25.1 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

Mareykanka oo digniintii ugu cusleyd kasoo saaray heshiiska Somaliland iyo Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa markale taageero u muujisay dowladda Soomaaliya, oo xilligaan ay is-hayaan Itoobiya oo ayadu ku kacday xad-gudub ka dhan ah madax-banaanida Soomaaliya.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Afrika Molly Phee ayaa shaaciyya in dalkiisu uu Midowga Afrika, IGAD, iyo ururrada kale ee caalamiga ah la wadaagayo aragtida ah in la ixtiraamo madax-bannaanida iyo wada-jirka dhuleed ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Mareykanka uu walaac ka qabo heshiiskii is-afgarad ee Addis Ababa ku gaareen Madaxweyne Muuse Biixi iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, inuu wax weyn u dhimi karo dagaalka Al-Shabaab.

“Waxaan walaac ka qabnaa in heshiiska is-afgarad ee la soo jeediyay uu wax weyn u dhimi karo halganka aan wadaagno ee sidoo kale Itoobiya ay uga qeyb qaadaneyso la-dagaalanka Al-Shabaab iyo saameynta xun ee ay ku leedahay dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka.

Kaaliyaha ayaa sidoo kale waxa uu xusay in uu taageersan yahay wada-hadallada u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, xilli labada dhinac ay sii kala fogaanayaan kadib markii Somaliland ay Itoobiya kula saxiixatay Addis Ababa heshiis ay ku siineyso qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

Maraykanka oo mar horey caddeeyay mowqifkiisa xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa in markale uu adkeeyo u muuqata sida uu uga walaacsan yahay khatarta ka dhalan karta heshiis beenaadkaasi.

Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ku bixisay sidii caalamka ugu taageeri lahaa qaraarka ay ku diideyso heshiiskaasi, ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh uu saxiixay sharci Baarlamaani ah oo burinaya is-afgaradka Itoobiya iyo Somaliland.

Hadalkii Ilhaan Cumar ee xiisadda BADDA oo dood culus ka abuuray Mareykanka

0

Minneapolis (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan golaha Congress-ka Mareykanka ayaa dhawaan si adag uga hadashay xad-gudubka Itoobiya ay kula kacday Soomaaliya, ee salka ku haysa in Itoobiya ay biyaha Soomaaliya ka hesho dhul badeed.

“Intii aan aniga Congress-ka joogo biyaha Soomaaliya iyo baddeeda dad kale ma qaadanayaan. Waddanka Mareykankana kuma taageeraayo in dad kale ay annaga na dhacaan,” ayey tiri Ilhaan. Arrintaan ayaa dood xooggan ka dhalisay gudaha dalka Mareykanka.

Hadalkaan oo Ilhaan ay garab istaag ugu muujinaysay Soomaaliya ayaa waxaa si weyn u cambaareeyay dad ay ku jiraan masuuliyiin, kuwaasi oo tilmaamay inay danaha Soomaaliya ka hormarisay kuwa Mareykanka, ee dadkiisa soo doorteen.

Xildhibaan Tom Emmer oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga Mareykanka ayaa sidoo kale ugu baaqay Ilhaan Cumar inay is casisho, isagoo ku dooday in arrintaan ka hor imaaneyso dhaarteedii xafiiska.

“Hadallada carada leh ee Ilhaan Cumar ee Soomaaliya ay muhiimadda ku siisay waxay dharbaaxo wejiga looga dhuftay ku yihiin dadka Minnesota ee iyada loogu doortay inay u adeegto waxayna carqaladeyn toos ah ku yihiin dhaarteeda xafiiska,” ayuu yiri xildhibaan Tom Emmer oo qoraal uu soo dhigay bartiisa X.

Waxa uu intaas kusii daray “Waa inay ceeb darteed isu casishaa.”

Sidoo kale Xildhibaan Marjorie Taylor Greene oo iyadana xisbiga Jamhuuriga ka tirsan ayaa Ilhaan Cumar ku weerartay arrintaan

Waxay ku eedeysay inay wacad ku martay difaaca xudduudaha Soomaaliya halka ay kasoo horjeesatay dadaallada lagu ilaalinayo xadka Mareykanka iyo Mexico.

Si kastaba, Heshiiska ay Ilhaan sida adag uga hortimid ayaa waxaa horey meel adag iska taagtay dowladda Mareykanka, ayada oo laaday is-afgaradka lagu gaaray Addis Ababa, islamarkaana xoojisay ixtiraamka madax-banaanida Soomaaliya.

Xasan oo Abiy ku karbaashay madal caalami ah iyo Abiy oo awoodi waayey jawaab

0

Rome (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Rome uga qeyb-galay Madasha Talyaaniga iyo Afrika ayaa khudbad uu ka jeediyay wuxuu si weyn ugu karbaashay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Xasan ayaa madashan oo ay joog ahaayeen madax caalami ah ayaa si adag uga hadlay xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, isaga oo dhalleeceyn culus kala dul dhacay madaxdii Itoobiya ka socotaya ee uu hoggaaminayay Abiy ee ku sugan Talyaaniga.

Khudbada madaxweyne Xasan oo u muuqatay karbaash ayaa cambaareyn culus loogu geystay madaxda dalka Itoobiya, iyada oo la adeegsanayo shuruuc caalami ah iyo xeerarka dunida u yaalla

Taasi oo dunida ay ka yaabtay sida uu u hadlay madaxweyne Xasan, ayada oo uu awoodi waayay ra’iisul wasaaraha dalkaasi Abiy Axmed inuu ka jawaabo khudbadii Xasan Sheekh uu ka jeediyay dalka Talyaaniga.

