25.5 C
Mogadishu
Sunday, June 21, 2026

Masar oo wafdi culus usoo dirtay Muqdisho iyo Xasan Sheekh oo laga wacay Qaahira

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa wafdi culus usoo dirtay Muqdisho, sida ay shaacisay madaxtooyada Soomaaliya, xilli xiisad xooggan ay ka dhaxeyso Soomaaliya iyo Itoobiya, taasi oo ka dhalatay heshiiska ay Itoobiya la gashay Somaliland ee sida la sheegay lagu siiyey qeyb ka mid ah badda Soomaaliya.

Dhul-badeedkaas oo dhan 20 km ayey Somaliland sheegtay inay ku beddelatay in Itoobiya ay siiso aqoonsi. Hase yeeshee Itoobiya weli ma xaqiijin inay aqoonsan doonto Somaliland, balse waxay sheegtay in marka ay hesho badda kadib ay darsi doonto sidii ay mowqif uga qaadan laheyd arrintaas.

“Axaddii, 7-dii Janaayo 2024 Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa aqalka madaxtooyada ee Muqdisho ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi. Wafdiga ayaa u gudbiyay madaxweyne Xasan Sheekh casuumaad rasmi ah oo uu ku tagayo Masar,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Somalia. 

“Intii uu socday kulanka, wefdiga waxa ay ku celiyeen in madaxweyne El-Siss uu si hagar la’aan ah u garab taagan yahay madax-banaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyagoo sidoo kale adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo mabaadi’daas asaasiga ah, islamarkaana si adag u caddeeyey inay ka soo horjeedaan fal kasta oo taas xadgudbaya.”

Qoraalka madaxtooyada ayaa sidoo kale lagu sheegay in wafdiga Masar ay hoosta ka xariiqeen sida hagar la’aanta ah ee Madaxweyne El-Sisi ay uga go’an tahay sare u qaadidda xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Masar iyo Soomaaliya oo dhinac walba ah.

Madaxweyne Sisi ayaa ahaa madaxweynihii ugu horreeyey ee madaxweyne Xasan Sheekh uu wacay markii Abiy Ahmed uu heshiiska xadgudubka ku ah madax-banaanida Soomaaliya la saxiixday Muuse Biixi 1-dii Janaayo.

Masar iyo Itoobiya ayaa waxaa ka dhaxeeya xiisad ka dhalatay biyo-xireenka ay Itoobiya ka sameysay webiga Nile, kaasi oo Masar ay u aragto halis amni iyo caqabad ka dhan ah nolosha Masaarida oo aad ugu tiirsan biyaha webigaas.

Sawirro: NISA oo qabatay Shabaab-kii ugu badna oo Hiiraan uga talaabayay…

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ayaa maanta howl-gal culus ka sameeyay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Howl-galkaan oo ahaa mid lagu xaqiijinayo amniga magaalada ayaa waxay ciidanka NISA kusoo qabteen shabakad Shabaab ah oo qorsheysanaysay in ay kasii tallaaban gobolka Hiiraan.

Saraakiisha NISA ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in xubnahaan aragagixisada ah ay doonayeen in ay gobalka Hiiraan ugu tallaabaan gobolka Galgaduud oo uu ka socdo howl-gal lagu cirib-tirayo kooxda.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ayaa muddooyinkii dambe howl-galo qorsheysan ku beegsaneysay dagaal-yahanada Al-Shabaab, kuwaasi oo ay ku dishay Shabaab badan, xilli uu gobolada dalka ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda.

Tan iyo markii uu billowday kacdoonka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab waxay kooxda weysay gacan ku haynta deegaano aad u badan, kuwaasi oo qaarkood ahaayeen saldhigyo muhiim u ah kooxda.

Si kastaba, waxaa dhawaan si rasmi ah u bilaaban doona wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, kadib marka uu soo idlaado wejiga hore ee dagaalka oo hadda dhameystirkiisa uu ka socda gobollada dhexe, si loo guda-galo wejiga xiga oo ka xoog badnaan doona ka hore.

Somaliland oo wada qorshe uga sii dari kara xiisadda ka dhalatay heshiiskii BADDA

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa bilaabay caburin adag oo ay la kulmayaan dadka ku nool gobollada waqooyi ee ka hor-yimid ama dhaliilay heshiiska qar iska tuurnimada ah ee Muuse Biixi uu badda ku siiyey Itoobiya.

Dadka la xiray waxaa ka mid ah Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ah saxafi samafale ah, marar badan ayey Somaliland ninkaan horay u xirtay, balse hadda waxaa loo heystaa inuu ka mid yahay dadka ugu hadallada kulul ee ka hor yimid heshiiska Somaliland ay ku bixineyso badda Soomaaliyeed.

Magaalooyinka Saylac iyo Lughaye oo badda ay rabto Itoobiya ay ku taallo ayaa marti gelinaya dibadbaxyo waaweyn, kadib markii ay kaceen dadkii ku noolaa, waxaana la sheegay in dadkii banaabaxyadaas abaabulay qaarkood ay xirtay xukuumadda Muuse Biixi.

Waxaa xusid mudan in masuuliyiintii xukuumadda Muuse Biixi ku meteleysay magaalooyinkaas ee ka soo jeeday beesha Ciise oo ay ugu horeeyaan wasiiradii gaashaandhigga iyo ganacsiga Somaliland ay is casileen.

Warbaahin uu ugu horeeyo MM Somali TV iyo maamulkiisii Maxamed Ilig iyo Cabdishakuur Dayib Maxamed ayaa xabsiga loo taxaabay habeen ka hor, kadib markii ay xarunta u soo dhaceen ciidamo taabacsan Muuse Biixi oo ka carooday dood adag oo ka socotay Twitter Spaces.

Doodaas waxay dhexmareysay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad, Feysal Cali Sheekh oo Hargeysa jooga xubin sarena ka ah maamulka Somaliland iyo dadweyne badan oo qadka loo furay, si ay aragtidooda u dhiibtaan.

Markii ay ciidamadu soo galeen xarunta waxaa joogsatay doodii, waxay xireen guddoomiyaha TV-ga Maxamed Ilig iyo agaasime Cabdishakuur Dayib, war ka soo baxay maamulka TV-gana waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay burburiyeen qalabkii yiilay xarunta.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku cambaareysay tallaabooyinka ay Somaliland ku caburineyso dadkii ka hor yimid heshiiskii badda ee Muuse Biixi uu la soo galay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay aad uga xun tahay tallaabooyinka gurracan ee maamulka Somaliland  isugu dayayo in uu ku af qabto warbaahinta iyo dadweynaha gobollada waqooyi ee dalka ee ka dhiidhinaya Is-afgaradka sharci daradda ah ee xadgudubka ku ah gobonimada iyo sharafta dadka Soomaaliyeed ee uu la soo galay dowladda Itoobiya,” ayaa lagu yiri bayaanka xalay ka soo baxay DF.

