin ballan leh. Sharadkii ahaa in haddii HirShabelle laga qaado koobka uu u qabeynayo Xaawo Taako wuu kasoo baxay.”

Cumar Cali Dhiblawe ayaa isna waxa uu yiri “Laba marba waa yaabe waa marka koowaad waxaan layaabe nin umad dhan hogaan u ah iyo dhaqankaan waa mar 2-aad haddane tv-ga waxaas noo soo warinayo wallee xikmadi dhimatay.”

Abiy Axmed ma qamaaray mise qorshe ayaa u degan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – 1-da Janaayo 2024 ma noqon bilow Soomaalida xusuus wanaagsan u leh, meel walba oo ay joogaan, oo waxey qado tageen maalinkaas iyaga oo u wada careysan Abiy Axmed iyo Itoobiya. Halka Itoobiyaanka laga soo wariyay in ay dabaaldag qiireysan iyo is-marxabeyn isla dhexmarayeen maalinkaas oo idil.

Wax walba waxa ay isbaddaleen dhowr iyo todobaatan saacaadood ka dib markii ay maamulka Soomaali-land oo mudo soddon sanadood u careysnaa xukuumadihii Xamar ay Djabuuti wada hadal dad badan ka yaabiyay, kula galeen madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, si xal waara loogu helo kala-duriqii waqtig fog soo taagnaa.

Inkastoo aad loo soo dhoweeyay, waxa kaliya ee lafilayay kulankaas ka dib waxa uu ahaa; Soomaali isku tolantay markale. Waxaase si lama filaan ah isku baddelay rajadii laga qabay fadhiyadii ka dhacay Djabuuti, kasoo isu rogay walbahaar qaran.

Abiy Axmed oo aanan lagaraneyn halka uu kasoo kicitamay ayaa laga war helay isaga oo heshiis la saxiixday Muuse Biixi-ga Soomaali-land. Markii ay warameen labadooduba waxey sheegeen in bad iyo aqoonsi lagu kala badelanayay fadhigii aroorta hore lagu kalahay ee Addis Ababa ka dhacay.

Abiy kuma aheyn xan bad raadinta, ee isagoo qirsan buu kanaadinayay fagaarayaasha sida ay uga go’antahay in Itoobiya hesho bad deeq ah ama mid jeeb siib ku timid. Soomaaliya ayaase noqotay halka hankaas lagu fuliyay iyada oo la iswada arkayo.

Sheeg-sheegitaanka Abiy, baahida ay u qabaan bad iyo sida degdegsiimada leh ee loo fuliyay qorshahaas waxa ay muujineysaa waxyaabaha kale ee waaweyn ee laga filan karo hoggaanka Itoobiya.

Abiy waxa uu qaaday talaabo qadiimi ah oo lagu yaqiinay Itoobiya, waxaase markaan u dheer hamigiisa iyo u heylanaantiisa fulinta yoolal waaweyn, haba ku dhisnaato qar iska tuurnimo e, balse uu  ribix fiican ka faliyo.

Ninkaan oo kaga duwan madaxdii hore ee Itoobiya in uu dalka u maamulo sida shirkad teknoolojiyadda ka shaqeysa oo kale, dhibaatooyinka in laga dhex raadiyo fursado, qatar u bareeridana loo maro faa’iido badsi.

Waxaa laga yaabaa in aysan dad badan isku xerin talaabada uu qaaday Abiy iyo xiriirka ay leeyihiin kuwa uu horey ugu soo caano maalay. Seddexda arrin ee dhiira-galineysa waa in uu Eratariya kailaafkii iyo dagaalkii mudada dheeraa ee kala dhexeeyay Itoobiya uu kala heshiiyay waqtigii koobnaa ee uu xukunka joogay, wax badanse yeysan ka fulin heshiiskii la gaaray. In uu gobolka Tigree iyo murankoda dabray, is hardin dheer ka dib iyo in uu Cabdifitaax Al siisii ka faramaroojistay biya xireenka musiibada ku ah walaalaha reer Masar. In uu usoo gacan haatiyo Muuse Biixi waa iskudayadiisa tirada badan ee uu ku doonaayo in uu ka dhex taago Afrika taalo ay leedahay Itoobiya iyo in uu isku caleemo saaray boqorka da’da yare ee Itoobiya; haba ahaado caleemo saar uu ku kali yahay. Arrimahaan oo idil waxa ay muujinayaan in damaca Abiy iyo hanqaal-taagiisan tirada badan ee u eg in uusanba ogeyn in uu jiro dal la yiraahdo Soomaaliya uuna iskala camirtayba Muuse Biixi, Xamarna loo raray dhanka Biixi.

