25.5 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

Wararkii ugu dambeeyay kulanka golaha ammaanka QM ee xiisadda BADDA

0

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inay kulan deg-deg ah ka yeesheen xiisadda diblumaasiyadeed ee haatan u dhexeyso dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska badda.

Kulankan oo lagu soo qaadi doono xaaladda Geeska Afrika ayaa waxaa si gaar ah diiradda lagu saarayaa arrimaha soo kordhay, siiba khilaafka Muqdisho iyo Addis Ababa.

Soomaaliya ayaa horay u dalbatay kulankan, si ay QM usoo fara-geliso heshiiska maamulka Somaliland iyo Itoobiya oo xadgudub ku ah madax bannaanida dalkeenna.

Horay ururada caalamiga iyo waddamada xiriirka la leh Soomaaliya ayaa iyaguna si weyn uga soo horjeestay tallaabada Itoobiya iyo heshiiska ay la gashay Somaliland.

Kulanka la filayo in haatan golaha ammaanka ay ka yeeshaan xiisadda labada dal ayaa kusoo aadayo, ayada oo hadda Xasan iyo Abiy ay wada joogaan magaalada Rome oo ay maanta uga qeyb-galayaan Madasha Talyaaniga iyo Afrika, oo ah shir muhiim ah oo ay isugu imaanayaan madax ka kala socota Afrika iyo Yurub.

Inkasta oo ajendaha shirkaan aysan ku jirin hadana Talyaanigu wuxuu qorsheynayaa in xal laga gaaro mushkiladaha Soomaalida iyo Itoobiyaanka ee maalmahaan gilgilay Geeska Afrika, sida ay Caasimada Online u sheegeen diblumaasiyiinta gacanta ku heysa qaban qaabada shirka.

Ma cadda in Xasan uu aqbali doono kulan gaar ah oo uu la qaato Abiy, hase yeeshe ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa si weyn u daneynaya inuu si gaar ah ula kulmo Xasan, si cadaadiska caalamiga ah uga yaraado, mana u badna inay u mari doonto.

Si kastaba, Shirkan ayaa noqonaya kii labaad ee madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya ay ka wada qeyb galaan tan iyo markii ay qaraxday xiisadda labada dal ee salka ku haysa heshiiskii Addis-Ababa ay ku gaareen Abiy Axmed iyo Muuse Biixi.

Cabsi xooggan oo maanta ka taagan Muqdisho iyo DF oo qaaday tallaabo culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho laga cabsi qabaa in ay ka dhacaan falal amni darro, oo argagixisada uga faa’iideysato cayaarta Final-ka ah ee maamul goboleedyada HirShabeelle iyo Galmudug.

Dad aad u tiro badan oo taageerayaasha labada xul ayaa kusii qul-qulaya garoonka Stadium Muqdisho, ayada oo dowladda ay qaaday tallaabooyin looga hortagayo amni darro ka dhacda halkaasi, maadaama ay dad aad u badan usoo xaadireen daawashada ciyaarta Final-ka.

Ciidamo badan ayaa lagu xoojiyay amniga garoonka, ayada oo Booliska uu heegan ku jiro, si loogu sugo amniga garoonka iyo bad-qaba ciyaartoyda labada kooxood.

Marka laga imaado cabsida la xiriirta in kooxaha argagixisada ka faa’iidaysato fursad ay ku dhibaateyn karto dad intaasi le’eg ayaa ah in taageerayaasha soo buux dhaafiyay garoonka ay dhexdooda ka abuuranto rabshado khasaare ka dhashaan, maadaama ay ciyaarta maanta tahay mid aad u xiiso badan, oo koobka lagu kala qaadayo.

Ciyaaraha waxay leeyihiin xad iyo xamaasad la isla yaqaano, wax walba oo xuduudkooda dhaafa waxay dhaliyaan dhib ka badan macaashkii la raadinayay.

Sidda muuqata tartanka sanadkan ee maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ma keenin isdhex-galkiii bulsho ee laga filaayay, waxaana dhamaanteen marqaati ka nahay in deegaanadii qaar tartankii caro uga baxeen.

Nabadna ma keenin, oo intii uu tartanka socday dhimasho iyo dhaawac shacab ayaa laga soo wariyay garoonka.

Haddaba, ciyaarta Final-ka ee maanta dhacaya awgeed waxaa la gudboon taageere walba inuu muujiyo is-xilqaan iyo garaad wanaagsan, si loo helo Final nabdoon.

Gacanta ka qabo midka isku dayaya inuu suurad xumeeyo kubadda ama dhaawaco xasiloonida garoonka, kuna xisaabtan in aysan jirin wax ka muhiimsan in aad garoonka kasoo noqotid adigoo nabad qaba, waa farriinta u weyn ee maanta loo dirayo taageerayaasha labada kooxood.

Si kastaba, Tartanka maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo muddooyinkan ka socday Stadium Muqdisho ayaa maanta la soo gaba-gabeynaya, ayada oo koobka ay qaadi doonaan kooxaha HirShabeelle iyo Galmudug midkood.

Saddex arrin weyn oo xal iyo xikmad u baahan oo horyaal madaxweyne Saciid DENI

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ku guuleystay doorashadii 8-dii bishaan ka dhacday Garoowe ayaa Khamiistii loo caleemo saaray hoggaamiyaha maamulka Puntland ee 5-ta sano ee soo aadan.

Saciie Deni ayaa guul-daradii federaalka iskaga maydhay dib ugu soo noqoshada hoggaanka maamulka Puntland, si uu markale u tijaabiyo damaciisa federaalka.

Dhowr arrimood oo xal iyo xikmad u baahan ayaa horyaalla Saciid Cabdullaahi Deni 5-ta sano ee soo aadan, iyada oo marwalba la xasuusan yahay inuu yahay tartame federaal ah oo aan rabin inuu ku hakado Puntland.

1. Khilaafka kala dhaxeeya dowladda federaalka

Saciid Cabdullaahi Deni marwalba aad uma iibin karo in Puntland ka saxan tahay federaalka, wuxuu saddex sano ka badan oo muddo xileedkiisi hore ah ku kharash gareeyay inuu la diriro dowladda federaalka oo xilligaas hoggaaminayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Haddana labo sano ku dhowaad wuxuu dagaal siyaasadeed kula jiraa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shantiisi sano ee hore marna lama heshiinin dowladda federaalka, hadda maadaama uu helay shan sano oo cusub waa inuu ka baxaa dhaqanka uu caanka ku noqday ee ah khilaafka federaalka, oo uu abuura jawi xasiloon oo ay ku kala faa’iidi karaan maamulka Puntland iyo dowladda federaalka.

Dhamaan khilaafyadiisa waxay daarnayeen dano shaqsi ah.

2. Wax ka beddelka siyaasaddiisa hubeysan

Saciid Deni wuxuu ku jiraa siyaasiyiinta ku caan baxay siyaasadda hubeysan. Si uu u naqshadeeyo hankiisa federaalka ee aan qarsooneyn Deni waa inuu xukunkiisa ka saara gacan ka hadalka joogtada.

Ninkan ayaa ku suntan dagaalkii Baarlamaanka Puntland, kii magaalada Boosaaso iyo midkii ugu dambeeyay ee magaalada Garoowe ee ka dhashay furistii dastuurka. Dhamaan dagaalladaasi ayaa sababay geeri iyo dhibaatooyin laga baaqsan karay.