Warkaan ayaa intaas ku sii daray, “In la beegsado weriye iyo warbaahin si madax banaan oo dheelitiran u tabinaysa wararka iyo xaqiiqda deegaanada Somaliland ka taagan maanta ee ay ku kaceen laamaha amniga ee Somaliland waa nasiib darro muujinaysa halka uu taagan yahay heerka ku xadgudubka xaquuqda aadanaha iyo ku dhaqanka sharciga.”

Qorshaha Deni ee khilaafka DF kadib dib u doorashadiisa?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shalay mar kale dib loogu doortay xilkaas, taasi oo saameyn xooggan ku leh khilaafka Puntland kala dhaxeeya dowladda federaalka ee uu isaga hormuudka ka yahay.

Madaxweyne Deni intii uu ku jiray ololaha doorashada waxaa khudbooyinkiisa ku jiray hadalo uu kaga horjeeday dowladda federalka isagoo toos ugu dhaliilay madaxda dowladda in ay dimuqraadiyadda diidan yihiin.

“Waxaa maanta cadaatay in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha waxay isu raaceen in ay dimuqraadiyadda diidan yihiin oo ay la dagaallamayaan,” ayuu ka sheegay fagaare uu kula hadlayay taageerayaasha xisbigiisa.

Dr Cabduweli Maxamed Gurey oo ka faalooda siyaasadda Soomaaiya kuna sugan London ayaa sheegay in dhowr arrimood oo waaweyn ay horyaalaan. “Waxbadan oo laysku hayo ayaa jira,waxaana laga doonayaa dowladda madaxweyne Deni in xal ay ka gaarto,” ayuu yiri.

Sidoo kale Dr. Cabduweli wuxuu sheegay in waxyaabaha ugu waaweyn ee taagan ay yihiin in wadahadallo loo baahan yahay.

‘‘Puntland ma ahan jasiirad gooni ah waxay ka tirsan tahay dowladda federalka, waxaan aaminsanahay in waxyaabaha ugu waaweyn ee loo baahan yahay ay ka mid yihiin in la sameeyo waxbadan oo wadashaqeyn oo labada dhinaca iyo in la wadahadlo.”

Arrimaha kale ee horyaala waxaa ka mid ah halka uu ku dambeynayo mustaqbalka SSC-Khaatumo waana waxa ugu weyn ee horyaal madaxweyne Deni.

Madaxweynaha Puntand Siciid Deni, ayaa hore ugu baaqay SSC Khaatumo in ay wax la qeyb sadaan maamulka Puntland.

“Aragtidooda waxaan aaminsanahay in ay doonayaan inay noqdan maamul madaxbanaan oo Puntland dhinac deggan oo walaalo ah.”

Madaxweyne Deni muddo ayuu siyaasadda ku soo jiray wuxuu hore dowaladda dhexe uga soo noqday wasiir ka hor inta uusan Puntland madaxweynaha ka noqon.

Agaasimaha Mac-hadka daraasaadka siyaasadda ee Heritage Mursal Maxamed Saney ayaa ku tilaamay khilaafka u dhexeeya Deni iyo madaxweyne Xasan Sheekh in uusan aheynd mid shaqsiyadeed ee uu ku saleysan yahay kala duwanaasho aragti

Waxyaabaha ugu weyn ee laysku khilaafay waxaa ka mid ah nidaamka hoggaanka dalka, dhameystirka dastuurka iyo awood qeybsiga.

“Madaxweyne Deni isaga ayaa laga rabaa in reer Puntland uu la heshiiyo, waxaana laga rabaa isagoo khibradiisa hore ka faa’ideysanaya in tanaasul yimaado, dowladda dhexena sidaas oo kale ayaa laga rabaa iyadoo la eegayo maslaxada dalka”.

In labada dhinaca ay wadahadlaan ayaa sal u ah in xal laga gaaro khilaafka siyaasadeed sida ay qabaan kuwa siyaasadda ka faalooda.

Dhinaca kale, madaxweyne Deni waxyaabaha kale ee horyaala waxaa ka mid ah in uu mideeyo siyaasiyiinta maamulkiisa nidaamka doorasho isku khilaafay

“Maadama uu guuleystay isagoo laga doonayaa in uu guryaha dadka ugu tago oo ku qaniciyo sidii hore loogu sii socon lahaa”. ayuu yiri Saney.

Somaliland oo quus joogta kadib mowqifka ABIY Ahmed ee heshiiskii Addis Ababa

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa dhawaan markii ugu horeysay bixisay faah-faahino dheeraad ah oo ku saabsan heshiiskii is-afgaradka ahaa ee uu Muuse Biixi u saxiixay Abiy Ahmed, kaasi oo Soomaalida iyo caalamka si weyn u diideen.

Heshiiskaan oo illaa hadda helin dowlad sax tiraahda ayaa dhinaca kale sii luminaya dad kooban oo reer Somaliland ah oo rejo ictiraaf uga dhex muuqatay.

Wallow ay dadka reer Somaliland 100% ogyihiin in ogolaanshaha ictiraafkooda Muqdisho ku xiran yahay, haddana wareysi uu bixiyay La-taliyaha Amniga ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Ridwaan Xuseen ayaa xaalada kusii fogeeyay dadkii aaminsanaa inuu waxyar oo rejo ah uu heshiidkan u leeyahay umadda Soomaaliyeed ee degan gobollada Waqooyi ee hadda loo yaqaano Somaliland.

Dhowr arrimood oo ku jiray hadalkiisa ayaa dhamaan culeyska kusii badinaya Muuse Biixi, dhinaca kalena xoojinaya diidmada dadka Soomaaliyeed ee heshiiskaan.

Qoddobada waxaa kamid ah arrinta ictiraafka oo Muuse Biixi uu rabay inuu iskaga dejiyo fal-celinta gudaha Somaliland.

Itoobiya waxay sheegtay in marka uu heshiiska ka dhaqan-galo dhanka Somaliland oo badda lagu wareejiyo inay kadib ka fikirayaan macquul ahaanshaha codsigooda ictiraafka.

Itoobiya ayaa sidoo kale shaacisay in ay doorteen dhanka Lughaya, islamarkaana 20KM ay ka badan karto dhulka ay rabaan, sida uu telefishanka Dowladda Itoobiya u sheegay La-taliyaha amniga Qaranka ee Itoobiya, Redwan Hussein.

