25.4 C
Mogadishu
Sunday, June 21, 2026

Qarax ka dhacay magaalo lagala wareegay Al-Shabaab

0

Caad (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta qarax khasaare gaystay uu ka dhacay gudaha magaalada Caad oo ka tirsan koonfurta gobolkaasi, taas oo dhowaan uun lagala wareegay kooxda Al-Shabaab.

Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in jugta qaraxa, si weyn looga maqlay magaalada, kadibna goobta ay gaareen ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan halkaasi.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa ka dhacay bartamaha magaalada, waxaana ku dhintay hal qof oo shacab ahaa, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaasi, waxaase lagu soo warramayaa in weli howlgallo ay ka socdaan gudaha Caad.

Xaaladda ayaa maanta ah mid aad u kacsan, waxaana ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka la sheegay inay isku fidiyeen deegaanka, si ay u beegsadaan xubnaha Al-Shabaab.

Caad ayaa waxaa marar badan ka dhacay weeraro iyo dagaallo toos ah oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo isku bad-beddalay maamulka deegaankaasi.

Guud ahaan waxaa gobolka Mudug ka socda howlgallo culus iyo duqeymo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo khasaare lixaadleh lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka kooxdaasi.

Sawirro: Xasan Sheekh oo qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta xadgudubka Ethiopia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmihii u dambeeyay waday dadaallo ka dhan heshiiska badda ee maamulka Somaliland iyo Itoobiya ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay ergayga gaarka ah ee Midowyga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Marwo Annette Weber.

Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ayaa waxaa lagu soo qaaday xaaladda gobolka iyo doorka Midowga Yurub ee dowlad-dhiska iyo horumarka Soomaaliya.

Sidoo kale labada dhinac ayaa si gaar ah uga arrinsaday dagaalka ka dhanka ah argagixisa iyo tayeynta ciidamada.

Marwo Annette Weber oo madasha ka hadashay ayaa adkeysay mowqifka Midowga Yurub ee ilaalinta xasiloonida iyo degenaanshaha Geeska Afrika, kadib xadgudubkii Itoobiya.

ergayga gaarka ah ee Midowyga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika ayaa sidoo kale xustay muhiimadda ay siinayaan in la dhowro madaxbanaanida, gobonimada  iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dhankiisa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey tageerada Midowga Yurub ay u muujiyeen qaranimada iyo madaxbaaninda Soomaaliya, isagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixinayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed difaaca dhulkooda, baddooda iyo gobanimadooda.

Wada-hadalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo xalay khadka taleefoonka ku dhex-maray madaxweynaha iyo Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres, isaga kala hadlay xaaladda gobolka iyo xasillooni darrada ay abuurayso damaca iyo xadgudubka Itoobiya ee ka dhan ah madaxbannaanida iyo gobanimada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay aragtida iyo siyaasada dowlada federal Soomaaliya oo ku dhisan daris-wanaag, iskaashi iyo is-ixtiraam, taas oo ay barbar socoto in dadka iyo dowladda Soomaaliya aysan aqbalayn in lagu soo xadgudbo midnimadooda iyo dowladnimadooda.

Soomaaliya ayaa si weyn uga carootay heshiiska Muuse Biixi Cabdi iyo Abiy Axmed, kaas oo Itoobiya loogu saxiixay 20 KM oo kamid ah badda Soomaaliyeed.

Daawo: Gabar Itoobiyaan ah oo lagu gowracay Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhacdo argagax leh oo xalay ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, kadib markii lagu gowracay gabar Itoobiyaan ah oo kasoo jeedo qowmiyadda Oromada.

Nin mindi ku hubeysan ayaa lagu soo warramayaa  inuu gabadha ku dilay xaafadda Waxar-cadde ee magaaladaasi, kaas oo la sheegay inuu qabay xanuun dhanka dhimirka ah.

Guddoomiyaha xaafadda ay dhacdadu ka dhacday ayaa ka warbixiyay falkaasi, wuxuuna u sheegay in gabadho ay shaqaale ahayd, isla markaana uu dilay ninka xanuunsan.

“Xalay abaare 8:30 habeenimo ayaa nin xoogaa xanuunsan wuxuu ku dilay gabar kamid ah dadkan Oromada ah oo usoo shaqo tegay deegaanada Galmudug, Gabadhu waxay ahayd shaqaalo muddo bil ah ayay cidda la joogtay” ayuu yiri guddoomiyaha xaafadda.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyay in si arxan darran uu ninka u dilay gabadha oo Muslimad ahayd, isla markaana uu dhowr jeer la dhacay tooreyda ama mindida.

“Dhacdadu waxay u dhacday mindida la yiraahdo minida carbi ayuu ku dilay, wuxuuna ku dhuftey dhorw jeer oo aan yareyn, gabadha maydkeeda waa qaadnay isbitaalka ayaan gaynay” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Guddoomiyaha xaafadda Waxar-cadde oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dhacdan ay tahay wax ku cusub Dhuusamareeb, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay si dajiyaan.

“Waxaa ka rabaa bulshada inay is dajiso wuxu way dhaceen xag Ilaahey ayaa ka qornaayeen ka maamul ahaan iyo ka shacab ahaan aad ayaan uga xunahay falkaasi, waa arrin ugub nagu ah” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha xaafadda Waxar-cadde.

Dhacdadan ayaa argagax ku reebtay shacabka ku dhaqan Dhuusareeb oo si weyn uga naxay falkaasi oo sidoo kale aad looga hadal haayo baraha bulshada ee Internet-ka.

Sawirro: Dibadbixii ugu weynaa oo ka socda Muqdisho iyo waddooyinka oo xiran

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa maanta ka socda dibadbax weyn oo looga soo horjeedo damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya, kadib heshiiskii ay wada galeen maamulka Somaliland iyo Itoobiya.

Banaanbaxa oo ay ka qayb-galayaan kumanaan shacab ah iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa haatan ka bilowday isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Dibad-baxayaasha ayaa ku qaylinaya erayo ka dhan ah Itoobiya oo ku kacday xadgudub ka dhan ah madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa xiran waddooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho, ayada oo lasoo dhoobay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Goobaha waxbarashada iyo ganacsiyada ayaa sidoo kale la xiray, kadib markii ay amartay dowladda Soomaaliya oo iyadu soo qaban-qaabisay dibadbaxaan.

“Waxaan rabaa inaan soo dhaweeyo shacabka magaalada Muqdisho oo ku dhowaaqay banaanbax maalinka Khamiista ah in la’isugu soo baxo dhammaan jidadka waa weyn shaqooyinka la joojiyo, ganacsiga la xiro, la’iskuna soo baxo” ayuu wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya oo shalay ka hadlay dibad-baxa haatan ka socda caasimada.

Horay reer Muqdisho ayaa u dhigay dibad-bax ay ku diideen heshiiska badda ee Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo uu soo qaban qaabiyay maamulk gobolka Banaadir.

