26.5 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

Sawirro: Xamza oo maanta guddoomiyay SHIR looga hadlayay difaaca DALKA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyay shir muhiim ah oo looga hadlayay difaaca guud ee dalka, si looga hortego damaca Itoobiya ee ku aadan baddeenna.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qayb-galay Ku simaha Wasiirka, ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Maxamed Cali Xagaa, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, S/Gaas Ibraahim Shiikh Muxiyaddiin Caddoow, Taliyaha Ciidanka Booliiska S/Guuto Sulub Axmed Firin, Taliyaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad iyo Guddoomiye Ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye.

Intiisa badan waxaa kulanka looga aaladda guud ee amniga, ciribtirka kooxda Al-Shabaan iyo sidoo kale difaaca dalka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyay kulan muhiim ah oo uu isugu yeeray madaxda hey’adaha amniga iyo difaaca Qaranka kaasi oo looga hadlayay xaaladda guud ee amniga, ciribtirka Khawaarijta iyo difaaca dalka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale ra’iisul wasaare Xamza ayaa warbixinno kala duwan ka dhageystay Wasaaradda Amniga, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Maamulka Gobolka Banaadir, kuwaas oo ka warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ammaanka iyo diyaar garowgooda difaaca dalka.

Ra’iisul wasaaraha oo madasha ka hadlay ayaa tilmaamay in Xukuumaddiisa ay ahmiyad gaar ah u leedahay sugidda amniga guud ee dalka, dib u xoreynta  iyo xaqiijinta difaaca qaranka ee halis kasta oo ka iman karta gudaha iyo dibeddaba.

Kulankan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, ayna taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay heshiiska badda, taas oo u dhexeyso dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase labada dal ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo, taas oo mar walba laga cabsi qabo inay isku rogto gacan ka hadal.

Mareykanka oo ka walaacsan heshiiskii Muuse Biixi iyo Abiy

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mareykanka wuxuu qabaa walaac xooggan oo ku saabsan heshiiskii Addis Ababa ku dhex-maray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Dowladda loo arko midda ugu awoodda badan adduunka dhaqaale ahaan iyo milatari ahaan waqtigan ayaa Geeska Afrika ku bixineysa naf iyo maal si aanay hoos ugu dhicin saameynteeda caalamka, sidoo kalena aanay u guuleysan argagixisada ay dagaalka kula jireen waqtiga fog.

Argagixisada ka dagaalanta Soomaaliya oo dhaqaale ahaan aad u xooggan ayaa dagaalkii ugu adkaa lagu qaaday tan iyo markii uu xafiiska kusoo laabtay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud bartimihii bishii May 2022.

Laakiin tan iyo kowdii bishaan Janaayo markii Itoobiya usoo bareertay inay qaadato qeyb kamid ah biyaha Soomaaliya, waxaa abuurmatay dood ku saabsan labada dagaal midka ay ahmiyadda koowaad siinayso Soomaaliya. Ma inay argagixisada ka adkaato mise inay baddeeda iyo dhulkeeda ka difaacato Itoobiya.

Ergeyga Mareykanka ee Geeska Afrika ayaa khudbad kulul ka jeediyay meertadii 42-aad ee madaxda IGAD oo Khamiistii ka dhacday magaalada Kampala ee waddanka Uganda.

Saddex dhinac ayaa ugu muhiimsaneyd farriinta uu Mareykanka ka jeediyay magaalada Kampala.

1. Midnimada Soomaaliya

Ergeyga Mareykanka ee Geeska Afrika kama leex-leexan inuu sheego sida ay waajib u tahay in la ilaaliyo midnimada iyo madax-banaanida Soomaaliya. Wuxuu sheegay inay Somaliland tahay gobol ka tirsan Soomaaliya.

Loogama baran Mareykanka inay sidan carabka ugu adkeeyaan arrimaha maamulka Somaliland iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

2. Halista heshiiska Addis Ababa

Washington waxay muujisay inuu heshiiskan uga sii dari karo xaaladda Geeska Afrika, si gaar ah inuu tabar siinayo argagixisada, taasi oo sii holcin karta gobolka Geeska Afrika oo ay hadaba qul-qulatooyin iyo argagixiso ka jiraan.

3. Baaq

Mareykanka waxay labada dhinac ee Soomaaliya iyo Itoobiya ugu baaqeen inay xaaladda dejiyaan oo aanay xiisadooda wiiqin dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Waxay hoosta ka xariiqeen sida ay lama huraan u tahay dhowrista madax-banaanida labada dal.

Farriinta dowladda Mareykanka ayaa imaneysa, iyada oo qaar kamid warbaahinta gobolka ay qoreen in heshiiskii Addis Ababa nafis siiyay argagixisada ka dagaalanta Soomaaliya, maadaama Soomaalida ay wax walba kala weyn tahay in dhulkooda la qaato ama gobonimadooda la duro.

Halka uu Mareykanka ka istaagay heshiiska Abiy Axmed iyo Muuse Biixi ku gaareen magaalada Addis Ababa 1-dii bishaan Janaayo ayaa Soomaaliya ku dhiira-gelinaysa inay sii xoojiso galaan-galkeeda siyaasadda arrimaha dibadda iyo diyaar-garowgeeda arrimaha gudaha.

Wax badan ka ogow awoodaha milateri ee Itoobiya iyo Masar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda Masar iyo Itoobiya ayaa markale soo laba kacleysay kadib markii ay Masar la safatay Soomaaliya oo xilligaan is hayaan Itoobiya.

Madaxweyne Cabdulfataax Al-Siisi ayaa Axadii luuqadii ugu adkeyd kula hadlay xukuumadda Abiy Axmed, isagoo digniin u muuqatay kama dambeysna u diray.

Al-Siisi ayaa waxa uu sheegay in aysan indhaha ka fiirsanayn xad-gudubka ay ku kacday xukuumadda Abiy, isagoo Itoobiya ugu goodiyay in Soomaaliya ay la dagaal gali doonaan haddii aysan ka laaban heshiis beenaadkii Addis Ababa.

“Masar ma ogolaan doonta inay cidna handado Soomaaliya, ama ay waxyeeleyso amnigeeda. Awoodda Masar yaan la tijaabin oo la handadin walaalahood, gaar ahaan dalalka walaalaha ah ee naga codsada in aan garab istaagno,” ayuu yiri madaxweyne Al-Siisi oo uu barbar taagan yahay madaxweyne Xasan Sheekh.

