27.3 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

Somaliland oo ciidamo soo dhoobtay SOOL + Ujeedka

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo qaybo kamid ah gobolka Sool oo ay weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ay ka wadaan SSC-Khaatuma iyo Somaliland.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in maanta Somaliland ay ciidamo horleh keentay furimaha dagaalka oo ay isku horfadhiyaan labada dhinac, taas oo keentay in xiisad cusub laga dareemo halkaasi.

Sidoo kale ciidamada deegaanka ee SSC ayaa iyagu ku sugan aagga deegaanka Buq-Dharkayn, halkaas oo ay ka wadaan dhaq-dhaqaaqyo ay uga hortagayaan Somaliland.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in laga cabsi qabo in mar kale ay is fara saaraan labada ciidan, maadaama guluf culus ay hadda ka billaabeen gobolka Sool.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay SSC-Khaatuma iyo Somaliland oo ku aadan xiisadda kasoo cusboonaatay halkaasi.

Somaliland ayaa u muuqata mid markale isku diyaarineysa dagaal, si ay u qabsato dhulkii laga saaray oo ay ugu horreyso xerada Goojacadde oo ay hadda joogaan ciidanka SSC.

Xaaladda ayaa maaalmihii u dambeeyay daganeyd, kadib dagaall muddo dheer ka socday gudaha magaalada Laascaanood iyo deegaanada kale ee hoos yimaada.

Lama oga sida ay waxa noqon doonaan, waxaase dadka deegaanka ay dareemayaan walaac iyo cabsi la xiriirta dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee haatan ka socda gobolka Sool.

Xasan oo war lama filaan ah kasoo saaray xiisadda Ethiopia

Doha (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horeysay iska fogeeyay inuu madaxweynaha dalka Masar kala xaajooday arrimo milateri oo la xiriira xiisadda badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Waxa uu sheegay in uusan weydiisan dowladda Al-Siisi in ay ciidamo usoo dirto Soomaaliya, si ay uga taageeraan difaaca madax-banaanideeda, xilli uu madaxweynaha Masar uu sheegay inay difaacayaan Soomaaliya haddii Itoobiya ay ka laaban weydo xad-gudubka ay ku kacday.

“Waxaan aaminsanahay in dhibaatadu aysan weli gaarin halkaas (dagaal), waana sababta aan uga digayno Itoobiya oo aan u lennahay war ka jooga ha samayn sidaas,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyay Al-Carabiya.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Soomaaliya ay xilligaan ku talo jirin inay dagaal la gasho Itoobiya, balse ay ka waaban doonin buu yiri “difaaca dalkeeda haddii loo baahdo.”

“Kani waa dhul ay Soomaaliya leedahay, weligeenna kama daali doono cadaadis kasta oo ku yimaada.”

Marka laga soo tago hadalka madaxweyne Xasan, dhawaan Al-Siisi oo uu barbar taagan yahay ayaa sheegay in aysan indhaha ka fiirsanayn xad-gudubkaasi, isagoo Itoobiya ugu goodiyay in Soomaaliya ay la dagaal gali doonaan haddii aysan ka laaban heshiis beenaadkii Addis Ababa.

“Masar ma ogolaan doonta inay cidna handado Soomaaliya, ama ay waxyeeleyso amnigeeda. Awoodda Masar yaan la tijaabin oo la handadin walaalahood, gaar ahaan dalalka walaalaha ah ee naga codsada in aan garab istaagno,” ayuu yiri madaxweynaha Masar Cabdulfataax Al-Siisi.

Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa damaca Itoobiya si adag uga hortimid, ayada oo ku qaaday dagaal diblumaasiyadeed ay uga adkaatay Itoobiya, waxaana hadda muuqata in Soomaaliya ay sugeyso in Addis Ababa ka laabato xad-gudubka ay u bareertay.

Daawo: GUULEED oo weji cusub u yeelay xiisadda badda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug, Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed oo sidoo kale hadda ah ergeyga gaarka ah ee wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland ayaa ka hadlay xiisadda ka dhalatay heshiiska badda.

Guuleed oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa weji cusub u yeelay heshiiska Muuse Biixi iyo Abiy Axmed, isaga oo uu tilmaamay in lagu fashilinayo wada-hadalladii ugu dambeeyay ee ay Muqdisho iyo Hargeysa dhowaan ku yeesheen waddanka Jabuuti.

Ergeyga ayaa tilmaamay in wada-hadallada ay ku billowdeen jawi deggan, balse saacado kadib uu soo baxay heshiiska badda oo abuuray xiisad horleh.

“Go’aannada soo baxay qodobka ugu muhiimsan wuxuu ahaa in arrimaha masiiriga ah ee labada dhinac in hoos loogu daadago in laga wada-hadlo, laakiin waxaa ayaan darro ah ayadoo qalinkii lagu qoray heshiiska uusan weli qaddii lagu qoray aysan qalalin oo 48 saac gudahood arrintaan kale MOU ee ay kala saxiixdeen Muuse Biixi iyo Abiy ay soo baxday” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in arrintaas ay la yaab ku noqotay, ayna baabi’isay natiijadii la filayay bil kadib, maadaama lagu ballamay in wada-hadallada lasii wado.

“Arrintaan waxaa annaga ay nagu noqotay filan waa, waxay nagu noqotay fajaciso, waxaana u aragnay inay tahay arrin lagu majaxaabinayo wada-hadallada iyo guulaha inay kasoo baxaan bil kadib la filayay inay natiijo kasoo baxdo” ayuu mar kale yiri Guuleed.

