27.2 C
Mogadishu
Sunday, June 21, 2026

Xasan Sheekh iyo Erdogan oo arrimo xasaasi ah uga wadahadlay xiriir taleefoon

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogan.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dhigiisa Turkiga mowqifka garab istaagga ah ee shacabka iyo dowladdu Turkigu ay ka muujiyeen faro-gelinta iyo xadgudubka Itoobiya ay ku sameysay madaxbannaanida iyo midnimada Jamhuuiyadda Federaalka Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa tilmaamay muhiimadda ay caalamka u leedahay xasilloonida iyo degenaanshaha Geeska Afrika.

Sidoo kale Erdogan iyo Xasan Sheekh ayaa isku raacay inay xoojiyaan doorka walaalaha Turkigu ay ka qaadanayaan dib u dhiska iyo dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wada xiriiro caalami ah si uu taageero ugu helo khilaaf culus ee Soomaaliya kala dhaxeeya Itoobiya.

Soomaaliya ayaa si weyn uga carootay heshiiskii xadgudubka ahaa ee madaxweynaha Somaliland uu la galay dowladda Itoobiya, waxaana socda dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo xasaasi ah.

Madaxweynayaasha Masar, Turkiga, Qatar iyo madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub ayuu taleefoonka kula xiriiray madaxweyne Xasan Shekh saacadihii lasoo dhaafay, dhamaantood waxay Soomaaliya ku taageereen mowqifka adag oo ay ka istaagtay xadgudubka Itoobiya.

DF oo ku qasban qaadista tallaabadan weyn kadib xad-gudubka Ethiopia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya waxay ku jirtaa dagaal diblumaasiyadeedkii ugu adkaa muddo rubuc qarni ah. Waxay wajaheysa Itoobiya oo ay ka dhaxeyso taariikh qaraar oo soo tixnayd tan iyo qarnigii 15-aad.

Addis Ababa ayaa muddo shan sano ka badan xusul duub ugu jirtay inay qeyb ka hesho biyaha Soomaaliya xoog iyo xeeladba.

Markii ay furi weysay madaxda federaalka ayay Itoobiya warqad ka saxiixatay Somaliland, oo ah maamul kamid ah Soomaaliya, balse aan weli ku qancin nidaamka federaalka.

Tallaabadan ayaa xiisad xooggan ka abuurtay Geeska Afrika. Mareykanka, Midowga Yurub, Ururka Iskaashiga Islaamka, Dowladaha Masar, Qatar iyo kuwa kale ayaa dhamaan garab istaag u muujiyay Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya iyada oo fahamsan inay weli gudaha dalkeeda ku jiraan ciidan Itoobiyaan ah oo kamid ah howl-galka Nabad ilaalinta Midowga Afrika, ayey go’aansatay inay soo hormariso dagaalka diblumaasiyadda.

Laakiin nasiib darro wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ma lahan wasiir rasmi ah waqtigan la joogo. Wasiirkii wasaaradda arrimaha dibadda Abshir Cumar Haruuse ayaa is calisay daba-yaqaadii bishii lasoo dhaafay isagoo isku sharaxay hoggaanka maamulka Puntland.

Sida ay tibaaxayaan xoggo hoose, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si joogto ah uga shaqeeya baadi goobka garab siyaasadeedka caalamiga ah. In waqtigan culus uusan dalkaaga laheyn wasiir arrimo dibadeed oo rasmi ah, waxay keeni karta in dalal badan ku arkaan in uusan dagaalka dhab ka aheyn.

Siyaasadda arrimaha dibadda kama bilaabato madaxweynaha, waana muhiim inuu jiro wasiir arrimo dibadeed oo rasmi ah oo farriinta dalka u dhiibi kara dhamaan safiirada Soomaaliya u jooga caalamka, maalin walbana raadin kara saaxiibo iyo dalal kula saf ah ama noqon kara.

Waxay kale oo Soomaaliya ku jirta xilligii ay baran laheyd saaxiibada ay ku leedahay caalamka iyo cadowgeeda.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo nidaamkiisa ayaa loogu baaqay inay deg deg u keenaan wasiir arrimo dibadeed oo leh aqoonta, waayo-aragnimada iyo faham uu dalka kaga gudbin karo xilligan adag oo siyaasadda arrimaha dibadda aad muhiim u tahay.

Maalmihii tegay waxaa jiray warar sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza ka fikirayaan isku shaandheyn guud oo lagu sameeyo Golaha Wasiirada, maadaama ay ka banaan tahay saddex wasaaradood, sidoo kalena ay jiraan wasiiro kale oo ku fashilmay shaqada oo la rabo in la beddelo.

Laakiin marka la eego marxalada adag ee soo wajahday Soomaaliya, waxaa tallooyinka ugu badan kamid ah in wasiirka arrimaha dibadda deg deg loo soo magacaabo si uu shaqadan muhiimka ah u hoggaamiyo.

Xiriirka K/Cagta oo go’aan culus kasoo saaray ciyaartii Banaadir iyo HirShabelle

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa war ka soo saaray rabshadihii shalay ka dhacay Garoonka Stadium Muqdisho.

Xiriirka ayaa sidoo kale shaaciyay natiijada kulankii shalay kadib markii loo joojiyay rabshado hareeyay garoonka, ayada oo uu dhibcaha kulankaas siiyay xulka dowlad-goboleedka HirShabeelle, taasi oo ganaax looga dhigay taageerayaasha gobolka Banaadir oo xiriirku caddeeyey in ciyaartu ka socon weysay dhankooda.

“Wuxuu go’aansaday guddiga; In Natiijada ciyaarta dhibcaha la siiyay maamul goboleedka HirShabeelle, natiijadaas oo ah 3 dhibic iyo 3 Gool, maadaama taageerayaasha Gobolka Banaadir laga wadi waayay Ciyaarta sida ku qoran warbixinta Garsoorka iyo Xeer-ilaaliyaha,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xiriirka, gaar ahaan Guddiga Dishibiliinka SFF.

Go’aankan ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in cidii aan ku qancin ay u furan tahay Rafcaan sida ku cad Xeerka Tartanka Qod. 11-aad Faqradiisa 2-aad, sida lagu yiri qoraalka Xiriirka kasoo baxay.

“Waxaan rajeynaynaa in aaf nala ilaalin doontaan Xeerka iyo Nidaamka Tartanka.”

Ciyaartii shalay ee Banaadir iyo HirShabelle ayaa waxaa hareeyay rabshado iyo fowdo, ayada oo maanta ammaanka garoonka si weyn loo xakameeyay.

Waxaa garoonka lagu arkayaa maanta ciidamada rabshadaha ka hortaga oo aad loo soo badiyay, xakameynaya taageerayaasha, si looga baaqsado rabshado lamid ah kuwii shalay oo markii dambe baajiyay kulankii Banaadir iyo HirShabelle.

SOMALILAND oo si yaab leh uga hadashay cadaadiska caalamka ee heshiiska

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa si yaab leh markii ugu horeysay uga hadashay cadaadiska caalamiga ee la xiriira heshiiskii uu dhawaan madaxweyne Muuse Biixi uu Addis Ababa kula soo saxeexday ra’iisul wasaare Abiy Ahmed.

Somaliland ayaa hoos u dhigtay baaqyada kasoo baxay dalalka caalamka ee heshiiska BADDA, ayada oo sheegtay in qoraalada kasoo baxay aysan cambaaraynayn heshiiska uu Muuse Biixi kusoo galay Addis Ababa.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali Mareexaan oo la hadlay VOA ayaa sheegay in bayaannada sida is daba jooga ahaa uga soo baxayay dalalka caalamka saacadihii lasoo dhaafay aysan marnaba ka hor imaaneyn heshiiska ay Somaliland uga kireynayso Itoobiya dhul badeed dhan 20KM, xilli uu inta badan caalamka si cad uga horyimid xad-gudub ka dhan ah midnimada iyo madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya.

