26.5 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

Sidee ayay Soomaalida uga fal-celisay is-casilaada ku-xigeenka Abiy Ahmed?

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Ethiopia Demeke Mekonnen ayaa is-casilay oo baneeyay jagadan, taasi oo dadka ka fal-celiyay ay kamid ahaayeen Soomaalida.

Mekonnen ayaa sidoo kale ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda xukuumadda Abiy Axmed, wuxuuna xilka hayay tan iyo bishii November 2020-ka.

Lama shaacin sababaha uu isku casiley, hase yeeshee waxaa uu ka soo jeedaa qowmiyadda Amxaarada oo haatan dagaal culus oo hubeysan kula jirta dowladda Ethiopia ee Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.

Ethiopia ayaa waxaa ka taagan dagaalo sokeeye oo qowmiyado ku saleysan, kuwaas oo khatar ku ah amniga dalkaasi iyo kan gobolka intaba.

Is-casilaadaasi ayaa sidoo kale imaanaysa xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda Ethiopia iyo Soomaaliya ee salka ku haysa heshiiskii Addis Ababa, kaasi oo la sheegay in Ethiopia loogu saxiixay qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

Haddaba, Sidee ayey Soomaalida uga fal-celisay arrintaan?

Cabdullaahi Aadan Maxamuud: “Masha Allah waa war aad u fiican Ilaahey ha isku diro cadowga Soomaaliyeed.”

“Waxaa wacnaan laheyd inuu yiraahdo Soomaaliya darteed ayaan isku casilay,” ayuu yiri Xasan Salaad Cabdalla.

Ibraahim Cabdiraxmaan Xasan: “Ethiopia waxay u muuqataa inuu burburi doono Abiy Axmed ee madaxda Soomaaliyeed istiraajiyad ha ka sameysato qul-qulka qaxootiga Ethiopia ee soo socda iyo midka hada waddanka jooga.”

Caraboow Cali ayaa sidoo kale waxa uu hiri “Waa fashilmeen waana laga raayay siyaasad ahaan, ciidan ahaana waan ka raayneynaa.”

“Waan soo dhaweyneynaa is-casilaada anaga Itoobiya wax naga dhaxeeya maleh hadeey darisnimo soo dhaaftay,” ayuu yiri Cabdirisaaq M. Abdullahi.

Yaasiin Nuux Saleebaan: “Itoobiya waa burburtay waxay qaaday wadadii Soomaaliya ee 1991-kii. Meesha waxaa ka soo socda masiibo Afrika saamayn xun ku yeelan doonta. Bal suuree 5 million oo qaxoonti ah oo Soomaaliya soo galay?.”

Daahir Cmar Xasan ayaa isna waxa uu yiri “Waa soo dhawaynaa is-casilaadiisa waxan is leeyahay Ethiopia oo isku dhex yaacda waa daawada Soomaaliya.”

Soomaaliya oo sanadkan awoodda milateri uga sare martay dalal America iyo Asia ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya oo sanadihii dambe sameynaysa isbeddel dhanka awoodda milateriga ah, ayaa kasoo muuqatay liiska ayada oo ka sare martay dalal ku yaalla Ameerika iyo Aasiya.

Global Firepower oo ah shabakad isha ku haysa xogta difaaca caalamka ayaa qiimeyn ay sannadkan ku sameysay 145 waddan, waxaana kasoo muuqatay Soomaaliya oo ay ka hoos mareen dalal sanadkii hore aan ka hooseyn.

Qiimeyntan ayaa diirada lagu saaray in ka badan 60 arrimood sida tirada ciidamada, qalabka milatariga, xasilloonida maaliyadeed, goobta juqraafiyeed iyo agabyada la heli karo, ayada oo qodobbadani ay si wada jir ah u go’aamiyaan dhibcaha PowerIndex, halkaasi oo buundooyinka hoose ay muujinayaan awoodaha ciidan ee xooggan.

Mareykanka ayaa leh ciidamada ugu awooda badan caalamka, waxaana ku soo xiga Ruushka iyo Shiinaha oo ku jira kaalinta 2-aad iyo 3-aad. Hindiya waxa ay soo galeysaa booska 4-aad, sida lagu sheegtay bogga Global Firepower, oo ah shabakad isha ku haysa xogta difaaca caalamka.

Sidoo kale waddamada kale ee soo galay 10-ka ugu sarreya waxaa kamid ah dalalka Kuuriyada Koonfureed, Ingiriika, Japan, Turkiga, Pakistan iyo Talyaaniga.

Soomaaliya ayaa sidoo kale waxay ka gashay liiska awoodaha militari ee adduunka kaalinta 142-aad oo lamid ah kaalintii ay gashay sannadkii tagay balse waxaa kala duwan 3-da waddan ee ka hooseeya.

Sannadkan waxaa ka hooseeya 3 dal oo kala ah Bhutan, Moldova, Suriname. Waddamadii ay sannadkii hore ka sare martay waxaa ka baxay Benin oo sannadkan gashay kaalinta 41-aad.

Waddamadan ay Soomaaliya ka sare martay ayaa waxay ku kala yaallaan qaaradaha Ameerika iyo Aasiya.

Markii hore Soomaaliya waxay meesha ugu hooseysa uga jirtay liiska caalamka muddo dheer, balse waxaa muuqata hadda in saddexdii sano ee lasoo dhaafay ay sare u soo kaceysay.

Si kastaba, waxaa la saadaalinayaa in sanadaha soo socda ay awoodda militari ee Soomaaliya ay sare u kici doonto, maadaama laga qaaday cuna-qabatayntii hubka, ayna yeelatay xaqa soo iibsashada ama siinta hubka, oo markii hore mamnuuc ka aheyd Soomaaliya.

Ciyaarta finalka HirShabelle iyo Galmudug oo dib loo dhigay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciyaarta Finalka ee Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa dib loo dhigay, sida lagu cadeeyey war-saxaafadeed ka soo baxay Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliya.

Xiriirka  ayaa shaaciyey in dib loo dhigay muddo labo maalmood ah ciyaarta finalka ah oo horay loo go’aamiyey in la ciyaaro 27-ka bishaan oo ku beegan berri oo Sabtida.

Qoraal kasoo baxay Xiriirka ayaa lagu shaaciyay in maalinta Isniinta ah kulanka ugu dambeeya la ciyaari doono koobka maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo final ay isugu soo baxeen Galmudug iyo HirShabeelle.

29-ka bishaan Janaayo oo ku beegan maalinta Isniinta ah ayaa la qorsheeyey in lasoo gabagabeeyo ciyaartaan oo ah mid xasaasi ah, waxaana aad loo sugayaa kulanka kama dambeysta ah.