Si kastaba, heshiiskaasi ayaa la kulmay diidmo xooggan, ayada oo si weyn looga soo horjeestay maadaama uu yahay mid masiiri ah oo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, uuna yahay damac soo jireen ahaa oo Itoobiya waligeed ku taameysay inay hesho Bad.

Xasan Sheekh oo dagaal ku baaqay kadib heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay mar kale ka hadlay heshiiska badda ee Somaliland iyo Itoobiya ayaa ku baaqay in loo diyaar garoobo dagaal lagu difaacayo madax bannaanida Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkan ka sheegay kulan casho sharaf ah oo uu xalay la qaatay xildhibaannada labada Gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa u sheegay xildhibaannada uu la kulmay inay u dhiman doonaan difaaca dhulkii aabaayaasheen iyo awoowayaasheena, ayna uga tageen isaga oo xor ah.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah farriin u gu diray dhalinyarada Soomaaliyeed, isaga oo u ugu baaqaay inay diyaar garoobaan dagaalka difaaca badda,

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in dowladdiisa iyo shacabka Soomaaliyeed aysan mqrnaba ogolaan doonin damaca Itoobiya ee ku aadan biyaha Soomaaliya.

“Dhulki aan ka dhaxalnay aabayasheen iyo awoowayasheen ee isagoo xor ah ay nooga tageen ayna diideyn in ay taako ka mid baxshaan, anagana waa u dhimaneynaa, so jiilalka dhalan doona, aan uga tagno isagoo xor ah,” ayuu khudbaddiisa ku yiri madaxweynaha.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli sii laba kacleyneyso xiisadda ka dhalatay heshiiska badda, waxaana haatan dalka isaga baxay safiirkii Itoobiya u joogay Muqdisho.

Bixitaanka safiirka ayaa sidoo kale timid shan maalmood kadib markii Soomaaliya ay u yeeratay safiirkeedii Itoobiya, ayada oo ka careysan heshiiska ay Itoobiya la gashay Somaliland oo sida la sheegay lagu siiyey qeyb ka mid ah badda Soomaaliya.

Dhul-badeedkaas oo dhan 20 km ayey Somaliland sheegtay inay ku beddelatay in Itoobiya ay siiso aqoonsi. Hase yeeshee Itoobiya weli ma xaqiijin inay aqoonsan doonto Somaliland, balse waxay sheegtay in marka ay hesho badda kadib ay darsi doonto sidii ay mowqif uga qaadan laheyd arrintaas.

DF oo digniin culus ka soo saartay arrimo xasaasi ah oo Somaliland ay ku kaceyso

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku cambaareysay tallaabooyinka ay Somaliland ka qaaday dadkii ka hor yimid heshiiskii badda ee Muuse Biixi uu la soo galay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay aad uga xun tahay tallaabooyinka gurracan ee maamulka Somaliland  isugu dayayo in uu ku af qabto warbaahinta iyo dadweynaha gobollada waqooyi ee dalka ee ka dhiidhinaya Is-afgaradka sharci daradda ah ee xadgudubka ku ah gobonimada iyo sharafta dadka Soomaaliyeed ee uu la soo galay dowladda Itoobiya,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Warkaan oo ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xukuumadda Somaliland ay cabirisay saxafiyiintii iyo shacabkii ka dhiihdiyeyy damaca Itoobiya, taas oo xadgudub labaad ah.

“In la beegsado weriye iyo warbaahin si madax banaan oo dheelitiran u tabinaysa wararka iyo xaqiiqda deegaanada Somaliland ka taagan maanta ee ay ku kaceen laamaha amniga ee Somaliland waa nasiib darro muujinaysa halka uu taagan yahay heerka ku xadgudubka xaquuqda aadanaha iyo ku dhaqanka sharciga,” ayaa lagu yiri qoraalka DF.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in caburinta ay Somaliland ku heyso dadkeeda ay suurta-gelineyso inay kacdo caro dadweyne oo hor leh, taas oo gaari karta heer la xakamey waayo dadka shacabka ah ee lagu xadgudbay sharaftooda.

“Dareenka waddaniyadda iyo dal jaceylku ku jiro ee dadka gobollada waqooyi, xoog laguma maquunin karo, lagumana af qaban karo, waxaana ay xoojinaysa in kacdoonka shacbigu laba kacleeyo,” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya waxay farriin culus u dirtay hey’adaha amniga Somaliland, waxayna uga digtay inay sameeyaan ficillo ay ku dhaqan gelinayaan heshiiskii xadgudubka ahaa iyo caburin dadweyne oo sababi karta khatar hor leh.

“Hay’adaha amniga ee maamulka Somaliland waxaan uga baaqaynaa in ay ka waantoobaan u hiilinta iyo garab siinta is afgaradka sharci daradda ah iyo damaca  Itoobiya ku doonayso in ay ku qaadato dhul iyo bad Soomaaliyeed taas oo qatar ku ah mustaqbalka iyo karaamada dadka gobollada waqooyi ku nool iyo guud ahaan umadnimada shacabka Soomaaliyeed,” ayey tiri DF Soomaaliya.

Ugu dambeyntii bayaan waxaa lagu yiri “Dowladda Soomaaliya waxa ay si buuxda u bogaadinaysaa uguna mahad celinaysaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka gobollada waqooyi oo sida lagu yaqaanay dadkeena meel adag iska taagay, iskana diiday damaca gurracan ee Itoobiya ku doonayso in ay ku qaadato qeyb ka mid ah badda iyo dhulka Soomaaliya.”

Dowladda JABUUTI oo war culus ka soo saartay damaca Itoobiya ee badda Somalia

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Jabuuti oo war ka soo saartay damaca gurracan ee dowladda Itoobiya ee dhulka Soomaaliyeed ayaa sheegtay inay muhiim tahay ilaalinta Madaxbanaanida iyo wadajirka dhuleed ee dowladaha xubnaha ka ah Urur Gobolleedka IGAD.

“Jamhuuriyadda Jabuuti oo hadda ah hoggaanka urur gobolleedka IGAD waxay xaqiijinaysaa inay si qoto dheer u ilaalinayso, madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dhammaan dawladaha xubnaha ka ah ururka IGAD, sida ku cad heshiiska IGAD iyo xeerka dastuuriga ah ee Midowga Afrika,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Jabuuti.