Isdabaalin ka fiican majirto marka aad latacaamuleyso qolo aad wax ku-kala qaadataan xoog iyo anaa taabsaday, madaama ay horey ugu martay farsamadaas, oo ay lisanayaan maanta dhul aan kooda aheyn, uguna sii fiican tahay markaan oo kale, marka nin kaloo Soomaali ah kuu ha’yo xariga hogaanka. Tani waxa ay muujineysaa sida uu Abiy u yahay Itoobiyaan.

Toloow maxaa qaaday ninka Soomaaliga ah, ma masrixiyad bay aheyd howshii uu Ismaaciil Cumar Gelle waday. Su’aalahaan oo idil waxaa ka muhiimsan in ay soo muuqatay sida ay Soomaali waxyeeli karto marka aysan kalsooni dhex oolin sidoo kalana kala shakisantahay, Biixise malagu xukumi karaa in uu gogol dhaafkii siyaasadeed ee loogu xusuus xumaa dhawaanahaan Soomaalida dhexdeeda sameeyay, sababtuna ay tahay isaga oo reerkiisii la casheeyay, in uu aroortii kalane quruumo kale la quraacday, iyadoon marqaati loo hayn meel reerka ku kala tagay.

Talaabadii Biixi ka dib uun baa laga war helay Xasan Sheekh oo dunida u qeyla dhaaminaya, taleefano iyo safaro isdaba yaala oo ay ka maqantahay Imaaraad-ka – oo maalgalisay dekeda Berbera, lana sheego in uu xiriir wanaagsan kala dhexeeyo xukuumada Xasan. Halka uu laba kacleeyay xiriirka Xasan uu ka rabo Qadar oo dhawaanahaan si’ uun u hooseeyay.

Waa halkan isgoyska ay dadka qaar tuhmayaan in Abiy haba han weynaadee, ay jiri karaan qolyo kale oo wax la karkarinaya! Sidoo kale halkaan farqiga hoggaamineed ee u dhaxeeya Abiy iyo Xasan waa in uu Abiy si xirfad ku dheehan tahay u baartay Imaarat-ka isagoo waliba lafihiisiina ilaashaday. Waxaa u marag ah guddoonsiintii la guddoonsiiyay bilada ugu sareysa dalkaas, in 19% oo maal gashi ah laga siiyay Berbera, in dhisidda qasrigiisa cusub laga garab-siinayo, maalgashi balaayiin ah oo Itoobiya lagaliyay iyo hadii uuba bad toos u helaayo maxa laga bi’iyay. Halka Xasan-na dharbaaxadii koobaad ee ku dhacday kaddib-ba uu ka fiigay xeradii lagu wada jiray.

Arrimahaan oo idil waa qeyb ka mid ah isbaddalada ka socda gobolka. Laakin waxaa hubanti ah in Itoobiya ay hesho bad uu noqon karo gorgortan ay Itoobiyaanka hor dhigi karaan quwada kala duwan oo laga yaabo in ay ku loolamayaan gacan ku dhigista Itoobiya. Dhinac marka laga eego Itoobiya oo bad hesha BRICS+ waxba uma dhimeyso, in ay wax kusoo kordhiso mooyaane, maadaama dhaqaalaha Itoobiya ee warshadaha ku dhisan sida la filayo mustaqbalka uu keeni karo dhaqaalaha BRICS+ in uu sii xoogeysto. Dhanka kale Itoobiya oo yareysa saameynta uu dalkeeda ku leeyahay BRICS+ iyo mida Shiinaha in ay ku beddelato in loo ogolaado in ay dariskeeda gacma gacmeysato, waa wax si’ uun loogu fakari karo. Maadaama dunidii shuruucda aan caddaalada aheyn ku dhisneyd ay hada xargihii sii jaraneyso, cid walboo xoog isbidana ay ku diganeyso cida ay doonto iyo waqtiga ay doonto.

