25.5 C
Mogadishu
Sunday, June 21, 2026

War cusub oo kasoo kordhay mooshinka heshiisyadii Itoobiya iyo Imaaraadka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa war cusub kasoo saaray mooshin culus oo ay dhowaan u gudbiyeen guddoonka golaha, kaas oo ku saabsanaa heshiisyo amni oo ay si qarsoodi ah xukuumadda ula soo gashay Itoobiya iyo Imaaraadka.

Xildhibaan Faa’iso Jayte oo ahrisay go’aanno ay soo saareen Xildhibaannada saxiixay mooshinkaas ayaa beenisay inay ka laabteen go’aankoodii hore ee mooshinka, waxayna tilmaamtay in doodoodu ay sii socon doonto, isla markaana ay ka war sugayaan guddoonka iyo in la horkeeno Baarlamaanka si xukuumadda wax looga weydiiyo heshiisyadaasi.

Bayaan ay soo saareen Xildhibaannadan ayaa waxaa lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin heshiisyadaas lala soo galay dalal ay ka mid yihiin Itoobiya iyo Imaaraadka.

“BFS wuxuu si weyn uga walaacsan yahay nuxurka iyo haykalka guud ee heshiisyada sida hoose loola galay waddamada Imaaraadka, Itoobiya, Turki, Sudan iyo Uganda” ayay tiri.

Sidoo kale waxaa bayaanka lagu shaaciyay inay aad uga walaacsan yihiin heshiisyadaas, maadaama aan lala socod-siin baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed.

“In badan Golaha Shacabka wuxuu welwel ka muujiyay heshiisyada ay sida hoose usoo saxiixday xukuumadda, ayada oo aan loo soo gudbin Baarlamaanka ” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xildhibaannadu waxa kale oo ay  farriin culus u direen xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza oo ay ugu baaqeen in si degdeg ah heshiisyadaas u horkeenaan baarlamaanka si looga doodo.

“Waxaan si deg-deg ah u fareynaa XFS inay si deg deg ah u horkeento Golaha Shacabka dhammaan heshiisyada ay sida qarsoodiga usoo gashay” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.

Ugu dambeyn waxa ay xukuumadda federaalka Soomaaliya ka dalbadeen inay la timaado qorshe cad oo lagu difaacayo dhulka iyo badda Soomaaliyeed, maadaama Itoobiya ay kusoo xadgdubtay madax bannaanida Soomaaliya kadib heshiiskii ay la gashay Somaliland.

Dagaal culus oo ka dhex qarxay ciidanka SSC + Sababta

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo saaka ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood, kaas oo u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan kuwa maamulka KMG ka ah ee SSC-Khaatuma.

Dagaalka aoo ahaa mid xoogan ayaa qarxay saaka aroortii hore, kadib markii ay isku dhaceen askar ka wada tirsan ciidamada dadka deegaanka ee SSC-Khaatuma.

Ilo wareedyo lagul kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in ciidamada uu soo kala dhex-galay muran xoogan, kaas oo ka dhashay qoray Zuu ah oo ay horay uga qabsadeen Somaliland, waxaana kadib sidaas ku qarxay iska hor imaadka oo socday muddo ku dhow saacad.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ku soo waabariisteen dagaalka iyo xabadda oo socoto, iyaga oo intaas ku daray in ciidamada ay isku adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan, taas oo cabsi ku beertay shacabka.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, balse lama oga inta uu gaarsiisan yahay.

Dadka ku dhintay dagaalkan waxaa kamid ah Cabdifitaax Garbatole oo kamid ahaa raggii ku baxay inay kala dhex galaan ciidamada dagaalamay, sida uu sheegay Cabdisalaan Germany oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga.

“Rabi Naxariistii Jano haka Waraabiyo Cabdifitaax Garbatole, oo saaka ku dhintay isaga oo ku dhex jira kalana celinaya labadii ciidan ee maraaga isku laayay Waa geeri Xanuun badan ilaahay ehelka samir iyo iimaan ha ka siiyo iyo dhamaan SSC ” ayuu yiri Cabdisalaan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in haatan ay degan tahay xaaladda, isla markaana uu istaagay dagaalkii saaka ka qarxay duleedka Laascaanood.

Dhinaca kale waxgaradka SSC-Khaatuma ayaa si deg-deg ah ugu baxay xiisadda ka dhex qaraxday ciidamadooda, waxaana socdo dadaallo lagu soo afjarayo dagaalkaasi.

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa daganeyd xaaladda guud ee Laascaanood oo ay horay ugu dagaalameen ciidamada SSC-Khaatuma iyo kuwa milatariga maamulka Somaliland.

Daawo: DF oo jawaab ka bixisay dalabkii SHACABKA – Maxaa berri dhacaya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa sheegay in dowladda federaalka ay ka jawaabtay dalabkii shacabka, ayna ayiday in beri oo Khamiis ah la qabtao dibad-bax ka dhan ah dowladda Itoobiya, kadib xadgudubkii ay u gaysatay qaranimada Soomaaliya.

Fiqi ayaa sheegay in heshiiska lagu gaaray Addis Ababab loogu saxiixay Abiy Axmed meeshii ugu muhiimsanayd ee badda Soomaaliya, ayna tahay xadgudub weyn.

“Hadda meesha loo saxiixay waxay tahay meesha ugu istaraatiijisan badda Soomaaliya waa dhuuntii badweynta  oo u bucda u ahayd oo hunguri u ahayd Soomaaliya” ayuu yiri Fiqi.

Sidoo kale wuxuu wasiirku intaasi kusii daray “Taasi waxay ka dhigan tahay xagdub qaranimada Soomaaliya iyo madax bannaanideeda”.

Wasiirka ayaa xusay in bannaan-baxa beri dhici doona uu yahay mid aad u ballaaran, ayna ka qayb-galayaan reer Muqdisho iyo madaxda Soomaaliyeed.

Axmed Macallin Fiqi ayaa sidoo kale ku dhowaaqay in la xiri doono goobaha waxbarashada iyo ganacsiga, si loo muujiyo cududa shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan rabaa inaan soo dhaweeyo shacabka magaalada Muqdisho oo ku dhowaaqay banaanbax maalinka Khamiista ah in la’isugu soo baxo dhammaan jidadka waa weyn shaqooyinka la joojiyo, ganacsiga la xiro, la’iskuna soo baxo” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Horay reer Muqdisho ayaa u dhigay dibad-bax ay ku diideen heshiiska badda ee Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo uu soo qaban qaabiyay maamulk gobolka Banaadir.

