25.2 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

Abwaan Nageeye oo 100 maalmood kadib soo muuqday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Abwaan Nageeye Cali Khaliif oo bishii October ee sanadkii tegay la sheegay inuu aaday dhanka kooxda Al-Shabaab ayaa goordhoweyd kasoo muuqday bartiisa rasmiga ah ee Facebook.

Nageeye ayaa warkiisa la weysana tan iyo markii la sheegay inuu Al-Shabaab u galay, hase yeeshe maanta ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku muujiyay inuu nabad qabo, uuna dib ka faah-faahin doono sida ay wax u jiraan.

“Salaan iyo galab wanaagsan Soomaali dhammaantiinba. Boqol maalmood ka dib, waan ku faraxsanahay in aan ku soo laabtay Facebook. Hadal hayntuna kollay way iska badnayd. Aniga ayaa dhawaan ka hadli doona,” ayuu Abwaan Nageeye ku yiri qoraalka uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Sidoo kale waxa uu soo raaciyay qoraalkaan sawir u saaran yahay gaari, kaasi oo u muuqda mid lagu qaaday dhul baadiya ah.

Ninkan oo horey u ahaa macalin wax ka dhiga Jaamacadda Ummadda, islamarkaana aad looga yaqaano dalka ayaa bishii October ee sanadkii dhamaaday la sheegay inuu aaday dhanka kooxda Al-Shabaab, oo wajaheysa guluf dagaal oo culus, wuxuuna ahaa nin aad Facebook wax ugu daabici jiray.

Waxaa sidoo kale markaas la baahiyay sawirro la sheegay inay muujinayaan isaga oo booqanaya magaalada Jilib oo xarun u ah Al-Shabaab iyo magaalooyin kale oo ku yaalla Jubooyinka oo kooxda ay ka taliso, marka uu tegay magaalooyinkaas waa 2021-kii.

Arrinta Nageeye ayaa markii ay soo baxday ka yaabisay dadka Soomaaliyeed, maadaama uu ahaa nin bulshaawi ah, aqoonyahan ah, shaqooyin fiican heysta, lahaana taageerayaal badan oo ka helay suugaantiisa iyo xirfadiisa macalinimada.

Hoos ka arag sawirka

DF oo kulan xasaasi ah la yeelatay odayaasha beelaha Samaroon iyo Ciise + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta nagaalada Muqdisho kula kulmay Salaadiin, Ugaasyo, Cuqaal ka soo jeeda gobolka Awdal, kuwaasi oo ka tirsan 135 iyo qaar kale oo ka soo jeedo gobolka Awdal.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa Senator Deeqa Xasan Xuseen oo ah guddoomiyaha guddiga arrimaha gudaha ee Aqalka sare iyo Senator Bilaal Idiris Cabdullaahi.

Kulanka ayaa odayaasha beelaha Samaroon iyo Ciise waxa ay ku soo bandhigeen xaaladda gobolka iyo dareenka shacabka ee kadib go’aankii Muuse Biixi uu Itoobiya ku siiyay badda Saylac.

Qaar ka tirsan odayaasha oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Muuse Biixi oo aan sharci ku joogin uu ictiraaf ku raadinayo dhiiga umadda iyo qaddiyadda Awdal in ay u baahantahay difaac, ayna diyaar u yihiin dagaal iyo iska dhiciyaan cadowga.

Senator Deeqa Xasan Xuseen ayaa sidoo kale sheegtay ahmiyadda ay leeyihiin kulamadan oo kale, iyada oo ammaantay kaalinta odayaasha dhaqananka ee ku aadan ka hortagga damaca Itoobiya ee ku aaddan dhul boobka.

Senator Bilaal Idiris isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in aannu war dhinneyn, oo la doonayo ficil iyo ka hortagga damaca Itoobiya iyo difaaca dhulkan dhaxalka u ah umadda Soomaaliyeed.

Wasiir Axmed Fiqi oo ugu dambeyntii ka hadlay kulanka ayaa sharaxay mowqifka dowladda federaalka ee soo jireenka ah ee ilaalinta bedqabka midnimada dhuleed iyo dad ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa intaas raaciyay “in kulankan uu qeyb ka yahay dhaqanka wasaaradda ee ah in odeyaasha dhaqanka ee gobollada dalka lagala tashto, talo laga weydiiyo arrimaha kusoo kordha deegaankooda, si dhinac walba ay qeyb uga noqdaan go’aannada,” waxaa uuna bogaadiyay sida shacabka Awdal ay diyaar ugu yihiin difaaca qarannimada Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu ku dheeraaday damaca Itooboya iyo sida ay weligeed ugu hangal taagaysay Saylac ilaa Isticmaarkii, isaga oo hoosta ka xariiqay in shacabka Soomaaliyeed ay weligood difaaci jireen dhulkooda, welina ay diyaar u yihiin.

Gobolka Awdal, gaar ahaan magaalooyinka Boorama iyo Lughaya ayaa waxaa dhawaan ka dhacay dibad-baxyo ballaaran oo looga soo horjeedo heshiiskii uu Muuse Biixi ugu saxiixay Itoobiya qeybo kamid ah badda Soomaaliya, ayada oo sidoo kale kacdoon hubeysan oo ka dhan ah damaca Itoobiya looga dhawaaqay Lughaya.

Maxkamadda ISTANBUL oo xukun ku riday wiilka Xasan

0

Istanbul (Caasimada Online) – Maxkamad Turkish ah ayaa maanta ku ganaaxday wiilka madaxweynaha Soomaaliya lacag dhan $900, sababo la xiriira inuu si aan ku talo-gal aheyn ugu dhacay islamarkaana dilay muwaadin Turkish ah oo ku socday mooto, waxaa sidaas maanta weriyey warbaahinta gudaha.

Maxkamadda ayaa ku heshay Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud dambi ah inuu sababay dil ka dhashay dayacaad kadib markii gaariga uu watay uu ku dhacay nin mooto guryaha ku geeya dalabyada, 30-kii bishii November 2023.

Yunus Emre Gocer, oo ahaa aabaha laba caruur ah, ayaa isbitaalka ku geeriyooday lix maalin kadib.

Dacwad-oogayaasha Turkiga ayaa soo saaray amar xiritaan oo caalami ah kadib markii booliska ay ogaadeen in wiilka madaxweynaha uu dalka ka baxay.

Bixitaankiisa ayaa caro ka dhaliyey warbaahinta mucaaradka Turkiga, kuwaas oo ku eedeeyey dowladda inay Maxamed u ogolaatay inuu dalka ka baxsado, si ay u ilaaliso xiriirka wanaagsan ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Si kastaba, wiilka madaxweynaha ayaa maalmo kahor ku laabtay dalka, si uu maxkamadda uga hor marqaati furo.

Maxkamadda Istanbul ayaa maanta Talaado ah ku xukuntay Maxamed laba sano iyo lix bil oo xabsi ah, taasi oo loo beddelay ganaax lacageed oo dhan 27,300 lira ($900), sida uu weriyey taleefishinka gaarka loo leeyahay ee NTV.

Dacwad-oogayaasha Turkey ayaa doonayey lix sano oo xabsi ah. In xukunada xabsi loo beddelo ganaax waa wax si joogto ah uga dhaca hanaanka garsoorka ee Turkey.

Maxamed ayaa sidoo kale lagala noqday shatiga gaari wadista ee Turkey muddo lix bil ah. Xukunka ayaa dhacay ayada oo Maxamed uu ka maqnaa maxkamadda.

Turkey ayaa xiriir wanaagsan la laheyd Soomaaliya, 10-kii sano ee lasoo dhaafay, waana dalka ugu weyn ee xiriirka dhaqaale uu kala dhaxeeyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dhismaha waxbarashada iyo caafimaadka. Labada dal ayaa sidoo kale leh xiriir militari oo dhow.

AFP, REUTERS

Booliska DF oo shaaciyay khasaaraha qaraxii Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa war kasoo saaray qarax is-miidaamin ah oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, wuxuuna shaaciyay khasaaraha ka dhashay qaraxaasi.

Booliska ayaa shaaciyay in qaraxaas ay ku dhinteen saddex ruux, halka ay ku dhaawacmeen laba qof oo goobta ka agdhawaa, sida lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

“Qof naftii haliga ahaa ayaa isku qarxiyay bannaanka hore ee maqaayada Al-Hindi oo ku taala degmada Xamarweyne xilli ay eryanayeen ciidamada ammaanka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Booliska.

