26.5 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

Jubbaland oo qaaday tallaabadii ugu horreysay kadib bixitaankii ciidanka Itoobiya

0

Kismaayo (aasimada Online) – Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa qaaday tallaabadii ugu horreysay kadib bixitaankii ciidamada Itoobiya oo Khamiistii lasoo dhaafay baneeyay xero ay ku lahaayeen magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose.

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa booqday xerada Madhamaato oo ah meesha ay ka guureen ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ahaa howlgalka ATMIS.

Sidoo kale wuxuu warbixin ka dhageystay Ciidamada Hay’ada Nabadsugida iyo Sirdoonka Jubbaland oo la wareegay xeradaasi oo laga ilaaliyo amniga guud ee Kismaayo.

Sayid Aadan ayaa kula dardaarmay inay laba jibaaraan howlaha amniga lagu xaqiijinayo ee ay ka wadaan halkaasi, si looga hortego falalk amaan darrida ah.

Intaas kadib Maxamuud Sayid Aadan ayaa kormeer ku tegay dugsiga Tababarka Ciidamada Jubbaland, isagoo halkaas kula hadlay Ciidamo cusub oo kamid ah Darawiishta Jubaland oo uu tababar u socday mudooyinkii lasoo dhaafay.

Waxa  u sheegay in ciidamadan cusub ee kamid noqonaya darawiishta Jubbaland ee tababarku u socdo inay qeyb ka yihiin dadaalka xooga leh ee loogu jiro sidii amaanka dalkeenna aan ula wareegi lahayn isla markana shaqadaas baaxada leh ay tahay inay kasoo dhalaalan.

Sababta ay u baxeen ciidamadaas ayaa waxaa lagu sheegay inay qayb ka tahay qorshaha dhimista ee ciidamada howlgalka ATMIS ee jooga gudaha dalka Soomaaliya.

Horay ciidamo ATMIS oo ka socda dhowr dal ayaa u banneeyay saldhigyo dhowr ah oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo ay la wareegeen Xoogga dalka.

Bixitaan ciidanka Itoobiya ee magaalada Kismaayo ayaa haatan kusoo aadayo, xilli ay taagan tahay xiisad u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka dhalatay heshiiska badda.

Daawo: Maxaa dhici doonaa haddii Itoobiya ay badda Soomaaliya la wareegto?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo kamid ah golaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xiisadda Soomaaliyaiyo Itoobiya, gaar ahaan damaca Abiy ee badda, kadib wareysi uu siiyay Universal Tv.

Prof. Samatar ayaa shaaca ka qaaday in Itoobiya ay waligeed ku hamineysay badda Soomaaliyeed, isla markaana qorshahan uu soo socday muddo aad u dheer.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay haddii ay Itoobiya la wareegto badda hadda loo saxiixay inay dhici dhici doono inay kusii darsato qaybo kale oo horleh, sida uu hadalka u dhigay.

“Haddii ay qaybtaan qaadato, waxaa ballana inay qaybaha kale ku darsan doonto, marka damac weyn oo hunguri ah ayaa ku jira” ayuu wareysiga yiri Prof. Samatar

Waxaa kale oo uu yiri “Maanta haddii laga qaato waxaa run noqon doonta maah-maadhii gabyaagii weynaa ee Timacadde, marka waxaa haboon in laga feejignaado”

Senatorka ayaa xusay in dowladihii ka horreeyay Abiy ay horay uga hadli jireen arrintaan, ayna soo jirtay muddo ka badan qarni.

“Damaca Itoobiya ma’aha arrintaasi ee waxaa weeye muddo dheer oo qarni 120 sanadood ayay Itoobiya ku hamineysay inay dhulka Soomaalida iyadu leedahay” ayuu raaciyay.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in uusan jirin waddan Afrikan oo deked ku leh dal kale, Itoobiyana ay rabto inay noqoto dalkii ugu horreeyay ee sameeya arrintaasi.

“Ma jiro waddanka Afrikan ah oo wadan kale oo dekad ku leh, balse waxaa jira shirkado aduunka ka shaqeysta oo dekadaha maamula” ayuu mar kale yiri Prof. Samatar

Hoose ka daawo wareysiga oo dhammeystiran:-

Dad isku qoys ahaa oo mar kale lagu laayay MUDUG

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar lagu laayay dad shacab ah oo mar kale ka dhacay gobolka Mudug.

Weerarkan oo ay gaysteen maleeshiyaad hubeysan ayaa xalay ka dhacay agagaarka degmada Saaxo ee gobolkaasi, waxaana lagu beegsaday dad isku qoys ahaa.

Ugu yaraan 5 qof ayaa lagu dilay weerarkan, halka lagu dhaawacay 6 kale, sida uu xaqiijiyey guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Sheekh Cali.

Dadka la laayay ayaa isugu jiray rag iyo dumar, kuwaas oo la socday gaari, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay guddoomiyuhu.

“Waxa xanuunka leh labada arrimood weeye mar waa hal qoys dadka halkaas lagu laayay 11 qof oo isku guri ah ayay ahaayeen 5 waa dhimatay nin iyo xaaskiis, walaashiis, wiil uu abti u yahay iyo wiil kale oo uu adeer u yahay” ayuu yiri Faysal Sheekh Cali.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Lixda kale waa dhaawac waa caa’ilada hoose gaari ayay saarnaayeen, waana arrin naxdin leh”.

