25 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

Sudan oo ka baxaysa IGAD kadib qalad ka dhacay shirkii ay codsatay Soomaaliya

0

Khartoum (Caasimada Online) Dowladda Sudan ayaa sheegtay in ay ka baxayso urur goboleedka bariga Afrika ee IGAD, kadib shirkii IGAD ee maalin ka hor ka dhacay dalka Uganda, kaas oo Soomaaliya ay codsatay in la qabto, si looga wadahadlo damaca Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya.

Markii laga hadlay arrinta Soomaaliya iyo Itoobiya, shir guddoonka IGAD oo ahaa maxaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu miiska soo saaray arrinta dalka Sudan oo cagaha la galay colaado sokeeye.

IGAD ayaa isku dayday in wada xaajood laga yeesho, si loo dhameeyo dagaalka u dhexeeya ciidamada Sudan iyo xoogaga taageerada degdegga ah ee ka soo horjeeda.

Khamiistii dowladda Sudan waxay hakisay wax kasta oo ku lug lahaa wadahadalada nabada ee ay dhexdhexaadinaysay IGAD, iyadoo ka careysan hanaanka loo wajahay iyo sababta loo casuumay garabka la dagalamaya dowladda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa ku eedeeyay ururkan in ay ku xad-gudbeen madax-bannaanida Sudan, kadib markii hoggaamiyaha RSF (Maxamed Xamdaan Dagalo) lagu casuumay shir-madaxeedka IGAD ee lagu qabtay dalka Uganda.

War-murtiyeed ay maanta soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Sudan waxay ku tilmaantay war-murtiyeedkii IGAD ee gunaanadkii shirka uu ahaa mid xushmad-darro iyo meel ka dhac ku ah shacabka iyo dowladda Sudan.

Dagaalkii sagaalka bilood socday wuxuu qasbay in ka badan toddobo milyan oo qof in ay guryahooda ka baxaan, halka kumanaan kalena ay dhinteen, welina xal looma helin dagaalka sokeeye ee ka socda Sudan.

Dalka Sudan ayaa ka mid ah dalalka ku bahoobay urur goboleedka IGAD oo ka aas-aasan geeska Afrika, Soomaaliya iyo wadamada gobolka ayaa ku bahoobay ururkaan, shirka ay ka carootay Sudan waxaa codsatay in la qabto Soomaaliya, oo iyana ka carootay damaca Itoobiya ay ku raadineyso badda Soomaaliya.

Shirkaas waxaa ka baaqatay Itoobiya oo Soomaaliya ay kaga dacwooneysay madaxda gobolka, waxaana si buuxda loogu taageeray Soomaaliya, iyadoo bayaankii ka soo baxay lagu buriyey heshiis ku sheegii Muuse Biixi uu ku soo saxiixay Addis Ababa.

Sawirro: Xasan Sheekh oo dalka ku casuumay Sheekh caan ka ah dunida + Sababta

0

Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqday xarunta Al-Azhar Al-Shariif ee Magaalada Qaahira ayaa la kulmay Sheekh Axmed Maxamed El-Tayeb oo ah Imaamka Al-Azhar.

Shiiqa iyo madaxweynaha ayaa ka wada hadlay ahmiyadda dagaalka fikirka ee ka  dhan ah kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

Sidoo kale kulanka Madaxweynaha iyo Shiiqa waxaa la isaga warsaday xaaladda kumannaanka arday ee wax ka barata Jaamacadda iyo Xarumaha Al-azhar ee ku yaalla dalka Masar.

Madaxweyne Xasan ayaa Shiiqa u sharaxay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in lasii xoojiyo hirgelinta macaahid diini ah iyo xarummo lagu wajaho fikirka xagjirnimada.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa ku marti-qaaday Sheekh Axmed Al Tayib in uu booqasho ku yimaado Soomaaliya, si uu u soo arko horumka iyo miro-dhalka dowladnimada Soomaaliya.

Dhankiisa, Sheekh Axmed Maxamed El-Tayeb oo Madaxweynaha Soomaaliya uga mahadceliyey booqashada ayaa aqbalay casuumadda, wuxuuna balan qaaday inuu Soomaaliya yimaado.

Sheekh Axmed ayaa si adag u cambaareeyey faragelinta ay dowladda Itoobiya ku sameysay Madax-bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sheekh Axmed Maxamed  El-Tayeb ayaa xusay in loo baahan yahay in si wadajir ah looga difaaco cid kasta oo ku soo xadgudubta dhulka iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Masar la kulmay Madaxa Ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abuu Al-qeyd, wuxuuna ku bogaadiyey dalalka iyo guddoonka Jaamacadda Carabta mowqifka ay ku taageereen midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xalay gaaray dalka Masar, kadib markii uu casuumaad ka helay madaxweynaha dalkaas, safarka madaxweynaha ee Masar ayaa la xiriira xiisadda badda ee Soomaaliya kala dhaxeysa Itoobiya.

Masar ayaa la dagaashay Itoobiya, taas oo ka dhigan in Soomaaliya iyo Masar ay yihiin isku cadow, qasabna ay tahay inay isku kaashadaan cadowgooda, tan iyo markii ay Itoobiya ku soo xadgudubtay badda Soomaaliya, waxaa kacsan dareenka dadka Soomaaliyeed, madaxduna waxay gashay olole caalami ah, si dalka looga difaaco Xabashida.


Midowga Afrika oo qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta xiisadda Somalia iyo Itoobiya

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika oo ka duulaya dajinta xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa qaaday tallaabadii ugu horreysay, si loo qaboojiyo xiisadda labada waddan ee ka dhalatay heshiiska badda.

Midowga Afrika ayaa madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Olusegun Obasanjo u magacaabay inuu madax ka noqdo wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya.

