25.3 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

Ciidamada NISA oo xiray xarunta weyn ee Hormuud

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ayaa goordhow xiray xarunta weyn ee Shirkadda Hormuud ee Suuqa Bakaaraha.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidanka NISA ay xarunta ku weerareen saddex Cabdi Bile, ayada oo gabi ahaanba albaabada u laabtay xaruntaas oo ah midda ugu weyn ee Shirkadda Hormuud.

Sidoo kale, ciidanka NISA ayaa waxay xireen xarunta weyn ee Salaam Bank ee suuqa Bakaaraha. Askarta Nisa iyo Ilaalada Hormuud ee xarunta Bakaaraha ayaa qarka u saaraan in uu dagaal ku dhex-maro halkaasi.

Tallaabadan ayaa imaneysa kadib saacado un markii uu maamulka shirkadda Hormuud uu soo saaray qoraal uu ku eedeynayo NISA, inkasta oo NISA iska fogeysay inay xad-gudub kula kacday Hormuud.

Shalay ayey aheyd markii sidan oo kale ciidamada hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ay xirtay xarunta shirkadda Hormuud iyo Salaam Bank ee Tareebiyaano, taasi oo ka sameynaysay fatashaad.

“Waxaa Xarunta Shirkadda Hormuud Telecom ee Tareebiyaano soo weeraray ciidan hubeysan oo ka socda Hay’adda Nabadsugidda. Waxa ayna maamulka Xarunta ka dalbadeen in loo daabaco dhaqdhaqaaqa EVC Plus, taas oo ka hor imaanaysa shuruucda Dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka Hormuud.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Nasiib-darro, ciidankii soo galay xaruntaas waxay geysteen khalkhalgelin iyo ku takrifal awoodeed, waxayna xabsiga dhigeen seddax (3) ka mid ah maamulkii Shirkadda, iyaga oo aanan wadanin fasax maxkamadeed.”

Hay’adda NISA ayaa dhankeeda sheegtay in shirkadda ay ka dalbatay inay fatashaad ku samayso dhaq-dhaaqa Koontooyin Bangi iyo Adeegga EVC Plus, kadib markii Hormuud ka codsatay dhibaatada ay kala kulanto Al-Shabaab.

“Halkii shirkadda laga sugayay in ay Hay’adda ku gacansiiso gudashada waajibkeeda Qaran, waxa ay diiday wadashaqayntii iyo ka jawaabista codsiyadii loo diray, waxayna fakisay eedeysanayaashii ka tirsanaa howlwadeennadeeda,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Sidoo kale hay’adda ayaa sheegtay in baaris ay sameysay ku ogaatay in qaar ka tirsan shaqaalaha Hormuud ay wada shaqayn iyo xiriir la leeyihiin argagaxisada, islamarkaana ay soo xirtay qaar ka mid ah howl-wadeennada shirkada oo is hortaag ku sameeyay shaqada hay’adda

“Shirkaddu waxa ay si toos ah ugu tumatay Sharci Lr.003, qodobka 48-aad ee Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka iyo Sharci Lr.007, qodobka 11-aad ee sharciga la dagaallanka Argagixisada.”

NISA oo shaaca ka qaaday arrin weyn oo ka dambeysa fatashaada HORMUUD

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda NISA ayaa soo saartay bayaan deg deg ah, kaasi oo ay uga jawaabeyso qoraal kasoo baxay shirkadda Hormuud iyo fatashaadii ay shalay ciidanka NISA ku sameeyeen xarun kamid ah kuwa shirkada.

NISA ayaa sheegtay in shirkadda ka dalbatay in ay fatashaad ku samayso dhaq-dhaaqa Koontooyin Bangi iyo Adeegga EVC Plus, kadib markii Hormuud ay ka codsatay dhibaatada ay kala kulanto Al-Shabaab.

Sidoo kale hay’adda ayaa sheegtay in baaris ay sameysay ku ogaatay in qaar ka tirsan shaqaalaha Hormuud ay wada shaqayn iyo xiriir la leeyihiin argagaxisada.

“Hay’addu, iyada oo gudanaysa waajibaadkeeda, waxa ay qaadday tallaabo waajib gudasho ah oo waafaqsan sharciga, waxayna soo xirtay qaar ka mid ah howlwadeennada Shirkada oo is hortaag ku sameeyay shaqada Hay’adda.”

Hoos ka aqriso qoraalka NISA

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyada oo ka duuleysa codsi uga yimid Shirkadda Hormuud, 26-kii bishii December 2023 oo ay ku waydiisatay in ay ka caawiso dhibaato ay kala kulantay Argagaxisada, Hay’addu waxay baaris ay sameysay ku ogaatay in qaar ka tirsan shaqaalaha Hormuud ay wada shaqayn iyo xiriir la leeyihiin argagaxisada.

Sidaas awgeed, Hay’addu waxa ay shirkadda ka dalbatay in ay fatashaad ku samayso dhaqdhaaqa Koontooyin Bangi iyo Adeegga EVC Plus, sida ku cad qodobka 8aad Faqradiisa 3aad ee sharciga Hay’adda Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka.

Haddaba, halkii shirkadda laga sugayay in ay Hay’adda ku gacansiiso gudashada waajibkeeda Qaran, waxa ay diiday wadashaqayntii iyo ka jawaabista codsiyadii loo diray, waxayna fakisay eedeysanayaashii ka tirsanaa howlwadeennadeeda.

Sidaas darteed, Shirkaddu waxa ay si toos ah ugu tumatay Sharci Lr.003, qodobka 48-aad ee Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka iyo Sharci Lr.007, qodobka 11-aad ee sharciga la dagaallanka Argagixisada.

Ugu dambeyntii, Hay’addu, iyada oo gudanaysa waajibaadkeeda, waxa ay qaadday tallaabo waajib gudasho ah oo waafaqsan sharciga, waxayna soo xirtay qaar ka mid ah howlwadeennada Shirkada oo is hortaag ku sameeyay shaqada Hay’adda.

F.G: Hay’addu marnaba ma doonayso in lala wadaago xogta muwaadiniinta Soomaaliyeed, kaliya waxay doonaysaa in ay hesho xogta iyo dhaqdhaaqyada argagixisada.