Hadaladii kulula ee Xasan Sheekh uu ka yiri madashaasi ayaa kamid ahaa “Dal Afrikan ah ayaa u yimid Talyaaniga in uu iskaashi la sameeyo dowladda Talyaaniga iyo waddamada kale ee Afrika. Waa dal ay madaxdiisa awoodi waayeen inay ilaaliyaan xeerarka iyo shuruucda caalamiga ah ee dunida u yaalla.”

“Taasi macnaheedu waa inuu jiro dal Afrika ah oo aan diyaar u aheyn inuu iskaashi caalami ah sameeyo ama aan fahamsaneyn waxa uu yahay iskaashiga caalamiga ah.”

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay madaxda Itoobiya inay ka laabtan go’aankaasi guracan ee qaras iska-tuurka ah ee fadeexadda ku ridaya dalkaas iyo madaxdiisa.

“Iskaashiga Afrika iyo Talyaaniga ma noqon karo mid shaqeeya haddii dal Afrikaan ah uu ku xad-gudbo xuduudaha dal kale, waxaana tusaale u ah isku dayga fashilmay ee faro-gelinta Itoobiya ku sameysay madax-bannaanida dalkeenna,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Abiy Axmed iyo wafdigiisa markii ay dhankooda hadlayeen kama aysan jawaabin khudbada madaxweyne Xasan Sheekh, laakiin waxay ka hadleen iskaashiga Talyaaniga iyo Afrika dhexmari kara.

Si kastaba, Ethiopia ayaa wajaheysa cadaadis caalami ah oo la xiriira heshiiska Somaliland, kadib markii ay Soomaaliya kaga adkaatay dhanka diblumaasiyadda, ayna inta badan dalalka caalamka la safteen, kuna garab istaageen go’aanka ay ka qaadatay xad-gudubka xukuumadda Abiy Axmed.

NISA oo shaaca ka qaaday magacyada 6 horjooge oo ay soo afjartay, kuna hawlanaa…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ayaa shaacisay inay soo afjartay nolosha 6 horjooge oo muddo dheer ku hawlanaa uruurinta baadda shacabka Soomaaliyeed.

Hay’adda NISA oo kaashanaysa saaxiibada caalamka ayaa howl-galkaan ka fulisay deegaanka Buq-aqable ee gobolka Hiiraan, kaasi oo lagu dilay horjoogeyaasha lixda ah ee ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Lixda horjooge ee la soo afjaray noloshooda ayaa waxaa la beegsaday xilli ay ku safrayeen labo gaari kadib markii ay ka imaadeen deegaanka Buq-aqable, sida ay shaacisay NISA.

“Howl-galkaan ayaa lagu guulaystay in lagu soo afjaro horjoogeyaal lagu raad joogay, kuwaasi oo muddo dheer ku howlanaa dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka hay’adda NISA.

“Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka waxaa markasta ka go’an in ay meel kasta ku beegsato cadowga Khawaarijta ah re ku howlan dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.”

Lixda horjooge ee la dilay ayaa waxay kala yihiin;

1. Cismaan Cali Cabdi (Caanooy) oo ahaa horjoogihii baadda shacabka u qaabilsanaa Al-Shabaab degmada Jalalaqsi.

2. Buulle Kabey oo ahaa horjoogihii gaadiidka Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

3. Maxamed Abuukar oo ahaa horjoogihii baadda shacabka ee deegaanka Ceel-Cali ee gobolka Hiiraan.

4. Cabdisalaan oo ahaa horjoogihii baadda shacabka ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

5. Macalin Yaasir oo sidoo kale loogu yeero Saabir oo boono-jare ka ahaa Isbaaradda Al-Shabaab u taalla deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan.

6. Macalin Aadan Fanax waxa uu ahaa xubin ka tirsan qeybaha baadda iyo boobka dhaqaalaha shacabka ee Al-Shabaab.

Maxaa looga hadlay kulankii maanta ee BF? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 13-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa maanta oo Arbaco ah waxaa shir guddoominaayay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.

Kulanka ayaa ajandihiisu ahaa:

  1. Dhaarinta Wasiiradda Cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Wasaaradda Howlaha Guud.
  2. Warbixinta Akhrinta 2-aad ee Hindise -Sharciyeedka Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed.
  3. Qeybinta Hindise -Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed.

Ugu horeyn Hab-dhowraha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa dhaariyay Wasiiradda Cuseb ee Wasaaradda Beeraha iyo Wasaaradda Howlaha Guud XFS.

Xildhibaan Maryan Maxamed Ciise oo ka mid ah guddiga Xuquuqul Insaanka Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada ayaa Mudanayaasha Golaha Shacabka ka hor akhrisay Hindise -Sharciyeedka Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed si waafaqsan Qodobka 84aad (4) ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka.

Xildhibaanada ayaa aragtidooda ka dhiibtay mabda’ guud iyo ujeedada Hindise-Sharciyeedka, iyagoo tala-soo jeedin iyo erayada qaar ay ubaahan yahiin turxaan bixin ay ku soo sameeyaan guddiga Xuquuqul Insaanka.

Xubnaha guddiga ayaa mid mid ugu jawaabay dhamaan weydiimaha Xildhibaanada.

Ugu dambeyn guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin oo kulanka soo xirtay ayaa fartay guddiga Xuquuqul Insaanka Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada in ay Akhrinta 3-aad ay ku soo biiriyaan talo soo jeedinta iyo turxaan bixinta Mudanayaasha Golaha Shacabka BJFS.

Cumar C/rashiid oo ka digay tallaabo uu qaadi karo ABIY

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo wareysi gaar ah siiyay Wariye Ayaanle Xuseen Cabdi iyo Hanoolaato ayaa ka hadlay arrimo la xiriira xiisadda u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhashay heshiiska badda.