Xiriirka ayaa qoraalkaan taageerayaasha uga codsaday inay ilaaliyaan habsami u socodka tartanka, iyadoo laga fogaanayo wax kasta oo khalalaase ku keeni kara habsami u socodka ciyaarta.

Tartankaan oo ah mid aad u xiisa badan waxaa horay loogu reebay xulalka kubadda cagta ee Banaadir iyo Jubbaland, halka Koonfur Galbeed ay ka carootay tartanka oo meel dhexe maraya.

Horay Puntland ayaa uga hartay ciyaarahaan, lamana shaacin sababta rasmiga ah ee tartankaan ay uga hartay Puntland, markii laga reebo khilaafka dowladda federaalka kala dhexeeya Puntland.

Koonfur Galbeed ayaa tartankaan ka hartay kadib markii la weeraray bas ay la socdeen ciyaartoyda oo ka soo baxday garoonka, K/Galbeed ayaa go’aan ku gaartay in mar dambe aysan ciyaar u imaan Muqdisho, maadaama lagu weeraray sanadkii labaad.

Safiirka Itoobiya oo difaacay heshiiskii badda kadib markii uu dalka ka baxay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Amb. Mukhtaar Maxamed Waare ayaa taageeray xad-gudubka ay xukuumadda Abiy Axmed kula kacday Soomaaliya.

Danjire Mukhtaar oo hadda ku sugan dalkiisa kadib markii uu si iskiis ah uga baxay magaalada Muqdisho ayaa wareysi uu siiyay wakaaladda ENA waxa uu ku sheegay in Somaliland ay tahay cidda ugu mudan ee laga la xaajoon karayay heshiiska badda.

“Heshiiska aan la galnay Somaliland waa mid taariikhi ah oo xaqiijinaya dammaanadda dhaqaale iyo amni ee Itoobiya,” ayuu yiri Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya.

“Malihi way habboonaan lahayd, haddii heshiiskaas qudhiisa aan la geli lahayn Soomaaliya. Haddii aan Soomaaliya la heshiinno oo aan Somaliland dhul weyddiisanno, nama ay siiseen. Maxaa yeelay waxa ay isku arkaan dal madax bannaan, sidaas darteed waa xaqiiqo jirta oo in la isticmaalo ay tahay.”

Sidoo kale wuxuu wareysigaaan uu siiyay wakaaladda wararka dalkiisa ee ENA ku sheegay in magaalada Muqdisho ay tahay meeshii ugu liidatay amni ahaan ee uu kasoo shaqeeyay, islamarkaana aad ku dareemayn nafis amni, sida uu hadalka u dhigay.

“Anigu meesha aan ku dhashay, meesha aan ku koray iyo meelaha aan ka soo shaqeeyayba Soomaaliya waa goobta ugu dhibaatada badan. Ma ahan meel sidii aad doonto aad u dhaq-dhaqaaqi karto oo ma socon kartid ilaalo la’aan oo waxaad ku soconaysaa gaari aanay xabbdu karin. Daqiiqad walba waxa aad halis u tahay in lagu qarxiyo. Waa meel xaaladdeeda amnigu ay aad u liidato halka aan ku shaqeeyo,” ayuu yiri Danjire Mukhtaar Maxamed Waare.

Waxa uu intaas kusii daray “Soomaaliya dadka shacabka ah waa wanaagsan yihiin, laakiin xaaladda amnigu waa mid aad u dhib badan. Laakiin Ilaahay ayaa mahad leh. Weli dhibaato ima haleelin, in aanay i haleelinna waan rajaynayaa. Waase waajib qaran oo dalkaaga u hurtay, haddii ay dhib ku soo gaadho.”

Ugu dambeyntiina wuxuu tilmaamay in ciidamo Itoobiyaan ah ay u dhimanayaan nabad-galyada Soomaaliya, islamarkaana uu ka naf jecleysi badneyn kuwaasi, uuna diyaar u yahay in xaaladda noocaas ah uu kusii shaqeeyo, sida uu hadalka uu dhigay.

“Geesiyaasheennu maalin walba nabad-galyada Soomaaliya ayay u dhimanayaan. Aniga naftayduna qaranka kama weyna. Dhibaato kastana diyaar ayaan u ahay.”

Marka laga imaado sida uu Safiirka Itoobiya u dhigay xaaladda amni ee magaalada Muqdisho, waxaa xaqiiqo ah in amniga caasimada uu si weyn usoo reysanayo bilihii dambe, ayna shacabka dareemayaan xasilooni amni, oo ay ka reysteen arbushaadii iyo falalkii amni darro ee argagixisada.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ITOOBIYA oo is-casilay

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Ethiopia Demeke Mekonnen ayaa is-casilay oo baneeyay jagadaan, sidda ay ku warameyso warbaahinta gudaha.

Mekonnen ayaa sidoo kale ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda xukuumadda Abiy Axmed. Waana masuulkii ugu cuslaa ee Ethiopia iska casila.

60 jirkan Muslimka ah ayaa xilkaan soo hayey tan iyo bishii November 2020-ka.

Lama shaacin sababaha uu isku casiley, hase yeeshee waxaa uu ka soo jeedaa qowmiyadda Amxaarada oo haatan dagaal culus oo hubeysan kula jirta dowladda Ethiopia ee Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.

Ethiopia ayaa waxaa ka taagan dagaalo sokeeye oo qowmiyado ku saleysan, kuwaas oo khatar ku ah amniga dalkaasi iyo kan gobolka intaba.

Is-casilaada Mekonnen ayaa sidoo kale imaanaysa xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda Ethiopia iyo Soomaaliya ee salka ku haysa heshiiskii Addis Ababa, islamarkaana ay Soomaaliya dagaalka diblumaasiyadda kaga adkaatay Ethiopia.

Ciidanka xoogga oo toogtay nin Shabaab ah oo doonayay…

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidanka xoogga dalka ay Beledweyne ku toogteen nin Al-Shabaab ah.

Ninkaan ayaa la sheegay in uu doonayay inuu dhibaato u geysto bulshada Beledweyne, isaga oo ku hubeysnaa bastoolad iyo bam-gacmeed, ayada oo ciidanka xoogga ay ka hortageen dhagartiisa.

Howl-galkaan oo ka dhacay xaafadda Buundo-weyn ayaa waxaa fuliyay askar ka tirsan guutada 5-aad qeybta 27-aad oo la sheegay inay ku howl-galeen xogta bulshada xaafadda Buundo-weyne.

Ninkaan oo kamid ahaa xubnaha u xuubsiibtay dhibaateynta bulshada ayaa ku baxay gacanta ciidamada geesiyaasha ah ee ka howl-gala gobolka Hiiraan, gaar ahaan Beledweyne.