Haddaba milateri ahaan yaa awood badan Masar iyo Itoobiya?

Marka ay timaado awoodaha milateri ee dalalka Masar iyo Itoobiya, milateriga Masar waxaa lagu qiimeeyay in uu kamid yahay tobanka dal ee ugu awoodda badan caalamka, dhanka milateriga.

Shabakadda The global fire power oo inta badan wax ka qorta awoodaha milateri ee dalalka caalamka ayaa warbixin ay soo saartay sanadkii 2020 ku sheegtay in milateriga Masar uu yahay kan 9-aad ee ugu awoodda badan dunida, halka milateriga dalka Itoobiyana uu yahay kan 60-aad ee ugu awoodda badan dunida.

Awoodda milateri ee Masar

Wargeyska The Forbes ayaa milateriga waddanka Masar ku tilmaamay kan ugu awoodda badan dalalka bariga dhexe marka laga soo tago Turkiga oo ah dalka ugu awodda badan gobolkaas.

Shacabka dalka Masar oo ku dhow boqol milyan oo qof ayaa tirada dadka dagaalami kara waxaa uu wargeyska Global fire power ku qiyaasay in ay yihiin 43 milyan oo qof, halka kuwa hawgalka hore ka geli kara ay yihiin 36 milyan oo qof.

Ciidanka milateriga ee dhulka ee u diiwangashan Wasaaradda Gaashaandhigga ee Masar ayaa tiradoodu waxaa ay gaareysaa in ka badan 920 kun oo askari, halka ciidammada hadda ka hawl gala ay tiradoodu gaareyso 440 kun oo askari. Dowladda Masar ayaa sidoo kale heysata ciidamo keyd ah oo gaaraya 480 kun, kuwaas oo haddii loo baahdo dagaal gali kara saacad walba.

Global Fire Power waxaa uu soo wariyay in Masar ay heysato 4,295 oo ah taangiyada dagaalka, 11,700 oo ah baabuur gaashaaman, 2,189 oo ah gantaallada goobta laga rido iyo 1,084 oo ah madaafiicda wax duqeeya.

Dhanka ciidammada badda ee Masar waxay shabakadda global Fire Power ku sheegtay in agabka ay heystaan uu guud ahaan gaarayo 316.

Ciidanka badda ee Masar ayaa heysta laba markab oo ah kuwa qaada diyaaradaha, kuwaas oo ay adag tahay in la helo dal kale oo Afrikaan ah oo heysta.

Waxaa ay xukuumadda Qaahira heysataa oo kale 2 markab oo ah kuwa dagaalka, siddeed gujis oo ah kuwa badda hoosteeda mukhuurta, 45 markab oo ah kuwa kormeera xeebaha iyo 31 maraakiib oo ah nooca badda ku aasa miinooyinka ama burburiya miinooyinka badda lagu aaso.

Milateriga Masar ayaa sanadkiiba waxaa lagu kharash gareeya lacag dhan 3 bilyan oo doolar, waxaana qeyb ahaan lacagtaas bixiya Dowladda Mareykanka.

Ciidanka cirka ee Masar ayaa heysta 215 diyaaradood oo ah nooca dagaalka, 59 diyaaradaha milateriga ee xamuulka qaada ah, 387 oo ah diyaaradaha lagu tababaro cidamada cirka, 294 oo ah diyaaradaha qumaatiga u kaca ee helikobtarka loo yaqaano iyo 81 oo ah helikobtarada wax weerara.

Awoodda milateri ee Itoobiya

Itoobiya oo kamid ah dalalka geeska Afrika ugu awoodda badan ayaa tirada dadka ku nool waddankaas waxa ay gaarayaan 108 milyan oo ruux.

Dadka awoodi kara inay dagaallamaan ayaa lagu qiyaasay 41 milyan oo qof, halka kuwa dagaal geli kara ee hataan u diiwaan gashan Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalkaas ay gaarayaan inta u dhaxeysa 162 kun ilaa 300 oo kun oo askari.

Milateriga dalka Itoobiya ayaa GFP uu kusoo wariyay in uu heysto 400 oo taangiyada dagaalka ah, 114 oo ah baabuurta gaashaaman ee dagaalka, 67 gantaallada dhulka lagu rakibo ee artilariga loo yaqaanno iyo 183 oo ah madaafiicda wax duqeeya.

Ciidamada cirka ee Itoobiya waxaa la sheegaa in ay yihiin kuwa awood badan, marka loo eego kuwa geeska Afrika, waxaana dhawaan ciidankooda ay ku xoojiyeen hannaanka gantaallada difaaca cirka oo ay kasoo iibsadeen dalka Faransiiska.

Diyaaradda dagaalka ee Itoobiya ayaa lagu qiyaasay 24 diyaaradood oo ah kuwa miigga loo yaqaanno, 9 diyaarad oo ah kuwa xamuulka qaada, 20 diyaarad oo ah kuwa lagu tababaro ciidamada cirka, 33 diyaaradood oo ah nooca qumaatiga u kaca ee helikobtarka iyo 8 noocyadaas ah oo ah kuwa wax duqeeya.

Itoobiya ma lahan wax ciidan bad ah, maadaama aysan lahayn bad.

Qaar ka mid ah warbaahinta Itoobiya ayaa sanadkii hore kusoo warramay in dowladda Faraniiska ay Itoobiya ka caawineyso dib u dhiska ciidanka badda oo la kala diray sannadkii 1991-kii, ka dib markii Eritrea ay ka madaxbanaanaatay Itoobiya, halkaas oo saladhig u ahayd ciidanka badda ee Itoobiya.

Sidoo kale dowladda Itoobiya ayaa hunguriyeynaysa Lughaya ama Saylac inay hesho midkood, xilli horraantii sanadkaan uu heshiis beenaad lagu siinayo Itoobiya qeybo kamid ah badda Soomaaliya uu Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ku dhex-maray Addis Ababa.

Heshiiskaas ayaa waxaa si adag uga horyimid dowladda federaalka Soomaaliya oo ayadu burisay, halka uu caalamkana uu ku taageeray difaaca madax-banaanideeda maadaama ay Itoobiya ku kacday xad-gudub weyn, oo ka dhan ah dalkeenna.