Sidoo kale waxaa qoraalka Booliska lagu sheegay in goobta ay wax ka dhacayn uu hadda ka socdo baaritaan oo dhawaana la bixin doono faah-faahin dhammeystiran.

Maqaayadda uu qaraxa ka dhacay ayaa ku taalla dhabarka dambe ee darbiga xarunta Dowladda Hoose ee Xamar. Sidoo kale waxaa halkaasi ka agdhaw wasaaradda maaliyadda Soomaaliya.

Halka uu qaraxa ka dhacay ee naftii haligaha uu isku qarxiyay ayaa ah halkii sanadkii hore 2023-ka ay dabley hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ka galeen markii ay weerarayeen xarunta gobolka Banaadir.

Si kastaba, Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa dhowrkii billood ee lasoo dhaafay si weyn uga reysatay qaraxyada iyo falalka amniga ka dhan ah, wallow ay mararka qaar ay ka dhacaan qaraxyada loo adeegsado jaakadaha.

IMAARAADKA oo qaaday tallaabo cusub xilli uu weli ka aamusan yahay kiiska badda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya ayaa booqday xafiiska ra’iisul wasaaraha, xilli uu Imaaraadka weli ka aamusan yahay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya, ayna dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya inta badan caddeeyeen mowqifkooda.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Axmed Juma Al Rumaithi, iyaga oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo kulankaan kasoo saaray qoraal kooban, laguma soo hadal qaadin in labada masuul ka wada-hadleen damaca Itoobiya, taasi oo ka dhigan in Imaaraadka uu weli ku adkeysanayo ka aamusnaanta arrintaan xasaasiga ah.

Lama oga sababta Xamza uu arrintaan ugala hadli waayay safiirka Imaaraadka, ayada oo maalmo kahor uu Danjireyaasha dalalka UK iyo Talyaaniga oo uu xafiiskiisa ku qaabilay uu kala hadlay is-garab taagga ilaalinta madax-banaannida, gobannimada iyo midnimada dhuleed iyo shacab ee Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid heshiiskii is-afgarad ee Addis Ababa, ayada oo Soomaaliya ay garab istaag u muujiyeen ururro iyo dalal saaxiib la ah, halka kuwa kalena ay ka aamuuseen.

Imaaraadka Carabta ayaa kamid ah dalalka ka aamusay xiisadda taagan, xilli uu si weyn u daneeyo Soomaaliya, waxaana la is weydiinaya sababta dalkaan saaxiibka la ah Soomaaliya uusan uga hadlin xiisaddan, iyada oo soo baxayaan warar sheegaya in uu heshiiskan uga aamusan yahay isaga oo eeganaya danahiisa dhaqaale ee Somaliland.

Marka laga imaado aamusnaanta Imaaraadka, waxaa Soomaaliya si weyn ugu muujiyay garab istaagay dalal uu kamid yahay Mareykanka oo ah dowladda casrigan ugu quwada weyn adduunka, ayada oo laaday heshiiskii ka dhacay Addis Ababa, islamarkaana xoojisay ixtiraamka madax-banaanida Soomaaliya.

Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dagaalka diblumaasiyadda kaga adkaatay Itoobiya, iyada oo taageero caalami ah u heshay difaaca dhulkeeda, kadib markii ay dhawaan burisay heshiiskii Muuse Biixi uu Addis Ababa kula gaaray Abiy Ahmed.

Dowladda Ethiopia oo war cusub oo yaab leh kasoo saartay heshiiskii BADDA

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa war cusub kasoo saartay heshiiskii Addis Ababa ee Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.

Itoobiya ayaa sheegtay in dowladaha gobolka, gaar ahaan kuwa Bariga Afrika ay ka warqabeen is-fahamka ay la gashay Somaliland, kahor intaan 1-dii bishaan lagu saxeexin magaalada Addis Ababa.

Redwan Hussein oo ah La-taliyaha Ammaanka ee Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dhowr bil kahor ay diblumaasiyiin u direen waddamada Bariga Afrika, islamarkaana lala wadaagay qorshaha is-fahamka Somaliland.

“Ka hor intii aan heshiiska la gaarin ayaa waxaa bishii October diblumaasiyiin u dirnay waddamada Bariga Afrika, si loola wadaago is-fahamka Somaliland iyo Itoobiya ka hor intii aan la saxeexin,” ayuu yiri Redwan Hussein, sida ay qortay Addis Standard.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxa keliya ee waddamada gobolku aanay ka warhayn waxa uu ahaa aqoonsiga Somaliland, saamiga diyaarada ee aanu bixinayno, iyo marka uu Madaxweyne Biixi iman doono.”

Heshiiskii Addis Ababa ee Somaliland iyo Itoobiya ayaa waxaa Itoobiya loogu saxiixay dhul badeed dhan 20 KM, si ay saldhig uga dhigtaan Ciidanka Badda Itoobiya.

Somaliland ayaa markaas in weli la isla qaadan goobta laga siinayo dhul badeedka, laakiin Itoobiya ayaa dhankeeda shaacisay in ay doorteen dhanka Lughaya, 20KM ay ka badan karto dhulka ay rabaan, sida uu telefishanka Dowladda Itoobiya u sheegay La-taliyaha amniga Qaranka ee Itoobiya, Redwan Hussein.

Si kastaba, Heshiiskaasi ayaa waxaa si adag uga hortimid dowladda Soomaaliya, taasi oo ay kula safteen waddamo badan oo Mareykanka ugu horreeyo, oo iyagu gaashaanka u daruuray damaca Itoobiya ee helitaanka qeybo kamid ah badda Soomaaliya.

Askar ku baxday fashilinta hub culus oo Soomaaliya loo soo waday oo la la’yahay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Askar Ameerikaan ah oo lagu la’yahay Gacanka Cadmeed toddobaadkan, kuwaasi oo ku baxay doon sidday hub sharci darro ah oo loo waday gudaha Soomaaliya.

Askartan oo laba ah ayaa waxay ka tirsan yihiin ciidamada badda Mareykanka, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay taliska dhexe ee Mareykanka.

Askartan oo qeyb ka ahaa maraakiib iyo diyaarado dagaal oo ay leeyihiin ciidamada Mareykanka ayaa doonayay in ay qabtaan doon la sheegay in ay leedahay Iiraan oo wadday hub sharci darro ah.

“Ciidamada Badda Mareykanka ayaa rumeysan in doonidaasi tahay mid taariikh u leh in hubka sharci darrada ah laga soo daabulo dalka Iran, lana geeyo Soomaaliya,” sida ay tabisay warbaahinta Mareykanka.

Sidoo kale waxaa warar kala duwan kasoo baxayaan nooca hub ee saarnaa doontaasi, ayada oo la sheegayo inay qeyb ka yihiin gantaaladda nooca ridada dhexe ah, kuwaasi oo ay farsameeyaan warshadaha Iiraan.

Askartan ayaa weli la’yahay, iyada oo howl-gallada goobidda ay weli socdaan, waxayna kusoo aadeysa xilli uu Mareykanka Badda Cas ka wado howl-gallo ka dhan ah Xuutiyiinta oo halista ku ah maraakiibta Mareykanka.

Ma jiro illaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo Iiraan oo la xiriira dhacdadan.

Si kastaba, Mareykanka ayaa Soomaaliya waxaa ka jooga ciidamo tiro yar, kuwaasi oo diiradda saara khatarta kooxda Al-Shabaab, oo xilligaan wajahaya guluf culus oo ka dhanka ah, ayna iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Mooshin culus oo ku saabsan xiisadda hay’adda NISA iyo Hormuud oo la geynayo BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda xooggan ee ka dhex aloosan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA iyo Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud, ayaa gaartay Baarlamaanka.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo ka hadlay xiisaddan, ayaa shaaciyay in ay mooshin ka gudbin doonaan wasaaradda amniga iyo madaxda NISA.

Xildhibaan Cabdalle Maalik oo kamid ah xubnaha baarlamaanka geynaya mooshinkan, ayaa waxa uu sheegay in sida ugu dhakhsaha badan ay usoo diyaarin doonaan mooshinkaas oo loogu yeerayo saraakiisha sare ee hay’adda.

“Anaga oo ka duulayna ilaalinta dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya qodobka 10-aad waxaan soo diyaarin doona mooshin loogu yeerayo saraakiisha hay’adda (NISA),” ayuu yiri Xildhibaan Cabdalle Maalik.