“Way dhammaatay waqtiga dadka bulshada indhaha u ah inta la dilo la oran jiray wuu baxsaday iyo lama yaqaan,” ayuu yiri taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad Korneel Maxamuud Xasan Baakaay oo la hadlay warbaahinta dowladda.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay bulshada gobolka Hiiraan inay la shaqeeyaan ciidamada amaanka, si loogu guuleysto amniga gobolka iyo magaalada Beledweyne intaba.

Ma ahan markii u horreysay ee ciidamada xoogga dalka ay ka hortagaan Shabaab damacsanaa dhibaateynta shacabka, xilli uu dalka ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, uuna dhawaan bilaaban doono wejiga labaad ee dagaalka.

Daawo: Lafta-gareen oo la saftay Xasan xilli uu wajahayo mucaaradad xooggan

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa la saftay madaxweyne Xasan Sheekh oo wajahaya mucaaradad xooggan oo la xiriirta arrimaha wax ka beddelka dastuurka.

Lafta-gareen oo khudbad ka jeediyay munaasabaddii caleemo saarka Saciid Deni ee shalay ka dhacday Garoowe ayaa sheegay in la joogo waqtigii la dhameystiri lahaa dastuurka oo muddo badan KMG ah.

“Waxaa soo dhaweynaya dadka Soomaaliyeedna ku bogaadinayaa yaanan isku dhaganaan ee iyada oo heshiis la yahay la wada jirana hore ha loo socdo. 30-kii sano looma dhamo ayaa lagu jiray ee looma dhamo inta la daayo waa u wada dhanahay,” ayuu yiri madaxweyne Lafta-gareen.

Waxa uu intaas kusii daray “Arrinta dastuurka dhameystirkiisa iyo hore u socodka dowladnimada Soomaaliya aan dhiiri-gelino aan garab istaagno sida ay hadda wax ku socdaan. Siyaasiyiinta iyo dadka aragtiyada kala duwan maanta maalin ay ka munaasabsan tahay oo ay ka fiican tahay ma lahan.”

Sidoo kale waxa uu madaxweyne Xasan Sheekh iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe ku bogaadiyay wixii maalintii dhoweyd ka dhacay xarunta Baarlamaanka, ee lagu meel-mariyay habraaca wax ka beddelka dastuurka.

“Madaxda ka shaqeynaysa aan ugu hambalyeyno, aniga shaqsiyan waxaa rabaa in aan halkan hambalyo uga jeediyay Sheekh Aadan Madoobe, oo si aad u qurux badan baarlamaanka uga gutay masuuliyadiisa iyo waajibaadkiisa oo sida ay aheyd mariyay.”

Hadalka Lafta-gareen ayaa imanaya xilli uu shalay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu si cad u sheegay in aan dib looga laabaneyn dhameystirka dastuurka, islamarkaana uu taagan yahay waqtigii ugu munaasabsana ee la dhameystiri lahaa.

Biixi oo ku adkeysanaya arrin ay Itoobiya ka gaabsatay oo la xiriirta heshiiska

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo wareysi gaar ah siiyay Telefishanka ku hadla Afka xukuumadda Somaliland ayaa ka hadlay heshiiskii 1-dii bishaan Addis Ababa uu kula saxiixday ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in heshiiskaasi uu Somaliland siinayo ictiraaf ay sanado badan raadineysay, islamarkaana aan si rasmi ah loo saxiixi doonin illaa Itoobiya ku dhawaaqdo inay Somaliland u aqoonsatay dal ka madax-banaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Mar baa lagu wada dhawaaqayaa (aqoonsiga iyo badda) heshiiska la wada saxeexayo ee rasmiga ah waxa ku qoran Somaliland waanu aqoonsan nahay isku goob ayaana lagu wada qorayaa,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi.

Waxa uu intaas kusii daray madaxweynaha “Markaa heshiiska dal walba waa in uu wixiisa helaa, innagoo laba dawladood ah ayaynu heshiiska saxeexaynaa.”

Madaxweyne Biixi ayaa weli ku adkeysanaya in heshiiska Itoobiya ee lagu siinayo qeybo kamid ah badda Soomaaliya ay uga bedelanayaan ictiraaf, halka Itoobiya ay ka gaabsatay inay aqoonsaneyso Somaliland.

Xukuumadda Abiy ayaa keliya xustay in ay ka fikirayso arrintaasi kadib marka ay degto halka loo calaamadeeyay oo ay sheegtay inay tahay dhul badeed dhaca deegaanka Lughaya ee gobolka Awdal, halka Biixi uu sheegay in aqoonsiga uu dhacayo kahor saxiixa rasmiga ah ee heshiiska.

Si kastaba, heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ayaa waxaa si adag uga hortimid dowladda federaalka Soomaaliya, oo ayadu gebi ahaanba burisay heshiiskaasi, ayada oo dagaal diblumaasiyadeed culus ku qaaday Itoobiya, kaasi oo sida muuqata ay uga adkaatay damaca guracan ee Abiy.

Faroole oo dalab culus u diray Xasan kadib tallaabadii BF

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Puntland, ahna Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa si adag uga hadlay habraaca wax ka beddelka ee ay shalay saxiixeen xildhibaanada labada aqal.

Faroole ayaa kasoo horjeestay tallaabada Baarlamaanka, wuxuuna sheegay in la qaaday, ayada oo aan heshiis lagu ahayn wax ka beddelka Dastuurka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in go’aanka shalay ay gaareen xildhibaannada uusan ahayn mid cadaalad ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Shalay waxaa Muqdisho kasoo baxay wax cadaalad ahayn oo waxaa lagu takrifalay jiritaanka dalka” ayuu yiri madaxweynihii hore ee maamulka Pununtland.

Senatorka ayaa sidoo kale farriin u diray madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna ka dalbday in aanu saxiixin xeerkaas, inta laga heshiinayo.

Xasan Sheekh Maxamuud waxaan u sheegayaa in wixii kasoo baxay Baarlamaanka in uusan saxiixin inta laga heshiinayo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Hadalkan ayaa Faroole waxa uu ka sheegay caleema saarka madaxweyne Deni oo uu goobjoog ka ahaan madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Horay waxaa tallaabada baarlamaanka u diiray madaxweyneyaa hore oo uu kamid yahay Farmaajo, kaas oo yiri ““Nasiib darro ka weyn ma jirto in hoggaanka dowladdu ay kala dhantaalaan midnimada dadkeenna Soomaaliyeed oo marxaladdan xasaasiga ah u taagnaa difaaca dalkooda iyo gobanimadooda,”.