Shantiisa sano ee cusub waa inuu Saciid Deni gacan ka hadalka yareeya, si ay u liqaan inta ku diidan inuu yahay nin hubka aad u aaminsan.

3. Waa inuu waqti badan geliyo maamulka Puntland

Saciid Deni shantiisi sano ee hore wuxuu tamar badan geliyay federaalka, weliba si taban oo dagaal iyo damac shaqsi ah iskugu jirta, taasi oo naafeysay wax badan oo uu ka qaban lahaa baahiyaha ka jira deegaanada Puntland.

Shanta sano ee maanta u bilaabaneysa waa inuu Saciid Deni waqti badan u quura dadka doortay ee reer Puntland, oo uu hoos iskaga dhigaa tamarta uu sida taban u geliyo dowladda federaalka oo marwalba lagu eedeeyo inuu isku dayo inuu wiiqo tallaabooyinkeeda.

Duqeyn lagu laayey saraakiil iyo maleeshiyaad badan oo Shabaab ah oo ka dhacday…

0

Buuloburde (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in shalay gobolka Hiiraan laga fuliyey howlgal lagu dilay horjoogayaal sare ee Shabaab ka tirsanaa iyo maleeshiyaad badan.

Howlgalka oo loo adeegsaday duqeyn culus waxaa fuliyey diyaaradaha dagaalka, wuxuuna ka dhacay degaanka Buq-aqable ee gobolka Hiiraan oo hoos taga Buuloburde.

“Howlgal aad loo qorsheeyay oo lagu laayay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad Khawaarij ah ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Buq-aqable ee Gobalka Hiiraan,” ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Qoraalka dowladda ayaa intaas ku sii daray, “Howlgalka ayaa lagu beegsaday laba gaari oo ay saarnaayeen Horjoogayaal Khawaarij ah oo aad loo doon doonayay.”

Howlgalka sidaan oo kale duqeyn loo adeegsaday ayaa shalay maqribkii ka dhacay halka ay iska galaan gobollada Sh/Dhexe iyo Galgaduud, waxaana lala beegsaday xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo la socday gaadiid dagaal.

Inkastoo aan la shaacin khasaaraha rasmiga ah ee duqeymahaan loogu geystay kooxda, hadana waxaa muuqata in maalmahaan aad loogu beegsanayo dhulka howdka ah, maadaama ay kooxda ku furan yihiin dagaalo culus oo muhiim ay u tahay isku socdaan.

Dowladda ayaa kordhisay duqeymaha ay la kaashato saaxiibada caalamka oo Mareykanku ugu horeeyo, kuwaas oo maalmahaan kooxda loogu geysanayey gobollada Mudug, Galgaduud, Sh/Dhexe iyo Hiiraan oo ah dhammaan dhulka ay ka arrimiyaan Galmudug iyo HirShabeelle.

Kooxda al-Shabaab waxaa hadda ku adkaatay inay isku gurmadaan oo dhaqdhaqaaq sameeyaan, waxaana sheeda sare ka ilaashada diyaaradaha dagaal oo beegsada markii ay isku yimaadaan ama kolonyo noqdaan, si ay u socdaalaan.

Falcelin culus oo ka dhalatay ciyaarta GALMUDUG iyo HirShabeelle + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Galabta waxaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyo tartanka ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo muddooyinkan ka socday garoonka weyn ee Stadium Muqdisho.

Ciyaarta galabta oo kama dambeys ah ayaa waxa ay u dhexeysaa xulalka Galmudug iyo HirShabelle oo isugu haray Finalka ciyaaraha maamul goboleedyada dalka.

Kulanka galabta ayaa ah mid xiiso badan, waxaan goor sii horreysay taageerayaal badan ay buux dhaafiyeen garoonka ay ka dhaceyso ciyaarta oo ku yaalla degmada Warta Nabadda.

Falcelin xoogan oo qabsatay baraha bulshada ayaa ka dhalatay ciyaarta galabta, ayada oo taageerayaasha labada dhinac ay si weyn isugu hardinayaan ciyaartan.

Cabdiweli Cali Rooble ayaa taageero u muujiyay Galmudug, wuxuuna yiri “Galmudug qurxiyayaasha ciyaaraha gobolada, banooni, xamaasad iyo taageeraba, guul Galmudug.”

Maxamed Qadar Cabdullaahi ayaa bogaadiyay ciyaartan “Waxaan u jeedaa waddan nabd ah guuleysta dadkeygiyow dal xureeye mahadsanid”.

Cabdinuur Maxamed Gurey oo kamid ah dhalinyarada ka falceiyay kulanka galabta ayaa isna taageeray HirShabelle “Dadkoo dhan waa HirShabelle” ayuu yiri.

Cabdisalaan Jibriin ayaa isna ku jawaabay “Masha Allah ciyaaruhu waa isdhexgal bulsho tartankan maamul goboledyada iyo gobolka Banaadir sida loo soo camiray waxay muujinaysaa nabadgalyada iyo horumarka socda Masha Allah”.

Haybe ayaa isna farriin culus u diray taageerayaasha labada koox, wuxuuna yiri “Xamaasada badan ma fiicno ciyaarta hala sugo waxay ku dhamaato”.

Xaliima Maariin ayaa iyaduna tiri “Aniga farxad waxaa iigu filan quruxdan iyo nabaddan Allaha Muqdisho noo barakeeyo Good Luck to both team”.

Xasan Sheekh iyo Abiy Ahmed oo wada jooga Rome iyo qorshe culus oo socda

0

Rome (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee shalay gaaray magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, sidoo kale waxaa halkaasi ku sugan ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Xasan iyo Abiy ayaa xalay ku wada hoyday Rome oo ay maanta uga qeyb-galayaan Madasha Talyaaniga iyo Afrika, oo ah shir muhiim ah oo ay isugu imaanayaan madax ka kala socota Afrika iyo Yurub.

Inkasta oo ajendaha shirkaan aysan ku jirin hadana Talyaanigu wuxuu qorsheynayaa in xal laga gaaro mushkiladaha Soomaalida iyo Itoobiyaanka ee maalmahaan gilgilay Geeska Afrika, sida ay Caasimada Online u sheegeen diblumaasiyiinta gacanta ku heysa qaban qaabada shirka.

Ma cadda in Xasan uu aqbali doono kulan gaar ah oo uu la qaato Abiy, hase yeeshe ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa si weyn u daneynaya inuu si gaar ah ula kulmo Xasan, si cadaadiska caalamiga ah uga yaraado, mana u badna inay u mari doonto.

Shirkan ayaa noqonaya kii labaad ee madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya ay ka wada qeyb galaan tan iyo markii ay qaraxday xiisadda labada dal ee salka ku haysa heshiiskii Addis-Ababa ay ku gaareen Abiy Axmed iyo Muuse Biixi.

Sida ay shaacisay Villa Soomaaliya, Madaxweyne Xasan ayaa qorshuhu yahay inuu shirka ka jeediyo khudbad uu diiradda ku saarayo iskaashiga dhaqaale, fududeynta isu-socodka iyo arrimaha amniga.