Soomaaliya ayaa si weyn uga carootay heshiiska Muuse Biixi Cabdi iyo Abiy Axmed, kaas oo Itoobiya loogu saxiixay 20 KM oo kamid ah badda Soomaaliyeed.

default

default

Xiisadda badda oo dagaal dalal kale qeyb ka noqdaan ka ridi karta Somaliland

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland, gaar ahaan gobolka Awdal waxaa ka dilaacay baraarug shacab oo wadani ah, kadib markii Itoobiya loo calaamadeeyay xeebta deegaanka Lughaya ee gobolka Awdal.

Magaaladan taariikhiga ah ayaa La-taliyaha amniga ee ra’iisul wasaaraha Itoobiya Ridwaan Xuseen waxaa laga soo xigtay inay tahay halka lagula heshiiyay inay dagaan ciidanka badda ee Itoobiya, sidoo kalena ay ka dhigtaan marin ganacsi, iyada oo wasaaradda warfaafinta Itoobiya ay iyaduna sheegtay in saldhigani uu yahay mid joogto.

Qaadashada xeebaha Lughaya ayaa sidoo kale ka dhigan dhul qaadasho, maadaama aanay marwalba kala hari karin baddaas iyo dhulka ku xiraya dhanka Itoobiya.

Dadka deegaanka ayaa si weyn uga horyimid qorshahan, reer Lughaya ayaa hubka qaatay, waxaana is-casilay wasiirkii gaashaandhiga Somaliland oo deegaanadaasi kasoo jeeda kadib markii uu ka carooday in deegaankiisa la siiyo Itoobiya.

Sidoo kale magaalada Boorama ayaa muujisay guuxii shacab ee ugu cusla ee waayahan ka dhaca Somaliland. Dareenka wadaniga ah ee Boorama ayaa si adag u diidana damaca Itoobiya.

Inkasta oo Itoobiya fahamsan tahay sida ay Soomaalida uga go’an tahay inay dhulkooda u dhintaan, sidoo kalena rejo xumo kasoo wajahday dhaqan-galka heshiiskii Muuse Biixi u saxiixay, haddana dhinaca kale waxaa furantay dood ku saabsan sida Muuse Biixi ugu babac dhigi karo dareenka wadaniga ah ee gobolka Awdal.

Muuse Biixi ayaa kal hore ku fashilmay inuu maareeyo dareen shacbi ah oo ka dilaacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, waxaana isku dayay inuu xoog ku xaliyo taas oo xaalada gaarsiisay meel uusan waxba ka qaban karin, illaa markii ugu dambeysay ay Laascaanood toos uga baxday gacantiisa.

Markale dab ayuu gacanta ku qaatay Muuse Biixi, reer Awdal si aan dhuumasho laheyn ayay u diideen in deegaankooda uu Muuse Biixi ku wareejiyo Itoobiya, waxayna wacad ku mareen inay dagaalami doonaan, iyada oo wararka qaar sheegayaan inay durba bilaabeen inay is abaabulaan.

Xiisadda gobolka Awdal waxaa la saadaalinaya inay ka cuslaan doonto middii Laascaanood, oo middaan dowlado badan ayaa ku dagaalami kara, kuwaasi oo badankooda kasoo horjeeda Itoobiya.

Waxaa suurta-gal ah in xiisadda Awdal ku lug yeeshaan Ethiopia, Soomaaliya, Jabuuti, Eritrea iyo Masar. Dagaalka biyuhu halis ayuu ku yahay jiritaanka Somaliland inta aan la gaarin ictiraaf, mana muuqato awood ciidan iyo mid siyaasadeed oo Muuse Biixi uu intaas oo dowladood marinadooda ku maareyn karo.

Hoggaamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi wuxuu heli waayay aragti siyaasadeed iyo awood ciidan oo uu ku maareeyo xiisaddii gobolka Sool oo ay Soomaali kaliya ku lug laheyd. Waxaana dad badan u sawirmi la’ inuu maanta hayo aragti ama awood ciidan oo u babac dhigi karta hirarka kaga soo socda jihooyinka badan.

Tallooyinka loo jeedinayo waxaa kamid ah in uu dib uga laabto heshiiskan, oo xiisadda ka dhalan karta ay ka gudo weyn tahay inta hadda muuqata.

Wararka ka imaanaya Somaliland waxay sheegayaan in Taliska Muuse Biixi uu durba bilaabay inuu ciidan dheeri ah geeyo gobolka Awdal, si loo caburiyo dareenka waddaniga ah ee ka dilaacay gobolkaas.

Dadka cabiraya heer kulka xiisaddan waxay saadaalinayaan inay markaan Somaliland ka dilaaci karaan jabhado wadani ah oo deegaankooda difaacanaya oo garab ka heli kara dowlado waaweyn.

Inuu Muuse Biixi ku fikiro inuu xoog ku xaliyo xiisaddan ayaa dhalin karta mushkilado ka waaweyn middii Laascaanood ayey leeyihiin dadka ka faalloonaya qaddiyadaan.

Khatar kusoo fool leh dhulka Soomaliyeed iyo shacabkiisa

0

Hordhac:

Ujeeddada qoraalkaan waa ogeysiin ama xasuusin cid gaar ahana loolama jeedo

Laga soo bilaabo dabayaaqadii qarnigii 19-aad ilaa xornimada Soomaaliya 1960-kii, dadka Soomaaliyeed ee ku noolaa bariga Afrika waxay ku hoos noolaayeen gumeysteyaashii Ingiriiska, Talyaaniga, Faransiiska iyo Itoobiya. Boqortooyada Midowday (UK) waxay gacanta ku dhigtay dhulka Ogadeniya oo Itoobiya gumeysaneysay dagaalkii labaad ee aduunka ka hor. Dhulkaas ayaa UK dib ugu celisay Itoobiya dagaalka ka dib, balse laguma xadin wax dhaafsiisan xad ku meel gaar ah oo khariidada ka muuqanaya (—–). Ogaadeeniya, ama Dawlad Deegaanka Soomaalida, waxaa degan qowmiyado Soomaali ah, xuduudka caalamiga ahina waa mid aan la calaamadayn oo aan si dhab ah loo arki karin dhulka. Laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta, gobolka Ogaadeenya wuxuu ahaa meesha ugu horraysa ee ay ka aloosan tahay xurgufta qotoda dheer ee labada Dawladood.

Xudduudaha Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaliay ayaa kala ah kuwa aan la kala leenahay:

1- Shacabka Jabuuti oo waqooyi Galbeed oo Soomaaliya dhaca oo aaan la leenahay 600km
2- Ethiopia Galbeed ayaan xuduud kala leenahay dhan 1650km
3- Kenya Koonfur Galbeed xuduud dhararkeedu yahay 700km
4- Gacanka Cadmeed dhan waqooyi xuduudda dhererkeedu waa 940km ku dhawaad
5- Badweynta Hindiya oo bari naga xigta 2,393km ku dhwaad.

Dhallinyarada Soomaaliyeed waxa laga doonayaa in ay bartaan dalkood iyo xuquuqda uu ku leeyahay iyo midda ay ayagu ku leeyihiin. Waxa kale oo laga rabaa in ay ogaadaan dalkaan in awoowe yaashood ay ka difaaci jireen cadowga ku soo duuli jiray oo doonayey in uu gumeysto daka diintana ka saaro.

