27.3 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

Daawo: Xildhibaanada BF oo ansixiyay habraaca wax ka bedelka dastuurka dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixyay habraaca wax ka bedelka Dastuurka KMG ka ah, kadib kulan xasaasi ah oo ay maanta ku yeesheen Muqdisho.

Kulankan oo aad isha loogu wada hayay ayaa ugu dambeyn lagu meel mariyay xeerkan oo aad ay diidaneyeen xubnaha mucaaradka.

Waxaa ogolaaday habraaca 180 xildhibaan, halka ay diideen 30 mudane, sida uu ku dhawaaqay guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya.

Qaar kamid xildhibaanada ayaa markii hore isku dayay inay hor istaagaan habraaca, kuwaas oo buuq ka sameeyay golaha, balse ugu dambeyn waa la ansixiyay.

Xildhibaan Ilyaas  Sheekh Axmed oo kamid ah xubnaha Baarlamaanka ayaa sheegay in xildhibaanada qaar ay isku dayeen is hortaag, balse laga guuleystay.

“Waxaad ogtihiin saaxibo badan oo isku dayay inay ka hortegaan waan duubnay waa haynaa waa 11 xildhibaan oo isku dayay inay sameeyaan is hortaag, laakiin aqlabiyadda ayaa sida sharciga uu yahay ku guuleysatay in la ansixiyo” ayuu yiri Xildhibaan Ilyaas.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in tallaabadan ay tamay mid muhiim ah oo horay loo sii qaaday, isla markaana horseedeyso in wax laga beddalo Dastuurka dalka.

“Maanta Page cusub ayaa u furmay Ummadda Soomaaliyeed, waana laga wada hadlayaa qodobada Dastuurka” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Arrintan ayaa dhalineysa muran xoogan, maadaama go’aankan lagu dhowaaqay, ayada oo ay diidan yihiin inta badan xubnaha mucaaradka oo ay ku jiraan madaxdii hore ee dalka.

Si kastaba, bishii May ee sanadkii hore ayay markii markii Golaha Wadatashiga Qaranka ku heshiiyeen in laga guuro nidaamka hadda jira, ayada oo meesha laga saarayo xilka Ra’iisul wasaaraha, si ay Soomaaliya markii u horreysay u yeelato madaxweyne iyo ku xigeen.

Sawirro: Markab labaad oo uu soo diray Ruushka oo soo gaaray magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta soo gaaray markab labaad oo ay soo dirtay dowladda Ruushka, kaas oo sida 25 kun tan oo Qamadi ah, isla markaana ay la wareegtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Munaasabad kooban oo ka dhacday oo ka dhacday dekedda weyn ee Muqdisho ayaa waxaa deeqdaan kula wareegay guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka qaranka.

Gargaarkan ayaa waxaa lagu talagaly talagalay dadka soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha iyo daadadkii ElNino, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay hay’adda SoDMA.

“Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta munaasabad kooban oo ka dhacday Dakedda Muqdisho waxa uu dowladda Ruushka kala wareegay markale markab sida shixnad mucaawino ah oo loogu talagalay dadka soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha iyo daadadkii ElNino” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Guddoomiye Maxamuud Macallin oo madasha ka hadlay ayaa ka mahadceliyey gargaarkaan, isaga oo sheegay in adkii mudnaa ay garsiin donaan si lamid ah sidii gargaarkii hore loo gaarsiiyay.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in tani ay astaan u tahay saaxibtinadii soo jireenka ahayd ee ka dhexeysay dalalka Soomaaliya iyo Ruushka.

Waa gargaarkii labaad ee ka yimaada Ruushka ee la keeno Soomaaliya, waxana uu garayaa 25,000 kun tan oo Qamadi ah.

Soomaaliya ayaa waxaa weli ka jira xaalado bani’aadanimo oo ka dhashay colaado sokeeye iyo xaaladda Elnino ee dhowaan ku dhufatay koonfurta iyo bartamaha dalka.

Al-Shabaab oo weerar ku billowday QARAXYO ku qaaday magaalada CAAD

0

Caad (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar xoogan oo qaraxyo ku billowday oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen magaalada Caad ee koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo uu ka dhacay dagaal culus.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa saaka weerar xoogan ku ekeeyay saldhigyo ay magaaladaas ku leeyihiin ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo horay kooxda uga qabsaday halkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in weerarka iyo qaraxyada ay ka dhasheen khasaare xoogan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, balse lama oga inta uu la’egyahay.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa looga hadlay weerarkan, waxaana lagu sheegay in ciidamadu ay ka hortageen weerarkaasi, ayna jabiyeen Al-Shabaab.

“Ciidanka Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ayaa saaka cashar lama iloobaan ah Khawaarijta ugu dhigay magaalada Caad oo ay isku dayeen inay ku soo qaadaan weerar” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay dowladda  Soomaaliya.

Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada ay ka war hayeen weerarkaasi, isla-markaaana ay khasaare culus ku gaarsiiyeen xubnaha soo qaaday.

“Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha oo u diyaarsanaa dhagarta Cadowga ayaa dhabarka ka jabiyay qorshihii Khawaarijta” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa magaalada Caad oo kamid ah deegaanadii ugu dambeeyay ee la xoreeyay.

Gobollada Dhexe ayaa waxaa weli ka socda howlgallo xoreyn ah oo ay ku dhinteen saraakiil sar sare oo ay kamid ahaayeen Cabdi Maxamed Suulnuug iyo Xasan Tuure oo labaduba kamid ahaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan DUCAALE oo 4 su’aal ka keenay kulanka BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya, Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale), ahna xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa qoraal uu xalay soo saaray kaga hadlay kulanka maanta ee labada Gole ee Baarlamaanka.

Ducaale ayaa ugu horeyn si weyn usoo dhaweeyay kulanka maanta ee ku aadan u codeynta habraaca ansixinta wax ka beddalka Dastuurka dalka.