Sidoo kale waxa uu ku soo bandhigi doona muhiimadda xasilloonida gobolka, ixtiraamka mabaadi’da madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka, isagoo si gaar ah u dul istaagi doona xad-gudubka ka dhanka madax-bannaanida Soomaaliya ee dhawaan ay Itoobiya ku dhiirratay.

Si kastaba, shirkaan ayaa imanaya xilli ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu maalmo kahor si cad u sheegay in dalkiisu uusan xoog ku raadineyn bad uu leeyahay dal kale oo marnaba aysan la dagaalami doonin Soomaaliya.

Abiy ayaa markaas sheegay in Itoobiya ay ixtiraameyso midnimada Soomaaliya, wuxuuna hadalkaasi wax badan ka bedelay wajigii ay laheyd xiisadda labada dal ee salka ku haysa heshiiskii is-afgarad ee Somaliland iyo Itoobiya.

BOOLISKA oo farriin culus diray, kahor ciyaarta Galmudug iyo HirShabelle

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa maanta lagu wadaa in lagu soo gabagabeeyo tartanka ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo muddooyinkan ka socday Stadium Muqdisho.

Ciyaarta galabta oo kama dambeys ah ayaa waxaa isku dhici doono xululka Galmudug iyo HirShabelle oo isugu haray Finalka ciyaaraha maamul goboleedyada dalka.

Kulanka galabta oo ah mid xiiso badan ayaa waxaa haatan socda diyaar garow xoogan, waxaana durbo garoonka kusii qul-qulaya taageerayaasha labada dhinac.

Qoraal kasoo baxay Booliska ayaa looga hadlay ciyaarta, ayada oo farriin nabadeed loo diray kooxaha labada dhinac iyo taageerayaashooda, taas oo la xiriirta amniga.

“Farriin Nabadeed Muwaadin cayaaruhu waa isdhexgal Bulsho iyo aalad lagu muujiyo nabada iyo hormarka dalka ka jira. Hadaba, ka qeyb qaado sugida amniga ka hor cayaarta. Inta cayaartu socoto iyo cayaarta ka dib.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Booliska.

Sidoo kale wuxuu Boolisku sheegay inay heegan ku jiraan, si loogu sugo amniga garoonka iyo badqabka ciyaartoyda labada koox.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo Ciidamada kale ee amaanku waxey diyaar u yihiin sugida amniga iyo badqabka dadweynaha.” ayaa mar kalen lagu yiri farriinta Booliska.

Waxaa kale oo qoraalka lagu yiri “Qof walba masuuliyad ayaa ka saaran fulinta ujeedooyinkaas. Mahadsanidiin”.

Hoose ka daawo diyaar garowga ciyaarta:-

LIVE: Ciyaarta xiisaha leh ee Final-ka ee HirShabelle iyo Galmudug (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) — Waxaa goordhoweyd bilaabatay ciyaarta xiisaha leh ee Final-ka ciyaaraha maamul goboleedyada dalka, oo ay wada dheelayaan HirShabeelle iyo Galmudug.

Kulanka galabta oo ah mid xamaasad badan, ayaa waxaa garoonka Stadium Muqdisho soo buux dhaafiyay taageerayaal badan oo la kala safan labada kooxood.

Ammaanka Garoonka iyo guud ahaan hareerihiisa ayaa si weyn loo adkeeyay, ayada oo Booliskii ugu badnaa maanta la geeyay Stadium Muqdisho.

Kulanka kama dambeysta ah ee ciyaaraha maamul goboleedyada ayaa sidoo kale sawaxankiisu si weyn u qabsaday baraha bulshada, ayada oo taageerayaasha labada dhinac ay si weyn isugu hardinayaan ciyaartan.

Tebiye: Bashiir Baarbe

Halkan hoose toos uga daawo ciyaarta

Guuleed oo soo saaray qoraal jawaab u ah qoraalkii Fahad ee Ismaaciil Cumar Geelle

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga Madaxweynaha JFS ee arrimaha Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa soo saaray qoraal uu kaga jawaabay gef uu sheegay in Fahad Yaasiin uu u geystay Madaxweynaha iyo shacabka reer Jabuuti, isagoo Fahad ku tilmaamay nin warkaan loo soo dhiibay.

Agaasimihii hore ee hey’adda NISA Fahad Yaasiin ayaa soo saaray qoraal uu ku sheegay in madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu wax badan ka ogaa heshiiska badda ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ay kala saxiixdeen 1-dii bishaan, sidoo kale Fahad ayaa Madaxweyne Ismaaciil ku tilmaamay nin jecel jabka Soomaaliya.

Cabdikariin Guuleed ayaa sheegay in reer Jabuuti aysan Soomaaliya ka mudneyn gefkaas, isla markaana uu ka raali gelinayo, sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay inay garanayaan cidda gefkaan u soo dhiibtay Fahad Yaasiin.

Xukuumaddii Farmaajo ee Fahad ka tirsanaa ayaa dagaal diblomaasiyadeed oo adag la gashay dowladda Jabuuti, waxaana la aaminsan yahay in Fahad ay hadaladaan ka keenayaan xurguftii siyaasdeed ee kala dhaxeysay Jabuuti intii ay joogeen xukunka.

Hoos ka akhriso qoraalka Cabdikariin Guuleed

Tuulo ay fiita-waraar iyo horjoogayaalba ka yihiin rag af-gurucyaal ah ayaa waxaa soo degay nin caaqil ah oo garaad badni iyo aftahamo isku darsaday.  Muddo kooban gudaheed ayuu ninkii garaadkiisa iyo garyaqaannimadiisii kula wareegay tuuladii oo meel kasta ka yeertay WAR INA HEBAL GARTA IYO GUDDOONKA INOOGU GEEYA.

Ragga xafiiltan iyo wax iska dhicin kama dhamaate waxaa arinkaas ka xumaaday geeridoodana u arkay raggii kale ee tuulada madaxda ka ahaan jiray, waxayna soo abaabuleen shirqool ay ku doonayaan in sharafta iyo karaamada oga xayuubiyaan ninkii caaqilka ahaa. Nin doqonnimo tuulada kaga caan baxay ayey Budh u soo dhiibeen si uu ninkii caaqilka ahaa ugu garaaco goob fagaare ah iyo geedkii garta lagu naqayey.

Ninkii caaqilka ahaa goortii qaarta lagu qabadsiiyey shirkii dhexdiisa, wuu gartay halka colaaddu kaga socoto ayadoo meeshii laga sugayey in ninkii Caranka ahaa uu la fac noqdo intuu soo jeestay ayuu yiri WARYAADA HEBAL IYO HEBALOW MAAD USHA IGA DEYSAAN.

Haddaba waa naqaana,  waana garaneynaa Fahad Yaasiin ciddda gefka iyo wax ka sheegga madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Shacabka aan walaalaha nahay ee reer Jabouti u soo dhiibtay, cidda uu ku matalo gafeysa iyo cidda daaha gadaashiisa usha kaga soo dhiibtay. Waxaan kaloo garan karnaa waxa loola jeedo eedaymahaas iyo dhaleenceyntaas.

Waa ka raali galineynaa madaxweyne Ismaaciil iyo shacabka reer Jaboutiba gafkaas aysan muteysan ee loo geystay, waxaana idin leenahay shacabka Soomaaliyeed waa ogyahay waxaad u tihiin, waxaad u gasheen iyo waxaad u qabateen intaba. Waxaad noo tihiin garab, waxaad noo tihiin HIIL WALAAL.