Xog: Musharax Xasan Shire Abgaal oo diiday soo jeedin ka timid Deni kadib doorashada

0

Garowe (Caasimada Online) – Saciid Cabdullahi Deni oo mar labaad loo doortay Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, ayaa kulan gaar ah isugu yeeray musharaxiintii kula tartantay kursiga, waxaana diiday inuu kulankaas ka soo qeyb galo hal musharax.

Musharaxaas waa Xasan Shire Abgaal, 3-sano ayuu wasiirka maaliyadda ka ahaa xukuumadii hore ee Madaxweyne Deni, balse intii uu socday loolanka doorashada wuxuu ahaa musharaxa ay isugu necebyihiin Deni.

Madaxweyne Dani ayaa Xasan Shire iyo 9 musharax oo kale kaga guuleystay tartankii doorashada ee maalin ka hor ka dhacay mqgaalada Garowe, wuxuuna noqday madaxweynihii ugu horeeyey Puntland ee mar labaad loo doortay xukunka.

Deni ayaa shalay xarunta madaxtooyada ku qaabilay musharraxiintii ay ku loolameen kursiga, isaga oo ku maamusay qado sharaf, basle Xasan Shire Abgaal ayaa diiday inuu ka soo qeyb galo kulankaas.

Sidoo kale musharax Xasan Shire uma uusan soo hambalyey Saciid Deni, waxaana ka dhexeeya khilaaf adag oo salka ku hayey doorashada Puntland, maadaama ay ahaayeen labo musharax.

Kulanka uu Saciid Deni la yeeshay musharaxiinta oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa madaxweyne ku-xigeenka cusub ee Puntland Ilyaas Cusmaan Lugatoor iyo guddoonka Golaha Wakiillada.

Kulanka maanta oo la isaga saamaxay wixii lasoo maray, sidoo kale waxaa logu iclaamiyey kulan weyne kale oo Isimada dhaqanka Puntland ay ka soo qeyb gelayaan, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah.

Bashiir Cabdi ayaa yiri “Hoggaaamintu waa hido lagu laray farsamo aqooneed marka madaxweyne Deni inuu yahay hoggaamiye bisil waan qiray.”

Inta badan musharaxiintii ka soo qeyb gashay casuumaada ayaa Madaxweyne Deni igu duceeyey xukunka uu ku guuleystay, iyagoo ka badan qaaday inay kala shaqeyn doonaan sidii la isugu keeni lahaa dhinacyadii ku kala tegay ama isaga xumaaday doorashooyinkii ka dhacay Puntland.

Jabhadda Oromada Itoobiya oo la safatay Soomaaliya kana hortimid damaca Abiy

0

Addis Ababa (Caasimada Online) –Jabhadda Xoreynta Oromiya oo dagaal kula jirta xukuumadda Itoobiya Abiy Axmed uu hoggaamiyo ayaa si adag uga hor timid damaca Iyoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya.

Jabhadda ayaa qoraal ay soo saartay isaga fogeysay inuu Abiy Axmed yahay nin qowmiyadda Oromada ku metela heshiisyada, ama tallaabooyinka uu qaadayo.

Si gaar ah waxay u soo hadal qaadeen heshiiskii badda ee dhawaan Abiy Axmed uu la saxiixday madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

War-saxaafadeed maanta soo baxay Jabhadda Oromia oo uu ku saxiixan yahay Afhayeenka Jabhadda ayaa lagu caddeeyay in mar kasta maamulka Abiy Axmed uu faafiyo dacaayad uu isugu ekeysiinayo inuu yahay mid matala dadka Oromada.

Sidoo kale Jabhadda ayaa ficillada Abiy Axmed ku tilmaantay kuwo marin habaabin ah oo lagu jaha wareerinayo shacabka Itoobiya, si xukunka uu u sii joogo.

Jabhadda ayaa intaas raacisay in ay Oromadu dagaal kula jirto nidaamka Abiy, heshiiska hadda Somaliland lala gaarayna uu yahay xeelad indhaha caalamka looga jeedinayo dagaallada iyo dhibaatooyinka daran ee ka socda gudaha dalka Itoobiya.

Sidoo kale waxay Jabhaddu waxay cadeysay in heshiiska Muuse Biixi iyo Abiy Axmed uu xadgudub ku yahay madaxbanaanida dalka Soomaaliya.

Warkaan ka soo yeeray mucaaradka Itoobiya ayaa guul weyn u ah Soomaaliya, Abiy Axmed ayaa wajahaya go’doon siyaasadeed oo caalami ah, tan iyo markii uu ku soo xadgudbay madaxbanaanida Soomaaliya ee heshiiska qar-iska tuurninada ah uu la galay Muuse Biixi oo si sharci darro ah ku siiyey bad dhan 20-KM.

Maxay Ilhaan Cumar ka tiri dib u doorashada DENI?

0

Washington (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa ka hadashay doorashadii soo dhammaatay ee maamul goboleedka Puntland, taas oo mar kale dib loogu doortay madaxweyne Saciid Cabdulaahi Deni.

Ugu horreyn Ilhaan Cumar ayaa madaxweynaha cusub ee Puntland ugu hambalyeysay guusha uu ka gaaray doorashada, taas oo dhaxal-siisay inuu sii hoggaamiyo maamulka.

“Hambalyo Madaxweyne Saciid Deni oo dib u doortay. Waxay marag madoon u tahay hogaamintaada inaad noqoto madaxwaynihii ugu horeeyay Puntland ee mar labaad ku guulaysta doorashada” ayay ku tiri war qoraal ah oo ay soo saaray Ilhaan Cumar.,

Sidoo kale waxay u rajeysay guul iyo inuu wax badan ka qabto Puntland 5-ta sano ee soo socota, si loo gaaro horumar iyo barwaaqo.

“Waxaan rajaynayaa in aan arko waxa aad qaban doonto shanta sano ee soo socota adiga oo sii wada dadaalkaaga aad ugu abuuri lahayd barwaaqo iyo xasilooni shacabka Puntland. Kudayo Puntland kudayo, Inshallah boowe guul iyo gobinimo,” ayay sii raaciysay qoraalka.