Qoraal kasoo baxay Midowga Afrika ayaa waxaa lagu sheegay Olusegun Obasanjo uu hoggaamin doono dadaallada la doonayo in lagu dhex-dhexaadiyo labada dhinac.

“Si looga hortago sii hurinta xiisadaha u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) ayaa qaaday tallaabo waxayna ka codsadeen Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo inuu hoggaamiyo wada xaajoodka isla markaana la qaboojiyo khilaafka sii kordhaya” ayaa lagu yiri qoraalka.

Magacaabistan ayaa kusoo aadeysa, ayada oo dowladda Soomaaliya ay diiday in la dhex dhexaadiyo Itoobiya, illaa laga noqdo heshiiska xadgudubka ku ah madax bannaanideeda.

“Ma jirto dhex-dhexaadin haddii aysan Itoobiya ka laaban is-afgaradkii sharci-darrada ahaa oo aysan dib u xaqiijin madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaan ay horay usoo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Tallaabada uu haatan qaaday Midowga Afrika ayaa sidoo kale timid, xilli waddamada gobolka ay shir ku yeesheen magaalada Kampala, kaas oo looga hadlay xiisadda labadaan dal.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa xiriirkooda uu xumaaday, kadib markii ay kowdii bishaan Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ay gaareen heshiis ay ka carootay dowladda federaalka.

Daawo: Arrin fool-xun oo ka dhacday kulanka BF ee maanta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta kulan kamid ah fadhiyadooda caadiga ah maanta ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa, kaas looga doodayay hindise sharciyeedka beeraha oo la horgeeyay golaha.

Inta aysan bilaaban doodda ayaa waxaa kulanka ka dhacday arrin fool-xun, kadib markii mid kamid ah gabdhaha xildhibaanada ah oo careysan ay biyo ku rusheysay Hab Dhowraha Baarlamaanka xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan (Nuux), taas oo keentay buuq xoogan.

Muuqaal ay duubtay warbaahinta ayaa waxaa laga arkayay gabadha xildhibaannada ah oo qaylineyso, isla markaana la cel-celinayo, kadib markii ay firdhisay biyaha oo xittaa gaaray miiska iyo kuraasta ay fadhiyaan xubnaha guddoonka sare ee Golah Shacabka Soomaaliya.

Habdhowraha Golaha Shacabka oo si adag uga hadlay weerarka lagu qaaday ayaa sheegay inay foolxumo tahay in xildhibaannada qaar ay garan waayaan mas’uulitadda saaran.

“Hadda xildhibaan baa noo yimid aanan garaneyn waxa uu ka hadlaayo oo aad u fool-xun waxa uu ku dhaqmayo” ayuu yiri Xildhibaan Nuux.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in hadda uu ka dhammaaday dul-qaadkii marka la fiiriyo sida ay u dhaqmayaan xildhibaannada golaha, balse ay qaadi doonaan tallaabooyin adag.

“Waxaa moodaa saluuga iyo dhaqanka xildhibaanimadu inay ku saleysan tahay xeer hoosaadka golaha waxaad moodaa samirka iyo dulqaadka iyo qaabka aan u dhaqmeyno inay wax xoogaa xadkii aan ugu talagalnay ka baxday” ayuu sii raaciyay Hab Dhowraha.

Waxaa kale oo uu yiri “Waxaad ogaataan xildhibaanno haddii aynaan dabaqin xeerarka inoo yaalla inuu goluhu  u ekaanayo meel fadhi ku diriid ah ama meel aan ku habooneen”

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay iskula laaban doonaan xeer hoosaadka iyo nidaamka u yaalla Baarlamaanka, haddii aynaan wax laga bedalin hab dhaqanada xun.

“Haddii qofka mas’uulka ah uu garan waayo meesha uu taagan yahay waxaan baraya qaab dhaqanka xeer aan ku dhaqmeyno” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Habdhowruhu.

Xog: Cabdirashiid JANAN oo dib loo helay maalmo kadib

0

Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirkii hore amniga dowlad goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) ayaa maanta dib loo helay, kadib markii horay loogu waayay magaalada Niarobi ee caasimada dalka Kenya, taas oo keentay walwal xoogan.

Jeneraal Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) oo hadda ah wasiirka amniga Jubbaland ayaa xaqiijiyay in isaga oo nool Nairobi la gelay Janan, kadib maalmo warkiisa la la’aa.

Wasiir Dhuumaal ayaa sheegay inuu gadda nabad qabo Janan, isla markaana ay faahfaahin ka bixin doonaa arrimihiisa iyo xaaladda uu hadda ku sugan yahay.

Wali ma jirto faah-faahin rasmi ah oo laga helay cidda uu ku maqnaa, balse waxaa la xaqiijiyay in xalay hoygiisa la keenay, isla markaana uu haatan ku sugan yahay.

Warar horay loo baahiyay ayaa waxaa lagu sheegay inuu u gacan galay sirdoonka Kenya, balse waxaa haatan laga war sugi doonaa faahfaahintiisa, maadaama lasii daayay.

Arrinta C/rashiid Janan ayaa cirka isku shareertay, kadib markii ehelladiisa qaar kamid ah ay sheegeen in la dilay, halka kuwa kalena ay ku warrameen in la afduubtay.

Sidoo kale waxaa ka hadlay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo baaq cod dheer ah u diray laamaha ammaanka Kenya, kana dalbaday inay meel ku sheegaan Janan.

Cabdirashiid Janan oo waayihiisa ay marxalad kala duwan soo mareen, marna lagu xiray magaalada Muqdisho ayaa ayaa kamid ahaa siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeday madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ay mar ahaayeen saaxibo aad isugu dhow.

