25 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

DF oo shaacisay tallaabo ay qaadeyso haddii ay dagaal isku rogto xiisadda BADDA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay dagaal diyaar u tahay oo ay difaaceyso madax-banaanideeda haddii ay xiisadda badda ee kala dhaxeysa Itoobiya ay isku rogto gacan ka hadal.

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin oo khudbad xasaasi ah ka jeediyay xiritaanka Shirka Madasha Garyaqaanadda Soomaaliyeed ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay dadaal kasta gelineyso difaaca baddeenna, ayna kaga guuleysaneyso Itoobiya, si looga hortego damaceeda gurracan.

“Waa ku guuleysaneynaa dooda socota, sababtoo ah xaq ayaan ku taaganahay” ayuu yiri wasiirka cadaaladda iyo arrimaha dastuurka dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in hadda dagaalka diblomaasiyadda ay ku gacan sarreyso Soomaaliya, isla markaana Itoobiya ay ku jirto go’doon caalami ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Diblomaasiyaddii Soomaaliya way shaqeysay, Itoobiya iyadaa hadda cusri ku jirta oo go’doon ah daan-daansigeedii iyada wuxuu ku yahay culays” ayuu ku daray Xasan.

Sidoo kale wuxuu Itoobiyaanka xasuusiyay sida ay Soomaaliya uga guuleysatay Kenya, kadib kiiskii badda ee maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ.

“Waxaa xusid mudan Soomaaliya sanadkii hore waxay ku guuleysatay kiis baddeeda lagu qabsaday oo waddanka dariska ah ee Kenya la yiraahdo nagu qabsaday oo aan ICJ uga soo guuleysanay” ayuu mar kale khudbaddkiisa ku yiri wasiir Xasan Macallin.

Dhinaca kale wuxuu tilmaamay haddii xittaa ay dagaal isku rogto xiisadda badda ay Soomaaliya diyaar u tahay difaaca madax bannaanideeda, isaga oo sheegay in horay Itoobiya looga saaray dalka, kadib abaabul ay sameeyeen shacabka Soomaaliyeed, hadane ay sidii ay kasii xoog badan yihiin, maadaama la dhisay hay’adihii dowladda iyo ciidamada.

“Haddii ay gacan tegtaa Soomaaliya oo dowladddeedu ay xooganeyn oo aysan tabar lahayn dhowr iyo toban sano kahor ayay ahayd markii Itoobiyaanka lagu qasbay inay Soomaaliya ka baxaan dadweyne Soomaaliyeed oo is biirsaday ayayna ahaayeen, hadda annaga oo dowlad qabna oo xoogeysanay oo 15 sano da’deena ay ku korortay waxaan is leeyahay intii hore waan ka fiicanahay” ayuu kusoo gabagabeeyay wasiirka cadaalada Soomaaliya.

Horjoogayaal iyo Shabaab kale oo maanta duqeyn culus lagula beegsaday…

0

Jowhar (Caasimada Online) – Howl-gal qorsheysan oo dhanka cirka ah ayaa goordhoweyd lagu beegsaday horjoogayaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab iyo sidoo kale dagaal-yahaano kale.

Howl-galkaan ayaa ka dhacay deegaanka Fiidow oo hoos taga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Shexe.

Wararka ayaa sheegaya in howl-galkan ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka, ayna iska kaashadeen Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo Saaxiibada Caalamka

Si rasmi ah weli looma shaacin horjoogayaashada la beegsaday iyo waxa kasoo gaaray howl-galkan dhanka cirka ah, inkasta oo ay soo baxayaan warar sheegaya in kooxda lagu gaarsiiyay khasaare xooggan.

Waa tallaabo kale oo dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa Saaxiibada Caalamiga ay qaadeen oo qeyb ka ah dhabar-jabinta Al-Shabaab ee khatarta ku ah nabadda iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa gobolka intaba.

Dowladda federaalka Soomaaliya oo taageero ka helaysa dadkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa horey u sheegtay inay ka go’an tahay “xididda siibka horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab” si loo gaaro Soomaaliya nabad ah oo xasiloon , lagana suuliyay argagixisada.

Wararkii ugu dambeeyay xiisadda Somalia iyo Itoobiya oo mareysa meel xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya baaqyada loo jeedinayo Soomaaliya iyo Itoobiya inay qaboojiyaan xiisadda diblomaaisyadeed ee u dhaxaysa, kadib markii murankii ka dhashay is-afgaradkii 1-dii bishan ay wada saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland.

Baaqii ugu dambeeyey waxa uu ka yimid urur-goboleedka IGAD oo ka kooban 8 waddan, labada waddanna ay ka mid ahaayeen kuwii aas-aasay.

Madaxda IGAD ayaa meel uga soo wada jeestay xad-gudubka dowladda Ethiopia ay ku sameysay madax-banaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo u hiiliyey Soomaaliya.

Shir Madaxeedkaan oo deg deg ahaa wuxuu noqonayaa kii 42-aad ee Ururka Goboleedka IGAD, waxaana shalay lagu qabtay magaalada Kampala ee dalka Uganda, ayada oo kulankaasi uu guddoomiyey madaxweynaha Jabuuti, ayna ka soo qeyb-galeen madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynayaasha dalalka kale ee IGAD.

Madaxda urur-goboleedka IGAD ayaa kulankaasi ku adkeeyay in heshiis walba oo Soomaaliya lala galayo ay waajib tahay inay saxiixdo dowladda federaalka Soomaaliya.

“Madaxda IGAD ayaa isku raacay in lama taabtaan ay tahay Madax banaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka IGAD.

Itoobiya ayaa markii la iclaamiyey shirkaan sheegtay in aysan ka qeyb geli karin, iyadoo soo jeedisay in dib loogu dhigo shirkaas, balse madaxda IGAD ayaa ku adkeysatay in la qabto shirkaas.

Xoghayaha guud ee IGAD oo ka soo jeeda dalka Itoobiya, islamarkaana soo noqday wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa ka qeyb-galay shirka, waxaana bayaanka soo baxay ku saxiixan xoghaya, taas oo Itoobiya ka dhigeysa mid wax ku leh go’aanka ka soo baxay IGAD.

“In la xushmeeyo dhamaan mabaadiida aasaasiga ah ee xushmada karaamada, midnimada iyo xuduuda dhuleed ee dawladda federaalka Soomaaliya, iyo in hashiis kasto lagu dhawro madaxbanaanidaas. Sidoo kale heshiis kasta waa in la hayo ogolaanshaha dawladda Soomaaliya” ayaa lagu yiri bayaanka.

Khatar kusoo fool leh dhulka Soomaliyeed iyo shacabkiisa

0

Qaybtii 2aad

Hordhac:

Ujeeddada qoraalkaan waa ogeysiin ama xasuusin cid gaar ahana loolama jeedo

Itoobiya samaysan keedi ugu horreeyey;

Itobiya waxa ay sameysantay 3,000 sano waqti laga joogo lamana gumeysan marka laga reebo inta u dhexeysay (1935-1941) oo talyanigu xukumayey, waana Waddan Gumeystayaasha ka mid ah, oo gumeystay Soomali iyo Ereteriya.

Waa waddan hadda ka mid ah kuwa dunida ugu faqrisan, wana waddan aan dagaal ka bixin oo dhexdooda ka dagaashan sida Tegreega iyo Xabashida, Oromada iyo Somalida, Orormada oo dhexdooda ka dagaalsan jabhado Oromo ah oo dowladda Abey la dagaashan, Somalida iyo cafarta iyo kuwo kale oo badan.

 Waxa kale oo dagaal kala dhexeeya Ummadaha dariska la ah sida Sudan, Ereteriya, kenya iyo Somaliya iyo kuwa aan xuduud kala dhexeyn sida masaarida oo ay biyaha ku dirirsan yihiin.

