26.9 C
Mogadishu
Sunday, June 21, 2026

Dalladda isutagga ururada Soomaalida Nederland (FSAN) oo shir degdeg isugu yeertay…

0

Amsterdam (Caasimada Online) – Kulan ay soo qabanqaabisay Dalladda Isu-tagga Ururada Soomaalida ee magacadeeda loo soo gaabiyo FSAN, oo ah dallad ay ku middeysan yihiin in ka badan 65 ururo Soomaali ah oo ka dhisan waddanka Nederland, ayaa lagu falanqeeyay arrimihii ugu dambeeyay ee ka dhacay geyiga Soomaaliya, qaasatan heshiiskii 1-dii bisha Janaayo ay Addisababa ku gaareen R/wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed & Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi; Heshiiskaas oo Itoobiya loogu oggolaaday inay isticmaasho qaybo kamid ah badda Soomaaliya. 

Kulankan oo lagu qabtay aaladda  fogaan-arag (Zoom)  ayaa aqoonyahanadii ka qeybgalay waxey si aan kala har laheyn u cambareeyeen damaca Itoobiya ku  dooneyso dhul-badeedkaa Soomaaliya,, iyada oo lagu balamay in la sii ambaqaado shirar ballaaran oo lagu xoojinayo sidii mushtamaca Soomaalida iyaga oo aan u kala harin ay arrintaasi cod-dheer ugu diidi lahaayeen. 

“Haddii aan nahay ummadda Soomaaliyeed ee dalkan ku dhaqan waxaa inala gudbooon in si aan kala har laheyn aan dareenkeena ku muujineyso in Itoobiya aysan ku dhici karin in ay qaadato taako ka mid ah baddeena,” ayuu yiri Cali yaxye oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaalida ee ku dhaqan dalka Nederland, isaga oo ku tilmaamay Soomaalida dalkaasi in ay kuwa kaga duwan Soomaalida kale ee Yurub in mar walba oo lagu soo xadgudbo taako ka mid ah  dalka in ay si midnimo leh kaga falceliyaan. 

“Wax kasta oo kale waynu ku kala aragti duwanaan karnaa, wax waan isu diidi karnaa, waa is tuuryeyn karnaa, laakiin marka cadow dibedda ah uu dalkeena soo hunguriyeeyo waa waajib muqadas ah inaan u midowno,” ayuu yiri Xoghayaha FSAN Cali Iikar, isaga oo u mahadceliyay madaxdii ururada ee kulankaasi ka soo qeybgalay. 

Kulanka caawa dhacay ayaa ka dambeeyay shirka shir habeen hore ay isugu yimaadeen Guddiga FSAN; shirkaas oo guddiga FSAN markii ay derseen dareenka & walaaca dadka Soomaalida ah ay ku abuurtay heshiiska Itoobiya loogu xalaaleeyay badda Soomaaliya, ay iclaamiyeen shir ay ka soo qeybgalayaan hormuurka ururada si lagaga tashado waxa laga yeelayo arrintaas, 

Kulankan oo ay shir guddoominayeen Guddoomiye ku-xigeenka FSAN C/qaadir Cali (Nuune) & Xoghaye Cali Iikar oo ka mid ah Guddiga FSAN ayaa ahaa fagaare lagu dhageysanayay aragtida & afkaarta ay qabaan hogaanka ururada. 

“Farriinta caawa aan u gudbineyno waxeey tahay annaga oo ah mushtamaca Soomaalida ee waddankan ku dhaqan ah, inaan si mideysan ugu niraa” Itoobiya MAYA taako ka mid ah badda Soomaaliya” Ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka FSAN C/qaadir Nuune oo isagu inuu ka tirsan guddiga FSAN ka sokow ahaa mas’uulkii abaabulay shirkan looga hadlayo in Soomaalida NL ay go’aan ka qaadato qadiyada ku saabsan damaca Itoobiya. 

Kulankan dadkii ka soo qeybgalay waxaa ka mid ahaa; Cali Waare, Mahad Axmed, Cali yaxye, Liibaan Honest, Ruqiyo Caddow,  Zahra Naaleeye, Salaado & xubno kale oo laf-dhabar u ah FSAN & Jaaliyadaha Soomaalida.  

Gabagabadii kulanka waxaa la isku afgartay in la magacaabo guddi gaar ah oo ka soo shaqeeya sidii codka Soomaalida NL u gaari lahaa Dowladaha caalamka.  

W/Q: Cabdishakuur Cilmi Xasan

Daawo: Doorashada Puntland oo ka socota Garoowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal maanta waxaa ka dhaceysa doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, taas oo ay ku tartamayaan musharraxiin gaareysa illaa 22 musharrax.

Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee doorashada ayaa haatan ka socota Garoowe, waxaana hoolka doorashada hadda diyaar ku ah xildhibaannnada iyo qaar kamid ah musharraxiinta.

Xilka madaxweynaha waxaa ku loolami doono illaa 11 musharrax oo uu ku jiro madaxweyne Saciid Deni oo loolan adag kala kulmaya xubnaha mucaaradka.

Sidoo kale waxaa xilka madaxweyne ku xigeenka u tartamaya 11 musharrax kale oo iyaguna u hanqal taagaya qabashada xilkaasi.

Dhammaan musharraxiinta ayaa shalay khudbadahooda iyo barnaamijkooda wax qabad ka hor jeediyay xildhibaannada, waxaana maanta la filayaa in lagu kala baxo doorashada.

Madaxweynaha cusub ee imaan doono ayaa noqonaya kii todobaad ee soo mara Puntland oo haatan jirsatay 25 sano, waxaana laga sugayaa inuu gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah.

Doorashadan oo ah mid xasaasi ah ayaa isha lagu wada hayaa, waxaana si toos ah loogala socdaan qaar kamid ah Telefishinnada Soomaalida iyo baraha bulshada intaba.

Dhinaca kale waxaa aad loo adkeeyay ammaanka, ayada oo bandow soo billowday xalay lagu soo rogay magaalada Garoowe, kaas oo soconayo inta ay dhamaaneyso doorashada.

Puntland ayaa maalmihii u dmabeeyay ku jirtay xaalad adag, waxaana sidoo kale taagnaa khilaaf kala dhexeeyay dowladda federaalka, kaas oo saameyn ku yeeshay labada dhinac.

Deni oo hoggaanka u haya doorashada PUNTLAND

0

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe waxaa goordhow kusoo dhamaaday wareegga labaad ee doorashada madaxweynaha Puntland oo oo si weyn loogu loolamayo.

Doorashada ayaa waxaa wareegga labaad usoo gudbay saddex musharrax oo kala ah:- Saciid Deni, Dr Guuleed Saalax iyo Abshir Jaamac Huurse.

Saciid Deni oo hoggaanka haya ayaa helay 40 cod, halka Dr Guuleed Saalax Barre uu helay 17 cod, sidoo kale waxaa Abshir Huruuse oo haray ayaa helay 9 cod.

Wareegga saddexaad waxaa sidaas ugu gudbay musharrax Saciid Deni iyo Dr. Guuleed Saalax oo midkii guuleystaa uu noqon doono madaxweynaha 7-aad ee Puntland.

Madaxweynaha cusub iyo ku xigeenkiisa ee la dooran doono ayaa waxaa horyaalla shaqo adag oo ay ugu horreysao wax ka qabashada khilaafka haatan Puntland kala dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo inay qabtaan muddo xileedkooda doorasho qof iyo cod ah.

Sidoo kale waxaa isla maanta la guda gali doonaa doorashada madaxweyne ku xigeenka labaad oo ay u taagan yihiin illaa 11 musharrax oo iyana shalay jeediyay khudbadahooda.

Dhanka kale, ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyay, ayada oo bandow soo billowday xalay lagu soo rogayGaroowe, kaas oo soconayo inta ay dhamaaneyso doorashada.

Puntland ayaa maalmihii u dmabeeyay ku jirtay xaalad adag oo ka dhalatay muranka hareeyay doorashada maanta loo fadhiyo ee ka socota caasimada Garoowe.

Si kastaba, Doorashadan oo ah mid xasaasi ah ayaa isha lagu wada hayaa, waxaana si toos ah loogala socdaa qaar kamid ah Telefishinnada Soomaalida iyo baraha bulshada intaba.

QALINKUBA HIIL BUU GALAA

Hordhac

“Waan dhogor qaboobayn intaan,dhowr wadaad kicine”  – Abwaan Cabdi Maxamuud Xasan

Sanad kasta oo curta waxaa lagu soo dhoweyaa Heesta “Sanadka Cusub’’ ee uu ku luuqeeyo AUN Tubeec, waxana dib loo falanqeeyaa sanadkii tegay, wixii dhib iyo dheef ah ee uu watay, waxaa la oran karaa in sanadka 2023-ka uu bulshada soomaaliyeed u ahaa sanad Dahabi ah, waxaa lagu guuleystay dhowr arrimood oo kala ah;

1- Ku-biirista Urur-goboleedka Bariga Africa(EAC).
2- Ka-qaadista Cunaqabateynta Hubka Soomaaliya.
3- Deyn Cafinta oo ahayd culays weyn oo soomaaliya muddo ragaadiyey.

