25.2 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

Maxaa ka jira in Cali Yare Cali lagu xiray magaalada…?

0

Nairobi (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Cali Yare Cali ayaa galabta lagu xiray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida uu xaqiijiyey xildhibaanka ku metela golaha shacabka.

Askar ka tirsan booliska dalka Kenya ayaa Cali Yare ka watay xarunta Wastget Mall ee bartamaha Nairobi, intaas kadibna waxaa soo baxay warka sheegay in la xiray Cali Yare.

Xildhibaan Ilyaas Sheekh Axmed oo golaha shacabka ku metela Cali Yare ayaa Maqribkii sheegay in la xiray Cali Yare, isla markaana uu raadinayo xiriirkiisa, bulshadana uu la wadaagi doono sababta loo xiray.

Mar kale ayuu goordhow soo hadlay Xildhibaan Ilyaas Sheekh, isagoo yiri, “Iminka ayaan Gudoomiye Cali Yare kula hadlay qadka Telefoonka Nairobi wuxuna ii sheegay in rag police ah ay qabteen kadibna ay su’aalo weeydiiyeen, lana sii daayay oo uu xor yahay iminka.”

Ilaa hada lama shaacin sababta ka dambeysa xariga Cali Yare, waxaana saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshada qabsatay hadalheynta xarigga la sheegay in loo geystay Cali Yare.

Ninkaan ayaa si weyn u mucaarada dowladda federaalka Soomaaliya, maadaama uu ka mid ahaa rajiimkii Farmaajo ee xukunka ka degay.

Siyaasiyiinta Soomaalida ayaa inta badan lagu xiraa Nairobi, hada waxaa la weysan yahay wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo hal toddobaad maqan.

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay soo baxayey in Cabdirashiid Janan la dilay, balse ilaa hada ma jirto cid shaacisay xaqiiqada halka uu ku sugan yahay Cabdishariid Janan, waxaana iska soo daba baxaya baaqyo loo dirayo dowladda Kenya.

Midowga Afrika oo war culus ka soo saaray xiisadda badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Nabadda iyo Ammaanka (PSC) ee Midowga Afrika (AU), ayaa kulankoodii 1192-aad ee qabsoomay maanta waxay kaga hadleen xiisadda u dhaxaysa dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya, waxaana shirkii maanta ka soo baxay war-saxafadeed lagu cadeeyey mowqifka golaha.

Kulankii Golaha ugu horeyn maanta lagu dhegaystay warbixin ay soo jeediyeen Danjire Cabdullahi Warfa, Wakiilka Joogtada ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Midowga Afrika iyo Danjire Ayele Lire, Wakiilka Joogtada ah ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya ee Midowga Afrika.

“Goluhu wuxuu soo dhaweeyay hadalkii Moussa Faki Mahamat, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, oo cadeeyey 3-dii Janaayo 2024, sida ay lagama maarmaanka u tahay in la ixtiraamo midnimada, wadajirka dhuleed iyo madax-bannaanida dhammaan dawladaha xubnaha ka ah Midowga Afrika, oo ay ku jiraan Soomaaliya iyo Itoobiya,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay galaha AU.

Midowga Afrika ayaa walaac xooggan ka muujiyey xiisadda ka dhex aloosan Itoobiya iyo Soomaaliya, kadib markii maamulka Somaliland uu 1-dii Bishaan Itoobiya u saxiixday Heshiis la damaaciyey in bad lagu siiyo Itoobiya, balse dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ay si adag uga hor tageen qorshahaas.

“Isfahamka (MoU) ee u dhexeeya Itoobiya iyo gobolka waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) 1dii Janaayo 2024 iyo saamaynta xun ee ay ku yeelan karto nabadda, amniga iyo xasilloonida gobolka. Goluhu, isagoo raacaya qodobka 4-aad ee xeerka dastuuriga ah ee Midowga Afrika iyo qodobka 4-aad ee hab-maamuuska. Aasaaska Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, iyo sidoo kale Axdiga Qaramada Midoobay, waxay si aan leex leexleexad lahayn u xaqiijiyeen inay ka go’an tahay iyo taageerada ay u hayaan ilaalinta Dhammaan Dawladaha Xubnaha ka ah, oo ay ku jiraan Soomaaliya iyo Itoobiya,” ayaa lahu yiri bayaanka.

Goluhu wuxuu baaq u diray Itoobiya iyo Soomaaliya waxaana laga dalbaday in ay u hoggaansamaan oo lagu hago mabaadi’da asaasiga ah ee Midowga Afrika iyo sharciga caalamiga ah ee ku jira.

“Goluhu wuxuu ku dhiiri galiyay dowladda Itoobiya inay u hoggaansanto deris-wanaagga, saaxiibtinimada iyo wadajirka ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya iyo in ay ka fogaato falal kale iyo odhaahyo saamayn taban ku yeelan kara kuwa xoogga leh. Sidaas darteed Goluhu wuxuu baaq u diray JamhuuriyadahaSoomaaliya iyo Itoobiya,” ayaa lahu yiri warkaan ka soo baxay AU.

Golaha ayaa ka codsaday Guddoomiyaha Komishanka Midowga Afrika in uu si degdeg ah u hawlgeliyo Ururka Sare ee Midowga Afrika, Wakiilka Geeska Afrika, Madaxweynihii hore ee Nigeria, si uu u kobciyo wada-xaajoodka labada dal.

Ugu dambeyntii golaha ayaa bayaanka ka soo baxay shirkii maanta ku soo dhaweeyey qabashada shir madaxeedka aan caadiga ahayn ee dalalka IGAD oo 18-ka Janaayo oo berri ah ka dhacaya dalka Uganda.

Xog: Xasan oo diiday kulan gaar ah oo uu dalbaday Abiy

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa ka maquuratay ka qeyb-galka shir madaxeedka dalalka IGAD oo qorshuhu yahay in maalinta berri ah uu ka furmo dalka Uganda.

Shirkaas oo uu iclaamiyay madaxweynaha dalka Jabuuti oo ah Guddoomiyaha urur-goboleedka IGAD, ayaa markaas ku baaqay in shir deg-deg ah oo looga hadlayo damaca guracan ee Itoobiya iyo jawaabta ay ka bixisay Soomaaliya.

Itoobiya oo ka meer-meeraysanaysa inay ka soo qeyb-gasho shirkaasi ayaa warqad ay u dirtay IGAD ku marmarsiyootay in jadwalkeeda booqashooyinka ee maalmaha shirka uu yahay mid buuxa, oo aysan suurta-gal aheyn xilligaan ka qeyb-galka shirka.