Cabdikariin Guuleed ayaa sidoo kale tilmaamay in ujeedada ka dambeysa damaca gurracan ee Itoobiya uu yahay mid lagu kala dhan-taallo midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

“Waxaa kaloo u aragnay arrin Soomaaliya midnimadeeda iyo wadajirkeeda looga hor imaanayay iyo loogana hortegayay iskaashiga dadka Soomaaliyeed,”.

Waxaa kale oo uu yiri “Annaga jawi qurux badan kalgacal iyo walaalnimo uu ku jiro ayay ahayd wada-hadallada ay u dhaceen”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo xiisad u dhexeyso Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka dhalatay heshiiska badda ee ay kowdii bishaan wada gaareen Muuse iyo Abiy Axmed.

 

Xog: Itoobiya oo Addis Ababa ku casuumtay madaxda SSC-Khaatumo + Qorshaha Abiy

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online, dawladda Itoobiya ayaa casumaad u soo dirtay madaxda maamulka kumeel gaarka ah ee SSC-Khaatumo, kuwaas oo ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu ka dalbaday inay Addis Ababa tagaan.

Itoobiya ayaa doonaysa in ay madaxda SSC kala hadasho arrimaha isbedelada siyaasadda gobolka, sida ka go’itaankooda Somaliland iyo arrimo ku saabsan damaceeda badda Soomaaliya.

Dhinaca SSC-Khaatumo oo aan xaqiijinay in casuumaadaasi soo gaartay ayaan ilaa hadda ka jawaabin u yeeridda Addis Ababa uga timid ee ra’iisul wasaaraha Abiy Axmed.

Madaxda SSC-Khaatumo qaarkood oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay inay xoogga saarayaan xaqiijinta yoolkooda oo ah in aysan hadda dhexgalin xiisadaha kacsan, gaar ahaan arrinta badda oo ah mid xasaasi ah.

Itoobiya waxay doonaysaa inay saameyn ay ku yeelato arrimaha gudaha ee Soomaaliya, waxaana casumaadaan ay u dirtay madaxda SSC loo arkaa mid ay ku maleegeyso dhagar siyaasadeed oo ka dhan ah dowladda federaalka Soomaaliya.

Xogo hoose oo toddobaadkii hore soo baxay ayaa sheegayey in Itoobiya ay Nairobi ku qaabishay qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada, si ay u marsato ajendaheeda guracan ee arrimaha gudaha Soomaaliya.

Dhankeeda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ciyaareysa door siyaasadeed oo caalami ah, waxay kasbatay dareenka dunida, iyadoo damaca Itoobiya meel looga soo wada jeestay, waxaana la wada qiray in Soomaaliya ay dhanka diblomaasiyadda kaga guuleysatay Itoobiya.

Dhanka awooda, Soomaaliya ololaheeda diblomaasiyadda waxay ku dhex waday inay iskaashi militeri u hesho Itoobiya, waxaana difaac buuxa ka balan qaaday dalal ay ugu horeeyaan Masar, Turkiga iyo Eritrea, kuwaas oo laba kamid ah uu markii horaba dagaal kala dhexeeyey Itoobiya.

 

Madaxweyne XASAN oo ka degay Garoowe + Sawirro

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Mudane Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa garoonka uga hortegay Saciid Deni, wasiiro, xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala tirsan Puntland iyo dowladda dhexe.

Ujeedka safarka madaxweynaha Soomaaliya ayaa ah ka qayb-galka xafladda caleemka saarka madaxweyne Saciid Deni oo haatan ka socota magaalada Garoowe.

Sidoo kale waxaa munaasabaddan ka qayb-galaya madaxda dowlad goboleedyada, sida Galmudug, Hirshabelle, Koofur Galbeed iyo hoggaamiyaha SSC oo horay u gaaray Puntland

Wararka ayaa intaasi ku sii daray in xafladdan uu ka baaqday madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, sababo la xiriira khilaafka isaga iyo madaxweyne Saciid Deni oo wixii ka dambeeyay doorashadii federaalka ee 15 May 2022 uu xiriirkooda xumaaday.

Waxaa kale oo munaasabadda jooga madax hore, sida ra’iisul wasaarayaashii hore Xasan Cali Khayre, Maxamed Xuseen Rooble, Cabdiweli Gaas iyo Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Sidoo kale waxaa ka qayb-galaya wafuud kale oo caalami ah oo ka timid dalalka Kenya, Jabuuti, dowlad deegaanka Soomaalida iyo xubno ka socda safiirada dalalka caalamka.

Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, maadaama ay Garoowe ay isugu tageen madaxdii ugu badnayd iyo qaybaha kala duwan bulshada oo ay ku jiraan Fanaaniin caan ah.

Si kastaba, Dib u doorashad Deni ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah oo ay taagan tahay doodda Dastuurka, maadaama ay horay isugu khilaafeen madaxweyne Xasan Sheekh.

Dil argagax leh oo maanta ka dhacay duleedka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil argagax leh oo xalay wiil dhalinyaro ah loogu gaystay duleedka Muqdisho, kaas oo mindi loo adeegsaday.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Saciid Cabdulle Maxamed ayaa waxaa weerar kusoo qaaday nin ku hubeysan mindi, kaas oo ku dilay deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim.

Wararka ayaa sheegaya in xilliga la dilayay marxuumka uu ka yimid GYM, waxaana mindida ay uga dhacday dhanka wadnaha, taas oo keentay in isla goobta uu ku geeriyooday.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya inuu baxsaday ninkii hubeysanaa ee marxuumka u dilay sida arxan darrada ah, waxaana sidaa noo xaqiijiyay dadka degaanka.