Xiisaddan ayaa sidoo kale waxay gaartay madaxweyne Xasan Sheekh oo isagu soo gaabiyay safarkii Dhuusamareeb, islamarkaana shalay galab deg deg ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Maxay salka ku haysa xiisadda NISA iyo Hormuud?

Xiisadda ka dhex aloosan Hay’adda NISA iyo Shirkadda Hormuud ayaa salka ku haysa dhaq-dhaaqa Koontooyin Bangi iyo Adeegga EVC Plus oo ay bixiso shirkadda.

Maamulka shirkadda Hormuud ayaa shalay hay’adda NISA ku eedeeyay ku tagri-fal awoodeed iyo weerar ka dhan ah, inkasta oo NISA iska fogeysay inay xad-gudub kula kacday Hormuud.

“Nasiib-darro, ciidankii soo galay xaruntaas (Hormuud-Tareebiyaano) waxay geysteen khalkhalgelin iyo ku takrifal awoodeed, waxayna xabsiga dhigeen seddax (3) ka mid ah maamulkii Shirkadda, iyaga oo aanan wadanin fasax maxkamadeed,” ayaa lagu yiri qoraal ay shalay soo saareen maamulka Hormuud.

Hormuud ayaa sheegtay in aysan bixinayn xogta macaamiisha oo ay u aragto sharci darro, halka NISA ay sheegtay in baaris ay sameysay ku ogaatay in qaar ka tirsan shaqaalaha Hormuud ay wada shaqayn iyo xiriir la leeyihiin argagaxisada, islamarkaana ay soo xirtay qaar ka mid ah howl-wadeennada shirkada oo is hortaag ku sameeyay shaqada hay’adda.

“Halkii shirkadda laga sugayay in ay Hay’adda ku gacansiiso gudashada waajibkeeda Qaran, waxa ay diiday wadashaqayntii iyo ka jawaabista codsiyadii loo diray, waxayna fakisay eedeysanayaashii ka tirsanaa howlwadeennadeeda,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Ciidamada NISA ayaa sidoo kale shalay saacado kooban xirtay xarunta weyn ee shirkadda Hormuud iyo sidoo kale xarunta Salaam Bank ee suuqa Bakaaraha.

Xariirro kala duwan oo aan la sameynay saraakiisha sare ee NISA iyo Hormuud nooma suurta-galin in aan ka helno faah-faahin intaas ka badan.

Hormuud ayaa bilihii u dambeeyay wajaheysa weeraro aysan jirin illaa hadda cid sheegatay, kuwaasi oo lagu qarxiyay xarumo dhowr ah oo shirkaddu ku lahayd Muqdisho iyo daafaheeda, iyo sidoo kale gaadiid ay laheyd shirkadda.

Shirkadda ayaa horey u xaqiijisay in weeraradaas looga dilay tiro ka mid ah shaqaalaheeda, halka kuwo kalena la dhawaacay, waxaana loo badinaya in ay ka dambeyso kooxda Al-Shabaab.

FARMAAJO oo war culus ka soo saaray xiisadda NISA iyo shirkadda HORMUUD

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay xiisadda ka dhex taagan Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA iyo shirkadda Hormuud. 

NISA ayaa shalay xirtay xarunta ugu weyn ee Hormuud iyo Salaam Bank ee Muqdisho, saacado kadib markii labada dhinac ay is-weydaarsadeen eedo ka dhashay markii NISA ay xirtay shaqaale ka tirsan Hormuud, Axaddii. 

Hormuud ayaa sheegtay in xariggaasi ka dambeeyey markii ciidamada NISA ay ka codsadeen in loo daabaco dhaqdhaqaaqa adeegga lagu diro lacagaha telefoonnada ee EVC Plus, taas oo shirkaddu sheegtay inay ka horimanayso shuruucda dalka. Shirkadda ayaa sheegtay inaysan xogta macaamiisha la wadaagi karin hay’adda nabadsugidda. 

Dhinaca kale, Hay’adda NISA ayaa war saxaafadeedka ay soo saartay ku eedaysay shirkadda Hormuud in qaar ka mid ah shaqaalahadeedu ay xiriir iyo wada shaqayan la leeyihiin argagixisada, eeddaasi oo ay NISA sheegtay inay ku ogaatay baaritaan ay samaysay inkatsoo aysan soo bandhigin.

Hoos ka aqriso qoraalka Farmaajo

Xanibaadda xarumaha iyo joojinta shaqada Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud iyo Bangiga Salaam Soomaali, waa mid dhaawac ku ah sumcadda dhaqaale ee dalka, walwalna ku abuuraysa ganacsatada Soomaaliyeed.

Dalkeennu waxa uu ka soo kabanayaa duruufo naafeeyey dhaqaalaheenna, sidaas awgeed waxaa muhiim ah in la dhiirri-geliyo ganacsatada u soo dhabar adaygay xaaladihii adkaa ee dalkeenna soo maray, lagana fogaado in la wiiqo ganacsiga xorta ah ama la dhaawaco kalsoonidooda.

Dowladda waxaa waajib ka saaran yahay ilaalinta amniga maalgashadeyaasha, ganacsatada iyo goobaha ganacsiga, kuwaas oo door weyn ku leh shaqo abuurka dhallinyarada, horumarka iyo dhaqaalaha dalka, sidaas awgeed waxaan ku baaqayaa in degdeg loo xalliyo tacaddiga iyo dhibaatada ay shirkadaha Hormuud iyo Salaam Soomaali Bank ay ka tabanayaan Dowladda.

Shuruucda iyo xeerarka dalka ayaa hagaya ganacsiga xorta ah iyo shirkadaha waddaniga ah, wuxuuna siinaya xuquuq iyo dhiirrigalin buuxda si ay qayb uga noqdaan horumarka dalka guud ahaan.

Majirto waqti uu waddanku uga baahi badan yahay wadajir iyo isku duubnaan, si aan uga hortagno khataraha ummadeed ee nagu wajahan. 

Diyaaradaha ku dhaca deegaanada Al-Shabaab-ka iyo tuhunnada ku xeeran

0

Muqdisho (Caasimada Online) – 28 October 2015: Duhur uu cirku qam yahay oo cimilo roobeed uu jiro ayaa waxaa hawada deegaanka Cismaan Durre daf soo tiri diyaarad nooca yar yar ah. Cismaan Durre waa deegaan u dhow degmada Afgooye ee Shabeellaha Hoose oo Xamar u jirta 30KM.

Diyaaradii waxa ay billowday inay deegaankii ugu wareegaalaysato sida muslimiinta kacbada ugu wareegaan. In ku dhow soddon daqiiqo oo ay meeraysanaysay ayaa ay markii dambe ku dhacday duleedka deegaanka oo ahayd goob geedo iyo hawd badan. Deegaankani waxaa gacanta ku hayay kooxda Alshabaab (AS).

Markiiba maammulka gobolka, ciidanka dawladda iyo kuwa Amisom oo is kaashanaya ayaa u jihaystay goobtii ay diyaaradda ku dhacday. Waxaa se da’ayay roobab culculus oo u suuragelinwaayay gurmadkii inay gaaraan halkii ay diyaaraddu ku dhacday. Sarkaal ka tirsan Amisom ayaa sheegay in diyaaraddaasi aysan iyagu lahayn oo aysan ku jirin kuwa u diiwaangashan.

Dadka deegaanka ayaa se sheegay inay diyaaradda ku qornayd laba xaraf oo waaweyn oo ah; UN. Waxay intaa ku dareen in ay saarnaayeen qiyaastii sagaal illaa kow iyo toban qof oo ajaanib ah iyo noocyo kala duwan oo agabyo ah.

Diyaaraddu waxaa la sheegay inay ka soo kacday Nayroobi oo ay ku wajahnayd saldhigga Balidoogle oo Muqdisho 90KM u jira. Intaa kadib, wax war ah lagama maqlin diyaaraddii, wixii saarnaa, UN-kii, iyo AS-ba.

1 February 2018: Galab uu cirka caad ka saafi yahay ayaa diyaarad joog hoose ku socota si maqiiqan u soo gashay hawada deegaanka Warmaxan oo hoostagta degmada Walaweyn ee Shabeellaha Hoose.

Daqiiqad kadib dhinaca kale ee deegaanka Warmaxan ayay u dhaaftay iyada oo afka saartay xeradii hore ee kumaandooska Soomaaliya ee Kaba-hereg, halkaa oo ay ku dhacday.