ITOOBIYA oo qiil yaab leh u sameysatay badda Soomaaliya

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya oo war cusub kasoo saartay heshiiska badda ee ay la gashay Somaliland ayaa soo bandhigtay qiil yaableh oo ay ku dooneyso inay ku qabsato biyaha Soomaaliyeed.

Redwan Hussain oo ah la-taliyaha amniga ee Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa shaaca ka qaaday in Itoobiya ay wax kasta ku bixineyso inay hesho marin biyood, kaas oo uu tilmaamay inuu muhiim u noqon doono malaayinka qof ee Itoobiyaanka ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Itoobiyaanka aysan sii noolaan karin haddii aysan helin marin biyoodka haatan loo saxiixay, sida uu ku dooday.

“Itoobiya ma noolaan karto haddii aysan helin marin biyoodkan, waa muhiimadda koowaad ee badbaadadeenna, sidoo kalena waxay kaalin muhiim ah ka qaadanaysaa nabadda iyo amniga gobolka. Ma dhayalsan karno arrintan,” ayuu yiri Ambassador Redwan Hussain.

Wxaa kale oo uu intaasi kusii daray inuu marin biyoodkaas haddii ay helaan inuu ka qayb-qaadan doono horumarka dhaqaalaha iyo bulshada Itoobiya, isla markaana aysan cidna waxyeello u geysaneyn.

Ujeedkooda waxa uu tilmaamay in uusan ahayn inay qabsadaan dhul badeed ee ay tahay kiro uun, sid ay fursad u hesho dowladda Itoobiya.

“Ma ahan inaan qabsaneyno dhul cid kale leedahay waxaan kaliya kiraysaneynaa dhul sida qof kasta oo jooga Somaliland, annaga ma ahaanee. Waxaa jira dalal horey u lahaa saldhigyo, kuwa kalena safka ayey ugu jiraan inay helaan marin biyood” ayuu sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Itoobiya ay wajaheysa culeys la xiriira heshiiska ay la gashay Somaliland, waxayse u muuqatai in aysan dhag jalaq u siineyn baaqyada caalamiga ah ee la xiriira xad-gudubka ay Soomaaliya kula kacday, xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay muujisay sida ay uga go’an tahay difaaca madax-banaanideeda.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa dagaalka diblumaasiyadda kaga adkaatay Ethiopia, iyada oo taageero caalami ah u heshay difaaca dhulkeeda, kadib markii ay burisay heshiiskii Muuse Biixi uu Addis Ababa kula gaaray Abiy Axmed.

 

Al-Shabaab oo askar badan ku dishay weerar ka dhacay galbeedka MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar culus oo ay xalay xoogaga Al-Shabaab kusoo qaadeen qaybo kamid ah galbeedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Weerarka ayaa waxaa lagu ekeeyay saldhig ay ciidamada Xasilinta ee Boolis Milataaro ku leeyihiin halkaasi, waxaana kadib xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay labada dhinac

Dagaalka ayaa ahaa mid xoogan, kaas oo saameyn ku yeeshay dadka deegaanka, balse ma cadda khasaaraha ka dhashay.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka oo ka hadlay dhacdadaasi ayaa sheegay inay ka hortageen weerarka, ayna khasaare gaarsiiyeen xubnaha duulaanka soo qaaday.

Dhanka kale ilo wareedyo madax bannaan ayaa sheegay in dagaalkan lagu dilay 9 askari oo uu ku jiro taliyihii haystay saldhigga, kaas oo magaciisa lagu soo koobay Carab

Qarax xoogan ayaa sidoo kale saaka ka dhacay isla degmada Kaxda, kaas oo jugtiisa si xoogan looga maqlay gudaha degmadaasi.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa lasoo wariyay inuu ka dhacay Koontorol ku yaalla halkaasi, isla markaana ay ku sugnaayeen ciidamada ammaanka.

Xaaladda ayaa hadda deggan, waxaana dib u laabtay xubnihii Al-Shabaab ee xalay weerarka kusoo qaaday degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Weerarkan ayaa kusoo aaday, xilli maalmihii u dambeeyay ay daganayd xaaladda ammaan ee Muqdisho, kadib howlgallo ay ka sameeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Sawirro: Taliye cusub oo la magacaabay, kadib geeridii Cabdi Maxamed Suulnuug

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta taliye cusub u magacoway guutada 18-aad ee ciidanka Gorgor, kadib markii dhowaan lagu dilay taliyihii guutadaas, Cabdi Maxamed Suulnuug, kaas oo ku dhintay dagaalka Mudug.

Taliye ku xigeenka cusub ee guutadan ayaa waxaa loo magacaabay Gaashaanle Xasan Aadan Maxamed (Xasan Ciraaqi), kaas oo beddalaya AUN taliye Suulnuug.

Xasan Ciraaqi ayaa magacaabistiisa kadib booqasho ugu tegay ciidanka guutada 18-aad ee Gorgor, isaga oo kula dardaarmay inay laba jibaaraan howsha u hayaan qaranka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay shaqada halkeeda kasii socon doonto, ayna wadi doonaan gulufka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda deegaanada Galmudug.

Taliye ku xigeenka cusub ayaa waxaa hortaalla dhammeystirka shaqadii uu ka tegay Suulnuug oo marka la dilayay ku howlanaaa xoreynta deegaanada ay joogaan Shabaab.

Suulnuug oo lagu tilmaamay geesi qaran ayaa muddo ku sugnaa furimaha dagaalka, wuxuuna wax ka xoreeyay deegaano badan, sida degmada Aadan Yabaal iyo magaalooyin kale oo ku yaalla gobollada dhexe ee dalka.