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in Abiy Axmed uu ku dhiiran karo dagaal, uuna ka digayo arrintaasi, maadaama ay dhibaato ku keeni karto gobolka Geeska Afrika.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in ra’iisul wasaare Abiy Axmed ay wax kasta ka suurtoobaan, sidaas daraadeedna loo baahan yahay feejignaan iyo diyaar garow xoogan.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray dadka Soomaaliyeed oo uu ugu baaqay inay u diyaar garoobaan difaaca dalka, haddii ay Itoobiya isku daydo inay xoog ku qabsato baddeenna.

“Abiy Axmed isaga oo Addis Ababa qarka loo taagan yahay ayaa ka shaqaynaya kala qaybinta ama kala goynta Soomaaliya, waxa aan qabaa in aan la yaraysan waayo wax badan ayuu ku dhiirran karaa sida in uu dagaal soo qaado marka waxaa loo baahan yahay in laga feejignaado” ayui yiri Cumar Cabdirashiid.

Dhinaca kale waxa uu soo hadal qaaday dalabka Itoobiya u dirsatay IGAD, si mar kale looga hadlo xiisadda ka dhalatay heshiiska sharci darrada ah ee uu la galay Somaliland.

Mr Sharmaake ayaa ugu baaqay hoggaanka Urur Goboleedka IGAD in aysan aqbalin dalabka ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, maadaama uu horay u diiday shirkii ay dalbatay Soomaaliya ee ka dhacay dalka Uganda.

“Ma habbooneyn in loo ogolaado Abiy Axmed Shir uu Urur Goboleedka IGAD uga codsaday in markale la qabto si uu uga hadlo Xiisada sababtay damaciisa ku aadan helitaanka qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliya. isaga oo ka qaybgali karay shirkii IGAD ee dhowaan uu ka baaqsaday sidaas darteed waxa uu Urur Goboleedkaas usoo jeediyay in aanay laga aqbalin codsigiisa” ayuu yiri sii raaciyay.

Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa kasii dareysay tan iyo wixii ka dambeeyay kowdii bishan markaas oo la saxiixay heshiiska badda ee dhexmaray Muuse Biixi iyo Abiy Axmed, kaas oo ay ka carootay dowladda Soomaaliya.

Ethiopia oo IGAD ka dalbatay shir xasaasi ah, xilli ay diiday midkii DF Soomaaliya

0

Addis Ababa (Caasimada Online) –  Dowladda Itoobiya oo war cusub soo saartay ayaa ka dalbatay IGAD qabashada shir aan caadi ahayn oo looga hadlayo xiisadda gobolka ka taagan ee ka dhalatay heshiiska badda Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya oo codsigan soo saartay ayaa farriinteeda toos ugu dirtay Jabuuti oo haatan haysa hoggaanka shir guddoonka Urur Goboleedka IGAD.

Warsaaxaafadeedka wasaaradda arrimaha Itoobiya ayaa lagu sheegay in xukuumaddooda ay dooneyso inay sharaxdo arimaha gobolka ee taagan, gaar ahaan heshiiska badda ee ay la gashay Somaliland.

Lama oga in IGAD ay aqbali doonto codsiga Itoobiya, maadaama ay horay iyaduna u diiday shirkii ka dhacay Kampala ee ay dalabkiisa lahayd dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Soomaaliya ee ku aadan dalabka ay IGAD u dirtay Itoobiya.

Dhinaca kale ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid oo ka hadlay arrintaan ayaa farriin u diray Ururka IGAD

Mr Sharmaake ayaa ugu baaqay hoggaanka Urur Goboleedka IGAD in aysan aqbalin dalabka ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, maadaama uu horay u diiday shirkii ay dalbatay Soomaaliya ee ka dhacay dalka Uganda.

“Ma habbooneyn in loo ogolaado Abiy Axmed Shir uu Urur Goboleedka IGAD uga codsaday in markale la qabto si uu uga hadlo Xiisada sababtay damaciisa ku aadan helitaanka qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliya. isaga oo ka qaybgali karay shirkii IGAD ee dhowaan uu ka baaqsaday sidaas darteed waxa uu Urur Goboleedkaas usoo jeediyay in aanay laga aqbalin codsigiisa” ayuu yiri Sharmaake

Arrintaan cusub aya kusoo aadeysa, xilli madaxweynaha Soomaaliya iyo raysal wasaaraha Itoobiya ay ku wada sugan yihiin magaalada Roma ee dalka Italy, halkaas oo ay uga qeyb galayaan shirka Italy iyo Afrika.

Koonfur Galbeed oo jawaab culus ka bixisay weerarkii Al-Shabaab ee Baydhaba

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed ayaa jawaab deg-deg ah ka bixiyay weerar culus oo ay shalay Al-Shabaab kusoo qaadeen magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka, kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan oo leh dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed oo kaashanaya kuwa Xoogga dalka ayaa saaka qaaday howlgal wadajir ah oo ay ku beegsanayaan Al-Shabaab ku sugan aaggaasi.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegay inay howlgalka kusoo qabteen xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab, ayna usoo bandhigi doonaan warbaahinta.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay haata ka bilaabeen duleedka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in weerar ay soo qaadeen Shabaab laga hortagay, kadibna xubna badan looga laayay aagga Baydhaba,.

“Tiro khawaarijta katirsaneed ayaa xaley lagu laayey Duleedka Waqooyi ee Magaalada Baydhabo Kadib markii ay isku dayeen inay soo weeraraan xaro Ciidanka Daraawishta Koofurgalbeed ay daganaayeen. Ciidanka oo kawarheley dhaqarta khawaarijta ayaa fashiliyey weerarka khawaarijta” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda dhexe.