Hadda waxa cusub;

Iyada oo xaalka Itoobiya sidaas yahay waxa ay damacday in ay dagaal la gasho deriskeeda Soomalia si ay badda Soomaliya xoog ugu hesho;

Haddaba, Heshiiska Hooggamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi la saxiixday Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abey Ahmed oo aan filyo in uusan warqaddii lagu qoray qiima ku dhamayn. Waxa ay ahayd in oday Muuse Biixi is weydiiyo su’aalo badan inta uusan saxiixin heshiiskaas isaga ula muuqda suurtagal. Su’aalaha waxa ka mid ah:

1- Haddiiba uu hirgalo oo Itoobiya dekado u gaar ah dhulka Somaliland ka dhisato, ma ka fikiray sida ay u shaqeyn doonto dekkadda Berbera ee hadda ay isticmaasho Itobiya Somalilandina ku nooshahay dhaqaalaha ka soo xarooda.

2- Haddii Itoobiya kala jarto Somaliland iyo Jibuuti iyo wadmada carabta oo Somaliland la ganacsto maxaa ka dhalan kara?

3- Xaggee baa la dejinayaa dadka malaayiinta ah ee deggan dhulka Itoobiya uu ugu tala agalay ama u qoondeeyey?

4- Haddii dhulka ay hesho Itoobiya Badda iyo hawadana in ay ku darsan doontoo oo ay noqo doonto in Somaliland ka keraysato hawada marka ay marayaan ma is weydiiyey?

5- Itoobiya ma ku fidi doontaa dhulka kale ee soomaliland sida ay haddaba Oromada iyo Cafarta isugu fidiyaan dhulka Somali galbeed ee dagaal joogtada ah ka taagan yahay.

6- Muxuu isu weydiin waayey in ahddii mar ay hesho 20km oo bad ah ama ka badan in ay qasab ku heleyso 370km oo badda ku toosan ah oo taa macnaheedu yahay in reer Sopmaliland aysan ka kalluumeysan doonin badda Itoobiya uu u saxiixay.

7- Dhaqaalaha hadda uu ka helo dekadda, ganacsiga waddamada carabta uu la leeyahay iyo kalluumeysiga maxaa u beddeli doona?

8- Shirkadda Ethiopian Airline haddii ay Meesha ka baxdo ama ay taag darreyso taas oo caadi iska ah maxaa yeelay Ethiopian Airlines waxa la aasaasay December 30, 1945, waxaana aasaasay boqor Haile Selassie oo gacan ka helaya Trans World Airlines (TWA), Waxa ay hawl-gashay Abriil 8, 1946-kii waa 79 jir. Wey bilaabatay weyna dhamaan kartaa ma is weydiiyey duqu sida dhul ilaa qiyaamaha joogayo loogu beddelan karo Airlines markasta dhamaan karta iwm.

9- Aqoonsiga uu Itoobiya ka rabo oo aysan iyagu xaggoda qirin in ay aqoonsan doonaan maxuu ku aaminay?

10- In aan Soomaliya ogolaanshaheeda la’aantiis la aqoonsan karin oo sharci calami ah ka yaalo haddii kale dunido ay fowdo noqon lahayd ma is weydiiyey Mudane Muuse Biixi? maxaa yeelay Mareykan oo ah dowlad tunweyn ayaa Taiwan aqoonsan waayey oo kaliya saaxiib la ah.

Dhallinyarada iyo wax garadka Soomaliyeed maxaa la gubboon

Waxa aan qarsooneyn in Ra’iisulwasaare Abey Axmed uu awoodi waayey in uu Oromada uu ka dhashay, Xabashida abtiyaashiis ah iyo tegreegaba dagaal uga adkaan waayey, oo waan waan aan weli lagu guuleysan u socoto.

Soomaaliya waa waddan dagaal sukeeye oo dhab ah ku jiray muddo dhan 20 sano (1991-2010) kaas oo itoobiya shidaysay hubkana isgu dhiibeysay shacabka Soomaaliyeed billow ilaa dhammaad ilaa la soo gaaro 2010. Intaas ka dib shacabka Soomaliyeed dowlad dhisid ayuu billaabay weyna socotaa, taas oo hadda u muuqata in itoobiya dowlad Soomaliyeed oo xoogeysata khatar u aragto ayna go’ansatay in ay markale burburiso, iyada oo isticmaaleysa qaybi oo xukkun, federalka aysan fahamsaneyna uga faa’iideyso oo midba mar Heshiis maslaxadda Ummadda Soomalida lidi ku ah la saxiixo. Arrinkaas waxa la ga rabaa in si dhab ah ay u fahmaan dhallinyarada iyo wax garadka Soomaaliyed.

Itoobiya waxa aysan ogeyn;

Somaaliaya tii hore maaha, waddan kasta oo horumaray marka taariikhda dib loogu laabto waxa aad ogaaneysaa in uu dagaal sukeeye soo maray, kadibna fahmay dhinaca horumarku ka jiro. Somaliya dagaal sukeeye oo kale uma abuuri karto Itoobiya haddii ay dhallinyarda iyo wax garadku fahmaan sababihii keenay kii hore oo ahaa caddaalad darro shacabka dhexdiisa lagu sameeyey, waana in ay taas ka foojignaadaan madaxda Soomaaliyeed. Soomaliya hadda waxa Hooggaamiya Aqoon yahanno Abey Axmed uusan ku dhicin.

Haddii xabashdu ku fikireyso in Soomaliya ayna ciidan difaaci kara lahayn wey khaldan tahay, maxaa yeelay Dhallinyarda Soomaliyeed 20 sano oo tababar dagaal ah oo la’isku qasbay ayey soo qaateen, waqtigaas hubkii Xabashidu isugu dhiibtay shacabka ayey tababar ku qaateen welina guri kasto waa yaalaa. Soomaaliya waa is difaaci kartaa waana is difaaci doontaa, dhicinameyso in Itoobiya dhul Soomaali soo gasho in ay degto iska daa’e.

Difaaca Dalka, Dadka iyo diinta;

Dhallinyarooy difaaca Dalka Dadka Iyo diintu waa waajib diini ah oo Alle Weyne idin weydiin doono maalinta qiyaamaha haddii aad difaaci weysaan. Dalkaan waxa xabashida iyo Gumeystayaashii kala duwanaa ka difaacay dad adinka manta nool idinka dhaqaala yaraa, idinka aqoon yaraa, aan magaalo ku soo korin laakin gartay dalka in ay iyagu leeyihiin oo aan isticmaarku lahayn. Waxa aad tihiin dad fahamsan addunku halka uu marayo iyo Meesha uu u socdo. Waxa la weriyaa in dhallinyaradii la dagaalay Gumeystayaashii dalka heystay aaney ku jirin dhallinyaro shahaaddooyin waaweyn haysta. Laakiin waxa ay awoodeen in ay ummaddii kiciyaan oo Gummeystaha la dagaalamaan ilaa ay xurriyaddii ka maroojiyeen.

Gunnaanad

Soomalida uma furna wax aan ka ahayn in ay dagaal isu diyaariyaan ay ku difaacanayaan dalkood hooyo, dadkood iyo diintooda  meelkasta oo ay joogaan, maxaa yeelay dadaalkii madaxda dalkeena ee hadda jooga iyo kuwii ka horreeyay  ay ku raadinayeen nabad ku wada noolaasho is xitiraam iyo daris wanaag lala yesho itoobiya, Itoobiya ayaa diiday kana dooratay dagaal tijaabo ku ah Ummadda Soomaaliyeed.

