25.4 C
Mogadishu
Sunday, June 21, 2026

Xog ka cusub gabadhii Itoobiyaanka ahayd ee lagu dilay Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa xalay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug lagu aasay gabar dhalinyaro aheyd oo u dhalatay dalka Itoobiya, oo habeen hore lagu dilay.

Gabadhaan oo ka soo jeeday qowmiyadda Oromada ayaa waxaa dilay nin ka tirsan qoys ay shaqaale u ahayd, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen laamaha amniga degmada.

Goobta uu falkaan ka dhacay ayaa aheyd xaafadda Waxar-cadde ee magaalada Dhuusamareeb, taasi oo ay deganaayeen qoyska ay u shaqeynaysay gabadha la dilay.

“Gabadha markii tooreeyda lagu dhuftay xataa dhaawac ma noqno oo istbitaal lama gayn laakin horey ayay ka dhimatay,” ayuu yiri taliyaha saldhiga booliska ee magaalada Dhuusamareeb Nuur Cilmi oo la hadlay BBC.

Waxa uu intaas kusii daray “Ma jirin muran dhex maray wiilka iyo gabdha oo qoyeska u shaqeeynaysay, baaritaankii wali waa socada.”

Sababta keentay dilka ayaa illaa hadda si rasmi ah loo ogeyn, ayada oo booliska uu sheegay in ninka dilka geystay uu mararka qaar xanuunka (jiro maskaxeed) uu kusoo kaco.

Dhinaca kale, Qoyska ninka la sheegay inuu dilka geystay ayaa sheegay inay aad uga xumaadeen falka uu ku kacay wiilkoodu, iyaga oo ka gaabsaday in ay si faah-faahsan uga hadlaan sida wax u dhaceen.

“Waan ka wal-walsanahay,” ayey sidoo kale yiraahdan, iyaga oo xaqiijiyay in iyaga iyo qoyska gabadha la dilay ay isku afgarteen in la aaso, sidaasna lagu aasay marxuumada.

Dhacdadaan ayaa argagax ku reebtay shacabka ku dhaqan magaalada Dhuusamareeb oo si weyn uga naxay, ayada oo sidoo kalena falkaadi aad looga hadal haayo baraha bulshada Soomaalida.

Daawo: Xasan Sheekh oo ku baaqay dagaal lagu difaacayo dalka oo ka dhan ah Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta Khudbadii Jimcaha ka jeediyay masaajidka Madaxtooyada ayaa ku dhowaaqay in Itoobiya ay iska dhicinayaan, kadib xad-gudubka ay ku kacday.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in Itoobiya ay tahay cadowga ugu weyn ee Soomaaliya, islamarkaana ay ka difaacanayaan dalka, haddii ay isku deydo meel-marinta xad-gudubkii ay xukuumadda Abiy Axmed ku kacday, kulana saxiixatay Somaliland heshiis beenaadkii badda.

“Maanta haddii dhul la isku sheeganayo anaga ayay tahay in Itoobiya maanta dhul ku sheegano, naguma sheegan karto anaga. Cadow hal ayuu ahaa oo Shabaab, laakiin maanta waa labo, waa iska celinayna Shabaabka oo duulimaadka dibadda-na waa iska celinayna,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu intaas kusii daray “Itoobiya bogii taariikhdii aan laabnay soddan iyo dhowrka sano kahor ay soo rogtay, Soomaaliyeey dhaqanka kasoo muuqda maanta waa ballaayo ee geeso la qabto ay leedahay ee geesaha aan ka qabano.”

Sidoo kale waxa uu si cad u sheegay in dhulka Soomaaliya aysan baxeyn qeyb kamid ah inta uu nool yahay qof Soomaali ah uu nool yahay, “Ma ogolin xataa hal taako, mana dhaceyso.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay u midoobaan iska dhicinta Itoobiya iyo ka hortaga xad-gudubka, xilli uu dalka ka socdo guluf kale oo ka dhan ah kooxaha argagixisada, oo ay ugu horeyso Al-Shabaab.

Waa hadalkii ugu kululaa iyo digniintii u dambeysay ee madaxweynaha uu jeediyo tan iyo markii uu soo baxay heshiiskii Addis Ababa, oo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, kaasi oo ah damac soo jireena oo Itoobiya waligeed ku taameysay inay hesho Bad.

Dhinaca kale, Wasiiru-dowlaha Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo la hadlay Telefishanka Qaranka ayaa waxa uu xaqiijiyay in dowladda ay wado abaabul ciidan oo ka dhan ka Itoobiya, haddii ay isku deydo meel-marinta damaca guracan, ayna ku jirto diyaar-garow ay ku difaaceyso xuduudaheeda.

“Dadaal Diblumaatik ahna waan ku jirnaa, diyaar garow ciidana waan wadnaa, oo waxaz ku jirnaa diyaar-garowga in dalkeena aan difaacano xuduudihiisa Cir, Dhul iyo Bad intaba,” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha Amniga XFS Maxamed Cali Xagaa.

Heshiiska Addis Ababa ee Itoobiya loogu saxiixay dhul badeed dhan 20KM, ayaa si weyn looga soo horjeestay maadaama uu yahay mid masiiri ah, oo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale horey u soo saartay qaraar ay uga hortimid heshiiskaas, ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh uu saxiixay sharci Baarlamaani ah oo burinaya is-afgaradka Itoobiya iyo Somaliland.

Hoos ka daawo muuqaalka

Ethiopia oo qaaday tallaabo cusub oo ay ku xoojineyso boobka badda Soomaaliya

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Golaha Iskaashiga Xisbiyada Ethiopia ayaa mar kale ku celisay inay taageersan yihiin heshiiskii is-afgaradka dhinaca badda ee ay la galeen Somaliland.

Xisbiyada Siyaasadda ee Ethiopia oo kulan ku yeeshay Addis Ababa ayaa sheegay inay ka shaqayn doonaan sidii loo hirgelin lahaa heshiiskaas, oo si weyn uga hortimid dowladda federaalka Soomaaliya.