Saciid Deni ayaa noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee dib loogu doortay Puntland, tan iyo markii la aas-aasay maamulkaasi oo 25 sano jirsaday.

Sidoo kale waxaa guushiisa meesha ka saartay isbeddalkii la filayay inuu ka dhaco maamulka Puntland oo ay si weyn isku hayaan dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland iyo ku-xigeenkiisa ayaa waxaa horyaalla howlo adag oo ay ugu horreyso mad-madwoga kala dhexeeya dowladda iyo inay qabtaan doorasho qof iyo cod ah.

DENI dhoolatus cajiib ah ka sameeyey Muqdisho iyo xildhibaano reer koonfur ah oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiin kale ayaa galabta Muqdisho ku qabtay kulan weyn oo ay ku soo dhaweeyeen dib u doorashada madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni.

Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta isugu yimid kulankaas waxay ka soo jeedaan koonfurta Soomaaliya, waxayna taageero weyn u muujiyeen Saciid Deni oo noqday ninkii ugu horeeyey ee mar labaad loo doortay madaxweynaha Puntland.

Ugu horeyn guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Koonfur Galbeed Cali Saciid Fiqi oo kulankaas ka hadlay ayaa yiri, “Madaxweyne Saciid Deni shacabka Puntland waxay kaa rabaan cadaalad, waxqabad iyo shaqo abuur, Soomaaliya oo dhana waxay kaa rabtaa Midnimo, waan kuu hambalyeyneynaa Madaxweyne waana mudneed in lagu doorto mar kale.”

Xildhibaan Cumar Shariif Jeeg oo ka soo jeeda beelaha Banaadiriga ee Muqdisho dega ayaa qabtay xafladda ay isugu yimaadeen xildhibaanadaan, si ay u soo dhaweeyaan dib u doorashada Saciid Deni.

Xildhibaan Cumar Shariif Jeeg oo soo abaabulay xafladaan hambalyada ah ayaa yiri, “Aniga oo shir u fadhiya oo Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe uu nala joogo, ayaan tirinayay codadkii doorashada ee Saciid Deni uu helayey, hal mar ayaan lasoo booday waa guuleystay Saciid Deni, masuuliyiintii shirka fadhisay waa ila yaabeen, waxay halmar dhaheen war xildhibaanka maba nala joogo meelo kale ayuu ka hadlayaa, anigana xamaasad ayaa i qaaday.”

Xildhibaan Saajid oo ka mid ahaa xubnihii lagu casuumay xafladaas ayaa isna yiri,

“Waa farxad weyn dib u doorashada Madaxweyne Deni. Waxaana doortay Xildhibaano ka jawaabay matalaadooda, sababtoo ah waa nin dadaal badan, wuxuu doonayey in Puntland uu ka qabto doorashooyin qof iyo cod ah, balse markii dambe wuxuu uga tanaasulay caqabado siyaasadeed oo soo wajahay, laakiin markaan waxaan u rajeynayaa in maamulkiisa uu gaarsiiyo hormarro la taaban karo.”

Siyaasiyiinta ka soo qeyb gashay kulankaas waxaa ka mid ahaa Cabdi Nuure Siyaad (Cabdiwaal)  wuxuuna dadka reer Muqdisho ka dalbaday inay si weyn u muujiyaan inay raali ka yihiin dib u doorashada Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni.

“Deegaan kasta wixii dadkiisu qaataan inay caasimaddu la qaadato waa muhiim, dadka Muqdisho waa inay muujiyaan inay raali ku yihiin siyaasigaas lagu doortay Puntland, umadda Soomaaliyeed waa isku wada mid, waana la qeyb saneynaa reer Puntland farxadda iyo isku tashiga ay muujiyeen,” ayuu yiri Cabdiwaal.

Tani waa bandhig siyaasadeed kale oo Saciid Deni uu ka sameeyey Muqdisho, shalay ayuu ka guuleystay 10 musharax oo kula tartameysay kursiga, waxaa lagu xusuustaa taariikhdii uu dhigay doorashadii federaalka oo codad badan uu helay, wuxuuna noqday halka madaxweyne oo labo jeer loo doortay hoggaaminta Puntland.

Saciid Deni ayaa la aaminsan yahay in doorashada soo socota ee dowladda federaalka uu ka qeyb geli doono, waa sameeye siyaasadeed oo cabqari ah, taas oo cabsi weyn ku abuuri karta siyaasiyiinta kale ee sanadka 2026-ka u hanqal taageysa doorashada dowladda dhexe.

Laftagareen oo caqabad ku noqday dagaalka Shabaab iyo khilaaf culus oo qarxay

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Khilaaf culus ayaa ka dhex qarxay dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, kadib markii uu is hortaagay qorshe ay wadatay dowladda dhexe oo ku saabsan dagaalka Al-Shabaab.

Ilo xog ogaal ah oo Caasimada Online uga waramay khilaafkaan ayaa sheegay in dowladda federaalka ay dooneysay inay ciidamo badan geyso deegaanada Koonfur Galbeed, si loo bilaabo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab.

Cabdicasiis Laftagareen ayaa la sheegay inuu hor istaagay qorshahaas, isagoo si cad u diiday in dowladda federaalka ay ciidan cusub geyso gobollada uu xukumo, taas oo ka dhigan inuu hor istaagay dagaalka Al-Shabaab.

Cabdicasiis Laftagareen ayaa sababta uu u diidan yahay ciidankaan iyo in la bilaabo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab waxaa lagu sheegay cabsi uu ka qabo in deegaanada maamulkiisa ay awood badan ku yeelato dowladda dhexe, maadaama ay geyneyso ciidamo xoog leh oo la doonayo inay Shabaab ka xoreeyaan.

Qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ah in ciidamo badan oo ka tirsan xoogga dalka oo lagu soo tababaray Masar, Eritrea iyo Uganda ay dowladdu geyso K/Galbeed, si ay u xoojiyaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ee ka dagaalama Bay, Bakool iyo Sh/Hoose.

Madaxweynaha K/Galbeed Cabdicasiis Laftagareen waxaa ku jira damac ah inuu sii xajisto kursiga, isagoo qabanaya doorasho uu isagu maamulayo, kana shaqeynaya sidii uu ugu soo laaban lahaa xukunka.