Wuxuu sidoo kale ahaa halyey ka tilmaamay fagaareyaasha dagaalka, waxaa jeclaa ciidanka uu hoggaamiyo, waxaana ka go’need inuu Al-Shabaab ka xoreeyo wadanka.

Si kastaba, ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa weli dalka ka wada howlgallo culus oo xoreyn ah, kuwaas oo naftooda ay ku waayeen saraakiil uu kamid ahaa taliye ku xigeenkii ciidanka sida gaarka u tababaran ee Danab Xasan Maxamed Cismaan (Tuure).

Nin hubeysan oo shacab ku laayay duleedka BURCO

0

Burco (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Togdheer ayaa sheegaya in gelinkii Jimcaha nin hubeysan oo dhimirka la’ uu weerar ka gaystay duleedka magaalada Burco ee xarunta gobolkaasi, kaas oo dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Ninka oo ku hubeysan qoray ayaa dilay saddex qof, isaga oo dhaawacay mid kale, kadib marii uu ku weeraray deegaanka Afmadoobe ee gobolka Togdheer.

Mid kamid kamid ah dhaqaatiirta isbitaalka guud ee Burco oo la geeyay dadka ay waxyeelada soo gaartay ayaa ka warbixiyay falkaasi, wuxuuna xaqiijiyay dhimashada saddexda qof oo maydkooda la geeyay isbitaalka iyo dhaawaca qof kale oo daran.

“Gobolka Togdheer waxaa ka dhacday mashaqa xun 4 qof ayaa dhibaato soo gaartay, afartaas qof, saddex aa ku naf waayeen, hal qof oo kalena dhaawac culus ayaa isbitaalka lagu keenay” ayuu yiri mid kamid ah dhaqaatiirta ka howlgasha magaalada Burco.

Sidoo kale waxaa dhacdadan ka hadlay maamulka degmada Burco oo sheegay inay ka war hayaan falkaasi argagaxa leh oo uu gaystay nin ka xanuunsan dhimirka.

Mas’uul u hadlay maamulka ayaa sheegay in dadlka la laayey ay ku sugnaayene kulan Alle bari ah oo ka socday halkaasi, kadibna ninka hubeysan oo uu sidaas ku laayay

“Meesha Alla bari ayaa loo tegay, shirbaa ka dhacayay ninkaas isaga oo qoray sita ayaa la sheegay inuu meeshaas yimid ilaahey wuxuu ku talagalay inuu intaa laayo” ayuu isna yiri.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, balse dhacdadaan ayaa xanuun ku reebtay dadka deegaanka, maadaama ay ku noqotay mid argagax leh.

Seddax aag oo halis ah oo ku furan Xasan Sheekh iyo sida mudan inuu u wajaho

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaa ku furan seddax furimood oo midba mida kale ka culustahay, waxaase ugu daran tan taabaneysa madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee qaranimada Soomaaliya.

Xasan Sheekh ooo dalka xukumaya muddo ku dhow labo sano, wuxuu ku jiraa marxalad uu Madaxweyne maro tii ugu adkeed, waxayna guushiisu ku xiran tahay sida uu u maareeyo seddaxdaan caqabadood:

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed waxay hadda la daalaa dhacayaan sidii ay u maarey lahaayeen damaca guracan ee Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya, inta badan dadaallada looga hortegayo damaca Itoobiya ayaa ka socda Muqdisho.

Maamul goboleedyada dalka markii laga reebo HirShabeelle, habayaraatee ma aysan sameyn wax ficil ah oo muujinaya inay diidan yihiin damaca Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya, ugu yaraan labo jeer ayaa maalmihii lasoo dhaafay Jowhar lagu qabtay banaanbaxyo ay dadku ku muujinayeen sida ay uga soo hor jeedaan damacaas guracan.

Majiro maamul goboleed kale oo cadeeyey mowqifkiisa ama shacabkiisa u ogolaaday inay dhigaan dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan damaca Itoobiya, markii laga reebo Muqdisho iyo Jowhar oo laga banaanbaxay, waxaana soo raaca Hargeysa, Boorama, Seylac iyo magaalooyin kale oo ka tirsan Somaliland oo dadka ku nool ay iska diideen damaca guracan ee Itoobiya.

Qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada inay taageeraan dowladda iyo dadka Soomaaliyeed iska daaye waxay wadaan kulamo ay la yeelanayaan madax Itoobiyaan ah, kuwaas oo aan loogu adeegeyn danaha Soomaaliya, tani waa mid ka mid ah furimaha ugu culus ee madaxweyne Xasan Sheekh xalka ka sugaya.

Furinta labaad waa sidii Xasan Sheekh uu uga guul keeni lahaa dagaalka Al-Shabaab oo ku dhawaad labo sano toos uga socda Soomaaliya, guulo badana ay ka gaareen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo isgarabsanaya, dagaalka Al-Shabaab waa xaalad kale oo culus oo hadii aan looga gudbin midnimo iyo awood dowladeed halis ku ah jiritaanka Soomaaliya.

Furinta 3-aad ee ku furan hoggaaminta madaxweyne Xasan Sheekh waa mucaaradka ku gorgortamaya sharafta qaranimada Soomaaliya, si gaar ah inta badan madaxda dowlad goboleedyada dalka, oo qaarkood toos loogu xaglinayo inay garab u yihiin Itoobiya, iyagoo fiirsanaya dano liita oo u gaar ah.

Hada waxaa mar labaad xukunka ku soo laabtay madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo mar hore jaray xiriirka dowladda federaalka, waxaana jirta khatar weyn oo ka soo wajahan madaxda maamul goboleedyada oo la sheegay inay damacsan yihiin inay iskaashi ka dhan ah dowladda federaalka la yeeshaan Deni.