Mid kamid ah asaxaabta wiilka dhalinyarada ah ee geeriyooday ayaa ayaa sheegay in Saciid Cabdulle Maxamed la dilay isaga oo aan waxba galabsan, uuna ka tacsiyeynayo dilkiisa.

“ALLAH u naxariisto kitaabkiisana midigta ALLAH kasiiyo wllalkeen Saciid gacan ka xaq-daran ayaa dishee wallahi Xamar bahalo dadka qashaa joogo ALLAH ummada haka qabto” ayuu yiri Cali Xasan Barre oo kamid ah saaxibada wiilka dhalinyarada ee sida xun loo dilay.

Dhanka kale waxaa lagu soo warramayaa in haatan baaris ku hayaan kiiskan ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo bilaabay howlgal lagu baadi goobayo eedeysanaha.

Dilka loo haystay Marxuum Saciid ayaa argagax ku noqday dadka deegaanka, gaar ahaan ehelladiisa, waxaana sidoo kale aad looga hadal hayaa baraha bulshada ee Internet-ka.

Kadib tallaabadii uu qaaday baarlamanka, hal arrin oo la gudboon Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay cod aqlabiyad leh ku ansixiyay habraaca wax ka beddalka Dastuurka KMG ka ah.

Xeerkan oo ay aad u diidanayeen xubnaha mucaaradka, sidoo kalena xildhibaannada qaar ay shalay isku dayeen inay hor istaagaan iyaga oo buuq ka sameeyay golaha, balse ugu dambeyn waa la ansixiyay, sida uu ku dhawaaqay guddoomiye Aadan Madoobe.

Tallaabada uu qaaday baarlamaanka ayaa waxay imaaneysa xilli madaxda sare ee dalka, gaar ahaan madaxweynaha iyo guddoonka labada Aqal ay madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka ugu baaqeen in dib loo dhigo arrimaha wax ka beddelka dastuurka.

Sida muuqata looma joojin soo jeedimaha maalmihii dambe ka imaanayay madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee kal hore uu madaxweyne Xasan kula jiray isbaheysiga siyaasadeed.

Inkasta oo waqtigan lagu jiro oo lagu soo duulay madax-banaanidii dalka, argagixisana dagaal lagula jiro ay aheyd in arrimaha dastuurka gadaal loo dhigo, si aan loo sii kala dhantaalin dareenka mideysan ee dadka Soomaaliyeed, haddana waxaa muuqata in madaxweyne Xasan iyo kooxdiisa aysan dib u dhigeyn arrintaan.

Marka ay arrin halkaasi joogto waxay qabaan dadka sida dhow ula socda arrintaan in madaxweynaha la gudboon tahay hal arrin oo ah “in uu raadiyo midnimo siyaasadeed.”

Xasan ayaa laga rabaa in uu xaliyo tabashooyinka Puntland iyo mucaaradka qaar ee wax ka beddelka dastuurka uga dhex jeeda dano shaqsi ah, sidoo kalena la sameeyo wacyi-gelin bulsho oo xooggan oo la xiriirta arrimaha dastuurka.

Haddii aan dhinacyadaas loo dhago nuglaanin oo aan daruufaha jira la aqbalin waxay dadka faallooda siyaasadda Soomaaliya aaminsan yihiin in wax walba oo la mariyo aanay sharciyad badan heli doonin, dhaqan-gelintoodana ay mustaqbalka adkaan doonto, tii oo dhinaca kale sababi karta buuq siyaasadeed hor leh iyo kala qeybin bulsho.

Warshaddii qaraxyada Al-Shabaab iyo Idaacadda Andalus oo la burburiyay

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka aroortii hore howlgal dhanka cirka ah lagu qaaday magaalada Gal-hareeri oo ka tirsan gobolkaasi, halkaas oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalkan oo iska kaashadeen ciidamada Xoogga dalka iyo saaxibada caalamiga ah ayaa waxaa lagu soo warramayaa in khasaare lixaadleh lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka warbixiyay in howlgalkaasi, isaga oo sheegay in lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, laguna dilay xubno fara badan.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in howlgalkan lagu burburiyay warshad lagu far-sameeyo qaraxyada oo ay lahayd kooxda iyo xarun Idaacadeed, sida uu hadalka u dhigay.

“Gal-hareeri waxaa ka dhacay hawlgal barakaysan, Khawaarij badan waa la laayay, xarumo ay ku jiraan Idaacad iyo Warshad lagu sameeyo qaraxyadana waa la burburiyay, alle ayaa ku mahadsan” ayuu qoraalkiisa ku yiri wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala.

Sidoo kale qoraal kasoo baxay taliska ciidamada Xoogga dalka ayaa lagu xaqiijiyay in weerarkan lagu dilay ugu yaraan 25 ka tirsanaa Al-Shabaab.

Xubnaha la dilay ayaa waxayn isugu jiraan Wariyeyaa, horjoogayaal iyo maleeshiyaad kooxda ka tirsanaa sida lagu sheegay warka qoraalka ah.

“Xalay saqdii dhaxe ayaa dhowr gantaal lagu burburiyay xarumihii ay dadka ka gumaadi jireen, waxaana dhulka lala simay Qalabkii warbaahineed ee kooxda Argagixisada ah, waxaana lagu dilay weriyaal iyo Horjoogayaal farabadan. waxayna Galhareeri xalay ay noqotay goob Argagixisada lagu baabi’yay.” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Taliska Xoogga.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda oo ku aadan howlalkaas iyo duqeynta isla socday ee guusha ka sheegatay dowladda Soomaaliya.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa gobollada dhexe ka socday guluf culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda, kuwa deegaanka iyo saaxibada caalamiga ah.

