26.5 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

War cusub oo kasoo kordhay askartii Mareykan ee lagu waayay xeebaha Soomaaliya

0

Washington (Caasimada Online) – Warbixin cusub oo kasoo baxday taliska ciidamada Mareykanka ayaa looga hadlay labo askari oo horraantii bishaan lagu waayay xeebaha Soomaaliya, xilli ay howlgal ku jireen, kuwaas oo kamid ahaa ciidamada Navy SEAL.

Saraakiil u hadashay dowladda Mareykanka ayaa shaacisay inay geeriyoodeen labadaas askari oo horay loogu waayay xeebaha Soomaaliya, kadib weerar habeenimo ah oo lagu qaaday markab Iran laga leeyahay, 11-kii Jannaayo ee sanadkan cusub ee 2024-ka.

10 maalmood oo la raadinayay askartaas ayaa hadda ugu dambeyntii la xaqiijiyay geeridooda, waxaana baaritaanka ka qayb-qaatay maraakiibta Spain iyo Japan.

Madaxa Taliska Dhexe ee ciidanka Maraykanka Gen. Michael Erik Kurilla ayaa sheegay inay barooq diiq u sameynayaan labada askari oo uu tilmaamay inay ahaayeen geesiyaal.

“Waan ka baroor-diiqaynaa khasaaraha naga soo gaaray labadayada dagaalyahan ee ka tirsan ciidamada badda ee gaarka ah, waxaan xushmeyn doonnaa naf-hurnimadooda. Ducadayadu waxay la garab taagan tahay qoysaska labada askari, “ayuu yiri Gen. Michael Erik Kurilla, oo madax ka ah Taliska Dhexe ee ciidanka Maraykanka.

Askarta la waayay, ayaa kusoo aaday xilli uu Maraykanka badda cas ka wado howlgallo ka dhan ah Xuutiyiinta oo halista ku ah maraakiibta Maraykanka.

Mareykanka ayaa labadii bilood ee lasoo dhaafay maraakiib badan ka howlgaliyay badda cas iyo gacanka cadmeed kadib weerarada joogtada ah ee ciidamada Xuutiyiinta Yemen ay ka wadaan dalka Yemen oo bilowday 17-kii October.

Si kastaba, Mareykanka ayaa Soomaaliya waxaa ka jooga ciidamo tiro yar kuwaas oo diiradda saara khatarta kooxda Al-Shabaab.

Nin gowracay wiil uu adeer u yahay oo lagu qabtay Xamar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa booliska oo howlgal ka sameeyay magaalada Muqdisho ayaa gacanta kusoo dhigay nin ku eedeysan inuu gowracay wiil uu adeer u yahay, dhacdadaas oo ka dhacday degmada Xamarjajab.

Eedeysanaha oo hadda ku jira gacanta booliska Soomaaliya ayaa loo haystaa inuu gelinkii ee Axaddii uu degmada Xamarjajab ku gowracay wiilka oo siddeed sano jir ahaa, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska booliska ee qaybta gobolka Banaadir.

“Ciidanka Booliiska Saldhiga Degmada xmar-Jajab ayaa qabtay nin gowracay Wiil  uu adeer u ahaa, falkaan ayaa dhacay Abaaro 5:40pm waxa uuna ka dhacay isla Degmada Xamar-jajab” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray taliska ciidamada booliska gobolka Banaadir.

Sidoo kale eedeysanaha oo loo soo bandhigay warbaahinta iyo shacabka Soomaaliya ayaa booliska waxa uu sheegay in haatan ay ku hataan baaritaano dheeraad ah

“Wiilka ayaa da ahaan jiray 8 sanno, Eedeysanaha falka geystay ayaana hada ku jira gacanta Ciidanka Booliiska, waxaana socda baaritaan” ayaa lasii raaciyay bayaanka.

Ugu dambeyn talisku waxa uu sheegay in eedeysanaha si deg-deg ah loo horgeyn doono maxkamad, si cadaaladda loo horgeeyo, loogana qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

“Waxaana la horgeyndoonaa Maxkamadda awooda u leh” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay booliska.

Falkan argagaxa leh ayaa xanuun ku reebay ehellada ilmaha yar iyo dadka deegaanka, waxaana sidoo kale si aad ah looga hadal hayaa baraha bulshada ee Internet-ka.

Soomaali lagu la’yahay xadka dalka Ruushka iyo Finland

0

Helsinki (Caasimada Online) – Sida ay sheegtay hay’adda socdaalka Finland, ilaa 160 qof oo sanadkii hore magangalyo ka codsaday dalka Finland ayaa la waayay meel ay jaan iyo cirib dhigeen, iyadoo si lama filaan ah ay u soo badanayaan dadka muhaajiriinta ah ee kasoo gudbay dalka Ruushka ee galaya Finland.

Finland waxay xirtay xudduudka bari ee ay la wadaagto Ruushka dabayaaqadii sannadkii hore, iyadoo ay sii kordhayaan tirada dadka ka imaanaya dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya iyo Suuriya ee doonaya in ay gaaran dalalka yurub.

Dowladda Finland waxay ku eedaysay xukuumadda Moscow in ay dadka soo-galootiga ah u daabulayso xadduudka labada dal ay waadaagaan taas oo Kremlin-ka uu beeniyay.

Hay’adda socdaalka ee Migri ayaa sheegtay in ay 1,323 codsi magangalyo ka heshay xudduudka bari intii u dhaxaysay bilaha Agoosto iyo Disembar ee sannadkii hore, qiyaastii 900 oo ka mid ah waxaa la qaabilay bishii November halka in ka badan 300 bishii Disembar.

Hadda 160 qof oo ay ku jiraan kuwo kasoo jeeda Soomaaliya iyo Suuriya ayaa laga la’yahay xarumaha soo-dhowaynta, kuwaas oo intooda badan aan la garanayn meel ay jaan iyo cirib dhigeen, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay agaasimaha waaxda magangalyada ee Migri, Antti Lehtinen.

Ilaa 18 qof ayaa la ogaaday in ay iska dhiibeen qaar ka mid ah dalalka kale ee Yurub, oo ay ku jiraan Netherlands, Belgium, Norway, Sweden, Faransiiska, Jarmalka iyo Switzerland, oo mar kale ay ka codsadeen magangalyo.

“Dabcan waa suurtogal in 160-kan intooda badan ay u sii socdeen waddamo kale, laakiin weli kama aysan codsan magangelyo wax waddan ah,” ayuu yiri Lehtinen.

Waxaa uu sheegay in qof kasta oo Finland horey uga codsaday magangelyo looga qaaday faraha nidaamka Eurodac, oo ah kaydka xogta faraha ee Yurub oo dhan ay wadaagaan.

Sida uu dhigayo xeerarka Midowga Yurub, waddanka koobaad ee qofka soogalootiga ahi uu iska dhiibo ama marka hore uu magangelyo ka codsado ayaa mas’uul ka ah socodsiinta codsigiisa.

Horraantii bishaan Jannaayo, Finland waxay kordhisay muddada uu xirnaan doono xadka ay la wadaagto Ruushka illaa 11-ka Febraayo, iyadoo sheegtay inay u badan tahay in qulqulka muhaajiriinta magangelyo-doonka ay dib u billaaban doonto haddii xadka la furo.