Hormuud oo sheegtay inay soo weerareen ciidanka NISA iyo arrin ay ku qasbeen

0

Muqdisho (Caasimada Online ) – Shirkada Isgaarsiinta ee Hormuud ayaa sheegtay in ciidamada hay’adda NISA ay weerar ku qaadeen xarun kamid ah kuwa shirkadda ee magaalada Muqdisho.

Hormuud ayaa sheegtay in Ciidanka NISA ay maamulkii xarunta ku qasbeen in loo daabaco dhaq-dhaqaaqa EVC Plus, taasi oo ay shirkada ku dooday inay ka hor imaaneyso shuruucda dalka.

“Maamulka Shirkadda ee Xarunta Treebiyano oo cuskanaya shuruucda Dalka waxa ay saraakiishii u sheegeen in aysan la wadaagi karin xogta macaamiisha, sida uu qabo qodobka 8aad, faqraddiisa 2aad ee Sharciga Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (Sharci Lr. 003) iyo sidoo kale qodobka 65aad, faqraddiisa 2aad ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka (Sharci Lr. 005).”

Intaasi kadib waxay shirkadda sheegtay in ciidankii soo galay xaruntaas ay geysteen qalqal-gelin iyo ku takrifal awoodeed, islamarkaan ay xabsiga dhigeen saddex kamid ah maamulkii shirkadda.

Hoos ka aqriso qoraalka Hormuud

Shalay oo ahayd Axad, Jannaayo 14, 2024, waxaa Xarunta Shirkadda Hormuud Telecom ee Tareebiyaano soo weeraray ciidan hubeysan oo ka socda Hay’adda Nabadsugidda.

Waxa ayna maamulka Xarunta ka dalbadeen in loo daabaco dhaqdhaqaaqa EVC Plus, taas oo ka hor imaanaysa shuruucda Dalka.

Maamulka Shirkadda ee Xarunta Treebiyano oo cuskanaya shuruucda Dalka waxa ay saraakiishii u sheegeen in aysan la wadaagi karin xogta macaamiisha, sida uu qabo qodobka 8aad, faqraddiisa 2aad ee Sharciga Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (Sharci Lr. 003) iyo sidoo kale qodobka 65aad, faqraddiisa 2aad ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka (Sharci Lr. 005).

Nasiib-darro, ciidankii soo galay xaruntaas waxay geysteen khalkhalgelin iyo ku takrifal awoodeed, waxayna xabsiga dhigeen seddax (3) ka mid ah maamulkii Shirkadda, iyaga oo aanan wadanin fasax maxkamadeed.

Waxayna shirkadda falalkaas sharcidarrada ah uga falcelin doontaa si waafaqsan shuruucda iyo maxkamadaha Dalka ee ku shaqada leh.

Arrintan ayaa ku soo aadaysa xilli ay Shirkaddu waayahaan la kulmaysay falal amni darro ah oo lagu beegsanayo Xarumaha, gaadiidka, iyo shaqaalaha Shirkadda, falalkaas oo iskugu jiray dilal shaqaale, qarxita xarumaha, iyo gaadiidka Shirkadda.

Ilaalinta xogta macaamiishu waxa ay mar kasta noo leedahay mudnaan iyo muhiimad gaar ah, waana ammaano ay naga go’an tahay in aan ilaalinno, si waafaqsan shuruucda Dalka.

DHAMMAAD

DF Somalia oo si cajiib ah ugu abaal guday Shiinaha kadib mowqifkii damaca Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa taageero u muujisay Shiinaha, ayada oo sheegtay in Taiwan ay u aqoonsan tahay qayb ka tirsan Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha.

Bayaan kooban oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu xusay “u hoggaansanaanta mabda’a fara-gelinta la’aanta”, iyada oo hoosta ka xariiqday sida ay Soomaaliya uga go’an tahay kobcinta wada noolaanshaha caalamka iyo ixtiraamka madax-bannaanida.

“Soomaaliya iyada oo ka duulaysa ka go’anaanshaha mabaadi’da ku qeexan Axdiga Qaramada Midoobay, waxay u dooddaa inaan la faragelin arrimaha gudaha ee dhammaan ummadaha,” ayaa lagu yiri bayaanka Soomaaliya ay garab istaaga ugu muujisay Shiinaha.

Tallaabada ay qaaday Soomaaliya ayaa u muuqata abaal gud la xiriira mowqifkii adkaa ee dowladda Shiinaha ay ka qaadatay xad-gudubka Itoobiya, islamarkaana ay Somaliland ku sheegtay inay tahay kamida tahay maamul goboleedyada dalka.

Hoggaamiyayaasha caalamka qaarkood ayaa dhawaan Taiwan ku amaanay doorasho dhawaan ka dhacday, gaar ahaan sida tirada badan ee dadka ugu soo baxeen doorashada dalkaas ka dhacday.

Si kastaba, Dowladda Shiinaha ayaa xurguf adagi kala dhaxeysaa Somaliland, maadaama ay is aqoonsadeen maamulka kale ee ka go’ay Shiinaha ee Taiwan, sidoo kale Shiinuhu waa mid kamid ah saaxiibada dhow ee Soomaaliya.

Somaliland ayaa waxay dunidu ka soo qaaday maamul aan geli karin heshiis caalami ah, waxaana sidaas ku guuleysatay dooda dowladda federaalka Soomaaliya, waxayna arrintaan dhabar-jab caalami ah ku noqotay Itoobiya.

Maxaa ku dhacaya Jabuuti, haddii ay Itoobiya qabsato magaalada Saylac? + Video

0

Muqdsiho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee waxbarashadda dowladdii Kacaanka Aadan Maxamed Cali oo wareysi gaar ah siiyay Dalsan Tv ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan heshiiska baddan ee ay wada gaareen maamulka Somaliland iyo Itoobiya.

Aadan Maxamed Cali oo khabiir sare ayaa marka hore ka shekeeyay taariikhda dhulka la’isku hayo, isla markaana ay rabto inay la wareegto dowladda Itoobiya.

“Saylac sida aynu wada ognahay waa dgemada Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ugu shisheysa weeye Awdal bay ku taal waa magaallo taariikh leh” ayuu yiri Aadan Maxamed.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday damaca Itoobiya ee ku aadan Saylac, wuxuuna sheegay inuu halis ku yahay Jabuuti, oo uu tilmaamay inay la wareegi karaan Itoobiyaanka.

“Haddii la qabsado Saylac waxaynu ognahay Itoobiyaanka iyo Canfarta oo is kaashanaya ayaa Jabuuti qabsanaya” ayuu yiri wasiirkii hore ee waxbarashada dowladdii Kacaanka.