Faysal Sheekh Cali oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in arrintan ay soo noq noqotay, isla markaana dhacdooyin kuwan lamid ah ay horay uga dhaceen gobolka.

“Shayga labaad ee isagana tiiraanyada leh ayaa waxa ay tahay arrinkan wuuu soo noq noqday mar ma’ahan, labo ma ahan, saddexna ma’ahan” ayuu kusii daray Faysal.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in haatan ay wadaan baaritaano ku aadan falkaasi, ayna cadaaladda horkeeni doonaan maleeshiyaadkii ka dambeeyay falkaasi argagaxa leh.

Maalmo kahor ayay ahayd markii dhacdo tan oo kale ay ka dhacday qaybo kamid ah gobolka Galgaduud, taas oo lagu dilayAabe iyo Wiilkiisa, sidoo kalena lagu dhaawacay hooyadii qoyska, kadib markii ay weerar gaadmo ah ku qaadeen maleeshiyaad hubeysan.

Daawo: DF oo tallaabo adag ka qaaday 27 askari oo kasoo baxsaday furimaha dagaalka

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya qeybta Galmudug ayaa lasoo taagay 27 askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo lagu riday xukuno adag.

Askartaan ayaa ka soo baxsatay furimaha dagaalka, waxaana lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, iyagoo baxsad u ah deegaano u badan koonfurta dalka oo ay ka soo jeedaan.

Markii laga reebo hal askari oo qori BKM ah oo uu lunsaday loogu diray xukunka xabsiga, dhammaantood waxay maxkamaddu ku xukuntay shan sano ee xabsi ciidan ah.

Askartaan ayaa sheegtay inay u adkeysa waayeen dagaallada, duruufaha yaalla duurka fog iyo furimaha dagaalka, isla markaana ay wajahayaan caqabado dhanka qoysaska ah, taas oo ku kaliftay inay ka baxsadaan furimaha dagaalka.

Shuruucda ciidanka ayaa la waafajiyey kiiska baxsadka ah ee askartaan, sida uu sheegay guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qeybteeda Galmudug.

Askarta la xukumay ayaa ka wada tirsan guutooyinka 18-aad iyo 17-aad ee Gorgor, waxaana ciidankii daafaha Muqdisho ka soo bilaabay dagaalka sanad iyo bar ka hor oo hadda maraya magaalada Caad ee gobolka Mudug.

Qaar ka mid ah askarta la xukumay waxay Caad ka soo baxsadeen dagaalkii daraad ka hor halka qaarkood ay soo baxsadeen markii ay dagaalka galeen kadib, balse dhamaantood Dhuusamareeb ayaa ku noqotay meel ay dhaafi waayeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidan aad u badan isugu geysay furimaha dagaalka ee gobolka Mudug, kuwaas oo waqti dheer uu ku qaatay dagaalku, taasina waxay keentay in askartu ka baxsato furimaha.

Hoos ka Daawo

CC Shakuur oo dowladda Xasan ugu baaqay laba arrin weyn kadib tallaabadii Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay tallaabadii u dambeysay ee ay qaaday dowladda Itoobiya, ayaa ku baaqay laba arrin oo muhiim ah.

Cabdiraxmaan ayaa waxa uu hoggaanka dowladda ugu baaqay in uu aragtidii iyo dhaqankii hore wax ka beddelaan, islamarkaana ay garaystaan in aan maanta ugu baahi badanahay laba arrin oo kala ah;

1. Midnimo iyo wadajir dhinacna la iska dhigo khilaafka, xafiiltanka iyo rag iska dhicinta.

2- In dadka qaranka u adeegaya lagu xulo karti iyo hawlkarnimo, meeshana laga saaro hebel qancinta, kooxaysiga iyo qof jeclaysiga.

“Waxaan ku celinayaa Itoobiya qof iyo qabiil dirac nagama celin karo ee Qaran Dirac ah ayaa naga dhicin kara,” ayuu sii raaciyay qoraalkiisa Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Soo jeedinta Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa imanaysa xilli Itoobiya ay qoraal xasaasi ah oo ay uga been abuureynayso xad-gudubka ay kula kacday madax-banaanida Soomaaliya u dirtay safiirkeeda u fadhiya Qaramada Midoobay.

Qoraalkaasi oo ay uga dan leedahay baajinta dood uu Golaha Ammaanka ka yeesho is-afgaradkii ay 1-dii bishaan Itoobiya iyo Somaliland kala saxiixdeen, ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay hore ku ogeysiisay heshiiskii Addis Ababa, uuna lamid yahay heshiisyadii ay hore ula gashay Somaliland oo kale.

Ujeedka qoraalkaas ayaa u muuqda mid ay Itoobiya ka leedahay marin habaabin, jahwareerna ku riddo Golaha Ammaanka, iyada oo ku doodaysa in heshiisku uusan xad-gudub ku ahayn gobonnimada iyo madax-banaannida Soomaaliya, xiisadna ka dhex abuuraynin labada dawladood dhexdooda, xasillooni-darrina ka dhalinaynin gobolka.

Isku soo wada duubo, arrimahan ayaa imanaya xilli ay Itoobiya isku dayeyso inay caalamka ka iibiso in aysan ku kicin xad-gudub ka dhan ah madax-banaanida Soomaaliya, islamarkaana wadda kasta ay u marayso in ay xaqiijiso hadafkeeda helitaanka bad.

Netanyahu oo ay xaaladda ku xumaatay – Maxaa cusub?