Bayaan kasoo baxay Golaha xisbiyada siyaasadda ayaa waxaa lagu sheegay in xisbiyada ay u midoobi doonaan, ayna qeyb ka qaadan doonaan sidii uu heshiiska Addis Ababa ee Itoobiya iyo Somaliland uu meel mar u noqon lahaa, si Itoobiya ay u hesho bad.

“Taageerada xubnaha isbahaysiga ee goluhu waxay ahayd mid aqlabiyad ah, waxayna xisbiyada u midoobi doonaan dhaqan-gelintq is-afgaradka,” ayaa lagu yiri bayaanka Golaha Iskaashiga Xisbiyada Ethiopia.

Go’aanka Xisbiyada Ethiopia oo u muuqda mid ku yimid cadaadiska xukuumadda Abiy, ayaa kusoo aadaya xilli dowladda federaalka iyo bulshada Soomaaliyeed ay si adag uga horyimaadeen in Itoobiya ay dhul badeed ka hesho biyaha Soomaaliya.

Heshiiska Addis Ababa ee Itoobiya loogu saxiixay dhul badeed dhan 20KM, ayaa si weyn looga soo horjeestay maadaama uu yahay mid masiiri ah, oo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, uuna yahay damac soo jireen ahaa oo Itoobiya waligeed ku taameysay inay hesho Bad.

Madaxda sare ee dalka iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa intooda badan si isku mid ah uga fal-celiyay arrintaan, ayaga oo u quus gooyay Itoobiya, una sheegay in aysan u hayn badan.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale soo saartay qaraar ay uga hortimid heshiiskaasi, ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh uu saxiixay sharci Baarlamaani ah oo burinaya is-afgaradka Itoobiya iyo Somaliland.

Shaqaale ka tirsan QM oo lagu dilay weerar Al-Shabaab ay ku qaadeen xerada Xalane

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Qaramada Midoobe ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyey weerar hoobiye oo lagu soo qaaday xalay, kaasi oo uu ku dhintay mid ka mid ah ilaalada Qaramada Midoobe.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska ayaa lagu sheegay in tiro hoobiyeyaal ah ay xalay kusoo dhaceen aagga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, oo dhismaha xafiiska Qaramada Midoobe uu ku dhex-yaallo.

“Ciidanka Ilaalada Qaramada Midoobay waxa ay door muhiim ah ka ciyaaraan xaqiijinta ammaanka iyo nabad-galyada shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ka shaqeynaya taageerada nabadda iyo dowlad-dhisika Soomaaliya,” ayay tiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing.

Sidoo kale waxay intaas kusii dartay “Waxaan cambaareyneynaa falkan rabshadda ah, waxaana dareenkeena uu la jiraa qoyska iyo saaxiibada dhibbanaha inta lagu jiro waqtigan adag.”

Ka sokow dhimashada weerarka ayaa sidoo kale gaystay waxyeello soo gaartay kaabayaasha Qaramada Midoobe. Warbaahinta Al-Shabaab ayaa sheegatay in kooxda ay fulisay weerarka.

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ku baaqday in dadka mas’uulka ka ah weerarkan la horkeeno sharciga, waxayna sheegtay inay weli ka go’an tahay inay shacabka iyo dowladda Soomaaliya ka taageerto dadaallada lagu dhisayo nabadda iyo xasilloonida dalka.

Soomaalida oo u quus gooyay Itoobiya kadib damacii badda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda sare ee dalka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ayaa si adag uga horyimid damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya, tan iyo markii uu soo baxay heshiiskii Addis Ababa.

Waxaa ka dhacay magaalada Muqdisho kulan ballaaran oo lagu xoojinayo mowqifka ay Soomaaliya ka taagan tahay heshiiskii Muuse Biixi iyo Abiy Ahmed, laguna difaacayo madax-bannaanida dalkeenna, kaasi oo loogu quus goynayo damaca guracan ee Itoobiya ee helitaanka bad.

Kulankaan oo ay soo agaasimeen machadka Heritage ayaa waxaa ka qeyb-galay ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Saalax Jaamax, xubno ka tirsan xukuumadda, Xildhibaannada labada aqal, aqoon-yahanno iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Kulankaan ayaa looga hadlay sidii looga arrinsan lahaa damaca gurracan ee Itoobiya ay ku rabto inay ku qaadato qeybo kamid ah dhulka Soomaaliyeed, taasi oo meel adag iska taageen Soomaalida.

Mudane Saalax ayaa xusay in dowladda federaalka Soomaaliyeed qaadday tallaabooyin badan oo looga hortagayo heshiis ku sheegga lagu boobayo dhulka Soomaaliyeed, “Heshiis ku sheeggani waa xad-gudub cad.”

“Wuxuu xad-gudub iyo gardarro ku yahay gobannimada, qarannimada, madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed iyo ummadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna meel ka dhac cad ka yahay dastuurka Soomaaliya, mabaadii’da caalamiga ah iyo kuwa u yaal ururada QM iyo Midowga Afrika, waxaana ay waxyeello ku yihiin deris-wanaagga iyo nabadda gobolka,” ayuu yiri ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya.

Heshiiska Addis Ababa ee Itoobiya loogu saxiixay dhul badeed dhan 20KM, ayaa si weyn looga soo horjeestay maadaama uu yahay mid masiiri ah, oo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, uuna yahay damac soo jireen ahaa oo Itoobiya waligeed ku taameysay inay hesho Bad.

Madaxda sare ee dalka iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa intooda badan si isku mid ah uga fal-celiyay arrintaan, ayaga oo meel adag iska taagay in Itoobiya ay dhul badeed ka hesho Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale soo saartay qaraar ay uga hortimid heshiiska Muuse Biixi iyo Abiy Axmed, ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh uu saxiixay sharciga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee burinta is-afgaradka Itoobiya iyo Somaliland.

Caro xooggan oo ka dhalatay dil ay ciidanka Itoobiya ka geysteen xuduuda Somaliland

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Caro xooggan ayaa ka dhalatay dil ay ciidamada Itoobiya ee ku sugan xuduudda Somaliland iyo Itoobiya u geysteen Askari Boolis ah iyo qof shacab ah.