Xogo hoose ayaa sheegaya in go’aanka Itoobiya uu yimid kadib markii uu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku gacan seyray codsi kulan gaar ah oo uu Abiy Ahmed soo dhex marsiiyay madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni.

Xasan ayaa diiday kulankaasi gaarka ah, maadaama uu aaminsan yahay in Soomaaliya ay doodeeda soo saarato miis loo wada jeedo, halka Itoobiya la fahamsan yahay in aysan hayn dood maangal ah oo miiska keento, maadaama ay ku kacday gef weyn oo ay ku xad-gudubtay midnimadii iyo madax-bannaanidii Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa illaa hadda ka dhuumanaya inuu si shaac ah uga hadlo duullaanka tooska ah ee uu kusoo qaaday biyaha Soomaaliya iyo heshiis beenaadkii Addis Ababa ee Somaliland.

Inay Itoobiya diido inay fagaare la timaado is-afgaradkii ay 1-dii bishaan la gaareen Muuse Biixi, ayaa dhinaca kale muujinaysa sid ay u dareemayso ciriiri siyaasadeed, balse taasi bedelkeeda Soomaaliya ayaa rabta in fagaarayaasha caalamka kaga shanqadhiso sida gefkan u yahay mid aan la qaadan karin iyo dhibaatada ka dhalan karta.

Shirka loo madlan yahay 18-ka bishaan ayaa imanaya xilli dowladda Soomaaliya ay diblomaasiyadda uga adkaatay Itoobiya, ayada oo dalalka ugu muhiimsan caalamka uga digeen Itoobiya damacaan guracan ee badda Soomaaliya ay ku dooneyso.

Si kastaba, Itoobiya ayaa xilligaan la daala-dhaceysa weji-gabax diblumaasiyadeed oo ku riixaya inay ka dhuumato fagaarayaasha gobalka iyo kuwa caalamka,

Turkiga oo joojiyay safar uu Wasiirka A/Dibadda Somaliland uu ku tegi lahaa dalkaasi

0

Istanbul (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa joojisay safar dalkaasi ku tegi lahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Ciise Kayd, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Safarkan oo muddo dheer la qorsheynayay ayaa naloo xaqiijiyay in joojintiisa ay sabab u tahay heshiis beenaadkii dhawaan magaalada Addis Ababa ku dhex-maray Somaliland iyo Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland ayaa qorshuhu ahaa marka uu tago Turkiga uu halkaasi kula kulmo masuuliyiin ka tirsan dowladda Turkiga, balse waa la joojiyay hadda, xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda ka dhalatey heshiiskii Somaliland ay Itoobiya ugu saxiixtay qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

Waa tallaabo kale oo muujinaysa sida aysan dowladda Turkiga raali uga ahayn xad-gudubka madax-banaanida Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa dhawaan taageero xooggan u muujisay madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, kadib heshiiskii ay Itoobiya la gashay Somaliland, ee sida weyn uga careysiiyey shacabka Soomaaliya.

Heshiiskaasi is-afgarad ayey Somaliland ku sheegtay inay marin-badeed 20KM ah kaga kiraynayso Itoobiya muddo 50 sano ah, halka Itoobiya ay Somailand u fidinayso aqoonsi, inkasta oo Itoobiya ay weli dhankeeda xaqiijin inay ogolaatay inay aqoonsato Somaliland, balse waxay sheegtay inay dersi doonto sidii ay mowqif uga qaadan laheyd arrintaas.

Ankara ayaa markaas sheegtay inay rajeyneyso in muranka u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland lagu dhammeeyo wada-hadal toos ah, oo ay yeeshaan Soomaalida, ayna taasi tahay hindisaha ay jihadiisa taageerayaan.

Turkiga ayaa kamid noqday dalalka saaxadda siyaasadda caalamka saameynta xooggan ku leh ee diiday heshiiskaasi. Waxaa horey heshiiska uga horyimid Midowga Yurub, Ururka Iskaashiga Islaamka, Jaamacadda Carabta iyo Mareykanka.

Sidoo kale, Dowladda Soomaaliya ayaa is-afgaradka ku tilmaantay mid xad-gudub ku ah qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxaana Soomaaliya ay u yeeratay safiirkeedii Itoobiya.

Shariif, Kheyre, Gaas, CC, Cosoble iyo madax kale oo soo saaray bayaan culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo madax hore oo ay kamid yihiin Xasan Cali Kheyre iyo Cumar Cabdirashiid, Cabdiweli Sheekh iyo Shariif Xasan ayaa soo saaray bayaan ay ku xoojinayaan dadaallada ka dhanka xad-gudubka Itoobiya.

Bayaan ay si wada-jir ah usoo saareen madaxdaan ayaa waxay ku sheegeen in si adag uga soo horjeedaan heshiiskii Addis Ababa, kaasi oo xad-gudub ku ah gobannimada, madax-banaaniada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

“Waxaan si buuxda u garab taagannahay dowladda Soomaaliya, kuna taageeraynaa dadaallada ay ku ilaalinayso qaranimada dalka in lagu soo xad-gudbo,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay madaxdii hore.

Waxay uga digeen ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed inuu ka joogsado siyaasaddiisa qar iska-tuurnimada iyo daan-daansiga ku ah madax-banaanida Soomaaliya.

“Waa garawsanahay inay jiraan arrimo aan weli laga heshiin oo Soomaaliya iyo Waqooyiga Soomaaliya (Somaliland) ka dhaxeeya oo u baahan in ay Soomaalidu dhexdeeda xal uga gaarto miiska wada-hadalka. Nabad ku wada-noolaashiyaha dadka Soomaaliyeed ayaa ah muhiimadda ugu weyn oo ay tahay in ay diiradda saaraan hoggaamiyayaasha siyaasadda.”

Sidoo kale waxay ugu yeereen dadka Soomaaliyeed inay u midoobaan kuna garab istaagaan dowladdooda difaaca dalka hooyo si aan abid horay loo arag, “Waa muhiim xilligan la joogo in aan dhinac iska dhigno kala duwanaanshiyaheenna oo aan xoggeena iskugu geyno wanaagga guud iyo wax-u-tarka dalka.”