Sawirro: Muxuu Xasan kala hadlay taliyaha ciidamada Mareykanka ee AFRICOM?

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabilay General Michael E. Langley, Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM).

Madaxweynaha iyo Taliyaha waxay ka wada hadleen dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo argagixisada caalamiga ah, laguna xoojinayo wax soo saarka Soomaaliya iyo Mareykanka.

Sidoo kale waxay si qota dheer u gorfeeyeen iskaashiga amniga iyo arrimaha kale ee amniga gobolka ee danaha labada dhinac quseeya, waa Soomaaliya iyo Mareykanka.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Taliyaha AFRICOM kala hadlay duqeymaha iyo howlhallada ka dhan ka ah Al-Shabaab ee ciidmaada Mareykanka ay ka garab siiyaan ciidamada Soomaaliya, kuwaas oo muhiim u ah Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa Taliska AFRICOM ka codsaday inay laba jibaaraan beegsiga Al-Shabaab, si ciidamada Soomaaliya ay uga guuleystaan kooxda Al-Shabaab oo dagaal culus ay kula jiraan dowladda iyo dadka Soomaaliyeed.

Kulanka Madaxweynaha iyo Taliyaha ayaa ku soo aadaya xilli maanta uu dhacay mid ka mid ah dagaaladii ugu cuslaa, kadib markii Al-Shabaab ay saakay waaberigii weerareen magaalada Caad ee gobolka Mudug.

Dagaal ba’an ayaa maanta ka dhacay Caad, in kastoo aan la helin xog rasmi ah, hadana waxay saraakiishu noo xaqiijiyeen inuu jiro khasaare culus, Al-Shabaab waxaa u suurta gashay inay gudaha u galaan Caad, balse duqeyn iyo dagaal toos ahaa ayaa looga saaray goor dambe.

Mareykanku wuxuu ka mid yahay dowldaha sida dhow Soomaaliya uga caawiya dagaalka Al-Shabaab, taas oo muhiim ka dhigeysa in madaxda Soomaaliya ay mar kasta taageero dagaal weydiisyaan Mareykanka, maadaama aysan Soomaaliya laheyn diyaarado furiya duqeymo ka dhan ah argagixisada ay dhulka fog kula dagaalamayaan ciidamada qaranka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Muuse Biixi oo sheegay in Xasan Sheekh uu soo weerari lahaa ee uusan…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo wareysi cusub bixiyay ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu ictiraafka Somaliland ka xigo geeri, xilli ay taagan tahay xiisadda ka dhalatay heshiiskii Addis Ababa.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa markale difaacay heshiiska ay Addis Ababa ku gaareen isaga iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed, kaasi oo Itoobiya loogu saxiixay qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

“Heshiiska dhex-maray Somaliland iyo Itoobiya wuxuu ahaa heshiis ku saabsan danaha labada dal. Madaxweyne kastaa danta dadkiisa ayuun buu u adeegaa. Itoobiya waa dal aan bad lahayn oo dadka ugu tirada badan ee Geeska Afrika ku nool yihiin, dhaqaalihiisuna uu aad u koraayo. Sidaas darteed, waynu ognahay inay muddadba ku taamaysay inay hesho deked,” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi.

Waxa uu sheegay in Somaliland ay in ka badan 30 sano raadineysay ictiraaf, ayna xaq u leedahay in ay bad kiro ah ku bedelato ictiraafka ay mudada badan raadineysay, sida uu hadalka u dhigay.

“Somalilandna muddo dhawr iyo soddon sannadood ah waxay raadinaysay ictiraaf. Markaa markii aanu wadahadalnay isaguna (Abiy Ahmed) bad buu u baahday annaguna ictiraaf taas ayuu ku fadhiyaa heshiiska isfahamka ah in ciidankooda badda laga kireeyo saldhig badda ah oo ay degaan, Itoobiyana ay noqoto dalkii u horreeyay ee Somaliland ictiraafa labadaas qoddobna ay mar wada dhacaan, labadaas qoddob ayaa saldhig u ah heshiiska wixii kale waa iskaashi dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin dhaqaalaha, nabadgelyada iyo isbeddelka cimilada.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in cadaawada Soomaaliya u hayso Somaliland uu banaanka keenay madaxweyne Xasan Sheekh kadib markii heshiiskan xad-gudubka ah la saxiixay, xilli dhawaan ay dowladda federaalka ay Hargeysa ka celisay diyaarad siday wafdi Itoobiyaan ah.

“Waxa dareenka Soomaaliya ku jira Xasan Sheekh ayaa muujiyay imika, malaa hub uun baanu haynine wuu ina soo weerari lahaaye waadiga arkaya waxa ka dhacaya ninkaas oo Somaliland baa la ictiraafayaa geeri buu ka xigaa waanay ka siman yihiin oo dhammaantood waa kuwii isku raacay,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray “Dad baa yidhaahda gaallo ayaa ina qabsanaysa, Soomaalida Itoobiya degani tiro ahaan waa qowmiyadda saddexaad Axmaarada iyo Oromada uun baa ka badan. Waad arkaysaa labaatankii sannadood ee la soo dhaafay horumarka uu gaadhay deegaanka Soomaalida Itoobiya. Ciidan yar oo aynu xeebteenna soo dejina ayaa ina gaalaynaya cidda lihina waa caqliga xagjirka.”

