25.4 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

DF Somalia oo soo saartay amar dalka looga mamnuucayo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gebi ahaanba mamnuucday Bacaha halka mar la isticmaalo, kuwaasi oo gudaha dalka aad looga isticmaalo.

Wareegto ka soo baxday Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Bacaha halka mar la isticmaalo ay halis weyn ku yihiin deegaanka, taasi oo keentay in la mamnuuco.

Wareegtada oo ay ku saxiixan tahay wasiirka wasaaradda, Khadiija Al-Makhzoumi, kana kooban laba bogg ayaa lagu sheegay in guud ahaan dalka laga mamnuucay soo dajinta iyo ka gacansiga bacaha fudud ee halka mar la’isticmaalo.

Go’aannada kasoo baxay wasaaradda ayaa u dhigna sidaan hoose:-

  1. In gebi ahaanba Soomaaliya laga joojiyo soo dejinta, dhoofinta, soo saaridda, ka ganacsiga, iyo isticmaalka bacaha fudud ee halka mar la isticmaalo laga bilaabo 30 ka Juun 2024.
  2. In dhammaaan ganacsatada soo dejisa bacaha, warshadaha soo saara, ganacsatada tafaariqleeyda iyo goobaha ganacsi ee dalka lagu wargelinayo in laga bilaabo 30 ka Juun 2024, aan bacaha fudud ee halka mar la isticmaalo dalka la soo galin karin lagana isticmaali karin.
  3. Wasaaraddu waxa ay dhammaan shirkadaha iyo ganacsatada ku dhiirigelinaysaa hindisidda bedelka bacaha, kuwaas oo aan deegaanka waxyeelo u gaysanayn, Wasaaraddu gacan ayay ka gaysanaysaa taageeridda ganacsatada ku hawlan siddii loo heli lahaa walxo bedel ka noqda bacaha halka mar la isticmaalo.

Sidoo kale wareegtada ka soo baxday Wasaaradda ayaa waxaa lagu wargeliyay dhamaan ganacsatada iyo shirkadaha ay quseyso warqadan ay u hogaansamaan awaamiirta kor ku  xusan.

“Waxaa laga codsanayaa dhamaan hay’adaha dowladda ee warqadani ku socoto in ay gacan ku siiyaan wasaaradda dhaqan galinta wareegtadan,” ayaa lagu yiri warqadan oo kasoo baxday xafiiska Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Amb. Khadiija Maxamed Almakhzoum.

Beelaha Ciise iyo Gadabuursi oo go’aan culus kasoo saaray qorshaha Biixi ee badda

0

Boorama (Caasimada Online) – Odayaasha iyo Waxgaradka beelaha Ciise iyo Gadabuursi ayaa si wadajir ah u qabtay shir Jaraa’id oo heshiiskii uu badda ku saxiixay Muuse Biixi ay uga hadleen, sidoo kale waxay iclaamiyeen shirweyne looga arrinsanayo heshiiskii Itoobiyaanka lagu siiyey qeyb ka mid ah Badda Soomaaliya.

Odayaasha mid mid warbaahinta ula hadlay ayaa sheegay inay Muuse Biixi uusan iibsan karin badda Soomaaliya ee Somaliland un uu burbur u horseedayo, iyagoo si cad u sheegay in aysan jirin wax la yiraan qaran Somaliland ah.

“Anagoo ah beelaha Ciise iyo Gadabuursi waxaan qaba doonaa shir balaaran oo aayo ka tashi ah, waqti dhow ayuu dhici doonaa ee diyaar haloo sii noqdo, waxaan ka hadli doonaa badda Soomaaliya, gaar ahaan dhulka ay degaan labadaan beelood oo la sheegay in Muuse gatay,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha.

Oday kale ayaa yiri, “Nin dhan oo umadda Somaliland ay masiirkooda ku aamintay ayaa na yiri waxaan aqoonsi siistay badiinii, laakiin waxaan u maleynayaa badaan ma iibi karee inuu Somaliland burbur u horseedi doono Muuse.”

Sidoo kale odayaasha ayaa farriin u diray golaha guurtida Somaliland oo madaxweynaha ku taageersan qorshaha uu badda ku iibsanayo, iyagoo wacad ku maray in dhulkooda aysan marnaba Xabashidu u soo dhawaa doonin inta mid ka nool yahay.

“Waxaan leenahay Muusow masiirkii umadaan waad baabi’isay, nin nin aaminaya maanta ma jiro, marka hadda kadib Isaaq ayaa tahay, wax Somaliland la dhahana ma jiraan,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaashii sida adag u hadlay.

Odayaasha qaar ayaa ku qeylo dhaamiyey in ninka badooda iibsaday uusan waxba u reeban, waxay si cad u sheegeen in badda Soomaaliya qeybta ay ka degan yihiin aysan iib aheyn, cid aan labada beelood aheyna aysan u soo dhawaa doonin.

“Ciidan Itoobiya ka yimid ayaa halkaan imaa doonin, badeenu iib maaha, arrintaan wixii ka dhashana masuuliyadeeda Muuse Biixi ayaa qaadanaya, sidaas ayey ku balameen labada beelood, waxaana isku dhaarsanay difaaca dhulka iyo badeena,” ayuu yiri oday kale oo goobtii la isugu yimid ka hadlay.

Ugu dambeyntii odayaasha ayaa farriin u diray beelaha kale ee dega Somaliland, waxay ugu baaqeen inay ka midoobaan xadgudubka Muuse Biixi uu ku iibsaday badda, iyagoo wacad ku maray xitaa hadii beelaha kale ay ka aamusaan in aysan arrintaas aqbali doonin, hadii wax kasta loo sheego.

Muran culus ayaa ka dhashay heshiiskii qar iska tuurnimada ahaa ee Muuse Biixi uu 1-dii Janaayo Itoobiyaanka ugu saxiixay qeyb ka mid ah badda Soomaaliya, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qaaday dagaal diblomaasiyadeed oo culus, kaas oo natiijo fiican ay ka gaartay.

Horay dowladda federaalka ayaa beelaha dega dhulka uu Muuse iibsanayo ugu dhiira gelisay inay dhulkooda difaacdaan, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu wacad ku maray in taako ka mid ah badda iyo beriga Soomaaliya meel kasta oo ay tahay aysan Itoobiya ama dal kale qaada doonin.

Wargelin muhiim ah oo ku socota Soomaalida Belgium, Netherlands iyo Germany

Denhaag (Caasimada Online) – Waxaa lagu wargelinayaa  dhammaan Soomaalida ku dhaqan waddamada Netherland, Belgium iyo Germany inuu socdo abaabulka bannaanbax ballaaran oo ka dhici doono Magaalada Denhaag ee waddanka Netherland, bannaabaxaas oo noqon doona mid lagu cambaareynayo damaca ay Itoobiya ku dooneyso in ay ku boobto badda Soomaaliya.

Bannaanbaxan waxaa qabanqaabinaya dalladda isutagga ururada Soomaalida Netherland ee magaceeda loo soo gaabiyo FSAN. 

Bannaabaxa, waxaa lagu wadaa inuu dhaco Maalinta Jimcada ee bisha Febraayo ay tahay 16 sannadka 2024, saacadu marka ay tahay 15:00 (Saddexda galabnimo) ilaa 18:00 (6-da galabnimo), goobtuna waa Carnegieplein.

Guddiga maamulka FSAN, ayaa u xilsaaray Guddoomiye ku-xigeenka dalladda FSAN Cabdulqaadir Cali Nuune, inuu hormuud ku noqdo abaabulka iyo isku-dubaridida bannaanbaxa.

“Waxaan muujineynaa dareenkeena annaga oo middeysan; Maalintaas waxeey noqon doontaa maalin ay waajib ku noqoneyso muwaadin kasta oo Soomaali ah ee awoodi kara inuu yimaado fagaaraha Carnegieplein inaan laga waayin,” ayuu yiri Cabdulqaadir Nuune.

