25.1 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

SOOMAALIYA oo dalbatay $1.6 bilyan oo deg-deg ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynya Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta shirweyne muhiim ah ka daah-furay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayo qorshaha ka jawaabista baahiyaha bani’adamnimo ee sanadkaan 2024.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa furitaankiisa ka qayb-galay ku-xigeenka Ergayga gaarka ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, ahna xiriiriyaha gargaarka bini’aadamnimo ee Soomaaliya George Conway, sidoo kale waa goobjoog ka ah wasaaraddaha gargaarka dowlad goboleedyada, Hay’addaha ka shaqeeya samafalka, Deeq-bixiyayaasha iyo madax ka socotay hay’adda QM ee ka shaqeeya samafalka.

Hay’addaha dowliga iyo kuwa aan dowliga ahayn ee qabta arrimaha samafalka ayaa shirkan ku dalbaday lacag dhan $1.6 bilyan si loo caawiyo dad gaaraya 5.2 Milyan oo Soomaali ah sanadka 2024.

Guddoomiye Maxamuud Macallin oo sharraxayay lacagtaasi ayaa sheegay inay ka yartatahay mar la eego sanadkii lasoo dhaafay ee 2023-kii oo la wajahay xaalad adag.

“Waxaa hoos u dhacay dalaba, kii hore wuxuu ahaa 2.6 bilyan, meesha uu halkan ka yahay 1.6 bilyan, waxaa dareemi kartiin hoos u dhac weyn oo hal bilyan ah ayaa ku jiro” ayuu yiri guddoomiyaha hay’adda SoDMA.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Soomaaliya way ka fiicnaaneysa sida insha allah, laakiin weli xaaladdii waa ku jirnaa”.

Waxaa kale oo kusii daray in Soomaaliya markan la dhibsaday, sidaas daraadeedna loo baahan yahay inay tashadaan dadka Soomaaliyeed, ayna iyaga is caawiyaan.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in sanadkii tagay dadka Soomaaliyeed ay isugu darsoomeen fataahado ka dhashay roobabkii Elnino-da kuwaas oo sababay barakac fara badan isagoo sheegay in 80% dadka ku barakacay ay yihiin Caruur iyo Haween.

Fahadow! wayso nin ay u dhawran tahay ayey ka jabtaa – Jawaabta qormadii Ciil Walaal

Waxaan aqriyey Qormo dheer oo uu qoray Fahad Yaasiin, cinwaanna uu uga dhigay CIIL WALAAL taas oo xambaarsaneyd waxyaabo badan oo isugu jiray macluumaad, eedo culculus iyo wax aan u arkay meel ka dhacyo uu qoraaga qormadaasi uu si toos ah ugu geysanayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Ugu horreyn waxaan qirayaa Fahad Yaasiin inuu yahay Saxafi hore oo aan is leeyahay dhammaan shuruucda saxaafadda iyo isdhaliilidda waa ku khabiir, welina waa uu xusuustaa. In kastoo uu soo maray siyaasad majare adag oo awood badan uu lahaa muddo xileedkii Farmaajo, markaas oo lagu eedeynayey inuu sharciga ka sare maray, haddana qofka inuu hilmaamo xirfaddiisa aasaasiga ah ma badna.

Qormada CIIL WALAAL oo aan aqriyey labo mar waxaan go’aansaday in aan ka iraahdo dhawr kalmadood, si gaar ahna aan u dul istaago goldalooladeeda, aniga oo qoraaga toos ugu jawaabaya.

Ugu horreyn, Billowga qoraalka waxaad Fahadow ku sheegtay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle in uu mar walba doonayo in ay Soomaaliya ku jirto qalalaase joogto ah. Waa eed culus, dad badanina kulama qabaan sida aan is leeyahay, yeelkeede adigana dooddaas uma yeelin caddeyno iyo xigashooyinka marqaati kacaya eedda aad huwisay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Midda labaad waxaad sheegtay in markii Abiy Axmed uu billaabay inuu ku dhawaaqo “Bad ayaan u baahan nahay” inuu Ismaaciil Cumar Geelle la xiriiray Abiy, iskana jeediyey oo uu ku yiri “Soomaaliya ayaan bad kaaga dhameynayaa e aniga iga leexo”.

Haddii eeddaas si dhab ah loo eego, waxaa soo baxeysa in hadalkaaga uu ka hor imaanayaa dhawrkan arrimmood.

1. Abiy Axmed badaha uu u qaylo dhaaminayey kama mid aheyn midda Jabuuti, waana la wada og yahay taas, sidaas darteed sabab uu Ismaaciil isaga sasabo Abiy ma jirto.

2. Itoobiya wax yaabaha dibadda uga yimaada ama ay u dhoofiso 90% waxay marsiisaa Jabuuti, taas oo ah dano dhaqaale oo weyn marka lagu eego indhaha Jabuuti, sidaas darteed Madaxweyne Ismaaciil Cumar ma caawin karo nin doonaya inuu ka xiro ishaas dhaqaale ee weyn dalkiisa.

3. Barta ay Itoobiya dooneyso inay ciidan badeedkeeda degsato waa meel ka mid ah xad badeedka u dhexeeya Jabuuti iyo Soomaaliya, waxayna taasi keeni kartaa halis amni oo weyn oo ku timaada Dalka Jabuuti. Madaxweynaha Jabuuti ma aqbali karo arrinka noocaas, waayo dalkiisa dan uguma jirto, haatanna ma aqbalsana inta la og yahay.

4. Jabuuti iyada ayaa aqoonsan karta Somaliland haddii ay dooneyso, uma baahna in ay Itoobiyaan la qalqaaliso, kaddibna dhulbadeed 20KM ah la siiyo si aqoonsi loogu helo Somaliland.

5. Dadka dhulkoosa la qaadanayo ee ku nool Awdal waa beelaha Ciise iyo Samarroon, kuwaas oo kala ah beesha uu ka dhashay Madaxweyne Ismaaciil iyo beel kale oo reer Soomaaliya iyo Reer Jabuuti labadaba ah, dadka la siinayana waa Oromo iyo Qowmiyado kale oo haatan Gudaha Itoobiya ku gumaada Beesha Ciise iyo Soomaalida kale.

Marka la eego dhammaan arrimahaas iyo kuwo kale oo badan oo aanan dooneyn in aan hadda waqti ku lumino waxay muujinayaan in Ismaaciil Cumar Geelle uusan raalli ka noqon falka uu sameeyey Abiy. 

Madaxweyne Geelle waxaad ku eedeysay sanadkii 1977 inuu caawin jiray nimaadkii uu hoggaaminayey Mingistu, sidoo kale inuu hub u iibin jiray jabhadihii Soomaalida iyo in shirkii Carta uu ku dhabar jabinayey shir u qorsheysnaa Maxamed Ibaraahim Cigaal (AHN). Intuba waa macluumaad nagu cusub, adiga uun baan maanta kaa heynaa, waxaana loo baahan yahay caddeymo.

Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu Madaxweyne noqoday 24 sano ka hor, 1977-diina waxaa ka soo wareegtay 46 sano, waana xilligii Jabuuti ay Madaxbanaani qaadaneysay, Xilligaas Xilka uu Geelle hayey ee uu Mingisto ku taageerayey muxuu ahaa?