Maalmihii lasoo dhaafay Xasan Sheekh wuxuu safar ku tegay Dhuusamareeb, ajendayaashii uu halkaas u tegay waxaa ka mid aheyd in Qoor Qoor uu ka ilaaliyo iskaashi uu la sameysto Deni oo dagaal adag kula jira dowladda dhexe ee madaxweyne Xasan Sheekh uu hoggaamiyo.

Go’aan adag oo laga gaaray ciyaartoyda K/Galbeed iyo faa’iido ugu jirta HirShabelle

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa go’aan rasmi ah laga gaaray ciyaartoydii Koonfur Galbeed ku meteleysay tartanka kubadda cagta ee dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir, kadib markii K/Galbeed ay isaga hartay tartanka.

“Waxaa maanta shir isugu yimid guddiga fulinta ee xiriirka kubadda cagta Soomaaliya, shirkaas waxaa go’aan looga gaaray ciyaarta u dhiman xulka Koonfur Galbeed oo tartanka isaga haray,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xiriirka.

Xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa maanta go’aan ka soo saaray arrintaan, kadib markii lagu guul-dareystay in K/Galbeed lagu soo celiyo ciyaaraha, waxaana khilaafkaan ka faa’iiday HirShabeelle oo ciyaartoyda meteleysa ay dhib la’aan ku helayaan 3 dhibcood iyo 3 gool.

“Guddiga furinta ee Xiriirka waxay go’aamiyeen in HirShabeelle lagu wareejiyo dhibcaha ciyaartii ay Koonfur Galbeed la ciyaari lahaayeen, natiijada ciyaarta la qiimeeyey ayaa ah 3 dhibcood iyo 3 gool, waxaana dhib la’aan lagu siiyey HirShabeelle, maadaama Koonfur Galbeed ay tartanka isaga baxday,” ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay Xiriirka.

Qoraalka ka soo baxay Xiriirka waxaa looga codsaday ciyaartoyda iyo taageerayaashooda inay ilaaliyaan xeerka iyo nidaamka tartanka.

Ciyaartoyda Koonfur Galbeed oo tartankaan caro uga haray waxay la ciyaari lahaayeen oo ku soo aaday dhigooda HirShabeelle, waana sababta xulka HirShabeelle loo siiyey natiijada aysan shaqeysan.

Taageerayaal careysan ayaa bas ay saaraayeen ku weeraray ciyaartoyda Koonfur Galbeed galabkii ugu dambeysay garoon oo 3 iyo 0 ay kaga badiyeen cayaartoyda Galmudug, halkaas ayey ka qaraxday xiisadda sababtay inay tartanka isaga haraan.

Masuuliyiinta K/Galbeed ayaa ku dooday in gaar loo beegsaday oo sanadkii labaad lagu weeraray Muqdisho, sidaas darteedna aysan xulkoodu mar dambe ciyaar u imaadoonin Muqdisho, balse ay diyaar u yihiin tartanka hadii lagu qabto magaalo aan aheyn Muqdisho.

NISA oo howlgal ku dishay horjoogayaal ka tirsanaa Al-Shabaab + Magacyada

0

Mahadaay (Caasimada Online) – Ciidamada Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo kaashanayaa saaxibada caalamiga ah ayaa maanta howlgal culus ka sameeyay qaybo kamid ah gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle.

Howlgalka oo ka dhacay duleedka degmada Mahadaay ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsanaa kooxda oo ku sugnaayaa deegaanka Fiidow ee gobolka Shabeelaha Dhexe,

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaasi lagu dilay illaaa 7 xubnood oo ay ku jiraan horjoogayaal sar sare.

“Todobo dhagar qabe oo ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal qorshaysan oo Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka ay ka fuliyeen deegaanka fiidow oo hoos taga degmada Mahadaay ee gobalka Shabeellaha Dhexe” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Dhagar qabayaasha lagu dilay howlgalkaan ayaa waxaa ka mid ahaa Saddex horjooge oo kala ahaa:-

  1. Cabdiraxmaan Dheere oo hadda khawaarijta u qaabilsanaa weerarada gaadmada ah ee kooxdu ka gaysato gobolka Shabeellaha Dhexe.
  2. Horjooge Mucaad oo asna ka tirsanaa isla qaybta weerada Khawaarijta ay ka gaystaan gobalka Shabeellaha Dhexe.
  3. Horjooge Cabdirisaaq Muuse Khaliif oo ahaa ku xigeenka Horjoogaha baadda iyo boobka shacabka ee ay ugu yerraan Sakawaadka.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sidoo kale sheegaya in weli howlgalka uu sii socdo, isla markaana dhaq-dhaqaaq xoogleh laga dareemayo dhulka hawdka ah ee Mahadaay.

Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah meelaha lagu jebiyay kooxda Al-Shabaab, maadaama wajigii koowaad ee howlgallada ay ka dhaceen deegaanada maamulka HirShabelle.

ISRAEL oo maanta 4 sarkaal ka dishay IRAN

0

Tehran (Caasimada Online) – Duqeyn ay Israa’iil Sabtida maanta ah ka fulisay caasimadda Suuriya ayay ku burburisay dhismo ay adeegsadaan ciidamada ilaalada kacaanka ee Iiraan, iyadoo ay ku dhinteen ugu yaraan afar Iiraaniyiin ah, sida ay wariyeen warbaahinnada dowladaha Suuriya iyo Iiraan.

Telefishinka qaranka Iran ayaa wariyay in afar la-taliye oo ka tirsan ciidanka ilaalada kacaanka lagu dilay duqeynta ka dhacday magaalada Dimishiq, iyadoo aan sheegin magacyada la taliyeyaasha la dilay. TV-ga ayaa intaa ku daray in Israa’iil ay ka dambeysay weerarka.