Heesta “Sanadka Susub’’

Farxadda iyo damaashaadka sanadka cusub waxa lagu soo dhoweeyaa hees, ciyaaro, kulamo, badhigyo dhaqan, kuwo faneed oo oo kala duwan.Inta badan dadku waxa ay muujiyaan farxadda iyo raynraynta sanadka cusub.

Waan heesayaaye
Sanad waliba hoodiyo
Hawl iyo dhibaatiyo
wuxuu hadimo leeyahay.
Waa laga helaayoo
Hadhow lagu xasuustaa.
Kii noo hagaagee
noqo loo han weyn yahay.

Qaar kaa horreeyoo
Hodanaa na dhaafee.
Halkii loogu mahad naqay
Ka habaabi maysidee. 

Sanadkii tegey ee 2023-kii  waxa uu ahaa sanadkii dib-u-xoraynta iyo halganka dadweynaha. waxana kooxda argagixisada Al-Shabaab laga saaray magaalooyin istaraajiiti ah, oo ay gumeysanayeen sanadooyin fara badan, waxa ay deegaamadaas ka sameeyeen waxkasta oo foolxun, waxa ay burburiyeen dhaqankii soo jireenka ahaa  oo ay laheyd bulshada soomaaliyeed, waxa ayna bulshada u yagleeleen  Nabadoono iyo dhaqan cusub.

Sanadkii lasoo dhaafay waxaa meelkasta gaartay farriintii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxa ayna bulshadii soomaaliyeed iska dhiciyeen Nabadiidka Al-Shabaab, iyagoo is xilqaamaya,ayna garab taagan tahay Dowlada Soomaaliya, markii aad dib u milicsato guulaha la gaaray iyo dadkii qiimaha badnaa ee ku shahiiday dagaalkii lala galay khawaarijta waxaa igu soo dhacda oraahdii Laashin Cabdulaahi Raage oo aheyd: “SIDEEDABA GOBONIMADA WAA GEED KU BAXA DHIIGGA GEESIYADA”.

Doorka Abwaanada iyo Bahada Suugaabta.

Dagaalkii lala galay  kooxda Al-Shabaab waxaa door weyn ka ciyaaray abwaanada  soomaaliyeed oo u jiheynayay bulshada Soomaaliyeed  qaybaheeda kala duwan in ay iska dhiciyaan gumeysiga muddada badan haystey dhulkooda hooyo, abwaanadii doorka fiican ka ciyaaray waxaa ka mid ah: Maxamuud Cali Adam(Hoorri) oo sameyay labo hees oo muhiim u ah kacdoonka looga soo horjeedo kooxda UGUS .

Heesta Gurmad;

Heestani waxa ay diiradda saaraysaa in layska dhiciyo cadowga sida foosha xun ummadda u gumaaday oo weliba dooriyey hiddahooda iyo dhaqankooda suubban. Heesta (GURMAD) ayaa waxa ay leedahay sidatan

Gumeysigan mar kale yimi
Gacalkeena dhalan-rogey
Dhallaankeenna gaasiray
Gurigooda ugu galay
Googooyey hilibkood
Isagoo gafuudh xidhan
Ma garbaa dadweynow ?  

Goodkiyo abeesadan
Ganbooleyda dumarkana
Shalmaddeeda gaarka ah
Guudkeeda kala degey
Kufsadoo haddana  gubey
Isagoo gafuudh xidhan
Meeyey geesigeedii ? 

         ***

Gurmadoo mar wada kaca
Garabkaaga Qori saar
Gamaskiyo warmaha keen
Geyshkeena dhinac joog
Gabbalkii guduutaba
Sida galowga dhiiloo
Garanwaaga halistiyo
Ugus maanta dabar goy. 

Ninka Diinta garabmaray
Garcaddaaga  gabawarey
Geedkiyo gartaba  jaray
Gaalleefta mariyoo
Gaadmada ku gowracay
Isagoo gafuudh  xidhan !
Aaway gureygi uu dhalay?

Gafanahakan nagu baxay
Geyigeenna hodonka ah
Guunyada ka ciribtiray
Galab qura dab wadasuray
Dibbiroo iskala guray
Isagoo gafuudh xidhan
Guluf miyaan la qaadayn?  

       ***

Gurmadoo mar wada kaca
Garabkaaga Qori saar
Gamaskiyo warmaha keen
Geyshkeena dhic joog
Gabbalkii guduutaba
Garanwaaga halistiyo
Ugus maanta dabar goy.

Mar kale, ayuu curiyey heesta la dheho( BILLAD GEESI). Heestani, waxa ay guubaabo iyo garab u tahay Ciidanka Qaranka Soomaaliyeel.  Sidoo kale, waxa ay muujinaysaa kaalinta  iyo foolaadnimada  uu ka muujiyey halgganka iyo xoraynta dalka lagaga safaynayo Khawaariijta   arxanka daran (UGUS) ee ragaadisey  horumarka dhaqaale iyo siyaasadeeeba.

 Mar kale, heestu waxa ay  tilaameysaa kaalinta wasaaradda Gaashaandhiiga, cududda  xiidanka xoogga dalka sida, Danab, Gorgor,Waran iyo Hay’adda  Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA)  oo xoraynta Dalka ka qaadatay kaalin mug iyo miisaan leh.

Gadoodney oo[ gadoodney]
Waa inaan gubnnaa
Geesi dhiirranoow
Midka geed ku jira
Guuraha  habeen
Iyo galab-carrow
Galayradu arkaan
Garanwaaga iyo
Gafuur duubatada
Geyigeenna timid.

     ****

Waa inaan gubnnaa
Godka ugu gallaa
NISA garabasannaa
Gaashaandhigiyo
Geyshkeena Danab
Gorgor soo qabtaa
Waran gamaska iyo
Gumuc kaga baxshaa.
Gilgilanney oo [gilgilanney ]
Waa inaan gubnnaa
Geesi dhiirranoow
Hubka soo gurnnaa
Isu garab sannaa
Ku gardaaddinnaa
Gafuurraxunta iyo
Garangoorridiyo
Gafanahakan hoog
Wada gowracnnaa.

  ****

Waa inaan gubnnaa
Godka ugu gallaa
NISA garabasannaa
Gaashaandhigiyo
Geyshkeena Danab
Gorgor soo qabtaa
Waran gamaska iyo
Gumuc kaga baxshaa.

In kastoo ay abwaanada soomaaliyeed  qaar dadaaleyn; haddana waxaa muuqata  in ay aad u gaabiyeen bahda wasaarada Warfaafinta iyo Tiyaatarka Qaranka, filashadii laga  sugayey _ iyagoo la rabay iney qabtaan shaqo intaa ka badan, ayna bulshada soomaaliyeed u sameyaan ruwaayado  (masraxiyad) wacyigalin ah oo ku qotoma aqoon, suugaan, farshaxan afeed, bedqab feker, ilaalin isir, hayb diimeed, summad ummadeed, hidde soo jireen ah, dhaqan suubban  iyo sooyaal soomaaliyeed.

Maxaa laga gaabiyey oo mudan in la qabto sanadka 2024?

La xarbiga garaadkaa
Naf la jaro ka xeeldheer.
Abwaan, Axmed Siciid Diiriye (Af-gudhiye)

Waxa aa shaki ku jirin  in kooxda Al-Shabaab looga adkaaday dagaalka meydaaniga (tooska ah) ah balse uu dhiman yahay in looga adkaado dagaalka macnawiga ah (fikirka), taas oo ah in Al-Shabaab laga dilo in ay isticmaasho kaararka diiniga ah, taas oo ay kusoo jiitaan qeyb ka mid ah bulshada, ayna ka raadiyaan Sumcad.

1- Dugsi qur’aanada iyo tira-koobkooda.

Waxaa la marayaa doorkii Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, lagana rabo in ay diiwaangaliso dhammaan dugsi qur’aanada, macalimiinta wax u dhiga ardayda la hubiyo aqoonta ay diinta u leyihiin iyo firqooyinka ay ka tirsan yihiin, waa in uusan macalin noqon Karin qof aan wasaaradda ka wadan aqoonsi iyo shahaado, Inta uu socday dagaalka ka dhanka ah argagixisada lama arkin kaalinta Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.

(2) Maraakista lagu barto diinta Islaamka iyo culuunta shareecada

Waxaa magaalada Muqdisho iyo banaankeeda ka furan maraakis lagu barto diinta islaamka,ayna ku jiraan arday gaareysa kumanaan, maraakista qaarkood waxa ay bixiyaan jiif iyo cunto lacag la’aan ah, waxaa wasaaradda looga baahan yahay in ay diiwaan galiso maraakistaas, ayna tira koobto ardayda dhigata da’dooda, sidoo kale waxaa laga maarmaan ah in la hubiyo manhajka ardayda loo dhigo iyo cida dacmiga iyo taageerada dhaqaale siisa.  

