26.9 C
Mogadishu
Sunday, June 21, 2026

Shabaab badan oo la laayay kadib dilkii Taliye Suulnuug

0

Caad (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay howlgal dhanka cirka ah oo ay iska kaashadeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saaxibada caalamiga ah oo xalay ka dhacay gobolka Mudug.

Duqeyntan oo daba socotay dagaal shalay ka dhacay aagga deegaanka Jeex-jeex, isla markaana lagu dilay Abaanduulihii Guutada 18-aad ee Gorgor Cabdi Maxamed Suul-nuug ayaa waxaa lagu laayay Al-Shabaab badan oo ku sugnaa meel u dhow Jeex-jeex.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in halkaas lagu dilay ugu yaraan 26 ka tirsanaa Al-Shabaab, xilli ay ku dhuumaaleysanayeen godadka ay ka qoteen hawd ku yaal halkaasi.

Dowladda ayaa sheegtay in duqeynta lala helay xubnahaasi xilli habeen ah, ayna kasoo baxeen godadka oo ay ku dhuumaaleysanayeen tan iyo shalay, kadib dagaal lagu qaaday.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa intaasi ku dartay in dagaalkii shalay ka dhacay aagga Jeex-jeex kooxda looga dilay illaa 50 ruux oo ay ku jiraan horjoogayaal sar sare, kadib duqeymo iyo dagaallo culus oo ka dhacay halkaasi.

Duqeynta ayaa mid kamid ah waxaa lala helay gaari Deyno ah oo ay la socdeen maleeshiyaad iyo saraakiil ka tirsanaa kooxda oo goonta lagu wada dilay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo weli laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobollada dhexe ee dalka.

Si kastaba, Mudug ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka socday howlgallo ballaaran oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka, kuwa Galmudug iyo dadka deegaanka.

Xog: Sidee maanta loo toogtay taliye Suulnuug?

0

Wisil (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa galabta shahiiday Abaanduulihii guutada 18-aad ee ciidanka Gorgor, Gaashaanle Cabdi Maxamed Suulnuug, waxaana lagu dilay dagaal ka dhacay koonfurta gobolka Mudug.

Caasimada Online waxay xog cusub ka heshay qaabkii loo dilay taliyaha, waxaana la hadalnay saraakiil ku sugneed goobta dagaalka.

Ciidanka ayaa saakay weeraray dhufeysyo ah Shabaab ka qoteen buurta Jeexjeex ee duleedka magaalada Caad, waxaana halkaas ka dhacay dagaal looga taag-roonaaday kooxda Al-Shabaab.

Ciidanku markii ay Shabaab ka saareen difaacooda ayaa la sheegay in taliyaha uu toogtay dagaalame Shabaab ah oo dhaawac looga tegay.

Xabad liif saar ah oo meel fog uu ka soo riday ninka dhaawacmay ee Shabaab-ka ahaa ayaa la sheegay in taliyaha ay uga dhacday meel u dhow wadnaha, dhaawacaas ayaa noqday mid culus.

Intaas kadib, ciidanka xoogga dalka ayaa dib uga baxay dagaalka, waxaana la qaaday dhaawacii Taliye Suulnuug, wuxuuna ku geeriyooday Shabeelow.

Dhaawaca Taliyaha waxaa loo sii waday Wisil, halkaas oo la doonayey in diyaarad Muqdisho ka soo baxday ay ka qaado, balse isaga oo meyd ah iyo dhaawaca askar kale ayaa laga qaaday Wisil.

Allaha u naxariistee Taliye Suulnuug wuxuu ahaa halyey ka tilmaamay fagaareyaasha dagaalka, waxaa jeclaa ciidanka uu hoggaamiyo, waxaana ka go’need in Al-Shabaab uu deg deg uga xoreeyo wadanka.

Ethiopia’s aggression threatens Somalia and global stability

In a disturbing turn of events, Ethiopia, led by dictator Abiy Ahmed, has brazenly undermined Somalia’s sovereignty and jeopardized the fight against Al-Shabaab. Abiy Ahmed’s recent pact with the unrecognized Somaliland demands an immediate and forceful response from the international community to support Somalia’s sovereignty and combat extremism.

Somalia, grappling with internal conflict and fighting Al-Shabaab, now confronts a severe challenge to its territorial integrity. Abiy Ahmed’s blatant land grab not only flouts international law but exploits internal divisions in Somaliland for Ethiopia’s strategic gain, further complicating Somalia’s counterterrorism efforts. This move, endorsed by a leader accused of war crimes against Tigray, poses a severe threat to democracy and human rights principles.

Beyond the immediate threat to Somalia, Ethiopia’s actions establish a dangerous precedent for the entire region. Unchecked unilateral actions and agreements with unrecognized entities threaten to unravel the delicate fabric of international law, fostering chaos, conflict, and instability that extends beyond the Horn of Africa, casting a shadow over global security and territorial sovereignty.

The international community, especially Western democracies committed to the rule of law, must not remain passive. Here are crucial considerations for a robust response:

  • Condemnation of Unilateralism: Ethiopia’s agreement with Somaliland must be unequivocally condemned as a violation of international law and a threat to regional stability. The UN Security Council must send a clear and unified message that such actions will not be tolerated.
  • Reaffirmation of Sovereignty: Somalia’s territorial integrity and sovereign rights must be firmly upheld. The international community should assert its commitment to the principle of uti possidetis juris (respect for existing borders) and call for the immediate nullification of the illegitimate agreement with Somaliland.
  • Demand Immediate Cessation: Ethiopia’s aggressive actions demand an immediate cessation, and the international community must call upon Ethiopia to cease and desist these illegal ambitions and means. The African Union, as a mediator, must play a decisive role in conveying this clear message and fostering a resolution that upholds the rights and aspirations of all parties involved.
  • Focus on Human Rights: The potential human cost of Ethiopian unilateralism cannot be ignored. The international community must emphasize the importance of protecting civilians and upholding human rights, advocating for accountability for any potential violations that may occur.
  • Countering Terrorism Threat: Ethiopia’s unilateral actions not only pose a direct threat to Somalia’s sovereignty but also risk empowering transnational terrorist organizations, particularly Al-Shabaab. The ongoing fight against extremism in Somalia could be severely undermined. The international community must recognize the broader consequences and potential resurgence of terrorist elements in the region, urging Ethiopia to immediately cease its illegal ambitions.
  • Investing in Stability: The Horn of Africa cannot afford another cycle of conflict. The international community, in collaboration with regional actors, should invest in long-term solutions addressing root causes of instability, poverty, and extremism. Support for Somalia’s efforts to build strong democratic institutions, foster economic development, and promote inclusive governance is paramount.