Madaxweyne Ismaciil iyo reer Jaboutina ayagoo ku mahadsan gogol nabadeed oo aanu anaga ka codsanay ayey noo dhigeen, naguna sharfeen. Ayagoo juhdi iyo dadaal kastaba galiyey heshiinka iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed

Shacabka Soomaaliyeedna marnaba waxuusan iloobeynin halkii dib looga soo unkay dowladnmada aan maanta hoos harsameyno, oo ragga qaarkii ay madaxda iyo hogaanka ka noqdeen.

Soomaaliya oo qaadacday bayaanka shir looga aamusay xad-gudubka Ethiopia

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gebi ahaanba qaadacday qodobadii kasoo baxay shirka 32-aad ee dalalka Bariga Afrika ee ciidamada heeganka.

Shirkaan oo lagu soo gaba-gabeeyay dalka Kenya, uuna shir guddoominayay wasiirka Gaashaandhigga Kenya ayaa waxaa looga hadlayay qorshaha iyo Istaraatiijiyadda shanta sano ee soo socoto, ayada oo qeybaha hore diirada lagu saaray sidii tababaro joogto ah loo siin lahaa ciidamada heeganka ee qeybta ka ah dalalka bariga Afrika.

Waxaa ka qeyb-galay wasiirada gaashaandhigga dalalka Bariga Afrika, ayada oo dhanka Soomaaliya ay uga qeyb-galeen wafdi uu hogaaminayay taliye ku-xigeenka ciidanka xoogga dalka iyo xubno sar-sare oo ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, oo iyagu markii dambe iskaga soo baxay.

Xubnaha ka socday Soomaaliya ayaa madaxda qeybta ka ahaa shirka u cadeeyeen mowqifka dowlada federaalka ee laga soo horjeedo damaca Ethiopia ee badda Soomaaliya, balse shirka ahmiyad gaar ah ma siin arrintaan taas oo keentay in xubnaha Soomaaliya iskaga soo baxaan shirka.

La-taliyaha sare xaga amniga ee wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya Cabdi Diirshe oo warbaahinta kula hadlay magaalada Nairobi ayaa shaaciyay in dowladda Soomaaliya ay qaadacday qodobada laga soo saaray shirka, kaasi oo looga gaabsaday xad-gudubka Itoobiya ay kula kacday Soomaaliya.

“Soomaaliya waxa ay qaadacday qodobadii ka soo baxay shirka 32-aad ee dalalka bariga Afrika ee ciidamada heeganka kaasi oo lagu soo gabagabeeyay dalka Kenya,” ayuu yiri La-taliyaha sare xagga qmniga ee wasaaradda gaashaandhigga Cabdi Diirshe.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in madaxda shirka ka qeyb-gashay ay u gudbiyeen mowqifka dowlada Soomaaliya, ayna ka filayaan in markale dib loo soo saaro bayaan cad, kaasi oo lagu taageerayo go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya ay ka istaagtay xad-gudubka Ethiopia.

Soomaaliya ayaa horey ugu guuleysatay in shirkii urur-goboleedka IGAD lagu dhalleeceeyo xad-gudubka Itoobiya, ayada oo sidoo kale taageero ka heshay dalal badan oo caalamka, waxayna weli dadaal ku bixinaysa xoojinta cadaadiska diblumaasiyadeed ee Itoobiya lagu saarayo inay ka laabato heshiis beenaadkii Addis Ababa.

Ciyaarta berri ee Galmudug iyo HirShabeelle oo war cusub laga soo saaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirrada ciyaaraha HirShabeelle iyo Galmudug, saraakiisha amniga Muqdisho, madaxweynaha xiriirka kubadda cagta iyo masuuliyiin kale ayaa maanta ka shiray sidii ciyaarta finalka ah ee xulalka HirShabeelle iyo Galmudug ay nabad ugu qabsoomi laheed.

Shirka kadib inta badan masuuliyiinta ayaa la hadlay warbaahinta, iyagoo taageerayaasha labada dhinac ka codsaday inay ka fogaadaan wax kasta oo fowdo ku noqon kara ciyaarta ciyaarta berri.

“Waad xafiltami kartaan, afka waa ka bootey kartaan, laakiin ficil iyo gacan ka hadal waa ka mamnuuc ciyaaraha oo dhan, gaar ahaan ciyaarta berito ee Hirshabelle iyo Galmudug,” ayuu yiri Madaxweynaha xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed Cali Shiine.

Wasiirka Ciyaaraha Hirshabelle ayaa yiri, “kasoo baxa guryihiina idinkoo walaala ah baraha baaritaanada idinkoo iswalaashanaya soo gudba garoonkana fariista idinkoo labada Xul ee Hirshabelle iyo Galmudug kala taageeraya, intaas ka badan cidii sameysa qalad ayey gashay, aan ka fogaano walaalayaal wax kasta oo carqalad ku noqon kara ciyaarta berri.”

Wasiirka Ciyaaraha Galmudug ayaa isna yiri, “Taageerayaasha Galmudug waxaan leeyahay waqti hore soo xaadira Garoonka, wiliba si aan horey loo arag u soo buuxiya, hana la ilaaliyo nimdaamka garoonka oo yaan lagu xadgudbin.”

Wasiirka amniga Hirshabelle oo ka mid ahaa masuuliyiintii shirkaas ka qeyb gashay ayaa yiri, “majirto cadownimo ka dhaxeysa Galmudug iyo Hirshabelle, waana laba maamul oo deris ah, fariimaha taageerayaasha Hirshabelle waan gudbinay shirka waan ka sheegay.”

Galmudug iyo HirShabeelle ayaa berri ciyaaraya kulan kama dambeys ah, cidii badisa ay qaadi doonta koobka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, waxaana horay loo soo reebay Banaadir iyo Jubbaland, halka Koonfur Galbeed ay ka carootay ciyaartaan.

Ciyaarahaan oo Muqdisho ka socday muddo labo toddobaad ah ayaa xiisahooda laga dareemay dalka, hadda waxaa la soo gaaray final ama kama dambeys, waxaana la rajeynayaa in kulanka berri uu ku soo dhamaado si nabad ah, si lamid ah kulamadii hore.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe oo ergey cusub usoo magacaabay Somalia

0

New York (Caasimada Online) – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa u magacaabay Raisedon Zenenga oo reer Zimbabwe ah in uu noqdo Ku-xigeenka cusub ee Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing.

Mr. Zenenga ayaa xilkan kala wareegaya Anita Kiki Gbeho oo reer Ghana ah oo dhawaan waqtigii ay ka howl-galeysay dalka uu soo dhammaaday.

Anita Kiki Gbeho ayaa bishii December 30-keedii 2020 loo soo magacaabey inay noqoto ku-xigeenka wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, gaar ahaan dhanka arrimaha siyaasadda iyo amniga.

Xoghayaha Guud ee QM António Guterres ayaa uga mahad-celiyey Ms. Gbeho shaqadii iyo dadaalkii ay ku bixisay shaqada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Mr. Zenenga ayaa leh 30 sano oo khibrad ah oo uu kasoo shaqeeyay xafiisyada QM, oo ay kamid yihiin hawl-gallada QM ee Libya, Iraq-Kuwait, Sierra Leone iyo South Sudan, iyo sidoo kale xarunta dhexe ee Qaramada Midoobay

Ergeyga cusub ayaa hadda ahaa ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Libya, halkaasi oo uu sidoo kale ka ahaa Kaaliyaha Xoghayaha Guud iyo isu-duwaha hawl-galka Kaalmaynta QM ee Libya (UNSMIL) tan iyo 2020-kii.