Iyadoo la filayey in Jabuuti ay qaadaneyso mowqif ay kula safaneyso Soomaaliya, hadana waxaa soo daahay in Jabuuti ay cadeyso go’aankeeda ku aadan damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya.

Xog ay heshay Caasimada Online waxay sheegeysaa in Jabuuti ay ku dadaaleyso inay dejiso xiisadda ka dhalatay damaca Itoobiya, maadaama ay ku fadhiso kursiga hoggaanka urur gobolleedka IGAD.

Dowladda Soomaaliya ayaa mowqif adag ka istaagtay heshiiskii Muuse Biixi uu Addis Ababa ku saxiixay 1-dii bishaan Janaayo oo aheyd maalintii koowaad ee sanadkaan, carada dowladda Soomaaliya waxay gaartay in xalay madaxweynaha Soomaaliya uu dhalinyarada ugu baaqo inay u diyaar garoobaan dagaal wadanka looga difaacayo Itoobiya.

Sidoo kale Soomaaliya ayaa deg deg ugu guuleysatay inay xiisadaan u hesho galaan-gal caalami ah, inta badan wadamada ugu awooda weyn caalamka ayaa garab istaagay Soomaaliya, iyagoo Itoobiya uga digay inay ka joogto damaca ay ku raadineyso badda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta u amba baxay dalka Eritrea, si uu xiisadaan ugala xaajoodo madaxweynaha dalkaas oo aad u yaqaana dagaalka Itoobiya.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa taleefoon kula xiriiray madaxda dalalka ugu muhiimsan ee garab ay ka heli karto Soomaaliya, waxaana dhimatay fursad kasta oo Itoobiya ay ugu soo dhawaan laheed biyaha Soomaaliya.

Baarlamanka Somaliland oo qaraar yaab leh kasoo saaray tallaabadii BF ee heshiiska

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta soo saaray qaraar ka dhan ah tallaabadii uu dhawaan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku buriyay heshiiskii Muuse Biixi iyo Abiy Ahmed ee magaalada Addis Ababa.

Qaraarka uu soo saaray Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay tallaabada uu qaaday Baarlamaanka Soomaaliya, taasi oo ay ku tilmaameen “fara-gelin” ka dhan ah arrimaha gudaha Somaliland.

Golaha Wakiillada Somaliland ayaa sheegay in heshiiska Somaliland iyo Itoobiya uu u yaallo Golaha Baarlamaanka Somaliland, islamarkaana loo baahan yahay in xukuumadda golaha horkeento.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa toddobaadkii tegay xeer ka soo saaray heshiiskii ay Addis Ababa ku galeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, kaasi oo lagu bixiyey qeybo ka mid ah badda Soomaaliya.

Kulan aan caadi aheyn oo markaas ay yeesheen Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo isugu yeeray Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud, ayada oo laba aqal ay si wadajir ah u ansixiyeen xeer burinaya heshiiskaasi.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cadeeyey inay lama taabtaan tahay biyaha iyo dhulka Soomaaliya, lana ilaaliyo nidaamka dunida u degsan iyo kan Midowga Afrika, Ururka Iskaashiga Islaamka, IGAD iyo kan Soomaaliya.

Xeerkaasi burinta is-afgaradka dowladda Itoobiya iyo Somaliland ayaa waxaa isla habeen hore saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan ayaa tilmaamay in sharcigan uu yahay mowqifka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo tilmaamay in sharcigaan uu farriin adag u yahay cid kasta oo naawilaysa in ay boobto dhulka, badda iyo hawada shacabka Soomaaliyeed.

Si kastaba, Somaliland oo in ka badan 30 sanno ku doodeysay inay tahay dal madax-banaan ayaa weli helin aqoonsi caalami ah, taasi oo ka dhigan in Somaliland ay qeyb ka tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si lamid ah dowlad-goboleedyada kale ee dalka.

Falcelin aan caadi aheyn oo ka dhalatay dib u doorashada madaxweyne Saciid DENI

0

Garoowe (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay dib u doorashada madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo maanta guul taariikhi ah ka gaaray doorashadii ka dhacday magaalada Garoowe.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa helay codad gaarayaa 45 cod, halka musharraxii wareegii u dambeeyay la tartamayay ee Dr Guuleed Saalax Barre uu isna helay 21 cod, sida uu natiijada rasmiga uu ku dhowaaqay guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland Cabdiraxmaan Axmed Saciid.

Doorashada Puntland ayaa waxaa awooddiisa siyaasadeed ku muujiyay madaxweyne Saciid Deni, oo noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee mar labaad dib loogu doorto xilka u sarreeya maamulka Puntland.

Doorashada madaxtinimada ee maanta ka dhacday magaalada Garoowe ayaa meesha ka saareysa xaaladdii adkeyd ee ka jirtay maamulkaasi, taasi oo ka dhalatay muranka hareeyay doorashada maanta soo dhammaatay.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay?

Drs Iqra Yuusuf: “Hambalyo Puntland taariikh cusub iyo bog cusub ayaa u bilaabmay.”

Khaliif Carabey ayaa isna waxa uu yiri “Horaa loo yiri “hal xaarana, nirig xalaal ah ma dhasho”.”

“Deni ma Garoowe ayuu ku oodnan doona mise banaanka u soo bixi doona,” ayuu yiri Farxaan Axmed oo ka fal-celiyay dib u doorashada madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Axmed Maxamed Saciid ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Hambalyo baan leenahay madaxwaynaha dib loo doortay Saciid Cabdullaahi Deni.”

“Xarfaan buuran xariif mahan maxaa loo dhahay waa kan Saciid Deni xariiftamay,” ayuu yiri Nuuradiin Axmed Taagyar oo kamid ah dadka ka fal-celiyay guusha uu doorashadii maanta ka gaaray Deni.

Cabdi-kheyr Muxumed Cilmi ayaa isna sidoo kale waxa uu yiri “Madax badan ayaa dhiikar looga baqayaa ee halaga war haayo.”

Sawirro: Xasan Sheekh oo gaaray Asmara iyo Eritrea oo shaacisay xogta safarka

0

Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Asmara dalka Eritrea, halkaas oo ay uga billaabatay booqasho rasmi ah.

Villa Somalia ayaa ujeeddada safarka ku sheegtay mid shaqo, balse kama aysan bixin faah-faahin intaas dheer.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Asmara kusoo dhoweeyey dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki, waxaana kadib loo galbiyey xarunta madaxtooyada. Dowladda Eritrea ayaa sheegtay in madaxweynaha uu Asmara ku sugnaan doono laba maalin.