“Sidan looga hadlayo maaha, badankooda hadalo iska diblomaatika oo qabow ayay u dhignaayeen, qaar waxay dhinacyada ugu baaqayeen in ay isdajiyaan oo xiisada dajiyaan, sidii kii kasoo baxay IGAD iyo Midowga Afrika oo kale,” ayuu yiri Wasiir Cali Mareexaan.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Kan kasoo baxay dowladda Mareykanka waxa aanu u arkaynaba in uu anaga na difaacayo.”

Cali Mareexaan ayaa waxa kale oo uu ka dhawaajiyay in heshiiska Itoobiya uusan aheyn midkii ugu horreeyay ee ay Somaliland la gasho dalal shisheeye, balse ay jiraan kuwo lamid, sida heshiiska Berbera ee DP World.

“Halkii ay aqbali lahaayeen xaqiiqada (dowladda federaalka) waxay ku badalaan cunfi iyo dagaal. Waan idin xukumayna nagama go’i kartaan, heshiis ma gali kartaan oo cid lama macaamili kartaan. Marka adigoo Itoobiya ku hinaasin oo maryaha qubin oo cadhoon adiguba na ictiraaf oo sida Sudan iyo Itoobiya yeeshay aan laba walaalo ah noqono oo is aqoonsano,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka Warfaafinta Somaliland.

Heshiiskan ayaa si weyn looga soo horjeestay maadaama uu yahay mid masiiri ah, oo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, uuna yahay damac soo jireen ahaa oo Itoobiya waligeed ku taameysay inay hesho Bad.

Madaxda sare ee dalka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa intooda badan si isku mid ah uga fal-celiyay arrintaan, ayaga oo meel adag iska taagay in Itoobiya ay dhul badeed ka hesho Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale soo saartay qaraar ay uga hortimid heshiiska Addis Ababa ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed, ayada oo u yeertay safiirkeeda dalka Itoobiya, islamarkaana waxba kama jiraan ku tilmaamtay heshiiskaasi.

Imaaraadka oo sabab yaab leh uga aamusan heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu soo baxay heshiiska is-afgarad ee Addis Ababa ay ku gaareen madaxweyne Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, waxaa iska soo daba baxayay bayaano caalami ah oo la xiriira xiisadda ka dhalatay heshiiskan.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid heshiiskaasi, ayada oo Soomaaliya ay garab istaag ay muujiyeen ururro iyo dalal aan la filayey, halka kuwa kalena ay ka aamuuseen.

Imaaraadka Carabta ayaa kamid ah dalalka weli ka aamusan xiisadda taagan, xilli uu si weyn u daneeyo Soomaaliya, waxaana la is weydiinaya sababta dalkaan saaxiibka la ah Soomaaliya uusan uga hadlin heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ku gaareen Addis Ababa.

Maxay tahay sababta uu Imaaraadka uga aamusan yahay arrinkaan?

Axmed Saki Faarax Iidle oo ka faallooda xiriirka caalamiga ah ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta uu heshiiskan uga aamusan yahay isaga oo eeganaya danahiisa dhaqaale ee Somaliland.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Itoobiya iyo Imaaraadka ay ku wada biireen ururkan BRICS oo ay hogaamiyaan Ruushka, Shiinaha, Hindiya, Koonfur Afrika iyo Brazil, ayna taasi keenayso in uu si weyn uga fiirsado oo uusan ku deg degin ka hadalka xiisaddan.

“Imaaraadku waa dalka kaliya ee maal-geliyey dowladda Somaliland ee u dhisay dekaddan Berbera marka iskaashigooda awgii waxay u muuqataa in ay Imaaraatku u yar dhowyihiin Somaliland iyo Itoobiya,” ayuu yiri Axmed Saki Faarax.

Sidoo kale waxa uu qabaa in haddii uu Imaaraadka ka hadlo xiisadda taagan ee ka dhalatay heshiiskii Addis Ababa “in Itoobiya uu taageero ayaa uga dhow in uu Soomaaliya ku taageero khilaafka ka dhex aloosan labada dhinac, ee ka dhashay xad-gudubka Itoobiya.

Marka laga imaado aamusnaanta Imaaraadka, waxaa Soomaaliya si weyn ugu muujiyay garab istaagay dalal uu kamid yahay Mareykanka oo ah dowladda casrigan ugu quwada weyn adduunka, ayada oo laaday heshiiskii ka dhacay Addis Ababa, islamarkaana xoojisay inay ixtiraamka madax-banaanida Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale ganafka ku dhuftay is-afgaradkii uu Muuse Biixi isku dayay inuu Itoobiya ku siiyo qeyb kamid ah biyaha Soomaaliya, isaga oo og in weli Somaliland ay hoostagto dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, marka laga tago gadoodka ay ku maqan yihiin 30-ka sanno.

Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay taageero caalami ah ugu heli laheyd difaaca dhulkeeda, kadib markii ay maalmo kahor burisay heshiiskii Muuse Biixi uu Addis Ababa kula gaaray Abiy Ahmed.

Itoobiya oo wajaheysa culeys aysan filayn kadib tallaabo culus oo uu caalamka qaaday

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Addis Ababa ma aanay sugeynin inuu Mareykanka istaagi doono halka uu sida deg degta ah uga istaagay damaca ay rabto inay ku qaadato qeyb kamid ah biyaha Soomaaliya.

Heshiiska Addis Ababa ku dhex-maray Muuse Biixi iyo Abiy Ahmed wuxuu tilmaamay in saldhig baddeed oo joogto ah la siinayo Itoobiya, taasi oo ka dhigan in uusan heshiiska aheyn mid sanado kooban ku eeg.

Ma jirto meel ay u noqon doonto Itoobiya haddii ay mar gacanta ku dhigto halka loo xariiqay.

Caalamka ayaa si weyn oo weliba deg deg ah waxaa uga soo jawaabay xiisadda kasoo cusboonaatay Geeska Afrika. Mareykanka oo ah dowladda casrigan ugu quwada weyn adduunka ayaa laaday heshiiskii ka dhacay Addis Ababa, waxayna sheegeen inay ixtiraamayaan madax-banaanida Soomaaliya ee waafaqsan xuduudihii 1960-kii.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale ganafka ku dhuftay is-afgaradkii uu Muuse Biixi isku dayay inuu Itoobiya ku siiyo qeyb kamid ah biyaha Soomaaliya, isaga oo og in weli Somaliland ay hoostagto dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, marka laga tago gadoodka ay ku maqan yihiin 30-ka sanno.

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat waxa uu sheegay inay si dhow ula socdaan xiisadda ka dhalatay heshiiska ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo gobolka Soomaaliyeed ee Somaliland, waa sida uu u qorna warkii kasoo baxay Midowga Afrika.

Moussa Faki ayaa ku baaqay in la muujiyo deganaan iyo is tixgelin ka timaada labada dhinac, si loo yareeyo xiisadda ka dhex taagan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowladda federaalka ah ee Itoobiya.

Waxa uuna intaas ku daray in la ixtiraamo madax-bannaanida, midnimada iyo sharafta dhuleed ee dhamaan dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika oo ay ku jiraan Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dowladda Kenya ayaa si deg deg ah u qaabishay Sii-hayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, iyada oo kala hadashay xiisadda cusub ee gobolka iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Baarlamaanka Carabta wuxuu si buuxda ula saftay Soomaaliya. Dhamaan dalalka, dowladaha iyo ururada illaa hadda soo hadal qaaday xiisadda ka dhex qaraxday Soomaaliya iyo Itoobiya, waxay la safteen Soomaaliya.