The fate of Somalia, and indeed the stability of the Horn of Africa, hangs in the balance. Ethiopia’s unchecked unilateralism threatens not only Somalia but also the principles guaranteeing global security and order. The international community must act urgently and unitedly, standing firm in defense of Somalia’s sovereignty and international law, before the looming tide of Ethiopian encroachment crashes upon the shores of stability and hope.

By Ali Osman | [email protected]

Daawo: Odowaa oo runta u sheegay reer Somaliland, kadib heshiiskii Addis Ababa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo kamid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay heshiiskii badda ee Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo dhaliyay xiisad u dhexeysa Muqdisho iyo Addis Ababa.

Xildhibaan Odowaa ayaa runta u sheegay reer Somaliland, wuxuuna sheegay in waligeed ay iyaga difaaci jireen baddaasii, maadaama ay iyaga ku nool yihiin dhulkaasi, haddana laga rabo inay ilaashadaan, haddii ay garab istaag u baahan yihiina la taageeri doono.

“Dadka deggan Somaliland dhulkaas iyaga waligood difaaci jiray annaga haddii aan nahay DFS ama dadka halkan deggan wax allaala waxa ay innooga baahan yihiin inaan la garab istaanaa la rabaa ma ogiye difaaca xuduudaha dhulkaas inta ay nolosha soo jirtay iyaga ayaa ku noolaa, difaacooda iyagaa lahaa” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa.

Sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday arrinta aqoonsiga ee badda looga beddashay Somaliland, taas oo uu tilmaamay in aysan ahayn arrin suuragl ah.

“Reer Somaliland dhulkooda iyagaa iska leh, haddii ay aqoonsi helaayaan haddii ay heleynina sideedaba kuma jiro wax la yiraahdo qayb kamid ah dhulka isii aan ku aqoonsadee” ayuu mar kale yiri xildhibaanka oo la hadlayay Wariyeyaasha Muqdisho.

Odawaa oo oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Arrintaas waxaan is leeyahay runtii Muuse wuu ku fududaaday, laakiin dadka reer Somaliland dad xigmad badan oo caqli badanaa ku ognahay deegaankaasna iyagaa uga dambeynaa oo aan rabnaa inaan ka dhageysano”

Waxaa kale uu hoosta ka xariiqay in damaca Itoobiya ee ku aadan dhulka Soomaaliya uu walgiisa soo jiray, balse loo baahan yahay in laga hortego.

Ugu dambeyn wuxuu Itoobiya xasuusiyay daris wanaagga iyo inay ilaaliso xeerarka caalamiga ah, gaar ahaan heshiiskii Midowga Afrika iyo kan Qaramada Midoobay.

“Waxaan ka war haynaa damacii Itoobiya ma dhamaanin boqolaal sano ayuu soo jiray, waxaan codsan lahayn dowladda Itoobiya heshiiskii African Union, Qm iyo adduunka la’iskula aqoonsaday iyo xuduudaha inay ixtiraamto” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

DF oo war kasoo saartay geerida taliye Suulnuug

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee marxuum Cabdi Maxamed Shiikh Xasan (Suulnuug) Abaandulihii Guutada 18-aad ee GorGor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo maanta ku shahiiday dagaalka xaqa ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay Marxuumka Halyay u soo adeegay Qaranka Soomaaliyeed, isagoo xusay doorkii muhiimka ahaa uu ku lahaa ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah, taas oo tusaale wanaagsan u ah dadkaaga iyo dalkaaga oo aad naftaada u hurto.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun, runtii waa geeri murugo leh, Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdi Maxamed Shiikh Xasan (Suulnuug) oo ahaa Abaanduulihii Guutada 18-aad ee GorGor, kaas oo ahaa Halyay si daacadnimo iyo geesinimo leh ugu soo adeegay Qaranka Soomaaliyeed, isla markaana kaalin wax ku ool ah ka soo qaatay dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Kawaarijta ah” ayuu yiri R/Wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey, isaga oo dalkiisa ka difaacaya cadowga argagaixisada ah ee ku soo duulay.

Dhinaca kale, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ka tacsiyadeeyay Geerida Abaanduulihii guutada 18-aad ee GorGor oo maanta lagu dilay dagaal ka dhacay duleedka deegaanka Caad ee gobolka Mudug.   

“Waxaan Shacabka Soomaaliyeed la wadaageynaa inuu Shahiidey maanta walaalkeena Gaashaanle Cabdi Maxamed Suulnuug oo ahaa Abaanduulihii guutada 18aad ee GorGor ee CXDS.  Waxaan u tacsiyadeyneynaa Ehelkiisa, CXDS iyo Dhammaan Shacabka Soomaaliyeed, waxaan Shahiidka Ilaahey SW u weydiinayaa inuu Janadii Firdowso ka waraabiyo,” ayuu yiri Wasiirka Difaaca Soomaaliya.

Taliyaha ayaa ku dhintay Dagaal culus maanta ka dhacay buurta Jeexjeex oo u dhow deegaanka Caad ee gobolka Mudug, waxaana la dhintay ugu yaraan hal askari oo kale, waxaana dhaawacmay askar badan.

Sidoo kale kooxda Al-Shabaab ayaa maanta aad loogu laayey dagaalka ka dhacay Mudug, waxaana taliyaha lagu dilay liif saar, kadib markii laga soo toogtay meel dheer.

Inta aan la dilin taliyaha wuxuu ciidanku Al-Shabaab ka saaray goobo muhiim ah, waxaana taliyaha laga soo toogtay meel dheer, isagoo u geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaaray xabad uga dhacday meel u dhow wadnaha.