Madaxweynaha Finland Sauli Niinisto ayaa sannadkii hore ugu baaqay Midowga Yurub oo dhan in xal wada jir ah loo helo si loo joojiyo gelitaanka aan la xakamayn karin ee Yurub ee dadka muhaajiriinta ah.

Khamiistii isbuucii hore, cutub ka tirsan ciidanka ilaalada xeebaha iyo xudduudaha Finland ayaa sheegay in ay baarayaan kiisas dhowr ah oo ku saabsan “caawinta socdaalka sharci darrada ah” ee la xiriira xudduudaha bari, iyaga oo looga shakisan yahay ururro dambiilayaal ah oo dadka tahriibiya.

“Dhaqdhaqaaqyada sharci darada ah iyo socdaalka muhaajiriinta waxaa ay khalkhal gelinayan amniga xuduudka bari,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay ciidanka ilaalada xeebaha iyo xudduudaha Finland.

“Waxaan ka shakisanahay inay jiraan ugu yaraan boqollaal qof oo weli isku dayaya inay safarkooda Finland uga sii gudbaan dalalka kale oo ka tirsan Midowga Yurub ayuu yiri madaxa kooxda baarista ee ilaalada xeebaha, Antti Raassina oo la hdadlay wakaalada wararka Reuters.

Hay’adda Midowga Yurub u qaabilsan xudduudda ayaa sheegtay in ay u diri doonto Finland saraakiil iyo qalab xoojin ah si ay uga caawiyaan booliska xuduudeeda ee dalkaasi qulqulka muhaajiriinta imaanaya dalka oo ay ku eedeeyeen in uu ka danbeeyo Ruushka.

Isha: BBC

Suldaan Hooley oo war culus ka soo saaray xad-gudubkii uu kula kacay midnimada Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Suldaan Maxamed Cigale Hooley oo sheegta Suldaanka beesha Duduble ayaa raali gelin ka bixiyey hadal qalad-weyn ku ahaa midnimada Soomaaliya oo labadii bishaan uu jeediyey, isagoo xiligaas ka hadlayey heshiiskii qar iska tuurninada ahaa ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed.

Suldaan Hooley ayaa xiligaas sheegay in Somaliland ay tahay dowlad lamid ah tan federaalka Soomaaliya, isla markaana ay geli karto heshiis kasta oo danaheeda ay ka dhex aragto.

Hadalkaas markii uu jeediyey NISA ayaa Suldaan Hooley ugu dhacday gurigiisa uu ka degan yahay Muqdisho, waxaana lagu xiray godka Jilicow, iyadoo dadaal dheer oo masuuliyiinta beeshiisa ay ku bixiyeen iyo wadahadal kadib laga sii daayey xabsiga.

Suldaan Hooley ayaa maanta ka hadlay qaladkii ka dhacay, isagoo raali geliyey umadda Soomaaliyeed, cod dheerna ku sheegay inuu qaldamay oo Somaliland ay tahay maamul goboleed Jamhuuriyadda Soomaaliya ka mid ah.

“Waxaan maanta qabanayaa shir jaraa’id oo aan ku raali gelinayo umadda Soomaaliyeed, sax ma aheyn hadalkeygii ahaa ‘Somaliland waa dowlad Soomaaliya la mid ah’ waxaan cadeynayaa in dhulka Soomaaliyeed uu mid yahay oo masuul ay ka tahay dowladda federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri Suldaan Hooley.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Qaranka Soomaaliya waa mideysan yahay waxaana madaxweyne u ah Xasan Sheekh, dalkeenu wuxuu leeyahay baarlamaanka metela dhamaan umadda ku nool dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Somaliland waa maamul goboleed ka tirsan Soomaaliya.”

Suldaan Hooley hadda waa laga sii daayey xabsiga, mana kala cada in hadalkaan uu iskiis u yiri iyo in la qasbay, maadaama uu maalmo badan ku xiraa Godka Jilicow oo NISA ay maamusho.

Muuqaalkaan wuxuu Suldaanku ku cadeynayaa in Itoobiya ay tahay cadowga umadda Soomaaliyeed, isla markaana aysan jirin cid dhul ka iibi karta, sidoo kale difaaca dalkaan ayuu sheegay in masuuliyadi ay ka saaran tahay dowladda federaalka Soomaaliya.

Ninkaan ayaa mar sheega jiray Suldaanka beelaha Irirsamaale oo la isku yiraahdo Hawiye iyo Dir, wuxuu tegay ilaa Hargeysa, wuxuuna lasoo shiray madaxda iyo dhaqanka Somaliland, kuwaas oo ku qancay xiligaas qadiyaddii uu hoggaaminayey ee ‘irirsamaale’ inkastoo markii dambe ay hadalheynta qadiyadaasi meesha ka baxday.

Hoos ka daawo

Dadka dhinta iyo kuwa howl-gebka ah oo xuquuq ka heli doona DF, hadii ay ku jiraan…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyey ‘Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo Liiltirka’ shaqaalaha rayidka ee Soomaaliya, kaas oo soo maray ansixinta Golaha shacabka ee BFS.

Wuxuu Hindise sharciyeedkaan ka kooban yahay saddex qodob oo kala ah:

1-xuquuq siinta dadka hawlgabka noqda marka ay gaaraan da’da 65 sano.

2-xuquuq siinta dadka hawlgabka noqda, iyaga oo muddo intaas ka yar shaqaale ka ahaa hay’adaha dawladda Soomaaliya.

3-Iyo xaquuq siinta ehelka kuwa geeriyooda iyagoo ku jira shaqada dawladda.

Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ayaa sheegtay in sharcigaan uu muhiimad u leeyahay shaqaalaha dowlada, si ay u helaan xaquuqaadkooda marka ay shaqada qaranka ay gebaan.

Maadaama la ansixiyey sharcigaan muhiimka u ah shaqaalaha dowladda Soomaaliya, waxaa hadda socda qorshe lagu dhisayo hay’ad ka shaqay doonta xuquuqsiinta dadka u shaqeeya dawladda, markii ay hawlgab noqdaan.

Sidoo kale sharcigaan wuxuu qeexayaa waajibaadka xaquudeed ee uu helayo qofka u shaqeeya dowlada, laga bilaabo maalinta uu dhaqan galo, kuwaas oo isugu jira dhaqaale iyo xaquuqaad kale oo muhiim ah.

Shuruudaha ku xiran in xaquuqda howlgabka uu helo qofka ayaa ah in uu da’ ahaan uu shaqaaluhu gaaro 65 sano iyo in uu muddo 10 sano ah u soo shaqaynayey dowladda, shaqaalaha buuxi waaya shuruudahaas waxaa jira xaquuq kale oo ay helayaan.

Sharcigaan oo sugaya saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo kaliya, si faafinta rasmiga ah ee dowladda loogu soo saaro ayaa dhigaya in qofka dowlada u shaqeeya laga jarayo mushaarkiisa 5% inta uu ku jiro shaqada qaranka.

Qofka howlgebka ah ee gaara 65 sano wuxuu heli doonaa 70% mushaarkii uu qaadan jiray intii uu ku jiray shaqada, sida kale qiimo intaas la eg ayaa waxaa qaadan doona ilmihii uu ka tagay qofkii geeriyooda isaga oo haya shaqada qaranka.

Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda Soomaaliya sharcigaan ka hor maheli jirin wax xaquuq, wixii ka dambeeyey markii ay burburtay dowladii dhexe ee Soomaaliya.

Sharciga uu maanta ansixiyey golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa shaqadiisu soo bilaabatay sanadkii 2021-kii, Bangiga Adduunka ayaana dowlada Soomaaliya ka taageeray dhanka maaliyada iyo farsamada khuburada diyaarisay sharciga cusub ee lagu maamuli doono shaqaalaha rayidka ee dowladda Soomaaliya.

Daawo: Kadib geeridii Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye, R/W Xamza oo maanta tegay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta kormeer ku tagay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, si uu ugu kuurgalo howlaha ka socda wasaaradda.

Booqashada Xamse ee wasaaradda haweenka ayaa inteeda badan la xiriirtay tacsi uu ugu tegay shaqaalaha iyo masuuliyiinta kale ee wasaaradda, maadaama ay geeriyootay wasiirkii wasaaradaas Maamo Khadiija Maxamed Diiriye.

“Ujeedkeygu wuxuu ahaa inaan wasaaradda soo booqdo kadib geeridii wasiir Khadiija, bal si aan u soo arko shaqadu sida ay u socoto, waana ku faraxsanahay intaan oo shaqaale ah oo wasaaradaan ka tirsan inay soo xaadiraan,” ayuu yiri R/W Xamza.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in wasaaradda haweenka ay ka mid tahay wasaaradaha ugu muhiimsan xukuumadiisa, isagoo sharaxay muhiimadda wasaaradaan ay u leedahay dalka.

“Wasaaradaan waxay ka shaqeysaa meelihii ugu muhiimsanaa dalkeena, iyadoo ah wasaaradda haweenka ayaa hadana loogu daray ilaalinta xuquuqul insaanka, waad ogtihiin haweenku miisaanka ay ku leeyihiin dalkaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xamza Cabdi Barre.

Wuxuu sheegay in haweenka Soomaaliyeed ay kaalin muhiim ah ka soo qaateen badbaadinta nolosha dadka Soomaaliyeed, “Sidoo kale tirada haweenka Soomaaliyeed ay uga jiraan dadkeena waa lambar aad u badan, dadkeenu imtixaano badan ayey soo mareen waxaana cadaatay in haweenka Soomaaliyeed ay aad u adkeysi badan yihiin,” ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa carabka ku adkeeyey in sida ay haweenku muhiim ugu yihiin dalkaan ay wasaaraduna muhiim ugu tahay dowladda, “Waa wasaaradda ugu muhiimsan xukuumadaan danqaran,” ayuu yiri.

Wuxuu tusaale u soo qaatay kaalintii wasaaradaan iyo haweenka Soomaaliyeed ay ka qaateen dagaalka ay dowladdu kula jirto Khawaarijta, “wasaaradda ahmiyadaas noo leh, hadii hoggaankii ugu sareeyey uu ka baxay, waxaan rajeynayaa in howshu sideedii u sii soca doonto,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xamza Cabdi Barre.

Hoos ka daawo

Maxay Soomaalida ka tiri inay Masar la dagaal gasho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Masar Cabdulfataax Al-Siisi ayaa maanta hanjabaadii ugu cusleyd u diray Ethiopia oo ay xilligaan is-hayaan Soomaaliya, kadib heshiis beenaadkii Addis Ababa ku dhex-maray Muuse Biixi iyo Abiy Axmed.

Madaxweyne Al-Siisi ayaa si cad u sheegay in uu Soomaaliya la dagaal galayo haddii ay Itoobiya ka laaban weydo xad-gudubka ay ku kacday, taasi oo si weyn usoo dhaweeyeen bulshada Soomaaliyeed, oo iyagu meel adag iska taagay damaca guracan ee xukuumadda Abiy.

“Xeerka Jaamacadda Carabta waxa uu dhigayaa in aan wadajir u difaacno dalkii Carbeed oo ay soo food-saarto khatar jiritaan, sidaas awgeed Dowladda Masar ma aqbalayso in la faro-geliyo, laguna soo xad-gudbo midnimada iyo amniga Soomaaliya,” ayuu yiri madaxweyne Al-Siisi.

Waxa uu intaas kusii daray “Awoodda Masar yaan la tijaabin oo la handadin walaalahood, gaar ahaan dalalka walaalaha ah ee naga codsada in aan garab istaagno.”

Haddaba, Maxaa laga yiri arrinkaan?

Musamil Axmed Ilyas: Inagoo walaalaheen Masad kaashanayno waxaan diyaar u nahay difaac qarankeena insha Allah.”

Daa’uud Xasan ayaa isna sidoo kale waxa uu yiri: “Masar waa walaalka weyn ee Soomaaliya.”

“Hamablyo. Sidda sharafta ah ee ay inoo taageereen walaalaheen Masar. Waxaan ku faraxsanahay inuu yidhi Siisi Yaan la dhayalsan awoodayadda. Waan aqbalnay inaan difaacno walaalaheen Soomaaliyeed,” ayuu yiri Mowliid Maxamed Samatar.

Saha Fagaas: “Fiicanaa Masar markeey danteeda ku jirto Illaahoow ha nagu haleen dad wajiyo badan Istaqfirullah.”

“Waa hadal weyn oo Soomaaliya wax tar u leh guuleyso mudane madaxweyne, Ilaahi mar labaad kuso cilayay ayaa mahad leh,” ayuu yiri Cabdullaahi Sheekh Axmed.

Axmed Ciise Maxamed ayaa sidoo kale waxa uu yiri: “Shaqo ayaa socota iyo halgan uu hormuud u yahay Dr Xasan Sheekh.”

Sara Cabdillaahi: “Waleee diplomacy meel waa lagu saaray Ethiopia.”

The agreement between Ethiopia’s PM and a breakaway part of Somalia is raising tension in the Horn of Africa

0

Summary 

The recent agreement between Ethiopia and a breakaway part of Somalia has emerged as a source of heightened tension in the already volatile Horn of Africa. This event not only weakens the continuing attempts to establish peace in Somalia but also presents a significant risk to the stability of the global security measures against the terrorist organisation Al-Shabaab. The deal, which has faced extensive criticism, seems to neglect the concepts of territorial integrity and sovereignty, causing fears about the possibility of more destabilisation in the area. Ethiopia will likely intensify ongoing disputes and worsening tensions by involving itself with a breakaway part of Somalia, impeding any potential for long-lasting progress and harmony in Somalia. 

The ramifications of this accord transcend the local area and have a worldwide impact on counterterrorism endeavours, namely in the battle against Al-Shabaab. Somalia has been a significant focus of the international community’s attempts to tackle the danger presented by this extremist faction. The destabilisation of Somalia, as a result of accords like this one, has the potential to create a vacuum that enables Al-Shabaab to reorganise and enhance its operations, presenting a direct threat to world security. In essence, the agreement between Ethiopia and breakaway part of Somalia is problematic because it not only hinders the attempts to establish peace in Somalia but also weakens the broader global security measures against the terrorist group, Al-Shabaab. It is imperative for the international community to diligently observe and tackle the developing situation to avert any further escalation and safeguard the stability of the Horn of Africa. Although the agreement is not yet a legally binding document, the United States, the African Union, the EU, Arab League, and the IGAD bloc in East Africa are all worried that it might lead to more divisions in an area where violence and humanitarian problems are already commonplace.