Sidoo kale Muqdisho waxay ganafka ku dhufatay oo ay ashkato ka gudbisay qoraal Arbacadii kasoo baxay Xoghayaha Urur-goboleedka IGAD, oo ah nin Itoobiyaan ah, kaasi oo u muuqday inuu lumiyay dhex-dhexaadnimadii ururka, iskuna dayay inuu caawiyo dalkiisa.

Sababta ay adduunyada ula safatay Soomaaliya waa heerka uu le’eg yahay gafka ay ku dhaqaaqday Itoobiya iyo sida indho la’aanta ah ee ay ku dooneyso inay bad ku hesho.

Midowga Afrika wuxuu ugu baaqay Soomaaliya iyo Itoobiya in wada-hadal la furo. Majiro illaa hadda dal, urur ama hay’ad caalami ah oo taageeray heshiiskan aan sharciyada haysan ee dhex-maray Muuse Biixi iyo Abiy Ahmed.

Taas bedelkeeda Itoobiya waxay wajaheysa culeys xooggan oo caalami ah, maadaama ay weysay cid ku taageerta isku deygaan.

Adduunyada hadda aad uguma xiiso qabto xiisad cusub, xilli lala tacaalayo xiisadda Gaza, midda Ukraine, midda Sudan iyo tan Xuutiyiinta Yemen. Waana adag tahay inay dalal waaweyn si indho la’aan ah iskaga taageeraan heshiis ay u jeedaan in uusan haba-yaraatee wax sharciyad ah ku fadhin.

Itoobiya ayaa la sheegay inay aad uga careysan tahay sida deg-degta ah ee ay Soomaaliya ugu adkaatay galaan-galka siyaasadda arrimaha dibadda.

Laakiin dadka ka faalloonaya arrimahan waxay leeyihiin dowladaha waaweyn ee adduunka aad isuguma ceebeeyaan arrimaha ay u jeedaan in aysan heli karin qeynuun caalami ah ama maxkamad taageeri larta, xilli sharci-yaqaanada caalamka la yaabeen sida qar iska tuurnimada ah ee dal weyn sida Itoobiya uu iskugu aamini karo in gobol ka tirsan Soomaaliya uu bad siin karo.

Soomaaliya oo dalab xasaasi ah oo deg degga, kana dhan ah damacii Abiy u dirtay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dalab deg-deg ah oo ka dhan ah heshiiskii Muuse Biixi iyo Abiy Ahmed ku gaareen Addis Ababa u dirtay Ururka Jaamacada Carabta.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay ka dalbatay inay shir deg deg ah isugu yimaadaan Wasiirada Arrimaha Dibadda Jaamacadda Carabta.

Safiirka Soomaaliya ee Masar ahna Wakiilka Joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay Ururka Jaamacadda Carabta u gudbisay codsigaan.

Dalabka Soomaaliya ayaa ku qotoma in la qabto shir deg-deg ah oo ay isugu imaanayaan Golaha Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Carabta.

Ujeedka ayay ku sheegtay “si ay uga wada-hadlaan cawaaqibka ka dhalan kara in si sharci-darro ah loo dhammeeyo heshiiska is-afgaradka ah ee ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo maamul goboleedka Somaliland.”

Ururka Jaamacadda ayaa looga baahan yahay in arrintaan laga qaato mowqif midaysan oo Carbeed lagana jawaabo xad-gudubka cad ee ay Itoobiya ku hayso madax-banaanida iyo wada-jirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Horey Baarlamaanka Jamaacadda Carabta ayaa bayaan culus ka soo saaray xad-gudubka Itoobiya ayaa lagu diiday damaca ra’iisul wasaare Abiy Axmed ee ku aadan badda Soomaaliya, kaasi oo dhalisay xiisad xoogan.

Baarlamaanka ayaa ku baaqay in la ilaaliyo wada-jirka iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyada oo sidoo kale la ixtiraamayo daris wanaagga.

“Dowladda Itoobiya waa inay dhowrto shuruucda caalamiga ah, kuna dhaqanto wada nooshaha daris wanaagga,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Baarlamaanka Jaamacadda Carabta.

Sidoo kale, Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa bayaan uu soo saaray ku caddeeyay sida ay u diidan yihiin is-afgaradkii dhex-maray maamulka  Somaliland yo Itoobiya, kaasi oo ay ka carootay dowladda federaalka Soomaaliya.

“Waxaa naga go’an ixtiraamka madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dowladaha xubinta ka ah OIC  si waafaqsan Axdiga Ururka Iskaashiga Islaamka iyo sharciga caalamiga ah, kadib heshiiska is fahamka ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya iyo Somaliland, waana in la ilaaliyo  lana ixtiraamo madax-bannaanideeda iyo wadajirkeeda dhuleed, si loo helo amniga, nabadda, iyo xasilloonida gobolka ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hadda u muuqata mid taageero caalami ah u raadsaneysa difaaca dhulkeeda, kadib markii ay maalmo kahor burisay heshiiskii Muuse Biixi uu Addis Ababa kula gaaray Abiy Ahmed.

Dowladda UK oo war culus kasoo saartay heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa walaac xooggan ka muujisay xiisadda Geeska Afrika ee ka dhalatay heshiiskii qar iska tuurka ahaa ee ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu la saxiixday madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Heshiiskaas is-afgaradka ayaa Muuse Biixi uu sheegay inuu dhul-badeed 20 km ah kaga kireynayo Itoobiya, taas beddelkeedna Itoobiya ay si rasmi ah u aqoonsaneyso Somaliland.

Si kastaba, Itoobiya weli dhankeeda kama xaqiijin inay ogolaatay inay aqoonsato Somaliland, balse waxay sheegtay inay dersi doonto sidii ay mowqif uga qaadan laheyd arrintaas.

“UK waxa ay ka walaacsan tahay xiisadaha kasii daraya ee Geeska Afrika. Waxaan dib u xaqiijineynaa ixtiraamka buuxa ee aan u heyno madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay safaaradda UK ee Muqdisho.

Safaaradda ayaa ku baaqday is-xakameyn iyo si nabad leh loo xalliyo arrintan.

Dalka UK ayaa ayaa noqnaya dalkii ugu dambeeyey ee taageera madax-banaanida Soomaaliya. Waxaa horey Soomaaliya u taageeray Midowga Yurub, Ururka Iskaashiga Islaamka, Jaamacadda Carabta, Turkey iyo Mareykanka.

Sidoo kale, Dawladda Soomaaliya ayaa is-afgaradka ku tilmaantay mid xadgudub ku ah qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxaana Soomaaliya ay u yeeratay safiirkeedii Itoobiya.

Itoobiya iyo Somaliland ayaa dhankooda difaacay kuna adkeystay heshiiska is-afgaradka.

La-taliyaha amniga qaranka ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Redwan Xuseen ayaa ku sheegay bartiisa X in in is-afgaradku yahay “tallaabo loo qaaday jihada saxda ah.”

Waxa uu sheegay in dawladda federaalka Itoobiya is-afgaradka ay la gaartay Somaliland uu u gogolxaarayo inay Itoobiya hesho saldhig milatari oo ay ka kiraysato Somaliland.

Sidoo kale, Wasiirka Arirmaha Dibedda ee Somaliland Dr Ciise Kayd Maxamuud ayaa sheegay in is-afaragadku uu dhigayo in Somaliland ay aqoosni ka hesho Itoobiya. Wasiirka ayaa ku eedeeyey dowladda Soomaaliya inay kasoo horjeedo horumarka Somaliland.