3- Mideynta Khudbadaha ka baxa Masaajiddada Dalka.

Dalku waxa uu ku jiraa marxalad xasaasi ah, waxaa si cad looga guuleystay kooxaha argagixisada Al-Shabaab, waa in ay wasaaradda diinta iyo Awqaaftu ka shaqeysaa wacyigalinta bulshada, ayna sameysaa khudbado mideysan oo loo akhriyo bulshada Maalinta Jimcaha, sidoo kale, waxaa muhiin ah in la diiwaan-galiyo tirada masaajidda iyo Imaamyada ku qoran si loo ogaado masjidkasta firqada uu ka tirsan yahay (Jamaacadaha dalka ka jira)

4- Ardayda jaamacadaha dalka wax ka dhigata & jihayntooda

Waa in waajib looga dhigaa arday kasta oo maraya sanadka u dambeeya inuu ka qeybqaato olalaha wacyigalinta loo sameynayo tuulooyinka iyo magaalooyinka laga qabsaday Al-Shabaab, sidoo kale wacyigalintaas waa in ay ka qeyb qaataan Culimada soomaaliyeed oo ay tagaan fagaaraha deegnada laga xureeyay Argagixisada.

5- Doodaha Dastuurka & weydiimaha ku gadaaman

Waxaa ay Wasaaradda Caddaalada iyo Dastuurka ka gaabisay in bulshada soomaaliyeed u sharraxdo Dastuurka iyo Hanaanka Garsoorka Dalka, waxa aan wada ognahay in bulshada qeybo ka mid ah aysan ku kalsooneen Garsoorka Dalka ayna Caddaalad u doontaan Kooxaha Argagixisada, waxa ay aheyd in la qabto kulamo dadkana lagu qanciyo hanaanka garsoorka dalka.

Sidoo kale, waxaa shaki ku jirin in dastuurka dalka laga aaminsan yahay fikrado qaldan, ayna faafiyeen Kooxaha Argagixisada, waxa ay aheyd in Wasaaradda ay qabato dood-cilmiyeedyo lagu taageerayo dastuurka, lana dhageysto dhaliilaha ay qabaan bulshda, balse wasaaraddii ku shaqada laheyd waxa ay ka gaabisay shaqooyinkii muhiimka ahaa.

Geba-gabo & Gunaanad

Sanadkii lasoo dhaafay waxa uu ahaa sanadkii dib-u-xoraynta, waxaa rajeyneynaa in sanadka 2024-ku  uu noqdo sanadkii Ciribtirka Kooxaha Argagixisada, sidoo kale, waxaa waajib muqaddas ah in qof kasta uu garab istaago Ciidamada Xoogga Dalka, uuna Argagixisada kula dagaalamo Af iyo Addin.

Haddii, aan la qaadin qodobada aan kor kusoo sheegay guusha la gaaray macno ma sameyn doonto, waxa ayna Al-Shabaab siin doontaa in ay isa soo diyaariyaan balse haddii talaabooyinkaa la qaado waxa ay ka dhigan tahay in Al-Shabaab looga adkaaday dhinac kasta oo dagaalka ka mid ah.

Waxaa muuqata in ay doorkooda ka gaabiyeen wasaaradaha kala ah; Wasaaradda Warfaafinta, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo Wasaaradda Caddaalada iyo Dastuurka, balse wali waxa ay haystaan fursado dahabi ah oo ay wax ku qaban karaan, dagaalka Argagixisada lagula jiro ma aha kaliya dagaal toos ah balse waa dagaal dhinacyo badan leh, oo ay muhiim tahay in looga adkaado.

Qormadan, kooban waxa aan ku soo afmeerayaa weydiimahan soo socda, waxana mudan inaad  is weydiiso  adoo u raadinayaa warcelin buuxda si loo helo jawaab kaafin karta qof kasta oo weydiintan qaba.

Maxaa lay qarxinayaa?
Qudha layga jarayaa?
Qumac iyo rasaastana
Dhakhtar iigu qorayaa?
Horta qaladka yaa galay?
Dhibbanaha la qalayaa
Qoolkee ku xiranyahay ?
Yaa qardhaasta noo xidhay?
Walhaannadu qoraayaan
Shacabyohow la quursaday
Qarqarada dushaadaan
Ka arkaa qabuuraha
Haddaadan isdaba-qaban!.

Mahadsanidiin

W/Q: Maxamed Axmed Jiinte

Deni, Guuleed iyo Huruuse oo usoo gudbay wareega labaad ee doorashada

0

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa soo dhammaaday wareegga koowaad tartanka doorashada xilka madaxweynaha maamulka Puntland oo haatan ka socoto magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, taas oo ay ku tartamayaan illaa 11 musharrax.

Wareeggan oo si weyn loogu loolamay ayaa waxaa kasoo gudbay saddex musharrax oo uu ugu horreeyo, hogggaankana uu u hayo madaxweyne Saciid Deni oo helay 35 cod.

Labada musharrax ee kale ayaa kala ah Dr. Guuleed Saalax Barre oo helay 9 cod iyo Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) oo isna helay 8 cod, sida uu shaaciyay guddiga doorashada.

Musharraxiinta kale ee wareegan ku haray waxaa kamid ah Xasan Shire Abgaal oo helay 5 cod, Axmed Ciise Cawad oo helay 4 cod, Asad Diyaano oo helay 3 cod iyo Maxamed Faroole oo helay 2 cod, halka ay jiraan musharraxiin kale oo haray, kuwaas oo helin wax cod ah.

Sidoo kale waxaa haatan sii soconaya doorashada, iyada oo musharixii guuleysaa uu noqon doono madaxweynaha 7-aad ee maamul goboleedka Puntland

Madaxweynaha cusub iyo ku xigeenkiisa ee imaan doono ayaa waxaa horyaalla shaqo adag oo ay ugu horreysao wax ka qabashada khilaafka haatan Puntland kala dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo inay qabtaan muddo xileedkooda doorasho qof iyo cod ah.

Dhanka kale, ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyay, ayada oo bandow soo billowday xalay lagu soo rogayGaroowe, kaas oo soconayo inta ay dhamaaneyso doorashada.

Puntland ayaa maalmihii u dmabeeyay ku jirtay xaalad adag oo ka dhalatay muranka hareeyay doorashada maanta loo fadhiyo ee ka socota caasimada Garoowe.

Si kastaba, Doorashadan oo ah mid xasaasi ah ayaa isha lagu wada hayaa, waxaana si toos ah loogala socdaa qaar kamid ah Telefishinnada Soomaalida iyo baraha bulshada intaba.

DENI iyo musharraxiinta kale oo saxiix laga qaaday kahor natiijada doorashada

0

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa haatan si rasmi ah u bilaabatay codeynta doorashada madaxweynaha Puntland, taas oo ay ku loolami doonaan illaa 11 musharrax oo uu ku jiro madaxweynaha hadda talada haya ee Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni).

Hoolka doorashada ayaa waxaa diyaar ah musharraxiinta tartameysa, xidlhibaannada Puntland, guddoonka golaha, wasiiro, saraakiisha amniga, safiiro iyo marti sharaf kale.

Dhammaan musharaxiinta ayaa inta aysan bilaaban doorashada waxaa laga saxiixay warqad ay ku caddeynayaan inay aqbalayaan natiijada, haddii laga guulaysto.

“Aniga oo ah musharrax Saciid Cabdullaahi Deni, una tartamayo xilka madaxweynaha dowladda Puntland waxaan halkan ku caddeynayaa inaan aqbali doono natiijada kasoo baxda doorashada madaxweynaha Puntland oo aan u tartami doono, waana saxiixay”” ayuu yiri madaxweyne Saciid Deni oo loolan adag kala kulmaya isbaheysiga mucaaradka.

Dhanka kale waxaa xilka madaxweyne ku xigeenka u tartamaya 11 musharrax kale oo iyaguna u hanqal taagaya qabashada xilkaasi, kuwaas oo iyana ballan qaaday inay aqbalaan natiijada doorashada haatan ka socota magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.

Dhammaan musharraxiinta ayaa shalay khudbadahooda iyo barnaamijkooda wax qabad ka hor jeediyay xildhibaannada, waxaana maanta la filayaa in lagu kala baxo doorashada.

Madaxweynaha cusub ee imaan doono ayaa noqonaya kii todobaad ee soo mara Puntland oo haatan jirsatay 25 sano, waxaana laga sugayaa inuu gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah.

Ammaanka guud ayaa sidoo kale aad loo adkeeyay, ayada oo bandow soo billowday xalay lagu soo rogay magaalada Garoowe, kaas oo soconayo inta ay dhamaaneyso doorashada.

Si kastaba, Doorashadan oo ah mid xasaasi ah ayaa isha lagu wada hayaa, waxaana si toos ah loogala socdaa qaar kamid ah Telefishinnada Soomaalida iyo baraha bulshada intaba.