W/Q: Dr. Prof. Axmed Cumar Calasow
[email protected]

Sawirro: Madaxda Jubaland iyo K/Galbeed oo Nairobi ka wada kulamo xasaasi ah

0

Nairobi (Caasimada Online) –Madaxweynayaasha labo ka mid ah dowlad goboleedyada dalka ayaa dalka dibadiisa ka wada kulamo la xiriira damaca Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya, waxaana Axmed Madoobe iyo Cabdicasiis Laftagareen.

Labadaas Madaxweyne ayaa ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxayna saacadihii lasoo dhaafay kula kulmeen diblomaasiyiin ka soo jeeda dalal intooda badan Itoobiya ku taageersan damaca ay ku raadineyso badda Soomaaliya.

Inkastoo dowladda federaalka aysan weli go’aan ka soo saarin xiriirka la sheegay in dowlad goboleedyada qaar ay si hoose ula sameysanayaan Itoobiya, hadana waxaa isisoo taraya carada dadweynaha Soomaaliyeed ee ka gilgishay damaca Itoobiya ay ku raadineyso badda Soomaaliya.

Axmed Madoobe iyo Cabdicasiis Laftagareen ayaa kulamo gaar gaar ah oo xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ku saabsan Nairobi kula yeeshay diblomaasiyiin u badan safiirro ay dalalkoodu Itoobiya ku garab taagan yihiin damaceeda badda Soomaaliya.

Ugu horeyn Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Nairobi kula kulmay safiirada dowladda Norway iyo Sweden ee Soomaaliya, waxaana qoraalo lagu baahiyey bogga Facebook ee Madaxtooyada Jubbaland lagu sheegay in kulamadaas looga hadlay arrimo ku saabsan gargaarka iyo hormarinta.

Dhankiisa, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo isla Nairobi ka wada kulamo noocaan ah ayaa sameeyey kulamo ka badan kuwa uu sameeyey Axmed Madoobe.

Safiirrada Sweden, France iyo Madaxa Arimaha hormarinta Safaarada Ingiriiska, waxayna K/Galbeed sheegtay in dhammaan kulamadaas looga hadlay artimo khuseeya hormarinta, balse xogo hoose ayaa sheegaya in lagu soo hadal qaaday xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Xogaha la helayo waxay sheegayaan in Laftagareen iyo Axmed Madoobe ay Nairobi ku tageen qorshe ay wadato Itoobiya, isla markaana ay halkaas kula kulmeen xubno ka socda dowladda Itoobiya, si ay kaga qeyb qaataan dhaqan gelinta heshiis beenaadkii uu Muuse Biixibadda ugu soo saxiixay Itoobiya.

Madaxweynayaasha K/Galbeed iyo Jubbaland ayaa la sheegay inay wataan damac xasaasi ah, kaas oo ah inay Itoobiya garab uga rabaan sidii ay u sii joogi lahaayeen xukunka, halka Itoobiyana ay dooneyso inay damaceeda ku fushato iyadoo isticmaaleysa awoodooda.

 

Aqriso: Khudbaddii xasaasiga aheed ee Xasan Sheekh uu ka jeediyey shirka IGAD

0

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad xasaasi ah ka jeediyey shirkii deg degga ahaa ee madaxda IGAD ay isugu yimaadeen, taas oo diiradda uu ku saaray xadgudubka Itoobiya ay ku heyso midnimada iyo madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Hoos ka akhriso Khudbadda Madaxweynaha oo dhameystiran:

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaan maanta isugu nimid shir-madaxeedkan aan caadiga ahayn ee IGAD si aan uga hadalno arrin aan qusayn Soomaaliya oo keliya balse sidoo kale quseysa gobolkayaga – waa falkii foosha xumaa ee sharci-darrada ahaa ee ay Itoobiya dhawaan qaadday.

1-dii Janaayo, 2024, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada Soomaaliya, Muuse Biixi ayaa galay heshiis is afgarad. Heshiis ku sheegaan waxaa uu u ogolaanaya Itoobiya in ay hesho 20 KM oo ka mid ah xeebaha Soomaaliya iyo marinka dhulka ee soohdinta gacanka Cadmeed si ay ganacsi ahaan iyo ciidan ahaanba u isticmaasho muddo 50 sano ah.

Is-afgaradkan sharci-darrada ah waxaa la saxiixay iyadoo aan oggolaansho laga helin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ma ahan oo keliya ku xad-gudbida dastuurka dalkeenna ee wuxuu baalmarsan yahay shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah ee loo dejiyay. Haddaba, ficilka Itoobiya wuxuu si cad ugu xad-gudbay mabaadi’da madax-bannaanida, madaxbannaanida dhuleed, ixtiraamka xudduudaha iyo faragelinta la’aanta ee ku xusan qodobka 4-aad ee Xeerka Aasaaska Midowga Afrika, Qodobka 6 (A) ee Dukumentiga lagu aasaasay IGAD, Qodobka 2aad. ee Axdiga Qaramada Midoobay iyo qodobo badan oo ku jira Axdiga Qaramada Midoobay ee Sharciyada Badaha.

Marka dib loo eego, tallaabadan aan horay loo arag ee Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa ah mid aan la yaab lahayn, marka loo eego hadalladii gardarada ahaa ee uu bilihii la soo dhaafay ku sheegay in la helo marin joogto ah oo dhanka badda ah, iyadoo loo marayo wado kasta oo lagu heli karo.

Tusaale ahaan, Noofambar 2023, PM Abiy waxa uu soo xigtay dagaal-oogihii Itoobiya ee qarnigii 19-aad Ras Caluula, isaga oo ku andacoonaya Badda Cas inay tahay xuduudda dabiiciga ah ee Itoobiya. Ujeedka Itoobiya ay ku doonayso in ay ku qabsato dhulka Soomaalida waxa si cad loogu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda 4-tii January 2024, kaas oo ku saabsanaa heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay la galeen maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Muuse Biixi.

Mudanayaal,

 Ra’iisul Wasaare Abiy waxaa uu ku doodayaa in Itoobiya oo aan bad lahayn ay dhibaato ay haysato dhibaato dhaqale dhaqaale maadaama aysan galangal toos ah u heli karin badda. Si kastaba ha ahaatee, waxaa xusid mudan in Itoobiya iyo dalalka kale ee Afrika ee aan badda lahayn sida Botswana, ay noqdeen qaar ka mid ah wadamada ugu heersareeya sarreeya ee dhaqaalahoodu uu kobcayay 15kii sano ee u dambeeyay.

Wadahadaladii ugu dambeeyay ee aan la yeeshay RW Abiy, waxaan xoogga saaray sida ay Soomaaliya diyaarka ugu tahay inay ka qayb-gasho wada-xaajoodyo ku aaddan heshiisyo ganacsi iyo kuwo ganacsi oo faa’iido leh waafaqsanna xeerarka caalamiga ah. Nidaamyada gobolka iyo kuwa caalamiga ah, sida Hindisaha Geeska Afrika iyo Istaraatiijiyadda Badda Cas ee IGAD, waxay bixinayaan fursado iskaashi dhab ah oo ilbaxnimo leh sida midka ka dhexeeya Uganda iyo Kenya oo aan bad lahayn. Si kastaba ha ahaatee, in dhul dal kale la qabsado, ama aniga oo ah Madaxweynaha Soomaaliya ama madaxda gobollada sida Muuse Biixi uu ogolaado in dhul Soomaaliyeed la bixiyo, waa sharci-darro, iyo mid aan dastuurka waafaqsaneyn, oo aan la aqbali karin.

Halkii ay Itoobiya dhaqaalaheeda ku xoojin lahayd xeerarka caalamiga ah iyo qawaaniinta caalamiga ah, waxay door biday inay wiiqdo madax-bannaanida deriskeeda. Laga soo bilaabo 1963dii, Axdiga Midowga Afrika wuxuu si aan leexleexad lahayn u ilaalinayay madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee waddamada xubnaha ka ah. Haddaba, waa arrin aan habboonayn in dalka martigelinaya Midowga Afrika uu isku dayo in uu kala gooyo waddan kale oo xubnaha ka mid ah.