Taliye Suul-nuug oo lagu dilay dagaal ka dhacay MUDUG

0

Caad (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo maanta ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka iyo Al-Shabaab ku dhex-maray koonfurta gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmuudg.

Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu xoogiisa uu ka dhacay deegaanka Jeex-jeexa, halkaas oo ay saldhigyo ku leeyihiin xubnaha kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu gaystay khasaare xoogleh oo soo kala gaaray labada dhinac, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Dadka ku dhintay dagaalkan waxaa kamid ah taliyihii guutada 18-aad ee ciidamada Gorgor, Cabdi Maxamed Suul-nuug, kaas oo hoggaaminayay dagaalka lagu qaaday Al-Shabaab.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in taliyaha uu markii hore soo gaaray dhaawac, kadibna uu u geeriyooday mar dambe rasaastii haleeshay.

Suul-nuug ayaa muddo ku sugnaa furimaha dagaalka, wuxuuna wax ka xoreeyay deegaano badan, sida degmada Aadan Yabaal iyo magaalooyink kale oo ku yaalla gobollada dhexe.

Sidoo kale waxaa dagaalkan oo saaka hore ay qaadeen ciidamada huwanta, soona gaaray illaa duhurkii ayaa waxaa barbar socday duqeymo ay fulinayaan diyaarado dagaal.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay cagta mariyeen difaacyadii Al-Shabaab, uuna weli dagaalka ka socdo aagga deegaanka Jeex-Jeexa

Mudug ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka socday howlgallo ballaaran oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka, kuwa Galmudug iyo dadka deegaanka.

Sacuudi Carabiya oo soo farogelisay xiisadda ka dhex oogan Somalia iyo Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa maanta toos usoo faragelisay xiisadda diblomaasiyasadeed ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo ka dhalatay heshiiskii ay xukuumada Addis Ababa la gashay maamulka Somaliland.

Safiirka Riyad u jooga Muqdisho Axmed Bin Maxamed Al-Mawlid oo la kulmay ra’iisul wasaare Xamza ayaa u caddeeyay mowqifka dowladdiisa, wuxuuna sheegay inay lama taabtaan tahay madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, ayna garab taagan yihiin.

Dhankiisa ra’iisul wasaare Xamza oo madasha ka hadlay ayaa  dowladda Sacuudi Carabiya uga mahadceliyay taageeradeeda iyo garab istaagga ilaalinta madax-banaannida, gobannimada iyo midnimada dhuleed iyo shacab ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Intaas kadib labad mas’uul ayaa ka wada-hadlay arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya labada dal iyo fursadaha maalgashi ee jira maadaama dalkeena laga cafiyay deyntii.

Danjire Axmed Al-Mawlid ayaa shaaca ka qaaday in ay dowladda Sacuudigu ay diyaar u tahay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliy, iyo taageeridda dowladda Soomaaliya ee dhinacyada mashaariicda kala duwan ee horumarineed oo dalka laga hirgeliyo, isagoo si gaar ah u ballanqaaday ay ka qaybqaadan doonaan xasillinta.

Horay Madaxweynayaasha Masar, Turkiga, Qatar iyo madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub ayuu taleefoonka kula xiriiray madaxweyne Xasan Shekh saacadihii lasoo dhaafay, dhamaantood waxay Soomaaliya ku taageereen mowqifka adag oo ay ka istaagtay xadgudubka Itoobiya.

Si kastaba, heshiiska magaalada Addis Ababa ku dhex-maray maamulka Somaliland iyo Itoobiya ayaa dhaliyay caro xoogan iyo cambaareyn caalami ah, maadaama uu xadgudub ku yahay qaranimada iyo madax bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Arrimo badan oo la qariyay iyo ‘khiyaano uu ku kacay’ Muuse BIIXI oo la shaaciyay

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ahna xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa ka falceliyay wareysi cusub oo uu bixiyay Lataliyaha amniga Qaranka ee Itoobiya, Redwan Hussein, kaas oo si faahfaahsan uga hadlay heshiiska Addis Ababa ee u dhexeeyay maamulka Somaliland iyo Itoobiya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal soo saaray ayaa sheegay inuu daawaday wareysiga ninkaas oo laga sii baahiyay Telefishenka Dowladda Itoobiya, wuxuuna sheegay inuu soo koobay 5 qodob oo muhiim ah, kuna aadan heshiiska badda ee ay la galeen Somaliland.

Xildhibaanka ayaa qiray inuu Redwan Hussein bannaanka soo dhigay arrimo qarsoonaa oo ku aadan heshiiskaasi, gaar ahaan badda ay la wareegeyso dowladda Itoobiya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu ku kacay khiyaano qaran oo weyn, sida uu hadalka u dhigay.

“Halkan waxaa ku cad in Muuse Biixi uu ku kacay khiyaano qaran. Weli fursad ayuu haystaa kaga laaban karo is-fagaradka, haddii kale waa in  Baarlamaanka Somaliland uu danbi khiyaano ah ku soo oogo (impeach), xilkana ka qaado.” ayuu qoraalka ku yiri Warsame.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran iyo arrimaha la qariyay + ‘khiyaanada uu ku kacay’ Muuse Biixi.

Lataliyaha amniga Qaranka ee Itoobiya, Redwan Hussein oo wareysi siiyay Telefishenka Dowladda Itoobiya ayaa sheegay shan qoddob oo muhiim ah,kuwaas oo kala ah-:

1- In Muuse Biixi ay kula heshiiyeen dhulka( Laga bilaabo xadka Itoobiya ee xuduudda dhulka ilaa inta ku aadan badda) taas oo ka duwan wixii uu sheegay Muuse Biixi oo ahayd in badda oo keliya ka kireyeen.

2- In aqoonsi u raadinta Somaliland laga wadahadli doona oo keliya marka ay Somaliland saxiixdo heshiiska bixinta dhulka iyo badda.

3- In an weli laga heshiinin saamiga Somaliland laga siinayo shirkadda diyaaradaha ee Ethiopia airline.

4- In sidookale aanan laga heshiinin lacagta lagu kireynayo dhulka iyo badda.

5- In ay doorteen dhanka Lughaye, 20 kilomitir na ay ka badan karto dhulka ay rabaan. Wuxuu intaa raaciyay in tareen iyo waddo laami ah ay ka dhisi doonaan badda ilaa xadka Itoobiya.