0

Jerusalem (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa wajahaya cadaadis sii kordhaya, kadib maalintii ugu darneyd ee khasaaraha ciidamada Israa’iil kasoo gaaray dagaalka Gaza, iyo sidoo kale dibadbaxyada isa soo taraya ee ka dhashay inuu ku guuldareystay inuu soo celiyo dadkii la qafaashay.

Istaraatiijiyada ciidamada ee dhulka falastiiniyiinta ayaa si weyn isha loogu hayaa kadib markii la dilay 24 askari maalintii isniinta, waana khasaarihii ugu badnaa ee soo gaara Israel hal maalin gudaheed tan iyo markii uu bilowday duullaanka dhulka ee Qaza dabayaaqadii October.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah 21 askari oo kayd ah, kuwaas oo lagu dilay hal weerar.

Weerarkan oo loo adeegsaday baasuukayaal ku dhacay taangi iyo laba dhismo oo ay ciidamadu isku dayeen inay qarxiyaan, ayaa Netanyahu waxa uu ku tilmaamay “musiibo”.

Emmanuel Navon, oo ah bare wax ka dhiga jaamacadda Tel Aviv, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in khasaaraha ciidanku uu saameeyay qof kasta gudaha Israa’iil, madaamaama ku dhawaad qof kasta oo dalka ku nool uu wiilkiisa ama walaal ama qof qaraabo ah [uu ka dagaallamayo Gaza].”

Dhinaca kale, kala qaybsanaan ayaa ka dhex aloosantay golaha wasiirada dagaalka ee Netanyahu, kadib mudaaharaadyo ka dhacay magaalada Tel Aviv iyo bannaanka gurigiisa oo ku yaala magaalada Qudus, halkaas oo ehelada la haystayaasha ay socod ku mareen, iyagoo ku dhawaaqaya “dhammaan iyo hadda” si ay ugu booriyaan soo celinta laheysteyaasha.

DF oo WAR culus ka soo saartay duqeyn galabta lala beegsaday kolonyo Shabab ah

0

Aadan-yabaal (Caasimada Online) –Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay xogta weerar cusub oo duqeyn loo adeegsaday oo kooxda Al-Shabaab galabta loogu geystay inta u dhaxeysa gobollada Sh/Dhexe iyo Hiiraan.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Ciidamada Qaranka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah oo kaashanaya xogta dadka Deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay Deegaanka Cali hayle ee ku yaala xadka Sh/dhaxe iyo Galgaduud.”

Kooxda lagu beegsaday howlgalkaan ayaa la socotay gaari xamuul ah, waxayna marayeen deegaanka Cali-Xeyle, howlgalka ayaa dhacay xiligii lagu jiray salaadda Maqrib.

“Gaari ay la socdeen maleeshiyada argagixisada ah ayaa lagu burburiyay howlgal maqribnimadii caawa ka dhacay Deegaanka Cali Hayle ee Galgaduud, waxaana gaariga saarnaa Hor-joogayaal ka tirsan nabadiidka,” ayaa lagu yiri warka dowladda.

Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa saaxiibada ka caawiya dagaalka Al-Shabaab ayaa maalmahaan kordhisay duqeymaha ka dhanka ah argagixisada, kuwaas oo maalmahaan ka socday gobollada Mudug, Galgaduud iyo Shabeellada Dhexe.

“Saacadihii la soo dhaafay waxaa la kordhiyay Howlgallada dhanka cirka ah ee lagu beegsanayo kooxaha naf la caariga ah ee caadeystay gumaadka Shacabka Soomaaliyeed, waxaana la qaarijiyay maleeshiyaad badan,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Duqeyntaan waxaa ka horeeyey kuwo kale, magaalada Galhareer ee gobolka Galgaduud ayaa khasaaraha ugu ba’an loogu geystay Al-Shabaab, kadib markii la beegsaday xarumo waaweyn oo Shabaab ay isku abaabulayeen, kuna diyaarinayeen qaraxyo.

Sidoo kale magaalada Caad oo labo maalin ka hor ay soo weerartay kooxda Al-Shabaab ayaa khasaare ba’an loogu geystay, kadib markii ay halkaas kala kulmeen duqeyn culus iyo dagaal toos ah, waxaana Caad lagu soo bandhigay meydadka Shabaab-kii la laayey.

Ethiopia oo ka been sheegtay xad-gudubka ay Soomaaliya kula kacday si loo baajiyo…

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Ethiopia ayaa qoraal xasaasi ah oo ay uga been abuureyso xad-gudubka ay kula kacday madax-banaanida Soomaaliya u dirtay safiirkeeda u fadhiya Qaramada Midoobay.

Qoraalkan oo ay ku sheegtay in ay dowladda federalka Soomaaliya ku ogeysiisay heshiiskii Addis Ababa, ayaa looga dan leeyahay baajinta dood uu Golaha Ammaanka ka yeesho is-afgaradkii ay 1-dii bishaan Itoobiya iyo Somaliland kala saxiixdeen.

Itoobiya waxay ku andacoonaysaa in dekadda ay doonayso ay tahay mid ganacsi qaybna ka ah xiriirkii iskaashi ee kala dhexayn jiray Somaliland ee dhanka badda, ganacsiga, maalgashiga, beeraha, caafimaadka, ammaanka, waxbarashada, tamarta, iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

“Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa gacanta ku hayo arrinka, waxayn u magacaabeen Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo in uu dhex-dhexaadiye ka noqdo,” ayaa lagu yiri qoraalka Itoobiya oo lagu sheegay inay taasna (dhexdhexaadinta) diyaar u tahay, sidaas daraaddeedna aysan meel uga banaanayn Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Ujeedka qoraalka waa in ay Itoobiya marin habaabiso, jahwareerna ku riddo Golaha Ammaanka, iyada oo ku doodaysa in heshiisku uusan xad-gudub ku ahayn gobonnimada iyo madax-banaannida Soomaaliya, xiisadna ka dhex abuuraynin labada dawladood dhexdooda, xasillooni-darrina ka dhalinaynin gobolka.