Dhinaca kale, Al-Shabaab ayaa guul ka sheegatay dagaalkan, waxayna sheegtay inay cagta mariyeen saldhigga ay weerareen, ayna ku dileen ugu yaran 5 askari.

Sidoo kale waxa ay kooxda intaasi kusii dartay in hub iyo saanad milatari ay ka qaadatay xerada lagu dagaalamay oo ay daganaayeen ciidamada Koonfur Galbeed.

Marar badan ayaa labada dhinac sidaan oo kale waxa ay ugu dagaalameen aagga magaalada Baydhaba, maadaama ay go’doon ku hayaan maleeshiyada Al-Shabaab.

Farmaajo oo qoraal xasaasi ah soo saaray kadib arrintii uu ku dhowaaqay Saciid Deni

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo gogosha wadahadal ee arrimaha Soomaaliya ee Puntland ay dhigtay, taasi oo shalay madaxweyne Deni uu sheegay in dowladda federaalka ay aqbashay. 

Farmaajo, oo qoraal soo dhigay bartiisa facebook, ayaa madaxdii hore ee dalka iyo kuwa hadda xilka haya ugu baaqay inay ka qeyb-galaan shirkaas, inkasta oo aanu caddeyn in isaga uu ka qeyb-galayo iyo in kale. 

Farmaajo ayaa sidoo kale uga baaqay xildhibaanada labada aqal in inta shirkaasi socdo ay ka fogaadaan tallaabooyinka aan la isku waafaqsanayn ee la xiriira laalidda dastuurka iyo wax ka beddelka hannaanka maamul ee dalka. 

Hoos ka aqriso qoraalka Farmaajo 

Kulankii u danbeeyey ee aan Dooxa kula yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa aannu kaga wada hadalnay muhiimadda ay leedahay inuu hoggaamiyo wadatashi heer qaran ah oo lagu wajahayo xaaladaha taagan ee la xiriira wax ka beddelka dastuurka, qaab dhismeelka maamul ee dalka iyo khataraha ku gedaaman madaxbannaanida iyo midnimada dalka, taas oo ah jidka keliya ee furan in la qaado. 

Waxaan soo dhoweynayaa shirka Garoowe ee looga tashanayo arimaha hortebinta u leh dalka, aniga oo madaxdii hore ee dalka iyo kuwa xilka haya ugu baaqaya in ay ka qayb galaan shirkaas oo ah mid muhiimad weyn u leh dalka oo xilligan maraya marxalad xaasaasi ah. 

Labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumadda waxaan u soo jeedinayaa in inta uu shirkaasi socdo ay ka fogaadaan tallaabooyinka aan la isku waafaqsanayn ee la xiriira laalidda dastuurka iyo wax ka beddelka hannaanka maamul ee dalka. 

Ma jirto xilli uu dalkeennu uga baahi badan yahay in aynu u midowno ka hortagga xasillooni darro gudaha ka timaadda iyo sidii aynu dadkeenna iyo dalkeenna uga difaaci lahayn khatarta dibadeed ee aynu wajahayno, meelna la iska dhigo tallaabooyinka kala qaybsanaanta siyaasadeed u horseedaya dalka.

Sidee looga falceliyay shirka uu iclaamiyay Saciid Deni?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dib loo doortay ee mamaulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa dhowaan iclaamiyay shir guud oo wadatashi ah, kaas oo looga hadlayo marxaladda adag ee lagu jiro iyo khilaafka maamulkiisa kala dhexeeyo dowladda.

Saciid Den ayaa faahfaahiyay gogosha wadahadal ee arrimaha Soomaaliya ee Puntland ay dhigtay, taas oo uu ku dhawaaqay maalintii caleemo-saarkiisa.

Puntland ayaa shaacisay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, uu aqbalay gogoshaas, waxaana kulamadii madaxdu ku yeesheen Garoowe todobaadkan looga hadlay Ajandaha Shirka heer Federaal ee ay gogoshiisa dhigtay Puntland oo ka dhici doona Garoowe.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shir guddoomiyey kulan aan uga arrinsanay gogosha ay dhigtay Puntland, kaas oo ay ka soo qeyb galeen madaxdii hore iyo hoggaanka Puntland, kulankaas waxaa looga hadlay gogosha ay dhigtay Puntland, si looga arrinsado xaaladda Soomaaliya,” ayuu yiri Deni.

Sidoo kale  madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo gogosha wadahadal ee arrimaha Soomaaliya ee Puntland ay dhigtay, taasi oo shalay madaxweyne Deni uu sheegay in dowladda federaalka ay aqbashay. 

Waxaan soo dhoweynayaa shirka Garoowe ee looga tashanayo arimaha hortebinta u leh dalka, aniga oo madaxdii hore ee dalka iyo kuwa xilka haya ugu baaqaya in ay ka qayb galaan shirkaas oo ah mid muhiimad weyn u leh dalka oo xilligan maraya marxalad xaasaasi ah.” ayuu isna qoraal uu soo saaray ku yiri Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Haddaba sidee shacabka uga falceliyeen shirka Garoowe?

Sharmaa’rke Ciise “Puntland u baqi maayo mar hadaa joogtid adigu Madaxweyne ee inoo soo dhici xaqeena guulaysana.

Ibraahim Nuur Maxamed “Oday nabadeed aabaha Puntaland guulayso madaxweyne”.

Cabdisalaan Maxamuud “Insha Allah ilahey waxan ka baryeena in shirka nabadeed qeyr kasoo baxo danta dalka iyo dadka laga wada shaqeeyo”.