Dilka oo ka dhacay deegaanka xadka ku yaalla ee Qoolbuulalle oo ka tirsan degmada Sallaxlay, ayaa si weyn looga fal-celiyay baraha bulshada, wuxuuna kusoo aadaya xilli ay taagan tahay xiisad xooggan oo ka dhalatay damaca Itoobiya ee Badda Soomaaliya.

Caasimada Online ayaa idin soo aruurisay fal-celinta kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ka bixiyeen arrintaan. Hoos ka aqriso;

Maxamuud Cabdiqaadir Warsame: “Fadhiga waa in laga kaco oo wax la iska celiyo.”

Cabdullaahi Maxamuud Axmed ayaa isna yiri “Waxay bilow u tahay gardarada cad iyo cadaawada guunka ee Ethiopia inoo hayso Alle ha u naxariisto labada marxuum.”

Muna Xasan Daacad: “Ninka aan waxa jooga garan waxa soo socdana ma garto.”

“Waa tusaale Illaahay umada wax ku tusayo Allah ha unaxariisto dhalinyarada,” ayuu yiri Idiris Daahir oo kamid ah bulshada ka fal-celiyay arrinkaan.

Nuur Xaaji Cabdullaahi ayaa sidoo kale waxa uu isna yiri “Allaha u naxariisto durba waad ujeeda gumaysiga Ethiopia inay caawa wiilasheeni dileen reer Somaliland kaca oo dad iska dhiga diida qandaraas Muuse Biixi iyo Saleeban Gaal.”

“Ma durbaba kuwii ku faraxsanaa aawoy (heshiiska Itoobiya),” ayey tiri Aasiya Maxamed Diiriye.

Fu’aad Deeq Sanaawi: “Alle ha janneeyo. Kuwii u (sacab tumaya) Itoobiyaanku ha ka hadlaan dhacdadan foosha xun.”

“Waaa xabad noo bilaaba oo caadiya waxoodu,” ayuu yiri Faysal Uurcad oo isna ka fal-celiyay toogashada ay sameeyeen ciidamada Itoobiya ee xuduuda Somaliland.

Sawirro: Taliye Muxudiin Axmed Cusmaan oo booqday safaaradda Somalia ee Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya soo booqday taliyaha hoggaanka baarista dambiyada ee CID-da, gaashaanle dhexe Muxudiin Axmed Cusmaan.

Taliye Muxidiin,waxa uu kulan miro dhal ah la qaatay danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya mudane Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo diblomaasiyiinta safaaradda oo ay ugu horreeyaan qunsulka safaaradda, xoghayaha labaad ee safaaradda iyo agaasimaha waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha ee Kenya.

Taliyaha hogaanka baarista dambiyada ee CID-da iyo safiirka safaaradda shir ay xafiiska safiirka ku qaateen kadib, waxa ay isla garteen in xarunta safaaradda ee magaalada Nairobi laga furo xafiiska laga qaato warqadaha dambi la’aanta uu hoggaanka baarista dambiyada bixiyo, si loola dagaalamo dadka dokumiintiga been-abuurka u sameeyo muwaadiininta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya.

Waraaqda dembi la’aanta islamarkaana loola socdo dadka dambiilayaasha iyo in adeegyada kala duwan ee hoggaanka CID-da bixiyo loogu soo dhaweeyo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya.

Ugu dambeyn taliye Muxudiin Axmed Cusmaan waxa uu soo kormeeray xafiisyada ay safaaradda ku shaqeyso, gaar ahaan waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha, halkaas oo muwaadiniin Soomaaliyeed adeeg u soo doonteen, si uu arko howlaha baaxada leh ay qabato safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya.

SHIINAHA oo luuqad adag kula hadlay Somaliland kadib heshiiskii ay la gashay Itoobiya

0

Beijing (Caasimada Online) – Dowladda Shiinaha ayaa taageero weyn u muujisay mowqifka dowladda federalka ee heshiis beenaadkii badda, ayada oo si adag uga hortimid damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya.

Dowladda Shiinaha oo markii ugu horreysay ka hadashay damaca dowladda Itoobiya ee Badda Cas, ayaa waxay taageertay dowladda federaalka Soomaaliya, iyada oo luuqad adag kula hadashay Somaliland, sheegtayna in ay ilaalinayso mabaadi’da Axdiga Qaramada Midoobay.

“Shiinuhu wuxuu u taagan yahay ilaalinta ujeedooyinka iyo mabaadi’da Axdiga Qaramada Midoobay wuxuuna ka taageeraa wadamada ilaalinta madax-banaanida iyo midnimada dhuleed,” ayey tiri Afhayeen Wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha Mao Ning oo warbaahinta la hadashay.

Sidoo kale waxay sheegtay in Somaliland ay qeyb ka tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, muhiimna ay tahay in la wada ilaaliyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

“Shiinuhu waxa uu dowladda federaalka ee Soomaaliya ka taageerayaa ilaalinta midnimada qaranka, madax-bannaanida iyo wada-jirka dhuleed.”

Shiinaha ayaa ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay dalalka geeska in ay si wanaagsan u maareeyaan arrimaha gobolka ka taagan, iyaga oo u maraya hab diblomaasiyadeed.

“Dhanka kale, waxaan rajaynaynaa in dalalka gobolku ay si wanaagsan u maareeyaan arrimaha gobolka si ay wada-hadal diblumaasiyadeed ku gaaraan horumar guud iyagoo yeelanaya iskaashi saaxiibtinimo.”

Dowladda Shiinaha ayaa xurguf adagi kala dhaxeysaa Somaliland, maadaama ay is aqoonsadeen maamulka kale ee ka go’ay Shiinaha ee Taiwan, sidoo kale Shiinuhu waa mid kamid ah saaxiibada dhow ee Soomaaliya.

Xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa bilaabatay 1-dii bishan kadib markii ay is-afgarad kala saxiideen Itoobiya iyo Somaliland, kaasi oo mas’uuliyiinta Somaliland sheegeen inuu u horseedayo inay Itoobiya aqoonsato iyadoo taas beddelkeedana Somaliland ay dhul 20km oo bad ah ka kiraynayso Itoobiya.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa kasoo horjeesatay is-afgaradkaasi oo ay sheegtay inuu xad-gudub ku yahay madaxbannaanida iyo midnimadeeda dhuleed, waxayna Soomaaliya u tixgelisa Somaliland qayb ka mid ah Soomaaliya.

Laakiin dhinaca kale Itoobiya iyo Somaliland labaduba waxay difaaceen is-afgaradka. Somaliland waxay ku sheegtay bayaan ay toddobaadkan soo saartay in dowladda Soomaaliya ay turjumaad qalad ah ka bixinayso is-afgaradkaasi, Somaliland-na aysan ka mid ahayn Soomaaliya, sida qoraalkaas lagu sheegay.

Itoobiya ayaa sidoo kale waxay dhinaceeda sheegtay in is-afgaradka ay la gashay Somaliland uusan cidna dhibaato ku ahayn.

Dowladda Itoobiya oo soo saartay hanjabaad ku aadan qaadashada badda Somalia

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa soo saartay hanjabaad ku wajahan qaadashada badda Soomaaliya, xilli mucaarado xooggan uu la kulmayo heshiiska uu Abiy Ahmed la saxiixday madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi. 

La-taliyaha amniga qaranka ra’iisul wasaraaha Itoobiya Redwan Hussein ayaa sheegay in markii Itoobiya ay sameynaysay biyo-xireenka webiga Nile ee GERD, ay sidoo kale la kulantay hajnabaado iyo cabsi gelin, oo aysan dhag jalaq u siin, sidaas oo kalena ay ku qaadan doonto badda. 

“Kuma aynan guuleysan biyo-xireenka dib-u-curashada, ayada oo naloo sacab tumayo, balse ayadoo meelo dhow iyo fog na looga soo dirayo hanjabaado iyo cabsi gelin cir iyo dhul ah, iyo annaga oo iska caabinay dhammaan cadaadisyo noocyo kala duwan ah. Albaabka badda na sidaas oo kale ayuu noqon doonaa,” ayuu yiri. 

Balse Redwan ayaa hilmaamsan farqiga u dhaxeeya webiga Nile iyo badda Soomaaliya, oo ah in Nile uu dhex maro dhulka Itoobiya, badda Soomaaliya ay tahay mid dal madax-banaan.

Si kastaba, hadalka Redwan Hussein ayaa caddeyn buuxda u ah in tallaabada uu qaaday Abiy Ahmed ay tahay mid aan kaftan iyo cayaar aheyn, oo ay ka go’an tahay inuu xoog ku qaato badda Soomaaliya, isaga oo aqoonsi been ah ku maaweelinaya Somaliland.  

Is-afgaradka dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland, ayey Somaliland sheegtay in ay aqoonsi uga heleyso Itoobiya, taas beddelkeedana ay dhul dhan 20km oo bad ah ka kirayso Itoobiya.

Balse Itoobiya ayaan weli xaqiijin inay aqoonsan doonto Somaliland, balse waxay sheegtay in marka ay badda hesho kadib ay dersi doonto arrinta aqoonsiga, taasi oo caddeyn u ah in Muuse Biixi uu macno la’aan ku saxiixay badda.

Itoobiya ayaan raadineyn kaliya bad ay dekad iyo saldhig ciidan ka sameysato, balse waxay dooneysaa dhul Soomaaliya ka mid ah oo kasoo baxa xuduudda Itoobiya oo ku xiran illaa badda oo ay qaadato, si ay uga baxdo bad la’aanta. 

Dowladda iyo shacabka Soomaaliya ayaa sheegay inaysan aqbali doonin in taako ka mid ah dhulka Soomaaliya ay qaadato Itoobiya oo ay ka xigaan dagaal iyo dhimasho.  

Saciid Deni oo dib u amba-qaaday dagaalkii DF soona saaray qoraal yaab leh

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxtooyada Puntland ayaa qoraal kasoo saartay shir dhex-maray madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, ku-xigeenkiisa, guddoomiyaha baarlamanka iyo madax horey xilal uga soo qabtay Puntland iyo dowladda federaalka. 

Qoraalka ayaa waxaa ka muuqda in Saciid Deni uu diyaar u yahay inuu sii wado dagaalkii iyo khilaafkii kala dhaxeeyey dowladda federaalka kadib markii dib loo doortay 8-dii Janaayo.

Qoraalka oo laba qodob ka koobnaa ayaa mid ka mid ah ah lagu yiri “Shirku wuxuu ugu baaqayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya in arrimaha masiiriga ah ee Federaaleynta iyo dhammeystirka Dastuurka Federaalka Soomaaliya laga wada hadlo, lana hakiyo tillaabooyinka socda inta laysaga imaanayo.” 

Arrinta yaabka leh ayaa ah; in Deni iyo madaxdii hore ee Puntland uu weli u muuqdo khilaafka Puntland kala dhaxeeya dowladda federaalka, balse aysan wax eray ah ka dhihin arrinta maanta ugu muhiimsan Soomaaliya ee ah damaca ay Itoobiya ku dooneyso inay ku boobto qeyb ka mid ah dhulka iyo badda Soomaaliya. 

Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay madaxtooyada Puntland. 

Shir wadatashi oo ay Madaxtooyada Puntland ee Garowe ku yeesheen Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne Kuxigeenka Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Said, Raysul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Madaxweynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb Axmed Ciise Cawad. 

Shirka waxaa lagu lafa guray xaaladda amni iyo siyaasaddeed ee guud ahaan Dalka Soomaaliya, gaar ahaanna Puntland, waxaana ka soo baxay. 

1. Shirku wuxuu ugu baaqayaa qaybaha bulshada Reer Puntland in ay adkeeyaan, kana wada shaqeeyaan midnimada, nabadda iyo dowladnimada Puntland.

2. Shirku wuxuu ugu baaqayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya in arrimaha masiiriga ah ee Federaaleynta iyo dhammeystirka Dastuurka Federaalka Soomaaliya laga wada hadlo, lana hakiyo tillaabooyinka socda inta laysaga imaanayo.