Cawaaqibka dhow iyo midka fog ee ka dhalanaya in si buuxda loo qaato Is-afgaradkaas waxay masiibo ku noqon doontaa Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka. Dhalashada Al Shabaab ee bishii December 2006 waxay si toos ah ugu xiran tahay duullaankii Itoobiya ee Muqdisho iyo Koonfurta Soomaaliya. Waxayna Al Shabaab durba u adeegsatay waxa loogu yeero Is-afgaradka nidaam ay maleeshiyaad cusub ku qorato iyagoo wacad ku martay in ay la dagaalami doonan shisheeyaha soo duulay.

Mudanayaal,

 Iyadoo maamulkaygu uu horumaro la taaban karo ka sameeyay dagaalka lagula jiro Al Shabaab, haddana tallaabada Itoobiya waxay siinaysaa kooxda argagixisada ah nolol cusub. Qaar badan oo ka mid ah dalalkiina ayaa la kulmay weeraro toos ah oo kaga imaanaya Al Shabaab tobankii sano ee la soo dhaafay, mana rabno in aan aragno amni darro soo cusboonaaday Soomaaliya iyo meelo ka baxsan oo ay sabab u tahay argagixisadu.

Soomaalida wadanka joogta iyo kuwa adduunka oo dhan ayaa diiday MOU-gan sharci darrada ah. Haddii ay Itoobiya ku sii socoto dhaqangelinteeda, waxaa jirta fursad weyn oo colaad gudaha ah ay uga qarxi karto gobolada Somaliland.

Qalalaasahan ayaa soo ifbaxaya xilli dalkaygu uu ku tallaabsanayo horumar la taaban karo, taasoo ka marag kacayso qaadista cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay, cafinta daymaha ee hoos yimaada HIPC, ku biirista bulshada Bariga Afrika, iyo bilawga geedi-socod dib-u-eegis dastuurka ee loo dhan yahay iyada oo loo marayo heshiisyo siyaasadeed oo heer qaran. Haddii ay Itoobiya ku sii adkaysato fulinta heshiiska sharci darada ah, waxay dib u dhac wayn ku noqon doontaa guulihii aynu ka gaarnay siyaasadda, dhaqaalha iyo amniga.

 Mudanayaal,

Marka la eego arrimahaas, waxaa lama huraan ah in dalalka IGAD ay qaataan mowqif mabda’ ah oo lagu ilaalinayo madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Waxaan ka fileynaa wadamada xubnaha ka ah inay soo saaraan bayaan adag oo adag oo ay ku cambaareynayaan xadgudubka cad ee Itoobiya ee Axdiga IGAD iyo shuruucda caalamiga ah. Cawaaqib xumada ka dhalan karta in xadgudubka noocaan ah loo ogolaado in uu sii socodo waa mid aad u baaxad weyn, oo aan khatar galinayn kaliya horumarka amniga iyo dhaqaalaha ee aynu gaadhnay, balse sidoo kale waxa ay khatar galinaysaa guulihii adkaa ee lagaga soo horjeeday argagixisada ee mandaqadayada.

 Inta aan xal dublamaasiyadeed u raadinayno qalalaasahan, bal aan si cad u sheego—Soomaaliya, xaalad kasta, ma aqbali doonto in dib loo sawiro xuduudka iyo in dalkeenna la kala gooyo. Waxaan adeegsan doonnaa wax walba oo aan heli karno si aan u difaacno madax-bannaanida iyo wadajirka dhulkeenna.

 

IGAD oo go’aan culus ka soo saartay shirkii xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya

0

Kampala (Caasimada Online) – Waxaa la soo gabagabeeyey shir madaxeedkii Urur goboleedka IGAD, waxaana laga soo saaray war-saxaafadeed loogu hiiliyey Soomaaliya.

Madaxda IGAD ayaa meel uga soo wada jeestay xadgudubka dowladda Ethiopia ay ku sameysay madax banaanida dhuleed ee JFS.

Shir Madaxeedkaan oo deg deg ahaa wuxuu noqonayaa kii 42-aad ee Ururka Goboleedka IGAD, waxaa maanta lagu qabtay magaalada Kampala ee dalka Uganda, waxaana laga soo saaray dhowr qodob oo xasaasi ah, waxaana ugu muhiimsan labo qodob oo kala ah:

1 – Madaxda IGAD ayaa isku raacay in lama taabtaan ay tahay Madax banaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

2 – Madaxda ayaa soo jeediyey in Heshiis walba oo Soomaaliya lala galayo ay waajib tahay inay saxiixdo dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shir guddoomiyey kulankaan deg degga ah ee IGAD, waxaana ka soo qeyb galay madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynayaasha dalalka kale ee IGAD.

Itoobiya ayaa markii la iclaamiyey shirkaan sheegtay in aysan ka qeyb geli karin, iyadoo soo jeedisay in dib loogu dhigay shirkaas, balse madaxda IGAD ayaa ku adkeysatay in la qabto shirkaas.

Xoghayaha guud ee IGAD oo ka soo jeeda dalka Itoobiya, isla markaana soo noqday wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa ka qeyb galay shirka, waxaana bayaanka soo baxay ku saxiixan xoghaya, taas oo Itoobiya ka dhigeysa mid wax ku leh go’aanka ka soo baxay IGAD.

“In la xushmeeyo dhamaan mabaadiida aasaasiga ah ee xushmada karaamada, midnimada iyo xuduuda dhuleed ee dawladda federaalka Soomaaliya, iyo in hashiis kasto lagu dhawro madaxbanaanidaas. Sidoo kale heshiis kasta waa in la hayo ogolaanshaha dawladda Soomaaliya” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.

 

Somaliland oo jawaab ka bixisay tallaabada DF

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Hay’adda Duulista Hawada Somaliland ayaa jawaab rasmi ah ka bixisay tallaabada dowladda federaalka Soomaaliya oo maanta sheegtay in hawada Soomaaliya laga celiyay diyaarad xamuul ah oo ku socotay magaalada Hargeysa, kana soo baxday magaalada Sharjah, taas oo ka diiwaangashan dalka Thailand.

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed , iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda shaqo maanta oo Khamiis ah. 18/01/2024 waxay dib ugu celisay hawada Soomaaliya diyaarad nooca xamuulka qaada (cargo) oo ka diiwaangashan waddanka Thailand (registration P4-JAG), taasoo isku dayeysay inay u kala duusho Sharjah iyo Hargaysa” ayaa lagu yiri warxaafadeed ay soo saartay Hay’adda Duulista Rayidka Hawada Soomaaliyeed.

Somaliland oo ka jawaabeysay go’aankan ayaa beenisay in diyaarad laga celiyay Hargeysa, waxayna sheegtay inay maanta si caadi ah usoo dageen duulimaadyadii la filayay.

“Hayadda Duuulista iyo Madaarada JSL waxay bulshada la wadaagaysaa in Madaarka Caasimada ee Cigaal  iyo Madaarada kale ee dalkuba ay maanta marti galiyeen duulimaadyadii joogtada ahaa” ayaa lagu yiri qoraalka Hay’adda Duulista Somaliland.

Waxaa kale oo qoraalka lasii raaciyay “Ma jirto diyaarad laga leeyahay Thailand oo xamuul ah oo maanta imanaysay Somaliland ama soo kacday  oo hawada laga celiyay”.

Dhinaca kale Hay’adda Duulista Somaliland ayaa sheegtay inay socdaan shirar gaar gaar ah oo looga arrinsanayo arrimaha soo kordhay, gaar ahaan maamulka hawada.