Dhinaca kale waxaad eed weyn huwisay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaad sheegtay;

1. In la khiyaameeyey oo uusan fahmin dabinka uu u dhigay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

2. Inuu isaga wax ka ogaa heshiiska Badda la saxiixay.

3. Ajende qarsoon oo ay wateen Madaxweyne Ismaaciil iyo Abiy in loo bandhigay.

4. Inuu doonayey isaga in uu badda saxiixo taas oo ka dhigeysa ajandihii qarsoonaa inuu si fudud ku ogolaaday.

5. Isaga iyo Abiy in ay teleefoon ku wada hadleen inta uu joogay Jabuuti, weliba isaga oo Ismaaciil la fadhiya in Abiy qadka la soo galiyey, kaddibna laga dhameystay in Badda la saxiixo.

6. Inuu ka xumaaday saxiixa uu Abiy la saxiixday Muuse Biixi iyo Aqoonsiga Somaliland ee uu diyaar u ahaa inuu badda Soomaaliyeed isaga saxiixo

Intaasiba waa eedeymo culus, laakiin qofka caqliga leh wuxuu is weydiin karaa Fahad siduu ku ogaaday intan oo dhan? Yaa u soo khabrayey? Haddiiba uu wax ogaa muxuu ummadda ugu sheegi waayey inta aan wax la saxiixin? iyo su’aalo kale.

Dhanka kale, haddii aad fiiriso dhawrkan arrimood ee aan hoos ku tixayo, eedeymahaaga ku aaddan Madaxweyne Xasan Sheekh iyaga ayaa is burinaya.

1. Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Maamulka Somaliland, mar uu ka jawaabayey sababta uu is-af-garadka ugu saxiixay degdegga wuxuu sheegay shirkii Jabuuti in uu rajo beel galiyey, in Koonfur lama midoobayana ay u sawirantay.

2. Dowladda Jabuuti caro daran ayey ka muujisay falka uu Muuse Biixi sameeyey, waxayna Go’aano adag ka qaadatay xiriirkii kala dhexeeyey maamulka Somaliland.

3. Madaxweynaha Jabuuti wuxuu isugu yeeray Madaxda IGAD, shirkana isaga ayaa guddoominayey, waxaana lagu taageeray Somalia, halka Itoobiya ay ka baaqatay shirka.

4. Wasiirkii ugu horreeyey ee iska casilay maamulka Somaliland waa Wasiirka Gaashaandhiga Maamulkaasi, kaas oo ka soo jeeday beesha Ciise ee degta Deegaanada la bixinayo, waana nin ay isku beel yihiin Madaxweynaha Jabuuti.

5. Jabuuti waxay olole weyn oo Somalia lagu taageerayo ka dhex qaaday jaamacadda Carabta, mowqifkeedana way caddeysay.

6. Safiirka Jabuuti ee UN-ka wuxuu la duubnaa Ergada Soomaaliyeed ee Qaramada Midoobey.

Dhammaan qodobadaas waxay muujinayaan sida ay Jabuuti iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle aysan shuqul ugu laheyn eedeynta aad u jeedisay ee la xiriirta ka qeyb qaadashada qorsheynta falka waallida ah ee uu Abiy Axmed ku kacay, laakiin taas bedelkeeda carada ay ka qaadeen waxaa ay ka muuqatay falcelintooda min shacab illaa madax.

Arrinta kale ee yaabka leh waxay tahay, eedeymaha aad u jeedisay Madaxweyne Xasan Sheekh waxaad u dhigtay sida in aad carruur u sheekeyneysa oo kale. Qaabka aad u sifeysay Madaxweynaha dalka waa qaab maskaxda aqristaha ku sawiraysa qofka laga hadlayo inuu yahay ilmo yar, taasi kaliya gef kuma aheyn isaga, annaga qormadaada aqrineyna xitaa gef ayey nagu tahay, waayo qaabkii carruurta loogu sheekeyn jiray oo kale ayaad inoola hadashay.

Waxaad inoo sheegtay:

1. Xasan Sheekh inuu Ismaaciil soo wacay, ka codsaday in uu la kulmo Somaliland, Xasan inuu iska aqbalay, balse ajandaha waxba ku laheyn.

2. Ismaaciil inuu lahaa Ajande qarsoon oo kulanka Somaliland iyo Somalia uu iska ahaa mid raad tirasho ah.

3. Xasan in loo bandhigay Ajandaha qarsoon oo uu durba iska aqbalay ayaad inoo sheegtay.

4. Ismaaciil inuu Abiy ka baqayey oo iska maaweelinayey ayaad inoo sheegtay.

5. Xasan inuu soo aqbalay in Itoobiya bad la siiyo, balse isaga uu saxiixo, ayaad inoo sheegtay.

6. Xasan inuu ka carooday in heshiiska aan waxba looga hanbeyn ayaad inoo sheegtay, iyo waxyaabo kale oo badan. 

Qodobadaas qofka sameeyey ee laga hadlayaa Madaxweyne dal ma ahan, malahayga canug yar uun baa sameyn kara.

Fahadow! Haddii arrimahan aad xustay ay sidan sahlan u dhici karaan, ma laga yaabaa in ay falalkan oo kale oo badan soo dhaceen xilligii aad aheyd ninka dalka ugu awoodda badan, madaxweyne Farmaajona uu ahaa Madaxweynaha Dalka? Maxaan su’aashaas kuu waydiiyey?

Waxaa jira arrimo dhawr ah oo aan jawaab loo heyn, kuwaas oo dhacay xilligii dowladdii Madaxweyne Farmaajo, waxaana ka mid ah:

1. Heshiiskii seddax geesoodka ahaa ee Somalia, Itoobiya iyo Eritrea dhex maray!

2. Heshiiskii Itoobiya u ogolaanayey 4 dekadood in ay adeegsato.

3. Madaxweyne Farmaajo safaradiisii ugu badnaa ee uu dal shisheeye ku tago intii uu xilka hayey wuxuu ku tagay Itoobiya, heshiisyo badan ayaana la sheegay in la saxiixay, balse wax natiijadooda weli shacab iyo Baarlamaan loo bandhigay ma jirin.

4. Abiy Axmed wuu ka xumaaday in Farmaajo uu soo laaban waayey, muddo ayeyna qaadatay in isaga iyo Xasan Sheekh ay is arkaan, xiriirkoodana ma qurxoonaan weli.

Haddii hoos loo eego hadalkaaga oo ah mid ka yimid shaqsi soo qabtay xilal badan oo sare, sida:

1. Agaasimihii Sirdoonka Dalka.

2. Agaasimihii Madaxtooyada Dalka.

3. lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha.

4. Iyo Saxafi sare oo hore

Waxaa la is weydiin karaa “Fahad eedeymaha tolow ma xog buu ku saleeyey mise khibrad hore ayuu ku saleyeeyey?”, waayo sida ay wax u socdaan waxaad ka dheehan kartaa miraayaddii xilligiinii.

Fahadow! Waxaan qirayaa in aad XAQ buuxa u leedahay in aad eedeyso Madaxda, dhaliisho qofkii aad u aragto inuu dhaliil leeyahay, qalinkaagana ku muujiso aragtidaada, si taas la mid ah annaga aqristayaasha ahna waxaan xaq u leenahay in aan ku weydiino caddeymaha aad u heyso wixii aad inoo sheegtay. 