Shariif ayaa dhankiisa cambaareeyay “”Waxaan cambaaraynayaa habka gurracan ee loo agaasimay kulankii maanta ee Baarlamaanka iyo go’aankii loo gaaray habka khilaafsan xeerarka dalka iyadoo aan waxba la xeerin,” ayuu yiri Madaxweynihii hore Shariif.

Xiisadda Somaliland oo dib usoo laba kacleysay – Maxaa cusub oo soo kordhay?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa mar kale dib usoo cusboonaaday xiisadda doorashada ee Somaliland oo ay wlei isku hayaan xubnaha mucaaradka iyo sidoo kale xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, taas oo horay dib u dhaca uu ugu yimid.

Musharraxa xisbiga mucaaradka ee Wadani, Cabdiraxmaan Cirro oo war cusub soo saaray ayaa sheegay inay dalbanayaan in la qabto doorashada, si aysan mar kale dib ugu dhicin.

Cirro ayaa shaaca ka qaaday inay doonayaan doorasho nabad ah, si looga digtoonaado qalalaase horleh oo ay gashaa Somaliland, maadaama ay jiraan xaalado adag.

Sidoo kale wuxuu weerar afka ah ku qaaday madaxweyne Muuse Biixi oo uu ku eedeeyay in uusan rabin doorashada, balse ay waajib tahay inay dhacdo.

“Annagu waxaan rabnaa doorasho nabad ah, tartan xalaal ah ayaan rabnaa xoog iyo xabad waxba ku dooni meyno ee aan u diyaar garowno doorashada, Muuse ha’iska rafto doorashada way dhaceysaa” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro,

Waxaa kale oo uu soo hadal qaaday dhibaatooyinka ka jira Somaliland, isaga oo tilmaamay in deegaan kasta ay gaartay sida uu hadalka u dhigay.

“Deegaan aanu tegnay oo aan cabaneyn maan soo arag bari iyo galbeed” ayuu mar kale yiri musharraxa xisbiga mucaaradka ee Wadani.

Cabdiraxmaan Cirro oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in haatan ay Somaliland u baahan tahay badbaado, isla markaana la ilaaliyo dhammaan xuduudaheeda.

“Maanta deegaan qura laga hadli maayee Somaliland-baa u baahan badbaado xuduudkeena Tukaraq ayuu ahaa iminkana, waa Oog” ayuu sii raaciyay.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Waxa ugu weyn ee Somaliland ku badbaadeysaa waa shacabka oo midooba, lana iloobo waxyaalaha lagu soo dhex tuurayo”.

Sacuudiga oo markii ugu horreysay khamriga u fasaxay…

0

Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa isku diyaarineysa inay caasimadda Riyadh ka furto dukaankii ugu horreeyey ee lagu iibiyo khamriga, kaasi oo si gaar ah ugu adeegi doona diblomaasiyiinta aan muslimiinta aheyn, ilo-wareedyo ayaa sidaas u sheegay Reuters.

Macaamiisha ayaa iskadiiwaan-gelin doona mobile app, kadib waxay ogolaansho ka heli doonaan wasaaradda arrimaha dibedda, ayaga oo ixtiraami doona qoondada loogu talo-galay bishii inay iibsadaan, sida ku cad dokumenti ay aragtay Reuters.

Tallaabadan ayaa mid taariikhi u ah dadaallada boqortooyada, ee uu hoggaaminayo dhaxal-suge Maxamed bin Salman, ee dalkan muslimka ah loogu furayo dalxiisayaasha iyo ganacsiga, maadaama cabista khamriga ay mamnuuceyso diinta Islaamka.

Waxay qeyb ka tahay qorshaha ballaaran ee loo yaqaan Vision 2030, ee Sacuudigu ku doonayo inuu kaga baxo ku tiirsanaanta dhaqaalaha shidaalka.

Dukaanka cusub ayaa ku yaalla xeendaabka diblomaasiyadda ee Riyadh, oo ah halka ay degan yihiin safaaradaha iyo diblomaasiyiinta, waxaana “si xooggan loogu xaddidi doonaa” dadka aan muslimiinta aheyn kaliya, ayaa lagu yiri dokumentiga.

Ma cadda haddii ajaaniibta kale ee aan Muslimiinta ahayn loo ogolaan doono dukaanka. Sacuudiga ayaa waxaa ku nool malaayiin ajaaniib ah oo badankood ah Maslimiin ka yimid Asia iyo Masar.

Ilo-wareedyo xog-ogaal u ah qorshaha ayaa sheegay in dukaanka la furi doono toddobaadyada soo socda.

Sacuudi Carabiya ayaa leh sharciyo adag oo ka dhan ah cabista khamriga, oo lagu muteysan karo ciqaab boqolaal jeedal ah, tarxiil, ganaax ama xabsi. Ajaaniibta ayaa si gaar ah ugu muteysan kara masaafurin.

Reuters + VOA

NISA oo shaaca ka qaaday magacyada madaxdii Al-Shabaab laga dilay shalay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ayaa shaacisay magacyada horjoogayaal kooxda Al-Shabaab looga dilay duqeyn ka dhacday xarunta u weyn ee kooxda ee gobolka Galguduud.

Duqeyntaan oo iska kaashadeen NISA iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa waxaa lagu beegsaday xaruntaasi oo ku taalla Galhareeri, waxaana lagu dilay 30 Shabaab ah oo isugu jira dagaal-yahaano iyo horjoogayaal ay kamid yihiin Ajaanib.

Qoraal kasoo baxay NISA ayaa sidoo kale lagu shaaciyay in weerarka cirka ee lala beegsaday Al-Shabaab ay ku dhaawacmeen illaa 20 xubnood oo ka tirsan kooxda.

“Goobaha lagu bartilmaameedsaday hawlgalkan waxaa kamid ahaa xarunta Idaacadda Andulus, xarun lagu farsameyo Qaraxyada, xarunta maaliyadda ee degmada Galhareeri, guri ay daganaayeen horjoogeyaal ka tirsan Shabaab gaar ahaan kuwa sameeya Filimada ee lagu magacaabo Al-Kataa’ib, guri uu deganaa horjoogaha waxa ay ugu yeeraan Sakawaadka gobolka Sh. Dhexe iyo guryo ay ku shiri jireen Jabhadaha Khawaarijta.”