Howlgalka Midowga Yurub ee xeebaha Soomaaliya oo ka hadlay heshiiska BADDA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenka Hawlgalka Ciidamada Badda ee Midowga Yurub ee Atalanta oo ka howlgala Xeebaha Soomaaliya oo maalmihii ugu dambeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa maanta qabtay shir jaraa’id, isagoo ka hadlay xaaladaha ka soo kordhay Badda Cas ee weerarrada Xuutiyiinta iyo sidoo kale heshiiskii badda Itoobiya iyo Somaliland.

Admiral Ignacio Villanueva oo ku sugnaa Muqdisho tan iyo 22-kii bishaan ayaa kulamo la yeelanay mas’uulinta dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo kala hadlaya xaaladaha soo kordhay ee afduubka maraakiibta iyo damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya.

Howlgalka Atlaanta oo soo bilaawday 2008, si looga hortago weerarada burcad badeeda ee xilagaas ka dhaci jiray xeebaha Soomaaliya ayaa guuleystay oo waxa laga adkaaday burcadii, balse todobaadyadaan Xutiyiibta ka dagaalanta Yemen ayaa afduub ka bilowday badda Cas.

Admiral Ignacio Villa mar la weydiiyay sida uu howlgalkooda u arko xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku saabsan damaca badda ee Itoobiya, ayaa wuxuu sheegay in arrimahaas aysan qeyb ka ahayn howlgalkooda, balse uu rajeynayo in qaab wadaxaajood ah lagu dhammeeyo xiisadda.

“Waa su’aal wanaagsan, waana inaan halkan ka taxaddaraa sababta oo ah shakhsi ahaan, anigu waxaan ahay oo keliya Taliye Hawlgaleed, markaa taasi waxay la macno tahay in shaqadaydu ku kooban tahay hawlgallada, waanse la socdaa xiisaddaas aad sheegtay ee Soomaaliya iyo Itoobiya, laakiin waxaan rajeynayaa in wadahadal iyo wada-tashi lagu dhammeeyo xiisadahaas,” ayuu yiri Admiral Ignacio.

Taliyaha oo hadalkiisa sii watay ayaa sheegay in xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya aysan howlgalkooda saameyn ku yeela doonin.

“Ma filayo in ay saamayn ku yeelato qorshahayaga, ma ahan, waxaan filayey inaysan saameyn ku yeelan doonin qorshahayaga, waan sii wadi doonaa qorshahayaga, aan ku celiyo mar kale wixii Midowga Yurub hore ugu sheegay in golayaasha kala duwan ee ah, in midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya ay muhiim noo tahay, kolkaa ma filayo in ay wax saameyn weyn ah nagu yeelato, waxaana rajeynayaa in xiisadahaas ay meesha ka bixi doonaan dhawaan, iyada oo loo marayo wadahadal iyo gorgortan,” ayuu yiri.

Dhanka kale, mar wax laga weydiiyay weerarrada Xuutiyiinta Yemen ay ku hayaan maraakiibta marta Marinka Baabul Mandab waxa uga qorsheysay ayuu Ignacio sheegay in ay iyaga hadda xoogga saari doonaan un xeebaha Soomaaliya, “howgalkeenu wuxuu ku egyahay xeebaha Soomaaliya oo aysan qeyb ka ahyan howlgalka Badda Cas ee ka dhanka ah Xutiyiinta.”

“Hadda, qorshahaygu waxa uu ku egyahay wixii naloo tilmaamay oo keliya, markaa aniga waxaa la ii igmaday oo keliya Soomaaliya, waxaana jiri doona hawlgal kale oo Midowga Yurub ah oo dhowaan dhici doona kaas oo wax ka qaban doona Badda Cas iyo khatartaas ka taagan, markaa taasi waa mustaqbalka, aad ayaana ugu faraxsanahay, sababtoo ah hadda waxaan si dhab ah awoodda u saari karaa Soomaaliya iyo baahiyaheeda amniga badda.” Ayuu yiri Ignacio.

BBC

Ethiopia’s Somalia sea claim: Destabilizing Horn of Africa

Mogadishu (Caasimada Online) – Ethiopia, a landlocked nation with a population exceeding 120 million, urgently seeks sea access to bolster its economy.

This pursuit intensified after Ethiopia’s then-province, Eritrea, gained independence in the early 1990s, leaving Ethiopia without a coastline.

Ethiopia’s Prime Minister Abiy Ahmed has been vocal about this need, citing historical claims to the Red Sea and emphasizing the economic burden of depending on Djibouti’s ports, which costs the nation over $1.5 billion annually in fees.

A contentious deal sparks tension

On January 1, a pivotal agreement was reached between Ethiopia and Somaliland, a self-declared independent region in Somalia.

Ethiopia agreed to lease 20 km around the port of Berbera for 50 years, offering stakes in Ethiopian state-run companies and potentially recognizing Somaliland’s sovereignty in return.

This move, however, has been met with fierce opposition from Somalia. President Hassan Sheikh Mohamud denounced the deal as an invasion of sovereignty, signing a law to nullify it and refusing dialogue with Ethiopia.

Somalia’s stance: A challenge to autonomy

The heart of Somalia’s discontent lies in its claim over Somaliland, which declared independence in 1991 but remains unrecognized globally.

Somalia views the deal as a direct challenge to its territorial integrity. Recognition of Somaliland by Ethiopia could set a dangerous precedent, encouraging other nations to follow suit.

This escalating dispute raises alarms over the stability of the Horn of Africa, a region already grappling with political volatility.

External powers, including Middle Eastern nations like Saudi Arabia, the UAE, Turkey, and Qatar, have vested interests in this strategic location, making the situation more complex. Their involvement ranges from economic investments to military presence, potentially exacerbating tensions.