Daawo: Jawaari oo shaaciyey damac yaab leh oo ku jira dalal ay ugu horreyso Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo shir jaraa’id qabtay ayaa si faahfaahsan uga hadlay khayraadka ku jira dhulka Soomaaliyeed iyo damaca uga jira dowlado badan oo Itoobiya ay ugu horeyso.

Ugu horeyn guddoomiye Jawaari ayaa sheegay inay sharci darro weyn tahay in maamul goboleed ka tirsan Jamhuuriyadda Soomaaliya uu heshiis la galo dowlad shisheeye, isagoo cadeeyey in cid aan heyn dowladda federaalka aysan geli karin heshiis caalami ah.

“Maamullada gobolada waan idinla soconaa, waxaan idin kaga digeynaa inaad u kala dhuumataan dowladaha caalamka oo aad heshiis la gashaan, dhulkaan waa dihan yahay, yaan lagu xad-gudbin,” ayuu yiri Prof. Jawaari.

Sidoo kale guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in dowlado ay ugu horeyso Itoobiya aysan u socon badda oo kaliya balse damacu uu badan yahay.

“Dhulkaan waxaa ceegaaga macaadin iyo shidaal, badda kaliya looma socdo, sidaas daraadeed waxaan u baahanahay digtooni badan,” ayuu yiri Jawaari.

Prof. Jawaari ayaa Soomaalida xusuusiyey dhibaatadii uu marsiiyey murankii badda ee Kenya ay uga guuleysatay Soomaaliya, sidaas darteed ay muhiim tahay in laga digtoonaado heshiisyadaan keenaya muranka iyo is qabqabsiga.

Wuxuu sheegay in Muuse Biixi uu horay u galay qalad noocaan ah, markii uu dekedda Berbera ku wareejiyey shirkadda DPWord ee Imaaraadka laga leeyahay, isagoo sharaxay doorkii baarlamaankii uu guddoomiyaha ka ahaa oo isku dayey inuu hor istaago heshiiskaas.

“Mooshin ka dhan ah heshiiskii uu xiligaas Muuse Biixi ku bixiyey dekedda Berbera ayaa waxaa soo diyaariyey xildhibaano badan, waxay u soo gudbiyey guddoonka golaha shacabka, waxaana ka qaadanay qarar adag, in kastoo uusan saxiixin madaxweynihii xafiiska joogay Farmaajo,” ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

Hoos ka daawo Jawaari

Maxaad ka ogtahay badda cusub ee ka dilaaci karta Afrika?

Addis Ababa (Caasimada Online) – Bad cusub ayaa ka soo baxaysa Afrika sida lagu sheegay daraasada cusub.

Waxaa loo malaynayay in ay tahay natiijada geeddi socod qaadan doona inta u dhaxaysa 5 ilaa 10 milyan oo sano, laakiin natiijooyin cilmiyeed cusub ayaa tilmaamaya in tani ay dhici karto si ka dhakhso badan sidii la filayay.

Cynthia Ebinger oo ah Cilmi baare ka tirsan jaamacadda Tulane ee dalka Maraykanka sidoo kalena ah bare oo maaddada jiyoolajiga dhigaysay ilaa 1980-meeyadii ayaa tiri “waqtiga badda cusub la arkayo oo markii loo maleeynayay in muddo dheer ay qaadan doonin hadda waxaa la filaya in 1 milyan oo sano ama ka yar lagu arki doono”.

Sida laga soo xigtay shabakadda Google, Ebinger waxaa ay qortay maqaallo ka badan 16,000 kuwaasoo lagu daabacay joornaallada sayniska waana khabiiradda tixraaca iyo gundhigga u ah maaddada jiyoolajiga iyo deegaanka adduunka.

Sanadkii 2023, waxaa la daabcaday 17 qoraal, kuwaas oo intooda badan ku saabsan kanaalka cusub ee badda ah ee ka dillaaci doona gobolka Canfarta, ee ku yaal xudduudaha saddex oo ah mid aan ka fogayn Soomaaliya.

Xeel dheeryaasha cilmiga juquraafiga ayaa sheegay in badda cusub ay si gaar ah loogu arki doono dalalka Bariga Afrika, waxaana laga sameeyay cilmi baaris kala duwan.

Daraasadda la sameeyay ayaa waxa lagu lafo-guray falkii magma-ga oo ahaa dhul-beereedka Itoobiya ku yaal halkaas oo ah meel ay folkaano ka dhacaday taas oo socotay muddo 45 milyan oo sannadood ah.

Waxa kale oo ay tilmaamtay cilmi barista in “magma-ga ay tahay halka ugu badan ee badda cusub kasoo bixi doonto.”

Ballaarinta Badda Cas iyo labo qaaradood

Badda cusub ayaa markay dillaacdo waxaa qaaradda Africa ay noqon doontaa laba qaaradood, kuwaas oo kala ah, Qabcad Nuubiyaan (Nubian plate) iyo Qabcad Soomaali (Somali plate). Kadib waxa kala qaybin doona bad yaroo cusub oo dhexdooda ka samaysmi doonta.

Badda cas ayay khuburradu tilmaameen in ay halka ay tahay hadda ay ka durkayso ayada oo sanad kasta guurta 2.5 sentimitir, halka dhulka Soomaalida iyo dalalka dariska ah ay dhulkooda sidoo kale guuraan nus sentimitir waan sababta keentay laga cabsi qabo in qaaradda u kala qaybi sami doonto laba qaybood.

Biyo aad u badan oo milix ah aya ka imaan doona Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed kuwaas oo Badda Cusub noqon doona sida lagu sheegay daraasadda.

Dhulgariirkii ka dhacay dalka Itoobiya sanadkii 2005-tii ayaa lagu sheegay cilmi baarista in lagu arkay caddeymo badan oo arrinta xoojinaya.

Gobolka Canafarta ee dalka Itoobiya ayaa la sheegay in xilligas uu ka dillaacay dhul dhan 60 kiiloomitir oo ka mid ah meelaha lagu laga cabsi qabo.

Daraasad la daabacay 2009-kii, oo uu hoggaaminayey Atalay Ayele, oo ka tirsan Jaamacadda Addis Ababa, Itoobiya qaba argti ah in kala go’a qaaradda uu yahay mid dhaw.

Waxaa laga yaabaa in tani ay dhacdo si ka dhaqso badan intii la filayay

Bishii hore, Ayele iyo Ebinger waxay ka mid ahaayeen koox sagaal saynisyahano ah oo daabacay daraasad lagu daabacay joornaalka Tectonophysics oo soo bandhigay qaabka 3D ee ficilada juqraafiga ee ka dhacaya gobolka.

Natiijooyinka waxa ka mid ah, in ay ogaadeen qolof cusub oo ka kacay dhulka iyo lakabka hoose ee dhulka gobolka Canafrta oo jilicsan.

“Dhacdooyinka daran waxay soo dedejin karaan habka furitaanka dildilaaca iyo helista marinka biyaha cusbada,” ayay tiri saynisyahannad Cynthia Ebinger, oo wareysi siisay BBC-da.

Waxay hadda ku qiyaastay in ay qaadan doonto wax ka yar hal milyan oo sano soo ifbaxa badweynta cusub ee ka soo baxi doonta biyaha Badda Cas.

“Dhibaatada ayaa ah in sayniska hadda jira uusan si sax ah u saadaalin karin dhacdooyinka sida qaraxyada foolkaanaha iyo dhulgariirrada.” Ayay hadlkeda sii raacisay

Cilmi-baaris lagu sameeyay khaladka weyn ee ka dhashay saxaraha Itoobiya ayaa ujeeddadeedu tahay, ka sokow ka jawaabista su’aalaha ku saabsan dhacdooyinka la filayo inay dhacaan boqollaal kun oo sano kadib , in la abuuro hanaan awood u leh inay si sax ah u saadaaliyaan masiibooyinka deegaanka mustaqbalka.