IRAN oo qaaday tallaabo culus oo la xiriirta nukliyeerka

0

Tehran (Caasimada Online) – Iran ayaa bilowday dhismaha afar wershadood oo cusub oo ku shaqeeya tamarta Nukliyeerka, kuwaas oo ay ka dhisayso dhinaca Koonfureed ee dalkaasi.

Wershadahan ayaa la filayaan inay soo saaraan tamar gaadhaysa illaa 5,000 oo megawatt, sida ay baahisay wakaaladda wararka dalka Iran ee IRNA.

Iran ayaa doonaysa inay soo saarto tamarta nukliyeerka oo gaadhaysa illaa 20,000 oo megawatts marka la gaadho sannadka 2041.

Iran ayaa haatan leh hal wershad oo ku shaqaysa tamarta nukliyeerka, taasi oo soo saarta illaa 1,000 megawatt, waxaana wershaddani ay shaqada bilowday sannadkii 2011, ka dib markii ay taageero ka heleen dalka Ruushka.

Iran ayaa sidoo kale wershad weyn oo ku shaqaysa tamarta nukliyeerka ka dhisaysa gobolka saliida qaniga ku ah ee Khuzestan ee u dhow xuduudda ay la wadaagaan dalka Ciraaq. Wershaddan ayaa la filayaa inay soo saarto tamaar gaadhaysa illaa 300 megawatt.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaalinta hubka nukliyeerka ayaa sannadkii hore sheegtay in Iran ay horumar ka samaysay inay soo saari karto hub nukliyeer ah.

Khatar kusoo fool leh dhulka Soomaaliya iyo shacabkiisa (4)

0

Qeybtii 4-aad

Afeef: Ujeeddada qoraalkaan waa ogeysiin ama xasuusin cid gaar ahana loolama jeedo

Dariskaaga waa in aad aqoon dheer u leedahay (ITOOBIYA iwm)

Itoobiya waa waddanka 2aad ee ugu dadka badan Qaaradda Afrika, waxa lagu qiyaasaay in ay hadda (2024) dadkeedu gaarayo 129 milyan oo 40 milyan  oo ka mid ah ay Oromo yihiin. Itoobiya waa waddan si dhaqsa ah dadkiisu u koraayo, maxaa yeelay 1960 waxa tirade dadkoodu ahaa 22milyan kororsiimahoodu waa 486% waxa ku darantatay muddo 64 sano ah 107milyan ama 1.7 milyan/sannadkiiba. Dhulka Itoobiya waa 1.112 sq.kms. halkii sq. km waxa ku dul nool 116 qof. Marka waad garan kartaa dad faqri ah oo is dul deggan xaalkooda, in ay dagaal joogto ah ku jiraanna waa caadi.

Waxa taa dheer, 80 qomiyadood  oo ku hadla 80 af  kala duwan oo 57 ka mida dugsiyada wax looga dhigo oo la wada og yahay. In Itoobiya qowmiyaduhu ay dagalaal aan dhamaad lahayn ku jiraan, waxa caddeyn u ah marka la eego kaliya 50 kii sano ee la soo dhaafay, isku dhacyadii ugu waaweyna waxaa ka mid ahaa:

1- Dagaalka Oromada waxa uu soo bilowday 1973 welina waa socdaa;
2-
Dagaalki Benishangul-Gumuz ee Galbeedka Itoobiya (2019-2022);
3- Dagaalki Tegray (2020-2022) weli hashiis rasmi ah oo dhameystiran lagama gaarin;
4- Dagaalka Amxaarada iyo dowladda oo billowday 2023 weli waa socdaa;
5- Waxa dagaal ka dhexeeyaa Amxaarada iyo Tigreyga iyaga oo dhul dad badan lagu layey isku heysta;
6- Waxa dagaal joogto ah ka dhexeeyaa Somalida Dowla degeenka iyo Oromada;
7- Waxa dagaal lagu hoobtay welina taagan dhexmaray Soomaalida iyo Cafarta;
8- Waxa dagaal ka dhexeeyaa Amxaarada iyo Suudaan oo isku heysta dhul xuduudeed.
9- Itoobiya iyo Ereterya nabad ma ah, waa dagaal u joog ay Itoobiya masuul ka tahay; 

Saamaeynta tira badida iyo xasilooni la’aant Itoobiya ay Soomaaliya ku yeelan karaan haddan laga gaashaaman

Waxa aan shaki ku jirin in qalalaasaha itoobiya ka dhacaya ay Soomaaliya khatar weyn ku yihiin, waadna aragtaan oo Itoobiya ma xasilna waa dal dagaal joogto ah ku jira dhexdiisa iyo deriskiistaba.waa dal soo butaaci kara mar walba oo duruufaha dalkaas si taban isbeddel ku yimaado.

Waxa kale oo aan ogsoonahay in haddaba in badan oo af Soomaliga ku hadla oo Oromo ah ay Dalka Soomaaliya ugu sugan yihiin si sharci darro ah. Oromada noocaas ah waxa ay joogaan magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya oo dhan. Waxa ay aad ugu sii badan yihiin waqooyiga dalka gaarahaan maamul goboleeyada Somaliland iyo Puntland. Dadkaas waxa loo baahan yahay iyada oo la dhowrayo deris wanaagga in loo sameeyo waraaqaha joogitaanka dalka  si loola socdo tirada soo geleysa iyo howlaha ay ka qabtaan dalka Soomaliya. Taas waxa ay muhiim u tahay ammaanka iyo xasiloonida Dalka. 

Waxa aad u muhiim ah in dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadu ka yeeshaan siyaasad cad oo mideysan oo lagula dhaqmo dadka soo galootiga ah. Waxa kale oo lagama maarmaan ah in dowladda dhexe  la timaado habkii looga gaashaaman lahaa ama ay xudduudaha dalka ku ilaalin lahayd si khatarta ka imaan karta soo galootiga faraha badan ee  ku soo qulqulaya, loo yareeyo.

Labadaan dal ee dariska ah (Soomaaliya iyo itoobiya) isma dooran in ay deris ahaadaan, laakiin Alle ayaa daris ka dhigay. Waxa Soomaaliya looga baahan yahay in ay awood u yeelato la falgalka waxa kasta oo Itoobiya ka yimaada. Waxa la’is weydiin karaa haddii laba xaaladood middood dhacdo ama labaduba, Soomaaliya maxaa u qorsheysan, waa tan hore haddii:

1- Damaca aan ugubka ahayn ee hadda ka soo baxay Itoobiya ay runtii isku daydu in ay dagaal ku hirgeliso, iyo

2- Haddii  iyada dhexdeeda fowdo dheeri ah ka dhacdo oo ay is laayaan firxadka ka dhasha sidee Dalkeenna u wajihi karaa.

A. Tan hore waxa aan qabaa in aanu nahay dad dalkooda gardarrada Itoobiya ka difaaci kara;

B. Tan labaad haddii dalkooda fowdo ka dhacdo waxa aan aaminsanahay in ay dhib badnaan doonto sidii mowjadaha dagaalku gadaal ka riixayo dalka looga badbaadin lahaa mustaqbalka.

Waxa  ay iigu muuqataa in inta ay goori goor tahay dowladda dhexe iyo dowlad goboleeyadu ka shaqeeyaan sidii ciidankii xudduudaha ilaalin lahaa loo heli lahaa. Hadda xudduudaheenna gacanteenna kuma wada jiraan waana arrin khatar weyn ku ah jiritaan dalkeena. Waxa u baahan in la ilaaliyo xudduud ka badan 2,390 km marka laga reebo xudduudda badda.

Sidee xudduuda Soomaaliya loo ilaali karaa waqti xaadirka

 Hadda adduunka waxa ka hirgalay teknolojiaya casri ah oo dhammaan Xudduudaha aan la leenahay dariska lagu ilaalin karo sida:

1- Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo kormeer joogta ha ku sameeya xudduudah soomaliya la leedahay dariska;

2- In ciidamo la dhego rugo ay kala socon karaan waxa ka dhacaya xudduudaha iyag oo ka faa’iideysanaya Darooniska iyo kaamirooyin lagu xiro meelaha ay suurta gal tahay.