Haddaba, hadda waxa socda fulinta qorshe boqolaal sano ka hor gumeystuhu dejiyey oo ahaa in Soomalida la kala jarjaro oo la qabiyo la’isku diro kadibna wixii la doono laga sameysto. Wey bilaabatay oo waad aragtaan waxa dhacayo, ee ah in dhulkii Soomaali u dhexeeye qof ka mid ah Soomaalida uu ku dhiirado in uu iibiyo kuna iibsado wax dhammaan kara illeyn dhulku ma dhamaado il qiyaamaha laga gaarayo.

Waxa aan qarsooneyn in hadda Soomaaliya ay leedahay toddobo madaxweyne oo federalku ku jiro. Waxa  kale oo aad arki kartaan dhallinyarow iyo wax garadoow, lixda maamul goboleed ee hadda jira in ay xudduud la wada leeyihiin Gumeystaha Xabashida. Waxa aad ogaataan in ay jireen gobollo Soomaliya ka mid ah oo aan lahan jirin bad laakiin xudduud la laha dowla degaanka Itoobia xukunto. Hadda dhammaantooda gobolladaas oo kala ah Sool, Togdheer, Hiiran, Bakool, Gedo iyo Bay badda ayaa lagu xiray taas oo fufudeyneysa in Dowlad Goboleed walba si gaar ah loola heshiiyo sida haddaba dhacaday oo ay Itobiya badda gaari karto iyada ka dul boodeysa dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Qoraalka waxa uu aad u khuseeyaa dhallinyarada Soomaaliyeed oo waligood ahaa kuwa ka hortaga hagardaamada Gumeystayaasha naxariista daran. Sida la og yahay lana rabo in ay dhallinyardu ogaato Sheekh Axmed gurey  ayaa dalkaan difaacay 1529 ilaa 1543 ilaa laga soo gaaro 1943 oo SYL dhalatay oo u dagaalameen in ay Soomaliya Gumeystaha ka xuroowdo.

Helitaan Xurriyadda Soomalia dhiig badan ayaa ku daatay. Marka laga yimaado Bortuqiis, Ingriis Fransiis iyo Talyaani iyo dadkii ay laayeen xurriyadda darteed Xabashidu dagaal ayey intaas Soomaaliya ku heysay kuwii ugu dambeeyey waxa ay dheceen 1964, 1977 iyo 1982.

Haddaba, waxa loo baahan yahay in hurdada laga kaco oo dhulka hooyo laga difaaco xabashida.

Dowladdii madaxwene Farmaajo si weyn ayey isugu daday in ay Itobiya Soo dhaweyso oo saaxiibtinimo tusiso iyo nabad ku wad noolaasho, dowladda hadda jirta  Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud waxa uu  baaqiisu ahaa in uu ka shaqeyn doono Soomali Heshiis ah Dunida Heshiis la ah taas oo madaxweynuhu si dhab ah ula billabay Itobiya iyo kuwo kaleba. Lakiin xabashidu waxa ay ka door bidday dadaaladaas dowladihi kala dambeeyey ee Soomaliya ay sameeyeen in ay raacdo barnaamij ay dejisatay oo ay ugu talagashay in ay iska horkeento Ummadda Soomaliyeed, danaheedana uga fulishato iyada oo adeegsaneysa qaar Soomalida ka mid ah.

Gunaanad

Dalka Somaaliya Xasilooyin iyo awood uu ku ilaaliyo xudduudihiisa ma yeelan doono haddii aan la helin Soomaali hal dhinac kasoo wada jeeda. Inta ay jiraan talooyin is khilaafsan oo la kala madax bannaan yahay, waxa jiri doonta faragelin joogto ah oo ka imaaneysa dalal badan si toos ah ama aan toos ahayn oo danaha dalka loogu jeheynayo wadama kale danahooda iyo dana shakhsi ah. Hadda taas waxa ka turjumaya nadaamka aan qaadanay oo federal lagu sheego, oo aan siineynin hortebinta xoojinta qarannimada. Marka federaalku waxa ay ahayd in uu la yimaado wada shqeyn is qaddarin oo dal awood leh ka soo baxo. Hadda waxa ay u muuqataa in aan u soconno waddan taagdaran oo aan go’aan wada qaadashadu dhib ku tahay. Waxa markhaarti cad u ah Dastuurka jiitamayo dhowr iyo Toban sano, oo dano khaas ah laga socodsiin la’ayah.

W/Q: Dr. Prof. Axmed Cumar Calasow
[email protected]

Daawo Abshir Bukhaari: Itoobiya maaha walaalaheen waa codow soo jireen ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha madaxtooyada Soomaaliya, Mudane Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) oo maanta ka qayb-galay dibadbaxii ka dhacay Muqdisho ayaa si adag uga hadlay heshiiska badda ee Somaliland iyo dowladda Itoobiya.

Abshir Bukhaari ayaa weerar culus ku qaaday Itoobiya oo soo damaacisay badda Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay inay waligeyd ahayd cadowga Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan u saartagelaynin damaceeda ku aadan la wareegitaanta qayb kamid ah badda Soomaaliyeed.

“Soomaalidu waa inay ogaataa Itoobiya waa cadow gun ah, Itoobiya waa walaalaheen  been waayay waxay dhiseysaa guri aan dhismeynin” ayuu yiri Abshir Bukhaari.

Wasiiru dowlaha madaxtooyada oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay u diyaar garoobaan difaaca qaranimadooda.

“Laga bilaabo maanta waxaa nahay askarta kaydka ah, waa inaan u diyaar garownaa difaaca dhulkeenna iyo baddeenna” ayuu mar kale yiri wasiiru dowluhu.

Dhinaca kale dadkii ka qayb-galay dibad-baxa maanta oo ahaa kii ugu weynaa ee ka dhaca Muqdisho ayaa si toos ah farriin ugu diray ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya.

“Qof walba oo maanta halkan taagan waxay u joogtaa inay kuugu imaato Itoobiya, ma kuugu sugeyno Salac, Soomaaliya hanoolaato” ayay iyaduna tiri Haboon oo kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee maanta ka qayb-galay dibadbaxa ka dhacay Muqdisho.

Waa dibad-bixii labaad oo ka dhaca Muqdisho, loogana soo horjeedo damaca Itoobiya ee ku aadan badda Saylac ee ay u saxiixday Somaliland.

Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn uga carootay heshiiska Muuse Biixi Cabdi iyo Abiy Axmed, kaas oo Itoobiya loogu saxiixay 20 KM oo kamid ah badda Soomaaliyeed.

QM oo war kasoo saartay diyaaraddii iyo shaqaalihii u gacan galay Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Qaramada Midoobe ee Soomaaliya ayaa war kasoo saaray diyaarad u kireysneyd iyo shaqaale saarnaa oo shalay u gacan galay kooxda Al-Shabaab kadib markii ay ku degtay deegaan ay maamusho.