Waxaa kale oo uu xusay in heshiiskan uu dhaawacayo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayna tahay in laga hortego xadgudubka dowladda Itoobiya.

“Midda kale haddii Saylac iyo Lughaye la qabsado midnimadii Ummadda Soomaaliyeed, aynu raadineynay waa kala jajabeysaa” ayuu sii raaciyay.

Wasiirkii hore ee waxbarashada ee dowladdii kacaanka ayaa sidoo kale farriin cuus u diray dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay inay u diyaar garoobaan difaaca dalka.

“Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto waxaan leeyahay hala kaco oo hala diyaar garoobo ku dhagax hela, ku qoray hela, mid fallaar ama wara hela” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo walaac xoogan uu ka dhashay heshiiska badda ee Addis Ababa, kaas oo ay si weyn uga carootay dowladda federaalka Soomaaliya.

Somaliland ‘oo qiil yaab leh u sameysay’ xariga wasiirkii diiday damaca ITOOBIYA

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska Somaliland ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay xarigga loo gaystay wasiirkii hore ee beeraha ee maamulkaasi, Axmed Muumin Seed oo xalay ciidanka ay soo qabteen, kuna xireen magaalada Hargeysa.

Booliska ayaa ‘qiil yaableh u sameeyay’ xarigga wasiirka oo diiday heshiiska badda ee Somaliland iyo Itoobiya, kadib wareysi uu siiyay MM-TV.

Afhayeen u hadlay Booliska Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in Axmed Muumi Seed uu soo dacweeyay muuwaadin, dacwaddaasna aytaallo maxkamadda, sida uu hadalka u dhigay.

“Qof shicib ah oo lamid ah oo muwaadin ahna wuu dacweynayay, waxayna taallay dacwaddaa maxkamadda, isagana waa ku qanacsan yahay marka waa qaabkaas dacwadda” ayuu yiri Afhayeen u hadlay Ciidanka Booliska Somaliland

Sidoo kale wuxuu meesha ka saaray wararka sheegaya in looo xiray diidmadiisa ku aadan heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, wuxuuna sheegay in loo haysto kiis lacag ah.

“Haddii wax kale la sheegayo annaga ma ogin, laakiin waxa loo haystaa waxaa weeye kiis uu maxkamadda ka damiintay oo lacag ah, lacagtaas dadkii dhibanaha ahaa waxay soo goosteen warqad waaran ah oo lagu qabanaayo ninkaas” ayuu ma kale yiri.

Waxaa kale oo uu intaas ku daray in xiridiisa ay amartay maxkamadda degmada, sidaasna ay kusoo xireen ciidamada Booliska Somaliland.

“Wax siyaasad ah oo uu ninkaas u xiran yahay ma jirto Axmed Muumin Seed baa la dhahaa wuxuu ku xiran yahay waaranka maxkamadda degmada, waxaana idin tusin doonaa oo caddeyn ah waarankii aan ku qabtay ninkaas oo hadda ku xiran saldhiga” ayuu sii raaciyay.

Si kastaba, wasiirka xalay la xiray ayaa wareysi uu siiyey MM-TV wuxuu ku soo qufay taariikh fog oo qarnigii hore ay sidaan oo kale Itoobiya u damacday inay dhacdo badda Soomaaliya, isagoo sheegay in qarnigii hore gumeystihii Talyaaniga uu Boqorkii Itoobiya weydiistay inuu ku wareejiyo badda Seylac.

Hogaamiyaha Xamas oo si lama filaan uga soo muuqday tacsida qoys Soomaali ah

0

Doha (Caasimada Online) – Xaafada Masayla oo ka tirsan magaalada Doxa ee dalka Qadar – halka ay ka mudan tahay teendhada tacsida alaha u naxariistee Cabdixamiid Sheekh Cabdirishiid Cali Suufi, ayaa waxaa tagaya dad maqaam ku dhex leh bulshada oo u badan culimo.

Balse dadkii soo muqday goobta tacsida ayaa waxaa kamid ah nin ay aad u doondoonayaan sirdoonka waddanka Israa’iil – Ismaaciil haniyaha oo ah madaxa garabka siyaasadda ee Ururka Xamaas, sida uu BBC u xaqiijiyay Cabdixakiin Sheekh Cali Suufi oo ku sugnaa goobta.

“Wuu noo yimid goobta loo fadhido tacsida, wuu noo tacsiyeyey gaar ahaan Sheekh Cabdirishiid iyo qoyska oo dhan iyo aniga wuxuu nala joogay saacad ku dhawaad,maqribkii ayuu nala tukaday waaana noo duceeyey” ayuu yiri Cabdixakiin.

Waxaa booqashada gogosha tacsida ku wehliyay Ismaaciil Haniya, Khaalid Mashcal oo ahaa madaxii hore ee garabka siyaasadda Xamaas hadana qayb ka ah madaxda uruka.

“Wax weyn ayey noo ahayd qoys ahaan in iyaga oo xaalad adag ka socoto Qasa in Madaxdoodii tacsi noogu yimaadee wayba na ilowsaysiisay wixii nagu dhacay waana wax weyn” ayuu intaas ku daray Cabdixakiin Sheekh Cali Suufi.

Muuqaal ku baahay baraha bulshada ayaa muujinaya Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi oo qaabilaya Ismaaciil iyo ragii kale ee la socday. Muuqaalkaas ayaa waxaa duubay nin dhallinyaro ah oo kamid ah dadka agdhaw Sheekh Suufi oo lagu magacaabo Xasan Cabdalla Sanka.

Sanka wuxuu sheegay in markii ay soo galeen goobta Ismaaciil iyo Khalid in hal mar la wada kacay markii ay soo galeen goobta si garaa ay dadku ugu farxeen goobta joogay.

Hugaamiyaasha sar-sare ee Xamaas ayaa degan dalka Qadar, iyaga oo nabadgalyo shaqsiyadeed joogista dalka yar ee Qadar.

Dhanka kale dalka Qadar waxaa ku nool qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed sida Sheekh Cabdirashiid oo ah qaari aad loo jecel yahay codka uu quraanka ku aqriyo, isaga oo imaam ka noqda inta badan masaajidda.