Halkan waxaa ku cad in Muuse Biixi uu ku kacay khiyaano qaran. Weli fursad ayuu haystaa kaga laaban karo is-fagaradka, haddii kale waa in  Baarlamaanka Somaliland uu danbi khiyaano ah ku soo oogo (impeach), xilkana ka qaado.

Turkiga oo saddex arrin u ballan qaaday Soomaaliya kadib xadgudubkii Itoobiya

0

Ankara (Caasimada Online) – Maaxtooyada Turkiga ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay wada-hadal khadka taleefanka ah oo ay Jimcihii yeesheen madaxweyne Rajab Dayib Ordogan iyo madaxweynaha dowlada Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Turkiga ayaa waxaa lagu sheegay in Ordogan uu Xasan Sheekh u ballan qaaday inuu ku garab istaagayo dagaalka ay dowladdiisa kula jirto kooxda Al-Shabaab, ilaalinta madax bannaanida Soomaaliya iyo ka hortegga damaca Itoobiya.

Sidoo kale Erdogan iyo Xasan Sheekh ayaa isku raacay inay xoojiyaan doorka walaalaha Turkigu ay ka qaadanayaan dib u dhiska iyo dowladnimada Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa tilmaamay muhiimadda ay caalamka u leedahay xasilloonida iyo degenaanshaha Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa haatan wada xiriiro caalami ah si uu taageero ugu helo khilaaf culus ee Soomaaliya kala dhaxeeya Itoobiya.

Soomaaliya ayaa si weyn uga carootay heshiiskii xadgudubka ahaa ee madaxweynaha Somaliland uu la galay dowladda Itoobiya, waxaana socda dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo xasaasi ah.

Madaxweynayaasha Masar, Turkiga, Qatar iyo madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub ayuu taleefoonka kula xiriiray madaxweyne Xasan Shekh saacadihii lasoo dhaafay, dhamaantood waxay Soomaaliya ku taageereen mowqifka adag oo ay ka istaagtay xadgudubka Itoobiya.

Si kastaba, heshiiska magaalada Addis Ababa ku dhex-maray maamulka Somaliland iyo Itoobiya ayaa dhaliyay caro xoogan iyo cambaareyn caalami ah, maadaama uu xadgudub ku yahay qaranimada iyo madax bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Odayaasha Somaliland oo go’aan culus ku dhowaaqay kadib heshiiskii Addis Ababa

0

Saylac (Caasimada Online) – Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee Somaliland oo la hadlay warbaahinta ayaa si weyn uga horyimid heshiiska badda ee Somaliland iyo Itoobiya.

Odayaasha ku nool magaalada Saylac oo ah halka xudunta u ah heshiiska badda lagu siiyay Itoobiya oo soo hadlay ayaa nasiib darro ku tilmaamay heshiiskaasi.

“Waxaan nasiib darro ah iyadoo isku keeni kari la’yahay in dalka gudihiisa joogtay ee wax wada lahayn in maanta Xabashi baan is dul keeneyna la yiraahdo” ayuu yiraahdeen reer Saylac

Sidoo kale waxa ay odayaasha reer Saylac baaq cod dheer ah u direen shacabka Somaliland iyo guud ahaan Soomaali weyn oo ay ka dalbadeen inay diidaan heshiiskaasi.

“Waxaan ugu baaqeynaa cid kasta oo Somalilander ah ama Soomaali weyn ah halka ay doonto ha joogto oo aqoon leh oo lix jeclo ka qabta dalkeeda iyo baddeeda inay ka hadlaan oo arrintaasi foosha xun ay is hortaagaan” ayuu yiri oday ka mid ah dadka reer Saylac.

Dhinaca kale waxaa sidaan oo kale heshiiska Addis Ababa uga horyimid Beesha Ciise ee degta Somaliland, taas oo shir deg-deg ah ka yeelatay in badda lagu wareejiyo Itoobiya.

“Baddan waa bad Soomaaliyeed waa badan ay Soomaali meel kasta oo ay joogto ilaashaneyso weeye tu dheel-dheel lagu bixin karo oo cid kale lagu siin karo Muuse Biixiyow ma’aha” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha Beesha Ciise oo la hadlay warbaahinta.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Haddii aad waxaas ka laabmi weydid Beesha Ciise talo ayay ka gaareysaa si deg-deg ah”.

Waxaa kale oo uu soo hadal qaaday arrinta aqoonsiga ee ay Somaliland ku bedalatay badda ay ku wareejisay Itoobiya, taas oo uu ku tilmaamay arrin la yaabkeeda leh.

“Aqoonsiga ku doon laguma oran inaad bad iibiso ama barri, badda iyo barriga Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto iyada iska leh cid kale looma daba fariisanayo shaqsi qurana ma iibin karo, mana bixin karo” ayuu mar kale yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo Somaliland ay dhaleeceyn gudaha iyo dibadda kala kulantay heshiiska Addiis Ababa oo 20 KM oo kamid ah baddeenna ku siisay Itoobiya.

Safiirkii Soomaaliya ee Turkey oo is-casilay + Sababta

0

Ankara (Caasimada Online) -Safiirkada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiyay dalka Turkiga, Jaamac Caydiid  ayaa maata ku dhowaaqay inuu is casilay kadib qoraal uu soo saaray.

Danjire Jaamac Caydiid ayaa sababaha uu isku casilay ku sheegay ka qayb-galka tartanka doorashada madaxtinimada ee maamul goboleedka Soomaaliyeed Puntland.

Safiirkii hore ee Soomaaliya oo deegaan ahaan kasoo jeedo Sool ayaa kamid musharaxiinta isku taagay xilka madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, maadaama la filayo in todobaadkan ay dhacdo doorashada madaxtooyada oo ay si weyn loogu loolami doono.

“Mar haddii aan u tartamayo xilka Madaxweyne ku xigeenka Puntland, waxaan iska casilay shaqadii danjirenimo ee aan Qaranka u hayey” ayaa ku yiri qoraalkiisa.

Sidoo kale wuxuu u mahadceliyay madaxweynahya Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo bahda safaaradda oo ay soo wada shaqeynayeen muddo ka badan 6 sano.