Qodobada ugu weyn ee qoraalka Itoobiya ku jira ayaa kala ah;

1- Qoraalka waxaa lagu sheegay in dekeddu tahay mid ganacsi, maadaama ganacsiga uu yahay arrin dunidu wada ogoshahay.

2- Wuxuu ka aamusay ictiraafka Somaliland, wuxuuna ka gaabsaday ka hadalka saldhigga milateriga.

3- Wuxuu sheegay in ay ogeysiiyeen dawladda Soomaaliya, si loogu suureeyo in Is-afgaradka uu la mid yahay kuwii ay horay ula geli jireen Somaliland.

5- Wuxuu taageerayaa go’aanka Golaha Ammnaaka ee Midowga Afrika ee iyaga danta u ahaa iyo dhex-dhexaadinta Obasanjo oo lagu yaqaan u qareemidda ictiraaf raadinta Somaliland.

Arrintan ayaa imaneysa xilli Golaha Dhexe ee Xisbiga Itoobiya xukuma uu shalay meel-mariyey in is-fagaradka loo beddelo heshiis buuxa oo dhaqangal ah, waxaana muuqata in Itoobiya wadda kasta ay u marayso in ay xaqiijiso hadafkeeda helitaanka bad.

Dagaal culus oo dib uga qarxay xadka Hiiraan iyo Sh/Dhexe

0

Jowhar (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed mar kale maanta dib uga qarxay xadka ay wadaagaan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle, kaas oo gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka oo u dhexeeyay beelaha Abgaal iyo Xawaadle ayaa xoogiisa waxa uu ka dhacay deegaanka Iji oo dhaca xadka labada gobol.

Ilo dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in dagaalkan uu socday ku dhowaad saddex saacadood oo xiriir ah, kadibna uu mar dambe istaagay

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkan ku dhintay ugu yaraan illaa 4 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaas ka badan, kuwaas oo ah labada dhinac.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana lasoo warinayaa in maleeshiyaadka labada dhinac ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan halkaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalkan uu salka ku hayo muran la xariira dhul beereed halkaas ku yaalla oo ay isku qabteen labada beelood.

Dhinaca kale waxa soconayo dadaallo dhex dhexaadin ah oo ay haatan bilaabeen madaxda HirShabelle iyo waxgaradka deegaanka, si loo qaboojiyo xiisaddaasi.

Si kastaba, dagaalkan ayaa daba socda dagaal maalmo kahor ku dhexmaray labada beelood ku dhexmaray deegaanka Iji oo ku yaalla xadka ay wadaagaan Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Soomaaliya oo digniin kama dambeys ah u dirtay Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys oo aaladda Zoomka uga qayb-gay isku soo bax ay dhigeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, loogana soo horjeeday damaca gurracan ee Itoobiya ayaa ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee ku aadan difaaca dalkeenna.

Daa’uud Aweys ayaa ugu horreyntii digniin culus oo kama dambeys ah u diray dowladda Itoobiya, taas oo ah inay ka waan-towdo falalka gurracan ay waddo, kuwaas oo wax u dhimaya nabadda gobolka iyocaalamka.

Wasiirka ayaa sidoo kale u mahadceliyay jaaliyadda, maadaama ay garab istaageen dowladdooda iyo qarankooda, kadib xadgudubkii Itoobita.

”Waad mahadsan tihiin dhammaantiin, si weyn ayaa idin kaga mahadcelineynaa isku soo baxaan weyn oo aad maanta ku dhigaeysaan Minnesota, idinka oo ka soo horjeeda gardarada qaawan ee Dowladda Itoobiya ay ugu bareertay” ayuu yiri wasiirku.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay diidmada heshiiska sharci darrada ah ee ay wada gaareen Muuse Biixi iyo Abiy Axmed.

“Waxaan idin cadeyneynaa in Dowladda Soomaaliyeed ay ka go’an tahay diidmadeeda qayixan ee damaca Itoobiya,islamarkaana marnaba la aqbali doonin in la haweysto taako ka mid ah dhulkeenna,” ayuu mar kale yiri Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya.

Mr. Daa’uud Aweys ayaa sidoo kale tilmaamay in Soomaaliya ay markasta u taagan tahay deris wanaag iyo iskaashi, balse marnaba aysan ogolaan doonin in lagu soo xadgudbo.

”Soomaaliya waxay mar walba u taagan tahay derisnimo wanaagsan iyo iskaashi, laakiin marka ay dhacdo xadgudub noocaan oo kale ah marnaba ma yeeleyno, waxaan ilaalineynaa oo aan difaaceynaa qaranimada, wadajirka iyo madax bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay

Dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa ka dhex taagan xiisad xoogan oo ka dhalatay heshiiskii badda ee ay kowdii bishaan wada gaareen madaxweyne Biixi iyo Abiy Axmed.

DF Soomaaliya oo war culus kasoo saartay go’aanka ay maxkamada ICJ ka gaartay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu taageeray go’aanka ay Maxkamada ICJ ay ka gaartay xasuuqa ay Israel ku heyso shacabka reerka Falastiin.