Gudashada waajibaadka diiniga ah, gaar ahaan salaadda ayaa noqtay sabab ay kulansiisay culimada iyo hugaamiyaasha Xamaas sida uu noo sheegay Cabdixakiin.

“Ismaaciil Haniyah iyo Khalid Mashcal labadu Sheekha Cabdirishadiid ayey la tukadaan bisha Ramadan taraawiixda iyo tahajudka waana is naqaanay mar hore,” ayuu BBC da u sheegay Cabdixakiin Sheekh Cali Suufi.

Dhanka kale Sheekh Xasan Waajidi oo kamid ah culimada Soomaaliyeed ee ku sugan Qadar ayaa qudhiisa sheegay in xiliyo badan uu kula tukaday Masjidka uu iimaanka ka yahay Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi ninka madaxda ka ah ururka Xamaas Ismaaciil Haniyah.

Isha: BBC

Xog: Itoobiya oo qorshe halis ah ka wada gobolka Gedo

0

Garbahaarey (Caasimada Online) –Dowladda Itoobiya ayaa olole culus ka bilowday gobolka Gedo, kaas oo ka dhan ah dowladda Soomaaliya, qorshahaan ayaa daba socda damaca Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya.

Guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Gedo ayey dowladda Itoobiya isugu yeertay, kadibna waxaa la faray in gobolkaas aysan ka dhici karin wax banaanbaxyo dadweyne ah oo looga soo hor jeedo heshiiskii qar iska tuurka ahaa ee badda.

Sidoo kale Itoobiya ayaa heshiis hoose la gashay Axmed Madoobe oo damac weyn uga jiro inuu mar kale ku soo laabto xukunka, waxayna xogo hoose sheegayaan inay Itoobiya heshiisyo qarsoodi ah la geleyso madaxda dowlad goboleedyada qaar.

Dhinaca kale shacabka gobolka Gedo ayaa cabsi xooggan ka muujiyey dhufeysyo ay qoteen ciidamada Itoobiya, kuwaas oo muujinaya in Itoobiya ay isku diyaarineyso dagaal uga imaan kara Soomaalida.

Dad ku nool gobolka Gedo oo la hadlay Caasimada Online ayaa noo xaqiijiyey in 10 sano oo ciidanka Itoobiya ay joogeen gobolkaas ay maalmahaan arkeen, iyagoo markii ugu horeysay dhufeysyo qodanaya.

Sidoo kale, maalmo ka hor ciidamada Itoobiya waxay gobolka Gedo ku kufsadeen ugu yaraan labo haween ah, waxaana arrintaas ka dhalatay caro dadweyne oo xoog leh.

Maamulka gobolka Gedo ayaa shacabka faray in hoos loo dhigo wararka ku saabsan kufsiga ay geysteen ciidamada Itoobiya, iyagoo balan qaaday in la xalinayo ehellada dadkii ay dhibaatadu gaartay, taas oo dadka reer Gedo ay aad uga caroodeen.

Itoobiya ayaa wajaheysa xiisadii ugu cusleyd, kadib markii dadka Soomaaliyeed ay ka caroodeen damaceeda ay ku dooneyso qeyb ka mid ah Badda oo Muuse Biixi uu si qar iska tuurnino ah ugu saxiixay, waxaana 18-ka bishaan Uganda ka dhacaya shir ay dalbatay Soomaaliya oo IGAD ay ka yeelaneyso arrintaan.

Ciidan careysan oo qabsaday kontaroolka waqooyi ee Gaalkacyo + Sababta

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naaga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay ciidamo gadoodsan oo ka tirsan kuwa Puntland ay la wareegeen bar-kontarool oo ku taalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay ka gadoodsan yihiin mushaar la’aan, taasi oo keentay inay xirtaan kontaroolka Gaalkacyo oo muhiim u ah isku socodka dadka iyo gawaarida xamuulka.

Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa gebi ahaanba diiday inay gaadiidka noocyadiisa kala duwan ay ka gudbaan halkaasi.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in bar-kontaroolkaas ay ku xaniban yihiin gaadiidka kala duwan ee xamuulka, waxaana durtaba bilaabatay waan-waan la xiriirta arrintaan.

Ciidankan gadoodsan iyo saraakiisha horkacaysa ayaa waxaa hadda lagu qancinayaan in ay jidka furaan, islamarkaana fasaxaan gaadiidka ku xanniban halkaasi.

Hase yeeshe, saraakiisha ciidanka hogaamineysa ayaa dhankooda sheegay in muddo dhowr bilood ah aysan qaadan wax mushaar ah, kuna adkeystay inaysan furi doonin wadada illaa ay ka helayaan xuquuqdooda kaga maqan maamulka Puntland, sida ay sheegeen.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana durba saameynta dhaq-dhaqaaqa ciidamadaas laga dareemay waqooyiga magaalada Gaalkacayo ee gobolka Mudug.

Gadoodka ciidamadan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Puntland ay wajaheyso kacdoon ciidan, waxaana Garoowe ka taagan xiisad kale oo u dhexeyso ciidamada Danab ee maamulkaas iyo madaxtooyada, kuwaas oo ka horyimid dib u doorashada Saciid Deni.

Shilkii ugu xumaa abid oo ka dhacay Jigjiga + Khasaaraha

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay shil gaari oo Axaddii ka dhacay gudaha magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida dalka  Itoobiya, kaas oo gaystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Shilka ayaa si gaar ah uga dhacay inta u dhaxeysa magaalada caasimada ah ee Jigjiga iyo degmada Shabeeley ee gobolka Faafan,sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Shilkan ayaa yimid kaidb markii gaari hoomey ah oo ay la socdeen dad rakaab ah uu jiiray neef ari ah kadibna wadada uu ka baxay, isaga oo kusii dhacay gaari kale oo xamuul ah.

Inta la xaqiijiyay waxaa shilkan ku dhintay ugu yaraan 12 qof,  halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo kamid ahaa rakaabkii saarnaa gaariga, kuwaas oo qaarkood ay soo gaareen waxyeelo halis ah.

Madaxa ciidanka ilaalada amniga waddooyinka ee gobolka Faafan Shaafi Carab Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shilkan uu yahay kii ugu xumaa oo ee ka dhaca deegaanka, wuxuuna tilmaamay inay gurmad deg-deg ah u sameeyeen dadka ay dhaawacyada soo gaareen oo loo gudbiyay dhinaca magaalada caasimada ah ee Jigjiga.