Ubax Saciid “Mudane madaxweyne waa arrin wanagsan gogoshaa dhigtey rabi haka dhigo midii Soomali midnimadood xoojisa”.

Cabdulqaadir Faarax “Runtii waa arrin wngsan dadka Soomaaliyeedna waxay doonayaan dowlad Soomaaliyed oo deeqda”.

Mahad Cabdi Ciise “Gogosha aad dhigtay waxaa ka horeysa inaad reer Puntland u dhigto, kabacdi kasoo qeybgal madasha wadatashiga”.

Daahir Cusmaan “Siciid Daniyow markasta dagaal laguma jiri karee hadaa nabadda iyo wada hadal usoo laabatay waa kuugu bogaadinaa.

Qoor Qoor oo shaaciyay sida looga adkaan karo Itoobiya

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo maanta furay kalfadhiga 9-aad ee Golaha Wakiillada maamulkaasi ayaa ka hadlay arrimo ku aadan heshiiska badda Soomaaliya.

Qoor Qoor ayaa ugu horreyntii caddeyeeyay mowqifka maamulkiisa, isaga oo hoosta ka xariiqay inay garab taagan yihiin dowladda federaalka Soomaaliya.

“Mowqifka ay Galmudug ka qabto tacaddiyada dalka dibaddiisa ka imaanaya horayna waan u caddeynay markalena waan caddeyneynaa Galmudug mowqifkeeda waa cad yahay waxay garab u tahay dowladda federaalka iyo guud ahaan Soomaaliya” ayuu yiri Qoor Qoor.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan aqbali doonin in si sharci darro ah lagu qaato taako kamid ah dhulka Soomaaliyeed.

“Ma aqbali doono hal tallaabo oo sharci darro ah ka timaadda dalkeenna dibaddiisa” ayuu mar kale ku yiri khudbad uu u jeediyay xildhibaannada baarlamaanka Galmudug.

Waxaa kale oo uu soo hadal sida loo weji karo arrinta Itoobiya, si looga hortego damaceedda gurracan, wuxuuna sheegay in looga adkaan karo midnimo iyo wadajir.

“Qadiyadaha hadda taagan oo kale waxaa looga gudbi karaa midnimo iyo wadajir, mana maleynayo inuu jiro qof Soomaaliyeed oo gorgortan uga jirto madax bannaanida iyo midnimada dalka” ayu uku daray.

Go’aanka Qoor Qoor ayaa yimid, ayada oo in dhowaanahan maamullada dalka lagu dhaliilayay sida ay uga aamusan yihiin arrinta heshiiska badda ee Itoobiya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli halkeeda ay taagan tahay xiisadda badda ee ka dhalatay heshiiska ay Somaliland dhowaan la gashay dowladda Itoobiya.

HirShabeelle oo shaacisay cidda ka dambeysa dagaal beeleedka xadka labada gobol

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka HirShabelle Cabdi Daahir Guure Karoore oo u warramay warbaahinta ayaa si adag uga hadlay dagaal beeleedka kasoo cusboonaaday xadka kala qaybiya gobollada Hiiraan & Shabeelaha Dhexe.

Karoore ayaa marka hore shaaca ka qaaday in dagaalkaas oo u dhexeeyo beelaha Abgaal iyo Xawaadle ay ka dambeyso kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa ku eedeeyay kooxda inay isku direyso labada beelood, isla markaana ay hurineyso dagaalkooda, si ay uga dhex faa’iideysato.

Ujeedkooda waxa uu tilmaamay inuu yahay inay isaga yareeyaan culayska hadda saaraan, maadaama looga adkaaday deegaanada maamulka HirShabelle.

“Nimankii Shabaabka ee laga adkaaday ayaa sameynaya inay beelaha isku diraan, si culeyska la soo saaray ay isaga yareeyaan, waxayna ku mashquulsan yihiin in dadkii ay ka dhex adeegtaan, ayna isu jiheeyaan, si dagaalka ayaga ku wajahan uu gaabis u galo.” ayuu yiri Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka HirShabelle.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ka hortegi doonaan qorshaha Al-Shabaab, isla-markaana ay fahamsan yihiin danaha ka ay leedahay hurinta colaaddaasi.

“Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Hirshabelle, labaduba faham fiican ayay ka qabaan, Insha’Allah waana ka hortagaynaa, dhammaanteenana waan ka wada shaqeynaynaa” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle Cabdi Daahir Karoore.

Dhanka kale waxa uu hoosta ka xariiqay in haatan ay wadaan dadaallo dheeraad ah oo lagu heshiisiinayo beelaha ku dagaalamayo deegaanka Iji oo dhaca xadka labada gobol, si xal waara loogu helo dagaal beeleedyada kusoo noq-noqday deegaanadaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana sidoo kale lagu guuleystay in xabad joojin deg-deg ah la kala dhex dhigo maleeshiyaadka labada dhinac ee ku dagaalamaya halkaasi.

Soomaaliya oo dalab la xiriira difaaca u gudbisay Talyaaniga

0

Roma (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo kamid ah wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ee ku sugan magaalada Roma ayaa kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa dalka Talyaaniga.

Kulanka Jaamac iyo wasiirka difaaca Talyaaniga Guido Crosetto ayaa waxaa looga hadlay wadashaqeynta labada wasaaradood ee arrimaha difaaca iyo inay ka yeeshaan iskaashi.

Wasiirka difaaca Soomaaliya ayaa dowladda Talyaaniga u gudbiyay dalal la xiriira difaaca dalka, maadaama ay dowladdiisu dagaal adag kula jirto kooxda Al-Shabaab.