Maammulka deegaanka iyo degmada waxa ay sheegeen inay diyaaraddu siday xammuul, midkaa oo culayskii xammuulka awgii ay u dhacday. Waxay se dadka deegaanka sheegayeen iyo deegaannada kale inay diyaaraddu ka soo kacday dhinaca xerada Balidoogle.

Deegaanka ay ku dhacday diyaaradda iyo xerada oo ahayd xero burbursan oo dawladdii kacaanku deganayd waxaa haystay AS. Intaa kadib, wax war ah lagama maqlin diyaaraddii, ciddii saarnayd, xammuulkii, UN-kii, iyo AS-ba.

30 November 2023: Goor ay cadceeddu gaduudatay oo godka u dhawaatay ayaa hugun culus laga maqlay duleedka degmada Marka. Goortii ay dadku fiiriyeena dhinaca ay wax ka dhaceen waa uuro iyo holac hawada isku shareertay, taas oo ahayd Helicopter iskudayaysay inay ka kacdo hawdka ku beegan duleedka magaalada oo qaraxday.

UN-ka iyo hay’adaha kale ee dalka ka hawlgala ayaa sheegay inaysan jirin wax diyaarad ah oo ay lee yihiin oo shil galay. Isla maalintaas Dawladda ayaana soo saartay warsaxaafadeed nuxurkiisu ahaa; ma jirto diyaarad shil gashay. Waxaa se weydiimo laga keenay waxa Helicopter-taasi ay hawdka ka qabanaysay iyo waxa qaraxeeda sababay.

Waxaa arrinka xiiso u sii yeelay in deegaankaasi ay AS goorta ay doonaan imaadaan kana tagaan. Intaa kadib, wax war ah lagama maqlin ciddii ku waxyeeloowday diyaaraddii, AS iyo UN-kaba.

10 January 2024: Goor casar dheer ah ayaa dadkii deegaanka arkeen Helicopter si caadi ah ugu soo dagaysa duleedka deegaanka Xiindheer ee gobolka Galguduud oo ah deegaan ay AS haystaan. Saraalka ka tirsan UN-ka ayaa sheegay in diyaaraddaasi ay Beledwayne ka baxday oo Wisil u socotay oo ay si khalad ah ugu degtay deegaankaasi.

Waxa uuna intaa ku daray inay saarnaayeen sideeed qof oo ay toddobo ajnabi yihiin oo ay isugu jiraan ciidan, dhakhaatiir iyo injineero, waxaana uu sheegay inay diyaaraddu saarnayd dawooyin loo waday ciidanka hawlgalka ku jira.

Waxay dadka deegaanka sheegeen in diyaaraddii, wixii saarnaa iyo dadkiiba ay AS gacanta ku dhigeen. Dhacdadaasi waxaa ka soo wareegatay afar maalin, warbaahinta AS-na wax ku saabsan arrintaasina ma ay sheegin.

Haddaba arrinka xiisaha leh ayaa ah diyaaradaha drones-ka ee aan duuliyaha lahayn goorta ay AS qabtaan inay markiiba warbaahintooda ku soo daabacaan. Aynu dhawr kamida tusaale u soo qaadanno.

3 December 2016: Diyaarad aan duuliyaha lahayn ee drones-ka ayaa ku soo dhacday deegaanka Bariire ee Shabeellaha hoose. Waxaa qabtay AS oo deegaankaasi gacanta ku hayay, waxayna isla maalintiiba soo bandhigeen sawiradeeda iyo xogteeda.

3 June 2018: AS ayaa gacanta ku dhigtay diyaarad ay ku sheegeen kuwa wax basaasa oo aan duuliyaha lahayn oo ku soo dhacday deegaanka Mubaarak ee Shabeellaha Hoose. Isla galabtii ay qabteen waxay ku soo bandhigeen warbaahintooda.

19 September 2020: Diyaarad aan duuliyaha lahayn ee drones-ka ayaa ku soo dhacday xilli subax ah deegaan u dhexeeya Walaweyn iyo Warmaxan, waxaana gacanta ku dhigay AS, isla subixiiba waa ay soo bandhigeen.

13 September 2020: Duleedka Baarsansuuni ee gobolka Jubbada Hoose ayaa ku soo dhacday diyaarad aan duuliya lahayn, waxaana qabtay AS, isla duhurkii ay qabteen ayaa ay baahiyaan xogteeda iyo sawirkeeda.

Haddaba arrinka xiisaha leh ee meesha yaalla ayaa ah; diyaarad aan duuliye lahayn goorta ay AS qabtaan inay markiiba warbaahinta ku soo daabacaan, halka diyaarad duuliye, dad iyo agab wada goorta ay qabtaan aysan warbaahintooda ku soo daabicin.

Qiimeynta waxa Itoobiya ku dhiiri-geliyey is-afgaradkii sharci darrada ee Somaliland

0

Maqaalkani waxa uu lafagurayaa sababaha dhiirrigelin karay Is-agradaka sharci-darrada ahaa ee ay Itoobiya dhawaan la gashay maamulka iskiis madaxbannaanida ugu dhawaaqay ee Somaliland, iyo sidoo kale ikhtiyaaraad siyaasadeed ee suuragal ah oo ay dawladda Faderaalka Soomaaliya (DFS) uga jawaabi karto uguna difaaci karto wadajirkeeda dhuleed.

Iyada oo tirada ku darsanaysa xasillooni darrada ka jirta gudaha Soomaaliya iyo caqabadaha dowladnimada; Itoobiya waxaad mooddaa inay istustay ku-dhac ay danaheeda istiraatijiyadeed ee badda ugu soo duurxusho Somaliland, iyadoo qiimeynaysa in DFS ay xilligan ka seeteysan tahay inay ka bixiso jawaab wax-ku-ool ah. Si kastaba ha ahaatee, sida ay gorfeyntani eegayso, Soomaaliya waxay haysataa ikhtiyaaraad diblumaasiyadeed, kuwa sharci, kuwa dhaqaale iyo kuwa siyaasadeed, gaar ahaan in ay isku dunto cadaadis caalami ah oo ka imaanaya xulafada iyo hay’adaha muhiimka ah.

Istaraatiijiyad dhinacyo badan leh oo la isku dubarriday ayaa diiradda saartay soo banbixinta sharci-darrada Is-afgaradka, iyadoo Soomaaliya laga ilaalinayo kala qaybsanaan kale ama ka weecinta hor-tebinnada dawlad-dhisidda, halka la bixinayo dhabbe wax-ku-ool ah oo loo maro sidii loo baabi’in lahaa ku xad-gudubkan siyaadadeeda.

Waa in la gartaa jawi juqraafi-siyaasadeed ku habboon Is-afgaradka sharci-darrada ah ee ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo maamulka Somaliland. Soomaaliya waxa ay muddo tobaneeyo sano ah la daalaa dhacaysay xasillooni darro iyo maamul la’aan ka billowday dagaalladii sokeeye ee 1991-kii, kuwaasoo horseeday in gobollada Waqooyi ku dhawaaqaan go’id, iyagoo dhisanaya Somaliland. Dowladda Federaalka oo  weli diiradda saaraysa sutada dowlad-dhisidda iyo adkeynta xukunka, gaar ahaan ka-hortagga mintidiinta Al-Shabaab, Itoobiya sida muuqata waxa ay u qaadatay in Soomaaliya ay aad u liidato si ay u hor istaagto dhaqdhaqaaqyada ka dhanka ah madaxbannaanida dhulkeeda. Gaar ahaan, Itoobiya waxa ay hiigsanaysaa in ay hesho dekedo ay baahi weyn u qabto iyo faa’iidooyinka dhaqaale ee la xiriira, halka ay Somaliland raadinayso in ay hesho sharciyad aqoonsi. Iyadoo gacan-ka-hadallada taariikhiga ah iyo laba-daraalaha amni; ay gacan ka gaysanayaan sharraxaadda xaaladda, natiijadu waxay ka dhigan tahay ku xadgudub sharciga caalamiga ah ee xuduudaha Soomaaliya, taasoo sii adkeynaysa geeddi-socodka. Sidaa darteed DFS waa in ay isku dheellitirtaa tayeynta maamulkeeda gudaha halka ay gaashaan bir ah ku wajahayso khataraha dibadda ah.