Wasaaradda warfaafinta Eritrea waxay sidoo kale sheegtay in labada madaxweyne ay ka wada-hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dhinac, iyo arrimaha gobolka iyo caalamka ee danta ugu jira labada dhinac.

Safarka ayaa imanaya ayada oo xiisad xooggan ay ka dhex-oogan tahay Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib markii Addis-Ababa ay heshiis is-afagarad oo muran dhaliyey ay la saxiixatay Somaliland.

Is-afgaradka ay la gashay Itoobiya, ayey Somaliland ku sheegtay inay marin-badeed 20 km ah kaga kiraynayso Itoobiya muddo 50 sano ah, halka Itoobiya ay Somailand “u fidinayso aqoonsi.” Hase yeeshee weli Itoobiya ma xaqiijin inay ballan-qaaday aqoonsi.

Ka hor safarka, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay casho sharaf ku maamuusay xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka dalka, wuxuuna ku bogaadiyay “doorkooda taariikhiga ah ee ay ka qaateen ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida qaranimada dalka Soomaaliyeed.”

Soomaaliya ayaa si xooggan uga hortimid is-afgaradka Somaliland iyo Itoobiya, waxayna u yeeratay safiirkeeda Addis-Ababa.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa xiriir toos ah la sameeyay ururka Midowga Yurub oo uu uga mahadceliyay, sida ay garab istaagga ugu muujiyeen madax bannaanida Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan ayaa tan iyo markaas raadinayay taageearada waddamada gobolka iyo caalamka, isaga oo la xiriiray madaxweynayaasha Masar, Turkiga iyo Amiirka Qatar.

Xiriirka Eritrea iyo Itoobiya ayaa xumaa tan iyo markii uu dhammaaday dagaalka gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, oo ay heshiiyeen xukuumadda Abiy iyo Jabhadda TPLF.

Farmaajo oo ka hadlay dib u doorashada Saciid DENI, farriina u diray mucaaradka

0

Doha (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay doorashada maamulka Puntland ee maanta ka dhacday Garoowe, taasi oo mar kale xilka madaxweynaha dib loogu doortay madaxweyne Saciid Deni.

Farmaajo ayaa ugu horeyn hambalyeeyay madaxweynaha dib loo doortay ee Saciid Deni, isaga oo Alle uga rajeeyay inuu ku guuleeyo masuuliyada loo doortay, uuna horseed u noqdo xasiloonida siyaasadeed ee maamulka Puntland

“Hambalyo Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo loo doortay inuu mar labbaad hoggaamiyo Dowlad Goboleedka Puntland. Waxaan Allaah kaaga rajaynayaa inuu kugu guuleeyo mas’uuliyaddan laguu doortay, aadna horseed u noqoto xasilloonida, horumarka iyo baraaraha Puntland,” ayuu Farmaajo ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweyne Ku-xigeenka la doortay ee Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor. Waxaan Allaah uga rajaynayaa inuu u fududeeyo gudashada mas’uuliyadda loo igmaday.”

Sidoo kale waxa uu Mucaaraadka ku booriyay in ay taageeraan madaxda la doortay, iyaga oo dhinac iska dhigaya khilaafka siyaasiga ee muddooyinkii dambe kala dhaxeeyay madaxweynaha dib loo doortay.

“Dhamman siyaasiyiinta, musharrixiintii xilka Madaxweynaha Puntland iyo guud ahaan shacab qiimaha badan ee reer Puntland waxaan ku boorrinayaa inay gacmaha is qabsadaan, taageeraan Madaxda la doortay, wadajirka uga shaqeeyaan horumarka Puntland iyo guud ahaan dalkeenna.”

Madaxweyne Saciid Deni ayaa maanta mar kale dib loo doortay, isaga oo helay codad gaarayaa 45 cod, halka musharraxii la tartamayay ee Dr Guuleed Saalax Barre uu isna helay 21 cod, sida uu natiijada rasmiga uu ku dhowaaqay guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland Cabdiraxmaan Axmed Saciid.

Deni ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horreeyay ee dib loogu doortay Puntland, tan iyo markii la aas aasay maamulkaasi oo 25 sano jirsaday, taasi oo meesha ka saartay isbeddalkii la filayay inuu ka dhaco Puntland oo ay si weyn isku hayeen dowladda federaalka Soomaaliya.

Dib u doorashada Deni ayaa kusoo aadeysay ayada oo weli halkiisii uu yahay khilaafka xoogan ee kala dhexeeya dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Saciid Deni, kaasi oo gaaray heer ay Puntland u dhaqanto sida dowlad madax-banaan oo kale.

Si kastaba, Qabashada doorashada madaxtinimada Puntland ayaa meesha ka saareysa xaaladdii adkeyd ee ka jirtay maamulkaasi, taasi oo ka dhalatay muranka hareeyay doorashada maanta soo dhammaatay.

Xasan Sheekh oo war kasoo saaray doorashada DENI

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay doorashada uu markale ku guuleystay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ee maanta ka dhacday magaalada Garoowe.

Madaxweyne Xasan ayaa hambalyo u diray madaxweynaha dib loo doortay ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, isagq oo u rajeeyey in uu ku guleysto waajibaadka loo igmaday.

Sidoo kale wuxuu u rajeeyay dadka reer Puntland, maamul iyo bulsho-ba, xasillooni buuxda iyo horumar, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujiyey sida dowladda federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay in ay doorkeeda ka qaadato nabadda, wadajirka iyo horumarka maamulka Puntland.

Ugu dambeyntiina wuxuu ku bogaadiyey musharraxiintii xilka madaxtinnimo, guddiga doorashada iyo Golaha Wakiillada Puntland dadaalkii ay geliyeen sidii ay u qabsoomi lahayd doorasho loo dhanyahay oo ku qabsoomta jawi nabadeed.

Dib u doorashada Deni ayaa kusoo aadeysay ayada oo weli halkiisii uu yahay khilaafka xoogan ee kala dhexeeya dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Saciid Deni, kaasi oo gaaray heer ay Puntland sheegtay inay u dhaqmayso sida dowlad madax-banaan oo kale.

Si kastaba, Saciid Deni ayaa maanta mucaaradkiisa ka adkaaday, isaga oo helay codad gaarayaa 45 cod, halka musharraxii wareegii u dambeeyay la tartamayay ee Dr Guuleed Saalax Barre uu isna helay 21 cod.

Doorashadii madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo lagu kala baxay – Yaa loo doortay?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa goordhow soo dhammaatay doorashadii madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo ka socotay magaalada Garoowe.

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad-goboleedka Puntland ayaa waxaa goordhow loo doortay Ilyaas Cismaan Lugatoor, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland.