Diyaaradda ayaa la sheegay inay ku degtay degaan u dhow degaanka Xiindheere oo ka tirsan gobolka Galguduud, oo ay maamusho kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay cilad farsamo ku timid.

“Qaramada Midoobe waxay xaqiijineysaa inay jirto dhacdo diyaaradeed oo la xiriirta diyaarad u kiraysneyd QM, taasi oo ka dhacday deegaanada Galmudug ee Soomaaliya. Diyaaradda waxay ku guda jirtay daabulaad caafimaad oo dhanka hawada ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska QM ee Soomaaliya.

“Qaramada Midoobe waxay ku jirtaa hanaan ay ku ururineyso akhbaaraadka la xiriira. Waxaa socdaa dadaallo looga jawaabayo, waxaana akhbaar dheeri ah idinla wadaagi doonnaa marka la helo,” ayey tiri.

Diyaaradda ayaa ka kacday magaalada Beledweyne, waxayna kusii jeeday degaanka Wisil ee gobolka Mudug, sida uu sheegay wasiirka amniga Galmudug Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe oo ku sugan degaanka Wisil.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in diyaaradda ay sidday dawo, islamarkaana cilad ku timid ay sababtay inay si deg deg ah ugu degto degaanka Xiindheere.

Waxa kale oo uu sheegay in toddobada qof ee saarnaa diyaaradda, lix ka mid ah loo maleynayo inay yihiin ajaanib, halka qof kale uu yahay Soomaali. Waxa uu sheegay inay weli baarayaan xaqiiqda dhabta ah ee dhacdadan.

Guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame oo la hadlay VOA ayaa sheegay in dadka deegaanka ay u xaqiijiyeen in kooxda Al-Shabaab ay gubtay diyaaradda.

“Masuuliyiin saaxiibo ah oo isla joogno ayaa hadda agteyda ku wareysanayeen dadka meesha jooga, diyaaradii inay gubeena wey u xaqiijiyeen oo dadkii saarna ay wateen ayey u xaqiijiyeen,” ayuu yiri guddoomiye Faarax Diiriye.

Warkan ayaa si madax-banaan loo xaqiijin karin. Kooxda Al-Shabaab ayaan weli ka hadal dhacdadan.

Maxaan ka naqaan degaanka Ethiopia ay ka rabto BADDA?

0

Lughaya (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in heshiiskii ay la gashay Somaliland lagu siiyay bad kiro ah, gaar ahaan laga siiiyay degmada Lughaya ee gobolka Awdal.

Haddaba maxaan ka naqaanaa Lughaya oo ay Itoobiya sheegtay in bad kiro ah laga siiyay?

Lughaya waa magaalo xeebeed qaddiimi ah oo ku taal waqooyi galbeed ee gobolka Awdal. Maamul ahaan waxay ka tirsan tahay Somaliland.

Lughaya waxa ay 50 km koonfurta kaga beegantahay dekedda Jabuuti, 200 oo km-na waxay dhanka waqooyiga ka xigtaa degmada Berbera. Sidoo kale waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu weyn gobolka Awdal.

Shacabka deggan waa dad xoolo dhaqato ah, sidoo kalana kalluumeysato ah, waxa ay caan ku tahay kalluunka iyo caanaha geela. Degmadan waxaa deggan dad lagu qiyaaso 75,000 oo qof.

Deegaannada hoosyimaada degmada Lughaya waxaa lagu cabbiraa dhul baaxaddiisu le’eg tahay ilaa 10,421 km kaasi oo ay ku dhaqan yihiin dad gaaraya ilaa 182,706.

Sida caadiga degmadani waxaa xarun u ah magaalada xeebta ah ee Lughaya. Magaalooyin kale ee ku hareereysan ama xidhiidhka laleh waxaa ka mid ah Saylac, Caasha Cado, Xariirad, Jidhi iyo Lawyacaddo kuwaasi oo isugu jira magaalooyin iyo tuulooyin.

Gobolka Awdal oo ay ka tirsan tahay degmada Lughaya ayaa ah gobol taariikh dheer leh isla markaana lagu xusuusto xadaarad suldaannimo, boqortooyo iyo ismaamul dheer oo muddo soo jiray. Boqortooyada Adal waxay ka mid tahay awooodihii ugu caansanaa ee ka soo talin jirey gobolka Awdal.

Awdal waxaa magaalo madax u ah caasimada Boorama, oo ah magaalada ugu weyn gobolka. Gobolkan waxa uu ka mid yahay gobollada ugu horumarsan woqooyiga gaar ahaan woqooyi galbeed, xag dhaqaale, waxbarsho, diin ahaan iyo mid isgaadhsiineedba.

Siciid Idiris Askar, oo ka mid ah odayaasha deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in deegaanku uu yahay deegaan Soomaaliyeed isla markaana ay ku tarmeen dhammaan qosykiisa lagasoo bilaabo ilaa awooweyaashiis, haatanna uu isagu ka mid yahay odayaasha deegaanka.

“Qiyaastii ilaa 1810-kii waxaa deegaanka ku dhashay aabahay awowgiis, ilaa jufadeenna halkan ayaan caan ku nahay”.

“Halka immika la sheegayo in Itoobiya haatan ay qaadaneyso, qiyaas ahaan waxa ay Itoobiya u jirtaa ilaa 50-KM laakiin weli ma garaneyno halka ay sida rasmiga ah u tahay dhinaca la siiyay,” ayuu yiri Siciid Idiris.

“Halka Itoobiya la leeyahay waa la siiyay waxa aan ku maqleynaa in ay tahay Xeebta ‘Sabacas’ laakiin lama hubo waana xeeb ku toosan ceel batrool”, ayuu sii raaciyay.

Waxa uu sheegay in Lughaya ay ku aasan yihiin ceelal shidaal oo kale, isla markaana shidaalku uu kamid yahay waxyaabaha uu deegaanku qaniga ku yahay.

Dowladda Itoobiya ayaa mar kale difaacday is-fagaradka ay la gashay Somaliland ee sida xooggan ay uga hortimid dowladda federaalka Soomaaliya.

Is-afgaradkan ayey Somaliland ku sheegtay inay marin-badeed 20 kiilomitir ah kaga kiraynayso Itoobiya muddo 50 sano ah, halka Itoobiya ay Somailand “u fidinayso aqoonsi.”

Ridwan Xuseen, oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali, ayaa wareysi gaar ah oo siiyey warbaahinta dowladda ee Ethiopian Broadcasting Corporation (EBC) waxa uu ku sheegay in falcelinta [caalamiga ah] ee ka dhalatay is-afagaradka “ay aheyd wax aysan fileyn.”

Waxa uu sheegay in goobta ay Somaliland heshiiska ku gashay ay tahay Lughaya oo ka tirsan gobolka Awdal.

Ridwan ayaa difaacay go’aanka ay Itoobiya is-afgaradka kula saxiixatay Somaliland.