Si looga jawaabo heshiiskan cunfiga huwan ee sharci darrada ah ee u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland, Soomaaliya waa in ay isku duntaa istiraatijiyad isku dubaridan oo ay ka faa’iidaysanayso dhammaan wadiiqooyinka diblamaasiyadeed, sharci, dhaqaale iyo siyaasadeed ee jira. Ma huraanka aasaasiga ah waa in la bilaabo olole diblumaasiyadeed oo diiradda lagu saarayo sidii loo dhisi lahaa mucaarad caalami ah oo ka dhan ah is-afgaradka ku xad-gudubka cad ee siyaadada Soomaaliya sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah. Dadaalada gaarka ah waa in ay ku lug yeeshaan Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, iyo hay’adaha kale iyada oo la xoojinayo xiriirka xulafada sida Mareykanka iyo Ingriiska. Intaa waxaa dheer, Soomaaliya waa in ay raacdaa hab-sharciyeedka iyada oo la kaashanaysa khubarada sharciga caalamiga ah si ay u tixgeliyaan ikhtiyaarrada ay ku jiraan hababka xallinta khilaafaadka ee Qaramada Midoobay iyo hababka caddaaladda caalamiga ah. Ujeedada ugu weyn ee dadaalka sharci ee noocan oo kale ah waa in la sii wado xukun adag oo ka dhan ah sharcinimada Is-afgaradka.

Dhinaca dhaqaalaha, cunaqabataynno bartilmaameedsan iyo xannibaadaha ganacsiga ee ka dhanka ah hay’adaha Itoobiya ayaa waxay dhiirigelin karaan isbeddello siyaasadeed iyada oo aan si buuxda loo fogayn cilaaqaadka gobolka. Ugu dambeyntii, dhinaca gudaha, xoojinta midnimada iyo xasilloonida gudaha Soomaaliya ayaa muhiim u ah ka hortagga dadaallada faragelinta dibadda. Waxaa tallaabadan qayb ka ah wadashaqayn dhow oo lala yeesho dawladaha xubnaha ka ah federaalka iyo saamilayda maxalliga ah si loo xoojiyo midnimada dhuleed. Dulmarkan tiirarka siyaasaddeed ee muhiimka ah waxay bixinayaan qaab-dhismeed billow ah oo loogu talagalay jawaab-celinta dhinacyo badan leh ee Soomaaliya iyadoo la dejinayo dood dheeraad ah oo ku saabsan istaraatiijiyadaha isku-dubbaridka iyo caqabadaha suurtagalka ah ee ku gudbanaan kara meelmarinta ajendaha qaran.

Ka gun-gaaridda hirgelinta istaraatiijiyadda jawaab celinta isku dubaridan ee la qeexay waxay caqabado diblumaasiyadeed iyo siyaasadeed oo dhowr ah oo hor leh ku yeelan doonaan Dowladda Federaalka Soomaaliya. In si wada jir ah looga soo horjeesto heshiiska is-afgaradka ah ee hay’adaha sida Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa laga yaabaa inay adkaato marka loo eego danaha istaraatiijiyadeed ee ka dhexeeya dalalka xubnaha ka ah, halka kiisaska sharciga ah ay sidoo kale u janjeeri karaan inay waqti dheer qaataan ka hor xallinta. Sidaa darteed, Soomaaliya waxay u baahan doontaa inay bargarato oo ay sare u qaaddo xulafada muhiimka ah ee doonaya inay taageeraan mawqifkeeda iyada oo kafaala qaadaysa oo si degdeg ah ula socota mooshinnada ama kiisaska khuseeya. Dhinaca gudaha, waa in la mideeyaa mawaaqifta dawladda federaalka ah iyo dawladdaha xubnaha ka ah, iyo sidoo kale qabaa’ilka, oo weliba la mideeyo farriin guud oo ka dhan ah xad-gudubyada siyaadada Soomaaliya. Si taas loo gaaro, dowladdu waa in ay si firfircoon u isticmaasho raasamaal siyaasadeed si ay wadatashiyo ballaaran ula yeelato saamilayda gudaha ee ku aaddan mawqifyada midaysan ee khuseeya midnimada dhuleed ee dibadda. Cilaaqaadka gobolku waxay sidoo kale noqon doonaan kuwo dheellitirkoodu jilicsan yahay, iyadoo la adeegsanaayo khatarta dhaqaale ee dib u soo noqoshada, markaa hababka la beegsanayo waxay u baahan yihiin qiimeyn. Ku taagnaanta diirad saarka xiriir labada dhinac faa’iido u leh ayaa waxay ka hortagtaa ku fekerka dan la’aan. Marka la helo wada-shaqeyn dheellitiran oo gudaha iyo dibadda ah, Soomaaliya waxay ka shaqayn kartaa inay Is-afgaradka u rogto fursad lagu xoojinayo qaranimadeeda.

Marka la sii ambaqaado, Soomaaliya waa in ay u qabsataa Is-afgaradkan sharci-darrada ah si uu u dardargeliyo istraatijiyado dowladnimo oo macquul ah oo xoojinaya mowqifkeeda ka dhanka ah faragelinta dibadda iyo kala qaybsanaanta gudaha. Iyadoo laga hortagayo xadgudubyada ka dhanka ah siyaadadeeda, horumarka laga gaarayo meelaha muhiimka ah ee dhismaha dowlad goboleedyada, oo ay ku jiraan sameynta federaal shaqeeya, qaabeynta kheyraadka iyo qaab-qeybsiga awoodaha, dib-u-habeynta mideysan ee amniga, horumarinta kaabayaasha isku dhafka ah, waxay xoojin doontaa awoodda gorgrotan ee Soomaaliya ee gobolka iyo xiriirrada. Hawlgal diblomaasiyadeed oo joogto ah oo lala yeesho bah-wadaagta Khaliijka, Yurub, iyo Afrika waxay sidoo kale gacan ka geysan kartaa soo jiidashada ganacsi iyo maalgashi faa’iido u leh labada dhinac si loo taageero waxyaabaha mudnaanta u leh dhismaha qaranka. Isla mar ahaantaana, fariimaha qancinta ah ee soo bandhigaya khatarta heshiisyada sida MoU aysan u keenin xasilloonida Soomaaliya oo keliya, laakiin sidoo kale isdhexgalka dhaqaalaha gobolka iyo dadaallada wadajirka ah ee ka hortagga argagixisada ayaa saameyn yeelan doona. Soomaaliya waxay haysataa fursad ay ugu dhaqaaqdo madax-bannaanida istiraatijiyadeed oo kordhay iyo adkaysiga qaran iyadoo fulinaysa jawaab celin isku sidkan oo aan ahayn mid keli keli ah balse qayb ka ah horumarka guud ee siyaasadda, dhaqaalaha, iyo maamulka amniga. Marka la helo dulqaad iyo difaac adag oo qaranimadeeda lagu caddeeyo sharciga caalamiga ah, natiijooyinka mustaqbalka fog ee caqabadan waxaa si wanaagsan u bedeli kara Soomaaliya lafteeda. Ugu dambeyn, muddada gaaban, Soomaaliya waxay si aad ah ugu baahan tahay saaxiib awood leh oo lagu kalsoonaan karo si ay gacan uga geysato horumarinta ciidamadeeda badda iyo ilaalinta xeebaheeda oo ah kuwa ugu dheer Afrika.

Gabagabadii, heshiiska sharci darada ah ee Itoobiya ay la gashay Somaliland waxa uu si la saadaalin karay u kordhiyay walaaca laga qabo xasilooni darada gobolka iyo midnimada Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya waxay haysataa ikhtiyaaraad diblumaasiyadeed, sharci, dhaqaale iyo siyaasadeed oo macquul ah oo ay si adag uga jawaabto xad-gudubyada wadajirkeeda dhuleed. Marka la isu dheellitiro midnimada gudaha iyo isku dubaridka siyaasadda arrimaha dibadda, Soomaaliya waxay meesha ka saari kartaa sharcinimada iyo kalsoonida Is-afgaradka mustaqbalka dhow. Si guud, caqabadan ayaa muujineysa baahida Soomaaliya ay u qabto dardargelinta istaraatiijiyad dowladnimo oo hufan oo dadkeeda u horseeda xasillooni iyo barwaaqo. Iskaashi labada dhinacba faa’iido u leh ayaa lala sii xoojin karaa xulafada iyada oo la wajahayo falalka faragelinta islamarkaana la caddaynayo sida ay Soomaaliya uga go’an tahay isbeddellada siyaasadeed iyo ka qaybgalka horumarka gobolka. Iyadoo dulqaad iyo murti ku dhaqmaysa, Soomaaliya waxay difaaci kartaa qaranimadeeda, iyadoo dejin karaysa sida ay ayada ka go’an in ay u wajahdo madaxbannaanida istiraatijiiga ah ee korortay. Waxa loo baahan ayaa ah in taxadar mug leh loo maareeyo xasaradaha, iyadoo ay ku lammaan tahay hoggaan joogta ah si khataraha imaan kara loogu bedelo fursado cilaaqaadka dibadda oo horumarsan iyo maalgashiga dawlad wanaagga.