Gunaanad

Khataraha Soomaaliya ku wajahan waa badan yihiin, ha noqdeen kuwa dibadda uga imaanaya ama gudahaba ka socda ama ka billaaba kara. Dhammaantood waxa ay u baahan yihiin in laga gaashaanto.

Khataraha dibadda ka imaanaya waxa ay u kala baxaan kuwa muuqda iyo kuwa aan muuqan. Kuwa muuqda waxa ka mid ah tan Itoobiya Badda Soomaliya in ay ku qabsato rabto, waa khatar muuqato lakiin waa la iska difaaci karaa. Waxaa iyaduna khataraha dibadda ka mid ah heshiisyo si hoose cadowga loola soo saxiixdo oo danta dalku aaney ku jirin.

Khataraha aan muuqan ama aan lagu baraargsaneyn waxa ka mid ah waxyaabaha mujtamaca taag tira, sida mukhadaraadka oo uu qaadku ugu horreeyo oo dhallintii waddanka difaaci lahayd ka dhegaya kuwa miir doorsan aanna fahmi Karin qiimaha dalkoodu u leeyahay naftooda iyo caruurtoodba.

Dastuurka dalka ee hadda la turxaan bixinayo iyo khataraha jirikara marwalba

Waxa waajib ku ah kuwa ku howlan turxaanbixinta Dastuurka in ay ka ilaaliyaan in cid aan dowladda dhexe ahayn heshiis la gasho dowlado ama hey’ado calami ah, oo ay  dhacdo marar kale in ay codowga dalka lagula heshiiyo wax dhaawacaya danaha Dalka, Dadka iyo Diintoodaba. Itoobiya kama xishoon kana xishoon maddoonto in ay isku daydo in ay ka faa’iideysato kala qoqobnaanta Soomaliya. Heshiiskii Mudane Muse Biixi u saxiixay itoobiya sida loogaga falceliyey dowlad goboleeyada qaarkood waxa ay u baahan tahay in shacbiga soomaaliyeed dib u eegis ku sameeyaan.

W/Q: Dr. Prof. Axmed Cumar Calasow
[email protected] 

Shuute oo shaaciyey arrin yaab leh oo Xabsiga Dhexe ka jirta iyo dambiilayaasha oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in xabsi la’aan heysto Soomaaliya, isla markaana la weysan yahay meel lagu xiro, dambiilayaasha, askarta qaladaadka gasha iyo xubnaha argagixisada ah ee nolosha lagu qabto.

Guddoomiye Shuute ayaa sheegay in Xabsiga Dhexe ee Xamar uu buuxsamay, iyadoo ay ku xiran yihiin dad ka badan 1,600 oo qof.

Sida caadiga ah wuxuu sheegay in Xabsiga Dhexe ee Xamar loogu tala galay in lagu xiro 800 oo qof, balse hadda tiradaas la u jibaarkeed lagu xiray, isla markaana ay weli taagan tahay baahida xabsiyada.

“Xabsiga Dhexe ee Xamar wuxuu noqday xabsiga Soomaaliya oo dhan, deegaanadii la xoreeyey iyo kuwii xorta ahaa isaga ayaa xabsi u wada ah, waa in deg deg xabsiyo waaweyn loo helaa, si loo xakameeyo dembiyada dhacaya,” ayuu yiri Shuute.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in maalin kasta la sii daayo dad aan dhameysan xabsiyadii ay ku xukunaayeen, si kuwo kale loogu xiro qolalkii ay ku xiraayeen, taas oo sida uu sheegay dembiyada dalka ka dhacaya sii kordhineysa.

“Duruuf weyn oo dhanka xabsiyada ah ayaa dalka ka jirta hey’adaha amniga, maamulka gobolka iyo dhamaan inta ay quseyso waa inay deg deg uga howlgalaan arrintaan, maalin kasta waxaa la daayaa dad loo waayey meel lagu xiro, aad ayey muhiim noogu tahay arrintaas,” ayuu yiri Shuute.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ka hadlay xakameynta hubka lagu dhexsito caasimadda Muqdisho, kaas oo inta badan keena isku dhacyo, “Saraakiisha xukunta ciidamada banaanka ka jooga magaalada ee fasaxa ku soo gala magaalada waa inay xakameeyaan hubka,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu digniin u diray ciidamada u xil saaran sugidda amniga caasimadda, isagoo ku amray in aysan ku xadgudbin askarta safarka ah iyo dadka kale ee amnigooda ay sugayaan.

“Qof iska socda oo askari ah oo hebel aad u taqaano, hadii uu qalad kaa galana aad dacwey karto inaad xabad ku furto oo isagiina disho shacabkana leyso mid laguu xilsaartay maaha, iska ilaali fadlan,” ayuu yiri guddoomiye Shuute.

Hoos ka daawo

Magdhow lacageed oo loo haysto dowladda Soomaaliya iyo farriin loo diray Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulaha Shirkadda Dhismaha Rajo Construction and Transportation ayaa warqad cabasho ah u diray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii la burburiyey xarun ay ku laheyd magaalada Muqdisho, islamarkaana magdhow ay amartay maxkamad aan muddo 10 sano ah la siin. Hoos ka aqriso warqadda.

Mudane Madaxweyne,

Warshaddii ugu horreysay ee samaysa interlock waxaan Muqdisho ka hirgelinay sanadkii 2013-kii. Injineer ka socday dalka Shiinaha oo ay gacan siinayeen shaqaale Soomaaliyeed oo xirfad sare leh ayaa ku guuleystay in ay dhammaystiraan rakibidda iyo tababaridda shaqaalaha warshadda ka howlgelayay.

Mudane Madaxweyne,

Markiiba warshaddu waxay bilowday wax soo saarkeedii oo si diiran looga soo dhoweeyay magaalada Muqdisho. Nasiib-daro 6 bilood kaddib ayaa si sharcidarro ah warshaddii iyo qalab kale loo burburiyay, iyadoo lagu gabanayo go’aan maxkamadeed oo ka dhan ahaa ninkii dhulka naga kireystay.

Mudane Madaxweyne,

Falkaas naxariis darrada ah, waxaanu ka qaadannay racfaan, dacwadna waan ku oognay ciidankii burburiyay warshadeenii. Mahad haka gaartee Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee xilligaas Mudane Cabdikariin Guuleed ayaa arrinteennii wax wayn ka qabtay, wuxuu u saaray guddi heer sare ah oo baaritaan ku soo sameeyay sida wax u dhaceen, ugu dambeyntiina waxay soo caddeeyeen in sifo sharcidarro ah loo burburiyay warshaddeenii, dowladdana laga rabo inay magdhow bixiso.

Mudane Madaxweyne,

Waxaan kaaga mahad celinaynaa in markii ay ku soo gaartay cabashadeenii iyo caddaymihii ay hay’adaha ku shaqada lahaa ay RAJO ku sameeyeen kuna caddeeyeen in sifo sharcidarro ah loo burburiyay in aad adigana sugtay oo aad amar ku bixisay in Magdhow na laga siiyo, adigoo markaas Ra’isul Wasaarihii xilligaas Mudane Cumar C/rashiid Sharmaarke farey in la uu wax ka qabto arrintan.

Mudane Madaxweyne,

Markii ay warqadaadii gaartay Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashiid isna wuxuu amar siiyay oo uu warqad u qoray wasaaradda Maaliyadda in lacagta magdhowga ah Shirkadda RAJO CONSTRUCTION degdeg loo siiyo.

Mudane Madaxweyne,

Nasiib darro 10 sano ayaa ka soo wareegtay maalintii aad amartay in Rajo Construction magdhowgeeda la siiyo.  Waddo kasta oo aan isugu daynay inaan Madaxweyne kugula kulanno si aan mar kale kuu soo gaarsiino cabashadeena iyo halka ay arrintu mareyso way inoo suurogeli weyday.