Bayaanka ayaa waxaa lagu sheegay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay soo dhoweyneyso in baaritaan lagu sameeyo xasuuqa Israel ee Gaza, lagulana xisaabtamo.

“Xukunkan dhulka wuxuu calaamad u yahay tallaabo muhiim ah oo lagula xisaabtamayo tacadiyada loo geystay dadka Falastiin” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dalbaday in la qaado tallaabo deg deg ah oo lagu badbaadinayo shacabka ku go’doosan Gaza ee weli wajahaya xaaladda adag.

“Soomaaliya waxay dalbanaysaa in si deg deg ah loo fuliyo tallaabooyin ku meel gaar ah oo lagu badbaadinayo xuquuqda iyo maslaxada Falastiiniyiinta, iyadoo diiradda la saarayo xalinta falalka Israel ee rabshadaha, hoos u dhaca, iyo burburinta ku aadan jir ahaan iyo damiir ahaanba nolosha aan waxba galabsan” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Waxaa kale oo Soomaaliya ay adkeysay in la dhaqan-geliyo xabad joojin ka hirgasha Gaza, si xaaladda loo qooboojiso, loogana hortego khasaaraha soo gaaraya rayidka.

War-saxaafadeedkan ayaa waxaa sidoo kale baaq loogu diray Israel oo looga dalbaday inay joojiso xasuuqa ay ku heyso shacabka reer Falastiin.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa Israa’iil in ay joojiso dhammaan noocyada tacadiyada arxan darada ah ee Falastiiniyiinta, ayna u hoggaansamaan tallaabooyinka ka soo baxay go’aanka ICJ” ayaa la sii raaciyay bayaanka.

Ugu dambeyn dowladda federaalka ayaa shaaca ka qaaday inay garab taagan tahay shacabka Falastiin, waxayna sii wadi doontaa nabadda, cadaaladda iyo xaqiijinta

Maxkamada ICJ ayaa jimcihii shalay aheyd soo saartay go’aan ah in Israel ay qaado dhammaan tilaabooyinka lagu joojinayo xasuuqa shacabka Falastiin ee ku nool Gaza.

KENYA oo soo fara-gelisay xiisadda dastuurka Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay xiisadda ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka KMG ka ah ee Soomaaliya.

Wasiirka difaaca ee dalka Kenya, Aadan Barre Ducaale oo soo farogeliyay arrintan ayaa caleema saarkii madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ka sheegay in loo baahan yahay in la dhameystiro dastuurka, si looga gudbo caqabada haatan ka jira gudaha dalka.

Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in xilligii ololaha doorashada uu si dhow ula socday khudbadaha ay jeediyeen musharrixiinta, ayna dhamaantood ballan qaadeen dhameystirka dastuurka, isaga oo haatan su’aal ka keenay sababaha ku diidan yihiin in wax laga beddelo.

“Arrimihii la sheegay xilligii doorashada waxaa kamid ahaa oo ku kastaa uu yiri haddii la’i doorto dastuurka waan dhammeynayaa waqtigeyga” ayuu yiri Aadan Barre Ducaale.

Sidoo kale wuxuu farriin culus u diray madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay in laga wada shaqeeyo danaha guud iyo midnimada.

“Aan isku dulqaadano aan midowno aa noqono dad dalkooda iyo diintooda u hiiliyo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dood xoogan ay ka taagan dastuurka Soomaaliya, kadib markii baarlamaanka uu ansixiyay habraaca wax looga beddelayo.

Mucaaradka iyo Puntland ayaa si weyn u diiday in haatan la furo dastuurka, inkastoo Villa Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ay rabaan in ka guda galo wax ka beddelka.

Jabhadda Amxaaradda oo kaabiga ku haysa Addis Ababa

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ciidamada Jabhadda Amxaaradda ayaa isku gadaamay xerada Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya, sida ay ku warameyso warbaahinta gudaha oo soo xiganeysa xubno ka tirsan Jabhadda.

Xeradan oo ku taalla deegaanka Ensaro Shewa ayaa waxay qiyaastii 93KM u jirta magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya.

Dagaalamayaasha Jabhadda Amxaaradda ayaa hadda kaabiga ku haysa magaaladda Addis Ababa ee uu ku shaqeeyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Gobolka maamulka Axmaaradda ayaa waxaa ka socda kacdoonkii ugu xoogganaa, waxaana shalay laga maqlayay rasaas dabaal deg u muuqatay kadib markii uu is casilay ra’iisul wasaare ku-xigeenkii Itoobiya ahaana wasiirkii arrimaha dibadda.

Demeke Mekonnen oo Abiy Ahmed ay saaxiib isku dhow ahaayeen ilaa iyo 2020-kii ayaa shalay xilkii iska casilay, sida ay xaqiijiyeen saraakiil sare oo ka tirsan xukuumadda Abiy.

Waxaa la arkayay muuqaallo laga duubay kooxaha kacdoonka oo isku soo baxay markii uu is casilay Mr. Demeke, kuwaas oo raasaas ridaya.

Maamulka iyo Jabhadda Amxaarada ayaa horay bayaan ay u soo saareen waxay uga soo horjeesteen dhaqanka qaras iska tuurnimada ah ee Abiy Ahmed uu isku dayayo inuu ku maaweeliyo shacabka Itoobiya ee hadda diidan xukunkiisa.