W/Q: Prof. Mohamed Omar Bincof

Sawirro: Olole ka dhan ah damaca Itoobiya ee badda oo ka billowday dalalka Benelux

Brussels (Caasimada Online) – Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Yurub ayaa ka wada hadlay sidii dalalka Yurub looga dhiga lahaa banaanbax looga soo horjeedo damaca gurracan ee Ethiopia.

Ethiopia ayaa isku dayeysa inay qaadato qeyb ka mid ah dhulka iyo badda Soomaaliya ayada oo adeegsaneysa heshiis sharci-darro ah oo ay la gashay maamulka Somaliland.

Danjire Yoonis Yaasiin Xaashi oo ah safiirka Soomaaliya u fadhiya dalalka Benelux iyo Midowga Yurub ayaa kulan isugu yeeray xubno ka socday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Belgium, Holland iyo Luxembourg ee la isku yirahdo Benelux, iyadoo laga jawaabayo baaqii uu madaxweynaha Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud uga dalbaday qurbajoogta Soomaaliyeed in ay gutaan doorka kaga aadan xadgudubka ay Ethiopia kula kacday haybadda dawladannimo iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Ujeeddada kulanka ayaa ahaa in qurbajoogta ku nool wadamada Benelux iyo dhammaan Midowga Yurub in ay is abaabulaan si ay banaanbaxyo waa weyn oo ka dhan ah Ethiopia uga dhigaan wadamada Benelux iyo Yurub, islamarkaana si nabad ah ugu muujiyaan in ay ka soo horjeedaan daandaansiga Dowladda Ethiopia.

Qorshahan ayaa qeyb ka ah dadaal dhan walba ah oo dowladda Soomaaliya ay isaga caabineyso damaca Ethiopia ay ku dooneyso inay ku boobto dhulka iy badda Soomaaliya.

Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xooggan ayaa goordhoweyd ka dhacay magaalada Muqdisho, wuxuuna si gaar ah uga dhacay dhabarka danbe ee xarunta naamulka gobolka Banaadir.

Qof walxaha qarxa isku soo xiray ayaa isku qarxiyay maqaayad ku taalla dhabarka dambe ee darbiga xarunta Dowladda Hoose ee Xamar.

Illaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay qaraxan ee dhimashada iyo dhaawaca, laakiin sida ay inoo xaqiijiyeen dad goobjoog ah waxaa jira dhaawacyo badan, waxaana goobta gaaray gawaarida Ambulance-ka oo halkaasi kasoo qaadaya dhaawacyada.

Is-miidaamiyaha ayaa beegsaday oo isku qarxiyay maqaayad saxmad ah oo ku taalla dhabarka dambe ee dowladda hoose ee Xamar. Sidoo kale waxaa halkaasi ka agdhaw wasaaradda maaliyadda Soomaaliya.

Halka uu qaraxa ka dhacay ee naftii haligaha uu isku qarxiyay ayaa ah halkii sanadkii hore 2023-ka ay dabley hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ka galeen markii ay weerarayeen xarunta gobolka Banaadir.

Wixii kasoo kordha qaraxaan isha ku hay Caasimada Online, oo waxaa idinkula wadaagi doona wararkayaga dambe Insha Allah.

Xiriirka K/Cagta oo go’aan lama filaan ah kasoo saaray cayaarihii ka socday Xamar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa sheegay inaan la sii wadi karin tartanka ciyaaraha ee dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir, inta xal rasmi ah laga gaarayo tabashada Kooxda Kubadda cagta ee Koonfur Galbeed.

Sidoo kale war-saxaafadeed dheer oo ka soo baxay xiriirka iyo ururrada kubadda cagta ee maamul goboleedyada ayaa lagu shaaciyey muhiimadda ay leedahay in la helo cid qaadda masuuliyadda amni ee kooxaha ka soo qeyb gelaya tartanka ciyaaraha.

Sidoo kale qoraalkaan waxaa lagu canbaareeyey weerarkii lagu qaaday baskii ay la socdeen cayaartoydii K/Galbeed oo hadda ka carooday falkaas kana haray ciyaaraha ka socda Muqdisho.

“Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta wuxuu soo jeedinayaa in ciyaaraha aan lasii wadi karin, hadii aan la helin cid si gaar ah loogula xisaabtamo masuuliyada amniga ciyaartoyda iyo taageerayaasha,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale qoraalkaan waxaa farriin loogu diray shacabka Soomaaliyeed ee jecel ciyaaraha iyo is dhexgalka bulshada, waxaana laga codsaday inay ka fogaadaan wax kasta oo dhibaato ku ah habsami u socodka ciyaaraha.

”Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta wuxuu soo jeedinayaa in wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha uu ka helo kharashaadka laga qaado taageerayaasha imaanaya garoonka, sida ay horay u balan qaaday wasaaradda dhalinyarada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qodobka ugu dambeeya bayaankaan waxaa lagu yiri “Xiriirka cayaaraha Soomaaliyeed wuxuu soo jeedinayaan in berri aan la cayaari karin tartankii loo balansanaa ilaa laga helo cid qaada masuuliyadda amni ee tartanka.”

Hoos ka akhriso bayaanka

Daawo: Cali Balcad oo xog xasaasi ah ka bixiyey qorshaha ay DF ku difaaceyso badda

0

Muqdisho (Caasimaada Online) – Guddiga arrimaha dibadda golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta su’aalo adag xiosadda Soomaaliya iyo Itoobiya ka weydiiyey ku simaha wasiirka, ahna wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda ee XFS Cali Balcad.

Guddiga ayaa wasiirka weydiiyey su’aalo adag oo ku saabsan xiisadda labada dal, gaar ahaan sababta ka dambeysa dagaalka diblomaaaiyadeed ee Soomaalida oo aad u gaaban.

Guddiga ayaa sidoo kale wasiirka ku canaanteen sababta ay dowladda Soomaaliya diblomaasiyad adag u adeegsa la’dahay, iyagoo u dulmaray sababta loo qaadi la’yahay tallaabooyinkaan:

1 – Sababta aan dalka looga raacdeyn safiirka Itoobiya?

2 – Sababta dalka looga jooji waayey waxa ay u soo dhoofiso Itoobiya oo Qaadku ugu horeeyo?

3 – Sababta aan dalka looga joojin duulimaadka diyaaradda Ethiopian Airlines?

4 – In safiirka Soomaaliya u joogay Addis Ababa uu wax ka ogaa heshiiskii badda oo ay kala saxiixdeen Muuse Biixi iyo Abiy Axmed?

“Su’aalahaan inta iga quseysa markaan ka jawaabo, safiirka Itoobiya hadda dalka ma joogo isaga ayaa iska baxay, waana soo laaba karaa markii uu doono, anaga weli ma aanaan gaarin go’aan aan dalka uga saareyno diblomaasiyiinta Itoobiya,” ayuu yiri wasiir Cali Balcad.

Sidoo kale wasiir Cali Balcad ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay u qorsheysan yihiin inay qaado tallaabooyin kale, “Arrimaha ciidamada waxaa loo xilsaaray dad kale oo ku howlan, sidoo kale arrimaha ganacsiga ayaa miiska u saaran dowladda, waxayna qaadi doontaa tallaabooyin kale,” ayuu yiri wasiir Cali Balcad oo ka jawaabayey su’aalihii la weydiiyey maanta.

Hoos ka daawo

Xasan Cali Kheyre oo qoraal xasaasi ah ka soo saaray xiisadda NISA iyo HORMUUD

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa qoraal xasaasi ah ka soo saaray khilaafka ka dhex qarxay hey’adda NISA iyo shirkadda Hormuud, isagoo qormadiisa ku cadeeyey in Hormuud aysan u qalmin in loo adeegsado awooda ciidamada dowladda.