“Waxaan sidoo kale ku amaanaynaa dadweynaha, siyaasiyiinta iyo wax-garadka Somaliland sida geesinimada leh oo ay uga horyimaadeen heshiiskan uguna gacan seyreen damaca gurracan Itoobiya.”

Hoos ka aqriso bayaanka

Ethiopia oo war kasoo saartay diyaaraddii ay DF celisay

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Itoobiya ayaa xaqiijisay in hawada Soomaaliya laga celiyay diyaarad ka soo degi laheyd garoonka diyaaradaha Hargeysa, xilli Somaliland ay isku deyday beeninta jiritaanka arrintaan.

Maamulaha shirkadda Ethiopia Airline Mesfin Tasew oo waraysi siiyey laanta Af-Amxaariga ee idaacadda BBC ayaa xaqiijiyey in dib loo celiyey diyaaradaasi oo ay iska laheyd shirkadda Ethiopia Airlines.

Waxa uu sheegay in diyaaraddan oo duulimaad lambarkeedu ahaa ET372 aysan ogolaansho ka haysan dowladda Soomaaliya, taasi oo keentay in ay dib ugu laabato Addis Ababa, kadib markii hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ay ka celisay hawada.

Inkasta oo Mesfin Tasew aanu faah-faahin ka bixin rakaabkii saarna diyaaraddan oo la sheegay inay aheyd VIP, haddana wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa BBC-da u sheegay in diyaaradda ay la socdeen saraakiil sar-sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya, islamarkaana loo diiday inay gasho Hargeysa.

Wada-hadal kadib, diyaaraddu waxay sii waday safarkeeda meel aan la shaacin, sida uu BBC-da u sheegay Mesfin.

Hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa saaka xaqiijisay celinta diyaaraddan, iyada oo sheegtay in aanay ogolaan doonin in diyaarad aan ruqsad haysani soo gasho dhamaan xuduudaha hawo ee waddanka.

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay maanta hawada Jamhuuriyadda Soomaaliya ka celisay diyaarad ay leedahay shirkadsa Ethiopian Airlines, oo ku socotay Hargeysa, kadib markii ay cadaatay in aanay diyaaradaasi haysan wax fasax ah oo ay ku isticmaasho hawada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka hay’adda duulista.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Si waafaqsan shuruucda caalamiga ee hawada iyo kuwa Soomaaliya ee SOMCARs, duulimaadyadu waa inay fasax (ruqsad) ka haystaan waddamada ay hawadooda marayaan iyo kuwa ay ku dagayaan kahor inta aanay soo duulin.”

Si kastaba, Arrintaan ayaa imaneysa xilli ay xiisadda xooggan ka dhex aloosan tahay Soomaaliya iyo Itoobiya, taasi oo salka ku haysa xad-gudubka bareerka ah ee Itoobiya kula kacday madax-banaanida Soomaaliya, kadib markii ay Somaliland la saxiixatay heshiis beeneed ay ku dooneyso dhul badeed dhan 20KM.

Wafdigii Itoobiya ka socday ee DF Soomaaliya ay celisay oo kasoo degay Hargeysa

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa goordhow magaalada Hargeysa kasoo degay wafdi ka socda dowladda Itoobiya, kaasi oo saaka la celiyay diyaaradii ay la socdeen, sida ay sheegayaan wararka nasoo gaaraya.

Saaka ayay aheyd markii hawada Soomaaliya laga celiyay diyaarad ay leedahay Ethiopia Airlines oo ay la socdeen wafdigaan, kadib markii dowladda federaalka ay sheegtay in aysan ruqsad u haysan inay isticmaasho hawada.

Hase yeeshe wafdigii Itoobiyaanka ahaa ayaa ugu dambeyn goordhow kasoo degay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ee Cigaal.

Amarka lagu celiyay diyaaradii hore ee wafdiga la socdaan oo aheyd VIP ayaa kasoo baxay hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho, ayaa sababtay in dib ugu laabtan Addis Ababa.

Sida muuqata wafdiga Itoobiya ka socda ayaa halkaasi diyaarad kale kasoo qaatay, waxaana soo baxaya warar sheegaya in wafdigaan ay xukuumadda Abiy usoo dirsatay arrimo la xiriira heshiiskii buray ee badda.

Faah-faahin dheeraad ah goordhow naga filo Insha Allah.

Xog: Saraakiisha ammaanka iyo madaxda Hormuud oo is-afgarad ku gaaray Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xogo dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kulamo magaalada Muqdisho uga socday saraakiil ka tirsan hay’addaha ammaanka iyo madaxda Hormuud, kadib markii ay meel sare gaartay xiisadda NISA iyo Hormuud.

Kulamadan ayaa waxaa looga wada-hadlay xiisadda taagneyd maalmihii dambe iyo sidii loo xoojin lahaa ka wada-shaqeynta danta guud si waafaqsan shuruucda dalka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulankii u dambeeyay ee dhinacyadu yeeshaan ayaa xal looga gaaray caqabado taagnaa, ayada oo uu ku soo dhamaaday jawi wanaagsan.

Masuuliyiinta dowladda federaalka oo qaarkood aan xiriir la sameynay ayaa ku gaabsaday in saraakiisha ka tirsan hay’addaha ammaanka iyo madaxda Hormuud ay arrinta ku xaliyeen si ay ku jirto maslaxada guud ee dalka.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay u taagan tahay ilaalinta amniga iyo bad-qabka muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo hantidooda iyada oo markasta dhawraysa sharciga.”

Si dhab ah looma oga in Hormuud ogolaatay bixinta xogta macaamiisha oo aheyd saldhiga khilaafka hay’adda NISA iyo madaxda shirkadda Hormuud, sidoo kalena weli nalooma xaqiijin in NISA raal-gelin ka bixisay weerarkii ay ku qaaday qaar kamid ah xarumaha shirkadda.

NISA iyo Hormuud ayaa dhawaan waxaa ka dhex aloosneyd xiisad la xiriirta dhaq-dhaaqa Koontooyinka Bangiga iyo Adeegga EVC Plus oo ay shirkaddu bixiso.

Shirkadda oo maalmo kahor qoraal soo saartay ayaa ku dooday in aysan jirin gacan saddexaad oo soo kala dhex gasha iyada iyo macmiisha, halka NISA ay sheegtay in fatashaada ay la xiriirto la-dagaalanka argagixisada, xilli horey dowladda u qaaday tallaabooyin ay kula dagaalamayso lacagaha baadda ah ee kooxda ka aruursato Muqdisho.