Xogta aan ka heleyno khilaafkaan waxay intaas ku dareysaa in Laftagareen uu hor istaagay magacaabista saraakiisha qeybaha booliska iyo militeriga oo dowladda federaalka ay ku sameysay is-bedel.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Laftagareen uu garab ka dalabday Itoobiya oo ciidamo ay ka joogaan deegaanada Koonfur Galbeed, isagoo ka dhaadhicinaya Itoobiya inay taageerto qorshaha uu ku diidan yahay in dowladda federaalka ay ciidamo geyso K/Galbeed.

Ilo wareedyada noo waramay waxay noo xaqiijiyeen in Laftagareen uu qorsheynayo in bisha May ee sanadkaan uu soo xulo xildhibaano isaga dib u soo doorta, isagoo ka tusaale qaadanaya doorashadii uu qabtay Saciid Deni, taas oo ku kalifeysa inuu diido ciidamadii DF ay ka howlgelin laheyd deegaanada uu xukumo.

Laftagareen wuxuu qorshahaan ku garab wadaa abaabul ay isbaheysi ku sameysanayaan dowlad goboleedyada, kooxdii uu ka tirsanaa ee Nabad iyo Nolol ayaa kala shaqeyneysa abaabulka isbaheysigaas, maadaama ay doonayaan inuu sii joogo xukunka.

Sawirro: Deni Saciid oo isugu yeeray musharaxiintii uu ka guuleystay, kalana hadlay…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dib u doorashadiisii kadib maanta kulankii u horreeyay la yeeshay xubnaha musharraxiinta ee la tartamay, isla markaana uu uga hadlay doorashadii shalay dhacday.

Deni ayaa xarunta madaxtooyada ku qaabilay musharraxiintii sida weyn ugula loolamay doorashadii soo dhammaatay, isaga oo ku maamusay qado sharaf.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa madaxweyne ku-xigeenka cusub ee Puntland Ilyaas Cusmaan Lugatoor iyo guddoonka Golaha Wakiillada.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo shalay dib-loogu doortay xilka Madaxweynaha Puntland 2024-2029, ayaa Qasriga Madaxtooyada kulan Qado Sharaf ah ugu sameeyay Musharixiintii u tartamay xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland” ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay madaxtooyada Puntland.

Intaas kadib labada dhinac ayaa is cafiyay, waxayna ku ballameen in la wada shaqeeyo, maadaama ay soo dhammaatay doorashadii ay muddada dheer isku hayeen.

Sidoo kale kulankan ayaa waxaa ka dhashay hadal-heyn falcelin xoogleh oo ay ka sameeyeen qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada.

Bashiir Cabdi ayaa yiri “Hoggaaamintu waa hido lagu laray farsamo aqooneed marka madaxweyne H.E Said Abdullahi Deni inuu yahay hoggaamiye bisil waan qiray”.

Sakariye Goobe ayaa isaguna yiri “Mucaaradnimo khasaaro mooyaane faa’ido maleh, Puntland oo qurux badan insha’allah”.

Muuse Baari ayaa falcelintiisa ku yiri “Gobonimo dal mida, dad wadajira oo difaac iyo dimuqraadiyad ku tulaabsada Insha Allaah”.

Maxamuud Yuusuf isna wuxuu yiri “Masha Allah guul iyo gobonimo Puntland guul gacmo wadajir bay wax ku gooyaan”.

Cabdulqaadir Honest wuxuu ku jawaabay “Masha allah waa arrin wanaagsaan mahadsanid madaxweyne”.

Al-Shabaab oo fulisay weerar ka dhan ah Itoobiya kadib heshiiskii badda

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar culus oo ay maanta dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ku qaadeen ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya, kaas oo ku soo aaday, kadib heshiiskii badda ee muranka dhaliyay, kuna dhex-maray Addis Ababa Somaliland iyo dowladda Itoobiya.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa weerar toos ah ku ekeeyay saldhig ay ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ku leeyihiin degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Weerarka kadib ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo u dhex-maray ciidamada Itoobiya ee deganaa saldhigga iyo dagaalyahanada Al-Shabaab ee weerarka qaaday.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu socdo muddo ku dhow saacad, isla markaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan iyo weerarka ka horreeyay, maadaama goobta lagu dagaalamay ay tahay saldhig aan xog badan laga heli karin.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab, laakiin saraakiisha ammaanka ee degmada Diinsoor oo ka hadlay weerarka ayaa sheegay in dib loo celiyay maleeshiyadii beegsatay saldhigga ciidamada Itoobiya ee ku yaalla gudaha degmadaas.

Ma’aha markii ugu horreysay oo ay Al-Shabaab iyo ciidamada Itoobiya ku dagaalamaaan gudaha Soomaaliya, waxayna marar badan isku fara saareen gobollada Baay iyo Bakool.

Weerarkan cusub ayaa kusoo aaday, xilli ay Al-Shabaab dhowaan ka hortimid heshiiska badda ee ay wada galeen Somaliland iyo Itoobiya, ayada oo wacad ku martay inay difaaci doonto dhulka iyo biyaha Soomaaliyeed, isla markaana aysan ogolaan doonin damacaasi.

Somaliland oo eedeyn culus u jeedisay Xasan, “Sheegashada DF waa been”

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xafiiska ergayga gaarka ah ee Somaliland ayaa ku eedeeyey dowladda federaalka Soomaaliya inay fasiraad khalad ah ka bixisay is-afgaradka ay Somaliland la gashay dowladda Itoobiya.

Bayaan kasoo baxay Somaliland ayaa lagu sheegay inay been tahay sheegashada Soomaaliya ee lahaanshaha Somaliland, islamarkaana Somaliland ay tahay dal madax-bannaan oo aan marna kamid noqonin maamullada federaalka ee Soomaaliya, sida lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay bayaankan in ay been tahay in Somaliland ay u baahan tahay ogolaanshaha Soomaaliya inay heshiisyo gasho, kaasi oo lagu qiil dayayo heshiiskii 1-dii bishaan ay Addis Ababa ku saxiixeen Muuse Biixi iyo Abiy Ahmed.

Bayaankan ayaa lagu xusay in Somaliland ay horey u gashay heshiisyo caalami ah iyo kuwo laba geesood ahba.