Haddii ay arrintu tahay Madaxda Maanta Somalia joogtaa waa mucaaradkaagii shalay eh ka aarso, Ismaaciilna xilligii aad Ereteriya ka xigsateen ayuu idin carooday e usha la sii mar, waa inta kaliya ee aan ka famay ujeedka qoraalka eh, taas kuma filna eedeyn intan la eg inta aad soo bandhigto in aan iska dhuganno, iskana aamusno.

UGU DANBEYNTII, Waxaan qirayaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle inuu yahay Hiilka ugu weyn ee ay Soomaali heysatay, welina ay heysato, wax walba ee uu Soomaaliya iyo Soomaalida u qabtayna ay ahaayeen ama yihiin HIIL WALAAL, mana mudna oraahda aad ku tilmaantay ee CIIL WALAAL. Aniga ayaa ka xaalsiiyey Madaxweyne Geelle Gefkaas.

Madaxda in gaabiska shaqadooda lagu dhaliilo waa xaq dastuuri ah, laakiin in eeddooda lagu fogaado caddeymo la’aan waa arrin kale, adiguse hadda kuma lihi kaddaa, waayo WAYSO NIN AY U DHAWRAN TAHAY AYEY KA BURTAA.

=Dhammaad= 

W/Q: Abukar Albadri

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

NISA oo soo afjartay shabakaddo dadka ka cabsi gelin jiray baraha bulshada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-sugida iyo Amniga Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaacisay goordhoweyd in ay bur-burisay 20 koox oo shacabka ka cabsi gelin jiray baraha kala duwan ee Internet-ka.

Bayaan kasoo baxay NISA ayaa waxaa lagu sheegay in xayiraad la saaray dhamaan lambaradii xubnahaasi isticmaalayeen, kuwaasi oo gaaraya illaa 2,500, lagana mamnuucay gebi ahaanba adeegyada ku hadalka OTT, sida WhatsApp iyo wixii lamid ah.

“Xafiiska amniga Internet-ka ee hay’adda NISA ayaa soo afjaray ku dhawaad 20 koox oo isticmaalayey Group-yo ay lahaayeen Khawaarijta kuwaasi oo ay u isticmaali jireen cabsi galinta shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Sidoo kale waxay shaacisay in shabakadahan ay qeyb ka ahaayeen kuwo looga shaqeynayay boobka iyo baadda Ganacsatada Soomaaliyeed.

Waxay sheegtay in lambarada la xanibay qaarkood laga wici jiray shacabka, oo ay ku jiraan ganacsatada iyaga oo kooxaha argagixisada ku weydiisan jireen in ay baad bixiyaan.

“NISA waxa ay shacabka Soomaaliyeed uga digeysaa in ay xubin ka noqdaan Group, Channel ama Page ay leeyihiin Khawaarijta si aanay u wajihin xayiraad iyo in tallaabooyin sharci laga qaado, si waafaqsan siyaasaddaha la-dagaapanka argagixisada ee barahaaas iyo sharciga la-dagaalanka argagixisada.”

AL-SHABAAB ‘oo nafis ka raadisay’ hadal uu jeediyay xildhibaan Kulane Jiis

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta kooxda Al-Shabaab ayaa soo qaadatay hadal uu jeediyay Xildhibaan Cabdullaahi Aadan Kulane (Kulane Jiis), kaasi oo u muuqda mid ay uga dhuumaneyso jabka lagu gaarsiiyay gulufka socda.

Kulane ayaa wareysigaas oo uu siiyay Daljir wuxuu ku sheegay in ciidamada dowladda uu ku socda bur-bur horleh, halka Al-Shabaab uu sheegay inay sii xoogeysaneyso, isaga oo soo qaatay weeraro ay kooxda hub uga furatay ciidanka dowladda.

“Ciidanka dowladda bur-bur ayaa ku socda, Gorgor iyo Danab oo ahaa ciidamo aad u tababaran waa la bur-buriyay. Al-Shabaab-kii waxaad mooda inay sii xoogeysanayaan oo waxay la wareegeen hubkii loogu tala-galay in lagu qalabeeyo ciidanka,” ayuu yiri Xildhibaan Kulane.

Kulane ayaa tusaale usoo qaatay weerarkii ugu dambeeyay ee kooxda Al-Shabaab ku qaaday deegaanka Caad ee gobolka Mudug, kaasi oo uu sheegay in ciidanka uu kasoo gaaray khasaare xooggan.

Al-Shabaab ayaa sida muuqata hadalka Kulane oo horey usoo noqday Taliye ku-xigeenka NISA ka raadinaysa nafis, si ay ugu yaraan indhaha dadka raacsan u tusto in dagaalka ku gacan sareyso, ayada oo xaqiiqdu tahay taasi bedelkeed.

Waxaa la dafiri karin in weli si rasmi ah aan loo wiiqin awoodda kooxda Al-Shabaab, balse waxaa xaqiiqo ah in kooxda jab xooggan lagu gaarsiiyay gulufka dagaal ee bilihii dambe socday, kaasi oo looga xoreeyay degmooyin iyo deegaano ay sanado badan ka talineysay kooxda.

Al-Shabaab ayaa gulufka ka dhanka ah ku weysay dagaal-yahaanadii ugu badnaa iyo horjoogayaal sare, sidoo kale waxay ku lumisay oo la bur-buriyay qaar kamid ah saldhigyo iyo keydadkii ugu muhiimsana ee hubka iyo qaraxyada.

Sheekh Shariif, Xasan Cali Kheyre iyo CC Shakuur oo qoraal ka soo saaray…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa soo saaray qoraal cusub oo ay ugu hambalyeynayaan xulka Galmudug guushii uu shalay kasoo hooyay tartanka ciyaaraha maamul goboleedyada.

Shariif ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxa uu ku yiri “Waxaan hambalyo leeyahay Kooxda Galmudug oo ku guuleysatay koobka ciyaaraha Dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir, waxaan sidoo kale hambalyo leeyahay kooxda Hirshablle oo soo gaartay final-ka.”

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa sidoo kale waxa uu bogaadiyay dhammaan kooxihii ka qayb galay tartanka maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee ciyaar wanaag soo bandhigay.

“Waxaana dhiirra gelinaynaa tartamada nuucaan ah oo ka qayb qaadanaya is dhex galka bulshada, Nabadda iyo Horumarka dalka,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Kheyre ayaa sidoo kale isna qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay in Isboortigu uu kaalin mug leh ka qaato nabadda, is fahamka iyo isdhex-galka bulshada, uuna ka mid yahay tiirarka horumarka, dib-u-heshiisiinta, iyo dib-u-dhiska Dalka.

“Waxaan hambalyo u dirayaa kooxda kubadda Cagta Galmudug ee maanta ku guuleysatay tartanka dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka iyo Gobolka Banaadir. Hambalyo xulka, dowladda, taageerayaasha iyo dadka deegaanka Galmudug,” ayuu yiri Kheyre.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo isna u hambalyeeyay xulka Galmudug oo shalay qaaday koobka tartanka ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee sanadkaan 2024, ayaa waxa uu yiri “Hambalyo Galmudug, ha idiin macaato.”