War kooban oo laga soo saaray kulanka ayaa waxaa lagu sheegay in xilligan ay Soomaaliya u baahan tahay taageero dhanka difaaca ah oo ka hesho caalamka.

“Wasiirka Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa mahad-celin kaddib  dhiggiisa la wadaagaay muhiimada ay Soomaaliya  u leedahay taageerada Difaaca ee Saaaxibada Caalamka ee xiligan oo ay dolwadda iyo shacabka Soomaaliyeed ku jiraan dagaal xooggan oo ay isaga xoreynayaan Ururo Argagixiso ah oo dhibaato ku haya Soomaaliya iyo dalalka dariskaba” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Jaamac ayaa kamid ah wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay shirka Afrika iyo Tayaaniga ee ka dhacay magaalada caasimada ah ee Roma.

Xasan oo shalay khudbad ka jeediyey Madasha Talyaaniga iyo Afrika ayaa nuux-nuuxsaday mustaqbalka wanaagsan ee Soomaaliya, isaga oo si gaar ah u xusay fursadaha maalgashi iyo khayraadka dihan ee ceegaaga dalkeenna oo wax tar u leh gobolka iyo guud ahaan caalamka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in iskaashiga caalamka uu ku tiirsan yahay ixtiraamka sharciyadda iyo mabaadi’da madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka.

“Iskaashiga Afrika iyo Talyaaniga ma noqon karo mid shaqeeya haddii dal Afrikaan ah uu ku xadgudbo xuduudaha dal kale, waxaana tusaale u ah isku dayga fashilmay ee faro-gelinta Itoobiya ku sameysay Madaxbannaanida dalkeenna,” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Daawo: Kulane oo Xasan Sheekh ka dalbaday inuu magacaabo wasiirrada Daarood

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Kulane Jiis oo maanta banaanka xarunta golaha shacabka warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in beesha Daarood aysan wax metelaad ah ku laheyn xukuumadda, isagoo farriin u diray Madaxweyne Xasan Sheekh.

Kulankii maanta ee golaha shacabka ayaa lagu dhaariyey labo wasiir oo maalin ka hor uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Xamza, wuxuuna xildhibaan Kulane su’aal ka keenay sababta loo magacaabi la’yahay boosaska banaan ee wasiirradii meteli lahaa beelaha Daarood.

Wuxuu sheegay in xukuumaddu ay xaq u leedahay goorta ay magacaabeyso wasiirada iyo cidda ay u magacaabeyso, balse ay doonayaan in boosaska metelaadii xukuumadda ee beesha Daarood ka banaan uu magacaabo Xasan Sheekh oo sida uu sheegay wax kasta isku ah.

“Madaxweynaha iyo madaxa xukuumadda oo hadda isku hal ah waxaan rabnaa inuu si deg deg ah u magacaabo wasiirrada anaga na metela, hadii Xasan Sheekh uusan na meteleyn,” ayuu yiri Kulane.

Xildhibaanka ayaa sheegay in aysan qaada karin in beesha Daarood aysan xukuumadda ku yeelan wax metelaad ah, “Wasiiradii beesha Daarood ayaa maqan, iyadoo wasiiradii beeshaas maqan yihiin ayaa wasiirro kale la kala bedelay,” ayuu yiri.

Hadii aan wasiiradaas lasoo magacaabeyn wuxuu dalbaday in madaxweyne Xasan Sheekh uu cadeeyo in isagu metelo beesha, “Waan ku kalsoonahay, hana dhaho madaxweynuhu anigaa idin metela oo wasiirro idiin ah, aan dadkeena ku qancino inay metelaad heystaane,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Kulane Jiis ayaa sheegay in dadka uu metelo ay maalin kasta weydiiyaan sababta aan loo magacaabeyn kuraasta banaan ee wasiirrada Daarood, kuwaas oo kala ah wasiirrada amniga iyo arrimaha dibadda.

“Dadkii aan metelay waa i soo weydiinayaan, wasiirro ayaa la kala bedelayaa ee anaga kuraasteena lama magacaabayo miyaa ayaa la i soo leeyahay wax aan ku jawaabana ma aqaan, marka hadda dadka aan metelo waxaan u sheegayaa Xasan Sheekh ayaa Taliye ciidan, wasiir, ra’iisul wasaare, madaxweyne iyo wax kasta idiin ah,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdullahi Kulane.

Hoos ka daawo

Sawirro: Xasan Sheekh oo madaxda Talyaaniga kala hadlay hal arrin oo xasaasi ah

0

Rome (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuiriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Rome ee dalka Talyaaniga kulamo kula qaatay Madaxweynaha dalkaasi mudane Sergio Mattarella iyo Ra’iisul Wasaare Giorgia Meloni oo ay ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dalka Talyaaniga uga qeyb galay ay isugu imaadeen madaxda dalalka Afrika iyo Talyaaniga, halkaas khudbad uu ka jeediyey madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisii ku soo bandhigay mustaqbalka wanaagsan ee Soomaaliya, fursadaha maalgashi iyo khayraadka dihan ee ceegaaga dalkeenna oo wax tar u leh gobolka iyo guud ahaan caalamka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in iskaashiga caalamka uu ku tiirsan yahay ixtiraamka sharciyadda iyo mabaadi’da madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka.