“Waxa kale oo Hayadda Duulista iyo Madaarada JSL ay dadweynaha ogaysiinaysaa inay socdaan shirar muhiim ah oo ku saabsan arimaha Hawada JSL, Goaanada shirarkaasna ay wakhtiga ku haboon bulshada la wadaagi doonto” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo shalay sidaan oo kale ay dowladda dhexe hawada dalkeenna uga celisay diyaarad wafdi Itoobiyaan ah u waday Hargeysa, kana soo duushay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalkaas xilli ay sii xoogeysaneyso xiisada labada dal.

Ethiopia’s illegal MoU ignites diplomatic rift and sparks dispute in UNSC

In a recent and controversial move, Ethiopia has signed a Memorandum of Understanding (MoU) with a breakaway northern region of Somalia, prompting the Somali government to urgently request a meeting with the United Nations Security Council (UNSC) on January 2nd. This request, however, was met with a refusal from this month’s UNSC President, Ambassador Nicolas de Rivière of France, raising questions about potential political alignments and motivations.

The refusal to hold a meeting on this critical issue has sparked concerns about whether there is a possible alignment between the French Government and Ethiopia. This suspicion is partly rooted in the historical context: back in 2019, Ethiopia and France entered into a naval deal during President Emmanuel Macron’s visit to Addis Ababa.  

The recent actions of Ethiopia, seen as an infringement upon Somalia’s territorial integrity, have been deemed a clear violation of the United Nations Charter. The MoU with the northern Somali region, which is not recognized by the central government of Somalia, is perceived as a direct challenge to Somalia’s sovereignty and territorial unity.

Somalia’s plea for an urgent UNSC meeting underscores the seriousness of the situation and its potential implications for regional stability. The international community is closely watching the developments, especially given the strategic significance of the Horn of Africa region. 

The Ethiopian appeal to France for support is particularly significant, considering the recent refusal by the UNSC President, Ambassador Nicolas de Rivière of France, to hold a meeting requested by Somalia on this matter. This refusal had already raised suspicions about potential French alignment with Ethiopian interests, especially in light of the 2019 naval deal between Ethiopia and France.

The Ethiopian official’s statement and the request for French support in actualizing the MoU with Somaliland is a matter of concern, potentially deepening the rift with the EU and Somalia. It also indicates Ethiopia’s determination to proceed with its plans in Somaliland, despite the growing international backlash and the complex geopolitical implications.

At the heart of the matter is the question of international law and the respect for sovereign boundaries. The Somali government, along with its supporters, argue that the actions of Ethiopia, potentially backed by French interests, undermine these fundamental principles. 

As the situation continues to unfold, the role of the UNSC and its member states in upholding international law and addressing such conflicts remains under scrutiny. The refusal by Ambassador Nicolas de Rivière to convene a meeting has not only heightened tensions but also raised more profound questions about the dynamics within the UNSC and the influence of bilateral agreements on multilateral diplomacy.

The international community awaits further developments and responses, particularly from Ambassador de Rivière and the French government, to understand the full implications of this incident on regional stability and international relations.

Koox cabtooy ah oo shacab ku laysay GALDOGOB

0

Galdogob (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta koox hubeysan oo cabtoy ah ay weerar khasaare gaystay ka fuliyeen degmada Goldogob ee gobolkaasi, halkaas oo ay isku fara saareen ciidamada Puntland.

Kooxdan oo Qamri waday ayaa la sheegay inay markii hore ay xoog kusoo dhaafeen kastamka Tuurdibi oo ay ku sugnaayeen ciidanka ammaanka, kaas oo yaalla dhanka Itoobiya, ayagoo soo dilay 1 askari oo ku sugnaa goobta kadibna ay soo galeen Goldodob.

Sidoo kale waxa ay isla Goldogob gudaheeda ku dileen ugu yaraan saddex qof oo ay ku jiraan wiil iyo aabihiis, halka qofka saddexaad uu ahaa nin ganacsade ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in mid kamid ah kooxda cabtoyda ah iyagana la dilay hal nin, ayna baxsadeen raggii kale oo watay gaari, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Weerarkan ayaa si weyn looga dareemay magaalada, waxaana haatan socda dhaq-dhaqaaqyo ay ka wadaan laamaha amniga.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha amniga oo ku aadan dhacdadaasi, marka laga tago in weli baaritaano ay socdaan.

Inta badan deegaanada Puntland waxaa dhibaatooyin ka gaystay kooxo hubeysan oo ka ganacsada maandooriyaha, iskana kala goosha magaalooyinka maamulkaasi.

Ciidamada iyo kooxaha ayaa marar badan isku dhacay, waxaana ka dhashay khasaare soo kala gaara labada dhinac iyo dad shacab ah, sida maanta dhacday oo kale.

Taliyeyaasha BOOLISKA iyo NISA oo maanta hortegay golaha wasiirada + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta shirkoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxaana guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Bare, ayada oo ay goobjoog ahaayeen inta badan xubnaha golaha.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlay arrimaha soo kordhay ee xiisadda badda, xaaladda guud ee dalka, arrimaha ammaanka iyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Golaha Wasiirada waxaa maanta sidoo kale hortegay taliyeyaasha Booliska iy Nabad-Sugidda, Sulub Axmed Firin iyo Mahad Salaad, kuwaas oo ka qayb-galay kulanka.

Labada taliye ayaa golaha la wadaagay warbixinno la xiriira amniga iyo difaaca guud ee dalka, taas oo qayb ka ah qorshaha dowladda ee ku aadan xiisadda Itoobiya.

Sidoo kale taliyeyaasha ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgallada socda ee difaaca dalka, sugidda amniga, xasillinta iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah.

Dhanka kale. Golaha Wasiirrada  Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay go’aankii ka soo baxay shirkii aan caadiga ahayn ee Ururka Jaamacadda Carabta ee ku saabsanaa taageerada madax bannaanida, gobonimada iyo midnimada Soomaaliya.

Waxaa kale oo shirka lagu meel-mariyey Siyaasadda Qaran ee Bad-qabka iyo Caafimaadka Goobaha shaqada iyo heshiis is-afgarad oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Cumaan.

Ugu dambeyn golaha ayaa ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda ee magacaabista marwo Fatxiya Maxamed Yuusuf oo ka mid noqonaysa xubnaha maamulka Guddiga Sare ee Bangiga Dhexe ee  Soomaaliya.

Dowladda Federaalka oo hawada ka celisay diyaarad kale oo ku socotay Hargeysa

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale maanta hawada dalka ka celisay diyaarad ka diiwaangashan dalka Thailand, isla markaana ku socotay dhinaca magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland.

Diyaaradda oo aheyd Cargo registration P4-JAG P4-JAG ayaa xilliga la celinayay kasoo duushay magaalada Sharjah ee dalka Imaaraadka, ayada oo ku socotay Hargeysa.

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed , iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda shaqo maanta oo Khamiis ah. 18/01/2024 waxay dib ugu celisay hawada Soomaaliya diyaarad nooca xamuulka qaada (cargo) oo ka diiwaangashan waddanka Thailand (registration P4-JAG), taasoo isku dayeysay inay u kala duusho Sharjah iyo Hargaysa” ayaa lagu yiri warxaafadeed ay soo saartay Hay’adda Duulista Rayidka Hawada Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa ay hay’addu sheegtay in diyaaraddu  ay ku guul-daraysatay inay bixiso macluumaadka Cargo ay wado, taasna ay keentay shaki, kadibna sidaas loogu diiday inay soo gasho hawada.