Is Ethiopian Seeking commercial access or a naval base?

The recent geopolitical actions of Ethiopia in the Red Sea area have generated conjecture over its underlying motives as observers discuss whether the nation is merely pursuing economic access or considering the creation of a naval base. The Horn of Africa has emerged as a central area of interest for major world powers, and it is crucial to closely analyse Ethiopia’s geopolitical location within this region. The Red Sea’s geopolitical terrain is intricate, as influential actors like China, the United States, and Gulf states compete for power and influence. Ethiopia’s possible endeavour to establish a naval station is a reaction to the changing circumstances, as the nation aims to safeguard its interests and maintain a competitive advantage in the area. Establishing a naval facility would be a significant strategic advancement for Ethiopia since maritime strength is closely linked to geopolitical influence on a worldwide scale. 

In 1993, Ethiopia became the land-locked nation after losing all its Red Sea ports to Eritrea, which earned independence after a 30-year war of freedom. Ethiopia, Ethiopia, has since actively pursued opportunities to get economic access to the sea by forming relationships with neighbouring countries such as Djibouti. Nevertheless, the decision to see Somalia as a prospective maritime ally prompts questions about the underlying justification for this choice. The Prime Minister’s exclusive emphasis on the Red Sea and involvement with Somalia breakaway region, without agreement from the Somali Federal Government, gives rise to significant apprehensions over diplomatic procedures, regional stability, and the possibility of intensifying preexisting tensions. Prime Minister Abiy Ahmed’s decision to bypass established channels and exclude the central government of Somalia from important decisions jeopardises the ideals of cooperation and partnership among neighbouring states. Among the 55 nations in Africa, 16 of them lack direct access to the sea. These landlocked countries include Botswana, Burkina Faso, Burundi, Central African Republic, Chad, Ethiopia, Lesotho, Malawi, Mali, Niger, Rwanda, South Sudan, Swaziland, Uganda, Zambia, and Zimbabwe. Furthermore, they extend their operations to other adjacent maritime entry points.

Prime Minister Abiy Ahmed’s determination to pursue commercial access to the sea, especially considering the planned naval ship base, raises critical issues. This change invites examination of the fundamental causes and strategic concerns influencing this substantial development. Nevertheless, introducing a naval ship base adds intricacy to this storyline. The existence of a naval base prompts inquiries about the extent of Ethiopia’s aspirations in the maritime domain. Is the nation aiming to secure economic entry and establish its presence in the geopolitical sphere? Using naval resources implies a more extensive strategic purpose, including regional security concerns or force projection beyond economic goals. Moreover, a thorough analysis is required to understand the reasoning for selecting a naval ship base. Comprehending the underlying reasons for this choice is essential in ascertaining whether it mainly aims to achieve economic or security goals. Regarding the maritime ship base’s suitability for dominant regional power and geopolitical interests, it is necessary to consider its strategic positioning and operational capabilities within that specific framework.

The possibility of Ethiopia gaining access to the Red Sea poses a multifaceted geopolitical situation with significant consequences. Although improved marine access may potentially propel Ethiopia to the position of a dominating regional power, the overall effect on the area may not necessarily be beneficial. Furthermore, with its secessionist portion, the situation in Somalia adds a complex element to this developing storyline. The situation in Somalia, especially with its secessionist portion, adds a level of intricacy to the regional dynamics. The growing influence of Ethiopia may transform the breakaway territory into a focal point for proxy warfare, where foreign forces might use local disputes to further their strategic objectives. Such actions not only extend the duration of the Somali population’s distress but also pose a threat of transforming the area into a breeding ground for instability, drawing in extremist factions and further undermining efforts to achieve enduring peace.

The necessary steps required from the Somali Government

The Somali federal government is now at a crucial point, confronted with complex issues that need prompt and deliberate measures to ensure the stability and independence of the country. To prevent a possible catastrophe, it is crucial to promptly carry out the following actions: the removal of Ethiopian troops from Somalia, the denial of access to Somali airspace, and the immediate establishment of alliances, notably with countries such as Turkey. First and foremost, the removal of Ethiopian soldiers is of utmost importance for the autonomy and internal peace of Somalia. The presence of Ethiopian military forces inside Somalia’s borders gives rise to worries over the nation’s sovereignty and the federal government’s capacity to control its affairs autonomously. The Somali government should initiate diplomatic consultations with United Nation, the EU, Arab League, and the AU to arrange a systematic withdrawal that guarantees a seamless transition while maintaining security. 

Furthermore, denying access to Somali airspace is crucial to protect national interests. The free access granted to foreign forces in Somali airspace weakens the nation’s autonomy and presents significant security dangers. The federal government must exercise over its airspace, ensuring compliance with rules that align with its strategic objectives and the area’s stability. Moreover, given the perceived danger from Ethiopia, it becomes crucial to actively seek out friends, with a particular emphasis on possible partners such as Turkey. Forging strategic partnerships may provide Somalia with diplomatic backing, military collaboration, and economic aid. Due to its increasing prominence in the area, Turkey has the potential to be a significant ally for Somalia. It may provide a counterweight to foreign pressures and strengthen Somalia’s standing in the world arena. 

In conclusion, Prime Minister Abiy Ahmed’s efforts to secure commercial sea access may fulfil economic needs, but developing a naval ship base adds complex aspects to the conversation. An in-depth analysis is essential to comprehend the reasons behind these actions; the strategic consequences, the possible regional effects and Ethiopia’s changing involvement in maritime matters. Although Ethiopia’s ability to reach the Red Sea might enhance its position as a prominent regional force, it is crucial to acknowledge the possible adverse consequences for the Horn of Africa. The potential risks of regional instability, weapons races, and the region becoming a proxy war emphasises the necessity for a careful and thorough strategy to manage the many difficulties that may result from geopolitical upheavals in Somalia’s breakaway territory.

MOHAMED H. SALAD is a researcher and Analyst of International Security & Peace Conflict Studies Specialist in the Horn of Africa
[email protected]
Twitter: @Mhirsisalad

DF oo qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta xiisadda badda

0

Kampala (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa ka qeyb gashay shir-madaxeedka ururka dalalka ku bahoobay G-77 iyo China, ayada oo halkaasi kusoo bandhigtay mowqifkeeda heshiiskii Addis Ababa iyo xad-gudubka ay ku kacday Itoobiya.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac oo Kampala shirkaan uga qeyb-galay ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay ku dhaqanka shuruucda caalamiga ah iyo ilaalinta madax-bannaanida iyo gobonnimada dalalka ku midaysan dalladan.

Mudane Saalax ayaa sidoo kale xusay in xad-gudubka Itoobiya kusoo fara-gelisay arrimaha Soomaaliya uu yahay mid halis ku ah ammaanka gobolka, isla markaana aan la aqbali karin.

Shir-madaxeedkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa ujeedadiisu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dalalka ku bahoobay ururkan G-77 ee dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, horumarka waara, isbeddelka cimilada iyo ciribtirka faqriga.