Waxa uu ku dooday in “inkasta oo Somaliland aysan helin aqoonsi buuxa, ay horey heshiisyo ula saxiixatay dalal kala duwan, oo ay ku jiraan heshiisyo horumarin dekado.”

dhinaca kale, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor sii horreysay saxiixay sharci noociisa uusan aad u badnayn in la arko oo lagu buriyey kii ay todobaad ka hor wada gaareen Somaliland iyo Itoobiya ee ay isku dhaafsadeen dhul badeed iyo aqoonsi.

Guud ahaan siyaasiyiinta Soomaalida, kuwii hore iyo kuwa hadda xilalka hayaba waxa ay si isku mid ah u dhaleeceeyeen heshiiska ay Itoobiya ku dooneyso dhul badeed ku yaalla Somaliland.

Dalal badan oo caalamka ah ayaa sidoo kale dhaliilay heshiiskan oo lagu sheegay mid sharciga baal marsan isla markaana xad gudub ah.

Isha: BBC

Xil wareejin ka dhacday madaxtooyada PUNTLAND + Sawirro

0

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa maanta ka dhacday munaasabad ay xilalka ugu kala wareegayeen madaxweyne ku xigeenkii hore ee maamulka Puntland iyo midka cusub ee dhowaan loo doortay xilkaasi.

Xil-wareejinta ayaa waxaa ay ka dhacday qasriga madaxtooyada, ayada oo labada ku xigeen uu xilalka u kala wareejiyay madaxweyne Saciid Deni oo mar kale dib loo doortay.

Axmed Karaash oo ah ninka la beddalay oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo isbeddalka dhacay, uuna la shaqeynayo madaxa la doortay.

Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka cusub ee Puntland Ilyaas Lugatoor oo isna madasha ka hadlay ayaa u mahadceliyay ku xigeenkii hore, isaga oo sheegay inuu shaqada halkeeda kasii wadi doono, isla markaana uu la shaqeyn doono madaxweyne Saciid Deni.

La wareegitaanka xilka madaxweyne ku xigeenka ayaa ka dhigan inuu dhaqan galay isbeddalkii ka dhacay madaxtooyada oo ku koobnaa madaxweyne ku xigeenka, maadaama madaxweynihii mar l2aad dib loo soo doortay kadib doorasho 8 bishan ka dhacday Garowe.

Saciid Deni ayaa noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee dib loogu doortay maamulka Puntland, tan iyo markii la aas-aasay maamulkaasi oo 25 sano jirsaday.

Dhacadadan doorashada ayaa meesha ka saartay isbeddalkii la filayay inuu ka dhaco maamulka Puntland oo ay si weyn isku hayeen dowladda federaalka Soomaaliya.

Deni iyo ku-xigeenkiisa cusub ayaa waxaa horyaalla howlo adag oo ay ugu horreynta mad-madwoga kala dhexeeya dowladda dhexe iyo inuu Puntland gaarsiiyo qof iyo cod.

Puntland ayaa maalmihii dambe ku jirtay xaalad adag oo ka dhalatay muranka hareeyay doorashada soo dhammaatay, kadib markii ay isku dhaceen Deni iyo mucaaradka.

DF oo loo jeediyay inay baarto diyaaradaha ku dhaca dhulka Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa loogu baaqay inay qaado tallaabo ku aadan diyaaradaha inta badan ku dhaca deegaanada ay joogaan Al-Shabaab oo ay shalay u dambeysay diyaarad ay leedahay Qaramada Midoobay iyo shaqaalihii saarnaa ay gacan u galeen Al-Shabaab, kadib markii ay ku dhacday deegaan ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab oo u dhow deegaanka Xiindheere ee gobolka Galguduud.

Diyaaradda oo si khaldan ugu degtay halkaasi ayaa waxaa hadda la sheegay inay Al-Shabaab gubtay, ayna wadatay dadkii saarna oo iskuugu jira Soomaali iyo Ajaanib.

Mahad Wehliye Raan oo ah aqoonyahan falanqeeya arrimaha amniga oo la hadlay Shabelle TV ayaa ka hadlay dhacdooyinkan soo laa laabtay, kadib markii ay dhowr diyaaradood ay siyaabo kala duwan ugu dhaceen dhulka ay ka taliyaan xoogaga kooxda Al-Shabaab.

Aqoonyahankan ayaa usoo jeediyay dowladda Soomaaliya inay hoos u eegto arrintaas, isla markaana ay ku sameyso baaritaan qoto dheer, si loo ogaado diyaaradahaasi.

“Arrinkan markii ugu horreysay ma’ahan dhowr jeer oo hore ayuu soo noq-noqday, waxaana moodaa inaan weli lagu baraarugin halista ku geedaaman in diyaarado ay ku dhacaan dhulka cadowga, waxaan u arkaa arrin khalad ah, dowladda Soomaaliyana looga baahan yahay inay hoos u eegto” ayuu wareysiga ku yiri falanqeeye Mahad Wehliye Raan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay suuragal tahay in diyaaradahaasi ay sahay iyo saanad u wadaan kooxda Al-Shabaab oo haatan dagaal kula jirto dowladda Soomaaliya.

“Dhul uu risk ka jiro oo dad dagaalamayaal ah ay ku sugan yihiin in diyaarado ay kusoo dhacaan waxay ka dhigan tahay in saanad iyo sahay waxay u baahanaayeen iyaga loo geynayo, waaan su’aal mudan in la’si weydiiyo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu yiri “Nimankan waxay hadda dagaal toos ah ku jiraan muddo ka badan hal sano, mana lahan warshad hubka sameyso, su’aashaaas haddii la’is weydiin lahaa waxaa soo bixi lahaa sababta ay diyaaradahaas ugu dhacayaan dhulka Al-Shabaab”.

Ma’aha markii ugu horreysay oo diyaarad ay ku dhacdo dhulka Al-Shabaab, waxayna horay u dhacday dhowr jeer oo hore, taas oo keentay in shaki laga muujiyo waxa soo cel-celiyay.

ICJ oo bilaabeysa dhageysiga dacwad ka dhan ah ISRAEL

Muqdisho (Caasimada Online) – Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee loo soo gaabiyo ICJ ay billowdo, dhageysiga dacwad ka dhan ah Isra’il kaas oo ay maxkamadda geysay dowladda South Africa.

Koofur Africa ayaa ku eedeysay Isra’il, in ay Gaza ka geysatay danbiyo dagaal oo ka dhan ah Falastiiniyiinta ku nool Gaza isla markaana ay jebisay heshiiskii caalamiga ahaa ee xasuuqa ee sannadki 1948-dii.

South Africa ayaa sidoo kale ugu baaqday garsoorayaasha in ay Israa’iil ku amraan, in ay si deg deg ah u joojiso howlgallada millatari ee Gaza. Dhammaan eedaha ay South Africa soo jeedisay ayaa waxaa beenisay Isra’iil, iyada oo sheegtay in ay koox qareenno ah oo iyada matalaya ay u dirtay, xarunta Maxkamadda ICJ ee magaalada Hague ee dalka Holland.