“Xildhibaannada laba Aqal ee Baarlamaanka Federalka ayaa Berri kulan yeelanaya, iyadoo Ajendaha uu yahay: “Akhrinta 3aad iyo U codeynta Habraaca Ansixinta Wax- Ka Bedelka Dastuurka”.” ayuu yiri qoraal uu soo saaray Xildhibaan Maxamed Abuukar Ducaale.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu la yaabay siyaasiyiinta iyo xildhibaanada diidan kulanka maanta, isaga oo soo bandhigay 4 su’aallood oo ay tahay in la’is weydiiyo:-

“Ma fahmin waxa keenay inay, siyaasiyiin iyo xildhibaanada qaarkood halis u arkaan kulankan, tashwiishna ku furaan, haddaba aan is-weydiinee:-

1- Ma waxay diidan yihiin in labada Aqal Baarlamaanku ay awood u leeyihiin go’aan ka gaarista Ajendaha Berri? WAA MAYA..

2- Marka Dastuur laga hadlayo kaliya miyaa loo baahan yahay inay labada Gole yeeshaan xeer wada shaqeyn..? WAA MAYA..

3- Ma waxay diidan yihiin in Dastuurku KMG iska ahaado, una Dabranaado kooxo raba inaysan caasimadda Muqdisho Maqaam gaara yeelan…? WAA DHICI KARTAA

4- Yaa difaaca dalka u taagan ma Dadka xaflad iyo Dalxiis u socda, mise xildhibaanka waajibaadkiisa gudanaya.?

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in lagu kalsoonaado Baarlamaanka, si uu u guto waajibaadka ka saaran habraaca wax ka beddalka Dastuurka KMG ka ah ee dalka.

“Walaalayaal, xildhibaannada ku kalsoonaada oo waajibaadkoodu ka mid yahay habraac sameyn iyo wax ka bedelid dastuur, una hoggaansama xeer hoosaadka iyo dastuurka” ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay wasiirkii hore ee amniga gudaha Soomaaliya.

KHAYRE oo digniin culus kasoo saaray qorshe ay Villa SOMALIA damacsan tahay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka digay qorshaha ay haatan waddo Villa Soomaaliya ee ku aadan wax ka beddalka Dastuurka KMG ka ah ee dalkeenna Soomaaliya.

Khayre ayaa sheegay in halis weyn ay ku geedaman tahay damaca madaxtooyada, isaga oo sheegay in arrintan ay keeni karto xasilooni darro iyo hubanti la’aan siyaasadeed.

“Waxaan ka digayaa halista ku geedaaman isku-dayga ay Madaxtooyadu ku doonayso in ay ku beddesho Dastuurka Dalka iyadoo aan loo marin habraaca uu qeexayo Cutubka 15aad ee Dastuurka. Waa tallaabo khatar ku ah xasilloonida Dalka iyo wadajirka ummadda, Soomaaliyana u horseedi karta khilaaf hor leh iyo hubanti la’aan siyaasadeed” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in xilligan aan la joojin xilli lagu mashquulo siyaasad, loona baahan yahay in loo midoobo difaaca dalka, si looga hortago duulaanka Itoobiya.

Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza ka dalbaday inay ka fogaadaan wax kasta oo keeni karo khilaaf horleh.

“Dadka Soomaaliyeed waxay maanta meel uga soo wada jeedaan damaca iyo duullaanka ay Itoobiya ku doonayso baddeenna, mana jiro xilli aan maanta uga baahi badannahay midnimo iyo isku-duubni. Waxaan Madaxda Dalka ugu baaqayaa in ay ka fogaadaan wax kasta oo kala dhantaali kara wadajirka iyo dareen-wadareedka Ummadda” ayuu raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu farriin culus u diray xildhibaannada labada gole, isaga oo ugu baaqay inay inay ilaaliyaan amaanada iyo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday, wuxuuna si gaar ah uga dalbaday in aysan halis gelin mustaqlka dalka iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed”

Waxaan xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka ugu baaqayaa in ay ilaaliyaan ammaanada iyo masuuliyadda culus ee ay u hayaan Dalkeenna iyo dadkeenna, oo aysan lumin kalsoonida shacabka Soomaaliyeed, kana fogaadaan tallaabo kasta oo halis gelin karta mustaqbalka Dalka iyo geeddi-socodka dowladnimada Soomaaliya” ayuu ku daray.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maanta la filayo in xildhibaannadu ay meel-mariyaan wax ka beddalka Dastuurka oo ay horay uga digeen Farmaajo, Shariif iyo madax kale.

Xasan oo lumiyay aqlabiyadii BF iyo xukuumadda R/W Xamza oo halis ku jirta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanadii ugu badnaa ayaa shirar xasaasi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, kuwaas oo soo saaray war-saxaafadeed ay kaga soo horjeedaan qorshaha xukuumadda oo dooneysa in maanta wax laga bedelo qodobo ka mid ah dastuurka dalka.

Dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee xildhibaanadu ay shalay illaa xalay sameeyeen ayaa muujinaya in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xukuumadiisa ay lumiyeen saaxiibtinimadii baarlamaanka, taas oo khatar gelin karta xukuumadda, maadaama aysan baarlamaanka ka heysan cod ay isku difaacdo.

Guddoonka labada aqal ee BFS ayaa la aaminsan yahay inuu la dhacsan yahay qorshaha madaxtooyada ee wax looga bedelayo dastuurka, waxaana xildhibaanada labada aqal lagu war-geliyey in berri ay isugu yimaadaan kulan wadajir ah, si loo ansixiyo wax ka bedelka dastuurka.

Xildhibaanada Muqdisho ku shiray oo aad u badan ayaa caddeeyey mowqifkooda qorshaha xukuumadda ee wax ka bedelka dastuurka, iyagoo ku dooday saddex qodob oo kala ah:

1- In xukuumaddu ay ka faa’iideysaneyso xildhibaanada mucaaradka ah kuwoodii ugu badnaa oo ka maqan Muqdisho, kuwaas oo kala jira Garoowe iyo dalka dibadiisa.

2- Inay dood ka qabaan kulamada labada gole ee sida wadajirka ah loo qabto, maadaama uusan jirin xeer hoosaad mideynaya, kuwaas oo u baahan in sida ay u dhacayaan laga soo saaro xeerar sharciga waafaqsan.

3- Iyo in qodobada qaar ee ku jira daatuurka ee wax laga bedelayo ay dood culus ka taagan tahay, kuwaas oo xukuumaddu dooneyso inay ka ansixiso baarlamaanka.