Xulka Galmudug ayaa shalay galab guul ka gaaray dhiggiisa HirShabelle ciyaar la’isla gaaray gool kullaad, taasi oo ay ka soo qeyb galeen in ka badan 50 kun oo taageerayaal kala sitay calamada labada xul ee wada ciyaarayey finalka tartanka, halka kumanaan kale ay kala socdeen tabinta tooska ah.

IMRAN KHAN oo lagu xukumay xabsi 10 sano ah

Islamabad (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa maanta lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah, wax ka yar laba toddobaad kahor inta aanay dalka ka dhicin doorasho laga xanibay xisbigiisa.

Pakistan ayaa goobaha codbixinta la aadayaa Khamiista toddobaadka dambe, doorashadaas oo ay hareeyeen eedeymo ku saabsan ku shubasho, ayada oo Khan oo laga mamnuucay, sidoo kalena xisbigiisa Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI) lagu sameeyey cuburin xooggan.

Khan ayaa kahor doorashada ku jira xabsi waxaana hareeyey kiisas maxkamadeed oo uu sheegay in looga dan leeyahay in looga hor-istaago inuu mar kale tartamo kadib markii uu ka horyimid militariga awodda badan.

Khan ayaa waxaa mar horeba la xukmiyey in aanu u istaagi karin doorashada 8-da Febraayo, sababo la xiriira dambi la xiriira musuq-maasuq oo ay maxkamad ku heshay sanadkii tegay.

Xukunka Talaadada maanta ah, oo la xiriira inuu dokumentiyo dowladeed oo sir ah dusiyey, ayaa waxa uu ka dhacay gudaha xabsiga Adiala — halkaasi oo Khan uu ku jiray inta badan tan iyo markii la xiray August.

“Waa inaad codkiina uga aargudataan caddaalad darro kasta 8-da Febraayo,” ayuu Khan ku yiri bayaan lasoo dhigay bartiisa X oo ku socda cod bixiyayaasha.

Xukun la mid ah kan Khan ayaa waxaa sidoo kale lagu riday Shah Mahmood Qureshi, guddoomiye ku-xigeenka xisbiga PTI, kaasi oo ahaa wasiirka arrimaha dibedda afartii sano ee Imran Khan uu ra’iisul wasaare ahaa kahor inta aan xukunka laga tuurin 2022.

Xukunka ayaa waxaa xaqiijiyey saraakiisha xisbiga.

“Waxa aan maanta aragnay waxay ahaayeen jees-jees buuxa oo lagu sameeyey sharciga billowgiiba,” waxaa sidaas tiri gabadha Qureshi oo lagu magacaabo Gauhar Bano Qureshi oo ka hadashay banaanka xabsiga.

“Goorma ayaa caddaalad lagu heli doonaa dalkan?” ayey tiri.
Qareenada PTI ayaa maxkamadda ku tilmaamay mid been abuur ah, iyagoo sheegay in laga saaray dacwaddii, loona diiday hogaamiyayaashooda inay helaan matalaad.

“Tani waa mid aan dastuuri ahayn, tani waxay ka soo horjeedaa mabaadi’da cadaaladda ee dabiiciga ah,” Barister Salman Safdar ayaa sidaas ayaa u sheegay AFP.

VOA

Sawirro: Xasan Sheekh oo kulamo ka wada ROMA

0

Rome (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheikh Maxamuud oo ka qeyb-galay shirka Afrika iyo Tayaaniga ayaa magaalada Rome ee caasimada dalkasi ka wada kulamo kala duwan.

Madaxweyne Xasan ayaa maanta kulan gaar ah magaalada Rome ee dalka Talyaaniga kula yeeshay Madaxa Hey’adda IMF Kristalina Georgieva.

Mrs Georgieva ayaa bogaadisay dadaalada ay wado dowladda, gaar ahaan kuwa horumarinta dhaqaalaha ee dowladda Soomaaliya ay ku tallaabsatay.

Waxay si gaar ah u xustay isbadallada dowladdu ay qaadday, kuwaasi oo dhaqaalaha dalka sare loogu qaadayo laguna dhimayo saboolnimada islamarkaana lagu xoojinayo heyadaha dowlada

Xasan oo shalay khudbad ka jeediyey Madasha Talyaaniga iyo Afrika ayaa nuux-nuuxsaday mustaqbalka wanaagsan ee Soomaaliya, isaga oo si gaar ah u xusay fursadaha maalgashi iyo khayraadka dihan ee ceegaaga dalkeenna oo wax tar u leh gobolka iyo guud ahaan caalamka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in iskaashiga caalamka uu ku tiirsan yahay ixtiraamka sharciyadda iyo mabaadi’da madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka.

“Iskaashiga Afrika iyo Talyaaniga ma noqon karo mid shaqeeya haddii dal Afrikaan ah uu ku xadgudbo xuduudaha dal kale, waxaana tusaale u ah isku dayga fashilmay ee faro-gelinta Itoobiya ku sameysay Madaxbannaanida dalkeenna,” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Sidoo kala waxa uu sheegay in caqabadaha hortaagnaa dowladnimada Soomaaliya iyo dhabar adaygga ay ku wajahayaan dadka Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada ay barbar socdaan qorsheyaal lagu adkeynayo dowladnimada.

“Soomaaliya waxay ku faani kartaa khayraadka Alle ku mannaystay ee dhinacyada Beeraha, Xoolaha, Kalluumeysiga, Tamarta, iyo booska istaraatiijiga ah,kuwaas oo ay wehelinyaan in ay yihiin dad fir fircoon, dhallinyaro u badan, kuna tilmaaman hammi iyo hal-abuur.”

Maxay tahay abaal-marinta caalamiga ah ee la siiyey ra’iisul wasaare Abiy Ahmed?

0

Rome (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Axadii lagu guddoonsiiyay magaalada Rome billad sharafeedka hay’adda cunnada iyo beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ee loo yaqaanno Agricola.

Abiy Axmed ayaa lagu abaal-mariyey aragtida dawladdiisa, hoggaaminta, sida ay uga go’an tahay haqab-beelka cuntada iyo nafaqeynta iyo sidoo kale raadinta xalal cusub oo isku filnaansho, gaar ahaan in isku filnaansho laga gaaro qamadiga, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiskiisa Axaddii.

Hadal kooban oo uu ka jeediyay xafladda Roma ka dib markii abaalmarinta la guddoonsiiyay ayuu Abiy Axmed wuxuu ku muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay billada ay siisay hay’adda Cuntada iyo Beeraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahad-celiyay Agaasimaha Guud ee Hay’adda FAO waxaana uu sheegay inay mar walba garab taagan yihiin xaqiijinta hiigsiga dalka itoobiya, gaar ahaan horumarinta Beeraha.

Wuxuu ka hadlay diiradda dowladdiisa ee ku aaddan dalagyada qiimaha sare leh iyo warshadaha ee ah “natiijooyinka rajada leh ee ku aadan isku filnaanta cunto ee Itoobiya”.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in shantii sano ee la soo dhaafay dhul-beereedka Itoobiya la balaariyay in ka badan 50%, taasina ay keentay in wax soo saarka uu kordho, gaar ahaan qamadiga iyo bariiska, Itoobiyana ay hadda tahay dalka ugu badan ee dhoofiya Qamadiga ee dalalka Afrika.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in markii uu xafiiska la wareegay sanadkii 2018-kii ay Itoobiya soo dhoofsan jirtay Qamadiga si ay u buuxiso baahideeda gudaha, haatanna ay isku filnaatay oo ay dhoofin jirtay tan iyo 2023-kii.