Isha: BBC

Soomaaliya: Haddii lugaha igu dhaganeyn Al-Shabaab, Amxaaro ima soo haweysateen

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaan muddo dheerba la yaabanaa muraadka aad leedihiin hadaad tihiin Al Shabaab, balse maanta ayaan xaqiiqda ogaaday.

Shisheeye iyo gaalo ayaad u shaqeysaan, waxaadna u qaabilsan tihiin ineysan dowladda Soomaaliya cagaheeda ku istaagin oo eysan noqon dowlad karti iyo awood u leh iney ilaaliso/difaacdo xuduudaheeda cirka, badda iyo dhulka.

Weynaan idin fahmine markaad tiraahdeen waxaan nahay garab ka tirsan Al Qacida oo aan ognahay inuu Mareykan sameeyay sababta loo abuurayna ay aheyd iney la dagaalaan Ruushka, wexey aheyd inaan fahamno in adinkana la idiin sameeyay inaad ka ilaalisaan iney Soomaaliya yeelato ciidan karti badan oo la awood ah kii ay hore u laheyd ee burburay.

Waxaad sababteeda leedihiin kalluunka la guranaayo, maantana waxaad na soo gaarsiiseen in qeyb ka mid ah dhulkeena iyo baddeena la qaato.

Sida muuqatana ujeedka la idiin dhisay iyo waajibaadka la idin siiyay ayaa ah inaad dhibaatada ku sii heysaan Soomaaliya ilaa inta ay toos u burbureyso oo kala noqoneyso gobollo uu mid walba sheeganayo inuu yahay dowlad madax bannaan, kuwa deriskana ay qabsanayaan qeybo badan oo ka mid ah dhulka iyo badda Soomaaliya.

Ma maantay Xabashi ku dhici laheyd iney u dabaaldegto in haddiyad looga dhigay dhul iyo bad ay Somaliya leedahay hadeysan Al Shabab lugaha igu dhaganeyn?

Geed baa yiri masaarey ima goyseen hadduusan gumacey kugu jirin. Amxaaroy dhulkeyga iyo baddeyda maadan soo haweysateen haddeysan Al Shabab lugaha igu dhaganeyn.

Weydaan karin inaad qirtaan ee waad og tihiin in aanan kalmad been ah idinka sheegin. Gaalaad lugaha noo qabateen ee Ilah baan idiinka baryee dabar go’a oo dhulka ha idin diido.

W/Q: Cali Cabdullaahi Cosoble
Madaxweynihii hore ee HirShabeelle

Intee la’eg tahay awoodda ciidanka badda Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka, Sarreeye Gaas ibraahim Sheekh Muxyadiin oo Arbacadii kormeer ku tegay taliska ciidanka badda Soomaaliya, ayaa sheegay in ciidanka baddu ay yihiin “kuw ku filan difaaca biyaha Soomaaliyeed.”

Waxaa uu shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay leedahay awood ay kaga hortagi karto cid kasta oo kusoo xadgudubta madax banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, ayna sameyn doonan wax kasta oo dadaal ah.

“Waxaa la’idinka rabaa inaad u diyaar garowdaan, cadowga guduhu waxba nagu qaadan maayo, cadow dibadeedna sidoo kale waxba nagu qaadan maayo,” ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.

Taliyaha ayaa sidoo kale amray in ciidamada badda Soomaaliyeed ay si deg-deg ah u howlgalaan, ayna gutaan waajibaadka ka saaran ilaalinta badda Soomaaliyeed.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ciidamo cusub oo badeed usoo tababartay dowladda Eritrea, kuwaas oo sanadkii hore ee 2023 lagu soo celiyay gudaha dalka.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka, Sarreeye Gaas ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladda Soomaaliya ay ka faa’iideysan doonto dhalinyarada cusub ee ku biirtay ciidamada badda, si loo badiyo tiradooda.

Hadabba intee ayay la’eg tahay awoodda Ciidanka Badda Soomaaliya?

Tirada ciidanka badda ee Soomaaliya waa mid kooban, iyada oo booqashadii uu ku tagay taliyaha ciidanka xoogga dalka Sarreeye Gaas ibraahim Sheekh Muxyadiin taliska ciidanka badda kadib, ay warbaahinta dowladdu soo bandhigtay askar ku labisan direyska ciidamada badda ee Soomaaliya,

Sida ay shaacisay shabakadda qiimeynta awoodaha milatari ee dalalka caalamka, Global FirePower, Soomaaliya ma laha Maraakiibta diyaaradaha qaada, kuwa wax burburiya, kuwa biyaha hoostooda mukhuurta, kuwa ilaaliya maraakiibta kale iyo waliba maraakiibta miinooyinka badaha.

Kornayl Macow oo ka faallooda arimaha amaanka iyo ciidamada ayaa sheegay in ciidanka badda Soomaaliya ay jjiraan balse awodda ay leeyihiin ay tahay mid kooban .

Waxaa uu tilmaamay in sanadihii danbe ciidanka badda Soomaaliya dib u dhisa fiican lagu sameeyay wallow aysan awooddin in si buuxada ay u ilaaliyaan dhamaan biyaha Soomaaliya .

“Ciidanka badda Soomaaliya waxaa ay haystaan doomaha dheereeya oo dhowr iyo toban ah, waxaa ay difaaci karaan ilaa 12 mayla oo biyaha Soomaaliya oo keliya, laakin ma awooddan in badda oo dhan ay ilaaliyaan “ ayuu yiri Kornayl Macow oo BBC -da u warramay.

“Ciidankii Soomaaliya ee badda ee lahaa ingineeriga,makaaniga lahaa,oo kuwa quusa lahaa hadda ma jiraan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay .

Inkasta oo sanadihii danbe xeebaha iyo biyaha Soomaaliya ay ilaalinayeen Ciidamada badda caalamiga ah ee la dagaalamaan kooxaha burcad badeedka; Axmed kaboole oo ka falanqeeya arrimaha amniga ayaa qaba in ciidanka badda Soomaaliya uu hadda dib u dhis ku socado balse aysan lahyeen awood badan.

“Waxaan ognahay in Soomaaliya aysan hadda ka jirin ciidan baddeeda oo ka difaac maraakiibta shisheeye ama dal kale oo ku soo xadgudbay,” ayuu yiri Axmed Kaboole.

Xogta howlgal culus oo Al-Shabaab looga dilay horjooge

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in la dilay Horjoogihii kooxda Al-Shabaab u qaabilsana Baadda.

Ciidanka difaaca Shacabka (Macawisley) oo howl-gal culus ka sameeyay deegaanka Galdhabo oo hoostaga magaalada Xarardheere, ayaa halkaasi ku dilay Horjoogihii Baadda u qaabilsanaa Al-Shabaab Xarardheere iyo deegaanada hoostaga.

Horjoogahan ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Bashiir Ciidle Barre, waxaana lagu dilay howl-galkaasi, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen saraakiisha ciidanka.

Bashiir ayaa la dilay habeen hore salaaddii Maqrib kadib waxaana la xaqiijiyey in dhawaan uu dad shacab ah ku laayay deegaanka Howdley oo hoostaga Xarardheere, ayada oo ugu dambeyntii uu ku baxay gacmaha shacabka hubeysan.

Maalmo kahor ayay aheyd markii howl-gal dhanka cirka ah oo ka dhacay deegaanka Nuun-Garre oo hoostaga degmada Awdheegle lagu dilay laba horjooge oo muddooyinkii dambe si aad ah loogu raadjoogay.