Wargeyska Nour News oo la rumeysan yahay in uu ku dhow yahay sirdoonka dalka Iiraan ayaa isna sheegay in laba ka mid ah dadka dhintay lagu kala magacaabi jiray Gen. Sadegh Omidzadeh, oo ahaa ku-xigeenkii sirdoonka ee ciidamada ilaalada Quds ee Suuriya iyo ku xigeenkiisa.

Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha Suuriya oo ah hay’ad mucaarad ah ayaa sheegtay in ugu yaraan lix qof oo shan ay Iiraaniyiin yihiin iyo mid Suuriyaan lagu dilay weerarka loo adeegsaday gantaallada oo dhacay xilli saraakiil ka tirsan kooxaha ay Iran taageerto ay shirayeen. Madaxa hay’adda, Rami Abdurrahman, ayaa sheegay in saddex ka mid ah Iiraaniyiinta ay ahaayeen taliyeyaal, isaga oo intaa ku daray in afar qof oo kale wali lagu la’yahay burburka hoostiisa.

TV-ga dowladda Suuriya ayaa sheegay in weerar uu ku tilmaamay “gardarro Israa’iil” lagu beegsaday dhismo ay dad deggan yihiin oo ku yaalla xaafadda sida adag loo ilaaliyo ee Mazzeh ee galbeedka Dimishiq, halkaasi oo ay ku yaallaan dhowr safaaradood. Duqeynta maanta ayaa ka dhacday meel ku dhow safaaradaha Venezuela iyo Koonfur Afrika.

Sarkaal xaaladda la socda ayaa sheegay in dhismahan ay adeegsanayeen saraakiisha ilaalada kacaanka, isagoo intaa ku daray in “gantaallada Israa’iil” ay burburiyeen gebi ahaanba dhismaha, isla markaana 10 qof ay ama ku dhinteen ama ku dhaawacmeen weerarka. Sarkaalkan ayaa ka tirsan koox ay Iiraan taageerto, laakin waxa uu codsaday in aan magaciisa la sheegun maadaama uusan fasax u haysan in uu ka hadlo arrimaha ammaanka.

Milatariga Israa’iil ayaan ka hadlin weerarkan.

AP + VOA

Xasan Sheekh oo u safray Masar iyo qorshaha socda

0

Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa galabta ka ambabaxay magaalada Kampala ee dalka Uganda, oo uu uga qeyb-galay shirkii IGAD, isagoo ku sii jeeda magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa 7-dii Janaayo martiqaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Masar Cabdelfatah Al-Sisi, kaddib markii Muqdisho ay soo gaareen wafdi sare oo ka socday Qaahira

Dowladda Masar ayaa si buuxda uga soo horjeesatay damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya, iyadoo taageertay Madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Sidoo kale Masar ayaa si weyn cambaareysay heshiiskii muranka dhaliyay ee ra’iisul wasaaraha Itoobiya la saxiixday Madaxweynaha Somaliland, kaas oo 1-dii bishaan ka dhacay Addis Ababa.

Heshiis beenaadkaas ayaa xadgudub ku ah madax-bannaanida Soomaaliya, waxaana si weyn uga gilgishay dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa magaalada Kampala ee dalka Uganda uga qeyb galay labo shir oo xasaasi ah oo mid looga hadlayey xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo Soomaaliya ay kala soo kulantay taageero buuxda oo madaxda IGAD ay u muujiyeen.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadda u sii gudbay dalka Masar, wuxuuna safarkiisu ku qotomaa xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya, waxayna Masar si buuxda u garab taagan tahay Soomaaliya, waxaana cadowga koowaad u ah Itoobiya.

Inta badan siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa qaba in Soomaaliya ay soo dhaweysato Masar, waxaana fursadaha lagu soo dhaweysa karo ka mid ah in dalka laga siiyo saldhig militeri, si Soomaaliya ay uga faa’iideysato awooda militeri ee Masar, balse Soomaaliya weli ma qaadan go’aankaas.

Soomaaliya oo shuruud ku xirtay inay miiska wada-hadalka la fariisato Ethiopia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa meesha ka saartay in la dhex-dhexaadiyo ayada iyo Itoobiya illaa Addis-Ababa ay ka laabato is-afgaradka ay la gashay Somaliland.

Xiisadda labada dal ayaa cirka gashay kadib markii dalka aan badda laheyn ee Itoobiya uu is-fagarad la galay Somaliland 1-dii Janaayo, kaasi oo siinaya marin badeed.

Taas beddelkeed, Somaliland oo si iskeed ah madax-banaani ugu dhowaaqday 1991-kii ayaa sheegtay in Itoobiya ay siin doonto aqoonsi rasmi ah. Tani si rasmi ah uma aysan xaqiijin Addis-Ababa.

“Ma jirto dhex-dhexaadin haddii aysan Itoobiya ka laaban is-afgaradkii sharci-darrada ahaa oo aysan dib u xaqiijin madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Labada dal ayaa waxaa ka dhaxeeya taariikh xiriir oo jah-wareersan, waxaana qarnigii 20-aad dhex-maray laba dagaal.

Somaliland ayaa dhankeeda sheegtay in dowladda federaalka ay “si ula kac ah uga baxday dhammaan heshiisyadii ay la gashay Somaliland,” oo ay ku jiraan arrimaha ammaanka iyo marinada hawada.

Bayaanka Somaliland ayaa yimid kadib markii Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ay sheegtay inay Arbacadii celisay diyaarad ay leedahay shirkadda Ethiopian Airlines oo ku socotay Hargeysa.