Ugu yaraan 70 xildhibaan oo qaarkood muxaafid ahaa, kuwo mucaarad ah iyo xildhibaano dhexdhexaad ahaa ayaa ka soo muuqday kulamadii shalay, halka kuwo kale ay saaka ku soo wajahan yihiin Muqdisho, si ay kaga qeyb galaan kulanka wadajirka ah ee baarlamaanku ku ansixinayo qorshaha wax ka bedelka dastuurka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay ula kulmay siyaasiyiinta mucaaradka ah, kuwaas oo talooyin badan ku biiriyey qorshihiisa wax ka bedelka dastuurka, balse waxay u muuqataa in xukuumadda Xasan Sheekh ay isku miidaamineyso go’aankeeda, iyadoo aan ku tashaneyn codad badan, ayna muuqato in mucaaradku ka dhaqdhaqaaq badan yahay.

Madaxda dowladda federaalka, sida madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo guddoonka baarlamaanka ayaa lagu dhaliilayaa qorshahaan ay gadaal ka riixayaan ee wax ka bedelka dastuurka, xilli uu dalku ku jiro mar xalad xasaasi ah oo khilaaf qarka i saaran gacan ka hadal uu ka dhex qarxay Soomaaliya iyo Itoobiya.

Maxaa ka jira in nin Soomaali ah lagu qabtay Ukraine isaga oo u dagaalamaya Ruushka?

Kyiv (Caasimada Online) – Maalmihii lasoo dhaafay waxa si weyn baraha bulshada aad looga hadal hayay nin sheegay in uu Soomaali yahay oo lagu qabtay dagaalka ka socda dalka Ukraine.

Ninkaan oo markii hore ay soo bandhigtay Warbaahinta Ukraine ayaa la sheegay in uu qeyb ka ahaa koox calooshood u shaqeysatayaal ah oo ka barbar dagaalamayay ciidanka Ruushka .

Raggaan oo gaarayay ilaa afar nin ayaa la sheegay in laga qabtay magaalada Marinka ee gobolka Donetsk waxaan ka mid ah nin magaciisa ku sheegay Maxamed Adiila.

Maalmo kadib markii ninkaan la soo bandhigay ayaa muqaal laga duubay waxaa uu ka hadlay halka uu ka yimid iyo sida loo qabtay, isagoo ku hadlayey luqadda Ingiriiska.

Waxaa uu sheegay in ka soo tagay Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, uu soo maray dalka Itoobiya ka dibna uu kaga soo gudbay Dalka Ruushka oo uu ku yimid dal ku gal dalxiis ah .

Waxaa uu tilmaamay in markii uu ruushka uu yimid in loo ballan qaaday dhaqaale lacageed hadii uu ka mid noqdo ciidanka Ruushka.

Muqaalka ninkaan laga duubay ayaa hadal hayn weyn ka abuuray baraha bulshada, ayada oo qaar badan oo ah dadka isticmaala ay ku doodeen in ninkan uusan Soomaali ahayn.

Sargaal sare oo ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibada Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay in ninka uusan Soomaali ahayn.

Waxaa uu sheegay sarkaalka oo codsaday in magaciisa aan la sheegin in xiriir ay la sameeyeen wasaaradda arrimaha dibada Ukraine iyo safaaradda Soomaaliya ee Ruushka, ilaa iyo haddana aysan hayn cadeeyn ah in ninka uu yahay Soomaali.

“Marka aan fiirino lahjada af ingiriiska uu ku hadlayo ninkaan, boqolkiiba boqol ma aha Soomaali,” ayuu yiri sargaalka ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, wuxuuse intaa ku daray in ay doonayaan inay si fiican u hubiyaan haynta ninkaas.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa, ayada oo hore Ruushka loogu eedeeyay inuu si qasab ah ku askareeyay dadka muhaajiriinta ee doonaya in ay gaaraan dalalka Yurub.

Waxaan aragnay kiisas dhowr ah oo ku saabsan dad ajaaniib oo la geeyay xero milatari oo ciidanka Ruushka ay leeyihiin oo ku taal xadka Ukraine, maalmo kadib markii lagu soo eedeeyay inay jabiyeen sharciga socdaalka.

Dhaqanka ah in dadka ku jira xarumaha dadka lagu hayo ka hor inta aan la masaafurin dalkooda lagu qasbo in ay saxiixdaan heshiis dhigaya in qeyb ay ka noqdaan shaqada ciidamada iyo dagaalka dalka Ukraine ayaan ahayn mid cusub, balse tirada ayaa sii kordhay kadib markii muhaajiriin ajaanib ah ay soo gaareen xadka Ruushka uu la wadaago Finland .

Qaar ka mid ah dadka muhaajiriinta ah ayaa la xiray ka dibna maxkamad la soo taagay, dadka la hor keenay maxkamadda Karelia waxaa ka mid ah nin Soomaali ah oo 40-jir ah, kaas oo la xiray bartamihii bishii November ee sanadkii hore waxaana lagu xukumay ganaax dhan 2,000 Rubles oo u dhigma (£17; €20) iyo in dalka laga musaafuriyo.

Waxaan sidoo kale ogaanay in ilaa toban maxbuus la geeyay xaruntii hore ee masaafurinta ee Petrozavodsk, ee caasimadda Karelia, ayada oo markii halkaasi la geyay ay u yimaadeen wakiilo ka socda militariga oo u soo bandhigay in ay ka mid noqdaan ciidanka Ruushka. Waxaa loo ballan qaaday mushaar wanaagsan, daryeel caafimaad iyo ogolaansho ay ku joogaan Ruushka marka ay dhameystaan qandaraas ciidan oo hal sano ah.

Dadka shaqada loo soo bandhigaya waxaa ka mid ah dhalinayro Soomaaliyeed oo donayey in ay gaaran dalalka kale ee Yurub.

“Nalama siin dukumeentiyadii qandaraaska, xitaa si sax ah nalooma tusin, waxaan weydiinay [shaqooyinka maxay noqon doonaan] laakiin waxay noo sheegeen inay fududahay oo ay wanaagsan tahay,” ayuu yiri mid ka mid ah dhaliyarada Soomaaliyeed.

Waxaan la xiriirnay wasaaradda arrimaha gudaha ee Ruushka si aan wax uga waydiino eedeymaha sheegaya in maxaabiista ajnabiga ah la siiyo qandaraasyo ciidan si loo sii daayo.

Isha: BBC

Xog cusub oo ku saabsan kulanka maanta BF Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) -Xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeelanaya xarunta Villa Hargeysa, sida lagu sheegay farriin ogeysiis ah oo goor hore loo wada diray xildhibaannada labada aqal ee Soomaaliya.

Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa go’aan looga gaari doonaa habraaca wax ka beddalka Dastuurka, sida lagu sheegay qoraalka loo diray xildhibaanada Soomaaliyeed.

Ajendaha kulanka ayaa ah akhrinta 3-aad iyo u codeynta habraaca ansixinta wax ka beddalka Dastuurka, oo haatan dood xoogan ay ka taagan tahay.

“Xildhibaanada sharafta leh berri oo Arbaco ah, taariikhduna tahay 24.01.2024, waxaa jira kulan labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Ajendaha akhrinta 3aad iyo u codeynta habraaca ansixinta wax ka beddalka Dastuurka” ayaa lagu yiri farriinta loo diray xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xoghayaha Guddiga dib-u-eegista iyo La-socodka Hirgelinta Dastuurka Saciid Cowke oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa xog cusub ka bixiyay kulanka maanta oo ay ku kala qayb-sameen inta badan xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka dalka.

Saciid Cowke ayaa sheegay in kulankan la siyaasadeeyay, isla markaana uusan ka saabsaneyn wax ka beddalka Dastuurka, taas oo uu tilmaamay inay dhiman tahay, balse uu yahay waxa kulanka wadajirka ah ay xildhibaanadu ku ansixinayaan habraac ama xeer ku aadan sida loo wajahayo wax ka beddalka Dastuurka dalka.

“Waxaa jirta marin habaabin badan oo dadka qaar ay aamineen in waxa maanta Baarlamaanka la horkeenayo uu yahay Dastuurka, basle ma ah waxa Baarlamaanka uu ka doodayo wax ka beddalka Dastuurka, waa harsan tahay, waana howl u taallo Baarlamaanka, laakiin waxa la horgeynayaa waa habraac” ayuu yiri Xoghayuhu.

Sidoo kale wuxuu sharraxaad ka bixiyay meelaha uu taabanayo habraacan iyo muhiimadda uu leeyahay, maadaama shaki weyn laga muujiyay.

“Habraaca waa xeer hoosaad, wuxuu salka ku hayaa cutubka 15-aad ee Dastuurka KMG ka ah, waxaana lagu hagayaa hannaanka Dastuurka looga doodayo, qaabka mooshinada loo keenayo, codeymaha arrimo noocaas ayuu taabanayaa” ayuu mar kale yiri Saciid Cowke.

Dhinaca kale waxaa wax laga weydiiyay in ay jirto in Baarlamaanka uu go’aan ka gaarayo nidaamka cusub ee loo guurayo madaxweyne iyo ku xigeen, taas oo uu meesha ka saaray.

“Horta madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen alifkiisu wuxuu ka yimid Madasha Watashiga Qaran, waana heshiis jira, laakiin waxay ku xiran tahay Dastuurka iyo marka la gaaro shaqadiisa” ayuu sii raaciyay Xoghayaha Guddiga dib-u-eegista iyo La-socodka Hirgelinta Dastuurka.

Si kastaba, kulanka maanta oo isha lagu wada hayo ayaa waxaa ku kala qaybsamay xildhibaanada, taas oo keentay walaac xoogan oo ku aadan kulanka maanta.

Daawo: Hay’adda Jamaal Foundation oo tababar ku soo xirtay dalka Netherlands

Amsterdam (Caasimada Online) – Aqoon is-weydaarsi ku saabsan ka hortaga gudniinka gabdhaha ayaa lagu soo gabagabeeyay shalay (23-01-2024) magaalada Ermelo ee waddanka Netherland. 

Aqoon is-weydaarsigan oo ay ka soo qeybgaleen dad u dhashay waddamada Soomaaliya, Itoobiya, Eretereya, Ciraaq, Afghanistan, Siraliyoon, Siiriya iyo wadamo kale, ayaa soconayay 3 toddobaad, waxaana la isku weydaarsaday saameynta caafimaad iyo tan maskaxeed ee soo gaara gabdhaha la gudo xilliyada dhalmada iyo foosha. 

Zahra Siyaad Naaleeye oo ah madaxa arrimaha bulshada u qaabilsan dalladda FSAN, oo soo xirtay tababarkan ayaa sheegtay in loo baahan yahay dedaalo caalami ah oo lagu hakinayo caadadda gudniinka gabdhaha. 

“Dalkan (Netherland) waxaa ka mamnuuc ah in nuuc kasta oo gudniin ah lagu sameeyo gabdhaha, waalidiinta isku daya in ay gabdhooda dibedda ku soo gudaan waxeey mudanayaan xabsi dheer iyo ganaax lacageed,” ayeey tiri Zahra Naaleeye, oo muddo dheer la soo shaqeyneysay hay’adda isugu jira kuwa caalami ah iyo kuwa heer Dowladeed ah.

Zahra waxeey kaloo sheegtay in gudniinka gabdhaha uu dhibaato wayn ku hayo haweenka Soomaaliyeed loona baahan yahay in la dabar gooyo, iyada oo ka codsatay waxgaradka iyo culumaa’udiinka in ay bulshada ka wacyigeliyaan dhibaatooyinka caafimaad ee ka dhasha gudniinka; Sidoo kale Zarha waxeey ka codsatay Dowladda Soomaaliya in la dedejiyo sharciyada ka dhanka ah gudniinka gabadhaha ee yaala Baarlamaanka. 

Osman Abukar oo ka mid ah khabiirada loo tababaray ka-wacyigelinta bulshada ee gudniinka, ayaa dhinaciisa sheegay in gudniinka gabdhuhu aanu wax shaqo ah ku laheyn dhinaca diinta, ee uu yahay caado u baahan in la suuliyo. 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA VIDEO-GA TABABARKII 4-AAD


Xasan Sheekh oo caddeeyay go’aankiisa haddii ay dagaal isku rogto xiisadda badda

0

Dooxa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan dalka Qatar ayaa mar kale ka hadlay arrimo ku aadan xiisadda u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska badda.

Xasan Sheekh oo wareysi gaar ah siiyay Al-Carabiya iyo Al-xadath ayaa sheegay in dowladdiisa aysan hadda qorshaha ugu jirin dagaal ay la gasho Itoobiya, balse waxa uu hoosta ka xariiqay haddii ay wax isbeddalayaan inay ka fal-celineyso, si jawaab loo bixiyo.