Warbixintan qeybo kamid ah waxaa laga soo xigtay BBC.

Qorshe culus oo looga hor-tagayo lunsashada gargaarka oo ka socda Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ka socdo qorshe meesha looga saaray in dalka ka dhacdo lunsashada gargaarka bini’aadannimada, si loo gaarsiiyo dadka ugu xaqa leh gurmadka.

Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle oo taas ka duulaya ayaa xarunta dhexe ee SODMA waxa uu kula kulmay Madaxa Hay’adda UN OCHA ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa labada dhinac waxa ay uga wada-hadleen in la xaqiijiyo in aysan dalka ka dhicin in la lunsado Gargaarka bini’aadannimada lana tababaro dadka ka shaqeeya kaamamka barakacayaasha, daah-furka qorshaha bini’aadannimada Soomaaliya oo dhawaan Muqdisho laga daah-furi dono.

Sidoo kale qodobada laga wada-hadlay waxaa kamid ah in la helo ciidamo dowladda ah oo taageera samafalayaasha markii ATMIS dalka ka baxdo.

Madaxda ayaa sidoo kale isla qaaday in qiimeen lagu sameeyo dhibaatadii ka dhalatay xaaladihii El-Niño iyo in ay iska kaa shadaan barnaamijka Samafalka sanadka 2024 iyo sidii loo heli la haa taageero dhaqaale.

Daba-yaaqada sanadkii tegay aheyd ayay aheyd markii ay soo baxday in xatooyo baahsan lagu sameeyay gargaarka loogu tala-galay dadka nugul ee gudaha Soomaaliya.

Baaritaan ay QM markaasi sameysay ayaa sidoo kale waxaa lagu ogaaday in mulkiilayaasha dhulka, maamulka deegaanka, xubno ka tirsan ciidamada ammaanka iyo shaqaalaha samafalka ay dhamaantood ku lug leeyihiin arrintaan.

Xubnahaan ayaa la sheegay in barakacayaasha iyo guud ahaan ka faa’iideystayaasha ay ku khasbeen inay bixiyaan kala bar kaalmada lacagta caddaanka ee WFP ay ka helaan, iyada oo loogu handadayo in la xirayo ama laga saarayo diiwaan-gelinta liisaska ka faa’iideystayaasha kaalmadda caalamiga.

WFP ayaa markaas soo saartay shuruudo dheeraad ah, si looga fogaado musuqa gargaarka, taasi oo kow ka tahay oo mudnaanta la siinayo in la kala shaandheeyo la-hawlgalayaasha hay’adda ee ku sugan Soomaaliya.

Rejada Soomaaliya ee kursiga madaxa Midowga Afrika iyo wararkii ugu dambeeyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Fawsiya Xaaji Aadan oo u sharraxan Soomaaliya inay ku metasho tartanka loogu jir  jagada Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ayaa maanta ka hor hadashay xildhibaannada Soomaaliya oo ay gudbisay dalab culus.

Fawsiya Xaaji Aadan oo horay usoo noqotay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda, iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeen hore ayaa sheegtay inay rajada wanaagsan tahay, isla markaana ay Soomaaliya ay haysato fursad weyn sidaas daraadeedna ay dalbaneyno in la garab istaago.

“Kursigan waxaa u fadhida Soomaaliya ee Fawsiya ma ahan, waxaynu u baahanahay inaynu xoogga saarno, baarlamaankuna uu qaraar kusoo saaro. Weligeed Soomaaliya ma qabanin, maanta aadbaa naloogu dhega nugul yahay ” ayay tiri Fawsiya Xaaji Aadan

Sidoo kale waxa ay sheegtay inay ka bixi karto jagadaas, hadii ay ku guuleysato, ayada oo ka sheekeysay taariikhdeeda waxbarasho iyo middeeda hoggaamineed.

“Ma ka bixi karaa ayay dadka is weydiinayaan”, haa waan ka bixi karaa, haddii ay khibrad tahay ” ayay ku jawaabtay Fawsiya Xaaji Aadan.

Waxaa kale oo ay sii raacisay “Shaqada waa ka bixi karaa, mana ku ceeboobi doonto Soomaaliya si weynbaan uga bixi karnaa weliba, Afrikana aan kor u qaadi karnaa”.

Xildhibaan Fawsiya Xaaji Aadan oo sii hadleysa ayaa shaaca ka qaaday in ololaheeda uu billowday, ayna taageero ka heshay dalal badan oo hadda garab taagan Soomaaliya.

“Hankiina wuu jiraa, taageero badana waan haysanaa oo dalal ah waxaynu u baahanahay inaynu dhiirano” ayay mar kale tiri Fawsiya Xaaji Aadan

Soomaaliya ayaa xilligaan dadaal badan ku bixineysa sidii ay u xoojin laheyd dadaalka diblumaasiyadeed ee saaxiibaada caalamka, ayada oo daba-yaqaadii sanadkii tegay ee 2023-ka ku guuleysatay in Waare xil sare looga magacaabo urur-goboleedka IGAD.

Madaxweynihii hore ee HirShabelle ayaa markaas noqday ku-xigeenka xoghayaha guud ee IGAD oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay. Magacaabistaas ayey xilligaas dowladda ku tilmaamtay mid sare usii qaadeysa sumcadda iyo maqaamka guud ahaan ee Soomaaliya.

Farmaajo iyo Xasan Sheekh oo ku kulmay Qatar kana wada-hadlay arrimo xasaasi ah

0

Doha (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula kulmay magaalada Doha ee dalka Qatar Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Xasan Sheekh ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka iyo duruufaha ku xeeran oo ay ugu weyntahay xiisadda Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay guulaha wax-ku-oolka ah ee dowladdu ay ka xaqiijisay dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee dalka ka socta tan iyo markii uu xukunka yimid Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Farmaajo uga war bixiyey ka mirdhalinta dadaaladii deynta cafinta iyo qaadista cunaqabateynta hubka oo shaqadoodu socotay intii Farmaajo uu joogay xafiiska.

Xasan Sheekh ammaanay sida shacabka, masuuliyiinta iyo madaxda Soomaaliyeed kuwii hore iyo haddaba ay ugu midoobeen difaaca madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, shacab iyo dhulba.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar, wuxuuna halkaas caawa halkaas kula kulmay Farmaajo oo muddoyinkaan ku sugnaa dalka Qatar.