Xiisaddan ayaa sidoo kale dhawaan gaartay madaxweyne Xasan Sheekh oo isagu soo gaabiyay safarkii Dhuusamareeb, islamarkaana galinkii dambe ee Isniintii deg deg ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Aqalka Cad ee Mareykanka oo soo farogeliyay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya

0

Washington (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa war cusub kasoo saaray heshiiska muranka badan dhaliyay ee ay kowdii bishan wada gaareen Somaliland iyo Itoobiya.

Aqalka Cad ee Mareykanka oo haatan soo farogeliyay heshiiska labada dhinac ayaa caddeeyay inuu kasoo horjeedo, maadaama uu xadgudub ku yahay Soomaaliya.

“Waxaan taageereynaa Soomaaliya iyo madax banaanidooda dhuleed, waana in la ixtiraamo ” ayuu yiri John Kirby oo ah isuduwaha xiriirka golaha amniga qaranka Maraykanka.

John Kirby ayaa shaaca ka qaaday inheshiiskaas uu horseedi karo xasillooni darro iyo in la carqaladeeyo dadaallada caalamiga ah ee looga hortagayo waxa loogu yeero argagixisada.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in aqoonsi ay Itoobiya siiso Somaliland uu halis gelinayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee haatan ka socda dalka.

Dhanka kale waxa uu hoosta ka xariiqay in gobolka Geeska Afrika uusan xilligan xamili karin colaad kale, maadaama ay jiraan dhibaatooyin muddo dheer lala soo halgamayay

“Ma aaminsanin in gobolku uu awoodi karo colaad kale, “Uma maleynayno in heshiiska isa-fgaradka ah uu u socdo jihada saxda ah.” mar kale yiri John Kirby.

Mareykanka ayaa horay u caddeeyay mowqofkiisa ku aadan xadgububka Itoobiya, isaga oo si cad uga horyimid heshiiska badda ee la18gu gaaray magaalada Addis Ababa.

Arriimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo 18-ka bishan lagu wado inuu dalka Uganda ka dhaco shir ay dalal IGAD ka yeelanayaan arrimaha soo kordhay, gaar ahaan xiisadda ka dhalatay heshiiska Addis Ababa, walow ay shirkaas iska diiday dowladda Itoobiya

DF oo hawada ka celisay diyaarad wafdi Itoobiyaan ah u waday magaalada Hargeysa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo dhan ah Itoobiya ayada oo goordhow hawada Soomaaliya ka celisay Diyaaradda Ethiopia Airlines, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Wararka ayaa sheegaya in amarka uu kasoo baxay hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho, taas oo dib u celisay diyaaraddan oo wafdi Itoobiyaan ah u waday magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland.

Diyaaradda ayaa ugu dambeyn ku laabatay magaalada Addis Ababa oo markii hore ay ka soo kacday, sida uu xaqiijiyay maareeyaha hay’adda duulista Axmed Macallin oo la hadlay Shabelle Tv.

Axmed Macallin ayaa sheegay in weli kiiska ku dhex jiraan, balse waxa uu xaqiijiyay in diyaaradda ay wadday dad muhiim ah, ayna dib ugu celiyeen Addis Ababa.

“Waan celinay diyaaradda, waxayna dib ugu laabatay Addis Ababa, waxay ahayd VIP” ayuu wareysiga ku yiri Axmed Macallin.

Wafdiga Itoobiyaanka ah ayaa la sheegay in ay shir uga qayb-geli lahaayeen magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, sida aan xogta ku helnay.

Go’aankan ayaa waxaa durbo ka dhashay hadal xoogan, waxaana soo dhoweeyay dadweynaha Soomaaliyeed si weyn u boggaadiyay tallaabada dowladda dhexe,

Si kastaba, arrintan ayaa sare usii qaadeyso xiisadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiskii badda ee Addis Ababa, kaas oo ay diiday dowladda federaalka.

Daawo: Xildhibaano si kulul uga hadlay arrinta JANAN

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan oo nolol iyo geeri lagu waayay xilli uu ku sugnaa dalka Kenya ayaa waxaa haatan arrintiisa ay yeelatay weji cusub, waxaana soo farogeliyay xildhibaano ka tirsan dowladda Somalia.

Senator Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag oo kamid ah xildhibaanadaas oo kasoo jeeda Jubbada, gaar ahaan gobolka Gedo ayaa si adag uga hadlay xaaladda wasiir Janan.

Fartaag ayaa farriin u diray dowladda Kenya, isaga oo ka codsaday inay si deg-deg ah usoo dayso Janan oo haatan xaaladdiisa walaac xoogan laga muujinayo, maadaama la waayay.

“Waxaan ugu baaqeynaa dowladda Kenya oo uu ugu horreeyo wasiirka gaashaandhigga Aadan Barre Ducaale oo ah nin Kenyaan ah, Soomaalina ah, uguna weyn hadda amniga Kenya, saas oo kale waxaan ugu baaqeynaa taliyaha Nabad-Sugidda Nuuradiin Xaaji inay soo farogeliyaan arrinta Cabdirashiid Janan, si loo soo daayo” ayuu yiri Senator Fartaag.

Sidoo kale wuxuu ka dalbaday dowladda Kenya inay Janan kusoo wareejiso dowladda Soomaaliya, kadibna ay caddeyso waxa ay ku haysato, si looga gar baxo.

“Haddii uu dambi galay dowladda Soomaaliyeed ayaa nahay waa dhisanahay waa inay nagu soo wareejiyaan oo wixii ay ku sheeganayaan halkan ay kusoo wareejiyaan” ayuu raaciyay.

Xidlhibaan kale oo sheegay inuu metalo Cabdirashiid Janan oo isna ka hadlay shirkan jaraa’id ayaa sheegay in Kenya ka rabaan in maxkamad la saaro ama lasoo daayo.

“Cabdirashiid Janan, haddii uu dalka Kenya oo uu sharci ka haysto oo uu dagan yahay uu khalad ka galay waa in maxkamad lasoo taagaa ama lasoo daayaa” ayuu yiri xildhibaan kale oo ay isku beel yihiin wasiirkii hore ee amniga ee maamul goboleedka Jubbaland.

Horay waxaa arrinta Janan uga hadashay Jubbaland oo iyadana Kenya ka dalbatay in xaaladda Wasiir Janan ay meel ku sheegaan, ayna soo caddeeyaan waxa ku sugan yahay.