“Ma lihin wax qorshe ah ama ujeeddo ah inaan dagaal la galno Itoobiya waqtigan xaadirka ah, laakiin haddii ay wax isbedelaan, waa inaan ka falcelinaa markaas,” ayuu yiri Xasan.

Sidoo kale wuxuu intaas kusii daray in heshiiskii is-afgaradka ee ay Itoobiya la saxiixatay Somaliland uu yahay mid xadgudub ku ah shuruucda iyo nidaamka caalamiga ah.

Madaxweynaha Soomaaliya oo sidoo kale wax laga weydiiyay booqashadiisii dalka Masar ayaa waxa uu sheegay in aaney isaga iyo Al-Sisi ka wada-hadlin waxa ku saabsan arrimo milatari ama in ciidamo Masaari ah xilligan la joogo la keeno gudaha dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo dowladdiisa ay xooga saartay sanadkii lasoo dhaafay, wuxuuna hoosta ka xariiqay heshiiska badda uu fursad siinayo kooxda, si ay dagaalkeeda usii laba jibaarto iyada oo ka faa’iideysaneyo dhalinyarada Soomaaliyeed.

“Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa ka faa’iideysanaya is-afgaradkii Itoobiya iyo Muuse Biixi, si ay ugusoo jiitaan dhallinyarada uguna biiraan xagjiriinta, iyagoo marmarsiiyo ka dhigaya in gaalo kusoo duushay dhulka” ayaa mar kale wareysiga ku yiri madaxweyne Xasan.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli Itoobiya ay ku adkeysaneyso go’aankeeda iyo heshiiska badda ee ay kowdii bishaan la gashay maamulka Somaliland.

Mareykanka war kasoo saaray duqeyn uu ka fuliyey Somalia

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Milatariga Maraykanka ayaa sheegay inay qaadeen duqayn hor leh oo ka dhan ah ururka al-Shabaab toddobaadkan, taasi oo ka dhacday meel waqooyi bari kaga aaddan magaalada Kismaayo.

War-saxaafadeed kasoo baxay milatariga Maraykanka ayaa lagu sheegay in duqayntan ay dhacday kadib markii codsi laga helay dawladda federaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeedka kasoo baxay Taliska Afrika ee Maraykanka ee loo yaqaan AFRICOM ayaa sidoo kale lagu sheegay in duqayntaasi ay ahayd mid “is-difaacis wadajir ah” oo dhacday laba jeer bishan Janaayo 21-keedii. Duqayntan ayaa Maraykanku sheegay inay ka dhacday meel 35km dhinaca Waqooyi-Bari ka xigta Kismaayo.

Maraykanku waxa uu sheegay in duqayntan ay ka dhacday meel fog. Waxa kaloo lagu sheegay inaan dad rayid ah aysan ku dhiman kuna dhaawacmin duqayntan.

Maraykanka ayaa al-Shabaab ku tilmaamay shabakadaha al-Qaacida tan ugu weyn dunida, ayna awood u leeyihiin inay weeraraan ciidamada Maraykanka, halisna ku yihiin amniga qaranka Maraykanka, iyo waddamada ay iskaashiga leeyihiin.

Bishii hore 17-keedii ayaa dawladda Soomaaliya ay sheegtay in duqayn Maraykanku fuliyeen lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan ururka al-Shabaab.

War-saxaafadeed xilligaas kasoo baxay dawladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay in duqayntaas lagu dilay Macalim Ayman oo ay sheegtay inuu abaabulay weerarro ka dhacay Soomaaliya iyo Kenya.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay war saxaafadeedkaas in hawlgalka qorshaysan ee lagu dilay Ayman ay iska kaashadeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Maraykanka.

Hawlgalka Maraykanka ee Africa ee AFRICOM ayaa xaqiijiyey in duqayntii dhacday 17-kii December lagu dilay xubin ka tirsan al-Shabaab, hase yeeshee AFRICOM ma aysan xaqiijin weli magaca qofka la dilay.

Daawo: Xildhibaano ka hor-yimid kulanka BF ee berri oo soo saaray bayaan culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan wadatashi ah ku yeeshay Muqdisho ayaa ka horyimid kulanka labada Aqal ee berri la iclaamiyay, kaas oo go’aan looga gaarayo wax ka beddalka Dastuurka KMG ka ah.

“Xildhibaanada sharafta leh berri oo Arbaco ah, taariikhduna tahay 24.01.2024, waxaa jira kulan labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Ajendaha akhrinta 3aad iyo u codeynta habraaca ansixinta wax ka beddalka Dastuurka” ayaa lagu yiri farriinta loo diray xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada maanta ku shiray Muqdisho ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay inay kasoo horjeedaan kulankaas oo ay sheegeen in wax looga beddalayo Dastuurka.

“Kulanka labada Aqa lee berri dhacaya ee sida qarda jeexa iyo gacan maroojiska ah loogu ansixinayo qodobo xasaasi ah oo Dastuurka kamid ah waa mid sharci darro ah oo dhaawaceysa sarreynta sharciga iyo midnimada, wadajirkaa dalka iyo dadka” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Irbaahim Macallimu oo akhriyay bayaanka ay soo saareen.

“Waxay xildhibaannada kulanka wada tashiga ah isugu yimid ay hoosta ka xariiqeen in dib u eegsita Dastuurka iyo wax ka beddalkiisa ay tahay waajib Dastuuri ah oo uu xil ka saaran yahay labada Aqa lee Baarlamaanka Soomaaliya” ayaa lagu yir bayaanka xildhibaanada.

Sidoo kale waxa ay sharci darro ku tilmaameen kulanka berri la’isug yeeray xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, sida ay ku doodeen xildhibaanadu.

“Haddaba illaa inta laga helayo xeer hoosaad ay labada Aqal ku wada shaqeeyaan kulan kasta oo wadajir ah oo ay labada Gole yeelanayaan kulankaas oo looga hadlayo wax ka beddalka Dastuurka waa mid sharci darro ah oo khilaafsan Dastuurka dalka” ayaa la raaciyay.

Ugu dambeyn waxa ay ka digeen in lagu dhaqaaqyo tallaabadan, iyaga oo sheegay in mas’uuliyadda uu qaadayaan guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

“Waxay xildhibaanadu ka digayaan mas’uuliyadda wixii berri ka dhaca labada Gole in ay qaadayaan guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha” ayaa lagu soo gabagabeeyay.