Madaxweynaha ayaa kulan ku saabsan xiriirka labo geesoodka ah iyo fursadaha lagu sii horumarin karo iskaashiga Soomaaliya iyo Qatar waxa uu la qaadan doonaa Amiirka dalka Qatar Amiir Tamiim Binu Xamad.

Soomaaliya iyo Qatar ayaa wadaaga iskaashi walaalnimo iyo xiriir dhow oo salka ku haya danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan Labada dal iyo sooyaalka Labada Shacab.

Qowmiyadda Amxaarada oo war kasoo saartay damaca Abiy ee badda Soomaaliya

0

Addis Ababa (Caasimada Online) –Qoomiyadda Amxaarada ee dalka Itoobiya ayaa ka hor timid damaca qalafsan ee Abiy Axmed uu ku doonayo qeyb ka mid ah badda Soomaaliya, damacaan ayaa toddobaadyadaan gilgilay Geeska Afrika.

Qaar ka mid ah shacabka Amxaarada oo ka hadlay heshiis beenaadkii dhexmaray Rai’sul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi ayaa sheegay inay qar iska tuurnimo u arkaan damacaas.

Dadka aqoonyahanka ah ee ka soo jeeda qowmiyadda Amxaarada ayaa ku doodaya in Abiy uusan ka fiirsan waxa uu falayo, waxay tusaale u soo qaateen wixii soo dhex maray Soomaalida iyo Itoobiyanka, waxayna si cad u sheegeen in hadda aysan Amxaaradu diyaar u aheyn inay ku duusho Soomaaliya.

Sidoo kale shacabka Amxaarada Itoobiya waxay sheegeen in shacabka Soomaaliyeed ay ku garab taaganyihiin inay difaacdaan midnimada iyo Madax-banaanida Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.

Bulshada Amxaaradu waxay dowladdooda u sheegeen in ay lama taabtaan tahay ixtiraamka darisnimo oo saldhig u ah nabadgelyada iyo horumarka shacabka labada dal.

Ugu dambayntii bulshada Amxaarada ayaa Rai’sul wasaaraha Itoobiya u soo jeediyey inuu ka fogaado wax waliba oo dhawaaci kara darisnimada, isla markaana uu joojiyo faragalinta qaawan ee uu ku sameynayo Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Inta badan qowmiyadaha dalka Itoobiya ayaa Abiy Axmed u cadeeyey in aysan diyaar u aheyn inay dagaal la galaan Soomaalida, sidoo kale Jabhadaha dagaalka kula jira xukuumadda Abiy Axmed ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta damacaas guracan.

Dhanka diblomaasiyadda iyo taageerada caalamiga ah Soomaaliya ayaa Itoobiya uga adkaatay xiisadaan, waxaana isisoo taraya wararka ka imaanaya gudaha Itoobiya ee dadka Itoobiyaanka ah ay ku diidan yihiin in la farogeliyo arrimaha Soomaaliya, taas oo Abiy ka dhigeysa nin xoog iyo xeelad aan waxaba ku heli doonin.

Ciidamo reer Miyi ah oo xoog kula wareegay Matabaan iyo maamulkii oo isaga baxay

0

Matabaan (Caasimada Online) – Ciidan gadoodsan ayaa maanta la wareegay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, waxaana hakad gashay shaqadii maamulka degmada iyo hey’adaha samafalka ee ka shaqeeya Matabaan.

Ciidamo aad u hubeysan oo ka yimid deegaanada Miyiga ah ee hareeraha ka xiga Matabaan ayaa saakay barqadii gudaha u galay magaalada, waxayna la wareegeen saldhigga booliska, xarunta degmada iyo koontaroolada laga soo galo magaalada.

Ciidamadaan ka soo jeeda dadka reer miyiga ah ee ku nool deegaanada Matabaan hoos taga ayaa ka gadooday hanaanka loo qeybiyey kaarar ay ku soo dhacaan lacago gargaar ah bil kasta, kararkaas waxaa bixiya hey’adaha samafalka, waxaana qeybiya maamulka degmada.

Sidoo kale xafiisyo ay Matabaan ku leeyihiin qaar ka mid ah hey’adaha samafalka ayey la wareegeen ciidamadaan, mana jirin wax iska caabin ah oo ay kala kulmeen ciidamada ammaanka oo isaga baxay magaalada.

Goobaha ay shaqooyinkii ka socday hakiyeen ciidamada gadoodsan waxaa ka mid ah isbitaalka guud ee degmada, waxaana xaaladaan aad uga walaacsan dadka ku nool degmada Matabaan oo kol sii horeysay la hoos geeyey HirShabeelle.

Guddoomiyaha degmada Matabaan oo ka daahay inuu xaliyo arrintaan ayaa maanta ilaa caawa wada dadaalo lagu qancinayo ciidamada gadoodsan ee ka soo jeeda dadka reer miyiga ah.

Odayaal uu soo diray guddoomiyaha degmada ayaa caawa qeyb qeyb ula kulmaya ragga hoggaaminaya ciidamada gadoodsan ee la wareegay magaalada, si tabashadooda looga qanciyo degmadana loogu celiyo gacanta maamulka.

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan oo markii hore hoos tegi jirtay Galmudug ayaa dhawaan la hoos geeyey HirShabeelle, waxaana toddobaadkii hore booqasho ku yimid guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdullahi Ufurow.

SHEEKH SHARIIF oo digniin culus kasoo saaray wax ka beddelka dastuurka dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay wax ka beddelka dastuurka ayaa dowladda uga digay inay xilligaan xasaasiga ah isku deydo meel-marintiisa.

Shariif ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in arrimaha wax ka beddelka Dastuurka loo raaco hab raaca uu tilmaamayo Dastuurka kumeel-gaarka ah, si looga fogaado buu yiri khilaaf cusub iyo kala aragti fogaansho uusan dalku marxaladdaan qaadi karin.

“Dowladda, waxaan kula talinaynaa in ay ku mashquulaan arrimaha horu-tabinta u leh danaha Qaranka Soomaaliyeed, waqtigaan la joogana uga shaqeeyaan si taxaddar leh,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in maanta ay jirto fursad weyn oo dadka Soomaaliyeed dib loogu mideyn karo meel kasta oo ay joogaan, ayna tahay in laga ilaaliyo wax kasta oo keeni kara khilaaf.