Aaran-jaan ma lagu aamini karaa mustaqbalka Puntland?

Aaran-jaan waa koox ka kooban wax aan ka badneyn shan xubnood oo reer Garoowe u badan, waxaana mufakir u ah Maxamuud Shido.

Kooxdaan waxay soo caan baxeen muddo xilleedkii uu Puntland xukumayey  Abdirahmaan Faroole,waxayna ku caan baxeen waxa afka English ka lagu yiraahdo  (Political manipulation) ayagoo ka faa’iideysanayey saameyntii ay ku lahaayeen Faroole.

Kooxda aaran-jaan laguma aqoon inay qof ka mid ah xukun usoo sharaxaan laakiin waxay ahaayeen koox abaabulan oo marwalba raadiya hoggaan ay ku shaqeystaan kana dhex fushadaan danahooda gaarka ah.

Inta la ogyahay hadafka ugu weyn ee ay siyaasada ugu jiraan waa maalaysi iyo inay siyaasada ka sameeyaan hanti farabadan.

Kooxdaan oo markii dambe soo dhisay  Siciid Deni waxay kala tageen markii  Siciid Deni looga adkaaday doorashadii  Federalka wuxuuna ku eedeeyey inay khiyaameen oo codadkiisii murashaxiin reer Muqdisho ah heshiis gooni ah kula galeen.

Mudadii ay siyaasadda Puntland saameynta ku lahaayeen waxaa u abuurantay cadaawad xad dhaaf ah oo ay ku kasbadeen dad badan oo ay siyaasadda ku dhibaateeyeen iyo hab dhaqan-kooda ka ganacsiga  siyaasadda.

Labadii doorasho ee heer fedraal waxay galaangal xooggan ku lahaayeen soo saaristii xildhibaanada Puntland ee heer fedraal si ay ugu suuq tagaan xildhibaano ay saameyn ku leeyihiin taasoo ay dadka reer Puntland aad ugu eedeeyeen inay saldhig u ahaayeen khilaafaadka soo xulista xildhibaanada heer fedraal.

Kooxda aaran-jaan oo hadda uu murashax u yahay Xasan Shire Abgaal, waxaa maal galiyey oo taageeraya  Xasan Sheekh Maxamuud oo ay kula heshiiyeen inay u meel marinayaan qorsha yaashiisa siyaasadeed ee ay ugu muhiimsan tahay wax ka badalka Dastuurka.

Murashax Xasan Shire Abgaal ma ahan murashax miisaan ahaan culus marka dib loo eego khibradiisa siyaasadeed iyo aqoontiisu maamul, qof ahaana looma arko shaqsiyad hoggaamineed.

Xildhibaanada Puntland masuuliyadda baa ka saaran in aysan Puntland u gacan galin koox beec-geysa.

W/Q: Jaamac Aw-ciise
[email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

Al-Shabab oo farriin xasaasi ah u dirtay beesha ISAAQ

0

Jilib (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta dad badan oo shacab iyo rag ay ku tilmaameen nabadoonada qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed waxay isugu keeneen magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, halkaas waxaa ka dhacay Banaanbax weyn loo dadka reer Jilib ay kaga soo horjeedaan damaca guracan ee Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya.

Wadaadkii ka soo baxday Hargeysa ee Sheekh Aadan Sunni ahaa ayaa ka mid ahaa xubnaha maanta fagaaraha Jilib kaga hadlay damaca Itoobiya, isagoo farriin u diray beesha uu ka dhashay ee Isaaq.

“Reer Sheekh Isxaaqow ceebta idin dul hogatay, ee Muuse idiin soo xambaaray, waad ka qubeysa doontaan ama taariikhda oo dhan ayaad ka dhici doontaan, waxaad heysataan Soomaali garab idiin ah oo maanta agoon uma tihidiin Xabashi,” ayuu yiri Aadan Sunni.

Al-Shabaab, waxay ku hanjabeen in 20-ka KM ee Muuse Biixi uu badda ka siiyey Itoobiya ay halkii KM u heli doonaan 1,000 dagaalame oo dhimata, taas oo ka dhigan in 20 kun oo maleeshiyaad ah oo u dhimata ay u helayaan 20-kaas KM.

“Saylac waxaa ka shisheysa in ka badan 100 KM oo dhul Soomalaiyeed ah, hadii 20 KM la bixiyey dhulka ka shisheeyana yaa qaada doona? Isagana Itoobiya ayaa qaadaneysa, dhulkaas yar ee la siiyey Xabashida wuxuu noqa doonaa halka ay Itoobiya ciidanka iyo Maraakiibteeda ka soo geli doonto dhulka Soomaaliya,” ayuu yiri wadaad kale oo ka tirsan argagixisada Al-Shabaab oo lagu magacaabo Jaamac Cabdisalaan.

Al-Shabaab waxay ku hanjabayaan in maanta ay iska dhici karaan, dalkana ka difaaci karaan ciidamada Itoobiya, iyagoo tusaale u soo qaadanaya dagaaladii Muqdisho k dhacay sanadihii 2006-2007.

Sidoo kale kooxda Al-Shabaab ayaa madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeysay inay wax ka ogaayeen heshiiska Muuse Biixi uu u saxiixay Itoobiya, balse Caasimada Online waxay xaqiijisay in taasi been tahay oo Xasan Sheekh iyo Ismaaciil Cumar Geelle aysan waxaba ka ogeyn qorshaha Muuse Bixii uu ku saxiixay badda.

Haweenka ka soo qeybgalay banaanbixii maanta Jilib ka dhacay ayaa u goodiyey Itoobiyaanka, iyagoo yiri “Xabashidu ma ilowday in awooweyaasheen bareen oo ku qasbeen inay cunaan hilibka ciiriinka?”

“Muuse dowlad kasta oo ku aqoonsata ma dalkeenaad qeyb ka siinee? Umadda Soomaaliyeed waxay maanta leedahay sumcad, laakiin hadii arrintaas ay ka hortegi weyso waa dulowday, Wayaanadu siduu rabo hadey Saylac qaataan oo nabad ku seexdaan waa soo sikanayaan,” ayuu yiri Cabdiwaaxid Isxaaq oo ka mid ah odayaashii ka hadlay banaanbaxa Jilib ka dhacay.

Daawo: Xildhibaan reer Awdal ah ‘oo dambiile qaran’ ku tilmaamay MUUSE BIIXI

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Xuseen (Maydhane) oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Wakiiladda Somaliland ee laga soo doorto gobolka Awdal ayaa si adag uga horyimid heshiis beeneedkii Addis Ababa ee Somaliland iyo Itoobiya.

Xildhibaan Maydhane ayaa marka hore dambiile qaran ku tilmaamay madaxweyne Muuse Biixi oo isagu Itoobiya u saxiixay qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya, isaga oo ku dhowaaqay in reer Awdal difaacayaan baddooda.

“Ma aqbalayno hadaa reer Awdal nahay hadduu qof naga hadhayo. Marnaba ma aqbaleyno inta uu qof naga nool yahay in badda laga kireeyo ciddii damacaa ee dooneysa ee xoogga ku qaadaneysa, in laga kireeyo ama laga iibiyo marnaba ma aqbaleyno,” ayuu yiri Xildhibaan Maydhane.

Waxa uu intaas kusii daray “Caalamka kale waa laga kireyn karaa oo waa maalgashan karaan, laakiin ninkii hantidaada doonaya oo xoog ayaa ku qaadanaya ku cadeeyay, in aad tiraahdo heshiis ayaa lasoo galo ictiraaf ayaa ku bedeshay, oo umadda been loo sheego.”

Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in ictiraaf lagu bedelin karin dhul, islamarkaana ay Itoobiya u hayn Somaliland ictiraaf, taasi oo uu ku tilmaamay mid lagu socodsiinayo damacii soo jireenka ahaa ee Itoobiya.

“Waxba ma aqoonsan karto Itoobiya, nin isaguba ku dhaamin ayaa ictiraaf kasoo siistay ma aqbalayno haddaan reer Awdal nahay hadduu qof naga hadhayo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Maydhane.

Xildhibaanka ayaa ugu dambeyntiina taageeray banaanbax weyn oo maanta ka dhacay magaalada Boorama, kaasi oo looga soo horjeeday heshiiskii Addis Ababa ee dhawaan uu Muuse Biixi qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya ugu saxiixay Itoobiya.

Dibad-baxaas oo ahaa mid nabdoon, oo looga soo horjeedo damaca Itoobiya ee baddeena, ayaa waxaa guul-dareystay isku-day ay ciidanka Booliska ku rabeen in ay ku joojiyaan dibad-baxaan oo ay ku kala kaxeeyaan dadweynaha, maadaama dad aad u tiro badan isku soo baxeen.

Si kastaba, heshiiskaasi ayaa la kulmay diidmo xooggan, ayada oo si weyn looga soo horjeestay maadaama uu yahay mid masiiri ah, oo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, uuna yahay damac soo jireen ahaa oo Itoobiya waligeed ku taameysay inay hesho Bad.