“Dowladda aan walaalaha nahay ee Kenya, gaar ahaan laamaha amaanka waxan ka codsanaya in Wasiir Janan oo lagu la’yahay gudaha magaalada Nairobi mudo lix cisho ah in meel lagu cadeeyo haddii dambiyo jiran oo lagu tuhmayo qof dambi wuu gali kara lakin waa in la ogaada mesha uu ku sugan yahay,” ayuu horay u yiri Yuusuf Dhuumaal oo hadda ah wasiirka amniga maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Cabdirashiid Janan oo waayihiisa ay marxalad kala duwan soo mareen, marna lagu xiray magaalada Muqdisho ayaa ayaa kamid ahaa siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeday madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ay mar ahaayeen saaxibo aad isugu dhow.

Xog: Maxay DF Soomaaliya u ballan qaaday odayaasha ka soo jeeda gobolka Awdal?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa shalay ka dhacay kulan looga hadlayay heshiiskii is-fagaradka ahaa ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya, wuxuuna u dhaxeeyay wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi iyo qaar ka mid ah wax garadka kasoo jeeda gobolka Awdal ee ku sugan Muqdisho.

Kulanka oo sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen labo senator oo iyagana kasoo jeeda gobolkaas, ayaa la sheegay inuu qeyb ka yahay dadaallada dowladda ee ka dhanka ah heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland ee Badda Cas.

Deeqa Xasan Xuseen oo ah guddoomiyaha guddiga arrimaha gudaha ee Aqalka sare iyo Senator Bilaal Idiris Cabdullaahi ayaa ka mid ahaa dadkii ka qeyb galay kulanka.

Shirkaan ayaa waxaa ay labada dhinac ku soo bandhigeen xaaladda gobolka iyo dareenka shacabka ee kadib heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay kala saxiixdeen Somaliland iyo Itoobiya, sida uu BBC-da u sheegay wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Wasiirka ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid looga hadlayay “dhibaato iyo cadaadis uu sheegay in lagu hayo bulshada reer Awdal iyo kaalinta kaga aaddan dadka deeganka go’aannada iyo tallaabooyinka ay dowladda qaadayso.”

“Waxaan ka wada hadlaynaa in dadka reer Awdal aysan wax ra’yi ah ku lahayn heshiis ku sheeggii Somaliland u saxiixday Badda Soomaaliya Itoobiya, iyo in dadkii lagu hayo cadaadis iyo xarig joogto ah,” ayuu yiri.

Dadka gobolka ee ka horyimid heshiiska ayuu sheegay in si gaar ah loo beegsanayo.

“Waxaad ogtihiin in qaar badan oo ka mid ah mas’uulyiin gobolka ah oo ay ku jiraan wasiirro hore, culimaa’udiin iyo dhalinayaro heshiiska loo xiray,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayuu wasiirku sheegay in mas’uuliyad goonni ah ay iska saartay dadka daggan gobolkasi maadaama “uusan jirin maamul lagu halleeyo kadib heshiiska”. Sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka arrimaha gudaha federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallim Fiqi ayaa sidoo kale soo dhoweeyay sida dadka reer Awdal ay heshiiska u diideen, waxaan uu sheegay in wax walba ay ku garab istaagi doonaan bulshada gobolka.

Dhowaan bannaan-baxyo ayaa ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Awdal, kuwaasoo looga soo horjeeda heshiiskaas.

“Waddo kasta oo lagu difaacayo dalka Soomaaliya waa noo furan tahay shacabkana waa garab istaagayna,” ayuu yir wasiir Fiqi.

Senator Deeqa Xasan Xuseen oo iyadana BBC-da la hadashay ayaa tilmaantay in kulanka uu ahaa mid looga hadlayay xaaladdii gobolka Awdal iyo sida bulshada daggan halkaas looga tala galin lahaa go’aannada dowladda.

“Shirkaan waxaa uu ahaa mid odayasha reer Awdal ay ku caddeynayeen mowqifkooda ku aaddan damaca Itoobiya ee badda iyo sidii bulshada daggan halkaasi codkooda loo maqli lahaa,” ayay tiri Senator Deeqa Xasan.

Waxay sidoo kale sheegtay in kulanka uu qeyb ka yahay dadaallada dowladda Soomaaliya ee looga hortagayo heshiiska Soomaliland iyo Itoobiya.

“Dowladda Soomaaliya dadaal badan ayay waddaa, dadka reer Awdal meel walba oo ay joogaan haddii ay ahaan lahayd Koonfurta Soomaaliya, dibadda iyo Somaliland go’aankooda waa mid waana in ay difaacdaan badda,” ayay hadalkeeda sii raacisay Senator Deeqa Xasan Xuseen.

Heshiikii is-afgaradka ahaa ee dhex maray Itoobiya iyo Somaliland 1-dii bishan kadib, ayay dowladda Soomaaliya billowday olole ka dhan ah oo dibadda iyo gudaha ah.

Suldaan Abiib Sheikh Maxamuud oo ka mid ah odayaashii shirka ka qeyb galay ayaa sheegay in wasiirka ay la wadaageen xogo hoose iyo dareenka ay qabaan dadka reer Awdal iyo in ay taageersan yihiin go’aankii kasoo baxay dowladda Soomaaliya ee lagu diiday heshiiska.

Sidoo kale waxaa ay soo dhaweeyeen bannaanbaxaydii ay sameeyeen dadka gobolka ee ka horyimid heshiiska.

Gobolka Awdal, gaar ahaan magaalooyinka Boorama iyo Lughaya ayaa waxaa dhawaan ka dhacay dibad-baxyo ballaaran oo looga soo horjeedo heshiiska.

Isha: BBC

War cusub oo kasoo kordhay arrinta Cabdirashiid Janan

0

Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga ee Jubbaland Cabdirashiid Janan oo todobaad kahor lagu waayay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa waxaa haatan soo baxaya macluumaad la xiriira xaaladdiisa oo ay walaac ka muujiyeen ehelkiisa.

Wararka ayaa sheegaya oo markii hore lagu waayay nolol iyo geeri haatan laga war helay inuu ku jiro gacantra sirdoonka Kenya, sida ay xaiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Ugaas Beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi oo la hadlayay Telefishinka Universal ayaa farriin culus u diray dowladda Kenya, isaga oo ka dalbaday inay sii deyso Janan

“Waxaan dalbaneynaa in Cabdirashiid xorriyaddiisa bannaanka lasoo dhigo oo dadkiisa uu kamid noqdo oo uu u gacan bannaanaado howlihii gaarka ah” ayuu yiri Ugaaska.