Ilyaas Lugatoor ayaa ka guuleystay musharaxiin u ordeysay kursigaan, wuxuuna hayb ahaan uu kasoo jeed beesha Dhulbahante gaar ahaan Xasan Ugaas.

Madaxweyne ku-xigeenka cusub ee Puntland ayaa waxa uu kamid yahay saaxiibada dhow ee madaxweyne Saciid Deni, sidoo kalena wuxuu ahaa wasiirkii duulista iyo gaadiidka cirka ee xukuumadda Deni.

Doorashada Puntland ee maanta ka dhacday Garoowe ayaa waxaa awooddiisa siyaasadeed ku muujiyay madaxweyne Saciid Deni, oo noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee mar labaad dib loogu doorto xilka u sarreeya maamulka Puntland.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa helay codad gaarayaa 45 cod, halka musharraxii wareegii u dambeeyay la tartamayay ee Dr Guuleed Saalax Barre uu isna helay 21 cod, sida uu natiijada rasmiga uu ku dhowaaqay guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland Cabdiraxmaan Axmed Saciid.

Doorashada madaxtinimada ee maanta ka dhacday magaalada Garoowe ayaa meesha ka saareysa xaaladdii adkeyd ee ka jirtay maamulkaasi, taasi oo ka dhalatay muranka hareeyay doorashada maanta soo dhammaatay.

Faah-faahinta dagaal culus oo ka dhacay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal xalay ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, kaas oo u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya, kaas oo saameyn ku yeeshay shacabka.

Dagaalkan ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Haanta Dheer ee degmada Dayniile, halkaas oo ay ku dagaalameen ciidamo ka kala tirsan booliska iyo milatariga Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhashay muran hareeray dhul ku yaalla halkaasi oo booliska ku amreen inay ka guuraan dadka shacabka ah ee deggan.

Amarka kadib ayaa waxaa la sheegay in xaafadda yimaadeen ciidamo kale oo milatari oo hubeysan, isla markaana u abaabul hab beeleed, kuwaas oo la dagaalamay ciidamada booliska Soomaaliya ee isku dayayay inay dhulkaas ka raraaan shacabka deggan.

Goobjoogayaal ayaa innoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado badan, isla markaana ay maqlayeen rasaasta ay si weydaarsanayeen labada ciidan.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan, maadaama ay ahayd xilli habeen ah, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid deggan.

Ma’aha markii ugu horreysay oo ay dhulkan ku wada dagaalamaan ciidamo ka wada tirsan dowladda, waxayna dhacday dhowr jeer hore, taas oo sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Si kastaba, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada Dayniile iyo saraakiisha amniga Soomaaliya oo ku aadan dagaalkaasi.

Xog: Safiirkii ITOOBIYA oo isaga baxay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirkii Itoobiya u fadhiyey magaalada Muqdisho Danjire Mukhtaar Maxamed Waare ayaa shalay isaga baxay magaalada Muqdisho, kuna laabtay dalkiisa, sida ay ilo-wareedyo u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Weli ma cadda haddii safiirka ay cayrisay dowladda federaalka Soomaaliya iyo haddii ay u yeertay dowladdiisa. Soomaaliya iyo Itoobiya ayaan labadaba wax war ah kasoo saarin bixitaanka safiirka

Bixitaanka safiirka ayaa timid shan maalmood kadib markii Soomaaliya ay u yeeratay safiirkeedii Itoobiya, ayada oo ka careysan heshiiska ay Itoobiya la gashay Somaliland oo sida la sheegay lagu siiyey qeyb ka mid ah badda Soomaaliya.

Dhul-badeedkaas oo dhan 20 km ayey Somaliland sheegtay inay ku beddelatay in Itoobiya ay siiso aqoonsi. Hase yeeshee Itoobiya weli ma xaqiijin inay aqoonsan doonto Somaliland, balse waxay sheegtay in marka ay hesho badda kadib ay darsi doonto sidii ay mowqif uga qaadan laheyd arrintaas.

Xaqiijin la’aanta Itoobiya ayaa abuurtay shaki badan oo ku yimid qaar ka mid ah dadka reer Somaliland ee markii hore taageersanaa heshiiska, kuwaas oo hadda billaabay inay su’aalo ka keenaan tallaabada uu Muuse Biixi qaaday.

Dhowaan ayey aheyd markii caro xoogan ay ka dhalatay kulankii ay dowladda Soomaaliya la yeelatay xubnaha beesha caalamka ee fadhigoodu yahay Muqdisho, kaasi oo uu kasoo muuqday Danjire Mukhtaar Maxamed Waare.

Shirkaan oo wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ay isugu yeertay Danjirayaasha Beesha Caalamka ayaa waxay uga warbixisay xaaladda go’aanka Soomaaliya ee ku wajahan xad-gudubka Itoobiya ee madax-banaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Arrinta yaabka leh ayaa aheyd in isla shirkan looga hadlayay xadgudubka Itoobiya uu fadhiyay safiirkeeda, taas oo dad badan ay ka falceliyeen.

Siyaasiga caanka ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa ka hadlay arrintan, wuxuuna sheegay in laga haboonaa in safiirka dalka uu sii joogo, kana soo dhex muuqdo shirkii looga hadlay xadgudubka dalkiisa.

“Ma ahayn in Safiirka Itoobiya uu weli dalka joogo, oo uu maanta dhex fadhiyo diblomaasiyiintii xadgudubka dalkiisa lagala hadlayey. Waxay ahayd in ugu yaraan dalkiisa loo diro. Haddii xukuumaddu xilkeedii gudan waysay, waa in Baarlamaanku waajibkiisa gutaa,” ayuu ku yiri war qoraal ah oo uu soo saaray xildhibaank.

Maxay DF Soomaaliya ka tiri dib u doorashada DENI?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay doorashada maamul goboleedka Puntland ee maanta ka dhacday Garoowe, taas oo mar kale xilka madaxweynaha dib loogu doortay madaxweyne Deni.

Ugu horreyn dowladda Soomaaliya ayaa Deni ugu hambalyeysay guusha uu ka gaaray doorashadii xasaasiga ahayd ee ka dhacday magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo u dirtay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo maanta mar kale loo doortey inuu sii hayo talada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa dowladdu ay u rajeysay madaxweynaha dib loo doortay inuu eebbe u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee mar kale loo igmaday.