Dhinaca kalena, wasiir ku-xigeenka warfaafinta ee Somaliland Siciid Xasan Habane oo VOA la hadlay ayaa madaxweynaha Soomaaliya iyo dowladdiisa ku eedeeyay banaanbaxyadii weyna ee ka dhacay gudaha Somaliland, kaasi oo looga soo horjeeday heshiiskii Badda ee Addis Ababa.

“Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya tuhunkii aan qabnay ayuu inoo rumeeyay, maragaa ayaa leenahay. Marka hore tuhuno ayaa qabnay oo waxyaabaha qaarkood waa noo muuqdeen,” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Somaliland Siciid Habane.

“Mudaharaadyada iyo waxaa kooban inkastoo wax badan aheyn hadana sawirka iyo muuqaalka lagu badinayay, oo inta yar ee lasoo bandhigayay gacan ku sameysay ayay aheyd. Shalay ayaa waxaa yar la sameeyay isla xalay wuu ka hadlay wuu soo bogaadiyay, himikana maragaa ayaa leenahay.”

Wasiir Saciid Habane ayaa sidoo kale farriin u diray madaxweyne Xasan iyo dowladda federaalka, “Haddii Soomaalinimada iyo waxa ay ka hadlayaan in uu dhab ka tahay in bulshada Somaliland ee tashaneysay in ka badan 30 sano ka daaya ayaa leenahay dibin-daabyada iyo waxa kusoo dhex tuureysan. Arrintaas (banaanbaxyada) iyaga soo sameeyay iyo cid la socota.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in heshiiskii is-afgarad ee Somaliland iyo Itoobiya ay xukuumadda ka go’an tahay inay horgeeyaan Baarlamaanka Somaliland, isaga oo cuskaday ballan-qaadkii madaxweyne Muuse Biixi oo horey u sheegay in la geyn doono Golayaasha Qaranka.

Sawirro: Shir ay soo qaban qaabisay Rugta Ganacsiga oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir hawleed ay soo qaban qaabisay Rugta Ganacsiga & Warshadaha Soomaiyeed ayaa ku qabsoomay Hotel Jazeera maanta oo ah 9, January 2024.

Waxaa shirka ka soo qaybgalay dhammaan sector-da, iyo Khubaro ka socota Guddiga Qaran ee Dhaqaalaha ( NEC).

Ujeeddada shirkan muhiimka ah waxay ahayd kor u qaadidda fahamka ku saabsan ku biiritaanka Somalia ee urur goboleedka bariga Afrika EAC, sidoo kale fursadaha iyo caqbadaha ku xeeran ku biirista EAC.

Sidoo kale waxaa xussid mudan in si Rasmi ah Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaliyeed ay ugu biirtay xubinna uga noqotay Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee Bariga Afrika. Shirka ka dhacay Zanzibar.

Waxaa shirka lagaga hadlay dayn cafinta, iyo fursadaha ku xeeran Marka laga fiiriyo maalgashiga iyo Ganacsiga.

Qodobada muhiimka ah ee  laga hadlay waxaa ka mid ah “ Domestic revenue mobilization “ Dakhli kordhinta dalka. Dakhli ururintu waxay muhimmad gaar ah u leedahay in ay dowladdu shaqayso. Haseyeeshee waxaa dhanka kala u baahan turxaan bixin habka ugu haboon ee loo ururin karo dakhligaas maadaama dadkeenu ay u badanyihiin dad sabool ah oo aanan xambaari karin sare u kaca ku iman qiimayaasha badeecadaha iyo adeegyada canshuurto ku kordhayso.

Hadaba si arrinta canshuuraha loo hagaajiyo ayaa waxaa la isla gartay in arinta dakhli kordhinta daraasad dheeraad ah laga sameeyo loona xil saaro khubaro aqoon u leh

Waxaan  ku amaanaynnaa ganacstada Soomaliyeed  adkaysiga ay ku soo shaqeeyeen, iyo adeegyada kala duwan ee ay Umadda u hayaan.

DF Soomaaliya oo loo soo jeediyay tallaabo culus oo ka dhan ah Ethiopian Airlines

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xiisadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiskii badda ee Addis Ababa.

Xildhibaanka ayaa dowladda federaalka usoo jeediyay inay qaado tallaabo ka dhan ah Shirkadda Ethiopian Airlines oo weli ka howlgasha magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.

Macallimuu ayaa ku taliyay in Shirkaddan Itoobiyaanka ah laga mamnuuco inay ka howlgasho dalka maadaama ay ku kacday xadgudub ka dhan ah madax banaanida dalka.

“Shirkadda Diyaaradaha ee Itoobiya marka la tixgaliyo falalka ay ku kacday ee ka dhanka sh madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya waa in si deg deg ah dalka oo dhan laga mamnuuco oo ay ku jirto Hargeysa” ayuu yiri Maxamed Ibraahim Macallimuu.

Sidoo kale wuxuu dowladda kula taliyay in waddo kale  ay u raadiso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee safarka kusii mara Addis Ababa, kuwaas oo ay ku jiraan kuwa u baxa adeegyada caafimaadka ee dibadda, sida India, ama Soomaalida kale ee safarka ah.

“Dowladdu waa lagama maarmaan in ay waddo kale u hesho dadka Soomaaliyeed oo tixgalintooda leh,” ayuu mar kale qoraalkiisa ku yiri Xildhibaanku.

Soo jeedintan waxaa sidoo kale ka dhashay falcelin xoogan oo ay ka sameeyeen qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ee Internet-ka.

Maxamed Deeq Xasan oo ka falceliyay arrintan ayaa yiri “Arrintaan waa in aad baarlamaanka ka hor sheegtaa xildhibaane, waana gardarro cad iyo daan-daansi”.

Amiin Axmed ayaa isuguna yiri “Waa talo soo jeedin waqtigeedii ku timid guuleyso mudane go’aanka xukuumadda iyo baarlamaanka ayaa sugnaa iyana”.

Cali Gaab ayaa isna ku jawaabay “Wax kasta haddii lugu saleeyo caadifad deg-deg ah waxaa ka dhalan karta wax aan wanaagsaneyn”.

Xasan Mustaf ayaa isna ku yiri falcelintiisa “Yaa sameynaayo hee? meeshaan waxaa ka socota gar darro garab og”.

Waxaa xusid mudan in Shirkadda Diyaaradaha Ethiopian Airlines saami laga siiyay Somaliland, taas oo qayb ka ahayd heshiiskii ay badda kula gashay Abiy Axmed.