International reactions: A call for sovereignty

Internationally, the reaction has been cautious. The Arab League, African Union, European Union, and the United States have all reaffirmed Somalia’s sovereignty over Somaliland.

Egypt’s President Abdel Fattah al-Sisi, amid tensions with Ethiopia over the Nile dam dispute, expressed support for Somalia’s territorial claims.

The UAE, a significant player in the region and manager of Berbera port, has limited its response to aligning with the Arab League’s statement.

This dispute is more than a mere lease agreement; it’s a litmus test for regional dynamics and the balance of power in the Horn of Africa.

As Ethiopia seeks economic growth and maritime access, and Somalia defends its territorial integrity, the actions of regional and international players will be pivotal in shaping the future stability of this strategically significant region.

Guushii Galmudug kadib, xiriirka kubadda cagta dalka oo war cusub soo saaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warqad ay soo saareen Xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in meesha laga saaray u tartamista kaalinta saddexaad ee ciyaaraha maamul goboleedyada Soomaaliya.

Xiriirka ayaa sheegay in la ciyaari doono kulanka kama dambaysta ah marka ay taariikhdu tahay 27-ka bisha January, sida ku cad qoraalkaan uu galabta soo saaray.

Ciyaartii ugu xiisaha badneed waxay galabta dhexmartay Banaadir iyo Galmudug, waxaana soo baxday oo Final iska xaadirisay Galmudug.

HirShabelle oo horay Final u timid, kadib markii ay ka soo reysay Jubbaland iyo Galmudug oo galabta ka reysay Banaadir ayaa 27-ka bishaan dheeli doona ciyaarta kama dambeysta ah.

Xulalka Galmudug iyo HirShabeelle kii raaya ayaa qaadi doona koobka ciyaaraha dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir, kaas oo aad looga xiiseeyo Soomaaliya.

Ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa horay waxaa uga haray maamulka goboleedka Koonfur Galbeed, kadib weerar lagu qaaday ciyaartoyda, xilli ay la socdeen bas ka soo qaaday garoonka.

Ciyaarta galabta la dheelay waxay kanmid aheyd kulamadii la sugayey ee xiisaha lahaa, taageerayaashii ugu badnaa ayaa garoonka buux dhaafiyey, waxaana la isla gaaray rigoore ay Galmudug ku soo baxday, mana jirin wax gool ah oo dhashay intii ay socotay ciyaartii galabta.

Dhanka amniga aad ayaa loo adkeeyey ciidamada ammaanka ayaa fashiliyey qarax ismiidaamin ahaa, waxaana warbixin ka soo baxday booliska lagu sheegay in ninka is qarxiyey uu beegsaday kaalin shidaal markii uu ogaaday in ciidamada uusan ka badbaadeyn.

Labo qof oo dhimasho ah iyo labo kale oo dhaawac ah ayuu xaqiijiyey boolisku, sidoo kale waxaa gubatay kaalintii Shidaalka ee naftiisa haliguhu beegsaday, markii ay eryadeen ciidamada ammaanka, halka uu ku qarxay ayaa 1 KM u jirta garoonka ay ciyaartu ka socotay.

Hoos ka eeg warqadda xiriirka

Finland appoints special envoy on peace mediation in the Horn of Africa

0

Suldaan Said Ahmed served as Special Envoy on Peace Mediation in the Horn of Africa also in 2022–2023, appointed by Minister for Foreign Affairs Pekka Haavisto.

Finland has long-standing bilateral relations with several countries in the Horn of Africa. The challenges faced by the fragile region include several political and armed conflicts, in addition to which the region suffers from the worst drought in decades.

Peace Mediation is one of the priorities in Finland’s foreign and security policy. “Resolving conflicts peacefully has always been an aim of Finnish foreign policy. Said Ahmed’s extensive networks are a great asset in our work for stability in the region” says Minister for Foreign Affairs Valtonen. 
 
The appointment is a personal position of trust that Said Ahmed will carry out alongside his paid employment and duties as a city councillor. 

Sawirro: Lafta-gareen, Kheyre, Gaas iyo Rooble oo gaaray Garoowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wafdi ballaaran oo isugu jira madax iyo siyaasiyiin culus ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre, Maxamed Xuseen Rooble iyo Cabdiweli Cali Gaas ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Garoowe.

Madaxweynaha dib loo doortay ee Puntland Saciid Deni, Madaxweyne ku-xigeenka, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Golayaasha Dowladda Puntland iyo qeybaha kala duwan bulshada magaalada Garoowe ayaa wafdiga madaxweyne Lafta-gareen uu hogaaminayey kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe.

Wafdigan maanta gaaray Garoowe ayaa qeyb ka ah masuuliyiinta ku casuuman caleemo saarka madaxweynaha mar labaad la doortay ee Saciid Deni oo maalinta berri ka dhacaya halkaasi.

Sidoo kale waxaa horey Garoowe u joogay madaxweynaha dowlad-goboleedka HirShabelle Cali Guudlaawe, madaxweyne ku-xigeenka Galmudug iyo wafdi ka socda Jubbaland.

Caleemo saarka Deni ayaa sidoo kale waxaa ku casuuman madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, lamana oga illaa hadda inuu ka qeyb-gali doono caleemo saarka Saciid Deni oo uu khilaaf kala dhaxeeyo.

Si kastaba, Saciid Deni ayaa ku adkaaday doorashadii 8-dii bishaan ka dhacday Garoowe, taasi oo uu kaga adkaaday mucaaradkii ay is-hayeen, kuwaasi oo qaarkood ay dhawaan isku laab xaarteen Madaxtooyada Puntland.