Sidoo kale dhacdadaan ayaa waxaa kusoo baxay dadka deegaanka oo si weyn uga argagaxay shilkaasi gaystay khasaaraha aadka u badan.

Inta badan jidadka isku xira deegaanada ismaamulka Soomaalida ayaa waxaa ka dhaca shilal, balse dhacdadan ayaa noqotay tii ugu khasaaraha badneyd ee ka dhacda halkaasi.

Daawo: Somaliland oo xirtay wasiir shaaciyey qorshe sir ah oo la xiriira heshiiska badda

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamada Somaliland ayaa caawa xiray wasiirkii hore ee beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, kadib markii uu dhawaan si cad uga horyimid damaca Muuse Biixi uu Itoobiya ku siinayo qeyb ka mid ah badda Soomaaliya.

Wasiirka caawa la xiray ayaa wareysi uu siiyey MM TV wuxuu ku soo qufay taariikh fog oo qarnigii hore ay sidaan oo kale Itoobiya u damacday inay dhacdo badda Soomaaliya, isagoo sheegay in qarnigii hore gumeystihii Talyaaniga uu Boqorkii Itoobiya weydiistay inuu ku wareejiyo badda Seylac.

“Damaca Itoobiya ay badeena ku dooneyso waa qarniyo jirsaday, 136 sano ayaa ka soo wareegtay markii ay Talyaaniga weydiisanayeen badeena Seylac,” ayuu warkiisa ku bilaabay wasiir Seed.

Wuxuu ka hadlay saxiixii badda ee Muuse Biixi wuxuuna yiri, “Waxaa Madaxweyne Muuse Biixi laga rebay inuu talada badsado oo aqoonyahanada isugu yeero, hadii talada la badiyo waxaa la ogaan lahaa in Itoobiya ay dooneyso bad ay xoog ku qaadaneyso, oo ay aaminsan tahay in dhul iyada ka maqan uu yahay.”

Sidoo kale wasiir Seed wuxuu sheegay inuu helay waraaqado hore oo dhex maray Talyaaniga iyo Boqolkii Itoobiya hal qarni ka hor, kuwaas oo ay ku cadahay in Itoobiya ay aaminsan tahay in Seylac ay iyadu leedahay, balse Talyaanigii aysan u suurta gelin inuu ku wareejiyo.

“Gobolka Awdal ee saldhigga loo saxiixay Itoobiya uu ku yaalo waxaa metela madaxweyne ku xigeenka Somaliland, waxaana muuqata in madaxweynuhu uusan talada waxaba ka siin, wasiirkii gaashaandhigga ee gobolkaas ka soo jeedana waakii is casilay oo banaanka ka istaagay arrintaan,” ayuu yiri Wasiirka caawa la xiray.

Wuxuu sheegay in Abiy Axmed uusan soo hindisin damaca badda ee Itoobiya ay ka leedahay dalkaan, isla markaana uu yahay damac soo jireen ah, “waxay qarni ka hor sheegeen Itoobiyaanku in badda Seylac ay ayagu leeyihiin, Cigaal oo reer Somaliland ahaa iyo odayaashii dhaqanka xiligaas oo dhul Itoobiya naga heysatay raadinayey ayaa loogu jawaabay, kan iska daays Seylac ayaa naga maqan,” ayuu yiri Axmed Muumin Seed.

Ninkaan ayaa dadka Soomalaiyeed u cadeeyey in Itoobiya aysan dooneyn deked ay maalgashato ee badda ay dhaceyso, isagoo dadka uu ka soo jeedo ee degan gobolka Awdal ugu baaqay inay difaacdaan dhulkooda.

Somaliland oo ka carootay hadalka Wasiir Hore Axmed Muumin Seed, ayaa caawa cabsiga dhigtay, waxaana soo xiray ciidamada amniga, horay masuuliyiin badan oo wasiirradii ganacsiga iyo gaashaandhigga ay ku jiraan ayaa isku casilay iyagoo diidan qorshaha Muuse Biixi uu ku saxiixay badda.

Hoos ka daawo wareysiga lagu xiray Axmed Muumin Seed

Daawo: R/Wasaare Xamza oo MUUSE BIIXI ku macneeyey talo xumadii FIRCOON

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta si adag ugu hanjabtay dowladda Itoobiya, isagoo farriin culus u diray shacabka ku nool deegaanada Somaliland, halka weerar culus uu ku qaaday madaxda Somaliland oo Muuse Biixi uu ugu sareeyo.

Xamsa Cabdi Barre ayaa ugu baaqay walaalaha Soomaaliyeed ee gobollada Waqooyi ee Somaliland inay u istaagaan difaaca dalka meel kasta oo ay joogaan, isagoo uga mahadceliyay sida geesinimada, run sheegga, waddaniyadda iyo Soomaalinimada leh ee ay uga dhiidhiyeen damadac Itoobiya.

“Dadka Soomaaliyeed ee waqooyiga Soomaaliya degan ee Somaliland, waxaan leeyahay 30 sano ka hor ayey dhaanka idiin rareen odayaasha idin hoggaamiya, ilaa hadda meel ay idin geeyaan ayey la’yihiin, been ayey idiin sheegeen walaalihiin Soomaaliyeedna waa idinka jareen,” ayuu yiri Xamza Cabdi Barre.

R/Wasaaraha ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabad lagu xusayay sanad guuradii 25-aad ee aasaaska dalladda waxbarashada FPENS, sidoo kale wuxuu balan qaaday in Xukuumadda DanQaran ay ahmiyad weyn sii doonto horumarinta waxbarashada dalka.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa aad u weeraray madaxda Somaliland isagoo sheegay inay Oromo sheegteen iyagoo ka cararaya Soomaalida walaalahood ah, “Oromo nagaa, ayey idin geeyeen 30 sano kadib, jinsiyadii ayey idinkaga dheeleen, dhulkiiniina waa dhiibeen,” ayuu yiri Xamsa oo maanta farriintaan u diray shacabka gobollada waqooyi.

“Dhulkii aad diidi jirteen in gumeystihii ilmihiisa ay ku dhashaan, Addis Ababa ayuu Muuse Biixi Xabashi ugu saxiixay, Muuse siduu u sii waday reerkiisa Oromo ayuu dalaq siiyey.”