Waxa kale oo uu ra’iisul wasaare ku-xigeenka uu sheegay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee dalalkan ku bahoobay dalladan, isagoo xusay in Soomaaliya ay samaysay horumarro waawayn ee dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo la dagaallanka argagaxisada.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horey meel adag iskaga taagtay heshiiskii Addis Ababa, waxayna oo soo saartay qaraar ay uga hortimid heshiiskaas, ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh uu saxiixay sharci Baarlamaani ah oo burinaya is-afgaradka Itoobiya iyo Somaliland.

Heshiis beenaadkaasi ayaa xad-gudub ku ah madax-bannaanida Soomaaliya, sidoo kalena waxaa si weyn uga gil-gishay dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Al-Siisi oo hanjabaadii ugu cusleyd u diray Ethiopia, “yaan la tijaabin awoodda Masar”

0

Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Masar Cabdulfataax Al-Siisi oo maanta kulan mira-dhal ah kula qaatay Madaxtooyada dalkaasi Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa digniin culus u diray Itoobiya.

Kuanka gaarka ah ee labada madaxweyne kaddib, waxay wadajir u qabteen shir-saxaafadeed ay ku soo bandhigeen miro-dhalka wada-hadalkooda iyo aragtidooda ku aaddan xaaladaha ka taagan gobolka, iyada Al-Siisi uu hanjabaadii ugu cusleyd u diray Ethiopia oo ay xilligaan is-hayaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Masar ayaa tilmaamay saamaynta amni, dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee uu gobolka ku yeelanayo xad-gudubka dowladda Ethiopia ee ka dhanka ah midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in aysan indhaha ka fiirsanayn xad’gudubkaas, maadaama ay Soomaaliya iyo Masar yihiin labo dal oo qaan-wadaag ah, kuna mideysan dalladaha Carbeed iyo kuwa Afrika.

“Xeerka Jaamacadda Carabta waxa uu dhigayaa in aan wadajir u difaacno dalkii Carbeed oo ay soo food-saarto khatar jiritaan, sidaas awgeed Dowladda Masar ma aqbalayso in la faro-geliyo, laguna soo xadgudbo midnimada iyo amniga Soomaaliya,” ayuu yiri madaxweyne Al-Siisi.

“Masar ma ogolaan doonta inay cidna handado Soomaaliya, ama ay waxyeeleyso amnigeeda.”

Waxa uu intaas kusii daray “Awoodda Masar yaan la tijaabin oo la handadin walaalahood, gaar ahaan dalalka walaalaha ah ee naga codsada in aan garab istaagno.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa uga mahad-celiyay dowladda Masar mowqifka walaalnimada ah ee ay ka istaageen damaca xukuumadda Addis-ababa ee la xiriira badda Soomaaliya, isagoo soo bandhigay ahmiyadda dhaqaale iyo istaraatiijiyadeed ee Badda Cas.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Soomaaliya ay saami weyn ku leedahay Baddan, taas oo aysan u aqbalayn dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in dal kale ay kusoo xadgudbaan taako ka mid ah.

“Masar dowlad iyo shacab, waxaan nahay xulufo iyo walaalo soo jireen ah oo markasta ka wada shaqeeya sidii ay u abuuri lahaayeen mustaqbal ifiya iyo horumar waara. Wada-hadallada miro-dhalka ah ee aan maanta yeelannay waxay muujinayaan sida aan u doonayno in aan xoojinno xiriirka diblumaasiyadeed, amni iyo siyaasadeed.”

Go’aano culus oo laga soo saaray shirkii Al-Siisi iyo Xasan Sheekh + Sawirro

0

Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar ayaa munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Madaxtooyada dalkaas, waxa uu kulan miro dhal ah kula qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay amniga iyo istaraatiijadda Carbeed ee Badda Cas, xaaladda gobolka, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo xoojinta iskaashiga faca-weyn ee ka dhexeeya Labada shacab ee walaalaha ah.

Kuanka gaarka ah ee Labada Madaxweyne kaddib, waxay wadajir u qabteen shir-saxaafadeed ay ku soo bandhigeen miro-dhalka wada-hadalkooda iyo aragtidooda ku aaddan xaaladaha ka taagan Gobolka, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu tilmaamay sida dowladda Soomaaliya ay ula kaashanayso xulafada, bahwadaagta iyo saaxiibbada caalamka sidii looga hortagi lahaa caqabad kasta oo ka dhan ah madaxbannaanida iyo midnimada dalkeenna.

“Masar dowlad iyo shacab, waxaan nahay xulufo iyo walaalo soo jireen ah oo markasta ka wada shaqeeya sidii ay u abuuri lahaayeen mustaqbal ifiya iyo horumar waara. Wadahadallada miro-dhalka ah ee aan maanta yeelannay waxay muujinayaan sida aan u doonayno in aan xoojinno xiriirka diblumaasiyadeed, amni iyo siyaasadeed,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh oo uga mahad celiyay dowladda Masar mowqifka walaalnimada ah ee ay ka istaageen damaca xukuumadda Addis-ababa ee la xiriira badda Soomaaliya ayaa soo bandhigay ahmiyadda dhaqaale iyo istaraatiijiyadeed ee Badda Cas, waxa uuna sheegay in Soomaaliya ay saami weyn ku leedahay Baddan, taas oo aysan u aqbalayn dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in dal kale ay kusoo xadgudbaan taako ka mid ah.

Dhankiisa, Madaxweynaha Masar Mudane Cabdulfataax Al-Siisi ayaa tilmaamay saamaynta amni, dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee uu gobolka ku yeelanayo xad-gudubka dowladda Ethiopia ee ka dhanka ah midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in aysan indhaha ka fiirsanayn xadgudubkaas, maadaama ay Soomaaliya iyo Masar yihiin Labo dal oo qaan-wadaag ah, kuna mideysan dalladaha Carbeed iyo kuwa Afrika.

“Xeerka Jaamacadda Carabta waxa uu dhigayaa in aan wadajir u difaacno dalkii Carbeed oo ay soo food-saarto khatar jiritaan, sidaas awgeed Dowladda Masar ma aqbalayso in la faro-geliyo, laguna soo xadgudbo midnimada iyo amniga Soomaaliya. Awoodda Masar yaan la tijaabin oo la handadin walaalhood, gaar ahaan dalalka walaalaha ah ee naga codsada in aan garab istaagno,” ayuu yiri Siisi.

Ugu danbeyntii, labada Madaxweyne ayaa iska xog-wareystay xoojinta iskaashiga labada dal ee soo jireenka ah, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu uga warbixiyey dhiggiisa Dalka Masar guulaha muuqda ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka xaqiijiyeen amniga, dagaalka argagixisada iyo gaaridda guulihii taariikhiga ee dalkeennu ka gaaray qaadista Cuna-qabatayntii hubka, deyn cafinta iyo ku biiristii suuqa dhaqaalaha bulshada bariga Afrika.




Xog: Madaxweyne Xasan oo tegaya Garoowe + Ujeedka

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tegi doona magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, si uu uga qeyb-galo caleema saarka madaxweynaha dib loogu doortay maamulkaasi ee Saciid Deni.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland oo gacanta ku haysa qaban-qaabada xaflada caleema saarka Deni, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu casuumay munaasabadda.

Madaxweyne Xasan ayaa aqbalay casuumadda, taasi oo ka dhigan in madaxweynaha uu dhawaan tegi doono magaalada Garoowe oo ay hadda ka socoto qaban-qaabada xaflada caleema saarka madaxweyne Saciid Deni.