Taliye ka tirsan NISA iyo ilaaladiisa oo weerar lagu dilay

0

Afgooye (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar qorsheysan oo ay maanta dagaalyahanada Al-Shabaab ay ka fuliyeen duleedka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Weerarka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu qaaday kolonyo uu hoggaamiyay Taliyaha Nabad-Sugidda degmada Qoryooley Cusmaan Xasan Cabdi (Cusmaan Gaab), waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo xaqiijiyay in goobta lagu dilay taliyaha iyo saddex kamid ah askartii ilaalada u ahayd ee la socotay xilliga uu dhacayay weerarka.

Marxuumka iyo askarta la socotay ayaa xilligaas ka yimid dhanka degmada Qoryooley, waxayna kusii jeedeen deegaanka Danow, waxaana waddada u galay, gaar ahaan Tuulada Buula Sheekh xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo kadibna ku dilay weerar gaadmo ah.

Dhinaca kale guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha hoose, Maxamed Ibraahim Barre ayaa war kasoo saaray dilka taliyaha, isaga oo tacsi u diray ehellada marxuumka.

“Innaa lillaahi wa ileyhi raajicuun, Ilaahay ha u Naxariisto walaalkeen taliye Cusmaan Xasan Cabdi (Cusmaan Gaab) taliyihii Nabadsugida Degmada Qoryooleey oo goordhow ku geeriyooday wadada qoryooley iyo Danow u dhexeysa asaga oo gudanaya waajibaadkiisa qaran” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray guddoomiye Maxamed Ibraahim Barre.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Ilaahay ha u Naxariisto jannadii firdowsa eheedna haka waraabiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka tagayna Samir iyo Iimaan haka siiyo”.

Inta badan xoogaga Al-Shabaab ayaa weeraro culus ka fuliya gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo ay sidoo kale howlgallo ka wadaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuw ATMIS.

Dilka Taliyaha Nabad-sugidda degmada Qoryooley waxaa ka horreeyay dilkii loo gaystay isna AUN Abaanduulihii guutada 18-aad ee Gorgor oo todobaadkan ay Al-Shabaab ku dileen dagaal culus oo ka dhacay duleedka magaalada Caad ee koonfurta gobolka Mudug.

Isku day Abiy Ahmed looga xayuubinayo billada Nobel Peace Prize oo socda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu soo baxay heshiiska is-afgarad ee Somaliland iyo Itoobiya, ee qeybo kamid ah badda Soomaaliya loogu saxiixay Itoobiya, ayaa waxaa isa soo tarayay tallaabooyinka looga jawaabayo arrintaasi.

Marka laga imaado qaraarka ay ku diiday heshiiskaasi dowladda federaalka Soomaaliya, sidoo kale waxaa bilowday isku-day ka dhanka ah Abiy Axmed oo la doonayo in looga xayuubiyo billadda Nobel Peace Prize, oo kal hore la siiyay.

Qurbajoogta Soomaaliyeed oo codkooda ku biiriyay sida ay uga soo horjeedaan weerarka qaawan ee ay dowladda Itoobiya kusoo qaadday madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, ayaa sameeyay codeyn dhanka khadka ah oo Soomaalida ku muujinayaan rabitaankooda ah in Abiy Axmed lagala laabto billadaasi.

Sidoo kale waxaa socda dadaallo ay qurbo joogta Soomaaliya u qaadeen arrinkaasi, iyaga oo baaq u diray guddiga bixiya billadda nabadda ee Nobel Peace Prize,  uguna baaqay inay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ka xayuubiyaan billadda, maadaama uu meelo ka baxsan xudduudiisa ka abuurayo colaado.

Soomaalida ku nool dalka dibadiisa ayaa sidoo kale qorsheynaya qabashada garyqaanno gaar ah oo codsigaan gudbiya, kadib marka uu helo saxiixa shacbiga Soomaaliyeed.

Heshiiska Addis Ababa ee Itoobiya loogu saxiixay dhul badeed dhan 20KM, ayaa si weyn looga soo horjeestay maadaama uu yahay mid masiiri ah, oo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, uuna yahay damac soo jireen ahaa oo Itoobiya waligeed ku taameysay inay hesho Bad.

Madaxda sare ee dalka iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa intooda badan si isku mid ah uga fal-celiyay arrintaan, ayaga oo meel adag iska taagay in Itoobiya ay dhul badeed ka hesho Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale soo saartay qaraar ay uga hortimid heshiiska Muuse Biixi iyo Abiy Axmed, ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh uu saxiixay sharciga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee burinta is-afgaradka Itoobiya iyo Somaliland.

Kadib xadgudubka Ethiopia: Is-barbar dhiga xaalka labada dal iyo 4 arrin oo DF la gudboon

Muqdisho (Caasimada Online) – Xad-gududbka ay Itoobiya kula kacayso Soomaaliya waa mid iyada u daran, sababtoo ah waa dal kala socda oo ay dagaallo sokeeye ka socdaan.

1- Qowmiyadda Tigreega horay ayaa ku dhowaaad hal milyan oo qof looga dilay, dib isku diyaarin bay ku jiraan.

2- Gobolka Amxaarada bandow baa saaran, laakiin jabhaddoodu mararka qaar Addis-Abbaba ayey ilaa 100km u soo jirsataa.

3- Heshiiskii dawladda iyo Jabhadda Oromada wuu burburay, Wasiiru dawlihii Wasaaradda Nabadda Mr Taye Dandea ee dawladdu ku eedeyey in ay ka danbaysay fashilka heshiiska Xabsiga ayaa la dhigay, jabhadduna duleedka Caasimadda ayay ka dagaalantaa.

4- Dagaalladaasi waxay dalka geliyeen qarash balaayiin doolar, intaa waxaa u dheer in taliskii Tigreegu uu horay u xaalufiyey qasnadda dawladda, halka musuqa baahsan u sii dheer yahay, kuwaas oo sababay in dawladdu ay daynta iska bixin la’dahay.

5- Maamulka Abiy Inta badan deriska iskuma wanaagsana, dunida kalana cidna taageero kaga heli mayo in xiisad hor leh geeska Afrika ka aloosanto, iyadoo kuwii hore loo taag la’yahay.