“Iskaashiga Afrika iyo Talyaaniga ma noqon karo mid shaqeeya haddii dal Afrikaan ah uu ku xadgudbo xuduudaha dal kale, waxaana tusaale u ah isku dayga  fashilmay ee faro-gelinta Itoobiya ku sameysay Madaxbannaanida dalkeenna,” ayuu Xasan Sheekh ka yiri shirkii Talyaaniga.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay caqabadaha hortaagnaa dowladnimada Soomaaliya iyo dhabar adaygga ay ku wajahayaan dadka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada ay barbar socdaan qorsheyaal lagu adkeynayo dowladnimada, laguna xoojinayo iskaashiga iyo doorka Soomaaliya ee Gobolka, kuwaas oo ay ka mid yihiin; ku biirista Dallada Bulshada Bariga Afrika, qaadista cunaqabateynta hubka iyo dhammeystirka deyn cafinta.

“Soomaaliya waxay ku faani kartaa khayraadka Alle ku mannaystay ee dhinacyada Beeraha, Xoolaha, Kalluumeysiga, Tamarta, iyo booska istaraatiijiga ah,  kuwaas oo ay wehelinyaan in ay yihiin dad fir fircoon, dhallinyaro u badan, kuna tilmaaman hammi iyo hal-abuur. Ku biirista Bulshada Bariga Afrika waxa ay si weyn u dhiirri-gelisay aragtidayada ganacsi” ayuu Xasan Sheekh ku yiri khudbadiisii shirka Talyaaniga.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa weli ku sugan Talyaaniga, wuxuuna caawa shir duceedkaan la yeeshay madaxda ugu sareysa, isagoo kala hadlay arrimaha Soomaaliya.

Joe Biden oo go’aansaday sida uu uga jawaabayo aakartii laga laayey Mareykanka

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu go’aansaday sida uu Maraykanku uga falcelinayo weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku dileen saddex askari oo Maraykan ah oo ku sugnaa dalka Urdun.

Isagoo ka hadlayay mar uu ka soo baxayay Aqalka Cad oo uu ka qeyb galayay lacag uruurintii Florida, Mr Biden wuxuu yiri, “Uma maleynayo inaan u baahanahay dagaal ku baaha Bariga Dhexe.”

Koox maleeshiyo ah oo ay taageerto Iiraan ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka ee lagu laayey askartaan.

Sidoo kale weerarkaas waxaa ku dhaawacmay askar kale oo Mareykan ah, wuxuuna ka dhacay meel u dhow xuduudda Suuriya.

Madaxweyne Biden si raami ah uma faahfaahin waxa ay noqon karto tallaabada Mareykanka, balse Aqalka Cad ayaa Isniintii ballan qaaday “jawaab dhaxal gal ah”.

Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay magacyada saddexdii askari ee looga dilay duqeyntii ka dhacday Jordan.

Saddexdaas sarkaal ayaa kala ah:

1. Sgt William Jerome Rivers, oo 46 sano jir ah.

2. Specialist Kennedy Ladon Sanders, oo 24 sano jir ah iyo

3. Specialist Breonna Alexsondria Moffett, oo 23 sano jir ah.

Wariye Maxamed Abukar Kulmiye oo dib xoriyadiisa u helay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wariye Maxamed Abukar Kulmiye oo muddo bil ah gacanta ugu jiray hay’adda NISA ayaa dib u helay maanta xoriyadiisa, kadib markii maxkamadda gobolka Banaadir ay ku weysay wax dambi ah.

Wariye Kulmiye ayaa muddo in ka badan 20 cisho la weysanaa,  kadib markii rag hubeysan ay ka qafaasheen meel ku dhow hoygiisa oo ku yaalla degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, hase ahaatee dedaal badan oo ay bixiyaan bahda warbaahinta ugu dambeyn la ogaaday in si afduub ah loogu xiray godka Jilicow oo ay maamusho NISA.

NISA oo la kulantay cadaadis xooggan ayaa isku deyday in maxkamadda gobolka Banaadir qeybta ciqaabta horgeyso Kulmiye, si loogu gudbiyo xabsiga dhexe, hase ahaatee garsooraha maxkamadda gobolka Banaadir C/raxmaan Saciid Axmed ayaa horgeyn kadib faray in Mohamed Abukar Kulmiye la siiyo xorriyadiisa maadaama sifo sharci darro lagu xiray, sidoo kalena uu dhibane u yahay dowladda federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale, Wariye Kulmiye oo si kooban ula hadlay warbaahinta waxa uu xaqiijiyay in mudadii uu xirnaa loo geystay tacaddi xooggan, waxaana uu sheegay in sababta loo qafaashay tahay in la diidan yahay baahintiisa maalin laha ah ee uu kaga hadlayey musuqa ka jira hay’adaha dowladda qaarkood.

“Runta sidaan kuma qarsoomi doonto, waxa igu dhacay wuxuu ahaa isku day dil, jirdil daran ayaa la ii geystay, waxa la igu haystana waa maxaad uga hadleysaa musuqa, shalay waxaan nafteyda raadsanayey argagaxisada oo dhibsaday barnaamijyada aan ka diyaarinayey maantana dowladdii oo shaqsiyaad rabaan in waxa ay doonaan ka sameystaan, intaan noolahay musuq iyo argagaxiso si isku mid ah ayaan ugula dagaali doonaa qalinka iyo Microphone ka” ayuu yiri Kulmiye.

Sanadkii 2020 sidaan oo kale ayaa wariye Kulmiye loogu afduubtay xarunta CID sababo la xiriira dagaalka uu kula jiro musuqa, iyadoo sidoo kale wariyahan uu ku caan yahay baahinta barnaamijyada bulshada looga wacyigeliyo ururada argagaxisada.

Daawo: Deni oo shaaciyey go’aanka DF ee ka qeyb-galka gogoshii ay dhigtay Puntland

0

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa faahfaahiyey gogosha wadahadal ee arrimaha Soomaaliya ee Puntland ay dhigtay, taas oo Deni uu ku dhawaaqay maalintii caleemo-saarkiisa.