Diyaaradda ayaa ku guul-darraysatay inay bixiso macluumaadka xamuulka ay waddo (cargo), waxayna qaadatay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed go’aanka sharciga ah oo dhigaya inaysan hawada Soomaaliya soo geli karin diyaaraad aan la hayn maclumaadka ujeedka safarka iyo waxa ay sido , waxaana dib looga celiyay diyaaradaa inay soo gasho hawada Soomaaliya” ayaa mar kale lagu yiri qoraal kasoo baxay Hay’ada Duulista Rayidka.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Somaliland oo ku aadan diyaaradda maanta laga celiyay deegaanadeeda, gaar ahaan caasimadooda Hargeysa.

Shalay ayay ahayd markii sidaan oo kale dowladda dhexe ay hawada dalkeenna uga celisay diyaarad wafdi Itoobiyaan ah u waday magaalada Hargeysa, kana soo duushay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalkaas, xilli ay sii xoogeysaneyso xiisadda labada dowladood.

Tallaabadan waxa ay si gooni ah u saameysay Somaliland oo weli aan helin ictiraaf, waxaana hawada laga maamulka magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliyeed.

DF oo shuruud adag ku xirtay wadahadal ay la gasho Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku gacan seertay dalab culus oo uga yimid guddiga nabadda iyo ammaanka AU, kaas oo ku aadanaa dhex-dhexaadinta Soomaaliya iyo Itoobiya oo haatan isku haya heshiiska badda.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa shaaca ka qaaday in aaney jirin wax dhex dhexaadin ilaa inta ay Itoobiya dib uga laabaneyso is afgaradkii sharci daradaa ahaa ee ay la gashay Somaliland.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliyeed aysan wax gorgortan ah ka geli doonin baddeeda, ayna lama taabtaan tahay madax bannaanida Soomaaliya.

Sidoo kale wasaaradda arrimaha dibadda waxaa qoraalkeeda lagu soo dhoweeyay guddiga aabadda iyo ammaanka ee Midowga Afrika ee ahaa in la liaaliyo madax bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka xubnaha ka Ururka Midowga Afrikaa.

“Waxaan uga mahadcelinayaa Golaha ammaanka iyo nabadda Midowga Afrika xaqiijinta ku aaddan madaxbannaanida waddamada xubnaha ka ah AU, Itoobiya waxay heshiis sharci darro ah la saxeexatay gobolka waqooyi (Somaliland), taasoo xadgudub ku ah madax-banaanida Soomaaliya, dhex dhexaadin ma jirto ilaa Itoobiya ay taas saxdo oo ay ka noqoto MOU-ga sharci darada ah” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda.

Go’aanka dowladda ayaa kusoo aadayo, ayada oo maanta oo Arbaco ah ay Uganda shir ku leeyihiin waddamada IGAD, kaas oo looga hadlayo xiisadaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qayb-galaya madaxweyne Xasan Sheekh, hayeeshee waxaa diiday oo ka cudur daartay ra’iisul wasaare Abiy Axmed taas oo fursad siineysa Soomaaliya, si ay garteeda usoo saarto miiska, una caddeyso gar-darrada ay ku sameysay Itoobiya.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa waxaa lagu yiri “Madaxda Urur-Goboleedka IGAD ayaa ka arrinasanaya farogelinta Itoobiya ay ku sameysay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”.

Dowladda Federaalla Soomaaliya ayaa horay uga carootay is-afgaradkii ay Itoobiya la gashay Somaliland. Is-afgaradka ayaa dhigayey in Somaliland ay dhul dhan 20km oo bad ah ka kirayso Itoobiya, taa beddelkeedna ay Itoobiya aqoonsato Somaliland, sida ay sheegtay Somaliland, inkasta oo Itoobiya aysan weli xaqiijin arrinta aqoonsiga.

Shil diyaarad oo ka dhacay garoon ku yaalla BAKOOL

0

Xudur (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa sheegaya in maanta shil diyaaradeed oo khasaare gaystay uu ka dhacay degmada Ceel-barde ee gobolkaasi, kadib markii ay ku dhacday diyaarad sidday deeq gargaar ah oo ka baxday Muqdisho.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in diyaaraddu ay ka baxday dhabaha garoonka, taas oo keentay inay shilka gasho.

Diyaaradda ayaa sidoo kale ka baxday gebi ahaan garoonka, waxayan dhex gashay guryo ka agdhowaa oo ku yaalla halkaasi, sida aanu kasoo xiganay dadka deegaanka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in duuliyaha diyaaradda uu geeriyooday, sidoo kalena dhaawac uu soo gaaray caawiyihii diyaaradda oo isna goobta lagala cararay.

Xaaladda ayaa hadda ah mid deggan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo ku baxay shilkaasi diyaaradeed.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Koonfur Galbeed iyo dowladda Soomaaliya oo ku aadan shilkaasi diyaaradeed ee maanta ka dhacay Ceel-barde.

Ma’a shilkii ugu horreeyay ee ka dhaca garoomada gudaha, waxaana badanaa lasoo wariyaa dhacdooyin ka dhasha shilalkan, maadaam aynan dhisneyn garoomadaasi.

Soomaaliya ayaa haatan kasoo kabaneysa burbur sanadooyin ku dhacay, kaas oo la degay kaabayaashii muhiimka u ahaa dhaqaalaha guud dalka.

Itoobiya oo qaaday tallaabo kale oo ka dhan ah Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa mar kale qaaday tallaabo kale oo ka dhan ah Soomaaliya kadib markii ay kusoo fasaxday biyo fara badan oo wata daadad xoogan, sida uu shaaciyay guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee SoDMA.

Maxamuud Macallin Cabduulle oo maanta Wariyeyaasha kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in tani ay uga sii dareyso cadaawadda ay Itoobiya u qabto Soomaaliya, wuxuuna ku eedeeyay inay kusoo deysay biyo xoogleh, maadaama ay wabiyadu ka yimaadaan dalkeeda.

“Waxaan rabaa Ummadda Soomaaliyeed inaan la wadaago dowladda Itoobiya oo aad aragteen cadowtinimada iyo culeyska ay hadda nagu hayso waxay maalmahan dhoweyd billowday inay soo fasaxdo haaman waa weyn oo ay biyo ugu xirnaayeen” ayuu yiri.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa farriin u culus u diray shacabka deggan hareeraha wabiyada, isaga oo ugu baaqay inay ka digtoonaadaan arrintaasi.

“Ummadda deggan wabiyada hareerahooda waxaan rabnaa inay arintaas ka digtoonaadaan dowladda Itoobiya cadowtinimada ay qabto meel kasto ayay ka muuqaataa” ayuu raaciyay.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa intaasi kusii daray in arrintan ay kusoo aadeyso, xilli Soomaaliya ay dhawaan ku dhufatay xaaladda Elnino oo si weyn looga dareemay qaybo badan oo kamid ah dalka, kadib markii ay ku dhufteen roobab xoogan oo daadad wata.

“Waad ogtihiin hadda ayaan ka badbaadnay marxalad runtii Elnino ay sababtay oo fatahaado ah” ayuu mar kale shirkiisa jaraa’id ku yiri Maxamuud Macallin Cabdulle.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ay taagan tahay xiisad diblomaasiyadeed oo u dhexeyso Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo ka dhalatay heshiiskii badda ee ay kowdii bishaan Addis Ababa ku gaareen madaxweynaha maamulka Somaliland iyo Abiy Axmed.

Imaaraadka oo taageero buuxda iyo garab istaag u muujiyey DF Soomaaliya

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa taageero buuxda u muujisay dowladda federaalka Soomaaliya kadib xiisaddii ka dhalatay is-afgaradka sharci-darrada ah ee Itoobiya ay la gashay Somaliland. 

Wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Imaaraadka Khalifa Shaheen Almarar ayaa hogaamiyey wafdi sare oo Imaaraadka uga qeyb-galay shirka wasiirada arrimaha dibedda Jaamacadadda Carabta ee ay codsatay dowladda federaalka.