“Waxaan u mahadcelinayaa Xasan Sheekh Maxamuud, bahda MFASomalia iyo diblomaasiyiyiintii 6.5 sanadood igala shaqeynayay SomaliainTurley” ayuu raaciyay.

Jaamac Caydiid ayaa haatan ku sugan magaalada caasimada ah ee Garoowe oo uu uga dhowaaqay musharraxnimadiisa, wuxuuna sidoo kale ku jiraa ololihiisa doorashada.

Puntland ayaa waxaa ka soconayo olole doorasho oo ku aadan madaxtooyada, maadaama baarlamaankii lasoo dhameystiray, kadibna la doortay guddoonka cusub ee Golaha Wakiilada oo sii magacaabay guddiga doorashada ee madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Jabuuti oo si aan la fileyn uga hadashay heshiiska Itoobiya iyo Somaliland ee BADDA

Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa markii ugu horreysay ka hadashay heshiiskii qar iska tuurka ahaa ee ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu la saxiixday madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ee Itoobiya ay ku qaadaneyso qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliya.

Heshiiskaas is-afgaradka ayaa Muuse Biixi uu sheegay inuu dhul-badeed 20 km ah kaga kireynayo Itoobiya, taas beddelkeedna Itoobiya ay si rasmi ah u aqoonsaneyso Somaliland.

Si kastaba, Itoobiya weli dhankeeda kama xaqiijin inay ogolaatay inay aqoonsato Somaliland, balse waxay sheegtay inay dersi doonto sidii ay mowqif uga qaadan laheyd arrintaas.

Hadda Daa’uud Hummad oo ah afhayeenka aqlabiyadda ee madaxtooyada Jabuuti oo la hadlay warbaahinta RFI ee laga leeyahay Faransiiska ayaa sheegay inay doonayaan inay doorkooda diblomaasiyadeed ay ka cayaaraan.

“Marka hore, Jamhuuriyadda Jabuuti waxay ka xun tahay xiisad dheeraadda ah gaar ahaan mandaqada Geeska Afrika oo horay u soo martay xiisado soo noq-noqday, mushkiladda Soomaalida iyo tan Soomaaliyeedna waxay qusaysaa Soomaalida oo keliya. Annagu kuma faragelin arrimahooda gudaha,” ayuu u Daa’uud Humma u sheegay warbaahinta RFI.

“Waxa aan daacad ka nahay ballanqaadkeena diblomaasiyadeed ee mabaadii’da aasaasiga ah ee quseeya caddaaladda iyo nabadda gobolka geeska afrika.”

“Jamhuuriyadda Jabuuti waxay soo jeedinaysaa in si Soomalinimo oo qoysnimo loo dhameeyo mushkilada, waa taladayada,” ayuu yiri Daa’uud.

“Hadda waxa aan hayna madaxnimada meertada ee uruur goboleedka Igad gaar ahaan Jabuuti oo khibrad u leh arrinta. Dalka Jabuuti waxaa uu horey dhex dhexaadin ka sameeyay oo uu u kala dab qaaday dhibaatada Suudaan ka dibna Somaliya iyo Somaliland. Dalka Jabuuti waxa uu diyaar u yahay inuu khibradiisa u soo bandhigo cidda ay khusayso,” ayuu intaas ku daray Daa’uud Humma.

Dhanka kale waxaan la xirirnay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya si ay uga falceliyaan qaabka ay Jabuuti uga hadashay arrintan bale waa ay ka gaabsadeen.

Xasan Sheekh oo shaaciyey wixii dhexmaray isaga iyo Muse Biixi, saxiixii badda ka hor

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qeyb ka mid ah khudbad uu ka jeediyey Masjidka wuxuu kaga hadlay wixii Jabuuti u dhex maray isaga iyo Muuse Biixi, intii uusan dhicin heshiiskii badda ee Addis Ababa.

Xasan Sheekh ayaa ugu horeyn sheegay in isaga iyo Muuse Biixi ay u wadahadleen si walaalnimo ku jirto, iyadoo dhinac kasta uu miiska soo saaray doonistiisa.

“Muuse Biixi Jabuuti ayaa isugu tagnay toddobaadkii hore, wadahadaladeenu jiho fiican ayey u socdeen, kala duwanaasho waa qabnay,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in isaga iyo Muuse Biixi ay isisoo hor fariistaan oo ka wadahadlaan masiirka Soomaaliya iyo Somaliland.

“Muuse Biixi wuxuu na yiri aqoonsi ayaan rabnaa, anaguna waxaan dhahnay midnimo ayaan rabnaa, waxaan dhahnay aan ka wadahadalno oo midnimada noo hormariya, adduunyada dhan ayaa hadda wax isku darsaneysee, anaga oo Soomaali ah ma kala tegi karnee, anaga oo is jecel ayaan si walaalnimo ah u wadahadleynay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaalidu markii ay is aqbali weysay lasoo haweystay, “Soomaaliyeey isma hureyno aan is aqbalno oo wadahadalno,” ayuu yiri.

“Dowladda Itoobiya waxaan leeyahay dadkiina ha qaldinina, ha u sheeginina Soomaaliya ayaan bad ka helnay, taasi madhaceyso, niyad jab haku ridinina dadkiina, madaxda Itoobiya waxaan leeyahay walaalayaal Soomaaliya waxay diyaar u tahay adduunyadu sida ay u dhaqanto inaad noola dhaqantaan,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu si cad i sheegay in dadka soo haweysanaya dhulka Soomaaliyeed ay kala dhigasho iyo kala qoqobnaan ka dareemeen Soomaalida, isagoo codsaday in sidaan wax laga bedelo oo dhulka shisheeyaha laga difaacdo.

Dagaal iyo duqeymo ka socda gobolka MUDUG

0

Caad (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta dagaal xoogan uu ka socdo koonfurta gobolkaasi, kadib markii ay weerar culus Al-Shabaab ku qaadeen ciidamada dowladda, kuwa Galmudug iyo dadka deegaanka.

Dagaalka ayaa xoogiisa waxa uu ka dhacay deegaanka Jeex-Jeexa oo hoostaga magaalada Caad ee koonfurta gobolkaasi, halkaas oo ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab.