Horay waxaa arrintan uga hadashay Jubbaland oo iyadana Kenya ka dalbatay in xaaladda Wasiir Janan ay meel ku sheegaan, ayna soo caddeeyaan waxa ku sugan yahay.

“Dowladda aan walaalaha nahay ee Kenya, gaar ahaan laamaha amaanka waxan ka codsanaya in Wasiir Janan oo lagu la’yahay gudaha magaalada Nairobi mudo lix cisho ah in meel lagu cadeeyo haddii dambiyo jiran oo lagu tuhmayo qof dambi wuu gali kara lakin waa in la ogaada mesha uu ku sugan yahay,” ayuu horay u yiri Yuusuf Dhuumaal oo hadda ah wasiirka amniga maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland

Waxa uu intaas kusii daray “Dadka Soomaaliyeed ee ku nool Kenya, gaar ahaan Nairobi waa inay xil iska saaraan baadi-goobka Cabdirashiid Janan nolol iyo geeri intaba.”

Cabdirashiid Janan oo waayihiisa ay marxalad kala duwan soo mareen, marna lagu xiray magaalada Muqdisho ayaa ayaa kamid ahaa siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeday madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ay mar ahaayeen saaxibo aad isugu dhow.

Dr. Baadiyow: Abiy iyo Muuse Biixi waxaa sugaya weji gabax iyo mustaqbal mugdi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha madaxweynaha Soomaaliya ee arrimaha dib u heshiisiinta, Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyow, ayaa ka hadlay heshiiska Itoobiya iyo Somaliland ee ku aadan bada Soomaaliya.

Dr. Baadiyow ayaa ku tilmaamay heshiiska is-afgaradka ee Abiy Axmed iyo Muuse Biixi ay galeen inuu yahay wax ay kala kulmi doonaan wajigabax iyo mustaqbal mugdi ah.  

Waxa uu sidoo kale sheegay inay tahay in la kala qaado shacabka Itoobiya iyo Abiy Axmed, oo aan cadaawo gaar ah loo qaadin shacabkaas. 

“Waa shacab kali-taliye ku habsaday oo colaad la dhax-dhigay. Sidoo kale waa in la kala soocaa shacabka Somaliland oo intooda badan ka soo horjeeda heshiiska uu soo galay Muuse Biixi iyo rabitaanka Muuse Biixi, oo ku salaysan inuu helo ballan-qaad ictiraaf been ah oo horseeda in mar kale loo doorto madaxtinimada Soomaliland,” ayuu yiri Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyow.

“Qof kasta oo Soomaali ah waa ogyahay in taako dhulka Soomaaliyeed ah uusan jirin qof bixin kara. Heshiisku wuxuu xadgudub ku yahay gobonnimada iyo midnimada dhulka Soomaaliyeed,” ayuu mar kale yiri Dr. Baadiyow.

“Arrinka gooni isu-taagga Somaliland, oo uu ku dhashay aqoonsi-raadiska socda 33 sano, waxaa ka furan wada-hadal ay la gasho dowladda Soomaaliyeed. Haddaba, halganka waa in lagu jiheeyaa rajiimka Abiy Axmed iyo rajiimka Muuse Bixi oo kali ah.”

Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyow ayaa ku tilmaamay Muuse Biixi Cabdi shaqsi ku fashilmay maamulka Somaliland, oo doonaya in uu ku haysto xoog awoodda.

Waxa uu yiri in marka ay u dhamaatay shan sano, uu shacabka Somaliland u soo jeediyey been lugo leh oo uu mar kale xilka ku sii joogo.

Baadiyoow oo ah aqoonyahan wax ka yaqaana shuruucda caalmaka, ayaa Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ku tilmaamay shaqsiyaad ayaga oo soo jeeda riyoonaya.

W/Q: Cabdixakim Cilmi Xasan
Nairobi, Kenya
[email protected]

GALMUDUG oo maamuus cajiib ah u sameysay shahiid Taliye Cabdi Suulnuug

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka Waxbarashada Galmudug Maxamed Xaashi Dhoore ayaa caawa soo saaray warqad uu ku shaaciyey in dugsiga hoose, dhexe iyo sare ee degmada Xarardheere loogu magacdaray Shahiid Taliye Cabdi Maxamed Suulnuug, Abaanduulihii guutada 18-aad ee Gorgor.

Wasiir Dhoore ayaa shaaciyey in Madaxweyne Qoorqoor uu soo jeediyey in dugsigaas loogu magacdaro Taliye Cabdi Suulnuug, maadaama uu naftiisa u huray dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, in dugsigaan loogu magacdaray Taliye Suulnuug waxay ku soo aadeysaa sanad kadib markii ciidan uu hoggaaminayo ay Al-Shabaab ka xoreeyeen degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

16-kii bishii Janaayo 2023 ayuu Cabdi Suulnuug kooxda Al-Shabaab ka xoreeyey degmada Xarardheere oo 15 sano ay kooxdu maamuleysay, kuna dhibaateyneysay shacabka degan iyo kuwa farada ku mara.

“Geesinimadii iyo ka go’naashihii halganka ee Gaashaanle Cabdi Suulnuug waxay tusaale u tahay ruuxda adkeysiga iyo nabad ku soo dabaalidda dalka ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, magac bedelka dugsiga Xarardheere ee uu madaxweynaha ku maamuusay halyeygaas ma bixineyso kaliya ixtiraamka halyey qaran, laakiin waxay muujineysaa sidii xushmad iyo qadarin loogu sameyn lahaa saraakiisha qaranka ee cadowga hortaagan hadda iyo mustaqbalkaba,” ayaa lagu yiri warqadda ka soo baxday wasaaradda waxbarashada Galmudug.

Qoraalka wasaaradda ayaa intaas ku sii daray, “Magac bedelka dugsigaan waxay kobcin doontaa dareenka wadaniyadda iyo hanka bulshada dhexdeeda ah, waana abaal ku haboon halyey qaran oo wax qabadkiisu raad aan la ilaabi karin ku reebay taariikhda umadda Soomaaliyeed.”

Allaha u naxariistee Taliye Suulnuug ayaa abaalweyn ku lahaa dadka Soomaaliyeed ee ku kala nool Jubbaland, Koonfur Galbeed, HirShabeele iyo Galmudug oo ugu dambeyntii lagu dilay, si gaar ah ayuu ugu hagar baxay reer Galmudug, markii dib loo eego shaqada baaxadda weyn ee uu qabtay.