WABILLAAHI TOWFIIQ

Ciidamada ITOOBIYA oo toogasho ka geystay xadka Somaliland + Khasaaraha

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dhanka xuduudka Somaliland iyo Itoobiya ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay toogasho ka geysteen halkaasi.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan deegaanka xadka ku yaalla ee Qoolbuulalle oo ka tirsan degmada Sallaxlay ayaa toogasho ku dilay askari ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland iyo qof shacab ah.

Askariga Booliska ee la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed, halka qofka kale ee shacabka ah ee la dilay lagu magacaabi jiray Ismaaciil Xasan Budul.

Askariga iyo wiilka dhalinyarada AUN ayaa u dhintay toogasho ay ku sameeyeen ciidanka Itoobiya ee xadka ku sugan. Lamana oga illaa hadda sababta rasmiga ah ee keentay toogashada.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan xuduudaha ayaa marar dhowr ah sidan oo kale dilal ugu gaystay muwaadiniin reer Somaliland ah, kuwaasi oo dad shacab ahi ay ku dhinteen.

Majiro wax war ah oo la xiriira dhacdadan oo kasoo baxay maamullada labada dhinac, waxaana illaa hadda la isweydiinaya sababta keentay toogashadan, xilli ay taagan tahay xiisad xooggan oo ka dhan ah Itoobiya.

Reer Somaliland qaarkood ayaa ka horyimid heshiis beenaadkii ay dhawaan Addis Ababa ku gaadheen Muuse Biixi iyo Abiy Axmed, kaasi oo Itoobiya loogu saxiixay qeybo kamid ah badda Soomaaliya.

Bulshada Soomaaliyeed ayaa sidoo kale si isku mid ah uga hortimid damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya, ayaga oo banaanbaxyo waaweyn ka dhigay magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa iyo Boorama.

Xogta howlgallo culus oo ka socda koonfurta MUDUG

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Deegaanada dhaca Koonfurta gobolka Mudug ayaa waxaa ka socda howl-gallo culus oo ka dhan ah dagaal-yahaanada kooxda Al-Shabaab.

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka ayaa koonfurta gobolka Mudug ka wada howl-galladaasi ka dhan ah Shabaab.

Howl-galladaan ayaa waxay si gaar ah uga socdaan dhulka miyiga ee Jowlo, Caad, Dumaaye, Dabagalo, Jeex-jeex, halkaasi oo la sheegay in ay ku dhuumaaleysanayaan dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Qaar kamid ah taliyaasha ciidanka ee ku sugan goobaha furimaha ayaa sheegay in ay haatan sii baacsanayaan haraadiga kooxda ee ku sii cararaya dhulka keymaha ah ee gobolkaasi, sida ay warbaahinta dowladda u sheegeen saraakiisha ciidanka.

Howl-galladaan ayaa qeyb ka ah dadaalka dowladda ee la doonayo in guud ahaan kooxd Al-Shabaab looga saaro deegaanada gobollada Soomaaliya.

Tan iyo markii uu billowday kacdoonka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab, waxay kooxda weysay gacan ku haynta deegaano aad u badan, kuwaasi oo qaarkood ahaayeen saldhigyo muhiim u ah kooxda.

Sidoo kale waxaa dhawaan si rasmi ah u bilaaban doona wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, kadib marka uu soo idlaado wejiga hore ee dagaalka oo hadda dhameystirkiisa uu ka socda gobollada dhexe, si loo guda-galo wejiga xiga oo ka xoog badnaan doona ka hore.

Sacuudiga oo shardi cusub ku xiray xiriir uu la yeesho Israel

0

Riyadh (Caasimada Online) – Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa Israel ku xirtay in la hirgeliyo hanaanka laba waddan oo jar ah oo ay kala yeeshaan Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.

Arrintaan oo uu shaaciyay diblomaasi u dhashay Sacuudiga, isaga oo sheegay in dalkiisu uu xiriir caadi ah la samaysan doono Israel haddii ay dhabowdo hannaanka labada waddan.

Safiirka Sacuudiga ee Britain Amiir Khalid bin Bandar ayaa sidoo kale u sheegay Idaacadda BBC 4 in boqortooyada Sacuudigu ay doonaysay nabad ay la gasho Israel tan iyo hindisaha nabadeed ee Carabta ee 2002-dii balse aysan noqon doonin “mid wax u dhinta shacabka Falastiin”.

Waxa uu sheegay in wax badan doonayeen inay aqbalaan Israel, hase yeeshe aysan la noolaan karin Israel iyada oo aan la unkin dowlad reer Falastiin ah, ayuu ku yiri wareysigaasi.

“Dagaalka Gaza ka hor Sacuudiga waxa uu ku dhowaaday in xiriirka la caadiyeeyo Israel, waxaana ku dhawaanay in la sameeyo dowlad reer Falastiin ah,” ayuu yiri Amii bin Bandar isaga oo carabka ku adkeeyay in midkoodna uusan imaneyn kan kale la’aantiis.

Bartamaha sanadkii tegay ayey aheyd markii Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay hakisay wada-hadallada ku saabsan in ay caadiyeyso xiriirka Israel, xilli uu socdo dagaalka u dhexeeya Israel iyo kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas.

Boqortooyada Sacuudiga oo ah halka ay ku yaalaan goobaha ugu barakeysan Islaamka ayaan waligeed aqoonsanin Israel, kumana jirto heshiiskii Abraham ee uu 2020-kii Mareykanka dhex-dhexaadiyey, kaasi oo dalalka Khaliijka ee ay jaarka yihiin ee Baxreyn iyo Imaaraadka Carabta iyo sidoo kale Morocco ay xiriir rasmi ah la sameysteen Israel.

Maamulka madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa bilihii la soo dhaafay si weyn ugu dadaalayay in Sacuudiga uu qaado tilaabadaasi oo kale, taasi oo loo arko xilligaan mid aan sahlaneyn.

Si kastaba, Riyadh ayaa tan iyo markaas kolba soo bandhigaysay shuruudaha ay ku beddelanayso in ay caadiyeyso xiriirka Israel.