Hoos ka daawo muuqaalka

Ethiopia-Somaliland MoU stirs dispute, tests African territorial unity

In a move that has sent shockwaves across the African continent, Ethiopia recently signed a Memorandum of Understanding (MOU) with Somaliland, an autonomous region in northern Somalia. This agreement, which focuses on developing maritime facilities and enhancing bilateral relations, has raised significant concerns about the violation of the cardinal principles of the African Union (AU) regarding the respect for the territorial integrity of member states.

The AU, since its inception, has been instrumental in maintaining the colonial-era borders to prevent disputes among African nations. Ethiopia, as the host nation of the AU, is expected to be a custodian of these principles. However, this recent agreement with Somaliland, a region that declared its independence from Somalia in 1991 but is not internationally recognized as a sovereign state, seems to contradict these expectations.

Somalia has historically respected the territorial integrity of Ethiopia, despite having historical claims over certain regions. This respect was anticipated to be mutual. The Federal Government of Somali in Mogadishu has expressed disappointment and concern over Ethiopia’s decision to engage in an agreement of a seemingly sovereign nature with Somaliland’s local authorities, violating the sovereignty of the federal government of Somalia.

Federal Government of Somalia along Legal experts and international observers have pointed out that this action represents a breach of international law, including the AU Constitutive Act and the United Nations Charter. The fear is that such moves could set a precedent for other countries, leading to instability and potential conflicts in a continent that has strived to maintain unity and respect for established borders.

Ethiopia, known for its diplomatic acumen as the seat of the AU, could have pursued its interests through more appropriate channels. Diplomatic experts suggest that Ethiopia should have engaged in direct discussions with the federal government of Somalia regarding its interests in maritime facilities, respecting the sovereignty of the Somali government.

This development poses a serious challenge to the principles of Pan-Africanism and solidarity, principles that have been the bedrock of African international relations post-independence. It calls for urgent attention from African leaders and the international community to reaffirm their commitment to the foundational principles of the AU and UN.

Ethiopia, if acting in good faith, could have pursued a more diplomatic and respectful approach. It might have engaged the Somali government in discussions about Ethiopian interests in maritime facilities within Somalia. Such a course would have respected the sovereignty of Somalia, allowing its authorities in Mogadishu to consider and decide on such matters.

Regrettably, This approach not only jeopardizes the stability and unity of the African continent but also sets a dangerous precedent for international relations within the region. The AU and the international community must address this situation with the urgency and seriousness it warrants, to uphold the principles of territorial integrity and mutual respect that are vital for the sustained unity and prosperity of Africa.

The Somali Federal Government has significantly defeated the terrorist group Al Shabab, a key milestone in Somalia’s enduring fight against terrorism. While this achievement is momentous, there are rising apprehensions that the recent Memorandum of Understanding between Ethiopia and Somaliland may spark renewed regional discord, echoing the tensions that arose after Ethiopia’s military invasion in Somalia in 2006.

Historians and political analysts recall that the 2006 invasion by Ethiopia played a crucial role in the emergence of Al Shabab. The militant group capitalized on the chaos and nationalistic sentiments that arose from the foreign intervention, allowing them to gain traction and support.

In a recent statement, Al Shabab’s official spokesman, Ali Mohamud Rage, strongly condemned the agreement between Ethiopia and Somaliland. The group, despite its weakened state, views the MoU as a breach of Somali sovereignty and territorial integrity.

Experts warn that this agreement might potentially create a vacuum, similar to post-2006, that could be exploited by remnants of Al Shabab or other insurgent groups. The situation is particularly delicate given the region’s complex history and the fragile balance of power.

The AU is under pressure to address this development and ensure that the principles of territorial integrity and respect for sovereignty remain paramount in the continent’s diplomatic engagements.

Ismail D. Osman: Former Deputy Director of the Somalia National Intelligence & Security Agency (NISA). Specializing in writings on Somalia, the Horn of Africa’s security, and geopolitical landscapes with an emphasis on governance and security. Contact: [email protected]. Twitter: @osmando

Deni yuu doorashada ku dhammaan doonaa? Labada musharax ee uu kaga bad-baadi karo aargudasho

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo saacadihii u dambeeyay wajahaya culeysyo siyaasadeed iyo luminta qaar kamid ah xulafadiisa ayaa wararka ay heshay Caasimadda Online waxay tibaaxayaan inuu ka fikirayo qorshihiisa labaad haddii uu wareegga koowaad ku guuleysan waayo.

Baaritaan dheer oo aanu ka sameynay hardanka saacadaha u dambeeya ayaanu ku ogaannay in Siciid Deni uu aad uga fogaanayo inay jagada kala wareegaan shuraakadii shalay ee Aaranjaan iyo Kooxda Mideeye ee ay bahwadaagta ku yihiin Asad Cismaan Diyaano iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Abshir Cumar Huruuse.

Labadan kooxood ayuu Deni urkaa inay dadajin karto inuu lumiyo xukunka iyo saameynta dhaqaale ee ay qoyskiisa iyo xigtadiisu ku leeyihiin gudaha Puntland, waxayna noo sheegeen rag sarsare oo katirsan kooxda Ololaha dib u doorashiida in ay ka shaqeynayaan sidii ay rarka ugu wareejin lahaayeen musharax aan aarsi siyaasadeed iyo mid dhaqaale aan u gaysan, dhaawicinna mustaqbalkiisa siyaasadeed iyo odaynimo ee Puntland.

1. Dr. Guuleed Saalax Barre

Caasimadda Online waxay ogaatay in Dr. Guuleed Saalax oo ay haatan ololihiisu riixayaan labeenta bulshada Puntland, dadaal wayna ka waday usbuucyadii lasoo dhaafay magaalada Garowe inuu haysto fursad aad u sarreysa maadaama uu saaxiib dhaw la yahay dhammaan isbahaysiga musharixiinta mucaaradka ah oo usoo gurman kara haddii uu ka gudbo wareegga koowaad.

Sidoo kale, Saciid Deni ayaa u arka Guuleed qof uu isaga difaaci karo dagaalka kaga soo wajahan kooxda Aaraanjaan oo iyaga laftoodu ka fikiraya ciddii ay dhisi lahaayeen wareegga labaad haddii uu musharaxooda Xasan Shire Abgaal socon waayo.

Wararku waxa intaa ku darayaan in fursadaha Axmed Ciise Cawad oo uu taageerayo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre ay sii yaraanayaan sababo la xiriira dhaqalaaha. Hase yeeshee, waxaa hubaal ah in Cawad uu haysto taageerada Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo 3 xildhibaan oo laga soo magacaabay Nugaal oo ay jifo hoose isla yihiin.

Dhanka kale, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Abshir Cumar Huruuse iyo xulafadiisa Xisbiga Mideeye ee uu hoggaaminayo Asad Cismaan Diyaano ayaa iyaguna maleegaya olole xilka lagu dhaafinayo Saciid Deni.

Balse culeyska kooxdan haysta ayaa ah in uu diiday Asad Diyaano inuu tartanka ka haro taasoo xoojin lahayn Musharax Huruuse. Wada galista tartanka ayaa cows geeriyaad u ah in midkooda u gudbo wareegga koowaad.

Cillada kale ee haysta Abshir Huruuse waa inuu wali gacansaar la leeyahay mid kamid ah  labada masuul ee ugu sarreysa dalka iyo Taliyaha NISA oo dhaqaale iyo culeys siyaasadeed ku bixinaya inuu Huruuse yimaado Villa Puntland.

Isku soow wada duub oo, Musharax Guuleed Saalax Barre oo oo ah siyaasi daljoog ah, muddo 20 sano ka badanna ka shaqeeyay Puntland, lana rumaysan yahay in uu Puntland gaarsiin karo doorashada dimuqraadiga ah ee la qorsheeyey.

Waxaa kale oo jira inuu garab istaag ka haysto kooxaha bulshada rayidka ah oo ay hormuud u yihiin Hay’adda PUNSA ( Puntland Non State Actors) oo geed fadhi u ah arrimaha bulshada rayidka ah.

Waxyaabaha kale ee sii xoojiyay ololaha gulufkii ugu dambeeyay ah ee Musharax Guuleed waxaa dad badan oo aanu la hadalnay noo sheegeen inay tahay taageerada xooggan ee uu ka helayo kooxda Nabad iyo Nolol oo taageero ballaaran ka haysta bulshada Puntland, gaar ahaan Odayaasha Dhaqanka iyo Isimada, bahda waxbarashada iyo dhallinyarada.

2. Aadan Sheekhdoon Cali

Musharaxa Aadan Sheekhdoon Cali oo ah kuwa ugu culus ayaa isagana loo arkaa Musharax aan dhib wayn u gaysan doonin Saciid Cabdullaahi Deni.