Faah-faahinta qarax ka dhacay Boosaaso + Khasaaraha

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax khasaare kala duwan gaystay oo maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay buush ku yaalla halka lagu magacaabo Tuurta, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in goobta la qarxiyay ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Puntland iyo dad shacab ah oo qaarkood ay waxyeelo kasoo gaartay miinada lala eegtay.

Goobta uu qaraxy ka dhacay ayaa aad ugu dhow xarunta madaxtooyada Puntland ee magaalada Boosaaso, sida ay Caasimada Online u sheegeen  dad goobjoogayaal ah.

Dhaawacyada ayaa si deg-deg ah loola cararay isbitaalka guud oo hadda laga soo warinayay inuu yahay mashquul xoogan

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad kacsan, ayada oo meesha ay wax ka dhaceen ay isku geedaameen ciidamada ammaanka ee maamul goboleedka Puntland.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo mas’uuliyiinta degmada oo ku aadan qaraxaasi khasaaraha dhaliyay.

Boosaaso ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay ka dhacayay weeraro u badan kuwa qaraxyada oo qaarkood lala beegsaday xarumaha ganacsiga ee magaaladaasi.

Xog: Baarlamanka oo beri go’aan ka gaaraya wax ka beddelka Dastuurka dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) -Xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay maalinta berri ah kulan wadajir ah ku yeeshaan xarunta Villa Hargeysa, sida lagu sheegey farriin ogeysiis oo loo wada diray xildhibaannada labada aqal.

Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa go’aan looga gaari doonaa wax ka beddalka Dastuurka, sida lagu sheegay qoraalka loo diray xildhibaanada Soomaaliyeed.

Ajendaha kulanka ayaa ah akhrinta 3-aad iyo u codeynta habraaca ansixinta wax ka beddalka Dastuurka, oo haatan dood xoogan ay ka taagan tahay.

“Xildhibaanada sharafta leh berri oo Arbaco ah, taariikhduna tahay 24.01.2024, waxaa jira kulan labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Ajendaha akhrinta 3aad iyo u codeynta habraaca ansixinta wax ka beddalka Dastuurka” ayaa lagu yiri farriinta loo diray xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa farriinta loo diray xildhibaanada looga codsaday inay waqtiga ilaaliyaan, maadaama kulankan uu yahay mid muhiim ah oo go’aan looga gaarayo Dastuurka.

“Goobta: Villa Hargeysa, waqtiga 9:00 subaxnimo waxaa laga codsanayaa xildhibaanada sharafta leh inay ilaaliyaan waqtiga, Mahadsanidiin” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo madaxdii hore ee dalka iyo kuwa mucaaradkaba ay kasoo horjeesteen in xilligan loo dhaqaaqo wax ka beddal Dastuurka KMG ka ah.

“Waxaan ka digayaa halista ku geedaaman isku-dayga ay Madaxtooyadu ku doonayso in ay ku beddesho Dastuurka Dalka iyadoo aan loo marin habraaca uu qeexayo Cutubka 15aad ee Dastuurka. Waa tallaabo khatar ku ah xasilloonida Dalka iyo wadajirka ummadda, Soomaaliyana u horseedi karta khilaaf hor leh iyo hubanti la’aan siyaasadeed” ayaa ku yiri warsaxaafadeed uu maanta soo saaray ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Khayre.

Farmaajo ayaa isna muujiyay walaac xoogan, wuxuuna arrintan ka yiri “Waxaan ka walaacsannahay qorshaha Madaxtooyada ee lagu laalayo dastuurka iyo hannaanka maamul ee dalka, kaas oo ay ka dhalanayso qalalaase siyaasadeed oo wiiqaya hannaanka ku saleysan Federaalka iyo wadatashiga ee heshiiska lagu yahay”.

Sheekh Shariif ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Waxaa habboon in arrimaha wax ka beddelka Dastuurka loo raaco hab raaca uu tilmaamayo Dastuurka kumeel gaarka ah, waqtina la siiyo wadatashiga iyo ra’yi aruurinta arrimaha wax ka beddelka Dastuurka, si looga fogaado khilaaf cusub iyo kala aragti fogaansho uusan dalku marxaladdaan qaadi karin.

 

 

 

Daawo: Dad isku qoys ah oo lagu laayay GALGADUUD

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo xanuun badan oo maanta ka dhacday qaybo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, taas oo lagu laayay dad isku qoys ahaa.

Falkan argagaxa leh ayaa si gaar ah uga dhacay deegaan hoostaga magaalada Xeraale ee gobolka Galgaduud, halkaas oo lagu dilay Aabe iyo Wiilkiisa, sidoo kalena lagu dhaawacay hooyadii qoyska, kadib markii ay weerar gaadmo ah ku qaadeen maleeshiyaad hubeysan.

Marxuumiinta ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Faarax Siyaad iyo wiilkiisa Bashiir Faarax Siyaad, sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaaanka.

Mid kamid ah waxgaradka deegaanka oo la hadlay Shabelle TV ayaa ka warbixiyay dhacdadaasi, isaga oo uu tilmaamay inay aad uga naxeen dadkaas la laayay.

“Waxaan ka warbixineynaa dhacdo dhacday oo fool xun oo ka dhacday deegaanka Xeraale qayb kamid ah dhacdadaas oo lagu laayay dad rag iyo dumarba leh reer dhan oo aan waxba loo reeban reerkaas oo Aabihii la dilay oo wiilkiisa la dilay oo hooyadii la dhaawacay oo aan waxba looga tegin” ayuu yiri mid kamid ah waxgaradka ku dhaqan deegaankaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dhibaatadan ay gaysteen maleeshiyaad kasoo jeeda dhanka degmada Caabudwaaq, ayna ka baxsadeen goobta, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa weeye dadkaas dadka dilay deegaankooda waa Caabudwaaq, dadku waa dhintaa laakiin sida uu u dhintay ama aan la kala reebin rag iyo dumar waa dhacdo aad u fool xun xittaa xoolihii ayaa qaar la dilay, qaarna la dhaawacay” ayuu mar kale yiri.

Oday kale oo kamid ah bulshada deegaanka ayaa isna farriin u diray dowladda Soomaaliya iyo Galmudug, wuxuuna ka codsaday inay soo qabtay dambiileyaasha falkaas gaystay.