Si kastaba, Qaramada Midoobay ayaa sanadihii dambe xoojineysay taageerada Soomaaliya, ayada oo bartamaha sanadkii tegay ee 2023-ka uu Xoghayaha Guud ee QM uu booqashadiisii labaad ku tegay Muqdisho.

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo ka degay Rome + Ujeedka

0

Rome (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Rome ee dalka Talyaaniga.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa halkaasi uga qeyb-geli doona Madasha Talyaaniga iyo Afrika, oo ah shir muhiim ah oo ay isugu imaanayaan madax ka kala socota Afrika iyo Yurub.

Shirkan waxa uu madaxweynaha ka jeedin doonaa khudbad uu diiradda ku saarayo iskaashiga dhaqaale, fududeynta isu-socodka iyo arrimaha amniga.

Sidoo kale waxa uu ku soo bandhigi doona muhiimadda xasilloonida gobolka, ixtiraamka mabaadi’da madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka, isagoo si gaar ah u dul istaagi doona xad-gudubka ka dhanka madax-bannaanida Soomaaliya ee dhawaan ay Itoobiya ku dhiirratay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iftiimin doona dadaalka aan kala joogsiga lahayn ee Soomaaliya ay ugu jirto la dagaallanka argagixisada iyo dib u dhiska ciidamada.

Madaxweynaha ayaa shirku inta uu socdo waxa uu kulammo labo geesood ah la qaadan doonaa madax iyo mas’uuliyiin ay ka mid yihiin;

– Mudane Azali Assoumani, Madaxweynaha dalka Comoros, ahna Guddoomiyaha Midowga Afrika.
– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya Mudane William Ruto.
– Madaxweynaha dalka Eritrea Mudane Isaias Afwerki.
– Agaasimaha Maamulka ee Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) Marwo Kristalina Georgieva,

Sacuudiga oo malaayiin ku bixinaya Somalia + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta daah-furay mashaariic uu fulinayo Sacuudiga, kaasi oo ay ku baxeyso malaayiin dollar.

Mashaariicdan oo la xiriirta dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo gargaarka, ayaa waxaa Soomaaliya ka hirgelinaysa Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Samafalka, kuwaasi oo ay ku baxayso lacag dhan 40 milyan oo dollar.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa tilmaamay in mashaariicdani ay wax weyn ka tari doonaan baahiyaha adeegyada bulshada ee ka jira dalkeenna, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha oo kamid ah adeegyada aasaasiga ah ee ay baahida weyn u qabaan shacabkeena.

La-taliyaha Boqorka Sacuudiga, ahna Kormeeraha Guud ee Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Samafalka, Dr Cabdalla Bin Cabdulcasiis Al-Rabiica oo hoggaaminayay wafdiga Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa maanta u yimid daah-furka mashaariicdan

Dr Cabdalla ayaa sheegay in dowladda Sacuudi Carabiya ay ka go’an tahay taageerada dhinacyada kala duwan leh ee shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad-celiyey Boqortooyada Sucuudiga garab istaagga iyo taageerada noocyada kala duwan leh ee ay mar walba siiso dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntiina waxa uu tallaabadani ku macneeyay mid sii xoojinaysa xiriirka walaaltinimo ee u dhaxeeya labada dal, xilli ay Soomaaliya ku jirto marxalad dib u soo kabasho.

Muuse Biixi oo sheegay in Xasan uu geeri ka xigo inuu…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa weli taagan xiisaddii ka dhalatay heshiiskii Muuse Biixi u saxiixay dowladda Itoobiya, kaasi oo Addis Ababa siinaya 20KM oo kamid ah biyaha Soomaaliya kontanka sano ee soo aadan.

Itoobiya ayaa wajaheysa culeyskii ka dhashay is-afgaradkaan, kaasi oo dowladda federaalka Soomaaliya ay si weyn uga hortimid.

Hoggaamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa bixiyay wareysi u muuqday mid uu ku daminayo kacsanaanta shacabka Soomaaliyeed, si gaar ah kuwa gobollada Waqooyi ee hadda loo yaqaano Somaliland.

Biixi wuxuu aad ugu dheeraaday inuu isku dayo inuu dadka ku qanciyo heshiiska, isaga oo sawiraya fursadaha ku dhex jira ee mustaqbalka, wallow ay badi u muuqdeen kuwa aan rejo badan laheyn.

Intii uu socday wareysiga waxaa Muuse Biixi la weydiiyay kulankii isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh ku dhex-maray waddanka Jabuuti, gaar ahaan qoddobka midnimada ama kala taga.

Wuxuu Muuse Biixi sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu qirsan yahay dhibkii gaaray Somaliland, laakiin uu weli qabo aragti ah in dib loo midoobo.

Wuxuu yiri “Madaxda Soomaalida oo dhan ayaa qirsan dhibaatada la gaarsiiyay reer Somaliland, laakiin Xasan Sheekh Maxamuud geeri ayuu ka xigaa inuu aqoonsado Somaliland.”

Hadalkiisa wuxuu ahaa aan dib isugu soo laabanayo, ayuu yiri madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Hoggaamiyaha Somaliland wuxuu difaacay heshiiskii uu la galay dowladda Itoobiya, wuxuu sheegay in aan la qaadan doonin dhulka balse uu yahay kiro. Wuxuu sheegay in dowladda federaalka ee Soomaaliya aanay laheyn awood ay ku hor istaagi karto fulinta heshiiskaasi.

Wuxuu Muqdisho ku eedeeyay inay ka baxday dhamaan waxyaabihii lagu heshiiyay, sida; wadaaga mashaariicda iyo maamulka hawada.

Hadalka Muuse Biixi waxaa ka muuqatay in uusan haynin maareyn fudud oo ku saabsan heshiiskii ka dhacay Addis Ababa, marka laga reebo aaminaada in awood lagu dhaqan-gelin karo. Addis Ababa taasi bedelkeeda ma sheegin inay rabto in heshiiska uu xoog ku dhaqan-galo.

Culeyska aqoonsi la’aanta ku hayso heshiiskan ayuu ka dhuuntay inuu sharaxo Muuse Biixi Cabdi, maadaama ay adag tahay inuu adduunka aqbalo dhaqan-galka heshiis ay dhigteen gobol aan la aqoonsaneyn iyo dal la aqoonsan yahay.

Dadka reer Somaliland ayaa si weyn u faaqidin wareysiga uu bixiyay Muuse Biixi, ma aanay muujin inay si weyn ula dhaceen jawaabaha uu hoggaamiye Biixi ka bixiyay qorshaha Itoobiya ee biyaha Soomaaliya, gaar ahaan heshiiskii 1-dii bishaan ka dhacay magaalada Addis Ababa.

Damaca Itoobiya ee biyaha Soomaaliya ma qarsooneyn 30-kii sano ee lasoo dhaafay, laakiin ma jirin qof u bareeray inuu u saxiixo sida Muuse Biixi.