“Dowladdu waa inay qaaddo tallaabooyin u dhigma waxa ka socda gobalka oo lagu xaqiijinaayo bad-qabka madax bannaanida iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweyne Shariif.

Hoos ka aqriso qoraalka

Waxaan markhati maddoonta ah in dalkeenna uu maraayo marxalad adag, kuna jiro xaalad xasaasi ah oo u baahan midnimo iyo wada tashi si loo waajaho xaaladda adag.

Waxaan si dhaw ula soconnaa khtaraha ku xeeran dadka Somaaaliyeed oo maanta u baahan in laga ilaaliyo wax kasta oo keeni kara khilaaf, maanta waa fursad dadka Soomaaliyeed dib loogu mideyn karo meel kasta oo ay joogaan.

Waxaa habboon in arrimaha wax ka beddelka Dastuurka loo raaco hab raaca uu tilmaamayo Dastuurka kumeel gaarka ah, waqtina la siiyo wadatashiga iyo ra’yi aruurinta arrimaha wax ka beddelka Dastuurka, si looga fogaado khilaaf cusub iyo kala aragti fogaansho uusan dalku marxaladdaan qaadi karin.

Dowladda, waxaan kula talinaynaa in ay ku mashquulaan arrimaha horu-tabinta u leh danaha Qaranka Soomaaliyeed, waqtigaan la joogana uga shaqeeyaan si taxaddar leh.

Sidoo kale, Dowladdu waa inay qaaddo tallaabooyin u dhigma waxa ka socda gobalka oo lagu xaqiijinaayo bad-qabka madax bannaanida iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.

Ugu dambayn, sidi aan horey u ballan qaadnay waxaan diyaar u nahay inaan dowladda kala shaqayno difaaca dalka.

Doodda dastuurka oo soo laba kacleysay iyo Farmaajo oo war culus soo saaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa walaac xooggan ka muujiyay qorshaha wax ka beddelka Dastuurka, oo la filayo in maalmaha soo aadan la horgeeyo baarlamaanka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in xilligaan lagu jiro difaaca dalka ay dib usoo celinta doodda wax ka beddelka dastuurka ay abuureyso qalalaase siyaasadeed oo wax u dhimi kara midnimada umadda Soomaaliyeed ee ay ku wajahayaan cadowga dibadda.

“Marxaladdan xasaasiga ah ee aynu ku jirno ma xamili karo dalkeennu in la abuuro khilaaf siyaasadeed iyo kala qeybin bulsho,” ayuu Farmaajo ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh iyo guddoonka labada Aqal ee BF in dib loo dhigo arrinkaan, islamarkaana ay mideeyaan cududda iyo caqliga dadka Soomaaliyeed sidii loo difaaci lahaa midnimada, gobanimada iyo qarannimada dalkeenna.

Hoos ka aqriso qoraalka

Iyadoo aan ognahay khatarta jiritaan ee maanta ku xeeran dadka iyo dalka Soomaaliyeed, Annagoo ka duulayna sida shacabka iyo Madaxda Soomaaliyeed ay ugu midoobeen difaaca midnimadooda iyo madaxbannaanidooda, meelna ay isaga dhigeen arrimaha khilaafka gudaha, mucaarad iyo muxaafidna ay arrinkan ku garab taagan yihiin Madaxweynaha iyo goleyaasha dowladda.

Waxaan ka walaacsannahay qorshaha Madaxtooyada ee lagu laalayo dastuurka iyo hannaanka maamul ee dalka, kaas oo ay ka dhalanayso qalalaase siyaasadeed oo wiiqaya hannaanka ku saleysan Federaalka iyo wadatashiga ee heshiiska lagu yahay.

Marxaladdan xasaasiga ah ee aynu ku jirno ma xamili karo dalkeennu in la abuuro khilaaf siyaasadeed iyo kala qeybin bulsho, sidaas awgeed waxaan ugu baaqaynaa Madaxweyne Xasan Sheekh, gudoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumadda in ay mideeyaan cududda iyo caqliga dadka Soomaaliyeed sidii loo difaaci lahaa midnimada, gobanimada iyo qarannimada dalkeenna.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka degay Qatar + Sawirro

0

Doha (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhoweyd gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Madaxweynaha ayaa kulan ku saabsan xiriirka labo geesoodka ah iyo fursadaha lagu sii horumarin karo iskaashiga Soomaaliya iyo Qatar waxa uu la qaadan doonaa Amiirka dalka Qatar Amiir Tamiim Binu Xamad.

Soomaaliya iyo Qatar ayaa wadaaga iskaashi walaalnimo iyo xiriir dhow oo salka ku haya danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan Labada dal iyo sooyaalka Labada Shacab.

Madaxweynaha ayaa kasoo duulay dalka Masar, halkaasi oo uu shalay kulan mira-dhal ah kula qaatay dhiggiisa dalkaasi Cabdulfataax Al-Siisi.

Kuanka gaarka ah ee labada madaxweyne kaddib, waxay wadajir u qabteen shir-saxaafadeed ay ku soo bandhigeen miro-dhalka wada-hadalkooda iyo aragtidooda ku aaddan xaaladaha ka taagan gobolka, iyada Al-Siisi uu markaas hanjabaadii ugu cusleyd u diray Ethiopia oo ay xilligaan is-hayaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale tilmaamay saamaynta amni, dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee uu gobolka ku yeelanayo xad-gudubka dowladda Ethiopia ee ka dhanka ah midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in aysan indhaha ka fiirsanayn xad’gudubkaas, maadaama ay Soomaaliya iyo Masar yihiin labo dal oo qaan-wadaag ah, kuna mideysan dalladaha Carbeed iyo kuwa Afrika.

“Awoodda Masar yaan la tijaabin oo la handadin walaalhood, gaar ahaan dalalka walaalaha ah ee naga codsada in aan garab istaagno,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Al-Siisi.

Ethiopia oo ka jawaabtay hanjabaadii uu jeediyey Siisi

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Ethiopia ayaa markii u horeysay ka hadashay digniintii uu shalay u diray madaxweynaha Masar Cabdulfataax Al-Siisi, taasi oo uu ku sheegay in Soomaaliya ay difaacayaan, haddii ay Itoobiya ka laaban weydo xad-gudubka ay ku kacday.