Kheyre ayaa sheegay in mudadii uu joogay xafiiska uu xog ogaal u ahaa sida Hormuud ay muhiim ugu tahay dalka, isla markaana ay tahay canshuur bixiye xaq u lahaa in la ilaaliyo badqabka ganacsiga iyo muwaadiniinta iska leh.

Sidoo kale, Kheyre ayaa NISA ku dhaliilay sida ay awoodeeda ugu adeegsatay inay xirto xarumihii shirkadda, taas oo sida uu sheegay ugub ku ah dowladnimada Soomaaliya.

Hoos ka akhriso qoraalka Xasan Cali Kheyre:

Waxaan ka xumahay falalka ay Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranku ku xirtay qaar ka mid ah xarumaha Shirkadda Hormuud Telecom.

Waa arrin ugub ku ah Dowladnimada Soomaaliya in ay hay’ad dowli ahi weerar toos ah iyo mid warbaahineed ku qaaddo Shirkad Soomaaliyeed, magaca Dowladdana lagu dhibaateeyo shirkad canshuur-bixiye ah, oo Hay’adda Nabadsugidda iyo dowladdaba waajib qaran ka saaran yahay ilaalinta amnigeeda.

Waxaan xogogaal u ahay kaalinta hoggaamineed ee Shirkadda Hormuud ka qaadatay horumarinta dhaqaalaha Dalka, samatabixinta ummadda, iyo dib-u-dhiska Dalka iyo dowladnimada Soomaaliya, oo aan si dhow uga soo wada shaqeynay muddadii aan ka mid ahaa hoggaanka Dalka.

Hormuud waa shirkad iyo hanti Soomaaliyeed, oo lafdhabar u ah dhaqaalaha Dalka, ayna waajib nagu tahay in aan wada ilaashanno. Dhibaatada soo gaarta Hormuud waxay wax u dhimaysaa dhaqaalaha dalka.  Waxaan sidaas daraadeed ku baaqayaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo furo xarumaha Shirkadda, Hay’adaha Dowladda iyo Shirkadduna u wada shaqeeyaan si waafaqsan shuruucda Dalka, oo ay ku dheehan tahay xilkasnimo, hufnaan, daacadnimo, iyo biseyl dowladnimo.

Xog: Xasan Sheekh oo safarkii Dhuusamareeb u soo gaabiyey xiisada NISA iyo HORMUUD

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta deg deg ah uga safray magaalada Dhuusamareeb oo qorshihiisu uu ahaa in ilaa 17-ka bishaan uu joogo, waxayna Caasimada Online heshay xogta sababta soo dedejisay safarka madaxweynaha.

Safarka Madaxweynaha ee Muqdisho ayaa ku saabsan xiisadda ka dhex qaraxday hey’adda NISA iyo Shirkadda Hormuud oo xubno ka tirsan maamulka laga xiray.

Maanta hey’adda NISA iyo maamulka Shirkadda Hormuud waxay soo saareen labo war-saxaafadeed oo dhinac kasta uu ku faah-faahinayo waxa ay isku hayaan.

Maamulka Hormuud Telecom waxay sheegeen in NISA ay soo weydiisatay xogta muwaadiniin isticmaala adeegga shirkadda, isla markaana sharcigu uusan qabin in la bixiyo xogta muwaadinka.

Intaas kadib, Hormuud waxay sheegtay in ciidamada NISA ay u awood sheegteen shirkadda, isla markaana ay xireen xarumo iyo xubno sare oo ka tirsan maamulka shirkadda Hormuud iyo Bangiga Salaam oo hoos taga Hormuud.

Hey’adda NISA ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay kaga jawaabeyso warka Hormuud Telecom, waxayna faahfaahisay sababta ay u xirtay xarumaha iyo xubnaha ka tirsan shaqaalaha Hormuud.

NISA waxay meesha ka saartay inay raadineyso xogta muwaadiniin gaar ah, balse waxay cadeysay inay beegsaneyso dhaq-dhaqaaqa argagixisada, gaar ahaan xubno la tuhmayo inay ka qeyb qaadan jireen weeraradii loo geystay xarumaha shirkadda Hormuud, kuwaas oo ka tirsanaa shaqaalaha shirkadda, balse hadda baxsaday.

Sidoo kale NISA, waxay maamulka shirkadda ku eedeysay inay diideen in la tuso hey’adda dhaqdhaqaaqa xubnaha looga shakiyey weeraradii loo geysa jiray shirkadda, isla markaana la fakiyey xubnihii laga shakisanaa, sidoo kale NISA waxay qoraalka ku cadeysay in dhamaadkii bishii 12-aad ay Hormuud ka codsatay NISA in la baaro qolada weerartay xarumaha, shaqaalaha iyo gaadiidka shirkadda.

Maanta xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ayaa ka hadlay xiisadda ka dhex qaraxday Hormuud iyo NISA, waxayna madaxweynaha ka dalbadeen inuu soo farogeliyo arrintaan, maadaama shirkadaan ay muhiim u tahay dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa arrintaan darteed u soo gaabiyey safarkiisii Dhuusamareeb, wuxuuna caawa horay ka galay xal u helidda dooda NISA iyo dacwada Hormuud, xalka xiisadaan ayaana laga sugayaa, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Assessing what Ethiopia gives the courage to sign an illegal MoU with Somaliland?

0

This article examines Ethiopia’s potential motivations for signing the recent illegal Memorandum of Understanding (MoU) with the self-declared administration of Somaliland, as well as realistic policy options for the Federal Government of Somalia (FGS) to respond and defend its territorial integrity. Given Somalia’s internal instability and governance challenges, Ethiopia seems to have felt emboldened to pursue its strategic maritime interests through Somaliland, assessing that the FGS is currently limited in its ability to mount an effective response. However, as will be discussed, Somalia has diplomatic, legal, economic, and political options at its disposal, especially by mobilizing international pressure from key allies and organizations. A coordinated multipronged strategy focused on exposing the MoU’s illegality while insulating Somalia from further fragmentation or distraction from state-building priorities provides a constructive path forward to nullify this violation of its sovereignty.

The illegal MoU signed between Ethiopia and Somaliland must be understood in its proper geopolitical context. Somalia has struggled with internal instability and disunified governance for decades, starting with the 1991 civil war that led to the northern regions breaking away to form Somaliland. With the Federal Government still focused on the fundamentals of state-building and consolidating control, especially against Al-Shabaab militants, Ethiopia apparently felt Somalia was too internally weak to block moves against its territorial integrity. Specifically, Ethiopia aims to secure its much-needed access to seaports and the associated economic benefits, with the Somaliland region looking to boost its international legitimacy. While historical tensions and security dilemmas help explain the situation, the result constitutes a violation of international law regarding Somalia’s boundaries, further complicating progress. The FGS must therefore balance shoring up its internal governance while firmly confronting external threats.

In responding to this destabilizing illegal agreement between Ethiopia and Somaliland, Somalia must mobilize a coordinated strategy utilizing all diplomatic, legal, economic, and political channels available. A key imperative should be launching a focused diplomatic campaign to build international opposition to the MoU’s clear violation of Somalia’s sovereignty as established in international law. Specific efforts should involve engaging the UN, African Union, Arab League, and other bodies while leveraging relations with allies like the US and UK. Additionally, Somalia should pursue legal recourse by engaging international law experts to consider options that include dispute resolution mechanisms within the UN and international justice mechanisms. The overarching objective of such legal efforts is to pursue a binding ruling against the MoU’s legitimacy.

On the economic front, targeted sanctions and trade restrictions against Ethiopian entities could motivate policy changes without fully alienating regional relationships. Finally, on the domestic front, strengthening internal unity and stability in Somalia is vital to withstand external interference efforts. This involves close coordination with federal member states and domestic stakeholders to project territorial integrity. This outline of key policy pillars provides an initial framework for Somalia’s multipronged response while setting up further discussion on coordination strategies and potential barriers to implementation.