Hay’adda Duulista ayaa sidoo kale shalay inay hawada Soomaaliya soo gasho u diiday diyaarad xamuul oo ka timid magaalada Sharjah ee dalka Imaaraadka Carabta, taasi oo ku socota Hargeysa.

Xasan oo madaxda gobolka uga digay halis weyn oo damaca Itoobiya ka dhalan karta

0

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad adag ka jeediyay shir madaxeedka 19-aad ee dalalka dhex-dhexaadka ah (NAM).

Shirkaan oo ka dhacay Kampala, ayaa waxa uu madaxweynaha uga digay hoggaamiyaasha dalalka isbaheysiga dhex-dhexaad ka ah khatarta ka dhalan karta damaca guracan ee Itoobiya, xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda labada dal.

Waxa uu si adag u soo bandhigay mowqifka dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xad-gudubka dowladda Itoobiya iyo cawaaqib xumada uu keeni karo haddii aanan si wadajir ah looga fal-celin.

“Cawaaqib xumada ka dhalan karta is-afgaradkan waa wax aad looga xumaado mana ahan kaliya mid khatar ku ah madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya, Sidoo kale , waxa uu halis ku yahay xasilloonida gobolka waxuuna fursad cusub siinayaa argagixisada ka jirta gobolka,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirkaan oo sidoo kale uu ka qeyb-galay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa madaxweyne Xasan uu markale ku muujiyay meesha adag ee dowladdiisa iyo shacabka Soomaaliyeed ka taagan yihiin in qeybo kamid ah baddeena la siiyo Itoobiya.

Xasan ayaa sidoo kale diiday in uu la kulmo Abiy Axmed, oo isagu si weyn u daneynaya in arrintaan uu kala wada-hadlo madaxweynaha, hase yeeshe taasi waxaa ku gacan seyray madaxweyne Xasan oo ka horyimid damaca guracan ee Abiy.

Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya oo burisay heshiis beenaadkii Addis Ababa, ayaa xilligaan dagaalka diblumaasiyadda kaga adkaatay Ethiopia, iyada oo taageero caalami ah u heshay mowqifka difaaca dhulkeeda.

Abiy oo shirka Kampala ka jeediyay hadal uga sii daraya xiisadda heshiiska badda

0

Kampala (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed Cali ayaa ka qeyb-galay shir madaxeedka 19-aad ee dalalka dhex-dhexaadka ah oo maanta ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Abiy Axmed oo hadal ka jeediyay shirkaan ayaa ku adkeystay damaca dalkiisa ee ku aadan helitaanka bad, xilli uu dhawaan heshiis beenaad caro xooggan dhaliyay uu la saxiixday Somaliland.

Waxa uu sheegay in dalalka aan badda laheyn ee Ethiopia kamid tahay ay ku dhibtoonayaan ka jawaabista dalabaadka dadkooda, taasi oo laga fahmi karo inuu weli ku adkeysanayo damaciisa guracan ee helitaanka bad.

“Dalalka aan badda lahayn waxay ku dhibtoonayaan in ay ka jawaabaan dalabaadka muwaadiniintooda,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed Cali.

Hadalkaan ayaa imaanaya xilli uu buuq ka taagan yahay heshiiska uu la galay Somaliland, sidoo kalena wuxuu uga sii daraya xiisadda ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Ethiopia, taasi oo salka ku haysa damaca guracan ee Abiy iyo heshiiskii 1-dii bishaan.

Ethiopia oo wajaheysa culeys la xiriira heshiiskaasi ayaa u muuqata mid aan dhag jalaq u siineyn baaqyada caalamiga ah ee la xiriira xad-gudubka ay Soomaaliya kula kacday, xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay muujisay sida ay uga go’an tahay difaaca madax-banaanideeda.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa dagaalka diblumaasiyadda kaga adkaatay Ethiopia, iyada oo taageero caalami ah u heshay difaaca dhulkeeda, kadib markii ay burisay heshiiskii Muuse Biixi uu Addis Ababa kula gaaray Abiy Axmed.

Xasan oo ka maquurtay inuu kasoo ag muuqdo Abiy iyo fal-celin xooggan oo ka dhalatay

0

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka baaqsaday inuu galo sawirka loo dhan yahay (Photo Group) ee shir-madaxeedka 19-aad ee dalalka dhex-dhexaadka ah oo maanta ka dhacay Kampala.

Madaxweynaha oo ka qeyb-galay shir-madaxeedkaasi ayaa balse kasoo muuqan sawirka loo dhan yahay ee shirka, kaasi oo sidoo kale uu ka qeyb-galay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali.

Waxaa sawirkaas kasoo dhex muuqday Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Saalax Jaamac, kadib markii madaxweynaha uu ka maquurtay inuu kasoo ag muuqdo Abiy, xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda badda.

Abiy oo diiday ka qeyb-galka shirkii looga hadlayay damaciisa ku wajahan badda Soomaaliya, kuna marmarsiyooday inay jiraan balamo kale oo uga muhiimsan shirkaasi ayaa gaaray Kampala si uu maanta uga qeyb-galo shirkaan.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Bashiir Macallim Cabdi: “Igu sawir (waa la heshiiyey udhigmeysa) waa diidnay.”

Liibaan Cali: “Shir aad fadhiday ee ka qeyb-gashay in sawirrada aad ka baaqato micna weyn kuma jiro. In shirka aad ka biyl diiddo aadan xaadirin iyo in wax xaadirto mid waaye. Abiy shalay isagoo Uganda ku sugan ayuusan shirka dhanba ka qeyb-gelin kii maanta ayuu is xaadiriye.!”