Waa maxay abaal-marintan?

Abaal-marinta Agricola waa billad-sharafeed lagu maamuso shakhsiyaadka sida “wanaagsan” diiradda u saara si bulshadiisa ay u gaarto isku filnaansho dhanka cuntada ah.

Sidoo kale abaalmrinta ayaa la siiyay hogaamiyaasha dalalka adduunka ee doonaya sidii kor loogu qaadi lahaa wax soo saarka cunto waarta, iyo iskaashiga caalamiga ah.

Agricola, waa abaal marintii ugu saraysay ee uu bixiyo agaasimaha guud ee haa’yadda cunada aduunka FAO, tan hadda la siiyay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa noqonaysa tii ugu horraysay ee uu bixiyo agaasimaha hadda xilka haya tan iyo markii uu xafiiska la wareegay 2019.

Agaasimaha Guud wuxuu tilmaamay in sannadihii la soo dhaafay Billadda Agricola la guddoonsiiyay shakhsiyaad caan ah, kuwaas oo lagu qiimeyay doorkooda aan caadiga ahayn ee ku aaddan dadaallada muuqda ee lagu guuleystay ee horumarinta amniga cuntada adduunka iyo yaraynta faqriga sida FAO sheegtay.

Billada ayaa noqnaysa tii 27 -aad oo ha’yadda ay bixiso, waxaana horey loo siiyay hogaamiyaasha qaar ka mid ah dalalka caalamka oo ay ka mid yihiin Shiinaha, Hindiya, Sacuudiga iyo kuwo kale.

Abaalmarintan ayaa ku soo beegantay iyadoo dalka ku yaal Geeska Afrika uu wajahayo mid ka mid ah abaarihii ugu xumaa muddo tobanaan sano ah, iyadoo ku dhawaad 4 milyan oo Itoobiyaan ah ay u baahan yihiin gargaar cunto oo degdeg ah.

Guddiga Maareynta Khatarta Masiibooyinka ee Itoobiya ayaa sheegay horraantii bishan in xaaladdu ay aad uga sii dartay iyadoo ay ugu wacan tahay heerka nafaqa-darrada iyo biyo la’aanta daran oo ay weheliso cudurro dillaacay.

In ka badan 860 qof ayaa ku dhintay gobolka waqooyi ee Tigrayga tan iyo Sebtembar 2023 gaajo darteed, sida laga soo xigtay xafiiska isgaarsiinta Tigray.

Getachew Reda, madaxa ku meel gaarka ah ee maamulka gobolka Tigray, ayaa bishii December sheegay in xaaladdu ay tahay “masiibo” oo u dhiganta macluushii dilaaga ahayd ee ka dhacday Itoobiya sannadkii 1984-kii oo malaayiin qof ay ku dhinteen.

Isha: BBC

Mahad Salaad oo ka soo muuqday shir xasaasi ah oo ka socda MOMBASA

0

Mombasa (Caasimada Online) – Taliyaha hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad ayaa magaalada Mombasa ee dalka Kenya uga qayb galaya shirka hey’adaha Sirdoonka ee Bariga Afrika.

Shirkaan ayaa looga hadlayaa iskaashiga dhinaca ammaanka iyo isdhaafsiga macluumaadka muhiimka u ah xasiloonida dalalka Geeska Afrika.

Madaxda sirdoonka dalalka gobolka ayaa qorsheynaya in la gaaro Bariga Afrika oo nabad ah, kana caagan wax kasta oo wax u dhimi kara xasiloonida umadaha ku nool.

Madaxda ka qaybgalaysa shirkaan ayaa ka kala socda dalalka Somalia, Kenya, Tanzania, Uganda, Ethiopia, Burundi, Rwanda, Eritrea, Mozambique, Comoros, the Democratic Republic of Congo, Djibouti, Malawi, South Sudan, iyo Seychelles.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka (NISA) ayaa xiriir iskaashi oo heer sare ah wuxuu kala dhaxeeyaa Hay’adaha dalalka Gobalka.

Waxaa xusid mudan inay horay ugu guuleysteen howlgallo sirdoon oo ay iska kaashadeen, sirdoonada qaar ka mid ah dalalka shirkaan ka soo qeyb galay iyo sirdoonka Soomaaliya.

Xiligaan waxaa gobolka ka taagan xiisad xasaasi ah oo Soomaaliya kala dhaxeysa Itoobiya, taas oo salka ku heysa damaca guracan ee Itoobiya ay ku soo hunguriyeysay badda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa olole xooggan ugu jirta sidii dunidu ugu dhaleecey laheed Itoobiya damacaan guracan ee badda Soomaaliya ay ku dooneyso, waxaana horay u cadaatay in Soomaaliya ay dhanka diblomaasiyadda uga adkaatay Itoobiya.

 

Horjooge ajnabi ahaa oo duqeyn looga dilay Shabab iyo dalka uu kasoo jeedo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in duqeyn culus oo iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada caalamka lala beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Duqeyntan oo ka dhacday deegaanka Jeex-jeexa ayaa lagu dilay horjooge ajnabi ah oo kamid ahaa madaxda ajaanibta ah ee kooxda Al-Shabaab.

Howl-galkaan ayaa u dhacay sidii loogu talo galay, ayada oo taliska ciidanka xoogga dalka uu sheegay in lagu guuleystay, islamarkaana lagu dilay horjaagaha ajnabiga ah oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Lubnaan.

“Howl-galkan guulaystay ayaa waxaa lagu dilay horjooge ajaanib ah oo la sheegay inuu ka soo jeedo dalka Lubnan kaasi oo Khawaarijta arxanka daran u qaabilsanaa tashkiilinta dhalinyarada ay doonayaan ineey qaldaan, si ay ugu shubaan dabka iyo qaxarka ay ku jiraan ee gobolada Mudug iyo Gal-guduud,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska ciidanka xoogga dalka.

Ciidamada dowladda iyo saaxiibada caalmka ayaa maalmihii lasoo dhaafay kordhiyay duqeymaha dhanka cirka ee ay ka fulinayaan goobaha ay ku sugan yihiin kooxda Al-Shabaab, oo ayadu bilihii dambe wajaheysa guluf xooggan oo ka dhan ah.

Si kastaba, duqeyntaan ayaa noqoneysa middii afaraad oo muddo ka yar laba asbuuc gudahood lala beegsado goobo kala duwan oo ay ku sugnayeen madax iyo dagaal-yahaano kooxda Al-Shabaab ka tirsan.

Qoor Qoor oo soo saaray dalab culus kadib guushii xulka Galmudug

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa ka hadlay guusha xulkiisa Galmudug uu kasoo hooyay tartanka ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee ka socday magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa codsaday in sanadka dambe ee 2025 uu maamulkiisa marti-geliyo tartanka ciyaaraha maamul goboleedyada dalka.

“Hambalyo Habmalyo dhallinyaro. Waxaan idin daawaday dhammaan daqiiqadihii ciyaarta, waxaad u ciyaarteen si cajiib ah, waxaad muujiseen akhlaaq wanaag iyo xirfad sarreysa,” ayuu Qoor-Qoor ku yiri qoraal kooban oo uu madaxweynaha soo dhigay bartiisa Facebook.