Redwan Hussein oo ah La-taliyaha Ammaanka ee Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa si aan toos aheyn uga jawaabay hadalka Al-Siisi, isagoo sheegay in Masar ay Soomaaliya jaceyl u hayn, ayna arrintaan iskugu soo tuurtay cadaawada kala dhaxeysa Ethiopia, sida uu hadalka u dhigay.

Tallaabadan ayuu ku tilmaamay mid aan u adeegayn amniga iyo xasiloonida Soomaaliya, isagoo ku af gobaadsaday in xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya uu yahay mid sii xoogaysanaya, “Masiirkeenu waa mid isku xiran oo aan la kala maarmin.”

“Heshiiska is-afgarad ee Somaliland aan la saxiixanay waa heshiis iskaashi iyo wax wada qabsi oo Ethiopia u sahlaya inay hesho badda marka loo eego dhinaca ganacsiga,” ayuu yiri Redwan oo hoos u dhigaya xad-gudubka ay ku kacday dowladdiisa.

Waxa uu intaas kusii daray “Dalalka qaarkood oo aan Soomaaliya wax badan ka taageerin intii ay jirtay baahi weyn ayaa isku dayaya inay isku muujiyaan inay yihiin saaxiibo dhab ah, laakiin waxaa cad in waxa ku kalifaya in aysan ahayn Soomaaliya balse ay tahay cadaawada u qabaan Itoobiya.”

Dowladda Masar ayaa si weyn garab istaag ugu muujisay Soomaaliya kadib xad-gudubka Itoobiya, oo ah cadowga koowaad ee Masar. Madaxweyne Cabdulfataax Al-Siisi ayaa shalay luuqadii ugu adkeyd kula hadlay xukuumadda Abiy, isagoo digniin u muuqatay kama dambeysna u diray.

Al-Siisi ayaa waxa uu sheegay in aysan indhaha ka fiirsanayn xad-gudubkaas, isagoo Itoobiya ugu goodiyay in Soomaaliya ay la dagaal gali doonaan haddii aysan ka laaban heshiis beenaadkii Addis Ababa.

“Masar ma ogolaan doonta inay cidna handado Soomaaliya, ama ay waxyeeleyso amnigeeda. Awoodda Masar yaan la tijaabin oo la handadin walaalahood, gaar ahaan dalalka walaalaha ah ee naga codsada in aan garab istaagno,” ayuu yiri madaxweyne Al-Siisi oo uu barbar taagan yahay madaxweyne Xasan Sheekh.

DF oo shaacisay in ficil loo bedelayo heshiiska Somalia iyo Masar ee ka dhanka Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Balcad ayaa shaaciyay in ficil loo bedeli doono heshiiskii ay wada gaareen Soomaaliya iyo Masar.

Balcad oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale sheegay in heshiiskii Addis Ababa oo ay Masar sida adag uga hortimid uu ka khatar badan yahay argagixisada Al-Shabaab, uuna yahay xad-gudub si bareer ah loogu soo qaaday qaranimada iyo madax-bannaanida ummadda Soomaalieed.

“Al-Shabaab waxa ay wax u dhimeen amniga iyo qaab nololeedkeena, laakiin waxaba uma dhimin qaranimadeena iyo midnimadeena, balsa heshiiskaan waxa uu waxa u dhimay qarannimada iyo wajirkeenna,” ayuu yiri Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Waxa uu intaas kusii daray “Dowladda Masar waxay si buuxda isku garab taagtay Soomaaliya, waxaa rajeynaynaa in heshiiskaas la gaaray ficil loo rogi doono, waana uga mahad-celinayna Walaalaheena Masar sida ay inoo soo dhaweeyeen ee noo marti-geliyeen.”

Dowladda Masar ayaa si weyn u garab istaagtay Soomaaliya kadib xad-gudubka Itoobiya, oo ah cadowga koowaad ee Masar. Madaxweyne Cabdulfataax Al-Siisi ayaa shalay luuqadii ugu adkeyd kula hadlay xukuumadda Abiy, isagoo digniin u muuqataya kama dambeysna u diray.

Al-Siisi ayaa waxa uu sheegay in aysan indhaha ka fiirsanayn xad-gudubkaas, isagoo Itoobiya ugu goodiyay in Soomaaliya ay la dagaal gali doonaan haddii aysan ka laaban heshiis beenaadkii Addis Ababa.

“Masar ma ogolaan doonta inay cidna handado Soomaaliya, ama ay waxyeeleyso amnigeeda. Awoodda Masar yaan la tijaabin oo la handadin walaalahood, gaar ahaan dalalka walaalaha ah ee naga codsada in aan garab istaagno,” ayuu yiri madaxweyne Al-Siisi oo uu barbar taagan yahay madaxweyne Xasan Sheekh.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa xilligaan si gaar ah usoo dhaweysaneysa Masar oo ayadu cadeysay inay si buuxda u garab taagan tahay Soomaaliya, waxaana cadowga koowaad u ah Itoobiya.

Dagaal culus oo ka socda xadka Hiiraan iyo Sh/Dhexe

0

Jalalaqsi (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu haatan ka socdo xadka ay wadaagaan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Dagaalkan oo ka socda deegaanka Iji ayaa la sheegay inuu u dhaxeeyo laba maleeshiyo beeleed, kaasi oo geystay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Maleeshiyo beeleedkan oo kasoo kala jeeda Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa isku haya muran dhul beereed halkaasi ku yaalla, oo u dhaxeeya labada beelood oo kala ah Xawaadle iyo Abgaal.

Illaa inta hadda la xaqiijiyay waxaa dagaalkan ku geeriyootay illaa saddex ruux oo labada dhinac ah, sidoo kale waxaa jira tiro kale oo dhaawac ah, taasi oo si rasmi loo ogeyn maadaama uu weli socdo dagaalka.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhinacyada ay dagaalkan isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, uuna dagaalku haatan socdo ku dhawaad hal saac, uuna sii xoogeysanayo.

Sidoo kale waxay wararka sheegayaan in gurmadyo kala gaarayaan labada dhinac, taasi oo arrinta uga sii dari karta, dagaalkana ka dhigi karta mid sii ballaarta.

Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online, oo wararkayaga dambe ayaa idinkula wadaagi doona Insha Allah.