Halka Soomaaliya uu yahay;

1- Dal isku soo noqonaya, dadkiisuna isku imaanayaan.

2- Dayntii laga cafiyey, cuna-qabatayntii hubka laga qaaday, taasi oo u saamaxaysa in dalku dhisto ciidan Soomaaliyeed oo ammaanka dalka la wareega, ilaaliyana gobbonimada, madaxbanaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka.

3- Waxaanu leenahay qurbajoog firfircoon oo loobiga iyo abaabulka diblomaasiyadda si wayn uga qayb qaadan kara.

4- Waxaan ku baahsanahay geeska Afrika, ganacsi xooggana ku leenahay, waxaan nahay ummad leh dareen daandaansiga neceb, dullaysiga iyo damaca ajanbigana diida.

Hoggaanka dawladda federaalka Soomaaliya iyo kan dawlad goboleeyada waxaa waajib ku ah;

1- In wax kasta loo quuro midnimada iyo wadajirka Soomaaliya oo ay ugu horreeyaan walaalaheen Somaliland.

2- In la dhiso dawlad difaac qaran oo karti, aqoon, xirfad iyo waaya-aragnimo lagu xulay, meelna la iska dhigo damaca, danta gaarka ah iyo kooxaysiga.

3- In la qaado guluf diblomaasiyadeed iyo abaabul dadwayne, mudnaantana la siiyo sidii dalka looga difaaci lahaa cadowga dawladnimada iyo damaca shisheeyaha.

4- In Soomaaliya loo kasbo saaxiiboo iyo dawlado aanu nahay dan isku tolan.

W/Q: Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Ciidanka Danab Puntland oo ka horyimid doorashadii Deni

0

Garoowe (Caasimada Online) – Taliska ciidamada sida gaarka ah u tababaran Danab ee Puntland ayaa markii ugu horreysay ka hadlay doorashadii shalay ka dhacday magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, taas oo dib loogu doortay madaxweyne Saciid Deni.

Qoraal kasoo baxay taliska Danab ee Puntland ayaa waxaa looga horyimid dib u doorashada Saciid Deni, iyaga oo sheegay in aysan ku qancin natiijada doorashada.

Taliska ayaa shaaca ka qaaday in waxa dhacay aysan ahaydn doorasho, balse ay ahady boos uu isku doortay madaxweyne Saciid, sida ay hadalka u dhigeen.

“Taliska Ciidamada Kumaandooska Puntland ee Danab waxay kasoo horjeedaan oo ay marnaba aqbali doonin is-doorashadii boobka iyo xaaranta ahayd ee Saciid Cabdullaahi Deni isku doortay aqalka baarlamaanka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka talisku.

Qoraalka ayaa intaasi kusii daray “Ciidanka Danab waxay mar walba u taagan yihiin badbaadinta Puntland iyo wadajirka guud ee dalka, maadaama Puntland ay gashay xaalad khatar ah oo hubanti la’aan iyo dagaal sokeeye ah”.

Ciidamada Danab waxay sidoo kale ka hadleen rabshado shalay ka dhacay Garoowe, kuwaas oo ka dhashay dibad-baxyo ay dhigeen dad kasoo horjeeday doorashada.

Sidoo kale waxa ay ku eedeeyeen ciidamada ammaanka ay inay dhibaateeyeen shacabka isku soo baxay, ayna u gaysteen dil, dhaawac iyo xarig intaba.

Waxaa kale oo ay intaasi kusii darenen in mas’uuliyadda dhibaatadaas uu qaadayo maamulka ay ugu yeereen inuu ku kacay boob doorasho, sida ay qoraalka ku cadeeyeen.

Ugu dambeyn wuxuu talisku farriin u diray shacabka Puntland oo uu ugu baaqay inay ka jawaabaan wax ay ku tilmaameen boobkii iyo ku tumasho ka dhacday Garoowe.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo shalay dib loo doortay madaxweyne Saciid Deni iyo ku xigeen cusub, taas oo ay aqbaleen xubnihii mucaaradka ee ay isku hayeen doorashada.

 

Fal-celin culus oo ka dhalatay is-casilaada wasiirka difaaca Somaliland

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirkii Gaashaandhigga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeyr ayaa maalin kahor iska casilay xilka xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ee wakhtigeedu dhamaaday.

Wasiir Caateeye ayaa is casilaadiisa markaas ku sababeeyey in uu kasoo horjeedo heshiiska Soomaalidu ka carootay ee Muuse Biixi uu badda ku siiyey Itoobiya, kaasi oo  1-dii bishaan magaalada Addis Ababa ku dhex-maray Muuse Biixi iyo Abiy Ahmed.

Caateeye oo ka soo jeeda beesha Ciise ee degta Saylac, ayaa waxa uu sheegay in umadda Soomaaliyeed ee diiday damaca Muuse Biixi iyo Itoobiya uu ku qalbi yahay, isagoo wacad ku maray in marnaba aysan Xabashi iman doonin dhulka Soomaaliya.

Tallaabada uu qaaday wasiirkii difaaca ee uu iskaga casilay xilkii xukuumadda Muuse Biixi ayaa fal-celin xooggan ka dhaliyay baraha bulshada Soomaalida.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrinkaan?

Cabdifatax Xaaji Yuusuf “Wuu mahadsan yahay wasiirku, nin in uun caqli kujiraa qaris ka tuurnimada Muuse u dulqaadan maayo.”

“Intaadan fallin ka fiirso, waqtigiisa dhamaaday,” ayuu yiri Maxamed Daahir Xaashi oo ka fal-celiyay tallaabada uu qaadaya wasiirkii difaaca Somaliland.

Cabdullaahi Sheekh ayaa isna waxa uu yiri “Muuse iyo ninkaan kala da’ weeyi laakiin weyninku iyo qadiyadu waa kala gooni nin ka yar Muuse ayaa gartay dhagarta xabashida.”

Maxamed Salaad ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Wasiirka amnigiisa halis wayn bay ku jiraa ee waxaan farayaa shacabka Saylac iyo reer Awdal oo dhan in ay wasiirka qmnigiisa si wayn u ilaaliyaan. Sababta oo ah hadda wuxuu leeyahay laba cadow oo waa wayn, waana Biixi iyo Abiy. Alle ha badbaadiyo ayaan leeyahay.”