Shirka oo lagu qabtay hab fogaan arag ah ayaa looga hadlay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay is-afgaradkii Itoobiya iyo Somaliland.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Imaaraadka ayaa lagu yiri “Intii uu socday kulanka, wasiirka wuxuu caddeeyay taageerada Imaaraadka ee madaxbannaanida, midnimada dhuleed iyo qarannimada Soomaaliya, wuxuuna ku celceliyay in Imaaraadka ku garab taagan yahay dowladda federaalka Soomaaliya maamulka dowladnimo ee madax-baanida buuxda ee dhulkeeda, iyo in dalalka Carabta lagala shaqeeyo wax kasta oo ay u arkaan inay lagama maarmaan u tahay arritan.”

Wasiir Khalifa Shaheen Almarar ayaa sidoo kale iftiimiyay baahida loo qabo dadaallo iskaashi oo lagu horumarinayo xasilloonida iyo amniga Geeska Afrika, iyo sidoo kale dajinta xiisadda, wadahadallo iyo diblomaasiyad.  

Waxa uu sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in la sahamiyo siyaabaha looga kaashan karo IGAD iyo Midowga Afrika xaqiijinta xasilloonida Geeska Afrika.

Kulanka ayaa lagu soo geba-gebeeyey ayada oo laga soo saaray qaraar lagu taageerayo Soomaaliya.

Taageerada Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya ayaa imaneysa laba toddobaad kadib markii la saxiixay is-afgaradka, iyo ayada oo uu jiray tuhun ku saabsan in Imaaraadka wax ka ogaa.

Fahad Yaasiin: Madaxweyne dharbaaxo rag bey kugu dirtaa ee kaama dhiciso

Mudane Madaxweyne,

Aqoonta aan kuu leeyahay, waxaan si buuxda u oran karaa inuu dhab kaa yahay dareenkaada iyo khudbadaha kala duwan ee aad jeedisay. Waxaan hubaa, inay run kaa tahay caadifaadaas. Marqaati ayaan u ahay, muddo xilaadkaadii koowaad in damac kasta laguu sheegay si aad tanaasul uga sameeyso qodobo taabanayey dhulka iyo badda Soomaaliya, maantana kalsooni taas lamid ah baan ku qabaa inaadan saxiixeynin wax taabanaya gobonnimada qaranka.

Mudane Madaxweyne,

Aqoonta kale ee aan kuu leeyahay waxay tahay inaad si saaid ah gaabis u tahay, go’aannadaadu jilicsan yihiin, culayska khudbadahaaga iyo cagajiidka tallaabo qaadkagana isma lahan. Soomaalidu waxay ku maahmaadaa, dharbaaxo rag bey kugu dirtaa, ee kaama dhiciso.

Madaxweyne, hadallada aad ku khudbeysay, hadallo ka culus oo la oran lahaa majirto. Waxaad ku dhawaaqday kalmado dagaal oo duullaan hubaysan soo dadajin karay. Laakiin nasiib darro, diyaar garawgeedii kaama muuqdo.

Itoobiya waxaa u dhiman oo kaliya waa iney lugaha soo dhigto xeebaha Soomaaliya, oo ciidan iyo cudud keensato, intaan ogahayna gorshahaas waa u diyaarsanyahay, weyna ku dhaqaaqayaan, colkana ka hortag buu ku qurxanyahay.

Mudane Madadweyne,

Waxaan hawada kuu soo marinayaan tallaabooyinkan oo dhamaantood ka hortag ah.

1. Itoobiya si buuxda ugu jar xiriirka diblomaasi, sidaasna xiriirka ha u jarnado ilaa ay ka noqoneyso heshiiska aan dhaqangalka ahayn ee ay la gashay maamulka aan sharciga ahayn.

2. Ciidanka Itoobiya ee dalka jooga kuwooda ATMIS kamid ah iyo kuwooda aanan kamidka ahayn labaduba dalka ka saar, muddo ay dalka uga baxaanna u gabo. Haddii ay ka bixi waayaana, haloo aqoonsado, ciidamo gumaysi ku jooga dalka. Muddadaas loo qabtay iney dalka uga baxaan, waxaad raadsataa dalkii buuxin lahaa goobaha ay ka baxayaan, weyna jiraan wadamo diyaar u ah iney booskaas buuxiyaan.

3.  Dowladda inay qaado olole diblomaasiyadeed oo dalalka Afrika kusoo wareega oo ka dhaadhicaya in Midowga Afrika xaruunteeda laga raro Addis Ababa, bacdamaa ay ku xadgudubtay xeerarakii u dagsanaa ururka.

4. In hawada Soomaaliya laga xidho duulimaadyada diyaaradaha laga leeyahay ama ka diiwaan gashan dalka Itoobiya.

5. Dalalka aan walaalaha nahay sida Turkiya, Ereteriya iyo Masar waxaad lasoo gashaa iskaashi difaac, waxaadna dalka ka sisaa saldhigyo milatari si ay qayb uga nogdaan amniga gobolka, amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Mudane Madaxweyne,

Waxaad isku hallaysaa rabigaa iyo umaddaada, waxaadna ogaataa awoodaha aad leedahay iney ku filanyihiin difaaca dalka. Si sahal ah, baad uga hortagi kartaa damaca gurracan ee Itoobiya, waase haddii aad isku tashato.

Marna ha moodin taagero iyo xoog dibadda kaaga imanaya inuu joojin karo damaca waalan ee Abiy Axmed. Dunidu, mar walba, waxay oran doontaa xaaladda hala dajiyo, xitaa marka ciidanka Itoobiya ay xeebaha Soomaaliya yimaadaan oo ay qabsadaan.

Mudane Madaxweyne,

Naxariista calamka ha sugin, hana ku tashan ee waxaad sacabadaada ka buuxsan kartid iyo kaararka culculus ee gacantaada ku jira isticmaal oo daafac iyo duulaan ka dhigo.

Mudane Madaxweyne,

Marka gobonnimada dalka lagu soo xad gudbo waxaa qarsoomaya muxaafid iyo mucaarad. Sidaas awgeed, waxaan diyaar u nahay inaan ku garab galno, cadawga dalkana aad tusto dadkaaga oo midaysan. Waxaase khasab ah in la arko hogaamintaada oo leh karti ay ku uruuriso awoodaha kala duwan ee ku dhex duugan dadka Soomaaliyeed.

W/Q: Fahad Yasin
17-ka Janaayo 2024

Wararkii u dambeeyay shirka IGAD iyo fursadda Somalia

0

Kampala (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta oo Khamiis ah Kampala uu ka furmo shir ay leeyihiin waddamada Ururka IGAD, kaas oo kusoo aaday xilli xasaasi ah.

Shirkan oo ah kii 42-aad oo aan caadiga ahayn ayaa waxaa isugu imaanaya madaxda dalalka IGAD, waxaana shirkan looga wadahadalayaa colaadda Sudan iyo xiisadda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya oo haatan gaartay meeshii ugu xumeyd.

Dowladda Jabuuti oo iyadu hoggaanka shirka haysa ayaa soo qaban-qaabisay, si go’aan looga gaaro arrimaha soo kordhay iyo xaaladaha ka jira gobolka.

Soomaaliya waxaa shirkan ku metalaya madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay gaaray magaalada Kampala, halkaas oo uu kusoo dhoweeyay dhiggiisa Uganda.

Sidoo kale waxaa madaxweynaha wehlinaya rag kale oo uu kamid yahay Ra’isul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Saalax Axmed Jaamac, si ay u caddeeyaan go’aankooda ku aadan xadgudubka ay Itoobiya kula kacday madax bannaanida dhuleed ee Soomaaloya.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa waxaa lagu yiri “Madaxda Urur-Goboleedka IGAD ayaa ka arrinasanaya farogelinta Itoobiya ay ku sameysay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”.