Sawirro: Ciyaartoyda Koonfur Galbeed oo lagu weeraray Muqdisho – Yaa ka dambeeyey?

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Cayaartoydii meteleysay Koonfur Galbeed ee galabta laga badiyey ayaa weerar culus kala kulantay, iyagoo la socda baskii ka soo qaaday garoonka.

Taageerayaasha Xulka Koonfur Galbeed oo aad uga careysan guul-daradii ee kooxdooda ay kala kulmeen dhigooda Galmudug ayaa weerar ku qaaday gaariga baska ah ee ciyaartoyda waday.

Ciidamada ammaanka oo sugayey amniga Kooxda Koonfur Galbeed ayaa durbaba ka hortagay dadkii soo weeraray kooxda, iyagoo kala ceyriyey taageerayaashii careysnaa.

Dhaawacyo intooda badan fudud ayaa soo gaaray cayaartoyda, waxaana lagu dabiibayaa mid kamid ah isbitaalada magaalada Muqdisho.

Ciyaaraha Koobka Maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa sanadkaan ah mid aad u xamaasad badan, taas oo keentay in taageerayaasha aysan xitaa u adkeysan karin guul darro ay kala kulmaan kooxaha dhigooda ah ee ay wajahayaan.

Cayaartoyda Galmudug ayaa galabta seddax iyo eber kaga badisay cayaartoyda Koonfur Galbeed, waxayna cayaartii galabta aheyd mid ka mid ah cayaarihii ugu xamaasadda badnaa.

Ciidanka NISA ayaa gelbinayey baska ay saaraayeen cayaartoyda la weeraray, waxaana lagu garaacay ulo iyo dhagaxaan, iyadoo ugu dambeyntii lagu guuleystay in laga hortago weerarkaas.

Mareykanka iyo UK oo qaaday tallaabo culus oo la xiriirta xiisadda Badda Cas

0

Washington (Caasimada Online) – Mareykanka iyo Britian ayaa bilaabay weeraro ballaaran oo ka dhan ah kooxda Xuutiyiinta ee ay taageerto Iran, kadib halista ka soo korortay Badda Cas.

Weeraradan oo lagu tilmaamay kuwa looga aargudanayo Xuutiyiinta, in ka badan labaatan weerar oo dhowaan uu ururkaasi la beegsaday maraakiibta isaga kala gooshta marinka caalamiga ah ee Badda Cas.

Saraakiil Mareykan ah oo ka gaabsaday inay magacooda sheegaan, maadaama oo aan loo ogolayn inay warbaahinta la hadlaan, ayaa sheegay in ciidamada milateriga ee Mareykanka iyo Ingiriisku ay weerar ku qaadeen in ka badan toban bartilmaameed oo ay leeyihiin kooxaha Xuutiyiinta.

Xarumaha la weeraray ayaa waxay isugu jiraan goobo tababar iyo meelo lagu kaydiyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay lahaayeen Xuutiyiinta.

Waa markii ugu horraysay ee la duqeeyo xarumaha Xuutiyiinta ee ku yaalla gudaha Yemen, tan iyo markii ay bilaabeen weerarada ka dhanka ah, maraakiibta maraysa badda cas, iyaga oo sheegay inay garab-istaag u muujinayaan shacabka Falastiiniyiinta.

Waxaa jiray illaa 27 weerar oo laga soo abaabulay goobaha ay Xuutiyiintu ka maamulaan dalka Yemen, tan iyo wixii ka dambeeyey bishii November ee sannadkii hore.

Salaasadii, taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka oo dusha kala socda hawl-gallada ciidamada Mareykanka ee bariga dhexe iyo Koonfurta Aasiya ayaa sheegay in kooxda Xuutiyiintu ay qaadeen weerar adag oo ay adeegsadeen illaa 18 diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha lahayn, iyo illaa saddex gantaal, kuwaasi oo lala beegsaday gaadiidka badda ee maraya biyaha Badda Cas.

Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka, oo ay wehelinayaan, Maraakiibta dagaalka ee Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa dhacdadaas ka jawaabay, iyaga oo soo riday diyaaradahaas iyo gantaaladaba, kana hortagay khasaarihii ay geysan lahaayeen.

Ka hor intii aan Mareykanka iyo Ingiriisku aanay weerarka qaadeen, waxaa jiray saraakiil Mareykan ah oo u digay Xuutiyiinta iyo Iran-ba, in aanay ku kicin falal jar iska xoornimo ah oo sharci darro ah.

Xogta dadkii saarnaa diyaaradii u gacan gashay Al-Shabaab iyo dalalka ay u kala dhasheen

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan diyaaradii shalay ku dhacday duleedka deegaanka Xiindheere ee gobolka Galgaduud, waxaana xog hordhac ah laga helay tirada dadkii saaraa diyaaradaas.

Ilo wareedyo ka tirsan xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in guud ahaan tirada dadka saarnaa diyaaradda ay ahaayeen sagaal qof, kuwaas oo kala ahaa:

Askari Soomaali ah, kalkaaliso caafimaad oo Ugaandhays ah, dhakhtar Masaari ah, laba qof oo u dhashay dalka Kenya iyo afar qof oo shaqaale ka ahaa diyaaradda oo u dhashay dalka Ukraine.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay goobtii diyaaradu ku degtay ku dishay dhakhtarkii Masaarida ahaa.

Sidoo kale askariga Soomaaliga ah iyo kalkaalisada Ugandhayska ah ayaa ka baxsaday goobta, ilaa hadana lama hayo xogta meel ay ku sugan yihiin.

6-da qof ee soo hartay oo kala ah labo nin oo Kenya u dhalatay iyo afar qof oo midi haween tahay oo Ukraine u dhalatay ayaa la xaqiijiyey inay gacanta u galeen Al-Shabaab.

Al-Shabaab waxay dadkaas la aadeen howdka u dhaxeeya Ceelbuur iyo deegaanka lagu qabtay ee Xiindheere, halka xiriirkooda la waayey labadii qof ee mid Soomaaliga ahaa ee duurka ku carartay.