Afhayeenka Dowladda Israaiil Eylon Levy ayaa Arbacadi sheegay, in Israa’iil ay maanta kasoo hor muuqa doonto Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda, si ay isaga difaacdo buu yiri aflagaaddo dhiig leh oo uga timid South Africa.

Dacwaddaan oo la filayo in qaadato muddo sannado ah, ayaa qeybteeda hore socon doonta maanta iyo berri, waxaana lagu furi doonaa dhageysiga eedaha ay soo jeedisay South Africa.

Brazil iyo Colombiya ayaa goor danbe oo Arbacadi shalay ah taageeray kiiska dacwadda ka dhanka ah Israa’iil.

Shacabka Muqdisho oo berri taariikh cusub dhigaya iyo DF oo wada abaabul culus (Sawirro)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Khamiista berri waxaa lagu balansan yahay inuu Muqdisho ka dhaco banaanbax dadweyne kii ugu cuslaa oo looga soo horjeedo damaca Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya, waxaan banaanbaxaas iclaamisay oo hoggaamineysa dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Waxbarashada XFS ayaa shir gudoomiyay kulan caawa uu yeeshay Guddiga qabanqaabada Banaanbaxa “Difaaca Gobonimada Dalka” kadib damacii Itoobiya ee doonista Baddeena.

Guddiga oo ay xubno ka yihiin Wasiirrada Arimaha Gudaha, Warfaafinta, Dhalinyarada, Amniga, Taliyaha Booliska, maamulka gobolka Banaadir, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’isul Wasaaraha iyo masuuliyiin kale ayaa looga arrinsaday Banaanbaxyo waa weyn oo ka dhici doona guud ahaan dalka, gaar ahaan Magalada Muqdisho.

Inta uu shirku Socday waxaa diirada lagu saarayay sidii looga tashan lahaa qaabka uu u dhacayo Banaanbaxa ay Bulshada Soomaaliyeed dareenkooda ku cabiraan.

“Ujeedka Banaanbaxan oo beri ka dhicidoona Caasimada, ayaa ah diidmada gardarada Dowlada Itoobiya ee Damaca Badda, oo heshiis is afgarad  xaaraan ah lagashay Maamulka Soomaaliland kaasi oo ah damac baalmarsan Gobonimada iyo Midnimada dhuleed ee Jahmhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliyeed, Qaraarada Gobolka iyo Qaanuunka Dowliga ah,” ayaa lagu yiri qoraal laga soo saaray kulanka guddiga.

Dhinaca kale, Xiriirka Guud ee Ururada Shaqaalaha Dowladda ayaa ku baaqay in aan loo kala harin banaanbaxa Khamiista berri ka dhacaya Muqdisho.

“Ururka shaqaalaha dowladda wuxuu soo dhaaweeyanaa, una diyaarsan yahay ka qeyb galka banaanbaxa weyn ee Khamiista looga dhawaaqay Muqdisho,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay Xiriirka.

Dhamaan shaqaalaha dowladda ayaa qoraalkaan looga codsaday inay ka soo qeyb galaan banaanbaxa berri, si loo muujiyo dareenka dadka Soomaaliyeed, loona muujiyo xadgudubka Itoobiya ay ku kacday.

Sidoo kale wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee XFS ayaa caawa soo saartay qoraal ay shaqaalaha dowladda ku fareyso inay ka soo qeyb galaan banaanbaxa Muqdisho ka dhacaya Khamiista berri.

Sidoo kale wasaaradda ayaa shaacisay in goobaha ugu muhiimsan ee la isugu imaanayo ay ugu horeyso taallada Daljirka Daahaoon ee degmada Boondheere, sidoo kale wadooyinka waaweyn ee caasimadda ayaa laga dalbada dadweynaha inay soo camiraan.

Caasimadda dalka waxaa laga dareemayaa diyaar garow xoog leh oo ku saabsan banaanbaxa ka dhacaya Muqdisho ayaa la dareemayaa caawa, waxaana suuqyada laga iibsanayaa calanka Jamhuuriyadda.

QM oo war kasoo saartay heshiiska SOMALILAND iyo ITOOBIYA shaacisayna in…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefanka ay ku wada xiriireen Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres ayaa kala hadlay xaaladda gobolka iyo xasillooni darrada ay abuurayso damaca iyo xadgudubka Itoobiya ee ka dhan ah madaxbannaanida iyo gobanimada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay aragtida iyo siyaasada dowladda federal Soomaaliya oo ku dhisan daris-wanaag, iskaashi iyo is-ixtiraam, taas oo ay barbar socoto in dadka iyo dowladda Soomaaliya aysan aqbalayn in lagu soo xadgudbo midnimadooda iyo dowladnimadooda.

Dhinaca kale, Afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe ayaa ka hadlay is-afgaradka ay kala saxiixdeen Somaliland iyo Itoobiya, kaasi oo ay si aad ah ay uga hortimid Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Is-afgaradkan ayey Somaliland ku sheegtay inay marin-badeed 20 km ah kaga kiraynayso Itoobiya muddo 50 sano ah, halka Itoobiya ay Somailand “u fidinayso aqoonsi.” Itoobiya weli ma xaqiijin inay aqoonsaneyso Somaliland, balse waxay sheegtay inay darsi doonto sidii ay arrintaas mowqif uga qaadan laheyd.

Stephane Dujarric, afhayeenka xoghayaha guud ee QM, oo weriyayaasha ay maanta wax ka weydiiyeen arrintan, ayaa sheegay in xoghayaha guud ee QM António Guterres uu khadka taleefonka kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxa uu tixgeliyey walaaca Soomaaliya ee ku aaddan Is-afgaradkii Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya iyo “Somaliland” ee lagu dhawaaqay 1-dii Janaayo.”

”Xoghayaha Guud waxa uu dib u xusay in Golaha Ammaanku uu si joogto ah u caddeeyay ixtiraamka uu u hayo madax-bannaanida, wadajirka dhuleed iyo midnimada Soomaaliya,” ayuu yiri afhayeenka QM Stephane Dujarric.

“Xoghayaha guud waxa uu rajaynayaa in dhammaan dhinacyadu ay yeeshaan wadahadal nabadeed oo wax ku ool ah si ay uga fogaadaan fal kasta oo xaaladda uga sii dari kara,” ayuu yiri.

DF oo war culus ka soo saartay diyaaraddii iyo shaqaalihii u gacan galay Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war cusub ka soo saartay diyaarad galabta ku dhacday deegaano ay joogaan Al-Shabaab oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Dowladda ayaa sheegtay in diyaaradaas ay laheyd Qaramada Midoobey, isla markaana ay aheyd nooca loo adeegsado gargaarka degdegga ah, waxayna caawineysay oo daawo u siday ciidanka xoogga dalka.

“Diyaarad ay leedahay Qaramada Midoobay oo loo adeegsado dhanka gurmadka degdegga ah oo caawineysay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhacdey goob ku taalla Dowlad Goboleedka Galmudug oo ay ka taliyaan Khawaarijta Al Shabab,” ayaa lagu yiri warka dowladda.