Sidoo kale waxa uu qoraalka ku yiri “Koobkiina waad keenteen. Waa inoo dabbaal degga idinka Ilaahey.”

Xulka Galmudug ayaa shalay galab guul ka gaaray dhiggiisa HirShabelle ciyaar la’isla gaaray gool kullaad, taas oo ay ka soo qeyb galeen in ka badan 50 kun oo taageerayaal kala sitay calamada labada xul ee wada ciyaarayey finalka tartanka.

Si kastaba, guusha Galmudug ayaa noqoneysa markii ugu horreysay ee ay qaado koobka ciyaaraha maamullada dalka, oo sanadkaan ay ka maqnaayeen Puntland iyo SSC-Khaatumo, halka Koonfur Galbeed ay caro uga baxday tartanka.

Sawirro: Xasan oo shirka Rome geeyey qadiyadda Somalia ee xiisadda badda

0

Roma (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey Madasha Talyaaniga iyo Afrika ayaa xusay mustaqbalka wanaagsan ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah u xusay fursadaha maalgashi iyo khayraadka dihan ee ceegaaga dalkeenna oo wax tar u leh gobolka iyo guud ahaan caalamka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in iskaashiga caalamka uu ku tiirsan yahay ixtiraamka sharciyadda iyo mabaadi’da madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka.

“Iskaashiga Afrika iyo Talyaaniga ma noqon karo mid shaqeeya haddii dal Afrikaan ah uu ku xadgudbo xuduudaha dal kale, waxaana tusaale u ah isku dayga fashilmay ee faro-gelinta Itoobiya ku sameysay Madaxbannaanida dalkeenna,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay caqabadaha hortaagnaa dowladnimada Soomaaliya iyo dhabar adaygga ay ku wajahayaan dadka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada ay barbar socdaan qorsheyaal lagu adkeynayo dowladnimada.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu sheegay in la xoojinayo iskaashiga iyo doorka Soomaaliya ee Gobolka, kuwaas oo ay ka mid yihiin, ku biirista Dallada Bulshada Bariga Afrika, qaadista cunaqabateynta hubka iyo dhammeystirka deyn cafinta.

“Soomaaliya waxay ku faani kartaa khayraadka Alle ku mannaystay ee dhinacyada Beeraha, Xoolaha, Kalluumeysiga, Tamarta, iyo booska istaraatiijiga ah, kuwaas oo ay wehelinyaan in ay yihiin dad fir fircoon, dhallinyaro u badan, kuna tilmaaman hammi iyo hal-abuur.”

“Ku biirista Bulshada Bariga Afrika waxa ay si weyn u dhiirri-gelisay aragtidayada ganacsi” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Falcelin niyad-jab iyo lama filaan u muuqata oo ka dhalatay tallaabadii Xamza

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta isku shaandheyn kooban ku sameeyay xukuumaddiisa, taasi oo saameysay laba wasaaradood oo keliya.

Wasiiradda wasaaradda beeraha iyo waraabka iyo wasaaradda howlaha iyo guryeynta ayuu ra’iisul wasaaraha xilka ka qaaday, halka uu u magacaabay wasiiro cusub. Taasi oo ay ka dhalatay fal-celin niyad-jab iyo lama filaan u muuqata oo bulshada Soomaaliyeed uga dareen celiyeen tallaabada uu maanta qaaday ra’iisul wasaare Xamza.

Caasimada Online oo indhaha la raacday fal-celinta ay bulshada Soomaaliyeed ka bixiyeen markii wareegtadan lasoo dhigay bogga Facebook ee xafiiska ra’iisul wasaaraha, ayaa qaarkood ku noqotay lama filaan maadaama ay dadka baddi ka sugayeen Xamza in uu buuxiyo wasaaraddo muhiim ah oo illaa hadda bilaa wasiir ah.

Wasaaraddaha muhiimka ah ee wasiirka laheyn ayaa ah illaa saddex wasaaradood oo kala ah;

  1. Wasaaradda Amniga
  2. Wasaaradda Arrimaha Dibadda
  3. Wasaaradda Haweenka, oo AUN ay ka geeriyootay Khadiija Maxamed Diiriye.

Hoos ka aqriso fal-celinta ka dhalatay arrintaan;

Cabdicasiis Aadan: “Ra’iisal Wasaare xilalka dalka muhiimka ah maxaad u magacaabi la’dahay wasaradaha amniga iyo dibadda?!.”

“Isku shaandhayn oo aan boosaskii wasiirada amniga, arrimaha dibadda iyo haweenka aan la buuxin,” ayuu yiri Axmed oo sidoo kale ka fal-celiyay arrintaan.

Maxamed Xalaale: “Kuwa banaan buuxi intaad kuwo xilka ka qaadaysid.”

Xamdaan Xiddig ayaa sidoo kale waxa uu yiri: “Waxba maaha labo wasaaradood oo caantayn ah oo la isku beddelay aaway wasaaradihii muhiimka ahaa ee banaana arrimaha dibada iyo amniga qaranka.”

“Wasiirrada qoondada meeye mise Xasan baa ku fadhiya Arrimaha Dibadda iyo Amniga Qaranka?,” ayuu yiri Maxamed Ismaaciil.

Cabdirisaaq Khaliif: “Wasaarada arrimaha dibadda iyo tii amniga oo dhawrka bilood bilaa wasiirka ah, maxaa wasiir loogu magacaabi wayay waliba xilligii loogu baahida badnaa baa la joogaa mise madaxwaynaha ayaa wasiirka arrimaha dibadda shaqdiisa qabanaya.”

Cabdalla Xaaji: “Wasaaradaha amniga, dibadda iyo haweenka ma madaxweyne Xasan Sheeh ayaa soo magacaabayo, ra’iisul wasaaraha yar yarka lee miyaa.”

Xareed Bishaar Maxamed: “Labadii wasiir ee Daaroodka ma Xasan baa is leh Deni kula gorgortan?.”

“Isku shaandheyn aan wasaaradaha bannaan la buuxin doonin maxaa waaye?,” ayuu yiri Daa’uud Cabdiqaadir Aadan.

Xasan oo war kasoo saaray guusha xulka Galmudug

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyeeyay xulka Galmudug iyo taageerayaashooda guushii ay maanta kasoo hooyeen ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee maalmihii dambe ka socday magaalada Muqdisho.

Galmudug ayaa markii ugu horreysay maanta ku guuleysatay koobka ciyaaraha maamullada dalka, ayada oo dhiggeeda HirShabeelle uga adkaatay Gool laag, kadib markii ay ismari-waayeen.

Madaxweynaha oo qoraal kasoo saaray guushaan ayaa wuxuu guusha Galmudug ku tilmaamay mid saldhig u ah ciyaar wanaag, tababar fiican, anshax wanaagsan iyo isku xirnaan.

“Xulka Kubadda Cagta Galmudug, Macalimiin, maamul ciyaartooy iyo taageerayaalba, waxaan ugu hambalyeynayaa guusha hanashada Koobka Dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu xusay in ciyaaraha ay kor u qaadaan is-dhexgalka bulshada, iyo wadajirka dhallinyarada Soomaaliyeed.