Labada horjooge ee lagu dilay howl-galkan ayaa kala ahaa; Cumaraani Maxamed Malaaq oo ahaa horjoogihii deegaanka Bariire iyo horjoogihii baadda iyo boobka dadka beeralayda ah u qaabilsanaa Khawaarijta kaasi oo lagu magacaabi jiray Saabir.

Si kastaba, Dagaalka Al-Shabaab ayaa markale dardar cusub ku socda, xilli uu heer geba-gebo ah marayo wejiga hore ee dagaalka, uuna dhawaan bilaaban doona wejiga labaad ee dagaalka oo ka xoog badnaan doona ka hore.

Kacdoon dadweyne oo ka dhan ah damaca Itoobiya oo caawa ka socda Xeebta Liido

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa habeenkii labaad ka socda isku soo bax-dadweyne oo looga soo horjeedo damaca Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya.

Kumanaan dadweynaha caasimadda ku nool ah ayaa caawa isugu tegay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo ku dhawaaqaya erayo ka dhan ah xadgudubka Itoobiya.

Sidoo kale fanaaniin qaadeysa heesto wadani iyo guubaabo bulsho ah ayaa caawa ka qeyb gelaya banaanbaxa ka socda xeebta Liido.

Kumanaan shacab, shaqaalaha dowladda, ciidamo iyo masuuliyiin ah ayaa isugu tegay xeebta Liido, si ay dareenkooda u muujiyaan, ugana dhiidhiyaan damaca Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya.

Sidaan oo kale ayey xalay dadka reer Muqdisho isugu soo baxeen isgoysyada KM4, Taleex ilaa Shaqaalaha iyo Dabka, halkaas waxaa ka dhacay banaanbaxyo dadweyne iyo bandhig faneed lagu guubaabinayey bulshadii isku timid xalay.

Farxiyo Kabayare iyo fanaaniin kale ayaa xalay halkaas ka sameeyey bandhig faneed, iyagoo qaadayey heeso wadani ah, waxaana xalay si nabad ah ku soo dhamaaday dibadbaxyadii dadweyne ee ka dhacay Muqdisho.

Sidoo kale dibadbaxyada lagu soo bandhigayo dareenka dad weynaha Soomaaliyeed ayaa ilaa xalay, maanta iyo caawa ka socda magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in wax amni darro ah aysan dhicin intii ay socdeen dibadbaxyadaan.

Dadka Soomaaliiyeed ayaa si weyn uga carooday go’aankii uu Muuse Biixi badda Soomaaliya ugu saxiixay dowladda Itoobiya, kacdoonka dadka Soomaaliyeed waxaa sii dheer taageero baaxad leh oo caalamku uu u muujiyey Soomaaliya, iyadoo dunidu ay Itoobiya uga digtay damaceeda ay ku raadineyso badda Soomaaliya.

Sawirro: Xasan oo arrimo xasaasi ah kala hadlay amiirka Qatar iyo Midowga Yurub

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa khadka telefoonka kula hadlay Amiirka dalka Qatar, Amiir Tamiim Binu Xamad, waxayna ka wada hadleen xaaladda gobolka iyo arrimaha hortabinta u leh labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar.

“Labada hoggaamiye ayaa dul-istaagay xiriirka labo geesoodka ah iyo fursadaha lagu sii horumarin karo, si loo xoojiyo iskaashiga dhow ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar,” ayaa lagu yiri qoraal ay Villa Somalia ka soo saartay wadahadalkaas.

Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa caawa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweyne Kuxigeenka Midoowga Yurub, ahna Madaxa Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga, Mudane Josep Borrell ayaa uga mahadceliyey mowqifka adag ee Midoowga Yurub ay ku garab istaageen midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in Ururrada heer gobol iyo heer qaaradeed ay ku adkeynayaan xasilloonida iyo degenaanshaha Geeska Afrika oo udub-dhexaad u ah nabadda Caalamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wada xiriiro caalami ah tan iyo markii uu dhacay heshiiskii ay Somaliland qeyb badda ah ugu saxiixday Itoobiya.

Siyaasadda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa halmar u qaraxday sidii folkaanadii, waxayna Soomaaliya dunida ka heshay garab istaag deg deg ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa u yeeratay danjirihii ka joogay Addis Ababa, balse dowladda Soomaaliya ma aysan ceyrin safiirkii Itoobiya u joogay Muqdisho, taas oo dad u badan siyaasiyiin waaweyn ay dowladda ku dhaliileen.

Dowladaha iyo ururrada ugu waaweyn caalamka ayaa garab istaagay qadiyadda Soomaaliya, iyagoo Itoobiya uga digay damaca ay ku raadineyso badda Soomaaliya.

Turkiga oo war culus kasoo saaray heshiiska is-afgarad ee Somaliland iyo Itoobiya

Ankara (Caasimada Online)  – Dowladda Turkiga ayaa ku biirtay dalalka iyo ururada caalamiga ah ee taageerada xooggan u muujiyey madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, kadib heshiiskii ay Itoobiya la gashay Somaliland, ee sida weyn uga careysiiyey shacabka Soomaaliya.

Heshiiskaas Is-afgarad ayey Somaliland ku sheegtay inay marin-badeed 20 km ah kaga kiraynayso Itoobiya muddo 50 sano ah, halka Itoobiya ay Somailand u fidinayso aqoonsi.

Si kastaba, Itoobiya weli dhankeeda kama xaqiijin inay ogolaatay inay aqoonsato Somaliland, balse waxay sheegtay inay dersi doonto sidii ay mowqif uga qaadan laheyd arrintaas.

“Waxaan si walaac leh u xuseynaa Heshiiskii Is-afgaradka ee Iskaashiga iyo wada-shaqeynta, kaasi oo ay Itoobiya iyo Somaliland ku kala saxiixdeen Addis Ababa 1-dii Janaayo, 2024, iyada oo aanay ka warqabin, islamarkaana ogoleyn dawladda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Waxaan mar kale xaqiijineynaa sida ay nooga go’an tahay midnimada, madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxaan adkeyneynaa in mowqifkan uu sidoo kale yahay rabitaanka xeerka caalamiga ah.”

Ankara ayaa sheegtay inay rejeyneyso in muranka u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland lagu dhammeeyo wadahadal toos ah, oo ay yeeshaan Soomaalida, ayna taasi tahay hindisaha ay jihadiisa taageerayaan.

Turkiga ayaa noqnaya dalkii ugu dambeeyey ee saaxadda siyaasadda caalamka saameynta xooggan ku leh ee diida heshiiskaas. Waxaa horey heshiiska uga horyimid Midowga Yurub, Ururka Iskaashiga Islaamka, Jaamacadda Carabta iyo Mareykanka.

Sidoo kale, Dawladda Soomaaliya ayaa is-afgaradka ku tilmaantay mid xadgudub ku ah qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxaana Soomaaliya ay u yeeratay safiirkeedii Itoobiya.

Dalalka Islaamka oo mowqif adag ka qaatay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya

0

Riyaad (Caasimada Online) – Bayaan culus oo kasoo baxay Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC, isla markaana ay qayb ka tahay Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay heshiiskii muranka dhaliyay ee ay kowdii bishan Addis Abaab ku gaareen Somaliland iyo Itoobiya.

Ururka OIC oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ku caddeeyay sida ay u diidan yihiin is af-garadkii dhex maray maamulka  Somaliland yo Itoobiya, kaas oo ay ka carootay Somalia.

Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) Mudane Xuseen Ibraahim Daaha ayaa shaaca ka qaaday in si cad ay uga soo horjeedaan xadgudubka dowladda Itoobiya ee  ka dhanka ah madax-bannaanida dhuleed Soomaaliya.