Munaasabadda caleema saarka ayaa sidoo kale waxaa lagu casuumay Madaxda dowlad-goboleedyada dalka, Wasiiro, Xildhibaano, Madax hore iyo Siyaasiyiin, iyo weliba sidoo kale wafuud ka socota daafaha caalamka.

Dhinaca kale, waxaa saacadihii ugu dambeeyay gaaray magaalada Garoowe madax kala duwan, kuwaasi oo qeyb ka ah madaxda ku casuumada xaflada caleema saarka madaxweynaha Puntland.

Xubnaha tegay Garoowe waxaa kamid ah ma’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka oo ay ku jiraan wasiiro iyo xildhibaano ka baxay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa aad loo adkeeyay ammaanka guud ee magaalada Garoowe, halkaas oo lagu arkayo ciidamo dheeraad ah oo dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay gudaha magaaladaasi.

Si kastaba, Khilaafka dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland ayaa weli halkiisi ah, waxaana la filayaa in kadib dib u doorashada Deni ay dowladda federaalka ay muujiso dabac siyaasadeed, si loo soo afmeero khilaafka dabada dheeraaday ee Puntland iyo dowladda dhexe.

Dhex-dhexaadinta Itoobiya iyo Soomaaliya oo ergey loo magacaabay iyo DF oo diiday…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergey cusub ayaa loo magacaabay dhex-dhexaadinta Soomaaliya iyo Itoobiya, xilli meel xasaasi ay mareyso xiisadda labada dal.

Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo ayuu Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika (PSC) uu dadaal wada xaajood ah ugu diray xiisadda, si uu ugu kala dab qaado Soomaaliya iyo Itoobiya.

Arrintan ayaa lagu macneeyay mid looga hortagayo xiisadaha sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya in ay u gudbaan gacan ka hadal.

Ergeyga cusub ayaa dadaal ku bixin doona sidii loo dejin lahaa xiisadda taagan oo laga cabsi qabo inay isku rogto dagaal culus, wallow ay dowladda federaalka horey u cadeysay in aysan wada-hadal la galeyn Itoobiya illaa ay ka laabato heshiiskii is-afgarad ee Addis Ababa ku saxiixdeen Muuse Biixi iyo Abiy Axmed.

Heshiiskan oo meel adag iska taagtay Soomaaliya, ayna sidoo kale si weyn u cambaareysay dunida ayaa waxa uu Itoobiya u ogolaanaya in ay hesho qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya oo burisay heshiiskan, kadib markii ay ku tilmaamtay xad-gudub ka dhan ah madax-banaanideeda ayaa toddobaadkii tegay ku dhowaaqday inay diyaar u tahay inay dagaal gasho, si ay u difaacdo dhulkeeda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Khamiistii meesha ka saartay in la dhex-dhexaadiyo ayada iyo Itoobiya illaa Addis-Ababa ay ka laabato is-afgaradka ay la gashay Somaliland.

“Ma jirto dhex-dhexaadin haddii aysan Itoobiya ka laaban is-afgaradkii sharci-darrada ahaa oo aysan dib u xaqiijin madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo la soo dhigay baraha bulshada.

Xog: DF oo ogolaatay inay Hargeysa ka degto diyaarad horey loo celiyey + Sababta

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Diyaarad nuuca xamuulka qaada ah oo ku diiwan gashan lambarka P4-JAG lagana leeyahay dalka Thailand, sida ay sheegtay Hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya, taas oo khamiistii laga celiyay hawada Soomaaliya ayaa shalay ka soo degtay magaalada Hargeysa.

Shalay subax, marka ay saacaddu ahayd 7:06 xilliga Soomaaliya, ayay diyaaradaasi ka soo degtay garoonka Cigaal ee magaalada Hargeysa, sida ay mujineyso xog ku daabacan bogga tixraaca dhaqdhaqaaqa duulimaadka ee caalamiga ah.

Diyaaradaan ayay horay u sheegtay hay’addu in ay diiday bixinta xogta badeecada ay waddo.

Sidee ku heshay ogolaansho?

Sida ay muujinayaan dukumiintiyo aan aragnay, ogolaanshaha in diyaaradaan soo gasho hawada Soomaaliya ayaa waxaa siiyay Hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya.

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo ka tirsan hay’adaan, diyaaradda ayaa la siiyay ogolaanshaha kadib markii ay soo gudbisay xogaha ku saabsan badeecadda ay waddo.

Dukumiintiyada ayaa muujinaya in diyaaradaan ay waday badeecooyin isugu jira waxyaalo electronic ah oo ah kuwa sida maalin laha ah loo isticmaalo, cuntooyin laga sameeyo caanaha iyo sidoo kale qalabka baabuurta.

Waxa kale oo dukumiintiyadu muujinayaan in diyaaraddu ay waday badeeco guud oo miiskeedu dhan yahay ilaa 120 kiilo, balse ma faahfaahsana waxa ay yihiin.

“Muddo shan maalin ah ayuu socday wadahadal horay iyo gadaal isku dhaafayay oo ku saabsan in diyaaraddu cadeyso waxa ay waddo,” ayay noo sheegeen ilahaan.

Ugu dambeyntii, afartii galabnimo xilliga Soomaaliya ee Jimcihi, ayay diyaaraddu go’aansatay in ay soo gudbiso faahfaahinta badeecada ay wado, ayay sheegaysaa xogta aan ka helnay ilaha ka tirsan hay’adda duulista. Waxaana loo diray ruqsada soo dagista xalay tobankii fiidnimo.

Duulimaadkaan oo isaga kala gooshayay garoomada diyaaradaha ee Sharjaha iyo Hargeysa ayaa horay waxaa u hakiyay Hay’adda Dullista Rayidka ee Soomaaliya.

“Diyaaradda ayaa ku guul-darraysatay inay bixiso macluumaadka xamuulka ay waddo (cargo), waxayna qaadatay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed go’aanka sharciga ah oo dhigaya inaysan hawada Soomaaliya soo geli karin diyaaraad aan la hayn maclumaadka, ujeedka safarka iyo waxa ay sido , waxaana dib looga celiyay diyaaradaas inay soo gasho hawada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya.

Dhamaan diyaaradaha soo gelaya hawada Soomaaliya ayaa laga hubiyaa waxyaabaha ay sidaan iyo dokumentiyadooda la xiriira safarka sida ay noo sheegtay hay’addu.

Diyaarada ayaa horay u isticmaali jirtay hawada Soomaaliya, iyada oo keeni jirtay xamuul ay u soo dejisay si bedqa.

Celinta diyaaraddan ayaa kusoo beegantahay iyadoo hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ay maalinnimadii talaadada hawada ka celisay diyaarad ay leedahay shirkadda Ethiopian Airlines, noceeduna yahay Dash 8-Q400, kuna duuleysay lambarka duulimaad ee ET8372, taas oo ku socotay Hargeysa kanasoo duushay magaalada Addis Ababa, hay’adda ayaa sheegtay in diyaaraddu aysan heysan wax fasax ah oo ay kusoo gashay hawada Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys, ayaa xaqiijiyay warkan, isagoo caddeeyay in diyaaradda ay la socdeen saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya.

Dhacdooyinkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo maalmihii lasoo dhaafay ay jirtay xiisad u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya kadib markii Dowladda Itoobiya ay heshiis is afgarad la gashay Somaliland arrintaas oo Soomaaliya ka careysiisay.

Soomaaliya ayaa dooneysa in dowladda Itoobiya ay heshiiskan dib uga laabato, iyada oo Addis Ababa ay ku madax adeygtay go’aankeeda.

Heshiiska Itoobiya iyo Somaliland ee 1 dii January ay kala saxeexdeen Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Itoobiya u ogolaanaya in ay Somaliland ka kirayso qayb kamid ah xeebaha Somaliland, kaas oo lagu sheegay in Itoobiya ay kiro ku dooneyso si ay uga sameyso saldhig ciidan iyo Deked.

Saxiixa heshiiskan ayaa waxaa si kulul uga carooday Soomaaliya oo u yeeratay safiirkeedii u fadhiyay Itoobiya, waxayna xiriir diblomaasiyadeed oo dhow la bilowday Masar iyo Eritrea oo ah laba dal oo daneynaya in la xakameeyo damaca Itoobiya ee gobolka.

Isha: BBC

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka GALMUDUG oo ku sii jeeda Laascaanood

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta kusii jeeda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Cali Ciid ayaa hadda ku sugan magaalada Garoowe, halkaas oo uu u tegay caleema saarka hoggaanka cusub ee Puntland oo lagu wado inay dhacdo 25-ka bishaan.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug iyo wafdi ay hoggaaminayaan ay maanta kasii bixi doonaan magaalada Garoowe, iyaga oo tegaya magaalada Laascaanood oo xarun u ah maamulka kumeel gaarka ah ee SSC-Khaatuma.

Qaban-qaabo loogu jiro soo dhaweynta wafdigan ayaa haatan ka socota gobolka Sool, gaar ahaan magaalada Laascaanood oo ay diyaar ku yihiin mas’uuliyiin iyo dad shacab.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa inta uu joogo Laascaanood kormeeri doono xarumaha muhiimka ah ee magaaladaas iyo saameynta kasoo gaartay dagaalladii u dhexeeyay ciidamada SSC iyo kuwa Somaliland ee muddada dheer ka socday halkaasi.

Sidoo kale wuxuu kulamo gaar gaar ah la qaaday mas’uuliyiinta maamulka deegaanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan halkaasi.

Mr. Ciid ayaa noqonaya mas’uullii ugu horreeyay ee ka socda Galmudug oo cagta dhiga Laascaanood, tan iyo markii laga saaray ciidamada milatariga Somaliland.

Horay magaaladan waxaa u booqday mas’uuliyiin ka socda dowladda federaalka, sida wasiirro iyo xildhibaanno kasoo jeeda deegaanka, si ay u garab istaagaan dadkooda.

Si kastaba, xaaladda Laascaanood ayaa daganeyd bilihii lasoo dhaafay, waxaana si caadi ah usocda howl maalmeedka shacabka, ayada oo magaalada ay gacanta ku hayso SSC.

 

Xasan Sheekh oo tallaabo ay qaadeyso DF la wadaagay Jaamacadda Carabta

0

Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan dalka Masar ayaa magaalada Qaahira kula kulmay Madaxa Ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abuu Al-qeyd oo ay ka wada-hadleen arrimo xasaasi ah.

Ugu horreyn madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyey dalalka iyo guddoonka Jaamacadda Carabta mowqifka ay ku taageereen midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, kadib xadgudubkii ay kula kacday dowladda federaalka Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka mahadceliyay go’aanka guddoonka iyo dalalka Ururka Jaamacadda ay kaga hor yimaadeen damaca gurracan ee ra’iisul wasaaraha Itoobiya, kuna taageereen midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa iska xog wareystay amniga iyo istaraatijiyada badda Cas ee marinka muhiimka ah ee Baab al-Mandeb iyo xaaladda geeska Afrika, iyaga oo dul istaagay cawaaqib xumada ka dhalaneysa tallabooyinka qar iska tuurka ah ee maamulka Addis Ababa ay ku faragaliyeen midnimda dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Dhinaca kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Jaamacadda Carabta la wadaagay tallaabada ay qaadeyso dowladdiisa ee ku aadan mowqifka mideysan ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku diideen damaca xukuumadda ra’iisul wasaaraha Itoobiya ee ka dhanka ah baddeenna iyo dhulkeenna.

Ugu dambeyn Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Al-qeyd ayaa muujiyay dadaalka iyo garab istaaga Jaamacadda Carabta ee lagu xoojinayo midnimada iyo gobanimada Soomaaliya,  axaana uu sheegay inaanan la aqbali karin xadgudubka dhanka ah Jamhuuriyadda Soomaaliya oo saldhig u ah xasilloonida gobolka.

Soomaaiya ayaa haatan taageero caalami ah ka heshay waddamio badan iyo ururada ay qaybta ka ah, taas oo go’doon gelisay Itoobiya oo xadgudub u geysatay dowladda dhexe.

DF ma ka go’an tahay dagaal ay la gasho Ethiopia?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa war cusub kasoo saartay xiisadda diblomaasiyadeed ee kala dhexeysa Itoobiya, taas oo kasii dareysa, isla markaana laga cabsi qabo inay isku beddasho gacan ka hadal, maadaama uu socod dhaq-dhaqaaq xoogan.

Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya, Maxamed Cali Xagaa oo ka qayb-galay dood ku aadanayd kiiska badda ayaa shaaca ka qaaday inay haboon tahay in fadhiga laga kaco, maadaama baddeenna iyo dhulkeenna ay soo damaacisay dowladda Itoobiya.

“Itoobiya way timid, wayna damacday ma ogaal la’a inay jabineyso heshiisyadii caalamiga ah oo dhan, weligeedna waan is haynay Itoobiya” ayuu yiri wasiiru dowlaha amniga.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qorshaha Itoobiya ee badda Soomaaliya uu mar hore soo billowday, isla markaana ay weligeed ku hamineysay in la wareegto.

“Kuuma naxariisaneyso Itoobiya intaan soo nooleyn oo wax soo baraneynay waxay ku hamineysay inay dhulkaaga haysato” ayuu kusii daray Wasiir Xagaa.

Waxaa kale oo uu tilmaamay haddii ay arrintu faraha ka baxdo oo dagaal ay isku rogto in Soomaaliya ay ka go’an tahay inay dagaal la gasho Itoobiya, iskana dhicin karto.

Wasiirka ayaa tusaale usoo qaatay tallaabooyinkii u dambeeyay ee ay qaaday dowladda, laguna celinay diyaaradihii kusoo xagdubay hawada Soomaaliya.

“In aan Itoobiya la dagaal geli karno waxaa tusaale u ah labadii tallaabood ee aan qaaday, kuna difaacanay hawadeenna” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo ay sii kululaaneyso xiisadda labada waddan ee ka dhalatay heshiiskii ay kowdii bishaan gaareen Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Xog: Saddex dal oo Soomaaliya ka balan-qaaday inay ka difaacayaan Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa isku diyaarineysa dagaal iyo xeelad kii Itoobiya ay isku daydo inay ku qaadato qeyb ka mid ah badda Soomaaliya, waxaana kacsan xaaladda gobolka Geeska Afrika oo muhiim u ah guud ahaan dunida.