Xog: Dowladda Itoobiya oo ciidamo hor leh oo diyaarado wata soo gelisay Soomaaliya

0

Doolow (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhaq-dhaqaaqyo ay Itoobiya ka billowday qaybo kamid ah gobolka Gedo, taas oo la xiriirta xiisadda diblomaasiyadeed ee kala dhexeysa Soomaaliya, kana dhalatay heshiiska badda.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamadii ugu badnaa ay saacadihii ugu dambeeyay kasoo gudbeen xadka uu gobolka Gedo la wadaago Itoobiya, kuwaas oo dhaq-dhaqaaqyo horleh ka bilaabay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolkaasi.

Mid kamid ah waxgaradka deegaanka oo lagu magacaabo Maxamed Aadan Rukoow ayaa Shabelle TV u sheegay in ciidamadaas aysan ahayn kuwii horay u joogay gobolka Gedo.

“Walaal ciidamadii ugu badnaa oo Itoobiyaan ahaa ayaa saacadihii u dambeeyay waxa ay kasoo talaabeen xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya ay wadaagaan, gaar ahaan degmada Doolow ee gobolka Gedo” ayuu ku yiri wareysi uu bixiyay Siyaasi Maxamed Aadan Rukoow.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamadaan ay aad u qalabeysan yihiin, isla markaana ay wataan diyaarado Helicoptero ah, sida uu hadalka uu dhigay.

“Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka iyo hubka culus sidoo kalena wata Helicoptero waxay kasoo qul-qulayaan buundada u dhexeyso Doolow Itoobiya iyo Doolow Soomaaliya, ayaga oo usoo gudbaya dhanka Soomaaliya” ayuu hadlakiisa sii raaciyay.

Rukoow ayaa sidoo kale xusay in ciidamadaas ay isku sii fidyeen gobolka intiisa kale, taas oo cabsi ku beertay dadka deegaanka.

“Waxaa isku fidiyeen ciidamadaan laba waddo oo mid ay aado dhinaca Luuq, tan kalena Geed-weyne iyo nawaaxiga garoonka diyaaradaha ee Doolow” ayuu mar kale yiri.

Sidoo kale wuxuu yiri “Ciidamadan cusub waa kuwo ka tiro badan kuwii horay usoo gudbi jiray, waxaana loo aaneynaa xiisadda u dhexeyso labada dal”.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ay si weyn isku hayaan dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya kadib markii uu khilaaf ka dhashay heshiiska badda.

QM oo farogelisay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya

0

New York (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa war cusub kasoo saaray xiisadda dibomaasiyadeed ee haatan u dhexeyso dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo ka dhalatay heshiiska badda ee Addis Ababa.

Antonio Guterres ayaa ku booriyay labada waddan inay si dajiyaan , isla markaana ay furaan wada-hadal lagu qaboojinayo xiisadda dhexdooda ah.

Xoghayaha guud ee QM ayaa sidoo kale sheegay inay lama taabtaan ah madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, ayna tahay mabaadi’da caalamiga ah iyo darisnimada.

“Mar walba waxaa na haga mabaadi’deenna, mabaadi’deenna waxay la xiriiraan midnimada, iyo madax-bannaanida dhuleed ee dalalka ay Soomaaliya ku jirto,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay inay wadahadal ku dhammaan doonto xiisadda, si looga baaqsado dagaal ka qarxa gobolka.

“Waxaan rajeyneynaa in wadahadal looga gudbo xaaladda taagan,” ayuu mar kale ku yiri shir-jaraa’id oo uu ku qabtay shirka G77 iyo Shiinaha ee magaalada Kampala.

Guterres ayaa xusay sidoo kale inay muhiim tahay in la dhowro baaqyada kala duwan oo ay hormuudka ka yihiin Mareykanka, Shiinaha, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta ee ku aaddan in la ixtiraamo madax-bannaanida Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo ay cirka isku sii shareereyo xiisadda badda ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, kana dhalatay heshiis Muuse Biixi iyo Abiy Axmed.

Duqeyn culus oo maanta lala beegsaday Al-Shabaab

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howl-gal culus oo dhanka cirka ah oo lala beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Howl-galkaan oo ay iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo saaxiibada Mareykanka ayaa ka dhacay gobolka Jubbada Hoose ayaa lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Weerarka oo ay fuliyeen ciidanka xoogga oo kaashanaya ciidanka cirka ee Mareykanka ayaa ka dhacay deegaan 45KM waqooyi berri kaga began magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel-gaarka ee dowlad-goboleedka Jubbaland, sida lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Howl-galkan ayaa waxaa lagu dilay ilaa afar xubnood oo mid ahaa koox ka tirsan Shabaab oo isku abaabulayay goobta la bartilmaameedsaday, mana jiro wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah.

Waa tallaabo kale oo dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa saaxiibada caalamiga ay qaadeen oo qeyb ka ah dhabar-jabinta Al-Shabaab ee khatarta ku ah nabadda iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa gobolka intaba.

“Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa dadkeeda iyo saaxiibada caalamka waxaa ka go’an ciribtirka kooxaha khawaarijta oo khatarta iyo duulaanka ku ah jiritaanka Soomaaliya.”

Taliska ciidamada oo gaaray go’aan ka dhan ah Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyeyaasha ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku yeeshay shir deg-deg ah oo looga hadlay amniga guud iyo difaaca dalka, maadaama ay soo korortay xiisad u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Kulankan oo si gaar ah u dhexmaray taliyaha ciidamada Xoogga dalka Sarreeye Gaas ibraahim Sheekh Muxudiin, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin iyo Taliyaha NISA Mahad Salaad ayaa lagu gorfeeyay xaaladaha soo kordhay.

Saddexda taliye ayaa si gaar ah kulankooda diiradda ugu saaray sidii loogu diyaar garoobi lahaa difaaca dalka, waxayna go’aamiyeen in laga hortago damaca Itoobiya ee badda.

War kooban oo kasoo baxay kulankan saddex geesoodka ah ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada Soomaaliyeed ay ka hortagi doonaan cid kasta oo dhibaato ku ah dalkeenna.

“Kulanka si guud waxaa looga hadlay difaaca dalka iyo in meel looga soo wada jeesto cid kasta oo dhibaata ku ah Qaranimada Soomaaliya” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday arrimo ku aadan howlgallada ka socda dalka, gaar ahaan dagaalka adag ee ay dowladda Soomaaliya kula jirto kooxd Al-Shabaab.

“Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin,Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya S/guuto Sulub Axmed Firin iyo Taliyaha NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa sidoo kale ka shiray amniga guud ee dalka iyo sidii la isaga kaashanlahaa dagaalka kooxaha Khawaarijta” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan xiisad xoogan ay kala dhexeysaa Itoobiya, taas oo laga cabsi qabo inay isku rogto dagaal, maadaama ay arrintu faraha kasii baxeyso, xadgduubna ay gaysatay Itoobiya kadib heshiiskii bada ee ay dhowaan la gashay maamulka Somaliland.

Sawirro: R/W Xamza iyo Mr. Atul Khare oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta qaabilay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka taageerada howlgallada Mr. Atul Khare.

Ra’iisul Wasaare Xamza iyo Mr. Atul Khare ayaa kulankaan waxay uga wada-hadleen xoojinta taageerada ay Qaramada Midoobay ay siiso Dowladda Soomaaliya.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga, siyaasadda iyo xoojinta taageerada ay Qaramada Midoobay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Labada masuul ayaa isla soo qaaday sidii Qaramada Midoobay u xoojin lahayd qorshaha lagu xaqiijinayo in ciidanka Soomaaliya ay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadaha amniga dhammaadka sanadkan 2024.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ugu dambeyntiina Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ka guddoomay shahaado sharaf uu ku mutaystay ka shaqeynta nabadda iyo xasilloonida dalka, ayaa uga mahad-celiyey QM taageeradooda ku aaddan madax-bannaanida, gobonnimada iyo midnimada Soomaaliya.

Ciidamada Soomaaliya ayaa sanadihii dambe sameynayay isbeddelo waaweyn, ayaga oo 16 sano kadib daba-yaaqadii sanadkii tegay la wareegay amniga guud ee xafiiska madaxweynaha, midka ra’iisul wasaaraha iyo kan guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Si kastaba, ATMIS ayaa qorshuhu yahay inay dalka isaga baxdo marka la gaaro bisha December ee sanadkaan 2024-ka, xilligaas oo ay faarujin doonaan guud ahaan Soomaaliya, si ay amniga ugu wareejiyaan ciidamada Soomaalida oo haatan u diyaar garoobayo mas’uuliyadda waddanka oo dhan.

Ethiopia oo quus joogta kadib markii Soomaaliya ay kasoo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir madaxeedkii IGAD ee Khamiistii ka dhacay magaalada Kampala ee waddanka Uganda, wuxuu Soomaaliya siiyay tamar cusub oo ay ku difaacan karto biyaheeda.

Shirka waxaa loo sameeyay maamuus ka xoog badan fadhiyadii hore. Daneeyayaasha reer galbeedka ayaa si weyn usoo buux dhaafiyay madasha, iyada oo Mareykanka qaateen kalmadii ugu xooganeyd ee lagu garab istaagay Soomaaliya.

Midowga Afrika, Midowga Yurub, Jaamacadda Carabta iyo Ururo waaweyn oo horey si aan leex-leexad laheyn ula saftay Soomaaliya ayaa sidoo kale fadhiyay meertada 42-aad ee madaxda IGAD.

Dhamaan waxaa isha lagu wada hayay Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hagaajiyay safkiisa siyaasadda arrimaha dibadda ayaa jeediyay farriin digniin ah.

Wuxuu sheegay in is-afgaradkii Addis Ababa ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed inuu cawaaqib xumo usoo jiidi doono gobolka, si gaar ah inuu tabar cusub siin doono kooxaha argagixisada ah ee ka dagaalama Geeska Afrika, taasi oo aan u wanaagsaneyn gobolka.

Soomaaliya ayaa ka faa’iiday shirka dhowr arrimood.

Mid waa inay la wareegtay taageerada dhamaan xubnaha urur-goboleedka IGAD.

Inuu ururka si buuxda isku garab taagay madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, muujiyeyna inay lagama maarman tahay in dhamaan la ixtiraamo xadka dalalka ururka waxay Soomaaliya siisay inuu ururka iyada toos ula saftay, marka laga reebo Itoobiya iyo Sudan oo maqna.

Micnuhu waa inay Muqdisho heshay taageerada Kenya, Jabuuti, Uganda iyo South Sudan. Dalalka ururka waxay istaageen meel aanay kasoo laaban karin.

Midda labaad waa in gefka Itoobiya lagu naqdiyay meel uu daawanayo caalamka.

Ergeyga Mareykanka ee Geeska Afrika oo goobta ka hadlay wuxuu sheegay in Somaliland ay ka tirsan tahay Soomaaliya, sidaas darteedna ay muhiim tahay in midnimada Soomaaliya la xaqdhowro.

Tani waa dharbaaxo weyn oo cariiri galinaysa heshiiskii 1-dii bishaan lagu gaaray Addis Ababa, kaasi oo ay saxiixeen Muuse Biixi Cabdi iyo Abiy Axmed.

Ethiopia ayaa ka maqneyd shirka. Ethiopia waxay ku marmarsiyootay cariiri xagga jadwalka ah laakiin Abiy ayaa dorraad tegay Uganda, si uu uga qeyb-galo shir madaxeed kale oo ay lahaayeen dalalka dhex-dhexaadka ah. Waxaa halkaas laga fahmay in uusan jirin cariiri jadwal balse ay Ethiopia ku dhiiran weysay inay caalamka la timaado gefka ay kula kacday mid kamid ah dalalkii aas-aasay ururka Midowga Afrika oo ah Soomaaliya.

Inay Ethiopia maqnaato faa’iido kale ayay u aheyd Soomaaliya, taasi oo cadeysay sida uu nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh ugu adkaaday siyaasadda arrimaha dibadda.

Muqdisho taageerada ay ka heshay dalalka urur-goboleedka IGAD waxay u bedeli kartaa kuwo ficil ah haddii Addis Ababa ay isku deydo inay xoog ku meel-mariso heshiiskii ay la galeen Somaliland, oo kamid ah dhul weynaha Soomaaliya ayey leeyihiin dadka faalloonaya arrimaha Geeska Afrika.

Dhibcaha uu madaxweyne Xasan Sheekh shalay kala tegay Kampala ayaa Itoobiyaanka siinaya quus kale oo ku saabsan dhaqan-galka is-afgaradkii Addis Ababa.