Muxuu Shariif ka yiri ansixinta wax ka beddelka dastuurka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa wax aad looga xumaado ku tilmaamay wixii maanta ka dhacay kulankii labada Aqal ee Baarlamaanka, kaasi oo lagu ansixiyay habraaca wax ka beddelka dastuurka.

Shariif ayaa sheegay in tallaabadii uu qaaday guddoonka Baarlamaanka aysan ahayn hab dhaqan u qalama BFS iyo shacabka Soomaliyeed, sidaas darteedna ay tahay mid dhaawacaysa sarraynta sharciga, midnimada iyo wadajirka dadka iyo dalka, xilli loogu baahi badan yahay.

“Waxaan cambaaraynayaa habka gurracan ee loo agaasimay kulankii maanta ee Baarlamaanka iyo go’aankii loo gaaray habka khilaafsan xeerarka dalka iyadoo aan waxba la xeerin,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed.

Waxa uu intaas kusii daray “Marxaladda lugu jiro darteed madaxda qaranka waxaa waajib ku ah in ay raacaan sharciga kana fogaadaan wax kasta oo baal marsan sharciga.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran;

Bismillahi,

Dustuurku, waa sharciga ugu sarreeya dalka, waxa uu quseeyaa cid kasta, hab raaciisuna waxa uu leeyahay muhiimad aad u wayn, ku dhaqan iyo ixtiraamna waxa uu ku mutaystaa habka loo sameeyo.

Waxaa wax aad looga xumaado ah wixi ka dhacay maanta kulankii labada aqal ee Baarlamaanka, ma ahayn hab dhaqan u qalama BFS iyo shacabka Soomaliyeed.

Waxaan cambaaraynayaa habka gurracan ee loo agaasimay kulankii maanta ee Baarlamaanka iyo go’aankii loo gaaray habka khilaafsan xeerarka dalka iyadoo aan waxba la xeerin.

Waxaan la soconnaa in muddo ah in laga codsanayay Guddoonka labada Gole in la sameeyo Xeer-hoosaadkii kulamada wada jirka ah ee ay ku wada shaqeyn lahaayeen labada gole ee Baarlamaanka JFS sida uu dhigayo qodobka 62aad ee Dastuurka KMG ah, faqradiisa 2aad balse uu ka dhaga adeegay guddoonku.

Xeer-hoosaadyada labada Aqal xeer in la ansixiyo wuxuu u dajiyay hab loo maro, marka uu marayo marxaladda ansixinta, waa in xildhibaannada loo qaybiyo inta aan la ansixin ka hor maalmo, si ay ugu soo baaraan degaan, sidaa daraadeed waa sharci darro dhaawacaysa sarraynta shaciga, midnimada iyo wadajirka dadka iyo dalka xilli loogu baahi badanyahay in habraac aan golaha laga qaybin Akhrintiisii labaad kadib la yiraahdo waa la ansixiyay.

Marxaldda lugu jiro darteed madaxda qaranka waxaa waajib ku ah in ay raacaan sharciga kana fogaadaan wax kasta oo baal marsan sharciga.

Qarax xooggan oo ka dhacay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hadda nasoo gaaraya ayaa sheegaya in qarax xooggan uu ka dhacay meel aan ka fogeyn garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho, oo ay ka socdaan ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Wararka hordhaca ah ee helayno ayaa sheegaya in qof naftii hallige ah uu is-qarxiyay, kadib markii ciidamada ay ka shakiyeen, uuna diiday inay baaraan.

Ciidamada ammaanka ayaa ninka qaraxa isku soo xiray ku joojiyay inta u dhaxaysa isgoyska Cali Kamiin iyo Laba Dhagax.

Shaqsigaan oo doonayay in uu dadka shacabka dhibaateeyo ayaa kadib markii ciidanku ka shakiyeen is-qarxiyay, sida aan ku helayno wararka.

Qaraxaan ayaa lasoo warinaya inuu ka dhashay khasaare kala duwan, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin.

Wixii faah-faahin ah ee kasoo kordha isha ku hay Caasimada Online.

Madaxweyne Farmaajo oo naqdiyay tallaabadii BF

0

Doha (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay tallaabadii uu maanta qaaday baarlamaanka, ee uu ku ansixiyay habraaca wax ka beddelka dastuurka ayaa nasiib darro weyn ku tilmaamay wixii maanta dhacay.

Qoraal uu soo saaray madaxweynihii hore ayaa waxa uu ku sheegay in tallaabada maanta ay qaaday Villa Somalia ay fasiraad aan wanaagsaneyn ka bixineyso qorshaha laga sugayay ee ku wajahan damaca Itoobiya.

“Nasiib darro ka weyn ma jirto in hoggaanka dowladdu ay kala dhantaalaan midnimada dadkeenna Soomaaliyeed oo marxaladdan xasaasiga ah u taagnaa difaaca dalkooda iyo gobanimadooda,” ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale waxa uu xusay in madaxda sare ee dalka ay dhag jalaq u siin waayeen baaqyadii madaxdii hore iyo siyaasiyiinta ee la xiriiray wax ka beddelka dastuurka, taasi oo uu sheegay inay caqabad ku noqonayso dib u eegista dastuurka oo ay aas-aas u ahayd heshiis bulsho, wadatashi iyo is-qancin.

Hoos ka aqriso qoraalka

Nasiib darro ka weyn ma jirto in hoggaanka dowladdu ay kala dhantaalaan midnimada dadkeenna Soomaaliyeed oo marxaladdan xasaasiga ah u taagnaa difaaca dalkooda iyo gobanimadooda.