Waxaase la is weydiin karaa, Abiy talaabo noocee ah buu ka filiyay Soomaaliya in ay qaado, waa tan ugu muhiimsan dooda socota. Ma ashtako iyo in ay buuq siyaasadeed abuurtaa Soomaaliya mise in basbaas indhaha la isaga firdhiyo. Hadii uu qorshe u deganaa waxaa lagaa yabaa in uu ugu yaraan u diyaar garoobay labadaan arrin midood, sida uu kayeeli lahaa. Waase halka lagu kala tagi doono’e! Magaranayo boola xooftada Soomaaliya in ay baqa jabin doonto amaba muhiimad ka leedahay aktiisa, amaba uu u arko uun in la nafisayo. 

Laakiin hadii ay Itoobiyaanka hubsadeen in Soomalida hadda uun dhaldhalaalka dunida u hor leeyahay oo farqaadistaba ay fowdo u arkaan, ay tahay marka ugu wanaagsan oo lasoo durqo, inta gacantooda ka qoyeysana aan fadhi oolin, amaba ay is tuseen in hogaan laga ganbadaba uusan reerka u joogin. Waa marka ay xaqiiqoobeyso in uusan jirin geed celiya Abiy garuun mooyee.

Buuq abuur siyaasadeedkii ay waday Soomaaliya, waxaa qeyb ka noqday in ay xiriiro iyo safaro dhoola tus ah ku tagto waddamo ay Itoobiya iskuurkuurayaan, sida Masar iyo Eratariya iyo sidoo kaleTurkiga oo xulufo amni la ah xukuumadda Soomaaliya si loogu baqagaliyo Itoobiya. Dowladahaanse maxay ka tari-karaan xurgufta jirta?

Masar mala dagaal gali kartaa Soomaaliya, jawaabta waa Maya inta la fahmi karo! Masar waxaa jooga Al-Siisii oo ku dhici waayay in Abiy uu biyaha wabiga ka dhacsado, sidee buu  biyo bad oo ay Soomaali leedahay waqti ugu heli karaa, culeyska ka heysta xuduuda Falastiin iyo xanaaqa shacabka Masar ka haya wax ka socda Gaza siduu u soo faarujin karaa, shacabka Masar ee uu kasoo dul dhacay siduu ugu sharixi doonaa biyo dadoow aan soo difaacoohaayaa isagoo timirtiisii dab u waayay, lama qariibsan karo saanada iyo tababarada in uu ugu roonaan karo Soomaaliya.

Halka Eratariya ka istagi karto waxa ay u badantahay, caawimaad dhinacyo kala duwan lahaan karta, maadaama aysan jirin meel ay soo mari karaan hu’wantooda, aan ka aheyn badda iyo cirka. waxaa arrintaas cusleysiin karana ay tahay, in daangadii Eratariya lagu soo dubay in ay Xamar diiday in ay dhuunta marsiiso iyo in uu culeys siyaasadeed soo fuuli karo, marka la eego sida dagaalka uusan u quseynin, xuduudna aysan iyaga iyo Soomaaliya u wadaagin, xitaa haddii ay soo durbaan qaadan lahaayeen.

Lamasa hubo qaabka ay Turkida kaga qeyb qaadan karaan, hadii uusan heshiis arrintaan quseya dhicin. Waxeysa u badantahay cid iyaga oo kale ah in loo baahan yahay xiliyadan, maadaama ay ku xeel dheer yihiin sida shuruucda caalamiga ah ee xaafadeysan loo qararamsado. 

Ugu dambeyn, haddii uu dhaco is fara-saar Itoobiya iyo Soomaaliya ah waxaa ogaal ah in ay kala miirmi doonaan, Itoobiya uunbaase fileysa in aan waddaniyad dhul looga difaacan karin, haba ugu weynaatee tii uu Siyaad Bare ka atooreynayay ee fashilka ku soo idlaatay. Xasan oo hadda labadiisa gacan midna uu qori ku sito mida kalane qalin – loo arkay in ciyaaryahanada qaar larabo in garoonka looga saaro – baanan la ogeyn xiliga ay xukuumaddiisa isku kariska ah, e aadka isugu kalsoon xitaa xiliyada aan cirka roob ka muuqan, ay foolan doonto gacanta seddexaad ee Abiy lagu miijin lahaa. Muuqaalka noocaan ahna waxa uu muujinayaa guri irrida gadaal u furan tahay!

W/Q: Saciid Macaani, Falanqeeye arimaha jiquraafi-siyaasadeed-ka dunida.