Wuxuu ahaa sarkaal geesi ah, dagaal yaqaan ah, ciidanku jeclaayeen hoggaamintiisa, cadowguna aad u necbaa, maadaama uu ka saaray, ku laayey, kuwa baacsaday dhul badan, geerida Suulnuug ayaa gilgishay quluubta Soomaalida ku jirta jihaadka Khawaarij iska xoreynta ah.

6-dii bishaan Janaayo ayaa Taliye Suulnuug lagu dilay dagaal uu hoggaaminayey oo ka dhacay buuraha Jeexjeex dhanka waqooyi ka xiga magaalada Caad ee gobolka Mudug, waxaana meydkiisa lagu aasay caasimadda dalka ee Muqdisho.

Hoos ka eeg warqadda

Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay Qoryooley

0

Qoryooley (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal xalay saq-dhexe ka dhacay gudaha degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay Al-Shabaab weerar xoogan ku qaadeen degmadaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka.

Weerarka kadib ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac, kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan.

Ilo dadka deegaanka aha ayaa innoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado badan, ayna maqlayeen rasaasta ay is weydaarsanayeen labada dhinac, taas oo cabsi ku beertay.

Saraakiisha milatariga Soomaaliya oo ka hadlay dagaalkaasi ayaa sheegay inay iska caabiyeen xubnaha weerarka soo qaaday, ayna khasaare gaarsiiyeen Al-Shabaab.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi ee ay fashiliyeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Xaaladda ayaa saaka ah mid ah deggan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo howlgallo ka wada halkaasi.

Qoryooley oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa badanaa weeraro kusoo qaada maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaas oo gaysta khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Xiisadda Somalia iyo Itoobiya oo mareysa meel xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa luuqadii ugu adkeyd kula hadlay dowladda Itoobiya, tan iyo markii ay 1-dii bishaan u soo bareertay qaadashada qeyb kamid ah biyaha iyo dhulka Soomaaliya.

Xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya waxay mareysa meel xasaasi ah. Urur-goboleedka IGAD ayaa ku baaqay in la iskugu yimaado shir deg deg ah oo looga hadlayo xaaladda soo korortay ee Soomaaliya iyo Itoobiya, balse Itoobiya ayaa galabta shaacisay in shirkaas aysan ka qeyb geleyn.

Arrintaan waxay dadka yaqaana diblomaasiyadda ku tilmaameen in Itoobiya ay gashay go’doon siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed, maadaama ay maanta ka dhuumaneyso ururkii ay ugu tunka weyneed ee IGAD.

Dowladaha waaweyn ayaa weli sii wada inay Soomaaliya la saftaan. Shiinaha wuxuu sheegay in Somaliland tahay gobol kamid ah Soomaaliya, loona baahan yahay in la xurmeeyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Halka dowladda Sacuudiga ay sidoo kale si buuxda ula safatay dowladda Soomaaliya.

Illaa hadda ma jirto dowlad taageertay damaca Itoobiya ku dooneyso inay ku qabsato qeyb kamid ah dhulka iyo badda Soomaaliya, balse waxaa jira kuwo weli ka aamusan arrintaan oo Soomaaliya ay kula hadashay luuqad xanaf leh.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcihii luuqad aad u adag kula hadlay dowladda Itoobiya, waxa uuna sheegay in Itoobiya ay tahay cadow Soomaaliya, isaga oo farriintiisi hore ee cadow waa hal oo argagixisada uu uga jeeday uu hadda ka dhigay cadow waa labo.

Madaxweyne Xasan waxa kale oo uu sheegay in Soomaalida ay awoodo inay is-difaacdo oo ay dhulkeeda ka ilaashadao cadowga, weligeedna ay fac-ka-fac Soomaalida ka adkaan jirtay Itoobiyaanka, haddana ay Soomaalidu awoodo inay dalkeeda ilaashato.

“Haddii maanta dhul la isku sheeganayo anaga ayay tahay in Itoobiya maanta dhul ku sheegano, naguma sheegan karto anaga. Cadow hal ayuu ahaa oo Shabaab, laakiin maanta waa labo, waa iska celinayna Shabaabka oo duulimaadka dibadda waa iska celinayna,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu intaas kusii daray “Itoobiya bogii taariikhdii aan laabnay soddan iyo dhowrka sano kahor ay soo rogtay, Soomaaliyeey dhaqanka kasoo muuqda maanta waa ballaayo ee geeso la qabto ay leedahay ee geesaha aan ka qabano.”

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo waayahan la ma-suug-sanaa sida uu uga gaabsanayo mowduucan, ama uusan kalmadihii looga bartay ugu tuureyn Itoobiya ayaa shalay adeegsaday jumladihii ugu cuslaa oo Soomaaliya ay ka tiraahdo damaca Itoobiya ee biyaha Soomaaliya.

Xamza ayaa sheegay in Itoobiya aysan qaadan karin taako kamid ah dhulka iyo badda Soomaaliya. Maadaama ay maalmahan jireen warar sheegaya in Itoobiya ay damacsan tahay inay ciidan usoo dirtay halkii uu Muuse Biixi u calaamadeeyay, ayaa ra’iisul wasaaraha wuxuu ku hanjabay in haddii Itoobiya ay isku daydo inay qaadato taako kamid ah dhulka Soomaaliya oo ay soo gasho iyadoo damacaas leh inay meyd xambaarsan doonto Itoobiya oo uusa qofna ka badbaado doonin.

Ra’iisul wasaaraha wuxuu intaas ku daray in haddii Itoobiya dayn wayso Soomaaliya inay tusi doonaan wax ay ku deyso, “Taako Soomaaliya kamid ah ma qaadan karaan mana imaan karaan, haddii ay imaadaan ayagoo meyd xambaarsan ayay ka baxayaan.”

CC Shakuur oo shaaciyey guul Soomaaliya ugu jirta inay Itoobiya ka baaqato shirka IGAD

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal ka soo saaray go’aanka Itoobiya ay uga baaqatay shirka IGAD ee 18-ka bishaan ka dhacaya dalka Uganda ayaa sheegay in Soomaaliya ay go’doon siyaasadeed gelisay Itoobiya.