Hoos ka aqriso qoraalka madaxweynaha;

Xulka Kubadda Cagta Galmudug, Macalimiin, maamul ciyaartooy iyo taageerayaalba, waxaan ugu hambalyeynayaa guusha hanashada Koobka Dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.

Guushan aad gaarteen waxaa saldhig u ahaa ciyaar wanaag, tababar fiican, anshax wanaagsan iyo isku xirnaan.

Xulka Kubadda Cagta Hirshabeelle waxaad soo gaarteen ciyaartii u danbeysey ee tartanka, waana tusaale muujinaya dadaalka aad bixiseen, waxaan idiin rajaynayaa guulo danbe iyo taariikh wanaagsan.

Guud ahaan bahda ciyaaraha Soomaaliyeed waxay mudan yihiin ammaan, maadama muddada ay socdeen ciyaarahan ay muuqaal qurxoon ka bixiyeen dalka.

Laamaha Amniga Soomaaliyeed ee ka soo dhalaalay doorkoodii ku aaddanaa in nabad iyo amni ay ku baritamaan dhallinyarada Soomaaliyeed, iyadoo kumannaan taageerayaal ah ay maalin walba daawanayeen waa taariikh wanaagsan oo ka tarjumaysa mustaqbalka dalka iyo xasilloonida ay inoo diidan yihiin argagixisada cadowga ah.

Ciyaarahu waxa ay kor u qaadaan is-dhexgalka bulshada, iyo wadajirka dhallinyarada Soomaaliyeed.

Maraakiib lagu afduubtay xeebaha Somalia oo la furtay iyo tirada burcadda la qabtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Kalluumeysato la socotay labo markab oo ay burcad badeed ku afduubatay xeebaha Soomaaliya ayaa lagu soo furtay howlgalo kala duwan oo ay sameeyeen ciidamada badda.

Ciidamada ilaalada xeebaha Seychelles ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen 3 burcad badeed ah ayna sii daayeen 6-shaqaale ah oo la socday dooni kaluumaysi oo laga leeyahay dalka SriLanka oo lagu qabtay badda Carbeed.

Sidoo kale, Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Hindiya ayaa soo badbaadiyay 17-qof oo lagu afduubtay markab kaluumaysi.

Waxaa la dareensanyahay in ay sare u kaceen dhaq-dhaqaaqa burcad badeedda fadhigoodu yahay xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo khatar ku ah isku socodka dunida.

Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay waxaa cirka isku shareertay cabsida laga qabo inay dib u soo laba kacleeyaan kooxihii burcad badeeda ahaa ee afduubka ka geysan jiray xeebaha Soomaaliya.

Sidoo kale kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yemen oo dowladda Iiraan ay taageerto ayaa afduub ku bilowday maraakiibta isticmaasha badda Cas.

Xeebaha Soomaaliya waxaa ka howlgala ciidamo ka socda Midowga Yurub, sidoo kale ciidamada badda Soomaaliya ayaa hadda waxaa ku socota diyaarin xoog leh, waxaana dhawaan la rijeynayaa in lasoo afjaro qulqulatooyinka dhanka badda.

Arrimahaan waxay imaanayaan xilli Itoobiya ay soo hunguriyeysay badda Soomaaliya, waxaana dhawaan lagu wadaa in dowladda Soomaaliya ay soo bandhigto cudud ciidan oo ku filan difaaca badda, kuwaas oo hadda diyaarintoodu socoto.

Galmudug oo ku guuleysatay koobka maamul goboleedyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xulka maamulka Galmudug ayaa markii ugu horreysay ku guuleystay koobka ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee ka socday magaalada Muqdisho.

Galmudug ayaa dhiggeeda HirShabeelle kaga adkaatay Gool laag kulanka Final-ka ah. Labada xul ayaa aad isku soo adkeeyay maanta, taasi oo keentay in la aado Penalty, oo markii dambe lagu kala baxay, ayna guushu ku raacday Galmudug.

Waxaa sidaas maanta kusoo afmeermay ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo maalmihii dambe ka socday magaalada Muqdisho gaar ahaan Stadium Muqdisho.

Ciyaartan ayaa aheyd mid xiiso badan, ayada oo boqolaal kun oo qof ay u daawasho tageen garoonka, halka ay kumanaan kalena kala socdeen tabinta tooska ah.

Ammaanka Garoonka iyo guud ahaan hareerihiisa ayaa maanta ahaa mir si weyn loo adkeeyay, ayada oo Booliskii ugu badnaa ay sugayeen amniga ciyaartaan Final-ka aheyd ee Stadium Muqdisho.

Si kastaba, Kulankaan kama dambeysta ahaa ee ciyaaraha maamul goboleedyada ayaa sidoo kale sawaxankiisu si weyn u qabsaday baraha bulshada, ayada oo taageerayaasha labada dhinac ay si weyn isugu hardiyeen, waxaana ugu dambeyntii guusha ay sidaas ku raacday xulka Galmudug.

Villa Somalia oo caddeysay in Xasan Sheekh iyo Abiy ay ku kulmayaan Roma iyo in kale

0

Rome (Caasimada Online) – Afhayeen u hadlay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa mar kale ku celiyey in aanay qorshaysnayn kulamo dhexdhexaadin ah oo dhexmari doona madaxda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya illaa dawladda Itoobiya ay ka laabanayso go’aankii ay isafgaradka kula saxiixatay Somaliland.

Agaasimaha Xiriirka madaxtooyada Soomaaliya Cabdulqaadir Cali Dige ayaa u sheegay VOA in kulamo dhexdhexaadin ah aysan ka dhici doonin Talyaaniga iyo meel kaleba.

“Mowqifkan waxa uu waafaqsan yahay mowqifkeenii ahaa in aanay wax dhexdhexaadin ah dhici doonin illaa Itoobiya ay ka laabanayso MoU-da sharcidarrada ah, ayna ka xaqiijinayso gobannimada, midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya,” ayaa ku sheegay qoraal uu VOA usoo diray Cabdulqaadir Cali Dige.

“MoU-du keliya xadgudub kuma aha xuquuqda dhuleed ee Soomaaliya, waxay sidoo kale boqongoynaysaa mabaadii’da xeerarka caalamiga ah iyo xasilloonida gobolka. Dawladda Federaalka ee Soomaaliya waxaa ka go’an u hoggaansanaanta mabaadii’dan, waxayna diyaar u tahay inay la macaamisho dhammaan saaxiibada caalamka oo ay ku jiraan AU (Midowga Afrika), UN (Qaramada Midoobay), iyo (urur goboleedka) IGAD, xiriir ku salayn kala faa’iidaysi salka ku haya xeerarka caalamiga ah oo horseedi kara horumar dhaqaale iyo barwaaqada oo la wadaago,” ayuu intaas ku daray.

Hadalkan ayaa imanaya iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ay labaduba haatan ku sugan yihiin magaalada Rome oo ay kaga qaybgalayaan shirka madaxda Afrika iyo kuwa Talyaaniga.