Dowladda Soomaaliya ayaa wada dadaalo lagu soo badbaadinayso dadka ay afduubteen Al-Shabaab iyo kuwa duurka ku maqan ee la aaminsan yahay in weli aysan gacanta u gelin kooxda.

Diyaaradii waxaa la xaqiijiyey inay gubtay kooxda Al-Shabaab, sidoo kale ilo wareedyada aan ka helnay tirada dadkaan waxay ka gaabsadeen inay faahfaahiyaan waxa ay siday diyaaradaas.

Ilo ka tirsan dowladda ayaa sheegay in diyaaraddu ay siday daawo, waxayna ahaayeen labo diyaaradood oo mida kale waxay siday hub, waxayna si nabad ah uga degtay Wisil oo ay u socdeen, isla markaana ah saldhigga ugu weyn ee laga hoggaamiyo dagaalka Al-Shabaab ee ka socda gobolka Mudug.

 

Sacuudiga oo war culus ka soo saaray damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa bayaan ka soo saartay damaca dowladda Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya, kaas oo gilgilay Geeska Afrika.

Sacuudiga ayaa si buuxda u garab istaagay Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana bayaanka ka soo baxay Sacuudiga lagu sheegay muhiimadda ay leedahay ilaalinta madaxbanaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Bayaanka Sacuudiga ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in loo hoggaansamo mabaadi’da deris-wanaagga, lagana fogaado wax kasta oo xiisadda iyo colaadaha gobolka sii kordhinaya.

Sacuudiga ayaa dalbaday in laga wada shaqeeyo nabad-gelyada iyo xasilloonida gobolka, taas oo muhiim u ah horumarinta iskaashiga iyo isdhexgalka dalalka gobolka.

Madaxweynaha dalka Jabuuti oo ah Guddoomiyaha Urur Goboleedka IGAD ayaa xalay ku baaqay in shir deg deg ah oo looga hadlayo damaca guracan ee Itoobiya iyo jawaabta ay ka bixisay Soomaaliya.

Shirkaan oo ka dhici doona 18-ka bishaan dalka Udanda ayaa looga jawaabayaa baaqii Soomaaliya ee ahaa in wadamada IGAD kulan ay ka yeeshaan damaca Itoobiya.

Dowladda Soomaaliya waxaa doodeeda ka mid ahaa in tallaabada ay qaaday Itoobiya ay ka soo horjeedo shuruucda IGAD iyo dhammaan shuruucda kale ee caalamka.

Dowladda Jabuuti ayaa u muuqata inay door firfircoon ka qaadaneyso sidii loo dejin lahaa xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya oo xubno muhiima ka ah ururkaan IGAD.

Dowladda Soomaaliya ayaa diblomaasiyadda uga adkaatay Itoobiya, waxayna dalalka ugu muhiimsan caalamka uga digeen Itoobiya damacaan guracan ee badda Soomaaliya ay ku dooneyso.

Jabuuti oo iclaamisay shir deg deg ah oo lagu xalinayo xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya

0

Jabuuti (Caasimada Online) –Madaxweynaha dalka Jabuuti oo ah Guddoomiyaha Urur Goboleedka IGAD ayaa ku baaqay in shir deg deg ah oo looga hadlayo damaca guracan ee Itoobiya iyo jawaabta ay ka bixisay Soomaaliya.

Shirkaan oo ka dhici doona 18-ka bishaan dalka Udanda ayaa looga jawaabayaa baaqii Soomaaliya ee ahaa in wadamada IGAD kulan ay ka yeeshaan damaca Itoobiya.

Dowladda Soomaaliya waxaa doodeeda ka mid ahaa in tallaabada ay qaaday Itoobiya ay ka soo horjeedo shuruucda IGAD iyo dhammaan shuruucda kale ee caalamka.

Dowladda Jabuuti ayaa u muuqata inay door firfircoon ka qaadaneyso sidii loo dejin lahaa xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya oo xubno muhiima ka ah ururkaan IGAD.

Dowladda Soomaaliya ayaa diblomaasiyadda uga adkaatay Itoobiya, waxayna dalalka ugu muhiimsan caalamka uga digeen Itoobiya damacaan guracan ee badda Soomaaliya ay ku dooneyso.

Maanta oo ugu dambeysay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya,

Safiirka ayaa madaxweynaha la wadaagay taageerada Shiinaha ee ku aaddan gobonimada, madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee JFS Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka mahadceliyay mowqifka adag ee dowlada Shiinaha ay ku garab istaageen qaranimada iyo madaxbaaninda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo muujiyay muhiimadda ay u leedahay ilaalinta sharuucda caalamiga ah,  xasilloonida iyo degenaanshaha Geeska Afrika oo udub-dhexaad u ah nabadda Caalamka.

Safiir Shiinaha Mudane Fei Shengchao ayaa tilmaamay  in Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ay u aqoonsan tahay  Somaliland in ay tahay qeyb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana ay adkeynayso  ilaalinta Axdiga Qaramada Midoobay.

Hoos ka akhriso warka Jabuuti ka soo baxay

COP28 Dubai: Re-emergence of Somalia as a Nation

0

Somalia’s participation in Cop28 Dubai marked a visible return after a prolonged absence from international arenas and forums, including those organized by the United Nations Framework Convention on Climate Change (UNFCCC). This re-emergence follows the conclusion of Cop27 in Sharm El Sheikh, Egypt, just last year, a significant step by the country in such global platforms.

The Ministry of Environment and Climate Change, as the vanguard of the country’s full participation, mobilized talented individuals, financial resources, and technology several months in advance to ensure a seamless delivery of the highly anticipated and elevated event in Dubai compared to Cop27 in Shamel Sheikh.

Conference Of Parties is an annual event. The COP28, hosted by United Arab Emirates (UAE) Government in Dubai (source: https://sdg.iisd.org/events/2023-un-climate-change-conference-unfccc-cop-28/ ), took place from November 30th to December 12th, 2023. Over 170 countries participated in the conference, culminating in significant agreements on phasing out fossil fuels, easing climate finance for the Least Developed Countries (LDCs), and other measures aimed at mitigating and adapting to environmental challenges worldwide.