“Waxaa naga go’an ixtiraamka madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dowladaha xubinta ka ah OIC  si waafaqsan Axdiga Ururka Iskaashiga Islaamka iyo sharciga caalamiga ah,ka dib Heshiiska Isfahamka ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya iyo Somaliland,waana in la ilaaliyo  lana ixtiraamo madax-bannaanideeda iyo wadajirkeeda dhuleed,si loo helo amniga, nabadda, iyo xasilloonida gobolka ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

Tani ayaa noqoneyso tallaabo kale oo guul diblomaasiyadeed ah oo ay gaartay dowladda Soomaaliya oo haatan ay is hayaan Itoobiya, kadib damacii Abiy Axmed ee baddeenna.

Soomaaliya ayaa guullo waa weyn kasoo hoyneyso  fagaarayaasha caalamka sida dalalka saaxibada la ah iyo ururada calaamiga ah ee ay xubinta ka tahay, kadib heshiiska badda ee Isniintii lagu gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimada waddanka Itoobiya.

Horay waxaa sidaan oo kale uga hadlay arrintan xasaasiga ah, Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika, IGAD, Mareykanka iyo waddamo kale oo waa weyn.

Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya oo arrintan ka duulaya ayaa xiriir toos ah la sameeyay Amiirka dalka Qatar iyo madaxweynaha Masar oo uu kala hadlay arrimo soo kordhay, gaar ahaan inay kasoo horjeestaan heshiiska badda ee Somaliland iyo Itoobiya.

Dhammaan tallaabooyinkan waxa ay xoojinayaan go’aanada dowladda Soomaaliya uga soo horjeesatay xadgudubka Itoobiya ku sameysay madax bannaanida Soomaaliya.

Si kastaba, xiisadda soo cusboonaatay ee Soomalaiya iyo Itoobiya ayaa kasii dareysa, waxaana sidoo kale isaga soo taraya walaaca ay muujiyaan dalalka gobolka iyo caalamka.

Response options for the Somali Government to the Ethiopia-Somaliland MoU

On January 1, 2024, Ethiopia’s Prime Minister, Abiy Ahmed, and Somaliland’s President, Muse Bihi, have signed a Memorandum of Understanding (MoU), granting Ethiopia naval and commercial access to coastal areas along the Gulf of Aden. In exchange, Ethiopia will formally recognize Somaliland, which previously declared an unrecognized secession from Somalia. While the MoU is not legally binding, it sets the stage for a potential formal treaty, with further details expected in a follow-up meeting.

Reacting to the MoU, the Somali government, led by President Hassan Sheikh Mohamoud, convened an emergency cabinet meeting and a joint parliamentary session to strongly oppose the agreement. This stance is echoed by prominent Somali politicians and analysts, who express concerns about the agreement’s implications for Somalia’s sovereignty and regional stability.

Ethiopia’s history in Somalia, especially post-state collapse, suggests a strategic use of Somalia’s instability and challenges, like those posed by Al-Shabaab, to advance its own interests. This perspective also seems to inform Ethiopia’s current contemplation of annexing Somali territory.

However, Ethiopia’s 2006 military intervention in Somalia under Prime Minister Meles Zenawi, which resulted in a challenging and complex conflict leading to their withdrawal, serves as a reminder that military strength alone does not ensure success or influence, particularly in regions with deep political and social complexities.

In response to the present aggression, Somalia has several options, including bolstering national unity, strengthening internal governance, and enhancing diplomatic relations with regional and international allies. By forming a united front and leveraging diplomatic channels, Somalia can more effectively counter external misjudgements or aggressions.

Internal Governance and Security

Somalia can prioritize strengthening its military capabilities, central to which is developing a cohesive governance model that incorporates clan militias like SSC and Macawisley into the official government security forces. This strategy involves professionalizing these militias, fostering a sense of national duty, and ensuring their adherence to laws. Such a transformation is critical for a stronger defence against external threats like annexation.

Negotiating with Al-Shabaab, despite its risks, is another crucial step against foreign threats. It entails engaging with the group as a political entity to mitigate internal conflict and violence. This could solidify the country’s defence against external threats, although it requires careful navigation due to Al-Shabaab’s designation as a terrorist organization by various countries and international organisations.

Another tactic in Somalia’s strategic response to potential annexation is to support or establish resistance movements in Somaliland. This involves providing these groups with logistical, military, and political assistance. By backing these movements, Somalia can create a more formidable front against annexation efforts, leveraging both local and potentially international support to bolster its position and safeguard its sovereignty.

Lastly, Somalia could expel the Ethiopian contingent from the African Union Mission in Somalia (ATMIS). This would signify a profound shift in regional military relationships and operations. It would also indicate a possible reassessment of Somalia’s approach to external military involvement, reflecting a desire to redefine its defence strategies and control.

Regional diplomacy and coalitions

On the diplomatic front, Somalia’s strategy could involve building and strengthening alliances with other countries in the region and international players who are equally threatened by the reckless actions of the Ethiopian government. Eritrea’s historical relationship with Ethiopia positions it as a crucial ally in the region. Eritrea’s strategic importance and its contentious past with Ethiopia could make it a key player in counterbalancing Ethiopian influence in the Horn of Africa.

Restoring diplomatic relations with Iran could significantly alter the geopolitical, presenting Somalia with a powerful ally. Iran’s involvement in regional affairs has the potential to shift the balance of power, potentially offering Somalia a strategic partnership to counter Ethiopian influence. This diplomatic move could enhance Somalia’s position in regional politics, providing a counterweight to Ethiopia’s actions and alliances in the Horn of Africa.

A key aspect of Somalia’s diplomatic strategy should be the revaluation of relationships with countries whose interests may align with Ethiopia’s, such as the United Arab Emirates (UAE). Adjusting ties with the UAE is crucial, considering its close economic cooperation with Ethiopia. This recalibration aims to mitigate any negative impacts and potential threats that might arise from this relationship, ensuring Somalia’s interests are protected and its diplomatic position is strengthened in the face of Ethiopian influence in the region.

A more controversial, yet potentially impactful, strategy would be a retaliatory recognition and encouragement of secessionist movements within Ethiopia, such as those in the Tigray or Oromia. This approach could internally destabilize Ethiopia, diverting its focus and resources away from external annexation efforts. While this could weaken Ethiopia’s ability to meddle in our affairs, it also carries significant risks, including escalating regional conflicts and attracting international criticism.

Finally, aligning with Ethiopia’s regional rivals, particularly Egypt, could provide strategic leverage. Egypt’s historical disputes with Ethiopia, especially over the Nile River, could align with the interests of resisting Ethiopian expansion. Collaboration with Egypt might extend to various domains, including diplomatic support, intelligence sharing, or even the provision of military basis.

Legal Actions and International Alliances

Somalia could leverage international legal frameworks to contest any annexation efforts. This might involve bringing the issue to international bodies like the United Nations or the African Union to seek a peaceful and lawful resolution. Engaging in dialogue and negotiations to find a mutually beneficial solution while maintaining sovereignty could be another diplomatic approach.

Seeking a powerful international ally, “godfather”, is also a significant strategic move. This approach involves forging an alliance with a globally influential country that can provide both diplomatic backing and military support. The ideal ally would be a state with considerable clout on the international stage, capable of effectively deterring Ethiopian annexation efforts. In return for this support, the ally should receive a significantly advantageous access to Somalia’s vast natural resources.

Implementing legal measures against renegade factions like the secessionists within the country is another critical response. This strategy would involve prosecuting individuals or groups that support the annexation or otherwise undermine the government’s position. Actions could include filing treason charges and issuing international arrest warrants. Such measures would demonstrate a strong commitment to national sovereignty and might deter similar actions by other groups.