“Muwaadinkan Wasiirka uu iska casilay wuu ku mahadsan yahay dowlada federaalka waa inay ku abaal-marisaa xil muhiim ah oo dhiiri-galin ah,” ayuu yiri Saciid Aadam.

Axmed Cali: “Wallee ictiraafkii waa u dhamaatay Muusow waa ku fashilantee heshiis beenaadkii xabashida aad la gashay.”

Cabdiqaadir Muxiyadiin oo ka fal-celiyay tallaabada uu qaaday wasiirkii difaaca Somaliland ayaa waxa uu yiri “Taariikhda ayaa ku xusi doonta Mudane guuleyso!. Ninkii danta dadkiisa iyo deegaankiisa garta ayaa garan kara qiyamka noloshiisa shaqsigaana.”

Milateriga Somaliland iyo Ethiopia oo qaaday tallaabo xasaasi ah + Sawirro

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Taliyaha Millateriga Somaliland Sareeye Gaas Nuux Taani iyo Taliyaha Milateriga Ethiopia Marshal Birhanu Julana ayaa kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Ethiopia.

Taliyaha Milateriga Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismail Taani iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa shalay waxaa si diiran loogu soo dhaweeyey Madaxtooyada dalka Ethiopia.

Kulanka Taliska Milateriga Somaliland iyo Ethiopia ayaa daba socda heshiiskii dhawaan ay Muuse Biixi iyo Abiy Ahmed ku gaadheen Addis Ababa, kaasi oo Itoobiya lagu siinayo qeybo kamid badda Soomaaliya.

Warbaahinta dowladda Ethiopia ayaa baahisay in labada dhinac ka wada-hadleen arrimaha xiriirka Milateriga iyo iskaashigooda, kaasi oo sidoo kale qeyb ka ahaa heshiiskii is-afgarad ee toddobaadkii tegay ay wada saxiixdeen Somaliland iyo Itoobiya.

Is-fahamkii ay Muuse Biixi iyo Abiy Ahmed ay ku gaadheen Addis Ababa oo Itoobiya loogu saxiixay dhul badeeed dhan 20KM ayaa sidoo kale waxaa ku jiray iskaashi ballaaran oo labada dhinac yeeshaan, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda iyo arrimaha millatariga.

Maalmo kahor ayay aheyd markii Taliska ciidanka Milateriga waddanka Itoobiya uu sheegay in aysan dhag jalaq usiin doonin, islamarkaana ay naftooda u huri doonaan fulinta heshiiska ay Itoobiya ku helayso bad, kaasi oo ay ka carootay dowladda federaalka oo iyadu sheegtay inuu xad-gudub ku yahay madax-banaanida dalka.

Taliska ayaa markaas sheegay in heshiiska uu yahay mid fursad dahabi ah siinaya dalka Itoobiya, uuna soo celinayo taariikhdii hore ee ay lahaayeen, ayna lagama maarmaan tahay helista bad maadaama kordhayaan tirada Itoobiyaanka oo kusii socda 150 milyan, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay Milateriga Ethiopia.

Si kastaba, arrimahaan ayaa uga sii daraya xiisadda ka dhalatay heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya, kaasi oo ay ka dhalatay dhaleeceyn xoogan oo ay la kulmeen labada dhinac, ayada oo dowladda federaalka ay qaaday tallaabooyin lagu burinayo heshiiskaas.

Sababta Itoobiya weli ugu dhiiran la’dahay aqoonsiga Somaliland kadib heshiiska

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Itoobiya ayaa dhawaan jabisay mid kamid ah mabaa’dida aas-aasiga ah ee ururka Midowga Afrika iyo kan caalamka, oo ay fara-gelin qaawan iyo duulaan dhuleed ku sameysay mid kamid ah dalalka Midowga Afrika oo ah Soomaaliya, kadib markii heshiis beeneed ay ku rabto bad ay Addis Ababa kula saxiixatay Somaliland.

Tan iyo markaas dadka waxay isweydiinayaan waa maxay sababta ay u go’aansan laadahay Itoobiya in ay ballan-qaado inay aqoonsaneyso Somaliland.

Marka la eego xeerarka caalamiga ah iyo midka Midowga Afrika-ba, Itoobiya ma aqoonsan karto Somaliland.

Laakiin maadaama ay hadaba heshiis badeed iskala saxiixdeen Somaliland oo ay u muuqdaan dal aan sharci celinayn inay hadana dib usii dhigaan fulinta codsiga Somaliland ee ictiraafka waxaa lagu fasiray inay Addis Ababa fahamsan tahay inay adag tahay inuu heshiiskan dhaqan-galo, maadaama Soomaalida ay si weyn u diideen, sidoo kalena uu caalamka dhinaca iskaga riixay dhaqankan ugubka ah.

Dadka ka faalloonaya xiisaddan waxay leeyihiin Itoobiya ma fileyn heerka fal-celinta uu la kulmay heshiiskan iyo inuu caalamka sidaan deg-degta ah uga hor imaan doono heshiiska ay ku rabto badda.

Waxaa sababta ay ugu dhiiran la’yihiin ictiraafka oo ay shardi ugu xirayaan loo arkaa hubanti la’aanta dhanka dhaqan-galka heshiiska Somaliland ay la galeen.

Sidoo kale Itoobiya ayaa diiday inay sheegto intuu noqon karo saamiga ay suurta-galka tahay in Somaliland laga siiyo diyaaradda Ethiopia Airlines iyo sida ay Somaliland faa’iido ku heli karto sanadka ay diyaaraddu khasaare gasho.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa wajahayay dhowrkii sano ee u dambeysay culeysyo uu kala kulmayay gudaha Itoobiya. Iyada oo la xasuusto dagaalkii uu la galay Tigrayga, haddana wuxuu hadda dagaal kula jira qabiilka Amxaarada, tii oo inbadan Oramada kamid ah ay diidan yihiin siyaasadiisa qaris ka tuurnimada.

Warbaahinta waaweyn ee qaaradda Afrika iyo kuwa Caalamka-ba waxay badankood tabinayaan in Abiy Ahmed uu culeys badan ka haysto gudaha Itoobiya, uuna isku dayayo inuu arrintaan iskaga dejiyo culeysyadaas iyo inuu ku raadiyo midnimada Itoobiyaanka, balse uu dhankiisa fahamsan yahay sida ay u adag tahay dhaqan-galka heshiiskan.