Under the leadership of Ministry of Environment and Climate Change (MoECC), Somalia assembled large delegations, including representatives from Environment, Energy, Agriculture, Health, and Women and Gender Equality Ministries, as well as from Quangos, local NGOs, and  Climate Change Experts and members of the media. The Ministry’s strategy focused on active  participation, highlighting the increased climatic change calamities the country faces and devastating impact on lives and livelihoods.

Recent data indicates, Somalia is facing the brunt of climate change, with environmental disasters and unstable weather patterns leading to ongoing humanitarian crises. The country is particularly vulnerable to global warming, experiencing frequent floods, prolonged droughts, and intense summer heat. Due to its fragile state and ongoing conflicts, Somalia lacks the necessary resources to effectively address these climate challenges. As a result, the country relies on delayed external assistance, leading to immense suffering, internal displacement, and loss of lives.

Recently elevated from a directorate to a Ministry by the current Government, the  MoECC has been prioritizing environmental issues since its establishment just over a year ago.

The primary focus of this Ministry is to highlight the negative impacts of climate change both local and at international platform with particular emphasis on the Horn of Africa region.

Since its inception, MoECC has made significant progress at a national level by formulating climate policies, enacting meteorology laws, and launching campaigns aimed at combating climate change through widespread tree planting initiatives across Somalia. Notably, at Cop28, Somalia was granted admission and secured a seat at the Inter-Governmental Task Force on Climate Adaptation Finance. The goal of this task force is to expedite access to climate finance for developing and conflict effected countries like Somalia.

Currently, it takes up to four years for funding approvals after submission. MoECC’s role in this global climate debate involves advocating for faster funding processes specifically for communities that are severely affected by climate change and whose economic development is hindered as a result. During Cop28 discussions among delegates from Least Developed Countries (LDCs), there was an emphasis on the need for support in capacity building efforts as well as technology transfer and financing options that can help mitigate and adapt to the challenges posed by climate change in these nations.

Somali Pavilion Cop 28 Dubai

 The remarkable achievement of Somalia at Cop28 can be partially attributed to the introduction of an innovative Pavillion. This Pavillion, functioning as a small-scale exhibition center, was specifically designed to showcase the country’s strengths and identify areas for improvement in addressing climate change. Embellished with cultural artifacts, artworks, national symbols, and banners, it was inaugurated by President Hassan Sheikh Mohamuud. Not only did it become a focal point for high-level meetings and panel discussions involving Somali representatives and their international partners, but it also facilitated bilateral and multilateral conversations on climate-related issues and economic development. Furthermore, the  Platform provided the platform for the Ministry of Environment and Climate Change to unveil two crucial documents in combating environmental disasters that plague Somalia: the flagship Climate Change Strategic Plan for 2023 to 2028 and the Nationally Determined Contribution that extends until 2030.

More so, the Pavilion was a powerful symbol of Somalia’s resurgence as a nation, where Somali officials warmly welcomed foreign delegates. They effectively highlighted the significant environmental obstacles that the country has faced in recent years, emphasizing the urgent need for timely action and adequate resources.

Although there was a one-day delay in the conference due to disagreements about phasing out fossil fuels, after extensive negotiations, an agreement was finally reached. This groundbreaking agreement marked the beginning of a projected decline in fossil fuel usage as an energy source. The delegates also found common ground on various other initiatives, such as establishing a fund to compensate Least Developed Countries (LDCs) for financial losses caused by climate change and damages resulting from emissions by developed nations over the past century. Furthermore, plans were made to convene UNFCC Cop29 in Azerbaijan in November 2024.

For Somalia, achieving post-debt relief through HIPC and successfully joining the Climate Finance Adaptation Committee (including both developed and developing countries) aims to alleviate barriers to accessing climate finance for LDCs. Looking back at this event, it is clear that Somalia’s Ministry of Environment and Climate Change played a pivotal role in organizing Cop28 Dubai and UNFCCC meetings. Observers at Cop28 Dubai and beyond are optimistic that Somalia is ready to overcome its previous challenges.

However, international support in addressing Somalia’s climate-related disasters has been slow and somewhat limited. It is crucial for Somalia as a nation to develop a comprehensive resilience strategy involving not only government entities but also private sectors, civil societies, and affected communities alike.

By: Ahmed Dahir Abdi

Sawirro: Shiinaha oo mowqif adag ka istaagay damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Safiirka dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Fei Shengchao.

Danjiraha Shiinaha ayaa madaxweynaha la wadaagay taageerada dowladda Shiinaha ee madax-banaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay taageerada Shiinaha, wuxuuna carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in loo hoggaansamo shuruucda caalamiga ah.

Kulanka Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Safiirka dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Fei Shengchao ayaa ku soo beegmaya xilli dowladda Shiinaha ay dowladda Soomaaliya u muujisay garab istaag ku aadan xadgudubka dowladda Itoobiya.

Dowladda Shiinaha ayaa xurguf adagi kala dhaxeysaa Somaliland, maadaama ay is aqoonsadeen maamulka kale ee ka go’ay Shiinaha ee Taiwan, sidoo kale Shiinuhu waa mid kamid ah saaxiibada dhow ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa olole adag oo caalami ah u gashay xadgudubka ay Itoobiya ku dooneyso badda Soomaaliya, waxaana suurta gashay in dalalka ugu waaweyn caalamka ay taageeraan qadiyadda midnimada Soomaaliya.

Somaliland waxay dunidu ka soo qaaday maamul aan geli karin heshiis caalami ah, waxaana sidaas ku guuleysatay dooda dowladda federaalka Soomaaliya, waxayna arrintaan dhabarjab caalami ah ku noqotay Itoobiya.

Wadamadii ay Soomaaliya la wadaagtay qadiyadaan ayaa Itoobiya uga digay inay ka joogto doonisteeda guracan, sidoo kale shacabka Soomaaliyeed si ay u muujiyaan shucuurtooda diidmada damaca Itoobiya, waxaa dalka ka socda banaanbaxyo culus.