Qoraalka dowladda ayaa intaas ku sii daray, “Wararka hordhaca ayaa sheegaya in diyaaradda ay la soo gudboonaatey cillad farsamo, kadibna ay halkaasi ku dhacdey.”

Sidoo kale dowladdu waxay qoraalkaan ku shaacisay in diyaaradda ay la socdeen sideed qof oo shaqaale ah oo isugu jiray ajaanib iyo Soomaali.

Warkaan waxaa lagu xaqiijiyey in dadkii saaraa diyaaradaas ay u gacan galeen Al-Shabaab, isla markaana uu socdo howlgal ay ku soo badbaadinayaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Waxaa diyaaradda saarnaa 8 shaqaale ah oo isugu jiray ajnabi iyo Soomaali. Iyadoo Ciidamada Qalabka Sida ay ku guda jiraan badbaadinta shaqaalihii saarnaa, ayaa waxan idin la soo wadaagi doonaa hadba waxa ku soo kordha dhacdadan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Diyaaradaan waxay galabta ku dhacday deegaan lagu magacaabo Xiindheere oo ka tirsan gobolka Galgaduud, xilli ay ka yimid Beledweyne una socotay magaalada Wisil.

Waxaa la sheegay in diyaaraddu siday daawo loogu tala galay ciidanka qaranka ee ka dagaalamaya gobolka Mudug, cilad aan la shaacin nooca ay tahay ayaa la sheegay inay ku timid diyaaradda, mana dhicin ee waxaa loo dejiyey si ku talagal ah, sida ay noo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah.

Wararkii ugu dambeeyey ee diyaaraddii iyo shaqaalihii QM ee u gacan galay Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya diyaarad Helicopter ah oo ay leedahay Qaramada Midoobe iyo shaqaale la socday oo u gacan galay kooxda Al-Shabaab.

Diyaaradda oo si khaldan ugu degtay deegaan ay maamusho kooxda, ayaa waxaa hadda la sheegay inay Al-Shabaab gubtay diyaaradda, ayna wadatay dadkii saarna oo iskugu jira Soomaali iyo Ajaanib.

Guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame oo la hadlay VOA ayaa sheegay in dadka deegaanka ay u xaqiijiyeen in kooxda ay gubtay diyaaradda.

“Masuuliyiin saaxiibo ah oo isla joogno ayaa hadda agteyda ku wareysanayeen dadka meesha jooga, diyaaradii inay gubeena wey u xaqiijiyeen oo dadkii saarna ay wateen ayey u xaqiijiyeen,” ayuu yiri guddoomiye Faarax Diiriye.

Sidoo kale waxa uu sheegay in laga howl-gali lahaa sidii loo soo badbaadin lahaa shaqaalaha ay kooxda afduubatay, “Tallaabada xigta dadka cadowga afduubtay sidii loo soo badbaadin lahaa, sidii xogtooda loo heli lahaa iyo meeshay ku sugan yihiin ayaa xigta.”

Diyaaradda ayaa la sheegay inay ku degtay degaan u dhow degaanka Xiindheere oo ka tirsan gobolka Galguduud, oo ay maamusho kooxda Al-Shabaab, waxaana soo baxaysa in diyaaradda ay halkaas uga degtay cilad farsamo oo qasabtay, taasi oo keentay inay sameyso degitaan aan horey loo qorsheyn.

Diyaaradda ayaa ka kacday magaalada Beledweyne waxayna kusii jeeday degaanka Wisil ee gobolka Mudug, sida uu sheegay wasiirka amniga Galmudug Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe oo ku sugan degaanka Wisil.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in diyaaradda ay sidday dawo, islamarkaana cilad ku timid ay sababtay inay si deg deg ah ugu degto degaanka Xiindheere.

Waxa kale oo uu sheegay in toddobada qof ee saarnaa diyaaradda, lix ka mid ah loo maleynayo inay yihiin ajaanib, halka qof kale uu yahay Soomaali. Waxa uu sheegay inay weli baarayaan xaqiiqda dhabta ah ee dhacdadan.

Xafiiska Qaramada Midoobe ee Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab ayaan illaa iyo hadda wax war ah kasoo saarin dhacdadan. Qaramada Midoobe oo aan isku daynay in aan la xiriirno weli kama jawaabin.

Culimada Soomaaliyeed oo bayaan culus kasoo saaray damaca Itoobiya (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay shir Culimada Soomaaliyeed ay ka yeesheen xad-gudubka Itoobiya iyo heshiis beeneedkii madaxweyne Muuse Biixi uu Addis Ababa kula saxiixday ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Bayaan kasoo baxay shirka Culimada Soomaaliyeed ayaa si adag looga horyimid damaca Itoobiya, iyaga oo bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay u midoobaan ka hortaga fara-gelinta iyo xad-gudubka badheedhka ah ee Itoobiya.

“Bulshada Soomaaliyeed meel ay joogtaba u midowdo ka hortaga fara-galinta iyo boobka lagu hayo gobanimada Dalka kana fogaadaan khilaafaadka siyaasiga ah, qabyaalada ku saleysan iyo midka fikriga ahba, si loo ilaaliyo difaaca qaranimada iyo madax-banaanida dalka,” ayaa lagu yiri bayaanka Culimada Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxay uga digeen dowlada Itoobiya natiijada qaraar ee ka dhalan karta xad-gudubka madax-banaanida Soomaaliya ee ku kacday xukuumadda Abiy Axmed.

“Culimada Soomaaliyeed waxay si gaar ah dhalinyarada (ugu baaqeysa) in ay gutaan waajibka ka saaran difaaca Qarannimada Soomaaliya, si la mid dhalinyaradii usoo dagaalamey kana qeyb qaatey halgankii gobonima-doonka dalkeena, kana digtoonaadan in looga faa’iideysto kacdoonkooda si aan u adeegaynin dalkeena, diinteeena iyo dadkeenaba.”

Bayaanka kasoo baxay Culimada Soomaaliyeed ayaa sidoo kale waxaa lagu booriyay shucuubta Muslimiinta ah ee degan gobolka geeska Afrika “in ay ku baraarugaan gulufka gar-darada ah ee Abiy Axmed isaga hor keenayo shucuubta Muslimiinta, taasi badalkeedna ay shucuubta Muslimiinta iska kaashadaan maslaxada Diinkooda, nabad iyo deris wanaagna ku wada noolaadaan.”

Ugu dambeyntiina waxay culimada bogaadiyeen wada-hadaladii dhawaan dib uga bilowday dalka Jabuuti ee dowladda federaalka iyo Somaliland, iyagoo ku baaqay in laga mira-dhaliyo wada-hadaladaasi si loo xaqiijiyo midnimada umadda Soomaaliyeed.

Hoos ka daawo

Sababta DENI markale u soo laabtay iyo ceebtii Aaran-jaan iyo DF ka raacday doorashada

0

Garoowe (Caasimada Online) – Saciid Cabdullaahi Deni ayaa 8-dii bishaan bixiyay duruus siyaasadeed, kadib markii uu noqday qofkii ugu horreeyay ee laba jeer loo doorto xilka hoggaamiyaha maamulka Puntland.