Dawladda Itoobiya iyaduna dhinaceeda ma sheegin kulan u qorshaysan labada dhinac.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in Abiy Axmed ay Hay’adda Cuntada iyo Beeraha FAO siisay abaalmarin la xiriirta mowqifkiisa ku aaddan cuntada, nafaqada iyo hal-abuurka la xiriira isku filnaanshaha dhinaca qamadiga.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkaasi looga hadli doono kobcinta iskaashiga Afrika iyo Talyaaniga ee dhinacyada helitaanka cuntada, dhaqanka, waxbarashada iyo horumarinta dhaqaalaha.

Shirkaas ayaa madaxweynaha Soomaaliya uu ka jeedin doonaa khudbad uu kaga hadlayo arrimaha muhaajiriinta, isku socodka dadka iyo amniga, sida ay sheegtay madaxtooyada Soomaaliya.

Waxa uu madaxweynuhu hoosta ka xarriiqi doonaa muhiimadda xasilloonida gobolka, iyo mabda’a in waddan kasta ixtiraamo madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee waddamada kale, ayay sheegtay madaxtooyada Soomaaliya.

Itoobiya iyo Somaliland waxay labaduba difaaceen MoU-da ay kala saxiixdeen billowgii bishan, waxayna ku tilmaameen is-afgarad “taariikhi” ah.

Somaliland ayaa dhinaceeda ugu baaqday beesha caalamka inay ixtiraamaan is-afgaradka.

La-taliyaha Amniga ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Redwan Hussien ayaa isna toddobaadkii hore ku qoray bartiisa X inay sii labalaabayaan dadaalka ay gelinayaan faham wanaagsan, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay inay ka dhagaysan doonaan saaxiibada suurtogalnimada sidii hoos loogu dhigi lagaa hadallada kulkulul.

“Waxaan sii wadi doonaa dadaalka sidii loo gaaro lahaa gunaanad iyadoo ay jirto is qaddarin saaxiibtinnimo leh oo laga wada faa’iidaysto,” ayuu qoray.

Dil argagax leh oo xalay ka dhacay magaalada Hargeysa

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil argagax leh oo xalay ka dhacay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Dilkaan oo ka dhacay xaafada Shacabka ee magaalada Hargeysa ayaa la sheegay in Nin uu xaaskiisa u geystay, isaga oo ku dilay Mindi.

Booliska Somaliland oo ka howl-galay dilkaan ayaa ugu dambeyntii maanta u suurta-gashay inuu gacanta kusoo dhigo Jamaal Daaha Cabdiraxmaan oo ah Seyiga marxuumadda, kuna eedeysan dilkeeda.

“Ciidamada Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysane Jamaal Daaha Cabdiraxmaan ina Sarco Axmed 54jir oo ku eedaysan inuu Xalay Abbaaro 10:30kii Habeenimo ku dilay Xaafadda Shacabka ee Magaalada Hargaysa Marxuumad Sumaya Siciid Naasir oo ahayd Xaaskiisii waxaanu uu ku dilay Mindi ( Soodh),” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Booliska Somaliland.

Eedeysanaha oo 54 jir ah iyo marxuumadda la dilay ayaa waxay kasoo wada jeedaan dalka Yemen, sida uu shaaciyay Taliska Ciidanka Booliska Somaliland.

“Dedaal dheer iyo hawlgallo ay sameeyeen Ciidanka Boolisku ayay kusoo qabteen eedaysanahii, waxaana hadda ku jiraa gacanta ciidanka. Eedaysanaha iyo marxuumaduba waxay kasoo jeedaan dalka Yemen.”

Kiiskan ayaa waxaa hadda baaristiisa gacanta ku haya hoggaanka baadhista dambiyada CID ee magaalada Hargeysa.

Si kastaba, Somaliland ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca dilalka loo adeegsado Mindida, ayada oo inta badana ay laamaha amniga soo qabtaan dambiilaha, hase yeeshe dhacdadaan ayaa noqonaysa mid ugub ah oo ay ka argagaxeen reer Hargeysa.

Xamza oo xilalkii ka qaaday wasiiro iyo kuwa kalena magacaabay + Magacyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya oo maanta soo saaray wareegto cusub ayaa sameeyay xilka qaadis iyo magacaabis, taas oo saameysay laba wasiir oo kamid ahaa xukuumaddiisa, kuwaas oo xilalkii laga qaaday, waxaana loo magacaabay wasiiro cusub, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa.

Xildibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa loo magacaabay wasiirka beeraha iyo waraabka halka Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) isna loo magacaabay wasiirka howlaha iyo iyo guryeynta, sida lagu sheegay wareegtada oo maanta soo baxday.

“Ra’iisul wasaaraha XJFS Mudane Xamza Cabdi Barre wuxuu saaka uu sameeyay magacaabis wasiiro cusub ee xubnaha golaha wasiirada” ayaa lagu yiri wareegtada.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay wareegtada ” Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre waxa uu magacaabay wasiirada soo socda:

1-Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) waxaa loo magacaabay wasiirka wasaaradda beeraha iyo waraabka iyo xukuumadda federaalka Soomaaliya.

2-Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) ayaa waxaa loo magacaabay wasiirka howlaha iyo iyo guryeynta.

Ugu dambeyntii waxaa wareegtadan lagu sheegay in magacaabistan ay dhaqan-gashay maanta, kadib markii uu saxiixay ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya.

“Magacaabistan waxa ay dhaqan gashay saaka oo ay taariikhdu tahay 29-ka bisha Janaayo ee 2024-ka, kadib markii uu saxiixay ra’iisul wasaaraha XJFS” ayaa mar kale lagu yiri.

Tallaabadan ayaa kusoo aaday, ayada oo weli ay bannaan yihiin saddex jago oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah, wasaaradga amniga gudaha, tan dibadda iyo midda haweenka.

Somaliland oo gacanta ku dhigtay xubno Shabaab ah oo ka tegay JILIB + Sawirro

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo kasoo safray dhanka degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Qoraal kooban oo kasoo baxay hay’adda sirdoonka Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in howlgal ay iska gaashadeen hay’adda iyo ciidanka milatariga Somaliland lagu soo qabtay xubnaha Al-Shabaab.

Xubnaha gacanta lagu soo dhigay ayaa ka kooban todobo qof oo isugu jiro rag iyo dumar, sida lagu sheegay warka qoraalka ah.

Todobada qof ayaa laba kamid ah waxa ay yihiin dumar, kuwaas oo ay Somaliland sheegtay inay xasaas u yihiin Amiiro ka tirsan Al-Shabaab.

“Hay’adda NIA oo kaashanaysa Ciidanka Qaranka ayaa qabatay koox ka kooban 7-qof 5 nin iyo 2 dumar oo ka tirsan Ururka Alshabaab” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa la sii raaciyay “Kooxdan ayaa ka soo safray deegaanka Jilib ee koonfurta Soomaaliya, labada dumarka ah ayaa xaasas u ah amiiro Al- Shabaab ah”.

Sawirrada xubnahan oo la baahiyay ayaa waxaa haatan ku socdo baaritaano dheeraad ah, sida ay sheegeen laamaha ammaanka Somaliland.

Horay Somaliland ayaa sidaan oo kale gacanta ugu dhigtay xubno ay sheegtay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab oo galay deegaanadeeda.

Si kastaba, qabashada xubnahan ayaa kusoo aadaya, ayada oo kooxda Al-Shabaan ay dhowaan digniin culus kasoo saartay heshiiska badda ee uu Muuse Biixi la galay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.