Soomaaliya oo hadda uu dhisme ku socdo nidaamkeeda dowliga ah iyo ciidamada qaranka, waxaa la saadaalinayaa inaysan huri doonin dagaal ay la gasho Itoobiya, maadaama xabashidu ay wacad ku martay in bad la’aan aysan sii ahaa doonin.

Seddax dal ayaa la sheegay in Soomaaliya ay isku haleyneyso inay garab buuxa sii doonaan hadii dagaal qarxo oo Itoobiya iyo Soomaaliya ay is farasaaraan, taas oo Soomaalida ku dhiirigelineysa inay wadankooda difaacdaan.

Dowladaha kala ah, Turkiga, Masar iyo Eritrea ayaa la sheegay inay dowladda federaalka Soomaaliya u balan qaadeen garab istaag buuxda, labo kamid ah dowladahaas wuxuu dagaal culus kala dhexeeyaa Itoobiya.

Masar iyo Eritrea cadowgooda koowaad ee Itoobiyaanka, waxayna isku hayaan qadiyado soojireen ah, wuxuuna dagaalkoodu fursad u yahay Soomaaliya oo cadowgeeda dunidaan uu yahay Itoobiya.

Turkiga wax dagaal ah oo la ogyahay kalama dhexeeyaan Itoobiya, balse waxaa la aaminsan yahay in Soomaaliya difaaceda uusan ka gorgortami doonin, maadaama uu yahay saaxiibka ugu dhow Soomaalida, dadaal badana ku bixiyey dhismaha qarankii burburay ee Soomaaliya.

Hadda madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ku sugan yahay Masar, kadib markii uu casuumay madaxweynaha dalkaas markii uu qarxay khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Soomaaliya iyo Masar ayaa kulamada ka socda Qaahira uga arrinsanaya sidii ay ugu midoobi lahaayeen cadowgooda Itoobiya, horay Xasan Sheekh wuxuu ugu safray Eritrea, halka qadka taleefanka uu kula hadlay Madaxweynaha Turkiga.

Masar waa dalka ugu awooda badan ciidan ahaan qaaradda Afrika, dunidana Masar waxay dhanka awooda ka daba dhowdahay Turkiga, dagaal soo jireen ah oo ku saabsan biyo xireenka wabiga Nile ayaana kala dhexeeya Itoobiya, Masar waxay 1977-kii ka mid aheyd dowladihii Soomaaliya ku garab istaagay dagaalkii ay ku jabtay Itoobiya.

Soomaaliya, horay waxay dalka saldhig militeri uga siisay Turkiga, hadana waxaa la filayaa in Masar ay Soomaaliya ka hesho saldhig militeri, saldhigyadaan waxay halis ku noqon doonaan jiritaanka Itoobiyaanka, hadii aysan ka joogsan qaladaadka Hungurigu hagayo ee Soomaaliya ay ku hayaan.

Ciidmada dowladda oo burburiyay xarun lagu diiwaan-geliyo Shabaabka cusub

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo qorsheysan oo ay maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen duleedka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, kaas oo lagu qaaday Al-Shabaab.

Howlgalka oo ahaa mid culus ayaa waxaa si gaar ah u fuliyay guutada 8-aad ee qaybta 60-aad ciidamada Xoogga dalka, kuwaas oo isku fidiyay agagaarka Goofgaduud-buurey.

Taliyaha ururka 47-aad guutada 8-aad, qeybta 60-aad ee ciidanka Xoogga X/le Axmed Maxamed Nuur (Axmed Dhagey) oo howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay inay gaareen tuulooyin ay ka mid yihiin Misgaale, Warta Kormar, Duurow, Mintaanka, Qurunlow Asharaaf, Gololow, Goof Golol & Hareera Jiif, kuwaas oo u dhow Goofgduud-buurey ee gobaoka Baay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay burburiyeen maktab ay ku diiwaangeliyaan xubnaha cusub ee doonaya inay ku biiraan kooxda iyo goobo kale ooay lacago uga qaadan jireen dadka shacabka ah ee Isticmaala wadooyinka gala gobollada Baay iyo Bokool.

Ma shaacin taliyuhu khasaare nafeed oo ka dhashay howlgalladan, marka laga tago burburinta xarumaha ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo culus laga dareemaya aagga magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ka ah ee Koonfur Galbeed.

Gobollada Baay iyo Bakool ayaa waxaa weli ku xoogan dagaalyahanada Al-Shabaab oo inta badan go’doon geliyay magaalooyinka ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed, taas oo keentay in xaalad adag ay galaan shacabka ku dhaqan halkaasi.

Sawirro: Sanad kadib geeridii Xasan Tuure, DANAB oo qaaday tallaabo muhiim ah

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Kulan loogu duceynayay shuhadadii ciidanka kumaandooska Danab ee difaaca dalkooda u dhintay ayaa maanta lagu qabtay Taliska Danab ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Taliye ku-xigeenka Ururka 163-aad ee Guutada 16-aad ee Danab  Dayib Maxamed Xasan, ayaa soo agaasimay kulankaas oo Qur’aan iyo Duco loogu akhriyay shuhadadii ku geeriyootay dagaalka ay Soomaaliya kula jirto Khawaarijta.

Waxaa lasoo dhejiyey booq weyn lagu soo daabacay sawirrada saraakiishii iyo askartii ugu qaalisaneed ee Danab looga dilay dagaalka dalka looga xoreynayo Argagixisada, xubnaha ka soo muuqday boorka waxaa ka mid ah Taliye Xasan Tuure oo lagu dilay dagaal ka dhacay Galcad, sanadkii hore bishaan oo kale.

Dhammaan dadkii ka qeyb galay kulanka ayaa shuhadada Alle uga baryay inuu Jannadii fardowso ka waraabiyo, iyagoo iskula dardaarmay Alle ka cabsi iyo in laga dhabeeyo hadafkii ay u dhinteen saaxiibadood ee ahaa ciribtirka Khawaarijta umadda Soomaaliyeed u diidan nabada iyo horumarka.

Xasuusta Shuhadada ayaa ku soo aadday xilli maanta sannad laga joogo markii uu shahiiday AUN taliye ku xigeenkii kumaandooska Danab Xasan Tuure oo 20-kii Janaayo 2023 lagu dilay isaga iyo ciidan badan dagaal ka dhacay degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Tani waxay muujineysaa caqiidada wanaagsan ee ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku jira jihaad kii ugu cuslaa, maadaama ay dagaal adag kula jiraan argagixiso halis ku ah jiritaanka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Janaayo sanad ka hor markii uu dhintay Taliye Xasan Tuure oo muhiim u ahaa hoggaaminta halganka dalka looga xoreynayo Khawaarijta, hadana Janaayo sanadkaan waxaa dhintay halyey kale Taliye Cabdi Suulnuug oo geeridiisu ay gilgishay dalka, maadaama uu door muhiim ah ka qaadanayey dagaalka wadanka looga xoreynayo Khawaarijta.

Ciidamada Soomaaliya oo weli dhisme xoog leh uu ku socdo, dagaal adagna kula jira kooxo argagixiso ah, hadana waxaa laga cabsi wabaa inay soo wajahdo xaalad dagaal oo Soomaaliya ay la gasho Itoobiya oo dooneysa inay xoog ku qaadato qeyb ka mid ah badda Soomaaliya.