Puntland ayaa shaacisay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, uu aqbalay gogoshaas, waxaana kulamadii madaxdu ku yeesheen Garoowe todobaadkan looga hadlay Ajandaha Shirka heer Federaal ee ay gogoshiisa dhigtay Puntland oo ka dhici doona Garoowe.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shir guddoomiyey kulan aan uga arrinsanay gogosha ay dhigtay Puntland, kaas oo ay ka soo qeyb galeen madaxdii hore iyo hoggaanka Puntland, kulankaas waxaa looga hadlay gogosha ay dhigtay Puntland, si looga arrinsado xaaladda Soomaaliya,” ayuu yiri Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu soo dhaweeyey gogoshaas, isla markaana uu hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay in gogoshaas la qabto.

Sidoo kale Deni ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS u xilsaaray diyaarinta ajendaha gogoshaas looga hadlayo.

“Kulankii kaas xigay waxaa lagu falanqeeyey ajendeyaasha ay tahay in gogoshaas lagu soo bandhigo, si loogu gudbiyo madaxweynaha oo qaban doona waqtiga ku haboon ee gogoshaas la isugu imaan karo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Saciid Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa madaxda dowlad goboleedyada iyo madaxweynaha DF uga mahad celiyey sida ay u aqbaleen gogosha looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ee Puntland ay dhigtay.

“Markii madaxweynuhu waqtiga noo iclaamiyey ayey gogoshaasi ka dhici doontaa Garowe, si aan uga arrinsano marxaladaha adag ee ku soo wajahan qaranimada Soomaaliya, waxaana rajeynayaa inay soo baxaan qodobo muhiim u ah masiirka dalka,” ayuu yiri Deni.

Hoos ka daawo

Al-Shabaab badan oo lagu laayay duleedka magaalada Baydhaba kadib markii…

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab oo xalay ka dhacay duleedka waqooyi ee magaalada Baydhaba.

Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay xero ay daganaayeen ciidamada ammaanka, kadib markii ay soo weerareen xubnaha kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in dagaal lagu hoobtay uu ka dhacay halkaas, kaas oo ay labada dhinac ka sheegteen guullo waa weyn.

War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in weerar ay soo qaadeen Shabaab laga hortagay, kadibna xubna badan looga laayay aagga Baydhaba,.

“Tiro khawaarijta katirsaneed ayaa xaley lagu laayey Duleedka Waqooyi ee Magaalada Baydhabo Kadib markii ay isku dayeen inay soo weeraraan xaro Ciidanka Daraawishta Koofurgalbeed ay daganaayeen. Ciidanka oo kawarheley dhaqarta khawaarijta ayaa fashiliyey weerarka khawaarijta” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda dhexe.

Dhinaca kale, Al-Shabaab ayaa guul ka sheegatay dagaalkan, waxayna sheegtay inay cagta mariyeen saldhigga ay weerareen, ayna ku dileen ugu yaran 5 askari.

Sidoo kale waxa ay kooxda intaasi kusii dartay in hub iyo saanad milatari ay ka qaadatay xerada lagu dagaalamay oo ay daganaayeen ciidamada Koonfur Galbeed.

Marar badan ayaa labada dhinac sidaan oo kale waxa ay ugu dagaalameen aagga magaalada Baydhaba, maadaama ay go’doon ku hayaan maleeshiyada Al-Shabaab.

Soomaaliya oo khatarta heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya la wadaagtay dalalka…

0

Kuala Lumpur (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa weli wada dadaallada ay ku dooneyso in caalamka ku tusto khatarta heshiiskii 1-dii bishaan ay Addis Ababa ku gaareen Muuse Biixi iyo Abiy Axmed.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Malaysia Danjire Abuukar Cabdi Cusmaan oo kulan la yeeshay safiirada dalalka Carabta ee fadhigoodu yahay dalkaasi ayaa warbixin ka siiyay danjireyaasha fara-gelinta iyo ku xad-gudubka qaawan ee Ethiopia kula kacday Qaranimada Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in Ethiopia ay is-afgarad (MoU) sharci-darro ah ku xalaalsanayso dhulka, badda iyo khayraadka cegaaga badda iyo dhulka Soomaaliya, ayna la saxiixatay maamulka Somaliand oo ah kamid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa sidoo kale waxay safiirada dalalka Carabta u soo bandhigay in is-afgaradka Ethiopia iyo maamulka Somaliland kala saxiixdeen aanu khatar ku ahayn Soomaaliya oo keliya, balse uu halis ku yahay calaamka gaar ahaan dalalka Bariga Dhexe, Asia iyo Geeska Afrikaba, kuwaasi oo kulaala biyaha Badda Cas.

Danjire Abuukar ayaa ugu dambeyntiina wuxuu mahadnaq ballaaran u jeediyey dowladaha Carabta iyo qaraarkii Jaamacadda Carabta ay ka soo saartay, kaasi oo ay ku taageereen go’aankii dowladda federaalka Soomaaliya uga hortimid heshiis beenaadkaasi.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa meel adag iska taagtay heshiiskii Addis Ababa, oo Ethiopia lagu siinayo qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya, ayada oo madaxweyne Xasan Sheekb uu saxiixay xeer burinaya is-afgaradka sharci-darrada ah ay kala saxiixdeen Ethiopia iyo Somaliland.

Si kastaba, Ethiopia ayaa wajaheysa cadaadis caalami ah oo la xiriira heshiiskaan, kadib markii ay Soomaaliya kaga adkaatay dhanka diblumaasiyadda, ayna inta badan dalalka caalamka la safteen, kuna garab istaageen go’aanka ay ka qaadatay xad-gudubka xukuumadda Abiy Axmed.