Marka laga hadlayo heshiiskan, Itoobiya waa kala hadashay, mar waxay sheegtay inay tahay kiro 50 sano ah oo mustaqbalkana gaari karta 100 sano, marna waxay sheegeen in saldhiga uu yahay mid joogto taas, taas oo ku siineysa farriin hordhac ah oo la xiriirta inay jiraan waxyaabo badan oo heshiiskan la xiriira oo la qarinaayo.

Abiy revives Ethiopia’s long-standing aspirations towards Somalia

0

Exclusive Summary 

The history of Ethiopia’s monarchy is a multifaceted fabric intertwined with cultural, political, and geographical complexities. An essential character in this story is Emperor Menelik II, whose rule from 1889 to 1913 significantly influenced the area. Menelik’s ambitions for Somalia were based on historical factors, geographical factors, and a desire to increase Ethiopia’s dominance. Menelik’s ambition of a larger Ethiopian kingdom and his awareness of historical claims inspired the traditional aspirations towards Somalia. Ethiopia has historical affiliations with some regions of Somalia, and Menelik aimed to reaffirm these linkages. Nevertheless, this vision clashed with the growing Somali nationalist spirit and opposition to foreign control.

Menelik’s aspirations came to fruition with the Battle of Adwa in 1896, when Ethiopian soldiers achieved a resounding victory against the Italian army. This triumph firmly established Ethiopia as the only African country to oppose European colonisation, bolstering Menelik’s reputation successfully. Having established a stronger and more unified kingdom, Menelik focused on Somalia, seeing it as a logical expansion of Ethiopian authority. Ethiopia’s involvement with Somalia centred on the Ogaden area. The Ogaden, rich in resources and strategically positioned, was a subject of dispute between Ethiopia and Somalia. Menelik’s attempts to establish authority over the area encountered opposition from Somali groups and sparked enduring hostilities that lasted for many decades.

Menelik’s traditional ambitions were also motivated by a want to establish Ethiopia as a dominant force in the Horn of Africa. Menelik aimed to establish Ethiopia as a prominent power among the changing alliances and rivalries of the geopolitical scene. Nevertheless, this aspiration encountered obstacles, primarily from European colonial powers and the burgeoning Somali nationalism movement. Ethiopia and Somalia have a long border and a strong historical connection. Nevertheless, these connections have often been characterised by alternating phases of collaboration and strain. The Ogaden region, a disputed territory claimed by both nations, is a significant historical issue that has influenced their relationship. The ongoing territorial issue has consistently caused friction, leading to a problematic relationship between the two states. 

From a geopolitical standpoint, the area has been a focal point for international power conflicts as different foreign entities strive to exert influence. During the Cold War, Ethiopia allied with the Soviet Union, while Somalia received backing from the United States. The external factors exacerbated the complex bilateral ties between Ethiopia and Somalia. One crucial element of Ethiopia’s historic ambitions towards Somalia is the pursuit of strategic interests. Landlocked Ethiopia has long been ambitious to gain control over strategic ports in the area, including those in Somalia. Unrestricted access to maritime routes is essential for fostering economic growth, facilitating commerce, and ensuring strategic military capabilities. Ethiopia’s past endeavours to influence Somalia are seen in its engagement in the nation’s domestic affairs, such as assisting various sides during the Somali Civil War.

The 1991 ousting of the Siad Barre dictatorship in Somalia and the following disintegration of central authority resulted in a void of power and a period of instability. Ethiopia, apprehensive about the possible repercussions on its stability, engaged in military intervention in Somalia. The action, motivated by security concerns, also demonstrated Ethiopia’s long-standing ambitions to influence the political situation of its neighbouring country. The relationship between Ethiopia and Somalia has been changing in recent years, driven by regional dynamics, internal political developments, and economic concerns. Ethiopia’s predicaments, including ethnic strife and governmental shifts, have also influenced its stance towards Somalia.

In conclusion, Menelik II’s ambitions towards Somalia were complex, stemming from historical assertions, geopolitical factors, and a desire for an expanded Ethiopian kingdom. The complicated interaction of regional powers and the lasting influence of Menelik’s rule continue to define the historical narrative of the Horn of Africa, contributing to the complex dynamics of this time. Ethiopia’s enduring ambitions towards Somalia are firmly grounded in historical, cultural, geopolitical, and strategic considerations. The intricate interaction between the Ogaden conflict, cultural connections, foreign influences, and strategic goals has been a significant contributing factor. Comprehending the historical backdrop is essential for a detailed examination of the current interactions between these two countries in the Horn of Africa.

The root causes for the MoU between Abiy and Bihi 

Abiy Ahmed’s term as Prime Minister of Ethiopia has been characterised by several adverse occurrences that have elicited apprehension both inside and globally. One key concern has been the rising ethnic tensions and internal national disputes. The administration headed by Ahmed has had difficulties in adequately dealing with and reducing these conflicts, resulting in extensive displacement, loss of life, and a humanitarian catastrophe. The postponement of the 2020 general elections in response to the COVID-19 outbreak has sparked more controversy. Detractors contend that this action has eroded the democratic process and prompted inquiries over the government’s commitment to a transparent and all-encompassing political system. Moreover, the delay has exacerbated the political ambiguity and heightened national tensions. 

Abiy Ahmed’s attitude to the Tigray area has been very controversial. The military operation in Tigray, initiated in November 2020, has been tainted by accounts of human rights violations, including widespread deaths, sexual assault, and forced relocation. The war has led to a profound humanitarian catastrophe, with millions requiring aid, and has damaged Ethiopia’s ties with neighbouring nations and the global community. The government’s assault on political opposition and media freedom has also been a cause of worry. Arrests of journalists and opposition individuals have occurred, resulting in a suppression of freedom of expression and a deterioration of democratic principles. Critics contend that these moves demonstrate an emerging tendency towards authoritarianism within the administration.

Abiy Ahmed’s handling of ethnic tensions and regional problems has drawn significant criticism. The Amhara wars have shown the vulnerability of Ethiopia’s ethnic diversity, and his strategy has been condemned for intensifying rather than mitigating these tensions. The government’s inability to adequately address deep-rooted issues and foster inclusive discussion has played a role in the intensification of violence in the Amhara area. 

Under Abiy Ahmed’s administration, Ethiopia has had economic difficulties. The nation has struggled with inflation, a depreciating currency, and an increasing debt load. The economic recession has had adverse consequences for the lives of several Ethiopians, intensifying pre-existing social and economic disparities. In general, Abiy Ahmed’s term has been characterised by a sequence of unfavourable occurrences, such as the inability to resolve internal conflicts adequately, the delay of elections, the contentious military intervention in Tigray, limitations on political opposition and media autonomy, and economic difficulties. These problems have harmed Ethiopia’s internal stability and put pressure on its interactions with the global community. 

Muse Bihi Abdi became the President of Somaliland in December 2017. Although he has made some improvements, there have been significant complaints about his leadership. An important issue arises from the restrictions on political liberties and human rights in Somaliland. Bihi’s government has faced criticism for becoming more intolerant of alternative opinions and suppressing political opposition and independent media. The administration’s handling of the border issue with Puntland in the Sool and Sanaag areas has also faced criticism. Bihi’s administration has been criticised for adopting an aggressive approach, worsening tensions and impeding diplomatic efforts. This strategy has sparked worries about the possibility of heightened instability in the area.