“Waxa ay Dowladda Soomaaliya u rajeyneysaa Madaxweynaha la doortey inuu Ilaahay u fududeeyo gudashada waajibaadkiisa shaqo” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu boggaadiyay shacabka Puntland, musharraxiintii tartantay iyo baarlamaanka, sida ay u wajahayeen doorashadii adkeyd ee maamulkaasi.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ugu dambeyn ku bogaadineysaa shacabka , musharixiinta iyo baarlamanka Puntland sida hufan ee nabadda leh ee ay uga soo wada shaqeeyeen qabsoomidda doorashadan muhiimka u ah horumarinta dowlad dhiska Soomaaliya ” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka kasoo baxay dowladda federaalka.

Dhinaca kale qoraal uu soo saaray Ra’iisul wasaare Xamza ayaa waxa uu uga hadlay doorashada Puntland, isaga oo farrriin hambalyo ah u diray madaxweynaha cusub

“Waxaan u hambalyeynaa Walaalkay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo maanta mar kale dib loogu doortay Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Puntland. Waxaan u rajeynayaa Madaxweyne Deni inuu Alle u fududeeyo gudashada waajibaadka culus ee loo doortay” ayaa qoraalkiisa ku yiri ra’iisul wasaaraha oo ay horay isku qabteen ninka lasoo doortay.

Dib u doorashada Deni ayaa kusoo aadeysa, ayada oo weli halkiisii uu yahay khilaafka xoogan ee kala dhexeeya dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh.

Qabashada doorashada ayaa meesha ka saareysa xaaladdii adkeyd ee ka jiray Puntland, taas oo ka dhalatay muranka hareeyay doorashada maanta soo dhammaatay.

Wasiirkii difaaca Somaliland oo isku casilay heshiiskii badda, shaaciyey sir culus + Video

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Cabdiqani Maxamuud Caateeye, oo ahaa wasiirkii Gaashaandhigga Somaliland, ayaa iska casilay xilka xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ee wakhtigeedu dhamaady, sida uu goordhaw baahiyey Talefeshinka Horyaal ee fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa ee gobolka Waqooyi Galbeed Soomaaliya.

Wasiir Caateeye ayaa is casilaadiisa u sababeeyey in uu kasoo horjeedo heshiiska Soomaalidu ka carootay ee Muuse Biixi uu badda ku siiyey Itoobiya, kaas oo  1-dii bishaan magaalada Addis Ababa ku dhex maray Biixi iyo Abiy.

Wasiir Cabdiqani Caateeye ayaa ka soo jeeda beesha Ciise ee degta Saylac, wuxuuna sheegay in umadda Soomaaliyeed ee diiday damaca Muuse Biixi iyo Itoobiya uu ku qalbi yahay, isagoo wacad ku maray in marnaba aysan Xabashi iman doonin dhulka Soomaaliya.

“Waxaa isku casilay, sidaa ogtihiin madaxweynaheenu wuxuu heshiis la soo galay Itoobiya, wuxuu wareejiyey 20 KM oo ka mid ah badeena, arrinkaas si weyn ayaan uga soo horjeeda dhulka Soomaaliyeedna uma ogolaa karo Xabashi,” ayuu yiri wasiirka iska casilay xukuumadda Muuse Biixi.

Cabdiqani Caateeye wuxuu xusay in Itoobiya uu ku maqan yahay dhul hore oo Soomaalida ay ka dhacday, hadana uu ku jiro damac kale oo dhul Soomaaliyeed ay ku dhacayaan.

“Hadaan Soomaali nahay dhul hore ayaa nooga maqnaa Xabashida, cadowga koowaad ee umaddaan Soomaaliyeed waa Itoobiyaan, ninkii qeyb ka mid ah dhulkeena heystay in maanta uu badeena soo haweysto anigoo xukun joogana yeeli maayo, hadaan dibadda ka joogo xukuumadana waxaan yeeli doonaa wixii rag la gudboon, insha allah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir Caateeye.

Wuxuu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu kala dooday arrintaan, isla markaana ay isku fahmi waayeen oo ku soo kala tageen maanta, wuxuu intaas ku sii daray, in Muuse Biixi uu qabyaaladeeyey arrinta.

“Madaxweynaha markii aan doodnay waa qabyaaladeeyey arrinta. Wuxuu yiri Saylac iyo Lughaya ayey degtaa beeshaada Ciisaha, laakiin soohdintaan soke ee beeluhu deriska ka yihiin ayaan Itoobiya ka siineynaa dhulka, aniguna waxaan ku iri dhamaan dhulka Soomaaliyeed waa isugu key mid in Xabashi la siinaya ma ogolaan karo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Wasiirkii Difaaca Somaliland ee is-casilay.

Banaanbaxyo ka dhan ah damaca Itoobiya iyo madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee maamulka Somaliland Muuse Biixi ayaa maanta ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee Somaliland oo Boorama ay ugu horeyso, iyada oo shacabku ku qeylonayeen “Baddeenu iib ma aha.”

Sida oo kale Mid kamid ah Banaan-baxayaasha magaaladda Boorame cod dheer ku yiri” Soomaaliya waa 18 Gobol, waxaan ka mideysanahay nin Addis Ababa tagay inuusan baddeenna iibin”.

Xasan oo si dadban u duray Imaaraadka Carabta, digniin culus-na u diray dalal kale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo markale ka hadlay heshiiskii Addis Ababa ee Somaliland iyo Itoobiya ayaa soo hadal qaaday dalalka sida weyn ula saftay Soomaaliya iyo kuwa ka dhuumanaya weli inay mowqifkooda cadeeyaan.

Dalalka saaxiibka dhow la ah Villa Somalia ee ka dhuuntay heshiiskan oo aan illaa hadda mowqifkooda cadeynin waxaa kale oo kamid ah Dowladda Imaaraadka Carabta.

Xasan ayaa Jimcihii si adag ula hadlay dalalka weli ka dhuumanaya inay cadeeyaan mowqifkooda qaddiyadan, isaga oo uga digay dalalka caalamka ee weli ka hadlin arrinkaan in aysan taageeri karin xad-gudub ka dhan ah Soomaaliya.

Waxa uu sheegay madaxweyne Xasan in keliya dalalkaasi ay isku xumaan karaan Soomaaliya, balse ay cid kale siin karin ama xitaa ku taageeri karin dhul Soomaaliyeed.

Sidoo kale madaxweynaha waxa uu xusay in dalalka Soomaaliya la saftay marxaladan adag ay waligood xasuusan doonaan, ayna maalintooda garab istaagi doonaan.