“Waxaan codsi u dhahay dowladda Soomaaliya iyo Galmudug in arrintaan ay wax ka qabtaan, gaar ahaan dadka dariska ah oo isku soo dheelmano” ayuu yiri oday kale.

Sawirro: Xasan Sheekh iyo Amiirka Qatar oo tababar usoo xiray saraakiil cusub

0

Dooxa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan dalka Qatar ayaa isaga iyo Amiirka dalkaasi Amiir Tamiim Binu Xamad waxay si wadajir ah tababar ugu soo xireen saraakiil ka tirsan ciidanada cirka ee dalalka Soomaaliya, Qatar iyo Urdun.

Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa iskala qayb-galay munaasabad ay ku qalanjabinayeen saraakiil ka tirsan ciidamada cirka ee dalalka Soomaaliya, Qatar iyo Urdun, taas oo ka dhacday magaalada Dooxa, waxaana goobjooga wasiiro ka tirsan labada dowladood.

Waxaa xusid mudan in ciidanka saddexda dal oo qaatay tababar dhanka Taakuleynta Ciidanka Cirka ah uu kaalinta koowaad u galay Cabdullaahi Xuseen Xasan oo ka mid ah Halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Intaas kadib Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Amiirka Qatar Amiir Tamiim Binu Xamad oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo xaaladda gobolka.

Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay Amiirka sida ay u garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo xilligan la daala dhacaya dhibaatooyin kala duwan.

Waxaa kale oo uu dul istaagay iskaashiga iyo xiriirka taabbo-galka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar, isaga  uga mahadceliyey Amiir Tamiim Binu Xamad iyo Xukumadda dalkaas go’aanka walaalnimada ah ee ay ku garab istaageen midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo safka hore kaga jira dalalka walaalaha ah ee mowqifka cad ka qaatay faro-gelinta Itoobiya ay ku sameysay gobanimada Soomaaliya.

Dhankiisa Amiir Tamiim Binu Xamad ayaa la wadaagay madaxweynaha  taageerada iyo garab istaagga ay u hayaan dowladnimada, midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Sidoo kale tilmaamay khatarta ay leedahay in Geeska Afrika iyo Badda Cas laga abuuro degenaansho la’aan saameysa xasilloonida dalalka iyo wada noolaanshaha shucuubta Gobolka.

Qatar ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee sida u dhow ula shaqeeya dowladda federaalka, waxayna taageero mashaariicyo kala duwan ka fulisaa gudaha dalka.

FAHAD YAASIIN oo ugu dambeyn maanta kusoo biiray baraha bulshada + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranke ee (NISA), iyo agaasimihii madaxtooyada, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa maanta sameystay ciwaan cusub oo baraha bulshada ah.

Fahad Yaasiin oo qoraal kooban soo saaray ayaa ku sheegay inuu ciwaan gaar ah ku yeeshay barta X Twitter, kaasi oo gacanka aqoonsigiisu yahay @FahadBinYasin  

Qoraalkiisa wuxuu ku sheegay in hadda kadib uu fariimihiisa iyo aragtidiisa siyaasadeed uu Ummadda Soomaaliyeed kula wadaagi doono bartiisa cusub X Twitter.

Sababta waxa uu ku sheegay in dalka uu ku jiro xaalad adag oo aan laga aamusi karin, taas oo ku aadan madax banaanida dalka oo uu tilmaamay in lagu soo xadgudbay.

Sidoo kale wuxuu kusii daray in saaxibo badan ay kula taliyeen inuu furto ciwaankan, si uu uga soo muuqdo fagaarayaasha siyaasadda.

“Keddib markii aan arkay xaaladda dalku marayo oo ah mid aan laga aamusi karin oo madaxbannaanideena lagu soo xadgudbay, saaxiibo kala duwanna ay igula taliyeen inaan sameysto bar aan fariimaha kusoo gudbiyo, waxaan guddoonsaday inaan yeesho cinwaankan oo noqonayo kan rasmiga ah ii imatala,” ayuu ku yiri warsaxaafadeedka.

Dhanka kale waxa uu tilmaamay inay jiraan dad kale oo isugu jiro Soomaali iyo ajaaniib oo magaciisa ku sameystay ciwaano fara badan, uuna ka digayo arrintaasi.

“Cinwaan kasta oo kale oo magacayga xanbaarsan, waa mid ay si iskood ah u furteen xariifiin gacmo shisheeye ama masaakiin maciin biday iney beenta ka macaashaan,” ayuu mar kale yiri Fahad Yaasiin.

Ninkan oo caan ku ahaa inuu is qariyo, islamarkaana kasoo muuqan warbaahinta, baraha bulshada iyo shirarka ayaa u muuqdo inuu haatan kasoo baxay daaha gaashadiisa, si uu uga soo muuqdo fagaraayaasha siyaadda.

Tallaabada uu maanta qaaday ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah Soomaaliyna ay ka taagan tahay xiisadda Badda ee Itoobiya iyo dood kale oo ka dhalatay qorshaha Villa Soomaaliya ee wax ka beddalka Dastuurka.

Xiisad xoogan oo u dhaxeysa ciidanka DF iyo shacabka hubeysan oo ka taagan…

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in degmada Camaara ay ka taagan xiisad xooggan oo u dhaxeysa ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee halkaasi ku sugan.

Xiisaddan ayaa la sheegay inay salka ku hayso dhac loo geystay dadka xoolo dhaqatada ah ee degmadaasi, taasi oo ay si weyn uga caroodeen shacabka hubeysan ee qeybta ka ahaa dagaalka Al-Shabaab, sida ay dadka deegaanka u sheegeen warbaahinta.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in xiisaddan ay dhalisay gacan hadal kooban oo labada dhinac maalintii shalay ku dhex-maray halkaasi, wallow ay maanta xaalka degan yahay haddana weli wey taagan tahay xiisadda.

Illaa hadda inta la xaqiijiyay waxaa iska hor imaadka ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ku geeriyooday illaa Afar ruux, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen saddex kale.

Dagaalkii halkaas ka dhacay oo la isku adeegsaday hub kala duwan ayaa sidoo kale saameeyey isku socodka dadka iyo ganacsiga ee degmadaasi iyo kuwa ku xeeran.

Ciidamadaan ay xiisadda u dhaxeyso ee ku dagaalamay Camaara ayaa horey iskaga kaashaday dagaalkii kooxda Al-Shabaab looga saaray degmada, waxaana haatan socda dadaalo lagu qaboojinayo xiisadda, islamarkaana la iskugu soo dhaweynayo labada dhinac.