Saciid Deni ayaa iibsaday naceyb siyaasadeedka reer Puntland qaar u qabaan Xasan Sheekh Maxamuud, taasi oo dib u siisay shan sano oo cusub oo laga yaabo inuu inteeda badan ku kharash gareeyo dagaalka federaalka iyo damiciisa madaxweynaha Soomaaliya 2026.

Natiijada wareegii hore ayaa boorka ku qarisay xubno loo arkaayay inay Deni riixi karaana sida; kooxda ay sida ba’an u hardameen ee la yiraahdo Aaran-jaan, kuwaas oo u sharaxnaa Xasan Shire Abgaal.

Wuxuu wareegii hore ee doorashada helay Saciid Cabdullaahi Deni 35 cod, halka Musharaxa labaad galay Guuleed Saalax Barre uu helay 9 cod, waxaana saddexaad galay Abshir Cumar Haruuse oo helay 8 cod.

Wareegii labaad ee doorashada waxaa isla aaday Saciid Cabdullaahi Deni, Guuleed Saalax Barre iyo Abshir Cumar Haruuse, laakiin Deni ayaa sii waday wareegiisa isaga oo helay 40 cod, halka uu Guuleed Barre uu helay 17 cod, waxaana Abshir Haruuse uu helay 9 cod.

Doorashada ayaa markaas u baahatay wareeg saddexaad, waxaana u gudbay Saciid Deni iyo Guuleed Barre. Deni ayaa markale helay codad rikoor ah oo dhan 45, kuwaasi oo u saamaxay inuu noqdo hoggaamiyaha Puntland ee 5-ta sano ee soo aadan, wareeg walba 5 cod ayaa u kordheysay Saciid Cabdullaahi Deni.

Haddaba, Maxay ka dhigan tahay guusha Saciid Deni?

Marka hore Villa Somalia oo dhowr musharax kaararka saaratay, inkasta oo uu si weyn ololahooda u muuqan ayaa ku hungoobay inay Saciid Deni bixiyaan. Waxay ka dhigan tahay in dagaalkii federaalka iyo Puntland uu halkiisa kasii socon doono.

Deni ka sakow inuu noqday ninkii ugu horreeyay ee laba jeer loo doortay Puntland wuxuu dhinaca kale uu sare u soo qaaday damiciisa heer federaal, oo wuxuu noqon doona mid kamid ah ragga ugu cad cad doorashada federaalka ee soo aadan, maadaama uu kaalinta saddexaad ka galay doorashadii ugu dambeysay ee federaalka.

Siyaasiyiin badan oo reer Puntland ah ayay dhibaato ku tahay soo laabashada Deni, kuwaasi oo hadda filanaaya inuu Saciid Deni ka saari doono saaxada siyaasadda.

Deni wuxuu kale oo uu jabiyay tarihii, Qardho, Garoowe iyo Gaalkacyo ayaa mid walba waxay 5 sano qaadan jirtay xilka ugu sarreeya maamulka Puntland. Waxaana sanadkaan taraha sugayay reer Garoowe, laakiin Saciid Deni oo reer Qardho ah uu mar labaad soo laabtay ayaa ka dhigan inay dhamaatay sheekadii taraha oo hadda kadib ay qolo walba leedahay fursad ay ku qaadato xukunka Puntland.

Doorashadii qof iyo codka ayaa iyaduna fursad kale heshay. Deni waxaa kale oo u furan inuu sii wado mashruuciisa doorashada dadweynaha oo ay siyaasiyiinta uu 8-dii bishaan ka adkaaday horey u hor istaageen.

Faah-faahinta qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhawaaqa jug culus oo maanta duhurkii laga maqlay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Dhawaaqa jugta culus ayaa la xaqiijiyay inuu ahaa qarax lasoo dhigay Suuqa Xamarweyne ee magaalada Muqdisho, kaasi oo markii dambe ay qarxiyeen ciidamada ammaanka.

Qoraal kasoo baxay Taliska qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir ayaa lagu shaaciyay in qaraxaas aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay, ayna ciidamada ammaanka dadka ka badbaadiyeen.

“Saaka 10 Jan 2024 abaare 12:20 AM ayeey Khawaarijtu si dhagar ah, walxa qarxa usoo dhigeen Suuqa Marwaas gaar ahaan Kaalin Shidaal ee Degmada Xamarweyne. Ciidamada Amaanka ayaa dadka ka badbaadiyay, goobta xiray. Isla markaana, qarxiyay abaare 01:00 PM Duhurnimo,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir.

Ciidamada dowladda ayaa sidan oo kale hore u fashiliyay qaraxyo ay kooxda Al-Shabaab doonaysay inay ku waxyeelayso shacabka caasimada, xilli uu dalka ka socdo guluf dagaal oo ka dhanka ah kooxda, kaasi oo ay iska garabsanayaan ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada kala duwan ee ka howlgala caasimada ayaa kordhiyey howl-gallada ka socdo magaalada Muqdisho, si looga hortego weerarada qaraxyada ah iyo dilalka ka dhacay caasimada.

Si kastaba, Amniga Muqdisho ayaa soo reysanayay bilihii dambe, ayada oo laamaha ammaanka oo kaashanaya ganacsatada ay ku guuleysteen in goobaha ganacsiga lagu xiro inta badan Kaamirooyin, si loo helo raad-raac amni, ugana qeyb qaatan xaqiijinta amniga caasimada.

Sawirro: Xasan oo qaaday tallaabo la xiriirta ciidanka xilli ay jirto xiisadda Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeeray Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow.

Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa Madaxweynaha Qaranka warbixin ka siiyay xaalada dalka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo sida ciidamada xoogga ay diyaar ugu yihiin sagaalka dalka loogu sifeenayo argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale warbixino ka dhageystay saraakiisha ciidanka, waxa uuna kulan guud uu la qaatay Taliyaasha Ciidamada Badda, Cirka, Taliye ku-xigeenka Ciidamada dhulka Xooga dalka Soomaaliyeed.

Shirka guud ee Madaxweynaha Qaranka uu la qaatay Saraakiisha Ciidanka XDS ayaa waxaa goob joog ka ahaa Saraakiisha, Madaxda hogaanada iyo Taliska guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Dagaalka Al-Shabaab ayaa qorshuhu yahay in dardar xooggan dib loogu bilaabay, xilli muddooyinkii dambe ay hoos u dhaceen howl-galladii ka dhanka ahaa Al-Shabaab, marka laga tago duqeynta cirka iyo deegaano kooban.

Billowgii kacdoonka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa waxay kooxda ku weysay gacan ku haynta deegaano aad u badan, kuwaasi oo qaarkood ahaayeen saldhigyo muhiim u ah kooxda.

Si kastaba, waxaa dhawaan si rasmi ah u bilaaban doona wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, kadib marka uu soo idlaado wejiga hore ee dagaalka oo hadda dhameystirkiisa la dardar-gelinayo, si loo guda-galo wejiga xiga oo ka xoog badnaan doona ka hor.