Each of these strategies entails a complex interplay of diplomatic, economic, and military considerations. They necessitate careful evaluation of long-term regional implications, potential international responses, and the overarching objective of maintaining our territorial integrity.

Abdifatah Ismael Tahir is a researcher with a keen interest in urban politics, governance, and geopolitical issues in the Horn of Africa region. He holds a PhD in geography, specializing in urban governance, from the University of Sussex in the United Kingdom.

BIIXI oo fasiraad cusub ka bixiyay heshiiska Itoobiya

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo haatan dib ugu laabtay magaalada Hargeysa ayaa faahfaahin dheeraad ah iyo fasiraad ka bixiyay heshiiska muranka dhaliyay ee uu lasoo lagay ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya.

Muuse Biixi Cabdi ayaa shaaca ka qaaday in aan la iibin badda, laakiin ay Itoobiya ka kariyeen saldhig milatari, sida uu ku sheegay shirkiisa jaraa’id.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in heshiiskan uu yahay mid sharci ah oo lagu jaan gooyay dastuurka iyo shuruucda Somaliland.

“Waxa la yidhi oo aad maqasheen, Somaliland bad ayaa la iibiyay sawmaaha? Saylac ayaa xabashida laga iibiyay saw lama odhan?, dhulka Somaliland lama iibin karo, madaxweynana ma iibin karo, warkaasi waa ka cadawga ee kuwa sidaa lihi hadii loo dhiibo iyaga iibin lahaa” ayuu yidhi madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Isaga oo sii wata hadalkiisa ayaa waxa uu soo hadal qaaday arrinta aqoonsiga ee ay dadaalka ku bixinayeen 33 sano ee lasoo dhaafay iyo inay Itoobiya ay noqoneyso dalka koowaad ee aqoonsada Somaliland.

“Itoobiya waxay daydayaysay meel ay dajiso ciidamadeeda bada, Somaliland 33 sanno waxay u dadaalaysay in ay hesho dowlada kowaad ee aqoonsata, Itoobiya ayaa maanta kamid ah” ayuu mar kale yidhi muuse Biixi.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in uu heshiiskani u furayo in dowladaha caalamku ay maalgashadaan, isla markaana uu usoo hoynayo guul aad u weyn.

Somaliland iyo Itoobiya ayaa Isniintii heshiis is-afgarad ku gaaray Addis Ababa, kaasi oo Somaliland ku beddelatay in Itoobiya ay Somaliland u aqoonsato dal madax-banaan.

Biixi ayaa saxiixa heshiiskaas ka sheegay in Somaliland ay siineyso Itoobiya dhul-badeed 20 km ah oo ay degaan ciidankooda badda, kaasi oo uu sheegay inuu yahay kiro.

Si kastaba, Heshiiska Addis Ababa ayaa la kulmay dhalleeceyn xooggan, maadaama uu yahay mid masiiri ah, oo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida Somalia.

Golaha Wasiirada oo maanta ansixiyay Axdiga QM ee…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ku ansixiyay Axdiga Qaramada Midoobay ee La-Dagaallanka Danbiyada Abaabulan iyo Habraacyada ku lifaaqan.

Axdigan oo ka koobanyahay 41 qodob ayaa muhiim u ah Soomaaliya, waxaana la saxiixay 2000, ayada oo ay xubno ka yimid 193 dal oo kamid dalalka ku yaalla caalamka.

Halkan hoose ka akhriso faahfaahina Axdiga oo dhammeystiran:-

Golaha Wasiirrada XJFS ayaa maanta ansixiyay Axdiga Qaramada Midoobay ee La-Dagaallanka Danbiyada Abaabulan iyo Habraacyada ku lifaaqan.

Axdigan waxaa la saxeexay sanadkii 2000 wuxuna dhaqangalay 2003., waxaana xubno saxeexayaal ka ah 193 dal. Dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay waxaa kali ah ee aan wali saxeexin 6 dal oo ay 3 jasiirado yihiin Saddexda kalana Soomaaliya, Koongo-Baraasafiil, iyo Iiraan.

Marka Golaha Shacabku ansixiyo, Madaxweynuhuna saxeexo Soomaaliya waxa ay ka mid noqon doontaa aqlabiyadda aduunka ee ku heshiisay la-Dagaallanka danbiyada abaabulan.

Axdigani oo loo yaqaanno UNTOC wuxuu ka koobanyahay 41 qodob, Waxaana weheliya saddex habraac (protocol). Hadafka axdigani waa la dagaallanka danbiyada abaabulan ee ka gudba soohdimaha, sida musuqmaasuqa, ka qeyb-qaadashada ururro danbiilayaal ah, carqaladaynta caddaaladda, lacag dhiqidda iyo danbiyo kale.

Waxaa kale oo uu abuurayaa qaab ay dalalka aduunku iskula wadagaan xogta danbiyadaas la xiriirta, ugana wadashaqeeyaan la dagaallankooda. Sida in la isku gudbiyo danbiilayaasha iyo eedaysanayaasha, in baaritaan wadajir ah la sameeyo iyo in la soo celin karo hanti si sharci darro ah dalka looga dhacay oo dalal kale lala tegay.

Maadaama aan nahay dal ka soo kabanaya colaado iyo caddaalad darro, dhisayana dowlad casri ah, caddaalad leh oo sharcigu sarreeyo waxa lamahuraan ah in aan horumarinno xeerarkeenna ka hortagaya, lana dagaallamaya danbiyada abaabulan. Si gaar ah dalkeennu wuxu la tacaalayaa danbiyo abaabulan oo ay ugu horreeyaan falalka argagixiso, lacag dhiqista iyo tahriibinta dadka iyo agabka.

Axdigan in aan ku biirno waxa ay caddayn u tahay heerka uu gaarsiisan yahay iyo inta ay naga go’antahay in sharcigu sarreeyo iyo sida Soomaaliya diyaar ugu tahay in ay dunida kala shaqayso la-dagaallanka danbiyada abaabulan, una kaashato khibradaha dalalka kale iyo haayadaha caalamiga ah ee aan xubinta ka nahay ka hortagga iyo la-dagaallanka danbiyada abaabulan ee dalkeenna lagula soo dhuuman karo.

Axdigani waxuuu noo suuragalinayaa in aan kobcino kartida haayadeheenna caddaaladeed, waxa kale oo uu keensanayaa in aan horumarinno xeerarkeenna khuseeya danbiyada ku xusan axdiga. Waxa ay Soomaaliya caddaynaysaa marka ay dhaqangeliso axdigan in ayna gabbaad u noqon doonin danbiilayaal, sidaas si lamid ahna waxa ay Soomaaliya awooddi doontaa in ay gacanta caddaaladda la gaaryo goob kasta oo loola baxsado hanti qarankan laga dhacay.

Ansixinta Axdigani waxa uu ku soo beegmay xilli ay Soomaaliya laga qaaday cunaqabteyntii hubka, taas oo xaqiijinteeda loo maray waddo dheer oo dejinta xeerar badani ka mid ahaayeen, astaanna u ahayd in adduunku dowladdeena uga marag kacay kartida ay u leedahay maamulka iyo xakamaynta hubka iyo hirgelinta sarraynta sharciga.

Ansixinta Axdigan iyo xeerarka kale ee aan unki doonno ayaan ku adkeynaynaa kalsoonidaas qarankeennu ka kasbaday adduunka, si aan u dhisno Soomaaliya ka caagan danbiyada abaabulan ee soohdimaha ka gudba una furan ganacsiga caalamka iyo horumarka.