Sheekhdoon wuxuu kamid yahay Urur Diimeekada Al Ictisaam, wuxuuna soo maamulay Shirkadda Golis ee ugu wayn Isgaarsiinta iyo Jaamacadda ugu faca wayn ee  Bariga Afrika.

Laakiin Musharax Sheekhdoon maleh saldhig siyaasadeed oo Nugaal ah, waxaana saameynta xildhibaannada ka qaatay Danjire Axmed Ciise Cawad, halkan dareenka bulshada iyo siyaasiyiinta geedfadhiga ah uu kala wareegay Guuleed Saalax. Laakiin, marnaba lama dhayalsan karo saameynta kooxda Ictisaam ay ku leeyihiin Puntland, gaar ahaan ganacsiga iyo waxbarashada.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Puntland Saciid Deni, Dr. Guuleed Saalax, Dr. Aadan Sheekhdoon iyo Xasan Shire Abgaal ayaa haatan u muuqda inay safka hore kaga jiraan. Waxaase saadaasha dhabta ah soo bixi kartaa saacadaha soo socdo keddib markii la ogaado awooddo dhaqaale musharax kasta oo kala reeb u noqon karto loolankooda.

Caasimada Online kala soco waxyaabaha kusoo kordha gad-gadoonka ololaha doorashada Puntland iyo isu guur-guurka musharixiinta.

Xog: Villa Somalia oo BF ku cadaadineysa ka laabashada mooshin xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Villa Somalia ayaa deg deg u soo fara-gelisay mooshin culus oo la xiriira heshiisyo amni oo xukuumadda horey ula gashay dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka, kaasi oo uu guddoonka Baarlamaanka uu ka aqbalay xildhibaannada.

Saacado kadib markii ay soo baxday warqad uu ku saxiixan yahay Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, ayaa waxaa Telefishanka Qaranka lagu baahiyay beenin la xiriirta go’aanka kasoo baxay guddoonka BF ee ah in uu aqbalay mooshinka ujeedadiisu tahay codsi heshiisyadii amni ee xukuumadda Dan-Qaran la gaadhay Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta.

“Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu beeninayaa warqadan been abuurka ee saacidihii lasoo dhaafay baraha bulshada lagu baahinayay. Golaha Shacabka gaar ahaan xafiiska xoghayaha guud oo sida gaarka ah saxiixiisa loo adeegsaday waxa uu xaqiijinayaa in warqadan ay tahay been abuur sal iyo raad toona laheyn,” ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay bogga Telefishanka Qaranka ee Facebook.

Isku-deyga Villa Somalia ku beeninayso mooshin sax ah, ayaa waxaa kasoo baxaya warar kala duwan, waxaana ugu weyn in Imaaraadka uu culeys ku saarayo Madaxtooyadda hor istaaga mooshinka Xubno ka tirsan Golaha Shacabka ay wadaan ee la xiriira heshiiskii amni ee kal hore buuqa dhaliyay.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa isagu aqbalay mooshinkaan, ayada markii la baahiyay maanta inuu aqbalay guddoonka ay Villa Somalia isku dayday inay beeniso, lamana oga waxa uu ka beddeli karo mooshinka ay hor boodayaan xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka.

Heshiiska shakiga laga qabo keliya ma ahan kan Imaaraadka, ee sidoo kale waxaa aad u sii xoogeysanaya shakiga laga qabo heshiis hoosaadka amni ee lala galay Itoobiya, oo ayadu dhawaan ku kacday xad-gudub ka dhan ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa bishii December ee 2023-kii kala saxiixday in dib loo cusbooneysiiyo heshiiskii iskaashi ee difaaca labada dal, kaasi oo uu qalinka ku duugay wasiirka difaaca Soomaaliya Mr. Jaamac iyo dhiggiisa Itoobiya Abraham Belay.

Horay labada dowladood ayaa u kala saxiixday bishii February, 2014. Heshiiskan hadda ayaana lasii xoojin doona iskaashiga dhinacyada danaha labada dal oo sahlaya in si dhow la isaga kaashado xoojinta nabadda iyo ammaanka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Daawo: Kacdoon hubeysan oo ka billowday Lughaya kadib damaca Ethiopia

0

Lughaya (Caasimada Online) – Kacdoon hubeysan ayaa maanta si rasmi ah uga bilowday magaalada Lughaya ee gobolka Awdal kadib markii ay Itoobiya shaacisay in dhul badeedka loo saxiixay uu yahay Lughaya.

Dhallinyarada magaalada Lughaya oo ka soo muuqday warbaahinta iyaga oo ku hubeysan hubka fudud iyo kuwa culus ayaa si adag uga horyimid damaca gurracan ee Ethiopia ku dooneyso badda dhulka Soomaaliyeed.

Dhalinyarada warbaahinta la hadlay ee qeybta ka ah Kacdoonka ka bilowday Lughaya ayaa sheegay in ay dagaal ka xigaan heshiiskii Addis Ababa, “Dagaal ayaa ka xigna nooc walba leh oo hubkayagii waaka, Orom xaar weyn in uu baddeena yimaado ma ogolin.”

Sidoo kale waxay si cad u sheegeen in badda leeyihiin dadka Soomaaliyeed, ayna laheyn qabiil gaar ah, iyaga oo Somaliland ka horyimid, ganafkana ku dhuftay damaca guracan ee ay ku gacan siineyso Itoobiya.

“Somaliland wax la yiraahdo ma garaneyno. Somaliland dhulka iibineysa ma dooneyno, waxaa aqoonsaneyna oo horena u aqoonsaneyn dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.”

Waxay intaas kusii dareen “Dhulkana Soomaali ayaa leh waa ku cel-celinaynaa qabiil ma leh, cid kalena ma lahan. Dadka Ilaahay dhulka wuu ku kala abuuray oo qabiilba meel ayuu ku abuuray laakiin waxaa u sheegayna Umadda Soomaaliyeed dhulka Soomaali baa leh oo cid kale looma daba fadhiisanayo.”

Madaxweyne Biixi iyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa toddobaadkii tegay heshiis is-afgarad ku saxiixday magaalada Addis Ababa, kaasi oo Biixi uu sheegay in Itoobiya loogu saxiixayo dhul badeed dhan 20 KM, si ay saldhig uga dhigtaan Ciidanka Badda Itoobiya.

Somaliland ayaa sheegtay in weli la isla qaadan goobta laga siinayo dhul badeedka, balse Itoobiya ayaa dhankeeda shaacisay in ay doorteen dhanka Lughaya, islamarkaana 20KM ay ka badan karto dhulka ay rabaan, sida uu telefishanka Dowladda Itoobiya u sheegay La-taliyaha amniga Qaranka ee Itoobiya, Redwan Hussein.

Si kastaba, heshiiskaasi ayaa la kulmay diidmo xooggan, ayada oo si weyn looga soo horjeestay maadaama uu yahay mid masiiri ah, oo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, uuna yahay damac soo jireen ahaa oo Itoobiya waligeed ku taameysay inay hesho Bad.

Hoos ka daawo muuqaalka

BF oo qabtay mooshin culus oo la xiriira heshiisyadii amni ee Itoobiya iyo Imaaraadka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa gudbiyay mooshin culus oo la xiriira heshiisyo amni oo xukuumadda horey ula gashay dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka.

Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhoweyd xaqiijiyay qabashada mooshinkaasi, taasi oo uu ku wargeliyay xildhibaannadii soo gudbiyay.

“Waxaan ku cadeynayaa in laga qabtay mooshinka ujeedadiisu tahay codsi heshiisyadii amni ee xukuumadda Dan-Qaran la gaadhay Jamhuuriyadda Dimuquraadiga Federaalka Itoobiya iyo Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE),” ayaa lagu yiri warqad kasoo baxday xafiiska xoghayaha guud ee Golaha Shacabka BJFS.

Dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa bishii December ee 2023-kii kala saxiixday in dib loo cusbooneysiiyo heshiiskii iskaashi ee difaaca labada dal, kaasi oo uu qalinka ku duugay wasiirka difaaca Soomaaliya Mr. Jaamac iyo dhiggiisa Itoobiya Abraham Belay.

Horay labada dowladood ayaa u kala saxiixday bishii February, 2014. Heshiiskan hadda ayaana lasii xoojin doona iskaashiga dhinacyada danaha labada dal oo sahlaya in si dhow la isaga kaashado xoojinta nabadda iyo ammaanka Soomaaliya iyo Ethiopia.

Sida lagu sheegay qoraalka heshiiskan waxa uu abuurayaa dhismaha guddiyo difaac oo wadajir ah oo ka shaqeyn doona xasiloonida amni ee Soomaaliya iyo Ethiopia.

Dhinaca kale, Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa hore u gaaray heshiis iskaashi oo si gaar ah u quseeya dhinacyada iskaashiga militeriga, amniga iyo la-dagaalanka argagaxisada, kaasi oo uu qalinka ku duugay wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya.

Heshiiskaas ayaa markaas la sheegay in dowladda Soomaaliya uu ka caawin doono in ay abuurto ciidamo ku filan, si ay si buuxda ugala wareegto howl-gallada amniga ee ATMIS, si waafaqsan aragtideena amniga.