Horjoogeyaasha lagu dilay duqeynta ee NISA ay shaacisay ayaa waxay kala yihiin;

1. Qoor-Cadde oo ahaa horjoogaha xarunta Qurdubi, oo ah xarun ay ku faafiyaan fikradaha qaldan.

2. Macalim Maxamed oo ahaa ku-xigeenka xarunta Qurdubi.

3. C/kariin Shan-boqolle oo ka mid ahaa aasaasayaashii Khawaarijta ee Galguduud.

4. Wareershe oo ahaa horjooge ka tirsanaa qeybta Gaadiidka.

5. Yamiin oo ahaa horjooge ka tirsanaa Maleeshiyaadka Khawaarijta ee Mudug.

6. Cabdullaahi Macalim Bashiir oo ka mid ahaa horjoogeyaasha Maleeshiyaadka ee Galguduud.

7. Ismaaciil Abu-Ruqiya oo ka tirsanaa qeybta marin-habaabinta Khawaarijta Galgaduud.

8. Ciise Maxamed Wehliye oo ahaa Horjoogaha waxa ay ugu yeeraan Sakawaadka ee Gobolka Sh. Dhexe.

9. Ciise Ruush oo ahaa Horjoogihii farsamada Hubka.

10. Usaama oo ahaa Horjoogihii Isgaarsiinta.

11. Xasan Nuur ka tirsanaa qeybta Gaadiidka.

“Hawl-galkan oo jab xoog leh lagu gaarsiiyay Khawaarijta ayaa xubnaha lagu khaarijiyay waxaa ka mid ahaa Ajaanib ka shaqeyn jirtay dhinaca Warbaahinta gaar ahaan qeybta ay ugu yeeraan Al-kataa’ib.”

Daawo: Xasan Sheekh oo Abiy u tilmaamay jidka kaliya ee u furan si ay BAD u helaan

0

Garowe (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay Garowe kaga qeyb galay caleemo saarka madaxda Puntland ayaa si adag uga hadlay mar kale damaca Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya, isagoo u tilmaamay halka wado ee u furan Abiy.

Madaxweyne Xasan ayaa Itoobiya u cadeeyey in Soomaalidu aysan ka gorgortami doonin dalkooda, isagoo ugu baaqay Itoobiyaanka inay ku soo laabtaan jidka deris wanaagga, maadaama aysan wax kale u suurta geli doonin.

“Inaan deris noqono ma aanaan dooran Itoobiya, hal wado ayaa maanta u furan inaan deris isku wanaagsan noqono oo masaalixda labada shacab ka wada shaqeyno, Itoobiya sida ay wax ku dooneyso noogama heli doonto yaan lagu daalin, badeena anaga ayaa diyaar u ah in laga faa’iideysto, laakiin sida ay rabto Itoobiya kama yeeli karto, go’aana kaga gaari karto dhulkeena,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in dalal badan oo caalamka ku yaalla aysan bad laheyn sida Itoobiya, halka dhaqaalaha Itoobiya uu sii kobcayo iyadoo dalku uusan laheyn bad, taas oo been ka dhigeysa dooda Abiy Axmed ee ah “Itoobiyaanku siima noolaa karaan bad la’aan.”

“Hada ka hor waxaan Abiy Axmed ku iri, Itoobiya saameyn ma ku yeelanee badda mise kuma yeelaneyso gorgortan ah nama dhex yaallo, Itoobiya bad sidee ku heli kartaa, si badeecadaha ay ugala soo degto, wax soo saarkeedana ay uga dhoofiso aan ka wada hadalno, farsamo waaye anaga ayaana dan ka aragta in dekado badan oo Soomaali leedahay ay Itoobiya isticmaasho,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan ayaa Itoobiya u sheegay in badda Soomaaliya ay ku imaa karaan cilaaqaad iyo go’aanka Soomaaliya, balse uusan soca doonin qorshe ay ayagu soo dhoodhoobeen.

“Dhulka Soomaaliyeed ayaan qaadanaa si aan badda u gaaro, markii aan badda tago intaas ayaan hadana sii qaadanaa, waan diidnay damacaas, mana dhaceyso, waqti ha isaga luminina, ma dhaceyso taasi, waxaana dhalaneysa sii kala fogaansho iyo uur ku taalo hor leh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Itoobiya ay Soomaaliya u qabto cadaawad gaamurtay oo boqolaal sano jirsatay, balse Soomaalidu iska xirtay bogii madoobaa ee cadaawada, markii la diriray ee labada dal burbureen 30 sano ka hor, wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in cadaawadaasi sii socoto.

Hoos ka daawo

Khatar kusoo fool leh dhulka Soomaliyeed iyo shacabkiisa

0

Qaybtii 3-aad

Hordhac: Ujeeddada qoraalkaan waa ogeysiin ama xasuusin cid gaar ahana loolama jeedo

Taariikhda iyo asalka xiriirka ka dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya

“Waxa hadlayo wasaaradda Arimaha dibadda ee Itobiya 2006”

 Dowladda Itoobiya waxay u jeesatey sidii ay u kala dhantaali laheyd Midnimadii Dadka iyo Dalka Soomaaliya iyadoo dowladda Itoobiya ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuushey sidii ay arrintaas u fulin laheyd intey la gaartaba ama u suurta gasho. Siyaasaddan waxay aheyd mid looga jawaabayo “ka hortagga sameysan Soomali weyn” gardarrada Soomaaliya si dagaalka loogu raro Soomaaliya dhexdeeda si ay markaa taa u suurta gashana waxaa la sii huriyay iska soo horjeedka ka dhexeeya qabaa’ilka Soomaaliyeed. U nuglaanshadii Itoobiya ay u nugleyd khatarta fikradda “Soomaali Weyn” aad ayaa loo yareeyey.

Badda iyo dekadaha Soomaliya

Soomaaliya waxay leedahay dekado aan xisaab laheyn kuwaas oo u adeegi kara dalka Itoobiya. Marka laga soo billaabo dakadda Saylac oo haatan iyo ka horba taariikh ahaan u adeegi jirtey Itoobiya ilaa taas Kismaayo, waxaa jiro dekado aysan tiradoodu ka yareyn ilaa toddoba dekadood oo uu waddankeenna Itoobiya isticmaali karo looguna adeegi karo qaybaha kala duwan ee Itoobiya. Isticmaalka dekadahaas waxay wax weyn ku soo biirin karaan horumarkeenna dalkan Itoobiya, Laakiin maaddaama ay jirtey fikradda “Soomaali Weyn” iska hor-imaadka ka dhashey iyo cabburintii ka jirtey qaranka Itoobiya, weligeedba si dhab ah looma darsin isticmaalka dekadahaas (iyadoon la illaabi Karin in Itoobiya qudheedu leedahay dekedaheeda u gaarka ah “Assab & Asmara) (weli wey sheeganayaan 1993 ayey wareejiyen). Burburka haatan ka jira Soomaliya iyo qarankeedii ayaa ka dhigayaan wax aan la taabba galin karin in haatan lagu fikiro in la isticmaalo dekadahaas.