An important issue is the purportedly forceful handling of the conflict, which worsens tensions instead of fostering healing. The government’s use of military force in certain places has faced criticism for exacerbating the conflict and engendering more instability. Moreover, some concerns have been made over the humanitarian consequences of the fighting, including claims of forced relocation and civilian fatalities. The absence of a comprehensive approach to tackle the humanitarian issue has garnered criticism, as it indicates a failure to prioritise the welfare of the impacted communities in Sool and Sanaag. 

Throughout Bihi’s term, there have been ongoing economic difficulties, with opponents arguing that the administration has not adequately tackled problems such as unemployment and poverty. There is a contention that economic policies have shown a preference towards specific groups, leading to an increasing disparity in income and worsening social inequities. Furthermore, there are worries about the insufficient advancement in the democratisation process. Bihi’s government has been under criticism due to the prolonged postponement of parliamentary and municipal elections, which has significant ramifications for the democratic progress of Somaliland. 

During Bihi’s leadership, there was disagreement about how elections were handled. Delays and conflicts in voting procedures have eroded the democratic foundations that Somaliland aims to preserve. The prolonged election problems have intensified political turmoil and undermined public trust in the government’s commitment to honest and equitable administration. Indeed, Muse Bihi Abdi’s administration has seen many favourable advancements, including implementing infrastructural initiatives and endeavours to entice international investments. However, significant critiques have been raised about political liberties, economic strategies, and diplomatic methods. It is crucial to tackle these challenges to promote a more inclusive and sustainable future for Somaliland. 

Ethiopia envies Somalia’s tangible progress 

Ethiopia’s recognition of Somalia’s noticeable advancements throughout 2023-24 stimulates a multifaceted combination of adoration, jealousy, and strategic deliberations. Somalia has made significant progress in several areas, including combating the threat of Al-Shabaab, obtaining a weapons embargo, receiving debt forgiveness, gaining military superiority, and joining the East Africa Community. These achievements demonstrate a remarkable transformation that Ethiopia may view critically.

Somalia’s notable triumph in the battle against Al-Shabaab is a remarkable accomplishment. Ethiopia, which is dealing with its security difficulties, may consider the tactics used by Somalia to combat this radical organisation. Somalia’s successful counter-terrorism measures may lead Ethiopia to reassess its strategies and consider the possibility of collaborating or sharing best practices. 

Somalia’s demonstration of diplomatic competence is seen in the implementation and subsequent removal of a weapons embargo imposed on the country. As a dominant force in the area, Ethiopia may study the diplomatic skills used by Somalia to navigate international affairs and accomplish its goals. This can prompt deep self-reflection within Ethiopia’s foreign policy circles, prompting a thorough evaluation of diplomatic initiatives to strengthen regional influence. 

Somalia has achieved significant advancements in debt forgiveness, alleviating the economic strain on the country. Now facing its economic difficulties, Ethiopia may see Somalia’s achievement in debt reduction as a valuable example to contemplate. An analysis of Somalia’s economic diplomacy may initiate conversations with Ethiopia about restructuring and alleviating debt to promote economic growth. 

Somalia’s military superiority may lead Ethiopia to examine its military capabilities and strategy closely. Given the neighbouring nations’ efforts to protect their borders and ensure peace, Ethiopia may reconsider its defence capabilities and provide resources to upgrade its armed forces in response to evaluating Somalia’s military progress. 

Somalia’s inclusion in the East Africa Community indicates a strategic step towards further regional integration. Given Ethiopia’s significant role in the Horn of Africa, it is essential for the country to carefully consider the potential consequences of this integration on its geopolitical position. The findings may prompt discussions on Ethiopia’s involvement in regional organisations and the possible advantages of enhanced cooperation with neighbouring countries. 

Ultimately, Ethiopia’s thorough evaluation of Somalia’s measurable advancements in 2023-24 involves various factors, including security tactics, diplomatic expertise, economic strength, military capacities, and regional cooperation. Envy may play a role, but it is probably accompanied by a strategic evaluation to adapt and enhance Ethiopia’s tactics in these crucial areas.

MOHAMED H. SALAD is a researcher and Analyst of International Security & Peace Conflict Studies Specialist in the Horn of Africa
[email protected]
Twitter: @Mhirsisalad

Daawo: ILHAAN CUMAR oo wacad ku martay arrin culus kadib xad-gudubkii Ethiopia

0

Minneapolis (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan golaha Congress-ka Mareykanka ayaa markii ugu horreysay si adag uga hadashay xad-gudubka Itoobiya ay kula kacday Soomaaliya, ee salka ku haya heshiis beenaadkii Addis Ababa.

Ilhaan oo arrintaan si adag uga hadashay ayaa sheegtay in xilligaan biyaha Soomaaliya aan la iska qaadan karin, ayada oo wacad ku martay in damaca Itoobiya uu suurta-gal noqoneyn inta ay joogto Congress-ka Mareykanka.

“Intaa aan anniga Congress-ka joogo badda Soomaaliya dad kale ma qaadanayaan,” ayey tiri Ilhaan oo sheegtay inay la dareen tahay bulshadeeda Soomaaliyeed, oo meel adag iska taagay damaca guracan ee Itoobiya.

Sidoo kale waxay tilmaamtay in dowladda Mareykanka uusan taageereyn in dal kale dhaco Soomaaliya, “Waddanka Mareykanka kuma taageerayo dad kale in ay annaga na dhacaan, marka taas ka seexda.”

Waxay intaas kusii dartay “Gabadhii aad Congress-ka u dirsateen way idinka war heysaa, sida idinka u dareemaysiin dantaas ayey u dareemaysaa.”

Sidoo kale waxay bogaadisay go’aanka adag ee dowladda federaalka ay ka qaadatay arrintaasi, ayada oo shacabka Soomaaliyeed ku ammaantay sidii ay uga fal-celiyeen damaca gurraca ee Itoobiya, islamarkaana ugu baaqaday inay u midoobaan oo ay garab istagaan dowladooda

“Madaxweyne Xasan Sheekh waxa aan leenahay waan kuugu faraxsannahay, shaqada fiican ee aad qabatay, oo dadka Soomaaliyeed aad dareensiisay. Si kasta aan annaga u dhibannahay Soomaali haddii aan nahay, waxa aan nahay dad karti leh dad waddankooda aqoonsan, dad waligood dalkooda khatar laga galin karin.”

Hoos ka daawo muuqaalka

War cusub oo kasoo kordhay arrintii argagaxa lahayd ee MUQDISHO ka dhacday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdadii argagaxa lahayd ee shalay ka dhacday magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, taas oo lagu gubay hooyo iyo carruurteeda.

Dhacdadan ayaa timid kadib markii nin kamid ahaa dadka deegaanka uu guri ku yaalla degmadaas uu ku gubay xaaskiisa iyo caruurtiisa, kadibna uu baxsaday.

Ninka oo lagu magacaabo Sayd-Cali Macallin Daa’uud ayaa la sheegay inuu maseeray, kadibna uu sidaas dab ku qabadsiiyay guriga oo ay ku sugnaayeen xaaskiisa & Carruurtiisa.

War cusub ayaa hadda kasoo kordhay falkan argagaxa leh, waxaana soo fara-geliyay booliska Soomaaliyeed oo sheegay inay dabagal ku hayaan eedeysanaha oo baxsad ah.

“Abaare 10-kii iyo 25 daqiiqo ayaa waxaa degmada Dharkenleey gaar ahaan waaxda labaad lagu gubay dhibbane hooyo Luul Sheekh Cabdi oo ahayd marwo hooyo ah, xaas ah isla markaana xaamilo ahayd, sida aan xogta ku heleynana waxaa ku eedeysan oo falkaas geystay seygeedii oo lagu magacaabo Sayid Macallin Daa’uud oo ah ninkii qabay marwadaa.”

Sidoo kale waxaa falkan ka hadlay gabadha la gubay walaalkeed oo lagu magacaabo Camaadi Sheekh Cabdiziiz, kaas oo sheegay in walaashiis oo iyana la yiraahdo Luul Sheekh Cabdicasiis iyo wiil yar oo ay u dhashay ninka gubay ay hadda ku jiraan qeybta xaaladaha culus ee isbitaalka Digfeer.

Camaadi oo la hadlay BBC ayaa shaaca ka qaaday in xaaladda walaashiis ay liidato, ayna ku jirto Koomo, welina ay la tacaalayaan dhaqaatiirka isbitaalka.

“Walaashay Luul xaladdeedu waa mid culus. Hadda waxaa ay ku jirtaa koomo qeybta xaaladaha culus ee (ICU) isbitaalka Digfeer, dhaqaatiirta ayaana la tacaalaya” ayuu yiri

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in ninka walaashiis dabka qabad siiyay ay is guursadeen muddo hadda laga joogo 6 bil, isaga oo sheegay inuusan jirin wax khilaaf ah oo ehelku ogaa oo ka dhaxeeyay.

“Inta aan ognahay waxaa ay ahaayeen lammaane isku faraxsan haddii uu jiri lahaa dhib aan ognahay waan xallin lahayn, ma garan karo waxa u qarsoon haddii uu jiro oo uu ka dhaxeeyay” ayuu hadalkiisa sii raaciayay.

Arrintan ayaa la yaab ku noqotay reer Muqdisho, maadaama ay tahay dhacdo ugub ah oo si weyn looga argagaxay, sidoo kalena si aad ah looga hadal hayo baraha bulshada.

Safiirka Itoobiya ee Muqdisho oo raali-galin ka bixiyay gefkii uu kula kacay Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Mukhtaar Maxamed Waare ayaa raalli-galin buuxda ka bixiyay hadal gef ku ahaa madax-bannaanida Soomaaliya oo dhowaan uu jeediyay kadib wareysi uu siiyay warbaahinta dalkiisa.

Danjire Mukhtaar Maxamed Waare oo qoraal kooban soo saaray ayaa sheegay in si khaldan loo dhigay wareysigiisa ayada oo ujeedka uu yahay marin habaabin, balse wuxuu sheegay inuu raalli-galinayo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Raali iga ahaada walaalahayga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Wareysigii aan dhawaan siiyay warbaahinta gudaha (dalkeyga) – oo ahaa (sida loo dhigay) mid aan ku qanacsaneyn. Waxaan si kal iyo laab ah u raali-gelinayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.” ayuu yiri safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu tilmamay in ujeedkiisu uusan ahayn inuu dhaawaco xiriirka ka dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya oo hada ay u dhexeyso xiisad xooggan oo ka dhalatay heshiiska badda.

“Ereyadayda waa la marin habaabiyay, waligeyna uma aan jeedin inaan waxyeello xiriirkayaga (Soomaaliya iyo Itoobiya). Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa ka dhaxeeya xiriir qoto dheer, waxaana iga go’an in aan safiir ahaan uga shaqeeyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya dowladaha walaalaha ah si loo xoojiyo iskaashiga.” ayuu markale yiri Mukhtaar.

Raali-galinta safiirka Itoobiya ayaa imaaneysa kadib markii dowladda federaalka ay cadaadis ku saartay inuu raali-gelin ka bixiyo gefkii uu kula kacay Soomaaliya, sida ay illo diblumaasiyadeed u sheegeen Caasimada Online.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga carootay wareysiga uu bixiya safiirka Itoobiya, oo uu ku taageeray heshiiskii Addis Ababa, oo xad-gudub ku ah madax-bannaanida Soomaaliya, uuna sidoo kale sawir xun ka bixiyay caasimadda uu shaqada diblumaasiyadeed u joogay ee Muqdisho.

Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Amb. Mukhtaar Maxamed Waare ayaa horay u taageeray xad-gudubka ay xukuumadda Abiy Axmed kula kacday Soomaaliya.

“Heshiiska aan la galnay Somaliland waa mid taariikhi ah oo xaqiijinaya dammaanadda dhaqaale iyo amni ee Itoobiya,” ayuu horay u yiri Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu wareysigiisa uu  ku sheegay in Muqdisho ay tahay meeshii ugu liidatay amni ahaan ee uu kasoo shaqeeyay, islamarkaana aad ku dareemayn nafis amni, sida uu hadalka u dhigay.

“Anigu meesha aan ku dhashay, meesha aan ku koray iyo meelaha aan ka soo shaqeeyayba Soomaaliya waa goobta ugu dhibaatada badan. Ma ahan meel sidii aad doonto aad u dhaq-dhaqaaqi karto oo ma socon kartid ilaalo la’aan oo waxaad ku soconaysaa gaari aanay xabbdu karin. Daqiiqad walba waxa aad halis u tahay in lagu qarxiyo. Waa meel xaaladdeeda amnigu ay aad u liidato halka aan ku shaqeeyo,” ayuu yiri Danjire Mukhtaar Maxamed Waare.

Marka laga imaado sida uu Safiirka Itoobiya u dhigay xaaladda amni ee magaalada Muqdisho, waxaa xaqiiqo ah in amniga caasimada uu si weyn usoo reysanayo bilihii dambe, ayna shacabka dareemayaan xasilooni amni, oo ay ka reysteen arbushaadii iyo falalkii amni darro ee argagixisada.

Xasan Sheekh iyo Zellweger oo kulan xasaasi ah ku yeeshay XALANE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kulan xasaasi ah kula yeeshay Valentin Zellweger, oo ah Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya.

Kulankaan oo ka qabsoomay gudaha xerada Xalane ayaa waxay madaxweynaha iyo danjiraha uga wada-hadlaan xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Sidoo kale waxaa kulankaan hoosta looga xariiqay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo kobcinta iskaashiga dhinacyada muhiimka ah ee caalamiga ah, si wax looga qabto caqabadaha la wadaago loona horumariyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Kulankaan ayaa imanaya xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib xad-gudubkii ay Itoobiya kula kacday madax-banaanida Soomaaliya, ayna heshiis beenaad kula saxiixatay Somaliland.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa weli u muuqata mid taageero caalami ah u raadsaneysa sidii Itoobiya uga laaban laheyd xad-gudubka ay ku kacday iyo difaaca madax-banaanideeda.

Inkasta oo Soomaaliya ay Itoobiya uga adkaatay dhanka diblumaasiyadda, haddana weli Itoobiya kama laaban heshiis beenaadkii ay 1-dii bishaan magaalada Addis Ababa ku gaareen Muuse Biixi iyo Abiy Axmed, wallow ay wajaheyso cadaadis xooggan oo dibadda.