Sidoo kale bulshada Amxaaradu waxay dowladdooda u sheegeen in ay lama taabtaan tahay ixtiraamka darisnimo oo saldhig u ah nabadgelyada iyo horumarka shacabka labada dal.

Ethiopia ayaa waxaa xilligaan ka taagan dagaalo sokeeye oo qowmiyado ku saleysan, kuwaasi oo khatar ku ah amniga dalkaasi iyo kan gobolka intaba.

Deni oo dalab culus u diray baarlamaanka Puntland

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland oo qoraal soo saaray ayaa dalab culus diray Golaha Wakiilada, taas oo la xiriirta dhimsha xukuumadda.

Saciid Deni ayaa ka codsaday Baarlamaanka inay muddo 45 cisho ah ugu daraan wakhtiga uu kusoo magacaabayo golihiisa wasiirada cusub.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in madaxweynuhu dalabkaas gaarsiiyay guddoonka Golaha, si loo siiyo waqti dheeraad ah.

Sababta waxaa lagu sheegay inuu Deni weli ku mashquulsan yahay dhismaha xukuumadda cusun, isla-markaana uu wado watashiyo guud ee ku aadan golaha wasiirada.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in madaxweynaha uu qorsheynayo inuu u baxo safar dibadeed, taas oo kamid ah waxyaabaha keenay dib u dhaca dhismaha xukuumadda.

Dhanka kale, ma jiro illaa iyo hadda wax jawaab ah oo kasoo baxay Baarlamaanka oo ku aadan dalabka uu u gudbiyay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo Khamiistii Garoowe lagu caleema saaray madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, kadib munaasabad ka dhacday magaaladaasi.

Puntland ayaa waxaa dhowaan ka dhacday doorasho mar kale dib loogu doortay Saciid Deni, taas oo xaaladdii adkayd ka saartay maamulkaasi.

Fahad Yaasiin oo shaacinaya ‘xog ku saabsan’ heshiiska Abiy iyo Muuse Biixi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee hey’adda NISA Fahad Yaasiin ayaa soo saaray qoraal uu si hordhac ah ugu shaaciyey in dowladaha Jabuuti iyo Imaaraadka Carabta ay wax ka ogyihiin heshiiska badda ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ay kala saxiixdeen 1-dii bishaan.

Fahad Yaasiin ayaa sheegay in arrintaan uu dhowr dhinac ka fiiriyey, kadibna ay u soo baxday in Soomaaliya ay heysato “Col ku dhac oo cadow kuu ciidami.”

Wuxuu sheegay in arrintaan uu ka soo saarayo dhowr qormo oo labo ka mid ah uu ciwaan uga dhigi doono “COL KU DHAC OO CADAW KUU CIIDAMI.”

Fahad ayaa horay qormooyin uga soo saaray xiisadaan, isagoo maxaxweyne Xasan Sheekh siiyey talooyin muhiim ah oo damaca Itoobiya uu kaga difaaci karo dalka.

Hoos ka akhriso qoraalka Fahad Yaasiin oo dhameystiran:

COL KU DHAC OO CADAW KUU CIIDAMI

Tallaabo qaadka qaran walba waxaa udub dhexaad u ah saddex xagalka isku xigxiga ee kala ah xog saxan oo xuuraan hubsan soo xanbaaray, faham buuxa oo falanqayn xirfadaysan lagu lifaaqay iyo gaarista go’aan u qalma culayska xaaladda ku hortaagan.

Saddexdaas marka laga faqiiro waxaa ka dhasha cabsi iyo gaabis dhan walba leh, waxaana isku darsama helista danta gaarka ah iyo ilaalinta danta guud.

Markaan aad ugu fiirsaday Is-afgaradkii Badda ee aan sharciga ahayn ee ay kala saxiixdeen Abiy Axmed iyo Muuse Biixi, oo haddana aan eegay dowladeenna yey saaxiib dhaw latahay oo ay garab iyo gargaar degdeg ah ka filan kartaa waxaan garwaaqsaday  inaan soo saaro dhawr qormo oo ay ugu horeyso qormo labo qaybood kala ah oo aan cinwaan uga dhigay (Col ku dhac oo cadaw kuu ciidami) oo aan uga hadli doono doorka muuqda iyo kan qarsoon ee Ismaaciil Cumar Geelle iyo dowladda Imaaraadka.

Dhacdo argagax leh: Nin xaaskiisa iyo caruurtiisa ku gubay guri ku yaalla Xamar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dhacdo xanuun badan, isla markaana argagax leh oo xalay ka dhacday magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Dhacdadan ayaa timid kadib markii nin kamid ahaa dadka deegaanka uu guri ku yaalla degmadaas uu ku gubay xaaskiisa iyo caruurtiisa, kadibna uu baxsaday.

Wararka ayaa sheegaya in ninka uu maseeray, kadibna uu sidaas dab ku qabadsiiyay guriga oo ay ku sugnaayeen xaaskiisa iyo carruurtiisa.

“Caag shidaal ku jiro ayuu watay guriga ayuu bilbilay, kadib jante ayuu soo qaatay, wuuna gubay” ayuu yiri⁹ qof kamid ah dadka deegaanka oo ka warbixinayay falkaasi.

Sidoo kale waxa uu intaasi kusii daray “Wuu ku xiray qolka markii uu dabka ku qabtay , kadibna wuu ka cararay”.

Haweeneyda oo lagu magacaabo Luul Cabdicasiis ayaa la sheegay inay lahayd uur lix bilood ah, waxaana deg-deg ah, ayada oo dhaawac ah loola cararay isbitaalka.