Sidoo kale waxaa la xasuusta in Golaha Wasiirrada ay markii ugu horeysay ee la horgeeyay heshiiskan dib loogu celiyay wasaaradda gaashaandhiga, ayada oo golaha markii dambe ku ansixiyay kulankii labaad ee lagu soo celiyay heshiiskan ay dowladda federaalka Soomaaliya la gashay dowladda Imaaraadka Carabta.

Heshiiskaasi ayaa markii uu soo shaac baxay waxaa ka dhashay hadal hayn iyo muran badan, ayada oo dadka mucaaradsan dowladda ay ku qeexeen mid xad-gudub ku ah madax-banaanida dalka, oo amniga Soomaaliya lagu hoos-geeyey Imaaraadka Carabta.

Waxaa sidoo kale xilligaasi baraha bulshada aad u wareegayey waraaqo lagu sheegay inay yihiin qodobada heshiiska, kuwaas oo aan sax ahaanshahooda la xaqiijin karin.

Soomaaliya ayaa horay u bur-burisay heshiis noocaan oo kale ah oo Imaaraadka kala dhaxeeyey, xilligii uu talada dalka hayey Farmaajo, balse hadda dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dib u hagaajisay xiriirka kala dhaxeeya Imaaraadka.

Daawo: Dibadbax weyn oo ka dhan ah BIIXI iyo heshiiska badda oo ka dhacay Boorama

0

Borama (Caasimada Online) – Banaanbax weyn ayaa maanta ka dhacay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, kaasi oo looga soo horjeedo heshiiskii Addis Ababa ee dhawaan uu Muuse Biixi qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya ugu saxiixay Itoobiya.

Shacab aad uga careysan in Itoobiya la siiyo dhul badeed dhan 20KM ayaa iskugu soo baxay waddooyinka waaweyn ee magaalada, ayaga oo ku dhowaaqayay ereyo ay ku muujinayaan diidmadooda heshiiskaasi.

“Baddeenu iib ma ahan,” ayaa kamid ah ereyada ay ku qeylinayeen dibad-baxayaasha. Sidoo kale waxaa kamid ahaa “Dooni meyno dhuuni qaate.”

Dibad-baxaan oo ahaa mid nabdoon, oo looga soo horjeedo damaca Itoobiya ee baddeena, ayaa waxaa guul-dareystay isku-day ay ciidanka Booliska ku rabeen in ay ku joojiyaan dibad-baxaan oo ay ku kala kaxeeyaan dadweynaha, maadaama dad aad u tiro badan isku soo baxeen.

Dibad-baxaan ayaa imanaya xilli maanta ay xukuumadda Muuse Biixi qorsheynaysay in ay Boorama ku qabato dibadbax lagu taageerayo heshiiskii Addis Ababa, kaasi oo fashilmay, kadib markii ay ka biyo diideen reer Boorama.

Madaxweyne Biixi ayaa toddobaadkii tegay heshiis is-afgarad magaalada Addis Ababa kula soo saxeexday ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, kaasi oo uu Itoobiya ugu saxiixay dhul badeed dhan 20 KM, si ay saldhig uga dhigtaan Ciidanka Badda Itoobiya.

Heshiiskaas ayaa si weyn looga soo horjeestay maadaama uu yahay mid masiiri ah, oo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, uuna yahay damac soo jireen ahaa oo Itoobiya waligeed ku taameysay inay hesho Bad.

Madaxda sare ee dalka iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa intooda badan si isku mid ah uga fal-celiyay arrintaan, ayaga oo meel adag iska taagay in Itoobiya ay dhul badeed ka hesho Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale soo saartay qaraar ay uga hortimid heshiiska Addis Ababa ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed, ayada oo xalay uu madaxweyne Xasan Sheekh uu saxiixay sharciga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee burinta is-afgaradka Itoobiya iyo Somaliland.

Hoos ka daawo muuqaalka

Somaliland oo ka carootay arrin ku saabsan heshiiska badda kadibna weerartay…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somailand ayaa xalay weerar ku qaaday xarunta MM-TV oo ku yaalla magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, iyaga oo jirdil iyo xarig u geystay guddoomiyaha Telefishinkaasi Maxamed Ilig iyo laba Wariye oo kale.

Weerarka ayaa dhacay xilli Tv-ga ay ka socotay dood ku saabsaneyd heshiiska badda ee ay Somaliland la gashay dowladda Itoobiya, waxaana marti ku ahaa oo khadka taleefanka uga qayb-galayay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad iyo rag kale.

Qoraal kasoo baxay maamulka sare ee MM-TV ayaa waxaa looga hadlay dhacdadaasi, waxaana lagu sheegay warka in qalab la burburiyay, kuwa kalena ay qaateen ciidanka.

Hoose ka akhriso warsaxaafadeedka:-

Ciidamada falka gaystay ee sida fawdada ah usoo weeraray MM-TV, waxay burburiyeen qalabkii yaalay xarunta qaybna way qaateen, waxa kale oo ay joojiyeen dood ka socotay Barta Twitter-ka ee TV-ga dooddaas oo ku Saabsanayd —“ Faa’iidada iyo Halista uu yeelan karo Isfahamka Badda ee Somaliland iyo Ethiopia” dooddaas oo aanay marnaba ku jirin wax dambi iyo xadgudub ah oo uu ka qaybgalay Mudane Faysal Cali sheekh oo ah Masuul culus oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland.

Askar  ka tirsan ciidanka Somaliland ayaa  xalay soo weeraray Xarunta MM-TV ee Magaalada Hargeisa, Halkaas oo ay dhibaato iyo gacan ka hadal ugu gaysteen Maamulka iyo xubno ka tirsan hawl-wadeenada shaqada ku sugnaa oo kala ah:-

1- Maxamed Abdi Ilig (Guddoomiyaha MM-TV), 2- Ilyaas Cabdinaasir, 3- Maxamed Cabdi Cabdilaahi (Andar).

Ciidamada falka gaystay ee sida fawdada ah usoo weeraray MM-TV, waxay burburiyeen qalabkii yaalay xarunta qaybna way qaateen, waxa kale oo ay joojiyeen dood ka socotay Barta Twitter-ka ee TV-ga dooddaas oo ku Saabsanayd —“ Faa’iidada iyo Halista uu yeelan karo Isfahamka Badda ee Somaliland iyo Ethiopia” dooddaas oo aanay marnaba ku jirin wax dambi iyo xadgudub ah oo uu ka qaybgalay Mudane Faysal Cali sheekh oo ah Masuul culus oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland.

Dhanka kalena uu khadka kaga jiray Mudane Yuusuf Garaad Cumar, oo Xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumadda Soomaaliya.

Mudane Faysal Cali Sheekh, ka hor intii aanu ka qaybgalin doodda waxaa la ogaa si dhawna ay usoo wada hadleen masuuliyiinta sare dawladda oo ka warqabay in uu doodda ku matalayo iyagu aqbalay oo ku ogaa, dood midho dhal ah ayuuna ka dhiibtay falanqaynta socotay.

Lama oga waxay qoonsadeen Mana jirto sabab wax aan dambi ahayn loogu dhibaateeyo Suxufiyiin iyo xarun warbaahineed oo ay shaqadeeda tahay in ay xaaladaha jira ay u tabiso umadda, oo warbixin iyo doodba laga sameeyo maadaama ay tahay shaqo saxaafadeed.

Maamulka iyo Shaqaalaha MM-TV, waxay cambaaraynayaan weerarka iyo xadhiga sharci darrada ah ee lagula kacay Maamulka MM-TV iyo xubnaha shaqaalaha ah.

Waa gaf, awood sheegasho, cabudhin, ku tumasho sharci iyo kalsooni darro haysata dadka arrintan ka dambeeyay.

Waxa aanu ugu baaqaynaa xukuumadda Somaliland in lasii daayo guddoomiyaha iyo xubnaha laga xidhay MM-TV, baadhitaana lagu sameeyo xadgudubka iyo Burburinta loo gaystay Xarunta MMTV oo ka ay leeyihiin muwaadiniin kana  Mid ah cashuur bixiyeyaasha waddanka.

Milatariga dalka ITOOBIYA oo go’aan culus soo saaray kadib heshiiskii BADDA

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Taliska ciidanka milatariga waddanka Itoobiya ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadlay heshiiska badda ee ay dhowaan dowladdooda la gashay maamulka Somaliland, kana dhacay magaalada Addis Ababab.

Qoraal uu soo saaray milatariga, laguna baahiyay boggooda Fecebook-ga ayaa waxaa lagu sheegay in Itoobiya ay lahaan jirtay bad, xilli dalal badan oo Afrika ah la gumeysan jiray.

Sidoo kale milatariga wuxuu sheegay in ciidamada badda ee Itoobiya la dhisay sanadkii 1948, ayada oo ujeedadu ahayd inay sugaan amniga Badda Cas iyo Cadan.