“Madaxweyne Dr Xasan Sheekh Dalxureeye wuxuu yaqaana awooda diplomasiyada sida loo isticmaalo Allah hano xifdiyo hoggaamiyaheena,” ayuu yiri Cabdinaasir Garweyne Cali.

Nuur Xasan Maxamed ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Sawir la diido kaliya kuma filno qadiyadda gadood muujinta. Mudane madaxweyne waa inaad qaada talaaboyin dhuun qabad ku’ah Ethiopia.”

Isaaq Caato: “Mar haddii Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka sawirka ka muuqdo diidmada Madaxweynaha waxba ma ahna.”

“Sawir laga baaqsado micno keeni maysee dowlada Soomaaliyeed ficilo Diblumaasiyadeed ayaa laga rabaa,” ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed Yuusuf.

Cabdiraxmaan Mukhtaar Caddow: “Ra’iisul-wasaare ku-xigeenku ayuu metalayaa marka?.”

Mareykanka oo digniin culus ka soo saaray is-afgaradka Somaliland iyo Itoobiya

Kampala (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ka digtay halista uu heshiiska is-fagaradka Itoobiya iyo maamulka Somaliland ku keeni karo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda Soomaaliya.

Hadalka ayaa waxaa shirkii IGAD ee shalay ka dhacay Kampala ka sheegay ergeyga gaarka ah ee Mareykaka u qaabilsan Geeska Afrika Mike Hammer, halkaasi oo Mareykanka uu si buuxda garab is-taag ugu muujiyey dowladda federaalka ee Soomaaliya.

“Maraykanka waxa uu aqoonsan yahay madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland. Waxaan aaminsannahay in maqaamka Somaliland ay tahay arrin u taalla Soomaalida oo ay ku jiraan reer Somaliland,” ayuu yiri Mike Hammer.

Hammer ayaa ka digay in is-afgaradka Somaliland iyo Itoobiya uu fursad cusub u noqdo kooxda Al-Shabaab.

“Waxaan si gaar ah uga walaacsannahay in kororka xiisadda ka dhalatay heshiiska is-afgaradka uu halis gelinayo dagaalka ay Soomaalida, oo ay weheliyaan Afrikaanka iyo saaxiibada gobolka iyo kuwa caalamiga ah – oo uu ku jiro Mareykanka – ay ku qaadayaan al-Shabaab,” ayuu yiri Hammer.

“Waxaan ku boorineynaa Soomaaliya iyo Itoobiya inay ka fogaadaan ficillada degdegta ah… oo fursad u abuuri kara al-Shabaab inay ballaariso awooddeeda…”

Hadalkan ayaa ah kii ugu xoogganaa ee Mareykanka uu ku diido is-afgaradka Itoobiya ay la gashay Somaliland 1-dii Janaayo, kaasi oo lagu sheegay inuu siinayo marin badeed.

Taa beddelkeed, Somalilad — oo si iskeed ah madax-banaani ugu dhowaaqday 1991-kii — ayaa sheegtay in Itoobiya ay siin doonto aqoonsi rasmi ah. Tani ma aysan xaqiijin Addis-Ababa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Khamiistii meesha ka saartay in la dhex-dhexaadiyo ayada iyo Itoobiya illaa Addis-Ababa ay ka laabato is-afgaradka ay la gashay Somaliland.

“Ma jirto dhex-dhexaadin haddii aysan Itoobiya ka laaban is-afgaradkii sharci-darrada ahaa oo aysan dib u xaqiijin madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo la soo dhigay baraha bulshada.

Abiy oo ka qeyb-galay shir ay qeyb ka tahay Soomaaliya

0

Kampala (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed Cali ayaa maanta ka qeyb-galay shir ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Shirkaan oo ahaa shir-madaxeedkii 19-aad ee dalalka dhex-dhexaadka ah ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb-galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Abiy oo diiday ka qeyb-galka shirkii looga hadlayay damaciisa ku wajahan badda Soomaaliya, kuna marmarsiyooday inay jiraan balamo kale oo uga muhiimsan shirkaasi ayaa gaaray Kampala si uu maanta uga qeyb-galo shirkaan.

Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isna maanta ka baaqsaday inuu galo sawirka loo dhan yahay (Photo Group) ee shir-madaxeedka 19-aad ee dalalka dhex-dhexaadka ah ee ka dhacay Kampala.

Inkasta oo Madaxweynuhu uu shirka joogay haddana kama uusan soo muuqan sawirka loo dhan yahay (Photo Group) waxaa sawirkaas ka dhex muuqday Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Saalax Jaamac.

Diidmada Itoobiya ee shirkii shalay ee IGAD ayaa muujinaysa sid ay Itoobiya u dareemayso ciriiri siyaasadeed, oo aysan fagaare ula tegi karin heshiiskii is-afgarad ee 1-dii bishaan ay Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ku gaareen Addis Ababam

IGAD oo qeyb ka tahay Soomaaliya ayaa shalay meel adag ka istaagtay xad-gudubka dowladda Ethiopia ay ku sameysay madax-banaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo u hiiliyey Soomaaliya.

Shir-madaxeedkaasi oo ahaa kii 42-aad ee ururka-goboleedka IGAD, ayaa waxaa lagu adkeeyay in heshiis walba oo Soomaaliya lala galayo ay waajib tahay inay saxiixdo dowladda federaalka Soomaaliya.

“Waa in la xushmeeyo dhamaan mabaadiida aas-aasiga ah ee xushmada karaamada, midnimada iyo xuduuda dhuleed ee dawladda federaalka Soomaaliya, iyo in hashiis kasto lagu dhawro madaxbanaanidaas. Sidoo kale heshiis kasta waa in la hayo ogolaanshaha dawladda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay shirkii shalay ee IGAD.