Xamza oo soo daliishay Aayad Qur’aan ah ayaa sheegay in Fircoon uu hadda ka hor halaag ku hoggaamiyey dadkii qaadan jiray amaradiisa ee hoggaanka uu u hayey, hadana Muuse Biixi uu dadkiisii qiimaha badnaa Xabashi ku daray, sida uu hadalkiisa u dhigay.

“Shacabka Somaliland waxaan leeyahay waxaa la soo gaaray meeshii aad uga hari laheydeen odayaasha idin hoggaamiya,” ayuu yiri Xamza.

Sidoo kale R/Wasaaraha ayaa shacabka gobollada waqooyi uga mahad celiyey sida ay u diideen in dhulkooda la bixiyo, “Inta yar ee wali lasii qaldayo waxaan leeyahay odayaashaan isaga hara meesha ay idin gaarsiiyeen waad aragtaane, shacabow dalka idinkaa masuul ka ah ee difaacda, waa fashilmeen kuwii aad talada u dhiibateen,” ayuu yiri.

Dhinaca kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu Itoobiyaanka uga digay damaca ay ku raadinayaan dhul Soomaaliyeed, wuxuu u cadeeyey intaasi aysan dhici doonin, isagoo wacad ku maray in sharciga hadii ay soo dhaafay ay Soomaalidu gacan ula tegi doonto Itoobiya.

Hoos ka daawo

Dalkii ugu horreeyay oo ku gacan sayray shirka IGAD ay ku baaqday ee xiisadda badda

0

Khartoum (Caasimada Online) – Dowladda Sudan ee ay ciidamadu maamulaan ayaa diiday casuumaad la xiriirta in ay ka qeyb-galaan shir madaxeedka dalalka IGAD oo ka dhacaya dalka Uganda.

Shirkaan ayaa waxaa dhawaan iclaamiyay madaxweynaha dalka Jabuuti oo ah Guddoomiyaha Urur Goboleedka IGAD, isaga oo markaas ku baaqay in shir deg-deg ah oo looga hadlayo damaca guracan ee Itoobiya iyo jawaabta ay ka bixisay Soomaaliya.

Shirkaan oo ka dhici doona 18-ka bishaan dalka Udanda ayaa qorshuhu yahay in looga jawaabo baaqii Soomaaliya ee ahaa in wadamada IGAD kulan ay ka yeeshaan damaca Itoobiya, hase yeeshe dowladda Sudan ee ciidamadu maamulaan ayaa ka qeyb-gali doonin, halka garabka ay is-hayaan ee RSF uu sheegay in uu ka qeyb-gali doono shirkaasi.

IGAD ayaa marar badan isku dayday inay dhex-dhexaadiso Generaalada isku haya Sudan, hase yeeshe waxaa taasi ka caga jiiday dowladda Burhaan.

Shirka loo madlan yahay 18-ka bishaan ayaa imanaya xilli dowladda Soomaaliya ay diblomaasiyadda uga adkaatay Itoobiya, ayada oo dalalka ugu muhiimsan caalamka uga digeen Itoobiya damacaan guracan ee badda Soomaaliya ay ku dooneyso.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale horey u soo saartay qaraar ay uga hortimid heshiiskaas, ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh uu saxiixay sharci Baarlamaani ah oo burinaya is-afgaradka Itoobiya iyo Somaliland.

Si kastaba, Dowladda Jabuuti ayaa u muuqata inay door fir-fircoon ka qaadaneyso sidii loo dejin lahaa xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya oo xubno muhiima ka ah ururkaan IGAD.

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dhuusamareeb u tegay dhameystirka…

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey masuuliyiin uu horkacayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor-Qoor iyo xubno ka tirsan goleyaasha dowladda.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Galmudug ayaa la xariira dhammeystirka howl-galka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda deegaannada Galmudug.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa inta uu joogo Dhuusamareeb kulamo la qaadan doona madaxda Galmudug iyo qaybaha kala duwna ee bulshada ku dhaqan maamulkaasi.

Gobollada dhexe ayaa waxaa weli ka socda howl-gallo dhul bllaaran looga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaa Xoogga dalka iyo dadka deegaanka.

Madaxweynaha dowladda federaalka ayaa horay muddo laba bilood ah ugu sugnaa Dhuusamareeb oo uu ka hoggaaminayay dagaalka ay dowladdiisa kula jirto Shabaab.

Howl-galladan ayaa qaatay muddo ka badan sanad, waxaana haatan qorshuhu yahay in la bilaabo wajiga labaad oo ku wajahan Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

DF Soomaaliya oo u ordeysa jago sare oo Midowga Afrika ah iyo musharaxa ay wadato

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay inay qeyb ka tahay dowladaha u ordaya jagada Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika.

Xilkaan oo ah mid meerto ah, islamarkaana qofka ku guuleysta uu joogo illaa saddex sano ayaa waxaa kalkaan dowladda Soomaaliya ku mateli doona tartankaasi Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadam, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda.

“Iyadoo laga duulayo qorshaha dowladda Soomaaliyeed ee xoojinta doorka aan ku leennahay Ururada Caalamiga iyo kuwa Gobolka, ayaa waxaa Xildhibaan Fawzia Yusuf Haji Adam, ay ku matali doontaa dowladda Soomaaliya tartanka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (African Union Commission) ee Sanadaha 2025-2028,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeen hore, Fawsiya Xaaji Aadan oo hadda ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, aheyd gabadha kaliya ee ka qeyb-gashay doorashadii ugu dambeysay madaxweynaha Soomaaliya ayaa dowladda Soomaaliya uga qeyb-galeysa tartankaasi.

Soomaaliya oo xilligaan dadaal badan ku bixineysa sidii ay u xoojin laheyd dadaalka diblumaasiyadeed ee saaxiibaada caalamka, ayada oo daba-yaqaadii sanadkii tegay ee 2023-ka ku guuleysatay in Waare xil sare looga magacaabo urur-goboleedka IGAD.

Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle ayaa markaas noqday ku-xigeenka xoghayaha guud ee ururka IGAD oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay. Magacaabistaas ayey xilligaas dowladda ku tilmaamtay mid sare usii qaadeysa sumcadda iyo maqaamka guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

Si kastaba, Midowga Afrika ayaa waxaa la sheega in ay galaan-gal fiican ku dhex leedahay Itoobiya, oo xilligaan ay xiisad xooggan kala dhaxeyso Soomaaliya, ayada oo dhawaan uu ururka ka indho qarsaday damaca Itoobiya.

Ururka marnaba sooma hadal qaadin xad-gudubka loo gaystay Soomaaliya oo ka hortimid heshiiska badda ee ay wada galeen Somaliland iyo Itoobiya.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat oo qoraal kasoo saaray xiisadda ayaa si isku mid ah ula hadlay Soomaaliya iyo Itoobiya, isaga oo sheegay inuu is dhow ula socdo xiisadda ka dhalatay heshiiskii kowdii bishaan lagu gaaray magaalada Addis Ababa.

“Guddoomiyaha wuxuu ku baaqay in la muujiyo degnaansho iyo istix-gelin ka timaada labada dhinacba, si loo yareeyo xiisadaha ka dhextaagan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Itoobiya” ayuu yiri guddoomiye Moussa Faki Mahamat.

Xiisadda ka dhalatay heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya ayaa kusii fideysa gobolka, ayada oo dowladda Soomaaliya ay taageero caalami ah u heshay mowqifkeeda damaca Itoobiya ee helitaanka qeybo kamid ah badda Soomaaliya.

Somaliland oo aan ictiraaf haysan ma bixin kartaa dhul la aqoonsan yahay?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Mid kamid ah waxyaabaha nuxurka tiray heshiiskii Abiy Axmed iyo Muuse Biixi Cabdi oo Itoobiyaana culeyska kusii badiyay waa inuu heshiiska cadeynayo in aanay Somaliland aheyn maamul la aqoonsan yahay, oo ay xitaa cidda heshiiska la galeysa oo ah Itoobiya aanay aqoonsaneyn.

Inkasta oo weli dhul Soomaaliyeed uu jiro dhanka Itoobiya oo ay tahay inay Soomaalida ka doodo, haddana baddaha Soomaaliya dhamaan waa la aqoonsan yahay marka la raaco xadkii isticmaarka.

Itoobiya dhul iyo dad Soomaaliyeed ayay weli haysata, kuwaasi oo aan illaa hadda go’aan laga gaarin laakiin baddaha Soomaaliya waxay ku jiraan gudaha Jamhuuriyaddii xorowday 1960-kii.

Sharci-yaqaannada qaar waxay leeyihiin waxaa halis ahaan laheyd haddii Itoobiya ay dhowr sano kahor aqoonsan laheyd Somaliland kadibna olole uga sameyn laheyd dhowr waddan kadibna ay xilligaan heshiis la gali laheyd.

Inkasta oo taas laftigeeda aanay Soomaaliya aqbali laheyn oo ay ahaan laheyd duulaan lagu soo qaaday midnimada, haddana ugu yaraan heshiisku weji kale ayuu yeelan lahaa ayey leeyihiin xeel-dheerayaashu.

Dhowr waddan oo la sheegay inay Itoobiya garab siyaasadeed weydiisatay tan iyo markii ay soo baxday qaddiyadan ayaa dhamaan dib u gurtay, iyaga oo sheegay in aanay aqoonin sida ay u dhigaan ama u taageeraan heshiis u dhaxeeya Itoobiya iyo gobol aan la aqoonsaneyn oo kamid ah Soomaaliya.

Addis Ababa hadda waxay raadineysa qaab kale oo ay u dhihi karto mowduucan, maadaama fal-celinta Soomaalida iyo midda beesha caalamka ay niyad jabisay.

Mowduuca aqoonsi la’aanta Somaliland ayaa sidoo kale kamid ah waxyaabaha mucaaradka Abiy Axmed u saamaxay inay xukuumadiisa ku eedeeyaan been abuur iyo indho-sarcaadin lagu sameeynayo shacabka Itoobiyaanka ah oo ku jira xilli adag oo ay u baahan yihiin xal siyaasadeed.

Somaliland lama aqoonsana laakiin baddaha Soomaaliya waa la aqoonsan yahay, sidaas darteed maamul aan la aqoonsaneyn ma bixin karo dhul la aqoonsan yahay. 14 cisho kadib markii heshiiska la saxiixay illaa hadda ra’iisul wasaare Abiy Axmed ma uusan ka hadlin mowduucan.

Sababaha aamusnaantiisa waxay warbaahinta Geeska Afrika ku sheegaysa inuu la yaaban yahay sida ay arrintu uga gadmi la’dahay gudaha Itoobiyaanka, dalalka ku yaalla Geeska Afrika, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Mareykanka, Midowga Afrika iyo xitaa dalalka ku jira urur-goboleedka IGAD.

Dowladda federaalka Soomaaliya oo ku adkaatay siyaasadda arrimaha dibadda ayaa la sheegaya inay diyaarineyso qorshaheeda labaad, haddii ay Itoobiya isku deydo inay xoog ku timaado halka uu dhawaan u calaamadiyay Muuse Biixi Cabdi.

Sawirro: Xasan oo maanta aqoonsiga ka guddoomay 4 safiir + Dalalka ay ka socdaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka, Hindiya, Japan, Czech iyo Ururka Jaamacadda Carabta.

Safiirrada cusub oo dhawaan loo soo magacaabay Soomaaliya ayaa kala ah; Marwo Namgya Choden, Mudane Okaniwa Ken, Miroslav Kosek iyo Mudane Abdullahi Mutlaq Al Otabi.

Danjireyaasha ayaa Madaxweyne Xasan la wadaagay farriimo ay ka sideen Boqorrada iyo hoggaanka dalalkooda, iyaga oo soo bandhigay dadaalka ay ku bixin doonaan adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ay la wadaagaan dowlada iyo shacab ka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha iyo Danjireyaasha ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay dowladda federaalka Soomaaliya la leeyihiin dowladaha ay ka socdaan ee Hindiya, Japan, Czech iyo Ururka Jaamacadda Carabta

Sidoo kale madaxweynaha ayaa waxa uu xusay ahmiyadda ay leedahay in ay xoojiyaan garab istaagga dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda, si guul looga gaaro dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Danjireyaasha u sheegay in ay soo dhoweyn iyo wada-shaqayn wanaagsan kala kulmayaan shacabka Soomaaliyeed, dowladda federaalka Soomaaliya-na ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblomaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Mas’uuliyiin musuq-maasuq loo haysto oo maxkamad lagu soo taagay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir ayaa maanta la horgeeyey masuuliyiin loo haysto musuq-maasuq.