Weerarkan waxaa si wadajir ah u qaaday ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo Macawiisleyda ka howlgasha deegaanka.

Sidoo kale waxaa dagaalka oo saaka hore ay qaadeen ciidamada huwanta, soona gaaray illaa duhurkii ayaa waxaa barbar socday duqeymo ay fulinayaan diyaarado dagaal.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, maadaama weli uu socda, isla markaana ay xaaladdu tahay mid aad u kacsan.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay cagta mariyeen difaacyadii Al-Shabaab, uuna weli dagaalka ka socdo aagga deegaanka Jeex-Jeexa.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi dhulka iyo cirka ee maanta lagu qaaday.

Mudug ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka socday howlgallo ballaaran oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka, kuwa Galmudug iyo dadka deegaanka.

Daawo: Xasan Sheekh oo shaaciyey doorkii Geelle ee shirkii DF iyo Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaya Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyey doorkii uu madaxweynaha Jabuuti ku lahaa wadahadalladii dalkiisa ay ku yeesheen Soomaaliya iyo Somaliland.

Xasan Sheekh ayaa cadeeyey in madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uusan sameynin habayaraatee wax farogelin ah, isagoo uga mahadceliyey doorkiisa gogosha.

“Odageena Ismaaciil Cumar Geelle wax uu nagu darsaday iyo waxuu naga bi’iyey ma jirine, gogol ayuu noo dhigay, kadibna fursad ayuu nasiiyey, war bal wadahadla ayuu na yiri, ma mudna hadallada dadka qaar ay maanta meelaha ka sheegsheegayaan, waxaba nooma dhibin Ismaaciil,” ayuu yiri.

Dad badan ayaa maalmihii lasoo dhaafay warbaahinta ka sheegay in Xasan Sheekh iyo Ismaaciil Cumar Geelle ay Muuse Biixi la ogaayeen heshiiska uu ku soo saxiixay Addis Ababa, iyagoo u sababeynaya in maalin ka hor markii uu heshiiskaasi dhacay ay ku shireen dalka Jabuuti.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in caalamka ay ka jirto shuruuc lagu wada dhaqmo, balse wax yaabaha la iska warsado ama la isisiiyo uusan dhul ku jirin, “Ninkii xoog wax ku raadinaa waa gooni, laakiin dunida dhul ka isma weydiisto,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed ka codsaday inay ka gudbaan kala shakiga iyo cabsida ay iska qabaan, “xukunkiina cid boobi karta ma jirto Soomaali mar hore ayey isisoo tijaabisay ee danihiina u midooba walaalayaal,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday dalalka taageeray Soomaaliya iyo kuwa la tuhmayo inay Itoobiya ku taageerayaan damaceeda, wuxuuna ugu horeyn u mahad celiyey dowladaha taageeray Soomaaliya, isagoo balan qaaday in dadka Soomaaliyeed ay gudi doonaan abaalkii la gashto.

“Dowladaha weli aamusan ee meelaha ku gambanaya waxaan leeyahay walaalayaal, Soomaaliya unbaa isku xumaa kartaane, dal kale dhulkeena ma sii kartaan, kumana taageeri kartaan, dhulkaan Soomaaliya waligeed waa la haaneysaa, cid xoog uga qaada kartana ma jirto,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Sheekh.

Ugu dambeyntii madaxweyanaha ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay midnimo iyo wadajir, “cabsida aan kala qabno aan meesha ka saarno walaalayaal, waan wada dhalanay, waxabana iskama aanaan bi’in dhul, dhalasho, dhaqan iyo diin ayaan naga dhexeeya walaalayaal,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Hoos ka daawo

Burcad badeedda oo laga soo bad-baadiyay markab iyo shaqaalihii la socday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada badda India oo howlgal culus qaaday ayaa kooxaha burcad badeeda Soomaalida kasoo badbaadiyay shaqaale saarnaa markab ay Khamiistii lasoo dhaafay ku afduubteen meel ka baxsan xeebaha dalka Soomaaliya.

Ciidamada ayaa soo badbaadiyay 21 bad-maaxiyiin ah oo la socday markabka, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay taliska ciidanka badda ee dowladda India.

Markabka la afduubtay oo lagu magacaabo MV-Lila Norfolk ayaa ciidamadu waxa ay ugu tageen halka lagu xiray, kadibna waxay soo furteen shaqaalaha hadda lasoo badbaadiyay.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in xilliga lasoo badbaadinayay shaqaalaha aysan markabka la joojin kooxdii afduubayaasha ahayd oo la rumeysan yahay inay baxsadeen, kahor inta aysan markabka dusha ka fuulin ciidamada badda ee waddanka India.

Wararka ayaa intaasi kusii daray in 21-ka nin ee la socday markabka u gacan galay burcad badeeda ee haddane laga soo badbaadiyay ay nabad qabaan, waxaana gurmad deg deg ah u fidiyay in ciidamada howlgalka India ee ka howlgala biyaha Soomalaiya iyo kuwa fog.

Markabka MV-Lila Norfolk oo ah mid xamuulka qaada ayaa ku socdaalayay calanka Liberia, xilliga weerarka lagu qaaday, wuxuuna ku jeedau dekedda Khalifa bin Salman ee Bahrain.

Weerarkan waxaa ka horreeyay afduub markab yar oo ganacsi maalmo ka hore loogu gaystay meel u dhow xeebaha degmada Eyl, sida ay shaacisay  hay’adda la socodka ganacsiga badaha ee dalka Britain.

Tani ayaa sii kordhineysa welwelka laga qabo in burcad badeedda Soomaalida ay mar kale dib usoo laba kacleeyeen, kadib muddo ay ka caaganayeen xeebaha Soomaaliya

Si kastaba, Dhacdadooyinka ayaa ku soo beegmaya iyada oo xaaladda ammaan ee Badda Cas sii xumaanayso, oo sidoo kale Xuutiyiinta Yemen ay bartilmaameedsanayaan maraakiibta ganacsiga ee kusii jeeda Israel, oo dagaal kula jirta ururka Xamaas ee Gaza.