“Dowladaha caalamka ah ee saaxiibada ah waa ku mahadsan yihiin kuwii Soomaaliya midnimadeeda, xuduudahooda iyo dhulkeeda ilaalintiisa ka hadlay oo na garab istaagay aad iyo aad u mahadsan yihiin waa saaxiibo jira,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu intaas kusii daray “Kuwa kale ee aamusan ee meelaha ku gabanaya waxaa leenahay ma dhaceyso, Soomaaliya unba isku xumaan kartaan oo cid kale ama dal kale dhulka Soomaaliya ma siin kartaan, kumana taageeri kartaan.”

Fallanqeyn sharci: Ma loo baahnaa sharcigii ay DF ku burisay heshiiskii BADDA?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharci noociisa uusan aad u badnayn in la arko oo lagu burriyey kii ay todobaad ka hor wada gaareen Somaliland iyo Itoobiya ee ay isku dhaafsadeen dhul badeed iyo aqoonsi.

Sharciga oo ka kooban 7 qodob waxaa ugu muhiimsan qodobkiisa 1aad oo ah kan lagu burriyey heshiiska, soona koobay nuxurka oo dhan.

“Heshiiska isafgarad ee dhex maray dawladda Ioobiya iyo Somaliland ee Janaayo 1, 2024 lagu gaaray magaalada Addis Ababa waa waxba kama jiraan aan lahayn saldhig sharciyeed, maadaama uu ka hor imaanayo dastuurka dalka, shuruucda caalamiga ah oo ay ka mid yihiin axdiga Qaramada midoobay, Axdiga midowga Afrika iyo xeerka lagu aasaasay urur goboleedka IGAD, iyo qaraarrada caalamiga ah ee Golaha amaanka oo xeerinaya madaxbanaanida dalka, iyo xeerka maalgashiga shisheeye ee Soomaaliya iy shuruucda kale ee dalka u degsan.”

Haddaba aragtiyo kala duwan oo xagga sharciga ah ayaa laga bixiyey sharcigaas iyo waxa ku dhex jira.

Dr. Axmed Cali Kheyre waa sharciyaqaan jooga magaalada Muqdisho, wuxuuna qabaa in aan loo baahnayn “wax sharci ah in la soo saaro maadaama sharciyadda guud ee matalaadda dalka iyo dadka ay haysato dawladda Federaalka”.

“Midda hore waxay tahay, labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya dastuurka ayaa awood u siinaya in ay shuruuc soo saaraan, kadibna waa in madaxweynuhu saxiixo oo faafinta rasmiga ah lagu qoro. Midda labaad oo ah heshiiska ay galeen Somaliland iyo Itoobiya waa heshiis aan laga soo qaadi karin wax jira oo aan saamayn sharci ah lahayn, sidaa darteed, aniga aragtidayda, looma baahnayn in baarlamaanku soo saaro sharcigan, laakinse dadaal ayey ka wadaan,” ayuu yiri Kheyre.

Kheyre wuxu ku adkaystay in “Soomaaliya ay dawladda Soomaaliya ama ciddii ay wakiilato oo kaliya ay heshiis u geli karto”.

Wuxuu dooddiisa sii raaciyey in heshiisyada laba loo kala qaado “heshiis sax ah oo u baahan in la burriyo iyo heshiis aan jirin oo laga soo qaadayo inuusan dhicin,” wuxuuna ku tilmaamay in heshiiskan uu yahay mid aan lahayn saamayn sharciyeed oo aan loo baahnayn in la burriyo.

Isla arrintaas ayaan u bandhignay Guuleed Axmed Dafac oo ah sharciyaqaan deggan magaalada Hargeysa. Wuxuu isagu soo bandhigay laba weji “Midi waa sharciyaddiisa dhanka Soomaaliya oo iyadu la aqoonsan yahay, ayna doonayso in baarlamaankeedu diiddan yahay oo uusan raalli ka ahayn”.

Wuxuu intaa ku sii daray “Haddii Itoobiya ay doonayso in ay ciidankeeda soo galiso, dawladda Somaliland-na ay sidaa ogoshahay, heshiiskaas ma joojin karaayo sababtoo ah xagga xukunka waxaa gacanta ku haysa Somaliland, sidaa awgeed isma hortaagi karayso, laakinse mowqifkeeda sharci ayey dawladda Soomaaliya ku caddaynaysaa,” ayuu yiri Guuleed Dafac.

“Caalamku wuu la saftaa mar walba dalka sharciyadda leh ee la aqoonsan yahay, go’aamadeedana wax bay uga tartaa, dhinaca labaadna, cidda markaas xukunka gacanta ku haysa ayada ayaa awood u leh wixii soo galaya iyo wixii ka baxaya inay samayso, dawladda Soomaaliyana waxay lumisay xaggii xukunka 1991 markii dawladdii dhexe burburtay, markaasi waxa Somaliland gudaheeda ka socda itaal ay ku joojiso ma leh” ayuu sii raaciyey Guuleed isagoo sheegay inay yihiin laba dhinac oo doodaya oo muransan.

Laakinse arrintaas uu Guuleed Dafac sheegay waxaa aragti ka duwan qaba Axmed Cali Kheyre, wuxuuna aaminsan yahay in sharciga soo saaristiisa iyo fulintiisa ay kala duwan yihiin “sharciga isagoo jira ayaa haddana la jabiyaa micnuhuna ma aha inuusan jirin sharciga sida in qof si sharci darro ah loo dilo waxba uma dhimayso jiritaanka sharciga”.

“Somaliland waxay sheegteen inay go’een laakin adduunyada xuduudihii Soomaaliya sidoodii ayey u aqoonsan yihiin, Somaliyana waxaa xaq u siinaya qodobka 54 ee dastuurka oo dawladda awood u siinaya arrimaha difaaca, siyaasadda, lacagta, iyo socdaalka, ayada ayaana mas’uul ka ah”.

Mar ay BBC weydiisay Kheyre bal in ay dhici karto in talaabadan ay irridda u furto in maamul goboleedyada si gaar ah loo fiiriyo heshiisyada aysan dawladda federaalka la ogayn ee ay galaan wuxu yiri “Haddii dawladda awoodeedu aysan dalka oo dhan wada gaarin (De facto), sharci ahaan ayey ku gaartaa (dejure)” ayuu yiri.

Tan iyo markii 1dii Janaayo heshiiska looga dhawaaqay Addis Ababa, Soomaaliya waxay wadday dadaallo diblomaasiyadeed oo heer gobol iyo heer caalami ah ayadoo heshiiskaas aad uga soo horjeesatay, halka madaxda Somaliland-na ay ku doodayeen in ay xaq u leeyihiin inay galaan heshiis ay ictiraaf ku helayaan.