“In Itoobiya ay ka meeraysato shir-madaxeedkii IGAD ee ay Soomaaliya dalbatay waxay guul u tahay Soomaaliya, waxayna go’doon gelinaysaa Itoobiya,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale CC Shakuur wuxuu sheegay in Itoobiya uu ku dhacay gablan diblomaasiyadeed, maadaama ay maanta ka carareyso ururkii ay ugu miiska weyneed ee IGAD.

“Waxaa kaloo cadayn u ah gablanka ku dhacay diblomaasiyada Itoobiya in IGAD oo ahaan jirtay madal ay ka atoorayso ay maanta ka dhuumanayso,” ayuu yiri.

Dhinaca kale, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in Abiy Axmed uusan maanta awood u laheyn in xoog uu ku qabsado taako ka mid ah dhulka Soomaaliya.

“Waa Alle mahadii in uusan Abiy maanta lahayn tabar uu taako dhulkeenna ku qaato,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu farriin u diray madaxda dowladda federaalka, isagoo kula taliyey labo arrin oo kala ah:

1 – In mudnaan la siiyo midnimada gudaha.

2 – Iyo inay madaxdu soo xulato dad aqoon u leh kasbashada gudaha.

“Dawlada waxaa laga rabaa in ay mudnaanta siiso midnimo gudaha ah, dadkana ku xulato karti iyo aqoon lagu kasbado dunida, loogana garnaqsado fagaarahaasha caalamiga ah,” ayuu yiri CC Shakuur.

Xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa mareysa heer xasaasi ah, waxaana la sugayey waxa ka soo bixi doona shirka IGAD, balse Itoobiya ayaa galabta shaacisay in shirkaas aysan ka qeyb geli doonin.

Maxaa ragga Soomaaliyeed loogu sheegay Morocco?

0

Rabat (Caasimada Online) – Waxaa muddooyinkan dambe si aad ah usoo badanaya rag Soomaaliyeed oo dhalinyaro u badan, oo u guur doonayaya dalka Morocco, sheekadaasi oo si weyn u qabsataya baraha bulshada Soomaalida.

Sidoo kale waxaa baraha bulshada ku baahay muuqaalada rag Soomaaliyeed oo gabdho Moroccan ah la aqal galaya, halka kuwa kale ay sheegayaan inay u socdaan Morocco, si ay calafkooda uga raadsadaan.

Morocco oo ah dal muslim ah, ayaa waxaa dhaqan ahaan ku adkayn in ay dadkooda guursadaan ajnabiga, sidoo kale waxaa ku yaalla xafiisyo ka shaqeeya guurka, kuwaasi oo haya gabdho guur diyaar u ah.

Sida la sheegay shuruudo kooban ayay tahay in soo maraan ragga u aada xafiisyadaas inay guursadaan, waana midda ay rag badan oo Soomaali ah ugu daateen.

“In uu cadeeyo waddanka uu ka yimid, dhaqaalihiisa iyo in uu guurar hore soo maray, waana in uu keeno warqadda cadeynaysa in uusan danbi laheyn iyo kuwa kale dhalashada ee asalka ah,” ayaa sidoo kale kamid ah shuruudaha, sida uu BBC u sheegay Cabdiraxmaan Qanyare oo ah 72 jir howl-gab ah oo ka yimid UK, islamarkaana sanado dhowr ah degan dalkaasi Morocco.

Cabdiraxmaan oo xilligaan ragga Soomaliyeed ee dalkaasi taga ka caawiya sidii ay u heli lahaayeen gabdhaha waddankaasi u dhalatay, ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in bulshada Morocco ay yihiin dad wanaagsan oo jecel dadka Soomaliyeed.

Laakiin waxa uu tilmaamay in haweenka waddankaasi ee ragga Soomaaliyeed ay guursadaan aysan jeclayn in loo soo wado gudaha Soomaaliya, sababo la xiriira cabsi dhanka ammaanka ah, sida uu sheegay.

“Maadaama ay wararka ka arkaan colaado ka dhaca ma jecla in loo wado Soomaaliya iyo sidoo kale dowlad deeganka Soomaalida,” ayuu hadalkiisa kusii daray Cabdiraxmaan Qanyare.

Itoobiya oo diiday inay ka qeyb-gasho shirka IGAD ay ku baaqday ee xiisadda badda

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa ka maquuratay ka qeyb-galka shir-madaxeedka dalalka IGAD oo dhawaan ka dhacaya dalka Uganda.

Shirkaan oo uu iclaamiyay madaxweynaha dalka Jabuuti oo ah Guddoomiyaha Urur Goboleedka IGAD, ayaa markaas ku baaqay in shir deg-deg ah oo looga hadlayo damaca guracan ee Itoobiya iyo jawaabta ay ka bixisay Soomaaliya.

Itoobiya oo ka meer-meeraysanaysa inay ka soo qeyb-gasho shirkaasi ayaa warqad ay u dirtay IGAD ku marmarsiyootay in jadwalkeeda booqashooyinka ee maalmaha shirka uu yahay mid buuxa, oo aysan suurta-gal aheyn.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa warqadda ay u dirtay IGAD ku sheegtay in ay wada-hadal diyaar u noqon karto xilliyo kale, xilli shirkaan loo madlan yahay maalinta Khamiista oo ku beegan 18-ka bishaan.

Go’aanka Itoobiya ee ka qeyb-galka shirka IGAD ee looga hadlayo xiisadda ka dhalatay heshiiskii Addis Ababa iyo xad-gudubka ay ku kacday Itoobiya ayaa imanaya kadib markii ay ku fashilmatay dadaalo ay ku bur-burineysay shir-madaxeedkan.

Sidoo kale wuxuu imaanaya xilli dowladda Sudan ee ay ciidamadu maamulaan ay diiday casuumaada shirkaan, halka garabka ay is-hayaan ee RSF uu sheegay in uu ka qeyb-gali doono shirkaasi.

Shirka loo madlan yahay 18-ka bishaan ayaa imanaya xilli dowladda Soomaaliya ay diblomaasiyadda uga adkaatay Itoobiya, ayada oo dalalka ugu muhiimsan caalamka uga digeen Itoobiya damacaan guracan ee badda Soomaaliya ay ku dooneyso.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale horey u soo saartay qaraar ay uga hortimid heshiiskaas, ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh uu saxiixay sharci Baarlamaani ah oo burinaya is-afgaradka Itoobiya iyo Somaliland.

Si kastaba, Itoobiya ayaa sida muuqata la daala-dhaceysa weji-gabax diblumaasiyadeed oo ku riixaya inay ka dhuumato fagaarayaasha gobolka iyo kuwa caalamka.