A shameful way to start the new year: Ethiopia infringes on the sovereignty and territorial integrity of Somalia

Ethiopia’s move to sign a Memorandum Of Understanding,  (MOU) with a regional state in Somalia, a self-declared independent state on Somalia, is a historical, political, and legal mistake. Given the fact that Somaliland is not recognized by the international community as a sovereign country and remains part of Somalia, the MOU violates the sovereignty and territorial integrity of Somalia. Ethiopia’s move to sign the MOU with Somaliland, leasing 20 Kilometers stretch of the Somali coastline for establishing a base for Ethiopian marine forces comes just days after the reconciliation efforts by Djibouti to establish a roadmap for talks between the Somalia and Somaliland. The meeting in Djibouti was attended by the president of Somalia Dr Hassan Sheikh Mohamud and regional president of Somaliland Muse Bihi. The MOU undermines the talks between Somalia and Somaliland and wider international efforts for peace and security in the region. This could potentially disrupt the delicate balance of power in the region and have far-reaching consequences for the sovereignty of Somalia. The sovereignty of a nation is a foundational principle in international relations, and any attempts by one country to infringe upon the territorial integrity and autonomy of another are bound to raise concerns and tensions. In the case of Somalia, a nation that has already faces numerous challenges, including political instability, security issues, and economic struggles, the MOU signed with Somaliland would further exacerbate these vulnerabilities. This article highlights the reasons why it is shameful for Ethiopia to have taken advantage of a country that is trying to regain its stability with its quest to fraudulently access its ports. Somalia has been making good progress and has most recently joined the East African Community (EAC), a free trade agreement between member countries, notably Ethiopia is not a member of the EAC.

  1. Violates the UN Charter: The UN Charter states that each member state, regardless of its size or power, has an equal right to sovereign independence. It also highlights the principles for not interfering with the internal affairs of member countries. States are expected to respect the political independence of other nations. Therefore, since Ethiopia is a member state, it is bound by this charter, and signing an MOU with Somaliland which is still a region of Somalia, violates this charter.
  2. Violates International Law on Boundaries: Given the fact that Somaliland is still part of Somalia, access to its ports by Ethiopia violates the principles of international law. This is why Ethiopia should have involved the federal government of Somalia before signing any memorandum of understanding with Somaliland.
  3. Violates African Union Constitutive Act: AU Constitutive Act requires the leaders in African countries to foster a sense of togetherness, harmony, integration, and collaboration among the inhabitants of Africa and the nations within the continent. Hence, the move by the Ethiopian administration to sign an MOU with Somaliland which is a region in an African country (Somalia) violates, this act as it does not promote peace and unity in Somalia. Since the signing on 1st January 2024, there have been demonstrations across the country and condemnation by the current administration of President Dr. Hassan Sheikh.
  4. Threatens the stability of Somalia: Somalia is on the verge of gaining political stability as it has made significant strides under the current administration of President Dr. Hassan Sheikh which has overseen milestones such as becoming a member of EAC, the lifting of the arms embargo, and the relief of $5.2 billion in debt to $600 million. However, interference by Ethiopia by signing the MOU with Somaliland threatens this stability as it could lead to revival of Al-Shabaab. As history does not lie, Ethiopia’s entry into Somalia in 2006 with the aim of combating the Islamic Courts Union resulted in the emergence of the Al-Shabab, which continues to present a notable security concern. The MOU could also lead to a regional war between Somalia and Ethiopia since unwarranted access to Somalia territory would be perceived as a form of aggression.

Conclusion

      Ethiopia has a history of having tense relations with its neighboring countries and over the years has continued to stir violence and wage war with neighbors. For instance,  Ethiopia waged war against one of its former regions (Eretria) that had gained independence from them due to disagreements about the exact location of the new Ethiopian–Eritrean border. There have been all forms of natural resource-based conflicts between Ethiopia and neighboring countries like Kenya, Egypt, Djibouti, and Sudan. Therefore, the issue of a memorandum of understanding signed between Ethiopia and Somaliland should be urgently addressed by the regional and international community. Somalia is on the right path to stability under the current administration of President Dr. Hassan Sheikh and any form of interference by the neighboring countries like Ethiopia undermines the milestones achieved so far. In addition, the MOU signed between Ethiopia and Somaliland violates the international laws, UN charter, AU charter and  IGAD Charter and infringes on the territorial sovereignty of Somalia. Furthermore, the presence of Ethiopia in Somalia could give rise to extremism as happened in 2006. It is shameful that a country (Ethiopia) that is the seat of the AU and one of ATMIS forces contributing countries would prey on country (Somalia) that is on baby steps towards stability. It is also dysfunctional for Ethiopia that has defaulted on their debts to be willing to set up a maritime base in Somaliland. How would they finance it,  Ethiopia should be sanctioned by the regional and the international community for this form of aggression against Somalia.

Abdullahi M Hassan (Abdullahi Yabarow)
abdullahiyabarow.blogspot.com
@siigaale1

Itoobiya oo qiil yaab leh u sameysay heshiiska Somaliland

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa mar kale maanta difaacday Is-fagaradka ay la gashay Somaliland ee sida xooggan ay uga hortimid dowladda federaalka Soomaaliya.

Is-afgaradkan ayey Somaliland ku sheegtay inay marin-badeed 20 km ah kaga kiraynayso Itoobiya muddo 50 sano ah, halka Itoobiya ay Somailand “u fidinayso aqoonsi.”

Si kastaba, Itoobiya weli dhankeeda kama xaqiijin inay ogolaatay inay aqoonsato Somaliland, balse waxay sheegtay inay dersi doonto sidii ay mowqif uga qaadan laheyd arrintaas.

Redrawn Hussain, oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali, ayaa wareysi gaar ah oo uu maanta siiyey warbaahinta dowladda ee Ethiopian Broadcasting Corporation (EBC) waxa uu ku sheegay in falcelinta [caalamiga ah] ee ka dhalatay is-afagaradka “aysan aheyn wax aysan fileyn”

Redwaan ayaa difaacay go’aanka ay Itoobiya is-afgaradka kula saxiixatay Somaliland.

Waxa uu ku dooday in “inkasta oo Somaliland aysan helin aqoonsi buuxa, ay horey heshiisyo ula saxiixatay dalal kala duwan, oo ay ku jiraan heshiisyo horumarin dekado.”