“Derisnimada nagala dhexeysa Soomaaliaya”

Darisnimada aan wadaagno Soomaaliya waxay faa’iido u ahaan laheyd horumarkeenna haddii ay jiri laheyd nabad iyo xasillooni ka jirta Soomaaliya. Nabad waxay imaan kari lahayd gobalkeenna haddii dowlad u taagan in ay la dagaallanto fowdada, argagixisada, iyo kuwa diinta ku dheggen oo la shaqeysa waddamada dariska ah laga dhisi lahaa Soomaaliya. Dadka qaar ayaaba qaba dowlad noocaas ah oo Soomaaliya laga dhisaa waxay mar kale soo nooleyn doontaa fikraddoodii ahayd “Soomaali Weyn” oo markaas nabad, dimuqoraaddiyad iyo horumar ay gaarto Soomaaliya waa dhibaatada Itoobiya.

Arrinta gobollo Itoobiya aqoonsado waxa ka dhalan kara

Marka waxaa jira arrin aynu ku xaddidi karno dhibka nooga iman kara Soomaaliya iyo qalalaasaheeda Siyaasadeed. Waa in aynu isku dayno in aynu caawinno goballada Soomaaliya ee iyagu haatan xasilloon ee aan iyagu hoyga siin argagixisada iyo kuwa diintooda ku dheggen si markaas deggenaanshahaas ay ku raaxesanayaan uu u sii jiro loona sii adkeeyo. Goballadaas waxaa ka mid ah goballada loo yaqaan Somaliland iyo kuwa loo yaqaan Puntland. Iyadoo la eegayo shucuurta ah in aynu iska yareyno dhibaato noo imaan karta, ayaa ay tahay in aynu caawinno goballadaas si ay u hantaan xasillooni, waana lagama maarmaan in aynu la sameyno xiriir dhinaca ganacsiga ah, is gaarsiinta si loo gaaro danaha dalkeenna iyo danaha dadka goballadaas ku dhex nool.

Su’aasha meesha ku jirta ayaa waxay tahay aqoonsiga Soomaliland oo aynu u aqoonsanno dal madax bannaan maxa ka dhlan? In aynu aqoonsanno Soomaliland madaxbannanideeda dan nooguma jirto maxaa yeeley waxay arrintaas abuuri kartaa dareenno dhibaato wata oo gala Soomaalida kale iyo kuwa kale oo iyana shaki ka qaado damacannaga. Sidaa darteed, iskaashiga aynu la leennahay gobaalladaas waa in aan lagu darin aqoonsi la siiyo maamuladdaas goballada ka midka ah Soomaaliya.

(Qoraalkani waxa uu ka soo baxay “Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya” – ka hor intii aan ciidamadeedu gelin Muqdisho Dec 28, 2006) waxa tuarjumay Wali Farah, Ottawa.

Soomaalidu waa dal wada wadaaga diinta islaamka, dhaqan, Af-Soomaali, dhaqan-dhaqaale, kuna wada nool dhulka ugu ballaaran ee Geeska Afrika. Sidaas darteed, dadka intaas wadaaga ayna dagaal qarniyaal badan socday ka soo dhaxeeye Kiristaanka ku nool Itoobiya oo kaashanayay kuwa reer Yurub waxay keenaysay haddaan la qaybin inay noqonayaan awood wayn oo mar walba khatar ku ah marinka Kanaalka Suways ee Badda Cas. Tan kale waa iyadoo quwadihii reer Yurub ay mid walba doonaysay inay saldhig ka ag dhow marinkaas ka samaysato Soomaaliya, si ay danaheeda u ilaashato.

Abdiweli Hassan Mohamed (2008).

Soomaaliya goormaa la qaybiyey

Itoobiya waxa ay ku fikireysay qarniyo badan laga soo bilaabo Minillik II ilaa hadada oo ay ficil in ay u beddesho ay rabto fikirkaas qaldan. Marna warqadda uu ku qornaa fikirka ah in Soomaliya la kala qayb qaybiyo miiska xukkun Addis Ababa lagama qaadin waxaana fuliyey oo qaybiyey Soomaaliya Meles Zenawi.

Maxaa ku dhiiri geliyey Itoobiya hadda fikirka ah qabso Badda Soomaliya?

Waxa ay u argatay inay bislaatay siyaasaddii ahayd qaybi oo xukun oo uu dejiyey Meles Zenawi. Meles Zenawi waxa u suurto-gashay inuu Somali ka ololiyo Dagaallo ugu dambeyntii keenay inay midnimaddii Somalia kala daadato. Soomaaliya hadda waxa ay u qaybsan tahay qabaa’il dowlado lagu magacabay oo Itoobiya shaxdooda dejisay waqti hore. Waxana laga soo galay dastuurka ku meelgaarka ah oo ogolaanaya in ay jiraan madaxweyneyaal aan hoos imaan dowladda dhexe marka laga hadlayo xiriirka caalamiga ah. Halkaas waxa ay itoobiya iyo kuwa kaleba ka heleen fursad ay midwalba heshiis kula galaan iyada oo aan la soo marin dowladda dhexe.

Shacabka Soomaaliyeed ma yeelan kara dowlad qaran oo mideysa awooddooda

Waxa dhib ka taagan yahay helitaan Dastuur qaran oo ilaali kara midnimada Ummdda, mar haddii ay jiraan dowlado dastuur u gooni ah leh oo aan hoos imaaneyn dhaqan ahaan dowladda dhexe. Dowladahaas badankoodu  hadda waxa ay ku mashquulsan yihiin howlihii dowladda dhexe, oo waa kuwaa shirarka ka wada waddamada dibadda, waxa ay qabanayaan shaqadii dowladda dhexe lahayd, maxaa yeelay dastuurku kama reebayo, ama dastuurka lagu dhaqmi maayo. Halkaas waa Meesha Itoobiya ka soo xaluulatay ee heshiisyada Somaliland ugu saxiixday baddeennana ku honguriyeysay. 

Gunnaanad

Ma qarsoona cadowtinimada Itoobiye ee ku dhisan ka dhowridda Soomaliya in ay mar dambe xasilooni ku naalooto, si aysan ugu fikirto waxa la yiraahdo Soomaliweyn. Taas waxaa ka dhashay in ay Soomaliya ka sameyso ama in laga sameeyo ka shaqeyso maamullo isu yaqaan dowladdo oo qaarkood u dhaqmayaan sida dowlado madaxbannaan, kuwaas oo qaarkood leeyihiin wasiiro qaabilsan Iskaashiga Caalamiga ah oo ah shaqadii dowladda dhexe. Waxa loo baahan yahay Dastuur xakameynaya hab dhaqan maamul goboleedyada, haddii kale Soomaliya mideynsan, awood leh laga heybeysto la sugi mayo. Isku duubni la’aanta dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadu waa Meesha Itoobiye iyo kuwa kale oo sideeda oo kale ula dhaqma dowladda dhexe ay ka soo xaluusheen.