Arrinta heshiiska oo keentay buuq xoogan waxa ay sheegeen in aysan dhag jalaq usiin doonin, isla-markaana ay naftooda u huri doonaan fulinta heshiiskaas oo ay ka carootay dowladda federaalka oo iyadu sheegtay inuu xagudub ku yahay madax banaanida dalka.

Talisku wuxuu isagu tilmaamay in heshiiskan uu yahay mid fursad dahabi ah siinaya dalka Itoobiya, uuna soo celinayo taariikhdii hore ee ay lahaayeen siday hadalka u dhigeen.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in Itoobiya ganacsigeeda uu ku xiran yahay badda, ayna kordhayaan tirada Itoobiyaanka oo kusii socda 150 milyan, sidaas daraadeedna ay xaq u leeyihiin in laga fakiro mustaqbalka dadkaasi, si ay helaan bad iyo marin biyood.

Waxaa kale oo uu milatarigu ku dooday in badda Soomaaliya ay bahalo galeen noqotay, ayna ka faa’iideystaan burcad badeedda iyo argagixisada, sidaas daraadeedna ay arrintaasi halis ku tahay Itoobiya, kana hortegi doonaan, ayaga oo sugayo amniga biyahaasi.

Si kastaba, hadalkan ayaa sii hurinayo xiisadda ka dhalatay heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo ay ka dhalatay dhaleeceyn xoogan oo ay la kulmeen labada dhinac.

Horay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u qaaday tallaabo ka dhan heshiiska Addis Ababa, ayada oo u yeertay safiirkeeda dalka Itoobiya, si ay ula sameyso latashi guud.

Xog: ITOOBIYA oo heleysa ceelal shidaal kadib heshiiskii ay la gashay Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga Soomaaliya, Maxamed Cali Xagaa oo wareysi bixiyay ayaa shaaciyay xog cusub oo ku aadan dhulka la siiyay Itoobiya, kadib heshiiskii ay Addis Ababa kula galeen maamulka Somaliland.

Xagaa ayaa shaaca ka qaaday in dhulkaasi uu leeyahay kheyraad fara badan, ayna ku yaallaan laba ceel oo shidaal ah oo horay baaris loogu sameeyay, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa ku jira meeshaan ay rabaan in la siiyo Itoobiya laba ceel oo shidaal ah oo horay baaris loogu sameeyay” ayuu yiri wasiiru dowlaha wasaaradda amniga Soomaaliya.

Somaliland ayuu ku eedeeyay inay khayraadkaas uu Alle siiyay dadka Soomaaliyeed ay u gacan gelineyso  wax uu ku sheegay cadow oo uu kala jeedo dowlada Itoobiya.

“Khayradkaas iyo kuwa kale oo uu Alle ku maneystay baddeena iyo dadka Soomaaliyeed ayaa waxaa gacanta loo gelinayaa cadow” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sidoo kale wuxuu weerar culus ku qaaday ninka saxiixay heshiiskaas oo ah Muuse Biixi Cabdi, wuxuuna sheegay in dhibaato u horseeday Ummadda Soomaaliyeed.

“Tallaabada uu Muuse u horseeday Soomaalida waa taariikh madow oo nin weyn oo 80 jir ah oo ciidan soo ahaa oo canshuurtii dalka wax lagu soo baray inuu maanta yiraahdo Itoobiya oo aan ognahay cadawaadda naga dhexeyso waa nasiib darro” ayuu yiri Xagaa.

Somaliland iyo Itoobiya ayaa todobaadkii hore heshiis is-afgarad ku gaaray Addis Ababa, kaasi oo Somaliland ku beddelatay in Itoobiya ay Somaliland u aqoonsato dal madax-banaan.

Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay siineyso Itoobiya dhul-badeed dhan 20 km oo ay degaan ciidankooda badda, kaasi oo uu sheegay inuu yahay kiro.

Heshiiska ay Addis Ababa ku gaareen ra’iisul wasaraaha Itoobiya Abiy Ahmed iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la kulmay dhalleeceyn xooggan, maadaama uu yahay mid masiiri ah, oo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada Puntland

0

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa haatan ka socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland oo berri si weyn loogu tartami doono.

Maanta waxaa ayaa waxaa la dhageysan doonaa khudbadaha musharraxiinta u tartameysa xilka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, ayada oo berrina ay dhaceyso doorashada guud.

Hoolka baarlamaanka waxaa haatan ku sugan illaa 22 musharrax oo barnaamijkooda wax qabad u jeedin doono xildhibaannada cusub ee Golaha Wakiilada Puntland.

Doorashadan ayaa waxaa ka qayb-galaya siyaasiiyin dhowr ah oo ay ku jiraan madax hore iyo kuwa cuusb oo haatan doonaya inay hoggaamiyaan maamul goboleedka Puntland.

Xubnaha tartamaya waxaa sidoo kale ku jira madaxweynaha haatan talada haya ee Saciid Cabdullaahi Deni oo loolankii ugu adkaa kala kulmaya mucaaradka oo isku baheystay sidii meesha looga saari lahaa, kadibna uu Puntland uga dhici lahaa isbeddal weyn.

Musharrax Maxamed Cabdiraxmaan Faroole oo kamid ah xubnaha maanta jeedinaya khudbadaha ayaa ka hadlay dareenkiisa, wuxuuna sheegay inay muddo dheer usoo dagaalameen in doorashada aysan dib uga dhicin waqtigeeda oo ah siddeeda January.

“Muddo ayaan kasoo shaqeyneynay in doorashada aysan dhaafin waqtigeeda, maanta waxaan leeyaha waa guul, Puntland waxay muujisay qaan-gaarnimo” ayuu yiri Maxamed.

Sidoo kale waxaa isna hadal kooban siiyay warbaahinta musharrax Axmed Ciise Cawad oo ah wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somalia, isaga oo kalsooni ka muujiyay doorashada.

“Faraxad ayay ii tahay waa fursad fiican waa sii wadida caadadii fiicneyd ee Puntland, markasta oo maamul waqtigiisa dhammaado siddeeda January ay dhici jirtay doorasho raalli la’iska yahay” ayuu yiri musharrax madaxweyne Axmed Ciise Cawad.

Si kastaba, Puntland ayaa haatan kasoo gudubtay xaaladdii adkayd ee hubanti la’aanta ahayd, taas oo ka dhalatay muranka daba dheeraaday ee hareeyay doorashada, kaas oo ugu dambeyn xal laga gaaray, ayadoo beri kama dambeys lagu kala bixi doono doorashada.

Taliyihii guutada 18-aad ee Gorgor oo lagu aasay Xamar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee abaaduulihii guutada18aad ee Kumaandooska Gorgor Cabdi Maxamed Sheekh Xasan (Suulnuug) ayaa maanta aas loogu sameeyay magaalada Muqdisho, kaas oo ku dhintay dagaal ka dhacay gobolka Mudug.

Marxuumka ayaa waxaa maanta lagu aasay Qabuuro ku yaalla magaalada Muqdisho, ayada oo ay ka qayb-galeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, saraakiil iyo boqolaal dadweyne ah.

Xilliga la dilayay taliyaha wuxuu hoggaaminayay howlgallada ka socda gobolka Mudug, isaga oo ku sugnaa deegaanka Jeex-jeex oo ah halka lagu toogtay.

Caasimada Online waxay xog ka heshay qaabkii loo dilay taliyaha, waxaana la hadalnay saraakiil ku sugneyd goobta dagaalka.

Ciidanka ayaa shalay weeraray dhufeysyo ay Al-Shabaab ka qoteen buurta Jeexjeex ee duleedka magaalada Caad, waxaana halkaas ka dhacay dagaal looga taag-roonaaday kooxda Al-Shabaab.

Ciidanku markii ay Shabaab ka saareen difaacooda ayaa la sheegay in taliyaha uu toogtay dagaalame Shabaab ah oo dhaawac looga tegay.

Xabad liif saar ah oo meel fog uu ka soo riday ninka dhaawacmay ee Shabaab-ka ahaa ayaa la sheegay in taliyaha ay uga dhacday meel u dhow wadnaha, dhaawacaas ayaa noqday mid culus.

Intaas kadib, ciidanka xoogga dalka ayaa dib uga baxay dagaalka, waxaana la qaaday dhaawacii Taliye Suulnuug, wuxuuna ku geeriyooday Shabeelow.

Dhaawaca Taliyaha waxaa loo sii waday Wisil, halkaas oo la doonayey in diyaarad Muqdisho ka soo baxday ay ka qaado, balse isaga oo meyd ah iyo dhaawaca askar kale ayaa laga qaaday Wisil.

Allaha u naxariistee Taliye Suulnuug wuxuu ahaa halyey ka tilmaamay fagaareyaasha dagaalka, waxaa jeclaa ciidanka uu hoggaamiyo, waxaana ka go’need in Al-Shabaab uu deg deg uga xoreeyo wadanka.