Tallaabada maanta ay qaadday Madaxtooyadu waxay fasiraad aan wanaagsanayn ka bixinaysaa qorshaha laga sugayey in ay ku wajahaan damaca ka dhan ah madaxbannaanida iyo midnimada dalkeenna.

Madaxweynaha iyo Guddoonka Baarlamaanku in ay dhagaha ka fureysteen baaqyada Madaxdii Hore, Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Xildhibaannada dalka, hoggaamiyeyaasha bulshada rayidka ah iyo waxgaradka waxay caqabad ku noqonaysaa dib u eegista dastuurka oo ay aas-aas u ahayd heshiis bulsho, wadatashi iyo is-qancin.

Dalkeennu maanta ma xamili karo kala ququb hor leh iyo in koox gaar ah ay ku takrifasho awoodaha dowladda.

Daawo: Odawaa oo meesha ka saaray khatar laga digayay kadib tallaabadii barlamanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa ayaa meesha ka saaray in tallaabada uu maanta qaaday baarlamaanka ay khatar ku tahay dagaalka ka dhanka ah Itoobiya.

Siyaasiyiinta kasoo horjeeda wax ka beddelka dastuurka ayaa horey u soo jeediyay in doodda dastuurka dib loo dhigo, xilli lagu jiro difaaca dalka, halka qaarkood ay ka digeen in ay luminayso midnimada umadda Soomaaliyeed ku wajaheyso xilligaan damaca gurracan ee xukuumadda Abiy.

Odawaa ayaa sheegay in dagaalka Itoobiya iyo difaaca madax-banaanida dalkeenna ay wado xukuumadda, halka wax ka beddelka uu isna wado baarlamaanka, sidaas darteedna aysan aheyn laba shaqo oo is dhaawacaya ama saameyn isku yeelanaya, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxa aan aad u maqlayay madax hore iyo qaar kale oo leh maxaa la iskugu farayaa arrinta Itoobiya iyo arrinta dastuurka. Arrinta Itoobiya waxaa wada xukuumadda, tan dastuurka anaga wadna, baarlamaanka ayaa wada oo baarlamaanka shaqo kama hayo Itoobiya oo askarna ma ahan oo inta xuduuda Seylac la geeyo ma difaacayo,” ayuu yiri Xildhibaan Odawaa.

“Itoobiya in la iska dhiciyo waa gar waa iska dhicineyna waan u taaganahay, awal ayaa iska dhicin jirnay farac iyo asal ayaa u leenahay, marka baarlamaanka maalintii loo baahdo inuu baaq kasoo saaro Itoobiya waa kasoo saari, maalintii loo baahdo in dastuurka uu socodsiiyana waa socodsiin.”

Odawaa ayaa ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay Xildhibaannada kasoo horjeeda wax ka beddelka dastuurka in Golaha ay la yimaadan dood, islamarkaan uu baarlamaanka xoog waxba ka tarin, sida uu hadalka u dhigay.

“Xildhibaannada saaxiibaday ah xoog sidiisaba ma u fiicna nin mucaarad ah waxaa u fiican in uu ra’yigiisa jeedsado. Maanta inay ra’yi jeedsadaan waa diideen iyada oo cidna war u diidin ayay baarlamaankii banadeen. Habraacii waa la ansixiyay dastuurkana waa la dhameystirayaa hadduu Ilaahay yiraahdo.”

Aqriso: Maxaa ku qoran habraaca wax ka beddelka dastuurka ee uu ansixiyay BF?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay habraaca wax ka beddelka Dastuurka KMG ka ah.

Xeerkan oo ay aad u diidanaayeen xubnaha mucaaradka, sidoo kalena xildhibaannada qaar ay maanta isku dayeen inay hor istaagaan iyaga oo buuq ka sameeyay golaha, balse ugu dambeyn waa la ansixiyay, sida uu ku dhawaaqay guddoomiye Aadan Madoobe.

Habraaca la ansixiyay ayaa waxa uu dhigaya in soo jeedinta wax ka beddelka kama dambeysta ee cutubyada dastuurka soo idlaaday ay si kama dambeys ah ku ansixin karaan saddex meelood laba meel (2/3) tirada guud ee Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo saddex meelood laba meel (2/3) tirada guud ee Xildhibaannada Aqalka Sare.

Sidoo kale waxaa habraacan uu meesha ka saaraya in codeynta noqoto qarsoodi, “Qaabka codeynta waxay noqoneysaa gacan taag, qoraal iyo magac u yeeris muddada codeyntu socoto.”

Habraaca uu maanta ansixiyay Baarlamaanka ayaa sidoo kale waxa uu ku qoran in nuqulka dastuurka uu ansixiyay BF loo dirayo meel-marinta Madaxweynaha JFS, kaasi oo dhaqan-gal noqonaya marka lagu soo saaro faafinta rasmiga ah.

“Dastuurka lagu soo saaray faafinta rasmiga ah waxaa goortii ay haboonaato oo daruufuhuna saamaxaan loo bandhigayaa shacbiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si ay si kama dambeys ah ugu ansixiyaan afti dadweyne si waafaqsan Qod. 136(2).”

Ugu dambeyntiina waxaa qodobka 7-aad ee xeerkan lagu yiri “Dastuurka cusub JFS wuxuu si kumeel-gaar ah u dhaqan gelayaa markii lagu soo saaro faafinta rasmiga ah wuxuuna dhaqan joogta ah yeelanayaa markii lagu kordhiyo qodobada kasoo baxa heshiiska wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, shacbiguna si kama dambeys ah ugu ansixiyo afti qaran.”

Hoos ka aqriso