W/Q: Dr. Prof. Axmed Cumar Calasow
[email protected] 

ROOBLE oo si cajiib ah ula taliyey madaxweyne Deni

0

Garowe (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomalaiya Maxamed Xuseen Rooble oo maanta ka qeyb galay xafladii caleemo saarka madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa  ayaa aad ula dardaarmay Saciid Cabdullaahi Deni oo nasiib u yeeshay in mar labaad uu ku soo laabto xukunka.

Rooble ayaa sheegay in Saciid Deni uu maanta heysto fursad weyn, isagoo kula taliyey in albaabada siyaasadda uu balaqo oo Puntland iyo Soomaaliya oo dhan uu isku wado.

“Saciid Deni waxaan kula talinayaa inuu albaadada siyaasadda balaqo oo xilalka uu bixiyo, gacantiisuna furaato,” ayuu yiri Rooble.

Ra’isal Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo hadalkiisa sii watay ayaa yiri, “Koonfurta ayaa waxaa laga yaqaanaa qof la doortay oo xilkii heysta, xoolihii ku darsada oo hadana xanaaqsan, Madaxweyne ha noqon sidaas.”

Sidoo kale Rooble ayaa masuuliyiintii isugu timid xafladaan kula taliyey in qofkii xil loo dhiibto oo dadku doortaan uu iska ilaaliyo muddo kororsi, “qof kasta oo mustaqbalka doorasho raba, waxaan u cadeynayaa in waqti lagu darsado uusan faa’iido laheyn, waxaa tusaale idinkugu filan fursadii uu Deni idin tusay, maadaama uu doorashadii ku qabtay waqtigeeda, kuna soo laabtay isagoo nadiif ah,” ayuu yiri.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in 14 sano uu ka shaqeynayey deegaanada Puntland, isla markaana uu reer Puntland ku yaqaano dad nabadda jecel oo aan qaadan fikrado banaanka uga yimid.

Wuxuu sheegay in shacabka Puntland ay ka duwan yihiin shacabka kale ee Soomaaliyeed markii la eego is maqalka iyo nabad jeclida, isagoo kula dardaarmay inay nabadooda xajistaan, Soomaalida kalena wax la wadaagaan.

“Puntland waxaan kula talinayaa Madaxweynaha iyo shacabkaba sabar, dulqaad iyo isku hayn inay muujiyaan, marwalba waxaa nala dhahaa Puntland waa ‘Hooyada Federaelka’ Hooyada waxaa laga rabaa inay sabarto ee maaha inay xanaaqdo oo caruurteeda u diido caanaha,” ayuu yiri Maxamed Xuseen Rooble.

Daawo: Xasan oo shaaciyey hal arrin oo looga guuleysan karo cadowga Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta Garowe kaga qeyb galay caleemo saarka madaxda Puntland ayaa qeyb ka mid ah khudbadii uu jeediyey kaga hadlay sida umadda Soomaaliyeed ay ugu baahan tahay midnimo, si cadowga ay isaga difaacdo dalkana u dhisato.

“Midnimo ayaan u baahanahay, si aan uga adkaano argagixisada gudaha iyo cadowga dibadada. Soomaaliya maanta midnimo ra’yiga ah maalin ay uga baahi badan tahay ma jirto,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa balan-qaaday inta uu joogo xukunka inuu muhiimadda koowaad sii doono midnimada isku soo dhaweynta dadka Soomaaliyeed oo ku kala tegay burburkii iyo duruufihii adkaa ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay soo mareen.

“Anigoo ah Madaxweynaha JFS waxaan balan qaadayaa intii suurtagal ah ee qof uu samey karo inaan xoog, caqli iyo juhdi geliyo midnimada iyo isku wadka dadka Soomaaliyeed, si gaar ah madaxda dowlad goboleedyada ee bulshadu soo dooratay iyo siyaasiyiinta kale ee kala aragtida duwan,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hadafkiisa koowaad uu yahay in dadka siyaasadda ka masuulka ah uu doonayo inay aragtida danta qaranka ka mideysnaadaan “ajandaha qarankeena inuu mid ahaado waa muhiim, waana ku dadaaleynaa.”

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay inay muhiim tahay in dadka talada ku yeelanaya dalka sida siyaasiyiinta iyo madaxda maamullada inay yihiin dad xil-kas ah oo doonaya in dalkaan uu horay u socdo.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay arrimaha dastuurka, wuxuu sheegay in waqti badan uu qaatay, dhaqaale badan lagu bixiyey, dunidu ay isku dayday inay naga caawiso dhameystirkiisa, balse maanta ay dowladiisa ka go’antahay inay dhameystirto dastuurka dalka.

“Idinma lihi 100% sax ayuu noqonayaa, goor kasta ayaa wax laga bedelayaa, hada waxbaa noo qabsoomay, mana aanaan degdegin, baarlamaanka shuruucdii uu ansixiyey, kalfadhigii hore hadaan la ansixi laheyn, Soomaaliya deynta lagama cafiyeen, hadii shuruucdii amniga aan la ansixin cunaqabateynta lagama qaadeen dalkeena,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Hoos ka daawo

Ciidanka Itoobiya oo ka baxay magaalo ka mid ah Soomaaliya

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika (ATMIS) ee Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inay maanta isaga baxeen magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ee Soomaaliya.

Ciidamadan oo daganaa duleedka waqooyi ee magaalada ayaa banneeyay xeradooda, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Sidoo kale munaasabad lagu sagootinayo ciidamada Itoobiya ayaa hadda ka socota xarunta Jaamacadda Kismaayo oo ay dagan yihiin ciidamada Xoogga dalka, waxaana ka qayb-galay wasiirka amniga Jubbaland Sarreeya Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal).

Wasiirka oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in xerada ay banneeyeen ciidanka Itoobiya ay geyn doono ciidamo isku dhaf ah oo ka tirsan Jubbaland iyo Xoogga dalka.

Sababta ay u baxeen ciidamadaas ayaa waxaa lagu sheegay inay qayb ka tahay qorshaha dhimista ee ciidamada howlgalka ATMIS ee jooga gudaha dalka Soomaaliya.

Horay ciidamo ATMIS oo ka socda dhowr dal ayaa u banneeyay saldhigyo dhowr ah oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo ay la wareegeen Xoogga dalka.

Bixitaan ciidanka Itoobiya ee magaalada Kismaayo ayaa haatan kusoo aadayo, xilli ay taagan tahay xiisad u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka dhalatay heshiiska badda.