Dhanka kale, dowladda Itoobiya ayaa qoraal ay u dirtay Urur Goboleedka IGAD 13-kii bishan ku xaqiijisay in aysan ka qeybgaleyn shirkan, taas oo fursad siineysa Soomaaliya, si ay garteeda usoo saarto miiska, una caddeyso gar-darrada ay ku sameysay Itoobiya.

Si kastaba, Dowladda Federaalla Soomaaliya ayaa horay uga carootay is-afgaradkii ay Itoobiya la gashay Somaliland. Is-afgaradka ayaa dhigayey in Somaliland ay dhul dhan 20km oo bad ah ka kirayso Itoobiya, taa beddelkeedna ay Itoobiya aqoonsato Somaliland, sida ay sheegtay Somaliland, inkasta oo Itoobiya aysan weli xaqiijin arrinta aqoonsiga.

 

Go’aano culus oo laga soo saaray shirkii Jaamacadda Carabta iyo R/Wasaare Xamza

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir deg deg oo ay isugu yimaadeen Wasiirrada Arrimaha dibadda dalalka Jaamacadda Carabta, oo uu khudbad dhanka fogaaan arag ah ka jeediyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, loogana hadlay damaca Guracan ee Itoobiya ku raadinayso qayb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa laga soo saaray Qaraar lambar-kiisu yahay 8988.

Wasiirrada ayaa isku raacay in la xoojiyo taageerada amniga, xasilloonida, midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhulka Soomaaliya, sidoo kalena la ilaaliyo madaxbannaanida Soomaaliya ee berriga, badda iyo cirka.

Wasiirrada ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay xaq u leedahay inay si sharci ah ku difaacdo dhulkeeda, sida ku cad qodobka 51-aad ee Axdiga Qaranneed Qaramada  Midoobay iyo kan Jaamacadda Carabta, iyadoo la taageerayo tallaabo kasta oo ay go’aansadaan inay qaadaan.

Golaha ayaa isku raacay in taageero buuxda lala garab istaago mowqifka dawladda Soomaaliya ee ku aadan  heshiis beenaadkii 1-dii bishaan ay Addis Ababa ku kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland, kaas oo ay sheegeen in uusan waxba ka jirin oo aan la aqbali karin, maadaama uu xad-gudub bareer ah loogu geystay mabaadi’da sharciga caalamiga ah iyo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Golaha ayaa sheegay inay Soomaaliya ku taageerayaan inay u gudbiso Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda Adduunka dacwad ka dhan ah xadgudubka Itoobiya, iyadoo laga qaadanayo diidmo buuxda heshiis beenaadkaas.

Qodobada ka soo baxay golaha ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyay in Somaliland tahay qeyb kamid ah dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya, loona baahanyahay ilaalinta Madaxbanaanida dhuleed ee JFS, iyadoo la tix-raacayo Axdiga Jaamacadda Carabta iyo Mabaadi’diisa iyo kan Axdiga Qaramada Midoobay.

Golaha ayaa tilmaamay halista uu leedahay xadgudubka Itoobiya oo gobolka ka dhigeysa mid xasilloonidiisa meesha ka saareysa, iyagoo arrintaan u xilsaarray goleyaasha safiirada Carabta ee magaalooyin New York, Goya, Viana, Bruxem, Addis Ababa, Washington, iyo LodenParis, Beijing iyo Mexico, u gudbinta go’aankan ka soo baxay Wasaaradaha Arrimaha Dibadda wadamada ay joogaan.

Ugu dambeyn wasiirrada ayaa ka codsaday Xoghayaha Guud ee Jamacada Carabta in qodobada ka soo baxay loo sameeyo guddi heer wasiir ah oo dabagal ku sameeya dhaqangelinta go’aannada ka soo baxay, si looga hortago damaca gurracan ee Itoobiya ku raadinayso qayb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Itoobiya waa cadowgeena iyo waa ciidansaneynaa sidee ayey isku qaban karta?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Itoobiya ayaa weli qeyb ka ah ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya.

Addis Ababa ayaa horraantii bishaan Soomaaliya ku tijaabisay damaceeda bad doonka ah, iyada oo Muuse Biixi ka saxiixatay 20KM oo kamid ag xeebaha deegaanka Lughaya ee gobolka Awdal ee Soomaaliya.

Arrintaan ayaa si weyn u dhaawacday xiriirka labada waddan. Muqdisho ayaa qaaday dagaal diblumaasiyadeed xoog leh, waxaana maalinta berri ah loo balansan yahay shirka urur-goboleedka IGAD oo ay ku wada jiraan Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana miiska saaran in laga doodo qadiyada soo cusboonatay ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Inta aan la gaarin shirkaasi, madaxda dowladda Soomaaliya ayaa kalmado ad-adag u adeegsaday dowladda Itoobiya. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay inay tahay Itoobiya cadow taariikhi ah. Wuxuu dadka Soomaaliyeed u sheegay inay leeyihiin laba cadow oo ah Itoobiya iyo Argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre isna wuxuu dhawaan ku hanjabay inay Itoobiya meydada xaabsan doonto haddii ay isku deydo haddii dalka u timaado qaadashada taako kamid ah biyaha iyo dhulka Soomaaliyeed.

In Soomaaliya ay weli ciidansaneyso ciidanka Itoobiya oo dhowr magaalo dalka ka joogaan isma qaadan karto. Dadka ka faalloonaya mowduucan ayaa usoo jeedinaya madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladdiisa inay Midowga Afrika weydiistaan in ciidanka Itoobiya laga beddelo oo dalka ka baxaan, maadaama ay ku xad-gudbeen madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya iyo midnimada dalka.

Dowladda Soomaaliya xaq waa u leedahay codsigaan, waxayna u badan tahay haddii ay bareeraan in Midowga Afrika uu taas aqbali doono.

Waxay dowladda federaalka ee Soomaaliya heli doonta inay ciidanka Itoobiya dalka ka baxaan, waxaana dalalka Afrika ku yaalla ee Soomaaliya ciidanka ka heli karto kamid ah Masar iyo Eritrea, kuwaasi oo aanay Soomaaliya kala dhaxeyn taariikh madow, dhinaca kalena uu damac uga jirin biyaha iyo dhulka Soomaaliya.

Labadaan waddan iyada oo la isticmaalayo Kanaalka Midowga Afrika waxay u badan tahay ayaa la leeyahay inay Soomaaliya milateri ahaan garabsiin karaan marxaladan adag. Waqti fog Soomaalida waxay diidi jirtay inay dalka soo galaan ciidamo ka socda dalalka deriska, mid kamid ah sababaha loo diidi jiray waa inuu imaan karey damac lamid ah midka maanta jira ee ka yimid dhinaca Itoobiya.

Inay ciidanka dalalka deriska ay weli sii joogaan Soomaaliya ayaa keeni karta halis kale oo mustaqbalka ah. Lama oga inay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya codsan doonto in ciidanka Itoobiya laga beddelo, wallow laga yaabo in arrintaasi dhaqaale xooggan u baahan tahay.

Laakiin dalalka Masar iyo Eritrea oo raba inay Itoobiya culeyska ku badiyaan ayaa Muqdisho siin karta fursado badan oo bilaash ah. Haddii aanay dowladda Soomaaliya oo ay qaadin tallaabooyin waaweyn dad badan ayaa u arki kara in aysan daacad ka aheyn badbaadada dhulka iyo badda Soomaaliyeed.

Itoobiya waxaa la sheegaya inay ka fikireyso inay awood ciidan ku meel-mariso heshiiskii Abiy Axmed iyo Muuse Biixi Cabdi, wallow taasi u muuqato qaras-ka-tuurnimo xoog leh gobolkana ay gelin doonto dagaal aan la aqoonin waqtiga uu qaadan karo iyo bar dhamaadkiisa.