Waxa uu tixraacay heshiiskii la saxiixay 2017, ee Itoobiya, Shirkadda dekadaha Dubai ee DP World iyo Maamulka Dekadaha Somaliland ee la xiriiray Dekadda Berbera.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa is-afgaradka ku tilmaamtay “daan-daansi” ay Itoobiya ugu xadgudbeyso madax-banaanida Soomaaliya, waxayna ka codsatay Qaramada Midoobe iyo Midowga Afrika inay kulamo deg deg ah ka yeeshaan arrintan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo maanta salaaddii Jimcaha kadib khubad ka jeediyey Masaajidka Madaxtooyada, ayaa sheegey in dhulka Soomaaliya “aanan lagu bedelan karin dano gaaban.”

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan “in ay u midoobaan dhowrista sharafka iyo difaaca madaxbannaanida qaranimada Soomaaliyeed.”

VOA

Xasan Sheekh oo farriin culus oo la xiriirta damaca Itoobiya u diray Muuse Biixi

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyey masjidka madaxtooyada salaadii Jimcaha kadib, ayaa ka hadlay heshiiska Somaliland ay la gashay Itoobiya, isagoo taabtay dhinacyo kala duwan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Somaliland ay si cad u bixisay dhul Soomaaliyeed, “wax kale oo taas ka sokeeya meesha ma yaalaan, heshiis, is-afgarad ama dhul la kireeyey meesha ma yaalaan, waxaa meesha taalla dhul la bixiyey,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Maxaxweynaha ayaa u mahad celiyey dadka ku nool waqooyiga Soomaaliya oo si joogto ah ula soo xiriira, una cadeeyey in waxa dhacay aysan raali ka aheyn, dadka kale ee Soomaaliyeed oo sameeyey banaanbaxyo waaweyn oo xadgudubka Itoobiya ay kaga soo horjeedaan.

“Dhulka Soomaaliya cid bixi karta ma jirto, xitaa in laga wadahadlo ayaa dembi ah, ma bixi doono dhulkaas, cid qaada kartana ma jirto,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa farriin u diray dowladda Itoobiya, “Itoobiya inaan deris noqono ma aanaan dooran, waxaa dalkaan qaada weyseen Soomaaliya oo intaan ka taag-daran, gumeyste heysto ama burbursan, macaamil kale la imaada, sidaan bad kuma heleyso Itoobiya,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa shaaciyey qodob la yaab leh oo ku jira heshiiska Biixi iyo Abiy, kaas oo dhigaya in Somaliland ay badda ku bedelatay saami looga balanqaaday shirkadda Ethiopian Airlines, “Shirkad burbureysa miyaa dhul lagu bedelan karaa? Deriskeena Itoobiya waxaan leeyahay Muuse Biixi dhul idinma sii karo,” Ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa Itoobiya si cad ugu sheegay in wadada ay hayaan uusan waqti dambe uga lumin “dhulkaan lama bixi karo waxaan horaad ugu hungowdeen ee derisnimada ilaaliya,” ayuu yiri.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa Muuse Biixi u sheegay in Itoobiya aysan aqoonsa karin, “xitaa haday ku aqoonsadaan waxaba idiinma gasho, taariikh xun haku gelin arrintaan oo dhulka hana dhaafin,” ayuu yiri.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dhulka Soomaali Galbeed uu ku baxay damac iyo sandareerto yar oo la siiyey dad Soomaaliyeed, “kuwo Soomaali ah oo aan talo fiicneyn ayaa xiligaas talo ku lahaa in dhulkaasi baxo,” ayuu yiri Madaweynuhu.

Tuhunka in awood kale oo qarsoon ay ka dambeyso damaca ITOOBIYA oo soo baxaya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Yuusuf Garaad ayaa markii u horeysay muujiyay shaki la xiriira suurta-galnimada in awood kale oo qarsoon ay ka dambeyso heshiiskii Addis Ababa ee Itoobiya loogu saxiixay qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

Yuusuf Garaad ayaa qaba in Itoobiya aysan kaligeed ku dhiiran karin damac intaasi le’eg, oo ay ugu xad-gudbeyso madax-banaanida Soomaaliya, xilli ay dowladda federaalka Soomaaliya waxba kama jiraan ka dhigtay heshiiskaasi.

“Itoobiya waxay hareer martay sharciga caalamiga ah. Waxa ugu wacan waa wax la arki doono laakiin hoggaamiyaha Itoobiya wuu u bareeray Soomaaliya iyo inuu wax guracan uu wato oo waxay yihiinba wax guracan ayaa daba jooga,” ayuu yiri Yuusf Garaad oo ka qeyb-galay barnaamijka Doodda ee Telefishanka Qaranka.

Waxa uu intaas kusii daray “Itoobiya maxay u doontay waxan sameyso u bareertay, illaa hadda cid banaanka joogta ma hayno laakiin waxay u eeg tahay in ay jirto awood kale oo qarsoon.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in sababta madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ku kaliftay inuu qeybo kamid ah badda Soomaaliya u saxiixo Itoobiya ay tahay cadaadiska siyaasadeed ee gudaha ka haysta, islamarkaana looga guuleystay dagaalkii Sool.

“Madaxweyne Muuse Biixi in xilligiisa dhamaaday oo doorashadii ciriiri ku jirto, asxaabtii mucaaradka aad uga soo horjeedan, in dagaalo dhaceen oo looga guuleystay Somaliland, oo gobolo ka maqan yihiin, in isaga uu raadinayo wax kale oo dadka uu libin ku sheegan karo waa la fahmi karaa.”

Heshiiska Addis Ababa oo Itoobiya loogu saxiixay dhul badeed dhan 20KM, ayaa si weyn looga soo horjeestay maadaama uu yahay mid masiiri ah, oo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, uuna yahay damac soo jireen ahaa oo Itoobiya waligeed ku taameysay inay hesho Bad.

Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay qaraar ay uga hortimid heshiiska Addis Ababa ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed, ayada oo u yeertay safiirkeeda dalka Itoobiya, islamarkaana waxba kama jiraan ku tilmaamtay heshiiskaasi.