Waxaa sidoo kale dhaawac uu soo saaray wiil yar oo uu dhalay eedeysanaha oo magacabiisa lagu sheegay Sayd Cali Macallin Daa’uud.

Dhanka kale waxaa haatan baaritaano dheeraad ah wada ciidamada ammaanka dowladda oo baadi goobaya eedeysanaha oo la sheegay inuu goobta uga baxsaday gaari.

Arrintan la yaab ku noqotay reer Muqdisho, maadaama ay tahay dhacdo ugub ah oo si weyn looga argagaxay, sidoo kalena si aad ah looga hadal hayo baraha bulshada.

GURI ay daganaayeen Al-Shabaab iyo kaydkoodii qaraxyada oo la burburiyay

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeyn xoogan oo xalay diyaarado dagaal ay ka fuliyeen degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay muddo dheer ku sugan yihiin xubnaha Al-Shabaab.

Howlgalkan oo ay iska kaashadeen ciidamada Xoogga dalka, kuwa deegaanka & saaxibada caalamiga ah ayaa lagu beegsaday kaydkii qaraxyada Al-Shabaab iyo guri ay daganaayeen xubno ka tirsan kooxda, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

“Bartilmaameedka weerarka ayaa ahaa guri ay deganaayeen maleeshiyada Argagixisada ah iyo Xaruntii keydka Qaraxyada oo mar kale duqeyn loo gaystay lana burburiyay” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in weerarkan khasaare xoogleh lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, isla markaana dhulka lala simay goobaha la duqeeyay.

“Jab xoogan ayaa maleeshiyada lagu gaarsiiyay weerarkaan oo  ay xogtiisa iska kaashadeen Ciidamada Qaranka iyo dadka deegaanka waxaana dhulka lala simay dhamaan goobihii Howlgalka laga fuliyay” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda.

Waxaa sidoo kale lasii raaciyay qoraalka “Ciidamada geesiyaasha Qaranka oo kaashana” Shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada Caalamiga ah waxaa ka go’an soo afjarida maleeshiyada gumaada Shacabka Soomaaliyeed”.

Waa howlgalkii labaad oo saddex maalin gudahood ka dhacaya Galhareeri, waxaana kii ugu dambeeyay lagu burburiyay warshad lagu far-sameeyo qaraxyada iyo xarun Idaacadeed.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda oo ku aadan howlalkaas iyo duqeynta isla socday ee guusha ka sheegatay dowladda Soomaaliya.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa gobollada dhexe ka socday guluf culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda, kuwa deegaanka iyo saaxibada caalamiga ah.

Xog: Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed oo la filayo inay kulan toos ah yeeshaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, Dawladda Talyaaniga ayaa qorsheyneysa inay marti-geliso kulan fool ka fool ah oo dhexmari doona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Talyaaniga ayaa toddobaadkaan martigelinaya shir madaxeed ay isugu keenayaan madaxda dalalka Afrika, waxaana casuumaada shirkaas aqbashay 15 madaxweyne iyo sideed ra’iisul wasaare, waxaana jira wakiilo kale oo Afrikaan ah oo ka soo qeyb galaya shirkaas.

Madaxda Afrika ee aqbashay casuumaada shirkaan ka dhacaya Talyaaniga waxaa ka mid ah Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed, waxaana helnay xog sheegeysa in qorshaha Talyaaniga uu yehay in gooni loo kulansiiyo Xasan iyo Abiy.

Ujeddada shirkaan ayaa ah in dawladda Talyaaniga ay dalalka Afrikaanka ah kala hadasho qorshaha la yiraahdo Piano Mattei (Qorshaha Mattei), oo dadka u dhuun-daloola arrintaas ay ku macneeyeen inuu lamid yahay qorshihii Marshal Plan ee dagaalkii labaad ee dunida, kadib markii dhaqaale ahaan lagu caawiyey Yurub sidii ay burburka dagaalka uga soo kabsan lahayd.

Inkastoo ajendaha shirkaan aysan ku jirin hadana Talyaanigu wuxuu qorsheynayaa in xal laga gaaro mushkiladaha Soomaalida iyo Itoobiyaanka ee maalmahaan gilgilay Geeska Afrika, sida ay noo sheegeen diblomaasiyiinta gacanta ku heysa qaban qaabada shirka.

Xogtu waxay intaas ku sii dareysaa in madaxweynaha Talyaaniga uu qorsheeyey in habeenka Axadda ah kulan casho ah uu isugu balamiyo Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed, maadaama shirka weyn ay ka soo qeyb galeyso madax badan oo arrintaan aysan quseyn.

Soomaaliya weli kama aysan hadlin suurtagalnimada kulan dhexmara madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya, balse masuuliyiin ka tirsan madaxtooyada ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in madaxweyne Xasan Sheekh uu tegayo Talyaaniga, si uu kaga qeyb galo shirkaas.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa saacadihii lasoo dhaafay si cad u sheegay in dalkiisu uusan xoog ku raadineyn bad uu leeyahay dal kale oo marnaba aysan la dagaalami doonin Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Itoobiya ay ixtiraameyso midnimada Soomaaliya, hadalkaas ayaa wax badan ka bedelay wajigii ay laheed xiisadda labada dal ee salka ku haysa heshiiskii Addis Ababa ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed. 