Achieving effective implementation of the coordinated response strategy outlined will have several diplomatic and political challenges for the Federal Government of Somalia. Galvanizing unanimous opposition to the MoU within bodies like the African Union and UN may prove difficult given competing strategic interests among member states, while legal cases also tend to involve lengthy timeframes before resolutions. Therefore, Somalia will need to identify and cultivate key allies willing to endorse its position through sponsoring and fast-tracking relevant motions or cases. On the domestic front, a united front between the federal government and member states, as well as clans, should be unified with a common message against the violations of Somalia’s sovereignty. To this end, the government should proactively use political capital to convene extensive consultations with internal stakeholders on unified positions regarding external territorial integrity. Regional relationships will also be delicate to balance, as applying economic pressure risks blowback, so targeted approaches would need evaluation. Maintaining focus on mutually beneficial ties counteracts zero-sum thinking. With balanced engagement domestically and internationally, Somalia can work to turn the MoU from a setback into an opportunity for strengthening consensus regarding its nationhood.

Moving forward, Somalia must seize this illegal MoU as a catalyst to accelerate viable governance strategies that strengthen its position against external interference and internal fragmentation. While confronting violations of its sovereignty, progress in key state building areas, including instituting functional federalism, formalizing resource and power sharing frameworks, unified security sector reform, and integrated infrastructure development, will bolster Somalia’s regional leverage and relationships. Sustained diplomatic engagement with partners in the Gulf, Europe, and Africa can also help attract mutually beneficial trade and investment to support these nation-building priorities. Simultaneously, persuasive messaging that exposes the risks that agreements like the MoU pose not only to Somalia’s stability, but also regional economic integration and joint counterterrorism efforts will be influential. Somalia has an opportunity to move towards increased strategic autonomy and national resilience by implementing a coordinated response not in isolation but as part of the holistic advancement of political, economic, and security governance. With a patient but firm defense of its statehood justified under international law, the long-term outcomes of this challenge can be shifted positively by Somalia itself. Finally, in the short term, Somalia desperately needs a powerful and trustworthy ally to help develop its maritime forces and guard over its coastline, which is the longest in Africa.

In conclusion, Ethiopia’s illegal memorandum of understanding with Somaliland has predictably raised concerns over regional instability and Somalia’s territorial integrity. However, Somalia has viable diplomatic, legal, economic, and political options to respond firmly against violations of its sovereignty. By balancing domestic unity and coordinated foreign policy leverage, Somalia can nullify the MoU’s legitimacy and credibility in the near term. More broadly, this challenge highlights Somalia’s need to accelerate viable governance strategies that deliver stability and prosperity for its people. Mutually beneficial partnerships can be deepened with allies by confronting interference efforts while proving Somalia’s commitment to political reforms and participation in regional development. With patience and wisdom, Somalia can both defend its nationhood and chart a self-determined course towards increased strategic autonomy. What is needed is prudent crisis management coupled with consistent leadership to convert potential threats into opportunities for improved foreign relations and investment in good governance.

By: Dr. Mohamed Omar Bincof is an Assistant Prof. of Political Science and International Relations at Somali National University. Email: [email protected]

Cabdirashiid JANAN oo lagu la’yahay nolol iyo geeri

0

Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga maamul goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa maalmihii lasoo dhaafay la sheegaya in nolol iyo geeri lagu weysan yahay.

Janan ayaa la sheegay in dad markii ugu war dambeysay uu ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, tan iyo Arbacadii waa la waayay meel uu jaan iyo cidhib dhigay, ayada oo ay soo baxayaan warar aan la xaqiijin oo sheegaya in la dilay.

Yuusuf Dhuumaal oo hadda ah wasiirka amniga Jubbaland oo arrintaan ka hadlay, ayaa waxa uu ka dalbaday dowladda Kenya in xaaladda Wasiir Janan ay meel ku sheegaan nolol iyo geeri mid uun.

“Dowladda aan walaalaha nahay ee Kenya, gaar ahaan laamaha amaanka waxan ka codsanaya in Wasiir Janan oo lagu la’yahay gudaha magaalada Nairobi mudo lix cisho ah in meel lagu cadeeyo haddii dambiyo jiran oo lagu tuhmayo qof dambi wuu gali kara lakin waa in la ogaada mesha uu ku sugan yahay,” ayuu yiri Wasiir Dhuumaal.

Waxa uu intaas kusii daray “Dadka Soomaaliyeed ee ku nool Kenya, gaar ahaan Nairobi waa inay xil iska saaraan baadi-goobka Cabdirashiid Janan nolol iyo geeri intaba.”

Ugaaska beesha uu ka dhashay Cabdirashiid Janan oo warbaahinta la hadlay ayaa dhankiisa xaqiijiyay in la weysan yahay wasiirkii hore ee amniga Jubbaland, isaga oo muujiyay sida uu uga wal-walsan yahay war la’aanta Janan ee nolol iyo geeri.

Ugaaska Maxamed Ugaas Ahmed ayaa sidoo kale baaq u diray xukuumadda Nairobi “Waxaan xasuusinaynaa dowladda Kenya in ay mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta nafta iyo hantida dadka Soomaaliyeed ee ku sugan geyigeeda, Waxaana ugu baaqaynaa in ay qaaddo talaabo rasmi ah oo lagu badbaadinayo Cabdirashiid.”

Si kastaba, Cabdirashiid Janan, oo horey usoo noqday wasiirkii amniga ee dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa kamid ahaa siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeday madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Fal-celin xooggan oo ka dhalatay xiisadda NISA iyo Hormuud

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay xiisadda ka dhex aloosan Hay’adda NISA iyo Shirkadda Hormuud, taasi oo salka ku haysa dhaq-dhaaqa Koontooyin Bangi iyo Adeegga EVC Plus.

Maamulka shirkadda Hormuud ayaa hay’adda NISA ku eedeysay ku tagri-fal awoodeed iyo weerar ka dhan ah, inkasta oo NISA iska fogeysay inay xad-gudub kula kacday Hormuud.

Hormuud ayaa sheegtay in aysan bixinayn xogta macaamiisha oo ay u aragto sharci darro, halka NISA ay sheegtay in baaris ay sameysay ku ogaatay in qaar ka tirsan shaqaalaha Hormuud ay wada shaqayn iyo xiriir la leeyihiin argagaxisada, islamarkaana ay soo xirtay qaar ka mid ah howl-wadeennada shirkada oo is hortaag ku sameeyay shaqada hay’adda

Caasimada Online ayaa idin soo aruurisay fal-celinta kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ka bixiyeen arrintaan. Hoos ka aqriso;

Xasan Cusmaan Diiriye: “Dadka sharciga ayaa wada deeqa wax walbana isagaa saxaya ee haloo wada hogaansamo.”

Cabdishakuur Wehliye ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Waa nasiib daro aad u weyn in maanta shirkadihii dalka weerar lagu qaado.”

“Waxaa la qarinayo waxyar maahan Hormuud hadaa sidii loo baahnaa loo wajahay,” ayuu yiri Maxamed Goodame oo ka fal-celiyay xiisadda ka dhex tafan NISA iyo Hormuud.

Mukhtaar Maxamed Cali: “Hormuud Telecom shacabka Soomaliyeed ee aad u shaqaysaan ayaa garabkiina tagan cidna caga juglayn iyo handaad waxba la idiinka qaadi maayo.”

“Dhibka Al-Shabaab idiin gaysato kama hadli kartaan kanna waad ka hadlaysaan sow maahan,” ayuu yiri Cabdulqaadir Beddal.

Cabdiqaadir Maxamed Cadde: “Hay’adda Nabad-sugida Qaranka waa in ay raali galin ka bixisaa arrinkaan.”

Khaliif Aadan: “Sharciga dalka ilaaliya amarka hay’adaha ammaankana u hogaansama dalkaan intii aad kusoo baashaali karteen waa soo qaadateene.”

Maxamed Xaaji Xuseen ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Waa xad-gudub aad u wayn oo lagula kacay Shirkada Hormuud.”

“Hormuud in toosh laga daba qaato waa hore ayaan ubaahneyn hey’adaha amniga ha guuleystaan,” ayuu yiri Galad Garaad.

Mursal ayaa isna waxa uu yiri “Ilaaliya xogta macaamiisha sidoo kalana la shaqeeya hey’adaha amniga Qaranka masuulka ka ah. Mahadsanidiin.”

Abas Cabdullaahi ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Xogta macaamiisha waxaa ka muhiimsan bad-qabka bulshada waana in shirkadu u hogaansantaa amar kasta oo amniga dalka lagu xaqeejinaayo.”

“Amnia waa muhiim dadka la daba socdo sifaha sharciga ah ee maxkamad jideeysan lagu daba socdo u fasaxa, wixii kale waa qalad aan ku jirin xeyndaabka sharciga. Amniga waa muhiim,” ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed.