25.3 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

Muwaadin Soomaali ah oo u dagaalamayay Ruushka oo lagu qabtay Ukraine

0

Kyv (Caasimada Online) –  Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Ukraine ayaa sheegtay inay nolosha ku qabatay koox calooshood u shaqeysatayaal ah oo ka barbar dagaalamayay ciidanka Ruushka.

Ragga nolosha lagu qabtay ayaa waxaa kamid noqday muwaadin Soomaali ah oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Adiila, sida ay warisay warbaainta Ukraine.

Ninkan Soomaaliga ah iyo ragga kale ayaa la qabtay, iyaga oo ka dagaalamayay dhanka magaalada Maryinka ee gobolka Donetsk, sida warbixinta lagu sheegay.

Maxamed Adiila ayaa si gaar ah uga tirsanaa guutada saddexaad ee milatariga Ruushka ee haatan dagaalka adag kula jira ciidamada dowladda Ukraine.

Sidoo kale wuxuu haystay baasaboorka Soomaaliya, sida ay muujinayaan caddeymaha la helay iyo xogta ku saabsan ninkaas ee ay baahisay warbaahinta dowladda Ukraine.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Maxamed Adiilka uu dagaalka ku biiray dhammaadka sanadkii hore ee 2023-kii, mana haysan wax khibrad dagaal ah, balse waxaa sababta lagu sheegay in la siinayay lacag, si uu ugu dagaalamo dowladda Ruushka.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa, ayada oo horay Ruushka loogu eedeeyay inuu si qasab ah ku askareeyay dhalinyaro Soomaali ah oo ku dhibaateysnaa dalalka Ruushka, Belarus iyo Poland.

Mid kamid ah ardayda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Belarus, isla markaana horay wareysi u bixiyay ayaa faahfaahiyay, sida dhalinyaradaasi qasabka loogu qoray.

“Waxaa jira dhalinyaro siddeed qofood ah oo ciidanka waddanka Ruushka lagu daray oo la rabo inay u dagaalamaan oo Ukraine loo gudbinaayo” ayuu xilligaas yiri ardaygu.

Inta badan calooshood u shaqeystayaal kasoo jeeda Qaaradda Afrika ayaa la geeyaa furimaha dagaalka ee Ukraine, halkaas oo uu duulaan culus ku qaaday Ruushka.

Ciyaartoyda K/Galbeed oo isaga tegay Xamar + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciyaartoyda xulka kubadda cagta maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa gebi ahaan isaga tegay magaalada Muqdisho, kadib markii Jimcihii lasoo dhaafay lagu weeraray garoonka Stadium Muqdisho, xilli ay soo dhammaatay ciyaar ay la lahaayeen dhiggooda Galmudug, taas oo iyaga loo adkaaday saddex iyo waxba.

Ciyaariyahannada ayaa saaka subax basas looga qaaday hoteelkii ay daganaayeen, kadibna waxaa la geeyay garoonka Aadan Cadde oo ay diyaarad uga sii raacayaan Baydhaba.

Dadaallo dheeraad ah oo la sameeyay, si loo qanciyo xulka Koonfur Galbeed ayaa ugu dambeyn fashil kusoo dhammaaday, waxayna ugu dambeyn ka baxeen ciyaarihii socday.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, wasiirka dhalinyarada iyo taliyaha NISA ayaa shalay booqasho ugu tegay ciyaartoyda Koonfur Galbeed, ayaga oo raalligeliyay, balse waxay arrintaas u cuntami weysay xulka Koonfur Galbeed oo maanta isaga tegay Muqdisho.

Arrintan ayaa sidoo kale isku beddashay siyaasad, waxaana kusoo biiray xildhibaanada dowladda Soomaaliya ku metala dowladda federaalka oo isla markiinka mooshin ka gudubiyay wasiirkada dhalinyarada iyo ciyaaraha, Maxamed Barre Maxamuud.

“Falkaas dhacay oo la gabay amnigii la rabay in la ilaaliyo waa inoo qof u baxaa mooshin ayaan hadda gudbinay oo wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha saacadaha soo socda ayaa gaarsiineynaa guddoonka wuu qoran yahay mooshinka” ayuu yiri Xildhinaan Jilley.

Waxaa kale oo uu kusii daray ““Saas oo kale kuwa amniga qaabilsan iyagana mooshinka ayaan marsiineynaa wasaaradda amniga ayayna hoos yimaadaan”.

Falka lagula dhaqaaqay xulka Koonfur Galbeed ayaa sabay dhaawac soo gaaray qaar kamid ah ciyaartoyda iyo burburinta baabuurkii ay la socdeen, taas oo dhalisay caro xoogan.

Waa markii labaad oo la weerarayo xulka Koonfur Galbeed, waxayna ahayd 2020-kii markii sidaan oo kale loo weeraray xilli ay kasoo baxeen ciyaarta, taas oo dhalisay tuhun xoogan.

Dagaal lagu jabiyay Shabaab oo ka dhacay BAKOOL

0

Waajid (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool, kaas oo jab xoogan lagu gaarsiiyay dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ku yaalla duleedka degmadaasi, waxaana kadib xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay xoogagii weerarka qaaday iyo ciidamada joogay halkaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado, isla markaana la’isku adeegsaday hub culus, kaas oo dhaliyay khasaare xoogan.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo ka hadlay weerarka lagu soo qaaday ayaa sheegay inay iska difaaceen, isla markaana ay jabiyeen xubnihii Al-Shabaab ee soo duulay.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in dagaalka ay ku dileen ugu yaraan 5 xubnood, ayna gacanta ku dhigeen dhaawac kale, kuwaas oo ay sheegeen inay soo bandhigi doonaan.

Al-Shabaab ayaa dhankeeda guul ka sheegatay dagaalkaasi, waxayna shaacisay in weerar ay ku beegsatay saldhig ku yaalla Waajid, balse ma shaacin inta uu la’egyahay khasaaraha.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana goobaha lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed oo howlgallo ka wada halkaasi.

Waajid ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay weeraro ku hayay Shabaab oo todobaadkii hore beegsaday saldhig ay degmadaas ku leeyihiin ciidanka Itoobiya ee qayta ka ah ATMIS.

Baay iyo Bakool ayaa waxaa dhowaan la filayaa inuu ka billowdo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga saaro guud ahaan deegaanada Koonfur Galbeed.

Xog: Xasan oo ku wajahan Dhuusamareeb + Ujeedka

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta kusii jeeda magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Qaban-qaabada soo dhaweynta madaxweynaha ayaa haatan ka socota Dhuusamareeb, halkaas oo ay diyaar ku yimiid mas’uuliyiin iyo boqolaal dadweyne ah.

Sidoo kale ammaanka ayaa loo adkeeyay, ayada oo ciidamo dheeraad ah lasoo dhoobay aagga garoonka iyo gudaha magaaladaasi, si ay sugaan amniga madaxweynaha dalka.

Ujeedka safarka madaxweyne Xasane Sheekh ayaa la xiriira si uu halkaas uga sii amba qaadi lahaa gulufka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda halkaasi.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa inta uu joogo Dhuusamareeb kulamo la qaadan doono madaxda Galmudug iyo qaybaha kala duwna ee bulshada ku dhaqan maamulkaasi.

Gobollada dhexe ayaa waxaa weli ka socda howlgallo dhul bllaaran looga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaa Xoogga dalka iyo dadka deegaanka.

Madaxweynaha dowladda federaalka ayaa horay muddo laba bilood ah ugu sugnaa Dhuusamareeb oo uu ka hoggaaminayay dagaalka ay dowladdiisa kula jirto Shabaab.

Howlgalladan ayaa qaatay muddo ka badan sanad, waxaana haatan qorshuhu yahay in la bilaabo wajiga labaad oo ku wajahan Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ciidan kasoo horjeeda Deni oo la wareegay Kontoroolka laga galo magaalada Garoowe

0

Garowe (Caasimada Online) – Ciidamada Danab ee Puntland oo kasoo horjeeda dib u doorashada madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni ayaa xalay la wareegay koontaroolka koofureed ee magaalada Garowe laga soo galo.

Saraakiisha hogaaminaysa ciidamada la wareegay controlka oo Kornayl Jimcaale Takar uu ka mid yahay ayaa horay uga soo hor jeestay doorashadii Garowe ka dhacay 8-dii bishan Janaayo.

Ciidamadaan oo ka soo horjeeda in magaalada Garowe lagu qabto caleemo saarka madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa caawa shaaciyey inay qabsadeen koontoolkii ugu muhiimsanaa ee laga soo gelayey magaalada.

Lama oga ilaa hadda talaabadan ay ciidanada gadoodsan qaadeen inay wax ka ogyihiin siyaasiyiinta mucaaradka ah ee looga adkaaday doorashadii madaxweynaha Puntland.

Dhinaca kale dowlad goboleedka ilaa hadda kama aysan hadal talaabadan ay qaadeen ciidamadan gadoodsan ee Danab-ta ka howlgasha Puntland.

Xaaladda aagga koontrolkaasi uu ku yaalo ayaa caawa cabsi ah, waxaana laga baqayaa in Puntland ay adeegsato awood ciidan, si maamulka Controlka ay u soo ceshato.

Dhankooda Isimada dhaqanka Puntland oo inta badan xaliya xiisadahaan oo kale ayaan weli ku soo bixin arrintaan ka soo cusboonaatay Garowe oo ah caasimadda Puntland.

Dhawaan waxaa lagu wadaa in magaaladaas lagu qabto caleemo saarka madaxweynaha Puntland oo 8-dii bishaan dib loo doortay, Deni ayaa tartankii doorashada uga adkaaday 10 musharax oo kale.

Musharaxiintii laga guuleystay qaar oo Xasan Shire Abgaal uu ku jiro ayaa muujiyey in aysan ku qanacsaneyn hanaankii loo maamulay doorashada, waxayna aaminsan yihiin in Saciid Deni uu siduu rabay u maamushay doorashada.

 

Sawirro: Duqa Muqdisho iyo hay’adaha amniga oo kulan ka yeeshay dhibaatadii shalay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Laamaha Amniga Gobolka Banaadir, si wax la isaga weydiiyo dhibaatadii shalay loo geystay Cayaartoyda Koonfur Galbeed.

Shalay Makhribkii markii ay soo dhamaatay cayaartii Galmudug ay kaga badisay Koonfur Galbeed, taageerayaal careysan ayaa Muqdisho ku weeraray ciyaartoyda K/Galbeed, waxaana halkaas lagu dhaawacay lix ka mid ah, labo wiil ayaa la sheegay inay qabaan dhaawacyo culus.

Kulankaas ayaa looga hadlay sugida amniga xulalka ka qeybgalaya tartanka ciyaaraha maamul goboleedyada dalka, bad-qabka muwaadiniinta u daawasho taga cayaaraha iyo in si guud xil la isaga saaro sugida amniga Caasimadda.

Duqa Muqdisho ayaa masuuliyiinta amniga faray in falkii shalay dhacay mid lamid ah uusan soo laaban, isla markaana masuuliyad dheeraad ah la iska saaro sugidda amniga ciyaartoyda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in laamaha amniga uu waajib ka saaran yahay sugida Amniga muwaadinka Soomaaliyeed, asigoona dhinaca kale xusay in ciyaaruhu ay yihiin isdhexgal bulsho, taageerayaashana looga baahan yahay in ay dhowraan anshaxa cayaaraha.

Caro xoog leh ayaa ka dhalatay weerarkii shalay lagu qaaday ciyaartoyda K/Galbeed, waxayna Koonfur Galbeed ka hartay tartanka ciyaaraha ee ka socda Muqdisho.

Xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ku metela deegaanada Koonfur Galbeed ayaa caawa la hadlay warbaahinta, iyagoo shaaciyey go’aan ay ku soo gaareen shirarkii Muqdisho uga socday xalay ilaa maanta.

Shalay Makhribkii markii ay soo dhamaatay cayaartii Galmudug ay kaga badisay Koonfur Galbeed, taageerayaal careysan ayaa Muqdisho ku weeraray ciyaartoyda K/Galbeed, waxaana halkaas lagu dhaawacay lix ka mid ah, labo wiil ayaa la sheegay inay qabaan dhaawacyo culus.

Xildhibaanada metela K/Galbeed oo caawa mid mid warbaahinta ula hadlay markii ay kulamadoodu u soo dhamaadeen ayaa sheegay inay diyaariyeen Mooshin ay ka dhan ah weerarkii lagu qaaday ciyaartoyda Koonfur Galbeed.

Xildhibaanada ayaa mooshinkaas ka geynaya masuuliyiinta hey’adaha amniga iyo wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha, iyagoo sheegay in Mooshinkaas ay baarlamaanka geynayaan maalinta Isniinta ah ee todobaadkaan.

Xildhibaano mooshin ka gudbiyey wasiir iyo hay’adaha amniga dowladda (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ku metela deegaanada Koonfur Galbeed ayaa caawa la hadlay warbaahinta, iyagoo shaaciyey go’aan ay ku soo gaareen shirarkii Muqdisho uga socday xalay ilaa maanta.

Shalay Makhribkii markii ay soo dhamaatay cayaartii Galmudug ay kaga badisay Koonfur Galbeed, taageerayaal careysan ayaa Muqdisho ku weeraray ciyaartoyda K/Galbeed, waxaana halkaas lagu dhaawacay lix ka mid ah, labo wiil ayaa la sheegay inay qabaan dhaawacyo culus.

Xildhibaanada metela K/Galbeed oo caawa mid mid warbaahinta ula hadlay markii ay kulamadoodu u soo dhamaadeen ayaa sheegay inay diyaariyeen Mooshin ay ka dhan ah weerarkii lagu qaaday ciyaartoyda Koonfur Galbeed.

Xildhibaanada ayaa mooshinkaas ka geynaya masuuliyiinta hey’adaha amniga iyo wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha, iyagoo sheegay in Mooshinkaas ay baarlamaanka geynayaan maalinta Isniinta ah ee todobaadkaan.

“Hey’adaha Amniga iyo Wasaarada Ciyaaraha Mooshin ayaan ka gudbinay, maalinta Isniinta ayaa Baarlamaanka la horgeyn doonaa, markii aan shirnay waxaa noo soo baxday in qolada amniga inay qaataan masuuliyada dhibkii dhacay ay lagama maarmaan tahay, wasiirkana waxaan ku heysanaa isagaa dayacay ciyaartoyda,” ayuu yiri Xildhibaan Murjaan oo ka mid ah xubnihii hadlay.

Xildhibaanada qaar ayaa eedeyn culus kala duldhacay shacabka Muqdisho, waxay sheegeen in Koonfur Galbeed si gaar ah loo beegsaday sanadkii labadaas, isla markaana Stadium Muqdisho uu noqday garoon qabiil, sida ay hadalkooda u dhigeen.

“Tan wax la isaga hari doono maaha, wiilashii berri waan direynaa oo Baydhaba ayey ku laabanayaan, sidaas ayaana uga baxnay ciyaaraha Muqdisho ka socda, anaguna waxaan la xisaabtami doonaa hey’adaha amniga iyo wasiirka dhalinyarada, tan la isaga hari maayo,” ayuu yiri Xildhibaan Murjaan.

Sidoo kale xildhibaanadaan waxay sheegeen in go’aanka looga harayo ciyaaraha ka socda Muqdisho uu la qaatay madaxweynaha maamulka K/Galbeed, iyagoo ku goodiyey in go’aankaas aysan ka laaba doonin reer Koonfur Galbeed.

Hoos ka daawo

Dowladda Ukraine oo war culus ka soo saartay afar qof oo Shabaab u gacan galay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Ukraine ayaa qiratay in afar qof oo muwaasiniin u dhashay dalkaas ay u gacan galeen kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya, dadkaas ayaa la xaqiijiyey in weli ay nool yihiin.

4-ta qof ee Ukraine u dhashay waxay ka mid ahaayeen lix qof Shabaab u gacan gashay kadib markii diyaarad ay saaraayeen ay ku degtay deegaan lagu magacaabo Xiindheere oo ay maamulaan ururka Al-Shabaab.

War kooban oo ka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee Ukraine ayaa lagu sheegay in la xaqiijiyey in muwaadiniinyoodii ay ku dhaceen gacanta Al-Shabaab.

“Muwaadiniinteenu waxay kamid ahaayeen shaqaalaha diyaarad u hawlgalaysay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Jinsiyadooda waa la xaqiijiyay,” ayuu yiri afhayeen u hadlay Ukraine.

Diyaaradda oo u shaqayneysay Qaramada Midoobay, ayna saarnaayeen sagaal qof ayaa hawlgal caafimaad oo ay dhaawac uga soo daabuleyso furimaha dagaalka ee Galmudug ugu socotay magaalada Wisil.

Diyaaradaas oo cilad farsamo ay ku timid ku hoobatay meel u dhaw deegaanka Xiindheere ee gobolka Galgaduud, durbadiiba Al-Shabaab ayaa soo gaaray goobta.

Afarta qof ee Ukraine u dhalatay iyo labo Kenyaan ah ayaa la xaqiijiyey inay Shabaab afduubteen, waxay goobta ku dileen dhakhtar Masaari ah.

Wiil Soomaali ah oo sarkaal ah iyo gabar kalkaaliso caafimaad ah oo u dhalatay Uganda ayaa ka baxsaday goobta, laakiin weli lama arag meel ay jaan iyo cirib dhigeen, waxaana loo badinayaa inay Shabaab u gacan galeen.

Afhayeenka u hadlay Ukraine ayaa sheegay in diyaaradda ay lahayd shirkad gaar loo leeyahay oo qandaraas ka haysata Qaramada Midoobaay, Al-shabaab ayaa goobta ku hubay diyaaradii.

Arbacadii lasoo dhaafay ayuu dhacay shilkaas, welina xog lagama helin halka ay Al-Shabaab ku hayaan dadkii ajaanibta ahaa ee u gacan galay, sidoo kale weli lama oga inay gacanta ku dhigeen wiil iyo gabadhii ka soo baxsaday goobta markii ay degtay diyaaraddu.

Mahad Salaad oo jawaab ka bixiyay falkii lagula kacay ciyaartoyda Koonfur Galbeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, Mahad Maxamed Salaad ayaa maanta qaaday tallaabo deg deg ah oo ku aadan falkii wuxuushnimada ahaa ee lagu beegsday xulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Taliyaha oo booqasho ugu tegay ciyaariyahannada Koonfur Galbeed iyo hoggaankooda ayaa raalligelin buuxda ka siiyay falkii shalay lagula dhaqaaqay, kadib markii ay weerar ku qaadeen koox kamid ah dadweynihii tegay garoonka ee daawanayay ciyaartii soo dilaatay.

Mahad Salaad waxaa booqashadaan ku wehlinayay wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud, waxaana la sheegay in inta badan la qanciyay xulka Koonfur Galbeed oo horay u sheegay inay ka baxeen tartanka.

Sidoo kale ma’suuliyiintan ayaa ballan qaaday in wax badan laga beddali doono amniga Stadium Muqdisho, si aysan u dhicin dhibaatadii loo gaystay xulka Koonfur Galbeed.

Dhinaca kale Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ee maamulka Koonfur Galbeed Salmaan Shuceyb Cali oo faahfaahin ka bixiyay kulanka ay la yeesheen Mahad Salaad ayaa sheegay inay guddoomeen raalligelinta

“Waxaa Maanta hotel sanaag Nagu soo booqday Taliye mahad salaad oo raali galin ka bixiyay dayacii amni shalay loo geystay ciyaartoyda xulka koonfur galbeed waana ka gudoonay raaligalinta taliyaha” ayuu qoraalkiisa ku yiri Salmaan Shuceyb Cali.

Falka lagula dhaqaaqay xulka Koonfur Galbeed ayaa sabay dhaawac soo gaaray qaar kamid ah ciyaartoyda iyo burburinta baabuurkii ay la socdeen, taas oo dhalisay caro xoogan.

Waa markii labaad oo la weerarayo xulka Koonfur Galbeed, waxayna ahayd 2020-kii markii sidaan oo kale loo weeraray xilli ay kasoo baxeen ciyaarta, taas oo dhalisay tuhun xoogan.

CC Shakuur oo shaaciyay habka keliya ee Soomaaliya uga adkaan karto Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimadam Online) – Xildhibaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa mar kale ka hadlay arrimo ku aadan xiisadda u dhexeysa dalalka  Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiskii badda.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa soo jeediyay iyo sidoo kale hab la’isaga difaaci karo dowladda Itoobiya oo xadgudub u gaysatay madax bannaanida Soomaaliya.

Xildhibaana ayaa sheegay in go’aanka kasta oo la gaarayo ay muhiim tahay inuu kasoo baxo goleyaal rasmo ah, sidoo kalena laga fiirsado qaabka iyo goorta la jeedinayo.

Waxaa kaloo lagama maarmaan ah in go’aannadu ay golayaal rasmi ah ka soo baxaan, lagana fiirsadaa xilliga, qaabka iyo goobta laga  jeedinayo, qofkii ugu danbayn lahaana hadalka iyo go’aanka uusan noqon kan ugu  horreeya” ayuu yiri Xil. Cabdiraxmaan

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

In dalka la difaaco waa masuuliyad wadareed iyo waajib qaran, laakiin qaabka lagu difaacayo waa in uu siyaasad, istiraatiijiyad iyo qorshe leeyahay. Tilaabooyinka la qaadayo waa in ay kala horreeyaan, mid kastana natiijadiisa laga gungaaro.

Waxaa kaloo lagama maarmaan ah in go’aannadu ay golayaal rasmi ah ka soo baxaan, lagana fiirsadaa xilliga, qaabka iyo goobta laga  jeedinayo, qofkii ugu danbayn lahaana hadalka iyo go’aanka uusan noqon kan ugu  horreeya.

Loollanka labada dal, Itoobiya mar walba waxay ka faa’iidaysan jirtay halka aan ka tabar yarnahay oo ah diblomaasiyadda, dan isku tolidda dawladaha kale iyo falcelinta qar iska tuurka ah. Waa in taariikhdu na waanisaa oo aan iska dhisnaa halkii aan ku taagta darnayn, tayaynaana halkii aan ku xooganayn.

Caqli-gal maaha in lagu socdo sidii uu xaalku ahaa ka hor inta ay Itoobiya ku soo xadgudbin gobonimadeenna.

Ilaa iyo haatana ma muuqato isbedel aragti, istiraatiijiyad iyo habdhaqan hoggaan oo la jaanqaadi kara marxaladda cusub. Hawshu waa in ay midnimo iyo muunad qaran yeelataa, xukuumaduna noqotaa mid difaac qaran, halgankana laga dhigo mid hiigsanaya himilo qaran.

Daawo: Xildhibaanada K/Galbeed oo qaaday tallaabo culus kadib arrintii dhacday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dhacdadii shalay qabtay xulka Koonfur Galbeed oo weerar culus lagu qaado markii ay soo dhammaatay ciyaartii ay la lahaayeen dhiggooda Galmudug.

Xildhibaanadda ayaa si weyn uga carooday falkaasi oo ay ku tilmaameen in markii labaad lagu beegsaday ciyaarahannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

“Anaga Oromo miyaa nahay mise Tigree, Maxaa wiilasheena loo dilayaa” ayay tiri Xildhibaan Maryan oo kamid ah xubnaha la hadlay Wariyeyaasha Muqdisho.

Dhankiisa Xildhibaan Cabdirashiid Jiley oo madasha ayaa ka hadlay ayaa si weyn u cambaareeyay weerarkaas oo si xun loogu dhaawacay qaar kamid ciyaartoyda.

“Waxaan si aad iyo aad ah u cambaareynayaa falkii wuxuushninada ahaa ee ka dhacay shalay ciyaaraha run ahaantii arrin qurux badan ma ahan” ayuu yiri Cabdirashiid Jiley.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xildhibaanada kasoo jeeda Koonfur Galbeed ay gudbinayaan mooshin ka dhan ah wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha, si loogula xisaabtamo falkaasi.

“Falkaas dhacay oo la gabay amnigii la rabay in la ilaaliyo waa inoo qof u baxaa mooshin ayaan hadda gudbinay oo wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha saacadaha soo socda ayaa gaarsiineynaa guddoonka wuu qoran yahay mooshinka” ayuu mar kale yiri.

Waxaa kale oo uu si weyn u eedeeyay hay’adaha amniga oo uu tilmaamay inay dayaceen amniga ciyaartoyda Koonfur Galbeed ee lagu dhibaateeyay garoonka bannaankiisa.

“Saas oo kale kuwa amniga qaabilsan iyagana mooshinka ayaan marsiineynaa wasaaradda amniga ayayna hoos yimaadaan” ayuu kusii daray xildhibaanku.

Si kastaba, Booliska Soomaaliya ayaa horay u sheegay inay wadaan baaris ku aadan weerarkan oo noqonayo kii labaad ee lagu beegsado ciyaatoyda Koonfur Galbeed oo haatan go’aan ku gaaray in aysan mar kale ka qayb-gelin ciyaaraha ka dhacaya Muqdisho.

Mas’uul caan ah oo maanta lagu dilay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil ay maanta ay kooxo hubeysan ka gaysteen qaybo kamid ah degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Dilka ayaa si gaar ah wuxuu uga dhacay xaafadda Ex-koontarool, gaar ahaan dhanka soo xigta degmada Dharenley, sida ay innoo sheegeen dad goobjoogayaal.

Wararka ayaa sheegaya in dilka loo geystay mas’uul ka tirsan maamulka Dharkenlay, kaas oo ahaa madaxii fasaxa dhimaha ee degmadaasi, isla markaana caan ka ahaa halkaasi, maadaama uu muddo dheer ka shaqeynayay degmada Dharkenley.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xassan Cali Gacal( Moosow) wuxuuna sidoo kale gacan yare u ahaa gudoomiyaha degmadaasi Yuusuf Xundubey.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in saddex nin ay ka dambeeyay toogashada, kuwaas oo beegsaday xilli mas’uulkan uu ku socday goobtiisa shaqada.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo maydka kasoo qaaday goobta, kadibna sameeyay howlgal, balse ma jirto natiijo kasoo baxday.

Dhanka kale illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dhacdadaas iyo howlgallada xigay.

Muddooyinkii u dambeeyay xaaladda ammaanka ee Muqdisho ayaa ahayd mid deggan, waxaana yaraaday dilalkii iyo qaraxyadii, kadib howlgallo ay sameeyeen ciidanka amniga.

MAREYKANKA oo mowqif culus ka soo saaray xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Maraykanka ayaa mar kale adkeeyay in si aanan ka leex-leexad lahayn uu u taageersanyahay Madax-anaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Sidoo kale Dowladda Maraykanka ayaa si cad u sheegtay inay soo dhowaynayso Shirka Madaxda IGAD ee 18-ka Bishaan lagu dhawaaqay inuu ka dhacayo dalka Uganda.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ah Guddoomiyaha Ururka IGAD ayaa iclaamiyeyshir deg deg ah oo looga hadlayo Damaca Guracan ee Ethiopia iyo jawaabta ay ka bixisay Soomaaliya.

Shirkaas waxaa 18-ka bishaan lagu qabanayaa dalka Uganda, wuxuuna daba socdaa baaqii Soomaaliya ay u dirtay wadamada ku midoobey IGAD.

Soomaaliya ayaa horay u codsatay in IGAD la isugu yeero shir deg deg ah, si looga hadlo xadgudubka Itoobiya ee ka soo horjeeda shuruucda caalamiga.

Mareykanka oo horay u cadeeyey mowqifkiisa ayaa hadana taageeray qabsoomida shirkaan xasaasi ah ee Soomaaliya ay codsatay in madaxda IGAD ay isugu yimaadaan.

Hadalka Mareykanka wuxuu ku soo aadayaa iyadoo maanta Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku hanjabay in hadii Itoobiya ay dhanka dagaalka u qaado hal tallaabo ay Soomaalidu qaadi doonto afar talaabo, waana hadalkii ugu adkaa ee dadka Soomaaliyeed ay ka maqleen Xasan Sheekh oo ka hadlaya xiisadaan.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu maanta Soomaalida ku booriyey inay is diyaariyaan cadowgana ka difaacdaan dalkooda, isagoo caalamka marqaati uga dhigay damaca guracan ee Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya.

Daawo: Xildhibaano gudbiyay mooshin culus iyo arrinta ka dambeysa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaannada baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta saxiixay mooshin culus oo ay uga jawaabayaan dhibaatadii loo gaystay ciyaariyahannada maamulkaas oo shalay lagu weeraray Muqdisho.

Xildibaan Cabdirashiid Jiley oo kamid ah xubnahaasi ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedka mooshinkooda, wuxuuna tilmaamay inay ka gudbiyeen wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud, si loogula xisaabtamo falkaasi.

Jiley ayaa sheegay inay doonayaan in qof xilka looga qaado dhibaatada loo gaystay ciyaartoyda, maadaama buu yiri la dayacay amnigooda.

“Falkaas dhacay oo la gabay amnigii la rabay in la ilaaliyo waa inoo qof u baxaa mooshin ayaan hadda gudbinay oo wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha saacadaha soo socda ayaa gaarsiineynaa guddoonka wuu qoran yahay mooshinka” ayuu mar kale yiri.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in isla mooshinkooda uu ku socdo hay’adaha amniga ee mas’uulka ka ahaa nabad-geylayada ciyaartoyda iyo garoonka weyn ee Muqdisho.

“Saas oo kale kuwa amniga qaabilsan iyagana mooshinka ayaan marsiineynaa wasaaradda amniga ayayna hoos yimaadaan” ayuu kusii daray xildhibaanku.

Xildhibaanka ayaa intaasi kusii daray “Waxaan si aad iyo aad ah u cambaareynayaa falkii wuxuushninada ahaa ee ka dhacay shalay ciyaaraha run ahaantii arrin qurux badan ma ahan” .

Tallaabada ay qaadeen xildhibaannada Koonfur Galbeed ayaa kusoo aadeysa, ayada oo isla maanta laga gaarabay weerarkii lagu qaaday xulka Koonfur Galbeed, kadib markii ay booqasho ugu tageen, wasiirka dhalinyarada, taliyaha NISA iyo duqa magaalada Muqdisho.

Weerarkan lagu beegsaday xulka Koonfur Galbeed ayaa dhaliyay caro xoogan iyo in maamulkooda uu ku dhowaaqo inuu isaga baxeen tartanka maamul goboleedyada.

Wiilka XASAN SHEEKH oo la soo taagay maxkamadda magaalada Istanbul kadibna…

Istanbul (Caasimada Online) – Wiilka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hor marqaati furay maxkamad ku taalla magaalada Istanbul, taasi oo la xiriirta shil dhimasho leh oo magaalada ka dhacay bishii November 2023.  

Amar soo xiritaan ayaa loo jaray Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii gaarigiisa uu gadaal kaga dhacay mooto uu waday Yunus Emre Gocer oo 38 jir ahaa 30-kii November. Yunus ayaa isbitaalka ku geeriyooday 6 maalin kadib, xilligaas oo Maxamed uu kahor ka tegay Turkey.

Wasiirka cadaaladda Turkey Yilmaz Tunc ayaa bishii tagtay sheegay inuu kiiska kala hadlay dhiggiisa Soomaaliya, si loo qorsheeyo soo laabashada Maxamed.

Warbaahinta Turkey ayaa ku warantay in amarkii soo xiritaan iyo mamnuucistii safar ee ka dhanka ahaa Maxamed la baabi’iyey kadib markii uu hortagay oo uu hadal siiyey maxkamadda Caglayan ee Istanbul. Waxaa kadib sii daayey maxkamadda.

Maxamed ayaan qiran dambi, wuxuuna mar kale ku celiyey hadalkii uu sheegay waxyar kadib shilka, oo ahaa in Yunus uu lahaa khaladka shilka.

Xafiiska dacwad oogaha guud ee Istanbul ayaa horey u dalbaday xarig laba illaa lix sano ah. Dhageysiga dacwadda ayaa dib loo dhigay illaa 16-ka Janaayo.

Shilkan ayaa halis geliyey xiriirka wanaagsan ee Soomaaliya iyo Turkey. Duqa Istanbul Ekrem İmamoğlu oo ka tirsan xisbiyada mucaaradka ayaa horey ugu eedeeyey dowladda “inay daciif tahay oo aysan difaaci karin shacabkeeda.”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wakaaladda wararka AP horey ugu sheegay in wiilkiisa oo 40 jir ah aanu ka cararin Turkiga. Waxa uu sheegay inuu kula taliyey inuu ku laabto, oo uu maxkamadda hortago.

Turkey ayaa xiriir dhow la laheyd Soomaaliya tan iyo 2011, markii madaxweyne Recep Tayyip Erdogan – oo markaas ahaa ra’iisul wasaare – uu dalka booqday, isaga oo taageero u muujinaya Soomaaliya oo xilligaas ay ka jirtay abaar darran.

Turkiga waxa ay bixisay gargaar bini’aadannimo, waxa ay dhistay kaabayaal dhaqaale, waxayna saldhig milatari ka furtay Soomaaliya, halkaasi oo ay ku tababartay saraakiil militari iyo boolis.

“Waxaan sameyn doonaa wax walba oo aan awoodo si aan u xaqiijiyo in wiilkaygu uu ixtiraamo sharciga iyo kala dambeynta Turkiga, una hortago maxkamadaha Turkiga,” ayuu madaxweynaha Soomaaliya ku yiri wareysiga.

“Turkiga waa dal aan walaalo nahay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. “Waxaan ixtiraameynaa shuruucda iyo cadaaladda iyo nidaamka garsoorka. Ka madaxweyne ahaan, marnaba ma oggolaan doono in qofna uu ku xad-gudbo nidaamka garsoorka dalkan.”

Askar Mareykanka oo lagu la’yahay xeebaha Soomaaliya

0

Washington (Caasimada Online) –  Laba askari oo ka tirsan ciidamada badda Mareykanka ayaa lagu la’yahay badda Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay taliska dhexe ee Mareykanka Jimcihii shalay.

Hawlgallada goobidda iyo samatabbixinta ayaa hadda socda, sida lagu sheegay bayaankan.

Faahfaahin dheeraad ah weli lama shaacin, oo ay ku jiraan markabka ay saarnaayeen askartan iyo magacyadooda.

“Ixtiraamka loo hayo qoysaska ay kasoo jeedaan badmaaxiyiinta, ma sii deyn doono macluumaad dheeraad ah xilligan,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay taliska dhexe.

Mareykanka ayaa labadii bilood ee lasoo dhaafay maraakiib badan ka howlgaliyay badda cas iyo gacanka cadmeed kadib weerarada joogtada ah ee ciidamada Xuutiyiinta Yemen ay ka wadaan dalka Yemen oo bilowday 17-kii October.

Askarta la waayay, ayaa kusoo aaday xilli uu Maraykanka badda cas ka wado howlgallo ka dhan ah Xuutiyiinta oo halista ku ah maraakiibta Maraykanka.

Si kastaba, Mareykanka ayaa Soomaaliya waxaa ka jooga ciidamo tiro yar kuwaas oo diiradda saara khatarta kooxda Al-Shabaab.

JAWAARI oo soo jeediyay tallaabo xasaasi ah oo laga qaado Muuse Biixi (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa markii ugu horreysay si adag uga hadlay heshiiska badda ee ay Somaliland lasoo gashay dowladda federaalka ee Itoobiya.

Jawaari ayaa weerar ku qaaday madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo isagu saxiixay heshiiskaasi, wuxuuna tilmaamay inuu ku kacay Khiyaano Qaran oo weyn.

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka ayaa soo qaaday waxa uu arrintan ka qabo xeerta ciqaabta Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in Khiyaanadu xukunkeeda uu yahay dil.

“Xeerka ciqaabta Soomaaliyeed wuxuu qorayaa qof alla qofkii gobonimada Soomaaliyeed qayb kamid ah ama kulligeeda hoos geeya dowlad kale oo ajnabi ah wuxuu ku kacay Khiyaano Qaran, xukunkeedana waxaa waayey dil” ayuu yiri guddoomiye hore Jawaari.

Waxa kale oo uu tilmaamay in kiiskan uu ku cad-yahay madaxweyne Biixi, isaguna uu qiraal ka yahay, maadaama uu shaaciyay heshiiska badda ee uu la galay Abiy Axmed.

“Haddaba ninka la yiraahdo Muuse Biixi waxa uu sameeyay waa bareer maba qarsoona, waaba saxiixay ayuu ku leeyahay, isagaa ku faanaayo marka maxaa nooga haboon?” ayuu yiri Mudane Maxamed Cismaan Jawaari oo ka hadlayay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya.

Sidoo kale wuxuu ku taliyay in Muuse Biixi lala aado dhanka sharciga, isla markaana loo jaro waaran soo qabasho ah, kadibna sidaas lagu maxkamadeeyo.

“Xeer ilaaliyaha guud muxuu qabanayaa? ma haboon tahay in dacwad lasoo oogo ha yimaado ama yuusan imaan, maxkamadna la geeyo isaga oo maqan xittaa waa la xukumi karaa kadibna meesha lagu arko ayaa laga soo qabanayaa” ayuu mar kale yiri Jawaari.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray shacabka Somaliland oo uu ugu baaqay inay ka horyimaadaan damaca Itoobiya iyo tallaabada culus ee uu qaaday madaxweynahooda.

“Aniga waxaan ku kalsoonahay shacbiga Somaliland ee arrintaan aan uga dambeyno, raalli kama wada ah heshiiskaas” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Tartanka cayaaraha maamul goboleedyada oo la hakiyay kadib arrintii shalay dhacday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warqad kasoo baxday wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa si KMG ah loogu hakiyay tartankii ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee ka socday magaalada Muqdisho.

Wasaaradda ayaa sheegtay in muddo saddex maalin ah dib loo dhigay ciyaaraha, ayada oo go’aankan uu yimid, kadib markii Jimcihii weerar lagu qaaday xulka Koonfur Galbeed oo dhaawacyo loo gaystay

Qoraalka ayaa lagu cambaareeyey falkaasi oo dhaliyay carada Koonfur Galbeed oo shaaca ka qaaday inay isaga baxday tartanka maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

“Haddaba waxaan idinku wargelineynaa in la hakiyay cayaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo dib loo dhigay muddo sadde maalin ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ciyaarta u horreyso ayey wasaaraddu sheegtay in la ciyaari doono 16-ka bishaan oo ku beegan maalintada Talaadada ah ee soo socota.

Dhinaca kale taliyaha booliska Jeneraal Sulub Axmed Firin oo isna shir jaraa’id qabtay ayaa si adag uga hadlay dhacdadaas oo u ku tilmaamay in wax laga xumaado.

“Ciyaartii maanta dhacday waxaa ka dhacday fowdo waxaa la dhagax tuuray ciyaartoy waxaa la jajabiyay baskii sabab ay ku dhacdayne lama yaqaano ciyaartii waa dhammaatay” ayuu yiri taliye Sulub.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in booliska uu sameyn doono baaris ku aadan falka lagu dhaawacay qaar kamid ah ciyaartoyda Koonfur Galbeed.

“Baaris ayaa la sameynayaa ciidanka Booliska kolley shaqadooda way qabsan doonaan, haddii Alle idmo waana la baari doonaa, sida uu dhacay kiiskaasi.

Waa markii labaad oo la weerarayo xulka Koonfur Galbeed, waxayna ahayd 2020-kii markii sidaan oo kale loo weeraray xilli ay kasoo baxeen ciyaarta, taas oo dhalisay tuhun xoogan.

Ciidamada oo gacanta kusoo dhigay nin dilay xaaskiisa

0

Jalalaqsi (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay howlgal ka sameeyeen gudaha degmada Jalalaqsi, ayna gacanta ku soo dhigeen nin si arxan darro ah u dilay xaaskiisa.

Eedeysanaha oo lagu magacaab Maxamed Cabdullaahi Cismaan ayaa loo haystaa dilka xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray Maryama Nuur Mayle.

Ninkan oo isku dayay inuu baxsado ayaa waxaa la sheegay inay qabteen dadka deegaanka, kadibna ay sidaas ugu wareejiyeen ciidamada ammaanka oo haatan gacanta ku haya.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in sababta uu dilkan ninkan xaaskiisa ay ahayd maseer dartiisa, kadibna uu sidaas nolosha ku dhaafiyay.

Saraakiisha ammaanka ee degmada ayaa sheegay in haatan ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi, maadaama lasoo xiray eedeysanahay.

Sidoo kale saraakiisha ciidamada ammaanka ayaa shaaca ka qaaday in eedeysanaha ay ku wareejin doonaan hay’adaha ku shaqada leh,m si maxkamad loo soo taago.

Eehellada marxuumadda ayaa dhankooda dalbanaya cadaalad, maadaama gabadhooda uu dilay seygeeda, kaas oo ugu dambeyn lasoo qabtay.

Falkan argagaxa leh ayaa naxtin ku abuuray dadka deegaanka oo si aad ah u hadal haya dhacdadaasi oo ugub ah degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraam.

K/Galbeed oo ka baxday cayaaraha Muqdisho kadib weerarkii lagu qaaday + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha ee maamulka Koonfur Galbeed Salmaan Shuceyb Cali ayaa caawa qabtay shir jaraa’id oo deg deg ah, wuxuuna sheegay in Koonfur Galbeed ay ka baxday cayaarihii maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Wasiirka ayaa sheegay in galabta la weeraray baskii ay saaraayeen cayaartoyda Koonfur Galbeed, isla markaana la dhaawacay afar wiil oo labo ay qabaan dhaawacyo culus.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in horay sanadkii hore sidaan oo kale Muqdisho loogu weeraray cayaartoyda K/Galbeed, isla markaana lagu hayo beegsi gaar ah.

“Ciyaartaan waan ka baxnay, mar dambena Banaadir kuma dheeli doono, hadii sanadka dambe aan gobol kale lagu qaban cayaartaan, waxay K/Galbeed cadeyneysaa in aysan ka soo qeyb geli doonin,” ayuu yiri Wasiir Salmaan.

Dhinaca kale, Xildhibaanada ku jira baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa isugu yimid kulan deg deg ah markii uu weerarkaani dhacay kadib.

Shirka kadib waxay xildhibaanada qaar la hadleen warbaahinta, waxayna sheegeen inay u yeerayaan wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, si weerarkaas iyo dayacaadda cayaartoyda wax looga weydiiyo.

Sidoo kale xildhibaanada qaar, waxay laamaha amniga ku eedeeyeen inay toos u taageerayeen cayaartoyda Galmudug, si gaar ah Taliyaha booliska gobolka Banaadir Macalin Mahdi ayey sheegeen inuu soo xirtay dharka calanka Galmudug.

Arrinta eedeynta ah ee loo jeediyey laamaha amniga, waxaa uga sii dartay markii uu Taliyaha NISA Mahad Salaad caawa dhiirigelin ugu tegay ciyaartoyda Galmudug, isagoo ku amaanay guushii ay galabta ka gaareen cayaartii kala dhaxeysay dhigooda Koonfur Galbeed.