Somaliland president: Ethiopia deal solely for naval base

Hargeisa (Caasimada Online) – The President of the self-declared Republic of Somaliland, Muse Bihi Abdi, has announced the region’s decision to press forward with a controversial agreement with Ethiopia.

This pact, signed earlier this month, grants Ethiopia access to the sea via Somaliland’s coastline.

Abdi provided further details of this memorandum of understanding, signed on January 1st with Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed, in a recent interview with Somaliland National Television.

Ethiopia’s ambitions: Beyond naval base

Contrary to initial beliefs, Ethiopia’s intent with this deal extends beyond mere commercial activities. President Abdi revealed Ethiopia’s plans to lease a 20-kilometer stretch of Somaliland’s coastline for a naval base.

This move, poised to bolster Ethiopia’s strategic capabilities significantly, marks a departure from its prior use of the port of Berbera, the largest in Somaliland, for import and export activities.

Ethiopia, the most populous landlocked country globally, has relied on Djibouti’s port since losing access to the sea when Eritrea seceded in 1993.

Regional and international backlash

This agreement, however, has not been received favorably in all quarters. It has sparked condemnation from regional and international groups, including Western countries, citing concerns over Somalia’s territorial integrity.

These tensions, they argue, could destabilize the already volatile Horn of Africa region. Somalia, in particular, has voiced strong opposition, viewing the deal as a direct threat to its sovereignty.

Somaliland, strategically positioned along the Gulf of Aden, unilaterally declared independence from Somalia in 1991 but has yet to receive international recognition.

The deal has polarized opinion within Somaliland itself. Some citizens anticipate potential economic benefits, while others fear a compromise of their sovereignty.

This division has led to notable political fallout, including the resignation of Somaliland’s Defense Minister, Abdiqani Mohamud Ateye.

International community’s stance

The international community has reiterated its support for Somalia’s sovereignty and territorial integrity, encompassing Somaliland.

A recent meeting involving officials from the African Union, European Union, and United States highlighted this stance.

Michael Hammer, U.S. special envoy for the Horn of Africa, expressed concern that escalating tensions could hinder efforts to combat al-Qaida-linked militants in Somalia.

Experts warn of the broader implications of this agreement. Matt Bryden, a strategic consultant at Sahan Research, a Kenya-based think tank, notes the potential for various regional actors, including Egypt, Eritrea, and al-Qaida-linked al-Shabab militants, to unite against this Ethiopia-Somaliland agreement.

Egypt, already in dispute with Ethiopia over the Grand Renaissance Dam, and Eritrea, with its tense relations with Ethiopia and extensive Red Sea coastline, are likely to view this development with concern.

Abiy oo si lama filaan ah uga laabtay go’aankiisa xiisadda kala dhaxeysa Soomaaliya

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa sheegay in dalkiisa aanu dagaal marnaba la gali doonin Soomaaliya, iyagoo doonaya galangal ay u helaan bad iyo deked.

Abiy ayaa sidoo kale sheegay in dowladdiisa aan looga shakin karin inay aaminsan tahay midnimada Soomaaliya iyo in kale, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu yiri, “Sida Ethiopia ay uga go’antahay midnimada iyo nabadda Soomaaliya waxaanu ku muujinay dhiigga, iyo dhididka wiilasha iyo gabdhaheenna qalabka sida.”

Waxa uu sheegay Abiy Axmed in tobanaankii sanadood ee u dambeeyay ay Ethiopia baadi doonka nabadda Soomaaliya ku weysay kumanaan ciidan ah – oo aanu jirin- dal kale oo naf hurnimadaa u sameeyay.

Hadalkan ayuu ra’isul Wasaare Abiy ka sheegay kullan muddo afar maalmood ah uga socday Addis Ababa xubna Golaha Dhexe xisbiga talada haya ee Ethiopia.

Qaraar ka soo baxay guddigan maanta oo lagu baahiyay warbaahinta Ethiopia, ayaa sidoo kale lagu sheegay in Guddiga xisbiga Prosperity Party ee (PP) uu isku raacay in heshiiskii is afgarad ee dowladda Ethiopia ay bilowgii bishan la gashay Somaliland ee muranka badan dhaliyay loo bedello mid shaqeyn kara oo ku saleysan mabaa’diida wax is dhaafsi ee dalalka deriska ah.

Qoraalka ka soo baxay golahan ma uusan kala cadeyn in Ethiopia ay arrintan kala xaajooneyso dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo in kale, laakiin waxaa lagu sheegay in heshiiskaasi uu marag u ahaa booska ay Ethiopia ka taagantahay kobcinta dhaqaalaha gobolka iyo cilaqaadka is-dhex-galka iyo dhaqanka.

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia ayaan dhinaca kale soo hadal qaadin heshiiskii is-afgarad ee ka careysiiyay dowladda Federaalka Soomaaliya ee ay Ethiopia 1-dii bishan la saxiixatay Somaliland, kaasoo Ethiopia siinaya 20km mitir oo xeebta badda cas ah, taa bedelkeedana ay Somaliland heleyso aqnoonsi, sida ay sheegtay.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Ethiopia ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalkaasi Demeke Mekonnen, oo xilkaasi hayay muddo 11 sanadood ah, oo is-xig-xigay, ayaa ka degay xilkaasi, waxaana bedelaya Temesgen Tiruneh, madaxa sir dooonka Ethiopia.

Warkan oo ay qoreen warbaahinta Ethiopia ayaa waxaa kaloo xaqiijisay wakaaladda wararka ee Reuters oo sheegtay inay ka soo xigatay sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Ethiopia.

VOA