Daawo: Madaxweyne DENI oo sameeyay ballanqaad culus oo la xiriira khilaafka DF

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay munaasabadda caleemo saarkiisa ee ka socoto magaalada Garoowe ayaa sameeyay ballanqaad cusub oo la xiriirka xiisadda kala dhaxeysay dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxa uu tilmaamay in uu la fariisinayo madaxweyne Xasan Sheekh, islamarkaana uu dhigayo gogol Soomaaliyeed, isagoo ballan-qaaday inuu ka shaqeynayo midnimada iyo wadajirka Soomaaliya.

“Waxaa rabnaa haddii aan nahay Puntland in aan gogol Soomaaliyeed dhigno, waxa lagu kala tabanayo in aan halkan ka sheego ma rabo ee gogol uu madaxweynaha (Xasan) hoggaaminayo ayaa inoo fidsan,” ayuu yiri madaxweyne Saciid Deni.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan ballan-qaadaya in aan midnimada iyo wadajirka Puntland ka shaqeeyo, sidoo kale waxaa ballanqaadaya in aan midnimada iyo wadajirka Soomaaliya ka shaqeyno.”

Madaxweynaha Puntland oo khudbadiisa soo koobay ayaa sidoo kale wuxuu u mahad-celiyay madaxda iyo marti sharafta kale ee kasoo qeyb-gashay munaasabadda caleemo saarkiisa, “Waa mahadsan tihiin, waxaan rabaa in aan si gaar ah ugu mahadnaqo hoggaamiyaha SSC.”

Dowladda dhexe iyo Puntland la filayaa inay iskaga soo dhawaadan sidii hore, ayada oo maantana uu khilaafka hoos u dhigay madaxweyne Deni oo marti loo ahaa uuna sheegay in gogol fidsan looga hadli doono arrintaasi.

Si kastaba, Saciid Deni ayaa 8-dii bishaan ku guuleystay doorashadii ka dhacday Garoowe, taasi oo uu kaga adkaaday mucaaradkii sida weyn uga soo horjeeday, waxayna maanta munaasabadda caleemo saarkiisa ka socotaa magaalada Garoowe, oo ay ka qeyb-galeen madaxda sare ee dalka, kuwii hore iyo siyaasiyiinta intooda badan.

Daawo: Xasan Cali Kheyre oo arrimo xasaasi ah ka dhex sheegay caleemo saarka Deni

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta khudbad cajiib ah ka jeediyay xafladda caleema saarka madaxweynaha Puntland Saciid Deni, taas oo ay ka qayb-galeen madax kala duwan.

Khayre ayaa soo hadal qaaday arrimo xasaasi ah oo taabanaya xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan dastuurka iyo damaca Itoobiya ee ku aadan badda Soomaaliya.

Ra’iisul wasaarihii hore ayaa sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu shalay qaaday tallaabo keeneysa xiisad iyo xasarad siyaadeed oo ku aadan arrimaha Dastuurka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in laga haboonaa in lagu deg-dego wax ka beddalka Dastuurka, isaga oo sheegay in laga heshiin karay kahor tallaabadaasi.

“Waxaan ka xumahay in Baarlamaanka Soomaaliya oo shalay martigeliyey xiisad iyo xasarado siyaasadeed oo ay sabab u tahay inaan dadajinayo wax ka badalka dastuurka. Majirto meel loo deg dego waan dhammeystiri karnaa annaga oo heshiis ah” ayuu yiri.

Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale soo hadal qaaday isbeddalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gudaha dalka, gobolka iyo calaamka.

“Xafladda caleema saarka ee aan isugu nimid waxay kusoo aadeysaa ayada oo ay dalka ka jiraan fursado iyo caqabada isbarkan, waxayna kusoo aadeysaa, ayada oo ay isbeddalo waa weyn ay ka socdaan dalka, gobolka iyo caalamka” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Mr. Khayre ayaa sidoo kale ka hadlay damaca gurracan ee ay Itoobiya ku dooneyso badda Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in muddo dheer ay soo waday qorshahaasi.

“Waxaa kale oo ay kusoo aaday ayada oo damac iyo duulaan ay Itoobiya ku dooneyso inay boobto baddeenna iyo khayraadkeenna” ayuu mar kale yiri Xasan Cali Khayre.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowlad goboleedyada oo uu ugu baaqay inay ka shaqeeyaan danta guud.

“Dowladda hadda joogta iyo dowlad goboleedyada waxaan ugu baaqayaa inaan ku cibra qaadano wixii aan soo marnay muhiimad iyo mudnaan gaar ahna aan siino danta guud, sharciga taliyo, caqliguna na hago” ayuu khudbaddiisa kusoo gabagabeeyay Khayre.

 

Madaxweyne Xasan oo ku dhowaaqay arrin uga sii dareysa xiisadda dastuurka

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka khudbad ka jeediyay munaasabadda caleemo saarka madaxweynaha dib loogu doortay Puntland ee Saciid Deni ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah.

Madaxweyne Xasan ayaa khudbadiisa uga hadlay arrinta dastuurka, oo ay isku hayaan madaxdii hore iyo madaxweynaha dib loo doortay, oo uu sheegay inay muhiim tahay in hadda lasii diyaariyo tallaabada xigta marka uu soo idlaado muddo xileedkiisa, taasina keenayso in la dhameystiro dastuurka.

“Wax walba oo wanaagsan waa in aad risk u qaadata oo fursad la’aan ma ahan. Siyaasadda meelaha ugu khatarta badan ayay faa’iidada ku jirta, ku dhiiranaanteeda wax badan oo muhiim ah ku jira,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu intaas kusii daray “Dastuurka maalin walba waa wadnay maantana waa wadna. Soomaali waxaa rabaa in aan u sheego dastuurka waqti uma dhina oo dastuurka waa bislaaday waxba nooguma dhina.”

Madaxweynaha ayaa si cad u soo dhoweeyay wixii shalay ka dhacay baarlamaanka Soomaaliya, xilli ay buuq badan dhalisay, ayna ka horyimaadeen madaxdii hore ee dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

“Lama bilaabin dastuurkii dib u eegistiisa dhabta aheyd hadda ayay bilaabeen. Dadka rayiga leh ee aragtida leh ee masuuliyiin hore ah hal mid aan codsanaya waxaan waan diiday halkan aan dhigno tan ayaa ka fiican aan la imaano.”

Si kastaba, Madaxweyne Xasan oo ay ka go’an tahay arrinta wax ka beddelka dastuurka ayaa khudbadiisa caleemo saarka uga faa’iideystay in doodda dastuurka furan tahay ayna tahay in taasi lagu biyo cabo oo lala yimaado dood maangal ah oo dhaafsiisan waan diidnay, sida uu sheegay.