Si kastaba, arrintaan ayaa imaneysa xilli ay hoos u dhaceen howl-gallada ka dhanka ah dagaalka Al-Shabaab, oo markii hore ku socday dardar xooggan, ayada oo tan iyo markii uu billowday kacdoonka dagaal ee Al-Shabaab ay kooxda weysay gacan ku haynta deegaano aad u badan, oo qaarkood ahaayeen saldhigyo muhiim u ah kooxda.

Sidee looga fal-celiyay kulanka Xasan iyo Farmaajo ee Qatar?

0

Doha (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula kulmay magaalada Doha ee dalka Qatar Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Farmaajo iyo Xasan Sheekh ayaa ka wada-hadlay xaaladda dalka iyo duruufaha ku xeeran oo ay ugu weyn tahay xiisadda Itoobiya, ayada oo madaxweyne Xasan uu dul istaagay guulaha wax-ku-oolka ah ee dowladdu ay ka xaqiijisay dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee dalka ka socda.

Sidoo kale wuxuu ammaanay sida shacabka, masuuliyiinta iyo madaxda Soomaaliyeed kuwii hore iyo haddaba ay ugu midoobeen difaaca madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, shacab iyo dhulba.

Kulanka Xasan iyo Farmaajo ayaa yimid saacado un kadib markii Farmaajo uu walaac xooggan ka muujiyay qorshaha wax ka beddelka Dastuurka, oo uu sheegay in xilligaan lagu jiro difaaca dalka ay dib usoo celintiisu abuureyso qalalaase siyaasadeed oo wax u dhimi kara midnimada umadda Soomaaliyeed ee ay ku wajahayaan cadowga dibadda.

Haddaba, sidee looga fal-celiyay kulankaan?

Maxamed Daahir Cali: “2 madaxweyne wey mahadsan yihiin maanta Soomaaliya mucaarad iyo muxaafid waddanka difaac buu nooga baahan yahay Soomaaliya oo guulaysatay waa anagoo wada guulaysanay dowladnimada ha waarto.”

“Xasan Sheekh waa siyaasi dhameystiran runtii hadiiba uu la kulmay madaxweyne Farmaajo oo laba saac ka hor qoraal uu ku mucaaradayo Xasan Sheekh soo qoray,” ayuu yiri Maxamed Deeq.

Waxa uu intaas kusii daray “Farmaajoow dersi kugu filan waa heysataa, wax ka baro dhaqanka wanaagsan ee madaxweyne Xasan Sheekh ee aan ku dhisneyn coleytanka iyo qol isku soo xiridda. siyaasadda furan waa ilbaxnimo.”

Cambe Boodhe: “Wad-tashiganu wuxuu ku tusayaa siday dawladnimada Soomaaliyeed mar labaad u taabo qaaday xilkuna yahay mid meerto ah. Farmaajo iyo Xasanba mahadsanidiin shaqo wacan.”

“Villa Somalia haddii laga baxo waa la duqoobayaa runtii, war meeshu cajiibsanaa!,” ayuu yiri Maxamed Toosane.

Cabdisalaan Saleeban ayaa isna waxa uu yiri “Qaranka wadajir ayaa lagu difaaci kara waxyaabaha kale e lagu kala aragti duwan yahay meel ha layska dhigo insha Allah.”

Ibrahim Haji Hassan: “Marka ay ixtiraam iyo qadarin isku muujiyaan madaxdeena, aad baan ugu farxaa, guuleysta mudanayaaal!!.”

Muuse Ismaaciil ayuu sidoo kale yiri “Madaxdu waa inay ka midoobaan damaca guracan ee cadowga Soomaaliyeed kala qaybinaya waana u muuqdan inay ka midaysan yihiin guulaysta mudanayaal.”

Dad khatar ku ahaa amniga ciyaaraha oo la qabtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in intii ay socotay cayaartii galabta dhexmartay Hirshabeelle iyo Jubbaland la qabtay, lana xiray tiro dad ah oo amniga iyo badqabka agabka garoonka wax u dhimay.

Booliska ayaa shaaciyey in dadka la xiray dhawaana maxkamad la horkeeni doono, si looga jaaseeyo qalalaasihii ay ka sameeyeen garoonka.

Taliska ayaa faray taageerayaasha ciyaarta berri dhex-mari doonta xulalka Galmudug iyo Banaadir in ay u hoggaansamaan, una dhaga-nuglaadaan qorshaha lagu sugayo amniga, gaar ahaan hab-raacyada gelidda iyo ka soo bixidda garoonka.

Booliska ayaa faray ciidamada aan ka mid aheyn kuwa amniga sugaya in garoonka aysan la imaan hub, isla markaana aysan la kala safan taageeraayaasha, iyadoo askarigii lagu helo uu wajihi doono maxkamadda, sida lagu cadeeyey warkaan ka soo baxay Taliska Booliska Soomaaliya.

Muqdisho galabta waxaa ka dhacday ciyaar adag oo u dhaxeysay xulalkii kala metelayey Jubbaland iyo HirShabeelle, waxaana finalka u soo baxay ciyaartoyda HirShabeelle.

Berri waxaa dhacaya mid ka mid ah kulamadii ugu adkaa, Banaadir iyo Galmudug oo ah xulalka ugu taageerayaasha badan ayaa dheelaya, waxaana tartanka ka hari doona dhinicii laga badiyo berri.

HirShabeelle oo galabta filanka u gudubtay, tartankana ka reebtay Jubbaland, ayuu waji doonaa xulkii ku guuleysta ciyaarta berri dhexmari doonta Galmudug iyo Banaadir, waxaa la saadaalinayaa in berri ay taageerayaasha labada dhinac buux dhaafi doonaan garoonka Stadium Muqdisho.

Digniinta booliska iyo dadka la sheegay in la qabtay inay sameynaya qalqal gelin amni ayaa ku soo aadeysa, iyadoo Koonfur Galbeed ay isaga hartay tartanka, kadib markii jidka kagu weeraray ciyaartoydii u dheeleysay markii ay ka soo baxeen garoonka, weliba iyadoo laga badiyey galabkaas, waxayna carada K/Galbeed gaartay inay go’aan ka qaataan in gabi ahaanba aysan ku dheelin Muqdisho, maadaama lagu weeraray sanadkii labaad.