Eedaysanayaasha loo haysto musuq-maasuqa ee la horgeeyay ayaa waxay iskugu jiraan saraakiil kala tirsan Wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe, una fadhiyey Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Saraakiishan ayaa waxa hore xukuno kala duwan ugu soo riday maxkamadda gobolka Banaadir, balse waxaa ka horyimid go’aankaasi xafiiska Xeer ilaalinta oo ka qaatay rafcaan.

Xeer Ilaalinta ayaa markaas ku qancin xukunadda maxkamadda ka gaartay masuuliyiinta dowladeed ee uu horay xafiiska ugu soo eedeeyay xatooyo dadweyne, taasi oo keentay in la isla aado Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Banaadir.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa horey xukunno kala duwan ku ridday illaa 11 sarkaal oo loo haystay masuq-maasuq, kuwaasi oo muddooyinkii u dambeeyay maxkamadeyntooda ay ka socotay magaalada Muqdisho.

Raggaas oo isugu jiray agaasimeyaal, madax waaxeedyo iyo shaqaale ayaa ka kala tirsanaa wasaaradda maaliyadda, wasaarada shaqada, bangiga dhexe iyo hay’adda socdaalka.

Guddoomiye Saalax Dabaan ayaa xilligaasi ku dhowaaqay xukunka lagu ridday raggan, ayada oo qaarkood lagu waayay dambiga lagu soo eedeeyay.

Mas’uuliyiinta dib loogu celiyay xoriyadooda ayaa waxaa kamid ahaa Cabdullaahi Maxamed Cali iyo Maxamed Cadde Mukhtaar oo labaduba ah agaasimeyaashii hore ee wasaaradda shaqada.

Dowladda Soomaaliya oo go’aan culus ka qaadatay xadgudubka ITOOBIYA

0

Muqdishom (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa mar kale war cusub kasoo saartay heshiiska badda ee ay kowdii bishaan magaalada Addis Ababa ku gaareen maamulka Somaliland iyo Itoobiya, waxayna hadda qaadatay go’aan aad u culus.

Xuseen Macallin oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inay go’aan ku gaareen in dagaal lala galo Itoobiya, haddii aysan ka laaban heshiiska ay la gashay Somaliland, kaas oo xadudub ku ah qaranimada Soomaaliya.

La-taliyaha oo wareysig gaar ah siiyay Wargeyska The Guardian ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaadeyso tallaabo kasta oo looga horetgayo fulinta heshiiskaasi.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray dowladda Itoobiya oo uu ugu baaqay inay ka fiirsato waxa ka dhalan karo heshiiska Muuse Biixi Cabdi iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

“Waxaan raadineynaa dhammaan fursadaha diblomaasiyadeed, waxaana filayaa in Itoobiya ay soo noqon doonto maskaxdeeda, laakiin waxaan diyaar u nahay dagaal haddii Abiy Ahmed uu rabo dagaal.” ayuu ku yiri wareysiga uu siiyay Wargeyska The Guardian.

Somaliland iyo Itoobiya ayaa kowdii bishan heshiis is-afgarad ku gaaray Addis Ababa, kaasi oo Somaliland ku beddelatay in Itoobiya ay Somaliland u aqoonsato dal madax-banaan.

Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay siineyso Itoobiya dhul-badeed dhan 20 km oo ay degaan ciidankooda badda, kaasi oo uu sheegay inuu yahay kiro.

Heshiiska ay Addis Ababa ku gaareen Abiy Ahmed iyo Muuse Biixi Cabdi ayaa la kulmay dhalleeceyn xooggan, maadaama uu yahay mid masiiri ah oo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Dowladda federaalka oo si weyn caroortay heshiiska labada dhinac ayaa soo saartay go’aanno culus, sidoo kalen waxay garab istaag buuxa ka heshay dowladdo waa weyn, sida Mareykanka, Ingiriiska, Turkiga, Sacuudiga, Masar, intaa waxaa usii dheer ururada sida IGAD, Midowga Afrika, ururka Islaamka, ururka Carabta iyo ururka Midowga Yurub.

Daawo: Itoobiya oo qiratay culays soo wajahay kadib heshiiskii Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Itoobiya ayaa markii u horreysay qiratay culays xoogleh oo kasoo wajahay dhanka Soomaaliya, kaas oo ka dhashay heshiiskii is-afgaradka lagu sheegay ee ay dhowaan la gashay maamulka Somaaliland.

Faysal Rooble oo ah aqoonyahan falanqeeya arrimaha gobolka ayaa sheegay in Soomaaliya ay guul weyn kasoo hoysay dhinaca diblomaasiyadda, ayna heshay taageero weyn.

“Natiijada ugu muhiimsan waxaa weeye in dalal badan ay si dal ahaan arrintan Soomaaliya ku garab istaageen, Mareykanka ha noqoto, Ingiriiska, Sacuudiga iyo kuwa kale oo badan intaa waxaa dheer ururada sida IGAD, Midowga Afrika, ururka Islaamka, ururka Carabta iyo ururka Midowga Yurub intuba inay Soomaaliya is garab taageen” ayuu yiri Faysal Rooble.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Haddii uu garab istaaggu yahay wax weyn oo la tirsan karo maanta guushaas Soomaaliya waa ay haysataa”.

Aqoonyahan Faysal Rooble ayaa xusay in arrintan ay culays ku keentay dowladda Itoobiya ayna qireen ra’iisul wasaare ku xigeenka iyo madaxwweynaha dalkaasi Sahle-Work Zewde.

“Waxaa markii ugu horreysay uu qirtay ra’iisul wasaare ku xigeenka, isla markaana ah wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya in culays badan saaran yahay xagga adduunka, siyaasadda iyo arrimaha ku geedaaman inuu qirasho ka sameeyay in culays xoogan uu saaran yahay” ayuu mar kale wareysiga ku yiri falanqeeye Faysal Rooble.

Sidoo kale wuxuu yiri”Waxaa kale oo iyana saas oo kale culayskaas u qiratay Soomaaliya kusoo wajahday dowladda Itoobiya madaxweynaha dalkaas marwo Sahle-Work Zewde”.

Faysal Rooble ayaa hoosta ka xariiqay in guushan ay ku timid dadaalka ay sameysay dowladda federaalka, kaas oo culays dhanka dibadda ah u horseeday dowladda Itoobiya.

“Ololihii ay dowladdu gashay natiijadeeda waynu aragnaa, maadaama ay Itoobiya qiratay inuu culays wayn saaran yahay” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.