Mudane Madaxweyne,

waxaan rajaynayaa in ay fariinteena ku soo gaari doonto, ammarkaaga iyo saxiixaana uu fuli doono haddii uu EEBBE idmo.

Mahadsanid Mudane Madaxweyne.

Cabdicasiis Maxamed Xasan
Maamulaha Shirkadda Dhismaha Rajo Construction and Transportation,

Daawo: BOOLISKA oo war culus kasoo saaray dhulkii dadka laga kici waayey ee…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska booliska Soomaaliya ayaa faahfaahin ka soo saaray xaaladda guud ee dalka, iyadoo warbixintaan lagu dul-istaagay shaqaaqooyinkii dhacay toddobaadkaan, halka uu marayo murankii dhulka dabdemiska ee dadka lagu dilay iyo arrimo kale.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali (Doodishe) oo galabta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in dadka degan dhulka Dabdemiska ee Isbitaalka Banaadir u dhow loo qabtay labo toddobaad, isla markaana uu hadda dhamaaday kala bar waqtigaas.

Maalmo ka hor dadka degan dhulkaas waxaa loo diray ciidamada Haramcad, si ay u barakiciyaan, balse waxay xaaladu xumaatay markii ay ciidamadu dileen nin askari ah oo waardiye ka ahaa Ceelbiyood ku dhex-yaalla xaafadda.

Dadka degan dhulkaas oo u badan beesha Sacad ee Habargidir ayaa ku adkeystay in ninka dhintay uu gacantiisa ku dilay Taliyaha booliska gaarka ah ee Haramcad oo lagu magacaabo Cabdixamiid Fanax.

Dilka marxuumkaas kadib, ciidamadii Haramcad waxay ku laabteen xaruntooda, waxaana banaanka xarunta Haramcad, Isbitaalada Madiina, Banaadir ilaa Seybiyaano is qabsaday banaanbaxyo ay dhigayeen qoysaska lagu war-geliyey inay dhulkii Dabdemiska baneeyaan, sidoo kale ninka la dilay uu ka dhashay.

Arrinta dhulkaas ayaa adkaatay, waxaana ku soo baxay xildhibaanada baarlamaanka ku metela Habargidir, kuwaas oo balan qaaday inay dadkaan cabanaya xuquuqdooda u raadi doonaan.

Afhayeenka booliska ayaa galabta shirkiisa jaraa’id ku shaaciyey in laga wadahadlay shaqaaqooyinkii dhacay, isla markaana lagu heshiiyey in dadka degan dhulkaas ay ku guuraan muddo labo toddobaad ah, iyadoo uu hadda dhamaaday hal toddobaad, sida uu sheegay.

“Dadka daggan Dhulka Dab-damiska ee Booliska Laba Isbuuc ayaa loogu daray inay ku guuraan hal Isbuuc ayaana u dhamaaday, waxaan mar kale si sharaf leh uga codsaneynaa inay waqtiga ilaaliyaan, maadaama hey’addii dhulkaas laheyd ay diyaar u tahay inay ku shaqeyso oo la wareegto,” ayuu yiri Gaashaanle Sadiiq Doodishe.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sii faahfaahiyey xaaladaha kale ee dalka, gaar ahaan dhanka ammaanka, isagoo sheegay in ciidamada booliska oo kaashanaya daraawiishta dowlad goboleedyada ay Muqdisho iyo gobollada dlaka ka wadaan howlgallo joogto ah oo amni xaqiijin ah.

Hoos ka daawo

Guddoomiyaha Boondheere, Deeyow oo galabta sameeyey arrin la-yaab leh (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Guddoomiyaha degmada Boondheere ee gobolka Banaadir Maxamed Deeyoo ayaa galabta u qubeeyey Taallada Xaawo-Taako oo sharad uu ku galay hadii ciyaaraha gobollada laga badiyo HirShabeelle inuu dhaqi doono.

Dhawaan ayaa lasoo gabagabeeyey ciyaartii oo Galmudug ayaa qaaday koobkii, waxaana sidaas looga badiyey xulkii uu taageersanaa Deeyoo ee HirShabeelle, taas sababtay in galabta sharadii ka soo baxo.

Guddoomiye Maxamed Deeyoo ayaa u yeertay TV-ga Somali Cable, wuxuu tegay Taallada, waxaana muuqaalkiisa la baahiyey isaga oo u qubeynaya Xaawo-taako, arrinkaan ayaa hadalheyn badan ka abuuray baraha bulshada.

Ninkaan oo ka mid ah dhalinyarada sida weyn u isticmaasha baraha bulshada ayaa sheegay sababta ku kaliftay galabta inuu dhaqo oo nadiifiyo taallada Xaawo-taako oo ku taalla afaafka hore ee madaxtooyada qaranka.

“Markii hore waxaan taageerayey xulka gobolka Banaadir, markii laga badiyey waxaan hadana taageeray HirShabeelle, intii aan laga badin waxaan galay sharad ah inaan u qubey doono taallada Xaawotaako, markii xulkii aan watay laga raayey waan ku qasbanahay inay sharadda soo furo,” ayuu yiri.

Waxaa la weydiiyey sababta uu ku doortay inuu u qubeeyo Xaawo-taako, wuxuuna ku jawaabay, “Hooyo 3 jeer ayey ka xaq badan tahay Aabe, marka taalooyinka kale sida Sayidka, Dhagaxtuur iyo Axmed Gurey waxaa uga xaq leh Maamadaan oo seddax sano aan loo qubeyn.”

Maxamed Deeyoo ayaa aad u isticmaala baraha bulshada, waxayna isku xifaaleeyaan dhalinyarada kale oo qaarkood taageersanaa xulka guuleystay ee Galmudug, waxayna soo dhaweeyeen in guddoomiyuhu uu soo furay sharadii uu galay.

Mar la weydiiyey Deeyoo inuu ku dhibtooday shaqadaan, wuxuu sheegay inuu ka yimid qurbaha oo qof howl kasta uu qabsado, isagoo ku faanay in uusan waxaba u arkin taalada uu dhaqan iyo juhdiga uu bixiyey, Taallada Xaawo-taako ayaa ku taalla degmada uu Deeyoo guddoomiyaha ka yahay ee Boondheere.

Hoos ka daawo

Xaruntii kaydka hubka ee Al-Shabaab oo la burburiyay

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah aya kasoo baxaya howlgallo dhanka cirka ah oo ay iska kaashadeen ciidamada hay’adda NISA iyo saaxibada caalamiga ah, kaas oo ka dhacay gobolka Galgaduud, laguna beegsaday xarun ay lahayd Al-Shabaab.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in si gaar ah loogu qaaday deegaannada kala ah Jacar iyo Garab la’ oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

War kooban oo kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka koowaad hasaare culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, laguna burburiyay kaydkoodii hubka ee Galgaduud.

Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in mid kamid ah duqeymaha maanta lala beegsaday garaash ay baabuur u taallay kooxda, kuwaas oo dhammaan la burburiyay

“Howlgalka koowaad oo sidii loo qorsheeyay u dhacay ayaa waxaa lagu burburiyey Xarun keyd hub u ahayd Khawaarijta halka midka labaad lagu beegsaday Garaash cadowga ay u yaaleen gadiid tiro badan” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda federaalka.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana socota tirakoobka khasaaraha rasmiga ah ee kooxda kasoo gaaray weerarkaasi, sida ay sheegeen saraakiisha dowladda.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda Soomaaliya.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa howlgallo culus iyo duqeymo ay ka socdeen gobollada dhexe, gaar ahaan Galgaduud iyo Mudug, kuwaas oo lagu beegsanayo Al-Shabaab.

Taliye SHUB oo shaaca ka qaaday halis weyn oo ka taagan xabsiga dhexe + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaano (Shub) ayaa ka warbixiyay xaaladda xabsiga dhexe oo ay ku jiraan maxaabiis fara badan oo Soomaaliyeed.

Taliye Shub oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xaalad adag ay ka jirto xabsiga, isla-markaana halis ku ah nolosha maxaabiista halkaasi ku xiran.

Taliyaha ayaa sheegay in qaar kamid ah maxaabiista ‘ay qabaan xanuunka HIV AIDS, kuwa kalena ay qabaan Tiibisho iyo Cagaarshow’ oo kamid ah cudurada faafa.

“Meeshaan dad badan ayaa ku xiran oo Soomaaliyeed ninba waxbaa lagu keenay cid og malaha nin kasta waaran ayaa loo soo gooyay kadib xabsiga ayaa la keenay, haddii uu doono AIDS ayuu qabaa ama TB, iyo cagaarshow” ayuu yiri taliyaha Asluubta.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dadka qaar la keeno, iyaga oo xanuunsan, kuwa kalena ay meesha kula dhacaan xanuunada, daryeel la’aan ka jirta aawgeed.

“Ummadda waa isku dhex jirtaa ku isaga oo fiyow ayaa la keenay waxaa laga yaabaa in isaga oo meesha ku jira uu cudurka ka qaaday si loola socdo malaha” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu farriin u diray dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda caafimaadka iyo hay’adaha dowladda, isaga oo ugu baaqay inay gurmad lasoo gaaraan xabsiga dhexe.

“Isbitaallada ha noqdeen, hay’adaha dowladda ha noqdeen waxaan ka dooneynaa inay noo soo gurmadaan oo ay ka qayb qaataan samata bixinta maxaabiistia” ayuu mar kale yiri.

Xabsiga dhexe ee Xamar ayaa marar badan laga soo wariyay xaalado nololeed, waxaana xittaa ay gaartay baarlamaanka oo markii dambe guddi u xil-saaray xaaladda maxaabiista.

Mayd la geeyay Masjid ku yaalla Muqdisho oo la diiday in lagu tukado + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa sababta keentay mayd laga celiyay isaga oo aan lagu tukan masjid ku yaalla deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedkaMuqdisho, taas oo dhalisay hadal heyn xoogan.

Sheekh Nuur Cali Jaamac oo kamid ah culimada masjidkaas oo lagu magacaabo Waalidayn ayaa ka hadlay sababta loogu dukan waayay marxuumka ee dib looga celiyay masaajidka.

Ugu horreyn Sheekha ayaa sheegay in masjidka Waalidayn uu yahay masjid weyn, isla markaana ay aaminsan yihiin in dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad wada islaam ah, sidaas daraadeedna aysan iyagu dadka weydiin in qofka la keenay uu yahay islaam ama gaal, sida uu sheegay Sheekhu.

“Masjidka Waalidayn waa masjid wayn oo ku yaalla Tabeelaha iyo Ex-Koontarool Afgooye inta u dhexeysa Janaaso aa la keenay annaga waxaan idin sheegeynaa dadka Soomaaliyeed dad Muslimiin ah ayaan ka aaminsanahay qofka maydka ah oo la keeno masjidka ma dhahno ma muslimaa ma gaalaa dhammaan asalkooda waa dadka Soomaaliyeed waa dad Muslimiin ah, qof isaga ka baxay Islaamka isaga ayay u taallaaa” ayuu yiri Sheekh Nuur Cali Jaamac.

Waxaa kale oo uu raaciyay “Saas daraadeed waxaa dhacda in Masjid Waalidayn maalintii 10 Janaaso in lagula tukado, maalin aan Janaaso lagula tukan ma jirto”.

Sheekh Nuur Cali Jaamac oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay arrinta shalay ka dhacday masaajidka ee keentay in dib looga celiyo mayd loo keenay in lagu tukado Janaaso.

Sheekha ayaa sheegay in qaar kamid ah dadkii wax ka waday marxuumka ay sheegeen in uusan dukan jirin salaadda, kadibna culimada ay kasii xaqiijiyeen wiil uu dhalay marxuumka, sidaasna loogu dukan waayay maydka la geeyay masjidka Waalidayn.

“Dadkii maydka la socday qaar kamid ah ayaa soo hormaray markaas ayay culimada u sheegeen mayd ayaan wadnaa waana taariku salaad, hadii aad ku tukaneynsaa idinka ayay idin taallaa waa dadkii la socday ee ogow” ayuu khudbadiisa ku yiri Sheekh Nuur Cali Jaamac.

Waxaa kale oo uu yiri “Markii la caddeeyay ayay Culimadu yiraahdeen qof isaga oo nool oo caafimaad qaba salaadda diiday marka uu dhinto kuma qabsi doono, kuna tukan meyno ee naga qaada, waana sidaas qofkii isaga yiraahdo anigu taariku salaad ayaan wadaa ma ku tukaneyno” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Sheekh Nuur Cali Jaamac.

 

 

 

 

Maxay Farmaajo, Shariif iyo siyaasiyiinta u daneynayaan shirka uu ku baaqay DENI?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dib loo doortay ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku baaqay in shir weyne qaran oo ay isugu yimaadaan madaxda iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed, kaasoo diiradda lagu saari doono xaaladaha horu-tebinta leh ee dalka ka jira.

Intaas ka dib qaar ka mid ah siyaasiyiinta oo ay ka mid yihiin kuwa mucaaradka ah ayaa soo saaray faallooyin ay kaga hadlayaan shirka uu Deni ku baaqay iyaga oo soo dhaweynaya.

Waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh iyo isagu ay ka wada hadleen hogaaminta madaxweynaha ee shir qaran.

“Kulankii u danbeeyey ee aan Dooxa kula yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa aannu kaga wada hadalnay muhiimadda ay leedahay inuu hoggaamiyo wadatashi heer qaran ah oo lagu wajahayo xaaladaha taagan ee la xiriira wax ka beddelka dastuurka, qaab dhismeelka maamul ee dalka iyo khataraha ku gedaaman madaxbannaanida iyo midnimada dalka, taas oo ah jidka keliya ee furan in la qaado,” ayuu Xasan ku sheegay qoraal uu boggiisa Facebook soo dhigay.

“Waxaan soo dhoweynayaa shirka Garoowe ee looga tashanayo arimaha hortebinta u leh dalka, aniga oo madaxdii hore ee dalka iyo kuwa xilka haya ugu baaqaya in ay ka qayb galaan shirkaas oo ah mid muhiimad weyn u leh dalka oo xilligan maraya marxalad xaasaasi ah,” ayuu sii raaciyey.

Muxuu yahay shirkan?

Ka hor inta aynaan eegin sababta ay shirkan u daneynayaan siyaasiyiinta mucaaridku, aan eegno muhiimaddiisa iyo goorta uu dhacayo.

Wasiirka warfaafinta ee Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in uu rajaynayo shirku in uu dhacayo inta u dhaxaysa Maarso illaa Maajo.

Sababta shirkan hadda kusoo beegtay ayuu wasiirku ku sheegay waxyaabo dhowr ah oo ay ka mid yihiin; “maadaama ay muddo socotay kala war qab la’aan, dawladda federaalkuna ay gaar wax u wadatay, madashii la isugu imaan jirayna ay Puntland muddo ka maqnayd,” ayuu yiri wasiir Maxamuud Caydiid oo kusii diray in ay sidoo kale soo kordheen aragtiyo kale oo “dhinaca federaalka ka yimid, oo ah in qaab dhismeedka la balado, in dastuurka wax laga badalo in la ansixiyo” iyo sidoo kale Madaxweyne Xasan oo uu sheegay in uu soo jeediyey ka guurka xilka raysal wasaaraha iyo in lagu badalo Madaxweyne ku xigeen.

Shirkan oo sida uu wasiirku sheegay uu Deni soo jeediyey in uu gadhwadeen ka noqdo madaxweyne Xasan, ayaan weli la ogeyn cidda kasoo qayb gali doonta hase yeeshee wuxuu wasiirku sheegay in uu yahay madal qaran oo u furan dhammaan siyaasiyiinta Soomaaliya, madaxda dawladda, kuwa dibad joogga ah ee aan xilalka hayn, maamul goboleedyada “iyo sidoo kale aqoonyahanka, yacni Soomaali oo dhan in ay ka qayb gasho ayaa la rajaynayaa,” ayuu yiri.

Si kastaba ha ahaatee shirkani ma aha mid toddobaadyada sooo socda la filayo isla mar ahaantaana looga hadli karo arrimaha hadda taagan oo laga yaabo in ay waji kale yeeshaan xilliga shirkani dhacayo.

Maxay siyaasiyiintu u danaynayaan shirkan?

Sida aan ognahay waxaa soo dhaweeyay shirkan uu ku baaqay Madaxweynaha Puntland, siyaasiyiin aan xilal hadda hayn oo qaarkood ay soo qabteen xilalka ugu sareeya ee dalka.

Waxaan wax ka waydiinay Maxamed Mukhtaar Ibraahin oo ka faalooda arrimaha siyaasadda Soomaaliya isla markaan soo ahaa wasiirkii hore ee batroolka iyo macdanta ee dawladda fedaraalka Soomaaliya, waxaanu yiri: “Runtii sidaan wada xasuusanno, 2021-kii dhamaadkii 2020-kii, bilowgii 2020-kii, mucaaradka oo dhan waxay dhihi jireen waa in madasha la ballaariyo, ma aha in ay dawladdu iskusoo koobto, ma aha baarlamaanka oo kaliya in uu iskusoo kobo, marka mucaaradka mar walba waa la garan karaa in iyaga ay rabaan in ay madallada siyaasadeed ay ka qayb galaan oo talo ay ku yeeshaan, balse su’aasha imaanaysa waxay tahay, maaullada hadda jira iyo madaxweynaha fedaraalku illaa xadkee ayey ogolaanayaan in gogosha la ballaariyo,” taas oo an jawaabteeda weli la ogaan karin.

Dhanka kale Muktaar waxaan wax ka waydiinay in ay ogolaanayaan madaxda fedaraalku ka qayb galka shirkan maadamaa kii ay iyagu ku baaqen ay Puntland diiday, wuxuu yiri: “Runtii goob walba oo Soomaaliya ka mid ah looga hadlayo arrimaha Soomaaliya waxaan aaminsanahay in ay mudan tahay in la tago.”

Wuxuu kusii daray “Puntland mar walba waxay ka cabanaysay iyada iyo dawladda federaalka kaliya in ay wada hadlaan ayey rabtay oo taa macnaheedu tahay in aysan doonayn in ay madasha dhexdeeda ama dawlad goboleedyada kale in ay dawladda fedaraalka ah ku wada hadlaan” taas oo ka dhigan in loo badinayo in aysan diidin dawladda federaalka ahi ka qayb galka shirkan.

Waxaan weli caddeyn waxa iska badalay Puntland ee ay hadda u danaynayso in ay madal guud oo Soomaaliya oo dhan u dhaxaysa ay kula hadasho dawladda fedaraalkaweliba ay iyadu ku baaqdo kulankaas.

Waxaa xusid mudan in qaar badan oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida ay ku sugnaayeen goobta uu shirkan kaga baaqay Siciid cabdullaahi Deni, taas oo ahayd munaasabaddii caleema saarkiisa.

W/Q: Ahmed Cadceed
Saxafi madax banaan

Ujeedka safaraka Xasan ee Imaaraadka Carabta + Sawirro

0

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Isu-tagga Imaaraatka Carabta kaga qeyb galay Shir ku saabsanaa Amniga Soomaaliya.

Shirkaas waxaa kasoo qeyb galay dalalka sida dhow dhanka ammaanka uga taageera Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid yihiin Imaaraadka Carabta, Qatar, Mareykanka, UK iyo Turkiga.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray sidii dowladda Soomaaliya looga taageeri lahaa dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo isku xirka kaalmada dhinaca amniga ee caalamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta xasilloonida gobolka iyo in laga fogaado wiiqidda guulihii adkaa ee laga soo hoyey dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Xasan Sheekh wuxuu sheegay in wixii dadaal la sameeyey uu khasaari doono hadii aan la ixtiraamin madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhammaadkii sannadkii tagay waxay sidaan oo kale ku qabatay xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada New York Shir weyn oo looga hadlay Amniga Soomaaliya.

Shirkaas ayaa ku soo aaday maalmo kadib markii cunaqabateynta hubka laga qaaday Soomaaliya, waxaana loga hadlay sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa in ay isku filnaasho amni gaarto, iyadoo loo marayo dhismaha iyo qalabeynta Ciidamada Qalabka Sida.

Mareykanka oojawaab ka bixinaya weerar looga dilay 3 askari oo ka dhacay dalka

0

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa Arbacadii shalay ku eedeysay malleeshiyo ku sugan Ciraq oo ay taageerto Iran, in ay ka danbeeyaan weerar loo adeegsaday diyaaradaha dhulka laga hago oo lagu dilay saddex askari oo Mareykan ah, oo ku sugnaa saldhig Mareykanka uu ku leeyahay xadka Urdun iyo Suuriya.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka John Kirby, ayaa sheegay in Mareykanku rumeysanyahay, in weerarkaasi ay qorsheysay, fududeysay isla markaana gacan ku laheyd qalabka lagu fuliyay Kooxda Iska-caabinta Islaamiga ee ku sugan Ciraq.

Kooxahan oo ku mideysan hal dallad ayaa waxaa ku jira garabka Kataib Xizbullah, sida ay sheegtay Dowladda Mareykanka. Afhayeenka Guddiga Amniga Qaranka, ayaa sheegay in Madaxweyne Joe Biden uu rumeysanyahay in weerarkaasi looga jawaabo qaab ku habboon.

Wuxuu sheegay, in madaxweyne Biden uu ka fiirsanayo ikhtiyaarrada uu heysto si uu jawaab uga baxsho weerarka lagu dilay askarta Mareykanka ee ku sugnaa dalka Urdun.

Dhanka kale, Iran ayaa ku hanjabtay in ay jawaab adag ka bixi doonto weerar kasta oo uu uga yimaada Mareykanka, kaddib marki ay Washington ku eedeysay Tehran weerarki Axaxddii.

Ilaa 40 ka mid ah askarta Mareykanka ayaa sidoo kale weerarkaasi lagu dhaawacay. Kuwa la dilay iyo dhaawaca ah ayaa ku sugnaa saldhig qarsoodi ah oo uu Mareykanka ka sameystay jihada waqooyibari ee Urdun meel aad ugu dhaw xadka Suuriya.

VOA

Aqriso: DF oo warbixin dheer ka soo saartay xaaladda dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xaaladda dalka ka soo saartay warbixin dheer oo 34 qodob ah, taas oo lagu faahfaahiyey waxyaabihii u qabsoomay dowladda toddobaadkaan dhamaanaya.

Hoos ka akhriso warbixinta dowladda:

1- Madaxweynaha Jamhuuiryadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Isutagga Imaaraadka Carabta kaga qeybgaley shir caalami ah oo looga hadlayey amniga iyo la dagaalanka argagixisada Soomaaliya.

2- Madaxweyne Dr Xasan Shiikh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay shir madaxeedka Afrika iyo Talyaaniga ayaa tilmaamay in iskaashiga caalamka uu ku tiirsan yahay ixtiraamka sharciyadda iyo mabaadi’da madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir madaxeedka Afrika iyo Talyaaniga ka sheegay mustaqbalka wanaagsan ee Soomaaliya, fursadaha maalgashi iyo khayraadka dihan ee ceegaaga dalka, kuwaas oo waxtar u leh gobolka iyo guud ahaan caalamka

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Rome ee dalka Talyaaniga wuxuu kulan kula yeeshay Madaxweynaha dalka Comoros,ahna Guddoomiyaha Midowga Afrika, Azali Assoumani .

5- Madaxweyne Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray xulka Galmudug oo ku guuleystay tartanka maamul gobaleedyada dalka, kaas oo lagu soo gabgabeeyay magaalada Muqdisho.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Safiirka  Switzerland u fadhiya Soomaaliya, Valentin Zellweger.

7- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo khubad ka jeediyay munaasabadda caleemo saarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa  sheegay in dhameystirka dastuurka uu muhiim u yahay doqlad dhiska Soomaaliya.

8- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa daah-furay shirka 6-aad ee Garsoorka,oo ay qeybgalayaan dhammaan bahda garsoorka dalka.

o

9- Ra’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa u magacaabay Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Mareeye) inuu noqdo Wasiirka Beeraha, halka Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) loo magacaabey Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta

10- Ra’iisul  Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay mashaariic la xiriirta dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo gargaarka oo ay ka hirgelineyso Soomaaliya, Hay’adda Samafalka ee Boqor Salmaan ee Boqortooyada Sacuudi Caraabiya.

11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray dib-u-howlgelinta Isbitaalka Sheikh Zayid ee magaalada Muqdisho oo ay maalgeliso Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta.

12- Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Rome ee xarunta dalka Talyaaniga waxa uu kulan kula qaatay dhiggiisa dalkaasi, Guido Crosetto.

13- Wasiirka Maaliyadda ee Mudane 𝐁𝐢𝐢𝐱𝐢 𝐈𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 ayaa kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya 𝐊𝐫𝐢𝐬𝐭𝐢𝐧𝐚 𝐒𝐯𝐞𝐧𝐬𝐬𝐨𝐧.

14- Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Soomaaliya Mudane Xassan Macallin Maxamuud ayaa Muqdisho kulan kula qaatay madaxda Hey’adda TIKA ee Turkiga.

15- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys ayaa khadka fogaan aragga uga qeyb galay banaanbax ay jaaliyadda Soomaaliya ee gobolka Minnesota uga soo horjeedeen xadgudubka Ethiopia ee qaranimada Soomaaliya.

16- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige aya shir-guddoomiyay kulanka guddiga maamul-wanaaga maaliyadda ee ay ku mideysan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay/adaha dhaqaalaha adduunka.

17- Ku-Simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Mudane Cali Cumar, ayaa ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo Madaxa IGAD ee Soomaaliya Danjire Maxamuud Cabdi Axmed.

18- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane 𝐁𝐢𝐢𝐱𝐢 𝐈𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 oo hadal ka jeediyay munaasabadda maalinta furdada ayaa  uga mahadceliyay dhammaan madaxda iyo shaqaalaha furdooyinka, hawlaha muhiimka ah ee ay qaranka u hayaan.

19- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya Mudane Xasan Macallim Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay dhameystirka dib u eegista iyo wax ka beddelka dastuurka.

20- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa hambalyo u diray xulka kubadda cagta ee Galmudug oo ku guuleystay tartanka maamul gobaleedyada dalka.

21- Xulka kubadda cagta ee dowlad gobaleedka Galmudug ayaa ku guuleystay koobka tartanka ciyaaraha ee maamul gobaleedyada dalka.

22- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliya Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa munaasabad kooban oo ka dhacday Dakedda Muqdisho waxa uu dowladda Ruushka kala wareegay mar kale markab sida shixnad mucaawino ah oo loogu talagalay dadka soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha iyo daadadkii El Nino.

23- Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa ka qayb galay shirka Hay’adaha Sirdoonka ee Bariga Afrika oo ka dhacay magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

24- Howlgal qorsheysan oo ay wadajir uga fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo  saaxiibada caalamiga ah degaanka Jeex jeexa ee koonfurta gobolka Mudug ayaa lagu burburiyay gaari Khawaarijtu ku soo raratay waxyaabaha qarxa iyo maleeshiyaad la socday oo halkaasi lagu laayey.

25- Hawlgal ay sii wadajir uga fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa lagu dilay 30 ka mid ah Khawaarijta degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud.

26- Ciidamada Xoogga Dalka iyo saaxiibada caalamiga ah oo kaashanaya xogta dadka degaanka ayaa howlgal milateru ka fuliyay degaanka Cali Xayle ee ku yaalla xadka Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.

27- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo jab xooggan gaarsiiyey Khawaarij isku dayay in ay weeraran deegaanka Caad ee gobolka Mudug.

28- Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya Ciidanka Cirka Mareykanka ayaa duqeyn ku dilay 6 ka tirsan  Khawaarijta Al Shabab degaanka Caad ee koonfurta gobolka Mudug ee Galmudug.

29- Hawlgal ay iska kaashadeen hay’adda NISA iyo saaxiibada caalamka ayaa lagu burburiyay xarunta kaydka gaadiidka iyo hubka Khawaarijta ee Buq-Aqable ee bartamaha Soomaaliya.

30- Dowladda Soomaaliya ayaa qaadacday qodobadii ka soo baxay shirka 32aad ee dalalka Bariga Afrika ee ciidamada heeganka, kadib markii bayaankii ka soo baxay aan lagu caddeyn mowqifka dalalka ee xad gudubka Itoobiya ee madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya.

31- Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa si adag uga hadashay damaca gurracan ee Itoobiya ee Badda Cas, iyada oo sheegtay in xilligaan dhulka iyo biyaha Soomaaliya aan lagu soo xadgudbi karin.

32- Salaadiinta, odayaasha dhaqanka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ee  gobolka Awdal ayaa mar kale ka soo horjeestay heshiiska sharci darrada ah ee Ethiopia ay la gashey Somaliland kaas oo xadgudub ku ah qaranimada Soomaaliya.

33- Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Danjire Mukhtaar Maxamed Waare ayaa raali galin ka bixiyay wareysi uu dhawaan siiyay warbaahinta Dowladda Itoobiya oo ugu gafay dowladda iyo shacabka Soomaaliya.

34- Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Beled Weyne ee gobolka Hiiraan ayaa toogtay mid ka mid ah argagixisada naf la caariga ah oo doonayay in uu dhibaato u geysto bulshada Beledweyne.

==============DHAMMAAD==============

Wararkii ugu dambeeyay ee xabad-joojinta GAZA

0

Gaza (Caasimada Online) – Waxaa shalay iyo xalay sii xoogeystay dadaallada caalamiga ah ee loogu jiro sidi loo heli lahaa xabad-joojin kale oo ka hirgasha Marinka Gaza, xilli ay wali ciidamada Isra’il sii wadaan duqeymaha iyo dagaalka culus ee ay ka waddaan Gaza.

Ilo wareedyo ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay, in Xamaas ay dib u eegis ku sameyneyso qorshe loo soo bandhigay oo Gaza looga hirgelinayo xabbad-joojin lix todobaad ah. Soo jeedintaasi ayaa ka soo baxday wadahadallo maalmahan ka socday magaalada Paris oo xal loogu raadinayo qaboojinta dagaalka Isra’il iyo Xamaas.

Dhanka kale, waxaa kasii dareysa xaaladda bani’aadannimo eek a jirta Marinka Gaza, gaar ahaan dadka rayidka ah oo ay hey’adaha gargaarka maxalliga iyo kuwa caalamiga ah ay ka digeen in ay dadku qarka u saaranyihiin in ay macluul u baab’aan.

Agaasimaha xaaladahaha dag dagga ee Laanta Caafimaadka Adduunka Michael Ryan, ayaa sheegay in muddada ay wadahadallada ka socdaan magaalada Paris, ay dadka Gaza gaajo u dhimanayaan sababo la xiriira go’doonka ay Isra’il gelisay gargaarka bani’aadannimo ee gali jiray Gaza.

Wadahadaladda ka socda Paris ayaa waxaa hor-boodaya Qatar, Masar, Mareykanka iyo Faransiiska. Xabad-joojintan ayay Isra’il ku dalbatay in lagu sii daayo dhammaan laheystayaasha soo haray ee gacanta ugu jira Xamaas.

Halka Xamaas ay dhankeeda dalbaneyso, in loo soo daayo maxaabiis Falastiiniyiin ah, sidoo kalana xabad-joojinta laga dhigo mid toos ah, Isra’ilna ay kala baxdo ciidankeeda guud ahaan Marinka Gaza.

AFP

Maxamed Adeeroow oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

0

Cape Town (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay muwaadiniin Soomaaliyeed oo sidoo kale ka mid ahaa ganacsatada ku dhaqan dalkaas lagu dhex dilay goob ganacsi oo uu kulahaa  magaalada Cape Town.

Kooxo burcad Afrikaan ah ayaa lagu soo warramayaa inay dileen muwaadinkaasi oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaalida ee sida weyn looga yaqaanay magaaladaasi.

Marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Alle ha u naxariistee Maxamed Axmed Maxamuud oo loo yaqiinay Maxamed Adeeroow, kaasoo ahaa nin la dhalinyaro ah oo aad u firfircoona.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in marxuumka uu qorsheynayay inuu dhowaan kusoo laabto dalkiisa hooyo, balse ay kasoo hormartay geeridiisa, kadib dilka loo gaystay.

Kooxda burcadda ah ayaa sidoo kale waxay dhac u geysteen dukaanka marxuum Maxamed Adeeroow, iyaga oo intaas kadib iskaga baxsaday goobta.

Ciidanka Booliska dalka Koonfur Afrka ayaa dhacdada kadib gaaray goobta, sidii caadada u aheyd, kuwaasi oo baaritaano ka sameeyay halka lagu dilay marxuumka.

Hase yeeshe wax natiijo ah oo illaa hadda kasoo baxday baaritaanka la sameeyay majirto.

Si kastaba, Koonfur Afrika ayaa waxaa sanadihii u dambeeyey ku sii kordhayey dilalka, dhaawaca iyo dhaca loo geyto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi.

Mana jirto cid wax ka qabata dhibaatooyinka loo geysto muwaadiniinta Soomaalida ah ee dalkaasi u shaqo doontay, oo iyagu u badan dhaca, dhaawaca iyo dilalka loo geysto dadka ajaaniibta ah ee ku ganacsada dalkaasi.

NISA oo dunida ka tirtirtay warbaahintii Shabaab, heshay xogta dadkii maamuli jiray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda Soomaaliya ee NISA ayaa shaacisay inay dibadda ka soo xirtay 14 Website oo kooxda Al-Shabaab ay ku faafi jirtay wararkooda, kuwaas oo sanad ka hor laga xiray dalka.

NISA waxay sheegtay inay dabagashay oo soo heshay xogta iyo magacyada milkiilayaasha ku diiwaan gashan Websiteyadaas, iyadoo ugu dambeyntii la xiray, taas oo ka dhigan in xiligaan aysan jirin mareeg baahisa macluumaadka Khawaarijta Al-Shabaab.

“Howlgalkaan oo isugu jiray uruurinta mareegaha, baaritaankooda, helidda magacyada milkiilayaasha ku diiwaangashan iyo ugu dambeyntii xiritaankooda ayaa socday bilihii lasoo dhaafay, waxaana lagu guuleystay in hawada laga saaro barahaan oo la diiwaan geliyey sanado kala duwan,” ayaa lagu yiri warka NISA.

Waxaa qoraalka hey’adda lagu sheegay in adduunka oo dhan laga mamnuucay Website-yaan 14-ka ah ee lagu baahi jiray wararka iyo afkaaraha guracan ee kooxda Al-Shabaab.

“Websiteyadaan waxaa booqashadooda laga mamnuucay adduunka oo dhan, waxaana markii ugu horeysay oo la qaaday tallaabo noocaan oo kale ah, waxayna barahaan soo jireen muddo dheer, sida ku cad magacyadooda iyo taariikhaha la aas-aasay,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Sidoo kale NISA waxay shaacisay in la helay xogaha dadkii sameeyey Websiteyada la xiray, kuwaas oo macluumaadkooda lala wadaagay hey’adaha amniga ee wadamada ay ku noolyihiin.

“Intii ay socotay howsha lagu ciribtirayo Website-yada Khawaarijta waxaa la helay liiska dadkii diiwaan-geliyey, kuwaas oo isticmaalay kaararka wax lagu iibsado, waxaana lala wadaagay hey’adaha amniga ee dalalka ay ku nool yihiin,” ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay NISA.

Ugu dambeyntii qoraalka hey’adda NISA waxaa lagu yiri, “Dowladda Soomaaliya ayaa horay ugu guuleysatay inay booqashada mareegahaan ka joojiso gudaha dalka, waxaana sharciga lala tiigsan doonaa cid kasta oo lagu helo inay argagixisada u diiwaan-gelisay Website.”

Hoos ka eeg liiska Website-yada la xiray

SHEEKH SHARIIF oo dalab cusub ka soo saaray shirka uu gogoshiisa dhigay Deni

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ayaa soo saaray qoraal uu ku soo dhaweeyey shirka uu gogoshiisa dhigay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo dhawaan dib loo doortay, shirkaas waxaa muuqata in siyaasiyiinta mucaaradka ah ay aad u daneynayaan.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in shirkaan uu ku soo aaday waqtigii loogu baahida badnaa, isagoo soo tiriyey caqabadaha Soomaaliya heysta ee mudan in looga tashado shirka Garowe gogoshiisa la dhigay.

“Waxaan soo dhawaynayaa gogosha uu fidiyay Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni xilligaan uu dalku waajahaayo xaalado culus oo ay ugu muhiimsanyihiin; amniga, arrimaha dastuurka, qaab dhismeedka doowladnimada, midnimada iyo madax bannaanida oo u baahan wada tashi iyo wada shaqeyn,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Shariifka ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku yiri, “Waxaan rajaynaynaa in gogoshaas qabsoomi doonto, madaxda ka soo qayb gashana ka soo saari doonto go’aanno dhaxal gal ah oo dan u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa xalay sheegay in dowladda federaalka ay aqbashay ka soo qeybgalka shirkaas, isla markaana ay madaxweyne Xasan Sheekh ka sugayaan go’aanka goorta la qabanayo shirka.

Saacadihii lasoo dhaafay siyaasiyiin badan ayaa soo saaray muujiyeen sida ay shirkaas u daneynayaan, waxayna badankood soo jeediyeen qodobada mudan in shirkaas lagu gorfeeyo.

Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka mid ah siyaasiyiinta taageeray in Garowe la isugu tago, si looga tashado aayaha Soomaaliya, isagoo ka warbixiyey arimo ay uga wada hadleen kulankii ugu dambeeyey isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh.

“Kulankii u danbeeyey ee aan Dooxa kula yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa aannu kaga wada hadalnay muhiimadda ay leedahay inuu hoggaamiyo wadatashi heer qaran ah oo lagu wajahayo xaaladaha taagan ee la xiriira wax ka beddelka dastuurka, qaab dhismeelka maamul ee dalka iyo khataraha ku gedaaman madaxbannaanida iyo midnimada dalka, taas oo ah jidka keliya ee furan in la qaado,” ayuu yiri Farmaajo.

Qoraalka Farmaajo ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan soo dhoweynayaa shirka Garoowe ee looga tashanayo arimaha hortebinta u leh dalka, aniga oo madaxdii hore ee dalka iyo kuwa xilka haya ugu baaqaya in ay ka qayb galaan shirkaas oo ah mid muhiimad weyn u leh dalka oo xilligan maraya marxalad xaasaasi ah.”

Farmaajo oo farriin u diray labada gole ee DF ayaa yiri, “Labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumadda waxaan u soo jeedinayaa in inta uu shirkaasi socdo ay ka fogaadaan tallaabooyinka aan la isku waafaqsanayn ee la xiriira laalidda dastuurka iyo wax ka beddelka hannaanka maamul ee dalka.”

Farmaajo ayaa qoraalkiisa ku soo gabagabeeyey “Ma jirto xilli uu dalkeennu uga baahi badan yahay in aynu u midowno ka hortagga xasillooni darro gudaha ka timaadda iyo sidii aynu dadkeenna iyo dalkeenna uga difaaci lahayn khatarta dibadeed ee aynu wajahayno, meelna la iska dhigo tallaabooyinka kala qaybsanaanta siyaasadeed u horseedaya dalka.”